Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,994
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nin madow ah oo dil ku xukunnaa oo dilkiisa la hakiyay kadib markii ay howshiisu galeen dad caan ah Rodney Reed (51-jir) ayaa isbuuca dambe la dili lahaa kadib markii lagu eedeeyay dilka iyo kufsiga gabar caddan ah oo markaas jirtay 19-sano, islamarkaana lagu magacaabay Stacey Stites taas oo lagu dilay 23 sano ka hor gobolka Texas ee dalka Mareykanka. Bil ka bacdi dilkeeda oo dhacay sannadkii 1996-dii ayaa waxaa loo soo qabtay Rodney kadib markii DNA la qaaday laga helay shahwadiisa, waxaana uu sheegi jiray marwalba in uu isagu dilin gabadha balse ay kulmeen oo ay galmo ay raalli isaga wada ahaayeena sameeyeen. Kiiska ninkan oo in mudo ah soo jiitamayay ayaa bilooyinkii u dambeeyay hawada isku shareeray ayaa waxaa soo faro-geliyay dad caan ah kuwaas oo isugu jiray fannaaniin, ciyaartoy iyo waliba siyaasiyiin. Waxa ay dowladda ka dalbadeen in dib loo eego xukunkan dilka ah ee Rodney, dalabkaas oo ay dowladdu ugu dambeyn aqbashay. Xubnaha kiiska sida dhow u galay ayaa waxaa ka mid ah gabadha caanka ah ee lagu magacaabo Kim Kardashian iyo waliba fannaanadda Rihanna. Dilkiisa ayaa la laalay, lamana sheegin xilliga lagu qaadi doono. Qaran News
  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa warqad ay ku qorantahay dacwad ka dhan ah ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsaneyn Amisom ee ku sugan gobolka Gedo u gudbisey wakiilka qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayada oo sidookale safiiro ka tirsan beesha caalamka copy la siiyey. Warqadan oo ka soo baxday xafiiska wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Gaani Jaamac, ayaa lagu sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn Amisom ay faragelin qaawan ku hayaan Maamulada iyo taliska ciidamada ee degmooyinka Luuq,Doolow iyo Baladxaawo ee gobolka Gedo. Qoraal laga soo turjmay warqadda oo lagu baahiyay bogga Facebook ee madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in bishan Novermber 4-teedii ay ciidamo Itoobiyaan ah oo uu hogaaminayo taliye ku xigeenka sirdoonka Militariga Itoobiya, ay kaxeysteen gudoomiyayaasha saddexda degmo iyo gudoomiye kuxigeenka gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland iyo lataliye sare oo katirsan wasaarada Amniga Jubbaland, kuwaas oo loo qaadey magaalada Nazret ee gudaha dalka Itoobiya. Inta aan la qaadin ka hor waxaa saddex maalmood si isdaba jooog ah masuuliyiintaas ugu soo dhaceyey hanjabaadyo iyo cabsi galin ku aadan fulinta rabitaanka ciidamada Itoobiya oo ay isticaamleysay Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya. Isla markii la qaadey masuuliyintaas waxaa ka bilowdey degmooyinkaasi kala furfurida ciidanka iyo maamulka halkaas kajirey, taas oo fursad weyn u noqoneysa Alshabaab keeni kartana inay dib u qabsadaan deegaanadii laga xoreeyey 11 sano kahor, dhinaca kale duminta taliska ciidan ee halkaas ka jira ayaa sababi kara in ciidamadaasi ay isu bedelaan Maleeshiyo beeleed aan maamul hoostagin ayaa lagu yiri waraaqda. Kadib markii la qaadey ee lageeyey magaalada Nazret waxaa lagu amrey inay sameeyaan 4tan qodob ee hoos ku xusan:- 1- In Taliska ciidamada Jubbaland ee sadexda degmo ( Luuq, Doolow iyo Baladxaawo ) ay ku wareejiyaan Dowlada federaalka Soomaaliya. 2- In maamulada sadexda degmo ku dhawaaqaan inay ka baxeen ama ka go’een maamulka Jubbaland. 3- Inay ku dhawaaqaan in doorashadii Jubbaland ka dhacdey ee Baarlamaaanka iyo madaxweynaha ay ahayd waxbo kamajiraan. 4- In ay qabtaan nidaam doorasho kale oo lagu dooranayo Baarlamaan iyo Madaxweyne. Qodobadaan oo si qasab ah lagu soo ogoleysiiyey masuuliyiintii la qafaashey laguna amrey fulinta qodobadaas sida ugu dhakhsaha badan, taas oo keentey in saraakiil ka socota DFS ay kasoo degaan Doolow si ay howlahaas u dardargaliyaan. Warqadan ayaa waxaa lagu sheegay inaysan maangal ku ahayn anshaxa iyo qawaaniinta caalamka iyo sharciyadda Amisomba, in wadan kamid ah wadamada ciidamadu ka joogaan Soomaaliya uu fududeeyo wadahadal sharci darro ah oo dhexmara gudoomiyayaal laga magacaabey Dowlad goboleed iyo Saraakiil ka tirsan Nabadsugidda Soomaaliya, inkasta oo aan waraaqda lagu magac dhabin kulankaas waxaa la sheegay saraakiishii DFS dhankeeda ka socotey inuu hormuud u ahaa Cabdullaahi Kulane (Jiiska ) oo si dadban kuxigeen ugu ah Fahad Yaasiin oo ah taliyaha Nabadsugida Soomaaliya oo ay isku haybna yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo 