Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,942
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay wefti balaadhan oo uu hogaaminayey Safiirka dalka Shiinaha ee Soomaaliya Mr Qin Jian. Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dowladda Puntland. Kulanka kadib Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si wadajira uga warbixiyey muhiimadda kulanka iyo arrimihii looga wadahadlay, Madaxweyne Deni ayaa sheegay in safiirka ay tahay markiisii labaad oo uu yimaado Puntland, waxaa uu xusay in booqashadiisu ay kusoo beegmayso xilli Puntland isu diyaarinayso maalgashi iyo kobocdhaqaale. “Maanta waxaa nagu soo booqday magaalada Garoowe safiirka dalka shiinaha ee Soomaaliya oo xaruntiisu tahay Muqdisho, runtii waa markii labaad oo uu yimaado Garoowe, waan uga mahadcelinayaa safiirka booqashadiisa, isagoo metelaya dalka Shiinaha oo xiriir dheer oo taariikhiya la leh dalka Soomaaliya, guud ahaan iyo gaar ahaan Puntland” “Waan ku faraxsanahay booqashadiisa ku salaysnayd inaan isdhaafsano aaraa iyo aragti, Puntland oo marayso heerka horumarinta dhaqaalaha inuu soo booqdo, iyadoo ay joogaan shirkado shiinays ah oo dalka horena u maalgeliyey, haddana maalgelin kaleeto ka samayndoona haddii Alle idmo, shirkadahaas oo runtii u caansan tahay shirkadda CCECC oo dhistay garoonka Diyaaradaha Boosaaso, hadana mashaariic kale ka fulindoonta dalka, waan ku faraxsanahay imaanshihiisa waanna uga mahadcelinayaa, waana soo dhoweynayaa” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Safiirka shiinaha ee Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshihiisa Puntland markiisii labaad, waxaana uu bogaadiyey iskaashiga ganacsi iyo maalgashi ee Puntland iyo dalkiisa, “Waa markii labaad ee aan imaado Puntland oo aan soo dhigo cagahayga dhulkan aadka u quruxda badan, waxaa sahashey tan saaxiib tinimada wanaagsan ee na-dhexmartay, ujeedada socdaalkaygu waxa ay ahayd inaan dardargelino saaxiiib tinimada ka dhexaysa labada shacab ee Soomaaliya iyo shiinaha, inaan wax ka ogaano fursadaha ganacsi ama maalgashi ee ka jira Puntland iyo inaan dhiirigelino iskaashiga maalgashi ee ka dhexeeya labada dhinac”. “Sanadkan horaantiisii Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Deni wuxuu soo boogday gobolka Zhejiaing, labada dhinac waxay ka wadahadleen qodobo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga iyo dardargelinta saaxiibtinimada qotada dheer ee labada dhinac, waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweyne Deni iyo Dowladda Puntland dedaalka ay ku bixiyeen sidii ay u horumarin lahaayeen xidhiidhka saxiibtinimo ee Puntland iyo shiinaha”Ayuu yiri Safiirka shiinaha ee Soomaaliya Mr Qin Jian. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Safiirka Shiinaha Ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug ayna soo magacowday Dowladda Soomaaliya ayaa doortay Gudoomiye iyo Gudoomiye ku xigeenka, waxaana loo diiday in ay iska dhex doortaan xoghayaha Guddiga, diidmadan ayaa ka timid dhanka Wasaarada arrimaha Gudaha. Seddex qof oo kamid ah Guddiga ayaa muujiyay in ay shaqadooda u madaxbanaan yihiin laga soo bilaabo markii la magacaabay, balse Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Eng. Cabdi Maxamed Sabri ayaa ku qanciyay guddiga in aysan u madaxbaaneyn, islamarkaana xogheynta Guddigu uu noqon doono Yaxye Cali Hareeri oo ka socda dhanka wasaarada, sidoo kalena qaraabo dhaw la ah Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Xubnaha Guddiga oo markii horaba badankood ahaa dhalinyaro taageersan siyaasada madaxda dowladda ayaa u muuqda guddi aan awood u laheyn in uu soo dhiso maamul loo dhanyahay oo la marsiiyo sifo sharci. Inta badan Murashixiinta iyo saamileeyda siyaasada Galmudug ayaa horay uga horyimid xubnaha guddigan, dhanka Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa iyana sameeystay Guddi kale oo doorasho, kadib markii ay sheegeen in dowladdu uga baxday hwshiis-yadii hore. Magaalada Dhuusomareeb ayaa xiligaan waxaa ka socda dhiilo colaadeed iyo doorasho garab u raran. Dhismaha Maamulka Galmudug ee xiligaan ayaa tusaale u ah damaca iyo nuuca doorasho ee ay sameeyn doonaan madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre marka lagaaro doorashada Soomaaliya ee sanadka 2021. Warqadii lagu magacabay guddigan ayaa lagu cadeeyay xogheynta Guddiga. Hoos ka arag
