Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka nagasoo gaaraya Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegaya in Saraakiil ka socda Villa Soomaaliya ay baaritaan shaqsiyadeed ugu dhaqaaqeen Rakaab raaci lahaa Diyaarad u socotay [...] Source
  2. Marka (SMN) – Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya weerar ku bilowday qarxa oo saaka aroortii hore lagu qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha deegaanka Ceel Saliini oo hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo Raggii soo qaaday weerarka, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey ay ku dhinteen ku dhowaad 30 ruux oo isugu jira labada dhinac. Dhinaca kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa looga hadlay weerarkaasi, waxaana ay sheegtay in muddo kooban ay la wareegtay gacan ku heynta saldhiggaasi Sidoo kale waxa ay sheegatay Al-Shabaab in dagaalkaasi ay ku dishay askar badan, ayna ku qabsatay hub iyo gaadiid dagaal, sida ay hadalka u dhigtay. Dhanka kale taliyaha guutada 1-aad qeybta 12-April ee ciidanka Xoogga dalka, Gaashaanle Dhexe Cali Maxamed Nuur Cali(Cadde) ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkaasi, islamarkaana ay ku jabiyeen Al-Shabaab, sida uu u sheegay warbaahinta dowladda. Waxa kale uu beeniyey in dagaalyahannada Al-Shabaab ay la wareegeen deegaankaas oo uu tilmaamay inay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Xaaladda ayaa hadda degan, hase ahaatee ciidamada dowladda ayaa howlgallo iyo dhaqaaqyo ka bilaabay agagaarka magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/Hoose. View the full article
  3. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-22092019-sx.mp3 View the full article
  4. Shariif Sheikh Ahmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho looga diiday inuu raaco Doyaarad kusoo jeedey Kismaayo. Madaxweyne Shariif ayaa Kismaayo uga qayb [...] Source
  5. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wefdi uu hoggaaminayey ayaa saacado ku xayirnaa groonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Ilo ku dhow wefdiga Sheekh Shariif ayaa inoo xaqiijiyey in markii hore loo diiday inuu u safro magaalada Kismaayo, halkaas oo lagu wado in ay ka dhacdo munaasabadda Caleema-saarka Madaxweyne Axmed Madoobe. Dedaal badan oo la sameeyey iyo wadahadallo dheer kadib ayaa la fasaxay diyaaraddii Kismaayo u qaadi lahayd Sheekh Shariif. Shariif Sheekh Axmed ayaa ka yimid dalka Turkiga, isaga oo markii la xayirayey isku diyaarinayey aadista Kismaayo, balse ugu dambeyn waa la fasaxay oo isaga iyo wefdigiisa waa ay u ambabaxeen Kismaayo. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xayiraad dhanka duulimaadka ah kusoo rogtay Kismaayo, kadib doorashadii madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Guddoomiye Cirro Oo Cusbitaalka Ku Booqday Fannaanada Maryan Mursal Ciise+Sawirro Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa saaka booqday Fannaanada weyn ee Maryan Mursal Ciise Bootan oo maalmihii u dambeeyey xaalad caafimaad ugu jirtay Cisbitaalka Royal ee magaaladda hargeysa. Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa caafimaad ugu duceeyay fannaanada weyn ee Maryan Mursal Ciise Bootan. Dhan kale fannaanada Maryan Mursal Ciise Bootan ayaa guddoomiye Cirro uga mahadnaqay booqashada uu ugu yimid. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog goor-dhow nasoo gaartay ayaa sheegaysa in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku xayiran yihiin garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa saaran diyaarad ku socota magaalada Kismaayo, oo dowladda Soomaaliya ay diiday inay halkaas ka duusho. Sida aan xogta ku helnay diyaarada ayaa ku wajahan magaalada Kismaayo, waxayna wafdiga Sheekh Shariif uu hoggaaminayo ay doonayaan inay ka qayb galayaan munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Dowladda Soomaaliya ayaa goordhow soo saartay xayiraad cusub oo dheeraad ah, taas oo ku saabsan duulimaadka Kismaayo. Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa soo saartay amar ah in shirkad kasta oo u duuleysa Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hay’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor. Hay’adda ayaa ka dalbatay Diyaaraddaha aadaya Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor, sidaas darteed waxaa lagu wargeliyay shirkad kasta fasaxii ay ugu duuli laheyd Kismaayo, si aan looga joojin duulimaadka. Ma cadda in Sheekh Shariif uu saameeyey amarkan iyo in amarka uu soo baxay kadib markii la celiyey, ayada oo isaga loogu talo-galayo, waxaana ay u badan tahay in amarka uu dambeeyey. Wixii faah-faahin naga filo dhowaan Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Madaxweyne Muuse Biixi Oo Tafaasiil Ka Bixiyey Muhiimada & Ahmiyada Dekedda Berbera U Leedahay Somaliland Iyo Dalalka Gobolkaba Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa dekedda Berbera ku tilmaamay mid muhiim u ah inta badan dalalka Afrika. Wakaalada wararka ee Euro News, ayaa warbixin muuqaal iyo qoraal ah toddobaadkan ka diyaarisay dekedda Berbera, iyadoo uu saxafi ka socday wakaladaadani la kulmay Madaxeyne Biixi, Wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire iyo madaxa DP world. Warbixinta oo uu Geeska Afrika soo turjumay ayaa waxay u dhignayd sidan “Tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka madax-banaan tahay Somaliya 28 sanadood ka hor, Somaliland waxay la halgantay maaligelin la’aan, faqri iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo liita. Balse marshuuc lagu balaadhinayo dekedda Berbera ayaa ka dhigi kara jamhuuriyadda shacabkeedu yahay 4 milyan xarun caalami ah oo maraakiibtu iskugu timaado islamarkaana iridaha u furi karta awoodda baaxadda ah ee ay leedahay. Berbera waxaay dhacda xeebta koonfureed ee Gacanka Cadan. Waxaay kaga taal Geeska Afrika goob istiraaji ah, islamarkaan waxaay dhacdaa marin mashquul badan oo ay maraan maraakiibta ku socda iyo kuwa ka yimaadda Bariga Dhexe iyo bariga Afrika. Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, wuxuu ku tilmaamay Berbera “albaabka ku xidha dalal badan oo Afrika ah dunida.” “”Berbera waxay muhiim u tahay Somaliland, Geeska Afrika iyo inta badan ee dalalka badhtamaha Afrika. “Dhinaca bari, ilaa Eeshiya, qaarad yaraha Hindiya, ilaa Shiinaha. Dhinaca kale Kanaalka Suwiiska marka la sii dhex maro, waxaay isku xidhaa dalal badan oo Afrikaan ah Bariga Dhexe, Yurub, ilaa Woqooyiga Ameerika.” Sanadkii 1991 ayay Somaliland ka goosatay Somaliya, ilaa xiligaasna si madax banaan ayay u shaqaynaysay. Waxaay leedahay baarlamaankeeda u gaarka ah, doorashooyin, lacag u gaar ah, baasaboor, calan, ciidan militari, iyo xududoodo. Balse looma aqoosana dal, taas oo meesha ka saaraysa inay ka hesho caawimo ama dayn toos ah inta badan hay’adaha caaamiga ah. May 2016 kii, DP World waxaay saxeexday heshiis qiimihiisu yahay 400 milyan Euro si ay u maamusho ganacsi heer gobol oo ay ka abuurto Berbera. Tan iyo xiligaas, awoodda dekedda Berbera waxaay kor ugu gacday 50%. Maanta waxaay maamushaa 13, 000 oo kontiinar bishii. Supachai Wattanaveerachai, oo ah madaxa fulinta ee dekedda, ayaa yidhi “hadafkayagu waa inaanu ka dhigno Berbera xarun badeed oo heer gobol ah iyo albaab u furan Itoobiya, iyo sidoo kale inaanu u furno dadka Somaliland suuqyo cusub.” Waxa qayb ka ah heshiiska in la dhiso wadooyin si dekedda loogu xidho dhul waynaha. Taasi waxaay ku xidhaysaa Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn oo shacabkiisu ka badan yahay 100 Milyan islamarkaana ah dal si degdeg ah u yeelanaya wershado. Iyada oo ay yar tahay maalgashiga shisheeye, dawladda Somaliland iyo ururo kale ayaa isku dayaya inay abuuraan shaqooyin cusub. Sacad Cali Shire, Wasiirka Maaliyadda ee Somaliland, wuxuu sheegay in rajadu tahay in marshuuca dekeddu uu u keeno faa’iidooyin badan guud ahaan dhaqaalaha. “Waxaannu qabaa in mustaqbalku soo ifayo. Maalgelinta dekedda lagu sameeyey waxaay furfuraysaa wax badan oo Somaliland ka dhacaya kuwaas oo ay xaqiiq tahay inay abuurayaan shaqooyin, ayna gelinayaan rajo dhalinyaro faro badan.” “Shacabkayagu waa mid aad u da’ yar. Ilaa 70% waxaay ka yar yihiin 30 jir. Waxaannu aaminsanahay in marka la isku daro dekedda iyo wadada Berbera ee isku xidhaysa