Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. KA DAAYA GAWAANTA GEED-SARE WAABKA!!! Horta saw colaadda Ceel-afweyn ee la furdaamin kari waayey, markii hore, kama ay dhex hulaaqin Baho oo Biciide ka tirsan iyo Iddarays oo Sacad Yoonis ah? Haddii labadaas raas hadda garteen in ay heshiiyaan saw sidii loo baahnaa ma aha? Biciide intiisa kale iyo Sacad Yooniska kale, saw in ay taas soo dhoweeyaan oo taageeraan ma aha? Saw intii East Burco Clan iyo Habar Yoonis iyo Somaliland oo dhami ay tafaxaydnayd nabaddu ma aha? Sidaas ayaa maangal u muuqata, hase yeeshee qolyaha taas saluugga ka muujinaya ee dagaalka ka xigaa maxay qoonsadeen ama ay doonayaan? Galku seefta ma le’eka, uma na eka! Waxa ay ii la muuqataa in colaadda laga daayo geed-sare waabidda haddii laga maarmay in loo goleeyo. Uma baahna arrinta Ceel-afweyn in la Biciideeyo, Muuse Abokoreeyo ama la Habarjecleeyo, la Sacad Yooniseeyo, la Habar Yooniseeyo ama la Garxajiseeyo! Haddii ay ku dhammanayso Baho iyo Iddarays oo heshiiya inteenna kale aynu kula tuun tuunsanno in goolkaasi dhasho oo aanu shebegga seegin, guushuna waa inoo dhex oo waa nabadda oo xasisha uun. Ma jirto guul ka weyni. Laga wanaagsan in madaxdhaqameedku qaadaan dhabbihii isu muuqdashada ee siyaasiyiinta xadhig-maranta ah ee aan cilinkooda la saarin. Afka iyo codka salaadiintu ma aha colaad-ku-dholol iyo dhiig daata baan ka xigaa, waa se nabad-ku-baaq iyo samatalis! Sidaas baa lagu soo caanamaalay. Baho iyo Iddarays waa la kala guri karaa si ka sahlan si kasta oo kale mar haddii cidda fidmadu ka dhex qaraxday iyaga ahayd, haddana ay furdaaminteedu doorkooda ka timi oo ay nabad u heellan yihiin. Nin baa laga hayaa “nin dhintay uma talin aqaane, nin nool baan u taliyaa”. Maxamed Baashe X. Xasan mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
  2. (SLT-Berbera)-Waxa Saaka Magaalada Berbera Gudaheeda ka dhacay Shil gaadhi, kaasi oo ahaa Bas siday Dad rakaab ah. Baska oo ku Qalibmay Waddada Kaydka Biyaha ee Magaalada Berbera ayaa waxa ku Geeriyooday 1 Qof oo ahaa Dirawalkii Gaadhiga Waday, halka ay ka dhaawacmeen 8 kale oo ka mid ahaa Rakaabka Baska la socday. Sidaana waxa xaqiijiyey Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Saaxil, Dr. Bashiir Diiriye Jaamac waxaanu yidhi “Shil Baabuur ayaa ka dhacay Waddada bariga, gaar ahaan halka Kaydka Biyaha, shilkaasi wuxuu ahaa gaadhi Bas ah oo Rakaab siday, waxa ku Geeriday Shilka Wadihii gaadhiga, waxaana Cisbitaalka Berbera la keenay 8 Qof oo dhaawac ah..” Shilka Saaka dhacay, ayaa ku soo beegmaya xilli shalay gelinkii dambe ay 11 Qof ku dhintay Shil gaadhi oo ka dhacay inta u dhaxaysa Magaalada Berbera, halka ay 14 kalena ku dhaawacmeen. Shilka ay 11-ka Qof ku dhinteen ayaa yimid, ka dib markii ay isku dhaceen gaadhi Nooha ah oo siday Dad Qoomiyadda Oromada ah oo doonayey inay Tahriibaan iyo Gaadhi nooca Qaadka qaada ah (Candho-maydle). Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa Maanta yeeshay Shir aan Caadi ahayn, kaasi oo lagu gorfeeyay hirgelinta Nidaamka nidaamka E-Government (Somaliland E-government system). Sidaasi waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, ka dib markii uu dhamaaday, waxaanu War-saxaafadeedkaasi u qornaa sidan “Kal-fadhigii 43-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ahaa mid aan caadi ahayn oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu gorfeeyey hirgelinta nidaamka E-Government (Somaliland E-government system). Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, ayaa golaha wasiirrada u soo bandhigtay hirgelinta nidaamka E-government oo ah barnaamij hufan oo deg-deg ah kaasoo dhammaan adeegga dawladda u beddelaya habka horumarsan ee casriga ee la jaanqaadaya Tignoolajiyadda casriga ah (Electronic Government), si dawladda Somaliland ula jaanqaado horumarka Tiknoolajiyadda, waxaana barnaamijkani uu ka qayb-qaadan doonaa horumarka dhaqaalaha, fidinta adeegga bulshada, ka faa’iidaysiga Tiknoolajiyadda, daah-furnaanta shaqada, maamul daadejinta shaqooyinka, xaddidaadda kharashaadka haatan dawladda kaga baxa Tiknoolajiyada, keydinta iyo ilaalinta badqabka xogta dawladda iyo fududaynta macluumaadka sharciga, wuxuuna isku xidhi doonaa hay’adaha laamaha dawladda isagoo midaynaya wasaaraddaha shaqo wadaagga leh. Barnaamijkan hirgelinta nidaamka E-Government waa markii u horraysay ee laga hirgelinayo dalka Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo muujinaysa heerka horumarsan ee Somaliland ka marayso dhanka Tiknoolajiyada casriga ah ee dunidu u guurtay. Golaha wasiirradu waxay go’aamiyeen in guddi loo saaro hirgelinta nidaamkan E-Government, in dhammaan hay’addaha laamaha dawladdu yeeshaan waaxo u gaar ah ICT-ga (Information Communication Technology), sidoo kalena lagu daro manhajka waxbarashada ee dalka waxana nidaamkan E-Government uu qayb ka ahaa barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye, isaga oo waafaqsan qorshaha labaad ee horumarinta qaranka (NDPII)…” Source
  4. KISMAYU (HOL) - Kenyan majority leader in the National Assembly Aden Duale and a host of MPs flew directly to Kismayu Saturday defying a travel restriction by Somali authorities barely a day ago. Source: Hiiraan Online
  5. Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Shiikh Axmed oo Khudbad ka jeedinayay Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah. Qodobkii ugu muhiimsanaa oo uu Shiikh Shariif ka hadlay ayaa ahaa doorashada la filayo inay Soomaliya ka dhacdo sanadka 2021 marka uu dhamaado waqtiga Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shariif ayaa waxaa uu sheegay in xiligaan sida ay wax ku socdaan la fileyn in dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah sanadka 2021, isla markaana haatan rajadaas aysan muuqan. ” Ma fileyno inay dalka ka dhacayso doorasho qof iyo cod ah mana muuqato” Ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka hadlay Cunaqabateyntii dowladda Federaalka saartay Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay ugu weyn tahay xayiraadii la saaray duulimaadyadii tooska ee Kismaayo iyo Magaalada Muqdisho. Sidoo kale Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu tilmaamay in dadka reer Jubbaland ay soo mareen dhibaayootin,hayeeshee haatan aysan mudneyn in lagu abaalmariyo cunaqabatayn. ” Dadka reer Jubbaland dhibaatadii la ogaa ayeey ka soo baxeen ma mudnayn in lagu abaal mariyo cunaqabatayn”.ayuu yiri Sheekh Shariif. Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa kasoo qeybgalay Mus’uuliyiin kala duwan, waxaana halkaas laga jeediyey khudbado kala duwan oo Dowladda Soomaaliya loogu baaqay inay siyaasadeeda wax ka badasho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. (SLT- Afghanistan)-Hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-qaacida ayaa lagu dilay Koonfurta dalka Afghanistan, ka dib hawl-gal ay si wada jir ah u sameeyeen Ciidammada Maraykanka iyo kuwa Afghanistan. Masuuliyiin ayaa sidaa xaqiijiyey Salaasadii, waxayna sheegeen in lagu khaarajiyey Hawl-gal wada-jir ah oo ay sameeyeen Ciidammada Maraykanka iyo kuwa Afghanistan. Ninka la dilay oo Magaciisa lagu sheegay Asim Umar ayaa Madax u ahaa kooxda Al Aqis oo xulafo la ah Al-qaacida, wakiilna uga ah Koonfurta Qaaradda Asia. Asim