Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Argagixisada waxay habeen hore dad badan oo Soomaaliyeed ku laayeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Dhaawacyada weerarkan ka dhashay ayaa buux dhaafiyay goobaha caafimaadka ee caasimadda, isbitaallada ayaa dalbanayay gurmad guur. Dadka la laayay waxay 100% ahaayeen dhalinyaro. Waxay ku jireen saacadihii dambe ee Jimcaha oo ah maalin nasiino. Waxay dhalinyaradan fiidsanaysa ahaayeen dareen moog, waxay carafsanaayeen udgoonka badda, laakiin kuwo arxan laawayaal ah oo dhiigga muslimka u carfaayo ayaa qaraxyo iyo rasaas dhinac walba kala dhacay. Argagixisada waa dhibaatada ugu weyn ee taalla Soomaaliya, inta ay jiraan nabad laguma fiidsan karo, inta ay argagixisada jirto nabad kuma shaqeysan kartid, inta ay jirto badqab kuma dareemaysid goob walba oo aad ka joogto Soomaaliya. Inta ay argagixisada jirto dalka ma heli karo maalgashi caalami ah, inta ay argagixisada jirto amni lagu faano ma jiri karo, xasuuquna joogsan maayo. Argagixisada hal luuqad ayay fahmaan waana iska dhicin, waa in loola dhaqmaa sida ay u dhaqmaan. Shacabka maanta nool ee ka badbaaday xasuuqyadii hore ee kooxda ballan uma haystaan inay ka bad-baadayaan dhibaatooyinka ay weli maleegayso argagixisada. Laakiin waxaan dhamaanteen awoodna in aan fadhi lagu sugin oo laga hortago, loo midoobo dagaalkooda, la garab istaago ciidanka dowladda, qof walba oo uu soo sheego meesha uu ku arko argagixiso, midkii awooddana uu qabto, waana in dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada qof walba ku biiriya wixii uu awooddo xoog, xoolo, xog iyo xikmad. Dhowr jeer ayay kooxda fulisay xasuuq lamid ah midkii habeen hore ka dhacay Liido, laakiin waxay isku sheegaan marwalba inuu dhintay damiirkii shacabka Soomaaliyeed oo aanay jirin shacab kacaya oo ka hor imaanaya oo hubka u qaadanaya inay soo afjaraan. Dadka Soomaaliyeed ee maanta nool waxaa la gudboon in aan cid gaar ah lagu haleynin dagaalka argagixisada, oo xasuuqii xalay ka dhacay Liido uu noqdaa kii midnimada, oo qof walba uu bixiyaa wixii karaankiisa ah si uu xasuuqii xalay u noqdo midkii u dambeeyay. Waa in aan xaaladahan oo kale siyaasad laga dhex raadin, ciidanka la caawiya oo cadowga meel looga soo wada jeestaa. Dalkan sidan laguma fiirsan karo, dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Muqdisho degana waxay xaq u leeyihiin nolol middaan ka wanaagsan, waxayse ku imaaneysa in shaqo badan la qabto, loona midoobo la-dagaalanka argagixisada. The post Xalka keliya ee la gudboon reer MUQDISHO kadib weerarkii xeebta LIIDO appeared first on Caasimada Online.
  2. Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar tooreey oo ka dhacay meel u dhow Tel Aviv, mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa sheegay, iyadoo booliisku ay sheegeen in qof Falastiini ah oo looga shakisan yahay uu Qofkii ka dambeeyay weerarka in uu ku dhintay isbitaalka, ka dib markii Ciidanku ay dhaawaceen. Weerarkan ayaa ka dhacay meel u dhow xarun shidaal iyo baarkin ku yaal magaalada Holon ee koonfurta Tel Aviv, adeega ambalaasta ee Israel ayaana sheegay in la fuliyay saacadihii hore ee Axada maanta ah, sida ay warbaahintu ka soo xigatay. Eedeysanaha weerarka Tooreyda ah geystay oo ah Falastiini ka soo jeeda Daanta Galbeed ee la haysto, ayaa waxaa dilay Askari ka tirsan Booliska oo goobta soo gaaray, sida ay laamaha nabad-gelyada ku sheegeen Warbixin ay soo saareen, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin. “Argagixisada waxaa si deg deg ah uga takhalusay mid ka mid ah saraakiisheenna oo ku sugnaa goobta, waxayna ka hortageen inuu qaado weerar ka sii daran,” ayuu yiri afhayeen u hadlay booliiska maamulka Israa’iil oo lagu magacaabo Eli Levi, kaas oo u waramay TV-ga Channel 12 ee Israa’iil. Source: goobjoog.com