6 sarkaal oo kale. Warqada ayaa lagu soo gabogabeeyey in arrimaha gobolkaas kasocda dhamaantood ay ka danbeyso DFS ayada oo isticmaaleysa ciidamo shisheeya ugana dan leh xaqiijinta hadafkeeda doorashada 2020/2021 taas oo aan suuro gal noqon karin. Gunaanadka warqada dacwada ah ayaa beesha caalamka iyo daneeyayaasha Soomaaliyaba loogu baaqey, inay si dhow ula socdaan faragelinta qaawan ee ciidanka Itoobiya iyo in DFS ay dalkeedii iyo dakeedii u isticmaaleyso ciidamo shisheeye oo kutumanaya dastuurkii dalka isla markaana burburinaya haykalkii dowladnimo ee halkaas ka jirey. Waxaa lagusoo afmeeray waraaqda in cawaaqib xumada halkaas ka dhalata ay DFS dusha saaran doonto masuulna ka noqon doonto natiijada dhaqdhaqaaqyadeeda dastuurka dalka baalmarsan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay xubno matalayey isxilqaameyaasha howlaha Gurmadka Fatahaadaha ee qaar ka mid ah gobollada dalka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya. Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan dadaallada gurmadka ee shacabka Soomaaliyeed ay u fidinayaan walaalahooda ku dhibaataysan fatahaadda waxa uu ka dhageystay xubnahan oo isugu jiray culimo, ganacsato iyo dhallinyaro Soomaaliyeed. Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo hoggaaminayey xubnaha guddiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ee abaabulka howlaha gurmadka fatahaadaha ayaa Madaxweynaha la wadaagay ku talagalka Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay kaga qeyb qaadanayaan gurmadka. Dhankooda, xubno heer Dowlad Goboleed ah oo ka socday is-xilqaameyaasha howlaha gurmadka Puntland oo kulankan hadallo ka jeediyey ayaa soo bandhigay dareenka walaaltinimo iyo midka taakuleyneed ee bulshada deegannada Puntland ay u muujiyeen walaalahooda ay wax-yeelleeyeen fatahaaduhu. Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha ayaa la wadaagay guddiyadan is-xilqaameyaasha ah warbixin ku saabsan dadaallada dowladdu ay horseedday ee lagu wajahay musiibadan, xaaladda dadka deegannada iyo qorsheyaal heer Qaran ah oo xal waara loogu sameynayo arrimaha fatahaadaha wabiyada.
  4. Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwait ayaa mar kale ku baaqday in la ixtiraamo madaxbanaanida iyo xornimada siyaasadeed ee Soomaaliya, kadib kulan ay qayb ka ahayd oo golaha Ammaanku ka yeeshay xaaladda Soomaaliya kaasi oo ka dhacay New-York. La taliye Nawaf Al-Ahmed oo ka mid ah ergada joogtada ah ee dowladda Kuwait u fadhida Qaramada midoobay mar uu ka hadlayay shalay kulanka ayaa ku baaqay in la dardargaliyo taageerada siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee dowladda Soomaaliya, si dib loogu dhiso hay’adaha dowladda loona xaqiijiyo Amniga iyo xasiloonida dalka . Ergayga dowladda Kuwait ayaa dhanka kale bogaadiyay dadaallada wax ku oolka ah ee ay wado dowladda Soomaaliya, si dalka loogu diyaariyo Qabsoomidda doorashooyin guud sanadka 2020-2021. Source: goobjoog.com
  5. Dhagaysiga dacwada muran-badeedka u dhaxeeya Somalia iyo Kenya ayaa mar kale lagu balamay bisha lixaad sanadka 2020. Kenya waxay ku doodaysaa in xadkeedu uu barbarro la yahay loolka (dhulbaraha = 0). Taasi oo u suurtogalinaysa Kenya inay sheegato dhul-badeed baaxad leh, horayna u siisay ruqsadii ama shatiyadi baaritaanka macdanta iyo shidaalka shirkado shidaal sida Anadarko Petroleum (USA), Eni (Italy), iyo Statoil (Norwey). Somaliya waxay ku doodaysaa in xadka u fidsan yahay dhanka koonfur-Bari kuna dhararsan xadkeeda dhulka ay la wadaagto Kenya. Soomaliya iyo Kenya inta la ogyahay waxay ahaayeen daris, muran-badeedka u dhaxeeya wuxuu ku beegmay xili soo saar shidaal ka biloowday badwaynta hindiya gaar ahaan Tanzania iyo Mozampique. Dhul badeedka, ciida iyo dhagaxa Soomaliya waxay la mid yihiin sida kuwa Mozambique iyo Tanzania, halkaa oo lagu guulaystay in laga soo saaro tiro aad u badan oo gaaska dabiiciga ah. Horumarka dhanka shidaalka ay sameeyeen Tanzania iyo Mosampique oo ay weheliso xilligii lagu balansanaa in xadaynta iyo astaamaynta xadadka badda Soomaliya iyo Kenya u gudbiyaan Qaramada Midoobay. Kenya oo taas ka faa,iidaysanaysa waxay xadkeeda u fidisay dhanka bariga iyadoo gudaha u gashay biyaha Soomaliya, isla markaana gudoonsiisay shatiyo shirkadaha shidaalka baara. Sidoo kale, sanadkii 2013, Dawlada Soomaaliya oo Iyana aragtay horumarka Tanzania iyo Mosampique, waxay dib ugu yeertay shirkadihii shidaalka ee shatiyada ama ruqsada ay siisay dawladii hore. Nasiibdarro, dawlada