Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,994
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxgaradka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa ka digay in mar kale dagaal uu ka dhaco magaaladaasi, iyaga oo baaq u diray madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani. Waxa ay sheegeen in wax laga xumaado ay tahay in ciidamo badan lagu soo daabulo magaalada Boosaaso, waxaana ay sheegeen in dowlad goboleedka Puntland ay ugu baaqayaan joojinta ciidamadan aadka u badan.; Waxgaradkan oo la kulmay saraakiil ciidan ayaa dhanka kale sheegay iney ka xumaadeen dagaalkii dhexmaray ciidamada Puntland iyo Maleeshiyaad hubeysan, kaasi oo ka dhacay magaalada Boosaaso. Sababta dagaalkan ayeey sheegeen iney tahay arrimo ku aaddan is faham la’aan iyo in la suurad xumeynayo dowladnimada waa sida ay hadalka u dhigeen. Ugu dambeyn, waxgaradkan ayaa sheegay in xukuumadda Dani lagula xisaabtami doono dhib walbo oo ka dhaca Boosaaso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa daboolka ka qaaday in madaxweyne Biixi u soo gudbiyay warqadda muddo kordhin loo samaynayo Golaha Wakiillada Somaliland. Waxa uu sheegay in loo xilsaaray guddi qiimaysa muddada loogu dari karo xilka Golaha wakiillada, islamarkaana waxa loo ballamay Maalinta Isniinta oo la filayo in wakhtiga ay guddidu soo jeediso loo kordhiyo Golaha Wakiillada. Golaha Wakiillada waxa la doortay 2005 muddo shan sanno ah oo ku eekayd 2010 laakiin, ilaa hadda waxa ay xilka ku fadhiyaan muddo kordhino isdaba joog ah oo ay u sameeyaan Guurtida oo iyaga laftoodu isu kordhiya maaddaama markasta muddo xileedkoodou ku eeg yahay sanad kadib marka doorashada Wakiilladu dhacdo. Goleyaasha degaanka ayaa sidoo kale wakhtigu ku dhammaaday waxaanay ku shaqeeyaan iyada oo aan wax muddo kordhin ah loo samayn. Ilaa hadda lama qiyaasi karo wakhtiga doorasho ku dhici karto maaddaama khilaaf culus ka taaggan yahay arrimaha doorashooyinka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakiir Warsame oo u warramayey TV-ga Universal ayaa ka hadlay sababtii uu xisbiga Wadajir uga mid noqon waayey Madasha Xisbiyada Qaran ee dhowaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sabata ku sheegay in markii hore ay soo jeediyeen in Madasha aysan yeelan hoggaan, kaliyana ay sameysato xiriiriye, balse ay hadda yeelatay hoggaamiye, taasina ay ku diideen, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu sheegay in Madasha ay kala mideysan yihiin in laga wada shaqeeyo sidii u dhici laheyd doorasho lagu qbato waqtiga oo u dhacda si xor iyo xalaal ah. “Aragtida xisbiga ayaa go’aansaday in aan hadda laga mid noqon, doodaha madalada la xiriira dadka isku aragti kama ahan, hal hadaf ayaa wada leenahay in doorasho xilligeeda la qabto in laga wada shaqeeyo, maadaama madasha aheyd madal dadka aysan hal xisbi la noqoneyn, qof walba madaxtinimadiisa, damaciisa iyo howlihiisa uu leeyahay in laga wada shaqeeyo doorashada sidii ku dhici laheyd, oo garoonka ciyaarta loo wada geli lahaa ayaa hada anaga noogu muhiimsan maba aaminsaneyn in hoggaan la sameeyo, in xiriiriye la sameeyo ayaa ujeedkeena ahaa.”ayuu yiri CCC Shakuur. Ugu dambeyn wuxuu aad u cambaareeyey xayiraadii la’isku dayey in dhowaan lagu sameeyo Madaxweynayaashii hore ee dalka, wuxuuna ugu baaqay xukuumadda Soomaaliya inay ilaaliso, islamarkaana ay dhowrto Dastuurka iyo shuruucda dalka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo bishan Muqdisho looga dhawaaqay Madal cusub oo ay ku mideysan yihiin inta badan hoggaanka Xisbiyada, waxaana guddoomiye loogu doortay Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa jimcihii waxaa uu sanad horleh ku daray qaadista qeyb ka mid ah cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyada oo sanadkan lagu kordhiyey xayiraad la saaray waxyaabaha kiimikooyinka ee loo adeegsaday sameynta waxyaabaha qarxa. 