-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Alpha Group lagula eegtay duleedka magaalada Muqdisho. Qarax oo aha nooca miinada ayaa ciidamadan oo watay gaari Cabdi Bile ah ah lagula eegtay deegaanka Jasiira, sida au Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wararka auaa sheegaya in ciidamada la qarixyey ay ka soo ambabaxeen deegaanka Lambar Konton ee gobolka Shabeelaha Hoose, kuna soo jeedeen Muqdisho. Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, sida ay ku baahisay baraheeda Internet-ka. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxaasi lagu dilay illaa shan askari oo ay ku jiraan saraakiil ciidan, sida ay hadalka u dhigtay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda oo la xariira qaraxaasi miino. View the full article
-
By: Abdi Sheikh The Somali government is keeping some donor funds offshore and none of the ministries have completed last year’s accounts, the auditor general said in a report published on Wednesday. The critical audit comes as World Bank considers forgiving Somalia’s debt burden of $4.6 billion to help the government win greater access to international financing to tackle nearly three decades of lawlessness and violence. The report said $18 million from the European Union, Saudi Arabia and the United Nations did not pass through the treasury’s account at the central bank. Some of the money was kept in offshore accounts with weaker controls. Turkey gave Somalia $20 million in cash, but there was no independent audit trail for it, the report said. “There is a risk that external assistance from Turkey was not banked intact in the Treasury single account in a timely manner,” it read. The police and military – in the frontline of the fight against an al Qaeda-linked al Shabaab insurgency – still have no system to account for vehicles, weapons, and uniforms, according to a more detailed audit of the security sector, also published on Wednesday. Some food provided to soldiers through a government contract had expired and it was still unclear how many soldiers are actually in the army, that audit said, flagging a long-running problem donors have tried to address with a biometric database. Some donors pay monthly stipends to troops listed in their database because the soldiers’ government paychecks often do not arrive. The Somali government, which has no database of its own, also continues to say it has more soldiers than the donors have documented. About 99% of soldiers are paid in cash, the report found. “The lack of a computerized database increases the risk of “ghost personnel” being included in the payroll,” the audit noted. Jarat Chopra, a former World Bank official who worked on Somalia, said the audit showed that Somali financial systems remained weak despite pressure on donors to funnel more money through the government budget. “On-budget support by itself as a means to improve accountability doesn’t work,” he said. “Just because you put money through systems doesn’t mean you improve those systems.” The finance minister did not immediately respond to requests for comment. Source: Reuters
-
A delegation led by the majority leader of Kenyan parliament, Aden Bare Duale has arrived in Kismayo, the administrative capital of Jubbaland state of Somalia on Saturday. Members of parliament from Kenyan-Somalis mainly from the North Eastern are part of the officials from a neighboring state who accompanied Aden Duale. Mr. Duale and his delegation were welcomed by the Jubbaland regional leader, Ahmed Mohamed Islam upon arrival at Sayyid Mohamed Abdulle Hassan International Airport in Kismayo. During their stay, they will take part in the inauguration ceremony of the state President whose election results were rejected by the Federal government of Somalia. The plane transiting the officials landed in Kismayo direct from Kenyan capital without stopover at Aden Abdulle International airport in Mogadishu as per the requirement of the Somali civil aviation authority directive issued to airlines on Friday. Somali government filed a complaint against Nairobi last week with an international civil aviation organization (ICAO) following a violation of its airspace by a Kenyan register Fokker aircraft that breached civil aviation rules. The diplomatic relations between the Mogadishu and Nairobi is not good shape over the maritime dispute that is currently at ICJ since 2014. Attempts by Kenya to convince Somalia to settle the case out of court was not successful. View the full article
