Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,926
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Prof. Maxamed Siciid Gees – Qaybtii 1aad – Ankara Fartii hore ee ay isticmaali jireen Masaaridii hore waxa lagu magacaabay; “Hieroglyphic.” Magacaas oo ka soo jeeda Afka Giriigga oo la micno ah; “Fartii Barakaysnayd – The Sacred Writing.” Haddaba, Khawaajiyaashu waxay daah-fureen fartaas sawirka ah. Waxa libta daah-furka fartaas la siiyey oo loo aqoonsaday inuu horseeday aqoonyahan Faransiis ah oo la odhan jiray Shambiloon (Champollion) taariikhdu markii ay ahayd sannadkii 1822kii, iyaga oo dadka Carabta ah ee Masar ku noolaa ay fartaas u yiqiineen; “Sixir.” Daah-furkaasi waxa uu dhalliyey in la akhriyo sawirradii ku xardhanaa buuraha la dhisay ee ay ka tageen Masaaridii hore ee la yidhaahdo Ahraamta Afka Carabiga ama Pyramids Afka Khawaajayaasha. Waxa kaloo la helay xabaalahoodii iyo wixii ku qornaa. Magacyada waxyaabihii shirkiga ahaa ee ay caabudi jireen ee ay Ilaahyada u yaqaaneen Magacyada Boqoradoodii iyo Guud ahaan nolosha ay ku noolaayeen Masaaridii hore Waxa afkaas dhintay ee aan cidi ku hadlin hadda raad-raac loo cuskaday markii la macneeyey Afka Qibdiga oo ku kooban qoraalada Kiniisadda Qibdiga ah iyo Afka Yuhuudda iyo Carabiga. Afafka Afrika lagaga hadlo cidi ma adeegsan, waayo Khawaajayaashu ma aqoon, aqoonyahan Afrika u dhashay oo hawshaas galayna ma jirin ilaa Sheekh Dayib oo dalka Senegal u dhashay uu ku hambaabiray markuu dhexgalay badhitaanka Afkii hore ee Masaarida oo uu arkay in afka laga hadlayaa uu yahay af Reer Afrika ee aannu Yuhuud iyo Carab toonna shaqo ku lahayn. Isagu waxa uu afkii hore ee Masaarida ula kacay: Dhinaca Galbeedka Afrika, Dhinaca Bariga Afrika Ciddi iskuma deyin inay hawsha ka baraan-degto isirka afkii hore ee Masaarida iyo xidhiidhka u la leeyahay afafka lagaga hadlo dhinacan Afrika. Haddaba, waxa xeel-dheerayaasha afkii hore ee Masaaridu is la qaateen tiro sawirro ihi inay u taagan yihiin xarfaha fartaas hore, kuwaasoo hoos ku muujisan: Marka sawirrada iyo dhawaaqa xarafaha ay u taagan yihiin la eego, waxa muuqanaya in sawirku uu ereyga uu Afka Soomaaliga ku yahay uu ku bilaabmo xarafka Fartii Masaarida hore. Qaar badan xarfahaas ka mid ah ayaa sawirka ay xeel-dheerayaashu ku micneeyey waa erey Afka Soomaaliga ka mid ah oo ku bilaabma shibbanahaas ay u adeegsadeen inuu sawirku u taagnaado Masaaridii hore ee alifay fartan la yidhaahdo Hieroglyphic.Beenaw ma af, Af-Soomaaliga u dhaw ayey ku hadli jireen. Waxan qoraalka ku soo qaadayaa sawirka xeeldheerayaashu u qaateen inuu u taagan yahay shaqalka A, iyada oo la isku raacay in fartaas hore ee sawirrada ihi aanay shaqalo ama xarako codayn lahayn. Balse, shaqal u ekeyaasha (Semi Vowels. Sida; W, Y,) loo adeegsado shaqallo W: o, u. Y: a, e, i. Xeeldheere Allan Gardiner oo qoray naxwaha afkii hore ee Masaaridda waxa uu yidhi; “Sawirka A loo qaatay waxa uu ahaa shibbane fudud oo lumay. Taas oo ah ma aha sawirku A.” Haseyeeshee, ma sheegin shibbanaha lumay waxa uu ahaa. Xeeldheere E. A. Wallis Budge oo qoray qaamuuska afkii hore ee Masaaridda iyo Af Ingiriiska toban erey oo uu afkaas ka soo qaatay oo uu ku dooday inay ka soo jeedaan Afkaar iyo af Afrikaan ah ayaan soo qaadanaynaa laba ka mid ah oo ku bilaabma xarafka A, sida ay ku sheegeen xeeldheerayaasha Reer Yurub (Khawaajayaashu). Dadkii hore ee Reer Masar iyo Reer Ciraaq (Sumeria) labada ilbaxnimo ee ugu da’weyn aataarta iyo taariikhda ee la yaqaan