-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The Horn of Africa would experience below-average rainfall during the October-December season, potentially leading to drought conditions, international agencies warned on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa abaabuleysa banaanbax weyn oo maanta ka dhici doona magaalada Muqdisho, kaas oo bilaaba doona saacadaha soo socda ee saaka, sida ay ogaatay Caasimada Online. Banaanbaxa maanta dhacaya ayaa looga dhiidhinayaa xasuuqii ay Khawaarijta Al-Shabaab habeen ka hor u geysatay dad shacab ah oo ku sugnaa xeebta Liido. Dowladda ayaa qorsheysay in dibad-baxaas uu ka dhaco qeybo badan oo ka mid ah magaalada, balse ugu dambeyntii la isugu tago xeebta Liido oo ah halkii dadka lagu laayey. Shaqaalaha dowladda ayaa maanta lagu war geliyey inay maanta soo xaadiraan xarumaha ay ka shaqeeyaan, si loogu jiheeyo goobaha loo qorsheeyey in dibadbaxayaashu isugu tagaan oo xeebta Liido ay ugu horeyso. Koox dhalinyaro ah oo wasiirka dhalinyarada uu hoggaaminayo ayaa shalay isugu tagtay isbitaalka Madiina, kuwaas oo dhiig u shubay dadkii dhaawacmay, kadibna waxay la hadleen warbaahinta. Dhalinyaradaas ayaa sheegay iyagoo careysan in wixii ka dhacay Liido aan laga aamusi karin, iyagoo iclaamiyey banaanbax weyn oo berri ay dhigayaan. Kooxda Al-Shabaab ayaa habeen hore si cadowtinimo ah u beegsatay dhalinyaro ku caweyneysay xeebta Liido, waxayna u dhigeen dabin adag oo qaraxyo iyo weerar toos ah isugu jira. Dad badan ayey dileen dhimashada ayaa gaartay 40 qof iyo dhaawacyada todobaatameeyo kale, inkastoo la fashiliyey gaari ay ku soo rareen waxyaabaha qarxa oo la aaminsan yahay in dadka inta ka soo badbaada xeebta uu ku baabi’i rabay laamiga. Ninkii waday gaarigaas ayaa la dhaawacay, kadibna waxaa lagu qabtay nolosha, iyadoo shalay galab si ku talagal ah loo qarxiyey, inkastoo uu gubtay gaadiid badan oo goobta looga cararay habeenkii weerarku dhacay. The post Dibad-bax wayn oo maanta ka dhacaya MUQDISHO + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Israa’iil ayaa duqeeyay laba iskuul oo kale oo ku yaalla magaalada Gaza, iyagoo dilay ugu yaraan 30 Falastiiniyiin ah oo u badan caruur.. Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa sheegay in boqolkiiba 80 dadka lagu dilay, laguna dhaawacay dugsiyada Hassan Salama iyo Nassr ay ahaayeen caruur. Dhinaca kale,Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa mar kale ballan qaaday inuu ka aargudan doono dilka Ismaaciil Haniyah, xilli uu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Urdun oo booqasho ku tagay Iran. Madaxweynaha ayaa xusay in Israa’iil ay khalad weyn ku gashay dilka hoggaamiyaha Xamaas Haniyah. Sidoo kale,Talyaaniga iyo Turkiga ayaa ku biiray dalal badan oo muwaadiniintooda ugu baaqaya inay ka baxaan Lubnaan marka loo eego Israel iyo Xisbullah oo sii wada inay isweydaarsadaan rasaas. Ugu yaraan 39583 qof ayaa la dilay, 91398 waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7 dii Oktobar ee sanadkii tagay. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo 30 Falastiiniyiin ah oo carruur u badan ku dishay marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
-
Doorashadii hore ee uu Muuse Biixi ku soo baxay waxa is bahaystay hogaanka dhaqanka ee laba beelood is bahaysigaasi oo aan wax heshiis ah ku qotomin oo aan ka ahayn abaal celin. Lagama fikirin hadii ninka la dooran doono uu qaladaad galo sidii loo qaban lahaa ama loola xisaabtami lahaa taasina wa ta maanta reer Somaliland oo dhan dhabarka ka jabisay. Hadaynu u soo noqono is bahaysiga maanta waa mid ka qaan gaadhsan kii hore waxa jira heshiisyo qoran oo ay ka baaraan dageen siyaasiyiinta xisbiga Waddani iyo ururka Kaah oo mid walba ay garab taaganyihiin dhamaan siyaasiyiinta reer Somaliland ee ka soo kala jeeda gobolo iyo degmooyin kala duwan. Taasi waxa ay sixi doontaa waxii qalooc ah mustaqbalka inagu yimaada in loo sixi doono si sharci ah oo aan dibu dhac danbe inoo gaysan Qaran News
