-
Content Count
212,095 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay eedeyn dhawaan uga timid dowladda Jabuuti, taasoo salka ku heysa loollanka ay labada waddan ugu jiraan xubin ka noqoshada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Jabuuti ayaa Isbuucii lasoo dhaafay Kenya ku tilmaantay waddan aan lagu aamini karin nabadgalyada gobolka, iyadoo tusaale usoo qaadatay khilaafka xadka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya. Aadan Barre Ducaale, oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, kana mid ah saraakiisha sar saree e xisbiga talada dalka Kenya haya ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Jabuuti. “Hadalkii kasoo yeeray wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, walaakey Maxamuud, ee uu ku sheegay in Kenya aan lagu aamini karin nabadgalyada gobolka, waa mid nasiib darro ah, waa mid khalad ah, sababtoo ah Kenya ilaa markii ay xornimada qaadatay waxay ahayd waddan ka shaqeeya nabadda iyo xasiloonid”, ayuu yiri Aden Bare Ducaale oo Wareysi siiyay Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da Wuxuu intaasi ku daray in ilaa 40,000 oo ciidamo ay dibedda u dirtay Kenya si ay qeyb uga noqdaan nabad ilaalinta caalamka. “Waxaan ka qeyb galnay dib u heshiisiinta waddamada Suudaanta Koonfureed, Somaaliya, Namibia, Sierra Leone, Liberia ilaa DRC. Waxaan qeyb ka nahay waddamada uu Mareykanka ka midka yahay ee dagaalka kula jira ururrada argagixisada iyo Burcad badeedda”, ayuu yiri Ducaale. Aadan Ducaale: Soomaali baan ahay oo muwaadin ka ah Kenya, mana aqbalayo in Soomaaliya ay qaadato baddeenna Jabuuti oo Sheegtay in Kenya aan lagu aamini karin amaanka gobolka Aadan Ducaale ayaa dhinaca kale sheegay in Kenya ay cod aqlabiyad leh uga guuleysatay Jabuuti markii ay hanashada kursiga Afrika loogu matalayo gobolka ugu tartameen ururka Midowga Afrika gudihiisa, wuxuuna yiri: “Annagu hadda waxaan wadannaa calankii Midowga Afrika, Jabuuti waxaan ku kala baxnay codeyn, waxaan helnay 37 cod iyaguna waxay heleen 13 cod, marka waxaan leenahay walaalkeen Maxamud, oo ah nin wasiir ah oo sharaf leh, in haddii ay Jabuuti wali sii wado Ol’olahaas ay ka dhigto mid diblomaasi ah” Aden Bare oo hadalkiisii sii watay ayaa yiri, “Hadduu leeyahay Kenya nabad galyo ma jirtana, Jabuuti iyo Eretariya ayaa is hor fadhiya dhowr iyo toban sano, miltarigoodana ay isfiirinayaan, Kenyana waa waddanka kaliya ee nabad loo soo doonto qaxootigana marti galisa, waana meesha kaliya ee lagu soo cararo. Marka haddii aad isbarbar dhigto Jabuuti iyo Kenya kee baa lagu aamni karaa amniga gobolka?”. Wasiirka arimaha dibedda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo safiirrada ajnabiga ah ee dalkiisa ku sugan kala hadlayay arinta la xiriirta musharraxnimadooda kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in Jabuuti ay u baahan codadka dalalkaasi. “Jabuuti waxa aay qiyaaseysa inay ku saxan tahay dadaalkeeda ku aaddan kursiga Golaha ammaanka. Waxa aan u bahanahay taageraada dalalkiina ee ku saabsan musharraxnimadeena”, ayuu yiri wasiirka. Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti ayaa kulan la yeeshay safiirrada ka socda waddamada Ajnabiga ah ee ku sugan dalkiisa Wuxuu dhanka kale sheegay in haddii Kenya ay kursigaas hesho ay saameyn ku yeelaneyso muranka kala dhaxeeya Soomaaliya. “Waxa aan qiyaaseyna oo kale inay Kenya dhibaatada khatar ah ku heyso Soomaaliya, xalaada u dhexeysa labaada dalna ay cirka isku sii shareeri karto oo ay faraha ka bixi karto”. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay in Kenya an lagu aamni karin amniga gobolka. “Waxa aan qabaa dal sidaas khatar u ah ma ilaalin karo danaha gobolka iyo qaarada iyo nabada guud, haddii u khilaafka si fogaadana waxa uu saamayn karaa labada dal iyo gobolkaba”. Jabuuti ayaa wali ku adkeysaneysa inay tartanka lasii waddo Kenya marka la isla tago golaha amniga, ayna isku daydo inay ka guuleysato. Xigasho: BBC Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-New York)-War ay si wadajir ah uga soo saareen magaalada New York wadamada Jarmalka, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa lagu sheegay in dowlada Iran ay ka dambeysay weerarkii lagu qaaday ceelasha saliida ee Boqortoyada Sacudi Carabiya. Weerarka oo ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha wadin 14kii bishan ayaa khasaare lagu gaadhsiiyay ceelasha saliida ee Abqaiq iyo Warshad lagu sifeeyo saliida ee Khurais ee Boqortoyada Sacudi Carabiya. “Waa ay noo cadahay annaga in Iran ay mas’uul ka ahayd weerarka,mana jiro marmarsiinyo kale.”ayay saddexda hogaamiye ee wadamada soo saaray bayaankan ay ku sheegeen iyagoo ku sugan xarunta qaramada midoobay ee New York. Sidoo kale wadamadan ayaa ugu baaqay dowlada Iran inay oggolaato in wadahadal ay ka gasho arrimaha Niyukliyerka, barnaamijyada gantaalada iyo ammaanka gobolkaba. Xiisad ka dhalatay duqeyntan ayaa heer sare gaadhay toddobaadkan iyadoo inkabadan kalabadh saliidii laga soo saari jirey Sacudiga Carabiya ay hoos ugu dhacday. Kooxda ka dhisan dalka Yemen ee Xuutiyiinta ayaa sheegtay mas’uuliyada duqeynta balse dowlada Maraykanka ayaa ku eedeysay Iran inay weerarkan ka dambeysay maalin kadib markii uu weerarkan dhacay. Balse Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Javad Zarif ayaa sheegay in haddii ay dowlada Iran duqeyn lahayd ceelasha iyo warshada lagu sifeeyo saliida ay gebi ahaanba baabi’in lahayd. Zarif ayaa sheegay in ayna jirin sabab loo rumeysan waayo in Xuutiyiintu ka dambeeyeen weerarada. Source
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa raalligelin buuxda hadal ka dhan ahaa shacabka iyo maamulka K/Galbeed. Sheekh Shariif ayaa maamulka Koon Galbeed ugu yeeray Bay iyo Bakool, xilli uu shalay shir jaraa’id ku qabanayey gudaha magaalada Muqdisho Dad badan ayaa ka carooday hadalkaasi, gaar ahaan kuwa soo jeeda deegaanada maamulkaasi. “Waxaan rabaa inaan ka cudurdaarto hadal maanta aan si u iri, si kalena laga yaabo in loo qaatay oo ahayd markii aan magacyada maamul goboleedyada tirinayay oo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed aan iri Bay iyo Bakool. Ujeedkeygu wuxuu ahaa Koonfur Galbeed Mahadsanidiin..” ayuu yiri Sheekh Shariif. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/777.mp3 View the full article
-
(SLT- Virginia)-Madaxweynihii hore Puntland Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa soo bandhigay Buug uu ugu magacdarey “A Challenging Transition in Somalia” Caqabadihii Xil-Iskuwareejin ee Soomaaliya. Buggaan ayaa waxuu madaxweynihi Puntland, ka qorey arrimaha siyaasada dalka iyo xaaladihiisii nololeed ee tan iyo markii uu yimid dalka Mareykanka. Qaar ka mid ah jaaliyada Soomaalida ee gobolka Virginia ayaa ka qeyb-galey xafladda daah-furka buuggaan. Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa ayaa ka warramay buuggiisan “A Challenging Transition in Somalia” iyo arrimaha uu kaga hadlayo, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (SMN) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BFS ayaa eedeyn culus u jeediyey Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Jeesow ayaa sheegay in labada Madaxweyne ay qorsheynayaan inay tegaan Kenya, kadibna ay ka galaan Kismaayo, iyadoo halkaasi looga qaadayo diyaarado Helicopter ah. Sidoo kale wuxuu sheegay in taasi haddii ay ku dhaqaaqaan ay dhaaweyso sharafka dowladnimo ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Jees.mp3 View the full article
-