  3. Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe kusoo dhoweeyey wefdi balaaran oo uu hogaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. Kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay safiirka qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo weftigiisa ayaa waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Danjire Mr James Swan ayaa kulan ka kadib si wadajira ula hadlay warbaahinta. Deni ayaa tilmaamay in ay ka wada-hadleen safiirka arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga, waxaana uu uga mahadceliyey hay’addaha Qaramada Mudiibey shaqooyinka muhiim ka ah ee ay ka hayaan dalka, gaar ahaan Puntland oo uu xusay Madaxweynuhu in shaqooyinkaasi ay muddo dheer soo socden. Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey Soomaaliya Mr James Swan ayaa dhankiisa bogadiyey horumarka balaadhan ee ay Puntland ka gaartay dhan walba. Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa xusay in Puntland diyaar u tahay ka qayb qaadashada geeddi socodka siyaasadda, Amni, iyo Dhaqaalaha dalka, heeganna mar-walba u tahay ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maamulka Dakhliga oo qeyb ka ah dhammeystirka hannaanka Maamul-wanaagga iyo hufnaanta Maaliyadeed ee dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay hawshan qiimaha leh uga mahadceliyay dhammaystirka Sharcigan. “Sharcigani waxa uu ku saabsan yahay maamulka dakhliga waana Sharci la jaan-qaadaya nidaamka casriga ah ee ururinta dakhliga. Qodobbada uu ka hadlayo sharcigan waxaa ugu muhiimsan bixinta canshuurta iyo sidii loola macaamili lahaa canshuur bixiyaha.” Munaasabadda Saxiixa sharcigan kaddib, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahu Farmaajo waxa uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirrada iyo Madaxda Waaxyaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda, waxa uuna si mug leh ugu soo bandhigay dhibaatada musuqmaasuqa laga dhaxlo, isaga oo adkeeyey go’aan adayga iyo tallaabooyinka muuqda ee Dowladdu ay ku wajahayso. Munaasabbadda Saxiixa Sharcigan waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi), Wasiiru-Dowlaha iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Hanti-dhoraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamuud. View the full article
  5. Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay wefdi balaaran oo uu hogaaminayey Safiirka dalka Shiinaha ee Soomaaliya Mr Qin Jian. Deni ayaa sheegay in safiirka ay tahay markiisii labaad oo uu yimaado Puntland, waxaa uu xusay in booqashadiisu ay kusoo beegmayso xilli Puntland isu diyaarinayso maalgashi iyo kobocdhaqaale. Mr Qin Jian ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshihiisa Puntland markiisii labaad, waxaana uu bogaadiyey iskaashiga ganacsi iyo maalgashi ee Puntland iyo dalkiisa. View the full article
  6. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Hbeen-27102019.mp3 View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maamulka Dakhliga oo Villa Somalia ay sheegtay inuu qeyb ka yahay “dhammeystirka hannaanka Maamul-wanaagga iyo hufnaanta Maaliyadeed ee dalka.” Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay hawshan qiimaha leh uga mahadceliyay dhammaystirka Sharcigan. “Sharcigani waxa uu ku saabsan yahay maamulka dakhliga waana Sharci la jaan-qaadaya nidaamka casriga ah ee ururinta dakhliga. Qodobbada uu ka hadlayo sharcigan waxaa ugu muhiimsan bixinta canshuurta iyo sidii loola macaamili lahaa canshuur bixiyaha.” Munaasabadda Saxiixa sharcigan kaddib, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahu Farmaajo waxa uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirrada iyo Madaxda Waaxyaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda, waxa uuna si mug leh ugu soo bandhigay dhibaatada musuqmaasuqa laga dhaxlo, isaga oo adkeeyey go’aan adayga iyo tallaabooyinka muuqda ee Dowladdu ay ku wajahayso. Munaasabbadda Saxiixa Sharcigan waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi), Wasiiru-Dowlaha iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Hanti-dhoraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamuud.
  8. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdillaahi Geeljire Oo Su’aal Galiyay Mashruuc Oo Shalay Dhagax-dhigay Madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Madaxweynaha Mareykanka Donal Tramp ayaa ka hadlay dil uu sheegay in ay u geeysteen hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee ISIS. Trump ayaa hadalkiisu ahaa ; “Xalay dowladda Mareykanku waxay caddaaladda hor keentay hoggaahimihii argagixisada adduunka Abuubkar Albaqdadi waa dhintay. Wuxuu ahaa ninkii aasaasay hoggaankana u ahaa ISIS. Ururka argagixiso ee ugu naxariista daran uguna dhibaatada badan dunida oo dhan. Dowladda Mareykanku waxay baadigoobeysay Baqdaadi sannado badan. In la qabto ama la dilo baqdaadi waxay ahayd ahmiyadda qaranka tan ugu sarreysa ee maamulkeyga. Ciidamada hawlgallada gaarka ah ee Mareykanka ayaa fuliyey hawlgal qatar ah, geesinnimo leh xilli habeen ah woqooyi-galbeed ee Siiriya waana ku guuleysteen hawlgalkooda. Ciidamada mareykanku waxay ahaayeen kuwo aad u tababaran oo aad u taxaddaray, ma jiro askari ku geeriyooday hawlgalka, halka dagaalyahanno badan oo la socday baqdaadi lala dilay. Wuxuu dhintay kaddib markii markii uu waayey si uu ku baxsado. Dhismihii ay ku jireen hadda ciidamada ayaa gacanta ku haya waxayna noqdeen kuwo isdhiiba ama la toogtay oo la dilay. 