-
Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu is pushing back against President Joe Biden over U.S. concerns about the assassination of the political leader of Hamas and Israel’s approach to cease-fire talks in the latest rift between the two allies since the war in the Gaza Strip began 10 months ago. Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI, Kenya (HOL) — AirAsia X, the low-cost carrier specializing in medium-haul routes, will launch direct flights connecting Nairobi, Kenya, to Kuala Lumpur, Malaysia, starting November 15. The route marks the first time a Malaysian low-cost airline offers direct flights to Nairobi, greatly enhancing travel between East Africa and Southeast Asia. Source: Hiiraan Online
-
Hargeisa (HOL) — Opposition party Waddani and political association Kaah have joined forces in a coalition that could reshape Somaliland's political landscape ahead of the November elections. Announced today in Hargeisa, the partnership expects to consolidate support and challenge the ruling party's dominance. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Turkish Foreign Minister Hakan Fidan is visiting Ethiopia to address rising tensions between Ethiopia and Somalia, sparked by a controversial port deal between Ethiopia and Somaliland. His visit underscores Turkey's role as a regional mediator, aiming to foster broader regional peace and strengthen bilateral relations. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isagoo halkaas kula kulmay ra’iisul wasaare Abiy Axmed, sidaas ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Turkiga. Dawladda Turkiga waxay sheegtay in safarkaan uu qayb ka yahay qorshaha dhex-dhexaadinta ah ee dawladda Turkiga ay ka dhex wado Soomaaliya iyo Itoobiya, si xal loogu helo khilaafka ka dhex dhashay labada dal ee salka ku haya heshiis beenaadii badda ee Itoobiya la saxiixatay Somailand. Sidoo kale wasiir Fidan ayaa la kulmay dhiggiisa Itoobiya Taye Atske Selassie, safarkaan ayaa la sheegay inuu qaada doono dhowr maalmood. Sida ay sheegtay wasaaradda arimaha dibadda ee dowladda Itoobiya, Turkiga ayaa waxa uu kala hadlay arimo ay ka mid yihiin khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya iyo guud ahaan xaaladda gobolka Geeska Afrika. Twitterka ra’iisul wasaaraha Itoobiya war lagu daabacay ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Turkiga iyo Abiy ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, waxaana xusid mudan in Soomaaliya ay garab ka raadineyso Turkiga si looga difaaco hadii Itoobiya awood adeegsato. Bishii June waxaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga wadahadal uu Turkigu garwadeen ka ahaa ayaa la qorsheeyey in dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku yeeshaan, balse farsamooyin la isku fahmi waayey oo salka ku haaya khilaafka badda ayaa sababay in wadahadalkaasi fashilmo. Kadib markii ay fashilmeen wadahadaladii la rabay inay ka furmaan Ankara, waxay dhinacyadu isku raaceen in ay kulan kale Ankara ku yeeshaan 2-da bisha soo socota ee September. Bulshada caalamka ayaa waxay bogaadisay doorka ay dawladda Turkigu ka ciyaarayso u kala dabqaadista Soomaaliya iyo Itoobiya oo markii dib loo eego tariikhdooda ay dhexmareen dagaalo adag oo lagu hoobtay. Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan inta uu joogo Itoobiya waxaa la sheegay inuu ka shaqeynayo sidii loo dhex dhexaadin labada dal ee Turkigu saaxiibka la yahay, sidoo kale Turkiga oo aad u daneeya gobolka Geeska Afrika ayaa dantiisa ka dhex arka Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis ah. The post Hakan Fidan oo Addis Ababa ka wada qorshe ku saabsan xiisadda Somalia iyo Ethiopia appeared first on Caasimada Online.
