-
Content Count
215,072 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Ankara)-Wasiirka Arimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa diiday qorshaha dowlada Jarmalka ee ku aadaan in ciidamo caalami ah la geeyo waqooyiga Suuriya si loo abuuro jawi nabdoon oo ka caagan colaada oo qaxootiga u sahlaya in ay dib ugu laabtaan dalkooda. Xukuumada Ankara ayaa tilmaantay in ayna ku kalsooneyn qorshaha dowlada Berlin oo dhaleeceysay duulaanka millatariga Turkiga ay ku qaadeen Suuriya. Mr Cavusoglu oo sabtidii shalay kulan kula qaatay magaalada Ankara dhiggiisa Jarmalka Cavus Heiko Maas ayaa sheegay in Turkiga uu lumiyay kalsoonida uu ku qabay Jarmalka kadib falcelintii ay ka bixiyeen duulaankooda Suuriya. Wasiirka difaaca Jarmalka Annegret Kramp-Karrenbauer ayaa soo jeedisay qorshe ciidaamo caalami ah oo nabad ilaaliyaan ah lagu geynayo xadka deegaanada waqooyi ee xadka Suuriya kala leedahay Turkiga si loo helo aag ka caagan Colaada. Balse Cavusoglu ayaa sheegay in qorshahaan ay u arkaan mid aan xaqiiqda ka tarjumeyn ayna ka soo horjeedaan soo jeedinta Jarmalka. Ugu danbeyn wuxuu sheegay in arintaan kaliya ayna khuseyn Turkiga balse ay u taallo dowlada Suuriya iyo Ruushka oo taageera xukuumada Bashar Al-Assad. Source
-
(SLT-Lubnaan)-Xoghayaha guud ee ururka Xisbullah Sh Xasan Nasrallah ayaa ka hadlay dibadbaxyada ka socda magaalada Beyruut oo uu sheegay inay dabada ay ka riixayaan dalal Ajnabi ah iyo xisbiyada Mucaaradka. Mr Nasrallah ayaa wuxuu ugu baaqay dibadbaxayaasha in aan loo adeegsan hurinta dagaal Sokeeye oo markale madaxa la gasho Lubnaan. Wuxuu ka gaabsaday in uu soo hadal qaado xisbiyada iyo wadamada maalgalinaya banaanbaxyada, balse wuxuu farta ku fiiqay safaarado fadhigoodu yahay magaalada Beyruut. Sheekh Xasan Nasrullah ayaa ugu danbeyn dibadbaxayaasha uga digay in ayna aqbali doonin in la beegsado xarumaha ay ku sugan yihiin ciidanka Xisbullah. Source
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku soo baxay doorashadii ka dhacday Soomaaliya bilaawgii sanadkii 2017, waxyaabihii ugu weynaa ee lagu doortay waxay aheyd dhibaato daran oo dalka ka jirta waxaase muhiimadda ugu weyn ay aheyd in dalkaan uu ka baxo saameenta ballaaran oo ay Itoobiya ku leedahay iyo siyaasadda ammaanka Soomaaliya. Dareenka ka qaybgalayaasha doorashada iyo cod-bixiyaashii Baarlamaanka ee ku sugnaa hoolka doorashada waxa rogay hadal uu jeediyay Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud Cabdi oo ahaa Musharax Madaxweyne iyo fariin goobaabin iyo dardaaran aheyd oo ay jeediyeen culimadii lagu marti qaaday doorashadii ka dhacday Soomaaliya 2017, kaas oo ahaa in dalka ay saameen balaaran ku leedahay dowladda Itoobiya ayna hadda joogaan hoolka doorashada. Hada waxaa in la’is weydiiyo mudan shalay iyo Maanta yaa badan saameenta Itoobiya ee siyaasadda Soomaaliya? Farqi weyn oo muujinaya hoos u dhac ku yimid saameenta Itoobiya ee siyaasadda gudaha iyo amniga Soomaaliya maanta ma muuqdo balse waxaa muuqata in Itoobiya ay gaartay heerar iyo talaabooyin aysan markii hore ku dhiiran karin taas oo muujineysa in Itoobiya ay sii fidisay saameenteedii Soomaaliya. Xiligii Madaxweyne Xasan Sheekh: Xiligii uu talada dalka haayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Itoobiya waxay laheyd saameyn ay ku qal-qal gelin karto siyaasadda Soomaaliya sababtoo ah waxay ku xirneed inta ugu badan madaxda dowlad gobaleedyada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa dalka ku sugnaa General Gabre oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Afrika, laakiin asal ahaan ka soo jeeda Itoobiya. Gabre waxa uu ka soo muuqan jiray Kaamiriyoonka xiliyada ay jiraan arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya balse hadda waxa uu galay xubno badan oo uu saameeyay isbadalka ka dhacay Itoobiya. Xasan Sheekh Maxamuud saaxiib dhow uma aheyn Itoobiya mana jirin cadeymo muujinaya in Itoobiya uu ku xiran yahay balse waxa uu ku qabay dhib waxaana loo soo adeegsan jiray dowlad gobaleedyada, ayadoo ay dhacday in marar badan uu warbaahinta ka sheegay in dalalka dariska laga soo abaabulo shirarka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya. Hadda uu talada hayo Madaxweyne Farmaajo: Itoobiya waxay maanta Soomaaliya ku leedahay saameyn balaaran waxayna gaartay heer aan la filayn in ay gaari doonto, ayada oo ay banaanka u soo baxday galaan-gal xoog leh oo siyaasadda iyo amniga ah. Waxaa jira kiisas badan oo muujineysa in Itoobiya ay isku balaarisay siyaasadeed Soomaaliya islamarkaana ay ka fushato dano badan laakiin waxay badashay qaabkii markaas ay wax u qabsan jirtay. Halka ay markii hore gacan saar la lahayd maamul goboleedyada, waxay hadda la xiratay dowladda dhexe, iskana tuurtay maamullada. Waxay ku guuleystay arrimo ay ka mid yihiin:- Itoobiya