Umar ayaa lagu dilay duqayn 23-kii bishii hore ka dhacday Ururka Daalibaan ku leeyahay Degmada Musa Qala oo ka mid ah Gobolka Helmand. Asim Umar, who led the terrorist group in the Indian subcontinent, known as Aqis, from its inception in 2014, was killed during a raid on September 23 at a Taliban compound in the Musa Qala district of Helmand province, officials said. Ururka Ninkani hoggaaminayey ee Aqis ayaa loo adeegsadaa inuu baraarujiyo ama dhiirigeliyo Dagaalyahannada Al-qaacida ee India, Bangladesh iyo Myanmar. Hawl-galka duqaynta ah ee ninkan lagu khaarajiyey, waxa khasaare ka soo gaadhay oo ku dhintay ugu yaraan 40 Qof oo Qof, kuwaasi oo isagu jira Dumar iyo Carruur. Source
  7. Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo Khudbad ka jeedinayay Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah. Ugu horeyn Madaxweyne Deni oo ka hadlayey Doorashadii dhawaan ka dhacday Kismaayo ee dib loogu soo doortay Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu si dhow ula socday Doorashadaas. Wuxuu sheegay in Doorashadii Kismaayo ka dhacday ay aheyd mid xalaal ah oo loo maray wadada Dastuurka Dowladda Soomaaliya iyo midka Maamulka Jubbaland. “Wixii halkaan ka dhacay si dhow baan ula soconay, waa doorasho hufan oo xalaal ah, oo runtii haboon in laga soo qeybgalo caleema saarka” ayuu yiri Deni. Wuxuu ugu baaqay dadka aan ku qanacsaneyn doorashada Jubbaland in laga wada hadlo doorashadii dhacday lagana heshiiyo. Wuxuu xubnaha mucaaradka iyo Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in la ilaaliyo midnimada Soomaaliya isla markaasna wax walba wada hadal lagu dhameeyo. Mar uu soo hadal qaaday doorashada 2021 ayuu sheegay inay Puntland tahay hooyada Ummadda Soomaaliyeed iyadana ay tahay in lagala tashto doorashada dalka ka dhaceyso. Wuxuu sheegay inay Puntland dhar sano sheegeysay inay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah marka dambana la qaban jiray mid Baarlamaan sidaas darteed wuxuu xusay inaysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah. Ugu dambeyntii madaxdii hore ee dalka soo maray ayuu uga mahad celiyey heerarkii kala duwaan oo ay dalka kasoo bixiyeen, wuxuuna si gaar ah ugu amaanay Shiikh Shariif Shiikh Axmed inuu dalka kasoo saaray marxaladdii kumeel gaarka aheyd. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Maamulka Ahlu Sunna ayaa qaadacay guddiga farsamada ee dowladda federaalka ay u soo magacaawday dhismaha iyo qaban qaabinta doorashooyin Baarlamaanka iyo madaxweynaha ee dowlad gobaleedka Galmudug. Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska madaxa Xukuumadda dowlad gobaleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in hannaanka dowladdu ay guddigan u magacaawday uu yahay mid Khilaafsan heshiiskii dhex maray dowladda federaalka ah, dowlad gobaleedka Galmudug iyo xataa dastuurka federaalka ah iyo midka Galmudug Haddaba Akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. (SLT- Mexico)-Doon yar oo siday Tahriibayaal Afrikan ah ayaa ku degtay xeebaha Koonfurta Mexico, taas oo ay ku dhinteen laba qof halka kuwo kalena la yahay, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dawaddu. Doontan ayaa maraysay xadka gobolka Koonfurta dalkaasi ku yaala ee Chiapas halkaas oo ay dhinac u ciirtay. Waxaana shilkaasi doonta Tahriibayaasha siday maydkiisa la helay wiil da’diisu tahay 39-jir, halka maydkii labaad laga helay meel u jirta boqolaal mitir halkii ay doontu ku dhacday. Sidoo kale waxa ay wararku intaa ku darayaan in kooxaha gurmadku ay ee baadigoobka ugu jiray dadkii saarnaa doonta ay soo samatabixiyeen sideed kale oo Tahriibayaal ah oo nool, sida uu sheegtay xafiiska da’wad oogaha ee dalkaasi Mexico. Dhamaan Tahriibayaashan doontu la dagtay ayaa la ogaaday inay ka yimaadeen dalka Cameroon oo ah dal ay mudooyinkii u dambaysay sii kordhaysay khilaafka dhinaca bulshada ku kala hadasha Faransiiska iyo Ingiriisiga ee dalkaasi ku dhaqan. Gobolkan Chiapas ayaa isaguna noqday mudooyinkii u dambeeyey marinka Mexico ay uga gudbaan Tahriibayaashu dalka Maraykanka. Source
