-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Puntland parliament elects Abdirashid Jibril as new speaker
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
GAROWE (HOL) - Puntland parliament Thursday elected Abdirashid Yusuf Jibril as the new speaker following the ouster of immediate former office holder Abdihakim Ahmed Dhoobo. Source: Hiiraan Online -
Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibrill Xildhibaannada Baarlamanka dowladda Puntland, ayaa maanta guddoomiye cusub u doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kadib markii ay todobaadkii hore xilka ka xayuubiyeen guddoomiyihii hore, Cabdixakiin Maxamed Axmed ( Dhoobo). Kulanka maanta oo ay soo xaadireen 63 mudane, ayaa Cabdirashiid Yuusuf Jibriil 46-cod ka helay wareegii labaad, halka musharrixii ku soo xigay Cabdi jamaal Cismaan Maxamed uu isna helay 17-cod. Saddex xubnood oo keliya ayaa ka maqnaa fadhiga Baarlamanka. Doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, waxaa ku tartamay saddex musharrax oo kal ah; guddoomiyaha la doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Cali Axmed Dhahar iyo Cabdijamaal Cismaan Maxamed. Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf waxaa uu siyaasadda Puntland ku soo biiray sannadkii 2014, xilligaasi oo uu agaasimaha waaxda Warfaafinta ka noqday madaxtooyada Puntland, isagoo xilkaasi hayay 5-tii sano ee xukuumadii Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas). Sidoo kale, Baarlamanka Puntland ayuu ku soo biiray sannadkan 2019, waxaana laga soo doortay degmada Badhan ee gobolka Sanaag. Guddoomiyaha cusub ayaa lagu tilmaamaa shakshi saamayn weyn ku leh siyaasadda Puntland ee ku wajahan arrimaha gobolka Sanaag. PUNTLAND POST The post Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay guddoomiyaha Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa hadda magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland ka socota doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada ee maamulkaasi. Arrintan ayaa imaaneya kadib markii guddoomiyihii hore Dhoobo Direed shaqada laga diray 7-badii bishan, waxaa mooshin ka keenay ilaa 45 mudane. Doorashada maanta ee Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland waxaa ku tartamaya 3 Musharax oo kala ah Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Cabdijamaal Maxamed Cusmaan iyo Cali Axmed Saalax. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya ayaa sheegaya in dalalka dariska ay yihiin saamiley dano ka leh Soomaaliyeed, isla markaana ay adeegsadaan siyaasiyiinta , xildhibaannada, dowlad goboleedyada iyo qeybo kale. Farmaajo oo arrinkaas ka hadalaya waxaa uu yiri ““Dowladaha dariska oo saamileyda qeyb ka ah, oo dano qaran ka leh dalkii, oo iyagu naftigooda rabo iney saameyn ku yeeshaan waxa shaqeynaya, haddii qaarkood ku jeclaan waayaan, oo uma arkaan in aadan la shaqeyneyn, waxaa ay heystaan iney ku soo dhex maraan dowlad goboleed, waxaa ay heystaan iney ku soo dhex maraa 2,000 oo siyaasiyiinta ahaa, waxaa laga yaabaa iney ku soo dhexmaraan xildhibaannadii, waxaa laga yaabaa iney ku soo dhexmaraan dowladda dhexdeeda, marka iyagu naftigoodu waxaa weeye in aad xiriir fiican la yeelato”. Dhinaca kale, Farmaajo waxaa uu intaasi ku daray in hadda ay Khaliijka ku soo biireen, mar uu ka hadlayey waxaa uu yiri “Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay iney hadda Khaliijka ku soo biireen “Hadda waxaa nagu biiray khaliijka, oo iyagu naftigoodu qeyb ka ah howlaha socda, caqabadahaas oo dhan ayaan mid weliba waxaan ku heynaa xargo si dowladdu u