-
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale iyo wafdi uu horkacayey ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose. Wafdigan oo watay diyaarad qaas ah ayaa ka soo duulay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta, iyaga oo si toos ah uga dagay garoonka Kismaayo, xilli markale dowladda Somalia ay xalay xayiraaraad ku soo rogtay duulimaadyada tooska ah ee magaaladaasi. Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland ayaa xubnaha ka socda Kenya ku soo dhoweeyey halkaasi, iyaga oo ka qeyb galaya caleema saarkiisa oo haatan socota. Waa markii labaad oo ay Kenya jabineyso xayiraada ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya saartay hawada Kismaayo, iyadoona horay dowladdu ugu dacweysay hay’adda ICAO ee QM, kadib markii diyaarad siday Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ka soo duushay Nairobi ay ka dagtay Kismaayo. Dhinaca kale, xildhibaan Maxamed Cumar (Dalxa) oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa eedeyn culus u jeediyey Kenya. Xildhibaanka oo wareysi gaar ah siiyey Shabellle ayaa sheegay in Kenya ay si gar darro ah ugu soo xadgubudtay hawada iyo badda Soomaaliya. Waxa kale uu sheegay Xildhibaanku, haddii ay Soomaaliya lahaan laheyd cududii Milatari ee xilligii bariisamaadka aysan ku soo xadgubi laheyn Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn Xildhibaan Maxamed Cumar (Dalxa) ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Kenya ay isku qaldeyso xisbiga tallada dalkaasi haya ee Jubbalii iyo Jubbaland, islamarkaana waxa ay doonto ka sameysaneyso gudaha magaalada Kismaayo. Soomaaliya iyo Kenya oo markii hore isku hayey arrinta Badda ee dacwadeedu taallo Maxkamadda ICJ, ayaa waxaa hadda xiisada sare u sii qaaday caleema saarka, Axmed Madoobe oo ay horay dowladdu u qaadacday doorashadii dib loogu doortay. View the full article
-
The United States Agency for International Development (USAID) announced on Friday nearly $50 million in education funding in Somalia. In a statement, the U.S. embassy in the Somali capital of Mogadishu said the five-year program “aims to increase access to quality education and support accelerated learning for out-of-school children and youth who have been persistently left behind.” Dubbed “Bar Ama Baro”, or Teach or Learn, the program brings funding for Somali education by USAID to $65 million. “USAID is currently supporting a $10 million project implemented by UNICEF and a $5 million contribution to the Girls’ Education Challenge program managed by the United Kingdom’s Department for International Development,” the statement added. Somalia welcomed the announcement, saying: “More goodies & goodwill when governance is well driven.” Norway helps Somalia clear external debt Norway also stepped in to help Mogadishu clear its external debt by promising to provide Somalia 3.135 billion Norwegian Krones (roughly $329 million) in form of a bridging loan. “#Somalia is an important partner country for #Norway. Debt relief is essential if Somalia is to continue its stabilization & reform efforts. This is why Norway will provide a bridging loan of NOK 3,135 billion,” the country’s embassy to Somalia said on Twitter. Norwegian Minister of Foreign Affairs Ine Eriksen Soreide said the loan would be an important contribution to promoting reform and stabilization in Somalia. A third of Somalia’s debt is owed to the multilateral development banks including the World Bank and African Development Bank as well as the International Monetary Fund (IMF). View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Maamulka Ahlu Sunna ayaa si cad uga hor