Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Tehran (Caasimada Online) — Dhaqdhaqaaqa hubaysan ee Xamaas ayaa waayay hoggaamiyahoodii garabka siyaasadda Ismaaciil Haniyah kaas oo ku dhintay gantaal ku dhacay guri uu ka daganaa magaalada Tehran ee caasimada dalka Iiraan. Ninkan ayaa door muhima ku lahaa siyaasadda Xamaas, wuxuuna inta badan udub dhexaad u ahaa siyaasadda dibada ee kooxda. Dhimashadiisa ayaa sii kordhisay xiisadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Xamaas. Waddamada caalamka ayaa durba dalbaday is xakamayn deg dega iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kulan gaara ka yeeshay xaaladda Bariga Dhexe kulankaas oo ay dalbatay dalka Iiraan. Ilo wareedyo Xamaas ah ayaa sheegay in Khaalid Mishcal, la filayo in loo doorto hoggaamiyaha ugu sarreeya ee kooxda si uu u beddelo Ismaail Haniyeh. Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas Khaliil al-Hayya, oo fadhigiisu yahay Qatar, isla markaana madax ka ahaa wada-xaajoodyada Xamaas ee wada-hadallada tooska ah ee Qasa kula yeeshay Israa’iil, ayaa sidoo kale suurtogal u ah hoggaanka maaddaama uu yahay mid ay jecel yihiin Iran iyo xulafadeeda gobolka. Shaac bixii iyo sumayntiii Khaalid Mishcal Khaalid Mishcal, oo loo saadaalinayo inuu yahay hoggaamiyaha cusub ee Xamaas, ayaa caan ka noqday caalamka sannadkii 1997-kii, ka dib markii wakiillada sirdoonka Israa’iil ay ku dureen sun taas oo loo arkay isku-day dil oo qorshaysan. Mishcal ayaa mareyey wado dhexdeed markii wakiilada Musaad ay la eegteen inay sunta ku buufiyaan. Dadka looga shakisan yahay inay dilka geysteen ayaa waxaa gacanta ku dhigay booliska dalka Urdun. Netanyahu, oo markaas ku jiray xilligiisii ugu horreeyay ee ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu qasbay inuu wareejiyo daawada sunta ah, waxayna dhacdada Mishcal aal u rogtay geesi ka mid ah iska caabinta Falastiiniyiinta. Dadka looga shakisan yahay inay dilka geysteen ayaa waxaa gacanta ku dhigay booliska dalka Urdun kadib markii Meshaal lagu duray sunta wadada dhexdeeda. Netanyahu, oo markaas ku jiray xilligiisii ugu horreeyay ee ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu qasbay inuu wareejiyo daawada sunta ah, waxayna dhacdada Khaalid Mishcal ka dhigtay halyey geesi ah. Weerarkaas isku dayga dil ah ayaa la sheegay inuu uu amray ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa ka careysiisay boqorkii Urdun ee xilligaasi Xussein Xussei. Boqor Xuseen, ayaa ku goodiyey in uu ka baxayo heshiiskii nabada ee u dhaxeeyey dalkiisa iyo Israa’iil haddii aysan ka laaban ficiladaas. Israa’iil ayaa ogolaatay dalabka boqorka iyadoo sii daysay hoggaamiyihii Xamaas Sheekh Axmed Yaasiin, balse toddobo sano kaddib ayaa Israa’iil ku dishay Qasa. Israa’iil iyo xulufadeeda galbeedka ayaa Xamaas u arka urur argagixo oo halis ku ah jiritaanka Israa’iil. Xidhiidhka Mishcal iyo Iran ayaa ahaa mid xumaaday kadib markii uu hore u taageeray kacdoonkii Muslimiinta Sunniga ahaa ee 2011-kii lagaga soo horjeeday Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad. Israa’iil ayaa dishay ama isku dayday in ay disho dhowr hoggaamiyeyaal iyo hawl-wadeenno Xamaas ah tan iyo markii la aasaasay kooxdan 1987-kii xilligaas oo uu socday kacdoonkii ugu horreeyay ee Falastiiniyiinta oo lagaga soo horjeedo qabsashada Daanta Galbeed iyo Qasa. Meshaal waxa uu udub dhexaad u ahaa hogaanka sare ee Xamaas ilaa dabayaaqadii 1990-meeyadii. Khaalid Mishcal ayaa waxa uu diiday fikradda heshiis nabadeed oo joogto ah oo lala galo Israa’iil balse waxa uu sheegay in Xamaas, oo sagaashamaadkii iyo 2000-aadkii u soo dirtay Israa’iil dad is-qarxiyey, ay aqbali karto dawlad Falastiiniyiin ah oo ka dhisan Daanta Galbeed, Marinka Qaza iyo Bariga Quddus inay noqoto xal ku meel gaadh ah. xabbad joojin muddo dheer ah. Isha: BBC The post Waa kuma ninka loo saadaaliyo inuu beddelo Haniya ee geerida ka badbaaday? appeared first on Caasimada Online.