  3. Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun kasoo saartay dacwad loo heystay dhallinyaro caan ka ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, kuwaas oo ku eedeysanaa kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye iyo faafinta anshax xumada. Dacwadda oo dhameysatay heerarka kala duwan ayaa ugu dambeyntii maanta waxaa xukun ka soo saartay maxkamadda gobolka Banaadir, eedeysanayaasha oo ka koobnaa sagaal gabdhood ayaa toddoba ka mid ah lagu xukumay min lix bilood oo xabsi ah, halka labo qabdhood ay maxkamaddu dib ugu celisay xorriyadooda. Goor dhow ayaana maxkamaddu ku dhawaaqday xukunka dhallinyaradaaas lagu riday oo si weyn isha loogu hayay maadaamo ay muddo xirnaayeen, falalka loo haystaani ay yihiin kuwo anshax xumo la xariira. Source: goobjoog.com
  4. Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah oo Israa’iil ay ku qaaday iskuul ay gabaad ka dhiganayeen dad Falastiiniyiin ah oo ku yaal bartamaha Gaza, sida uu sheegay xafiiska warbaahinta dowladda ee Gaza. Qaar kale oo badan ayaa ku dhaawacmay weerarka lagu qaaday Iskuulka Hamama oo ku yaalla xaafadda Sheikh Radwan ee magaalada Gaza, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa, ayadoo wariyaasha aaggaas ku sugani ay soo sheegayaan in ciidamada Israa’iil ay 3 bam ku dhifteen iskuulkaas. samatabbixiyeyaal iyo mutadawiciin ku sugan goobta ayaa isku dayaya in ay caawiyaan dadka ka soo baxsada burburka hoostiisa, waxaana weerarkani uu qeyb k yahay duqeymaha arxan-darrada ah ee Israa’iil ay bishii 10-aad ka waddo Marinka go’doonsan ee Qasa. Source: goobjoog.com
  5. Mogadishu (HOL) - The Banadir Regional Court sentenced seven social media influencers to six months imprisonment each on Sunday for spreading clan-based insults and "bad behaviour" online. Source: Hiiraan Online
  6. Taageerayaasha Muuse Biixi ayaa soo bandhigay mid ka mid ah wax qabadkiisii intii uu xilka hayay. Sawirkani waa dekada Maydh oo ay dhex dhigeen Muuse oo jooga ama fuushan doon taagan dekada Berbera xili uu xagaasi tagay 3 sano ka hor. Tageeryaasha ayaa isku xidhay sawirkii doonta uu Berbera fuushanaab iyo dekada Maydh oo xoolo ka dhoofayaan. Muuse dad iyo xoolaba uu la degayaa Somaliland doon khatar ah ayaynu fuushanahay xaga Rabi ayaynu ka baxnay. Oo waxa Ilahay inoo soo diray Waddani Hadaba u fiirso sawirkani Muuse xagiisa hore waxa yaala calanka Waddani waa shaaga lagu goosanaayo marka ay doontu degto. Muuse iyo Somaliland dad iyo duunyaba waxa in aynu degno inaga bad baadinayaa ee aynu ku goosanynaa waa Shaagaa calaamada calanka Waddani lagu shaqlay bulshoy i diyaar garooba doorasho xor ah oo xalaal ah Somaliland guul Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay degmada Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa la sheegay in lala eegtay gaari ay wateen ciidanka xoogga dalka, kaasi oo waday shidaal. Waxaana lasoo warinayaa waxyeello kala duwan oo ka dhalatay qaraxa, taas oo si rasmi ah loo xaqiijin. Jimcihii unbey aheyd markii qarax xooggan iyo weerar toos oo xigay ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay xeebta Liido, kaas oo galaaftay nolosha dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Weerarkaas ayaa waxaa ku naf waayey illaa 37 qof, halka dhaawacana uu gaaray illaa 247 qof oo la geeyay isbitaallada magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale weerarkaan usoo xirtay dhammaan saraakiishi qaabilsaneyd amniga aagga xeebta Liido, waxaana socda baaritaanno ku aadan sida kooxda ugu suurta-gashay inay gaaran halkaasi. Si kastaba, kooxda Al-Shabaab oo dagaal uga socdo gobollada dhexe ayaa waxaa muuqata inay culeys soo saartay magaalada Muqdisho, si ay weli isku muujiso in weeraro ka fulin karto caasimada oo bilihii dambe jawi xasiloon ku jirtay. The post Faah-faahinta qarax xooggan oo maanta ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  8. Heshiiska isbahaysiga iyo Wada- shaqaynta Urur Siyaasadeedka Kaah iyo Xisbiga WADDANI HORDHAC Dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu muddooyinkii u dambeeyey ku jiray xaalado adag oo dhaqaale, siyaasadeed, amni iyo go’doon diblumaasiyadeed. Duruufahaas oo ka dhashay siyaasadaha iyo hab-dhaqanka maamul ee xukumadda waqtigan talada haysa. Sida ugu habboon ee looga gudbi karo dhibaatooyinkaas is-barkani waa, in dhammaanteen aynnu isu kaashanno soo noolaynta rejadii iyo midnimadii ummadeed ee muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland. Hogaannada xisbiga WADDANI iyo urur siyaasadeedka KAAH oo ka duulaya