oo 5000 (shan kun) oo sanno ku simman. Waxa Haadka loo yiqiin inuu dadka marka ay dhintaan uu nafta qaado oo duni kale geeyo. Aataar dhowaan laga helay Turkiga oo lagu qiyaasay inay jiray 10,000 (toban kun) oo sanno oo laba da’weyn ilbaxnimadii hore uu soo sheegnay, ayaa iyana lagu arkay sawirrada haadka, meeshaas oo loo maleeyey xabaalo-wadareed. Soomaalidu marka ay arkaan haad dhacaya (haad duulaya) waxay u qaateen in geeri ama meyd uu meesha jiro. Haddii guri uu Haad dul dego waxa loo yidhaahdaa; “Geeri ayuu sheegayaa.” Ereyga Haad waxa uu ka soo jeedaa had oo ah geeri. Maxaa kuu baxday Boowe. Haad micnahiisu waa; “Geeri.” Dib haddii aan ugu soo noqono fartii Hieroglyphic ahayd, xarafka A waxa lagu sheegay Haad Ana had. Waxa markaa muuqanaysa in xarafka aannu ahay A ee uu yahay H. Magaca Sawirka oo Haad ama had ah oo H ku bilaabma. Haddii aan haddaba ku noqono labadii erey ee xeeldheere Budge ka soo qaadanay, kuwaasoo ah: AB = (heart) wadne iyo BA = (good soul) nafta karaamada leh. Marka sida aan hore u sheegnay sawirka loo qaato H ee aan loo qaadan A sida ay hadda tahay. Ereyga koowaad waxa uu u qormayaa: HB. Ereyga labasdna BH. Haddii la codeeyo ama la xarakeeyo, ereyga hore waxa uu noqon karaa (HABI). Habi Afka Soomaaliga waa Wadnaha. Bal heestan eeg; Abdiyaw habi laawe lo’daadan harraadan…… Waa cabdiyaw wadne-laawe. Ereyga labada isna marka la codeeyo ama la xarakeeyo waxa uu noqonayaa (BAH). bal eeg weedhan’ “Bahdii ayaa laga qaaday sidii loo dhibayey.” Karaamadii ayaa laga qaaday ama naftii fiicnayd ahaa laga dilay. Waxa kale oo jira ereyga waa la bah-dilay oo ah karaamadii ayaa laga qaaday. Ereygan Carabta ayaa ergisatay. Xeeldheere Budge labadii erey ee hal-dhawaaqle (Monosyllabic) ahaa ayuu Af Reer Afrika inay ka soo jeedaan ku dooday, haddaba afka ay ka soo jeedaan waa Soomaali marka sawirka la qaato ereyga u yahay ee “HAD.” Xarafka uu tilmaaamayo uu yahay “H.” Waxa Masaaridii hore Ilaahyadooda ka mid ahaa sac dilaa ah oo meydka marka la xisaabayo joogaa oo la yidhaahdo; “Hadhor.” Waa sida ay u qoreen xeeldheerayaasha Afkii Masaaridii hore. Waxa muuqata in magaco yahay Had hore oo ah dilaaga koowaad, balse waxa hadda la oggolaaday in Lo’da meeshii ugu horreysay ee lagu qabtay ee lagu xooleeyey ay ahayd Geeska Afrika ee aanay ahayn (Asia) Eeshiya. Arag sawirrada Laasgeel. Dhinaca kale, Masaaridii hore, waxa Ilaahyadii shirkiga ahaa ee ay caabudi jireen ka mid ahaa Haad isna la odhan jiray; “Had-hore,” kaasoo markii dambe hore loo soo gaabiyey. Haadkaas oo galaydhka iyo jaadkiisa la mid ahaa, dharaarahan Baqaye ayaa carruurtii guranaya. Beenoow ma bakaylihii ayaa dabar go’ay uu ku noolaa.! Waqooyiga Hargeysa waxa jirta tuulo beeraley ah oo doox leh, waxaanna meeshaas la yidhaahdaa; “Hore-haadka.” Bal ka warran haddii ay is-dhaafeen labada erey sida dhacda inta badan afka aan qornaan jirin sida GuriCerl iyo CeelGuri, oo uu magaco ahaa Had-Hore! Haddaba, dilaaga koowaad muxuu ahaa ma dadka dooxo soo mara oo dhibaato ku ahaa meesha, mise waa meelihii lo’da lagu qabtay. Bal adba! Si kastaba ha ahaatee, Soomaalidu weli waa la sii baxdaa magacayada (Hure, Hoori, Huruse iyo Horod) la micno ah; “Kii koowaad.” Giriigga ayaa magacyadoodu Xarafka “S” ay badi ku dhammaadaan, sida darteed magacyadii Masaarida waxay gadaal kaga dareen xarafka “S.” Markaas waxaad arkaysaa “Horus,” halkii hore ama hoori noqon lahayd. Qaran News
