Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda FS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saxiixay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa ka dib xaflad lagu qabtay xarunta madaxtooyadda Qaranka waxaana uu noqonayaa sharci rasmi ah oo la isticmaalo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda FS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo”oo u mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay diyaarinta sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa. Madaxweynaha JFS”Musuq-maasuqa kaliya ma ahan lacag la xado waa in qofku masuuliyadda uu hayo si xun ugu takri falo oo si shaqsi ah isagoon ilaahay ka baqeynin isagoon masuuliyadda loo dhiibay tixgalineynin” munaasabadda oo si toos ah uga baxaysay warbaahinta Qaranka ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin wasiiro,xildhibaano,saraakiisha ciidanka, sharci yaqaano,culimada diinta iyo ganacsato sidoo kale ururada bulshada rayidka waxaana aad loo wada bogaadiyay in sharcigaan la helo. View the full article
  2. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Somaliland haatan ah xubin ka tirsan guddida tacliinta sare, Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa sharaxaad ka bixiyey hadal madaxweyne uu laba goobood kaga hadlay, isla markaana ay bulshadu siyaabo kala duwan u fasiratay kaasi oo ku saabsanaa saldhigga millateri ee dawladda Imaaraadku ka samaysanayso madaarka magaalada Berbera. Yuusuf oo arrintaasi ka hadlayaa ayaa yidhi; “laga yaaba, Dadka iyaguun baa siyaabo kala duwan u fasirtay, Hadalkii madaxweynaha. Horta wax faraq ah oo u dhexeeya ma jirin. Marka hore dawladda Somaliland iyo Imaaraadku waxay wada galeen heshiis dhinacyo badan ka kooban, dalalka Imaaraadka iyo Sucuudiga oo aynu walaalo ku nahay diinta, xaqiidada, arrimaha siyaasadda. Heshiisyada aynu la galnay waxa ka mid ahaa, in Base Millateri oo deked ah la dhiso, waa la dhamaystiray, in madaarka magaalada Berbera la habeeyo una isticmaalaan militeri, socdaalkii ugu dambeeyay ee madaxweynaha ayuu madaxweynuhu usoo jeediyay, kana codsaday, in maadaama laba madaar uun ay imika inoo shaqeeyaan, kan Hargeysa iyo ka Berbera, in kaa berbera loo adeegsado mid shicib ah, Adduunweynaha casriga ahna maanta waxaanu ognahay in madaarada labadaba loo adeegsado (Milliteri iyo Madani) markaa madaxweynuhu ummadda reer Somaliland ayuu ugu bushaaraynayay in madaarkii berbera laga shaqeeyay, si fiican oo casri ahna ay u dhiseen madaarka berbera oo ah madaarkii ugu dheeraa uguna weynaa kuwa afrika ka jira, in maanta uu diyaar u yahay in madani ahaana aynu u isticmaali doono.” Yuusuf Maxamed Cabdi waxa uu farriin u diray dawladda Soomaaliya oo uu sheegay inay dagaal kula jirto Somaliland, “Dawladda Soomaaliya, Waxaynu ka wada dheregsan nahay wixii ay ka yeeleen DP world iyo maalgashiga Imaaraadku ka wado gudaha Somaliland, waxaydun ogaydeen inay hor istaagaan qaadhaan-bixiyeyaashii Adduunka, waxaydin ogaydeen arrintii xajka iyo tii xoolaha wixii ay ka yeeleen, maantana inay wadaan oo ay ka codsadeen dawladda Maraykanka iyo dawladda Ingiriiska iyo sanduuqa lacagta adduunka ee IMF loo yaqaan, in lacagta Somaliland la joojiyo oo la baabi’iyo si lacagtooda loo isticmaalo. Sidaa darteed waxa aan leeyahay dawladda Xamar fadhida, waar ka waantooba xumaanta iyo hagardaamada aad la daba socotaan Somaliland oo ixtiraama wanaaga intabadan shacabkeeda iyo dawladoodu idinkula dhaqmaan.” Source
  3. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-21092019.mp3 View the full article