shaqeyso, oo u hano qaado, oo wax la taaban karo, waqtiga yarka ah ay heysato u qabato”. Farmaajo ayaa safar shaki badan ku jooga magaalada Nairobi, lamana oga ujeedkiisa rasmiga ah ee uu halkaasi u tagay, mana jirto cid wax ka og jadwalkiisa shaqo iyo cidda uu la kulmayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridday xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo kala ah Shuceyb C/llaahi Maxamed iyo Saadaq Cabdijabaar Xuseen. Labadan dhalinyaro ayaa loo heystaa inay ka qeyb qaateen dilal ka dhacay magaalada Muqdisho oo loo geystay askar ka tirsan ciidanka dowladda. Saadaq Cabdijabaar ayaa loo heystaa inuu ka mid ahaa Al-Shabaab, gaar ahaan qeybta fulisa dilalka qorsheysan, waxaana lagu qabtay dilka Marxuum Ex Dable Maxamuud Xasan Ibraahim oo la dilay bishii March ee sanadkan 2019. Eedeysanaha kale Shuceyb C/llaahi Maxamed ayaa isna loo heystaa dilka 3 askari iyo qof shacab ah oo ka ganacasanayay Hilibka, waxaana Maxkamadda ku soo eedeysay inuu siyaabo kala duwan ugu dilay Muqdisho illaa saddex askari laga soo bilaabo sanadkii 2017 illaa 2018. Shceyb ayaa si gaar ah loogu soo eedeeyay inuu dilay Saddex askari oo lagu kala magacaabo Marxuum Ex- S/X/le X. Xuseen Macalin Cali Jilacow 28/06/2017, Marxuum Ex- G/le Bol. Yuusuf C/laahi Max’ud 09/12/2017 iyo Marxuum Ex- L/x/le Bol, C/laahi Ibraahim Xasan (Gambar) 05/05/2018,, halka Marxuum Cabdi Cali Max’ud oo ahaa nin shacab ah oo ka ganacsanaayay hilibka (Kawaanle) uu dilay taariikhda marka ay aheyd 27/11/2018, waxaana uu sidoo kale dhaawac xabadeed uu u gaysatay Dhibane C/raxmaan Max’ed Cali. Sidoo kale Maxkamadda ayaa xabsi daa’in ku xukuntay Maxamed Cismaan Axmed iyo Ismaaciil Aweys, kuwaasoo iyana loo heysto falal xiriira amni daro ka qeyb qaadashada d Labadan Eedeysane ayaa loo heystaan inay qorsheynayeen dilka gabar qaadka ka ganacsatada, waxaana ka fashilmay isku dayga dilkooda, kaddib markii Ciidamo ka tirsan Booliska oo howlgal ku jiray ay gacanta ku dhigeen raggan, xilli ay wateen mooto bajaaj, kuna hubeysnaayeen Bastoolado. Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa sheegtay in qofkii aan ku qanacsaneyn xukunka Maxkamada uu ka qaadan karo racfaan. Halkaan ka daawo Shirqool lagu dili rabay Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif oo la shaaciyey Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay kulan gaar ah la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee Kenya ayaa sheegay in 3-dii sano oo ay joogeen ka shaqeeyeen xasilooni siyaasadeed. Madaxweynaha oo arrinkaas ka hadalaya waxaa uu yiri “Waxaan aaminsanahay in aan ku soconno 3 sano, 3 sano aan joognana waxaan aaminsanahay in wax badan noo hagaageen, howl badan, oo aad u fara badanna ay noo dhiman tahay, waxyaabaha aan ku guuleysanay waxaa ka mid ah: in aan fahmay caqabadaha dalka heysta, runtii dowlad ahaan wax heerkan na soo gaarsiiyey, oo u eg in aan fadhiid nahay, oo aanu horay u socon waxaa ay aheyd xasilooni siyasaadeed la’aan, dalku xasilooni siyaasadeed ma laheyn muddo dheer, waad la socotaan dalku waxaa hormaraa marka siyaasadiisa ay degan tahay, dadka mas’uuliyiinta wada shaqeyn leeyihiin, shacabku fahamsan yihiin dowladooda meesha ay u socoto, waxay aheyd arrin aan ka gaabinay, laakin innagu aan fahamnay, in dowladdu ay xasilan tahay, madaxweynaha iyo PM-ka wada shaqeyn leeyihiin, xukuumadda iyo baarlamaanka wada shaqeyn leeyihiin, shacabka iyo dowladda wada shaqeyn leeyihiin, Madaxweyne Farmaajo waxaa uu rajeynayaa in isaga iyo ra’isul wasaare Xasan Kheyre ay sii wada joogi doonaan sanadka haray“Waxaa ugu horeeya