  2. Madaxweyne Xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden ayaa kulan uu la qaatay Gudiga Amniga Jubbaland iyo Saraakiisha Amisom ee Jubbaland wuxuu ka dhagaystay Xaalada Amni ee [...] Source
  3. MOGADISHU (HOL) - The Federal Government could be headed for yet another collision course with Jubbaland administration after it announced Sunday new parliamentary and presidential elections in the southern state. Source: Hiiraan Online
  4. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdillaahi Cukuse ayaa ka hadlay kulankii shalay dhex-maray Madaxweynaha Somaliland iyo waxgaradka beesha West Burco Clan, Halkan joose ka DAAWO Source
  5. Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu qayb ka yahay guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-gareen,guddoomiyaha Golaha Wakiilada Koonfur-galbeed iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka ayaa magaalada Baydhabo si weyn ugu soo dhoweeyay wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo uu qeybta ka yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad. Wafdigan ayaa magaalada Baydhabo uga qayb galaya furitaanka kalfadhiga 5-aad ee golaha wakiilada Maamulka Koofur-Galbeed,Guddoomiye Mursal ayaa waxaa safarkiisa Baydhabo ku wehliya Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo Wasiiro. Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo shalay magaaladaas uu gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxwaynaha Maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  6. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in xarunta Wasaaradda maaliyadda uu maanta kula kulmay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo ku-xigeenkiisa arrimaha Maaliyadda Ibraahim Dheere. Wuxuu sheegay Wasiir Beyle in arrimaha ay ka wada hadleen ugu muhiimsan tahay dar dargelinta howlaha lagu kobcinayo dakhliga dalka iyo sare u qaadista kaabayaasha dhaqaalaha. “Arimaha ugu muhiimsan ee aan ka wada hadlnay waxaa ka mid ahaa wada shaqeynta iyo dar-dar gilinta howlaha lagu kobcinayo Dakhliga Dalka,” ayuu yiri Wasiir Beyle. Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadad Soomaaliya ayaa sheegay in dhammaantood ay ka go’an tahay in si wadajir ah ugu wada sahqeeyaan horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa 24-kii September qortay in askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo gaaraya 300 islamarkaana Muqdisho laga qaaday laga dajiyay degamada Baardheere ee gobalka Gedo, kuwaas oo qeyb ka ah ciidamo badan oo dowladda ay ku daad gureyneso gobolka Gedo. Halka ka aqri. Waxaa warbixintaas ku jiray in ciidamadaas ay qeyb ka yihiin qorshe ay dowladda dooneyso inay guud ahaan ku wada qabsato gobolka Gedo, kadibna u gudubto Jubbada Dhexe, si ay Axmed Madoobe ugu soo reebto kaliya dhowr degmo oo ka tirsan Jubbada Hoose. Go’aankii dowladda ay shalay ugu dhowaaqday habraaca doorashada madaxweynaha Jubaland ayaa si rasmi ah banaanka u keenay qorshihii dowladda ay billowday toddobaayo ka hor ee Caasimada Online shaaca ka qaadday. Sida aan xogta ku helnay mar kale, doorashada dowladda ay qorsheeneyso inay u qabato Jubaland ayaa lagu soo dhisi doonaa maamul cusub oo dowladda taageersan, kaasi oo xaruntiisa ay noqon doonto magaalada Garbahaarey ee xarunat gobolka Gedo inta laga xoreynayo magaalada Bu’aale oo ah caasimadda rasmiga ah ee Jubaland Maamulka cusub ayaa noqon doona mid ay aqoonsan tahay dowladda federaalka ah, sidoo kalena la isku dayi doono in beesha caalamka laga dhaadhiciyo inay aqoonsato, inkasta oo aan la hubin inay taasi dhici doonto. Go’aankan ayaa waxaa si gaar ah u qaatay madaxweynaha Soomaaliya oo ka sokow loolanka dowladda federaalka ah iyo kan Jubaland ay xiisaddan ku riixeyso loolan u dhaxeeya beesha uu kasoo jeedo iyo beesha Axmed Madoobe oo sanado badan isku haya maamulka Kismaayo. Qorshaha cusub ee dowladda ayaa kasii dari doona xaaladda Jubaland oo laga cabsi qabo inay gaarto heer dhiig badan uu ku datao. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Hay’adda Hormuud Foundation ayaa waxay deeq Raashin gargaar ah oo isugu jirta Bariis, Sokor, Bur iyo Saliid u qeybisey ilaa 300 Boqol oo qoys, kuwaasi oo ah Qoysas dhowaan ku barakacay abaaraha ka taagan Gobolka iyo duqeymaha Ciidamada kenya ay ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolkaas Gedo. Qoysaskan la siiyey gargaarka raashineed ee isugu jira haween, Caruur iyo dad waayeel ah ayaa waxay ka soo kala barakaceen deegaanada Geriley, Faafaxdhuun, Cawsquran, Daarasalaam iyo dhamase, waxayna muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo qul qulayeen degmadsa Baardheere, iyagoona ku biirey ilaa labo xero ee ku yaala duleedka Baardheere. Cabdullaahi Nuur Xasan, Cadow oo ah Guddoomiyaha degmada Baardheere iyo Cabdullahi Sheekh Cabdiraxman Qaadi Guddoomiye Ku xigenka Gobolka Gedo ayaa ku ammaaney Gargaarka Raashineed ee Hormuud Foundation ay soo gaarsiisey Qoysaskaasi, waxuuna sheegay gargaarka noocani oo kale ah in wax weyn uu ka tari doono Nolosha Qoysaska barakacayaasha oo xaaladoodu ay aad u liidatey. Mas’uuliyiintii ka hadashey goobta lagu qeybinayey Raashinka Gargaarka ayaa waxaa ka mid ahaa howl wadeeno ka socdey Hormuud Foundation iyo xubno kale oo ka kala socdey Odoyaasha dhaqanka iyo weliba Ururka haweenka Baardheere. Shirkadda Hormuud Telecom ayaa noqotay shirkadii ugu horeysay ee ka soo jawaabtey Baaqii qeylo dhaanta ahaa ee la xariiray Abaaraha ee ka kala imaanayey Mas’uliyiinta Gobolka Gedo iyo Maamulka Degmada Baardheere. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  9. (SLT-Hargeysa)-Abwaan Cismaan Kujare ayaa gabay cajiib ah ka tiriyay xaaladda uu dalku marayo, Halkan hoose ka DAAWO https://www.youtube.com/upload Source
  10. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo burcad ah ay ka geysteen xaafadda Kaawo Godey degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Dilka ayaa la sheegay in loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray, Cismaan Maxamed Nuur. Marxuumka walaalkiis oo lagu magacaabo Aadan Maxamed Nuur ayaa Shabelle u sheegay in raggaa dilka geystay oo ku hubeysnaa qorayga Ak47 ay goobta ka baxsadeen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/cod-jaamac-1.mp3 View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-072019-ok.mp3 View the full article
  12. Wasiirka cadaalada Puntland, Cawil Sheikh Xaamid, taliyaha ciidanka booliiska Puntland Muxidiin Axmed Muuse iyo xoghayaha degmada Garowe Maxamuud Cali Gurey, ayaa maanta kormeer ku sameeyay howlgalka bananaynta dhulka dowladda. Masuuliyiinta ayaa ka jawaabay cabashooyinka shacabka kasoo yeeray islamarkaana sheegay inay dowladdu dhegaysanayso cid waliba oo dood ka qabta tilaabooyinka dowladdu wado. Kadibka kormeerka, warbaahinta Puntland Post ayaa wareysatay masuuliyiinta, waxaana aan weydiinay inta uu soconayo howlgalka iyo qorshaha ku xiga kadib bur burinta. Halkaan ka daawo. The post Masuuliyiin katirsan Puntland oo kormeer ku sameeyay howlgalka bananaynta dhulka danta guud appeared first on Puntland Post.
