Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,044
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Waarar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Miino oo saaka mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle lagula eegtay gobolka Sh/Dhexe. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Golole, xilli ay marayeen golonyo gaadiid ah oo ay la socdeen mas’uuliyiintaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhinteen guddoomiye ku xigeenkii Maaliyadda ee gobolka Shabeelaha Dhexe, Cabdulllaahi Shitaawe, wasiirkii hore ee wasaaradda Ganacsiga Hirshabelle, Sabriye Cusmaan iyo nin lagu magacaabayey Xasan Baldoos, kaas oo la shaqeynayey mid ka mid ah hay’adaha Samafalka ee gobolkaasi. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda maamulka HirShabelle oo ku aadan qaraxaasi oo ku aadaya, xilli maalmihii dambe amni darri ay ka jirtay waddadaasi. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online)- Diyaar garoowga doorashada madaxtinimada Galmudug ayaa socota iyadoo ilaa hada ay labo musharax ku dhawaaqeen iney u taaganyihiin xilka madaxweynaha Galmudug ee afarta sanno ee soo socota. Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Cabdiraxmaan Odawaa ayaa ilaa hada isu taagay xilkaas. Labadda nin ayaa loo arkaa in mid uu yahay musharaxa mucaaradka ,midna uu heysto taageeradda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Magaalooyinka Galmudug qaarkood ayaa durba u muuqda iney musharax gaar ah taageersanyihiin. Xildhibaanadda labada Aqal ee Dowladda Federaalka ah ku matala Degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud ayaa si buuxda u garab istaagay musharax Qoor Qoor. Caasimada Online ayaa la xiriirtay Senator Yuusuf Geelle Ugaas oo 15kii sanno ee lasoo dhaafay ka mid ahaa xildhibaanada jaangooya siyaasadda Soomaaliya, kaas oo kasoo jeedda degmada Ceelbuur, waxaana weydiinay waxa sababay in xildhibaanada Ceelbuur ay dhamaantood hal musharax isugu tagaan, wuxuuna ku jawaabay. “Waqti badan ayaan Galmudug galinay, waxaan muddo dheer raadineynay Galmudug isku filan, waad ogtihiin afartii sanno ee lasoo dhaafay sida uu xaalku ahaa, ma jirto hal magaalo oo adeeg bulsho heshay iyo hal magaalo oo laga saaray Al Shabaab, waxaas oo dhan waxaa sabab u ahaa in la waayay garab istaagii Dowladda Dhexe, madaama uu khilaaf jiray. Xaqiiqdii arrintaas walaac badan ayey nagu abuurtay ayuu yiri Senator Yuusuf Geelle. “Waa la socotaan awoodda Al Shabaab ku lee yihiin Dhuusamareeb ilaa Ceelbuur, Ceelbuur ilaa Galhareeri, Galhareeri ilaa Ceeldheer. Dadkaas mudo dheer ma aaney arag wax nidaam dowladeed ah, waxaa adkaatay in xitaa gar-gaar la gaarsiiyo. Waxaan dhowr jeer Dowladda kala hadalnay in dhulkaas la xoreeyo waana naga aqbashay waxaana la sugaya doorashada madaxweynaha Galmudug. Sidoo kale waad aragtaan dib u heshiisiinta ka socota Galmudug, rajadda laga qabo dhismaha Dekadda Hobyo iyo ciidamada la isku dhafay ee mushaarka loo bilaabay. Si adeegyadaas loo sii xoojiyo, kuwo cusubna loo bilaabo, waxaa noo muuqata in aaney Galmudug qaadan karin in markale gacanta loo galiyo qof doonaya inuu ka dhigo furin siyaasadeed ,oo Dowladda dhexe laga colaadiyo ama qof aan la aqoon biyo-dhiciisa. “Hadii aan su’aashaada usoo laabto, xildhibaanada Ceelbuur kasoo jeeda waxey rabaan in Dowladda Soomaaliya si wanaagsan loola shaqeeyo, oo deegaankooda iyo dadkooda wax loo qabto. Waxaa nahay dad Dowladnimada jecel oo aan waligood ka shaqeynin in Qaranka la colaadiyo, sidaa darteed ayaan u go’aansanay inaan si buuxda garab usiino musharaxa ay ka go’antahay inuu Dowladda dhexe la shaqeeyo uuna xoreeyo dhulka maqan ayuu hadalkiisa ku daray Senator Yuusuf Geelle Ugaas. Beelaha Murusade iyo Duduble ayaa 20 xildhibaan kuleh Baarlamaanka Galmudug, waxaana muuqata in siyaasiyiintoodu si buuxda u muujiyeen iney garab taaganyihiin musharax Qoor Qoor, taas oo culeeska ku badin-doonta musharaxa mucaaradka Cabdiraxmaan Odawaa. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeri ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dashay qarax miino oo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle maanta lagula eegtay deegaanka Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa uu haleelay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen mas’uuliyiintaasi, kuwaas oo ka soo ambabaxay Balcad, kuna sii jeeday Jowar. Mas’uuliyiinta la xaqiijiyey inay qaraxaasi ku dhinteen waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenkii Maaliyadda ee gobolka Sh/Dhexe, Cabdulllaahi Shitaawe, wasiirkii hore ee wasaaradda Ganacsiga Hirshabelle, Sabriye Cusmaan iyo nin lagu magacaabayey Xasan Baldoos, kaas oo la shaqeynayey mid ka mid ah hay’adaha Samafalka ee gobolkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in khasaaraha uu ka badan yahay intaasi islamarkaana ay jiraan dhaawacyo kale. Weli ma jirto cid faah faahin ka bixisay qaraxaasi, balse waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo maalmihii la soo dhaafay aad loga digayey amni darro baahsan oo ka jirta waddada dheer ee isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Caasimada Online Xaafiiska Jowhar caasimada@live.com
  4. Balcad (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in goor dhow qarax miino mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle lagula eegtay deegaanka Gololey oo dhaca duleedka degmada Balcad ee gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay inuu haleelay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen mas’uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka maaliyadda ee gobolka Shabeelaha dhexe Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac, balse aan si dhab loo cadeyn karin. Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in meesha ay wax ka dhaceen ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Wixii soo kordha kala soco radioshabelle.com View the full article
  5. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax nooca dhulka lagu aaso ah oo masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabeelle lagula beegsaday duleedka degmada Bal-cad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Qaraxaan ayaa waxaa lala beegsaday kolanyo gaadiid ah oo uu watey guddoomiye ku-xigeenka dhanka maamulka iyo maaliyadda gobolka Shabeellaha dhexe Mudane Cabdullaahi Shitaawe. Inta la xaqiijiyey saddex ruux ayaa u geeriyoodey qaraxaasi waxaana kamid ahaa wasiirkii hore ee ganacsiga Hirshabeelle Sabriye iyo Xasan Axmed Cosoble oo ka mid ahaa Shaqaallaha Hay’addaha Gargaarka. LA SOCO WIXII KA SOO KORDHA PUNTLANDPOST The post Mas’uuliyiin katirsan Hirshabeelle oo qarax lagula beegsaday duleedka Bal-cad. appeared first on Puntland Post.