15-ka xubnood ee golaha ee codeeyey 12 waxaa ay ogolaadeen in cunaqabateynta la kordhiyo halka Shiinaha, Russia iyo Equatorial Guinea ay diidayaan, waxaa ay socon doontaa ilaa Nofembar 15, 2020 “Waxaa laga reebay arrimaha loogu talagay kaliya horumarinta Ciidamada Qaranka Soomaaliya ama hay’adaha waaxda amniga ee Soomaaliya,” qaraarka ayaa lagu yiri. Si kastaba ha noqotee, keenidda qaar ka mid ah hubka culus waxay u baahan tahay oggolaansho hore guddiga guddiga ee kormeeraya dhaqan-galinta cunaqabateynta, iyo keenidda qaar ka mid ah hubka fudud waxay u baahan yihiin ogaysiis hore guddiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. “Muuse Biixi Jirradii Ismaaciil Oo Kale ayaa Ku Dhacday” Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Somaliland ayaa sannadkii 2018kii waxay xabsiga dhigtay Cabdillaahi Maxamuud Yuusuf oo loo yaqaanno (Abu Hatim, Mad Mullah and Puntlandersteni) oo ah ninka u qaabilsan ururka Daacish Diiwaangalinta iyo soo xerogalinta dadka ku soo biiraya ururka ee heer caalami. Warbixin uu soo saarey horraantii bishan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ninka lagu xidhay Somaliland uu u safray 12 dal oo Afrika iyo Bariga Dhexe ah, kuwaasi oo ay ku jiraan dalalka Koonfur Afrika, Sucuudiga, Ciraaq, Kenya, Libya iyo Suudaan. Macluumaadka ay Somaliland ka heshay ninkan markii ay xidhay waxaa ka mid ah: Qorshaha Fiditaanka Ururka Daacish ee Bariga Afrika (overall strategy of ISIL for expansion in East Africa) – sida lagu sheegay warbixinta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Suxufi Khaalid Foodhaadhi Source
  7. Wasiirka wasaaradda cadaalada Soomaaliya, Abuukaate Xasan Xuseen oo u warramay warbaahinta ayaa ka hadlay arrimaha Garsoorka dalka, gaar ahaan maxkamadaha. Ugu horreyn wasiirka ayaa ugu baaqay dadka shacabka inaysan u cadaalad doonan Al-Shabaab, islamarkaan ay ku kalsoonaadaabn hay’adaha garsoorka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay wadaan qorshayaal guud oo lagu hormarinayo hay’adaha garsoorka dalka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Cod-Jaamac-1.mp3 View the full article
  8. (SLT-Nairobi)-Warsidaha The Indian Ocean ayaa qoray warbixin uu ku sheegay in Dawladda Kenya ay cilaaqaad diblomaasiyadeed kula yeelanayso Somaliland. Warsidahaas oo warkiisa ciwaan uga dhigay “Nairobi oo xidhiidh diblomaasiyadeed la yeelanaysa Hargeysa.” The Indian Ocean waxa uu sheegay in xidhiidhka murugsan ee Nairobi iyo Muqdisho ee ka dhashay muranka dhinaca soohdimaha Badda, uu Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ka cadheysiiyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, maadaama oo uu martiqaad u fidiyey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi. Booqashada madaxweyne Muuse Biixi uu dhawaan ku tagayo Kenya, ayaa noqon doonta tii u horreysay ee uu ku tago dalkaas, tan iyo markii la doortay November 2017kii, waxaanu Warsiduhu ku sifeeyey inay sii dhaawici doonto cilaaqaadka Kenya iyo Soomaaliya. Xildhibaanno iyo siyaasiyiinta Kenyan ah ayaa hore ugu majeertay Somaliland horumarka iyo xasiloonida ay ku naaloonayso, waxaanay ku boorriyaan dawladdooda inay xidhiidh la yeelato Somaliland oo ay ku tilmaameen dal nabdoon oo wax lala qabsan karo. Dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya oo aan qarsan colaadda ay u hayso Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhaqan ka dhigatay inay cambaareyso dalalka Martiqaadyada rasmiga ah u fidiya Madaxda JSL. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Wefti ka socda dawladda Faderaalka Itoobiya iyo dawlad deegaanka Soomaalida ee dalkaas, oo ka qayb-geli doona carwo caafimaad oo magaalada Hargeysa maanta ka furmi doonta, ayaa dalka soo gaadhay. Sida uu Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA u sheegay Cabdiwahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma) oo ah xidhiidhiyaha cudurrada faafa ee xudduudaha iyo fayo-dhawka guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland. Weftigan ka socda dalka Itoobiya oo ka soo kicitimay magaalada Jig-jiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxana magaalo xudeedka Togwajaale ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland. Maalinta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa inuu caasimadda Hargeysa ka furmo carwo ku saabsan arrimaha caafimaadka, taas oo ay qabanayso Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, oo ay ka soo qayb-geli doonaan bahda caafimaadka Somaliland iyo kuwa caalami ahiba. Source
  10. (SLT-Nairobi)-Wefti ka socda Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qaybgalay shir weyne lagaga hadlayey “mustaqbalka caasimadaha Adduunka” oo lagu qabtay Magaalo xeebeedda Mombasa ee dalka Kenya, oo ay ka soo qaybgaleen Madax ka socotay 46 dal oo Afrikaan ahi. Siday Werisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, oo soo xigatay warbixin uu Wargeyska East African Business Week, ka qoray shirweynahaas oo ay madaxdii ka qaygashay ay ka mid ahaayeen Madaxweynihii hore ee Nigeria Mr. Obasanjo iyo Ra’iisul-wasaarihii hore ee Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn, waxaana Shirkaas lagu falanqeeyey sidii hannaan wax ku ool ah wax looga qaban lahaa magaaleynta sii kordheysa iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyinka Afrika u baahan yihiin. Kulankaas waxa ka qaybgalay Ku-Xigeenka Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Sharmaarke Geelle iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah Mubaarig Cabdilaahi. Mubaarig Cabdilaahi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta ayaa Wargeyska East African Business Week, u sheegay in Somaliland ay tahay dal raadinaya aqoonsi, isla markaana danihiisa ku maamulaya iyadoo aanay ciddi ka caawinaynin, waxaaanu xusay inay shirkan ka kasbanayaan waayo-aragnimo ku wajahan sida dalalka kale ee ka qaybgalayaa u maareeyeen horumarinta magaalooyinkooda waaweyn iyo adeegyada darruuriga ah ee ay shacbiga u qabtaan. Waxa kaloo, Agaasime Mubaarig Cabdilaahi caddeeyey inay Magaalooyinka Hargeysa iyo Berberi ay xilligan soo jiiteen maalgashadeyaasha caalamiga ah, waxaannu tilmaamay in maalgashadeyaasha shisheeye ay Somaliland ka heli karaan nabadgelyo iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah inay dhaqaale geliyaan JSL. Shirweynahaas oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Brenthurst Foundation ayaa si rasmi ah loogu martiqaaday Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. Source
  11. (SLT- Belgium)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kordhiyay mudada Cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya, kadib markii ay kulan ku yeesheen Magaalada New Your ee dalka Mareykanka. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa dood dheer, kadib kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya muddo sannad ah, waxaana arrintaas ay aheyd mid cod loo qaaday. Safiirka dalka Belgium Marc Pecsteen de Buytswerve oo ah Guddoomiyaha Guddiga Cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa 25-ka Bisha Octoober Golaha siiyay warbixin guud, waxaana isla kulanka lagaga dooday qaraar ay soo gudbisay dowladda UK oo ah qalin-hayaha Soomaaliya ee Golaha Ammaanka. Dowladaha Ruushka, Shiinaha iyo dalka Equatorial Guinea ayaa ka aamusay Qararka lagu kordhinayay cunaqabateynta hubka Soomaaliy, iyagoona ku eedeeyay inay cunaqabateynta ku jiraan waxyaabo xadgudub ku ah xuquuqda. Bishii la soo dhaafay ayaa Kulankii Golaha Ammaanka waxaa si kulul loogu cambaareeyay dowladda Federaalka sida aanay ula shaqeyn Golaha Khubarada Qaramada Midoobey ee UN Monitoring Group. Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay muddo kordhin hor leh u sameeyey cunaqabateynta dhinaca hubka ee saaran Soomaaliya, kadib codeyn ka dhacday magaalada New York ee dalka Mareykanka. Qaraarkan oo ay soo gudbisay dowladda UK ayaa lagu daray in muddo hal sano ah ay cunaqabateynta sii saarnaato Soomaaliya, iyadoo lagu daray waxyaabo cusub. Natiijada cod bixinta ayaa ku soo dhammaatay 12 cod iyo 0, taas oo ay si aad ah uga xumaatay dowladda Soomaaliya. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Amb. Abuukar Baalle oo ka hadlay muddada cusub ee lagu kordhiyey cunaqabateyna hubka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay aad xun yihiin tallaabada ay qaadeen golaha ammaanka, isagoo sheegay in loo baahnaa in Soomaalga oo dagaal kula jirta Al-Shabaab laga qafiifiyo cunaqabateynta. Dhinaca kale waxaa codeynta la sameeyey ka aamusay dalalka Ruushka, China iyo Equatorial Guinea, kuwaas oo sheegay in waxyaabo xadgudub ku ah xuquuqda aadanaha uu ku jiro cunaqabateynta. Waxaa kale qodobada cunaqabateynta cusub ka mid ah ka ganacsiga dhuxusha Soomaaliya oo 8-dii sano ee ugu dambeysay ka mid aheyd, taas oo la sheegay in dhaqaale badan ka hesho kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gudaha Soomaaliya. Go’aankan ayaa ku soo aadayaa, iyadoo la filayo in dhowaan guud ahaan dalka laga saaro ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, amnigana lagu wareejiyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya oo sanadihii u dambeeyey lagu sameeyey qalabeyn iyo dib u dhis ballaaran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. (SLT-Washington)-Dacwad oogayaasha federaalka Mareykanka ayaa furay baadhitaan lagu sameynayo Rudy Giuliani, oo ah qareen shakhsiga ee madaxweyne Donald Trump, waxaa sidaas werisay warbaahinta Bloomberg. Dacwad oogayaasha ayaa baadhaya suurta-galnimada ah in Giuliani uu sameeyey xadgudubyo maaliyadeed iyo inuu ku guul-darreystay inuu isku diiwaan geliyo inuu yahay wakiil shisheeye. Giuliani oo ah duqii hore ee magaalada New York ayaa ah shakhsi muhiim u ah baadhitaanka xil ka-xayuubinta ee lagu samaynayo madaxweyne Donald Trump. Sharci-dejiyayaasha Mareykanka ayaa baadhaya in Giuliani uu kaalin ku lahaa ku cadaadinta madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky inuu baaro kuwa kasoo horjeeda Trump. Mimi Rocah, oo horey u ahayd dacwad oogaha federalak Mareykanka ee degmada Koonfureed ee New York, ayaa Bloomberg u sheegaty inay la yaabi doonin in Giuliani si rasmi ah dacwad loogu soo oogo. Source
  14. (SLT-Muqdisho)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa shaaaca ka qaaday inta uu xilka haayo in hay’addaha Sirdoonka dowladda Federaalka ay gacanta ku dhigeen Agaasime ka tirsan Gobolka Banaadir oo doonayay inuu is qarxiyo. Duqa Muqdisho oo ku sugan dalka Koonfur Afrika, isla markanaa la hadlaayay Jaaliyadda Soomaaliya ee dalkaas ayaa sheegay in qaraxii uu ku dhintay Guddoomiyihii gobolka Eng. Yariisow iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa Gobolka Banaadir uu fuliyay Agaasime kamid ahaa maamulka Gobolka, hayeeshee haatan la qabtay mid kale oo damacsanaa inuu Is qarxiyo. Isaga oo sii hadlaayay Cumar Finish ayuu tilmaamay in Agaasimaha la qabtay uu qirtay inuu doonayay in uu is qarxiyo, hayeeshee arrintaas ay ka hortageen ciidanka amniga dowladda. Sidoo kale Cumar Finish ma shaacin maga Agaasimaha la qabtay, kaasi oo haatan ay gacanta ay ku hayaan laamaha amniga. Si kastaba 24-ka Bishii July ee sanadkan ayaa waxaa Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ka dhacay Qarax ismiidaamin ahaa, waxaana ku dhintay Gudoomiyihii Gobolka Allaha u naxariistee Eng. Yariisow, Guddoomiyeyaal degmo, Agaasimayaal dhowr ah iyo xubno kale oo ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir. Source