waxay ku guuleysatay markii ugu horreysay in loo gacan geliyo mid kamid ah halgamayaasha Soomaaliya ee Xorriyad u dirarka ah, Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax. Itoobiya waxay ku guuleysatay in Soomaaliya ay ka dhigto dalkii labaad ee adfuunka ku yaalla oo ONLF u aqoonasda Argigixiso, halka dalka koowaad uu ahaa Itoobiya oo dagaal kula jirta. Yururb, Ameerika, Aasiya, Australia iyo Afrika hal dal oo kamid ah ONLF uma aqoonsan argigixiso marka laga reebo Itoobiya iyo Soomaaliya. Inkasta oo kadib imaatinkii Abiy Ahmed ay Itoobiya taas ka noqotay, dowladda Soomaaliya weli kama laaban go’aankii ay ONLF ugu sheegtay urur argagixiso. Itoobiya waxay markii hore la macaamili jirtay maamul gobaleedyada oo aan laheyn awood ay ku bixiyaan wax danguud ah balse loo adeegsan jiray jebinta Qarankooda balse maanta waxay toos ula macaamishaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxayna si weyn ugu milan tahay siyaasadda Soomaaliya. Itoobiya waxay Shalay ay taageersaneyd Axmed Madoobe oo ka soo horjeeday Xasan Sheekh markii ay dhacday doorashadii tan ka horreysay waxayna markaas usoo dirtay Wasiirkii Arimaha Dibadda Itoobiya halka maanta ay la safantahay Farmaajo oo ay cadaadis ku heyso Axmed Madoobe. Arintaan waxay muujineysaa in shalay danaha siyaasadeed ee Soomaaliya laga raadin jiray dowlad gobaleedyada balse maanta laga helayo Villa Somalia. Inta jeer ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh u safray Itoobiya 4-tii sano ee uu talada dalka haayay waxaa dhowr jeer ka badan safarka Madaxweyen Farmaajo oo xilka hayo muddo ka yar 3 sano walina waxaa u dhiman safaro kale. Itoobiya waxay badashay awoodii xoog ku muquuninta waxayna u badashay in ay la saaxiibto Madaxweynaha Soomaaliya loo dhigo ballamo aan mira dhalin, intoobada ugu badanna lagu mudeeyo waqtiyo aan dhawayn halka qaar kalane looga baxay. Ballamaha looga baxay Soomaaliya waxaa kamid ah in Soomaaliya la siiyo Xogyahaya IGAD waxaana loo magacaabay muwaadin u dhashay Itoobiya, iyo Villa Somalia laga taageero ka hortaga Axmed Madoobe oo guul darro ku soo dhamaatay. Inkastoo ay caqabadahaas iyo kuwa kalaba ay dalka ka jiraan haddane maamulka Madaxweyne Farmaajo ay ku guuleesteen in bulshada Soomaaliyeed ku qanciyaan wax ka fog xaqiiqda dalka taalla. Masuuliyiinta DF waxay sameesteen koox dhalinyaro ah oo baraha bulshada kula dagaala Warbaahinta, siyaasiinta iyo shaqsiyaadka soo bandhiga xaqiiqda Soomaaliya ka jirta, hase waxaa jira malaayiin kale oo kawar qabta dhibaatooyinkaan iyo kuwa kale, kuwaas oo aan lagu guuleysan in la marin habaabiyo. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa ka digay in xasilooni-darro dheeri ah ay ka dhici doonta dalkiisa, wuxuuna wacad ku maray inuu cadaaladda horkeeni doono kuwii ka mas’uulka ahaa dhimashada 67 qof oo geeriyooday toddobaadkan. “Shaqaaqooyinkan aan wajanhay waxay noqon doonaan kuwa intan kasii cabsi badan oo adag, haddii aysan dadka Itoobiya midoobin oo aanay mid noqon,” ayuu Abiy Ahmed ku yiri bayaan laga soo saraay xafiiskiisa. “Waxaan si adag uga shaqeyn doonnaaa inaan xaqiijinno joogteynta amarka iyo kala dambeynta, iyo in cadaaladda la horkeeno, kuwii ka mas’uulka ahaa dhibka.” Abiy Ahmed waxa uu xusay in wax u muuqday dibad-bax ka dhan ahaa dowladdiisa ay si deg deg ah isugu beddeleen isku dhacyo ku saleysan jinsi iyo diin. “Waxaa jiray isku day xasaraddan loogu beddelayo mid diimeed iyo mid jinsi. Intii ay tani socotay ayaa ciidamadeenna waxay u noqdeen dhibanayaal,” Ayuu yiri. Waxa uu sheegay in guryo, ganacsiyo iyo goobo lagu cibaadeysto la burburiyey, islamarkaana tiro dad Ethiopian ah oo aan si rasmi ah loo ogeyn ay barakaceen. Rabashadaha ayaa arbacadii ka billowday magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa iyo inta badan gobolka Oromia, kadib markii Jawar Mohamed oo u ololeeya dadka Oromada uu ciidamada amniga ku eedeeyey inay soo abaabuleen weerar isaga ka dhan ah – eedeymahaas oo booliska ay beeniyeen. Jawar ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa ninkii dhiir-geliyey dibad-baxyadii Itoobiya ka dhacay sanaddii tagtay, ee hoggaamiyey in ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu la wareego talada dalka. Abiy iyo Jawar ayaa labaduba kasoo jeeda qowmiyadda Oromada oo ah tan ugu badan Itoobiya, waxaana xiisaddan cusub ay halis gelin kartaa isku dayga Abiy Ahmed uu ku doonayo in bisha May ee 2020 loogu doorto ra’iisul wasaaraha dalka ee shanta sano ee soo socota. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
-
NEW YORK, Oct 26 (KUNA) -- Kuwait has affirmed necessity of enforcing security and stability in Somalia, particularly within framework of executing international curbs on the nation. Source: Hiiraan Online
-
