Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe ayaa sheegay in madaxweyne aanay xisbi ahaan ogolayn in wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya lagu qabto dalka Jabuuti, isagoo arrintaasna ku sababeeyey in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu taageersan yahay Soomaaliya, dhinaca kalena uu cadaw ku yahay qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland isaga oo waraysi siiyey telefiishanka HCTV maalintii Isniinta ee taariikhdu ahayd 30 September 2019 Eedaynta uu Guddoomiye Faysal Cali-waraabe u jeediyey Madaxweynaha Jabuuti maaha mid shaqsi-weerar ah, laakiin waa hadal ay wada rumaysan yihiin shacbiga Somaliland, waxaannu Guddoomiyaha UCID yidhi; “Ismaaciil Cumar Geelle waxa aan u sheegaynaa; ‘Ismaaciiloow, adiga iyo front countries-ka (dalalka deriska ee xadka la leh Somaliland iyo Soomaaliya)’ shir ku qabsan mayno, waxaanan adiga kuu qabnaa in Ismaaciil Cumar Geelle arrintayada daacad kama aha oo Muqdisho ayuu ku xidhan yahay, ma ogola Somaliland, sidaa awgeed gurigaaga ku qabsan mayno…waannu kaa xishoonaynaa, laakiin adigu nagama xishoonaysid, waxaanan kuu sheegaynaa haddii aad naga xishoon waydo wax kale kuu sheegi mayno oo gacal ayaad noo tahaye shir noo qaban maysid…Ismaaciil Cumar Geelle wuu innaga soo horjeeday 28-kaas sanno (ee Somaliland jirtay), dadkiisuna waxay ku dhintaan Beled-weyne (askarta Jabuuti ee AMISOM ku jirta), anaguna waxa aannu ku leenahay; ‘waar adiguba iska diiday Soomaaliye anaga maxaad noogu qasbaysaa? Haddii uu Soomaali ka shaqaynayo dee isagu ha ku darsamo marka hore…Ismaaciil waa cadawgeena oo Xamar inuu innagu dhiso ayuu doonayaa oo ciidamo ayuu u sameeyaa, runta ayaan kuu sheegaynaa oo waannu kaa xishoonaynaa ee adigu naga xishoon weydaye waannu iska kaa celinaynaa…” Hadalkan uu jeediyey Guddoomiyaha UCID waa hadal uu ku difaacayo qaddiyadda iyo madaxbannaanida dalka Jamhuuriyadda Somaliland, aniga shaqsiyana iigama muuqato wax aflagaado ama edeb-darro ah oo uu Faysal Cali-waraabe ka sheegay Madaxweynaha Jabuuti, balse hadalka runta ah ee uu iftiimiyey waa in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu cadaw ku yahay qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, hadalkaasina maaha wax cusub ee mid ay wada ogyahay, isla markaana u muuqda shacbiga reer Somaliland. Haddaba, Wakiilka Dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland Mr. Xuseen Cumar Kawaaliye oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 1 October 2019, waxa uu ku sheegay inuu ka jawaabayo hadalka uu jeediyey Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, balse sida ku cad muqaallada saxaafaddu baahiyey ninkan reer Jabuuti wax jawaab ah kama bixin nuxurka hadalka Faysal Cali-waraabe ee ahaa in aannu Madaxweynaha Jabuuti dhex ka ahayn wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee uu la jiro dhinaca Soomaaliya, isla markaana uu cadaw ku yahay qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland. Hasayeeshee taas beddelkeeda waxa Wakiilka Jabuuti uu si shaqsi ah u weeraray Guddoomiyaha UCID. “Waxa aan idiinku yeedhay in aan ka jawaabo hadallo anshax-xun oo fool-xun oo ka soo yeedhay ninka la yidhaahdo Faysal Cali-waraabe. Waxa aan ka leeyahay Faysal Cali-waraabe; ‘anagu dowladda Jabuuti ayaannu nahay, Dowladda Jabuuti-na waxay la shaqaysaa oo wax ka dhexeeyaan Madaxweynaha Somaliland, Xukuumadda Somaliland iyo shacbi-weynaha Somaliland, waxaanna ka dhexeeya walaaltinimo qoto-dheer iyo xidhiidh qoto-dheer…” Ayuu yidhi Wakiilka Jabuuti ee fadhigiisu yahay Hargeysa. Mr. Kawaaliye waxa uu ku dooday in aanay Guddoomiyaha UCID meel uga bannaanayn xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, isagoo aad moodo inuu iska indho-tirayo in Faysal Cali-waraabe ka mid yahay masuuliyiinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, madaxna ka yahay xisbi qaran oo dastuuri ah. “Aniga oo magacii Jabuuti ku hadlaya, aflagaadada iyo hadallada fool-xun ee uu ninkaasi ku hadlayo, anagu waxa aannu ka leenahay anagu xisbi lama sheekaysanno oo xisbi wax naga dhexeeyaa anaga ma jiro ee Madaxeyne iyo Xukuumaddiisa ayey wax naga dhexeeyaan. Meel uu ka soo galo sheekada Jabuuti iyo xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti meel uu ka soo galo ugama bannaana,” ayuu yidhi Wakiilka Jabuuti. Marka aad daawato ama dhegaysato hadalka Wakiilka Jabuuti u fadhiya Somaliland, waxa ka dhex muuqata fariin hanjabaad ah oo uu ku caddaynayo in Dowladda Jabuuti iska celin doonto Faysal Cali-waraabe, waxa kaloo hadalkiisa ku jira weedho ka baxsan anshaxa diblomaasiyadda ah oo uu wax kaga sheegayo edaabta iyo asluubta Guddoomiyaha UCID. “Haddii aad adigu aflagaadadaasi uma dul-qaadanayno, aniga oo si diblomaasi ah u hadlaya, jawaabtaasna waxa aannu ka sugaynaa Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumadda Somaliland, waayo