  15. (SLT-New York)-Maalintii arbacadii ee toddobaadkii hore waxaa ka dhacday Hoolka Kuliyada qaynuunka ee jaamacada Harvard ee dalka Maraykanka arrin soo jiidatay warbaahinta caalamka, ka dib markii 100 arday ay ka dareereen hoolka markii uu soo galay qunsulka Israa’iil u fadhiya New York, kaasi oo khudbad u jeedin lahaa ardayda. Qunsulkan oo Lagu magacaabo Dani Dayan, markii uu bilaabay khudbadiisa ayaa 100 arday oo kuliyada qanuunka dhigtaa waxay ka dareereen hoolka iyagoo la soo baxay hal-ku-dhigyo ay ku qornaayeen ” Degaamada Yuhuud ka dhisteen Dhulka Falastiin waa dambi dagaal”. Ardaydan oo aamusan ayaa dhabarka u jeediyay qunsulka ka dibna hoolkaba iskaaga baxay Khudbada uu qunsulku ka jeedin lahaa hoolka Jaamacadda ayaa la xidhiidhay sharcinimada degaamada Yuhuudu ka dhisteen dhulka Falastiniyiinta, hase yeeshee wuxuu khudbad u jeediyay kuraas madhan, wuxuuna ka kulmay yax yax iyo wajigabax. Muuqaal laga duubay dhacdadaasi oo lagu baahiyay baraha bulshadda ayaa dadku aad u soo dhaweeyeen iyagoo geesiyaal ku tilmaamay ardaydii ku mudaharaaday qunsulka iyo degaamaynta Yuhuudu ay ka wadaan dhulka falastiyiinta. Qunsulka Israa’iil ee New York Dani Dayan wuxuu hore u hoggaaminayay koox yuhuud ah oo dhaqdhaqaaqda xuquuqda yuhuuda la dajiyay degaamada Falastiyiinta. Source
  16. (SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha dalka Itoobiya Sahle-work Zewde ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya uga wakiil noqonaya Cabdixakiim Cabdullahi Xaaji Cumar Camey. Munaasabad kooban oo loo sameeyay danjiraha cusub ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ka qeybgalay diblomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi Itoobiya, iyo xubno ka tirsan madaxtooyada dalka Itoobiya. Danjiraha cusub ee dowlada Soomaaliya wakiilka uga noqonaya dalka Ethiopia ee warqadaha aqoonsiga laga guddoomay ayaa waxa uu hore u soo noqday Madaxweyne ku xigeenka Dowlad gobolleedka Puntland. Source
  17. Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo deegaanka Af-Urur ee gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyada ayaa timid, kadib markii shalay ciidamada Puntland iyo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku dagaalameen halkaasi. Labada dhinac ayaa guulo ka kala sheegay dagaalkaasi oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Saraakiisha ciidanka Puntland ee ka howlgala Af-Urur ayaa sheegay inay dileen illaa shan ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana ay dhaawaceen tiro intaasi ka badan. Dhanka kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi iyo dagaalka xigay ay ku dishay 3 askari, kuna dhaawacday 6 kale, sida ay hadalka u dhigtay. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana howlgallo iyo dhaq dhaqaaq ciidan laga dareemayaa duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. View the full article