For almost a decade the Libyan capital, Tripoli, has seen a kaleidoscope of conflict. Source: Hiiraan Online
-
Around 140,000 people in Somalia have been forced to flee their homes due to flooding in the Hiraan region, including some 70,000 children, the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Idlib (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha kooxda Daacish Abu Bakar Al-Baghdadi ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay howl-gal ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, waxaa sidaas werinaya warbaahinta Mareykanka. Militariga Mareykanka weli si rasmi ah uguma dhowaaqin geerida Al-Baghdadi, hase yeeshee madaxweyne Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka xalay ku yiri “Wax aad u weyn ayaa dhacay goor dhow.” Waxyar kadib qoraalkaas, ayaa Aqalka Cad waxa uu soo saaray bayaan uu ku sheegay in madaxweyne Trump uu war weyn shaaca ka qaadi doono 9-ka subaxnimo ee axadda, xilliga saacadda bari ee Mareykanka. Militariga Mareykanka ayaa habeenkii sabtida ee xalay gobolka Idlib ee dalka Syria ka fuliyey howl-gal qorsheysan oo lagu beegsaday Al-Baghdadi. Howl-galka ayaa waxaa toddobaad ka hor ansixiyey madaxweyne Donald Trump. Sarkaal ka tirsan Pentagon-ka Mareykanka ayaa wargeyska Newsweek u sheegay in howl-galkaas lagu dilay Al-Baghdadi. Sidoo kale sarkaal kale ayaa Aqalka Cad u sheegay “inay kalsooni buuxda ku qabaan” in Abu Bakar Al-Baghdadi la dilay. Xubno ka tirsan Taliska Ciidamada Mareykanka ee Howl-gallada gaarka ah ayaa howl-galka fuliyey kadib markii ay heleen warbixino sirdoon oo la isku haleyn karo, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Goobta howl-galka laga fuliyey ayaa waxaa dusha lagala socdaa muddo fog. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Nin Soomaali ah oo soo galay diiwaanka dadka ugu saameynta badan UK Ismaaciil Axmed Ismaaciil Axmed oo ah aasaasaha shirkadda WorldRemit oo ah shirkad u fududeysa in ehellada iyo ganacsatada ay lacag isu diraan iyagoo wadamo kala duwan joooga ayaa ka mid noqday diiwaanka dadka ugu saameynta badan UK. Liiska dadka madow ee ugu sameeynta badan UK ee 2020-ka ayaa la shaaciyay waxa uuna liiska ka kooban yahay boqol qof oo uu namabarka koobaad ku soo baxay Ismaaciil Axmed. Isagoo la hadlay BBC-da ayuu yiri: ”Sharaf weyn ayay iitahay inaan ku guuleysto abaalmarintan. Markii aan ku soo barbaarayay Somaaliland, waxaan arki jiray sida dadka qaxootiga ah ay lacagaha ugu soo diraan eheladooda” Markii aan London waxbarsho u imid oo aan bilaabay inaan lacag u diro eheladayda, waan wareeray oo igu adkaatay qiimaha lacagaha loogu diro xawilaadaha caadiga ah”. Markaasi ka dib ayuu bilaabay hadafkiisa ah inuu raadiyo waddo fudud oo lacagaha loogu xawuli karo dadka Afrika Joogo. Mr Axmed waxa uu ahaa Khabiir ku xeel-dheer Xawilaadda Lacagaha iyo Nidaamka lacagaha laysugu Xawilo, waxaanu xoogga saaray arrimahan, isaga oo Shahaadda PhD cilmiga dhaqaalaha ku diyaarinaya Jaamacadda Imperial College ee magaalada London,” Nin dadka ajaaniibta bara hidaha iyo dhaqanka Soomaalida Tobanka qof ee ugu horreeya liiska dadka ugu saameynta badan Ismaciil Axmed – Aasaasaha iyo Guddoomiyaha WorldRemit Pat McGrath, MBE – Farshaxaniste Make-up-ka ah Michael Sherman – Madaxa Shirkadda, BT Jacky Wright – Madaxa Dhijitaal-ka ee shirakadda Microsoft Stormzy – Farshaxaniste Edward Enninful-Tafaftiraha shirakadda OBE Ebele Okobi – Agaasinka Siyaasadda Dadweynaha ee Afrika, Bariga Dhexe iyoTurkiga Paulette Rowe – Madaxa Facebook u qaabilsan lacagaha Lynette Yiadom-Boakye – Farshaxaniiste Richard Iferenta – Partner, KPMG Qaran News
-
Ilhan Cumar oo su’aalo adag weydiisay wakiilka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Suuriya iyo ururka Daacish waxay tiri: “Waa in aan joojino hubeynta iyo taageeridda maamulada aan naxariista lahayn, waana inaan eegno shuruucdeena dibadda ee meelaha anan u adeegsanayn nolosha iyo bini-aadamka dhibban”, ayey tiri iyadoo ka hadleysay duullaanka Turkiga ee Suuriya. Turkiga ayaa “si khasab ah” dib ugu celinaya qaxootiga Suuriya oo la geynayo xuduudda, si loo dejiyo “aagga nabadda ah” in kastoo dagaalka uusan weli dhammaan, sidaas waxaa qortay wakaaladda wararka Reuters oo sii xigatay hay’dda u doodad xuquuqda aadanaha ee Amnesty International. Hay’adda kale ee xuquuqda u dooda ee Human Rights Watch waxay sidoo kale sheegtay in “mamulka uu si aan kala sooc lahayn u xir-xirayo una musaafurinayo tobannaan qof oo Suuriya u dhalatay kuwaas oo la geeyay Waqooyiga Suuriya, muddadii u dhexeysay January iyo September” ee sannadkan. Laba isbuuc ka hor, Turkiga ayaa billaabay duullaan uu kaga gudbay xuduudda Suuriya si ay u sameeyaan “aag nabad ah” oo laga sifeeyay malleeshiyaadka Kurdiyiinta ee loo kala yaaano SDF iyo YPG. Dowladda Turkiga ayaa malleshiyaadkaas u aragta in