kuma guulaysan inay shirkadaha soo noqdaan. Hayeeshee, dawladu waxay masuuliyada shidaal barista u wakiilatay oo dalaal ka noqday shirkada SOMA Oil & Gas. Shirkadan waxay ku dhaqaaqday sahan iyo daraasad inay ku samayso badwaynta Hindiya iyada u xilsaartay hawshaasi shirkada Spectrum Geo. Markii hore, aagga sahan iyo cilmi barista shidaal waxaa loo qorsheeyay inuu ahaado Raaskambooni Ilaa Raascasayr. Nasiibdaro, markii dambe sahanka shidaalka wuxuu ku soo ururay Raaskambooni Ilaa Hobyo, kadib markii dawlada Puntland diiday in degaankeeda biyaha laga hirgaliyo cilmi baaris shidaal. Taasi oo dib u dhac ku noqotay degaanada Puntland, hayeeshee dib u dhigtay muran badeed cusub oo ka dhex dilaaca Soomaliya iyo Yeman. Bishii Siddeedaad, 2014 ayeey Soomaliya u gudbisay maxkamada aduunka dacwad ka dhan ah Kenya oo la xiriira muran-xadeedka badda. Maxkamadu waxay diiradda saartay laba arrin. Qoraal isfaham ee dhexmaray labada wadan iyo nuxurka qoraalkaa isfahamka. Dawladda Soomaliya waxay ka hortimid sharciyadda ama ansixinta qoraalka isafgarasho. Nasiibdaro, maxkamadu waxay go,aansatay in heshiiska afgarasho uu yahay mid sharci ah. Sidoo kale maxkamaddu waxay ku diiday Kenya nuxurka isafgarasho, una iftiimisay inaysan muuqan wax labada waddan ku heshiiyeen. Waxaa la yaab leh heshiiska isafgarasho inaysan qorin laba wadanba. Heshiiska waxaa qoray oo ka soo shaqeeyay dawlada Norwey oo qayb ka aha gargaarka horumarinta xaga sharciga ee dawladaha soo koraya. Muranka xad-badeedka ma aha wax ku cusub dunida, waxaana lagu xaliyaa laba dariiq. Heshiis guud oo dhexmara wadamada muransan, kaas oo sal u noqda xuduud badeedka iyo ka faaiidaysiga khayraadka laga heli karo inta ku haraysan xadka. Kenya waxay doorbiday inay jidkaan marto. Hayeeshee Somaiya way ku gacan sayrtay. Maxkamada caalamiga inay go,aamiso, caalamaysana xad-badeedka qaybiya labada wadan iyada oo tibaaxaysa shuruucda qaramada midoobay ee badaha. Soomaliya sidan ayeey doorbiday. Sida muuqata, waxay u badan tahay in maxkamada caalamiga go,aan ka gaari doonto xadbadeedka labada dal. Go,aanka maxkamada calamiga ah wuxuu noqon doonaa kama dambayn, waajib, iyo qasab hirgalintiisa. Go,aanka maxkamada ka dib, waxaa suurtagal ah in arinta muran badeedka isku bedesho dirir siyaasadeed lagana dhaxlo isku dhac iyo colaad joogtaa ah. Sidoo kale waxaa mugdi gali kara mustaqbalka hawsha sahanka iyo baaritaanka shidaalka laga damacsanyahay in laga hirgaliyo xad-badeedka labada dal. Waxaa is waydiin mudan qorshaha dawlada Somaliya maadaama ay ku soo wajahan yihiin mawjado siyaasadeed oo culculus. Maxkamadu waxay go,aan kama dambays ah ka gaari doontaa cida hantinaysa aagga lagu qiyaasay 42,000 kilo meter laba jibaaran, laguna tuhunsanyahay kayd shidaal oo farabadan. Arimahan oo idil waxay jiho horleh u rogayaan xirrirka labada dal. Waxaa la gaaray xilligii la eegi lahaa caqabadaha, najiijada ama cawaaqibta laga filan karo go,aanka maxkamadda. Asalka Muran-Badeedka Somaliya Iyo Kenya. Aagga lagu muransanyahay waxaa lagu qiyaasay 42,000 Km laba jibaaran, taasoo u qaybsami karta qiyaastii ilaa 15 xirmo (blocks). Cabbir ahaan xirmoyinka Soomaliya waa 5,000 Km laba jibaaran (udhigma 1,235,527 Acres /halkii xirmo), runtiina waa mid ka balaaran xirmooyinka caadiga ah. Ceelka badda laga qodo cabbir ahaan inta badan waa 80 Acre ugu yaraan, ugu badnaana 640 acre. Fogaanta u dhaxayn karta ceelasha badda laga qodo qiyaastii waa 0.7-1.5 Km. Halkii xirmo waxaa laga qodi karaa ilaa 1,400 ceel ugu yaraan. Ceelka shidaalka wax laga macaashi karaa ama uu wax soo saarkiisa socon karaa 30 ilaa 50 sanadood. Xirmooyinka shidaal ee badda cabbir ahaan way kala duwanyihiin. Wadankan Maraykanka cabbir ahaan waa 23 Km labajibaaran (5,680 acres) xirmadii. Dunida qaarkeed waa ilaa 150 Km labajibaaran (37,066 acres) xeebaha, iyo 750 km labajibaaran (185,330 acres) biyaha fog ama moolka. Caqabadaha Sharciga Iyo Hawlaha Soo Saarida Shidaalka Go,aanka maxkamada ka dib, muran-badeedku ma aha mid dhamaan doona. Waxaa dhici karta in go,aanku sababo in Kenya biyo badeedkeedu yaraado, sidaa darteed, maraakiibteeda ay uga baahan karaan ruqsad Soomaaliya iyo Tanzania. Intaa waxaa dheer cabsi hor leh in muran-badeed cusub ka dhex qarxo Kenya iyo Tanzania, Mozambique iyo Tanzania. Dhanka Soomaalya, waqtigan xaadirka ah ma jiro muran-badeed u dhaxeeya Somaliya iyo Yemen, ama Somaliya iyo Jabuuti. Hadii sahan iyo yididiilo shidaal bilaabato waxaa dhici kara inuu muran-badeed horleh