Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah Soomaaliya ayaa caawa ku dhowaaqday inay si rasmi ah u fasaxday duulimaadyadii Kismaayo, kaddib markii todobaadkii hore ay xayiraad saartay. Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Aadan Isaaq Cali oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dowladdu fasaxday duulimaadyadii rayidka ahaa, kaddib codsi uga yimid shacabka reer Kismaayo, sida uu yiri. “Kaddib codsi uga yimid shacabka reer Kismaayo dowladda federaalka waxay fasaxday duulimaadyadii rayidka ah ee Kismaayo iyo Muqdisho” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta. Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in iminka ka dib ay duulimaadyada magaalada Kismaayo lamid noqon doonaan duulimaadyada kale ee ka hawlgala magaalooyinka kale ee dalka. Tani ayaa ku soo aadaya, xilli xildhibaano Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan ay maalmahihii la soo dhaafay ku xanibnaayeen magaalada Kismaayo. Hay’adda Duulista Hawada Somaliya ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay in si ku meel gaar ahi loo joojiyay duulimaadyadii taggi jiray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, muddo saddex maalmood ah. Si kastaba, waxaa weli qasab ah in duuliimaadyadii Kismaayo iyo magaalooyinka kale ee dalka iyo kuwii dibedda iyo Kismaayo ay soo maraan magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimadaive.com
  2. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar___Qubanaha-28092019.mp3 View the full article
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dalkeeda uu soo galay madaxii hore ee amniyaatka kooxda Al-Shabaab, Cabdiwaaxi Khaliif Cabdi oo loo yaqaan Ciise Tarabuun. Booliska dalka Kenya ayaa qoraal ay soo dhigeen bartooda twitter-ka ku sheegay in Ciise Tarabuun uu Kenya soo galay 24-kii September 2019. Si kastaba booliiska ma aysan shaacin sida Ciise Tarabuun uu dalkaas kusoo galay. Qoraalka booliska Kenya oo uu wehliyey sawirka Ciise Tarabuun ayaa dadweynaha Kenya looga codsaday inay saldhig boolis ee ugu horreeyey kusoo war-geliyaan haddii ay arkaan ama ay helaan akhbaar la xiriirta Ciise Tarabuun. The National Police Service wishes to inform Mr. Abdiwaahid Khalif Abdi alias Ise Tarabuun whose photograph appears below, a Somali national believed to have arrived in Kenya on September 24th 2019 to report to the nearest police station with immediate effect. 1/2 pic.twitter.com/asW6kcb9HA — National Police Service-Kenya (@NPSOfficial_KE) September 28, 2019 Waxaa yaab leh warka kasoo baxay Kenya oo su’aalo bdan dhalinaya, sababtoo ah Ciise Tarabuun waxaa markii ugu dambeysay lagu ogaa inuu ku jiray gacanta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya ayaa 19-kii June, 2017 shaaca ka qaaday in howlgal laga sameeyey qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha lagu soo qabtay Ciise Tarabuun oo xiligaas ahaa madaxii amniyaatka Al-Shabaab. Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa xiligaas sheegay in howlgalka lagu soo qabtay Ciise Tarabuun uu ahaa mid qorsheysan isla markaana uu yahay guul ay soo hooyeen ciidanka xasilinta caasimadda. Sidaas darteed, waxaa su’aal ka taagan tahay sida Ciise Tarabuun uu ku gaaray dalka Kenya, isaga oo ku jira gacanta dowladda. Ma ayada oo aan la shaacin ayaa la siiyey? Ma dowladda Kenya ayaa been sheegeysa oo Ciise Tarabuun dalkeeda soo ma gelin? Mise dowladda Soomaaliya ayaa markii hore been sheegtay oo ma aysan qabin Ciise Tarabuun? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Bileyska Kenya waxay ku war galinayaan Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi oo Kenya Soo galay 24 bishaan Septembar inuu Booliska ugu dhow la xiriiro. Lama shaacin meesha [...] Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online – Kooxda al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay beegsiga ay ku hayaan injineeradda u dhashay dalka Turkiga ee lagu wareejiyay dhismaha wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye. Guddoomiyaha hay’adda Turkisha ee Maarif, Birol Akgün ayaa sheegay in weeraradada lagu hayo injineeradda Turkiga uu qayb ka yahay beegsada ay Shabaabku ku hayaan hay’adaha iyo shirkadaha Turkiga ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya. Birol Akgün ayaa sheegay in Shabaabka ay doonayaan in la hakiyo dhismaha waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, si uusan u fududaanin isku socodka labadda magaalo. 12-kii May 2019, nawaaxiga isgoyska Taleex waxaa qarax lagula beegsaday injineer Turkish ah, iyadoo dhaawac darran oo qaraxaasi uu ka soo gaaray uu markii danbe ugu geeriyooday gudaha isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho. 18-kii bishan 2019, sidoo kale injineer kale oo Turkish ah oo saarnaa gaari Hilux ah ayaa lagu qarxiyay inta u dhaxeysa jaamacada Shabelle iyo Weydoow. Birol Akgün ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan marnaba ku guulesan doonin inay Turkish-ka ka hor-istaagaan caawinta iyo gacan siinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. (SLT-Buuhoodle)-Wasiirro Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Buuhoodle, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Ku Meel-gaadhka Ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo hadda ku sugan wadanka ingiriiska ayaa ka hadlay sababta uu uga maqan yahay shirka golaha dhexe ee xisbiga WADDANI oo maanta ka furmay magaaladda Burco, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Farmaajo And Col. Tuke Photographed Together The head of the federal government in Somalia, Mohamed Abdillahi Mohamed, Farmaajo, took a photo with convicted war criminal, Col.Yusuf Abdi Ali, “Tuke”. Colonel Tuke was found guilty of torture at a Virginia Court earlier this year and is facing deportation from the United States of America. The Colonel has previously been deported from Canada for lying in his asylum application. The photo was taken at a ceremony to open the new Somali embassy in Washington, DC. Ali Mohamed Abokor ruraledcomm@yahoo.co.uk Qaran News
  9. Muqdisho (SMN) – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday sharci-weyne caalami ah oo ka dhacaya Muqdisho. Kulankaasi oo ay kasoo qeybgeli doonan in ka badan 40-dowladood ayaa ka qabsoomaya magaala madaxda 1-da illaa iyo 2-da October. Wasiiru’dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Cabdullaahi Xaamud ayaa xusay in dowladda ay go’aansatay martigelinta shirka. Maalinta koowaad ayaa waxaa warbixino jeedin doona Wasaaradaha qaabilsan tubaha kala duwan ee horumarinta Qaranka. Mr Xaamuud ayaa hoosta ka xariiqay in maalinta labaad ay khudbado ka jeedin doonan madaxda dalka iyo kuwa maamul goboleedyadda. Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ka qeybgeli doona shirka, sidda uu ka dhawaajiyey Wasiiru dowlaha oo warbaahinta ka hadlay. Talaabadan ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya martigeliso shir caalami ah oo ay ka qeybgalayaan wadamo kala duwan oo aad u badan. View the full article
  10. Hargeysa (Caasimadda Online) – Cali Khaliif Galayr oo horey usoo qabtay xilal kala duwan oo ay ugu dambeysay xilkii madaxweynimo ee Maamulkii la magac baxay Khaatuma State ayaa ka dhawaajiyey inay Somaliland halis ugu jirto Kacdoon. Cali Khaliif ayaa hadalkaan ka sheegay shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani oo ahaa Furitaanka shirka Golaha dhexe oo ka furmay Hargeysa. Galeyr ayaa xusay inay Somaliland qarka u saaran tahay kacdoon Dhallinyaro isagoo sii raaciyey in haddii aan wax laga qaban la is waydiin doono halka uu ku dambeeyo Masiirka Somaliland sida uu hadalka u dhigay. Cali Khaliif ayaa yiri “Ma dooneyno Somaliland ay leedahay hal Reer balse waxaa u baahanahay Somaliland la wada leeyahay” . Wuxuu Maamulka Somaliland ku eedeeyey inaysan wax tixgelin ah siin dhallinyarada kasoo qallin jabiyo Jaamacadaha, wuxuuna sheegay inay taas keentay inay ku dhammaadaan Badda sida uu hadalka u dhigay. Cali Khaliif oo maalmihii dambe eedeyn u jeedinayey Maamulka Somaliland ayaa ka xumaaday inay Somaliland fullin weysay heshiiskii ay wada galeen Sanadkii 2017 markaas oo uu Cali ogolaaday inuu meesha ka saaro Maamulkii Khaatumo State. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-28092019.mp3 View the full article