ay la mid yihiin ururo argagixiso. Waxay sheegtay in ay yihiin dhinacyo ka tirsan ururka Kurdiyiinta ee tobannaanka sano ka dagaallamaya dhanka Turkiga ee PKK. Duullaanka wuxuu bilowday ka dib markii ciidammda Mareykanka oo Kurdiyiinta ay ku tiirsanaayeen, ay billaabeen in ay ka baxaan dhanka Xuduudda. Turkiga wuxuu ku doodayaa in deegaannada ay qabtaan ay dejin doonaan 3.6 milyan oo qof oo ah Qaxooti u dhashay Suuriya ah kuwaas oo ka cararay dagaallada sokeeye. Ilhaan Cumar waxay sheegtay : “Waa inaan xuquuqda iyo sharafta Kurdiyiinta aan aasaaska ka dhigno”. “Su’asho waxay tahay in haddii Kurdiyiintu xaq u leeyihiin in ay jiraan iyagoo Kurdi ah. Waa inaan bartamaha dhigno xuquuqda iyo sharafta Bini-aadamnimada. Waa inaan sal uga dhigno xuquuqda iyo sharafta Kurdiyiinta”, ayey tiri Ilhaan oo ka hadleysay fadhiga guddiga arrimaha Dibadda u qaabilsan Congress-ka Mareykanka oo su’aalo weydiinayay safiirada. Donald Trump ayaa dhowaan sheegay in labada dhinac la kala dhex dhigay xabad joojin. Balse Ilhaan ayaa ku doodeyso in “Turkiga uu sheegay in uu sii wadadayo howlgalka”. “Waa inaan masuuliyadda qaadno. Taa micneheedu ma ahan hakinta akoono bangiyo; ma ahan xakameynta dhaqaalaha Turkiga, iyadoo sy sii socoto ciqaab wadareed loo geysanayo bulsho aan arrintan dooran”, ayey sheegtay Ilhaan. “Wuxuu macnuhu yahay in si aan caadi ahayn looga fakaro cadaaladda xadgudubyadan. Waa in si dhab ah looga fakaro sidii aan u joojin lahayn hubeynta maamullada naxariista daran”. “Ficillada” Turkiga “waa kuwo aan la difaaci karin”, ayey hadalka ku sii dartay Ilhaan Cumar. Xildhibaannadan ka tirsan Congress-ka Mareykanka waxay xubin ka tahay guddiga arrimaha dibadda, waxayna si weyn u dhaliishay wada shaqeynta maamulka Trump uu la leeyahay xukuumadda Erdogan. “Waa in aan aragti cad ka qaadano siyaasadaha dibadda ee halista gelinaya koox dhammeystiran oo dad ah oo si wayn loola dhaqmay sida shay la isticmaalay ka dibna la iska tuuray”, ayey weydiisay mid ka mid ah safiirrada Donald Trump ee arrimaha Bariga Dhexe. Ilhaan ayaa ka dib su’al kale weydiisay Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Suuriya iyo Isbeheysiga la dagaallamaya ISIS, James F. Jeffrey. “In Turkiga uu adeegsado hub kiimiko ah, maxay tahay masuuliyadda arrintas ka saaran Mareykanka?” “Waan baareynaa eedeynta la soo jeediyay ee ah isticmaalka kiimikada. Waana in aan eegno xaaladaha sababay”, ayuu yiri Jeffrey. Waxay sidoo kale weydiisay in uu galaangal ku lahaa warqaddii uu Trump u diray Erdogan ee “qashinka lagu dhex tuuray”. James F. Jeffrey Wuxuu yiri: “Qeyb baan ka ahaan in warqadda la gaarsiiyo madaxweyne Erdogan. Madaxweynaha wuxuu la tashadaa xoghayihiisa guud, anagana isaga ayaan farriinta u marinaa, waana sida ay u shaqeyso, waana sida warqadda ay ku timid”. “Ilhaan oo ka falcelisay hadalkaas waxay tiri: “Waxaan jeclaan lahaa in adinkoo badan aad fikir toos ah ka dhiibataan warqaddaas. Waxayna ila tahay in ay sax tahay in warqaddaas lagu tilmaamo mid ceeb ku ahayd Mareykanka”. Warqaddii Trump ee “qashin-qubka lagu daray” Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa warqadda Donald Trump “ku dhex riday qashinka”, ka dib markii la gaarsiiyay, sida BBC loo xaqiijiyay. Warqadda la qoray 9-kii bishan October, lana diray ka dib markii ciidamada Mareykanka ay ka bexeen Suuriya, wuxuu Trump ugu sheegay Erdogan: “Ha is adkeynin. Ha noqon doqon”. Dad ka tirsan Madaxtooyada Turkiga waxay BBC u sheegeen in Erdogan uu warqadda “uusan aqbalin gebi ahaanteedaba”. Maalinta warqadda la gaarsiiyay, ciidamada Turkiga waxay billaabeen duullaan ay uga gudbeen xuduudda Suuriya oo ka dhan ah Kurdiyiinta. “Aan ka wada shaqeyno heshiis fiican! Ma dooneysid in aad masuul ka noqotid dilka kumannaan qof, anigana ma doonayo in aan masuul ka noqdo burburinta dhaqaalaha Turkiga – Waana sameyn doonaa,” ayuu Trump ku qoray warqadda. “Taariikhda sida aad dooneyso ayey kuu xusi doontaa haddii aad midda saxda ah iyo qaabka wanaagsan aad u sameyso tan. Weligaa waxaad noqon doontaa qof xun, haddii wax wanaagsan aysan dhicin.” Taas isagoo ka jawaabaya, ilo ku dhow madaxtooyada Turkiga waxay sheegeen: “Madaxweyne Erdogan waa la soo gaarsiiyay warqadda, wuu diiday waxa ku qoran oo dhan, wuxuuna ku daray qashinka”. Isha: BBC Somali
-