  2. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu ansixiyey wax ka beddelka Sharciga Maareynta Qandaraasyada iyo Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Iskaashiga Arrimaha la-dagaallanka Musuq-maasuqa ee u dhexeeya hey’adaha kor-joogteynta Soomaaliya iyo Sucuudi Carabiya. Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Istaraatiijiyadda Qaran ee 2024-2027 ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabashadaha wata oo ay Golaha u soo gudbisay Xarunta Qaran ee Tubsan. Golaha Wasiirrada ayaa dhinaca kale ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga Warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka, gaar ahaan xasillinta iyo guulaha laga gaaray xoreynta goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Is Afgarad ku saabsan Arrimaha La-dagaallanka Musuq Maasuqa appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo sanad ku dhow waxaa la hadal-hayay inuu madaxweyne Xasan Sheekh u jiheystay dhismaha ciidan beeleed u gaar ah. Liiskan oo ay dadka tiro kala duwan sheegayeen ayaa lambarka ugu yar ee la sheego waxa uu ahaa 1,500 oo askari oo ah jufada hoose ee madaxweynaha. Tuhunkii arrintaas la xiriiray waxaa dhawaan kor u sheegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Mowduucan xasaasiga ah wuxuu Shariifka u kala qaaday saddex dhinac, kuwaas oo kala ah; 1. Qaab dhismeedka ciidanka oo loo dumiyey inay awoodda ciidanka cid gaar ah gacanta u gasho Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh waxa uu sheegay in dhawaan la bur-buriyay qaab dhismeedkii ciidanka xoogga dalka, sababtana wuxuu ku sheegay inay tahay dan shaqsi ah iyo iyada oo la raadinayo in awoodda ciidanka dad gaar ah gacanta u gasho. Bur-burinta qaab dhismeedka ciidanka xoogga dalka waxaa la sheegay inuu sidoo kale horey uga gadooday taliyaha ciidanka xoogga dalka Ibraahim Sheekh Muxiyadiin. 2. Is-hubeyn hoggaamineed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxa uu sheegay inay nasiib darro tahay in maanta lagu fikiro in hoggaanka dalka uu si gaar ah isku hubeeyo oo uu muujiyo damaca ah inuu ciidan wax ku haysan karo. Shariifka wuxuu sheegay inay dalka xukumi jireen Jeneraalo ciidanka oo dhan iyo hubka oo dhan gacanta ku hayay, kuwaas oo la ogyahay halka ay ugu dambeyn ku dhamaadeen. 3. In aan ciidanka si siman loo qorin Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay in ciidanka dowladda federaalka si siman loo qorin waayahan dambe oo dad gaar ah loo badiyay. Tani waxay daaha ka qaadeysa tuhunkii ahaa inuu madaxweyne Xasan Sheekh si weyn u ciidameynayo reerkiisa hoose, isaga oo qaba in qori caaradiis ku dheereysto xukunka. Dhamaan arrimahan la xiriira is-hubeynta hoggaanka dalka, in ciidanka reer gaar ah loo badiyay askartii la qoray labadii sano ee ugu dambeysay iyo inay qaab dhismeedkii ciidanka loo dumiyay dano gaar ah oo awood dheeri ah lagu raadinayo. Waxay dhamaan dadka Soomaaliyeed hordhac ka siinayaan halka uu kusoo dhamaan doono xukunka madaxweyne Xasan Sheekh. Horey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidan oo kale iskugu dayey inuu ciidan isaga daacad u ah sameysto, si uu dadka ugu caburiyo xukunkana ugu dheereysto. Wuxuuna ka faa’iiday eeda aan illaa iyo hadda dhamaanin, Muqdisho dhexdeeda oo difaac la kala xirtay oo dagaalna gashay iyo hal sano iyo saddex bilood oo muddo kororsi ah. Haddana waxaa la eegaya halka uu jidkan geyn doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. The post Maxaa ka jira inuu Xasan dhisanayo ciidan gaar ah uuna hubeynayo beel gaar ah? appeared first on Caasimada Online.
