-
Content Count
215,071 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa walaac xooggan ka muujiyey halka uu ku socda kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay, ayuu Xasan Sheekh walaac uga muujiyey in laga yaabo in sida wax u socdaan ay hoggaamin karto in kiiska badda lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda cadaaladda ah ee ICJ. “Maxaa ku dhacay kiiskeenii badda ee maxkamadda ICJ? Dadkeena waxay xaq u leeyihiin sababta iyo sida kiiska dib loogu dhigay? Mise tani waxay billow u tahay heshiis ka baxsan maxkamadda?” ayuu yiri Xasan Sheekh. “Dowladdeena waa inay banaanka timaadaa oo ay jawaabo ku habboon siisaa shacabka Soomaaliyeed ee jawaabaha u qeylinaya” ayuu yiri Xasan. Hadalkiisa ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan su’aalaha ku saabsan sababta kiiska dib loogu dhigay, ayada oo Soomaaliya aysan raali ka ahayn, maadaama xeerarka maxkamadda ICJ ay dhigayaan in kiis aysan labada dhinac isku raacin aan dib loo dhigi karin. Sidoo kale aamusnaanta xukuumadda hadda jirta, oo ku caan baxday inaysan dadka la hadlin, ayaa sii kordhisay walaaca ay dadka qabaan, waxaana hadda jirta tuhun la xiriira in dowladda laga yaabo inay ogolaatay in kiiska dib loo dhigo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dad Soomaaliyeed, oo aad u qalbi wannaagsan, balse fahamka dowladnimo uu ku yar yahay, ee mucaaradnimada u arka dhib dowladnimada lagu hayo, ayaa waxay madaxweyne Cabdiqaasim u isticmaalaan qof mucaaradnimada neceb. Dadkaas xitaa taariikhda dhoweyd ayaa faham ahaan ku yar. May 23, 2008, ciidamo Itoobiyaan ah iyo qaar ka amar qaata madaxweynihii talada hayay ayaa waxay gurigiisa ku weerareen madaxweynihii ka horeeyay Cabdiqaasim Salaad Xasan. In kastoo oo sii nabad ah xilka ugu wareejiyay madaxweynaha doorashada kaga guuleystay October 10, 2004 shirkii Embaghati, hadda madaxweyne Cabdiqaasim wuxuu Cabdulaahi Yuusuf ku noqday mucaarad aad uga soo horjeeda siyaasaddiisa. Cabdiqaasim iska daa keliya in uu afka uun wax ka mucaarado, ama sameysto xisbi nabadeed, wuxuu kow la shaqeeyay wasiiradii hubeysnaa Muuse Suudi, Qanyare, Caato oo garab u ahaa Shariif Xasan ee diiday go’aanka Cabdullaahi Yuusuf ee ahaa in Baydhabo ay caasimad noqoto. Tusaale ahaan, Jan 1, 2006, wasiiradaas, Shariif Xasan iyo Cabdiqaasim waxay ka shaqeeyeen sidii magaalada Muqdisho loogu samayn lahaa maamul bar bar socda kii uu Cabdullaahi Yuusuf magacaabay, waxayna guddoomiye ka dhigteen Maxamed Cumar Tootow. Muuse Suudi oo kow taageeray Tootow doorashadiisa, ayaa haddana markii dambe diiday sheegayna in ninkaas ay qaraabo yihiin Cabdiqaasim, asagana uu daba ka riixayay. Cabdiqaasim wuxuu u hambalyeeyay Guddoomiye Tootow. Isla sannadkaas oo ay wasiiradii hubeysnaa iyo maxaakiimtii isku dhaceen, Cabdiqaasim wuxuu si furan u taageersnaa maxaakiimta iyo dagaaladii ay maamulkii Cabdullaahi Yuusuf la galeen. Madaxweyne Cabdiqaasim oo degannaa Muqdisho, wuxuu Qaahira u guuray kaddib markii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu mucaaradnimo darteed u beegsaday. Maalinta gurigiisa la weeraray, wuxuu la hadlay warbaahinta, eedda dusha uga tuuray Cabdullaahi Yuusuf. Ayaantaan waxaan arkaa ayadoo aad loo isticmaalayo hadal madaxweyne Cabdiqaasim uu ku dhaliilayo mucaaradka asagoo yiri: “Kuwa mucaaradaya dowladda waa kuwii i mucaaraday anigoo ina adeerkood ah, mucaaradnimo ma wadaan ee waa dowlad diidnimo”. Sidoo kale waxaan arkaa dad dhahaya madaxweynayaashii hore ee maamulka hadda jira mucaaradaya waxaa wannaagsaneyn in ay madaxweyne waddani Cabdiqaasim ku deydaan, oo weligiisa dowladnimo