  6. Maanta waxaa Kenya Laga bilaabayaa Talaalka Malaariyada oo Guud ahaan Dalkaka dhici doonta, ololaha ayaa wuxuu qayb ka yahay la dagaalanka Cudurka Dilaaga ah ee [...] Source
  7. Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in goor dhow halkaasi qarax lagula eegtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle iyo kan gobolka Shabeelaha Dhexe. Qaraxa oo miino ahaa ayaa lagu soo warramayaa in lala bartilmaameedsaday kolonyo ay la socdeen mas’uuliyiintaasi, xilli ay marayeem deegaanka Gololey ee gobolkaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa, walow aan weli si rasmi ah loo xaqiijiin. Ilo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in qaraxa uu qabsaday labo gaari oo ay la socdeen g uddoomiye ku xigeenka arrimaha maaliyadda gobolka Shabheelaha dhexe, Cabdullaahi Shitaawe iyo mas’uuliyiin kale. Xaaladda ayaa haatan kacsan,waxaana goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga ee dowladda Soomaaliya. Al-Shababa ayaa inta badan weeraro dhab gal ah ku fulisa waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Faah faahinta kala soco:caasimada.net Caasimada Online Xaafiiska Jowhar caasimada@live.com
  8. Kismaayo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhaawac xalay magaalada Kismaayo loogu geystay, Nabadoon Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa guddoomiyaha guddigii la magacbaxay badbaadada maamulkaasi, kaas oo lagu weeraray magaaladaasi. Kooxo ku hubeysanaa Bistoolado ayaa toogtay Nabadoonka, xilli uu ku sugnaa qeybo ka mid ah magaaladaasi. Afhayeenka wasaaradda amniga ee maamulka Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey xaaladdda Nabadoon Axmed Jaamac. Cabdinuur ayaa sheegay in xaaladda Qalyar oo sidoo kale ah Nabadoon ay soo hagaageyso, islamarkaana lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaaladaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada ammaanka ee Jubbaland ay ku raadjoogaan kooxihii ka dambeeyey falka lagu dhaawacay mas’uulkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Cod-2-cadaani.mp3 View the full article
  9. Byadhabo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo ka qayb galay musaanabad sagootin ah oo wafdiga uu hoggaaminayo loogu sameeyay magaalada Baydhabo, ayaa bulshada Koonfur Galbeed ku ammaanay isku-duubnida, dowlad jaceylka, ka shaqeynta danta guud, iyo soo celinta sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay maalmihii uu joogay magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo, in uu wax badan ka ogaaday adkeysiga, wadajirka iyo dowlad jaceylka bulshada Koonfur Galbeed, arrintaasina ay ku dhiirri gelineyso madaxda qaranka in laba jibbaaraan shaqada bulshada loogu adeegayo si looga dhabeeyo rejada wanaagsan ee shacabku ka qabaan soo kabashada nimaadka dowladnimo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in dowladda federaalku ay kala ka shaqeyneyso dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, fulinta mashaariic horumarineed iyo xoreynta deegaannada cadawgu ku suganyahay, si dhammaan deegaannada loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada. Mudane Xasan Cali Khayre oo muda todobaad ah ku sugnaa deegaannada Koonfur Galbeed ayaa la kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan oo uu ka dhageystay baahiyadooda, waxa uuna dhagax dhigay mashaariic horumarineed, isaga oo bixiyay lacago lagu horumarinayo garoomada kubadda cagta ee Dr. Ayuub iyo Dr. Waaberi ee magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur. Halkan hoose ka daawo Sawirro: View the full article
  10. Kismaayo (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa si kulul uga hadlay dhaawaca, Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa guddoomiyaha guddigii la magacbaxay badbaadada Jubbaland oo ay sameysteen musharixiintii is-bedal doonka ee mamaulkaasi, kaas oo xalay lagu weeraray magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Cabdinuur ayaa sheegay in xaaladda Qalyar oo sidoo kale ah Nabadoon ay soo hagaageyso, islamarkaana lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaaladaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada ammaanka ee Jubbaland ay ku raadjoogaan kooxihii ka dambeeyey falka lagu dhaawacay mas’uulkaasi. Waxa kale oo uu ugu baaqay shacabka Kismaayo in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga ee maamulkaasi, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad gelyada. Muddooyinkii dambe amniga Kismaayo ayaa ahaa mid degan, iyadoona dilkan uu noqonayaa kii kowaad, tan iyo markii doorashooyin iska soo horjeeda ay ka dhaceen magaaladaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/cc.mp3 Caasimada Online Xaafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  11. Beledxaawo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay illaa 3 qof lagu dilay qeybo ka mid ah degmada Beledxaawo ee gobolkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in kooxo hubeysan ay dadkaasi kala baxeen guryahooda, kadibna ay ku dileen duleedka magaaladaasi. Saddexda qof ee la toogtay ayaa mid ka mid ah waxa ay aheyd Haweeney, halka labada kale ay ahaayeen Rag, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay. Lama oga sababta loo dilay dadkaasi, balse mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Beledxaawo ayaa ku eedeeyey dhacdadaasi inay ka dambeeyeen Al-Shabaab. Ciidamada ammaanka ayaa saaka howlgallo ka wada gudaha iyo daafaha degmadaasi, iyaga oo baadi goobayey raggii ka dambeeyey dilkaasi. Inta badan waxaa gobolka Gedo ka dhaca dilal iyo weeraro ay fuliyaan dagaalyahannada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gudaha gobolkaasi. View the full article
