-
Content Count
213,984 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa rasmi ah amaankooda ugu wareejiyay ciidamo Soomaali ah, halka markii hore ay amnigooda mas’uul ka ahaayeen ciidamo ka tirsan Howgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Xubno ka tirsan Saraakiisha amaanka Soomaaliya gaar ahaan Saraakiisha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa noo xaqiijiyay in Xasan Cali Kheyre uu dhawaan soo afjaray ciidankii ilaalada u ahaa ee AMISOM, waxa uuna noqonayaa masuulkii labaad ee tallaabadaan qaada. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiaxmaan ayaa dhowr bil ka hor joojiyay shaqadii aheyd sugidda amniga ee ciidamada AMISOM ka haayeen Xafiiskiisa, gurigiisa iyo dhaq-dhaqaaqiisa waxaana lagu wareejiyay Ciidamo Soomaali ah sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan Villa Somalia. Sidoo kale Xasan Cali Kheyre ayaa amaanka Xafiiskiisa iyo socdaalkiisaba ka wareejiyay Ciidamada AMISOM. Kheyre ayaa hore u joojiyay in ciidamada AMISOM u raacaan safarada iyo socdaalka magaalada gudaheeda, iyadoo todobaadyo ka horna laga wareejiyay amaanka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Ciidamada AMISOM ayaa mas’uuliyadda saaran waxaa kamid ah sugidda amaanka madaxda Qaranka, sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha waxaana hadda ay ku harsan yihiin oo kaliya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay u raacaan safarada gudaha dalka ah iyo socdaalka magaalada gudaheeda ah. Ciidamadaan ayaa mushaarka ay qaataan waxaa u dheeraa lacago Service ah oo ay siiyaan madaxda Qaranka markii ay qabtaan shaqooyinka adag sida markii ay madaxda u raacaan safaro gobolada ah waxaana lacagahaas la sheegay in hadda ay u wareegi doonto Ciidamada Soomaalida ee u baxaya Safarada gobalada ama madaxda u raaci doono shaqooyinka gudaha dalka ah ee ka baxsan Villa Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-08112019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Howlaha Guud Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaraddaha Howlaha Guud ee Dowlad goboleedyada oo muddo Seddex maalmood ah shir uga socday Magaaladda Muqdisho, kaasi oo ku saabsanaa siddii loo dhameystiri lahaa hay’adda jidadka Soomaaliyeed oo muhiim u ah kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, sida dib u dhiska iyo guriyeynta ayaa waxaa maanta soo xeray Wasiirka Howlaha Guud XFS Mudane Cabdi Aadan Hoosoow. Agaasimaha maamulka iyo maaliyadda Wasaaradda Howlaha Guud XFS Eng.Maxamed Cabduqaadir Xuseen, ayaa sharaxaad ka bixiyay shirkaan iyo heshiiska ay wada saxiixdeen Wasaaradda iyo Maamul goboleedyada . “Muddada Seddexda cisho ah oo aan halkaan fadhinay waxaan isku afgaranay tirada guud ee xubnaha inay noqdaan Todobo oo kala ah Hal haween iyo Lix rag ah, waxaan kaloo isku afgaranay shirka guddiga iyo goobaha ay ka dhici doonaan iyo xubnahii ka mid noqon lahaa guddiga oo ah hay’ad walbo xubinta ay ku leydahay gudigga” ayuu yiri Agaasime Maxamed Cabduqaadir Yariisoow” Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Aadan Hoosoow oo soo xeray shirka ayaa ku booriyay in la adkeeyo xiriirka wada-shaqeynta, si looga mira dhaliyo howlaha loo igmaday oo ay ka mid yihiin siddii dalka iyo dadkaba wax loogu soo kordhin lahaa. “Runtii si wanaagsan ayuu innoogu dhammaaday shirka Alle mahadiis, sidoo kale inay howshaan ay qabsoonto fikir iyo dadaal badan ayaa la geliyay, waana idinka mahad celinayaa howhsii aad qabateen Maamul goboleeyada iyo howl wadeenada Wasaaradda” ayuu yiri Wasiir hoosoow. Hay’adda Qaran ee jidadka Soomaaliyeed ayaa marka la dhameystiro waxaa ay qaban doontaa howlaha dib u dhiska dalka, sida hubinta iyo tayada dhismooyinka dalka, taasi oo muddo ka badan 30 sano ka maqneyd adeegyadda bulshadda. View the full article