  13. (SLT-Hargeysa)-HARGEYSA: Bulshada Oo Ku Kala Aragti Duwan Cafinta Caarre, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo si dadban ugu jira olole doorasho, ayaa todobaadkan waxa uu lacag ugu deeqay dib u dhiska buundada Baardheere ee gobolka Gedo. Ma aha markii ugu horeysay ee ra’isul wasaaraha lacag bixiyo waxaa uu horay u siiyey qaar ka tirsan bulshada Galmudug iyo Koonfur galbeed si loogu dhiso garoomo iyo goobo kale. Su’aalo badan ayaa ka taagan halka ay lacagtaasi ka timid, waayo qoraallada rasmiga ah waxaa ku xusan in ra’isul wasaaraha bixiyey lacagtaas, oo u muuqata mid jeebkiisa ah. Si aan u hubsanno halka lacagtaasi ka timid, ayaan la xiriirnay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka, xubnaha guddiga waxaa ay xaqiijiyeen in aaney jirin meel lacagahaasu uu ra’isul wasaare Kheyre bixinayo ugu jirtay miisaaniyadda qaranka ee 2019. Guddiga ayaa meesha ka saaray in guddigooda uu ka warqabo, oo lagu soo celiyey, waxaa ay balanqaadeen la xisaabtanka ra’isul wasaaraha iyo iney shacabka u soo bandhigi-doonaan halkuu ka keenay, iney lacagta tahay midda qaranka iyo mid jeebkiisa ah uu isku suuqgeynayo. Lacagaha uu ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre bixiyey waxaa ka mid ah: $227,167 oo uu ku baxday Dhismaha Garoonka Cabdullahi Ciise, Galkacyo, Mudug. $220,000 Dhismaha Garoonka kubadda cagta ee Cawaale, Galkacyo, Mudug. $150,000 Dollar oo lagu horumarinayo garoonka kubadda cagta ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo, Bay. $150,000 oo lagu bixiyey garoonka kubadda cagta ee Dr. Waaberi ee Xudur, Bakool $317,000 oo dib loogu dhisayo Buundada Baardheere ee gobalka Gedo. Waxaa kale oo su’aalo laga keenay lacag gaareysa $4,250,000.00 oo lagu iibiyey safaaradda Soomaaliya ee Washington DC, lacagtaasi sidoo kale kuma jirin miisaaniyadda 2019-ka, lamana weydiisan baarlamaanka labadiisa aqal, ilaa hadda Villa Somalia wax jawaab ah lagama hayo. Waxaa jiro warbixin taalo keyda golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah oo maqal iyo muuqaal ah, oo xisaabiyaha guud ee dalka ay ku qireyso in maamulka Farmaajo uu leeyahay akoon ka furan dalka Turkiga, kaas oo dowladda u isticmaasho sababo kala duwan. Isha: Goobjoog News
  15. Kismaayo (Caasimada Online ) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo saacadihii la soo dhaafay ciidamada daraawiishta maamulka Jubbaland ay ka sameeyeen duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa laga fuliyey agagaarka deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 55 KM dhinaca bari ka xiga magaalada Kismaayo. Khiyaar Cabdi Maxamed oo ah abaanduulaha guutada koowaad ee ciidanka daraawiishta Jubbaland oo la hadlay ka warbixiyey howlgalladaasi iyo sida ay wax u dhaceen. Abaanduulaha ayaa sheegay in iska hor imaad dhexmaray iyaga Al-Shabaab lagu dilay ku dhowaad 20 ka tirsanaa dagaalyahannada kooxdaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgalladaasi xubnaha lagu dilay ay ku jiraan madaxii Shabaab u qaabilsanaa deegaanada galbeedka Kismaayo iyo madaxii miinooyinka oo uu magacyadooda ku soo koobay Tasmiir iyo Cadaani. Waxa kale uu xusay Abaanduuluhu inay la wareegeen gacan ku heynta tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Ururka Al-Shabaab oo ku aadan iska hor imaadkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  16. A delegation led by Djibouti national assembly speaker, Mohamed Ali Hamud arrived in the Somali capital, Mogadishu on Monday. He was welcomed by senior Somali government officials led by Somali Lower House, Mohamed Mursal Sheikh upon arrival at Adden Abdule International Airport. Somali Lower House speaker and his Djibouti