Berbera iyo Itoobiya, iyo aagga xorta ah oo lagu sii daro gegida diyaaradaha ee caalamiga ah, kaabayaashaas dhaqaalaha oo dhan markaad isku gayso waxa abuurmaya awoodda loo baahan yahay si loo daboolo baahida loojistik ee gobolku qabo.” Shamis Adan Cawaale waxaay dhar ka soo dhoofisaa Bariga Dhexe iyo Shiinaha, waxaayna rajaynaysaa inay ka faa’iido. Waxaay u sheegtay Connecting Africa: “dib u dhacyo ayaanu kala kulanaa dekedda. Marka alaabtu timaado waa inaad mudo sugtaa sababta oo ah dekeddau way yar tahay mana haysato qalab casri ah. Waxaannu maqalnay in marka la balaadhiyo in dib u dhacyadaasi ay gebi ahaanba meesha ka baxayaan.” Qaran News
  9. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Soo Jeediyey In Golahoodu Kuraasta Baneeyaan Oo Ummadda Ka Hor Dhaqaaqaan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Boqor Buurmadow oo ka hadlayay munaasibad arday ku qalin jabinaysay ayaa si kulul u dhalliilay xukuumadda madaxweyne Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. (SLT-Jabuuti)-Khilaaf Siyaasi Ah Oo Ka Dhex Bilaamay Madaxweyne Geelle iyo Marwadiisa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa soo saartay amar ah in Shirkad kasta oo u duuleysa Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor. Hay’adda ayaa ka dalbatay Diyaaraddaha aadaya Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor, sidaas darteed waxaa lagu wargeliyay shirkad kasta fasaxii ay ugu duuli laheyd Kismaayo, si aan looga joojin duulimaadka. Wararka ayaa intaa ku daraya in Hey’addu soo saartay Foom fasax ah oo laga buuxinayo Shirkadaha Diyaaradaha ee aadaya Kismaayo. Wufuud kala duwan ayaa la filayaa inay gaaraan Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Jubbaland si ay uga qeyb galaan Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe oo dib loogu doortay inuu noqdo madaxweynaha 4-ta sano soo socoto ee Jubbaland, waxaana la rumeysan yahay inuu amarkaan yahay mid lagu joojinayo wufuudaas. Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu casuumay madax kala duwan oo horey xilal uga soo qabtay Soomaaliya, waxayna Dowladda ku dadaaleysaa sidii ay u cunaqabateyn laheyd Caleema saarkaas. Maalmihii ugu dambeeyay degaanada maamulka Jubbaland waxaa ka taagnaa walaac xooggan oo ka dhashay cunaqabateynta dowladda Soomaaliya ay saartay Garoonka Kismaayo. Axmed Madoobe ayaa horey ugu hanjabay inuu qaadan doono go’aano culculus haddii aysan Dowladda Federaalka ah joojin cadaadiska ay ku heyso Maamulkiisa kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. MOGADISHU (HOL) - Federal Member States and Banaadir Regional Administration will receive 40% of the $15 million budget support from the European Union, the Ministry of Finance has said. Source: Hiiraan Online
  14. On Sept. 9, Somalia’s government announced that President Mohamed Abdullahi Mohamed who is better known as “Farmajo,” would make his first visit to the United [...] Source
  15. Wararka naga soo gaaraya gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in saakay waabarigii la weeraray saldhig ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-saliini oo dhaca duleedka degmada Marka ee gobalka Shabeellaha Hoose. Xoogag ka tirsan Al-Shabaab oo weerar xooganka ku qaaday saldhigga deegaanka Ceel-saliini ayaa waxaa ay iska caabin kala kulmeen ciidamada xoogga dalka , waxaana goobta ka dhacay dagaal culus oo dhex maray ciidmada xoogga iyo Al-Shabaab, waxaana u suura gashay in ay qolyihihii weerarka soo qaaday ay gudaha u galaan saldhigga Ceel-Saliini. Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan inuu jiro khasaare, inta la xaqiijiyay shan askari oo ka tirsan ciidamada xoogga ayaa ku geeriyootay qaar kalane waxaa soo gaaray dhaawacyo. Sidoo kale ciidanka xoogga dalka oo ka hadlay weerarka ka dhacay Ceel-Saliini ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Ceel-Saliini oo hoostaga degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo uu ka dhacay dagaal in ka badan saacad halkaasi ka socday. Dhanka kale, wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno deegaankaas waxa ay sheegayaan in hadda ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa xoogga dalka ay si buuxda gacanta ugu hayaan deegaanka Ceel-Saliini, waxaana lasoo sheegayaa in halkaas ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan amniga lagu xaqiijinaayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Oktobar waxaa lagu balan sanaa kulan dhex Mari lahaa Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Federaalka kasoo lagu balan sanaa in Qodobo dhowra la isla meel dhigo [...] Source
