-
Content Count
215,071 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil ganacsade caan ahaa xalay loogu geystay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Xaaji Siciid Ciise Cabdi, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga ee magaaladaasi. Afhayeenka amniga ee Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo ka hadlay dilkaasi ayaa ugu horreyn tacsi u diray ehellada marxuumka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada amnigu ay ku raadjoogaan raggii geystay dilkaasi, islamarkaana howlgallo lagu baadi goobayo ay ka wadaan gudaha Kismaayo. Dilkan ayaa qeyb ka noqonya falal ammaan darri oo doorasho Jubbaland, kadib ka dhacayey deegaanada maamulkaasi. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa twitterka waxa uu ku soo gudbiyay su’aalo la xidhiidha dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Xasan Sheekh ayaa su’aalo ka keenay sababaha dib loogu dhigey dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyadoo ay tahay markii labaad ee maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ku dhowaaqday in dacwada badda dib loo dhigey. “Maxaa ku dhacay dacwadii baddeena ee tiil maxkamada ICJ? Shacabkeenu waxa ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sababta dib loogu dhigey?”ayuu ku daabacay Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Ugu dambeyntii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dowlada federalka in ay shacabkeeda ay siiso jawaab waafi ah oo la xidhiidha dacwada Badda. Warkan ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sii xoojinaya shaki ku saabsan in dowlada Soomaaliya ay u diyaar garoobayso sidii meel aan ahayn maxkamad loogu xalin lahaa dacwada badda. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale qoraal uu soo dhigey bartiisa ugaga hadlay sababaha dib loogu dhigay dacwada badda. Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay aqabalayn in marlabaad dib loo dhigo dacwada badda hase yeeshee markii Maxamada ICJ ay dib ugu dhigtey marlabaad ayay dowladuna si sahlan u aqbashay. Source
-
Taliska Booliska magaalada Dhuusamareeb ayaa war ka soo saaray amniga magaaladaasi iyo sidoo kale howlgallo ay ka sameeyeen duleedkeeda, Qoraal ka soo baxay taliska ayaa ugu horreyn lagu beeniyey in isbaarooyin la soo dhigay inta u dhexeysa Dhuusamareeb iyo Godinlabe ee gobolka Galgaduud. “Taliska Booliiska Magaalada Dhuusamareeb waxaa uu u Cadaynaya Bulshada in aysan Jirin wax Jidgooyo ama Isbaaro ah oo yaala Jidkaasi , Waxaana Howl Joogto ah ka Haya Ciidamada Booliska oo Fariisimo ku leh Wadada, sidoo kalana Roondo Joogto ah ka Sameeya Inta u dhexeysa Godinlabe iyo Mareergur ayaa lagu yiri.” ayaa lagu yiri warka taliska. Ugu dambeyn Booliska ayaa ka codsaday shacabka in ay kala shaqeeyaan nabad gelyada, si ooga hortago falalka ammaan darri ee mararka qaar ka dhaca halkaasi. View the full article
-
(SLT- Afghanistan)-Xoghayaha difaaca Mareykanka Mark Esper ayaa socdaal ku gaadhay dalka Afghanistan kadib wadahadalladii Mareykanka iyo Ururka Taalibaan ee fashilmay. Socdaalkan ayaa la xidhiidha iyadoo Washington ay qorsheyneyso in 5,000 askari ay kala baxdo Afghanistan kuwaasi oo qeyb ka ah ciidanka Isbaheysiga NATO. Mr Esper oo la hadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in socdaalkiisa uu la xidhiidho sidii loo dhimi lahaa ciidanka Mareykanka. Balse wuxuu sheegay in la bixitaanka ciidankooda ay ku xidhantahay hormar laga gaadho dadaalada nabada ee dalka Afghanistaan. Ciidanka NATO ayaa weeraro xooggan kala kulma dagaalyahanada la magacbaxay dowladda Islaamka ee daacish iyo ururka Talibaan oo xidhiidh la leh dagaalyahanada Al-Qaacida. Source
-
Kacaankii Soomaaliya waxaa uu dhacay October 21, 1969-kii, waxaa hor-kacayey Jaalle Mohamed Siyaad Barre iyo Golaha sare ee Kacaanka, Kacdoonkan oo aanu dhiig ku daadan ayaa yimid kadib markii la toogtay Madaxweynihii dalka C/rashiid Cali Sharma’arke. Madaxweyne Cabdirashid Sharma’arke ayaa waxaa toogtay Mid ka mid ah ilaaladiisa October 15, 1969, Sharma’arke waxaa uu xilligaas booqasho ku joogay magaalada Laas-Caanood ee waqooyiga dalka, 5 Maalin kadib dilka madaxweynaha waxaa dalka Afgambi ku qabsaday Jaalle Siyaad iyo golihii Towradda oo dalka Soomaaliya Xukumayey 21- sano. Alahu Naxariistee Cali Berdura oo ka tirsanaa 13-kii SYL, isla markaana aan ka qornay Taariikhyo badan ayaa noo sheegay in loo yeeray Leegada habeenkii Kacdoonka, waxaa lagu wargaliyay in dalka uu ka dhacayo Kacdoon aanu dhiig ku daadan, loona baahan yahay in ay taageeraan towradda barakeysan, iskana iloobaan Xisbiga SYL iyo dhamaan wixii dalka ka dhacay 9-kii sano ee SYL talada hayeen. Cali Berdura waxaa uu yiri”Haa, waxaa jirtay inay noo yeereen Maxamed Siyaad, Kulmiye, Gabayre iyo Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka dhacayo inqilaab aan dhiig ku daadan