  12. Somaliland: Waddani Conference Gets Under Way In Burco The Somaliland main opposition party, Waddani, began it’s central committee conference in Burco on Saturday September 28th, 2019. The conference which has been attended by delegates from across Somaliland, as well as, members from the diaspora follows the recent conference by UCID in Burco. The main topics of the conference is the preparation from future parliamentary and local elections. The prospective elections scheduled for December, 2019, have been postponed, once again. One of the main highlights of the first day was a speech by Dr. Ali Khalif Galaydh. In his speech, Dr. Ali Khalif stressed the need to engage with the communities in Sool and southern Togdheer with regard to inclusion and representation in future Somaliland parliaments. Also speaking on the first day, was the former Information minister and presidential adviser, Abdillahi Osman Geeljire. Abdillahi Geeljire was expelled from Kulmiye along with several other senior party members and declared his new membership of Waddani. The conference is also being attended by observer delegates from Somaliland’s two other political parties, Kulmiye and UCID. Qaran News
  13. New York (Caasimadda Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa inta badan Baraha Bulshada qabsaday dood ku aadan Sawir uu Madaxweyne Farmaajo la galay Yuusuf Cabdi Cali Tuke oo Maxkamad ku taalla Mareykanka ay ku eedeysay xasuuq dad Soomaaliyeed oo ku sugnaa Gibilay Somaliland xilligii Siyaad bare. Madaxweynaha ayaa Cambaareyn kala kulmay sawirkaas, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo bulshadda isticmaasha baraha bulshada ayaa Madaxweynaha aad ugu dhaliilay in maanta uu kiciyay dareenka Ehelada dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay gacanta maamulkii Milatariga. “Waxaan magaca umadda Soomaaliyeed raalli gelin uga siinayaa walaalaheen reer Somaliland oo Madaxweyne Farmaajo uu dib u damqiyey dareenkooda soona xasuusiyey maalmo murugo lahaa ka dib Markii uu sawir la soo galey shakhsi ku eedaysnaa dambiyo dagaal iyo xasuuq dad Soomaaliyeed” Xildhibaan Fiqi oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya. Xeerbeegti Maraykan ah ayaa dambi ku heshay Kornayl Yusuf Cabdi Cali oo ku magac-dheer Kornayl Tuke, isaoo la sheegay inuu jirdil gaystay xilligii uu socday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya Kornaylka ayaa maalmihii ugu dambeeyay taxi wade ka ahaa gobolka Virginia ee dalka Maraykank, ka hor intaan shaqadaas laga joojinin. Konrnayl Tuke ayaa waxaa dacwo ka gudbiyay Farxaan Taani Warfa, oo sheegay inuu jirdil iyo toogasho u gaystay Waxaa lagu xukumay inuu bixiyo magdhaw gaaraya 500,000 oo doollar. Haddaba waa Kuma Kornayl Tuke? Kornayl Tuke waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ciidankii qaranka Soomaaliya ee dowladii Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa, Kornaylka wuxuu kamid ahaa sarakiil tababar fiican kusoo qaatay dalka Maraykanka sida uu sheegay qareenkiisa Joseph Peter. Wuxuu dowladdii kacaanka ka ahaa taliyihii guutada shanaad ee milatariga Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa tacaddiyo ka dhan ah bani’aadanimada oo la sheegay in uu ka geystay goboladii waqooyi oo haatan la yirahdo Somaliland. Dhacdooyinka lagu eedeeyay ayaa la sheegay inay dhaceen sanadihii 