counterpart are expected to arrive in Baidoa, the interim administrative capital of Southwest state to take part in the opening ceremony of the regional assembly session. Djibouti national assembly speaker, Mohamed Ali Hamud will also be a chief guest at the sixth session of the Somali Lower House of parliament which is slated on Wednesday 9th October. President, Mohamed Abdullahi Farmajo is expected to preside over the opening ceremony at the new temporary assembly building constructed by the Turkish Cooperation and Coordination Agency ( TIKA). Somalia and Djibouti share strong diplomatic and ties that are backed by Mogadishu’s historic role in Djibouti’s struggle against the French colony. President, Mohamed Abdullahi Farmajo government strongly backs Djibouti bid for UN security council seat. View the full article
  17. Puntland President Said Abdullahi Deni on Monday appointed two regional police chiefs for Nugaal and Sanaag, according to a statement released by the presidency. Bashir Ali Mohamed was named as the new Sanaag regional police chief while Mumin Abdi Shire becomes Sanaag province’s police boss. The appointment comes amid police operations in the Bari region, targeting Al-Shabab and ISIS hideouts, in response to the growing insecurity acts in the mountain areas. The US has stepped-up airstrikes against the militants in the Puntland State of Somalia as part of the counter-terrorism operations in the Horn of Africa country. View the full article
  18. Ra’isul wasaaraha federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa todobaadkan waxaa lacag ugu deeqay dib u dhiska buundada Baardheere ee gobolka Gedo. Ma aha markii ugu horeysay ee ra’isul wasaaraha lacag bixiyo waxaa uu horay u siiyey qaar ka tirsan bulshada Galmudug iyo Koonfur galbeed si loogu dhiso garoomo iyo goobo kale. Su’aalo badan ayaa ka taagan halka ay lacagtaasi ka timid, waayo qoraallada rasmiga ah waxaa ku xusan in ra’isul wasaaraha bixiyey lacagtaas, oo u muuqata mid jeebkiisa ah. Si aan u hubsanno halka lacagtaasi ka timid, Goobjoog News waxaa ay la xiriirtay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka, xubnaha guddiga waxaa ay xaqiijiyeen in aaney jirin meel lacagahaasu uu ra’isul wasaare Kheyre bixinayo ugu jirtay miisaaniyadda qaranka ee 2019, iyaga oo meesha ka saaray in guddigooda uu ka warqabo, oo lagu soo celiyey, waxaa ay balanqaadeen la xisaabtanka ra’isul wasaaraha iyo iney shacabka u soo bandhigi-doonaan halkuu ka keenay, iney lacagta tahay midda qaranka iyo mid jeebkiisa ah uu isku suuqgeynayo. Lacagaha uu Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre Bixiyey Waxaa Ka Mid Ah: 1. $227,167 oo uu ku baxday Dhismaha Garoonka Cabdullahi Ciise, Galkacyo, Mudug. 2. $220,000 Dhismaha Garoonka kubadda cagta ee Cawaale, Galkacyo, Mudug. 3. $150,000 Dollar oo lagu horumarinayo garoonka kubadda cagta ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo, Bay. 4. $150,000 oo lagu bixiyey garoonka kubadda cagta ee Dr. Waaberi ee Xudur, Bakool 5. $317,000 oo dib loogu dhisayo Buundada Baardheere ee gobalka Gedo. Waxaa kale oo su’aalo laga keenay lacag gaareysa $4,250,000.00 oo lagu iibiyey safaaradda Soomaaliya ee Washington DC, lacagtaasi sidoo kale kuma jirin miisaaniyadda 2019-ka, lamana weydiisan baarlamaanka labadiisa aqal, ilaa hadda Villa Somalia wax jawaab ah lagama hayo. Waxaa jiro warbixin taalo keyda golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah oo maqal iyo muuqaal ah, oo xisaabiyaha guud ee dalka ay ku qireyso in maamulka Farmaajo uu leeyahay akoon ka furan dalka Turkiga, kaas oo dowladda u isticmaasho sababo kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Sida