11 carruur ah ayaa laga soosaaray guriga waana kuwo aan wax dhaawaca ah qabin. Qofka kaliya ee haray waa baqdaadi oo ku jiray god wuxuuna kusii jiiday 3 ka mid ah carruurtiisa wuxuuna ku qasbay inay la dhintaan, wuxuu gaaray halka ugu dambeysa tubbada iyadoo eeyaheennu eryadeen, wuxuu xirtay jaakaddiisa qaraxa isagoo isdilay iyo saddex carruurtiisa ah. Jirkiisa waxaa jarjaray qaraxa waxaana ku dumay godka laakiin tijaabooyin laga qaaday jirkiisa ayaa caddeynaya inuu isaga yahay. Burcadkaas isku-dayey inuu cabsi geliyo dadka wuxuu ku dhammeystay waqtigiisa ugu dambeeyey cabsi iyo argagax oo ay badeen ciidamada mareykanku. Waxaan dhismaha ku sugneyn qiyaastii 2 saacadood kaddibna markii lagu guuleystay hawlgalka waxaan goobta ka qaadannay qalab aad casri u ah iyo xogo quseeya asalka ISIS iyo qorsheyaasha mustaqbalka. Geerida baqdaadi waxay muujineysaa dabagalka aan kala go’a lahayn ee mareykanku ku bixiyo hoggaamiyaasha argagixisada iyo mas’uuliyadda naga saaran u adkeysiga sidii aan gebi ahaanba u baab’in lahayn ISIS iyo ururrada kale ee argagixisada ah. Hadafkeennu waa mid aad u fog. Sida aad ogtihiin bishii hore waxaan ku dhawaaqnay inaan dilay dhawaan Hamza Bin-Ladin, wiilkii ugu dhibka badanaa ee Osama Bin-Ladin kaasoo waxyaabo aad u xun dadka ku sheegi jiray, dalkeenna iyo adduunka. Wuxuu qeyb ka ahaa Al-Qaadidda, Argagaxiye, Cabburiye iyo dila dadka aan waxba galabsan, uma seexan doono si nabad ah isagoo og inaan dhammaantood ciribtiri doonno. Bahalladaan aadka u xun nagama baxsan doonaan kamana baxsan doonaan maxkamadda Alle. Baqdaadi muddo dheer ayuu baxsad ahaa, waqti dheer oo ka horreysay intii aanan xafiiska la wareegin. Laakiin amarkeyga ka taliyaha ciidanka mareykanka ahaan waxaan tirtirnay qaliifadiisa boqolkiiba boqol bishii Maarso sannadkan. Dhacdada maanta waa mid kale oo na xasuusineysaa inaan sii wadno dabagalka argagixisada hartay ee ISIS illaa aan soo afjarno. Waxaa sidoo kale jidkaas maraya ururrada kale ee argagixisada ah. Baqdaadi iyo kuwa fashilmay ee la shaqeeya oo aan war ka hayn qatarta ay ku jiraan oo mararka qaarna ah kuwo aad u foolxun oo cabsanaya dadkana dila laakiin waxay dileen dad aad u badan, waxay dileen muwaaddiniin mareykan ah oo aan waxba galabsan, james folen, Istiifan Saglof, Bitar Kaasig, iyo Kele Muler oo ahaa dilal aad u foolxun. Dilkii la baahiyey ee duuliyihii Jordan. Wiil aad u cajiib ah ayaa la hadlay boqorka jirdan wey ogaayeen dhammaan weyna jeclaayeen in nolosha lagu gubo isagoo xero yar ku jira, daldalladii Libiya ee kirishtaanka loo geystay ejebti iyo sidoo kale iyo dilwadareedkii yisiidiyiinta. ISIS waxay noqonayaan kuwa laga ciribtiro taariiqda adduunka. Waxay gesteen dilal badan oo dunida oo dhan laga daawaday waana dhaqankii iyo rabitaankii Abuubakar Al-baqdaadi. Waa wax uu ku faanayey wuxuu ahaa nin aad u xun oo xanuunsan laakiin hadda waa na dhaafay. Baqdaadi wuxuu ahaa xaasid dhib badan wuxuuna u dhintay sidaas si la mid ah isagoo fuley ah, cararaya oo oynaya. Weerarkan wuxuu ahaa mid aad looga shaqeeyey wuxuuna dhici karay oo kaliya markii wadashaqeyn laga helay dalalka qaar iyo dad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Gudiga Doorashada ee BaarlamaankavFederaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay booqasho ku yimaadeen Kismaayo si ay Xukuumada Jubbaland ugala tashadaa qaabka Doorashada Dalka ee sanadkaan 2020. Booqashadaan [...] Source
  11. Waxaa meeshii ugu sarreeyay gaartay caburinta weriyaasha iyo warbaahinta halkii markii hore ay tabasho qabeen siyaasiinta iyo shacabka gobalka Banaadir iyo kuwa Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana laga digayaa halista arintaasi ka dhalan karta. Waxaa shaki kaa gelaya nuuca dowladda maanta ka jirta Soomaaliya markii aad eegto heerka caburinta iyo jirdilka lagula kacayo dadka ka aragti duwan madaxda dowladda Soomaaliya. Dowladda ayaa sameysay talaabooyinkii ugu dambeeyay ee aamusinta warbaahinta kadib markii maanta oo kaliya ay xarag iyo jirdil isugu dartay ilaa 5 weriye oo ka shaqeeya 3 xarun warbaahinta oo ku yaala magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa hore shirarka looga joojiyay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo iyadoo ay xabsiyada la dhigay boqolaal dad ah oo ka aragti duwan madaxda dowladda Soomaaliya. Dad badan ayaa ka digayaa halis ka dhalin karta caburinta weriyaasha iyo dadweynaha waxaana muuqda in kacdoon toos ah uu ka bilaaban karo Muqdisho. Cabashada waxa kaliya ma ahan weriyaasha iyo siyaasiinta balse waxaa qaba caruur iyo