(SLT-New York)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu rajo ka qabo heshiis wadajir ah oo wadamada Pakistan iyo Hindiya ka gaadhaan xaaladda cakiran iyo kala duwanaashada ka taagan gobolka Kashmiir. Raysal wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa hore u sheegay in uu jeclaan lahaa in Trump uu ka qeyb qaato xalinta khilaafka labada dal kadib kulan bishii hore uu kula qaatay aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykanka. Labada hoggaamiye ayaa dhanka kale la filayaa in kulan ay yeeshaan toddobaadkan inta lagu guda jiro shirka hoggaamiyeyaasha dunida ee ka dhacaya magaalada New York. Hindiya ayaa bishii hore cunaqabateyn dhanka socdaalka iyo isgaadhsiinta ah ku soo rogtay gobolka muslimiinta ee Kashmiir, waxaana ka dhashay xaalado dhanka nolosha iyadoo ay u sii dheertahay in ciidanka amniga Delhi ay xidheen boqolaal qof kuwaasi oo qaarkood jidh-dil loo geystay. Source
-
New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi, (Farmaajo) oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka, islamarkaana ka qeyb galay shirka Concodia Summit ayaa la guddoonsiyey billad hoggaan wanaag ah. Sidoo kale waxaa billadan la siiyey Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiye Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki. Saddexda mas’uul ee haatan hoggaamiya Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa billadahan ku muteystay dib u habeynta iyo is dhexgalka bulsho ee ay ka sameeyeen Bariga Afrika. Isbedalladan ayaa soo billowday 2018-kii, iyadoo si weyn looga dareemay guud ahaan Qaaradda Africa. Waxa kale oo uu isbedalkan horseeday soo nooleynta xiriirkii muddada go’naa ee Itoobiya iyo Eritrea, iyadoona Soomaaliya door muuqda ku laheyd dadaalladaasi. Dowladda federaalka ah ee Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa si xoogan u xoojisay xiriirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo hadda door fir-fircoon ku leh dhaq dhaqaaqyada ka jira gobolka iyo guud ahaan dalalka caalamka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Nairobi)-Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay eedeyn dhawaan uga timid dowladda Jabuuti, taasoo salka ku heysa loollanka ay labada waddan ugu jiraan xubin ka noqoshada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Jabuuti ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay Kenya ku tilmaantay waddan aan lagu aamini karin nabadgalyada gobolka, iyadoo tusaale usoo qaadatay khilaafka xadka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya. Aadan Barre Ducaale, oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, kana mid ah saraakiisha sar sare ee xisbiga talada dalka Kenya haya ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii kasoo yeedhay Jabuuti. “Hadalkii kasoo yeedhay wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, walaalkey Maxamuud, ee uu ku sheegay in Kenya aan lagu aamini karin nabadgalyada gobolka, waa mid nasiib darro ah, waa mid khalad ah, sababtoo ah Kenya ilaa markii ay xornimada qaadatay waxay ahayd waddan ka shaqeeya nabadda iyo xasiloonid”, ayuu yidhi Aden Bare Ducaale oo Wareysi siiyay Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da Wuxuu intaasi ku daray in ilaa 40,000 oo ciidamo ay dibedda u dirtay Kenya si ay qeyb uga noqdaan nabad ilaalinta caalamka. “Waxaan ka qeyb galnay dib u heshiisiinta waddamada Suudaanta Koonfureed, Somaaliya, Namibia, Sierra Leone, Liberia ilaa DRC. Waxaan qeyb ka nahay waddamada uu Mareykanka ka midka yahay ee dagaalka kula jira ururrada argagixisada iyo Burcad badeedda”, ayuu yidhi Ducaale. Aadan Ducaale ayaa dhinaca kale sheegay in Kenya ay cod aqlabiyad leh uga guuleysatay Jabuuti markii ay hanashada kursiga Afrika loogu matalayo gobolka ugu tartameen ururka Midowga Afrika gudihiisa, wuxuuna yidhi: “Annagu hadda waxaan wadannaa calankii Midowga Afrika, Jabuuti waxaan ku kala baxnay codeyn, waxaan helnay 37 cod iyaguna waxay heleen 13 cod, marka waxaan leenahay walaalkeen Maxamud, oo ah nin wasiir ah oo sharaf leh, in haddii ay Jabuuti wali sii wado Ol’olahaas ay ka dhigto mid diblomaasi ah” Aden Bare oo hadalkiisii sii watay ayaa yidhi, “Hadduu leeyahay Kenya nabad galyo ma jirtana, Jabuuti iyo Eretariya ayaa is hor fadhiya dhowr iyo toban sanno, millatarigoodana ay is-eegayaan, Kenyana waa waddanka kaliya ee nabad loo soo doonto qaxootigana marti galisa, waana meesha kaliya ee lagu soo cararo. Marka haddii aad isbarbar dhigto Jabuuti iyo Kenya kee baa lagu aamni karaa amniga gobolka?”. Source