aragtidaas, ayaa kaddib kulamo joogto ah oo muddo u socday, iyo latashiyo ballaadhan oo ay la sameeyeen qaybaha kala duwan ee bulshada, waxa ay maanta si rasmi ah u gaadheen heshiis ay ku yagleelayaan isbahaysi siyaasadeed oo ay ujeeddadiisu tahay xoojinta midnimada ummadda, nabadgelyada dalka, iyo sii kobcinta geeddisocodka dimuqraadiyadda Jamhuuriyada Somaliland. ARAR Markii aannu aragnay: jadwalka doorashooyinka madaxtooyada, iyo axsaabta iyo ururrada siyaasadda JSL ee uu shaaciyey Komishanka Doorashooyinka Qaranku, kuna muddaysan 13 Noofambar 2024. Islamarkaana aannu hoosta ka xarriiqnay muhiimadda ay doorashooyinku u leeyihiin, geeddisocodka hannaanka dimuqraadiyadda iyo qori isku dhiibka ku dhisan ee Jamhuuriyadda Somaliland. Markii aannu darisnay: dhibaatada dadka JSL ka soo gaadhay hoos u dhaca adeegyaddii dawladeed intii ay talada haysay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, taasina ay dhaawac baaxad leh gaadhsiisay ammaanka, wada-noolaanshiyaha, wadaniyadda, iyo israacsanaanta dhuleed ee JSL. Markii aannu ku qanacnay :baahida loo qabo dawlad sharciga iyo caddaaladda ku shaqaysa, hubisana in muwaadiniintu ay si isku mid ah uga faa’idaystaan khayraadka, iyo adeegyada dawladeed. Markii aannu yaqiinsanay:in ay lagama maarmaan tahay soocelinta kalsoonidii, ixtiraamkii iyo wadajirkii bulshada Somaliland dhexdeeda. Isla markaana aannu garwaaqsannay baahida loo qabo, isbeddel dhab ah oo ka turjumaya rajada muwaadinka ee ah in qarankani uu noqdo boqcad nabdoon, madaxbannaan, lana adkeeyey midnimada iyo wadajirka qaybaha kala duwan ee bulshada JSL. Markii aannu latashannay: muwaadiniinta lixda gobol ee JSL, isla markaana ku qanacnay taladooda ah in ay lagama maarmaan tahay in la helo dawlad midnimo-qaran oo ka turjumta Somaliland cusub oo la-wada-leeyahay, loona simanyahay khayraadka iyo adeegyada dawladda, kuna shaqaysa sarraynta sharciga, hab-dhaqanka madaniga ah oo ku qotoma dimuqraadiyad, caddaalad, dib u midaynta dadka, xoojinta nidaamka dawladnimo, iyo horumarinta dalka. Markii aannu aragnay: suurtagalnimada iskaashi iyo xulufo-wadaag ay Urur Siyaasadeedka Kaah iyo Xisbiga Waddani ka yeeshaan ka wada-shaqaynta doorashooyinka axsaabta/ururrada iyo Madaxtooyada, si waafaqsan dastuurka JSL, Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Qaranka ‘Xeer Lr. 14/2023’, iyo xeerhoosaadyada KAAH iyo WADDANI. Isla markaana la dhawrayo mabaadii’da dimuqraadiyadda iyo kala-madaxbannaanida dhisme, maamul iyo siyaasadeed ee labada dhinac. Markii aannu ku qanacnay: muhiimadda uu iskaashi siyaasi ah oo dhex mara Urur Siyaasadeedka KAAH iyo Xisbiga Waddani u leeyahay danta dalka, iyo gaar ahaan doorashooyinka Madaxtooyadda, Axsaabta iyo Ururrada. Urur Siyaasadeedka KAAH iyo Xisbiga WADDANI, maanta oo ay taariikhdu tahay: 04/08/2024, waxa dhexmaray heshiiskan ‘Midnimo Qaran’ ee Iskaashiga iyo Wada-Shaqaynta Urur Siyaasadeedka KAAH iyo Xisbiga Waddani oo ay qodobbadiisu hoos ku xusan yihiin: QODOBBADA HESHIISKA 1. Ilaalinta Kala Madaxbannaanida iyo Dimuqraadiyadda Dhinacyada Xisbiga Waddani iyo Urur Siyaasadeedka Kaah waxa ay isla qirayaan, dimuqraadiyadda iyo kala madaxbannaanida siyaasadeed ee labada dhinac (Maintaining independent political identities) oo mid kastaa uu gaarkiisa u leeyahay jiritaankiisa iyo shaqsiyaddiisa qaanuuniga ah. 2. Ka Wada-shaqaynta iyo is kaashiga danta Somaliland Heshiiskani waxa uu meelmarinayaa in Xisbiga Waddani iyo Urur Siyaasadeedka Kaah ay yeeshaan xidhiidh wada-shaqayneed iyo iskaashi rasmi ah, si ay ku jirto danta Somaliland, laguna xoojinayo kalsoonida muwaadiniinta Somaliland iyo hufnaanta dimuqraadiyadda. 