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii, sida ku xusan warqadaha ninka dacwada gudbiyay. Kornaylkan Soomaaliyeed ayaa loo heystaa dil 30 sanno ka hor dad rayid ah oo loogu geystay Magaalada Gabilay. Horaantii buburkii Dolwaddii Kacaanka, Tuke wuxu kamid noqday saraakiil sar sare oo qoxootinimo isaga dhiibay wadamada reer galbeedka, gaar ahaan dalka Canada oo dowladda dalkaas ay muddo kadib ogaatay in loo haysto eedeymo la xariira gobood fallo. Kornaylka ayaa waxaa uu u wareegay wadanka Maraykanka, kadib markii warbaahinta CBC ee Canada ay baahisay barnaamij lagu soo bandhigay gabood falada loo haystay, waxaana qaabka uu ku tagay dalka Maraykanka ka danbaysay xaaskiisa oo Visa ama dal ku gal usoo dirtay markii ay heshay dhalashada Maraykanka sannadkii 2006. Xaaskiisa ayaa sidoo kale loo haystay ka been sheegidda qaabka ay ku tagtay Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska New York caasimada@live.com
  14. MOGADISHU (HOL) - The Federal Government has lifted the 24 hour travel restriction for flights heading to Kismayu. Source: Hiiraan Online
  15. New York (Caasimadda Online) – Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Imaaraadka Carabta ayaa Qaramada Midoobay kala hadlay xaaladda Siyaasadeed iyo midda amni ee Dalka Soomaaliya ku jiro. James Swan oo ah Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Imaaraadka Anwar Gargash. Wakaaladaha Wararka ee Dalka Imaaraadka Carabta ayaa faafiyey inay labada Mas’uul ka wada hadleen Amniga iyo Xasiloonida Soomaaliya. Anwar Gargash ayaa Mr. James u xaqiijiyey in Imaaraadka ay tixgelineyso muddo xilliyeedka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. James ayaa Bishii May loosoo magacaabay Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kadib markii ay Dowladda Soomaaliya Ceyrisay ergeygii hore ee Heysom kadib markii ay ku eedeysay inuu faragelin ku sameeyey Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah Dowladaha saameynta ku leh Soomaaliya, waxayna dhawr jeer faragelin ku sameysay Arrimaha Soomaaliya, iyadoo heshiisyo aysan Dowladda Dhexe ka warqabin la saxiixatay qaar ka tirsan Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maamulo qaar ka tirsan Dekaddaha iyo Garoomda Diyaaradaha ee Soomaaliya ku yaal iyadoo aysan jirin xiriir wanaagsan oo kala dhaxeeyo Dowladda Dhexe. Caasimada Online Xafiiska New York caasimada@live.com
  16. Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo has inaugurated new embassy building in Washington DC on Saturday. President Farmajo was accompanied by Minister for Foreign Affairs, Ahmed Isse Awad, Finance Minister, Abdirahman Duale Beyle, new US ambassador, Ali Sharif Ahmed and members of the Diaspora community in the states. The new building was purchased by the Somali government earlier before its refurbishment as a fully-fledged embassy. The head of state said the return of the diplomatic mission is key to cement relations with Washington which is strategical to the Federal government of Somalia. He called upon embassy officials to diligently serve the interest of Somali government and citizens interests in the US. The President also urged the Diaspora community to closely work with the new diplomatic mission in Washington to further his administration’s foreign policy. Somalia and the US enjoy close diplomatic relations rejuvenated by AFRICOM’s fight against armed group al-Shabaab. View the full article