ma mucaaradin. Cabdiqaasim wuxuu ahaa mucaarad daran, waana wax caadi ah, dhaliilna kuma leh maxaad mucaarad ugu noqotay dowlad, asagna yuusan dadka ku eedeyn. Dowladnimadeena sida ay ugu baahan tahay hoggaamiyayaal ku ad adag danaha qaranka, sharciga iyo hufnaanta, ayay ugu baahan tahay mucaarad intaas uga sii adag. Weliba madaxweyne Cabdiqaasim sanadihii uu mucaaradka ahaa ayuu ka abaabul iyo shaqo badnaa intii uu madaxweyne ahaa! Cabdullaahi Yuusuf asagoo ah madaxweynaha Puntland ayuu mucaarad daran ku ahaa madaxweyne Cabdiqaasim. Hadal uu jeediyay markii uu madaxweyne Cabdiqaasim xilka ku guuleystay ayaa wuxuu sheegay hadal gaariisan heer shaqsi oo ah inuu da’ ahaan Cabdiqaasim is yareeyo, Cabdiqaasim xaaskiisa in ay isku fiicnaayeen, balse uusan aqoon shaqsi ah u lahayn…. kaddibna ninkaas sidaas mucaaradka u ahaa ayaa noqday madaxweyne! Farmaajo ha guuleysto, mucaaradka nabad wax ku mucaaradayana ha guuleystaan, dowladnimadana intaas ayaa guul u ah! W/Q: Xasan Aadam Hoosow AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Click here to read more Qaran News
-
WASHINGTON (Reuters) – Somalia will press ahead with poverty reduction efforts and a major regional ports and corridors initiative if international creditors forgive the country’s $5 billion debt this February, as expected, the country’s finance minister said on Sunday. Finance Minister Abdirahman Duale Beileh said he was heartened by progress made during discussions with officials from the United States, Somalia’s biggest creditor, Britain, and others during the IMF/World Bank annual meetings this past week. “Things are looking up … Everybody was positive,” Beileh told Reuters in an interview. He said U.S. and other officials were pleased with Somalia’s strong performance in hitting key benchmarks in a program to work toward debt forgiveness. International Monetary Fund Managing Director Kristalina Georgieva on Saturday pledged the IMF’s full support for Somalia’s push for debt relief in the “near future.” The African nation has about $4.7 billion in external debt, which the IMF has declared to be unsustainable. The Fund is analyzing the exact grants needed from members to address Somalia’s debt arrears ahead of a board meeting in mid-November, Beileh said. Britain, the European Union and Qatar had offered to cover about $150 million of the roughly $330 million that Somalia owes the IMF, he said. The U.S. Treasury, which is owed $1 billion by Somalia, had played a role in encouraging support from other IMF members, and was in talks with Congress about steps needed to erase the big bilateral debt pile. “They were very skeptical when our government started, but now they are saying Somalia has traveled enough,” he said. Once it obtains debt relief, Somalia is negotiating to receive grants worth about $300 million per year for the next three years, Beileh said. That will allow it to start spending on projects to reduce poverty by improving education and healthcare, shoring up water and electricity supply and investing in other critical infrastructure projects, he said. After 30 years with little international support, Somalia has needs “on every corner,” he said. “The country is in bad shape, and that is an understatement. You name it, we need it.” Beileh said Somalia was also working with neighbors Kenya, Eritrea, Ethiopia and Djibouti on a five-year, $15 billion project to establish ports and transportation corridors. Backed by the EU, the African Development Bank and the World Bank, the project will help boost trade in the region, he said. “Somalia is very committed to doing its part. I think we really have turned the corner. And when people are committed, they will do miracles,” he said. Source: Reuters Reporting by Andrea Shalal; Editing by Steve Orlofsky