imaaday Guddiga Farsamada ee Doorashada Galmudug ee dhawaan ay ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya. Waraaq kasoo baxday Xafiiska Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir ayaa lagu sheegay in magacaabista guddigaan ay baalmarsan tahay Dasuurka Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan qodobada 120 iyo 121, iyo midka Maamulka Galmudug gaar ahaan qodobkiisa 29-aad faraqiisa 4-aad kuwaas oo si cad u sheegayo in Galmudug ay xaq u leedahay ka tashiga aayaheeda iyo dhismaha maamulkeeda. Sidoo kale Shiikh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in magacaabista guddigaan ay baalmarsan tahay heshiiskii dhex maray Ahlu Sunna iyo Dowladda Soomaaliya 03/07/2019. Ugu dambeyntii Shiikh Maxamed Shaakir ayaa ka codsaday Dowladda Soomaaliya inaysan sabab u noqon qalalaase Siyaasadeed iyo inay mar kale Galmudug burburto. Hadalka kasoo baxay Ahlu Sunna ayaa kusoo aadayo xilli qaar ka tirsan Musharixiinta Galmudug ay ka hor imaadeen guddigii ay magacowday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyagoo sheegay inuu baalmarsan yahay Dastuurka Dalka u yaalo. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Ahlu Sunna
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-12102019.mp3 View the full article
-
Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo has congratulated Ethiopian Prime Minister, Abiy Ahmed Ali for winning the prestigious Nobel Peace Prize on Friday. “I sincerely congratulate Ethiopian Prime Minister, Abiy Ahmed on his Nobel Peace Prize success this year. “President Farmajo said in his twitter account. The head of state who in Addis Ababa for IGAD meeting added that Ethiopian leader deserves the award and has enjoyed working with him on strengthening horn of Africa regional issues. “He is a deserving winner and I have enjoyed working with him on strengthening regional cooperation, congratulations PM Abiy.” The Norwegian Nobel Committee has decided to award the Nobel Peace Prize for 2019 to Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed Ali for his peace efforts to broker an audacious peace deal with neighboring Eritrea over a border dispute. The conflict between the two raged for two decades after erupting in the late 1990s. Abiy beat out competition from hundreds of nominees for the 100th Peace Prize, including 16-year-old activist Greta Thunberg and New Zealand’s leader Jacinda Ardern. Somali peace activist, Ilwad Elman was among other nominees for the annual prestigious award. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa lagu faah faahiyey qarax ciidamo ka tirsan kuwa Alpha Group lagula beegsaday deegaanka Jasiira ee duleedka magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa Al-Shabaab ay sheegatay in ay la bartilmaameedsatay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidamadaasi oo ka soo ambabaxay deegaanka Lambar Konton, kuna soo jeeday gudaha Muqdisho. Sida ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab waxaa qaraxaasi ku dhintay illaa shan askari oo ay ku jiraan saraakiil, sida ay hadalka u dhigtay. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa magacyada saraakiisha ku dhintay qaraxaasi ku kala sheegtay 1-Faarax Caato, 2-Daahir Cabdulle iyo 3-Sharmaarke. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan khasaara ka dhashay qaraxaasi. Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah oo u badan qaraxyo miino la beegsata ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha Hoose Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Xubno ka tirsan hoggaanka dhaqanka, siyaasiyiinta iyo ganacsatada gobolka Bari oo shir ku yeeshay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi, ayaa sheegay in ay si adag uga soo horjeedan hannaanka xukuumadda Puntland ee haatan jirta ay u wajahayso arrimaha qaar Odayaasha iyo waxgaradka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay curyaamin ku hayso ilaha dhaqaale ee gobolka Bari, islamarkaana ay cadaadis iyo cabburin saartay bulshada ku dhaqan gobolkaasi, gaar ahaanna magaalada Boosaaso, si aysan cabashadooda