-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The information has been passed along to the Saudis and the U.S., according to people briefed on the warnings Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u fasaxday lacag ay ka haysay maamul maamul goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir, taasi oo ahayd deeq ka timid Midowga Yurub. Lacagtan ayaa ka kooban lix milyan oo dollar, waxaana shanta maamul goboleed iyo maamulka gobolka Banaadir ay u leeyihiin min hal miyan, sida lagu shaaciyay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda. Qoraalka kasoo baxay wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maamullada looga dalbaday inay saddex meelood meel lacagtan u adeegsadaan amniga iyo arrimaha bulshada , halka inta soo hartay uu maamul walba u kharash gareynayo sida uu doono. Lacagtan ayaa ka mid ah 15 milyan oo dollar uu Midowga Yurub uu ugu deeqay Soomaaliya, taasi oo dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay ka heleen 40% oo ah 6 milyan oo dollar.
-
Burcad-badeedda Soomaalida ayaa sii daayay badmaaxe u dhashay dalka Iran, kaasoo muddo ka badan afar sano lagu haystay xeebaha Puntland. Mohammad Sharif Panahandeh oo xaaladiisa caafimaad laga deyrinayay, ayaa loo sii daayay sababo bini’aadannimo awgeed, ayaa lagu yidhi, war kasoo baxay kooxda Iskaashiga Taageerada La-haystayaasha (HSP). Kooxdaan ayaa wada xaajood toos ah la sameysay Burcad-badeedda . balse lama sheegin in wax madax furasho ah laga qaatay sii dayntiisa. Sii daynta Mr Sharif waxay la macno tahay in gacanta burcad-badeedda ay ku hartay 3 layste oo kale oo u dhashay Iran, kuwaas oo la afduubtay sanadkii 2015, bishii March. Tobankii sano ee la soo dhaafay, kumanaan shaqaale ah ayaa laga afduubay xeebaha Soomaaliya waxaana lagusii daayay madax furasho. Iiraan ayaa u mahad celisay kooxda taageerta la haystayaasha ee HSP, Qaramada midoobay, dowladda Puntland iyo dowladda Ethiopia, kuwaas oo gacanta ka geystay sii daynta badmaaxahan u dhashay dalkeeda. Puntland Post The post Burcad-badeedda Soomaalida oo afar sano kadib sii daayay Badmaaxe u dhashay Iran appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay casho sharaf u sameeyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed iyo Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo soo gaaray Caasimadda. Casho sharafta ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb-galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. Madaxweynaha iyo masuuliyiintan heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka, amniga iyo in wadajir loogu sii amba-qaado dadaallada dib u dhiska dalka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoreynta deegaannada ay argagixisadu Alshabaab ku dhibaateeyaan shacabkeenna. Dhammaan Madaxda Qaranka ee xalay kulankan yeeshay ayaa isla qiray muhiimadda wadashaqeynta masuuliyiinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo ilaalinta danta guudi ay u leedahay xaqiijinta himilooyinka shacabkeenna Soomaaliyeed ee ku hamminaya dib u soo celinta maqaamkii dalkeennu uu ka lahaa caalamka.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Luul Isaaq Aadan oo ah xaaska wiilkii ilaalada Ra’iisul Wasaare Kheyre ay ku toogteen magaalada Baydhabo ayaa 13 maalin kaddib waxaa shalay laga sii daayay xabsi ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Luul oo ah Hooyo heysata caruur agoon ah ayaa sheegtay in aysan garaneyn waxa ay u xirneed mudadaas 13-ka maalmood ah, iyadoo toogasho lagu dilay seygaadii oo aan waxba galabsan. Luul Isaaq oo ah gabar sama-fale ah oo sifo aysan garaneyn ku xirneed muddo ku dhaw labo todobaad ayaa sheegtay in ay hadda