dilaaco. Caqabado badan ayaa marwalba la socda shidaalka laga soo saaro xadka u dhaxeeye laba wadan. Halkaas oo inbadan ka dhacaan dagaalo dhibaato badan reebay sida goobta shidaalka laga soo saaro ee lagu magacaabo “Rumaila Field” oo ku taal Koonfurta Ciraaq, 32 Km u jirta xadka Kuwait. Sidaan la socono shidaalku waa dareere iyo neef ama gaas mana aha shay fadhiya waxuu dhaqdhaqaaqiisa ku xiran yahay caadiska iyo heerkulka aaga uu ku kaydsan yahay. Kuwait waxay qoteen dhulkooda dhanka xadka ciraaq haseyeeshee shidaalka ay soo saarayeen wuxuu ka soo dareerayay inta badan ama ka imanayay Ciraaq. Halkaas waxaa ka dhashay colaad iyo iska horimaad xoogan. Waan ka dharagsanahay arintan raadka ay reebatay. Kenya xaq uma laha inay qoddo shidaalna ka soo saarto biyaha Soomaliya. Laakiin hadii Kenya qotaan biyahooda kana soo saaraan shidaal kasoo ka qulqulay dhanka Somaliya, shidaalkaa wuxuu noqanayaa mid ay iyagu leeyihiin. Inta badan, kaydka shidaalka wuxuu ku fidsan yahay xuduudaha, wadan walbana dhankiisa ayuu ka soo saartaa, taas oo marar badan dhalisa muran, isku dhac iyo dagaal. Sidaa darteed, waddamada dariska ah waxay ku heshiiyaan inay si wada jir ah u hawlgalaan ugana faa,iidaystaan khayraadka ku dherersan xadkooda. Gunaanad Iyo Talo Bixin Dacwada muran-badeedka wali waxay taagan tahay bartii Sanadkii 2014. Go,annka maxkamada wuxuu noqon karaa siddex xal midkood, mid u go,aamiya Soomaalya, mid u go,aamiya Kenya, ama in maxkamadu ay calaamayso xadbadeedka rasmiga ah ee labada dal. Waxaa xusid mudan in maxkamada caalamiga ah aysan go,aan ka gaari Karin arimaha shidaalka iyo khayraadka ku fidsan xadka labada dal iyo sidii loo soo saari lahaa. Kenya baddeeda waxaaa ka socda sahan iyo daraasaad xoogan ay wadaan shirkado shidaal. Xadka labada dal khayraadka ku jira wuxuu la midyahay weel biya ah oo labada dal dhinacyada ka joogaan. Kenya hadeey isticalaan tuubo (straw) waxaa hubaal ah weelka biyaha oo idil inay la baxayaan. Xadka dhanka Soomaaliya khayraadkii ku jiray wuxuu noqanayaa mid gura hadaan xilli hore laga faaiidaysan. Dhulka badeedka lagu muransanyahay wuxuu u dhigmaa in ka yar 1% guud ahaan badda Somaliya. Arintan waxay dabooshay hawlaha ka baaxad wayn ee sahanka iyo barista ka socda wadanka intiisa kale. Sharciga shidaalka wadanka waxaa maalgaliyay deeq bixiyayaasha waxaana qoray qareeno degaankoodu yahay Yurub. Sida aan hubno sharcigan waxa ka buuxa dildilaac badan, ka dhibaato badanaan kara warqadii isfahamka ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, diyaarisay dawlada Norway. Sharciga shidaalka wuxuu quseeyaa wadanka oo idli halka warqada isfahamka ay ku egtahay xadka Soomaliya iyo Kenya. Daraasaadka xilligan socda wuxuu salka ku hayaa oo kaliya xulashada bartii la qodi lahaa ama wax laga baari lahaa. Kadib, waxaa la qodayaa ceel ama dhowr sahmin ah (Appraisal Well) oo lagu darsayo walxaha Meesha ku jira iyo sifahooda. Waa in la arkaa lana cadeeya waxa meeshaa ku jira inay yihiin dareere (liquid/oil) ama gaas. Intaa waxaa dheer, waa in kaydka meeshaa ku jira uu ganacsi gali karo, la ogyahay bartii laga dhoofin lahaa iyo suuqii la gayn lahaa. Intaa kadib ayaa la oran karaa wadanku wuxuu leeyahay kayd shidaal oo la hubo (prove reserve). Sidaa darteed, maanta lama hubo in wadanku leeyahay kayd shidaal oo ganacsi gali-kara. Wadanku malaha hay’ado iyo xarumo lagu barto culuunta shidaalka. Maadaama ay jirto yididiilo fiican waxaa haboon in la diyaariyo dhalintii hawshan balaadhan qaban lahayd mustaqbalka. Hadii lagu guul-daraysto arintan, waxaa marar badan dhici doona wixii ka dhacay Dooxada Dharoor (Dharoor valley). W/Q: Dr. Ahmed Ali Yusuf Dr. Ahmed Ali Yusuf is a Senior Reservoir advisor, working in Houston, TX. Specialize reservoir management, reserve estimate, field development, reservoir modelling, production forecast, and production optimization. His professional background includes major oil and gas operators, oil field service companies and in academia. In addition, he is a licensed engineer in state of Texas, he fulfils roles of Consultant, Reservoir Engineer, Petroleum Engineer, Production Optimization Engineer, and well Stimulation Expert. Dr. Yusuf obtained: B.S industrial Engineering from Mikkeli University of Applied Sciences in Finland, M.S. in Offshore Oil & Gas Technology from Alborg University, Denmark, M.S. in Petroleum Engineering from West Virginia University, USA, and Ph.D. in Petroleum Engineering from West Virginia University, USA.