  4. (SLT-Hargeysa)-Fannaanada Weyn Ee Maryan Mursal Xaaji Ciise Bootaan Oo Ku Xannuusanaysa Magaalada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Kenya has officially withdrawn from the sea border dispute case at the International Court of Justice [ICJ], sources revealed to Radio Shabelle. The Hague Based International Justice Court –ICJ was scheduled to start public hearings over the maritime dispute between Kenya and Somalia in early November. In the past, Kenya said it is still pushing for an out of court settlement over the matter. In the statement, the court said early that the first round of hearing will take place from November 4 and 6. Developing Story, more soon View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo goor dhow ka dhacay xaafadda Salaam degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari Saarif ah oo la sheegay in lagu soo xiray miinada nooca lagu dhajiyo baabuurta. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxaasi oo ahaa wadihii gaariga, halka ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale oo la socotay. Wararka ayaa sheegaya in qofka dhintay oo ahaa wiil dhalinyaro ah uu adeer u yahay xildhibaan hore, Cabduqaadir Maxamed Mursal oo horay Muqdisho ay ugu dileen kooxo hubeysan. Sidoo kale ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in gaariga xilliga uu qarxayey uu yaallay afafaafka hore ee guriga marxuumka. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Qaraxan ayaa qeyb ka noqonaya falal liddi ku ah nabad gelyada oo isugu jira qaraxyo nooca miinada ah iyo dilal oo muddooyinkii dambe ka dhacayey magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka musuq-maasuqa ee labada heer. Sharcigaan oo soo maray marxalado kala duwan ayaa ugu danbayn maanta oo Sabti ah ugu danbayn lagu saxiixay munaasabad ka dhacday madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay munaasabadda lagu saxiixay Sharciga ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dadaal badan ku bixin doonto la dagaalanka musuq-maasuqa. Madaxweynaha waxaa uu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed kala shaqeynta in lasoo afjaro musuq-maasuqa. Sharcigan ayuu golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ansixiyey December 5, 2018, waxaan ansixiyay dhammaan sanatarda soo xaadiray kulanka oo ahaa 31 senator. Sharcigan oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya ayaan la ogeyn waxa uu madaxweynaha u heystay muddo 10 bil iyo sababta hadda uu ugu soo beegay, isaga oo saacadaha soo socda u duulaya New York, si uu halkaasi uga jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaaladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Mudo bil ku dhowaad laga joogo ayaa Xukuumada Soomaaliland waxay shaqadii ka joojisay Shaqaalihii ka shaqaynayay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa, iyadoo sabab uga dhigtay in [...] Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobalka Banaadir ayaa isku raacay joojinta qaadashada shaqaalaha cusub ee dowladda Hoose ilaa amar dambe sida ay Caasimada Online u sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Hoose ee gobalka Banaadir. Cumar Maxamuud Maxamed “Filish” ayaa u sheegay dhamaan guddoomiye ku xigeenada gobalka Banaadir, odayaasha dhaqanka, Xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha in uu joojiyay qaadashada shaqaale cusub oo kamid noqda dowladda Hoose ee gobalka Banaadir ilaa muddo dhowr bil ah. Cumar Filish ayaa dalbay in la siiyo fursad uu ku saxo nidaamka shaqaale qaadashada gobalka Banaadir oo u baahan dib u eegis iyo in la xoojiyo hubinta qofka, taasna ay qaadan doonto muddo bilooyin ah, sida ay noo sheegeen masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha ee gobalka