  18. (SLT-Washington)-Roger Stone oo saaxib iyo xulufo muddo fog la ah madaxweyne Donald Trump ayaa lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyey ee uu hortaagnaa maxkamadda federalka Mareykanka ee Washington DC. Stone ayaa lagu soo oogay toddoba xisaab dacweed oo ay ku jiraan inuu sharci-dejiyayaasha Mareykanka been uga sheegay xidhiidhka WikiLeaks, uu faro geliyey markhaati furayaal, islamarkaana is hortaagay baadhitaanka guddiga sirdoonka ee Aqalka Wakiilada Mareykanka. Maxkamadeyntiisa ayaa iftiimisay sida xubnaha guddigii ololaha madaxweyne Donald Trump ay uga go’neyd inay helaan akhbaaro la xidhiidha emailo dhaawacayey Hilary Clinton oo la jabsaday kuwaas oo uu baahinayey website-ka sirta faafiya ee WikiLeaks. Dacwad oogayaasha Mareykanka ayaa sheegay in Stone uu Congress-ka Mareykanka uga been sheegay wada-sheekeysi ku saabsan WikiLeaks oo uu la yeeshay Randy Credico oo ka hadla radio ku yaalla New York iyo Jerome Corsi oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Mareykanka. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu isku dayey inuu cabsi geliyo Credico uguna hanjabay inuu ka qaadayo eygiisa. Stone ayaa beeniyey eedeymahan, wuxuuna ku qeexay kuwa ay siyaasad ka dambeyso. Source
  19. Wasiirada wasaaradaha maaliyadda iyo caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta hortagaan xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Kulankan ayaa waxaa qorshuhu yahay in xildhibaanadu ay aqrinta koowaad ku mariyaan hindise sharciyeedyada daawada iyo xisaabxirka miisaaniyadii 2018-kii. Labaad hindise sharciyeed ayaa waxaa soo diyaariyey wasaaradaha caafimaadka iyo maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya. Muddooyinkii la soo dhaafay xlidhibaanada baarlamaanka oo ku jira Kaldhigooda lixaad ayaa dardar galinayey howlaha shaqo ee horyaalla golahaasi. View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-16112019-ok.mp3 View the full article
  21. Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo kulan ku yeeshay magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay, ayaa kordhiyay cuna-qabateynta hubka ee saaran dalka Soomaaliya. Golaha ayaa mudda hal sano ah ku kordhiyay, cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, gaar ahaanna hubka waaweyn oo ay ku jiraan madaafiicda, waxyaabaha qarxa iyo lidka diyaaradaha. Waxaa kale oo ku jira noocyada kiimikada ee loo adeegsan karo sameynta qaraxyada, sidaa darteed waxaa dhammaan dowladaha Adduunka iyo muwaadiniintooda ka reebban inay ku lug yeeshaan iibinta iyo qaadista kiimikada kala duwan ee u socota Soomaaliya. Hubka fudud oo ay ku jiraan qoryaha gacanta lagu qaato, ayaa isna laga rabaa in ogeysiis la siiyo Guddiga Monitoring Group, ka hor inta aanay dowladda Soomaaliya soo iibsan. Sidoo kale waxaa la sii xoojiyay mamnuucistii saarneyd dhoofinta dhuxusha Soomaaliya. Qaraarkan lagu sii kordhiyay Cuna-qabateynta hubka ee Saaran Soomaaliya, waxaa gudbisay dowladda UK, waxaana ka aamusay dalalka Ruushka, China iyo Equatorial Guinea, ka dib markii ay sheegeen in ay ku jiraan waxyaabo Xadgudub ku ah Xuquuqda Aadanaha. PUNTLAND POST The post Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo kordhiyay cuna-qabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  22. Guddiga cusub ee doorashooyinka Puntland (TPEC), ayaa saaka oo Sabtiya hortegaya mudanayaasha Baarlamanka Puntland, si ay u siiyaan codka kalsoonida. Kulanka maanta oo uu shir-guddoominayo, guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa lagu ansixinta doona guddiga doorashooyinka, si ay u sii dardar geliyaan hawlaha horyaalla ee hirgelinta barnaamijka xisbiyada badan. Guddiga ayaa ka hor inta aan loo qaadin codka kalsoonida, waxa ay warbixin ka hor-jeedin doonaan xildhibaannada golaha wakiilada, warbixintaasi oo ay ku soo bandhigayaan arrimaha u qabsoomay mudadii koobneyd ee ay shaqadan hayeen. Guddiga doorashooyinka Puntland ,ayaa waxa horyaall shaqooyin muhiima oo ay kamid yihiin; diiwaan-gelinta urur-siyaasadeedyada, diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, xuduudaynta degmooyinka Puntland iyo qabashada doorashooyinka golayaasha degaanka. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo maanta ansixin doonoa guddiga doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.