anagu xisbi lama hadalno oo shaqsi lama hadalno, umana jawaabno, nagamana gayo, cayna kaama gayno ee haddii aad asluubtaada iyo edaabtaada ku dhawrsan waydo waan iska kaa *****naa (celinaynaa) oo hadeed kaa gaabsan mayno…adigu haddii aad nagu dhex jirin oo aad balaayo la nagu darsaday aad tahay hore ayaan xirsi kuugu qoranay, xirsi-xijaab ayaan kuu xidhannahay, dee xijaabkii waxba waa kaa qaban waayay, suuratul Yaasiin ayaan kugu akhriyeynaa…” ayuu yidhi Wakiilka Jabuuti. Marka loo fiirsado hadalkan Wakiilka, waxa ku cad hanjabaad ka dhan ah Guddoomiyaha UCID oo ah masuul reer Somaliland, waxaanna muhiim ah in Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ay u yeedho Wakiilka Jabuuti si uu faahfaahin iyo iftiimin (clarification) uga bixiyo hadalkan hanjabaadda ah. Wax fiican maaha in diblomaasiyiinta Caasimadda Hargeysa u fadhiya dalalka saaxiibka la ah Somaliland ay ku degdegaan inay saxaafadda uga jawaabaan xisbiyada qaranka ama cid ka mid ah qaybaha bulshada Somaliland ee sheega wax gef ku ah dalalka ay wakiilka ka yihiin, balse wixii ay dhibsadaan waa inay si toos ah ugala xidhiidhaan dowladda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kadibna hab diblomaasiyeed wax looga qabto arrinta ay dhibsadaan diblomaasiyiinta fadhigoodu yahay Hargeysa. Haddaba, degdeg badan ayaa ka muuqday hadalka uu saxaafadda mariyey Mr. Xuseen Kawaaliye, iyadoo weliba cidda uu u jawaabayey oo ah Guddoomiyaha UCID aannu wax gef ah kula kicin qarannimada Jabuuti, balse uu sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle aanu dhex u ahayn Somaliland iyo Soomaaliya. Wakiilka Jabuuti, ayaa sidoo kale sheegay in Ismaaciil Cumar Geelle yahay Madaxweynaha Soomaalida oo dhan. “… Ismaaciil Cumar Geelle waa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, waa Madaxweynaha Soomaali maanta u ah Madaxweyne dhammaantood ee nin walba oo Soomaali ah meesha uu joogo u adeegga…” Hasayeeshee, arrinta xaqiiqda jirta ah waa in Ismaaciil Cumar Geelle uu yahay Madaxweyne Soomaali ah oo Madaxda u ah Soomaalida Jabuuti, balse waxa aan Mr. Kawaaliye u sheegaynaa in aannu Madaxweyne u ahayn Soomaalida Somaliland, Soomaalida Itoobiya iyo Soomaalida Kenya, laakiin waxa suurtogal ah inuu Madaxweyne u yahay Soomaalida Soomaaliya, sababtoo ah Soomaaliya waxa jooga Ciidan Reer Jabuuti ah. Soomaalida reer Somaliland waxay leeyihiin Madaxweyne cod dadweyne lagu soo doortay iyo xisbiyo qaran oo dastuuri ah, kuwaasoo si xor ah ugu tartama doorashooyinka kala duwan ee ka dhaca dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanna xisbiyadaas ka mid ah Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ee uu Guddoomiyaha u yahay Eng. Faysal Cali-waraabe, halka sidoo kale ay jiraan xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI. Saddexdaas xisbi qaran waxa kala taageersan bulshada reer Somaliland, waxayna dhammaantood ka wada midaysan yihiin qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Marka ay arrintu sidaas tahay, Wakiilka Jabuuti waxa uu ilaalinayaa danaha dalkiisa Jabuuti, Guddoomiyaha UCID-na waxa uu difaacaya danaha dalkiisa Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa darteed cidda reer Somaliland ee Mr. Xuseen Kawaaliye taageero u muujisaa waa cid difaacaysa danaha Jabuuti oo duulaan ku ah danaha Somaliland. Shacbiga reer Somaliland-na waxay la jiraan cidkasta oo ka shaqaynaysa difaaca qaddiyadda iyo danaha guud ee waddanka Jamhuuriyadda Somaliland. Suxufi Maxamed Ciro Tifaftiraha Guud Ee Wargeyska Jamhuuriya Oo Ka Soo Baxa Hargeysa Somaliland Source
  2. MOGADISHU (HOL) - The UN envoy for Somalia James Swan has called for concerted efforts among stakeholders in Somalia to ensure the country realizes key set milestones by 2020. Source: Hiiraan Online
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbga mucaaradka ANC ee dalka Kenya, Musalia Mudavadi oo magaalada Washington kula kulmay saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa ka digay in Soomaaliya la siiyo ama loo xukmiyo kiiska Badda oo ay dacwaddiisu haatan hor taallo maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ. Mr Musalia ayaa sheegay haddii ay Soomaaliya ku guuleysato kiiskaas ay dhaceyo xasilooni darri, sida uu hadalka u dhigay. “Haddii cadaaladda la garab maro oo la siiyo Somalia waxaa ay abuuri-doontaa xasilooni darro.” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga Amani National Congress. Sidoo kale wuxuu dalalka beesha caalamka ugu baaqay inay soo farageliyaan xiisada labada dal, gaar ahaan kiiska badda. Guddoomiyaha xisbiga ANC ayaa xiisada labada ku tilmaamay mid qatar ah oo loo baahanyahay inaysan yareysan beesha caalamka. “Beesha caalamka waa in aaney yareysan arrinkan oo aaney fududeysan sida shirkadaha waaweyn ee shidaal qodista damaca ugu jira aaney dhicisin dadaallada cadaaladda.