3. iskaashiga Midnimada Qaranka Heshiiskani waxa uu garwaaqsaday in Somaliland ay waqtigan wajahayso caqabado amni, dhaqaale, bulsho iyo deegaan oo dhibta ay qaranka u geysanayaan ay si xawli ah u sii kordhayso, sidaa daraaddeed, Kaah iyo Waddani waxa ay lagama maarmaan u arkaan, in la helo isbeddel hoggaamineed oo si dhab ah wax uga qabta caqabadahaas. Heshiiskanina waxa uu abuurayaa iskaashi iyo wada-shaqayn rasmi ah oo u dhexeeya Xisbiga Waddani iyo Urur Siyaasadeedka KAAH, kaas oo lagu:- b. xoojinayo qarannimada, wadaniyadda, iyo israacsanaanta dhuleed ee JSL t. isla markaana lagu adkaynaayo dawladnimada, midnimada, iyo wadajirka shacabka JSL. 4. ka wada-shaqaynta doorashooyinka Waddani iyo Kaah waxa ay ku heshiiyeen in ay ka wada-shaqeeyaan sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho daahfuran oo xor iyo xalaal ah, waqtigeedana aan ka dib dhicin. Waxa aanay muwaadiniinta ku boorinayaan in ay ka feejignaadaan, cid kasta oo isku dayda inay carqaladeyso geeddisocodka hannaanka doorashooyinka isa saaran ee mudaysan 13/11/2024. 5. In KAAH wax laga siiyo dhismaha dawladnimada Waddani iyo Kaah waxa ay ku heshiiyeen, in marka Murashaxiinta Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ku guulaystaan doorashada Madaxtooyada (Haddii Alle idmo), In ay Ururka/Xisbiga KAAH wax ka siiyaan dhismaha Dawladnimada. 6. Taageeridda Murashaxiinta madaxweyne iyo ku-xigeen ee xisbiga Waddani Urur-siyaasadeedka Kaah waxa uu taageerayaa murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo Murashaxa Madxweyne Ku-xigeenka ee Xisbiga Waddani, Amb. Maxamed Cali Aw Cabdi. Taageerayaasha urur siyaasadeedka Kaahna, doorashada madaxtooyada ee soo socota, waxa ay u codeynayaan murashaxiinta madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani. 7. Dib u habaynta nidaamka siyaasiga ah ee dalka Waddani iyo Kaah waxa ay ku heshiiyeen in dib u habayn lagu sameeyo nidaamka siyaasiga ah ee dalka, si loo helo hannaan siyaasadeed oo ku dhisan xisbiyo leh Sharciyad iyo metelaad dhab ah, kana hufan qabyaalad iyo abtirsiin. 8. Xoojinta Dawladwanaagga iyo midnimada qaranka Waddani iyo Kaah waxa ay ku heshiiyeen in la raadiyo dawlad casri ah oo ku dhisan sarraynta sharciga, dhaqanka suuban ee islaamka, xoojinta dimuqraadiyada iyo caddaalada bulshada, isla markaana adkaysa midnimada dalka iyo dadka, iyo in xal waara loo helo arrimaha soo noqnoqda ee ay ka mid yihiin dib u dhaca doorashooyinka lana hubiyo in doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan,(Regularity of elections). 9. Ilaalinta Wadaniyadda iyo midnimada dhuleed ee JSL Xisbiga Waddani iyo Urur Siyaasadeedka KAAH waxaa ka go’an, ilaalinta qarannimada iyo israacsanaanta dhuleed ee JSL, waxa ay aamminsan yihiin in shacabka gobalka Sool ay lagama maarmaan u yihiin midnimada dadka iyo qarannimada Somaliland. Heshiiskani waxa uu gogolxaadh u noqonayaa in arimaha gobolka Sool hab nabad ah lagu xaliyo. 10. Ka wada-shaqaynta in Kaah iyo WADDANI ay u soo baxaan xisbinimo Xisbiga Waddani iyo Uurur Siyaasadeedka Kaah iyaga oo ixtiraamaya xulufo-wadaaggan ka dhexeeya ee ay ujeeddadiisu tahay, in si hufan loogu tartamo doorashada Ururrada iyo Axsaabta, yoolkuna uu yahay in Kaah iyo Waddani ay labaduba u soo gudbaan ka mid noqoshada saddexda xisbi qaran ee doorashada ku soo bixi doona. Isla markaana waxay si dhaw uga wada-shaqayn doonaan qorsheyaasha lagu gaadhayo ujeedooyinka heshiiskan ku xusan oo ah: b. Kobcinta dhaqaalaha, waxsoosaarka, shaqo abuurka, horumarinta baahiyaha asaasiga ah, iyo hoos u dhigidda qiimaha maciishadda. t. Kor u qaadista bixinta adeegyada bulshada iyo maamul-daadejinta sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha. j. Xoojinta dawladnimadda, isku dheeli-tirnaanta awoodaha Xukuumadda, Sharcidejinta, iyo Garsoorka, sidoo kale in dib u habayn (Reform) lagu sameeyo nidaamka garsoorka iyo cadaaladda dalka, si waafaqsan dastuurka JSL iyo xeerarka kale ee ka farcama. k. Xisbiga WADDANI iyo urur siyaasadeedka KAAH waxay isla garteen muhiimada ay leedahay in dastuurka dib u eegis lagu sameeyo si loo helo saami qaybsi dhamaystiran. 11. Is xurmaynta iyo xoojinta is Ixtiraamka Labada Dhinac Xisbiga Waddani iyo Urur Siyaasadeedka Kaah waxa ay ku heshiiyeen in ay ka reeban tahay, eedo isu jeedinta, is dhaliilista iyo isdacaayadaynta, tooska ah ama dadban ee labada dhinac. 12. Iskaashiga guddiyada ololaha ee labada dhinac ee heer qaran. Si dhow ayay u wada-shaqaynayaan guddiyada ololaha ee labada dhinac (Waddani iyo Kaah), iyaga oo wadaagi doona xogta, iyo wixii kale ee daruuri u ah wada-shaqaynta labada dhinac. Waxaana la samayn doonaa gudi musdanbeed ah oo labada dhinac ah si ay u kor joogteeyaan fulitaanka heshiiskan. 