oo dalka ay isbedel ka samaynayaan… aniga meel cidlo ah ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda xusi doonto khiyaanada ay wadaan…waxaa igu xanaaqay Gabayre oo markii dambee gacantooda ku sababsaday….Siyaad Barre waa i xiray, xitaa lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa diiday, Kacaan-diid ayaan ahaa Adeer…wax xil inaan qabto walgeey ma jeclayn, daacadnimo ayaan intaan kusoo gaaray adeer”. Waxaa habeenkaas xabsiga la dhigay Madax badan oo ay ugu horeeyaan Madaxdii hore ee SYL( Sheekh Mukhtaar oo ahaa guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo Madaxweynihii hore Aden Cadde) iyo rag kale, Golihii Wasiirada, Xildhibaano iyo qaar Xukunkii SYL waxaa lagu xiray Beerta Sheekh Za’id ee Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose. Waxaa La Mamnuucay Axsaabta, isu soo baxyada iyo xitaa shirarka gaar ah, waxaana dalka lagu soo rogay Nidaam adag oo dadka xakameeyo. Dhank Raadiyaha iyo fanka si aad ah ayey uga faa’ideysteen saraakiishii dalka inqilaabka ka dhigtay, sida uu Barnaamijkan u sheegay Fanaanka Caanka ah ee Axmed Naaji Sacad. Axmed Naaji ayaa nooga sheekeeyay wixii dhacay habeenkii dalka Kacaanka ka curtay ee October 21, 1969-kii, Naji Waxaa uu sheegay in uu xiligaas uu isaga gacanta ku hayey 4 fure oo ka tirsan Istuudiyaasha Radio Muqdishu sida 1-baad, 2-baad, 3-xaad iyo 4-raad, habeenkaas in uu Kacaan dhalanaayo kama warqabin ayuu intaa raaciyay, waxaa xusid mudan in xiligaas aanu dalka ka jirin wax Telefishin ah. Marka hore Kacaanka waxaa uu la wareegay Radio Muqdishu kadibna Baarlamaanka qaranka iyo Xildhibaanada oo la dhihi jiray xiligaas Dipitaalayaal. Axmed Naaji 3:00 Habeenimo ama 9-saac habeenka Kacaanka ayaa lagu soo garaacay guriga, Waxaana loo waday dhanka idaacadda, inta uu waddada sii socday, Saraakiishii wadday iyo kuwa wadada jooga waxay la isku afgaranaayey waa Qurac, Qansax iyo erayo kale oo la mid ah. Markii la geeyay idaacadda Axmed Naaji waxaa uu halkaas ugu tagay Fanaaniintii dalka intooda badan oo iyagan hurdo loo diiday sida Daleys iyo Cali Suglle, halkaas ayaa loogu sheegay dhamaantood in uu Kacaan dalka dhashay, loona baahan yahay in ay dadka wacyi galiyaan. Fanaaniinta ayaa halkaas ku qoray Heestii ugu horeysay ee Kacaanka lagu ayidaayo oo Miraheeda ay Sameeyeen Cali Sugulle iyo Axmed Naaji, waxaa miraheeda ka mid ahaa”Ocotober waa duruur hilaacday, Soomaalida u da’day oo ay ku diirsadeen, Xoogibaa dadaaloo Xukunkii dalka heystee, anagana waan ku raacnay, Hambalyadii” Heestaah oo ay xifdinayeen ilaa 6-da subaxnimo xiligaas oo Idaacadda soo gali jirtay, waxaa kaloo uu noo sheegay in Habeenkaas xitaa la soo afduubay wadaadkii Quraanka ku furi jiray Idaacadda ee Sheekh Maxamed halka Wariye lagu magacaabo Cabdullahi uu warka ku furay Idaacadda subaxdaas. Idaacadda halkii laga dhihi jiray”Halkani waa Radio Muqdishu Codka Jamhuuriyadda, Waxaa lagu badalay halkani waa Radio Muqdishu Codka Umadda Soomaaliyeed”. Waxyaabaha lagu amray Wariyaasha waxaa ka mid ahaa in maalintaas aanay shaqaalaha dowladda shaqo u soo bixi Karin, Waxaa kaloo Idaacadda laga sheegay in Police aanu socon Karin waddada oo Ciidanka Militariga kaliya socon karaan. Khudbaddii ugu horeysay ee Siyaad Barre ee idaacadda ka jeediyo waxaa uu uga hadlay dhowr arin sida in hantida qaranka la lunsaday, in cashuurihii jeebka lagu shubtay, waxaa uu sheegay in Musuqa uu hareeyay dhamaan madaxda dowladda. Jaalle Siyaad waxaa uu shacabka u sheegay in dalka uu qarka u saarnaa in uu burburo, dhaqaale iyo Siyaasad ahaan kaliya ma ahee xitaa in ay dalka ku soo food lahaa dhibaato taariikheed iyo mid qaran, arintan ay ku dhalisay in dalka ay inqilaab ka sameeyaan, isagoo intaa ku daray in aan laga aamusi Karin in Madaxweynihii dalka uu dilo Askari yar iyadoo halkaas ay joogaa madaxdii dalka sida Gudoomiyaha baarlamaanka, isagoo balan qaaday in ay ka hortagayaan nin jecleysiga, Musuqa iyo Qabyaaladda. Golaha Kacaanka waxaa uu laalay Dastuurka dalka, waxaa uu kala diray dhamaan hay’adihii dastuuriga ahaa ee dalka, Sida xukuumaddii, Baarlamaankii, Garsoorkii, xitaa waxaa uu dalka ka mamnuucay siyaasadihii iyagoo dhamaam awoodihii gacanta u galiyay Madaxweynaha dalka. Jaalle Maxamed Siyaad waxaa uu nonqday Afhayeenka iyo hogaamiyaha Kacaanka isagoo Xogheyayaal ka dhigtay dadkii afgabiga ay isla wadeen sida Jamaca Cali Qorshel, Maxamed Ceynaashe, Xuseen Kulmiye Afrax, Ibrahim Megag Samatar, Maxamud Cabdi Caraale, Salaad Gabeyre iyo rag kale. Dadkii iska diiday Kacaanka, waxaa loo bixiyay”Kacaan diid” taas oo dadka ku dhalisay cabsi badan, waayo qofkii lagu tuhmo Kacaan diid, Waxaa lagula kici jiray falal xun oo xariga ugu roon yahay. Hadaba Maxaa Lagu Xasuustaa Jaalle Siyaad: September 1970: Maxamed Siyaad Barre Waxaa uu soo saaray xeerka 54-raad kasoo oo dhigiisu ahaa in qofka la iska xero