-
Ururka Vosomwo Oo Kulan Balaadhan Hablaha Hargeysa Kaga Wacyi-Geliyey Aafada Tahriibta Ururka hablaha ee VOSOMWO ayaa kulan hablaha lagaga wacyigalinayo aafada ay Tahriibtu leedahay waxay ugu qabatay magaalada Hargeysa. Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen hablo iskaga kala yimid xaafadaha magaalada Hargeysa, gaar ahaana Daami, Maxamed Mooge, Istaad House-ka iyo meelo kale oo Caasimada ka mid ah ayaa kulankaasi looga soo jeediyey hadalo dardaaran iyo hoga sutaalayn ah oo ku saabsan aafada iyo dhibaatada Tahriibku leeyahay. Ugu horayn waxa kulankaasi ka hadashay Hibaaq Axmed oo ah gudoomiyaha ururka haweenka ee VOSOMWO, waxaanay hadalkeeda ku bilawday “Kulankan aynu maanta isugu nimid waxa uu daaran yahay sidii looga wacyigalin lahaa hablaha dhalinyarada ah dhibaatada ay tahriibtu leedahay, kuwii ay ku dhacday sidii talo loo siin lahaa ee maskaxdooda looga maydhi lahaa dhibaatooyinkii ay kala kulmeen tahriibta, gaar ahaan hablaha tacadiyada ka dhanka ah ee marka ay tahriib isku dayaan ama ay tahriibaan hablaha soo gaadha. Ujeedada labaad ee aynu iskugu nimid waxa weeyi sidii hablan aynu ugu samayn lahayn urur (association) iyaga isku xidha oo xogtooda ay ku kala qaataan, anagana ay nagula soo xidhiidhaan, taas oo iyagii u sahlaysa inay iyaguna wacyigalin sameeyaan oo ay ka wacyigaliyaan xaafadihii ay ka kala yimaadeen, haday tahay Daami B iyo haday tahay Daami A, Istaad House-ka iyo Maxamed Mooge, ay ka wacyigalinayaan dhibaatada ay tahriibtu leedahay hablaha da’da yare e iyaga oo kale ah oo ay u sheegayaan dhibaatada Tahriibtu ay leedahay, iyo inay tahay wax xun oo qofka aan u fiicnayn oo aanu waxba ka faa’iidayn, Markaa ujeedada aynu maanta isugu nimid intaasay tahay. Waxaan rajaynayaa in habluhuna wax badan ka faa’iidi doonaan oo ay fariintan sii gaadhsiin doonaan Hablo kale oo farabadan, Insha Allaahu,” ayay tidhi Marwo Hibaaq Axmed oo ah gudoomiyaha ururka haweenka ee VOSOMWO. Sidoo kale waxa isaguna kulankaasi ka hadlay Yuusuf Timacade oo ka socday dalada SIHA Network, waxaanu ugu horayn faahfaahin ka bixiyey daladan SIHA Network iyo waxyaaalaha ay qabato waxaanu yidhi “SIHA Network waa collision ama isbahaysi ka shaqeeya wadamada Geeska Afrika gaar ahaana sideed wadan oo Geeska Afrika ku yaala. Hawshan aanu la wadno VOSOMWO-na Hargeysa oo kaliya kama socoto ama Somaliland oo kaliya balse waxaad qayb ka tihiin dedaal loogu jiro in lagu caawiyo ama wax loogu qabto hablaha ay waxyeeladu ka soo gaadhay intay tahriibeen oo ay socdaaleen kadibna wadamadii ay tageen waxyeeladu ka soo gaadhay ama jidka intii ay ku sii jireen ay waxyeeladu ka soo gaadhay in lagu waaciyo, waxaanu ka socdaa Somaliland, Ethiopia, Sudan iyo South Sudan, intaas oo wadan ayuu ka socdaa, waana jidka ugu badan ee la maro marka Yurub la tagayo,” ayuu yidhi Yuusuf Timacade oo ka socday dalada SIHA Network. Waxa isaguna madasha kulankaasi lagaga wacyigalinayey Hablaha dhibaatada tahriibka ka hadlay Siyaasi Galaal, waxaanu yidhi “Aafada Tahriibta waynu wada aragnaa, balse su’aasho waxay tahay, Maxaa hablahan kaxaynaya? Sidaynu ognahay habluhu waxbay barteen, waxay u baahan yihiin in la jiheeyo oo wixii ay barteen inay ku shaqeeyaan ah. Hadii laakiin aanay cidi usoo jeedsanayn, oo aanay cidi daba gaayn, hablo may tahriibeen, awal hadii la arki jiray dhalinyaro wiil ah oo baxa, hada hablaha ayaa tahriiba, anigu