Federaalnimadu maxay tahay? Federaalnimadu waa nidaam dastuuri ah oo qeexaya qaabka loo wadaagayo awoodaha maamulka siyaasadda iyo khyaraadka waddan, kaas oo siinaya gobollada maamul hoosaad dhab ah laakiin ku siman gobolkooda, kaas oo u madax banaynaya inay maamulaan degaanadooda. Dawlad goboleedyadu awood sharci iyo mid dastuur toona uma laha maamulka kore ee waddanka sida siyaasadda arrimaha dibadda, difaaca, lacag samaynta, bixinta Passporada, ururinta canshuuraha; ilaalinta xuduudaha dhulka, hawada, iyo badda, maamulidda dekedaha, iyo garoomada diyaaradaha, bixinta jinsiyadaha, iyo gelidda heshiisyada caalamiga ah. Muxuu noqon karaa xiriirka ka dhexeeya dawladda dhexe iyo gobollada Xiriirka Dawladda dhexe iyo gobollada ka dhexeeya ma ah mid ay is bur-burin ee waa mid ay is buuxiyaan, ma aha mid tartan ee waa mid tacaawun ah, ma aha mid ah dawlado is garab yaal ee waa mid dawlad sare iyo maamul hoosaadyo hoos imaanaya dawladdaas sare. Federaalnimadu ma aha tartan, iska hor imaad dhex yaal dawaladda dhexe iyo gobollada iyo doqonimo siyaasadeed oo an u danaynay danta waddaka iyo tan bulshada Soomaaliyeed. Nidaamka Federaalnimadu ma ku habboon yahay Soomaaliya Nidaamka Federaalnimada waxaa loo qaata si loo xalliyo khilaafka siyaasada iyo kan mujtamaca/qbaliga ah ee dhex yaal dal ay wadaagaan dad kala diin, kala dhaqan, kala luqad, kala midab, ama kala dano ah, isla markaana dadka dalkaas ku nool aysan kalsooni isku qabin. Soomaaliya waxa ka jira uun tan kalsooni darrada qabaailka dhex taal, taasna ma keenayso in Soomaaliya qaadato nidaamka federaalka. Sidaa awgeed nidaamka federaalku kuma habboona Soomaaliya, wax aan dhib ahayna kuma soo kordhin waddanka. Qabaa’ilkii uun buu sii kala qabiyay oo sii kala fogeeyay halkii uu ka midayn lahaa mujtamaca. Waxa kaloo federaalka loo qaataa in gobollada dalka oo la gaarsiiyo horumar iyo adeegyo dhamays tiran, taas oo keenaysa in gobol walba saami fiican ka helo wuxu soo saaro iyo canshuuraha laga uruuriyo gudihiisa, iyadoo dawladda federaalkuna ay gobol walba kabayso, saami ka siinayso khayraadka iyo canshuurah dawaldda dhexe uruuriso. Waddankaada lama mucaarado ee qof iyo siyaasaddiisa ba la mucaaradaa Mucaarad waa la noqon karaa oo dawlaadda markaas jirta iyo madaxdeedaba mucaarad waa lagu noqon karaa laakin sax ma aha in mucaarad lagu noqdo waddanka, dawaladnimada, qaranimada, midnimada, iyo horumarka dalkaada. Ma aha in mucaaradku u dhaqmaan in haddii sida ay iyagu rabaan aan la helin in wax walba la bur-buriyo, iyagoo aan eegayn mustaqbalka jiritaanka dalka Soomaaliya. Dal iyo dawlad lama bur-buriyo ee waxaa mucaarad lagu noqdaa qof iyo aragtidiisa siyaasadeed ama mabdi’iisa iyo xisbigiisa. Tusaale ahaan, caleemo saarkii Axmed Madoobe waxa yimid Kismaayo diyaarad ay la socdeen wafdi ka socda dawladda Kenya oo uu hoggaaminayay xildhibaan ay isku hayb yihiin Axmed Madoobe. Diyaaraddaas waxay ku xad gudubtay xayiraad diyaaradaha ka saarnaa duulimaad ay Kismayo toos ugu tagaan, laakiin mucaaradkii ka qayb galay xafladda Axmed Madoobe midna kama hor imaan xad gudubkaas. Waxaa is waydiin leh, sidee u dhici kartaa in diyaarad Kenya ka timid ay ugu degto gobol ka mid ah Soomaaliya iyadoo an fasax ka haysan dawladda Soomaaliya? Sidee u dhici kartaa in mucaaradkii Soomaalidu ay taageeraan in dawlad shisheeye ku soo xadgubto hawada dalkooda, isla markaasna ay u riyaaqaan una sacabo tumaan khudbadii wafdigii Kenya ka jeediyeen madasha, taasoo uu ula dhaqmay maamul goboleedka jubaland sidii dawlad gaar ah. Yaa khatar badan waxa mucaaradku raadinayaan iyo dhibka soo gaaraya qaranimada iyo midnimada Soomaaliya. Haddii mucaaradku beeri ka maalin talada qabtaan maxay samayn doonaan oo ka yeeli doonaan rabitaanka Kenya oo ah inay xoog iyo xeel hadba kii u suurooba kula wareegaan qayb ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya iyo khayraadka ku jira. Ka horjeedka laga soo horjeedo dawladda maanta iyo madaxdeeda ma aha in waddanka iyo dawladnimada loo bur-buriyo. Mucaaradki ma markii ay talada qabtaan bay noqonayaan waddaniyiin wanaagsan oo daacad ah? Qofkaad rabto inaad barato, dadka uu ku xiran yahay baa la bartaa. Bal aan dib u fiirino cidda hiil iyoo hooba had iyo jeer heegan ula ah mucaaradka Soomaaliya. Mucaaradka Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan Shiikh Shariif, Hassan Sh.Maxamud, Cabdiraxman Cabdi Shakur, Ina Cabdirashid Cali Sharmake, Siciid Deni, Axmed Madobe, iyo Fiqi waxay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ka helaan dalal iyo ururro cadow u ah Soomaaliya. Sidaas oo ay tahay badankooda uma qalman inay dal maamulaan. Tusaale ahaan, markii wax laga waydiiyay Shiikh Shariif oo madaxwayne ahaa markii Ina Cabdi Shakuur saxiixay MoU-dii Kenya lagula heshiiyay inay badda Soomaaliya la wareegto, wuxuu yiri waxba kama ogayn heshiiskaas ee ha la waydiiyo Ina Cabdirashid, iyo Cabdiraxman C. Shakur. Sidee buu Shiikh Shariif rabaa inu mar kale madaxwayne uga noqdo Soomaaliya isagoo dembiga intaa le’eg ka galay dalka iyo dadka Soomaaliya. Waxaan u baahan nahay mucaarad waddani ah, waddankana aan dhiig iyo dembi ka gelin. Xalka Soomaaliya waa in masuuliyiinta talada dalka qabanaysa oo dhan ay doorasho qof-iyo-cod ah ku yimaadaan. Xuquuq simanna ay isku yeeshaan dawaldda dhexe, goballada, iyo degmooyinka dalka oo dhan. W/Q: Axmed Bashir bashir1631@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta markii u horeysay ka hadashay rabashadaha maalmihii udambeeyay ka socday gudaha dalka Itoobiya. Somaliland ayaa sheegtay inay rajo fiican ka qabto in rabshadahaasi ku soo af-meermaan degenaan iyo jawi nabdoon, kuwaasi oo maalmihii udambeeyay ka dhacayey deegaanka Oromada ee Itoobiya. Yaasiin Faratoon, Wasiirka arrimaha dibada Somaliland oo arrinkaasi ka hadlayay, ayaa waxa uu sheegay in rabshadahaaasi saameyn ku yeelan karaan Somaliland, maadama ay xad ahaan jaar yihiin. Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Deganaasho, xasilooni iyo nabadgalyo inay ku dhammaadan rabshadaha socda ayaanu ku rajo weynahay, sababtoo ah Itoobiya waa Wadan aynu jaar nahay, oo aynu xidhiidh dhinacyo badan aynu leenahay”. “Wax walba oo ku yimaadan dabcan saamayn bay inagu yeelanayaan, markaas waxaanu rajaaynaynaa in rabashadaha ka socda Deeganka Oromada inay nabada ku dhammaadan”. Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Waxa aynu filaynaa inay Dawladda Itoobiya ay dadaal dheer u galayso sidii amaanka halkaas u islaaxin lahayd, deganaashana ay ugu soo celin lahayd”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Somaliland can’t wait for recognition to address monopolies
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
SOMALILAND CAN’T WAIT FOR RECOGNITION TO ADDRESS MONOPOLIES By Michael Rubin Somaliland is an unlikely success. Somali dictator Siad Barre’s genocidal wrath destroyed more than 80 percent of Hargeisa, Somaliland’s capital city, and leveled other towns. And yet, despite a lack of formal international recognition or external assistance, it has reconstructed its cities and built a communications infrastructure that rivals any country in Africa if not beyond. Berbera port In contrast, Somalia receives generous assistance from traditional donors like the United States, European Union and World Bank. Between 1991 and 2011, Somalia received more than $50 billion in aid. Excluding humanitarian and security assistance, development aid from the traditional donors alone is considerably is above $1 billion annually. Increasingly—and with less transparency—from Turkey and Qatar. In one day in November 2018 when both the European Union and World Bank approved new aid totaling $250 million for Somalia, intended mainly for budgetary support. New aid in that one day is more than the entire annual budget of Somaliland, which is raised through taxation. The impact of foreign aid on people’s lives in Somalia has been limited, however, due both to corruption and poor absorptive capacity. While a significant portion of donor funds goes directly into government coffers, Somalia has failed to distribute it equitably throughout the country. By sheer necessity, therefore, Somaliland has established a taxation system, which has built capacity and created a more sustainable economy not dependent on continued assistance from the donor community. Somaliland’s economic stewardship is generally good. It spends about two-thirds of its budget on maintain peace and security, given the general volatility in that region, and on governance. The remainder is spent on basic services like health and education. There is little excess available for development. Although the United Kingdom, Norway, Denmark, the Netherlands, and Germany do provide some additional development assistance and have created a Somaliland Development Fund, albeit at $15 million per year, this remains several orders of magnitude below what Somalia receives. While it is easy for Somaliland to compare itself favorably to Somalia, such a comparison should not be reason to stop reform within Somaliland. Somaliland’s businessmen have done well not only in bringing clan leaders to the table for peace talks when the rest of Somalia descended into chaos, but also for their efforts to seek not subsistence, but first world standards. That is certainly the case with Somaliland’s two large cell phone companies, Telesom and Somtel, which maintain not only a cell phone system that competes globally in terms of quality and technology, but also established a financial system to enable a virtually cashless economy for which many developed countries strive. Somaliland’s business climate also increasingly attracts multinational firms. Coca Cola maintains its second-largest African bottling plant in the country. Somalia, despite the privileges that come from international recognition, has been unable to attract significant private investment. While Turkey brags about its investment in Mogadishu’s airport and port, the Emirati investment in the Port of Berbera and Berbera’s airport is more sustainable