karo sabab la’aan iyadoo aan wax maxkamad ah lasoo taagin, waxaa xiligaas aad looga cabsan jiray hay’adda sirdoonka ee NSS-ta. October 20, 1970: Jaalle Siyaad Barre ayaa sheegay in Soomaaliya noqotay Socialist State. May 5, 1971: Siyaad Barre waxaa uu xiray raggii ugu sareeyay Kacaanka sida General Salad Gabeyre oo ahaa ku xigeenka Maxamed Siyaad iyo aabihii Kacaanka, Waxaa kaloo la xiray General Maxamed Ainanshe, Labada nin waxaa laga saaray Golaha sare ee Kacaanka, waxaa sidoo kale laga dhigay dhamaan garaadihii ay heysteen markii dambana waxaa labadooda lagu toogtay Scoula Polisaia”. January 21, 1971: Waxaa la dhisay guddiga Af-Soomaaliga, gudigan waxaa dhisay golaha sare ee kacaanka si ay u sameeyaan xarfaha ugu haboon ee lagu qoraayo Soomaaliga. Guddigan waxaa uu ka koobnaa 21 qof oo ah xeeldheerayaal Afafka ah iyo labo lataliye, Muddo 22 Bilood gudahood ah ayaa waxaa lagu diyaariyey Buugaagta Dugsiga dhexe xarfaha higgaadda Af-Soomaaligu oo ka kooban 5 Shaqal iyo 21 Shibbane. Ololihii Hor-umarinta reer Miyiga, waa tilaabo kale uu Siyaad Barre iyo maamulkiisa ku guuleysteen in Macaliinta xiliga fasaxa loo diro miyiga si dadka wax u baraan, waxaa kaloo laga faa’ideystay ardayda, Fanaaniinta iyo cid kasta oo aqoon leh, Barnaamijkan oo guuleystay waxaa uu dadka baray in ay wax qori karaan, waxaa uu sidoo kale hoos u dhigay Umminimada. 1974: Soomaaliya waxaa ay ku biirtay ururka Jaamacadda sanadkii 1974-tii, isla sanadkaan Waxaa uu Madaxweyne Barre uu noqday Madaxweynaha Midowga Afrika, Shirka Madaxeedka Afrika ayaa lagu qabtay magaalada Muqdishu. January 11, 1975 Madaxweyne Maxamed Siyaad ayaa soo saaray Xeerla Qoyska(New Family Law) kaas uu ku simay dhaxalka raga iyo haweenka, isagoo laayey culimadii ka hor timid go’aankiisa 23 January 1975. Golihii sare ee Kacaanka, Waxaa 1976-dii ayaa isku badalay Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, iyagoo isku dayey in ay is waafijiyaan Diinta dalka oo Islaam aheyd iyo aragtidan Shuuciyadda iyo hantiwadaaga. July 1977: Waxaa uu dagaal dhex maray dalkeena iyo Xabishida, Waxaa lagu dagaalayey waa dhulka haatan loo yaqaano Kilinka Shanaad, inta aan la gaarin September 1977-kii, Ciidamada qalabka ee dalkeena waxaa ay gacanta ku dhigeen 90% dhulkaas maanta loogu yeero Ogaadeeniya ilaa markii dambe ay xabishida usoo hiiliyeen Ruushka iyo Cuba, Soomaaliyana halkaas ku jabtay. April 9, 1978 – Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas ayuu C/Laahi Yuusuf ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas. May 1988, Dad badan ayaa lagu dilay magaalada Hargeisa, reer Hargeisa waxaa ay ugu yeeraan Xasuuq, dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay dhibkaas, ilaa iyo hadda dowladda Soomaaliya kama bixin raali galin iyo Magdhaw toona. May 15, 1990: Rag lagu qiyaasay 114 qof oo isgu jira Culimaa’udiin, Ganacsato iyo Siyaasiyiin oo loo yaqaanay (Manifesto Group) ayaa Maxamed Siyaad u soo jeediyay in xilka isaga dago taas oo ku gacan seyray. Maxamed Siyaad Waxaa la dhihi jiray Guulwade, Jaalle Siyaad iyo ereyo kale oo ku tusinaya in uu dadka sareeyo, dadka waxaa looga dhigay in uu yahay aabaha guusha, Waxaa uu jeclaa in aabo u noqdo hor-umar kasta oo dalka ka dhacaya, dhismo kasta oo maanta dalka waxtar u leh dhismayaal dowladeed, Dekado iyo Airportiyo, Jidad, isbitaalo, Jaamacado, Warshado, afka la qoro, wax walba isagaa ayaa bilaabay isla markaana dhameeyay. Ugu Dambeyntii Jaalle Maxamed Siyaad Waxaa uu dalka isaga baxay January 27, 1991-kiikadib markii Caasimadda Muqdisho kala wareegeen Jabhaddii USC, Barre waxaa uu Magangalyo siyaasadeed ka helay dalka Nageiria halkaas uu ku sugnaa ilaa uu ka geeriyooday January 2, 1995 magaalada Lagos ee dalka Nigeria. FG:- Taariikhdaan waxaa isku soo uruurisay Goobjoog News, mana banaana inaad qaadato Adiga oo aan dhowreyn xuquuqda qoraalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT- Bangladesh)-Madaxa sare ee qaxootiga Bangladesh ayaa sheegay in kumanaan kun oo qaxooti ah oo ka soo jeeda qowmiyada Rohingya ay dib u dajin ugu sameyn doonaan Jasiirada Bay Bengal oo caan ku ah duufaanada dabiiciga ah ee wata Fatahaaaha. Qaxooti dhan 740,000 oo ka soo jeeda qowmiyada Rohingya oo ka soo cararay wadanka Myanmar bishii August ee sanadkii 2017-dii ayaa ku nool dalka Bangladesh. Millatariga Myanmar ayaa lagu eedeeyay inay wali wadaan xadgudubka muslimiinta ku nool gobolka Rakhine, iyadoo dhowaan la xaqiijiyay in 200,000 oo qaxooti hor leh ay soo Barakaceen. Source
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-SUbax-21102019-ok.mp3 View the full article
-