goor dhow lagu baahiyey warbaahinta ku hadasha afka dowlad goboleedka Jubbaland, ciidamada daraawiishta ee maamulkaasi ayaa howlgallo waxay ka sameeyeen tuulooyin hoostaga deegaanka Caballa Biroole oo qiyaastii 55-km dhanka bari kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Howlgalladan ayaa la sheegay in ciidanka Jubbaland ku dileen 20 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, kuwo kalena lagu dhaawacay. Abaanduulaha Guutada 1-aad ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Khiyaar Cabdi Maxamed ayaa sheegay in xubnaha Al-shabaab laga dilay uu ka mid ahaa madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa deegannada galbeed ee Kismaayo iyo madaxii Miinooyinka oo lagu kala magacaabi jiray Tasmiir iyo Cadaani kuwaas oo ay Ciidamada Jubbaland ay muddo ku raad joogeen. Ciidamada Daraawiiishta Jubbaland ayaa hadda gacanta ku haya islmarkaana xaqiijiyay amaanka Tuulooyinka hoos yimaada deegaanka Cabdalla Biroole. Al-shabaab weli dhankooda kama aanay hadal sheegashada Jubbaland ee ah iney dishay xubnahan ka mid ahaa ururkooda. Hoos ka arag sawirada: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Jowhar (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf hore leh oo ka dhashay dhismaha golaha deegaanka Buulo-Burte uu ka taagan yahay HirShabelle. Sida ay ogaatay Caasimada Online khilaafka ayaa wuxuu u dhexeeyaa wasiirka arrimaha gudaha ee HirShabelle iyo odayaasha dhaqanka ee degmadaasi. Waxgaradka Buulo-Burte ayaa ka horyimid dhismaha golaha deegaanka, waxaana ay shuruud ka dhigeen in marka hore loo sameeyo degmooyinka Jowhar iyo Beledweyne. Dhankiisa wasiir Maxamed Cali Caadle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay qasab tahay in la dhiso golaha deegaanka degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. “Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa gole deegaan sameystay degmada War-Sheekh,waxaana qasab ah in degmo ka mid ah Hiiraan sameysato Gole degaan si kuwa Jowhar loo dhameystiro.” ayuu yiri wasiir Caadle. Warsheekh ayaa noqotay degmadii ugu horreysay ee yeelata gole deegaan, marka loo eego degmooyinka kale ee HirShabelle. Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
  21. (SLT-Hargeysa)-Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sheegay in uu aqbalay codsigii shacabka Hargeysa ee ahaa in uu maayir ka noqdo magaalada Hargeysa. Cabdikariin Axmed Mooge ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa facebook waxa uu ku yidhi “Waxaan ahay qof idinla wadaaga dareenka jacayl ee aad u qabtaan magaaladeena Hargeysa, waxaan sidoo kale aaminsanahay awooddiina markaad qabiilka iska dhaaftaan ee aad dhexdiina midaysantihiin! Waxaan codsigiina kaga jawaabayaa ducadan: ” hadaan khayr idiin leeyahay oon ahay mid rumayn kara waxaad iga filaysaan Allah hayga kiin dhigo Maayar! Hadiise aan noqonaayo heeryadii cune, markuu kursiga fuulo Alle iyo dadkiisaba ilawaaya! Alle igama kiin dhigo Maayar ee mid iga wanaagsan Allah haydin siiyo” Waxaan kaloon balanqadayaa in intiina qabta dareenkan in aan isu kiin keeno, idin dhagaysto, ana I dhagaysataan, tashano si aan u gaadhno go’aan iyo talo aynu wada leenahay, talo iyo go’aan ka xor ah qabiil tageersiga halkaa ina dhigay.” Source