-
New York (SMN) – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Estonia Marwo Kersti Kaljulaid iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Ireland Mudane Leo Varadkar iyaga oo ka wada hadlay yagleelidda iskaashi ku dhisan dan-wadaag iyo wax wadaqabsi. Jamhuuriyadda Estonia waxay ku guuleysatay in ay sanadka cusub ku biirto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka taasoo ay Soomaaliya uga baahantahay taageero diblomaasiyadeed iyo mid horumarineed, halka Jamhuuriyadda Ireland ay tahay xubin firfircoon oo ka tirsan Midowga Yurub oo si xoog leh uga qeyb qaata amniga iyo dib u dhiska Soomaaliya. Madaxweynaha oo sidoo kale kulan la qaatay Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika Mudane Akinwumi Adesina ayaa la wadaagay dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto barnaamijka dayn-cafinta iyo kaalinta uu Bankiga Horumarinta Afrika ka qaadan karo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-24092019-as.mp3 View the full article
-
(SLT-Iran)-Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in Markabka Stena Impero, oo laga leeyahay dalka Swedan oo uu ka dul babanayo calanka UK uu hadda ka tagi karo Iiraan kaasi oo laba bilood ka hor ciidanka ilaalada ay ku qabteen gacan biyoodka Hormuz ee biyaha Iiraan. Afhayeenka dowladda Iiraan Aliu Rabiei, ayaa Isniintii shalay sheegay in sharuudaha dhanka sharciga ee lagu sii deynayay markabkaan la gaadhay hadda laga bilaabana uu xor u yahay in uu Shiraacdo. Illaa iyo hadda ma cadda xiliga rasmiga ah ee uu Markabka Stena Impero ka tagi doono Iiraan, balse waxaa soo dhaweeyay xoghayaha fulinta ee shirkada Stena Bulk MrHerik Hannel. Ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan ayaa 19-kii bishii July ka qabtay markabkaan iyo 19 shaqaale ah oo saarnaa badda waxaana ay ku eedeeyeen in uu ku soo xadgudbay biyaha Dalkaasi. Sii deynta markabkaan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan ay marba marka ka sii danbeysa ay kor u sii kaceyso. Source
-
Boeing to pay 737 MAX crash victims' families $144,500 each
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
WASHINGTON (Reuters) - Boeing Co (BA.N) will pay the families of 346 people killed in two fatal 737 MAX crashes $144,500 each from a $50 million financial assistance fund announced in July, the fund’s administrators said on Monday. Source: Hiiraan Online -
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa magacaabay agaasimaha cusub ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka maamulkaasi, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Deni ayaa xilkan u magacaabay, Mukhtaar Maxamed Xasan (Jeyte) oo horay u ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada ee maamulkaasi. Wareegtada oo ku taariikheysneyd 23-kii bishan oo shalay ku beegneyd ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu markii uu arkay aqoontiisa iyo khibradiisa shaqo uu Jeyte uu magacaabay xilkaasi. Sidoo kale saraakiisha hay’adaha ammaanka ayaa la faray in ay la shaqeeyaan taliyaha cusub ee nabad sugida iyo sirdoonka maamulka Puntland. Halkan hoose ka aqriso: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 93 September, 23, 2019 ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland. Madaxweynaha Maamulka Puntland Markuu arkay: Datuurka Puntland Markuu arkay: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo Wuxuu xeeriyey: 1.Waxaa Mukhtaar Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Haddii aadan ahayn qof maskaxda xor ka ah, oo awooda inuu wax cabiro kadibna go’aan gaaro, ase aad tahay qof wixii loo sheega un iska aamino, fadlan qormadan hasii aqrin, waayo waxba kuu tari mayso, waxaan