  23. Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa warqad ay ku qorantahay dacwad ka dhan ah ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsaneyn Amisom ee ku sugan gobolka Gedo u gudbisey wakiilka qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayada oo sidookale safiiro ka tirsan beesha caalamka copy la siiyey. Warqadan oo ka soo baxday xafiiska wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Gaani Jaamac, ayaa lagu sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn Amisom ay faragelin qaawan ku hayaan Maamulada iyo taliska ciidamada ee degmooyinka Luuq,Doolow iyo Baladxaawo ee gobolka Gedo. Qoraal laga soo turjmay warqadda oo xalay lagu baahiyay bogga Facebook ee madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in bishan Novermber 4teedii ay ciidamo Itoobiyaan ah oo uu hogaaminayo taliye ku xigeenka sirdoonka Militariga Itoobiya, ay kaxeysteen gudoomiyayaasha saddexda degmo iyo gudoomiye kuxigeenka gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland iyo lataliye sare oo katirsan wasaarada Amniga Jubbaland, kuwaas oo loo qaadey magaalada Nazret ee gudaha dalka Itoobiya. Inta aan la qaadin ka hor waxaa saddex maalmood si isdaba jooog ah masuuliyiintaas ugu soo dhaceyey hanjabaadyo iyo cabsi galin ku aadan fulinta rabitaanka ciidamada Itoobiya oo ay isticaamleysay Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya. Isla markii la qaadey masuuliyintaas waxaa ka bilowdey degmooyinkaasi kala furfurida ciidanka iyo maamulka halkaas kajirey, taas oo fursad weyn u noqoneysa Alshabaab keeni kartana inay dib u qabsadaan deegaanadii laga xoreeyey 11 sano kahor, dhinaca kale duminta taliska ciidan ee halkaas ka jira ayaa sababi kara in ciidamadaasi ay isu bedelaan Maleeshiyo beeleed aan maamul hoostagin ayaa lagu yiri waraaqda. Kadib markii la qaadey ee lageeyey magaalada Nazret waxaa lagu amrey inay sameeyaan 4tan qodob ee hoos ku xusan:- 1- In Taliska ciidamada Jubbaland ee sadexda degmo ( Luuq, Doolow iyo Baladxaawo ) ay ku wareejiyaan Dowlada federaalka Soomaaliya. 2- In maamulada sadexda degmo ku dhawaaqaan inay ka baxeen ama ka go’een maamulka Jubbaland. 3- Inay ku dhawaaqaan in doorashadii Jubbaland ka dhacdey ee Baarlamaaanka iyo madaxweynaha ay ahayd waxbo kamajiraan. 4- In ay qabtaan nidaam doorasho kale oo lagu dooranayo Baarlamaan iyo Madaxweyne. Qodobadaan oo si qasab ah lagu soo ogoleysiiyey masuuliyiintii la qafaashey laguna amrey fulinta qodobadaas sida ugu dhakhsaha badan, taas oo keentey in saraakiil ka socota DFS ay kasoo degaan Doolow si ay howlahaas u dardargaliyaan. Warqadan ayaa waxaa lagu sheegay inaysan maangal ku ahayn anshaxa iyo qawaaniinta caalamka iyo sharciyadda Amisomba, in wadan kamid ah wadamada ciidamadu ka joogaan Soomaaliya uu fududeeyo wadahadal sharci darro ah oo dhexmara gudoomiyayaal laga magacaabey Dowlad goboleed iyo Saraakiil ka tirsan Nabadsugidda Soomaaliya, inkasta oo aan waraaqda lagu magac dhabin kulankaas waxaa la sheegay saraakiishii DFS dhankeeda ka socotey inuu hormuud u ahaa Cabdullaahi Kulane (Jiiska ) oo si dadban kuxigeen ugu ah Fahad Yaasiin oo ah taliyaha Nabadsugida Soomaaliya oo ay isku haybna yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo 6 sarkaal oo kale. Warqada ayaa lagu soo gabogabeeyey in arrimaha gobolkaas kasocda dhamaantood ay ka danbeyso DFS ayada oo isticmaaleysa ciidamo shisheeya