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mr Mudavadi. Ugu dambeyn wuxuu Soomaaliya ku tilmaamay dal tabar daran, islamarkaana hoy u noqon kara argagixisada. Xiisada Soomaaliya iyo Kenya ayaa mareysa meeshii ugu darneyd, iyadoona dowladda Kenya ay daneyneyso in markale dib loo dhigo kiiskan oo dib maxkamadda cadaaladda aduunka ICJ u dhageysan doono 4-ta bisha Novermber ee sanadkan 2019-ka. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  4. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday askari horey askari kale ugu dilay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho. Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa sidan u qornaa: Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa loo heystaa dillka Allaha Unaxariiste Ex. Dalbe Boliis Jamaal Abuukar Jiinow oo uu ku dilay degmada Waabari 22-kii March ee Sanadkan kadib markii uu ka hor istaagay dhac uu u geysanayay mid kamid ah rayidka ku dhaqan degmada Waabari. Baaritaanka Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa qaatay waqti dheer maadaama xilliga uu dhacca geysanayay ay aheyd xilli dambe oo habeen ah, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta usoo gudubtay Eedda eedeysanaha 20-kii July Sanadkan. Xilligaaas ayuu Codsaday Xafiiska In loo gudbiyo Eedeysanaha Xabsiga dhexe Garsuge ahaan. Xafiiska oo wixii xilligaas ka dambeeyay isku howlay aruurinta Xogta la xiriirta sida ay wax u dhaceen ayaa ugu dambeyn codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda Sedaxda bishii ina dhaaftay ee September. 24-kii September ayaa loo ballamay fadhiga Maxkamadda waxaana ugu horreynba loo jeediyaya eedeysane Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen eed ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalab Sida, waxaana eedeysanaha la weydiiyay jiritaanka eedaha ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa fursad loo siiyaya soo bandhigidda Cadeymaha la xiriira Qodobada ay kusoo eedeeyeen oo ka koobnaa Dil iyo Dhac. Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeen Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor aqriyay Qiraalka eedeysanaha uu ka qoray Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida kaas oo uu eedeysanaha ku cadeystay in xilliya kala duwan uu dhac ka geystay degmada Waabari, waxa ay sidoo kale fadhiga Maxkamadda xafiiska Xeer Ilaalinta horkeeneen Dhibane uu eedeysanaha ka qaatay Teleefoonkiisa gacanta. Wax yaaba kale oo ay soo bandhigeen Xafiiska Xeer Ilaalinta waxaa kamid ah intii ay socotay dhageysiga dacwadda laba markaati oo iyagana ka marag kacay in Eedeysanaha uu xabado ku furay Ilaaladii Boliiska iyo dhibanaha taasi oo ugu dambeyn sababtay Geerida Ex. Dalbe Boliis Jamaal Abuukar Jiinow. Cadeymaha kale ee la horkeenay Maxkamadda waxaa kamid ah Qorigii uu dhacca ku geystay oo nuuciisu ahaa AK-47, Sawirka Marxuumka iyo Warqadda dhakhtarka ee cadeynta Dhimashada. Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab u dhiganta Qodobada ay kusoo eedeeyeen maadaama eedeysanaha uu caadeystay dhacca dadweynaha iyo u bareeridda in uu nolosha dhaafiyo mid kamid ah ciidamada loogu tala galay in ay ilaaliyaan xuquuqda Shacabka. Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen uu iska difaacayay xabado ay kusoo rideen Ciidamada Boliiska, Sidoo kale uusan ku tala gelin dilka Marxuumka, waxa ayna Garsoorayaasha weydiisteen in laga qaado diyo. Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan kasoo saartay Eedda loo heysto Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen waxa ayna ku xukuntay diltoogasha ah oo ah qisaasta Ex Dable Boliis Jamal Abuukar Jiinow sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku eg 30-cisho xukunka Kadib. Source: goobjoog.com
  5. Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa saaka furay maalinka labaad ee shirka oo ka soconaya Muqdisho ayna ka qeyb galayaan ilaa 50 wafuud matalaysa dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah. Dooda shirka maanta oo soconaysa ayaa ku bilaabatay dib u habeynta hay’adaha dowliga ah,si gaar ah Dhaqaalaha iyo talaabooyinka loo qaaday horumarinta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka. Mudane Xasan Cali Khayre R/wasaaraha XFS oo guddoominaya shirka ayaa furitaanka ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saarayso dib u habeynta hay’adaha dowliga,isagoo dhinaca kale uga mahad celiyay wafuudda caalamiga ah ee ka soo qeybgashey shirkan. Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlay shirka ayaa diirada saaray waxa ka qabsoomay dib u habeynta maamulka Maaliyadda iyo wadahadalka deyn cafinta halka uu marayo,wuxuuna muujiyay in meel wanaagsan ay wax u marayaan,ayna jiraan rajooyin iyo guulo lataaban karo. Waxaa goob joog ah shirkaan qaar ka.mid ah madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka sida Madaxweynaha Koofur Galbeed, Madaxweynaha Horshabeelle, Madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho. View the full article