ciroole dadka ku nool Muqdisho. Wadayaasha gaadiidka BL-ka ayaa maalintii labaad dhigay maanta banaanbax waxaana qaarkood loo geestay Jirdil iyo xarig. Wadayaasha ayaa sheegayay in ay iska iibiyeen gaadiidka Tax-ga iyo gaadiidka kale ee raaxada kadib markii ay waayeen goobo ay maraan, arintaasi waxay horseeday dhaqaalo la’aan iyo bur burka qoysas badan. Weriyaasha, siyaasiinta iyo shacabka Muqdisho iyo Baydhao ayaa ah bulshada kaliya ee maanta uu saaran yahay culeeska caburinta waxaana meesha ka baxday xuquuqdii halka taas oo dalka u horseedi karta kacdoon dadweyne. W/Q: Maxamed Cali Gacal Muqdisho, Soomaaliya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe kusoo dhoweeyey wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey Soomaaliya Mr James Swan. Kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay safiirka qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo weftigiisa ayaa waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Danjire Mr James Swan ayaa kulan ka kadib si wadajira ula hadlay warbaahinta. Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in ay ka wada-hadleen safiirka arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga, waxaana uu uga mahadceliyey hay’addaha Qaramada Mudiibey shaqooyinka muhiim ka ah ee ay ka hayaan dalka, gaar ahaan Puntland oo uu xusay Madaxweynuhu in shaqooyinkaasi ay muddo dheer soo socden. “Maanta waxaa Garoowe Nagu soo booqday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Soomaaliya iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayey, runtii waxaan uga mahadcelinaynaa sida UN-ku ay mar walba Soomaaliya u garab taagan yihiin dhinaca horumarka, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Amnigaba, waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo khuseeya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga intaba, waxaan uga mahadcelinaynaa hawlaha badan ee hay’addaha UN-ka ay ka wadaan guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan Puntland oo runtii muddo dheer soo socdey haddana maraaya meel aad u fiican, waxaan isla eegnay meelaha u baahan in la sii horumariyo oo horumarka laga gaadhay, meelaha u baahan in habkii loo wadey waxlaga bedelo intaba waxaan ka yeelanay aragti fiican” “Sidoo kale waxaan aad uga sheekaysanay horumarka siyaasadeed ee uu dalku marayo iyo amni, runtii waxa ay qireen marxaladda hadda Soomaaliya ay ku jirto in ay u baahan tahay wadahadal dheeriya, si arrimaha taagan ee qabyada ka ah, horumarka siyaasadeed ee dalka aragti midaysan ay ka yeeshaan dadka Soomaaliyeed, iyagoo markasta eegaya maslaxadda guud ee dadka Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan, waxaan si dhaw uga wadahadalnay sidii isu soo dhoweyn looga samayn lahaa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha Ka ah, gaar ahaan arrinta Jubbaland oo runtii mudadii u dambaysey caqabad ay ka taagnayd waxaan rajaynayaa dedalka ay wadaan beesha caalamku, dedaalka ummadda Soomaaliyeed iyo dedaalka Puntland ay ka waddo arrintaasi inay midhadhalidoonaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa xusay in Puntland diyaar u tahay ka qayb qaadashada geeddi socodka siyaasadda, Amni, iyo Dhaqaalaha dalka, heeganna mar-walba u tahay ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed. “Waxaan ka wadahadalnay oo xusnay in Puntland marwalba diyaar u tahay ka qayb qaadashada geeddi socodka siyaasadeed, Amni, iyo Dhaqaale intaba, loo ilaalin lahaa midnimada Soomaaliya, loo dhaqangelin lahaa nidaamka Federaalka ah, mar walbana beesha caalamka oo UN-ku hogaaminayso ay gacan uga gaysan lahayd is bedeladaasi iyo horumaradaasi socda”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey Soomaaliya Mr James Swan ayaa dhankiisa bogadiyey horumarka balaadhan ee ay Puntland ka gaartay dhanwalba. “Kuwani waa tusaaleyaal xooggan oo muujinaya sida ay Puntland uga go’an tahay hirgelinta horumar dhaqaale iyo mid bulsho iyo weliba hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda, taas oo aan aad u bogaadinayno. Muddadii aan ku jirnay booqashadeenna Puntland waxan muujinay sida ay muhiim u tahay iyo bulshadu hesho nabad iyo ammaan. Puntland waxan aad ugu bogaadinaynaa hawlgallada ay waddo ee ka dhanka ah Al-shabaab, iyadoo weliba adeegsanayna keliya ciidamadeeda iyo dhaqaalaheeda gaarka ah. Waxan uga mahadcelinaynaa Madaxwayne Deni sida uu si iskiis ah isaga xil saaray xoojinta xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubnaha, tusaale Shirkii Garoowe ee qabsoomay bishii May. Dadka reer Puntland waxay ku faanan horumarka ay sameeyeen 21-kii sano ee lasoo dhaafay”. Ayuu yiri Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey Soomaaliya Mr James Swan. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaliya appeared first on Puntland Post.