and, from a commercial standpoint, wise. Berbera already serves a lucrative trade corridor to Ethiopia, and the conversion of its airport to a logistical cargo hub could bring both Emirati investors and Somaliland tens of millions of dollars in profits and fees. As corruption hobbles Djibouti and China leverages its investment to undercut Djibouti’s traditional even playing field, Somaliland could fill the gap in importer-of-record trade. Still, as important as private enterprise has been to Somaliland, a lack of regulation and consolidation of monopoly control can undermine the progress already made. Competition must be the bedrock of free markets. When any company or interest grows too powerful, it can be tempted to shut out upstarts, not with quality of product but rather with control over financial infrastructure. Somaliland still lacks modern banking which can offer loans for small businesses as well as startups at more competitive rates. The absence of completive banking system, especially conventional banks, has been attributed to opposition from religious groups as well as from the locally dominant banks. On one hand, the fact that the conventional banking sector is well-established in almost all Muslim countries would suggest that those countries have found a way to combine the principles of conventional and Islamic banking. On the other hand, should monopolies effectively leverage clerics to shut out a more modern banking sector, it will do harm to longer-term prospects for Somaliland, even if it might be to the short-term economic interest of some major firms. A lack of government regulation and consolidation of the finance sector within just a few companies also puts the entire population’s holding at risk should any business investment among those owning the banks fail. Modern banks must be transparent; privately-owned companies are opaque. Those monopolistic tendencies go beyond the banking sector. While some companies gained their monopoly status through business prowess and provision of much-needed services, their current suppression of competitors undercuts job prospects for Somalilanders. High unemployment among young men has already led to an uptick in crime, although nothing compared to what occurs in Mogadishu. Idle youth also provide openings for outside extremists to try to radicalize disaffected youth. Somaliland is not now in danger, but its success may be tarnished if Somalilanders blame their problems only on the lack of international recognition—something which will likely come sooner rather than later as Somalia falls farther behind and teeters on the brink of chaos. If Somaliland is to take the next step and position itself not only to be Africa’s newest state but also among its more sustainable and prosperous ones, its political and commercial leadership must together address the need for basic regulation on financial services and set a framework for fair competition which encourages greater innovation and broader economic growth. Michael Rubin __________ Michael Rubin is a resident scholar at the American Enterprise Institute in Washington, DC. Qaran News -
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar__Qubanaha-26102019.mp3 View the full article
-
New York (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay dowladda Soomaaliya sii wadista wada-shaqeyn la’aanteeda ku aadan Guddiga Khubarada QM ee Soomaaliya (UN Monitoring Group), taasi oo ay ku qeexday arrin dhibaato leh. Isaga oo Golaha Ammaanka uga warbixinaya xaaladda Soomaaliya, ayaa la-taliyaha siyaasadda ee howl-galka Mareykanka ee QM, Michael Barkin waxa uu sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto inay Soomaaliya ku dhiiri-geliso inay guddigan la shaqeyso, islamarkaana aysan arrintan ka aamusi doonin. “Diidmada dowladda federaalka, ee ah inay la shaqeyso Guddiga Khuburada iyo inay taageerto shaqada guddiga, waa arrin dhibaato leh” ayuu yiri Barkin. Barkin ayaa sheegay in guddigan uu yahay araga iyo dhagaha ku sugan Soomaaliya iyo gobolka ee caalamka ula socda waxa ka dhacaya gudaha dalka. “Iskama indha-tiri doonno, umana ogolaan doono dowladda federaalka ah dadaalka ay waddo ee ay ku curyaamineyso shaqada guddiga khuburada” ayuu yiri Barkin, oo shaaca ka qaada in arrintan ay la qabaan dalalka Britain iyo Germany. Wakiilka dowladda Britain ee QM, Jonathan Guy Allen ayaa sidoo kale muujiyey walaac la mid ah kan Barkin, isaga oo sheegay in wada-shaqeyn la’aanta dowladda Soomaaliya ay tahay mid “aan la aqbali krin.” Dowladda Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inay diiday inay guddiga la shaqeyso, ayada oo rumeysan inaysan dhex-dhexaad ahayn, hase yeeshee dalalka caalamka ayaa rumeysan in dowladda ay diidan tahay in lala