la hadlayaa dadka xoriyadda buuxda ka haysta maskaxda. Imisa dhacdo oo kale ayaan u baahannahay si aan u baranno qofka rasmiga ah ee Farmaajo uu yahay? Farmaajo waxa uu na siiyey tusaale iyo fursad kasta oo aan ku ogaan karno wejigiisa dhabta ah iyo inuu waddankan halis ku yahay. Waxa uu sameeyey wax aan madaxweyne Soomaaliyeed weligiis ku fakarin, waxaase yaab leh in weli dadka qaar ay taageersan yihiin. Bah-dilkii iyo dhacdadii foosha xumeyd ee uu shalay kula kacay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxa ay ahayd gef weyn, oo ay tahay inuu xilka ku waayo. Wuxuu xoriyaddii socdaal ka qaaday madaxweyne Soomaaliyeed, oo dalkan usoo qabtay wax xitaa 10% ka mid ah uusan isaga u qaban. Farmaajo kuma xadgudbin oo kaliya madaxweyne Soomaaliyeed oo ixtiraam iyo sharaf mudan, wuxuuse karaamada ka qaaday kuna abaal dhacay ninkii soo gacan qabtay, siyaasadda kusoo daray, isaga oo aan cidna aqoon Soomaaliya keenay ee xil u dhiibay. Ka sokow Allah, ninkii horseeday kursiga uu maanta ku fadhiyo. Haddaan Farmaajo ugu qiil dayi lahayn in gefkii shalay uu ahaa “mid qura” ama wax uusan isaga wax ka ogeyn waxaa taas u diidaya xadgudubyadii hore ee tirada badnaa, oo ay ugu dambeysay xayiraaddii socdaal ee uu saaray shacabka Jubaland. Farmaajo isaga oo doonaya inuu awood u sheegto Jubaland, si la mid ah HirShabelle iyo Galmudug ayuu xayiraad socdaal saaray Kismaayo. Ma rabo inaan difaaco Axmed Madoobe, balse yaa xayiraaddaas ay saaran tahay? Axmed Madoobe xilliga uu doonayo ayuu u duuli karaa Nairobi, balse dadka dhibban ee go’aanka Farmaajo uu ciqaabayo waa shacabka. Taas kasii hor, Farmaajo waxaa ku maqan nolosha 17 qof oo shacab Soomaaliyeed ah oo amarkiisa loogu xasuuqay magaalada Baydhaba, iyo dhaawaca ku dhowaad 30 kale. Isaga oo awood sheeganaya, islamarkaana doonaya in qof isaga ka amar qaata madaxweyne looga dhigo Koonfur Galbeed ayaa si bareer ah amarkiisa loogu dilay shacabkii doonayey inay doortaan qofka ay rabaan. Taas kasii hor, Farmaajo waxa uu noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed ee muwaadin Soomaaliyeed u gacan geliya cadow arxan-darran, kadib markii uu Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax u gacan geliyey Itoobiya, oo uu baxsad ka ahaa, waxa lagu haystayna ay ahayd kaliya u dirirka gobannimada gobollada Soomaali Galbeed ee Itoobiyaanka ay haystaan. Taas kasii hor, Farmaajo waxa uu amray in la weeraro oo lasoo xiro siyaasi ka aragti duwan, kadib markii ciidankiisa ay gurigiisa ku beegsadeen Cabdiraxmaan Cabdishakuur, halkaas oo ay dhowr wiil oo ilaaladiisa ka mid ahaa ku dileen, isagiina kasoo xireen. Waxa uu sidaas u sameeyey kaliya in Cabdiraxmaan Cabdishakuur muujiyey aragti uusan Farmaajo jecleysan. Dhacdooyinka aan soo xusay waa qaar ka mid ah kaliya tobanaan xadgudub oo Farmaajo uu sameeyey, waase ka badan yihiin intaas. Laba sano iyo bar oo uu xukunka hayo Farmaajo, waxaa sii ballaaranaya awooddii Al-Shabaab, oo gaartay heer ay Muqdisho sida dowlad oo kale canshuurta uga qaadaan. Waxaa batay qaraxyadii iyo dilalkii ay fulin jireen. Shacabkii Xamar waxaa laga xiray waddo kasta oo nolosha ayaa lagu ciqaabay. Ciidamadii dowladda ayaa Shabeellooyinka wxaaa ku ugaarsanaya Al-Shabaab. Jidkii Muqdisho iyo Jowhar ee markiii uu xilka qabtay baabuur lagu safri jiray, waxaa hadda xirtay Al-Shabaab oo maalin kasta ku laaya mas’uuliyiinta iyo shacabka. Maalinkii Farmaajo la doortay waxaa kursiga ku wareejiyey laba madaxweyne oo kasoo jeeda Muqdisho, oo lahaa awood ciidan, mid shacab, iyo mid dhaqaale oo ay xukunka xoog ugu haysan kareen, waxayse kurisga uga kaceen in ilaaliyo sharciga iyo dastuurka dalka, si ay dhabbe cusub oo dimoqraadi ah ay ugu jeexaan dalka. Farmaajo kursi uu wareejiyo iska daa’e, xitaa wuxuu uu xamili la’yahay aragti isaga kasoo horjeeda, mana muuqato inuu kursigan si sharci ah uga kici doono haddii laga adkaado, inta ka horreysanay inuu Soomaaliya dib u celiyo mooyee lagama sugayo inuu hore u dhaqaajiyo. Farmaajo waa halis u baahan in si deg deg ah looga bad-baadiyo Soomaaliya. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