  10. Millatariga Turkiga iyo maleeshiyo Suuriyaan ah ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalada Raas- Al-Ceyn ee dhacda waqooyiga galbeed ee Suuriya, sida uu sheegay sargaal ka tirsan dowlada Turkiga. Weerarka Turkiga ku qaaday Suuriya ayaa galay maalintii afaraad iyadoo looga gol leeyahay in maleeshiyada Kurdiyiinta ee YPG in looga saaro deegaanada ay kaga sugan tahay xadka Turkiga uu la leeyahay Suuriya. Dhanka kale maleeshiyada YPG ayaa beenisay in aroornimada saaka oo sabti lagala wareegay gacan ku heynta magaalada Raas Al-Ceyn. Si kastaba ha ahaatee dagaalada xoogan ee ka socda gobolka Idlib ayaa waxaa ku barakacay kumanaan qoys oo u badan caruur iyo Haween. Source
  11. Qaar ka mid murashaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha dowlag gobaleedka Galmudug ayaa si wadajir ah uga soo horjestay magacaabista guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ah luguna magacaabay xubnaha guddigaas. Musharx Cabdiraxmaan Maxamed Odawa iyo Murashax Kamaal guutaale ayaa qoraal si wadajir ah ay u soo saaray ayaa sheegay in hanaanka loo maray soo magacaabista guddiga ay tahay mid hareer marsan dastuurka Galmudug iyo shuruucda dalka u yaalla. Haddaba Akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka khudbeeyey Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Qodobo dhowra ka hadlay. Deni wuxuu baaq u doiray Siyaasiyiinta saluugsanaa [...] Source
  13. Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynihi hore ee Puntland hadda ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanahay ka qeybgalka Xafladda Caleema saarka ee Madaxweyne Axmed Madoobe. Faroole ayaa sheegay inuu yahay nin ka war qabo marxalidihii ay soo martay Jubbaland, wuxuuna sheegay inay Dowladda Soomaaliya ka baxday heshiisyo ay la galeen Axmed Madoobe oo uu ugu dambeeyey midkii ay soo saxiixeen Ra’isulwasaare Kheyre iyo Taliyaha Nabadsugidda Fahad Yaasiin. Faroole ayaa madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu dib u heshiisiin qabto ka hor inta uusan xilka ka tagin, taas haddii laga waayana ay noqon doonto inay inta kale isaga u heshiiyaan. “Inta aadan tagin dib u heshiisiin sameey, haddii aadan heshiisiin, inta kalaa heshiinaya ama adiga ayay ku heshiinayaan” ayuu yiri Faroole. Faroole ayaa sheegay in ficilada maanta ay waddo dowladda Soomaaliya ay yihiin burburin iyo kala qeybin. Dowladda ayuu ku eedeeyay in ay kasoo horjeedo Nidadaamka Federaalka, islamarkaana aan la hor istaagi karin heshiiska ay gaareen bulshada Soomaaliyeed. “Ficilka maanta socda waa burburin marka waxaana ugu baaqaynaa Madaxweynaha dib u heshisiiniin”ayuu yiri Senetor Faroole. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Madaxweynihii hore Xasan Sheikh Ayaa khubadiusii Caleema saarka wuxuu red dusha uga tuuray Dowlada Federaalka oo uu ku eedeeyey inay khalkhal ku hayaan Galmudug. Madaxweynuhu [...] Source
  15. Madaxweynihii hore ee Dalka Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo khudbad dheer ka jeediyey Xaflada Caleema saarka Axmed Madoobe ayaa yiri Waxaan la hadlayaa labada Madaxweyne [...] Source