-
A three-judge bench presiding over the Kenya-Somalia maritime border dispute has said it’s unable to render its decision owing to the recent Judiciary budget cut Source: Hiiraan Online
-
Gift of the Givers has come to the aid of Somalia flood victims Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Guddi ka kooban saddex garsoore oo qaadayey kiis la rabo in dowladda Kenya looga joojiyo ka qeyb-galka kiiska muranka badda Soomaaliya ee maxkamadda ICJ, ayaa ku dhowaaqay inaysan go’aan gaari karin sababo la xiriira miisaaniyad dhimis lagu sameeyey laanta garsoorka Kenya. Garsoorayaasha kala ah; Kanyi Kimondo, Robert Limo iyo Anthony Mrima ayaa la filayey inay shalay ku dhowaaqaan haddii ay tahay in Kenya ay ka baxdo kiiska ICJ iyo in kale. Hase yeeshee war ay soo saareen ayey ku sheegeen in go’aan aysan gaari karin. Waxa ay sheegeen in miisaaniyad dhimista lagu sameeyey garsoorayaasha oo ku kala nool meelo kale duwan ay la macno tahay inaysan isku iman karin si ay go’aan u gaaraan. “Go’aan lagu waday inay gaaraan saddexda garsoore dib ayaa laga soo sheegi doonaa, waana la ogeysiin doonaa dhinacyada ku lugta leh. Waan ka xunnahay dib u dhaca nagu yimid” ayay ku yiraahdeen ogeysiis ay soo saareen. Wasaaradda maaliyadda Kenya ayaa bishii tagtay miisaaniyad dhimis ah 3 bilyan oo shilling ku sameysay garsoorka, sababo la xiriira dakhliga oo gaabtay, loona baahan yahay inay hesho lacag dheeri ah. Garsoorka Kenya ayaa codsaday miisaaniyad dhan 31 bilyan oo shilling balse waxaa baarlamanka u ansixiyey kaliya 14.5 bilyan, hase yeeshee waxaa 3 bilyan kasii jaray wasaaradda maaliyadda, kana dhigay miisaaniyadda 11.5 bilyan. Kiisas badan oo maxkamadeed, oo uu ku jiro kiiska badda Soomaaliya ayaa u hakaday arrinran darteed. Kiiskan ayaa waxaa diiwaan geliyey qareenno Kenyan ah oo gaaraya illaa 20 oo uu hoggaaminayo Kibe Mungai, kuwaas oo ku dooday in ka qeyb-galka dowladda Kenya ee kiiska ICJ uu ka hor imanayo dastuurka Kenya, sababtuna ay tahay in go’aanka maxkamadda uu wax ka beddeli karo “xuduudaha Kenya”. Qareenada kiiskan wada ayaa sidoo kale doonaya in maxkamadda sare ay dowladda Kenya ka joojiso inay u hoggaansato go’aan kasta oo kasoo baxa maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Ghazala Hashmi, Abrar Omeish, Lisa Zargarpur and Buta Biberaj are among the first Muslims to hold elected office in the state. Source: Hiiraan Online
-
Plastic barrels that are often used to store water have been banned by the government in the northern Somali state of Puntland. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan Safiirada, Midowga Yurub ee Soomaaliya, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Mareykanka iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa dhamaadka bishii October ee sanadkaan kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre iyo labada Guddoomiye ee Baarlamaanka Soomaaliya, sida ay noo xaqiijiyeen xubno xog ogaal ah. Beesha Caalamka ayaa xubnahaan duldhigtay amar ay fulintiisa ku egtahay 30 cesho oo kaliya hadii ay dhici weysana waxaa la filayaa in xubnaha Beesha Caalamka ay qaataan go’aan ka madaxbanaan dowladda Soomaaliya, kaas oo noqon kara in cadaadis la saaro masuuliyiinta dowladda. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in masuuliyiintaan laga dalbaday in muddo 30 cisho gudahood ah ay ku shaaciyaan nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonto maadaama waqtiga baarlamanka uu ka harsan yahay muddo ka yar hal sano. “Waxaa loo sheegay in ay heestaan bisha November oo kaliya lagana rabo in 30-keeda ay shaaciyaan doorashada dalka waliba waxaa laga doonayaa in ay qabtaan doorasho ka hormarsan tii sanadkii hore” ayuu yiri masuul sare oo ka tirsan xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la hadlay Caasimada Online. “Sharciga doorashooyinka ayaa lagu wadaa in bishaan ay meel-mariyaan Golaha Wasiirada iyo labada Gole ee Baarlamaanka kadibna saxiixo Madaxweynaha hadii uusan imaanin buuq kale” ayuu hadalkiisa sii raaciyay masuulka aan la hadlnay oo kamid ah shaqsiyaadka aadka ugu dhow Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wado qorshe ay ku dooneyso in ay dalka uga qabato doorasho qof iyo cod ah, oo dad kooban ay wada matali doonaan shacabka oo dhan, balse waxaa jira cadaadis xoog leh oo uga imaanaya dibadda kaas oo sheegaya in dalka aysan ka muuqan xaalad nuucaas ah. Dadka qaar ayaa qaba aragti ah in masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ay doonayaan in aysan hadda qaban doorasho balse ay wadaan qorshe ay dib ugu dhigayaan sanad ama ilaa laba sano balse waxaa ka jira culeesyo kale oo arintaasi ka soo horjeeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Xog-hayaha IGAD ee uu magacaabay Abiy Axmed oo si rasmi ah xilka ula wareegay Xog-hayaha fulinta ee Urur goboleedka IGAD ee u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay, iyadoo uu jiray muran badan oo magacaabistiisu ay ka dhex dhalisay wadamada ku bahoobay Ururka, gaar ahaan Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya. Dr. Workneh Gebeyhu ayaa xilkaas kala wareegay danjire Maxbuub Mucalim, waxaana Workneh Xoghayaha fulinta ee Urur goboleedka IGAD loo magacaabay 22-kii bishii October ee sabadkan. Xoghayaha cusub oo ah Itoobiyaan ayaa waxaa magacaabay Madaxweynaha IGAD Dr. Abiy Axmed, isagoo aan kala tashan madaxda kale ee dalalka xubnaha ka ah Urur goboleedka IGAD. Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo iyagu xarab in xilkani uu meerto noqdo ayaa si weyn uga soo hor jeestay magacaabista uu sameeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Waxaa jiray khilaaf xoog leh oo ka taagan cidda qabaneyso xilalka habsami u socodka howlaha Urur Goboleedka IGAD, waxaana isku saf noqday dowladaha Itoobiya iyo Kenya halka Soomaaliya iyo Jabuutina ay isku dhinac noqdeen. Dowladahaan ayaa si gaar ah isugu heystay cidda qabaneysa xilalka Guddoomiyaha guud ee ururka IGAD iyo Xoghayaha Fulinta oo hadda loo magacaabay Warkeneh Gebeyehu oo u dhashay dalka Itoobiya. Soomaaliya ayaa si gaar ah u dooneysay in ay hesho xilka xoghayaha fulinta ee Urur goboleedka IGAD, halka dowladda Jabuuti ay dooneyso in ay hesho xilka Guddoomiyaha Ururka oo haatan uu hayo Abiy Axmed Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya. Xilka Guddoomiyaha Ururka Goboleedka IGAD ayaa loo badinayaa in la siiyo Kenya, waana midda ay sida weyn uga soo horjeedaan dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo horay iskugu dayay in laga wada xaajoodo magacaabista Xoghayaha cusub ee uu sameeyay Abiy Axmed. Qaran News
-