oo dhibaatooyinka inta badan ka taagnaan jireen waa madaxweynaha iyo PM-ka, 3 sano waa xalinay arrintaas, waxaan rajeynayaa sanadka noo harayna in aan ku dhameystirno inuusan dhicin xasilooni la’aan siyaasadeed ineysan dhicin. Farmaajo ayaa safar shaki badan ku jooga magaalada Nairobi, lamana oga ujeedkiisa rasmiga ah ee uu halkaasi u tagay, mana jirto cid wax ka og jadwalkiisa shaqo iyo cidda uu la kulmayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warbixin cusub oo ay soo-saareen baareyaasha gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in militeriga Kenya ay mas’uul ka yihiin 5 weerar oo loo geystay shirkad isgaarsiin oo ku taalla waddanka Kenya deriska la ah ee Soomaaliya iyo waliba duqeymo lala eegtay goobo ay deggan yihiin dad rayid ah iyadoo halkaas lagu dilay laba qof. Ciidanka Kenya ayaa weeraray qalab shirkad isgaarsiin oo Soomaaliyeed intii u dhaxeysay 2017 illaa 2019 iyadoo ujeedku ahaa in isgaarsiinta laga jaro xarrakada Alshabaab kuwaas oo damacsanaa inay qaraxyo fuliyaan, waa sida quburo amni ay ku sheegeen warkii ugu dambeeyey ee kasoo baxa kuwaas oo u gudbiyey golaha ammaanka isniintii. Kooxdan quburada ah kuwaas oo dabagal ku sameeya cunna-qabateynta saaran Soomaaliya ayaa sheegay inay heleen warar sheegaya in ciidanka Kenya ay weerareen 12 taawar oo ay leedahay shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud ee saldhiggeedu yahay magaalada Muqdisho. Quburadan dhanka amniga ah waxay sheegeen inay si madax bannaan u xaqiijiyeen shan weerar oo ka dhashay dhimashada laba qof oo shacab ah sida guddiga cunna-qabateynta ee Qaramada Midoobay ay xaqiijiyeen. Qof waardiye ah iyo qof kale oo ay qaraabo yihiin ayaa ku dhintay duqeyn ay ciidamada Kenya u geysteen xarun ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Hormuud bushii July 2018 sida warka kasoo baxay guddigan Qaramada Midoobay lagu sheegay. Ciidamada dalka Kenya dhankooda wey iska fogeeyeen ku lug lahaanshaha weerarradan intii lagu guda jiray shir ay la lahaayeen quburo ka socotay Qaramada Midoobay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa wuxuu baaq u diray shacabka ku nool magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Ibraahim Cumar Mahad Alle, gudoomiye ku xigeenka Maaliyada, ayaa ku waaniyey dadweynaha in ay la shaqeeyaan laamah aammaanka. Mr Ibraahim Dheere ayaa hoosta ka xariiqay in maamul ahaan ka go’an tahay sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatooyinka amniga. Gobolka Banaadir ayuu xusay in uu ku dedaali doono sidii loo xoojin lahaa kaalinta dadweynaha ka cayaaraan nabad-gelyadda. Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xili shalay maamulku soo bandhigay laba ruux kuwaas oo lagu eedeeyay falal liddi ku ah xasiloonida. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Amni.mp3 View the full article
-
Source
-
Raga lagu riday xukunada kala duwan Maxkamadda derejada kowaad ee ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka Xukun dil ah ku ridday laba xubnood oo sida maxkamaddu sheegtay lagu helay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab. Shuceyb Cabdullaahi Maxamed iyo Saadaq Jabaar Xuseen ayaa lagu helay in ay Al-shabaab u qaabilsanaayeen dilalka qorshaysan islamarkaana ay xilliya kala duwan ay magaalada Muqdisho ku dileen askar ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya. Maxkamadda ayaa sidoo kale xabsi daa’im ku xukuntay laba eedaysane oo kale Maxamed Cismaan Axmed iyo Ismaaciil Aweys kuwaasi oo lagu helay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo in ay qorsheeyeen isku day dil oo ay doonayeen in ay ku khaarajiyaan gabar ka ganacsata Qaadka balse ay ka hortageen ciidamada amniga. Guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad ee ciidamada Qalabka oo ku dhawaaqay xukunnada kala duwan ayaa sheegay in raga la xukmay dhammaantood ay hastaan 30 cisho oo Rafcaan ah. Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Muqdisho: Maxkamadda ciidamada oo dil iyo xabsi daa’in ku xukuntay xubno ku eedaysan Shabaabnimo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ka bilaabaneysa xarunta Golaha wakiilada Puntland, kadib markii xilkaasi si degdeg toddobaadkii hore looga qaaday guddoomiyihii hore C/xakiin Dhoobo-Daareed. Waxaa doorashada u taagan saddex musharax oo kala ah: Xildhibaan Abwaan C/rashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) iyo Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed, waxayna saddex musharax kasoo jeedaan beesha guddoomiyihii hore oo awood qeybsi u leh xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland. Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in doorashada ay tahay mid aan xiiso badan lahayn oo abaabulkeedu hooseeyo, iyadoo loo saadaalinayo inuu kusoo bixi doono Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo la sheegay inuu shaqsiyan heysto fursadda ugu wanaagsan ee xilkaasi uga soo bixi karo. Saddexdan Musharax ayaa maalmihii la soo dhaafay olole ka wadeen Garowe, waxaana ay xod-xodasho iyo xusul duub badan ka dhex wadeen Xildhibaanada Baarlamaanka, si ay codkooda u helaan. Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, waxaana la saadaalinayaa inuu soo bixi karo Musharax ay taageersan tahay Madaxtooyada Puntland. Halkaan ka daawo Shirqool lagu dili rabay Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif oo la shaaciyey Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) –Maanta suuqyada Magaalada Muqdisho kuwoodii Hilibka lagu iibiyo ayaa haawanaya, kaddib markii shaqa joojin ay sameeyeen ragga hilibka Geella ka ganacsada. Saddexda Berri ee soo socota ayay sheegeen ganacsatadu inaysan keeneyn hilib suuqyada Muqdisho islamarkaana ay sameynayaan dibad bax. Ganacsatada Hilibka iibiya ayaa debad baxooda u sababeeyay kaddib markii lagu kordhigay lacag 100 doollar ah halka marka hore laga qaadi jiray 200$, hayeeshee hadda kaddib laga doonayo inay bixiyaan lacag 300$ ah. Lacagta 100$ka doollar ee dheeriga ku ah ganacsatada ayay sheegeen inaysan bixin Karin, waxaana ay sheegeen in lacagtaasi ay ka qaadaan qolo ay ku sheegeen inay dalaalaan xoolaha Geella. Halka maamulka gobalka banaadir ay ku sheegeen inuu ka qaado lacagta 200$ taasoo ay ku tilmaameyn culeys aan laga bixi karin. Dadka Muqdisho ayaa Maanta intooda badan iibsanayo Malayga badalka Hilibka maadaama la joojiyey ka ganacsiga Hilibka. Dhawaan ayey aheyd markii Gaadiidleyda Muqdisho ay shaqo joojin sameeyeen iyagoo ka cabanayo canshuur xad dhaaf ah oo laga qaado iyo jidadka oo weli xiran. Halkaan ka daawo Shirqool lagu dili rabay Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif oo la shaaciyey Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Beledwayne (SMN) – Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa ku dhawaaqay in uu cadaaladda marsiinayo dad musuqmaasuqay gurmadka Beledwayne. Gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshadda gobolka Hiiraan ayaa wuxuu u digay qof walba oo ku fekeraya in uu wax is-dabamarin sameeyo. Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamadda ay dabagal badan ku sameyn doonan shaqsiyaad laga shakisan yahay. Tani ayaa kusoo aadeysa markii shalay la qabtay laba qof kuwaas oo leexsaday gurmad loo waday shacabka dhibaateysan ee Beledwayne. Shaqsiyaadkaas ayaa waxaa lagu soo qabtay howlgal abaabulan oo ciidamada ka sameeyeen magaaladda Beledwayne. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/HirShabelle-1.mp3 View the full article