JERUSALEM (Reuters) - Prime Minister Benjamin Netanyahu and his rival Benny Gantz launched negotiations on Monday over a proposed Israeli unity government and a key politician said the focus was on who would lead it first under a rotation deal. Source: Hiiraan Online
-
Labo ruux ayaa ku dhaawacantay xabado uu riday xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanaaka dalka Haiti ee qaaradda Ameerika kadib markii ay dibedbaxayaal mucaarad ah ay soo buux-dhaafiyeen xarunta baarlamaanka dalkaasi ee magaalada Port-au-Prince. Xildhibaankan oo lagu magacaabo Jean Marie Ralph Féthière ayaa rasaasta uu riday waxaa ku dhaawacmay nin wariye ah iyo ruux kale, kuwaas oo la sheegay in dhaawacyadoodu ay fudud yihiin. Rasaasta uu riday xildhibaanka ayaa ka dambeysay kadib markii tiro dibadbaxayaal ah oo diidanaa guusha iyo ku dhawaaqista ra`iisal wasaaraha cusub ee dalkaasi ritz William Michel, waxaana xildhibaankani uu bannaanka baarlamaanka kula kowsaday dibadbaxayaasha oo uu uga cabsaday nafsaddiisa. Dalka Haiti oo ku yaal qaaradda Ameerika ayaa ka mid ah waddamada ugu saboolsan caalamka. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarkii shalay subax ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada Militariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Saliini oo hoos taga degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose. Xlidhibaanka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in madaxda dowladdu aysan wali ka hadlin weerarkii jabka intaas la’eg loogu geystay ciidanka qaranka oo sida uu sheegay lagu dayacay furimaha dagaalka. Maxamed Idiriis ayaa sheegay in wax laga wal-walo ay tahay in gaadiid iyo hub intaas la’eg oo ay ku boofsantahay astaantii ciidanka qaranka uu gacanta u galo dagaalamayaasha Al-Shabaab, taas oo fududeyn karta sida uu sheegay in ay weerarro kale uga geystaan meelaha kale ee dowladdu ay ku xooggantahay sida magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa waabirigii hore ee shalay weerar ku qaaday saldhigga deegaanka Ceel-Saliini, xilligaas oo sida la sheegay aysan foojigneyn ciidamadii ku sugnaa saldhiga. Al-Shabaab ayaa soo bandhigay sawirada weerarkii shalay ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Ceel Saliini oo u dhaxeeya Marka iyo Afgooye, halkaasoo uu ka dhacay dagaal xooggan. Weerarka ayaa ahaa mid ku bilowday gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu furtay afaafka hore ee xerada, waxaana wixii ka dambeeyay xilligaas dhacay dagaal fool ka fool ahaa oo dagaalamayaasha Al-Shabaab dhowr jiho ay kaga qaadeen xerada. Gaadiid dagaal iyo saanad hub ah ayay ku soo bandhigeen baraha Internet-ka ee taageera, kaasoo ay kula wareegeen dagaalkii shalay. Arrintan ayaa jawaab u aheyd war shalay ka soo baxay Saraakiisha ciidamada dowladda oo ahaa in dagaalkii shalay ay iska caabiyeen Al-Shabaab. Hase ahaatee warar madax bannaan ayaa sheegaya in dagaalkii shalay Al-Shabaab ku qaadeen xeradaas ay ku dileen tiro ka tirsan ciidanka dowladda, kulana wareegeen gaadiid dhowr ah oo iyo saanad ciidan. Halkaan hoose ka dhageyso Codka Xildhibanka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/Cod-Xildhibaan-Maxamed-Xasan-Idiris.