Banaadir. Arrintaan ayaa waxaa sababay weerarkii ka dhacay aqalka dowladda Hoose ee gobalka Banaadir 24-kii bishii July ee sanadkaan, kaas oo lagu waayay halyeeyo badan kadib markii ay fulisay qof ka tirsan masuuliyiinta gobalka Banaadir oo araga naafo ka aheyd. Dhalinyaro badan oo gaaraya kumanaan qof ayaa gobalka Banaadir ka lahaa rajo wanaagsan oo ah in la shaqaaleysiiyo waxa uuna go’aan god ku ridayaa rajada dhalinyaro badan oo wajahaya daruufo adag, ugu yaraan illaa dhowr bilood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada dowladda Puntland, Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Garoowe, ayaa shaaciyay in Garoonka Diyaaradaha Garoowe loo soo wareejiyay Shaqaale ka tirsanaa hay’adda Qaramada Midoobay ee ICAO oo ka hawl-geli jiray Garoonka Diyaaradaha magaalada Hargeysa, kadib markii Somaliland ay soo cayrisay shaqaalahaasi. Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay shaqada ka joojisay dhammaan shaqaalihii ka tirsanaa hay’adda ICAO ee ka hawl-geli jiray Garoonka Diyaaradaha magaalada Hargeysa, kadib markii hay’addu ay maamulka Hawada Soomaaaliya ku wareejisay dowladda Federaalka. ICAO ayaa Hawada Soomaaliya soo maamulaysay mudadii uu burburka, balse waxay si rasmiya dowladda Soomaaliya ugu wareejisay 28-December-2017. Mudane Gabiley ayaa sheegay in Garoonka Diyaaradaha magaalada Garoowe laga shaqa-geliyay sagaal qof oo ka tirsan Shaqaalihii hay’adda ICAO, kuwaasi oo todoba kamid ah ay yihiin kuwii ka hawl-geli jiray Garoonka Diyaaradaha Hargeysa ee Somaliland shaqada ka cayrisay, halka labada kalena laga soo beddelay Garoonka Boosaaso. Waxa kale oo uu sheegay in shaqaalaha ka yimid Garoonka Hargeysa ee Garoowe ka shaqa-bilaabay ay saddex kamid ah Puntland u dhasheen, labana ay Muqdisho ka soo jeedan , halka labada kalena ay reer Somaliland yihiin. Goor dhow muuqaalka kala soco Puntland Post The post Shaqaale ay Somaliland soo cayrisay oo shaqa ka helay Garoonka Diyaaradaha Garoowe appeared first on Puntland Post.
  11. MOGADISHU ( HOL) - A legislation seeking to anchor into law the war against corruption in Somalia came took effect Saturday following the President’s assent. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka bilowday gobolka Bakool. War qoraal oo ka soo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay inay soo dhoweyneyso abaabul kasta oo ka dhanka ah Al-Shabaab Sidoo kale dowladda ayaa ugu baaqday guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dagaalka adag ee lagula jiro kooxdaasi. “Kacdoonka shacabka ee looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, wuxuu horay uga socday gobollada Shabeellada Dhexe, Mudug iyo Hiiraan, taasoo lagu wiiqay itaalka kooxda Al-Shabaab ee maafiyada ah,,dowladdu waxay ugu baaqaysaa shacabka Soomaaliyeed in ay kala shaqeeyaan la dagaalanka kooxda Al-Shabaab oo duulaanka ku ah Diinta, Dadka, Hanitda iyo dowladnimada Soomaaliya.”ayaa lagu yiri waraxaafadeedka. Warkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay koox la magac baxday Cali Qaran oo ah maleeshiyaad deegaanka ah ay Al-Shabaab kula dagaalameen deegaanka Yab Yab hoos yimaada magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Waa kooxdii labaad oo is abaabusha, islamarkaana la dagaalanta dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, waxaana kooxdan ka sii horreysay Macawiisley oo hadda ka dagaalanta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye ayaa Heshiis Is-afgarad oo la xidhiidha Iskaashiga Horumarinta Warbaahinta la saxeexday dawladda Federaalka Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya. Dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland waxa heshiiska u saxeexay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Maxamed Muuse Diiriye, halka dhanka Itoobiyana uu saxeexay dhigiisu Dr.Naguse Natuko, Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Warbaahinta Itoobiya. Nuxurka heshiiska ayaa la xidhiidha sidii labada dal iskaga kaashan lahaayeen xidhiidhka warbaahineed ee labada dal, kor-u-qaadida aqoonta, xirfada iyo tiknoolajiyadda Raadyow Hargeysa iyo Telefishanka Qaranka, is-dhaafsiga wararka iyo macluumaadka labada dal iyo yagleelidda xidhiidh dhaqan oo labada dad iyo dal wada yeeshaan. Munaasibada saxeeexa heshiiska ayaa ka qabsoontay Xarunta dhexe ee Wakaaladda Warbaahinta Itoobiya. Taas oo ay goobjoog ka ahaayeen qaybaha kala duwan warbaahinta Dawladda Itoobiya. Source
  14. (SLT-Addis Ababa)-Nin u dhashay Dalka Kanada oo Milyaneer ahaa ayaa ku Geeriyooday Dalka Itoobiya, sida uu sheegay Telefiishanka cbc. Michael Gebru oo da’diisu ahayd 41 Jir ayaa u Gurigiisa ugu geeriyooday Xaalad aan weli la Sharaxin, sida loo xaqiijiyey Telefiishanka CBC News Gebru ayaa sannadkii 2017-kii qorshaystay in haddii uu bakhtiyaa-nasiibka lottery-ga loo yaqaano ku guulaysto uu ka faa’iidi doono lacag dhan 14 Million dollar, Lacagtaana uu doonayey inuu ku taageero Dadka baahan, balse wuxuu warku sheegay in Filashadiisii waxaan ahayn soo baxday oo uu helay 10.7 Million, taasina ku keentay Xaalad Degannaansho la’aan ah. “Had iyo jeer waxaan idhaahdaan, haddii aan ku guulaystay lottery, waxaan caawin doonaa Dadka baahan..” ayuu Ninka dhintay u sheegay Scarborough oo la hadlay CBC. Ninkan oo Geeriyooday ayaa tan iyo intii uu ku guulaystay Lootarriga wuxuu isaga dab qaadayey Magaalooyinka Toronto iyo Addis Ababa oo uu markii dambe ku Geeriyooday. Source
  15. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay in ku dhowaad 10 diyaaradood oo nooca dagaalka ah ay ka soo iibsatay dalka Mareykanka. Wasaaradda difaaca Kenya ayaa xaqiijisay in diyaaradahaasi oo gaaraya lix oo Helicopters ah ay dhowaan tegayaan dalkaasi. Sidoo kale wasaaraddu waxa ay sheegtay in dowladda Mareykanka ay u tababari doonto duuliyeyaasha kaxeyn lahaa diyaaradahaasi. Warka ka soo baxay wasaaradda difaaca Kenya ayaa sidoo kale lagu sheegay in diyaaradahaas saldhig looga dhigayo garoonka ciidanka Cirka Moi ee Mombasa, islamarkaana ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Dowladda Kenya ayaa haatan dagaal culus kula jirta dagaalyahannada Al-Shabaab oo inta badan weeraro xoogan ka fuliya gudaha dalkeeda. Iibsashada diyaaradahan cusub ee Kenya ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan Al-Shabaab ay burburisay gawaari nooca gaashaman oo ay dowladda dalkaas ka soo gadatay Shiinaha. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  16. Guddoomiyaha naadiga dowladda hoose ee Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh ayaa kooxdiisa kusoo dhaweeyay xidigihii kooxaha L.L.P Jeenyo iyo Dekeddaha Feysal Xasan Xaashi,isagoo sheegay in maamul ahaan ay ku faraxsanyihiin soo qaadashada laacibkan. “Feysal Xaashi waa laacib aad u wanaagsan wuxuu ka mid yahay ciyaaryahanada dhan walba ka dhisan kusoo biiritaankiisa halkan waxaa aad ugu riyaaqsan dhamaan qoyska Muqdisho City Club ” ayuu guddoomiyaha kooxda dowladda hoose Abukar Maxamed Sheekh ugu waramay Goobjoog Sports. Feysal Xasan Xaashi ayaa kusoo baxay tartanka kubbadda cagta degmooyinka 2014,isagoo ka tirsanaa kooxda degmada Wart-Nabadda intaa ka dib waxaa u dheelay naadiga Jeenyo inta uu joogay L.L.P Jeenyo waxa uu ku guulaystay koobka Jeneraal Daa’uud iyo gool dhallinta horyaalka sanadii 2015-2016. “Waan ku faraxsanahay is badalka aan sameeyay