  6. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sababta maamulkiisa aanu uga qeybgalin shirka iskaashiga caalamiga ah ee ka socda magaalada Muqdisho. Ugu horreyn wuxuu sheegay in Puntland diyaar u tahay iney miiska wadahadalka la fariisato dowladda federaalka, walibana iyadoo baahin toos ah laga sameynayo warbaahinta ay la xaajoodaan si loo ogaado cidda gardaran. Wuxuu tilmaamay Dani in sababta ugu weyn ee shirka uga hareyn ay tahay in aan laga talogelin ajendaha shirka, sidoo kalene ay baraha bulshada ku arkeen war-murtiyeedka shirkan laga soo saari doono. “Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay sida doorashooyinka hadda looga daawado Tv-yada, waxaan rabnaa wadahadal furan oo doodeenna si cad u sheegi karno, dadka si ay u ogaadaan cidda qaldan iyo cidda saxan, dowladda Puntland shirkaasi kama aanay qeybgalin, waxaan rabaa dadweynaha reer Puntland inaan u faah faahinno sababaha aan shirkaasi uga qeybgali weynay, waxaan aad uga xunnahay in shirka noocaas ee intaa la eg aan Puntland laga talogelin, in puntland ay baraha bulshada ka aragtay ajendaha shirka, in Puntland ay ka aragtay war-murtiyeedka shirka kasoo bixi lahaa oo sii diyaarsan, waxaan ka xunnahay markii aan hubsannay in arrimahaasi sidaasi u jiraan oo aan talo ku lahayn oo Puntland baahiyaheeda la weydiineyn wax ay Puntland qaadan karto ma ahan” ayuu yiri Dani. Jubbaland iyo Puntland ayaan ka qeybgaleen shirka iskaashiga caalamiga ah ee ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo lagu wado shirkan maanta in lasoo gabagabeeyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur oo ah ka mid ah gorfeeyaasha ciyaaraha gudaha ayaa sheegay in xariirka kubbadda cagta Soomaaliya ay sameeyeen is badal weyn oo muuqda taasina oo ah in xulalka kala duwan ee dalka ay guulo waaweyn ka gaareyn ciyaaraha caalamka saddexdii sano lasoo dhaafay. “Ma aheyn wax sahlan in xulka qarankeena uu gurigiisa ku ilaashado markii ugu horeesay ama xitaa ku badiyo kulan ka tirsan is reeb reebka koobka aduunyada,balse waa shaqo adag ay qabteen madaxda xariirka kubbadda cagta Soomaaliya ” ayuu Goobjoog u sheegay falanqeeye Cabdullahi Faarax. Falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur ayaa Xariirka Kubbadda Cagta Soomaaliya u soo jeediyay in ay wax ka badal weyn lagu sameeyo tartanka horyaalka Somalia Premier League,isagoo tusaale u soo qaatay xiisaha iyo xamaasada tartanka sanadaha ee kubbadda cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir. “Markaan is bar bardhigno tartanka degmooyinka iyo horyaalka Soomaaliya ma ahan wax isku mid ah waxaana tusaale kaaga filan shacbiyada iyo xiisaha tartanka kubbadda cagta degmooyinka Gobolka,balse waxaana madaxda X.K.Cagta kula talin lahaa in horyaalka Soomaliya laga dhigo mid ay kasoo wada qeyb galaan kooxaha ka dhisan guud ahaan dalka,si horomarka kubbadda cagta ay u gaarto shacabka ku nool wadanka oo dhan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur. Xulka 17-Jirada Soomaaliya ayaa sanadkii 2018 gaaray kama dambeysta tartanka Da’yarta Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka qabsoomay wadanka Burundi waxayna dhallinyarada Soomaaliya fiinaalka la ciyaareen Tanzania waxayna aheyd taariikhda markii ugu horeesay uu xulkeena soo tiigsado heerkaas. “Inta ay joogaan xafiiska gudoomiye Cabdiqani Saciid iyo saaxiibadiisa waa markii labaad ay soomaaliya gaarto meel aad u saraysa ee dhinaca guulaha xulka qaranka,taasina waxa ay rajo weyn ku beertay taageerayaasha kubbadda cagta Soomaaliya” ayaa hadalkiisa sii raaciyay falanqeeye Cabdullahi. Halkan Ka Daawo Waraysi Uu Falanqeeye Cabdullahi Faarax Siiyay Goobjoog Sports W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in la soo gabagabeeyo shirka madasha iskaashiga Somalia oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho. Shirka oo galay maalintiisii labaad ayaa waxaa maanta ku biiray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf). Sidoo kale waxaa kulanka ka qeyb galaya Madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, Cabdicasaasi Lafta Gareen iyo Maxamed Cadi Waare. Madasha iskaashiga oo sanadkan markii ugu horreysay lagu qabanayo Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale lagu casuumay in ka badan 50 dolwadood oo daneeya Somalia. Intiis ka badan kulanka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo cadaaladda. Gagabagada shirka oo galabta la soo xiri doono ayaa la filayaa in laga soo saaro Warmurtiyeed ay isku raacsan yihiin dhammaan xubnihii ka qeyb galay shirkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Nacnac oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa ku baaqay in safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti uu muddo 24 saacadood gudahood