13. Xidhiidh iyo war-is-gaadhsiin joogto ah Guddiyada ololaha ee labada dhinac waxa ay joogtayn doonaan kulamada ay kaga arrinsanayaan arimaha ololaha, iyo wixii hadba la soo gudboonaada. 14. Baratakool xidhiidhka iyo habraaca war-isgaadhsiinta Guddiyada ololaha ee labada dhinac waxa ay samaynayaan nidaam is gaadhsiineed iyaga oo u xil saaraaya cid u qaabilsanaata xidhiidhka iyo war-isgaadhsiinta maalinlaha ah ee labada dhinac (focal person/s). 15. Isu-duwidda Guddida Ololaha heer gobal iyo heer degmo Guddiyada heer qaran ee ololaha labada dhinac waxa ay dejin doonaan hannaan ay ku wada-shaqeeyaan gudiyada heer gobol iyo heer degmo ee ololaha labada dhinac. Haddii uu soo baxo arrin iyo isfahmi waa, ama uu dhinac cabasho ka qabo qaabka ololaha, waxaa sida ugu dhaqsaha badan loogu gudbinayaa guddiyada heer qaran ee ololaha labada dhinac, si ay tallaabo xal ah uga qaadaan. 16. U hoggaansanaanta xeerarka iyo habraacyada doorashooyinka. Hawlaha ololaha iyo shaqooyinka la xidhiidha, waxaa lagu maamulayaa, loona raacayaa Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangellinta Codbixiyaha, Xeer Lr. 91/2023, iyo habraacyada ay soo saaraan Komishanka Doorashooyinka Qaranku. 17. Joogteynta Qaab-dhismeedka Sharci ee labada dhinac Xisbiga Waddani iyo ururka-siyaasadeedka Kaah waxa ay qireen muhiimadda ay leedahay dimuqraadiyadda, iyo xaqdhowrista kala madaxbannaanida siyaasadeed ee labada dhinac (Maintaining independent political identities). Sidaas awgeed, heshiiskani kama hor imanayo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Xeer Lr.14/2023, Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr.91/2023, iyo xeerhoosaadyada Xisbiga Waddani iyo Urur Siyaasadeedka Kaah. Xisbigga Waddani iyo Urur-siyaasadeedka Kaah, mid kastaa waxa uu leeyahay jiritaankiisa iyo madaxbanaanidiisa u gaarka ah oo uu ku gelayo doorashooyinka soo socda. XISBIGA WADDANI URUR SIYAASADEEDKA KAAH Magaca: Magaca: Xilka: Xilka: Saxeexa: Saxeexa: Taariikhda: Taariikhda: Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku ridday 9 gabdhood oo kamid ah dhalinyarada isticmaalaha baraha bulshada, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay u xirnaa ciidamada booliska dowladda Soomaaliya. Maxkamadda ayaa ugu dambeyn xukun kasoo saartay dacwad loo heystay gabdhahan oo caan ka ahaa barta TikTok, waxaa kamid ah Sihaam Tahliil, Nashaad Nalka, Sacdiyo Galmudug Iftin Model, Aniso Anjalii iyo Farxiyo Zona. Dhammaantood waxaa lagu soo eedeeyay kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye iyo faafinta anshax xumo, sida ay horay u sheegtay xeer-ilaalinta guud ee qaranka. Sidoo kale dacwadda oo dhameysatay heerarkeeda kala duwan ayaa ugu dambeyntii maanta waxaa xukun ka soo saartay maxkamadda gobolka Banaadir, eedeysanayaasha oo ka koobnaa 9 gabdhood ayaa 7 ka mid ah lagu xukumay min 6 bilood oo xabsi ah, halka 2 qabdhood ay maxkamaddu dib ugu celisay xorriyadooda, kadib markii lagu waayey wax dambi ah. Sidoo kale waxaa jira dhalinyaro kale oo weli xiran, isla markaana ay socoto maxkamadeyntooda, kuwaas oo loo haysto anshax xumo iyo Aflagaado, ayagoo isticmaalaya Baraha Bulshada gaarka ah ee barta TikTok. Howlgalka ka dhanka ah dhalinyarada baraha bulshada ayaa soo bilowday bishii May, waxaana lagu soo xiray dhalinyaro badan oo ku sugnaa magaalada Muqdisho. Hadal-heyn xoogan ayaa sidoo kale ka dhalatay xarigga dhalinyaradan, maadaama ay yihiin kuwii ugu caansanaa TikTok, waxaana badan dadka qaba in la suuliyo dhaqanka ay wadeen ee qabyaaladda ah, kaas oo kicinaya bulsho nabad ku wada degan Muqdisho. The post Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun ku ridday gabdhihii TikTok-leyda appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay aya war culus kasoo saartay weerarkii Jimcihii ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday dad shacab ah oo u badnaa dhalinyaro ku caweynatat halkaasu. Ku simaha ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo qoraal soo saaray ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkaasi, wuxuuna tilmaamay in fal aad looga naxo uu yahay in la beegsado shacab aan waxba