  16. Waxaa wali socda Caleema safarkii Madaxweyne Axmed Madoobe (kor ka daawo). Xaflada waxaa oo hada socota ayaa Masuuliyiintii Khudbeeyey waxay si kulul u weerareen Madaxweynaha [...] Source
  17. Burco:Burco Dugsiga Hormuud Oo Munaasibada U Qabtay 30 Arday Oo Ka Qalinjabisay Dugsigaasi Source
  18. Guddoomiyaha aqlabiyada barlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeyb galay xaflada caleemo saarka madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe. Aadan Barre Ducaale ayaa xaflada caleemo saarka kasii daayay farriinta dowladda Kenya, wuxuuna sheegay dowladda Kenya inay si dhow ula shaqeyndoonto madaxweynaha Jubbaland iyo maamulkiisa. Ducaale ayaa caddeeyay danaha dowladda Kenya ee Soomaalia inuu yahay in Soomaaliya hesho xasilooni iyo midnimo, maalintii intaas la helana ay ciidamadooda kala bixidoonaan. Marka uu ka hadlayay sababta dowladda Kenya ahmiyada gaarka ah usiisay dowlad goboleedka Jubbaland, wuxuu sheegay amniga dalkiisa inuu ku xiran yahay amniga Jubbaland. Wafdiga Kenya ayaa dib uga laabtay Kismaayo, marka ay dhameysteen hadal jeedintooda, waxayna madaxweynaha Jubbaland gaarsiiyeen salaan uga timid madaxda Kenya. PUNTLAND POST The post Dowladda Kenya oo sheegtay inay si dhow ula shaqeyndoonto Jubbaland appeared first on Puntland Post.
  19. Kismaayo (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan Xisbiga Wadajir oo ka hadlayey Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay inay Dowladda soo xiri doonto Alabaabka Nabadda haddii aysan qaban Doorasho marka ay dhamaato waqtiga Dowladda. ” Dhibaatada ay Dowladda Soomaaliya ka geysaneyso dalka waxaa kaliya looga aamusan yahay inay dalka ka dhici doonto Doorasho, haddii ay taas Dowladda sameyn weysana iyadaa soo xirtay Albaabka Nabadda” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka xishoon waayey waxyaabo ay ka xishoon jireen jabhadihii dalka soo maray kadib burburkii Dowladdii Maxamed Siyaaad Barre isla markaasna uu xayiraad saaray Magaalada Kismaayo. Sidoo kale Cabdiraxmaan oo sheegay inuu kaftamayo ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay kasoo xirmatay inuu Ciidamo duulaan ku ah Soomaaliya uu kasoo helo Ra’isulwasaaraha Itoobiya maadama uu sheegay in dhawaan la guddoon siiyey Nobel Peace Prize taasina ay u diideyso inuu ka qeybqaato colaadaha. Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale dadkii Xafladda kasoo qeybgalay ka codsaday inay ka wada qeyb qaataan sidii Galmudug ay uga dhici laheyd Doorasho xor iyo Xalaal ah oo raali ka yihiin dadka Deegaanka. Wuxuu sheegay inaysan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta aysan xaq u laheyn inay soo magacowdo guddiga Farsamada ee Doorashada Galmudug taasina ay tahay wixii ay ku kala tageen Dowladda Dhexe iyo Maamulka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Gudoomiyaha Xisbiga Aqlabiyada Kenya Aaden Bare Ducaale oo khudbad dheer ka jeediyey Xaflada Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu Madaxweynaha Kenya soo [...] Source
  21. Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay howlgallo ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxa ciidanku ka wadaan deegaano u dhexeeya degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi. Saraakiisha hoggaamineysa baaritaanadan ayaa sheegay in u jeedka u yahay, sidii loo xaqiijin lahaa amniga waddada u dhexeysa Jowhar iyo Balcad ee gobolka Sh/Dhexe. Sidoo kale howlgalladan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay saraakiil ka tirsanaa HirShabelle lagu dilay nawaaxiga magaala madaxda HrShabelle ee Jowhar. View the full article