Bahdan (Caasimada Online) – Kadib markii baarlamaanka maamulka Puntland uu kalsoonidii kala noqday guddoomiyahoodii Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhoobo-daareed, ayaa qaar ka mid ah beelaha dega gobolka Sanaag waxa ay ka soo hor jeesteen xil ka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyaha. Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool deegaano ka tirsan gobolka Sanaag oo ay ugu horeyso degmada Badhan, ayaa sheegay in aysan marnaba aqbaleyn xil kaqaadistii guddoomiye Dhoobo-daareed, iyagoo kaligi talisnimo ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Dani. Waxa ay sheegeen inta badan bulshada gobolkaas oo kulamo ku yeeshay magaalooyin dhawr ah in ay go’aan mideysan ka soo saari doonaan ka sii mid ahaan shaha maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Dani. Waxay sheegeen in guddoomiye Cabdixakiim Dhoobo-daareed ay si buuxda u taageersanyihiin, iyagoo Madaxweyne Dani u sheegay in wixii haatan ka dambeeya uusan ku xisaabtamin gobolka Sanaag, waxaana qeybo ka mid ah xarumaha maamulka ee magaalada Badhan maanta la suray calanka Somaliland. Qeybaha kala duwan ee bulshada Badhan oo taageero u muujinayay guddoomiyihii xilka laga qaaday ee baarlamaanka Puntland, ayaa sheegay inay ka tasha doonaan kasii mid ahaan shaha Xukuumadda Madaxweyne Dani. Sidoo kale Guddoomiyihii xilka laga qaaday Cabdixakiim Dhoobo-daareed oo sheegay in xil ka qaadistiisu aysan sharci ahayn, ayaa waxaa la sheegay in uu ku wajahanyahay gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Badhan oo deegaan doorashadiisu tahay. Guddoomiye Dhooba-daareed ayaa khamiistii waxaa kalsoonidii kala noqotay ilaa 49 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Puntland, kadib 53 xildhibaan oo soo xaadirtay kulankii golaha. Xil ka qaadista guddoomiyaha ayaa timid xilli khalaaf xoog leh uu soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Dani, taas oo sababtay in xalay ciidamo ka socday madaxtooyada Puntland ay dagaal kula wareegaan xarunta baarlamaanka Puntland, taas oo fududeysay in maanta xilka laga xayuubiyo guddoomiye Cabdixakiim Dhoobo-daareed. Caasimada Online Xaafiiska Garowe caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ka hadashay doorka ay ka qaadaneyso wada-hadalada fadhiidka noqday ee Dowladda federaalka iyo dowladda aan weli aqoonsiga helin ee Somaliland. Turkiga ayaa sheegay in doorka uu ka ciyaari karo wada-hadaladaasi ay yihiin fududeyn iyo dhex-dhexaadin uu ka sameeyo labada dhinac ee Dowladda federaalka iyo Somaliland. Mevlut Cavusoglu, Wasiirka arrimaha dibeda ee Turkiga oo dhowaan hadal ka jeediyay shirka xiriirka Soomaaliya ee ururka Islaamka, ayaa arrimhaasi ka hadlay, isagoona si cad u sheegay in doorashada la filayo in Soomaaliya ka qabsoomto ay isbedel muhiima u keeni doonto mustqabalka Soomaaliya. “Waxaanu dalbanay door fududayn iyo dhexdhexaadin ah oo ku saabsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Melvut Cavusoglu oo aan bixin wax faah-faahin dheeriya. Dowladda Turkiga ayaa iyadu u muuqata mid rabtay inay dib u soo celiso kaalinteedii ay hore ugu laheyd wada-hadaladaasi, iyadoona bishii December ee sannadkii hore ee 2018, ergay gaar ah u magacowday wada-hadalada DF iyo Somaliland. Nasiib daro’se, Danjire Dr. Olgan Bekar oo uu Turkigu u magacaabay wada-hadaladaasi ayaa wax natiijo ah ka keenin socdaalo uu ku tagay Muqdisho iyo Hargeysa, midaasi oo sii fogeysa dib u furitaanka wada-hadalada labada dhinac. Wada-hadalada Dowladda federaalka iyo Somaliland ayaa iyagu gebi ahaanba hakad galay sanadkii 2015, kadib markii uu gudaha dalka Turkiga ku fashilmay wada-hadal u dhaxeeyay labada dhinac. Wada-hadaladaasi Turkiga ku fashilmay dabadeed ma suurto-galin wada-hadalo dambe oo si rasmiya labada dhinac u dhexmara. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa Muqdisho soo gaarsiiyay 44 tan oo deeg gargaar ah taas oo qeyb ka ah jawaabta ay ka bixineyso baaqii dowladda Soomaaliya ee samata bixinta dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha. Guddoomiyaha guddiga gurmadka fatahaadaha ahna wasiirka gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Xamsa Saciid Xamsa oo mas’uuliyiinta dowladda guddoomay deeqda oo ka kooban waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha, ayaa Qatar uga mahad celiyay celiyay kaalinta xooggan ee ay ka qaadanayso gurmadka iyo taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin dadka iyo dowladda Soomaaliyeed. Dowladda Qatar ayaa maalma ka hor sidaan oo kale waxa ay 42 tan oo gargaar ah u keentay Muqdisho, taas oo guud ahaan gargaarka ay ilaa hadda Qatar bixisay ka dhigeysa 86 tan. Qatar ayaa noqoneysa dowladda ilaa hadda bixisay gargaarka ugu badan ee loogu gurmanayo deegaannada fatahaaduhu halakeeyeen. Guddiga Gurmarka Fatahaadaha ee bishii hore uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa si xawaare ah u wada isku dubba ridka dadaallada lagu samata bixinayo dhibanayaasha fatahaadaha, iyada oo ay barbar socdaan qorshayaal xal waara loogu raadinayo dhibaatooyinka soo laalaabta ee fatahaadaha iyo abaaraha.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/BAr___Qubanaha-07112019.mp3 View the full article
-
Waxaa la filayaa in dhowaan uu cilmiga barashada aadamuhu soo saaro dawooyin dadka da’da ah ka caawiya in ay ka adkaadaan calaamadaha gabowga ee daalka, burburka iyo jileecu ka mid yahay. Saynisyahannada ayaa muddo ay tijaabooyin kala duwan samaynayeen kaddib waxa ay shaaciyeen in ay qarka u saaran yihiin in ay caafimaadka adduunka ku soo kordhiyaan kacaan cusub, kadidb marka ay soo saaraan dawadan oo jidka ka dilaysa unugyada gaboobay. Arrintaas oo haddii ay suurtagasho sababi doonta in adduunku ka nasto kharashaadka xad dhaafka ah ee lagu bixiyo daryeelka caafimaadka iyo nolosha dadka gaboobay oo inta badan qaba xanuunno gabowga ku lammaan oo aan bogsi lahayn. James Kirkland oo ka qayb qaatay diyaarinta warbixintan oo ay faafisay majaladda EBioMedicine oo arrimaha caafimaadka ka faallota, waxa uu sheegay in ay muuqato suurtagalnimada in hadda kaddib ugu yaraan dib loo dhigo calaamadaha iyo xanuunnada gabowga ku lammaan. Muhiimadda ugu weynina waa in ay dawooyinkani sababayaan in xaaladaha caafimaad ee gabowga ku lammaan oo isku jira dib loo riixo, iyada oo aan mid mid loola tacaalayn. Daraasaddan ayaa muddadii tijaabadeeda la waday waxaa dawada gabowga lagu tijaabiyey dad qaba kalyo xanuun iyo kuwo macaan qaba, muddo saddex maalmood gudahood ahna waxaa lagu arkay isbeddel ay ka mid tahay in dawadu ay boqolkiiba 30 yaraysay unugyadii gaboobay ee ku jiray nudaha dufaneed, waxa kale oo ay aad u dhintay heerkii dufanka dhigga. Ifafaalihii ay saynisyahannadu ka arkeen dadka ay dawada ku tijaabiyeen ayaana dhiirrigelisay go’aankooda ah in ay soo saaraan dawadan oo kiniin ah. Unugyada gaboobay ee ay dawadani dilaysaa waxa ay jidhka ku sii daayaan maaddooyin kiimikaad oo marka ay jidhka ku ururaan khatar ku ah caafimaadka, waxa aanay khatartoodu ugu badan tahay marka uu qofku gaadho da’da toddobaatan jirka. Maaddooyinkaasi waxa ay sababaan xaalado badan oo ay ka mid yihiin, xubno xanuunka, lafo burburka, macaanka iyo xitaa asaasaqa. Maaddooyinka kiimikaad ee unugyada gabowgu siidaayaan waxa ay aad ugu jiraan coodhcoodhka maqaarku sameeyo, iyo shabakadda aragga oo ay dhaawacaan. Sida uu wargeyska TIMES ee ka soo baxa dalka Ingiriisku ku warramayo sannadihii u dambeeyey waxa ay saynisyahannada adduunku soosaareen noocyo dawo oo unugyada gaboobay ee jidhka ku qasbaya in ay is dilaan / is burburiyaan. Waxa kale oo ay dawooyinkaasi wax weyn ka qabteen xal u helidda cilladaha shaqo iyo xaaladaha caafimaad darro ee uu gabowgu ku keeno caafimaadka wadnaha, xididdada dhiigga, sambabada, dabacsanaanta jidhka iyo xanuunka unugyada maskaxda dila ee Alzheimer. Geeska Qaran News