  17. A delegation led by President Mohamed Abdullahi Farmajo has jetted out of the country for annual United Nations General Assembly on Sunday. Somali head of state will attend his first UNGA Assembly since taking office on February 2017. He was previously represented by the Prime Minister, Hassan Ali Kheyre and Foreign Minister, Ambassador Ahmed Isse Awad. President Farmajo is scheduled to join world leaders in addressing the 74th session later this month. Somali leader will focus on efforts to eradicate poverty and challenges related to education and climate change. During his stay in New York, the president and his delegation will also hold several sideline meeting with global leaders to discuss issues of mutual interest between countries. Abdullahi Farmajo renounced his US citizenship in August after immigration departments and legal experts from both countries are closely working together to complete the process. View the full article
  18. A pre-dawn raid by the terrorist group al-Shabaab on a military base in southern Somalia has left at least 18 people dead, officials told dpa on Sunday. “We have lost five soldiers in this terrorist attack. Our troops have also killed 13 militants,” Somali military official Mohamed Abdi said. The incident was the latest in a series of insurgent attacks across south and central regions of the volatile East African country. It took place in the Lower Shabelle province, on the outskirts of the regional capital Marka. The attack started with a suicide car bombing at the entrance of the military base, Abdi said. A local government official, Abdullahi Ali Ahmed, told dpa by phone that the gun battle between the two sides had lasted about two hours. Al-Shabaab claimed responsibility for the attack. The group said it had killed more than 20 soldiers and captured the base briefly, looting military items and ammunition. No independent sources were available to verify these claims. Speaking to local media in the capital Mogadishu, army chief Odowaa Yusuf Rage confirmed the morning assault but said his troops overpowered and repelled the militants, killing several of them. Al-Shabaab, which is affiliated with the international al-Qaeda terrorist network, regularly launches attacks within Somalia. View the full article
  19. Madaxweyne Farmaajo oo ambabaxay Maraykanka Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay dalka Maraykanka, si ay uga qeyb galaan mareetada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey. Madaxweyne farmaajo ayaa kalmad ka jeedin doono madashan kulminaysa hoggaamiyeyaasha Caalamka, iyada oo meertada 74-aad ee Qaramada Midoobey lagu sumaday “Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar gooynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbaddelka cimilada.” Wafdiga Soomaaliya ee ka qeyb galaya howlaha meertadan ayaa kulammo doceedyo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la qaadan doona dhiggooda dalalka Caalamka ee ka soo qeyb galaya shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey. Ajandeyaasha ugu waaweyn ee hoggaamiyeyaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa safka hore kaga jira xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo argagixisada. Madaxweyne farmaajo waxaa safarka ku weheliyey Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bishii hore ee Agoosto dib u celiyay Jinsiyaddii uu ka haystay waddanka Maraykanka, oo horay ugu diiday ka qeyb galka shir weynaha guud ee Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo markii ugu horeysay ka qeyb galaya shirka Qaramada Midoobay ee New York appeared first on Puntland Post.