(SLT-Khasmiir)-Khasaare nafeed ayaa ka dhashay dagaal xooggan oo Millatariga Pakistan iyo kuwa Hindiya ku dhaxmaray xadka muranka ka taagan yahay ee u dhaxeeya labada Wadan. Warar laga helayo labada dhinac ayaa sheegaya in ay jirto askar iyo dad shacab ah oo ku dhintay iska hor-imaadka u dhaxeeya labada dal haysta hubka wax gumaaada ee Nuclear-ka. Afhayeenka Millatariga Hindiya ayaa sheegay in laba askari oo dhankooda ah iyo dad rayid ah ay ku dhinteen kadib rasaas kaga timid ciidanka Pakistan ee ku sugan degmada Kupwara ee gobolka Tangdhar. Korneyl Rajesh Kalia ayaa intaa ku daray in dhowr guri ay waxyeelo ka soo gaadhay weerarkan, ayna jiraan dad ku dhaawacmay oo hadda la dabiibayo. Dhanka kale millatariga Pakistan ayaa sheegay in ciidanka Hindiya ay weerar badheedh ah ku soo qaadeen dadka rayidka ah ee ku sugan deegaanada Jura, Shahkot iyo Nowshera. Korneyl Asif Ghafoor oo ah afhayeenka millatariga Pakistan ayaa sheegay in sagaal askari oo Hindi ah ay dileen halka tiro kalena ay ku Dhaawacmeen. Mr Asif ayaa qoraal uu ku soo qoray boggiisa Twitter-ka ku sheegay in gaadiid dagaal ay ka burburiyeen Hindiya iyaga oo ka jawaabaya weerarka gardarada ah ee lagu soo qaaday. Source
-
Taliska Booliska oo war culus ka soo saaray amniga Galmudug
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliska Booliska ee ka howlgala Dhuusamareeb ayaa ka hadlay amniga magaaladaasi iyo guud ahaan gobolka Galgaduud. War ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay howlgallo ka sameeyeen duleedka Dhuusamareeb, islamarkaana aysan jirin wax jidgooyo oo yaalla halkaasi. Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamadu ay xoojiyeen amniga, islamarkaana ay heegan ugu jiraan ka hortaga suurta galnimada falalka liddiga ku ah amniga. “Taliska Booliiska Magaalada Dhuusamareeb waxaa uu u Cadaynaya Bulshada in aysan Jirin wax Jidgooyo ama Isbaaro ah oo yaala Jidkaasi , Waxaana Howl Joogto ah ka Haya Ciidamada Booliska oo Fariisimo ku leh Wadada, sidoo kalana Roondo Joogto ah ka Sameeya Inta u dhexeysa Godinlabe iyo Mareergur ayaa lagu yiri.” ayaa lagu yiri warka taliska. Sidoo kale taliska Booliska Dhuusamareeb ayaa shacabka ku dhaqan magaaladaasi ugu baaqay inay kala shaqeeyaan nabad gelyada. Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa xoojiyey ammaanka deegaanada Galmudug oo la filayo in doorasho ay ka dhacdo maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com -
Rag hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ku dileen Nabadoon Xaaji Saciid Ciise Cabdi oo ka mid ahaa waxgaradka aad looga yaqaan magaaladaasi, sidoo kalena ka mid ahaa ganacsatada Jubbaland. Xaaji Saciid ayaa la diley xilli uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday Salaadda cishaha, waxaana baxsaday raggii dilkaasi ka dambeeyey. Ciidamada Jubbaland oo halkaasi gaaray ayaa sameeyey howlgal ay ku raadinayaan raggii wax diley, balse ma jirto cid lasoo qabtay. Dhanka kale, Afhayeenka wasaaradda amniga dowlad goboleedka Jubbaland, C/nuur Ibraahim Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay in dilka nabadoonka ay ka dambeeyaan Al-shabaab, ayna ku raadjoogaan raggii wax dilay. Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay iney wadaan baaritaanno xooggan, saacadaha soo aaddanna ay rajeynayaan in lasoo qabto gacan ku dhiiglayaasha, waa sida uu hadalka u dhigaye. Ammaanka Kismaayo ayaa maalmahan dambe ahaa mid aad usoo hagaagayey, iyadoo ciidamada Jubbaland ku jireen heegan buuxa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka hadashay dilkii xalay magaalada Kismaayo loogu geystay allaha unaxariistee Xaaji Siciid Ciise Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada Jubbaland. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaana dadka Jubbaland uga tacsiyeeyey dilka ganacsadaha. Afhayeenku wuxuu sheegay in laamaha amniga Jubbaland ay wadaan baaritaanno lagu baadigoobayo dhagarqabeyaashii ka dambeeyey dilka. Salaaddii cishaha kadib ayaa kooxo hubaysan waxay xaafadda Calanley ku dhaawaceen ganacsade Xaaji Siciid Ciise Cabdi, ganacsadaha ayaa daqiiqado kadib u geeriyooday dhaawacii soo gaaray. HALKAAN KA DAAWO AFHAYEENKA. The post jubbaland oo ka hadashay ganacsade caan ah oo xalay lagu dilay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Agaasimihii hore ee Radio Daljir, Axmed Sheikh Maxamed Tallman, ayaa maanta markii ugu horeysay kasoo muuqandoona maxkamada gobolka Nugaal, kadib markii 17-kii bishaan amar kasoo baxay xeer ilaaliyaha guud ee Puntland lagu xiray. Weriye Tallman ayaa loo haystaa war ay baahisay idaacadda uu agaasimaha ka ahaa ee Radio Daljir, oo ku saabsanaa in ciidanka taliyaha booliiska Puntland ay jirdil udileen maxbuus ku eedeysanaa inuu katirsan yahay Alshabab. Guddiga gacanta ku hayay baarista kiiska weriyaha, ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyay baarista eedeymaha, waxayna dalbadeen in weriyaha lasoo xiro, sida uu warbaahinta ka sheegay xeer ilaaliyaha. PUNTLAND POST The post Agaasimihii hore ee Radio Daljir oo maanta maxkamad la horkeenayo appeared first on Puntland Post.