iyo go’aankii aan ugu soo biiray kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club waxaa la igu soo dhaweeyay si heer sare,balse waqtiga soo aadan ayaan u abaal gudi doonaan taageerayaasha,maamulka iyo saaxiibayada M.C.C” ayuu Goobjoog ugu waramay Feysal. Labadii sano lasoo dhaafay ciyaaryahan Feysal Xasan Xaashi waxaa kaalin wanaagsan kasoo qaatay kooxda Dekedaha oo kula guulaystay horyaalka Somalia Premier League iyo Somalia Super 2018,isagoo sidoo kale kaalama hore kasoo galay gool dhalinta horyaalka Soomaaliya. “Wax qabad wanaagsan ayuu soo bandhigay Feysal Xaashi labadii sano u danbeesay,sababta nagu dhalisay in aan soo qaadano ayaa ah in uu nala samaynayo tariikh iyo sooyaal cusub” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha kooxda Muqdisho City Club Abukar Maxamed Sheekh. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  17. BAIDOA (HOL) - Prosecutors from across the country are meeting today for a three days national conference in Baydhabo, the capital of South West State. Source: Hiiraan Online
  18. (SLT-Nairobi)-Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Bisha November ee sannadkan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabanaysa Shirk u wajahan Tamarta iyo Kaabeyaasha dhaqaalaha. Sidaasna waxa xaqiijiyey Safiirka Somaliland u fadhiya Nairobi Md. Baashe Cawil Xaaji Cumar oo u warramay Wargeyska ka soo baxa Uganda ee East African Business Week oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA. Wargeyska East African Business Week, wuxuu shirkaasi ku tilmaamay inuu qayb ka yahay qorshaha muddada dheer ee Somaliland ku doonayso inay maalgashadeyaasha Kenya ku guubaabiso sidii ay dhaqaale u gashan lahaayeen Tamarta Somaliland oo ah waddan qani ku ah macdanta oo u heellan maalgashiga caalamiga ah. Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku caddeeyey in ujeeddada shirka Somaliland ku qabanayso Nairobi la xidhiidho sidii xog ballaadhan looga bixin lahaa mashaariicda ku wajahan kaabeyaasha dhaqaalaha ee hadda ka socda dalka iyo sidii loo abuuri lahaa mashaariic kala duwan oo saameyn weyn oo dhinaca horumarka ah ku yeesha Somaliland. Shirkan ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib, markii Wakiilka Somaliland uu la kulmay Wasiirka Macdanta iyo Baatroolka Kenya Mr. John Munyes oo kulankooda kaga wada hadlay sidii labada dal iskaga kaashan lahaayeen dhinaca Tamarta. Waxa kaloo dawladaha Somaliland iyo Kenya ay isla soo qaadeen sidii ay wadajir uga wada shaqeyn lahaayeen dhinaca dhaqaalaha gaar ahaan wax soo saarka Shiidaalka iyo dhoofintiisa. Sidoo kale waxay labada masuul ka wada hadleen arrimo ku saabsan ammaanka mandaqadda. “Waxaan ku faraxsan nahay in dhawaan Kenya ay ku tallaabsatay arrin taariikhi ah oo ay ku biirtay ururka dalalka shiidaalka soo saara, sidaas darteed, waxaan ku faraxsan nahay inaan xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Macdanta iyo Shiidaalka Kenya John Munyes oo hoggaaminayey guushaas weyn ee dalkiisu gaadhay,”ayuu yidhi Danjire Baashe Cawil. Baashe Cawil wuxuu sheegay inuu Wasiirka Macdanta iyo Shiidaalka Kenya tafaasiil ka siiyey in JSL ay dhowaan dhammaystirtay sahamintii dhinaca shiidaalka ee ugu ballaadhneyd Afrika, isla markaana ay danaynayaan in Somaliland iyo Kenya si dhow iskaga kaashadaan arrimaha dhaqaalaha iyo ammaanka. Somaliland waxay leedahay 24 aag oo shiidaal ku jiro, kuwaasi oo lix ka mid ah ay heshiisyo ula gashay saddex shirkadood oo caalamiya oo kala ah Genel Energy,Rak Gas iyo Ansen Gas. Source