  20. Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cali Xassan Axmed (Sabareey) oo haatan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa shaaciyay shuruud adag oo la hor-dhigayo suxufiyiinta ka hawlgala degaannada Puntland. Wasiirka ayaa amar ku bixiyay in dhammaan suxufiyiinta ka hawlgala degaannada Puntland ay iska diiwaan-geliyaan wasaaradda warfaafinta ka hor 15 bisha soo socota ee October waxaana uu tilmaamay in aan suxufi loo aqoonsan doonin qofkii aan is diiwaa-gelin wakhtigaasi ka hor. Mudane Sabareey ayaa sidoo kale amray in ay is diiwaan-geliyaan dhammaan xarumaha warbaahineed ee ka hawlgala degaannada Puntland si loola socdo shaqada ay ka hayaan gudaha Puntland. Wuxuu sheegay in kadib markii la diiwaan-geliyo suxufiyiinta iyo xarumah warbaahineed baaritaan lagu samayn doono aqoonta iyo khibradda suxufiyiinta islamarkaana aqoonsiga lagala noqon doono suxufigii aan haysan xirfad ku filan. Puntland post The post Dowladda Puntland oo shuruud adag hor-dhigtay Warbaahinta Madaxa-bannaan appeared first on Puntland Post.
  21. Baydhabao (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ibraahin Aadan Cali (Najax) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey weerar xoogan oo saaka dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Ceel Saliini oo hoos yimaada magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi. Najax ayaa sheegay in ciidamada dowladdu ay iska caabiyeen weerarkaas, islamarkaana ay khasaare ku gaarsiyeen Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu guul u rajeynayo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee howlgallada ka wada gobolka Shabeelaha Hoose. “Waxaan boggaadinayaa geesiyaasha CXD ee iska difaacay kooxda khawaariijta Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday deegaanka Ceel Saliini,guuleysta geesiyaasha dalkeenow ayuu yiri.”Guddoomiye maamulka gobolka Sh/ Hoose. Weerarkan oo ku bilowday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa dhankkeeda guul ka sheegtay Al-Shabaab. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ay la wareegtay gacan ku heynta saldhigga ciidamada dowladda ee deegaankaasi, sidoo kalena ay weerarkaasi ku dishay askar badan oo ka tirsanaa kuwa dowladda, ayna ku qabsatay hub iyo gaadiid dagaal. Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa hadda ah mid degan, inkastoo weli laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhoco halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  22. Mdaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminaya ayaa saaka u duulay New York Dalka Maraykanka si uu uga qayb gali Shirwaynaha [...] Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa saaka booqday Fannaanada weyn ee Maryan Mursal Ciise Bootan oo maalmihii u dambeeyey xaalad caafimaad ugu jirtay Cisbitaalka Royal ee magaaladda hargeysa. Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa caafimaad ugu duceeyay fannaanada weyn ee Maryan Mursal Ciise Bootan. Dhan kale fannaanada Maryan Mursal Ciise Bootan ayaa guddoomiye Cirro uga mahadnaqay booqashada uu ugu yimid. Source
  24. Maamulka Kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club ayaa sheegay in ay safar shaqo ku bixindoonaan maamul Goboleedyada,iyagoo halkaa ku dhaleeya kooxaha kubbadda cagta ee ka dhisan gobolada wuxuuna hadafka ugu weyn ay arinta tahay wada shaqeen dhexmarta kooxaha kala gedisan ee ka dhisan Soomaaliya.Guddoomiyaha naadiga Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh ayaa Goobjoog u sheegay in ay kooxdiisa ciyaaro saaxiibtinimo u aadayso dhamaan Maamul Goboleedyada dalka,balse iminka ay ku hormarayaan Puntland,iyagoo halkaa kulamo saaxiibinimo kula ciyaaraya naadiyada ka dhisan Puntland. Guddoomiyaha xariirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa kooxaha kubbadda cagta kula dardaarmay in ay tababaro iyo kulamo saaxiibtinimo sanad kasta u aadaan caasimadaha kale ee wadanka,isagoo sheegay in ay qeyb weyn ka qaadanayso horomarka kubbadda cagta Soomaaliya. Inta badan oo ka tirsan ciyaartooy ku nool Maamul goboleedyada waxaa fursad ah kasoo muuqshada tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada Gobolka Banaadir guddoomiyah Muqdisho City Abuuka Maxamed Sheekh ayaa sheegaya in booqashooyin hadii ay badiyaan lagu helayo wax badan oo horomar u ah. Cabduulahi Faarax Daguur oo ka mid Falanqeeyaasha ciyaaraha gudaha ayaa qaba aragtan in loo baahnaa waqti hore,isagoo dhinaca kale madaxda ciyaaraha usoo jeediyay in fiinalaha tartamada kubbadda cagta lagu qabto caasimadaha kale, si is dhax-galka bulshada iyo xiisaha tartamada gudaha ay u balaartaan. Halkan Ka Daawo Warbixin Safarka Ay Muqdisho City Club Ku Aadayso Maamul Goboleedyada W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com