  17. New York (Caasimadda Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa faahfaahin ka bixiyay Dhaqaallaha ku baxday dhismaha Safaarada cusub ee Dowladda Soomaaliya ay ku yeelatay Magaalada Washinton. Wasiirka waxaa uu sheegay lacag dhan Afar Milyan iyo Saddex boqol oo dollar in ay ku baxday dhismaha Safaaradda. Wasiirka ayaa sheegay in lacagta lagu iibiyey dhismaha laga bixiyey Miisaaniyadda xukuumadda Federaalka ah ee sanadkan 2019, gaar ahaan ku noqoshadda oo ay wasaaradu ku soo dartay. Dhismaha Safaaradda oo ay iibsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa horey u lahaa Colombia, waana dhismo ka kooban dhowr Dabaq oo ku yaalaa aagga ay ku xooggan yihiin Safaaradaha wadamada waaweyn ee Caalamka. Lacagtaan ayuu sheegay in Sanadyadii ugu dambeeyay dowladda Soomaaliya ay aruurin ugu jirtay,islamarkaana lacagta ay bixisay Wasaarada Maaliyadda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala dalka Maraykanka ayaa xalay xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda dalkeenna ee Washington. Madaxweynaha ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan oo noqonaya dhismihii Safaaradeed oo ugu horreeyey ee Dowladda Soomaaliyeed ay ku yeelato dalka Maraykanka ay muujinayso mudnaanta dowladdu ay siinayso soo celinta maaqaamka dalkeennu uu ka lahaa caalamka. Sida wararku sheegayaan, Qorshaha labaad ayaa noqonayaa in dhismeyaal loo iibiyo midkood howlgalada diblumaasiyadeed ee Koonfur Afrika iyo sidoo kale Kenya. Caasimada Online Xafiiska New York caasimada@live.com
  18. (SLT-Hargeysa)-Golaha Guurtida Somaliland Oo Soo Jeediyay In Caasimada Laga Raro Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Magaalada Dubai kulan kula yeeshay Ganacsato, kuwaasi oo la sheegay inay doonayaan inay Maalgashi ku samaystaan Somaliland. Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed u qornaa sidan “Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu wehelinayo wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta, Amb. Muniir Cabdillaahi Abusite welina ku sugan Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa maalin-nimadii shalay ee jimcihii (27-09-2019) waxa Hotelka uu ka degan yahay Dubai ku soo booqday ganacsato waa weyn oo danaynaya inay maalgashadaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankan Madaxweyne ku-xigeenku uu la qaatay ganacsatada ku soo booqatay hotelka uu degan yahay ayaa ujeedkiisu daaranaa sidii ay qayb uga noqon lahayaeen horumarka ballaadhan ee ka socda Dalka Somaliland gaar ahaan dhinaca maalgelinta iyo horumairnta dhaqaalaha dhan walba la xidhiidha. Waxaanay ganacsatadaasi u soo bandhigeen Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland inay danaynayaan inay maalgelin ku sameeyaan dhinaca Beeraha, Dalxiiska, wershadaha iyo inay ka sameeyaan gudaha dalka Hotello waa weyn oo casri ah, maaddaama ay Somaliland noqotay meel maanta caalamku isha ku hayo oo uu danaynayo una tartamayaan ganacsatada waa weyn iyo dawladaha Adduunku. Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmana Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ganacsatada uga mahadnaqay sida ay u danaynayaan Dalka Somaliland inay maalgelin ku sameeyaan ayaa ugu horayn ku marti-qaaday ganacsatadaasi inay dalka yimaaddaan oo ay soo indho indheeyaan horumarka iyo dedaallada maalgelineed ee ka jira dalka Jmahuuriyadda Somaliland, soona arkaan xeebaha dalka gaar ahaan Marsada Berbera oo iyadu wakhtigan hoggaanka u haysa horumarka ka socda dalka, lehna garoon diyaaradeed oo hadda uun farta laga qaaday ahna ka Afrika ugu weyn wakhtigan, loona isticmaali karo nooc kasta oo diyaarado ah Afrika inteeda kalena looga faa’iidayn karo dhinaca ganacsiga kaarkooga. Gebegabadii kulankaasi waxa uu ku soo dhamaaday isfahan iyo xidhiidh wanaagsan oo dhexmara ganacsatadaa caalamiga ah iyo Jamhuuriyadda Somaliland..” Source