waan garanayaa oo dad badan oo tahriibay ayaan ka war hayaa. Muhiimada koowaad ee aan doonayo inaan halkan ka sheegayaa waxa weeyaan in Dumarka cid kasta laga horaysiiyo oo ahmiyad gaar ah la siiyo sidii loo jihayn lahaa oo laga horaysiiyo ragga,” ayuu yidhi Siyaasi Galaal. Dhinaca kale waxa isaguna kulankaasi ka hadlay Axmed Xuquuq oo ka socday ururka la yidhaa Isbahaysiga Ururka Madaxabanaan (ISCO), waxaanu yidhi “Anigu runtii hadal badan odhan maayo, waxaan ka socdaa urur ama Isbahaysi la yidhaa ISCO oo bulshada rayidka ah oo madaxbanaan, arintaasi Tahriibkana hablo iyo inamoba waxaan leeyahay ha laga feejignaado,” ayuu yidhi. Gabogabadii kulankaasi ayaa waxa ka hadlay Axmed Cige Tiigsi oo ah la taliyaha Gudoomiyaha Barakacayaasha waxaanu yidhi “Tahriibka waxa keena arin la yidhaahdo (Pull and Push) oo macnaheedu yahay maxaa Kiciyey ama Jiitay, markaa in wax laga qabto waxyaalaha kicinaya ee shaqo la’aantu ay ka midka tahay aadbaan ugu faraxsanahay, waxa kale oo aan ku faraxsanahay shaqada aan qabto oo ah ka hortaga aafada Tahriibta,” ayuu yidhi Axmed Cige Tiigsi oo ah la taliyaha Gudoomiyaha Barakacayaasha. https://m.youtube.com/watch?v=_b0Pci9ZMm0 Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubanaha-20-102019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Warta-Nabadda ee gobolka Banaadir Seynab Xaabsey ayaa dalka dib ugu soo laabatay, kaddib dhaawac halis ahaa oo ka soo gaaray qaraxii 24-kii July ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar. Seynab oo markii ay ka soo dagtay garoonka Aadan-Cadde la hadashay warbaahinta Qaranka ayaa wacad ku martay in aysan dalkaan uga cabsa doonin waxa ay ugu yeertay Argagixiso inta ay Naftu ku jirto. Guddoomiye Seynab oo jir ahaan uu raadad badan ku reebay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee lagu dilay mas’uuliyiin uu ku jiray guddoomiyihii gobolka Banaadir Marxuum Yariisow ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahad celisay garab istaagooda intii ay dhaawaca aheyd. Guddoomiyaha ayaa ka mid aheyd mas’uuliyiintii maamulka gobolka Banaadir ee dhaawacooda loo qaaday magaalada Dooxa ee dalka Qatar, si halkaas loogu soo dabiibo, waxaana xusid mudan in Seynab ay ka mid aheyd dadkii dhaawacyada ugu daran ay ka soo gaareen qaraxaas. “Waxaa laga yaabaa in muuqaalkeyga uu is badalay, balse isma badalin qalbigeyga wax yarna Allaha ka dhigee, Wlh waxaan ku caafimaaday ducadiina, waxaan dalka u halgami doonaa inta aan noolahay” ayey tiri guddoomiyaha degmada Warta-Nabadda. Intii ay ku jirtay qaban qaabada safarka ay ugu soo laabanaysay dalka ayaa waxa ay sheegtay in qaar ka mid ah eheladeeda ay ka naxeen, isla markaana ay uga yimaadeen su’aalo ah “Ma-dalkii aad sidaan ku soo noqotay baad ku laabaneysaa, iska joog halkaan ayaan shaqo kaaga raadinaynaaye”. Balse guddoomiye Seynab ayaa sheegtay in ay aaminsantahay qof walba haduu ka tago dalka in Jiilka mustaqbalka ka leh dalkaan ay sidaan ku sii jiri doonaan. Caga jugleyn iyo isku day kasta oo ay ku carqaladeynayso argagixisadu ayaa waxa ay sheegtay in aysan ka reebi doonin halgankeeda u adeegidda dalka, inta ay Naftu ku jirto. Halkaan ka Daawo: Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (SMN) – Dabley aan wali la aqoonsan ayaa magaaladda Kismaayo ku toogtay Oday dhaqameed aad looga yaqiinay halkaas. Xaaji Saciid Ciise Adoon oo dilkiisa uu ka dhacay xaafadda Calanley ayaa waxaa sidoo kale uu kamid ahaa ganacsatada Jubbaland. Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkan. Laamaha ammaanka dowlad goboleedka ayaa nan wali ka hadlin. Waa nabadoonkii labaad oo dalka lagu dilay saacadihii lasoo dhaafay, waxaana ka horeeyay Oday lagu toogtay magaaladda Afgooye. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dabley hubaysan ayaa goor dhaw ku dishay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose mid ka mid ahaa Salaadiinta reer Jubbaland. Xaaji Saciid Ciise Adoon oo si weyn looga yaqaanay gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo kana mid ahaa Salaadiinta dhaqanka Jubbaland ayaa caawa waxaa dishay koox hubaysan oo afka soo duubatay. Xaaji Adoon ayaa sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland. Dilka Marxuumka ayaa ka dhacay xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo, gaar ahaan halka loo yaqaano Sarta-Calaaca. Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta iskaga baxsatay, waxeyna dadka xaafadaas Caasimada Online u sheegeen in dilka kadib ay goobta gaareen ciidamo boolis ah, kuwaas oo halka uu dilku ka dhacay baaritaano ka bilaabay. Wali ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka ganacsade Adoon oo ragga dilay ay ku sugayeen iridda hore ee gurigiisa. Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa marka laga yimaado in ay magaalooyinka kale ee dalka ula simantahay weerarrada Argagixiso, waxaa iyada u dheer siyaasado cakiran oo ay cagaha la gashay waxii ka dambeeyay markii uu dhamaaday waqtigii hore ee xil heynta Madaxweyne Axmed Madoobe. Caasimada Online Xaafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobalka Banaadir ayaa shaqada ka joojiyay in ka badan 300 oo qof, kuwaas oo ka tirsanaa shaqaalaha dowladda Hoose ee gobalka Banaadir, kadib markii la sheegay in dib u eegis lagu sameeyay liiska shaqaalaha. Caasimada Online ayaa ogaatay in dadka shaqada laga eryay ay isugu jiraan laba nuuc ama shaqo ka joojintooda loo maray laba qaab, taas oo laga yaabo in shaqaale kale ay saameyso. Shaqaalaha shaqada laga joojiyay ayaa lagu sababeeyay labadaan qodob oo kale ah In shaqaalaha shaqada laga joojiyay in badan oo kamid ah aysan hadda dalka ku sugneen oo u baxeen dalka dibadiisa. Dadka maqan waxay isugu jiraan kuwa tahriibay, kuwa kale oo helay fursado dibadda ah oo dhib la’aan ku tagay iyo qaar ku maqan fasax laakiin laga saaray liiska Shaqaalaha. Iyo qaar kale oo laga dalbaday in dib u habeen kadib la yimaadaan saxiixa ama wakiil ka noqdo Xildhibaan kuwaas oo heli waayay Xildhibaankooda halka markii hore ay ku joogeen saxiixa ama ay wakiilo ka ahaayeen odayaashooda dhaqanka iyo siyaasiin aan xil heynin Qaar badan oo kamid ah shaqaalaha lagu sameeyay shaqa joojinta islamarkaana ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay in ay heli la’yihiin Xildhibaankooda dowladda, maamulka gobalkana uu diiday damiinka qof aan aheyn Xildhibaan. “Xildhibaankeyga igama qabanayo Mobile-ka muddo dheer ayaa wacayaa fariin waan u diray xataa odayga dhaqanka waa ka qaban waayay, guddiga waan tusiyay in uusan qabaneyn fariina ka jawaabeyn” ayuu yiri qof kamid ah dadka shaqada laga joojiyay. Xog kale oo aan helnay ayaa sheegaysa in ay jiraan dad ka badan 100 qof oo kale oo laga yaabo in ay saameyso arintaan. Boqolaal kamid ah shaqaalaha dowladda Hoose ayaa qaba walaac xoog leh oo ku saabsan mustaqbalka shaqadooda maadaama Xildhibaanada ay u badan yihiin kuwa aan ka jawaabin Mobile-kooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka maamulka Jubbaland waxaa caawa fiidkii lagu dilay ganacsade caan ah. Marxuum Siciid Ciise Allaha u naxariisee ganacsade Xaaji Siciid Ciise Cabdi oo ku magac dheeraa Siciid Addoon ayaa koox hubeysan ku toogteen gudaha magaalada Kismaayo, waxaana dhaawac lagu geeyey