  6. If you cannot read that message click here. APO Group content is copyright free and can be republished at will. U.S. Embassy Addis Ababa, Ethiopia PRESS RELEASE U.S. International Development Finance Corporation (DFC) Visits Ethiopia to Discuss New Program to Advance Financing Solutions DFC has more resources to mobilize private sector capital to address development challenges and advance U.S. foreign policy in priority regions such as Sub-Saharan Africa ADDIS ABABA, Ethiopia, November 15, 2019/ — Adam Boehler, Chief Executive Officer of the U.S. International Development Finance Corporation (DFC), visited Ethiopia November 13-14 to promote U.S. investment in Ethiopia and strengthen relationships with key partners in support of mutual development goals. The visit marks Boehler’s first official travel to Ethiopia as CEO of the DFC, a new U.S. Government agency that combines and modernizes the Overseas Private Investment Corporation (OPIC) and USAID’s Development Credit Authority (DCA). Equipped with a more than doubled investment cap of $60 billion and new financial tools, DFC has more resources to mobilize private sector capital to address development challenges and advance U.S. foreign policy in priority regions such as Sub-Saharan Africa. Boehler met with President Sahle -Work Zewdie, Prime Minister Abiy Ahmed, National Bank of Ethiopia Governor Dr. Yinager Desse, Minister of Finance Ahmed Shide, Minister of Water, Irrigation and Energy Dr. Sileshi Bekele and leaders from the private sector, to discuss DFC’s approach to mobilize private capital to invest in projects that create jobs and opportunity in emerging markets. “We are prepared to make multi-billion-dollar investments in Ethiopia and its people,” CEO Adam Boehler said. “This collaboration is an opportunity for Ethiopia and the United States to strengthen our relationship around the shared goal of economic growth and prosperity.” Distributed by APO Group on behalf of U.S. Embassy Addis Ababa, Ethiopia. SOURCE U.S. Embassy Addis Ababa, Ethiopia Qaran News
  7. Wafti Balaadhan oo ka socda Dalka Holland, gaar ahaan Safaarada u fadhida Nairobi, ayaa booqasho ku yimmi Dekeda caalamiga ah ee Berbera waxana halkaa kusoo dhoweeyey Maareeyaha guud ee Dekedaha Jamahuuriyada Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, kaasoo kusoo wareejiyey qaybaha dekeddu ka kooban tahay, isla markaana u bandhigay baahiyaha ay qabto dekedu si ay uga caawiyan, maadaama oo ay waftiga xubno ka ahaayeen masuuliyiin ka socota Dekeda Caalamiga ah ee Rotterdam, oo ah Deked ugu weyn wadamada Yurub. Waftiga ka socda Dalka Holland iyo Maamulka sare ee Dekeda Berbera ayaa is-faham ku dhexmaray gudaha dekeda Berbera, isfaham kasoo daaranaa xidhiidh dhexmara Dekeda Caalamiga ah ee Berbera iyo Dekeda ugu weyn ugu-na saxmada badan ee Dekedaha Yurub ee Europoort Rotterdam. Waxanu Maareeyaha Dekedu ka dalbaday inay ka caawiyaan dekeda Berbera qalab ahaan iyo aqoon ahaan, isla markaana shaqaale uu soo tabobaraan dekeda Berbera oo hada u guurtay mid caalamiya, waxa iyaguna geestooda ay balaan-qaadeen inay soo celinayaan xidhiidh waqti fog ka dhexeeyey Dekeda Berbera iyo Rotterdam, isla markaana ay dekeda usoo tabobari doonaan shaqaale, sidoo kalena ka caawin doonaan qalabyo iyo baahiyaha kale ay qabto, waxanu kulankaasi kusoo dhamaaday jawi degen iyo is afgaraad. Geesta kale, waxa Dekeda Berbera booqasho ku tagay Wafti balaadhan oo ka socda dawlada Ingiriiska gaar ahaana Wasaarada arrimaha dibeda ee dalkaas, qaybta deeqaha caalamiga ah bixisa, kuwasoo iyagguna mudooyinkii u dambeeyey dawlada Somaliland kala shaqaynaayey horumarinta mashaariico kala duwan, sidoo kalena la filayo in ay ay Somaliland la bilaban mashaarico kale, sannaadka soo socda ee 2020-ka. Waftiga ka socda dawlada Ingiriiska ayaa si weyn ugu bogay horumarka balaadhan ee dekeda Berbera ku talaabsatay sannooyinkii u dambeeyey, iyo koritaanka ay samaysay waxanay sheegeen in ay Dekedu tahay mid soo jiidanaysaa indhahooda, xagga nidaamka shaqo, qalabka yaala iyo weliba xaga nadaafada oo ay tahay goob nadiifa. Qaran News
  8. Gaadiidkooda Waday Shixnadaha Gurmadka ah ee Reer Puntland ay usoo direen Walaalohooda Reer Hiiraan oo mudo Sadex maalmood ah ay Maleeshiyo Reer Galmudug ahi ay [...] Source
  9. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar___Qubanaha-ok.mp3 View the full article