-
Guddoomiyaha aqalka hoose ee Baarlamanka dowladda Federaalka , Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo ku sugan magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad degaanka Soomaalida, ayaa ka hadlay doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee la filayo in ay dhacdo 2020/2021-da. Guddoomiye Mursal, ayaa sheegay in doorashadu ay ku dhici doonto wakhtiga loogu talo galay, oo aysan jirin wax dib u dhac ah oo ku iman doona doorashada, isagoo xusay in Barlamaanka Soomaaliya uu ka doodi doono shuruucda looga baahanyahay doorashada soo soo soo socota. “Doorashada xiligii loogu tala galay ayay dhici doontaa haddii Alle idmo, Waxaa uu barlamaanka hadda gacanta ku haya sharciga doorashada oo guddii loo magacaabay, waxaana rajeeneynaa bishan Noofeembar in barlamaanka ka doodo sharcigaas, bisha Diseembar na la ansixiyo sharciga doorashada” ayuu yiri guddoomiye Mursal oo la hadlayay BBC-da. Sidoo kale, wuxuu sheegay in mudda xileedka dowlad kasta oo la doorto ugu qoran Dastuurka ay tahay afar sano oo keliyah, islamarkaana dowladda walba ay haysato afar sano, marka afartaas sano ay dhamaatana doorashada la qaban doono. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Mursal oo sheegay in doorashada Soomaaliya ay wakhtigeeda ku qabsoomi doonto appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maalmahanba ku sugnaa dalka Itoobiya, gaara ahaan Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida, halkaas oo uu ku casuumay dhiggiisa Itoobiya ayaa waxaa uu ka hadlay doorashada la filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo sanadka dambe. Mursal ayaa sheegay in doorashada ay ku dhici doonto xiliga loogu talo galay, oo aysan jirin wax dib u dhac ah oo ku iman doona doorashada, barlamaanka Soomaaliyana uu ka doodi doono shuruucda doorashada soo soocta. “Doorashada xiligii loogu tala galay ayay dhici doontaa haddii Alle idmo, Waxaa uu barlamaanka hadda gacanta ku haya sharciga doorashada oo guddii loo magacaabay, waxaana rajeeneynaa bishan Noofeembar in barlamaanka ka doodo sharcigaas, bisha Diseembar na la ansixiyo sharciga doorashada”, ayuu yiri guddoomiye Mursal oo la hadlayay BBC-da. Waxaa kale oo uu sheegay in mudo xileedka dowlad walba ay ku qoran tahay dastuurka, oo dowladda walba ay heysato afar sano, marka afartaas sano ay dhamaatana doorashada la qaban doono. Barlamaanka Soomaaliya ayaa guddi u magacaabay sharciga doorashada la filayo in dhawaan ay ka dhacdo dalka, waxaana guddigaas uu kulamo ugu tegay inta badan maamulada dalka, si ay uga ra’yi dhiibtaan sharciga doorashada. Xulista guddiga doorashada ee barlamaanka uu magacaabay ayaa timid, kadib markii xukuumadda federaalka ay barlamaanka u gudbisay sharciga doorashada, taas oo keentay in golaha shacabka ay guddi u magacaabaan ka soo tala biixnta soo jeedinta dowladda. Doorashada xubnaha barlamaanka Soomaaliya oo haatan ay ka harsan tahay sanad ayaa wali waxaan la ogeyn qaabka ay u dhici doontaa doorashada iyo nooca doorasho ee ay Soomaaliya yeelan doonto, arrintaas oo dad badan ay ka dhowrsugayaan. Qaar kamid ah axsabata mucaaradaka ayaa dowladda ku eedeeyay in ay damacsan tahay muddo kororsi, walow aysan marnaba xukuumadda ka hadlin in ay damacsan tahay arrin noocaas ah. Halkaan ka daawo madaxweyne