-
Somali who was target of threats wins US municipal election
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
PORTLAND, Maine — The second-largest city in Maine, home to thousands of African newcomers, has elected a Somali American to its city council following a campaign that was marred by racist attacks and threats fueled by social media. Source: Hiiraan Online -
Waa wax lagu farxo ifafaallaha nabbadeed ee ka muuqda deggaan-ka Ceel-afwayn, waana darreen qalbiyada wanaagsan ka farxinaaya, waa wax lagu farxo go’aan-ka wanaagsan ee ay qateen madaxda dhaqan-ka ee kasoo jeeda labbada beelood. Colaadda Ceel-afwayn waxay ahayd mid lagu riiqday oo ay dad badani ku dhinteen, kuwo kalena dhawaaca wayni kasoo gaadhay, colaadda Ceel-afwayn waxaa isku dilay waxay ahayeen “wiil iyo Abtigii”,labo hooyo wado dhashay oo ka kala dhashay labbada beelood, sheekooyin-ka mrugada leh ee aan ka maqlay dad aan is warsannay, waxa ka mid ahaa:- “in labo walaalo ah oo ay hooyo wadda dhashay ay ku dhinteen iyagoo ku kala jira colka labbada beelood”, labo walaalo ah ayaa inta ay iska hor yimaadeen labadiiba halkaas ku qudh baxeen, Waana dhacdo ay xaqiijiyeen dad arrinta Ceel-afwayn iiga warramay, sheekadii aan qorey ee “Beer-doox” ayaa aan dareenkaas sida ay u saamaysay walaalaha wada dhashay aan ku muujiyay sawirka foosha xun ee ay leeddahay Colaaddaasi. Qof WhatsApp-ka igula soo xidhiidhay mar aan qoray sheekadii “Libaan” oo ahayd wax afka qalaad loogu yeedho “Novel Story” ama sheeko faneed oo aan ula jeeday wacyigalin nabbadeed, ayaa waxa qof ii xaqiijiyay tiro aan imink xusuus ahaan iloobbey in hooyo kasoo jeeda degaan-ka ama soonnahaas Ceel-afwayn ay ku dhinteen dhamaan wiilashii ay dhashay oo dagaalkaas ay “goblan” ku noqotay “Subxanna laah” iminkana ay ku nooshahay tuulo ku taala degaankaas. Markaa Colaaddaasi dhibka iyo qalbi jabka ay bulshadaa walaalaha ah ku reebtay waa dareen murugo leh. Markaa waxa halkaas ka dhacay marka aynu si guud uga warano ,waxay ahayd dhacdo fool xun, lkn ciid-na kuma dhaliilayno waxay ahayd qaddar Eebbe, naf wakhtigeedi dhamaadayna cidi ma baajin karto, caqliga wanaagsani waxa uu ku sheegayaa in kii dhintay aanu tallo inooga baahnayn ee kan maanta nooli uu talo inoogga baahanyahay “Caano qubtay dabaddood ayaa la qabtaa”. Waxaan aad u tageerynaa anigga iyo intii ila dareen ahi, ee wanaaga iyo nabbada jeceliba, in dariiqa wanaagsan ay maanta madaxada dhaqanka ee labbadaas beelood ay qaateen si ay dadkooda dariiqa nabbada ugu horseedaan in la wadda taageerro, maxaa ka qurux badan “labbada is dilay oo heshiiyay”, maxaa ka qurux badan in dadka wada dhashay samir kala qataan oo way isku dhamanayeen ee, ay is dabo qabtaan”, nabbadu qiimaha ay leedahay “nin raggi wuu garranayaa ‘ nacana waa yeelkii” waxaan leeyahay ku socda dariiqa nabbada , tallo waa rogrogis ee isu tannaasula oo fura xadh-kaha colaadda , si aad u xidhaan xadh-kaha nabbada, anaguna duco ayaan idiin soo diraynaa, ilaahyna SWC. waxaan ka baryaynaa inuu boggiina burcad isu mariyo, qalbiyadiinana uu jacayl iyo kalgacayl ku abuuro. Aniga