  12. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dhaawac xalay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, loogu geystay Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar, oo ahaa guddoomiyahii guddigii sheegay iney badbaadinayaan Jubbaland. Rag ku hubeysan bistoolado ayaa la sheegay in ay dhowr xabad ku dhufteen Qalyar, waxaana soo gaaray dhaawac, iyada oo lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla magaalada Kismaayo. Afhayeen u hadlay wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in xaaladda Qalyar ay wanaagsan tahay, islamarkaana ay ku raad-joogaan ciddii dhaawiciisa ka dambeysay. Ammaanka Kismaayo ayaa maalmahan dambe ahaa mid aad loo adkeeyey, maadaama dhowaan ay ka dhacday doorashadii madaxweynaha Jubbaland. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-140932019.mp3 View the full article
  14. Wararka naga soo gaaraya degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in saakay lagu arkay degmadaasi Meydadka Saddex qof oo mid ay haweeney tahay. Dadka deegaanka qaarkood oo aan la hadalnay waxay inoo xaqiijiyeen in dadkaan xalay ay rag hubeysan kala baxeyn guryahooda, kadibna ay soo dileen. Ciidamada ammaanka ayaa wada howlgallo ay ku baadigoobayaan dadka dilkan ka dambeeyey, iyadoo aanay jirin wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada B/xaawo. Lama oga dadka dilkan geystay waxa ay ahaayeen iyo sidoo kale ulajeedka Saddexdan qof loo dilay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Dhuusamaereeb (Caasimada online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan dowladda, gaar ahaan kuwa Danab oo saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in iska hor imaadka oo ahaa mid kooban uu ka qarxay agagaarka garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaaladaasi. Inta la xaqiiiyey waxaa israsaaseyntaasi ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkan uu yimid, kadib muran ka dhashay waxyaabaha maanka dooriya oo ay isticmaalyeen askar ka tirsan kuwa dowladda. Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in goobta ay gaareen saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo ku baxay xiisadaasi, si ay u xaliyaan. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dowladda ee dhowaan la geeyey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay wada dagaamalamaan ciidamo ka wada tirsan dowladda, waxaana horay magaaladaasi isugu fara saaray ciidamo ka kala tirsan Nabad Sugida iyo Booliska Soomaaliya. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  16. What are the chances of getting a study permit approved in Canada? If you’re African, it’s currently 25%. Source: Hiiraan Online
  17. Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa waxaa ka socda diyaar garawgii ugu dambeeyey ee ku aadan soo dhoweynta ka qaybgalayaasha shirka maalgashiga Puntland. Masuuliyiin dowladeed, ganacsato Soomaaliyeed, madaxda shirkado ganacsi oo ajaaniib ah iyo wakiilo kale ayaa lafilayaa inay maanta soo gaaraan Garoowe si ay shirka uga qaybgalaan. Shirkaan oo socon doona 15 ilaa 17 Sep waxaana lagu soo bandhigi doonaa fursadaha maalgashi ee ka bannaan Puntland iyo habka adduunku uga faa’iidaysan karo. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa dhowr bilood kahor balan qaaday shirkaan oo waxbadan ku soo kordhin doona horumarka Puntland. PUNTLANDPOST The post Waffuudda ka qaybgelaysa shirka maalgashiga Puntland oo maanta Garoowe ku soo wajahan. appeared first on Puntland Post.
  18. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo ka qayb galay musaanabad sagootin ah oo wafdiga uu hoggaaminayo loogu sameeyay magaalada Baydhabo, ayaa bulshada Koonfur Galbeed ku ammaanay isku-duubnida, dowlad jaceylka, ka shaqeynta danta guud. Khayre ayaa sheegay in maalmihiisii Baydhabo iyo Xudur uu ogaadey adkeysiga, wadajirka iyo dowlad jaceylka bulshada Koonfur Galbeed, arrintaasina ay ku dhiirri gelineyso madaxda qaranka in laba jibbaaraan shaqada bulshada loogu adeegayo si looga dhabeeyo rejada wanaagsan ee shacabku ka qabaan soo kabashada nimaadka dowladnimo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in dowladda federaalku ay kala ka shaqeyneyso dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, fulinta mashaariic horumarineed iyo xoreynta deegaannada Al-Shabaab ku suganyahay. DAAWO PUNTLANDPOST The post Ra’iisul wasaare Khayre,”Koonfur Galbeed waxaa jooga dad adkays badan dowladdana jecel”. appeared first on Puntland Post.
  19. Shows such as Magnificent Century have come to rival US TV for international popularity, sweeping through the Middle East, Asia and Latin America. What explains their global success? Source: Hiiraan Online
  20. South Korea car manufacturer Hyundai has entered into the Somaliland into the market. Source: Hiiraan Online
  21. Hoggaamiyaasha Turkiga, Iran iyo Russia oo Isniinta todobaadkan ku kulmi doona magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, ayaa mar kale ka wada-xaajoon doona xaaladda cakiran ee ka taagan waddanka Syria, sida ay shaacisay warbaahinta Turkiga. Qoraal jimcii shalay ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo ay soo xigatay warbaahinta dalkaasi, ayaa lagu sheegay in saddexda hoggaamiye ay shirkooda ku falan-qeyn doonaan xal u helidda colaadda ka aloosan waddanka Syria, gaar ahaanna xaalad banii’aadanimo oo la sheegayo in ay ka jirto waqooyi galbeed magaalada Idlib. Sidoo kale, kulankaasi saddex-geesoodka ah, waxaa looga hadli doona sidii looga shaqeyn lahaa in kooxaha argagixisadu aysan fursad ka helin, loollanka adag iyo dagaallada raagay ee ka taagan dalka Syria. Warbaahinta Turkiga ayaa sheegaysa in madaxweynaha Russia, Vladimir Putin iyo madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ay marka shirkaasi dhammaado yeelan doonaan, kulan gaar ah oo uu ka maqanyahay madaxweynaha Iran Hassan Rouhani , kulanka oo looga hadli doono xiriirka Turkiga iyo Russia. PUNTLAND POST The post Russia Iran iyo Turkiga oo todobaadkan shir saddex-geesood ah ka yeelanaya xaaladda wadanka Syria appeared first on Puntland Post.