  13. A U.S. drone strike intended to hit an Islamic State (IS) hideout in Somalia’s northeastern region of Puntland mistakenly killed two frankincense collectors, according to local elders and a survivor who spoke Saturday with VOA. The Friday afternoon attack also injured another person after the drone strike hit the men, who were in the process of collecting frankincense near the remote Ameyra village in the Golis Mountain region of Somalia’s Northeastern Bari province, multiple local elders told VOA. Sa’id Abshir Mohamud, a local elder at Timishe village near the target of the strikes, told VOA Somalia about the reported civilian casualties. “Men sent to the location of the strike brought back the dead bodies of two locally known villagers who went there to collect frankincense,” the elder said. He identified the victims as Salad Mohamud Barre and Ayanle Ibrahim Mohamud. “One of the bodies was mutilated,” the elder said. US AFRICOM denial U.S. Africa Command said it conducted the airstrike and targeted IS terrorists in region. Despite the local elders’ claims, a statement from U.S. AFRICOM said Friday it killed three terrorists and no civilian were harmed. “At this time, it is assessed the airstrike killed three (3) terrorists. Currently, we assess no civilians were injured or killed as a result of this airstrike,” the statement said. To boost their ranks and mislead the locals, terrorists in Somalia routinely spread propaganda saying U.S. military drones target civilians. Additionally, the terrorist groups are known to use civilians as human shields. The prevalence of the militants’ anti-Western smear campaign makes it difficult to immediately prove the complicity or innocence of those targeted by such drone attacks in remote villages. In an exclusive interview Friday with VOA, Africa Command Director of Public Affairs Col. Chris Karns also stressed the importance of the U.S. strikes in Somalia. “Oftentimes people will see the airstrikes, which are important because they help the disrupt al-Shabab. They create organizational confusion, they essentially, the airstrikes prevent them [the terrorists] from maneuvering. So they set the conditions for development. They set the conditions for governance, and they’re foundational to the progress that’s being made,” Karns said. Survivor’s description Mohamed Mohamud Barre, a man claiming to be a survivor of the strike, described to VOA what he said he witnessed. “The three of us went there to collect frankincense days ago. A missile surprisingly targeted where we were, killing the two other men. I ran through a dark smoke and the debris of the mountain rocks and crawled under a nearby mountain cave, then another missile was targeted at my location but the cave and Allah saved me. In the cave, I found out that I had sustained shrapnel injuries and remained there until midnight Friday. I am bleeding and I feel kidney pain,” Barre told VOA on the phone. VOA could not fully verify Barre’s claim but Isse Jama Mohamed, a revered local traditional elder, who later contacted VOA, confirmed the man’s claim and called for the Somali federal government to investigate the incident so the victims’ families could pursue their rights for compensation. “One of the dead men left eight orphans and the other, five. I think they were mistakenly targeted. I call for the federal government and the government of Puntland Regional State to look into the incident,” Mohamed said. He said one of the dead men left Bosaso, the port and the commercial hub of Puntland, three days ago to collect frankincense to pay medical bills for his pregnant wife. “He took his pregnant wife to Bosaso for medical care but he could not afford to pay the bills. He decided to go the mountains and collect frankincense to sell and then pay the surgery bills for his wife, who is carrying twin babies, one of them dead,” the elder said. Targeted area The area where the latest U.S. strike occurred is a known hideout for IS militants in Somalia. It is a hot and dry rocky land, where locals historically have harvested gold and frankincense, which is used in traditional Sufi religious ceremonies. One attack in the area in April killed the deputy leader of Somalia’s IS group, Abdulhakim Dhuqub, who was responsible for the extremist group’s daily operations, attack planning and resource procurement. Another airstrike in May killed 13 of the group’s fighters. There have been incidents in which the U.S. military has been accidentally responsible for the deaths of civilians and subsequently admitted so after an investigation. Earlier this year, a civilian casualty report issued by human rights group Amnesty International concluded there was credible evidence that five U.S. airstrikes were responsible for the death of 14 civilians killed between 2017 and 2018. The U.S. military initially denied Amnesty International’s reporting but later admitted that a woman and child were killed in one incident in April 2018, near the town of Elbur, in the