kaga baxo dalka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, ayaa Madaxweyne Biixi shalay u gudbiyay xubinta uu ugu tallo galay inay ka mid noqoto guddiga doorashooyinka qaranka. Madaxweyne Biixi ayaa hore guddoomiyaha guurtida ugu soo celiyay Foosi Maxamed Faarax oo ka mid ahaa laba xubnood oo uu u gudbiyay Madaxweynaha si ay uga mid noqdaan guddiga doorashooyinka qaranka, waxaanay madaxtooyadu ka dalbatay golaha guurtida inay soo bedelaan xubintaas oo soo celintiisa sabab looga dhigay inuu ka tirsanaa xisbiga Waddani. Haddaba, sida ay warar xogogaal ahi Geeska Afrika u xaqiijiyeen guddoomiyaha golaha guurtida Saleban Maxamuud Aadan ayaa shalay Madaxweyne Biixi u gudbiyay in Maxamuud Daahir Jaamac (Dhoodi) uu noqdo xubinta labaad ee guddiga doorashooyinka. Mr. Dhoodi ayaa xilligii xukuumadii Siilaanyo wuxuu ahaa maareeye-xigeenka wakaaladda waddooyinka, Waxaanu dhawr goor warbaahinta ka soo muuqday isagoo eedaymo u jeedinaya xisbiyada mucaaradka, gaar ahaan hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan. Lama garan karo in Madaxweyne Biixi soo celin doono Mr. Dhoodi oo dabcan xil ka soo qabtay xukuumadaas hore ee xisbiga KULMIYE. Labada xubnood ee ay guurtidu xushay ayaa noqonaya Maxamuud Daahir Jaamac (Dhoodi) oo shalay la gudbiyay iyo Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood oo bishii hore ee September la gudbiyay. Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Badhasaabka Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, ayaa ka hadlay dagaalka ka dhacay deegaanka Waraabeeye ee Degmada Duruqsi ee Gobolka Togdheer, oo uu ku dhintay hal qof, halka saddex qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, waxaanu sheegay in dagaalkani uu ku yimid rabshado ka bilaabay aroos ka dhacay Deegaankaas. Badhasaabka Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey qaabka ay wax u dhaceen iyo sababta keentay dagaalkan dhimashada iyo dhaawaca keenay ayaa ugu horeyn ku jawaabay “Aroos ka dhacay xalay (habeen hore), Waraabeeye, ayaa rabshado ka dhacay ayaa isku rogay in dagaal halkaas ka dhaco, waxaana la dilay oo halkaas ku dhintay hal qof, saddex qof oo kalena wey ku dhaawacmeen, dhammaana afartan qof waa wada rag, waxaana anigu amray in meydka iyo saddex qof ee dhaawacmay la keeno Burco, waana la keenay, imikana xaaladu wey degan tahay, waxaana dadka leeyahay is dajiya, Xukuumadduna waajibkeeda wey gudanaysaa, waxan dhacayna inkasta oo aynu shaydaanku ku lug lahaa, haddana wax qoran oo ALLE qadaray ayey ahaayeen, ALLENA qofkaas dhintay ha u naxariisto, saddexda qof ee kalena ee dhaawacana caafmaad ha siiyo” Guddoomiyaha Degmada Duruqsi Axmed Cabdilaahi Cabdi Gaabyoone, oo isna aanu wax ka weydiinay dagaalkan dhacay, ayaa isagoo ku sugan Wareebeeye ayaa yidhi “Hadda waxaan ku sugan nahay Waraabeeye, gaar ahaan halkii dhibaatadu ka dhacday, dadkii ku dhaawacmay iyo qofkii ku dhintayba Badhasaabka ayaa markiiba amray in la geeyo Magaalada Burco, waana la soo qaaday, Ciidamaduna wey ku daba jiraan gacan ku dhiiglihii xabada furay, sida ugu dhakhsaha badana gacanta waa loogu soo dhigi doona, ee Dadku yaanay talaabo kale oo khaldan qaadin, oo Xukuumaddooda ha uga dambeeyaan wax walba”. Source
  12. Muqdisho (Caasmida Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan qarsoodi ahaa oo xalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre uu la qaatay wafdi ka socda wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo shalay soo gaaray Muqdisho. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu dhexmaray Ra’iisul wasaaraha, kaaliyaha wasiirka arrimaha Dibadda Kenya, Ababu Namwamba iyo agaasimaha nabadda iyo amniga ee wasaaradda, John Kilonzi. Wararka ayaa sheegaya in kulanka lagu soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin xiriirka sii xumaanaya ee labada dal iyo kiiska Badda. Ababu Namwamba ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ki yiri “Wada hadal ayaa la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo aan ka wada hadalnay arrimaha labada dhinac oo dan u ah Kenya iyo Soomaaliya.” Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda, gaar ahaan xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo ku aadan shirkaasi. Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid aan wanaagsaneyn, kaas oo ka dhashay kiiska Badda oo ay haatan dawacdiisu hor taallo ICJ. Lama oga kulankan qarsoodiga ah waxa hadda ku soo beegay, iyadoo xiisada labada dal ay tahay mid kacsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. (SLT-Hargeysa)-Hantidhawrka Somaliland Oo Xafiisyo Wasaaradeed Qufulay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Iran)-Maxkamad ku taalla dalka Iiraan ayaa dil toogasho ku xukuntay shaqsi lagu eedeeyay in uu basaas u ahaa dowlada Mareykanka. Afhayeenka Maxkamada Iiraan ayaa dhanka kale tilmaamay in laba qof oo kale lagu xukumay 10 sanno oo Xabsi ah. Mr Qulaam Xuseyni Ismaaciili ayaa intaa raaciyay in 10 sanno gadhka loo galiyay shaqsi afaraad oo isna Basaas u ahaa dowlada UK. Wuxuu intaa ku daray in shaqsiga Basaaska u ahaa Mareykanka lagu xukumay daldalaad balse uu racfaan ka qaatay. Illaa iyo hadda lama oga in shaqsiyaadkan ay ku jiraan 17 qof oo bishii July ay qabteen ciidanka amniga kuwaasi oo loo haysto in basaas ay u ahaayeen Mareykanka. Xukunadan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay sare u sii kaceyso xiisada u dhaxeysa Washington iyo Tehraan. Source