  19. Madaxweynaha JF ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hadda saxiixaya dhismaha gudiga la Dagaalanka Musuqmaasuqa, kaas oo muddo 10 bil armaajada ugu jiray. Sharcigan ayuu golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ansixiyey December 5, 2018, waxaan ansixiyay dhammaan sanatarda soo xaadiray kulanka oo ahaa 31 [kow iyo sodon senator]. Sharcigan oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya ayaan la ogeyn waxa uu madaxweynaha u heystay muddo 10 bil iyo sababta hadda uu ugu soo beegay isaga oo saacadaha soo socda u duulaya New York si uu halkaasi uga jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaaladda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Xukumadda Biixi Oo Ka Baxday Heshiisyo Xukumaddii Siilaanyo La Gashay Dalalka Ingiriiska, Faransiiska Iyo Holand, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. United Nations has called for sustainable peace in Somalia amid Somali government stepped up efforts to hold inclusive reconciliation in the country. In a statement issued to mark the International Day of Peace, Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan has commended efforts by Somalis to stabilize the country. “Somalis yearn for an end to conflict and to the senseless shootings and bombings they have endured for far too long. We commend continued Somali Government efforts, supported by international partners, to improve security and bring an end to the violence,” the envoy said. He said lasting peace will require inclusive governance, equitable justice, and sustained dialogue among Somalis of goodwill to achieve political consensus and national reconciliation. “On this day I encourage all Somalis to reaffirm their commitment to living in harmony with one another, so that Somalia may advance on its path to peace and stability,” he urged. The UN General Assembly established the International Day of Peace in 1981. Two decades later, in 2001, the General Assembly unanimously voted to designate the Day as a period of non-violence and cease-fire and to commemorate the Day through education and public awareness on issues related to peace. View the full article
  22. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sabtida maanta saxiixay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa ka dib munaasabad lagu qabtay xarunta madaxtooyadda Villa Somalia. Qoraal ka soo baxay xafiiska Villa Somalia ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu u mahadceliyay cid kasta oo ka qayb qaadatay diyaarinta sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa. Mudane Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in musuq-maasuqa uusan ahayn kaliya lacag la xado balse uu yaahy in qofku mas’uuliyadda uu hayo si qaldan oo sharciga iyo nidaamka baalmarsan u isticmaalo. Munaasabadda lagu saxiixay Sharciga waxaa ka qayb galay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin wasiiro,xildhibaano,saraakiisha ciidanka, sharci yaqaano,culimada diinta iyo ganacsato sidoo kale ururada bulshada rayidka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa appeared first on Puntland Post.
  23. (SLT-Yemen)-Sarkaal sare oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay joojinayaan weerarada gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drone-ka ee ay ku bartilmaameedsan jireen dalka Sucuudi Carabiya, waxaanay ka digeen in sii socoshada dagaalku ay horseedi karto “khatar dhinaca horumarka ah”. Dhawaaqan ayaa soo baxay Jimcihii shalay oo uu ku dhawaaqay Mahdi al-Mashat oo ah madaxa golaha sare ee siyaasada Xuutiyiinta, oo maamula meelo badan oo Yemen ah. “Waxa aanu ku dhawaaqaynaa inaanu joojinay bartilmaameedsiga dhulka Sucuudi Carabiya ee weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drone-ka, gantaalada