central Somali region of Galgudud. Officials said they missed the incident because it was not reported to them. The acknowledgement marked the first time the U.S. admitted to causing civilian casualties during its air campaign in Somalia, which began in 2011 under the direction of President Barack Obama. Since the election of President Donald Trump, the number of strikes in the region has risen sharply. U.S. AFRICOM has said repeatedly the precision airstrikes it carries out in Somalia are to support Somali government security forces and create safe space for increased governance in the nation. “In support of the federal government of Somalia, U.S. forces will use all effective and appropriate methods to assist in the protection of the Somali people, including partnered military counterterrorism operations with the Federal Government of Somalia, AMISOM [the African Union Mission in Somalia], and Somali National Army forces,” the latest U.S. AFRICOM statement said. Source: VOA
  14. Gabadh Soomaaliyada oo maamule ka noqotay xarun caafimaad oo caan ka ah Mareykanka FAIZA IBRAHIM Dr Anisa Ibraahim oo qoxootinimo dalka Mareykanka ku tagtay ayaa hadda agaasime ka noqotay xaruun caafimaad oo carruurnimadeedi lagu daweyn jiray oo ku taallo Seattle ee carriga Mareykanka. Dr Anisa Ibrahim waxay ahayd 5 jir marki ay ka soo qaxday dagaallada sokeeya oo ay tagtay dalka Mareykanka. Warbixintan oo aan ka soo xigannay CNN ayaa sheegeysa iney Anisa iyo qoyskeeda ay Soomaaliya ka soo qaxeen 1992, iyada oo carruurnimadeedi wakhti ku soo qaadatay xera qoxooti oo ku taalla Kenya. “Waxaa jiray dad aad u badan oo meel kooban ku wada nool annaga oo dhammaanteen ka soo cararnay saameynta colaadaha iyo dagganaasha la’aanta siyaasadeed,” ayey tiri Anisa oo 32 jir ah oo u warrameysay CNN. “Qoyska annaga nasiib ayuu leeyahay, waxaa jira saboolnimo aad u ba’an, nafaqa la’aan iyo cudurrada faafa iyo cudurrada dillaaca.” Kaddib qoyska Anisa waxay aadeen dalka Mareykanka xilli ay da’da carruurnimada ku jirtay, iyada oo ay wehliso walaasheed ka yar oo cudurka jadeecada looga daweeyey dhakhtarka carruurta ee Harborview ee ku taallo Seattle. Waa isla xaruunti halka ay maanta maamula ka tahay Anisa iyada oo labaatan sano ka badan ka soo wareegtay, xilli ay dib u dejinta loo sameeyo dadka qoxootiga ah ay cadaadis ku hayso aqalka cad. Welina waxay si gaar ah u daryeeshaa carruurta qoxootiga maadaamaa ay yaraanteedi waddadaasi ay soo martay. Gabar Soomaaliyeed oo ka dhaxmuuqata bulshada Mennisota “Anigu ma ihi qof dadka caadiga ah ka duwan,” ayey tiri Anisa. “Waxaa wakhti xaadirkan jira malaayiin qoxooti ah oo aan la siin fursadda aniga la i siiyey. Balse haddii ay fursado heli lahaayen waxyaabo la yaab leh sameyn lahaa.” Dhakhtarkeeda wuxuu ahaa mid riyadeeda iney rumeyso ku dhiirrageliyo Anisa Ibrahim waxay marwaliba jecleyd iney dhakhtar noqoto. Marka wakhtiga ay xaruunta caafimaadka ku qaadatay ayaa u suurageliyey riyadeedi si weliba la yaab leh. Daryeelka caafimaad ee loo fidiyey marki ay qoxootiga ahaydna, uu go’aankeedi beddelay, ayna sabab u noqotay “iney ku sii adkeysato” go’aankeeda. “Dhakhtarka yaraanteydi igu daweynayey Harborview ayaa ka mid ah dadka igu horreeya ee i aaminay inaan dhakhtar noqon kara, ayey tiri Dr Anisa. “Aniga ka dhalinyaro qoxooti ahaan waxay tiri riyadeyda, aan damacsanaa inaan arko qof ku shaqeynaya ayaa micna badan ii sameyneysay.” Dhakhtarkeyga waa Dr Elinor Graham, oo barafasoorna ka ah jaamacadda Washington takhasuskiisuna yahay dhakhtarka carruurta. “Inta aan xaruunta caafimaadka ku suganaa carruurta waxaan marwalba weydiiyaa marka ay weynaadaan waxa ay doonayaan iney noqdaan, maxay tahay riyadaada? Waxaan xusuustaa Anisa oo ay da’deedu xilligaa ahayd 10 jir waxayna igu dhihi jirtay waxaan doonayaa inaan noqdo dhakhtarka carruurta sideyda oo kale,” ayuu yiri Graham oo CNN u warramay. Kaddib, marki ay Anisa ka qalin jabisay kulliyadda caafimaadka jamacadda Washington, Dr Anisa waxay 2016-kii ku biirtay Harborview iyada oo dhakhtarka guud ee carruurta ah. Bishi September-na waxaa loo dallaacsiiyey maamulaha xaruunta. BASKIIL “Waxaan dareensanahay in Dr Anisa Ibrahim agaasime ka noqotay isla xaruunti aan anigu ka ahaa dhakhtarka caruurta, isla-doorki aan ku lahaana ay kaqabato shaqadi aan caafimaadka aniga ka hayey,” ayuu yiri Graham isaga oo Anisa ugu yeeray maamule wanaagsan oo u adeegeysa dadka soo galootiga uu dakhligiisu hooseeyo, dadka qoxootiga iyo bulshooyinka laga tirada badan yahay. Waxay la dagaallami jirtay aragtida khaldan ee laga qabo dadka qaxootiga Dr Anisa safarkeedi ay ku tagtay mareykanka ma ahayn mid caqabad la’aan ah. Gabar Soomaali ah oo weliba xijaaban waxay Anisa u muuqatay mid ay dadku la jecleen xirfadda ay sidato labbiskeeda dartii. Waxaa sida oo kale shaki weyn laga qabay in gabadhaasi loo oggolaado waxbarashada dhakhtarnimada. Anisa oo curadka qoyskeeda ah ayaa noqotay gabadhi ugu horreysay oo wax ka barata Mareykanka, waxayna gabdhan yar ay bulshada ay ku dhax nooleyd kala kulantay cadaadis xooggan