galabsan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay murugada la qaybsanayaan qoysaska ehellada ku waayay weerarkaasi, isaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah. “Xeebta Liido waa meel ay Soomaalidu waqti kula qaataan qoysaskooda iyo asxaabtooda, kuna raaxaystaan bilicda xeebta Soomaaliya. In la beegsado goobtan waa fal laga naxo oo mudan in si adag loo cambaareeyo,” ayuu qoraalkiisa yiri James Swan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in QM ay ku garab taagan tahay dowladd Soomaaliya iyo shacabkeeda dadaalkooda ku aaddan xaqiijinta nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka. Khasaaraha ka dhashay weerarkan oo qaraxyo ku bilowday, uuna xigay dagaal toos ah ayaa hadda kordha, wuxuuna gaaray 37 qof oo dhimasho, halka dhaawacana uu gaaray illaa 247 qof, kuwaas oo la geeyay qaar kamid ah isbitaallada, sida uu xaqiijiyay wasiirka caafimaadka Soomaaliya Cali Xaaji Aadan oo soo saaray tirakoob cusub oo ay sameeyeen. Cali Xaaji ayaa tilmaamay dhaawacyada 137 qof dib loogu celiyay guryahooda, kuwaas oo ay fududeyd xaaladooda, halka kuwa kalena weli lala tacaalayo xaaladoodda. Weerarkii Liido ayaa waxaa lagu beegsaday dad shacab ah oo u badnaa dhalinyaro, kuwaas oo ku sugnaa xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, waxaana qaarkood ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxa, kuwa kalena toogasho iyo dagaal ka dhacay halkaasi. The post QM oo war culus kasoo saartay shacabkii lagu laayay Liido appeared first on Caasimada Online.
  11. 454116916_1999531130504955_3998199692807093824_n Qaran News
  12. Ugu yaraan 15 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil ku bartilmaameedsadeen iskuul ku yaalla magaalada Gaza oo ay daganaayeen qoysas barakac ah. Duqeyntaasi ayaa dhacday, saacado kaddib marki ay Xamas sheegtay in laba weerar oo cirka ah oo ay Israa’iil ka fulisay dhulka ka heysto ee Daanta Galbeed lagu dilay ilaa 9 ka mid ah dagaalyahannadeeda oo uu ku jiray sarkaal sare. Millatariga Israa’il ayaa sheegay in weerarki koowaad ay la eegteen baabuur ay saarnaayeen dagaayahanno ka tirsan garabka millatari ee Xamas, kaas oo marayay meel u dhaw magaalada Tulkarm. Bayaan kasoo baxay Xamas ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah dadka la dilay uu ahaa abaanduulihi guutada Dulkaram , halka kooxda Islamic Jihad ay iyaduna sheegtay in afar ka mid ah dagaalyahannadeeda lagu dilay weerarkaasi. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo duqayn culus ku garaacday marinka Gaza iyo Daanta Galbeed appeared first on Puntland Post.
  13. 453969908_1437368313628543_7036239462658557454_n La soco xaflada oo dhamaystiran dhawaan Qaran News
  14. Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii argagixiso ee habeen ka hor ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. “Qarammada Midoobay ee Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay qaraxaas, waxayna u rajeynaysaa kuwa ku dhaawacmay inay si dhaqso ah u bogsadaan.”ayaa lagu yiri bayaanka Cambaaraynta ah. “Xeebta Liido waa meel caan ah oo ay Soomaalidu waqti kula qaataan qoysaskooda iyo asxaabtooda, kuna raaxaystaan ​​bilicda xeebaha Soomaaliya. In goobtan la bartilmaameedsado waa fal foolxun oo mudan qaadaya cambaareynta ugu adag,” ayuu yiri Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. “Annagoo ku biirayna dhammaan dadka Soomaaliyeed ee nabadda jecel ee u baroordiiqaya dhibaatadan murugada leh, waxaan mar kale xaqiijinayaa in Qaramada Midoobay ay taageerayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ayna la garab taagan tahay dadaallada ay ugu jirto inay xaqiijiso nabadda, amniga, iyo xasilloonida dalka” ayuu sii raaciyay. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobey oo si adag u cambaareysay weerarkii Xeebta Liido ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  15. Musiibadii ka dhacday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho waxay saameysey guud ahaan ummadda Soomaaliyeed oo qaarna qoys ahaan u dareemeen ka dib markii qof ama laba xubnood oo muhiim ahi ay gurigooda ka baxeen, kuwana ay qalbi ahaan u taabatay oo murugo iyo uur ku taalla ku abuurtay. Ka sukow caloolyowga iyo tiiraanyada qalbi ahaan u maasheeyay Soomaalida iyo dadyowga kalee ka naxayaba, damqasho iyo dareen dowlad iyo shacab leh ayaa dalkoo dhan ka aloosmay, waxaana billaamay gurmad iyo gargaar loo fidinayo dhibbaneyaashii ay waxyeeladu gaartay. Birmad ballaaran oo ay dowladdu hormuud u tahay ayaa ka socda caasimadda iyo meelo kale , kaas oo isugu jira dhaymo, dhiig shubid, iyo dhaqaale aruurin, waxaana xoogga la saarayaa badbaadinta dhaawacyada halista ah iyo bogsiinta kuwa fudud ee Isbitaallada ku jira. Dhaqaatiirta ka howl-gala magaaladu ayagoo daruufo adag oo jaad walba leh wajahaya ayay habeen iyo maalinba u soo jeedaan sidii ay u badbaadin dadka dhaawaca ah oo xarumaha ay joogaan daadsan, waxaana hurdo iyo harsiba u diiday shaqada aan kala go’a lahayn oo ay hayaan iyo damiirkooda oo aan u oggolayn in ay jiif iyo nasiino u bayraan, ayadoo bukaan xaalad adag ku jiraahi u muuqdo. Dhankeeda dowladdu waxay magacowday guddi heer wasiir ah, kuwaas oo si dhow ula socda xaaladda Isbitaallada ay dhaawacdu ku jiraan, islamarkaana u xilsaaran fududayn culaysyada ku gadaaman u adeegidda dhibanayaasha iyo isku dubba-ridda gurmadka loo fidinayo. haddaba ayadoo laga duulayo dulucda maahmaahdii ahayd” dhacama geel siday u kala horeeyaan baa loo kala qaadayaa” waxaa habboon in labada gacmoodba laysugu geeyo badbaadinta iyo baxnaanada dhaawacyada oo intii aan dalka wax loogu qaban karinna si deg deg ah loogu qaado dibedda, inta kalena daryeelkooda iyo daawayntooda si wanaagsan oo aan hagar lahayn laysugu xil-qaamo. Howl walba waa in laga hormariyaa la tacaalidda dhaawacyada maxaa-yeelay badbaadinta nafta ayaa wax kasta muhiisan, haddii la dayacona inciqaab Alle iyo ceebba waa laga dhexli doonaa, sidoo kale gurmad qofba taagtiis inaan loo kala harin ayaa habboon. Source: goobjoog.com
  16. Mogadishu (HOL) - Somali government has arrested several army officers in response to a deadly al-Shabab attack at a popular beachside hotel in Mogadishu on Friday night. Source: Hiiraan Online
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay tallaabo ay xalay qaaday Somaliland oo markii u horreysay ka hadashay weerarkii Jimcihii ka dhacay xeebta Liido ee Muqdisho , kaasi oo lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Somaliland ayaa dhambaal tacsi ah u dirtay qoysaska ay dadkoodii kaga dhinteen qarixii xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, iyada oo dhambaalka lagu yiri “dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.” Qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa dhambaal tacsi ah ugu dirtay qoysaskii 32-kii qof ee ku dhintay qaraxa argagixiso. Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa tilmaantay “in ay garab taagan tahay xilliyada adag qoysaska iyo dhibaneyaasha rayidka ah ee wax ku noqday weerarkaas.” Haddaba sidee looga falceliyay:- Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa ka hadlay tallaabada ay qaaday Somaliland, maadaama ay tahay markii ugu horreysay oo war noocaan oo kale ah ay kasoo saarto xaaladda Soomaaliya, waxaana dadka ka bixiyeen aragtiyo kala duwan, iyaga oo badi soo dhaweeyay hadalka Somaliland. Khaalid Baashe ayaa yiri “Somaliland oo 30 sano kadib hadda soo fahmaysa muhiimada dibloomaasiyadda!”. Naciima Ismaaciil “Somaaliland waa gob walee Alle ha unaxariisto intii ku dhimatay dhaawacyadana Alle swt caafimaad taama ha siiyo Aamiin” Xasan Suleymaan “Damqashadaa nala damqateen waa idinka qabnaa walalayaal maadaama Soomaalinimda naga dhxeyso”. Maxamuud Sheekh Maxamed “Xamar amxaar baa naga xiga maxaa u tiraahdeen Soomaliya iyo Somaliland waa hal mid”. Cabdiqaasim Tahliil “Waad ku mahadsantihiin sida aad ula damqateen walaaladiin Soomaaliyeed ee dhibta soo gaartay. Qaranka soomalilaand ha guuleysto. Sukayna Maxamed “Waxa la isku hayo waxa lays ku yahay baa ka wayn Alle dhibaatada ha idinka dulqaado inta dhimatayna Allah ha unaxariisto dhaawacana Alle ha caafiyo”. Mascuud Xasan Cumar “Walaalayaal waad mahadsantihiin ummada soomaliyeed tii israacdo Allaha ka dhigo”. The post Falcelin xoogan oo ka dhalatay tallaabo ay qaaday Somaliland kadib weerarkii Liido appeared first on Caasimada Online.