Cisbitaalka magaalada, halkaas oo markii dambe ku geeriyooday. Dilka Marxuum Siciid Addoon ayaa aad looga dareemay magaalada Kismaayo, iyadoo dad kacsana lagu dhex arkayo magaalada Kismaayo. Ma jirto cid ilaa iyo hadda ka hadashay dilka Marxuum Siciid Addoon oo ka mid ahaa ganacsatada ugu waaweyn deegaanada Jubbaland. Bishan October 3-deedii ayay ahayd markii Nabadoon Axmed Jaamac Maxamuud Qalyar uu u geeriyooday dhaawac bishii hore ee September loogu geystay gudaha magaalada Kismaayo. PUNTLAND POST The post Ganacsade caan ah oo lagu dilay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in degmadaas lagu dilay nabadoon caan oo si wayn looga yaqaanay gudaha degmada Afgooye. Waxaa lagu magacaabi jiray nabadoonka ladilay Ibrahim Maxamed Ibrahim. Lama oga sababta loo dilay waxayna goobjoogayaal xaqiijinayaan in lagu dilay bartama magaalada Afgooye. Kooxaha dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana dilka nabadoonka si weyn ugu xumaaday shacabka degmada Afgooye. View the full article
-
Afgooye (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa salaadii Maqrib kadib xaafadda 21-ka October ee degmada Afgooye waxaa ay ku dishay Nabadoon caan ah oo ka mid ahaa Ergadii magaalada Baydhaba ku soo dooratay Xildhibaanada golaha shacabka. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Nabadoon Ibraahim Maxamed Ibraahim waxa uuna ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee degmada Afgooye. Nabadoon Ibraahim ayaa ka mid ahaa Ergadii magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay ku soo dooratay xildhibaanada golaha shacabka ku matala maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Dilka Nabadoonka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Buundo yar oo fariisin ay ku leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in dilka Nabadoonka ay geysteen labo wiil oo dhalinyaro ah, kuwaas oo bistoolado ku hubeysnaa. Goobta uu dilku ka dhacay ayaa aad ugu dhaweed halka ay ku suganyihiin ciidamada dowladda ee barta koontorool ku leh halka loo yaqaano Boondo yar oo lagu baaro gaadiidka soo galaya magaalada. Dableydii dilka geysatay ayaa goobta iskaga baxsatay, waxaana dadka reer Afgooye la yaab ku noqotay in ciidamada dowladda lagu hor dilay mid ka mid ah nabadoonnadii magaalada, hadana aysan wax fal celin ah ka sameyn. Caasimada Online Xaafiiska Afgooye Caasimada@live.com
-
-Mudanayaasha golaha guurtida ayaa ka dooday xeerka ismaamulka goballada iyo degmooyinka ee dhawaan uu ansixiyay golaha wakiilada Somaliland. Xildhibaanada golahan ayaa doodan aad ugu dhaliilay xeerkan oo ay ku tilmaameen mid isku dhexdaadsan oo aan la nidaamin, waxaanay badankoodu soo jeediyeen in dib gudi loogu dhiibo si loo soo saxo degmooyinka iyo gobalada isku khalkhalsan. Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah mudanayaashii doodan ka hadlay waxa uu yidhi “ Xeerkani muugaadhin wakhtigii aan u codayn lahaynba,waxa xeerarka oo dhan inoogu taala gobaladii jiray wakhtgii Ingiriiskii hakii u kala xad ahayd ayaa u kala xad ah kana way ku taalaa, hadana waxa u leeyahay Cadaadlay oo barigii Ingiriiskii Hargeysa laga xukumi jiray Berbera ayaa xukunta, meel kale oo xuduuda ku taalana waxa xukunta Berbera cida xeerkan qortay cid mirqaansan ayay u eegtahay, cid miyir qabta oo odayaal ah oo cadaalad ah oo isku dhaf ah haloo diro.” Xildhibaan Dayib Xasan Axmed ayaa dhankiisa waxa uu sheegay “ maadaama oo uu xeerarka shaqeeyaa baabi’inaayo ama uu laalayo hubsiimo badan ayuu u baahan yahay, waxa qaldan waa khal khal farsamaan u malaynayaa waxaan soo jeedinayaa in xeerkan gudi loo