si ay ula qabsato nidaam iyo hab noolaleed ay horay u aqoon oo ku cusub, ayey tiri. “Caalam aadan aqoon inuu gudaha u gasho dhibkeeda ayey leedahay,” ayey tiri Anisa. ” Anisa waxay ka timid dhaqan adag oo ay bulshada Soomaalida leedahay, caqabadaha ay bulshada kala kulanto ayaana ka mid ah waxyaabaha ay u soo dhabar adeegtay, ayey tiri Dr Anisa. Baahida Macaalimiinta ee Minnesota Hadda waxay Dr Anisa haysataa laba gabdhood ilmihi seddexaadna waddada ayuu ku soo jira, Anisa muhiimad gaar ah ayey u leedahay si la mid ah waaliddin badan ay waxbadan u hurto hooyanimada iyo caafimaadka iyo caafimaadka iyo hooyanimada.” Dad badan oo bulshada ka mid ah ayaa caawiya iyaduna sida oo kale bulshada ayey caawisaa., Haddaba, maanta Dr Anisa waxay maamula ka tahay xaruun caafimaad oo ku taallo Seattle waxayna daryeeshaa bukaanka gaar ahaanna kuwooda qoxootiga iyo soo galootiga isugu jira oo dhawaan dib u dejinta looga sameeyey Seattle. Waxay sida oo kale ka shaqeyneysa sidi ay xaaladdooda caafimaad ay wax uga baddali lahayd carruur uu xaalkoodu yahay midki ay Anisa ku sugneed 26 ka hor, iyaada oo rajeeyneysa iney la dagaallanto aragtiyada khaldan ee laga qabo qoxootiga ku sugan gudaha dalka Mareykanka. Goobtan waxa lagu soo badhigaa agabka, dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida, waxaanay soo jiidatay boqollaal ajaanib ah oo xii Qaran News
  15. Ciidan Beeleed Ku Sugnaa Magaalada Buuhoodle Oo Ku Biiray Ciidammada Millateriga Somaliland. In ka badan 100 Askari oo ahaa malleeshiyo Beeleed ku sugnaa magaalada Buuhoode ayaa ku biiray ciidamada Millateriga Somaliland. Ciidamaan oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa munaasabad soo dhawayn ah loogu sameeyay gudaha magaalada Buuhoodle. Ciidamadan reer Buuhoodle ee ku biiray Millateriga Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli Puntland dhawaan gole deegaan u samaysay magaalada Buuhoodle. Magaalada Buuhoodle waxa hore u joogay Ciidamo Millateri ah oo ka mid ah Kuwa Somaliland. Ciidamaan oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa munaasabad soo dhawayn ah loogu sameeyay gudaha magaalada Buuhoodle. Ciidamadan reer Buuhoodle ee ku biiray Millateriga Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli Puntland dhawaan gole deegaan u samaysay magaalada Buuhoodle. Magaalada Buuhoodle waxa hore u joogay Ciidamo Millateri ah oo ka mid ah Kuwa Somaliland. Qaran News
  16. Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Mudane Cabdirashiid Cali Xaashi( Dhuubane ) ayaa si adag u canbaareyey oo dhaqan jirinimo ku tilmaamay in qaar ka tirsan [...] Source
  17. Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa daqiiqado ka hor xaqiijiyey in howlgal qorsheysan oo ka dhacay Dalka Suuriya lagu dilay hoggaamiyihii kooxda la baxday dowladda Islaamka ee Daacish. Trump ayaa sheegay inuu Abuu Bakar Al-Bagdaadi isku qarxiyey god uu ku dhuumanayey kadib markii uu sheegay in Ciidamada Mareykanka ay weerar ku qaadeen. Trump ayaa sidoo kale sheegay arrin yaab leh oo ah howlgalkaas lagu dilay 3 carruur oo uu dhalay Abuu Bakar Al-Bagdaadi oo godka kula dhuumanayey, isagoo sheegay in Al-Bagdaadi uu soo qabsaday caruurta la orday, kadibna ayaga iyo laba xasaas uu Bagdaadi isku qarxiyey. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in adduunka uu hadda yahay mid amni ah maadaama uu sheegay in la dilay Bagdaadi oo uu ku sheegay inuu ahaa ninkii ugu cadowsanaa adduunyada. Wuxuu sheegay in howlgalkii lagu qaaday guriga uu ku jiray laga soo badbaadiyey 11 carruur ah sida uu hadalka u dhigay. Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa Waakaladda Wararka ee New York u sheegay in howlgalkaas loo diyaariyey ciidamo gaar ah kadib markii la helay xog ku saabsan meesha uu ku sugan yahay Al-Bagdaadi oo saldhig u aheyd muddo badan. Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka ayaa ku dagay agagaarka meesha uu ku duumanayey Hoggaamiyaha, waxaana la sheegay inuu halkaas ka dhacay dagaal socday ku dhawaad 5 Saacadood, waxaana la xaqiijiyey in Hoggaamiyaha iyo ilaaladiisa ay sameeyeen iska caabin xoog leh. Ciidamada Mareykanka ee howlgalkaas ka qey qaatay ayaa la sheegay inay gaarayeen 60 ilaa 70 oo ka kala tirsanaa Ciidamada Delta iyo Rangers oo watay 6 Diyaaradood oo kuwa Helikobtarka oo ay kamid ahaayeen noocaa loo yaqaan AF16. Saraakiisha Mareykanka ee howlgalka hoggaaminayey ayaa laga soo xigtay inuu is qarxiyey Abubakar Al-Bagdaadi markii ay isku dayeen ciidamada Mareykanka inay u dhowaadaan, isagoo markii horeba dagaalamay, waxaana u xirnaa suunka Qaraxa. Sidoo kale Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay inay is qarxiyeen laba Xaas oo uu qabay Hoggaamiyaha kuwaas oo iyagana dagaalka ku jiray kadibna isku qarxiyey Suunka waxyaabaha qarxo lagu xiray oo ay markii hore ugu talagaleen inay isku qarxiyaan markii lasoo weeraro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyay in uu dhintay Hoggaamiyihii Kooxda la baxday Dowladda Islaamka ee Daacish ka dib hawlgal ka dhacay dalka Suuriya. Trump ayaa sheegay in Abuu Bakar Al-Baghdadi uu ku cararay marin dhulka hoostiisa ah balse markii ciidamada Mareykanka ay weerareen uu isku qarxiyay halkaasi, waxaana sida uu sheegay la dhintay saddex carruur ah oo uu godkaasi kula jiray, Halkan hoose ka DAAWO madaxweynaha Trump oo si toos ah u hadlaya Source