Farmaajo oo weeraray Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xassan Cali Khayre iyo madaxweyne ku-xigeenka Midowga Yurub, Federica Mogherini ayaa Kula kulmay magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in Kulanka looga hadlay xariirka ka dhexeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda. Federica Mogherini oo sidoo kale ah wakiilka Midowga Yurub ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga, ayaa adkeysay sida ay Midowga uga go’antahay in Soomaaliya ay ku taageeraan hiigsigeeda dhismaha Soomaaliya ku tillaabsata siyaasad loo dhanyahay, amni, dhaqaale ahaanna horumarsan oo ka faa’iideysata bulshadeeda hal abuurka leh. Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu uu ka la qaatay Federica Mogherini ayaa qayb ka ah shirar uu Brussels kula qaadanayo hoggaanka midawga Yurub. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub Oo Brussels Ku Kulmay appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (SMN) – Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu dooranayaa afhayeenkooda rasmiga ah. Xildhibaanadda ayaa waxay kala dooran doonan dhowr murashax, kuwaas oo ku baratami doona coddeynta oo aad isha loogu hayo. Doorashadan ayaa ka dambeysay markii ay kalsoonida kala noqdeen afhayeenkooda Cabdixakiim Dhooba Daareed oo qaadacay. Puntland ayaa ah maamul goboleedka ugu da’da weyn federaalka ka jira Soomaaliya, oo ah dal dhaca Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-14112019.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo magaalada Nayroobi kula kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa sheegay in uu ku bogaadinayo ganacsatada dareenka waddaniyeed ee ay u qabaan dalkooda iyo doorka ay ka qaataan xal u helista duruufaha ku xeeran. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, fursaha jira, caqabadaha ku gadaaman dowlad-dhisidda iyo dadaallada uu hoggaaminayo ee ku saleysan taabbo gelinta hannaan dowladeed oo maamuus leh, ayna ku faani karaan dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada in ay kaalin mug leh ka qaataan gurmadka loo sameynayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha dalka ka jira. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ku boorriyay ganacsatada in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska Safaaraddeena Nayroobi si ay u yeelato muuqaal ka tarjumaya hiigsigeenna qaran, hanka iyo kartida ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed. “Dhismaha Safaaraddan idiinka iska leh. Waxaa loo baahan yahay in aad dib u dayactirtaan oo kaalin weyn aad ka qaadataan, si dadka shisheeye aynu ugu muujinno wajiga dhabta ah ee Soomaaliya iyo hawlkarnimada dadkeenna.” Dhinaca kale, madaxweyne farmaajo waxa uu si adag u dhaliilay siyaasiyiinta iyo mucaaradka ah dhaliilsan dowladda “ Siyaasiyiinta bannaanka taagay ee hor-taagan idaacadaha iyo facebook-yada ka qeylinaya kuligood waa shaqo doon, oo waxay yaqaaneen wixii ay soo dhadhamiyeen maalin walba waxbaa la bedelaa in la abuuro siyaasiyiin cusub oo aan laga faa’ideysan”. Munaasabadan oo lagu qabtay xarunta Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya waxaa ku wehliyay Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, Danjire Maxamuud Axmed Tarsan, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Fuursade, La-taliyeyaal iyo diblomaasiyiinta ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Nayroobi. Hoos ka daawo khudbadiisa iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo si adag u dhaliilay siyaasiyiinta mucaaradsan dowladdiisa appeared first on Puntland Post.