iyo intii ilaa darreen ahi ,waxaan aad ugu farxanay oo qalbigay-ga farxad wayni saaqday markii aan arkay dadkii oo gacmaha is haysta oo magaaladoodii Ceel-afwayn dhexmaraaya oo meel u wada jeeda, waa arrin aad ii qiiro galiyey markii aan ka arkay warbaahinta,qofkasta oo darreen islaamnimo ku jirtaana way taabanaysey. Sida uu noo xaqiijiyay nin oday ah oo Ceel-afwayn la xadhiidhay wuxu yidhi:- waa la isku “ooyay” waxa is helay dad kala baadday oo qaraabo iyo rixim ahaa, waxa abtigii laabta galiyey mid aan arkin mudo abtigii, waa la isu soo hiloobay oo la isku bohol-yoobay oo laabta ayaa la is wada galiyey si kalgacayl ka buuxo ,waa dareen uu qalbigu la dubaaxinnaayo. Maxaa hooyo da’ ah oo gu’geedu cimriyey colaaddaas ku gob-lantay oo guri madoow ka dhex ooyaysa, maxaa caruur yaryar maanta Aggoon noqtay, maxaa walaal iyo Abti lagu waayey, maxaynu dadkeenu ku dilnay, maanta waa in aan is cannaanano oo nabbada u istaagno, dhinac na looga soo wadda jeesto qofka xumaanta wadda, kaasi waa inuu dayro” noqdaa oo aanu qabiil noqon, gacan bir ahna lagu qabtaa, ninkii nabbada diida waa in si middaysan loo wajahaaa oo ummada laga dhex qabtaa. Guud ahaan ummada reer somaliland waxaan ugu baaqayaa in laga qayb qaato nabbada reer Ceel-afwayn, qalin iyo qoraal, maqal iyo muqaal inta aad awoodo inaad nabbada ku darsato, kii aan waxba ku darsanayn xumaan iyo samaan inuu Afkiisa ka haysto lagana nabbad gallo. • Fariinta Qurbo Joogta Ee Nabbada. Erraygayga ugu danbeeya waxaan u dirayaa bulshada qurbo joogta ah ee kasoo jeeda labbadan beelood, waxaan leeyahay walalayaal waxa la idinku dhaliilaayey inaad ahaydeen dadkii qaybta wayn ku lahaa dab-kaa colaadda ee maanta la bakhtiinayo, dhaliisha idin wadda huwin maayee ee qaar idinka mid ahi waxay si uun ugu lug lahaayeen waxa halkaas ka dhacaya, waxaba naf kama aydinaan qaadin ee waxa ku dhintay dadkiini nin aan qaraabadiisa iyo riximkiisa cidi kaga bixin ma jirto, waxaan se leeyahay walalayaal nabbada u istaaga oo maanta is dabo qabta, “ilahayna u toobad keenna” nabbadaas iyada ahna ka qayb qaata, hadii xoolihiina aad ku bixiseen colaadda, ilahay SWC danbi dhaaf waydiista, maantana is dabo qabta oo nabbadaas u hura naf iyo maal. Ugu danbayn waxaan u ducaynaynaa cid kasta oo nabbada wanaag ku darsatay, waxaanan usii ducaynaynaa Waxgaradka nabbadaas wadda ee ku jira sidii losoo afjari lahaa coladdaas, waxan leenahay alaah ha idiin fudaydiyo dariiqa nabbada rabina ha idinku sugo xaqa iyo wanaaga. dadkaas wada dhashay ee is Beer-dooxay waxan ilaahay uga baryayaa inuu beerkooda burcad isu maraiyo waa xigaalkayo ,waa qaraabadaydii ,waa riximkayagii waa dadkaygii nabbadooda ilaahay dartii ayaan u jeclahay,jidhkayguna waa u dumqanayaa oo waan u diirraynaa. Allaah nabbad haka yeelo Ceel-afwayn iyo meel kasta oo colaaddi ka jiro somaali dhamaanteed Aaamin. Waan sii waddi donnaa fariinta iyo wacyigalin nabbada intii rabi ii qadaro . Allaah ha u naxriisto dhamaan dadkii ku dhintay Colaaddaaas, inta dhaawaca ahna Rabi caafimaad degdega ha siiyo. Illaahay ayaa SWC mahad iska leh, ii oggolaaday inaan fariintan qoro iyo inaad akhrisataan walaalahayoow, Allaaha ayaa mahad dhamaanteed u sugnaatay, ilaahyna waxan ka baryaynaa inuu naxriista aduun iyo aakhiro labbadaba ina wadda siiyo, waxay sharafi korkiisa ahaatay Nabi “Maxamed SCW”, Rabi ha inagu hanuuniyo dariiqa wanaagsan ee xaqa ah. Allaah mahadleh. Facebook. Mustafe Ahmed Geedi WhatsApp.0659555532 Qoraaga Sheekoyi-nka Beer-doox. Waxa Qorey.Mustafe Axmed M Geeddi-Xaas. Qaran News