saaro.” Xildhibaan Saleebaan Garas Seed ayaa isaguna ku taliyay in dib loogu laabto xeerkan“ Waa xeer badan waanu isku noq-noqonayaa, in loo sameeyo kala xadayn la leeyahay magaalo heblaayo hakaas ayay ku eegtay heblaayana halkaas ayay raacsantahay,in la kala saaro oo ayaan lays dhex dhigin.” ugu danayntii xildhibaan Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud ayaa sheegay in xeerkan gudi loo dhiibo “ Gudi hosaadka ay khusayso haloo dhiibo oo wakhtina ha la siiyo maadaama oo ay doorashooyinkiina inagu soo dhaw yihiin kala xadayntii goballada iyo degmooyinkana u baahanay.” Geeska Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta ka dambaysa in ay albaabada iskugu dhuftaan xafiisyo ku yaallay deegaannnada Dhahar iyo Goldogob, kuwaas oo ay ku la haayeen wasiirro ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya. Puntland ayaa shalay xirtay labada xafiis oo ay wasiir Jamaal Maxamed Xasan iyo wasiir Sadiiq Warfaa, oo sidoo kale ah xildhibaanno, ugu talo-galeen inay kala soo xiriiraan dadka ay ku matalaan golaha shacabka Soomaaliya. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Maxamed Musadaq ayaa sheegay in Puntland aysan ka soo horjeedin xafiisyo horumarineed in laga furto deegaannada maamulka Puntland, balse kuwa ay xireen ay ahaayeen xafiisyo siyaasadeed laga lahaa dano gaar ah, isla markaasna maamulka Puntland uusan aqbalayn arrintaas. Wasiir ku-xigeenka ma uusan shaacin waxa uu uga jeedo danaha siyaasadeed, ee uu sheegay in loo furay xafiisyadaas. Tallaabadan ayaa sii xumeyn karta xiisadda iyo khilaafka ka dhex oogan dowladda federaalka ah iyo maamulka pUntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxwaynaha Somaliland oo Isku Shaadayn Ku Sameeyay Qaar Kamida Taliyeyaasha Ciidamada, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-20102019.mp3 View the full article
-
(SLT-Jabuuti)-Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa halkaas ka wada xalinta khilaaf soo kala dhex-galay qaar ka mid ah waddamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD, kaas oo ka dhashay cidda qabaneysa Madaxtinimada Urur goboleedka IGAD, kaddib shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo fadhi u ah Ururka. Kulan Abiy iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku dhex maray dalka Jabuuti ayaa lagaga wada hadlay khilaafka ka taagan madaxtinimada IGAD kaasoo taagnaa muddooyinkii ugu dambeeyey. Waxaa kulankii ugu dambeeyey ee dhex maray Dowladaha IGAD la isla afgartay in Dowladda Kenya ay hoggaanka u qabato IGAD, isla markaasna xilka lagu wareejiyo Madaxweyne Kenyatta. Haddii Uhuru uu noqday hoggaamiyaha IGAD, waxaa meesha ka bixi doono xilka ay hadda Kenya ka heyso IGAD ee ah Xoghayaha Guud ee IGAD ee uu haayo Maxbuub Macalin oo ah Soomaali Kenyan. Xilka xoghayaha IGAD ayaa waxaa lagu wareeji doonaa nin u dhashay dalka Itoobiya maadaama ay Itoobiya waayayso xilka Guddoomiyanimo. Soomaaliya ayaa hore u dalbatay inay hesho xilka xoghayaha IGAD, sidoo kalana dowladda Jabuuti ayaa ku qanacsaneyn inay Itoobiya iyo Kenya isku wareejiyaan xilka guddoomiyaha IGAD. Waxaa socdo loolan adag oo ka dhex bilaamay qaar ka tirsan Dowladaha ku midoobay IGAD, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa isku dhinac ah halka Itoobiya iyo Kenya ay isla safan yihiin, waxaana la isku heystaa Dowladaha kala qaadan doono Guddoomiyaha iyo Xoghayaha IGAD. Sidoo kale, Kenya iyo Itoobiya ayaa doonaya in xilka doorasho lagu helo, halka Soomaaliya iyo Kenya ay doonayaan inuu noqdo wareegto. Soomaaliya ayaan weligeed taariikhda qaban xilka guddoomiyaha IGAD ama xoghayaha guud. Source