u soo bandhigin. Waxay xukuumadda ku eedeeyeen in ay kaabayaashii dhaqaalaha magaalada Boosaaso sida, dekeddii iyo garoonkii ay gacanta u gelisay shirkado shisheeye, kuwaasi oo aan wax shaqo ah ka qaban, balse doonaya in ay curyaamiyaan, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale, waxay ka hadleen arrimo kale oo la xiriira guud ahaan xaaladda Puntland iyo siyaasadda xukuumadda madaxweyne Deni ee ku wajahan dowladda Federaalka iyo dalalka debadda. Haddaba, Muuse Cali Jaamac oo kamid ahaa odayaashii shirka qabtay, ayaa warbaahinta Puntland Post uga warramay nuxurka bayaan ay ka soo saareen shirkaasi. Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Odayaasha gobolka Bari oo eedaymo kulul u jeediyay xukuumadda Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Qaar kamid ah murashixiinta u taagan xilka madaxtinimada Galmudug ayaa sharci darro iyo ku tumasho dastuur ku tilmaamay hannaankii loo maray magacaabidda guddiga farsamo ee maamul dhisida Galmudug. Warsaxaafaded kasoo baxay murashixiinta ayaa lagu sheegay in dadka ku jira guddigaan ay yihiin shaqaale dowladdeed oo ka howlgala xafiisyada madaxweynaha, raysal wasaaraha iyo wasaaraddaha. Murashixiintu waxay ku baaqeen in dib loogu laabto magacaabidda guddigaan islamarkaana laga dhigo guddi madax bannaan oo aan katirsanayn xafiisyada dowladda. Halkaan hoose ka akhriso. The post Murashixiinta madaxtinimada Galmudug oo kasoo horjeestay guddiga dhismaha Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online ) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) iyo siyaasiga Kamaal Daahir Xasan (Guutaale) oo ka mid ah Musharraxiinta sanadkan u taagan hoggaanka Galmudug ayaa si weyn uga horyimid guddiga farsamada maamulkaasi oo ay dhowaan magacowday wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Labada Musharrax oo si wadajir u soo saaray war qoraal ah ayaa sheegay in hanaanka loo maray guddigaasi uu hareer marsanyahay Dastuurka Galmudug iyo shuruucda dalka. Sidoo kale waxa ay sheegeen in xubnaha kala bar ay ka tirsan yihiin shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Odowaa iyo Guutaale ayaa sidoo kalee qoraalkooda ku sheegay in xubnaha qaar ay la shaqeynayeen Musharrax Qoor Qoor oo la sheego inay wadato xukuumadda Soomaaliya. Ugu dambeyn waxa ay warkan ku sheegeen in dhismaha guddigan aan laga talogelin Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca, ayna kala dhalan karto xasilooni darro siyaasadeed. Halkan hoose ka aqriso: Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta dambi ku weyday eedeesanayaal loo haystay inay geysteen falal kufsi ah oo ka dhacay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. Eedeysanayaasha oo la horkeenay maxkamada ayaa dhammaantood laga dhaariyay dambiyada loo haystay oo ahaa kufsi. Kadibna guddoomiyaha maxkamadda Sheikh Cabdinuur Jaamac Xuseen, ayaa sheegay mar haddii maxkamadu aysan haynin wax caddeymo ah in raggaasi beri ka yihiin dambiyadooda. Maxkamadu waxay dhaarta ku jiiday shan qof oo afar kamid ah ay ku eedeysnaayeen kufsi wadareed. Halka mid kalena uu kaligiis ku ahaa kiis kufsi ah. Qareenada dacweynayay raggaasi ayaa racfaanka ka qaatay go’aanka maxkamaddu gaartay. Dhawaan, waxaa la filayaa in maxkamada la horkeeno eedeesanayaal loo haysto kufsi iyo dil 12kii bishii Abril ee sanadkaan Garowe loogu geystay haweenay xaas ahayd oo gurigeeda loogu dhacay. Puntland Post The post Maxkamada gobolka Nugaal oo dambi ku weyday rag kufsi ku eedeeysnaa appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wafdigii uu horkacayey hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa goor dhow toos uga dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Aadan Barre Ducaale oo ah Soomaali Kenyaan iyo wafdigiisa waxaa Kismaayo ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Wafdiga ka socda dowladda Kenya ayaa ka qeyb galaya xafladda caleema saarka, Axmed Madoobe oo saacadaha soo socda qabsoomi doonta. Wararka ayaa sheegaya in diyaarad yar oo nooca Focker ah oo toos uga soo qaatay wafdigan garoonka Jomo Kenyatta ay ku tageen halkaasi. Waa markii labaad oo ay dowladda Kenya jabineyso xayiraada ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya saartay hawada Kismaayo. Sidoo kale dowladda dhexe ayaa horay ugu dacweysay Kenya hay’adda hawada Qaramada Midoobey ee ICAO, kadib markii diyaarad siday Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ka soo duushay Nairobi ay ka dagtay Kismaayo. Soomaaliya iyo Kenya oo markii hore isku hayey arrinta Badda, ayaa waxaa hadda xiisada sare u sii qaaday caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay horay dowladdu u qaadacday doorashadiisii. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Maanta oo kale, sanadka walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka Soomaaliyeed, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb, 65-sano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay Calanka Soomaaliyeed, Calankeeda waxaa uu leeyahay Sooyaal qiimo badan oo dal iyo dibadba lagu faani karo. Taariikhda Calanka Soomaaliya kama bilaabato xilligii ay Soomaaliya ku jirtay Maxmiyadda lixdankii ka hor, ee waxaa jiray isku dayyo badan oo ay sameeyeen SYL xitaa ka hor inta aan Soomaaliya loo dhiibin Talyaaniga. Sida uu ii sheegay halgamaaga Soomaaliyeed Cali Xasan Maslax Berdura oo ka tirsanaa 13-kii ee aasaastay SYL, habeenkii la dhisayey SYl waxaa lagu heshiiyay dastuur cusub iyo qodobo badan oo aan laga gudbi karin iyo calanka. Calankii Habeenkaas, waxaa laga dhigay calan leh bil oo tilmaamaysa Islaamka, xidigta oo ah Soomlinimada iyo shanta farood oo midnimo iyo wada jir ah. Lakin Markii Talyaaniga uu la wareegay maamulka Soomaaliya 1950-kii, gumeytaha Ingiriiska waxaa uu ku dhaqaaqay talaabooyin waalli ah, ingiriis-ka waxaa uu qaatay waqooyiga Soomaaliya, NFD waxaa uu siiiyay gumeystaha Kenya, Xeebta ama Djabuti waxaa xoogay Faransiiska, Ingiriiska sidoo kale Itoobiya waxaa uu siiyay Somali Galbeed, waxaa arin culus noqotay in dhulkaas iyo dadka degan la isku keeno. SYL, markii ay aragtay in Somaliweyn faraha ka sii baxeyso, Waxaa ay ku fakirtay in la sameeyo Calan qiimo badan oo Soomaaliweyn ka tarjumaya, waliba ka hor inta aan xuriyadda la gaarin 1960-ka. Farshaxano badan ayaa la sameeyay, dad badan ayaa dadaalay, tartan ayaa loo galay sidii Calan Soomaaliyeed loo sameyn lahaa, laakin ugu dambeyntii, Waxaa la qaatay farshaxankii iyo hindisihiisa uu lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada. Maxamad Cawaale Liibaan, Calanka waxaa uu ku sameeyay wax ka yar 24 saac, laakin waxaa uu noqday calan umadda Soomaaliyeed ka tarjuma, isagoo soo bandgigay Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu ka tarjumayaa Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay. Calankan Buluugga ah ee xidigta ka tarjumeysa Soomaliweyn dhexda uga hardhan tahay waxaa la sameeyay 12 October, 1954. Maalintaas wixii ka dambeeyay Soomaalida waxaa ka tarjumayey calankaas, oo ah astaan ka hadleysa Somaliweyn iyo Midnimo qaran. Dhinaca kale, Heesta Calanka, waxaa ay leedahay taariikh gaar ah, heestan, waxaa miraheeda lahaa (AUN) Abwaan Xuseen Aw Faarax Dubbad, Waxaa laxanka lahaa (AUN) C/laahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe). Abwaanka Alifay heesta ayaa ka sheekeeyay in heestaas ay ku jirtay riwaayaddii ay isku barteen Xuseen Aw Faarax iyo Abwaan Qarhse oo Waqooyi ka yimd iyo Fanaaniintii reer Muqdishu. Heesta waxaa ay ku jirtay riwaayad lagu eegayey fanka labada abwaan, Xuseen Aw Faarax waxaa uu sheegay in riwaayadda marka ay dhaxda mareyso oo ay qaadeen heesha calanka in isaga iyo qarhse la siiyay Diploma lagu abaalmarinayo labaadsi abwaan, Diploomadaasi lama bixin ka hor xiligaas ama kadiba, Waxaa ay sidoo kale isla riwaayaddaas ka dhigeen Djabuti iyo Cadan. Xilliga riwaayaddaas Muqdishu lagu dhigay waxaa ay aheyd 1956-dii, labo sano ayuu jiray calanka Soomaaliya, hees sidan u qiimo badan cid u qaatay ma jirin xiligaas ka hor. Miraha Heesta Waxaa ka mid ahaa: Qolobaa calankeedu, waa ceynoo, Innaga keenu waa, Cirkoo kale e, Oon caadna lahayn, Ee caashaqaye. Xidigyahay cadi, Waad noo ciidamisee, Carradaa kaligaa adow curadee cadceeda sideedaa u caan