  4. Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo safar ku maraya deegaannada maamulka ayaa maanta gaaray degmada Ceel-Baraf ee Gobalka Shabeellada Dhexe. Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Guddoomiyayaasha Goballada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Fannaaniin iyo wariyayaal ayaa qeyb ka ahaa wafdiga Madaxweynaha. Maamulka, Dhaqanka, Haweenka, Dhallinyarada iyo qeybaha bulshada degmada Ceel-Baraf ayaa si weyn u soo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha Dowaladda Hirshabeelle, degmada ayaa lagu wadaa inta uu joogo inuu la kulmo bulshada qeybaheeda kale duwan. Madaxweynaha oo ka hadalay soo dhoweynta loo sameeyay iyo safarkiisa u uku yimid demada ayaa yiri “Waxaan diirada saari doonaa waqtiga aan halkan joogno sidii nabad waarto loo heli lahaa. Dadkan waa walaalo wada dhashay.” Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay shacabka degmada Ceel-Baraf soo dhaweynta ay u sameeyeen wafdigiisa, waxaana safarkaan uu qeyb ka yahay socdaal maalmihii dambe u uku bixinayay deegaannada maamulka. Source: goobjoog.com
  5. Washington (Caasimada Online) – Ninka lagu eedeeyay inuu maleegayay weeraradii Maraykanka lagu qaaday bishii September 11-keedii ee sannadkii 2001, Khalid Sheikh Mohammed iyo labo ka mid ah raggii la socday ee lagu xiray xabsiga Guantanamo ee Maraykanku ku leeyahay gacanka Cuba ayaa heshiis la gaaray Mareykanka. Raggan ayaa la sheegay inay qirtaan eedo loosoo jeediyey, iyaga oo ku bedelanaya xabsi daa’in, halka haatan xukunnada lagu soo oogay ay ka yihiin, xukuno dil ah, sida uu baahiyey wargeyska caanka ah ee New York Times Arbacadii, oo soo xiganaya ilo qarsoon oo ka tirsan wasaaradda difaaca ee Maraykanka. Heshiiska horseeday in Khalid Sheikh Mohamed, Walid bin Attash iyo Mustafa al-Hawasawi, ay qirtaan demb iyada lagu soo oogay, si ay uga badbaadaan in lagu fuliyo, xukun dil ah, ayaa waxaa ansixiyey sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca ee Maraykanka, sida uu shaaciyey wargeysta the New York Times. Dhammaan saddexda nin ayaa xabsiga ku jiray tan iyo sannadkii 2003. Khaalid Sheikh Mohamed, ayaa ka tirsanaa ururka al-Qaacida ah oo Maraykanku ku eedeeyay inuu ahaa maskaxdii isku dubaridday weerarradii September 11 ee lala beegsaday Xarunta Ganacsiga Adduunka ee ku taallay magaalada New York iyo weliba wasaaradda difaaca ee Maraykanka oo ku taalla duleedka Washington DC. “In meesha laga saaro ciqaabta dilka ah, waxaa saddexdan eedaysane ay isku raaceen inay qirtaan dhammaan dembiyada lagu soo oogay, oo ay ku jiraan dilka 2,976 qof ee ku qoran warqadda eedda,” sidaasi waxaa qoraal ku sheegay madaxa dacwad oogaha, Rear Admiral Aaron Rugh, kadib waraaq loo diray ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi, sida uu baahiyey wargeyska New York Times. Warqadda ayaa lagu sheegay inay suurogal tahay in raggan codsigooda loo gudbiyo maxkamad furan, illaa bilawga toddobaadka soo socda, sida uu wargeysku sheegay. Wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa Arbacadii shalay sii daysay qoraal ay ku sheegayso inuu jiro heshiis qirasho dembi oo ay gaadheen Khaalid Sheikh Mohamed iyo labada eedaysane ee kale, iyaga oo aan faahfaahinin nooca qiraalka. The post 21 sano kadib raggii loo haystay weeraradii Sept. 11 oo heshiis la gaaray Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  6. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu ansixiyey wax ka beddelka Sharciga Maareynta Qandaraasyada iyo Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Iskaashiga Arrimaha la-dagaallanka Musuq-maasuqa ee u dhexeeya hey’adaha kor-joogteynta Soomaaliya iyo Sucuudi Carabiya. Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Istaraatiijiyadda Qaran ee 2024-2027 ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabashadaha wata oo ay Golaha u soo gudbisay Xarunta Qaran ee Tubsan. Golaha Wasiirrada ayaa dhinaca kale ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga Warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka, gaar ahaan xasillinta iyo guulaha laga gaaray xoreynta goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta. Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cismaan Usuuli oo kamid ah culimada caanka ah ee Soomaaliyeed, isla markaana ka qayb-galaya shirweynaha culimada ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda. Ugu horreyn Sheekh ayaa ka hadlay khilaafka ka dhashay shirka u socda oo ay qaadaceen maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, wuxuuna sheegay in arrintaasi laga haboonaa, maadaama shirka uu yahay mid wadatasho ah, loogana hadlayo xaalka dalka. Sheekha ayaa sidoo kale baaq u diray guud ahaan culimada Soomaaliyeed, wuxuuna ka dalbaday inay u istaagaan bad-baadada dalka iyo inay nasteexaan siyaasiyiinta. “Siyaasiyiinta Wadanka aan ka badbaadino booskii Ambiyada ayaan kur jirnaa, waxaa arkee Maamul goboleedyo dhahaayo Shirka waa qaadacnay” ayuu yiri Sheekh Usuuli. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in culimada Soomaaliyeed looga baahan yahay midnimo, si looga gudbo khilaafaadka dhexdooda ah. “War cadow ayaa nagu maqan taarkhdeenna ayaa la beddalayaa annaga waxaan ku mashquulsanahay kaliya Mowliid mala dhigi karaa iyo ma la dhigaayo” ayuu ku daray. Shirka Muqdisho ayaa waxaa kahor yimid culumada Ahlu Sunna iyo sidoo kale maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo iyagu sheegay inay gebi ahaanba xiriirka u jareen wasaaradda diinta iyo awqaafta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. Qoraalka horay uga baxay Galmudug ayaa waxaa lagu yiri “Wasaaradda diinta iyo awqaafta Galmudug waxay caddeyneysaa in aysan jirin cid ku metasho shirka wadatashiga culimada ee maanta furmay, maamaama aanan waxba kala socon shirkaas. Galmudug waxay ku dhawaaqeysaa inay gebi ahaanba joojisay wadashaqeyntii kala dhexeysay wasaaradda diinta iyo awqaafta dowladda federaalka Soomaaliya, inta lagu heshiinayo qaabka wada shaqeynta”. Koonfur Galbeed ayaa iyaduna sheegtay in aysan qayb ka ahayn shirka culimada ee uqdisho, isla markaana aanay quseyn qodobada kasoo baxa. The post Muxuu Sheekh Usuuli ka yiri maqnaashaha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ee…? appeared first on Caasimada Online.