  10. Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Degmooyinka Beled-Xaawo, Luuq iyo Doolow oo horay uu uga arrimi jiray maamulka Jubbaland ayaa maanta loo diiday inuu gudaha u galo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Maxamuud Sayid Aadan. Maxamuud Sayid Aadan ayaa sida uu sheegay doonayay inuu soo xaliyo khalalaase dhanka maamulka ah oo ka jira magaalooyinkaas, kadib markii la xiray guddoomiyaashi Jubbaland uga arrimi jiray. Si kastaba ciidamada halkaas ku sugan oo badankood dowladda Soomaaliya ku biiray ayaa diiday inuu soo galo madaxweyne ku xigeenka. Dowladda federaalka ayaa horay u shir qooshay guddoomiyaashii degmooyinka Luuq, Doolow iyo Baled-Xaawo, kadib markii shir wada tashi ah la iskugu yeeray magaalo ku taalla gudaha dalka Itoobiya, waxayna guddoomiyaasha la xiray ee degmooyinkaas ka amar qaada jireen wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo hadda u xiran dowladda federaalka. Shirkii khamiis laha ahaa ee golaha wasiirrada Jubbaland oo looga hadlay arinta guddoomiyaasha ay dowladdu xiratay ee degmooyinkaas ayey Jubbaland eedeymo badan ugu jeedisay ciidanka Itoobiya oo sida ay sheegeen loo adeegsaday qabashada masuuliyiintaas. Sidoo kale Jubbaland ayaa warqad ay uga dacwoonayso ciidanka Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo waxay u dirtay wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan. Dhinaca kale, magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo maanta waxaa markii ugu horeysay ka bilaawday diiwaan galinta qeybaha kala duwan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Saraakiil ka socotay dowladda federaalka Soomaaliya oo maalmo ka hor tagay Beled-Xaawo ayaa galinkii dambe ee maanta ku dhawaaqay inay soo gaba gabeeyeen wajiga koowaad ee diiwaan galinta qeybaha kala duwan ee ciidamo ay dowladdu ka qoranayso degmadaas. Saraakiisha ayaa sheegay in si nabad galiyo ah ay ugu soo dhamaatay diiwaan galinta wajiga koowaad ee ciidamadaas, isla markaana ay maalmaha soo socda bilaabi doonaan diiwaan galinta wajiga labaad ee ciidanka degmada Beled-Xaawo. Sidoo kale xubnaha ka socda dowladda federaalka ee diiwaan galinta ciidamada ka wada degmada Bele-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in maalmaha nasoo aadan ay gaari doonaan degmooyinka Luuq iyo Doolow ee isla gobolka Gedo, si halkaas ay uga bilaabaan diiwaan galinta ciidamada qalabka sida ee ay dowladdu ka qoranayso gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Caasimada Online Xaafiiska Beled-Xaawo caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa soo dhoweeyey qodobadii ay isku raaceen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, oo kulan ku yeeshay magaalada Nairobi, 14-kii November. Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in dib loo soo celiyo xiriirka labada dal, la fududeeyo isu-socdaalka labada shacab, dibna loo soo celiyo dulimaadyada tooska ah ee Nayroobi iyo Muqdisho, iyadoo masuuliyiinta iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda ay dal-ku-galka Kenya ka qadaanayaan goormada diyaaradaha ee dalkaas. Qoraalka kasoo baxay beesha caalamka oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online ayaa heshiiska labada dhinac ku qeexay “talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka deris wanaagga labada dal.” “Waxaan bogaadineynaa dadaalka shakhsi ee ay sameeyeen labada madaxweynaha si ay u hormariyaan xiriirka Soomaaliya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Waxaan qiimeyneynaa faa’iida labada dhinac ah ee Soomaaliya ugu jirta xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska la ah, taasi oo gacan ka gaysaneysa baraaraha dadkeeda, islamarkaana saameyn wanaagsan ku leh amniga iyo horumarkii guud ee Geeska Afrika.” Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa sheegay inay hadda sugayaan in la fuliyo tallaabooyinkii ay isku raaceen labada madaxweyne, si sare loogu qaado xiriirka Kenya iyo Somalia. Xubnaha sida wadajirka ah usoo saaray qoraalkan ayaa kala ah: AMISOM, Denmark, Egypt, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, IGAD, Italy, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, UNSOM, iyo Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Muqdisho (SMN) – Taliska Booliska ayaa soo bandhigay laba ruux oo lagu eedeeyay in ay weerareen bar ay ciidanka dowladda ku leeyihiin degmada Dayniile. Shaqsiyaadkan ayaa waxaa la sheegayaa in ay xalay weerar ku ekeeyeen kontaroolka isla markaana la qabtay xili ay isku dayayeen in ay baxsadeen. Mid kamid ah ragga lasoo bandhigay ayaa waxaa mid kamida lugahiisa ka muuqatay dhaawac kasoo gaarey iska hor-imaadka. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa sheegaya in raggaan cadaaladda lasoo taagi doono. Dhawaan ayay ahayd markii ciidamadda ammaanka ay sidaan oo kale gacanta ku dhigay labo ruux oo dil u geystay Askari ka tirsan Ciidamada Soomaaliya. View the full article
  13. Xil Cabdiraxmaan Dheere Oo Ka Hadlay In Ay Lacag Ku Ansixiyeen Komishanka Cusub, halkan hoose ka Daawo Source