qabto wal-wal badan oo ku aadan ammaankeeda, maadaama aan loo cadeyn waxa ay ku xirneed mudadaas iyo waxa lagu daayay toona. Iyada oo la hadashay warbaahinta ayay tiri, “Hadda waxa aan la joogaa caruurteyda mana garanayo wax la igu heystay mudadaas xirnaa iyo wax la ii soo daayay midna, dadkii ii doodayay mudadii aan xabsiga ku jiray waxaan ka dalbanayaa in ay iga war hayaan sidii ay iiga warhayeeba intii aan xabsiga ku jiray xaalkeygu magaranayo waxa uu ku dambey doono”. Iyadoo sii hadlaysay ayey tiri, “Waxaan garan la’ahay waxa intaas xabsi la iigu haayay maxkamad la’aan, maadaama aan ahay qof dumar ah waxaan dareemayaa cabsi badan waxaana korsanayaa caruur agoon ah”. Luul Isaaq Aadan ayaa seygeedii Baydhabo lagu dilay 7-dii September iyada oo la socota, kaddib markii gaari ay wada saarnaayeen ay rasaas ku fureen askar ilaalo u eheyd Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xilligaas ku sugnaa magalaasda Baydhabo. Luul iyo Seygeedii la dilay ayaa xiligaas oo aheyd goor galab ah waxa ay ka yimaadeen duleedka magaalada Baydhabo, waxayna wateen gaari yar oo ay gacanteeda ku waday Luul, waxaana si lama filaan ah uga soo horbaxay baabuur tigniko ah oo qal-qal galiyay, kuwaas oo uu la socday Kheyre oo ku siijeeday dhagaxdhiga garoonka kubadda cagta magaalada Baydhabo ee Dr. Ayuub. Askarta ayaa rasaas huwiyay gaarigii ay wateen lamaanahaas, kadib markii ay isku dhaceen gaarigii ay waday Luul iyo gaari Cabdi-bile ah oo ay wateen ilaalada Ra’iisul wasaare Kheyre. Isku dhaca labada gaari ayaa waxaa sababay baqdin ay gabadhu ka qaaday gaadiidkaas dagaal ee uga soo baxay meel aysan ka filaneyn sida ay sheegtay, waxaana rasaastii lagu furay ay galaafatay nolosha seygeedii. Caasimada Online Xaafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
-
Boorama (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa weli xabsiga ku haysa xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Boorama, kuwaasi oo lala xiriirinayo jabhad ay dhowaan xogteeda baahisay Caasimada Online. Xildhibaanada oo tiradoodu dhantahay saddex xildhibaan ayaa waxa maalintii Khamiistii ciidamada booliska Somaliland ee Boorama, ka soo qabteen xili ay ku sugnaayen mid kamid ah huteelada ugu waaweyn magaalada, iyagoona u taxaabay xabsiga dhexe ee Boorama. Xildhibaanadan ayaa waxa loo xiray arrimo la xidhiidha Jabhad dhowaan ka dilaacday deegaanada Dilla ee bariga gobolka Awdal, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah ehelada Xildhibaanada la xiray. Waxaana xusid mudan in xariga xildhibaanada aan loo marin sifo sharciga waafaqsan, isla markaana ay ciidamada boolisku iska soo xireen, iyagoona sidan wax waaran qabasho ah, midaasi oo ka dhigan gaf iyo ku dul-socoteen ka dhana sharciga iyo xasaanadii uu dastuurku siiyay xildhibaanadaasi. Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiye madaxweyne Biixi ayaa u muuqata mid xukuumadihii hore kaga dhac og baalmarka sharciga, taasi oo dhowr jeer oo horena xabsiga u taxaabtay xildhibaano xasaanad leh. Xarigan xildhibaanada ayaa u muuqda mid sii kicin kara dabaysha xiisada ka taagan gobolka Awdal, iyadoona muddooyin ka hor un ay ka dhacayeen xarunta gobolka Awdal ee Boorama, rabshado ka dhana amaanka iyo degenaanta gobolka. Caasimada Online Xafiiska Boorama Caasimada@live.com
-
Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir waxay u fasaxday lacag dhan $ 6 malyan oo Dollar taasi oo ka timid deeqaha lacageed ee Midowga Yurub uu siiyo Soomaaliya. Qoraal uu ku saxiixanyahay wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo soo baxay laba maalmood kadib Shirkii Addis Ababa balse hadda ay warbaahintu heshay ayaa lagu caddeeyay in lacagtani ay tahay qoondadii dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir ay ka heleen deeqaha-lacageed ee Midowga Yurub siiyo Soomaaliya. Deeqda Miisaaaniyad-kabidda ee Midowga yurub bixiyo oo cadadkeedu dhanyahay $15 malyan oo Dollar ayaa sida qoraalka ku xusan waxaa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir looga qoondeeyay %40 oo u dhiganta $6 malyan oo Dollar waxaana dowlad goboleed kasta loo diray min hal malyan (1-million). Hoos ka akhriso qoraalka Wasiirka PUNTLAND POST The post Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir u fasaxday deeq lacageed oo ka timid Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shirkii jaraa’id ee billaha ahaa ugu qabtay Muqdisho warbaahinta, waxaa uu uga hadlay guusha Soomaaliya ka gaartay wada hadalkii ugu dambeeyay ee barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya. Wasiir Beyle ayaa soo dhaweeyay warbixintii ay soo saartay hey’adda Lacacga Aduunka oo ay ku sheegtay in Soomaaliya ay dhameystirtay qeybta koowaad ee wajiga Afaraad ee deyn cafinta waxaana uu dul istaagay shuruudihii ku xernaa. Wasiirka Maaliyadda ayaa soo hadal qaaday shuruudaha ku xeeran wajiga afaraad ee barnaamijka dayn cafinta ,waxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay raja wanaagsan ka qabto ka guul gaaridda wada hadallada dayn cafinta. Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle waxaa uu hoosta ka xariiqay guusha wada hadalada deyn cafint inay ku xeran deganaashaha dalka iyo in Soomaaliya ay ka soo baxdo shuruuraha horyaalo waxaana uu bogaadiyaya dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo balan qaaday inay taageerayaan talaab walba oo Soomaaliya looga cafinayo deynta. Geedi socodka wada hadallada dayn cafinta Soomaaliya oo soo maray wajiyo kala duwan ayuu wasiirku sheegay in ugu dambeynta Soomaaliya ay rajeynayso inay guul ka gaarto sanadka soo aadan ee 2020 lagana cafiyo deymaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Wakiil cusub oo Puntland u qaabilsan Qurba-joogta reer Puntland ee ku nool waddanka Maraykanka. Dikreeto xalay ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland oo tirsigeedu yahay Lr-68 ayaa lagu sheegay in Mulki Cabdisamad Xuseen loo magacaabay Wakiilka Puntland u jooga Dalka Maraykanka kadib markii la arkay baahida loo qabo xoojinta xiriirka u dhexeeya dowladda Puntland iyo Qurba-joogta reer Puntland ee ku nool waddanka Maraykanka. Hoos ka akhriso dikreetada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo magacaabay Wakiilka Puntland ee Maraykanka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar____-Qumanaha-___-Warraka-21092019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mahad Maxamed Salaad oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa su’aallo ka keenay sharcigii uu maanta saxiixay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Mahad Salaad ayaa Farmaajo ku eedeeyay in uu sharcigaan barkanaa muddo 10 bilood ah, isagoo soo bandhigay su’aalo uu ka qabo waxa maanta oo ay madaxweyne Farmaajo u harsantahay sanad iyo Afar bilood kusoo beegay ansixinta sharciga dhismaha guddiga la dagaalanka musuq maasuqa. “Sharcigaan Madaxweyne Farmaajo 10 bilood ayuu barkanaa maxaa soo kordhay oo saxiixiisa maanta kusoo beegay,? Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa-banaan ee la-dagaalanka Musuq-maasuqa ee Madaxweyne Farmaajo maanta saxiixay, Golaha Shacabka wuxuu ansixiyay 13 Nofeember 2017, Aqalka Sare wuxuu ansixiyay 05 Diseembar 2018. Kadibna Madaxweynaha ayaa loo gudbiyay si uu u saxiixo” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad. Sidoo kale Mahad salad ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Mudo 10 bilood ah ayaa Madaxweyne Farmaajo barkanaa sharcigaan, kumana soo celin Goleyaasha Barlamaanka si wax looga badalo mana saxiixin.” Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xildhibaanada sida weyn u mucaarada dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay seddax su’aalood oo uu ka qabo ansixinta sharciga mudada 10-ka bilood ah horyaalay Farmaajo. Su’aalaha Mahad Salaad ayaa u dhignaa sidan: Maxaa soo kordhay oo saxiixa sharcigaan maanta kusoo beegay? Guddigaan ma lagu soo xuli doonaa aqoon, karti iyo waayo aragnimo mise wuxuu noqon doonaa gudi loogu talogalay doorashada 2021 si dadka qaar Madaxweyne Farmaajo looga reebo? Madaxweynaha oo mudo xileedkiisa ay ka harsantahay sanad iyo afar bilood oo kaliya gudi uu soo dhiso maxaa wanaag ah oo laga filan karaa? Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay inaanay dawladda Soomaaliya diyaar u ahayn wada hadal. Wasiir Faratoon oo u waramay Geeska Afrika, wuxuu dalalka caalamka ku canaantay inay ka gaabiyeen aqoonsiga Somaliland, waxaanu ugu horayn isagoo ka hadlaya wada hadalada uu yidhi “Mawqifka aynu ka taagan nahay, weynu muujinay, oo qodobo ayeynu ka soo saarnay, weyna jiraan wadamo badan oo xiisaynaya in labada Dal wada hadlaan,balse ilaa hadda Somaliya ayaan u muuqan inay diyaar u tahay wada hadalada, waxaana jira Wadamo badan oo xaqiiqada og oo doonaya in Somaliland madax banaanideeda ku teegaraan, si aqoonsigeeda u hesho, inaguna dadaal baynu ugu jirnaa iyo inaynu helno aqoonsi caalamiya”. Wasiir Faratoon oo ka hadlaya xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka ayaa yidhi “Adduunku wuu ka gaabiyey wixii waajibkooda ahaa oo ah inaynu ka helno aqoonsiga oo aynu xaq ugu leenahay,madaama aynu nahay dal jira, oo ka mid ah Caalamka, inagoo si kastaba oo aynu u muujinay qadiyadeena, habeen iyo maalinba waxaynu ugu jirnaa dadaal iyo orodba sidii aynu cid walba ugu qancin lahayn madax banaanideena, dawladnimadeena iyo inaynu Somaliya kala nahay laba dal oo jaara ah, oo kala nidaam iyo kala hadaf ah”. Geeska Qaran News
-
Buq Aqable (Caasimadda Online) – Beelaha Xawaadle iyo Abgaal ayaa kala qaatay diyo gaareyso illaa 600 oo neef oo geel ah balse la lacageeyey, kadib kulan ka dhacay Gobolka Hiiraan oo ay soo diyaarisay Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto Soomaaliya. Munaasabad ballaaran oo ka dhacday degmada Buq Aqable ee gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa diyo loogu kala wareejiyay beelaha Xawaadle iyo Abgaal oo la sheegay inay iska dileen dad badan oo kasoo kala jeeday labada Beel. Munaasabadaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Al-Shabaab oo u qaabilsan Gobolkaas, waxayna Al-Shabaab sheegtay inay soo afjartay colaad muddo badan u dhaxeysay labadaan Beel. Labadaan Beel ayaa la sheegay in dadka diyada laga bixiyey isaga dileen Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe oo ay kala dagaan labadaan Beel. Imaamka Beesha Abgaal ee Shabaab aqoonsan tahay iyo Nabadoonno ka socday Beesha Xawaadle oo ku sugnaa munaasabadii diyada lagula kala wareegay ayaa soo dhoweyay hesiishka ay wada gaareen labadaan Beel. Beesha Abgaal ayaa qaadatay 500 neef Geela oo ah diyada lix nin oo beesha Xawaadle ka dishay halka beesha Xawaadle ay qaadatay diyada 100 halaad oo ah diyada hal nin oo beesha Abgaal horay uga dishay. Labada beelood ayaa ku heshiiyay in diyada lacag ahaan loo bixiyo waxaana calaa neef lagu qiimeeyay 400 oo dollarka Mareykanka ah. Labada Beel ayaa kala qaatay lacag gaareyso ilaa 240,000 oo dollar [laba boqol iyo Afartan kun oo dollar] oo ah diyada 6 qof oo labada beel ka kala tirsanaa.