  20. Kampala (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa kamid noqotay xubnaha ka qeyb galaya shir ka furmay caasimada dalka Uganda ee Kampala, kaasi oo ay isugu imaadan ‘Baarlamaanka dalalka barwaaqo sooranka’. Shirkan ayaa waxa sanad walba ka soo qeyb-gala dalalka Barwaaqo sooranka oo ay sanadkan kamid noqonayso xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi. Shirka dalalka barwaaqo sooranka ayaa waxa Somaliland ku matalayey, isla markaana wafdigeeda hogaaminayey Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha wakiilada Somaliland, Axmed Yaasiin. Waxa sidoo kale kamid ahaa wafdigaasi Somaliland, Guddoomiyaha arrimaha dibeda ee golaha wakiilada, Axmed Nuur Kijaandhe, Xoghayaha guud ee golaha, C/risaaq Siciid Ayaanle iyo Xildhibaan Maxamed Waabeeye. Wafdigaasi Somaliland uga qayb-galayey shirkaasi, ayaa waxa ku marti-qaaday Madaxweynaha dalka Uganda, Yuweri Musefeni, isagoona casuumad balaadhan u sameyay madaxda ka socday dalalkaasi barwaaqo sooranka ee ka qeyb-galayey shirkaasi baarlamaanka Barwaaqo sooranka. Waxa sidoo kale xusid mudan in Wafdigan Somaliland ku matalayey shirkan, ay kulan la yeesheen maalintii Arbacadii Wasiirka arrimaha dibad Uganda, Sam Kuteesa, iyagoona kala hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac. Shirkan ka furmay caasimada dalka Uganda ee Kampala, ayaa waxa uu noqonaya shirkii 64-aad ee ay yeeshaan Baarlamaanada dalalka barwaaqo sooranka, iyadoona ay noqoneyso markii koowaad ee dalka Ugand marti-galiyo shirkaasi muddo laga joogo 52-sano. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  21. Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Goboleedka HirShabeelle MD Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu Hogaaminayay oo Gaaray Degmada Cadale ayaa Xarigga ka Jaray Mashaariic Horumarineed oo Laga Hirgaliyay Degmo Xeebeedka Cadale. Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlada HirShabelle Md Ali Gudlaawe Hussein oo Socdaalkiisa uu ku Tagay Degmada Cadale ay Isugu Soo Baxeen Soo Dhoweyntiisa Boqolaal Dadweynaha Reer Cadale. Soo Dhoweynta Kadib Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa Xariga ka Jaray Sagaal (9) Mashruuc oo Qeyb ka ah Horumarinta Degmada Waxayna kala Yihiin. 1-Dhismaha Xarunta Degmada. 2-Dhismaha Guriga Martida 3-Dhismaha Guriga Hooyooyinka 4-Dhismaha Dugsiga H/Dhexe iyo Sare ee Sheikh Axmed Gabyow 5-Dhisida kawaanka Xoolaha 6- Dhisida Kawaanka Malayga 7-Dhisida Suuqa Khudaarta 8- Garoonka K/Koleyga 9- Taalada Nabada ee Sh Axmed Gabyow. Sidoo kale Waxa uu Dhagax Dhigay Dhismayaal Caalami ah oo Loo Sameynayo Saldhiga Booliska Degmada iyo Maxkamada Degmada Cadal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Ilwad Elman oo aas aasaha hay’adda u dooda xuquuqda nabada iyo xuquuqul insaanka ee Elman, ayaa loo soo xulay abaalmarinta Nabadda ee Nobel, sida uu sheegay machadka daraasaadka Nabadda ee Oslo. Elman ayaa ka shaqeysa badbaadinta dhalinyarada ragga iyo dumarka ah, si looga hortago ku biiristooda kooxaha hubaysan iyo dhaqancelinta kuwa kasoo laabta ururada xagjiriinta. ” Waa ii sharaf inaan u sharaxanahay Nobel Peace Prize,” ayay Elman kusoo qortay boggeeda rasmiga ah ee Twitter. Ilwad Elman, Nathan Law Kwun-chung oo kasoo jeeda Hong Kong iyo Hajer Sharief oo kasoo jeedda Libya, ayaa kamid ah dadka ugu sareeya liiska musharixiinta Nobel Peace Prize ee sannadkaan 2019. Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo Greta Thunberg oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha cimilada, ayaa liiskaan kasoo muuqan waayay, iyagoo markii hore safka hore kaga jiray 301 qof oo loosoo magacaabay abaalmarinta bilada nabada aduunka ee Nobel Peace Prize ee la bixindoono bisha soo socota. Maalmo ka hor Madaxweyne Trump ayaa caddeeyey inuu heli doono abaalmarinta Nobel haddii si caddaalad ah lagu bixinayo. “Waxaan u maleynayaa inaan ku heli doono abaalmarinta Nobel waxyaabo badan haddii ay si caddaalad ah u bixiyaan, oo aysan iyagu haysan,” ayuu Trump u sheegay weriyeyaasha . llwad Elman From Somalia, ka hortagga askaraynta carruurta iyo dhaqan celinta Nathan Law Kwun-chung oo u dhaqdhaqaaq dimuqraadiyadda Hajer Sharief From Libya, oo u dhaqdhaqaaqda dhalinyarada iyo haweenka. Puntland Post The post Gabadh Somali ah oo kamid noqotay 3 qof oo u sharaxan bilada Nobel Peace Prize appeared first on Puntland Post.