  22. CAPE TOWN – Rich in hydrocarbons and possessing a favorable geological structure, Somalia holds huge opportunities for investors looking to enter the East African market, said the country’s Minister of Petroleum and Mineral Resources, Hon. Abdirashid Mohamed Ahmed at the Africa Oil & Power conference. “Nowhere is the contribution that the energy industry can make to civil society and economic development greater than in Somalia,” he said, noting that the sector has the potential to greatly enhance stability and economic development. On its path to transforming its petroleum industry and attract the attention of new investors, Somalia has made significant progress in recent years. This year, the country passed a new petroleum law which enabled it to make progress in exploration and development, and attract interest from oil and gas majors ExxonMobil and Shell. “My ministry worked successfully with the six federal member states to develop an equitable and transparent framework for development, focused on the greater good of Somalia and all its people, whilst ensuring that we are highly competitive internationally to attract investment by delivering returns that are consistent with the risks and rewards of developing our off-shore industry,” said the minister Eager to demonstrate to the world that Somalia is open for business, the minister said the country is currently on an international roadshow which will showcase the exploration opportunities available in its hydrocarbons sector. “This includes seismic data recently shot by Spectrum covering 20,185 km. The current licensing round is in respect of up to 15 blocks, covering a total area of approximately 7,500 square miles. The bid round will follow shortly after to ensure that the world knows: Somalia is open for business.” Minister Ahmed also spoke on the attractiveness of the country’s production sharing agreement (PSA) model for offshore oil exploration and development – regarding it as being amongst the most attractive to investors in the frontier basins. The PSA provides a highly attractive regulatory fiscal framework that is both competitive and equitable for both the people of Somalia and international oil companies (IOC). “By equitably linking of royalties and share of revenue closely to the price of oil, the Somalia PSA ensures that IOCs can recover their up-front development costs and earn a fair share profit even if oil prices fall, whilst maximizing the profit going to the Somalian people,” the minister explained. Source: Worldoil.com
  23. Taliska 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo Fulinaya Qorshaha Xukuumada ee Ku Saleysan Bixinta Xuquuqda Agoonta Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Maanta Bilaabay Wajiga Koowaad ee Nidaamka Dhaxal Koobka kaa oo Suurta Galinaya in Agoonta Waalidkooda Ku waayay Difaaca Dalka la siiyo Xuquuqdoodi. Abaanduulaha Qaybta 21-aad G/Le Aadan Siyaad Cabdi ayaa magaalada Cadaado ka Daah Furay Howshan waxaana Goob joog ka ah Saraakiil Sare oo ka Tirsan Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida Gaar ahaan Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Q,27-aad Dhamme Maxamed Amiin Aadan iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidanka Dhamme Maxamed C/Qaadir Maxamed oo Howlo Shaqo u Jooga Xarunta Taliska 21-aad ee Magaalada Cadaado. Dowlada Soomaaliyeed oo Ahmiyad gaara siineysa Dhismaha Ciidanka Qalabka Sida ayaa Meel wanaagsan Marineysa Hab raaca Diiwaan Galinta Ciidanka iyadoo Bixinta Xuquuqda Agoonta Ciidanka ay Qayb muhiima ka Tahay Qorshaha Bixinta Xuquuqaadka Ciidanka oo ay Dowladdu Ku Guuleysatey. View the full article