  14. Xildhibaan Nacnac oo sheegay in wasiirka warfaafintu dhaafay wakhtigii sharciga ahaa ee lagu ansixin lahaa, halkan hoose ka Daawo Source
  15. Milatariga Israel ayaa sheegay in duqeyn diyaaradeed oo hor leh ay ka geysteen magaalada Gaza laba maalmood kadib markii lagu dhawaaqay xabad Joojin labada Dhinac. Taliska milatariga ayaa sheegay in ayna duqeyn bartilmaameedyada ururka Islaamic Jihaad, balse ay beegsadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen garabka hubeysan ee Xamaas. Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka garabka xamaas ee ku aadan Duqeyntan. Warbaahinta gudaha ayaa tabisay in laba ruux ay ku dhinteen oo mid ka mid ah uu ahaa nin 40 jir ah walow wararka ay isoo Tarayaan. Xaalada magaalada Gaza ayaa cakirneyd maalmihii la soo dhaafay tan iyo markii Israel duqeyn ay ku dishay Bahaa Abu al-Ata oo ka tirsanaa saraakiisha sare ee ururka Islaamic Jihaad. Duqeymaha Israel ay ka geysatay magaalada Gaza maalmihii ee la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay 32 ruux oo rayid Ahaa. Source
  16. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-16112019-Sx.mp3 View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa waxay gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigeen laba nin oo la sheegay in ay falal amni-darro ka gaysteen Magaalada Muqdisho. Labadan nin ayaa ka mid ahaa Shabaab hubeysan oo xalay soo weeraray bar kontorool, oo laga ilaaliyo amniga Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir. Goobta Ciidamada Dowladda ay ku soo bandhigeen labadaasi nin ayaa waxaa Warbaahinta kula hadlay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish). Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu sheegay in raggaasi ay horgayn doonaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, si ay sharciga u waafajiso. Raggan lagu eedeeyay inay xaalad abuur ka sameeyeen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mid ka mid ah la soo bandhigay isagoo dhaawac ka qaba lugta midig. Arbacadii ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho lagu qabtay laba nin oo kale oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, ka dib markii ay Degmada Wadajir ku dileen askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa faah-faahin ka bixisay kulan habeen hore Muqdisho ku dhex-maray hoggaamiyaha madashaad iyo taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin. Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ah xubin sare oo ka tirsan Madasha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku faah-faahiyey kulankaas. Hoos ka aqriso qoraalkaas oo dhameystiran. Kulanka Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha Hey’adda NISA Fahad Yaasiin, ku dhexmaray hoyga Sheekh Shariif habeenimadii Jimcuhu soo galayey wuxuu ka danbeeyey codsi ka yimid dhanka Md. Fahad Yaasiin. Kulankaas waxaa si hordhac loogu soo qaadey dhacdooyinkii dastuurka iyo shuruucda dalka hareer-marsanaa ee lagula kacey madaxdii hore ee dalka oo ah madaxda madasha xisbiyada qaran todobaadyadii la soo gudbey oo uu muujiyey Fahad Yaasiin sida uu uga xun yahey, iyo soo gudbinta codsi uu ka wadey Madaxweyne Farmaajo oo ku saabsan kulan dhexmara madaxda madasha iyo Md. Farmaajo maalmaha soo socda. Madasha Xisbiyada Qaran waxey mabda’ ahaan aaminsan tahey in wadada ugu wanaagsan ee lagu xallin karo ismarin-waaga siyaasadeed ee dalka ka jira heer kasta oo uu yahey ay tahey wadahadal dhab ah, kaasoo ay madaxda Villa Soomaaliya ka dhega-adaygayeen sanadihii ay talada joogeen, dhegehana ka fureysteen dhammaan dhawaaqyadii kala duwanaa ee waxgaradka Soomaaliyeed siyaabaha kala duwan uga soo baxayey. Shakki weyn ayaa laga muujinayaa dhabnimada wadahadal dhexmara madasha xisbiyada qaran iyo madaxda Villa Soomaaliya ka dib hadalkii aflagaadada ahaa ee Md. Farmaajo uu ka yiri magaalada Nairobi, iyo in wadahadalkani ka yahey taatiko ay culeysyada jira isaga yaraynayaan, ayna rabaan oo kaliya in beesha caalamka iyo umadda Soomaaliyeed ay tusiyaan igu sawirta kulanka iyo qosolka Farmaajo oo labada dhinac ay ka kala fadhiyaan labadii madaxweyne ee asaga ka horeysay. Madasha xisbiyada qaran waxey sii wadaysaa hawlihii siyaasadeed oo ay hormuudka u aheyd, waxna kama bedeli doono wadadii ay ku socotey kulamo maaweelo ah oo looga gol leeyahay igu sawirtii sanadka 2019, balse hawlaheeda way sii laba laxaadin doontaa illaa laga gaarayo ujeedooyinka ay u taagan tahey oo ah ilaalinta dastuurka iyo shuruucda dalka u yaalla, qabashada doorasho daahfiran oo hanaankeeda la isku waafaqey sanadka 2020/2021, ilaalinta nidaamka federaalnimada iyo ilaalinta xuquuqda iyo xorriyaadka muwaadiniinta.