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Doha (Caasimada Online) – Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ka faalooda colaadaha iyo nabadda geeska Afrika Afyare Cabdi Cilmi ayaa ka hadlay sida dowladda Federalka u adeegsato hay’adaha dowladda. Professor Afyare oo ka hadlayay xayiraadii xukuumadda Soomaaliya ay saartay diyaarad shalay ka qaadi laheyd garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmad oo ku wajahnaa magaalada Kismaayo ayaa waxa uu tusaale u soo qaatay tuduc kamid ah gabay uu tiriyay Abwaan Hadraawi oo ahaa “Wax aan degdeg jeer ku laqay- maxay shishe ii damqeen” Afyari ayaa ka digay in si khaldan loo adeegsado hay’adaha dowladda iyadoo la iska indho-tiraya Dastuurka Dalka, waxaana uu xusay in Siyaasad lagu wadi waayey dood iyo dulqaad aan lagu wadi karin jujuub iyo digdig QoraalkaProfessor Afyare ayaa sidan u qornaa: Hadraawi baa yiri, “Wax aan degdeg jeer ku laqay: maxay shishe ii damqeen.” Haddii si qaldan oo siyaasadeysan loo adeegsado hey’adaha dowladda waxaa ku burburaya nidaamka iyo dowladnimada daciifka ah. Siyaasad lagu wadi waayey dood iyo dulqaad, laguma wadi karo jujuub iyo digdig. By: Abdiaziz Loyal Mogadishu, Somalia
-
SHAQO DADKII QABANAYEY AAN LA WANAAJIN OO AAN LA DARYEELIN SIDEE AYNU UGA DOONAA WANAAG IYO HORUMAR ? !!! Waan kala midaysanahay Mohamed Jama Abgaal in aan qofku xil dawladeed oo aan mushahar ku filan noloshiisa oo xalaal ah lahayn aanu isku qaban , waa runtii oo qofkii damiir leh ee cidhib xumo aduun iyo cadaab aakhiro ka baqayaa isugu dhowaan maayo , aniguna hore ayaan uga cudur daartayba arimahaa… Hadaba dadka masuuliyadaha iyo shaqaalaha qaranka ahi waa laba qaybood oo qaybi waa masaakiin dulmanayaal ah oo shaqada ay qabtaan qaranku ku taagan yahay , saacadaha ay shaqeeyaan tahay saacado iyo wax ka baxsan nidaamka aduunka isla markaana xuquuqda aadamahaba xadgudub ku ah , waana dadka ugu dhaqaaalaha yar ee aad moodo in loogu talogalay adoonsi iyada oo lagaga faaiideysanayo baahida iyo shaqo la’aanta dalka taalla , sidaa ay umada ugu raran yihiin ayey ku dhintaan , ku laxaad beelaan , ku gaboobaan oo lagaga maarmaa !!! Qolada labaadna waa in aan waxba u aabo yeelin oo daliiga iyo daldalaada xoolaha umada u badheedhay isla markaana xataa qortay dad ku ilaaliya shaqooyinka ay joogaan oo suuqyada ka difaaca iyo qaar kale oo waxaa umadda ee la laba gacmoodinayo lagu biiliyo oo iyaga u shaqeeya , dadka qaar waxa ay u yaqaanaan fariido ka faaiideystay maalmihii ay fursada haysteen laakiin anigu waxa aan u aqaanaa falaago aan xataa u soo faraxalan xoolaha umada . Waxa aan marwalba sheegaa oo aan meelkasta ka sheegaa in aan dalkeenu hagaagayn ilaa dadka adeegyada dadweynaha hayaa ay helaan wax ku filan oo ay quutaan , daryeel caafimaad , waxbarasho , Nal , Biyo , Hoy iyo xaqsiin ay helaan , daacadnimada iyo shaqo wanaaga oo derejo sare loogu dalacsiiyo , wakhtiga ay shaqeynayeen iyo waayo aragnimadooda oo wax u goysa iyo waxii wanaagsan ee dhiirigalin u noqonaysaba loo sameeyo. Shaqaalaha dawlada iyo ciidamada oo kali ahi ma qabaan duruufahan ee xataa waxa qaba dadka shaqaalaha u shaqeeya ganacsatada iyo meelo kale oo badan marka laga reebo hay’adaha caalamiga ah intooda badan oo iyagu ku shaqeeya nidaamka shaqo iyo shaqaale ee la isla yaqaano aduunka , markaa shaqo qofkii qabanayey aan la wanaajin shaqo wanaagsan dhali mayso. Halganada dalkani loo soo galay way badan yihiin dad baa 28 kaa sanadood ee qarankani dib ula soo noqday dawladnimada u rarnaa oo duruufo adag u soo dhabar adaygay dadkooda iyo dalkoodana dalcado adag kala soo baxay , dad baa u soo dagaalamay oo u dhintay oo u laxaad beelay , qaar baa maanta furimaha iyo dhaxamaha u taagan , qaar baa tabaruc iyo wax aan dhaamin ugu shaqeeya , markaa hadii aan la is abaal marin oo aan la is daryeelin intii la awoodo dal ahaan iyo dawlad ahaan ma jirto meel aynu gaadhaynaa oo taasi waa xaqiiq , markaa waxa haboon oo dalkani u baahi qabaa shuruucdii shaqaalaha guud ahaan , ciidamada , iwm ilaalinaysay ee daryeelaysay , ee derajaynaysay in waxwalba laga horeysiiyo si shaqada iyo qofkuba qiimo u yeeshaan. Dadka dawlada u shaqeeya waxa bahda lagaga saaray oo lagu adoonsaday in aanay xaqooga ka hadli karin ax odhan karin oo waxaa loo isticmaalaa odhaaho iyo hab dhaqan dawladihii kalitaliska laga dhaxlay oo ah hadii aad xaqaaga ka hadasho waa sir qaran oo waa wax yeello , shaqadaa lagaa eryi iyo waxyaabo noocaas , horta wax ay tahayba mooyaane dadku marka ay dawlada u shaqo tagaanba way bahdilmaan , markaa dadka qaranka u shaqeeya dulmi iyo cadaalad daro weyn ayaa haysata , marka taa la hagaajiyo ayuu dalku hagaagayaa , dadkani 70% ka mid ahi waxa ay ka mid yihiin danyarta duruufuhu la hadheen ee xaqoogu aasan yahay ( Somaliland ta qarsoon ). Soo qodida Somalilandta qarsoon iyo Xuquuqaha aasan Mohamed Abdi Jama Facebook: Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com @dhimbiil :twitter Image Qaran News