  22. Xogaha Ku Gadaaman Buugga Cabdi Qays Ugu horreyn Anigoo ah Maxamed Cismaan Muxumed “Ugaaska”aan ku Bilaabo Magaca Eebbe Isaga ayay Mahad oo dhami u sugnaatay, Marka labaad aan Salaan Hawada u soo mariyo Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan inta Xiisaysa Akhriska iyo Qoraalka. Ku Fogaan Maayo Inaan soo bandhigo Xaqiiqooyinka Jira Ama aan wada sheegaba, Waayo Maahmaah Soomaaliyeed baa ahayd Lafta Jabi Xaragana ha ka tagin,Waase lagama maarmaan War Sugan oo ka soo baxa dhankayga Inaan idinla wadaago , Wakhtiga Iyo Dhacdooyinka iska soo daba dhacaya ayaa Kalifaya Maqaalkaygan Iyo Aragtidayda labadababa. Waxa kale oo Iyadana aan Xusayaa Inaan Qoraal ahaan Cod ahaan Muuqaal ahaan aanan,hore Bulshada ula wadaagin anoo dhawraya Niyadsamida Iyo hawsha Buuggan oo meel ku tiirsanayd . Bilawgii Buugga Darmaan iyo Dalxiis :- Waxaan buuggan bilaabay 2010kii Aakhirkiisii Muddadii aan waday Ururinta buuggan oo ahayd Afarsano iyo dheeraad Waxaan la kulmay oo aan waraysiyo ka qaaday Dadkii Ugu dhawawaa Abwaanka kuwaasoo aan ka Xusi karo Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi , Cabdillaahi Aadan Xaad “Qarbooshe” Oo ah Abwaanka Walaalkii , Abwaan Saxardiid Maxamed “Jabiye” oo ah Macaliinkiisii Hal-abuurnimo intaanu suugaanta bilaabina uu u ahaa gacanyare u qora Riwaayadaha Iyo Maansooyinka kale ee uu sameeyo Ab.Jabiye(AHN) Sidoo kale waxaan waraysiyo ka qaaday Buuggana aad ka dhex helaysaan Abwaan Aadan Tarabi , Abwaan Axmed Saleebaan Bidde , Qoraa Maxamed Cabdillaahi Riiraash , Fannaaanad Aamina Cabdillaahi Xirsi Oo ah Xaaskiisii hore Una dhashay Curradiisa Ayaan iyo Mustafe , Waxaan Iyagana Maansooyin ka helay Boobe Yuusuf Ducaale , Maxamed Ibraahim Xujaale , Iyo Cabdalle Xaaji Cismaan oo ah qoraa reer Jabuutiya Isagoo aad igagala shaqeeyay Heesihii iyo Taariikhda intii uu Jabuuti Abwaanku ku lahaa , Ma soo koobi karo dadyawga buuggan Darmaan Iyo Dalxiis igala shaqeeyay Waayeel iyo Dhalinyarba way lahaayeen, Waxase igu kalifay iyadoo waxaas oo xoga iyo dadkaaba buugga laga dhex heli karo , Fasiraada khaldan ee laga bixiyay Buugga taas oo odhanaysa , Waa Xog Ugaasku kalighii Qoray , Cid la ogaydna aanay jirin. Haddaba Abwaanka Xogtii aan ka Uruuriyay oo aad u baaxad waynayd Boqol iyo Konton Maansana ku dhawawayd , Dadkii gacanta wayn buuggan ka gaystay waxay ku taliyeen inaan horta daabacaada Koobaad aanan ka badin Boqol iyo Jarjarka Maanso ee hadda Darmaan iyo Dalxiis ku qoran iyo Saddexda Boqol Iyo Afartanka Bog ee Buuggu ka kooban yahay , Wixii Daabacaada Labaad loo gaadho inaan ku daro inta hadhay iyo Xogaha kale ee la heli doono , Sidaa ayuu Madbacada Sagaljet ku galay Buugga Darmaan iyo Dalxiis , Kuna soo baxay 2014 October , Iyadoo aan Bandhigiisiina ku qabtay Maansoor Madal Ilyartu is qarisay 2014 Deceber 11keedii. Waxa iyadana hadal badan la galiyay inaanu Abwaanku Ogayn wax ogolaansho ahna aanan ka haysan . Si Kooban Abwaan Cabdiqays Waanu ka wada soconay Ururinta Buuggiisan bilawgiiba waxa iyaduna jirta Inaan Cajalad kaga duubay markii aan dhameeyay buuggan inaan daabaco Ogolaanshiiyo buuxa uu ii siiyo Waa Ogolaaday inaan daabaco, Markhaatiyaal waxa ahaa oo Cajaladaa ku jira Abwaan Yuusuf Shaacir iyo Maxamed Cumar X.Faarax , Markale Intiinii ka soo qaybgashay ama daawatay Xafladii Goob joog buu Abwaanku ahaa Ereygiisana wuu ka dhiibtay. Bandhigii Ka dib waxaanu u amba baxnay Aniga iyo Abwaanku Jabuuti halkaas oo aanu ugu talo galnay inaanu ka samayno bandhig labaad, dabcan Abwaanka ayaa iga cag horreeyay Usbuuc ka dib baan ka daba baxay, Hawshii baanu guda galnay, Qoladii Bandhiga noo samayn lahayd baa Kuwo ka midi Safar ku Maqnaayeen,dabcan Marti baanu ahayn labadayaduba Qorshuhu wuxuu ahaa inaanu Qolooyinkaa Sugno , Muddadii aanu ku Guda jirnay hawshaa oo ah Khilaafka Bilawgiisa Aasaaska iyo halkan uu ka Unkamay Is afgaran waaga aniga iyo Abwaanku Waxa uu ahaa; Adduunka laga waayo Diradiraale iyo qaar hawl meel wacan la soo gaadhsiiyay kala rida Aniga iyo Abwaanka waxa markiiba na soo dhex galay rag aan Abwaankana wax u tarayn Bandhigana baajinaaya Kuwaasoo Abwaanka ku yidhi Tobankun oo buug baanu kuu samayneynaa, Calaa Buugna Boqol Dollar baanu kuugu