  19. Sawirada hoos ka daawo Garoowe: 16 November 2019 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Safiirka [...] Source
  20. Mucaarid Xumaha Maantu Waa Muxaafid Xumihii Shalay: W/Q Cabdiraxmaan Cadami Inta badan ma dhacdo umaddu sida ay u dhantay in ay isku aragti ka noqoto ama si u wada aragto arrimaha siyaasadda iyo sida ugu habboon ee dalka lagu maamuli karo; nidaamka iyo waddada loo marayo kobcinta dhaqaalaha, dhismaha kaabeyaasha, hagaajinta adeegyada bulshada, maamul wanaagga, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo nooca xidhiidhka lala yeelanayo dawladaha gobolka iyo kuwa caalamka. Waddannada dimuqraadiga ah aragtiyaha dadweynaha ee iska soo horjeeda waxa ku metela xisbiyo siyaasadeed oo mid kastaaba u taaggan yahay mabaa’di iyo barmaamijyo u gaar ah oo uu dalka ku hoggaamin doono haddii uu doorashada ku guulaysto. Xisbigu haddii se uu guuldarraysto saaxadda kama baxo ee wuxuu qaata doorkiisa mucaaradnimo si uu xukunka ugu ilaaliyo xukumadda ka dhalatay xisbigii guulaystay iyo in uu isu habeeyo sidii uu ugu guulaysan lahaa doorashooyinka dambe. Si kastaba ha ahaatee Somaliland wasiirrada iyo madaxda kale ee Qaranka waxa laga soo xulaa taageerayaasha xisbiga laakiin, mararka qaarkood waxa lagu soo daraa rag si uun malaha loo tixgeliyay. Haddaba inkasta oo masuuliyiinta Qaranka ee la magacaabayo looga baahan yahay in ay buuxiyaan shuruudo aan la dhaafi Karin sida: waxbarasho heer jaamacadeed, waayo aragnimo, karti, daacadnimo iwm, haddana madaxweyneyaashii JSL ee kala dambeeyay waxay xilal muhiim ah u magacaabeen rag aan u qalmin oo aqoontooda waxbarasho aad u hoosayso, maamulka dawladnimadana aan wax badan kala socon. Masuulkan oo kale aqoontiisa gaaban wuxuu ku kabaa guulwadayn iyo raalli gelinta madaxweynaha si uu kalsoonidiisa u kasbado, waxa lagu gartaa muxaafidnimo dheeraad ah iyo ka badbadin, marka uu hadlayo wuxuu aad u buunbuuniya waxqabadka xukuumadda wuxuuna ku celceliya ammaanta iyo magaca madaxweynaha, inta uu xafiiskiisa joogu waxa ka badan inta uu ku maqan yahay madaxtooyada si uu u soo dhego-dhegeeyo bal in uu madaxweynuhu soo wado wax isku shaandhayn ah ama in uu maqlo hadal haynta cid la damacsan yahay in shaqada laga eryo. Dadka wuxuu ugu neceb yahay kuwa dawladda dhalliila ama madaxweynaha wax ka sheega, wuxuu la yaaba dadweynaha ka cabanaya tayada adeegyada bulshada, caddaaladda, shaqo la’aanta IWM. Doodaha golaha Wasiirrada waxba kuma soo kordhiyo wuxuu se taageera hadba dhinaca madaxweynuhu u janjeedho. Bal haddaba u fiirso sida uu u dhaqmo marka xilka laga qaado:- hore ayaynu u soo sheegnay oo ma laha aqoon ama xirfad uu ku shaqo tago, kuma jiri jirin hawlo ganacsi oo uu dib ugu laabto, noloshiisii hore ee caadiga ahaydna lama qabsan karo, sidaa daraadeed maalmo yar kadib waxa la arkaa isaga oo dhalliilo tiro badan ka sheegaya xukuumaddii uu ka tirsanaa ee uu sida indho la’aanta ah u difaaci jiray. Waa muxaafid xumihii shalay oo maantana mucaarid ah. Idho adayga iyo sida uu dhalliilaha xukumadda u tilmaamayo waxa u dheer hanjabaado, goolaaftan iyo hadallo aflagaaddo ah oo uu ku weerarayo maamulka iyo saaxiibadiisii ay wada shaqayn jireen. Wuxuu isu caleemo saara in uu yahay afhayeenka beesha uu ka soo jeedo isaga oo kicinaya dareenka reerka wuxuu tilmaama in ay dulman yihiin oo aanay maamulka dawladda ka helin saamigii ay xaqa ugu lahaayeen. Waxa Qoray Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami22@gmail.com Qaran News
  21. Somalia's National Independent Electoral Commission (NIEC) has announced plans to register millions of Somalis to participate in what would be the country's first popular elections in more than a half-century. Source: Hiiraan Online
  22. Maleeshiyada Galmudug ayaa meel u dhow Bandiiradley oo Gaalkacyo u jirta 10 km waxay ku haystaan maalintii sadexaad Gurmadka Reer Puntland usoo direen Reer Baledweyne. [...] Source
  23. Somalia's president says his government is under constant pressure to choose from among three rival Persian Gulf countries - Saudi Arabia, United Arab Emirates, and Qatar. Source: Hiiraan Online