ugana dan leh xaqiijinta hadafkeeda doorashada 2020/2021 taas oo aan suuro gal noqon karin. Gunaanadka warqada dacwada ah ayaa beesha caalamka iyo daneeyayaasha Soomaaliyaba loogu baaqey, inay si dhow ula socdaan faragelinta qaawan ee ciidanka Itoobiya iyo in DFS ay dalkeedii iyo dakeedii u isticmaaleyso ciidamo shisheeye oo kutumanaya dastuurkii dalka isla markaana burburinaya haykalkii dowladnimo ee halkaas ka jirey. Waxaa lagusoo afmeeray waraaqda in cawaaqib xumada halkaas ka dhalata ay DFS dusha saaran doonto masuulna ka noqon doonto natiijada dhaqdhaqaaqyadeeda dastuurka dalka baalmarsan. PUNTLAND POST The post Jubaland oo faahfaahin ka bixisay dacwad ay ka gudbisay ciidamada Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  24. Kadib munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada magaalada Addis-abab ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa warqadaha aqoonsiga Safiirnimo loogu guddoomay Safiirka dowladda Soomaaliya ay u magacowday dalka Itoobiya Cabdixakiin Cabdullaahu Xaaji Cumar Cameey. Madaxweynaha dalka Ethiopia Sahle -work Zewde ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo uga guddoontayy safiirka Soomaaliya ee dalkaasi,taasi oo qeyb ka ah xoojinta xiriirka labada dal sida laga soo xigtay safiirka Munaasabadda soo dhaweynta ah waxaa ka qeyb-galay diplomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi Itoobiya iyo xubno mas’uuliyiinta madaxtooyada waddanka Ethiopia. PUNTLAND POST The post Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ethiopia oo aqoonsiga Safiirnimo laga guddoomay appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa ku dhowaaqay qorshe lagu diiwaan-gelinayo malaayiin qof oo Soomaali ah, si ay uga qeyb qaataan wax noqon kara doorashadii ugu horreysay ee qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda muddo ka badan nus qarni. Guddoomiyaha guddiga Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo loo yaqaan Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in guddiga uu diiwaan-gelinta cod bixiyayaasha billaabi doono bisha March ee 2020. Waxay sheegtay in boqolaal xarumo oo diiwaan-gelin ah la furi doono si ay cod bixiyayaasha ugu diiwaan geliyaan qaabka faraha. “Ugu yaraan waxaan dooneynaa inaan diiwaan-gelino laba illaa saddex milyan oo qof oo Soomaali ah,” ayey tiri Xaliimo Yarey oo wareysi bixisay. Shacabka Soomaaliya ayaa la qiyaasaa inay dhan yihiin 12 milyan oo qof, hase yeeshee waxaa la gaari karaa oo la diiwaan-gelin karaa kaliya bar ka mid ah, sida ay sheegtay Xaliimo. “Dad badan ayaa ku nool dalka dibaddiisa. Qaar badan ayaa qaxooti ah. Somaliland waa gooni. Waxaa jira goobo ay maamusho Al-Shabaab oo dad badan ay ku sugan yihiin,” ayey tiri Xaliimo Yarey. Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in shirkado ajnabi ah ay dalka iman doonaan sanadka soo socda, si ay ula kulmaan saraakiisha doorashada ugalana hadlaan qaabka farsamo ahaan loogu guuleysan karo diiwaan-gelinta. Si kastaba Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in ka hor inta aan la diiwaan-gelin shacabka, ay marka hore qasab tahay in baarlamanka uu ansixiyo sharciga doorashada. Sidoo kalena loo baahan yahay in xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Halkaan ka daawo: Ma laga yaabaa in Farmaajo uu kiiska badda heshiis kala galo dowladda Kenya? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com