  22. Abbaan-duule khiyaar Cabdi Maxamed Ciidanka Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen ilaa 20 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab. Ciidanka ayaa sheegay in hawlgalka ay ka fuliyeen tuulooyin hoos yimaada degaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 55km dhanka bari ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose. Telefishinka Jubbaland TV oo xiganaya Abaanduulaha Guutada 1-aad ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Khiyaar Cabdi Maxamed ayaa xaqiijiyay in xubnaha howlgalka lagu dilay uu ka mid ahaa madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa degaannada galbeed ee degmada Kismaayo. Sidoo kale wuxuu sheegay in malayshiyaadka la dilay ay ku jiraan xubno Miinooyinka u qaabilsanaa Al-shabaab oo uu magacyadooda ku sheegay Tasmiir iyo Cadaani kuwaas oo ay Ciidamada Jubbaland ay muddo ku raad joogeen. Ciidamada Daraawiiishta Jubbaland ayaa sheeganaya hadda in ay gacanta ku haya islmarkaana xaqiijiyeeb amaanka Tuulooyinka hoos yimaada degaanka Cabdalla Biroole. PUNTLAND POST The post Ciidamada Jubaland oo shaaciyay in ay dileen 20 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  23. (SLT-Kismaayo)-Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed (Jindi) oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey in markale dib loo dhigay xafladda caleema saarka ee Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Jindi oo wareysi siiyey Idaacadda Risaala ayaa sababta ku sheegay in weli ay caqabado ka jiraan safarada lagu tagayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale wuxuu sheegay in xayiraada dowladda Soomaaliya ay saartay Kismaayo ay saameysay dhammaan mas’uuliyiinta iyo xubnaha ka soo qeyb gali lahaa munaasabadda. “Way iska cadahay adeer sababtu wax kale ma’ahin carqalado fara badan ayaa waxa ay ka timid safaradii lagu soo aadi lahaa Kismaayo.” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdirisaaq Jindi. Xildhibaanku Muu shaacin xilliga rasmiga ah ee la qabanayo caleema saarka, balse wuxuu carabka ku dhuftay in xafladda ayna dhaafi doonin todobaadka dambe. Khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa sii xoogeysanaya, iyadoona xalay dowladdu ay soo saartay habraaca doorasho ay ka qabaneyso maamulkaasi. Source
  24. Magaalada Muqdisho waxaa saakay ka da’ay roob saacado socday, kaasi oo saameyn weyn ku yeeshay isku socodkii dadweynaha iyo sidoo kale dadka barakacayaasha ah. Biyahii kasoo hooray roobkay ayaa waxay buux dhaafiyeen waddooyin muhiim ah oo magaalada Muqdisho ah, waxayna taasi keentay in gaadiid badan ay ka baqaan ku socoshada biyahaasi. Wadada Makka Al-mukarrama oo ah waddo aad u mashquul badan ayaa la arkayey iyadoo gaadiidka aanay sidii hore ugu socon, waxaana wadadaasi aad u mara biyaha kasoo rogmada xaafadaha ku dhow. Dhanka kale, kamaamka ku yaalla Muqdisho iyo duleedyadeeda waxaa saameeyey roobkan maadaama ay ka sameysan yihiin cooshado aan u adkeysan karin biyaha. Dadkan ayaa u baahan gurmad degdeg ah oo waliba dhan walbo ah, waxaana hadda ugu daran meel ay gambaad ka dhigtaan si iyaga iyo carruutooda aanu u saameyn roobka kale ee imaan kara. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaraaha Aadan Cadde si diiran ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Dhanka kale Guddoomiye Mursal iyo dhiggiisa Jabuuti Maxamed Cali Xumad ayaa lagu wadaa inay gaaraan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo ay si wadajir ah uga qayb galayaan furitaanka kulanka Baarlamaanka Koofur Galbeed. Booqashada Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa qaadan doonta dhowr maalmood, isagoo ka qayb geli doona Kalfadhiyada Baarlamaanada Federaalka Soomaaliya iyo kan Koofur Galbeed oo todobaadkan furmaya,Guddoomiye Mursal ayaa waxaa safarkiisa Baydhabo ku wehliya Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo Wasiiro. Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo shalay magaaladaas uu gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxwaynaha Maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article