-
Magacaan yaa si cilmiyeysan u fasiri kara oo ku soo dara waxa dadka la xun oo ay ka fogaadaan. Haddii musuq-maasuq yahay laaluush la qaato ama hantida dowladda oo la xalaashado waxaa lagu macneyn karaa inuu yahay dembi u baahan in laga hortago…laakin haddii uu yahay mucaawano la siiyay dalka ama dadka qaarkood iyadoo lagu taakuleynayo, qofki xadaa ama xoogaa ka reebta tuug ma mahan musuqna kuma jiryo, waana tabta ay ku dhaqmaan wsaaradaha dalka ka jira badankooda. Wasaarad kasta waxaa jooga SEDDAX WASIIR OO LAGA YAABO INUUSAN MIDKOODNA SHEEGI KARIN SHAQADA LOO IGMADAY ( job description)..Wasiirada qaarkood waxay dhisteen seddax qasri oo seddax magaalo ku kala yaalla, maalintii uu dalka ku soo laabtay hanti badan ma heysan, qaarkoodna waxba ma heysan. Maantana, cidina ma weydiin weligii meeshow ka keenay hantidaas faraha badan!!! Musuqa midki ugu xaumaa uguna khatarsanaa ayaa hadda ka hanaqaaday Xamar kaddib markii askarti joogtay kontoroolada lagu baaro baabuurta ay ka abuurteen ilo dhaqaale iyagoo ka qaata shufeerada gaadiidka dadweynaha lacag baad ah, qofkii diidana ay dilayaan waana daanyeer dhintay oon qofna loo heysan…lama haayo weli askari maxkamad loo soo taagay shufeer uu gardarro ku dilay oo la xakumay ama masu’uul ka hadlay arrintaan..waa nasiib bdarro jirta. Waxaa mudan in la xuso in dowladda ay u soo jeesatay inay xadeyso ama la dagaasho musuqa iyadoo adegsaneysa hindise-harciyeed loogu tala galay la dagaalanka musuqa oo naqday qayb aad u weyn ee ka mida nolosha bulshada. Qoraalkan waxaa lagala soo bixi karaa in Somalida markaad qiyaasto hab-dhaqankooda in wax ka xaaraan ah aysan jirin oo qof waliba u soo qalab qaatay siduu hanti ku heli lahaa. Caqliyadaanu iyo dareenkaanu wuxuu hirgalay ama nagu dhashay qaxii kaddib. Taas waxaa markhaati u ah in ummadaan aysan weligeed ku fikirin inay noqdaan ”materialist minded” oo waxaan ku soo barbaarnay bulsho ku qanacsan waxa ay heysato, wixi ka maqanna ay ku raadsato waddo sax ah..Markaad dhegeysato khubadaha M/weynaha iyo Wasiirada waxaa kuu soo baxaaya in musuqa uu yahay qayb ka mida nolosha caadiga ee qofka Somaliga ah una diyaara inuu adeegsado farsamo kasta ee uu ku gaaro hadafkiisa kuna heli karo waxa ka maqan. Marka la macneeyo musuqa waxaa kuu soo baxaya in Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ay ku dhaqmaan musuqa kan ugu khatarsan oo ah inay jago u magacaaban qof laga yaabo inuusan awood uu ku fuliyo howlaha looga baahan yahay uusan lahayn, laakin booska uu fadhiyo ay qayb ahaan u heleen jufadiisa, wixi uu doonana uu sameyn karo waayoo meesha uu fadhiyo iyagaa iska leh oo cidina ma weydiin karto waxa uu qabto. Waxaan soo xasuustay waagii aan yareyn ay dhici jirtay in tuug xado dhar meel ku weran oo qoys leeyahay..kaddib marki la arkana la bursado iyadoo lagu qeylihaayo TUUGA QABTA..dadki xaafadana ay daba ordayaan…aakhirki tuugi laftiisi oo luuq meesha ku yaal ku dhuuntay ayaa soo baxaaya oo dadki ku dhex milmaaya isago ku qeylihaya asagana TUUGA QABTA!!! Waa meesha ay maanta arrinteenu mareyso. BAL U FIIRSO QOF MASU’UUL AH OO MEESHI AY MUDNEYD JOOGTA MA JIRTO, KII U MAGACAABAYNA WUXUU KU JIRAA MUSUQ MIDKII UGU XUMAA..HADDABA, SIDEE LOO CIRIB TIRI KARAA AAFO GAARTAY HEERKAAS? Qof waliba ha isku dayo inuu macneeyo MUSUQA. Wixii aan khaldayna ka raalli ahaada. W/Q: Axmad Calasow AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid