-
Content Count
215,071 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana dhawaan sheegtay in loo doortay Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu wadaa in uu dhawaan qaato heshiis uu la galayo Axmed Madoobe. Caasimada Online ayaa ogaatay in Cabdirashiid Xidig wadahadal mira dhal ah ku soo dhamaaday uu la qaatay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ka hor inta uusan ka bixin Kismaayo. Madaxweyne Deni ayaa Xildhibaan Cabdirashiid Xidig kala hadlay in uu ka tanaasulo sheegashada Madaxweynaha Jubbaland islamarkaana Madaxweyne Deni uu xalin doono dhammaan tabashooyinka uu qabo Xidig. Xidig ayaa loo balan qaaday Lacag, soo laabashada kursigiisa iyo in xubno wasiiro ah laga siin doono Golaha Wasiirada Jubbaland, sidoo kalane mudnaan iyo tixgelin laga siin doono arimaha Jubbaland. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in 3 qodob ay sabab u noqon doonaan tanaasulka Xildhibaan Xidig sida aan ka soo xiganay xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo wadahadalka qayb ka ahaa. Lacag, xilal laga siinayo golaha wasiirada iyo soo laabashada kursigiisa ayaa la sheegay in ay sabab u noqon doonto tanaasuka Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig. Qodobka 2-aad ee sababta unoqon kara in uu tanaasulo Xidig ayaa lagu sheegay in uu furmay Kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka taasina ay sababi doonto in uu tanaasilo ama uu iska casilo kursiga Xildhibaano maadaama uusan soo xaadiri karin fadhiyada Baarlamaanka, sidoo kalane uusan ka maqnaan karin isagoo dalka ku sugan fasaxna aan heysan. Iyo qodobka 3aad ah in hadii ay dhacdo doorasho ay wadato Xukuumadda uusan soo bixi doonin Xidig balse ay xaqiiqo tahay in uu soo bixi doono Musharaxa Xukuumadda oo loo badaniyo Wasiir Oomaar taasina ay sababi doonto in ay kursigooda waayeen Xildhibaano badan uu isaga ugu horreeyo. Wafdiga Madaxweyne Deni ayaa Caasimada Online u sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan dhameynta Khilaafka Jubbaland gudaheeda ka jira balse waxay qireen in ay jirto faragelin ay ku heyso Xukuumadda Soomaaliya islamarkaana siyaasiinta qaar ay Xukuumadda ka dalbaneyso in aysan tanaasulin. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Over 20 Somali-based insurgent group al-Shabaab militants were killed and several weapons seized after Somali National Army (SNA) conducted a military operation in central region of Hiran, officials said on Saturday. Mohamed Nuur Agajoof, Jalalaqsi town mayor, told media that the military operation was carried out between Jalalaqsi and Bula Barde towns in Hiran region, killing over 20 al-Shabaab militants. ”We have killed over 20 al-Shabaab members during the operation and we also seized 18 guns and ammunition from al-Shabaab,” Agajoof said. The operation comes after the group attacked our bases several times and we will continue the military operation against the militant group, he added. The operation comes days after Hirshabelle State President Mohamed Abdi Ware called on the central government to support his administration in the fight against the al-Shabaab. On Oct. 07, an operation took place at the vicinity of Abdalla Birole, located some 55 kilometers (34 miles) from the port city of Kismayo, killing over 20 al-Shabaab militants. Source: Anadolu Agency
-
Somali Journalists Syndicate (SJS) calls for authorities at the Somali Federal Parliament (People’s House) to immediately restore access of the independent media and journalists to the People’s House and allocate space for journalists during ongoing parliamentary debates. Almost all parliamentary journalists working for independent media were on Saturday 19 October affected after they were denied access due to what officials at the Parliament described as limited space at the Parliament’s offices at Villa Hargeisa in Mogadishu. The new move restricts all independent media from covering the People’s House in unknown period of time. Journalists who were due to report from Saturday’s Parliamentary Debate have told SJS that they have been denied access into the Parliament by officials at the People’s House forcing journalists to leave without reporting. “When we have arrived at the gate, officials told us that representatives from independent media will not get access due to lack of space but those from state-media were allowed in,” Universal TV parliamentary reporter and member of SJS, Mohamed Abdinasir Ayanle said. Press officers at the People’s House told SJS that the decision to restrict independent media was made last week due to the proposed construction of the main Parliament Building. SJS vehemently opposes any restrictions against the independent media and journalists covering the Somali Federal Parliament. The People’s House is the core branch of the country’s legislative organ and only through the independent media will the public know about what legislations are being processed especially in this critical time ahead of next year’s general elections. “Somalia’s whole democratic process will be undermined if journalists and independent media are not allowed to cover all proceedings of the important political events including to Parliamentary debates and to properly scrutinize the elected representatives,” Abdalle Ahmed Mumin, the Secretary General of Somali Journalists Syndicate (SJS) said “We call authorities at the People’s House to immediately restore access for the independent media to the Parliament.” “It is an international standard that journalists should be given maximum access to parliaments in order to report from the legislative process and the work of the elected representatives. Somalia should not be an exempt.” adds Mr. Mumin.
-
(SLT-Washington)-Wargeyska Indian Newsletter ayaa qoray warbixin ku saabsan qorsho ay Dowladda Mareykanka ku dooneyso inay isku xidho Saldhigyada ay ku leedahay dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti. U.S. Army Brigadier General William Zana (L), Deputy Commanding General for the Combined Joint Task Force – Horn of Africa, greets U.S. Secretary of State Rex Tillerson as he arrives for a briefing on Yemen at Camp Lemonnier, Djibouti, on March 9, 2018. Washington’s top diplomat began his first Africa tour Thursday by meeting with the African Union chief, who said the continent had moved on from a reported insult by President Donald Trump. / AFP PHOTO / POOL / JONATHAN ERNST (Photo credit should read JONATHAN ERNST/AFP/Getty Images) Warbixinta uu qoray Wargeyska ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay isku xidheyso labada saldhig iyadoo taas loo marayo dhinaca Internetka. Wargeyska ayaa sheegay in Mashruucaan la iskugu xidhayo saldhigyada Balli Doogle iyo Camp Lemonnier ee Soomaaliya iyo Jabuuti la siiyey shirkad isgaadhsiineed oo laga leeyahay dalka dibadiisa. Warbixintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli Bishii January uu qoray Wargeyska Foreign Policy oo laga leeyahay dalka Mareykanka inuu Mareykanka qorsheenayo sidii loo sameyn lahaa jid dhinaca dhulka ah oo isku xidha labada Saldhig oo muhiim u ah howlaheeda Geeska Africa. Source
-
Moscow (Caasimada Online) – Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Uhuru Kenyatta ayaa waxaa toddobaadka soo socdo la fillayaa in ay isu arkaan magaalada Sochi ee dalka Ruushka. Labada Madaxweyne ayaa waxay casuumaad ka helayn dhigooda Ruushka, Vladimir Putin, waxaana lagu wadaa in Magaalada Sochi kaga qaybgalaan shirka 1aad, ee ay yeelanayan Madaxweyne-yaasha Ruushka iyo kuwa Afrika. Xukuumadda Moscow ayaa waxay shirkan ku soo casuumtay in ka badan konton hoggaamiye-yaal reer Afrika ah. Shirka ay yeelanayan Madaxda Afrika iyo Madaweynaha Ruushka ayaa saddex iyo labaatanka bishan ka furmaya Magaalada Sochi, iyadoo uuna socon doono muddo laba maalmood. Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa toddobaadka soo socdo lagu wadaa in ay ka amba baxaan Magaalada Muqdisho, iyagoo kaga sii gudbaya Magaalada Sochi oo dalxiiska caan ku ah. Inta shirka uu ka socdo Magaalada Sochi ayay Madaxda galaangal u yeelan doontaa kulamo ay si gaar gaar ah isugu arkayan. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxda Soomaaliya iyo Kenya ay markale fursad u heli doonaan in ay kulmaan, balse ma cadda, cidda markaan kulan siin doonta. Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sisi oo ka qaybgalaya shirka Sochi ayaa ahaa midkii labada dhinac suurta-geliyay inay kulmaan bishii hore ee September, kaasi oo ka dhacay Magaalada New York ee cariga Mareykanka. Xiriirka Madaxda Somaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ahaa mid aan wanaagsanayn, ka dib markii habdhaqanka guracan ee Kenya uu ka careysiiyay Madaxda Qaranka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Golaha shacabka ayaa maanta cusbooneysiiyey kalfadhigooda 6aad, iyaga oo ku kulmay aqal cusub oo dalka Turkiga uga hirgeliyey gudaha Villa Somalia. Arrintan ayaa timid kadib markii uu furay madaxweynaha 9kii bishan. Saxaafadda ayaa loo diiday kulanka, dhammaan weriyeyaashii tagay goobta ayaa dibadda loo saaray, loona sheegay in aaney tabin karin wararka golaha shacabka. Weriyaha Goobjoog News ee baarlamaanka ayaa soo sheegay in meeshu ciriiri tahay, bisha soo socota ay soo iibsan doonaan qalab duubis ah, loona soo diri doono warbaahinta. Wadahadal ay dhinac badan galeen ayaa lagu guul-dareystay, waxaa ayna maamulka golaha shacabka ku adkeysanayaan in ilaa dhowr hey’adood keliya loo ogolaado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil saacadihii la soo dhaafay labo Qof oo dhinyaro ahaa loogu geystay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Illaa labo dhalinyaro ahaa ayaa la sheegay inay toogasho ku dileen dagaalyahannada Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa duleedka degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dhalinyarada la dilay ay wateen Mootada nooca loo yaqaano Fekonta. Lama oga sababta ay dhalinyaradaasi u dileen Al-Shabaab, mana jiro war ay ka soo sareen dhacdadaasi. Al-Shabaab oo weli ku xoogan Shabeelaha Hoose ayaa inta badan weeraro qorsheysan ka fuliya gudaha gobolkaasi. View the full article
-
Wasiirka Caddaalada Puntland Cawil Sheikh Xaamud Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha diinta ee dowladda Puntland, Cawil Sheikh Xaamid, ayaa ugu baaqay culimadu inay faraha kala baxaan arrimaha siyaasada, oo ay dowladda uga dambeeyaan. Wasiirka ayaa isugu yeeray culimada qeybahooda kala duwan, wuxuuna u sheegay inay dowladda aad uga xun tahay in culimada masaajida uga hadlaan arrimo ku saabsan safarkii Kismaayo. Cawil Sheikh Xaamid, ayaa uga digay in loo adeegsado dano siyaasadeed oo lagu majara habaabinayo midnimada Puntland ayna doorkooda ku aadan ka shaqeynta nabad gelyada shacabka. Warbaahinta Puntland Post oo la xiriirtay qaar kamid ah culimada, ayaa u sheegay, in culimada garawshiyo ka bixiyeen hadalka dowladda dhifsatay ee lagasii daayay mid kamida masaajida Garowe. Waxay sheegeen in ay mar walba u taagan yihiin midnimada iyo nabadgalyada Bulshada ayna kasoo horjeedaan wax kasta oo dhibaato ku ah wadajirka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. In culimada ka hadlaan siyaasada ma ahan wax hadda cusub, laakiin ka hadlida mowduucaan ku saabsan arrimaha Kismaayo, ayaa waayahaan dambe dowladdu u arkaysay cidii ka hadasha in laga dhex hadlayo. PUNTLAND POST The post Maxaa dhexmaray wasiirka cadaaladda Puntland iyo culimada? appeared first on Puntland Post.
-
Saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa baaritaano dheeraad ah ku haya shirkado ganacsi oo ku yaalla gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Shirkadahan oo lagu kala magacaabo Camel Forex iyo Kulan Investment ayaa saacadihii la soo dhaafay ciidamada ammaanku ay albaabada isugu dhufteen. Camel Forex iyo Kulan Investment ayaa ah laba shirkadood oo qaab Online looga sarifto lacagaha qalaad. Wararka ayaa sheegaya in sababta loo xiray shirkadahaasi iyo baaritaanka lagu hayo uu salka ku hayo inay dhaqaalo ka helaan Al-Shabaab. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/aa.mp3 View the full article
-
Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta shaaca ka caaday in xabsiga la dhigay ciidamadii ku sugnaa Koontaroolikii habeenimadii xalay lagu rasaaseeyay gaari uu watay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Komandooska ee xoogga dalka oo ahaa Maadeey Suleebaan, kaas oo lagu rasaaseeyay koontaroolka ku yaala nawaaxiga Ex Baar Shabeelle, taas oo keentay inuu sargaalkii uu u geeriyoodo dhawaac ka soo gaaray rasaastaasi. Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen oo war quraal ah soo dhigtay barteeda Twitter ka ayaa sheegtay in ciidamadii ku sugnaa Koontaroolkii lagu dilay sarkaalka ciidanka xoogga la xiray, ciidanka Boolikana ay wadaan baaritaanno la xiriira sababtii ka danbeeysay in la rasaaseeyo gaariga taliyaha. Sidoo kale Sarkaalkaan lagu dilay israsaaseenta ka dhacday Koonntaroolka Hotel Naaso Hablood laba waxaana soo baxaayey warar kala duwan asbaabta dhalisay in ciidanka ay mar qura rasaas ku fururaan gaariga uu watay sargaalka. Dhinaca kale, Maadeey Suleebaan waxaa uu ka tirsanaa ciidamada Komaandoosta isaga oo ahaa taliyihii ururka Gorgor ee dhawaan howlgalka kula wareegay deegaanna dhowr ah oo dhaca gobalka Shabeellaha hoose gaar ahaa Owdhiigle waxaana tabarro dhowr ah uu ku soo qaatay dalka dibaddiisa. Dhacdooyinka la xariira is rasaaseenta dhex marta ciidama iyo kala shakiga ilaalada Hotteelada ayaa ka dhacda magaalada Muqdisho ayadoo klaa shakigaas ciidamada rasaasta ay isweydaar sadaan ay ku geeriyoodaan dad isugu jira mas’uuliyiin iyo shacabba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxamadu Buhari: Maxaa ka jira in madaxwaynaha Nigeria uu xaas labaad guursaday? Aisha Buhari iyo segeeda Buhari Qoyska madaxwaynaha dalka Nigeria waxaa hareeyay sheeko isa soo taraysa oo u eg kuwii lagu jili jiray aflaanta Nigeria ee Nollywood. Waa sheeko ku saabsan in madaxwaynaha uu xaas labaad guursaday taasi wasiir ka ah dowladdiisa. Arrintan waxaa lagu baahiyay baraha bulshada waxaana si wayn looga hadal hayay dalka Nigeria. Muxuu ahaa arooska la hadal hayo? Arooskan la isla dhex marayay baraha bulshada waxaa lagu sheegay in madaxwayne Buhari uu guursaday Sadiya Faruuq oo ka mid ah golaha wasiirada. Waxaan ognahay in xaaska madaxweynaha Nigeria ay tahay Caa’isha Buhari. Si toos ah ugama aysan halin, balse waxyar oo shaki abuuray ayay sheegtay. Sidoo kale Ms Faruuq kama aysan hadlin guurka la sheegay in u dhacay. Warkani ayaa si sahlan loo oran kari lahaa waa been buur, balse hadalka ka soo yeeray xaaska madaxweynaha ayaa shaki dhaliyay. Maxay tiri Caa’isha Buhari? Caisha Buhari Waxay dalka dibadiisa ku maqnayd labadii bilood ee ugu dambeysay. Waxay sidoo kale ku hakatay dalka Britain oo baritaan caafimaad loogu samaynayay. Dad badan oo la socday arrintan waxay soo noqosheheedii sabtidii u arkaan in ay tahay calaamad muujineysa in ay “difaacaneyso gurigeeda”. Jawaabtii