  15. (SLT-Riyadh)-Sannad ayaa maanta oo ku beegan labada bisha October laga joogaa, markii saxafiga Jamal Kashigji lagu dhexdilay qunsuliyadda uu Sacuudiga ku leeyahay magaalada Isntanbul ee dalka Turkiga. Madaxweynaha Turkiga Raceb Tayib Erdogan ayaa ballan qaaday, in dowladdiisa ay sii wadi doonto dadaalladeeda ku aadan ifinta dilki wuxushnimada ahaa ee lagu khaarijiyay Jamal Kashikji oo ahaa saxafi u dhashay dalka Sacuudiga. Khashoggi, ayaa ahaa saxafi magangalyo ku daganaa Mareykanka. Wuxuu ka mid ahaa dadka maqaalada ku qoro wargeyska Washington Post ee kasoo baxa magaaladan Washington D.C. Wuxuu ka mid ah dadka naqdiya siyaasadda dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman. Hey’ada sirdoonka dibadda Mareykanka ee CIA iyo qaar ka mida dowladaha reer Galbeedka ayaa rumeysan in dilka Kashikji uu amray Maxamed Bin Salman. Source
  16. (SLT- Kashmiir)-Booliska Hindiya ee ku sugan gobolka Kashmiir ayaa xabsiga dhigay 144 caruur ah tan iyo markii dowlada New Delhi ay bilowgii bishii August oo xayiraad ku soo Rogtay. Garsoorayaasha maxkamada sare ee Kashmiir ayaa sheegay in 26 ka mid ah carruurtan lagu xareeyay goobaha loogu talagalay dhaqan celinta. Tirada ugu badan carruurta ayaa laga soo qabtay magaalada ugu weyn ee Srinagar, waxaana caruurta la xidhay ka mid ahaa cunug 9 jir Ah. Booliska ayaa ku eedeeyay carruurtan inay dhagxaan ku tuurayeen xarumaha dowlada ee loogu talagalay adeega dadweynaha iyo laamaha Amniga. Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo uu sii kordhayo walaaca laga muujinayo xaaladda ka taagan gobolka Kashmiir. Xukuumada Islamabad ayaa hore cadho uga muujiyay howlgalada ciidanka Hindiya. Source
  17. (SLT-Nairobi)-Dowlada Ingiriiska ayaa wada dadaalo ay dabada uga riixeyso in wadaxaajood ay dhaxdhigto Soomaaliya iyo Kenya oo uu u dhaxeeyo muran ka dhashay Badda. Safiirka UK u fadhisa magaalada Nairobi ms Jane Marriot ayaa sheegtay in ay jeclaan laheyd in uu dhammaado khilaafka Kenya iyo Soomaaliya ee ka dhashay dhanka Xadka. Mr Marriott ayaa intaa ku dartay in wadahadal kaliya lagu xalin karo khilaafka labada Wadan, kadib kulan ay la qaadatay madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto. Toddobaadkii hore ayay aheyd markii magaalada New York uu ka dhacay kulan u dhaxeeyay madaxweynaha dalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta. Labada hoggaamiye oo kulankooda gadhwadeen uu ka ahaa madaxweynaha Masar Cabdi Fataax Al-Siisii ayaa la isku afgatay in lagu soo afjato Khilaafka u dhaxeeya labada Wadan. Source
  18. (SLT-Iran)-Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan ayaa sheegay in Tehraan ay soo dhaweyneyso wadahadal ay la bilowdo wadanka ay ku xafiiltamayaan gobolka ee Sacuudiga. Mr Cali Larjani ayaa wareysi uu ku siiyay tv-ga caalamiga ah ee Al-Jaziira magaalada Tehraan ayuu ku sheegay in Iiraan diyaar ay u tahay wadahadal in lagu dhammeeyo xiisadda u dhaxeysa labada Waddan. Hadalkaan ayaa imaanaya maalmo kadib markii tv-ga CBS ee dalka Mareykanka uu u sheegay dhaxal sugaha Sacuudiga in dalkiisa u daneynayo in xal nabadeed uu la gaaro Iiraan. Mr Salmaan ayaa tilmaamay in uu ka soo horjeedo in labada dal qilaafka u dhaxeeyo uu isku badalo dagaal Milatari. Gudoomiyaha Baarlamaanka Iiraan ayaa ugu dambeyn sheegay in wadahadalka Sacuudiga iyo dalkiisa ay xalin doonto dhibaato badan oo ka taagan Gobolka. Source
  19. Kismaayo (Caasimada Online) – Cabdirashiid Maxamed Xidig oo sheegta in taageerayaashiisa ay u doorteen Madaxweynaha Jubbaland ayaa cambaareyey xarigga Nabadoon Nabadoon Cabdi Colow oo maalintii 2-aad u xiran maamulka Axmed Madoobe. Xidig ayaa sheegay in Nabadoon Colow uu ka mid yahay xubnaha isbedalka doonka Jubbaland, islamarkaana uu si aad ah u dhaliili jiray Axmed Madoobe. Sidoo kale wuxuu sheegay in xariggiisa sharci darro yahay, islamarkaanay qoraalkan ay gaarsiiyeen UN-ka, dowladda dederaalka iyo dhammaan heyadaha ay khuseyso. “Nabadoon Abdi Olow oo kamid ah Nabadoonada ree Jubaland ee u ololeeya isbedelka sida xoogana u dhaliila maamulkii hore ee Jubaland :Qoraal ayaan gaar siinay xafiiska xuquuqul insaanka ee UN, Taliska booliska Jubaland, Dowlada Federaalka iyo Dhamaan heyadaha ay khuseyso ayuu yiri.” Xildhibaan Xidig. Nabadoon Cabdi Colow oo heysta dhalashada dalka Canada aya habeen hore gurigiisa kala baxay ciidanka Jubbaland, kuwaas oo ku xiray xabsi ku dhow hoygiisa. Tan iyo markii ay dhacday doorashadii muranka dhalisay ee dib loogu doortay Axmed Madoobe waxaa gudaha magaalada Kismaayo ka taagnaa xiisado u dhexeeya madaxda Jubbaland iyo garabka macaaradka oo si weyn u dhaliilsan maamulka hadda jira. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  20. Guddoomiyaha xisbiga ANC ee Dalka Kenya Musalia Mudavadi ayaa sheegay in loo baahanyahay in beesha caalamka ay soo farageliso, xalna u hesho muranka xad badeedka ee Soomaaliya iyo Kenya, isaga oo xaaladda ku tilmaamay mid khatar ah. “Beesha caalamka waa in aaney yareysan arrinkan, oo aaney fududeysan sida shirkadaha waaweyn ee shidaal qodista damaca ugu jira aaney dhicisin dadaallada cadaaladda”, Mr Mudavadi ayaa sidaa yiri Guddoomiyaha xisbiga ANC ayaa intaasi raaciyey “Haddii cadaaladda la garab maro, oo la siiyo Soomaaliya waxaa ay abuuri-doontaa xasilooni darro”. Mr Mudavadi waxaa uu arrinkan ka sheegay mar uu Washington DC kula kulmay saraakiil ka tirsan Mareykanka oo ay ku jiraan Mr David Gilmour, agaasimaha xafiiska geeska Afrika ee madaxtooyada iyo Mr Marc Norman oo isna ah agaasimaha xafiiska ladagaalanka argigixisada ee xafiiska madaxweynaha. Ninkan Mudavadi ah waxaa kale uu ku dooday in Soomaaliya ay tahay dal tabar daran, oo hoy u noqon karta argigixisada. “Dalalka guuldareystay ama liita waxaa la ogaaday iney hoy u noqon karaan argigixisada “ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey. Dalka Kenya ayaa muxaafid iyo mucaaradka waxaa ay ka mideysan yihiin iney dhacaan dhul badeedka Soomaaliya iyada oo beesha caalamka ku cadaadisanaya in kiiska laga soo celiyo maxkamadda ICJ. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa saaka xukun adag oo dil toogasho ah ku riday askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo horay askari kale ugu dilay gudaha magalaada Muqdisho. Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa loo heystaa dillka Allaha Unaxariiste Ex. Dalbe Boliis Jamaal Abuukar Jiinow oo uu ku dilay degmada Waabari 22-kii March ee Sanadkan kadib markii uu ka hor istaagay dhac uu u geysanayay mid kamid ah rayidka ku dhaqan degmada Waabari. Baaritaanka Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa qaatay waqti dheer maadaama xilliga uu dhacca geysanayay ay aheyd xilli dambe oo habeen ah, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta usoo gudubtay Eedda eedeysanaha 20-kii July Sanadkan. Xilligaaas ayuu Codsaday Xafiiska In loo gudbiyo Eedeysanaha Xabsiga dhexe Garsuge ahaan. Xafiiska oo wixii xilligaas ka dambeeyay isku howlay aruurinta Xogta la xiriirta sida ay wax u dhaceen ayaa ugu dambeyn codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda Sedaxda bishii ina dhaaftay ee September. 24-kii September ayaa loo ballamay fadhiga Maxkamadda waxaana ugu horreynba loo jeediyaya eedeysane Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen eed ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalab Sida, waxaana eedeysanaha la weydiiyay jiritaanka eedaha ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa fursad loo siiyaya soo bandhigidda Cadeymaha la xiriira Qodobada ay kusoo eedeeyeen oo ka koobnaa Dil iyo Dhac. Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeen Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor aqriyay Qiraalka eedeysanaha uu ka qoray Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida kaas oo uu eedeysanaha ku cadeystay in xilliya kala duwan uu dhac ka geystay degmada Waabari, waxa ay sidoo kale fadhiga Maxkamadda xafiiska Xeer Ilaalinta horkeeneen Dhibane uu eedeysanaha ka qaatay Teleefoonkiisa gacanta. Wax yaaba kale oo ay soo bandhigeen Xafiiska Xeer Ilaalinta waxaa kamid ah intii ay socotay dhageysiga dacwadda laba markaati oo iyagana ka marag kacay in Eedeysanaha uu xabado ku furay Ilaaladii Boliiska iyo dhibanaha taasi oo ugu dambeyn sababtay Geerida Ex. Dalbe Boliis Jamaal Abuukar Jiinow. Cadeymaha kale ee la horkeenay Maxkamadda waxaa kamid ah Qorigii uu dhacca ku geystay oo nuuciisu ahaa AK-47, Sawirka Marxuumka iyo Warqadda dhakhtarka ee cadeynta Dhimashada. Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab u dhiganta Qodobada ay kusoo eedeeyeen maadaama eedeysanaha uu caadeystay dhacca dadweynaha iyo u bareeridda in uu nolosha dhaafiyo mid kamid ah ciidamada loogu tala galay in ay ilaaliyaan xuquuqda Shacabka. Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen uu iska difaacayay xabado ay kusoo rideen Ciidamada Boliiska, Sidoo kale uusan ku tala gelin dilka Marxuumka, waxa ayna Garsoorayaasha weydiisteen in laga qaado diyo. Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan kasoo saartay Eedda loo heysto Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen waxa ayna ku xukuntay diltoogasha ah oo ah qisaasta Ex Dable Boliis Jamal Abuukar Jiinow sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku eg 30-cisho xukunka Kadib. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saaka waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo horay askari kale ugu dilay magalaada Muqdisho. Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa loo heystaa dillka Allaha Unaxariiste Ex. Dalbe Boliis Jamaal Abuukar Jiinow oo uu ku dilay degmada Waabari 22-kii March ee Sanadkan kadib markii uu ka hor istaagay dhac uu u geysanayay mid kamid ah rayidka ku dhaqan degmada Waabari. Baaritaanka Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa qaatay waqti dheer maadaama xilliga uu dhacca geysanayay ay aheyd xilli dambe oo habeen ah, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta usoo gudubtay Eedda eedeysanaha 20-kii July Sanadkan. Xilligaaas ayuu Codsaday Xafiiska In loo gudbiyo Eedeysanaha Xabsiga dhexe Garsuge ahaan. Xafiiska oo wixii xilligaas ka dambeeyay isku howlay aruurinta Xogta la xiriirta sida ay wax u dhaceen ayaa ugu dambeyn codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda Sedaxda bishii ina dhaaftay ee September. 24-kii September ayaa loo ballamay fadhiga Maxkamadda waxaana ugu horreynba loo jeediyaya eedeysane Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen eed ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalab Sida, waxaana eedeysanaha la weydiiyay jiritaanka eedaha ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa fursad loo siiyaya soo bandhigidda Cadeymaha la xiriira Qodobada ay kusoo eedeeyeen oo ka koobnaa Dil iyo Dhac. Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeen Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor aqriyay Qiraalka eedeysanaha uu ka qoray Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida kaas oo uu eedeysanaha ku cadeystay in xilliya kala duwan uu dhac ka geystay degmada Waabari, waxa ay sidoo kale fadhiga Maxkamadda xafiiska Xeer Ilaalinta horkeeneen Dhibane uu eedeysanaha ka qaatay Teleefoonkiisa gacanta. Wax yaaba kale oo ay soo bandhigeen Xafiiska Xeer Ilaalinta waxaa kamid ah intii ay socotay dhageysiga dacwadda laba markaati oo iyagana ka marag kacay in Eedeysanaha uu xabado ku furay Ilaaladii Boliiska iyo dhibanaha taasi oo ugu dambeyn sababtay Geerida Ex. Dalbe Boliis Jamaal Abuukar Jiinow. Cadeymaha kale ee la horkeenay Maxkamadda waxaa kamid ah Qorigii uu dhacca ku geystay oo nuuciisu ahaa AK-47, Sawirka Marxuumka iyo Warqadda dhakhtarka ee cadeynta Dhimashada. Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab u dhiganta Qodobada ay kusoo eedeeyeen maadaama eedeysanaha uu caadeystay dhacca dadweynaha iyo u bareeridda in uu nolosha dhaafiyo mid kamid ah ciidamada loogu tala galay in ay ilaaliyaan xuquuqda Shacabka. Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen uu iska difaacayay xabado ay kusoo rideen Ciidamada Boliiska, Sidoo kale uusan ku tala gelin dilka Marxuumka, waxa ayna Garsoorayaasha weydiisteen in laga qaado diyo. Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan kasoo saartay Eedda loo heysto Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen waxa ayna ku xukuntay diltoogasha ah oo ah qisaasta Ex Dable Boliis Jamal Abuukar Jiinow sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku eg 30-cisho xukunka Kadib. View the full article
  23. Waxaa maanta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho lagu soo gabagabeynayaa Shirka Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 50 dal oo caalamka ah iyo hey’ado dowli ah sida: Midowga Yurub, Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo qaar kale. Shirkan oo shalay furmay waxaa looga hadlayaa arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, banii’aadnimada iyo qodobo kale oo muhiim ah geedi-u-socodka Soomaaliya. Shirka waxaa ka maqan dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland taasi oo dhaawici-doonta rajada laga qabay in la dejiyo qorshe lagu dhaqo dalka ilaa 2020. Maanta waxaa lagu wadaa iney khudbado ka jeediyaan qaar ka tirsan maamulka Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedka goboleedyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Gelinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo shirweynaha caalamiga ah ee madashada iskaashiga Soomaaliya. Shirkan oo aha mid xasaasi ah ayaa waxaa shalay daah-furay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar). Madasha iskaashiga oo markii ugu horreysay lagu qabanayo Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galaya wakiilo ka socda in ka badan 50 dowladood. Sidoo kale waxyaabaha looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo cadaalada. Gabagabada shirkan ayaa waxaa la filayaa in laga soo saarayo Warmurtiyeed ku aadan dhammaan waxyaabihii laga wada hadlay. View the full article