-
Subaxnimadii taariikhdu ahayd 21 Oktoobar 1969, arroornimadii hore abbaarihii 03:00am, shacabka Soomaaliyeed wuxuu hurdada kaga toosay iyadoo dariiqyadii waaweynaa ee bartamaha iyo hareeraha magaalada Muqdisho ay taagan yihiin askar ku hubeysan dabaabado iyo gawaari gaashaaman. Waxay arrintaasi ka dambeysay, kaddib markii guutada koowaad ee gawaarida gaashaaman iyo guutada labaad ee taangiyada ay xerooyinkooda kaga soo bexeen amar uu bixiyey Taliyihii Ciidammada Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, amarkaas oo uu fulinayey Taliyihii Hoggaanka Howlgelinta Ciidammada Xoogga Dalka Salaad Gabeyre Kediye Dhiblaawe, oo markaas darajadiisu ahayd Gaashaanle Dhexe. Qaaradda Afrika, lixdameeyadii, koox kasta oo wax afgambinaysa – laga soo billaabo Galbeedka Afrika illaa iyo Geeska Afrika – waxay ka billaabi jireen inay gacanta ku dhigaan saddex meelood oo muhiim ah: (1) Raadiyaha, (2) Baarlamaanka, iyo (3) Bankiga Dhexe. Haddaba, ciidammada xerooyinka ka soo baxay waxay ku dhaqaaqeen inay saddexdaas meelood qabsadaan. Waxaa la xiray haykalkii u weynaa dowladnimada, ee lagu billaabay aasaaska dowladeynta Soomaaliyeed, oo ah Golihii Sharci-Dejinta ee Baarlamaanka Soomaaliyeed, ee loo yiqiin The National Assembly. Waxaa ciidamo la hor-tubay Bankiga, raadiyaha-na waa lala wareegay. Barqadii ayay shacabka Soomaaliyeed waxay raadiyaha si rasmi ah uga maqleen in dalka uu ka dhacay afgambi militari. Dad badan oo ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa aad ugu riyaaqay arrintaas, qaarkoodna caleemo qoyan ayay-ba ku soo dhoweeyeen oo ay la hor-istaageen xaruntii ciidammada ee Aviazione. Dadka isu-soo-baxay waxaa u badnaa dadkii ku andacoon jiray inay lagama maarmaan tahay in la helo is-beddel lagu xaqiijiyo in xorriyaddii loo soo halgamay laga helo horumar bulsho. Waxaa jirtay in labadii sano ee u dambeysay (1967-1969) ay dalka gacanta ku hayeen niman dantooda keliya ka shaqeynayey, oo dulleeyey dimoqraadiyaddii, kuwaas oo isticmaalay ku takri-fal awoodeed (abuse of power), si ay u xaqiijiyaan in dib iyaga keliya loo soo doorto, kuwaas oo ka maagay inay wax ka qabtaan musuqmaasuqii ku sii baahayey hay’adaha haykalka dowladda, sida Baarlamaanka, oo noqday suuq-furan oo siyaasadeed (political marketplace) lagu kala gato codadka, laguna sii kala iibsado xilalka iyo xoolaha. Abwaankii Soomaaliyeed, ee ka murugooday xaaladda dadkiisa iyo dalkiisu ku sugnaayeen xilligaas, waa tuu lahaa ‘Afrika-ba nin lagu diirsadoo, door ah laga waayey / Dibutaati [xubin baarlamaan oo] shalay suuqa Xamar deyn ka guranaayey / miyaa maanta noo dowlad ah?’. Waa tuu abwaan kale lahaa ‘markii ay dullaal iyo, dulli laba-wejiile ah, ay dadkeennii iyo dowladnimadii u heshiiyeen’. Ballan-Qaadkii afka baarkiisa ahaa Hoggaamiyaha afgambiga, Maxamed Siyaad Barre, oo ka hadlay Radio Muqdisho, wuxuu ummadda Soomaaliyeed u sheegay wixii ay dhegahoodu daneynayeen inay maalintaas maqlaan, oo ah wax-u-qabad. Hase yeeshee, khudbaddiisa, wuxuu iskula dhex-daray run iyo been. Run, wuxuu ka sheegay in dadweynaha Soomaaliyeed ay ku qalbi-jabeen in dowladnimadii la wada sugaayey aan la mahadin, oo ay ka macaasheen qeyb yar oo bulshada ka mid ah, oo aan ahayn xoogagga xoogsatada iyo xamaaliga. Been, wuxuu ka sheegay in madaxda dowladihii rayidka ee dimoqraadiga ahaa ay shacabka Soomaaliyeed cabburinayeen, aqooyahanka Soomaaliyeed-na uu ku dulmanaa dowladahooda. Si kasta ha noqotee, Maxamed Siyaad wuxuu dadka Soomaaliyeed u sheegay in afgambiga ay dhigeen saraakiil isugu jirta militari iyo boolis, oo ujeeddadoodu tahay inay niyad-jabka shacabka wax ka qabtaan, dalkana u jiheeyaan jidkii baraaraha/barwaaqada iyo horumarla/horukaca. Wuxuu ku dhawaaqay, oo uu dadka ka murugeysan in afgambigu uu dhalin doono dhiig daata uu ugu qalbi-qaboojiyey, in ciidammadu ay talada dib ugu celin doonaan shacabka, marka ay xaaladdu ku habboonaato. Dhowr maalmood gudaheed, waxaa lagu dhawaaqay liis ka kooban 25 sarkaal, oo lagu magacaabay ‘Xubnaha Golaha Sare ee Kacaanka’. Mutacallimiinta Soomaaliyeed, wixii aaminsanaa afkaarta bidixda iyo bidixda dhexe, si weyn ayay u soo dhoweeyeen is-beddelka ka dhacay dalka. Waxay ku hanweynaayeen inay dalkooda ku dul-dhisi doonaan niman askar ah, oo aan aqoon u lahayn qaabka nidaamka dowladeed lagula horumariyo dabaqadda hoose ee bulshada. Waxay qorsheynayeen in la qaadan doono afkaar la mid ah tii lagu mideeyey dalka Talyaaniga ee Risorgimento. Waxay oddorsayeen in la billaabi doono afkaaro la fal-geli kara afkaarihii jahliga, faqriga iyo mugdiga lagaga saaray ummadaha reer Yurub ee Enlightenment iyo Renaissance. Si kasta ha noqotee, Maxamed Siyaad, oo talo toos ah ka qaatay dowladda Ruushka, wuxuu 1970-kii ku dhawaaqay in dalku uu qaatay afkaarta hantiwadaagga cilmiga-ku-dhisan (scientific socialism), waxaana meel walba oo Muqdisho ah lagu xardhay sawirada kuwii afkaartaas