  8. Mogadishu (HOL) — Somalia's National Security Advisor, Hussein Moalim Mohamud, has downplayed the threat posed by ISIS/Daesh in the country, asserting that the group's presence and influence are far less significant than those of the more entrenched al-Shabab. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyey wax ka beddelka sharciga maareynta qandaraasyada. Golaha ayaa sidoo kale meel-mariyay heshiis is-afgarad oo ku saabsan iskaashiga arrimaha la-dagaallanka musuq-maasuqa ee u dhaxeeya hay’adaha kor-joogteynta Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya. Shirka golaha oo uu guddoominayey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxa kale oo lagu ansixiyey istaraatiijiyadda qaran ee 2024-2027 ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabashadaha wata oo ay golaha u soo gudbisay xarunta qaran ee Tubsan. Golaha Wasiirrada ayaa dhinaca kale ka dhageystay wasaaradaha amniga gudaha iyo gaashaandhigga warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka. Warbixinta ayaa si gaar ah loogu dul istaagay xasillinta iyo guulaha laga gaaray howl-gallada socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo maraya marxalad xasaasi ah. Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo lagu doonayo Shabaab-ka, si looga saaro deegaanada ay weli ku harsan yihiin, xilli lasoo afmeerayo wejiga koowaad ee dagaalka.. Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa inuu si rasmi ah looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda ku xoogan tahay. The post Golaha Wasiirrada oo maanta meel-mariyay heshiis xasaasi ah iyo sharci cusub appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka u dhexeeya culimada Ahlu Sunna Waljamaaca iyo wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa sii xoogeystay, waxaana arrinta uga sii daray shirka culimada ee haatan ka socda Muqdisho, kaas oo aysan qayb ka ahay Ahlu Sunna. Sheekh Cabdulqaadir Soomow oo kamid ah culimada Ahlu Sunna ayaa sheegay inay iska diideen ka qayb-galka shirweynaha culimada wuxuuna sababta ku sheegay in la dhaqan-geli waayay qodobo kasoo baxay shirkii hore oo ay ka qayb-gashay Ahlu Sunna. Sidoo kale wuxuu eedeymo culus u jeediyay wasiir Mukhtaar Roobow oo uu sheegay inuu burburiyay guddigii sare ee culimada, sidoo kalena uu abuuray khilaafaad ka taagan qaar kamid ah masaajidda ay maamulaan Ahlu Sunna oo la’isku haysto. “Annaga lama shaqeyn karno Mukhtaar Roobow, inta uu wasaaradda joogo lama shaqeyneyno shirkii hore maadaama wixii kasoo baxay la burburiyay wax macno ah masoo kordhineyso inaan hadda tegno shirka socda” ayuu yiri Sheek Soomow. Sheekha ayaa si cad u sheegay in aanay la shaqeyn karin wasiirka hadda jooga ee wasaaradda diinta iyo awqaafta, wuxuuna ugu baaqay madaxda dalka inay arrintaan soo farogeliyaan si xal loogu helo. “Ciddii shalay gaalo aa tihiin noo dileysay in bariga haddane hoggaankiina diinta waayey nala yiraahdo nama qabato madaxda qaranka laba sano waan u adkeysaneynay waxaan ka rajeyneynaa inay arrintaasi dib u fiiriso” ayuu mar kale yiri Sheekh Soomow. Waxaa kale oo uu ku eedeeyay wasiirka inuu xoogga saaray oo kaliya fikirkiisa iyo sidoo kale culimada ku fakirka ah, isla markaana ay meesha ka baxday taladii la wada lahaa. “Ahlu Sunna Waljamaaca kuma qanacsana wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow waxaa moodaa inay ku jirto caadifad oo uu wasiirku xoogga saaraayo inuu isagu fikirkiisa iyo inta ku fikirka uu culimo u yaano, inta kalena aanu u aqoonin” ayuu sii raaciyay. Waxaa kale oo uu yiri “Culimada waxaan leeyahay midnimo halagu dadaalo waxa laga shaqeynaayana ha noqdaano fikirka wasadiga in dadka la gaarsiiyo oo saxda ah”. The post Khilaafka Ahlu Sunna iyo Mukhtaar Roobow oo kasii daray – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
  11. Mogadishu (HOL) — Dekedaha SC are the champions of the 2023/2024 Somali Premier League after a commanding 4-1 victory over arch-rivals Horseed FC on Tuesday in Mogadishu. The win secures Dekedaha SC's top position in the league with 51 points from 21 matches. Source: Hiiraan Online