  18. Somali leaders on Saturday called on security agencies to remain vigilant following a brutal attack by al-Shabab fighters at a popular beachside hotel in the Somali capital of Mogadishu Friday night. Source: Hiiraan Online
  19. Pau Víctor scores either side of half time before Real Madrid pull one back late on. Source: Hiiraan Online
  20. Badhisaabkii hore ee gobolka Togdheer ayaa saaja arooryii hore si rasmi ah ugu biiray xisbiga Waddani . Maxamed Ibrahim Nafaqo ayaa ka mid ahaa ama tirsanaa xisbiga dawladda ee Kulmiye, waxana aad u soo badanaaya xubnaha mihiimka ah ee ku soo biiraaya xisbiga taasi oo salka ku haysa xisbi xaakinka oo ku fashilmay hagista dalka 7 sanadood ee la soo dhaafay. Qaran News
  21. Mogadishu (HOL) - Türkiye and the U.S. governments expressed deep sorrow and condemnation on Saturday following a terrorist attack in Mogadishu that killed 37 people and wounded 63 others. Source: Hiiraan Online
  22. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Maxamed Xasan lafta gareen ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed kulan kula yeeshay guddoomiyaha Hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka Soomaaliyeed iyo masuuliyiin kale oo la socatay. Guddoomiyaha Hay’adda Marwo Safiya Hassan Mohamed iyo Wafdiga ay hoggaamineyso oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa kulan muhiim la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Abdiaziiz Hassan Mohamed (Laftagareen), ayagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah. Kulanka oo isugu jiray soo dhaweyn iyo kala war qaadasho ayaa Guddoomiye Safiya waxaa ay uga warbixisay Madaxweynaha qorsha ayada iyo wafdigeeda u yimaadeyn Magaalada Baydhabo, kaas oo ah wadatashiga Bulshada Koonfur Galbeed ee Istaraatiijiyadda Qaran ee Illaalinta, Taakuleynta iyo Xalka-waara ee Barakacayaasha, Qaxootiga, iyo Dadka soo guryo noqday. Madaxweyne Abdiaziiz ayaa uga Mahadceliyay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo wafdigeeda dedaalka xooggan ee ay ku bixinayaan samata bixinta Barakacayaasha iyo Qaxootiga ku nool dalkeena, waxaana uu ballan qaaday in uu si buuxda u garab taagan yahay shaqada ha’addu u hayso Sahcabka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  23. Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray, waxaana uu xusay in lala xisaabtamayo cid kasto oo ku lug yeelata wixii Liido ka dhacay. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo xalay ku booqday isbitaalka Erdogan shacabka ku dhaawacmay falkii bahalnimada ahaa Xeebta Liido, ayaa sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray, qaarkoodna ay xiran yihiin. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in markii lagu jabiyey goobaha dagaalka ay kooxaha beegsadeen dhallinyaradii ahaa indhaha iyo mustaqbalkii dalka oo aan siyaasad shaqo ku lahayn, si nabad ahna ugu caweynayey dalkooda, taas oo muujinaysa in aysan lahayn diin, dhaqan iyo akhlaaq midna, una taagan yihiin dabargoynta shacabka Soomaaliyeed. Mudane Xamsa ayaa uga tacsiyeeyey ehellada iyo asxaabta dadkii ku dhintay weerarka, isaga oo ugu duceeyey in Ilaahay naxariista Janno ka waraabiyo, kuwa dhaawacmayna u boogo dhayo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga ay u fidinayaan ciidamada iyo hey’adaha ammaanka. Intii uu booqashadiisa ku guda jiray, Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka, waxa uu warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhaqaatiirka Isbitaalka, isaga oo u muujiyey taageero iyo garab istaag. Waxa uu sidoo kale ku ammaanay ciidamada ammaanka doorkii ay ka qaateen badbaadinta iyo caawinta shacabka ay wax yeelladu soo gaartay. Source: goobjoog.com
  24. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga, ayaa cambaareysay weerarkii argagaxiso ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, weerarkaan ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca tobanaan qof. Bayaan ay soo saartay, ayay ku sheegtay in Boqortooyadu ay xaqiijinayso mowqifkeeda ku aaddan diidmada rabshadaha, xagjirnimada, iyo beegsiga dadka rayidka ah. Boqortooyada ayaa sidoo kale cadeysay in ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhacdadan, sida ay sheegtay SPA. War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Boqortooyadu ay tacsi tiiraanyo leh u direyso ehelada dadkii ku dhintay qaraxaas iyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo kuwii ku dhaawacmayna ay u rajeyneyso caafimaad degdeg ah. Sidoo kale qaar ka mid ah dowladda islaamka, ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururada isku tagga Muslimiinta ayaa si isku mid ah u cambaareeyay weerarkaan. Source: goobjoog.com
  25. Mogadishu (HOL) — Somalia is poised for a significant economic rebound in 2024, driven by a recovery in agriculture, services, and household consumption, according to the African Development Bank's (AfDB) latest report. The Country Focus Report 2024 projects GDP growth of 3.7 percent in 2024 and 3.8 percent in 2025, signalling a hopeful turnaround for the East African nation. Source: Hiiraan Online