hindisay ama fasiray, sida Engels, Lenin iyo Marx. Soomaaliya waxay isku beddeshay waddan shuuci ah, oo xorriyadda hadalka iyo fekerka ay mamnuuc yihiin, oo aan waxba laga sheegi karin hoggaamiyaha xukunka militariga (sida North Korea iyo meelo kale). Iyadoo laga duulayo mabda’ii hantiwadaagga cilmiga-ku-dhisan, waxaa la billaabay mashaariicdii iskaa-wax-u-qabso, oo saaxiibkii weynaa ee Soomaalida ee Ruushka uu ka geystay kaalin lama-ilaawaan ah. Waxaa la billaabay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha (economic infrastructure), waxaana la dhisay warshado yar yar iyo kuwo waaweyn, waxaana la jeexay jidad cusub. Mashaariicda la fuliyey waxaa ugu xoog badnaa mashruucii bacaad-celinta Shalaambood, wax-qorista iyo wax-akhriska iyo wax-ka-qabashadii abaartii daba-dheer, oo Ruushku uu Soomaaliya ku caawiyey diyaarado lagaga soo daad-gureeyo dadka abaaruhu saameeyeen gobollada dalka, la isuguna keeno Sablaale iyo meelaha u dhow dhow. Xaalku markuu meeshaas marayo, billowgii toddobataanaadkii, waxaa la aaminay in loo jiheystay jidkii looga bixi lahaa faqriga iyo gaajada. Maxamed Siyaad oo taliska militariga ku magacaabay ‘Kacaan Barakeysan’, wuxuu billaabay inuu soo dhex-istaago jidadkii dhismayaashu ka socdeen, iskuna sawirro isagoo cunno la cunaya fuundiyeyaasha dhismayaasha, isagoo ku lebisan dharkiisii ciidammada (ka hor inta uusan u beddelan dharka rayidka bartamihii toddobaatamaadkii). Abwaannada Soomaaliyeed, oo taariikhiyan weligood ahaa kuwa codeeya dareenka dadweynaha, ayaa hal mar suugaan ku soo dhoweeyey is-beddelka cusub, waxaana raadiyaha laga sii daayey ‘waad na deeqdee, Siyaadoow na daadihi’, ‘noolow, Siyaad, noolow’ iyo ‘ummaddaad daryeeshaa, dibadda iyo gudahaba, hambalyo kuugu deeqnee, noolow ma daale’. Cabdi Muxumad Amiin, oo 1968-kii qoray buug yar oo uu ku dalbanayo in dalku qaato mabda’a hantiwadaagga, ayaa ka bara-dheereeyey abwaannadii kale ee la dhacsanaa howlaha taliska cusub ee militariga, kaddib markii uu allifay kuna luuqeeyey heestii caanka noqotay ‘waddadii caddeyd cagta saartaye, ku carraabiyow, cimrigii jiryow caynaanka haay, weligaa haay’. Maxaa ka dambeeyey? Wixii oo dhan waxaa isku fuuqsaday, kaddib markii baahida uu u qabo xukunka iyo kursiga uu Maxamed Siyaad kaga hormariyey in horumar dhab ah, oo aan indha-sarcaad ahayn la gaarsiiyo dadweynihii Soomaaliyeed, ee shalay u hanweynaa is-beddelka ku yimid afgambiga. Sannadkii 1970-kii, wax ka yar hal sano gudahood markii afgambigu dhacay, waxaa billaabatay in la soo xir-xiro saraakiil uu ugu magac-weynaa Jeneraal Jaamac Cali Qoorsheel. 1971-kii waxaa, sidoo kale, la xiray magacyo kale oo waaweyn, sida Jeneral Maxamed Caynaanshe Guuleed iyo Jeneral Salaad Gabeyre Kediye (iyo Gaashaanle Dhexe Cabdulqaadir Cabdulle Dheel oo mar dambe loogu qoor-xiiray). 1972-kii, maalin cad ayaa saraakiishaan dambe la toogtay. Waxaa xigtay 1975-kii oo aayadihii Ilaahey uu Maxamed Siyaad si toos ah u nasaqay, isagoo ku adkeystay in Qur’aanka Kariimka uusan kaamil ahayn, isagoo u ololeynayey sharci cusub oo lagu soo dabaqay meelo badan oo Afrika ka mid ah, sharcigaas oo lagu magacaabay Xeerka Qoyska (markaas ka hor waxaa laga soo fuliyey Senegal). Culumadii diinta iyo damiirka lahayd ee ka dhiidhisay gefka uu Maxamed Siyaad kula kacay diinta, ee ka dhex-dhawaaqday masaajidyada, ayaa laga soo xiray goobahooda, waxaana la toogtay 10 ka mid ah, 20 kalena waxaa lagu xukumay xabsi daa’in iyo xukunno kale oo dhaadheer. Maalintaas wixii ka dambeeyey, Soomaaliya hoos ayay u sii hoobanaysay, illaa ay ka burburto. Waxaa xigay dagaalkii lagu soo jabay ee 1977, aasaaskii jabhadaha hubeysan iyo jawaabtii taliska miltiarigu uu ka bixiyey oo ahayd in la gumaado qabaa’ilkii ay u dhasheen hoggaamiyeyaashii jabhadaha u kacay inay dalka dib ugu soo celiyaan dimoqraadiyaddii lixdankii. Waxaa ugu darnaa, oo illaa iyo maanta la xallin la’ yahay gumaadkii ka dhacay gobollada waqooyi ee haatan loo yaqaan Somaliland. Natiijo ahaan, 21 Oktoobar waxay ku dambeysay in abwaankii ugu horreeyey, ee afgambiga ku soo dhoweeyey suugaan, oo ahaa Cabdi Muxumad Amiin, uu ku biiro jabhadihii hubeysnaa, ee fadhiga ka sameystay Itoobiya aakhirkii toddobaatanaadkii, kaddibna uu dib uga soo laabto Muqdisho aakhirkii sideetameeyadii, kuna allifo heesihii lagu sagootinayey Maxamed Siyaad ‘war ninkow, ninkow, ninkow’ iyo ‘Laan Guruusan gado, soo bari Galleey’. Haddaba, markala daraaseynayo taariikhda Afrika, hoggaamiyeyaashii militari ee soo maray qaaradda, laguma qiimeeyo inay dalkooda qatar ka badbaadiyeen, ee waxaa lagu qiimeeyaa qatarta ay iyagu geliyeen, ee ay ku baa bi’iyeen dadkooda iyo dalkooda. Maxsuulka uu Soomaaliya kaga tagay Maxamed Siyaad Barre waxay ahayd xaalad aan soo noqon lahayn, oo isu beddeshay macaluul iyo dhimasho weli sii socota. Waxaan weli taaganahay meel sagxad ah, hadda oo aan maanta mareyno gaba-gabada 2019. W/Q: Maxamed Xaaji Ingiriis Maxamed Xaaji Ingiriis wuxuu shahaadada PhD ka diyaariyaa Jaamacadda Oxford. Wuxuu kaloo fellow ka yahay Jaamacadaha London School of Economics and Political Science (LSE) iyo King’s College London. Waxaa lagala xiriiri karaa: ingiriis@yahoo.