  12. Mogadishu (HOL) — Salaam Somali Bank has partnered with Mastercard to launch the Waafi Card, a pioneering digital-first multi-currency prepaid card designed to revolutionize digital payment solutions. The card, aimed at international travellers and diaspora communities, promises unparalleled convenience and security for digital transactions worldwide. Source: Hiiraan Online
  13. Ciidamada maamulka Israa’iil ayaa sheegay in taliyihii ugu sareeyay militariga Xamaas Mohammed Deif lagu dilay duqeyn ay ka geysteen marinka Qasa, maalmo ka hor oo ku beegan 13-kii bishii la soo dhaafay ee July. Sheegashadan oo dhinaca Israa’iil ku kooban ayaanay ka hadlin ururka xamaas, waxayna ku soo beegmaysaa maalin ka dib markii magaalada Tehraan ee Caasimadda Iiraan lagu dilay madixii xaafiiska siyaasadda ururkaas Ismaaciil haniyah oo lagu beegsaday guri uu ku sugnaa. Mohammed Deif ayaa kamida xubnaha ay Israa’iil aadka u doon doonayso, islamarkaana laf-dhabarka u ah halganka wax iska caabinta ah ee kooxaha reer Falastiin, illaa haddana lama hubo in sheegashada tell Aviv ay run tahay iyo in ay tahay qorshe ay dagaalamayaasha xamaas ku niyad-jabinayso, maadaama saacado ka hor hoggaamiye muhiim ah laga diley. Source: goobjoog.com
  14. State-owned Turkish Petroleum is set to send a seismic vessel to Somalia within weeks to begin initial exploration work on three recently awarded offshore blocks. Source: Hiiraan Online
  15. Mogadishu (HOL) — The World Bank has approved a $125 million Development Policy Financing (DPF) grant to enhance Somalia's economic resilience. The initiative introduces drought index insurance to 180,000 Somali pastoralists, including 90,000 women. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xalay soo saartay warsaxaafadeed ayaa si kulul u cambaareysay dilkii loo gaystay Allaha u naxariistee hoggaamiyihii garabka siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniya, waxaana dowladdu ay soo jeedisay dalab culus oo ka dhan ah Israel oo lagu eedeeyay inay beegsatay hoggaamiyahaasi, xilli uu ku sugnaa magaalada Tehran ee caasimada dalka Iran. Warqad ku qorneyd luuqadda Carabiga oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dilka Ismaaciil Haniya uu ka hor imaanayo shuruucda caalamiga ah, isla markaana uu yahay mid xad-gudub ah oo ay gaysatay Israel. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay in dilkan uu sare u qaado xiisadda culus ee haatan ka jirta bariga dhexe oo laga cabsi qabo inay dagaal isku sii rogto. “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay falkii Arbacadii shalay ay Israel ku dishay madaxii xafiiska siyaasadda ee ururka Xamaas Ismaaciil Haniya, Alle ha u naxariistee, oo ka dhacay caasimadda Iran ee Tehran, taasoo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo bini’aadantinimada, ayaa lagu yiri warqadda. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Soomaaliya waxa ay ka cabsi qabtaa in ay sii kororto xiisadda ka taagan bariga dhexe, taasi horseedi karta xad gudubyo hor leh oo ka dhan ah dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Debadda. Waxaa kale oo warsaxaafadeedkaa. agu sheegay in dilalka siyaasadda ee ay fulineyso Israel ay sababi karaan rabshado iyo in ay sii kororto Xiisadda ka taagan bariga dhexe. Dowladda federaalka ayaa u jeedisay beesha caalamka dalab culus oo ku aadan in tallaabo deg-deg ah laga qaado maamulka Israel. “Beesha caalamku tallaabo degdeg ah ka qaado Israel s loo joojinayo weerarada gardarrada ah ee Gaza iyo ku xadgudubka sharciga caalamiga ah iyo qaraarada Qaramada Midoobay”ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka ayaa ugu dambeyntii tacsi loogu direy dowladda Falastiin iyo shacabkeeda iyo qoyska Ismaaciil Haniya iyo saaxiibkiisii Allaha u wada naxariistee. The post DF Soomaaliya oo soo saartay dalab culus oo ka dhan ah Israel kadib dilkii Haniya appeared first on Caasimada Online.