ballistic ah iyo dhamaanba noocyada kale ee hubka ah, waxaananu suganaa talaabo taa aanu qaadnay la mid ah oo dhinaca kalena ka timaada,” ayuu yidhi al-Mashat oo ka hadlayey telefishanka Xuutiyiinta ee Masirah TV. “Waxaanu sii wadaynaa xaga aanu u leenahay inaanu ka jawaabno hadii dhinaca kale ay suuragal la noqon waydo dedaaladaasi,” ayuu intaasi ku daray Mr al-Mashat. Dhawaaqan xaadirkan ka soo yeedhay Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa imanaya todobaad ka dib markii kooxdaasi ay sheegatay masuuliyada weerar weyn oo lagu qaaday xarumo shidaalka dalka Sucuudigu ay leeyihiin. Waxaana jirta in Xuutiyiintu ay sheegteen masuuliyada weerarkaasi 14-kii September lagu qaaday xarumaha shirkada shidaalka ee Aramco, taas oo saamayn ku yeelatay wax soo saarkii dhinaca shidaalka ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, isla markaana keentay in Dawlada Maraykanka iyo Sucuuedi Carabiya ay ku eedeeyaan weerarkaasi dalka Iran. Inkasta oo Iran ay gaashaanka u daruurtay inay lug u leedahay arintaasi, ugana digtay Maraykanka iyo Sucuudiga hadii ay talaabo ay qaadaan inay keeni doonto in dagaal buuxaa uu qarxayo. Source
  24. (SLT-London)-Raysal wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in uu sii xoogeysanayo xidhiidhka dalkiisa uu la leeyahay Qatar, intii lagu guda jiray soo dhaweyn uu ugu sameynayay aqalka Downing boqorka Dalkaasi. Sheikh Tamiim bin Xamad Al-Thani ayaa dhankiisa soo dhaweeyay kulanka uu Jimcihii shalay la qaatay mr Johnson, isaga oo rajo ka muujiyay in ay sii xoojin doonto xiriirka labada Dhinac. Mas,uuliyiinta Dooxa iyo London ayaa isla soo qaaday arimo badan oo quseeya labada dal walow warbaahinta ay dibad joog ka aheyd Kulankaan. Ra’isul wasaare Johnson ayaa tilmaamay in kulanka u xoojin doono xidhiidhka labada dhinac ka hor inta uu boqorka Qatar u soo safrin magaalada London. Source
  25. (SLT-New York)-Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in uu qorshaynayo in uu ciidamo u diro Sacuudi Carabiya kaddib weerarradii lagu qaaday warshadaha shidaalka ee dalkaas. Xoghayaha Difaaca Mark Esper ayaa saxafiyiinta u sheegay in ciidamada halkaas lagu daad guraynayo ay yihiin “kuwo wax iska caabbin ah”. Ilaa iyo haddana lama sheegin tirada ciidamada ee halkaas la gaynayo. Xuutiyiinta ay taageerto xukuumadda Iran ayaa sheegtay masuuliyadda weerarradii toddobaadkii hore lagu qaaday laba warshadood oo kuwa shidaalka ah. Hase ahaatee Maraykanka iyo Sucuudiga labaduba waxay masuuliyadda weerarkaas ku eedeeyeen xukuumadda Iran. Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in uu Iran ku soo rogi doono cunaqabatayn “heerkeedu sarreeyo” asagoo sheegay in uu ka dheeraanayo tallaabo militari. Mr Trump ayaa sheegay in cunaqabatayntan cusub diiradda lagu saarayo bangiga dhexe ee Iran iyo hantidiisa madaxa bannaan. Maxay tidhi Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanku? Mr Esper ayaa go’aankan ku dhawaaqay Jimcihii asagoo garab taagnaa madaxa saraakiisha ciiidamada Gen Joseph Dunford Jr. Mr Esper ayaa sheegay in kaalmadaan ay dal badeen dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Ciidamadan ayaa diiradda saaraya sidii ay u xoojin lahaayeen difaaca hawada ee dhanka gantaalaha, Maraykanku wuxuu “dardar gelin doonaa in uu geeyo qalab militari” labadaas dal. Maraykanku wali kama aanu hadal nooca ay yihiin ciidamada uu halkaas u dirayo. Sida laga soo xigtay the New York Times, markii warfidiyeennadu ay Mr Esper waydiiyeen in qorshe lagu duqaynayo Iran uu wali miiska saaran yahay iyo in kale, ayaa Xoghayaha difaacu wuxuu ku jawaabay: “Wali halkaas ma aanan gaarin”. Source