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa go’aan ka gaaray buuxinta boosaskii ay ka geeriyoodeen agaasimayaal, guddoomiyaal degmo iyo masuuliyiin kale oo ka tirsanaa shaqaalaha dowladda Hoose, kuwaas oo ku dhintay qaraxii 24-kii bishii 7-aad ka dhacay Aqalka dowladda Hoose. Madaxweynaha ayaa Odayaal, Xildhibaano, Siyaasiin iyo masuuliyiinta gobalka Banaadir u sheegay in aan qof aysan ogeyn madaxtooyada Soomaaliya loo qaadan karin boosaska marxuumiinta halka uu sidoo kale amar ku bixiyay in aan xilka laga qaadi karin dadka qaba dhaawacyada ee dibadda ku maqan iyo kuwa gudaha dalka ku sugan. Amarka Madaxweynaha oo aan aheyn mid lala wadaagay warbaahinta ayaa xogta aan helnay waxay sheegaysaa in uu u dhignaa sidaan. “Boosaska marxuumiinta geeriyooday kaliya waxaa lagu buuxin karaa qof kamid ah qoysaskooda waa dhaxaltooyo ma jirto qof dibadda looga keeni karo waxaana loo bandhigayaa qoysaska ay ka geeriyoodeen shihiidiinta, xuquuqdii ay lahaayeen ayeyna xaq u yeelanayaan” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Ma jirto wax xil ka qaadis ah ama isku shaadheyn ah oo lagu sameyn karo boosaska masuuliyiinta dhaawacyada ah iyo kuwa kalaba ilaa ay ka soo bogsadaan shaqadoodana dib ugu laabtaan, xaquuqdooda lama taaban karo waxaana shaqadooda sii wadaya ku xigeenada” ayuu sidoo kale yiri Madaxweynaha Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa hadalkaan amar ahaan u siiyay duqa gobalka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Filish iyo Xildhibaano u tagay oo doonayay in boosaskaas dad ay wataan loogu magacaabo. Waa mid kamid ah go’aanada taariikhda geli doono ee ka soo baxa Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inkastoo uusan aheyn mid dibadda yaalo oo ay u soo bandhigeen shacabka Soomaaliyeed. Waalidiinta dadkii ku geeriyooday weerarkii ka dhacay gobalka Banaadir ayaa maalmihii la soo dhaafay qabay walaac ku saabsan in hadii dadkoodii waayeen hadane ay baqdin ka qabaan in ay waayi doonaan boosaskii ay ka baxeen oo dhaqan ahaan gudaha Soomaaliya looga yeero KURSI DHIIG LEH. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Iskubedel,Shaandheyn & Xilka-qaadis uu M/weyne Muuse Biixi ku sameeyay Qaar ka mida Taliyayaasha ciidamada Somaliland Madaxweyne Muuse Biixi oo isku-shaandheyn kooban ku sameeyay Taliyayaasha ciidamada Somaliland ayaa taliye-xigeenka Ciidanka Booliiska Somaliland u magacaabay Gen. Faarax Maxamed Mire “Shiiniile” oo ahaa Hogaankii Hawl-gelinta Ciidamada Milateriga Somaliland. Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu taliye-xigeenka Ciidanka Asluubta u magacaabay Gen.Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo ahaa Taliye-xigeenkii hore ee Booliiska Somaliland. Geesta kalena Gen.Xasan Cali Dheere oo ahaa Taliye-xigeenkii Ciidanka Asluubta ayaa loo bedelay Taliye-xigeenka Ciidanka Badda ka dib markii xilka laga qaaday Col.Yuusuf Ibraahin yare oo ahaa Taliye-xigeenkii Ciidanka Badda Somaliland. Qaran News
-
Annaga oo ah ciyaal dhigta Dugsiga Hoose ayaan galab isugu soo baxnay in aan kubbad cayaarno. Galbo fara badan oo aan banooni cayaarnay ayay ka mid ahayd. Laakiin waa Galab aan weli xusuusteyda ka go’in. Waa Buulo Burte. Waa Xaafadda Oktoobar. Waa barxad gawaan ah oo ku ag taalla kawaanka. Annaga oo cayaartu dhexda noo mareyso ayaan aragnay laba baabuur oo yaryar oo FIAT ah oo tartiib isu daba socda meel dhinac nooga beegan laakiin isla barxadda ah. Waa baabuur aynaan magaalada ku aqoon. Baabuurta magaalada ugu badan waxaa leh militeriga umana eka kuwan. Qaar kale waxaa leh booliiska oo LG iyo kuwo sidiisa u waaweyn. Dowladda Hoose iyo Wasaaradaha qaar sida caafimaadka ayaa iyaguna baabuur leh. Baabuur rayid ah oo aan badneyn ayaa jira iyo kuwo Buulo Burte ku xira Xamar iyo Beled Weyne iyo weliba kuwa isaga goosha Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka ee woqooyi ka xiga Hiiraan. Kuwaas oo dhan noocyadooda ay yihiin ama laga fili karo ayaan naqaan. Mana soo dhaafaan laamiga weyn ee magaalada dhex mara ee Bari iyo Galbeed u kala qeybiya. Labadan baabuur waa kuwo waxaas oo dhan ka duwan. Banooniga waan joojinnay. Dareenkeenna oo aan qeybsaneyn ayaan siinnay baabuurtan doolka ah. Waxay ku wajahan yihiin gurigayaga oo barxadda dhinac ka saaran. Markii ay derbigiisa ku tageen ayay soo leexdeen oo ay damceen in ay ku laabtaan jihadii ay ka yimaadeen. Aabbe ma Aha Qacda hore waxaan mooday Aabbahay. Laakiin aabbahay xilligan ma soo rawaxo. Nooca baabuurtuna waa ay ka duwan yihiin kuwa uu aabbahay ku yimaado ama lagu keeno, haddii aanuu lug ku imaan. Badiyaa baabuur militeri oo Ruushku sameeyay