xisaabtamo. Guddiga ayaa sanadihii uu jiray soo saaray warbixinno si weyn u dhalleeceeyay dowladda Soomaaliya ee hadda jirta iyo kuwii ka horeeyey, sida fashil amni, musuq-maasuq iyo siyaasad xumo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah odayaasha dhaqanka gobalka Baay ee Koonfur albeed Soomaaliya ayaa sheegay in loo diiday tagitaanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay. Nabadoonkaan oo ka tirsan waxgaradkii ka qaybgalay caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe ayaa loo diiday in uu tago Baydhabo waxaana ka hor istaagay ciidamada booliiska Koonfur Galbeed. Nabadoonkaan oo lagu magacaabo Gama’diid ayaa sheegay in qoyskiisa ay ku nool yihiin Baydhabo islamarkaana ay ciidamada ammaanka ka celiyeen in uu galo magaaladaasi kadib markii diyaaradii uu ka soo raacay Kismaayo ay ka soo dejisay Muqdisho. Sidoo kale nabadoonkaan ayaa sheegay in duulimaadyada Baydhaba aada u sheegeen in lagu wargeliyay in aysan soo qaadi karin nabadoonka oo hadda ku sugan Muqdisho sababtuna loogu sheegay ka qaybgalka caleema-saarkii Axmed Madoobe. Degaanada maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay waxaa ku xiran dad ka badan 15 qof oo loo heesto in ay mucaaradeen dowladda Soomaaliya. Weriyaasha, ururada u dooda xuquuqda hadalka iyo siyaasiinta ayaa maalmihii la soo dhaafay soo bandhigayay qayla dhaan ku aadan in Baydhaba ay ka jirto caburin iyo xadgudubyo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga heer Qaran ee kala qeyb galay Madasha Iskaashiga Afrika iyo Ruushka oo ku qabsoomtay magaalada Sochi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha ayaa intii uu shirku socday waxa uu la wadaagay Hoggaanka dalka Ruushka ee marti-gelinayey Madasha, Madaxda Afrika iyo Maalgashadeyaasha Caalamiga ah ee ka soo qeyb galay guulaha la taaban karo ee Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay iyo qorshayaasha ay muhiimka tahay in walaalaha Qaaradda Afrika ay kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay qeyb xooggan uga noqdaan dadaallada dib-u-kabashada dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa xasuusiyey hoggaamiyeyaasha goob joogga ku ahaa Madasha Sochi muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo isu furfurnaanta maalgashi, maadaama hayaan hor u socod iyo horumar ah ay ku tallaabsadeen inta badan dalalka Qaaradda Afrika, taas oo xoojinaysa isku duubnida iyo in la ixtaraamo dal kasta madax-bannaanidiisa iyo karaamada shucuubta Qaaradda. Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in ay si buuxda u hirgalaan qodobbada iskaashi ee ka soo baxay war-muriyeedka Madasha Dhaqaale ee Sochi, isagoona soo bandhigay sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ugu diyaarsan yihiin ka faaiideysiga fursadaha maalgashi iyo horumarineed ee lagu jaangooyey Madashaas. View the full article
-
Riyadh (Caasimada Online) ― Dowladda Sacuudiga ayaa ku biirtay xiisada adag ee ka dhex aloosan Itoobiya iyo Masar, iyadoona dhinac la noqotay dowladda Itoobiya, sida uu sheegay Mohamed Hafez. Mohamed Hafez, oo ah Injineer khabiir ku ah biyo xireenada, ayaa waxa uu markii u horeysay shaaca ka qaaday in Dowladda Sacuudigu ay gacan weyn ku leedahay dhiska biyo-xireenka ay rabto inay sameyso dowladda Itoobiya. Hafez oo u warameyay wargeyska Al Khaleej, ayaa waxa uu si cad u sheegay in dowladda Sacuudigu ay talaabooyin badan u qaaday sidii ay dhinaca uga qaban laheyd dowladda Masar, isla markaana ay biyo-xireenkaasi uga faa’iideysan laheyd. Injineerka ayaa waxa kale oo uu sheegay in madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Al-Bashiir uu dowladda Riyadh u ansixiyay helitaanka dhul milyan hektar ah oo ku yaala gobolka wabiga Niil. Waxa sidoo kale uu xaqiijiyey in dowladii Suudaan ee uu hogaaminayay madaxweyne Al-Bashiir, inay shirkado Sacuudigu uu leeyahay oo gaar loo leeyahay ay u ansixiyeen dhul dhan Hal milyan oo hektar, kaasi oo ku yaala bariga wabigaasi. Mohamed ayaa waxa kale oo uu bidhaamiyay in dowladda Sacuudigu ay rabto in keyd weyn ka sameysato sanadkii biyo xireenkaasi, kaasi oo si joogta ahna u geyn doonta dhulka Boqortooyada, iyadoo la sii marinayo Suudaan. “Dhulka beeraha ee Sacuudigu si weyn ayey uga faa’iidaysan doonaan dhammaystirka dhismaha biyo-xireenka, iyagoona buuxin doona kaydadkooda” ayuu yiri Mohamed Hafez. Wuxuuna intaas kusii daray “Biyaha ka yimaada dhinaca biyo-xireenka ayaa waxa lagu ridi doonaa sanadka oo dhan keydka, iyadoona si joogto ah loo geyn doonaa dhulka Boqortooyada”. Hadalka Khabiirkani, ayaa waxa uu muujinaya in dowladda Sacuudigu ay dhabarka u jeedisay dowladda Masar oo saaxiib dhow la aheyd, isla markaana ay Itoobiya ku taageerayso dagaal ka dhan ah Masar, haddii laga maarsami waayo. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