  19. Idlib (Caasimadda Online) – Milatariga Marekanka waxuu sameeyay hawl gal ka dhanka ah hogaamiyaha Ururka isku magacaabaay khilaafada Islaamka Abuubakar Al-Baqdaadi kaasoo lagu dilay hoggaamiyaha sida ay sheegeen warbaahinta Mareykanka. Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxayo qaabkii loo dilay hogaamiyaha Ururka isku magacaabaay khilaafada Islaamka Abuubakar Al-baqdaadi kadib weerar ay ciidamo gaara oo Mareykan ah xalay ka fuliyeen magaalada Idlib ee dalka Syria. Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa Waakaladda Wararka ee New York u sheegay in howlgalkaas loo diyaariyey ciidamo gaar ah kadib markii la helay xog ku saabsan meesha uu ku sugan yahay Al-Baqdaadi oo saldhig u aheyd muddo badan. Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka ayaa ku dagay agagaarka meesha uu ku duumanayey Hoggaamiyaha, waxaana la sheegay inuu halkaas ka dhacay dagaal socday ku dhawaad 5 Saacadood, waxaana la xaqiijiyey in Hoggaamiyaha iyo ilaaladiisa ay sameeyeen iska caabin xoog leh. Ciidamada Mareykanka ee howlgalkaas ka qey qaatay ayaa la sheegay inay gaarayeen 60 ilaa 70 oo ka kala tirsanaa Ciidamada Delta iyo Rangers oo watay 6 Diyaaradood oo kuwa Helikobtarka. Saraakiisha Mareykanka ee howlgalka hoggaaminayey ayaa laga soo xigtay inuu is qarxiyey Abubakar Albaqdaadi markii ay isku dayeen ciidamada Mareykanka inay u dhowaadaan, isagoo markii horeba dagaalamay, waxaana u xirnaa suunka Qaraxa. Sidoo kale Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay inay is qarxiyeen laba Xaas oo uu qabay Hoggaamiyaha kuwaas oo iyagana dagaalka ku jiray kadibna isku qarxiyey Suunka waxyaabaha qarxo lagu xiray oo ay markii hore ugu talagaleen inay isku qarxiyaan markii lasoo weeraro. Waxaa kale oo la sheegay in meesha lagu dilay illaa 10 qof oo kamid ahaa ilaalada Hoggaamiye Baqdaadi, inkastoo la sheegay inay badbaadeen laba cunug oo uu dhalay ninkii lahaa guriga ay ku sugnaayeen xubnaha la weeraray. Ciidamada Mareykanka ayaa qaatay jirka meydka Hoggaamiye Baqdaadi waxaana la xaqiijiyey inuu isaga yahay qofka is qarxiyey maadaama la mariyey baaritaanka DNA. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuuqabto shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo weerarka lagu dilay Baqdaadi oo uu farriinteeda horey usoo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka. Ciidamada howlgalka fuliyey ee Mareykanka ayaa kasoo duulay magaalada Irbiil ee Kudiyiinta Ciraaq, waxaana la sheegay in xogta lagu dilay Abuubakar Albaqdaadi uu bixiyey qof u dhow oo sirdoonka Mareykanka la shaqeeyay. Baqdadi, waa naaneystiisa, waxaana la rumeysan yahay in uu ku dhashay deegaanka Samarra ee Woqooyiga Baqdaad, sanadkii 1971. Wararka waxay sheegayaan in uu sheekh ka ahaa masaajid ku yaalla Samarra xilligii Mareykanka uu ku duulayay Ciraaq ee 2003-dii. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in uu xagjir ahaa xilligii maamulkii Saddam Xuseen. Qaar waxay aaminsan yihiin in uu xagjir noqtay muddo afar sano ah oo uu ku xirnaa saldhigga Bucca, oo ah xero ciidamada Mareykanka ay leeyihiin oo ku taalla Woqooyiga Ciraaq. Xeradaas waxaa lagu xiri jiray hogaamiyayaasha ururka Al-Qacidda ee dalka Ciraaq. Markaasi ka dib, wuxuu soo baxay asagoo ah hogaamiye ka tirsan Al-Qaciddada Ciraaq, ka dibna kooxdiisii ayaa la aaminsan yahay inay noqotay ururka la baxay Dowladda Islaamka, sanadkii 2010-kii. Bishii October ee 2011-kii, Mareykanka wuxuu Baqdaadi ku daray diiwaanka argagixisada. Wuxuu Mareykanka balanqaaday $25 milyan oo dollar oo abaalmarin ah ooo uu siiyo qofkii nolol ama geeri ku keena Baqdaadi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Wasaaradda shaqada, shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Puntland, ayaa Garoowe ku soo geba-gabaysay kulan ku saabsana u-qareemidda hirgelinta xeerka sanduuqa horumarinta dhalinyarada Puntland. Kulankan oo mudda laba maalmood ah ka socday magaalada Garoowe, waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo taageero ka helaysa hay’adda CARE International, waxaana ka qaybgalay, ururka Dhalinyarada Puntland ee PYAN, xubno ka socday dhalinyarada 9-ka gobol ee Puntland, qaar kamid ah waxgarad iyo nabadoonada gobolka Nugaal iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha dalladda Dhalinyarada Puntland ee PYAN, qaar kamid ah dhalinyaradii iyo nabadoonadii ka qaybgalay kulanka, ayaa ku dheeraaday sida uu sanduuqaani muhiim ugu yahay dhalinyarada Puntland. Wasiiru-dowlaha wasaaradda shaqada, shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Fardawso Cismaan Cigaal ayaa ugu dambeyntii soo xirtay kulanka. Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland oo Garoowe ku soo xirtay kulan ku saabsana hirgelinta xeerka Sanduuqa Dhalinyarada appeared first on Puntland Post.