-
Muqdisho (SMN) – Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyey shir ay ka qeyb Galeen madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed. Kulanka ayaa looga hadlay qorshaha deegaannada AlShabaab lagaga xoreenayo, lagu gaarsiinayo adeegyada bulshada iyo dowladda. Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdicasiis Lafta Garee ayaa dhanka kale kulan gaar ah waxay la yeesheen Khayre, iyaga oo kawada hadlay amniga iyo arrimo kale. Qaybo kamid ah gobolada dalka ayaa waxaa ka socda olale balaaran oo AlShabaab looga qabsaday tuulooyin muhiim ah. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Mustafe Shiine ayaa ka hadlay arrinta kornayl Caarre iyo waanwaanta u dhaxaysa xukuumadda Somaliland iyo jabhadda, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Qaahira)-Soomaalida ku dhaqan dalka Masar ayaa cabsi xooggan ka muujiyay dibadbaxyada ka bilaamay dalka Masar ee lagaga soo horjeedo madaxweynaha haya tallada Mr Cabdifataax Al-Siisii. Qaar ka mid ah Soomaalida siyaabaha kala duwan u jooga dalkaas oo la hadlay Universal Tv ayaa sheegay in shalay illaa maanta ayna ka bixin guryaha iyaga oo ka baqdin qaba in waxyeelo ay ka soo gaadho dibadbaxa. Jimcihii shalay ayaa dalkaasi waxaa hadheeyay banaanbaxyo waaweyn kuwaasi oo illaa maanta ka socda magaalooyinka waaweyn, waxaana muwaadiniinta dalkaasi ay ku dhawaaqayeen erayo lidi ku ah maamulka haya tallada oo ay sheegeen in waqtigiisa uu Dhammaaday. Salaasadii hore ayey aheyd markii ganacsade maxamed Cali oo u dhashay dalka Masar uu ugu baaqay shacabka inay dibadbaxaan haddii aanu xilka ka dagin madaxweynahaya haya Tallada. Ganacsadahaan ayaa ku eedeyay Cabdifataax Al-Siisii in uu ku tuntay hantida dadweynaha kuna kacay musuq maasuq iyo wax isdabamarin ayna u sii dheertahay cabudhinta siyaasiyiinta iyo saraakiisha dowladda ee diidan hanaanka maamulka Qaahira. Source
-
Muqdisho (SMN) – Munaasabad lagu kala saxiixanayay hesiis ku aadan Qandaraasyada Raashiinka iyo Shidaalka ee Ciidamada Qalabka Siada ee Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho,taasi oo ay ka qeybgaleen wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo saraakiil kale. Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Maxamed(Amardambe) iyo wasiirka Amniga mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale,ayaa shirkado qaabilsan Qandaraasyada la saxiixday heshiiska Qandaraasyada Raashiinka iyo Shidaalka ee Ciidamada Qalabka Sida,kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho. Waxaa munaasabadda heshiiskaasi lagu kala saxiixanayay goob joog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo mas’uuliyiin kale. Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa heshiiskani ku tilmaamay mid horseedi kara kalsooni dhexmarta bulshada iyo hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya. Heshiiskan ayaa waxaa uu soo maray Habraaca iibka Qaran ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya,iyadoo tartan ay u soo galeen qaar kamid ah shirkadaha Qandaraaslayaasha ah. View the full article
-
ADDIS ABABA - An Iranian man held by Somali pirates for more than four years was flown to Ethiopia's capital Saturday after his captors released him because he needed urgent medical care. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Addis Ababa)-Machadka Hawada sare, Saayniska iyo Teknooloojiyadd Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday Dayax-gacmeedki hawada sare looga diri rabay dabayaaqada bishan uu dib u dhac ku yimid. Agaasimaha guud ee machadkaasi Dr Solomon Balay oo BBC u warramay wuxuu sheegay Dayax-gacmeedka Itoobiya ay sameeysaneyso noociisu inuu yahay nooca dhulka meera ee loo yaqaanno (Earth Observation Satellite). Dib u dhaca ku yimid dayax-gacmeedkaasi ayuu ku sheegay iney uga wacan tahay xaruunta tijaabada ugu horreysay laga sameyn lahaa ee ku taallo dalka Shiinaha roobab ma hiigaan ah oo ka da’aya ay tijaabada hakiyeen. “Dhismaha iyo sameynta dayax gacmeedka waa la dhammeystiray balse inta aan tijaabada ugu horreysa lagu sameyn maadaama aan dayaxgacmeedka hawada sare loo diri karin ay tijaabada waxaa ku timid dib u dhac” ayuu yidhi Dr Solomon Belay. “Waxaana la rajeeynayaa in Dayax-gacmeedkaasi hawada sare loo diro bisha December ee sanadkan 2019”. Dayax-gacmeedkan ugu horreeya ee ay Itoobiya hawada sare u direyso oo miisaankeedu yahay 70 kiilo waxaa loo adeegsan doonaa dabagalka iyo uruurinta xogaha la xiriira beeraha, biyaha, macdinta iyo horumarinta magaalooyinka. Waxayna awood u leedahay 54 maalmood iney dunida oo dhan ku soo wareegto, Itoobiyana 4 maalmood. Machadka sameynta dayax-gacmeedkan hirgeliyey ee Itoobiya waxaa marki ugu horreysay la aasaasay 2016-ka, iyada oo ay machadku u qorsheysan tahay ilaa iyo 2025-ka inuu hawada sare uu u diro dayax gacmeedyada dalka uu u baahan yahay oo dhan. Itoobiya oo ka mid noqoneyso 7-da dal ee qaaraddan Afrika oo yeesha dayax-gacmeed iyaga u gaar ah, waxaa horay dayax gacmeedyo hawada sare u diray waddamada Masar, Koonfur Africa, Nayjeeriya, Ghana, Angola iyo Kenya Source
-
Somali politics has always been top-down and governed by a very few elite who were given the privilege of power and governance by clan or by the military under the Said Barre regime before the Somali state collapsed. Somali history or Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Riyadh)-Dalka Sucuudi Carabiya ayaa sheegay inay ka jawaabayaan marka ay qiimaynta lagama maarmaanka ah ay ku sameeyaan weerarkii lagu qaaday laba carumood oo loo adeegsado Shidaalka dalkaasi. Wasiirka Arimaha dibada Sucuudiga Cadel al-Jubeyr ayaa sheegay in hubkii loo isticmaalay weerarkaasi uu ahaa Hubka Iran, waxaanu wacad ku maray inay baahin doonaan xaqiiqo buuxda oo ku saabsan baadhitaanka dhacdadaasi. Mar sii horaysay oo maanta ah ayaa sarkaa sare oo ka tirsan milatariga dalka Iran uu sheegay in Iran ay diyaar u tahay inay burburiso Gardarada kadib markii Maraykanku uu ku dhawaaqay inay ciidamo u diyarayaan Sucuudiga. Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen oo Iran ay taageero ayaa iyagu sheegtay masuuliyada weerar diyaarad aan nooca duuliyaha lahayn iyo Gantaal lagu duqeeyey 14-kii September xarumaha shidaalka loo adeegsado ee dalkaasi. Xiisada u dhaxaysa Maraykanka iyo Iran ayaa cirka isku shareertay tan iyo markii Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu joojiyey heshiis dhinaca Nuclear-ka ah oo hore loola galay Iran, Cunaqabatayno dheeraad ahna uu dul dhigay dalkaasi Iran. Source