-
It seems like every day a new workout is popping up-have you heard about “Shock Therapy,” the first workout studio in New York City to offer a fitness class that features an electrical muscle … Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha, Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isaga oo ku sugan magaalada Nayroobi kula kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi, ayaa uga warbixiyey xaaladda guud ee siyaasadda dalka, fursaha jira, iyo caqabadaha haatan ku gadaaman dowlad-dhisidda iyo dadaallada uu hoggaaminayo ee ku saleysan taabbo gelinta hannaan dowladeed oo, ay ku faani karaan dadka Soomaaliyeed. Farmaajo waxa uu sheegay inay jiraan sida uu hadalka udhigay siyaasiyiin Careysan oo ka soo horjeeda Nidaamka dowladnimada ee somaliya, kuwaas oo qaarkood uu sheegay inay horay u soo dha’dhamiyeen howlaha haatan ay hayaan madaxda talada heysa. Madaxweyne farmaajo oo hadalkiisa siiwata ayaa soo hadal qaaday in dhibaatooyinka jira xiligaan ay qeyb ka yihiin madaxweynahayaasha dowladgoboleedyada qaar oo uu tilmaamay inay raadinayaan helida Awooda dowlada dhexe oo kale, kuwaas oo ku mashquulsan dhismaha Ciidamo iyo tastuur ugaar ah iyaga. Ugu Dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu ugu baaqay ganacsatada in ay kaalin mug leh ka qaataan gurmadka loo sameynayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha dalka ka jira. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu ku boorriyay ganacsatada in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska Safaaradda Nayroobi si ay u yeelato muuqaal ka tarjumaya hiigsiga qaran, hanka iyo kartida ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed. “Dhismaha Safaaraddan idiinka iska leh. Waxaa loo baahan yahay in aad dib u dayactirtaan oo kaalin weyn aad ka qaadataan, si dadka shisheeye aynu ugu muujinno wajiga dhabta ah ee Soomaaliya iyo hawlkarnimada dadkeenna.” Munaasabadan oo lagu qabtay deegaanka Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya waxaa ku wehliyay Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, Danjire Maxamuud Axmed Tarsan, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Fuursade, La-taliyeyaal iyo diblomaasiyiinta ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Nayroobi. View the full article
-
Doorashada guddoomiyaha Baarlamanka ee saaka dhacaysa, waxa ku tartamaya saddex musharrax oo kala ah; Cabdijamaal Cismaan Maxamed, Cali Axmed Dhahar iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Saddexda musharrax, ayaa maalmihii la soo dhaafay waday loollan ku aaddan kala jiidashada xildhibaannada Baarlamanka Puntland, inkastoo doorashadan lagu tilmaamay mid ka saamayn yar tii lagu doortay guddoomiye Cabdixakiin Dhooba-daareed. Sida ay sheegayaan xeel-dheerayaasha Siyaasaddu, doorashadan kama muuqdo abaabul xooggan iyo loollan adag, sida tii dhacday 4-Jannaayo ee sannadkan oo lagu doortay guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo). Balse, haddana waxay saadaalinayaan in musharrax Cabdirashiid Yuusuf Jibriil uu yahay midka ugu fursadda fiican, marka loo eego abaabulka ol’olihiisa iyo miisaanka siyaasadeed ee uu ku leeyahay gobolka Sanaag. PUNTLAND POST The post Doorashada guddoomiyaha Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