ayuu ku imaan jiray aabbe. Waxaa baabuurtaas ka mid ahaa Jeeb uaz ah iyo kuwo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen Gaz, Maz, Triaz iyo baabuur dheereeya oo ay Soomaalidu ula baxday daf iyo miriq. Labada baabuur ee meesha maraya ee tartiibta u socda ee marba dhinac noo dhaafaya waan ku soo yaacnay. Markii ay na arkeen in aan ku soo ordeyno ayay labadii baabur joogsadeen. Annaga oo aan hakan ayaan foodda la galnay baabuurka hore. Aniga oo dhinaca baabuurta xigay ayaa ugu soo orod horreeyay ciyaalka. Tallaabo ama laba meel u jirta ayaan soo istaagay ciyaalkiina wey ila soo safteen. Fool-ka-Fool Madaxweynaha Ninka baabuurka wada ayaa isaga oo dhoollacaddeynaya noo yeeray oo nala hadlay. Anna waan u jawaabay aniga oo markaan labada gacmood ku haysta baabuurka albaabkiisa meesha miraayadaha haddii la dallaco ay ka soo bixi lahaayeen. Su’aalo fudud ayuu na weydiiyay. Waan uga jawaabnay. Markii uu in yar nala waday sheeko ciyaal ayuu yiri waan baxayaa ee nabadgelyo. Iskuulka ku dadaala ayuu yiri isaga oo gacanta noogu tilmaamaya in aan nabadgalno. Waxaan ku iri maad nala joogtid. Wuxuu igu yiri shaqo ayaa la iga sugayaa oo Xamar ayaan aadayaa. Qaarkeen nabadgelyo ayay ku dheheen qaar kalena waa ay iska aammuseen. Xoogaa markii aan sii daba cararnay ka dibna uu naga dheereeyay, ayaan annaguna halkii ka sii wadannay kubbaddayadii. TV ma jirin. Internet ha sheegin. Wargeysna markaas ma aynaan arki jirin inta badan. Ilaa iyo hadda ma aqaan sida aan wejigiisa ku gartay. Laakiin waan ogaa ninka baabuurka wadaa in uu yahay Madaxweynaha dalka. Hadda markii aan dib u fekeray waxaan is iri malaa waa wakhtigii uu u ekaa sawirka tukaammada iyo xafiisyada suran. Dhar ciidan muu gashaneyn ragga la socdayna dhar ciidan ma wadan. Ma xusuusto in aan qori arkay. Waan hubaa baabuurka uu isagu isteerinka u hayay qofna kama soo degin. Ma hubo in kan labaad oo daba taagnaa laga soo degey. Ilaa iyo hadda ma ogi sababta uu Goddoomiyaha Goboolka ama kan Degmadu aanuu ula socon Madaxweynaha. Sidoo kale militerigii xoogga lahaa ee magaalada degganaa Taliyahoodu lama socon. Xuseen Kulmiye Afrax Ma hubo labada booqasho midda horreeysay. Laakiin Kawaanka Oktoobar dhismihiisu markii uu dhammaaday waxaan isagana maalin ku arkay Xuseen Kulmiye Afrax. Madaxda Degmada ayaa u warbixineysay. Dharka booliiska ayuu ku lebbisnaa. Isaga ma aanan garan, laakiin shaki iigama jirin in uu yahay Madax Sare. Waxaan u fiirsaday garaaddihiisu waxa uu ka kooban yahay iyo sida uu u eg yahay. Garaadduhu wuxuu soo jiitay indhahayga maaddaama aanan mid la nooc ah ku arag ciidanka faraha badan ee magaalada jooga. Aabbahay markii uu shaqada ka soo rawaxay ayaan u sheegay ninka yimid xaafaddeenna markaasna waxaan u sawiray garaaddaha uu lebbisnaa sida uu u ekaa. Aabbahay ayaa ii sheegay ninka uu ahaa. Berigaas ma aanan ogeyn in nimankaasi iyaga oo weli dalka Madax ka ah aan dhammaysan doono waxbarasho ilaa heer Jaamacdeed. Ma ogeyn in aan labadaba wareysan doono. Ma ogeyn in aan safar u raaci doono. Ma ogeyn in aniga oo weriye ah aan soo dhex istaagi doono Golaha Wasiirrada dalka oo ay labaduba fadhiyaan. Mana ogeyn in aan amni darro darteed dalka uga tegi doono iyaga oo weli Madax ka ah. Dhammaantood Allah ha u naxariisto. W/Q: Yuusuf Garaad Cumar
-
Marka-(Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya xeebta bad weynta Hindiya ee Magaalada Marka ayaa sheegaya in saqdii dhexe ee xalay ay ku dagtay doon ay wateen ciidamo ka tirsan Militeriga Soomaaliya. Badda ayaa waxaa wali ku maqan hub iyo ciidan iyadoo qaarna laga badbaadiyay, ugu yaraan laba askari oo ka tirsan Guutada 14-ka October ayaa lagu la’yahay nolol iyo geeri, kuwaas oo ku maqan xeebta magaalada Marka. Taliyaha Guutada 14-ka October Cabdi Muuse iyo 12 askari oo kale ayaa laga soo badbaadiyey badda, kadib markii dooni ay ku safrayeen ay xalay ku degtay xeebta magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose. Saraakiisha gobalka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in laba askari, ku dhawaad 20 qori oo AK 47 ah, 2 PKM(Dabajeex) iyo doontiiba lagu la’yahay gudagha badda. Ciidan kale ayaa isla xalay ka soo baxay Muqdisho, kuwaas gurmad ahaan ugu yimid ciidanka iyo hubka ay doontu kula dagtay xeebaha Marka si loo badbaadiyo. Ciidanka ay doontu la dagtay ayaa sida la sheegay ka soo baxay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, waxayna doonayeen in safar dhanka Badda ah ay ku soo galaan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose. Waayihii dambe inta badan ciidamada dowladda Soomaaliya ee iskaga kala gudbaya magalada Muqdisho iyo gobolka Shabeellada Hoose ayaa safaradooda u weeciyay dhanka Badda, maadaama uu adkaaday marinka dhulka oo ay Al-Shabaab miinooyin galiyeen meel kasta. Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada.net Caasimada Online Xaafiiska Marka Caasimada@live.com