iibinaynaa ee PDF ka ka soo qaad ninkan dhalinyarada ah ee Buugaaga qoray, halkaa markay maraysay waa is badalay jawigii daganaa ee aanu Hargaysa kaga soo ambabaxnay , Wuxuu Abwaanku ii soo jeediyay in aan ku soo wareejiyo buugga PDF kiisa oo uu daabacdo Isagu , Anigana Saami ahaan uu isiin doono wixii uu ii garto , Maadaama oo uu leeyahay Tirinta Maansada aan Xogteeda soo Ururiyay, waxaan anigu markii fikir ahaan taagnaa in ay noo qabsoonto Xafladii iyo Ujeedkii aanu Magaalada Jabuuti u tagnay, ka dibna wixii daabacaad labaad ah ee la galayo Xiligii la galayo,goobta lagu galayo iyo Ciddii galaysaaba markaa gasho, iyadoo labadayaduba aanu goob joog ka wada nahay, may suurto galin in Khilaafkaa Jabuuti ka bilaabmay uu halkaa ku dhamaado ,niman Odayaala oo galayna waxba dhanka Abwaanka waa ka dhamayn kari waayeen. Sidaas baanu Bandhigii Jabuuti iyo Arimihii aanu u wada tagnay ku baaqsadeen. Abwaanku waa uu iga soo hor baxay waan kaga dambeeyay hawlo ii gaara awgeed , ka dib markii uu abwaanku Hargaysa yimid waxa uu u tagay Madbacadii aan ka daabacay buugga waxaanu ka qaatay PDFkii aan anigu gacantayda Madbacada ugu dhiibay , Muddo yar ka diba waxaan imid Aniguna Hargaysa markiiba waan Ogaaday in PDFkii Faynelka ahaa ee la daabacay Abwaanka lagu wareejiyay. Koox dhalinyaro u badnaa ayaa is abaabulay oo aad uga xumaaday in Madbacadu bixiso Buuggii iyadoo aan aniga wax Ogolaanshiiyo ah layga haysan Una tagay Madbacadii , Waxay Madbacadu cadaysay in ay bixisay PDF ka buuggaa iyadoo aan aniga wax fasax ah iga haysan ,isla markaana aan ahay Ninka Xogtan la daabacay u keenay . Waxa Iyakuna dhinacooga ila soo xidhiidhay Guddi Odayaal ah oo ay ka Mid yihiin Ab.Yuusuf Shaacir, Qora. Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo , Boobe Yuusuf ducale Iyo Maxamed Ibrahim Xujaale . Xidhiidhka hore waxa lahaa Yuusuf Shaacir oo ii sheegay inay doonayaan in ay Odayaal ahaan hawshaa galaan Gaar ahaan Khilaafka aniga iyo Abwaanka , Waan aqbalay Sidaasaanay hawshaa ku galeen waxaanay ka soo saareen Koobiyo Toban Qodob Kuwaasoo Qoraal ahaan aad ka dheehan kartaan Warqadii Heshiiska Almis PUblic Notary And ADVOCATE dhamaan tayana aanu ku wada saxeexnay , Khilaafkiina halkaa ku dajisay dhamaysayna hawshii taagnayd . Iyadoo aan idinla wadaagi doono Heshiiskaa haddana waxa saldhig u ahaa laba qodob 1: In aanan Daabacaad labaad oo Darmaan iyo Dalxiisa Soo saarin isla markaana Abwaanku wixii hadda ka dambeeya uu Isagu daabacdo 2: In aan anigu yeesho Xuquuqda Ururinta Wixii Dambe ee la tifaftirayo laguna Qoro bog horraadka Daabacaadaa labaad ee la soo saari doono , In daabacaada Labaadi ka timid daabacaadii Koobaad ee uu Ururinteeda lahaa Ugaasku Iyo In Hordhaca Mahadnaqa lagu Xuso In Daabacaada Labaadi ka timid daabacaadii Koobaad Badankeedu . Haddaba Maxaa iska badalay ee ku soo kordhay arinkaa sidaa ku fulay ? Ugu Horrayn anigu halkaa markay maraysay ayaan waddankii ka imid, Waxaanse ku war helay PDFkii Abwaanku ka qaatay Madbacada Sagaljet Iyo Buuggiiba in gacanta loo galiyay Cali Yuusuf Cali-Guray , Waxa iigu xigtay Madal ka dhacday Maansoor Hotel oo uu soo qabanqaabiyay Tvga HCTV, laysuguna yeedhay Hal-abuuro badan iyo Qoraayaal Waayeel iyo dhalinyarba leh Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Abwaan Cabdiqays,Iyo Cali Guray oo Abwaanka la socday , in uu goobtaa ka yidhi Cabdiqays buuggaygii hadda waxa gacanta ku haya oo qoraya Cali Guray Isagaana hadalka uga baxayaa , Cali Guray oo isaguna Goobtaa kaga dhawaaqay inuu waddo buuggii Cabdiqays Meel wacana uu u marayo , Gartay Buuggu inuu yahay Darmaan iyo Dalxiis Waxa ii Cadaatay Xogtii isoo gaadhaysay ee ahayd in Buuggii Cali-Guray lagu wareejiyay , Habeenkaa Goobta kama Sheegin Cali In Buug hore jiray oo dadaal rag ku bixiyeen iskaba dhaaf inuu soo hadal qaadee qaabka uu u hadlaayay ayaa ahaa sidii mid Ugub ah , oo aan hortii la qorin isagoo waliba Xogta uu hayaa tahay Xogtii Darmaan iyo Dalxiis , Muddo ka dib waxaan Ogaaday in buuggii la daabacayo oo Madbacada Sagaljet uu ku jiro Faafreebkisii . Waxaan xidhiidh la soo sameeyay Gudidii Hawsha buugga dhamaysay intii aan ka helay oo kala ah Boobe Yuusuf iyo Yuusuf Shaacir Waxaanan u sheegay in