  17. Mogadishu (HOL) —Security analysts worry the Islamic State's Somalia branch (IS-S) is rapidly expanding its influence and operational capabilities, posing a growing threat both within Somalia and internationally. On May 31, a U.S. airstrike near Dhaadaar in northeastern Somalia targeted Abdul Qadir Mumin, the leader of IS-S. While Mumin survived, the strike resulted in the deaths of three other militants, highlighting the heightened concern among U.S. officials about the group's rising role within the global Islamic State network. Source: Hiiraan Online
  18. Bosaso (HOL) — Puntland Police have arrested Mohamed Abshir Muse, accused of killing Khalid Ali Khalid Awmuuse, the Deputy Finance and Administration Chair of East Africa University, in Bosaso on July 29, 2024. Muse was captured at 6:00 a.m. in the Durduri area near Bosaso with the assistance of local elders. Source: Hiiraan Online
  19. New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay dadaallo diblomaasiyadeed oo degdeg ah si looga fogaado isku dhac ballaaran oo ka dhaca bariga dhexe, kulan degdeg ah oo ay yeesheen saacado ka dib markii Mr Haniyeh la dilay. Madaxa Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ku tilmaamay xaaladda taagan halis soo korortay. Safiirka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa isnah ku tilmaamay fal argagaxiso. Shiinaha, Ruushka iyo Aljeeriya ayaa iyaguna cambaareeyay. Japan ayaa sheegtay in ay ka cabsi qabto in gobolka uu qarka u saaran yahay dagaal dhan walba ah. Britain waxay ku boorisay xasillooni iyo is-xakameyn, iyadoo ku celisay baaq xabbad joojin degdeg ah oo laga sameeyo Qasa. Maraykanka ayaa ugu baaqay xubnaha Golaha Ammaanka ee saamaynta ku leh Iran “inay joojiyaan inay sii huriyana xaaladda qasan ee ka taagan bariga dhexe. Dhinaca kale waxaa gelinka dambe ee maanta lagu wadaa in dalka Iran ay ka dhacdo baroor-diiq loo sameynayo madaxii siyaasadda ee ururka Xamaas, Ismaaciil Haniyah oo la dilay Arbacadii shalay. Hoggaamiyaha ugu sareeya Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa tujin doona salaad Janaaso ah ka hor inta aan hogaamiyihii Xamaas loo qaadin magaalada Dooxa ee dalka Qadar, halkaa oo lagu wado in lagu aaso. Iran ayaa ku eedeysay Israa’iil inay ka dambeysay dilka, waxayna ugu hanjabtay “ciqaab adag” balse ma sheegin qaabka ay uga aargudan doonto Isra’il. Wargeyska New York Times oo soo xiganaya saddex sarkaal oo ka tirsan Dowladda Iran oo ka dalbaday in aanan la magac-dhabin, ayaa sheegay, in Ayatullah Cali Qamaney uu ciidamada Iran ku amray in ay si toos ah u weeraraan Isra’il. Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisu uu “dharbaaxo culus” u geystay cadawgiisa maalmihii la soo dhaafay, oo ay ku jirto dilka taliye sare oo ka tirsanaa ururka Xisbullaah kaasoo lagu dilay Lubnaan saacado ka hor weerarkii Tehran. Waxa uu uga digay Israa’iiliyiinta in “maalmo adag ay soo socdaan”, iyadoo laga cabsi qabo isku dhac ballaaran uu ka dhaco Bariga Dhexe. The post Golaha Ammaanka oo war culus kasoo saaray xaalada kasoo korortay bariga dhexe appeared first on Caasimada Online.
  20. ADDIS ABABA, Ethiopia (HOL) — Ethiopia's birr lost 30% of its value against the U.S. dollar this week following a major policy shift by the central bank to float the currency. The move is part of broader economic reforms to secure substantial financial aid from international lenders. Source: Hiiraan Online
  21. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay dadaallo diblomaasiyadeed oo degdeg ah si looga fogaado isku dhac ballaaran oo ka dhaca bariga dhexe, kulan degdeg ah oo ay yeesheen saacado ka dib markii Mr Haniyeh la dilay. Madaxa Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ku tilmaamay xaaladda taagan halis soo korortay. Safiirka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa isnah ku tilmaamay fal argagaxiso. Shiinaha, Ruushka iyo Aljeeriya ayaa iyaguna cambaareeyay. Japan ayaa sheegtay in ay ka cabsi qabto in gobolka uu qarka u saaran yahay dagaal dhan walba ah. Britain waxay ku boorisay xasillooni iyo is-xakameyn, iyadoo ku celisay baaq xabbad joojin degdeg ah oo laga sameeyo Qasa. Maraykanka ayaa ugu baaqay xubnaha Golaha Ammaanka ee saamaynta ku leh Iran “inay joojiyaan inay sii huriyana xaaladda qasan ee ka taagan bariga dhexe. Qaran News