ay bixisay markii ay garoonka ka soo degtay ee ku saabsaneyd arooska labaad ayaa shaki abuurtay, balse kalama aysan cadeyn in arrintan ay been abuur tahay iyo in kale. Wareysi ay la yeelatay BBC laanta Hausa,ayay marwada koowaad ee dalka Nigeria ku sheegtay in uu jiray qorshe uu Buhari ku guursanayo xaas labaad, taasi oo “u muuqata in ay tahay ballan guur oo ay horey u galeen”. Caa’isha Buhari oo ku hadlaysay afka Hausa-ha, islamarkana ka fiirsanaysay erayada afkeeda ka soo baxayay, ma aysan xusin magac “xaaska kale” ee madaxweynaha uu guursanayo. Balse waxaa wareysigaas laga fahmi karaa in ay ula jeedo in ay ka carootay in Sadiya Faruuq aysan si cad u beenin warka sheegaya in ay “is guursadeen” madaxweyne buhaari. Sadiya Farouq Waa tuma Sadiya Faruuq? Waa 45 jir ka mid ah wasiirada, waana haweeneyda ugu da’da yar golaha Maxamadu Buhari uu soo dhistay. Waxay imika haysaa wasaarad dhawaan la abuuray ee arrimaha bina’aadanimada iyo maareynta musiibooyiinka. Wax badan lagama oga waxyaabihii ay qaban jirtay ka hor inta uusan wasiir u magacabin madaxweyne Buhari, bishii August. Ma jiraa aroos dhacay? Maya oo waxaa lagu waday in arooska uu dhaco jimcihii aanu soo dhaafnay oo ay taariikhdu ku beegnayd 11 October, balse qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa muujinaya in Sadiya Faruuq ay ku sugnayd khamiistii magaalada Geneva. Waxay hogaaminaysay wafdi ka socday Nigeria oo halkaasi kula kulmayay madaxda hay’ada qaxootiga aduunka. Waxay Nigeria dib ugu soo laabatay Talaadadii sida ku xusan qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka. Qaran News
-
Maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgal ay ciidanka Xoogga Dalku ay ka sameeyeen wadada u dhaxeysa Buulo Burde iyo Jalalaqsi ay ku dileen 20 ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan Maxamed Nuur Cagajoof ayaa sheegay in wadadda loo galay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo saarnaa gaari Caasi ah, halkaana lagu laayay dhamaantood, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale guddoomiyaha waxaa uu sheegay in dagaalyahannadaasi ay ka soo furteen 18 qoryo iyo rasaas, waxaana uu intaa ku daray inay warbaahinta u soo bandhigi doonaan. Ugu dambeyn Cagajoof ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Guddi Ka Koob 6 Wasiir, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Wariyeyaasha madaxa banaan ee ka howlgala magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa soo tabiya wararka golaha shacabka. ayaa loo diiday kulamada golahaasi. Kulankii ugu horreeyey ee Kalfadhiga lixaad ee golaha shacabka oo maanta furmay ayaa Wariyeyaasha laga hor istaagay inay ka qeyb galaan, si ay uga soo warramaan halkaasi. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka, Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudey oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ku wargeliyey in hadda kadib aan loo ogolaan doonin in ay warar ka soo tabiyaan xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho. Wariyeyaasha ayaana intaasi kadib dib u soo laabtay xarunta Villa Hargeysa oo uu maanta ka dhacay kulanka xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Qaar ka mid ah Wariyeyaasha magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhacdadaasi iyo sababta keentay in laga hor istaago kulamada baarlamaanka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/www-2.mp3 View the full article
-
Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in askar badan loo xiray shaqaaqadii lagu dilay taliyihii ciidanka Gorgor ee Kumaandooska Soomaaliya. Qoraal ay taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Zakiyo xuseen soo dhigtay bateerda Twitter-ka ayey ku sheegtay in dhammaan gacanta lagu dhigay askartii ka dambeysay dilka Taliyihii ciidanka Gorgor ee dowladda Soomaaliya. Sidoo kale Zakiya ayaa sheegtay in haatan ay baaritaano dheeraad ku socdaan ciidamadaasi. Taliyaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Saleebaan, waxaana uu ahaa sarkaalkii hoggaaminayey howgalkii lagu qabtay degmada Awdheegle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-19102019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wargeyska Indian Newsletter ayaa qoray warbixin ku saabsan qorsho ay Dowladda Mareykanka ku dooneyso inay isku xirto Saldhigyada ay ku leedahay Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti. Warbixinta uu qoray Wargeyska ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay isku xireyso labada saldhig iyadoo taas loo marayo dhinaca Internetka. Wargeyska ayaa sheegay in Mashruucaan la iskugu xirayo saldhigyada Balli Doogle iyo Camp Lemonnier ee Soomaaliya iyo Jabuuti la siiyey shirkad isgaarsiineed oo laga leeyahay dalka Dibadiisa. Warbixintaan ayaa kusoo aadeyso xilli Bishii January uu qoray Wargeyska Foreign Policy oo laga leeyahay dalka Mareykanka inuu Mareykanka qorsheenayo sidii loo sameyn lahaa jid dhinaca dhulka ah oo isku xira labada Saldhig oo muhiim u ah howlaheeda Geeska Africa. Dowladda Mareykanka ayaa dhismaha Saldhigga Balli doogle u qorsheysay in lagu dhiso adduun lacageed oo gaarayo ilaa 12 Malyan oo Dollar ah. Dhismaha Garoonka Balli doogle ee Soomaaliya ayaa kusoo aadayo xilli Dowladda Mareykanka ay dhawaan sheegtay inay Soomaaliya usoo direyso 450 Askari oo qeyb ka noqon doono howlgalka ay wado Soomaaliya. Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan weerar ku bilowday is qarxin ku qaaday Saldhigga Dowladda Mareykanka ee Balli Doogle inkastoo uu weerarkaas noqday mid fashilmay kadib markii Ciidamada Dowladda ay iska caabin xoog leh sameeyeen. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inuusan weerarkaas wax saameyn ah ku yeelan doonin howlgalada Saldhigga Balli Doogle ka socdo , waxayna Ciidamada Dowladda uga mahadcelisay sida ay isaga difaaceen weerarkaas sida weyn loosoo qorsheeyey. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland, Maxamuud Xasan Aw- Cismaan ayaa ka hadlay xariga weriye Axmed Sheikh Maxamed Tallman, oo ah agaasimihii hore ee Radio Daljir. Tallmaan ayaa saakay loo dhaadhiciyay xabsiga dhexe ee magaalada Garowe, labo maalin kahor markii ciidamada amnigu soo xireen. Xeer ilaaliyaha oo maanta saxaafada kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay Axmed Tallmaan in loo haysto dambiyo uu ka galay laamaha ammaanka Puntland, isagoo ku eedeeyay inuu si cad ugu xad gudbay sharciga. Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay inay soo gabgaboobay baaristii kiiska loo haysay Tallman, islamarkaana guddiga gacanta ku haya baaristaan kiiskaan ay codsadeen in lasoo xiro Tallman. Maalinta isniinta ah ayaa maxkamada la horkeenidoonaa weriye Tallman, si loo dhegaysto dambiyada lagusoo eedeeyay. Saraakil ka socday xafiiska xuquuqul insaanka Puntland, ayaa xabsiga ku booqday weriyaha si ay hubiyaan inuu weriyuhu helay xaquuqdiisa dastuuriga sida qareen difaaca. HALKAAN KA DAAWo XEER ILAALIYAHA. PUNTLAND POST The post Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland oo ka hadlay xariga weriye Axmed Tallman appeared first on Puntland Post.