noqo ee Cishadad dhalataad calooshayadii sidii culaygii cidaad marisee Allow ha ku celin cawoy dhaha. Ugu dambeyntii, June 5, 2001 ayuu Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa ninkii sameeyeey calanka Soomaaliya ku geeriyoodey magaalada Toronto ee dalka Canada. Soomaalida Maanta: Waxaan hubaa in Soomaali badan dhiiga iyo damiirkoodu u dhaqaaqay maqalka heesta, Lakin marka aan runta isu sheegno, heesta calanka maanta ma laha dhadhankii hore, dalka waxaa loo kala qeybiyay gobolo, qabiilo, dowlad goboleedyo, ma jirto labo isku fikrad ah, ma jirto labo ka sheekeysta Somaliweyn, Midnimo iyo Mustaqbalka dalka, dadka iyo diinta! Sida uu ii sheegay Jen. Jaamac Maxmed Qaalib, dadkii hore waxaa ay ku faani jireen Calanka, Ciidanka qaranka iyo Soomaalinimada halka maanta lagu faano Maamulka goboleedyada, taageerada iyo lacagaha loo uruuriyo maamul goboleedka ayaa ka xamaadsad badan taageerada Qaranka. Maanta Soomaaliya waxaad ku arkeysaa callamo badan, gobol walba waxaa uu leeyahay calan u gaar ah iyo heesta calankaas, gobol walba waxaa uu leeyahay Dastuur iyo calan ka duwan midka qaranka, Madaxweynayaal tiro badan, waxaa meesha ka baxay micnihii weynaa heesha calanka iyo qaranimada Soomaaliyeed. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Source: goobjoog.com
-
Wafdigii Dowlada Kenya ay usoo dirtay Ka qaybgalka Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa iminka waxay kasoo degeen Kismaayo. Wafdiga waxaa hogaaminaya Gudoomiyaha Xisbiyada Aqlabiyada [...] Source
-
Aden Barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda xisbiga talada haya ee Jubilee iyo xildhibaanno kale oo dalka Kenaya ah ayaa goordhow soo saaray magaalada Kismaayo, xarunta KMG ah ee Jubbaland. Wafdigan waxaa garoon Sayidka ku soo dhoweeyey madaxweynaha la doortay ee Jubbaland mudane Axmed Madoobe. Galabta ayaa lagu wadaa in magaladaasi lagu qabto xafladda caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Jubbaland, waxaana jooga madax ka socota dowladda federaalka ah, maamul goboleedyada iyo xisbiyada. Ammaanka guud ee magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda ayaa aad loo adkeeyey, waxaana munaasabadan ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo uu ugu horreeyo guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee aqalka sare Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Abshir Axmed, madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Xildhibaanno Labada aqal, hoggaamiyeyaasha xisbiyo siyaasadeed iyo mas’uuliyiin kale. Source: goobjoog.com
-
Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaan u dhaxeeya magaalada Jowhar iyo sidoo kale deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabellaha Dhexe. Ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay iney duulaan ku ahaayeen deegaanno ay ku sugnaayeen Al-shabaab, hase ahaatee waxaa la tilmaamay in jidka u galeen dagaalyahanno Al-shabaab ah. Weerarkan waxaa ku dhintay saraakiil ciidanka xoogga dalka ah oo uu ka mid ahaa Dhame Xaaji Cabdi Xaaji Xasan Cali, waxaana jira dhaawac ku dhow Shan. Dhanka Al-shabaab lama oga khasaaraha soo gaaray, hase ahaatee dagaalka halkaasi ka dhacay ayaa ahaa mid xooggan sidey inoo xaqiijiyeen saraakiil ku sugan Jowhar. Al-shabaab ayaa kordhiyey weerarada ka dhanka ah ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwa ku sugan gobollada Shabeelooyinka. Warkaan wixii kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil geystay khasaare xoogan oo saacadihii la soo dhaafay e ka dhacay duleedka magaalada Berbera ee Somaliland. Shilka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen gaari weyn oo siday qaad iyo gaari rakaab ah oo ay la socdeen dad shacab ah.. Ugu yaraan illaa 10 qof ayaa ku dhintay shilkaasi, halka ay ku dhaawacmeen 14 kale, sida ay xaqiijiyeen mas’uliiyiin ka tirsan maamulka Somaliland. Dadka ku dhintay shilkan ayaa afar ka mid ah waxa ay ahaaayeen dumar, halka lixda kale ay yihiin Rag. Waa shilkii ugu khasaaraha badan ee sanadkan 2019-ka gudihiisa ka dhaca deegaanada Somaliland. View the full article
-
Popular Contributors