  22. Iran and Israel each appealed to the U.N. Security Council on Wednesday to strongly condemn the other for recent deadly attacks. The council called for calm in a region it fears is sliding toward a wider war. Source: Hiiraan Online
  23. Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee furuqa daanyeerka oo laga helay qeybta koofur-bari ee dalka oo xad la leh Tanzania. Fayraska ayaa laga helay qof ka soo safray Uganda una socday Rwanda isagoo sii dhex marayay Kenya. Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in is dhexmarka aadka u sarreeya ee bulshada ee Kenya iyo qeybo kale oo dalalka Bariga Bulshada ka tirsan uu khatar ku yahay inuu cudurka ku faafo gobolka. Waxaa jira walaac sii kordhaya oo ku aaddan in nooca cusub ee dhimashada sababa uu ku faafo Bariga Afrika. Kiisaska ayaa sidoo kale laga soo sheegay Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, Burundi iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe. Mpox, oo afka qalaad markii hore loo yaqaannay furuqa daayeerka ayaa ah xanuun uu sababo fayraska monkeypox. Waxaa lagu kala qaadaa taabashada qofka qaba xanuunka. Waxaa sidoo kale la isugu gudbin karaa neefta. Calaamadihiisana waxaa ka mid ah nabro yaryar oo jirka kasoo baxa, dildillaac afka iyo xubinta taranka ah. Caadi ahaan wuu iska reystaa qofka iyadoo aysan wax dhibaato ah soo gaarin muddo labo ilaa afra toddobaad gudahood ah. Si kastaba, kiisaska adag ayaa u baahan daaweyn gaar ah. XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS Astaamaha ugu horreeya ee lagu arko bukaanka uu ku dhaco feyraska Monkeybox waxaa ka mid ah qandho, madax-xanuun, murqo xanuun, dhabar xanuun, qarqar iyo daal, sida ay sheegtay waaxda badqabka iyo arrimaha caafimaadka UK. waxaa kaloo astaamahaas ugu horreeya ee lagu arko bukaanka uu ku dhaco feyraska Monkeybox ama furuqa daanyeerka ka mid ah dhabar xanuun, qarqar iyo daal. Finan ayaa bukaanka ka soo bixi kara, intoodan badan waxay ka bilowdaan wajiga, ka dibna waxay ku faafaan qaybaha kale ee jirka. Finanka ayaa isbeddela ugu dambeyntii waxay yeeshaan qolof, kaas marka dambe soo hoobta. Qofka wuxuu ka qaadi karaa qof qabo cudurka, waxaa lagu kala qaadi karaa taabasho, neefsiga , wuxuu gudbaa indhaha, sanka ama afka. Waxaa kale cudurka laga qaadi karaa qofka marka uu qofka taabto xayawaanka uu ku dhacay feyraska sida Daanyeerka, jiirka iyo dabagalayaasha. Feyraskan wuxuu la mid yahay feyraska ka dhasha busbuska inkastoo uu xooggaa daran yahay, khubaradana waxay sheegeen in halistiisu ay tahay mid sahlan. Waxaa cudurkan inta badan lagu arkay meelo fog-fog oo ka mid ah bartamaha iyo galbeedka Afrika, oo u dhow kaymaha ku yaalla halkaas. Waxaa jira labo nooc oo fayraskan ah oo laga soo sheegay – Galbeedka Afrika iyo Afrikada Dhexe. XIGASHADA SAWIRKA,SPL Labo ka mid ah bukaanno cudurka qaba ee hore loogu arkay UK ayaa ka soo safray Nigeria, sidaa darteed waxay u badan tahay inay la ildaran yihiin nooca fayraska nooca Galbeedka Afrika, kaasoo ah mid fudud, inkasta oo weli la xaqiijin. Kiiskii saddexaad wuxuu ahaa shaqaale caafimaad oo la sheegay in fayraska uu ka qaaday mid ka mid ah bukaannada. Ma jirto wax dawo ah oo lagu talagalay feyraska Monkeybox laakin waa laga hortagi kari karaa in uu fido. Tallaalka ka hortagga busbuska ayaa la xaqiijiyay inuu 85% waxtar u leeyahay ka hortagga feyraska monkeypox , mararka qaarkoodna waa la adeegsan karaa tallaalkaas. Feyraska Monkeybox waa caabuq naadir ah kaas oo dadka badankiis ay ka soo kabtaan dhowr toddobaad gudahood, sida ay sheegtay waaxda qaran ee arrimaha caafimaadka UK ee NHS. bbcsomali Qaran News