Buuggaa la daabacaayo Madbacadana uu ku jiro isla markaana aan soo dhawaynayo Dadaalkii aan bilaabay in meeshisii laga sii wado laakiin lagu dhaqmo heshiiskii hore ee ay u dhigeen Buuggaa , Iswaraysi dheer ka dib waxay ii sheegeen in la raaci doono heshiiskaa ,dhanka kale waxaan xidhiidh la sameeyay Madbacadda daabacaysa Gaar ahaan Cabdi Yuusuf Aar , waxaan isagana u sheegay in Khaladkii hore ee ay madbacadu gashay aan lagu ladhin mid labaad ee hawshaa lagu dhameeyo sidii hore loogu dhameeyay , Waxaanu isagana isla garanay in la raaci doono Heshiiskii hore . Intaa kumaan joogsan ee waxaan Sameeyay Qoraal ka kooban laba bog oo aan kagaga hadlaayo arinkaa iyo Aragtiday daabacada labaad , Waanan Idinla wadaagi doonaa Qoraalkaa . Ugu dambayn 9.9.2019 waxa lagu soo bandhigay Magaalada Hargaysa Buug lagu sheegay in uu qoray Cali Yuusuf Cali-Guray kaasoo lagu qabtay Hotel Maansoor looguna Magacdaray Geeddigii Cabdi-Qays , Qoraalka Iyo Ururintana uu Isagu leeyahay. Waa Maxay haddaba Aragtidayda aan ka qabo Daabacadaa Labaad ee Buuggaa Oo ay dad badani sugayaan ? Ugu Horreyn Waa Buuggii aan anigu Qoray ee Darmaan iyo Dalxiis oo laga Saaray Magacaygii Laguna badalay Magaca Cali-Guray Si kale haddaan u dhigo waa Buuggii hore oo Jaldigii laga badalay , Waxaana Caddayn u ah ; Cidkasta oo gacanta uu u ugu jiro buuggii aan anigu qoray ee Darmaan iyo Dalxiis Waxa uu ka koobnaa Afar Geeddi oo kala ahaa Geeddiga Koobaad , Geeddiga Labaad ,Geeddiga Saddexaad iyo Geeddiga Afraad , looma Magac bixin Buuggan Cusub ee waxa la soo qaatay Afartaa Geeddi ee uu buuggaa Darmaan iyo Dalxiis ka Koobnaa mid ka mida , Iyadoo aan lana xusin In Buugga Darmaan Iyo Dalxiis uu ka koobnaa afartaa Geeddi Gogol dhiga Buuggu Waa Gogoldhigii Buuggii Darmaan Iyo Dalxiis :- Rashiid Sheekh Cabdillaahi(rashiid gadhweyne) oo ah rugcadaa ku xeeldheer arimaha Suugaanta oo aanan labadayadu Wax aqoona isku lahayn ayaan waxaan la kaashaday Ab.Hadraawi oo ay saaxiib dhaw yihiin iyo Yuusf shaacir oo ay is yaqaanaan Inuu Buuggaa Darmaan iyo Dalxiis ee aan anigu wado ku soo darsado aragtidiisa Maansada Cabdi-Qays iyo shaqsiyadiisa sida uu u arko , markii aanu la xidhiidhnay Waxa uu Emailkayga ii soo dhigay qoraal aad u luxdan kaasoo Sharaxaya Maansada iyo Shaqsiyada Ab.Cabdi-Qays , Waxaan isagana dhawr Jeer Waraysiyo ka duubay Ab.Hadraawi Kaas oo aan markii dambe u rogay Qoraal ahaan. Rashiid Gadhwayne iyo Ab.Hadraawi waxay noqdeen Labada qof ee ugu Sharaxaad Toolmoon Maansada iyo Shaqsiyada Ab.Cabdi-Qays , waxaana ay noqdeen Hordhicii ama Gogoldhigii Buugga Darmaan Iyo Dalxiis . Cali-Gurey Isagoo aan Laaxin ka jarin wuxuu Gogoldhig uga dhigay Buuggaa uu isku Magacaabay Rashiid Gadhwayne oo sidaa aan soo sheegay Gogoldhig u ah Buugga aan qoray ee Darmaan Iyo Dalxiis Madashii laysugu yimid wuxuu Cali-Gurey ka sheegay labada qoraal ee Rashiid Gadhwyne iyo Ab.Hadraawi aan ka sameeyay, Isagoo qarinaya Magacayga Iyo Buugga aan qoray labadaba , wuxu yidhi in ay wax ka yidhaahdeen mar shaqsiyada Abwaan Cabdi-Qays wax laga waydiiyay , Iswaydiintu haddaba waxay tahay yaa wax ka waydiiyay? halkayse ku qoran tahay? Midna kama sheegin Goobtaa , Mahadnaqa buugga laakiin Meel dhexe oo uu igu qoray Si aan u arkay marna inuu isleeyahay u Mahadnaq marna uu u duudsiyayo Xogtaa dhamayska tiran ee uu ku takrifalay Waxa uu odhanayaa ; Labadaa Qoraalba waxaan ka soo xigtay Waraysi uu la yeesshay oo ku qoran Buuggiisa . aan’se kuu saxee Ab.Hadraawi ayuunbaan waraystay , Rashiid Gadhwayne Isaga ayaa Gacantiisa Iigu soo qoray oo ku hawshooday . Waxa ku qoran buuggaa uu soo bandhigay Boqol Iyo Labiyo Afartan Maanso laba Maanso oo kala ah Baladwayne Iyo Beeraad oo hadraawi lahaa marka laga reebo Waa Boqol Iyo Afartan Maanso , Waxa Maanso Cusub ah oo uu ku soo daray Saddex iyo Labaatan Heesood qofkii Xogtaa doonayaana Wuu ka baadhi karaa labada Buugba inta ay is dheeryihiin iyo waxa ay ka midka yihiinba , Waxaan aad ula yaabay Magacyada heesaha , gaar ahaan kuwa wakhtiyada hore ah oo aan ka qoray Cajalado aad u badan kuwaasoo Abwaanku Codkiisa ku qaadayo Magacyadii aan u bixiyay markaan u eegay baydadka soo noqnoqaya ama kuwa ugu halku dhiga wanaagsan aragtidayda, sidoodii buu u soo qaadanayaa dhamaantood isagoo aan wax tafaftira ku samayn, haddii aad baadho labada buug tusmooyinkodda oo kaliya uun dheeho . Markale oo uu Mahadnaqa Buugga igu daray anoo waliba meel dhexe ku jira Wuxuu Cali-Gurey Sheegayaa In uu iga soo Xigtay Maansooyin dhawra oo aanu meel kale ku arag, buugga aan qoray mooyaane , Isagoo marka laga tago Heesahaa uu ku soo daray ee Kooban inta kale Gabi ahaanteedba ay tahay Daabacaadii Koobaad ee Darmaan Iyo Dalxiis Maansooyinkii ku qornaa Haddii aad Maqli jirtay Qoraalo kooban oo la kala dhaco, Waxa Akhriste ku horyaala Buug dhan oo Magacii Qoraha Iyo Uruuriyaha laga badalay ,Mid kale oo aan u soo dhib mudanna lagu qoray. Yaanan Mawduuca ka bixine , Waxa suuqa la galiyay inaan Qoray Buug inta badan Maansada ku qoran aanu lahayn Ab.Cabdi Qays! Iswaydiintu haddaba waxay tahay, Haddii aanu Abwaanku lahayn inta badan Maansooyinka ku qoran Darmaan Iyo Dalxiis , Maxaa loogu qoray buuggan hadda la daabacay Boqol iyo dheeraadka Maanso ee looga saari waayay? Dhamaan Maansooyinka aan ku qoray Buugga Darmaan Iyo Dalxiis Afar Heesood oo markii aan daabacay dadwaynaha buuggaasi gaadhay ii sheegeen inaanu isagu lahayn Xigashadoodana aan dad muddakara ka soo xigtay marka laga tago Dhamaan Waa Maansadii Ab.Cabdi-Qays , Afartaa Heesood laba ka mida waa laga saaray Buugga Cusub Laba ka midina wali way ku jiraan . Tolow Maxaa la saxay ? Maxaa Boqolka Maanso ee aan qoray badankeedana Abwaanku aanu lahayn loogu darsaday buuggan Cusub hadday sidaa u jirto? Guntii iyo Gabagabadii:- Cidkasta oo diyaar u noqota inay Abwaanka wax ka qorto Waa u furantahay , Waayo Aniga Kooto iiguma Xidhna Maansada iyo Taariikhda Abwaanku , Laakiin Buuggaa la soo bandhigay ee Loogu Magacdaray Geeddigii Cabdi-Qays , maaha mid Cusub oo ka duwan kii aan anigu soo bandhigay ee Qoraalkiisa Abwaanku Gacanta ka galiyay Cali-Gurey . Laba Mid uun baana Cali-Guray u furnayd inuu u Qalab qaato buug Cusub Kaasoo u dhigma buuggii aan qoray oo ahaa Boqol iyo dheeraad Maanso waxa uu kayga ka soo xiganayana uu ka soo xigto kaliya uu igu Xuso Mahadnaqa Ama Inuu Siduu heshiisku ahaa Sameeyo Daabacaad Labaad Tifaftiro kii hore Labaataneeyada Heesood ee uu hadda ku daray Buugga Cusub uu ku daro , Anigana Xuquuqda Uruurintu Sidii heshiisku ahaa la iigu daayo, oo aan Buugga lagu daabicin Sidan Hadda loo Dhigay . haddaba ka yeeli maayo Adiga Iyo Inta kaleba Xog Iyo Ururin aan tacab idinka galin inaa Magacyadiina ku qortaan, ka dibna aad bandhigyo u samaysataan , Hadday taasi dhacayso anaa u Xaqleh Inaan Qoro Xogta iyo Ururinta Maansada Cabdi-Qays Guddidii Gashay ee dhamaysay khilaafkii Buugga Darmaan Iyo Dalxiis ka Yimid waxaan aad uga xumahay in hortiina uu ku burburo, heshiiskii Odayada aad ka ahaydeen idinkoo haya heshiiskaa aad ku saxeexan tihiin , Marinkeedana aan la marin heshiiskii dhaabadda Cad ahaa ee aad Idinku dhigteen , Arinta kale ee ka sii yaabka badan ayaa ah in Afartii Xubnood ee Gudida ku ahaydeen Saddex ka Mida, kaga qayb gasheen Xafladaa lagu burinaayo Wixii ka Guddi ahaan aad Qorteen, laba ka mida aad kaga hadasheen Goobtaa, Ugu Hambalyeyseen inuu Cali-Gurey Buugga qoray Kuna soo dhawayseen Saaxada Qoraalka Idinkoo aydaan iska hubsan, waxa la qoray iyo Meesha loo maray , Sidoo kale aydaan marnaba Xusin Buuggii aad Odayada ka ahaydeen ee Darmaan Iyo Dalxiis . Waxa Iyaduna gafkii labaad ku jirta Madbacada Sagaljet Iyo Gudoomiyaheeda Cabdi Yuusuf Aar Oo markii hore bixiyay Soft igii Buugga Darmaan Iyo Dalxiis Kaas oo aan ka Qoraa ahaan anigu u dhiibay,Daabacadeedana aan bixiyay. haddana dib u daabacday Buug dhawr Heesood lagu soo darsaday lagana saaray Magacayga Oo kaliya , Iyaka oo og , hayana Heshiiskii hore, waliba aan la xidhiidhay intii aanay daabcin . Qodobka Sagaalaad ee heshiiskaa ayaa waxa uu odhanayaa :- Labada dhinac waxay si wada jira oo rabitaankooda ku salaysan u dhowrayaan Qodobada heshiiska , Iyagoo ilaalinaya niyadsamida iyo is-aaminida heshiiskan kaasoo aan loo isticmaali karin sifo kale,loona fasirankarin si ka baxsan heshiiskan. Haddaba haddii aan la dhawrin Xuquuqdii Ururinta ee aan Bilawgeeda lahaa Sidoo kalena wax War ahna aanan ka hayn inta Cadad ahaan ee la daabacay , Abwaankii Buugga lahaana aanu isagu lahaanshiiyaha Maansada Mooyaane Wax uu iska qoray jirin oo uu kaligii soo bandhigtay jirin , Inta Darmaan Iyo Dalxiis Qof aan U soo dhib Mudani Magaciisa ku Xardhaayo , Waajibka Iyo Damiirka Saxda ah baa i faraaya Inaan Dib boodhka uga soo tumo, Oo aan soo Saaro Qaybtiisii Labaad Iyadoo Tifaftiran . Waxaan aad u soo dhawaynayaa ku Faraxsanahay Bandhig Kasta oo loo sameeyo Iyo Buug kasta Oo laga qoro Abwaan Cabdi Aadan Xaad Cabdi-Qays oo ah Adeerkay Waayeelna ah Mudan in laga Reebo dhaxal ma guuraana ahna Hal-Abuur Koobsaday Dhamaan Nudaha fanka,Una ah Foolaad Faciisa Iyo Inta Rabbi ku Manaystay Murtida Soomaaliyeed , Hore iyo Hadda midtoona aanan waxba u Qabin , Uguna Ducaynaayo Caafimaad iyo Cimri dheer . Qaran News
  23. Dhuusamareeb-(Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qarka u saaran in ay ka laabato heshiiskii ay 30-ka Xildhibaan ugu balan qaaday kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca kadib walaac soo food saaray. Caasimada Online ayaa heshay xog sheegaysa in xukuumadda federaalka ay baqdin ka qabto saameynta 30-ka xildhibaan ee loo balan qaaday Ahlu-Sunna, waxayna baqdinta ugu badan ka jirtaa halka ay codkooda ku biiri doonaan, maadaama ay loolan adag wajaheyso doorashada Galmudug. Dowladda Federaalka ayaa doonaysa in ay Ahlu-Sunna lacag ugu badasho 30-kii xildhibaan oo ay horay ugu balan qaaday, islamarkaana dowladda ay kala wareegto soo xulista xildhibaannadaas una dhiibto odayaal ayada taageersan. Ahlu-Sunna ayaa markii hore dalbatay in la siiyo 35 xildhibaan, waxaana dalabkooda si weyn uga soo horjeestay Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyadoo markii bambe uu madaxweyne Farmaajo arrinta soo fara galiyay Kheyre-na faray in Ahlu-Sunna la siiyo 30 xildhibaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa fuliyay amarka madaxweyne Farmaajo, isga oo xiligaas ku sugnaa Dhuusamareeb, balse hadda ayaa waxaa la sheegay in arrintu ay la xumaatay oo uu is badalay. Hoggaanka Ahlu-Sunna oo dhankooda doonaya in saameyn siyaasadeed ay ku yeeshaan maamulka laga dhisayo Galmudug ayaa wali arinkaan la hor dhigin. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xoogga saaraya sidii musharaxa uu wato uu ugu soo bixi lahaa doorashada Galmudug, waxuuna loolan xoogleh kala kulmayaa xildhibaanada mucaaradka ah iyo xisbiga uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud. Inta badan xildhibaanada mucaaradka ah iyo xigbiga Xasan Sheekh ayaa taageeraya musharax Cabdiraxmaan Odawaa oo ka shacbiyad badan musharaxa ay wadato xukuumadda Nabad iyo Nolol. Dowladda ayaa hadda ka cabsi qabta in Ahlu-Sunna ay heshiis la gasho mucaaradka kadibna soo xulaan madaxweyne aan ahayn kan ay wadato kooxda Nabad iyo Nolol. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  24. Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo sheegtay inuu yahay madaxweynaha Jubaland ayaa ka hadlay dhaawacii xalay Kismaayo loogu gaystay Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Bedbaadada isbedel doonka Jubaland. Hoos ka aqriso qoraal uu Xidig soo dhigay bartiisa facebook. Bismilaah: Ilaahay ayaan caafimaad degdeg ah uga baryeynaa Av. Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Bedbaadada isbedel doonka Jubaland: Makhribnimadii Caawa ayaa lagu toogtay Magaalada Kismayo, dhakhatirta ayaa la tacaaleysa dhaawiciisa waxaana ilaahay uga baryeynaa inuu xaaladiisa sahlo: Waa hubaal inuu xidhiidh toosa ka dhexeeyo Khudbadii Naflacaariga ahayd ee shalay uu jeediyay Madaxweynihii hore ee Jubaland iyo toogashada Caawa: Golaha Badbaadada isbedel doonka Jubaland Waxaan ka codsanayaa inay usoo duceeyaan Av.Axmed Jaamac: Sidoo kale Golaha isbedel doonka Jubaland Waxaan ugu baaqayaa inay feejignaan dheeriya galaan: Waa hubaal inuusan ruuxna maalintiisa dhaafaynin: Golaha isbedel doonka Jubaland marna ma hakin doono ujeedada iyo goolka isbedel doonka: Shacabka Jubaland, Dowlada Federaalka, Beesha caalamka iyo Ciidamada Amisom Waxaan ugu baaqayaa inay Gutaan masuuliyada ka saaran Ilaalinta Shacabka iyo Dadka masuuliyiinta ee indhaha u ah bulshada: Amaana Alaah: Xidig Kismayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com