-
454114182_466644706292987_7004881522719552131_n Qaran News
-
Ciidamada sida gaar ka ah u tababaran ee PMPF oo kaashanaya Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Boosaaso gacanta ku dhigay shakhsiyaad ka tirsan shabakado xiriir la leh Shabaab iyo Daacish oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, kuwaas oo lagu soo qabtay walxaha qarxa iyo hubka culus. Kooxahan gacanta lagu dhigay ee qaybta ka ah Shabakado lagu raadjoogo ayaa lagu qabtay noocyada kala duwan ee hubka culus, Budada laga Sameeyo walxaha Qarxa, Miinooyin, Bambooyinka gacanta, Hoobiyayaal iyo agabyo kale. Magaalada Boosaaso ayaa waxaa dhowaan ka dhacay dilal qorshaysan oo lagu khaarajiyay xubno firfircoon oo kamid ahaa dadka bulshada ka muuqda, kuwaas oo dilkooda lala xariirinayo kooxaha Daacish iyo Alshabaab. Source: goobjoog.com
-
Tehran, IRNA – Iran’s Foreign Ministry Spokesman Nasser Kanaani has condemned the latest terrorist attack in Somalia that left more than two dozen people dead. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa u magacaabay Maxamed Isaaq Ibraahim (Fatiir) inuu noqdo agaasimaha guud ee bulshada bariga Afrika (East African Community). Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu ogolaaday inay ku biirto daladda bulshada bariga Afrika bishii November ee sanadiii aanu soo dhaaafnay. Waxaa xusid mudan in madaxweyne Xasan Sheekh uu markaas ku sugnaa magaaladda Caruusha ee Tanzania, halkaasi oo looga dhawaaqay ku biiritaanka Soomaaliya ee ururkan. Dalalka xubnaha ka ah EAC ayaa kala ah; Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, Tanzania, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyo Soomaaliya oo ah xubintii ugu dambeysay sidaasna ay ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan. Ku biirista Soomaaliya ee urur-goboleedka bulshada bariga Afrika ayaa ah mid ay faa’iido weyn ka heli doonto bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan fursad ganacsi iyo suuq weyn oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyeed. Urur-goboleedkaan oo xaruntiisu tahay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania dhismay sanadkii 2000-kii kadib heshiis ay gaareen shan kamid ah 8-da dal ee uu hadda ka kooban yahay. Suudaanta Koonfureed ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September 2016, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ay ururkan ku biirtay bishii April 2022-kii. The post R/wasaare Xamza oo Maxamed Fatiir u magacaabay xil muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada PMPF oo kaashanaya hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa gacanta ku dhigay shakhsiyaad ka tirsan shabakado gacansaar la leh Argagixisada iyo hubkii ay wateen. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka PMPF ayaa lagu sheegay in shabakaddaasi ay gacanta ku dhigeen Ciidanka sida gaar ka ah u tababaran ee PMPF oo kaashanaya hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA kadib hawlgal ciidan oo ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso. ” Ciidamada sida gaar ka ah u tababaran ee PMPF oo kaashanaya Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Boosaaso gacanta ku dhigay shakhsiyaad ka tirsan shabakado gacansaar la leh Argagixisada, kuwaas oo lagu soo qabtay walxaha qarxa iyo hubka culus” ayaa lagu yiri Qoraalka PMPF. Shakhsiyaadka gacanta lagu dhigay ee qaybta ka ah Shabakado lagu raadjoogo ayaa lagu qabtay noocyada kala duwan ee hubka culus, Budada laga Sameeyo walxaha Qarxa, Miinooyin, Bambooyinka gacanta, Hoobiyayaal iyo agabyo kale. PUNTLAND POST The post Puntland oo qabatay shabakado argagixiso ah oo hub iyo qaraxyo siday appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay agaasime guud oo Soomaaliya u qaabilsanaan doona arrimaha ururka Iskaashiga Dhaqaalaha bulshada bariga ee EAC. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xilkaas u magacaabay Maxamed Isaaq Ibraahim (Fatiir), kaas oo noqan doona Agaasimaha Guud ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (East African Community) ee ay Soomaaliya dhowaan ku biirtay. Dalalka ku mideysan ururkan ayaa qaarkood wasiirro buuxaahi ugu Magacabaanyihiin, halka qaarkoodna wakiillo caadi ah sida agaasimeyaal guud ay ku matalaan arrimahan urur goboleedkaas. Source: goobjoog.com
-
Kulan Ammaanka Caasimadda looga hadlaya ayaa waxaa iskugu yimid Hay’adaha Amniga Heer Federaal iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo ka qabsoomay Xarunta Taliska Boliiska Soomaaliyeed . Kulankaan ayaa waxaa shir gudoominayay Wasiirka Amniga Sareeye Guuto Cabdullahi Shiekh Cismaan Fartaag, waxaana Ku wehlinayay Taliyaha Ciiidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto. Sulub Axmed Firin, Agaasimaha Hey’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullahi Maxamed Sanbalooshe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir Ahna Duqa Magaaladda Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale . Inta badan kulanka intuu socday waxaa lagu dheeraaday xaaladda nabad-galyada ee Caasimadda iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyadoo ay hadalka iskaga danbeeyeen madaxdii kulanka kasoo qayb-gashay . Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo markale ka hadlay weerarkii bahalnimada ahaa ee Jimcihii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday xeebta Liido, oo ay ku laysay shacab badan oo aan waxba galabsan ayaa sheegay in la taagan yahay xilligii dhabta la wajihi lahaa. Cabdiraxmaan ayaa sheegay inta ay kuwo la fikir ah ku sugan yihiin caasimadda, ayna ka tirsan yihiin dowladda iyo ganacsatada dalka uusan joogsaneyn gumaadka shacabka, ayna tahay in runta la iskaga sheego dadkaasi Shabaab kalkaalka ah. “Soo ma habboona in aan dhabta wajahno, runtana iskaga sheegno kuwo la fikirka ah ee Masaajida ka khudbeeya, ama mansabka dowladeed haya, kuwa ganacsatada sheegta ee taageera,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxa uu intaas kusii daray “Kuwo karti darrida noogu baylihiya ee xilalka dowlada ka macaasha iyo kuwo hoggaan xumida noogu hoosaasiya sow ma ahan in aan runta iskaga sheegno.” Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Toddobaadkii hore argagexisada boqol ka badan ayaa looga dilay furinta dagaalka ee Jubbaland, iyaguna xalay ayey ka aarguteen shacabkii xeebta Liido u soo neecawsi tegey. Waa fulayaal ka been-sheega in ay shisheeye soo duulaay iyo dowlad garabsiinaysa la diririyaan, waxaase mudan in aan su’aalo iska waydiino sababaha sahlay in ay argagexisadu sanado badan nagu dhex noolaato?. Waxaa jira dalal kale oo hortaya iyo ka dibkeemba argagexisadu heshay, balse ka lug baxay oo maanta nabad iyo ammaan ah. Soo ma habboona in aan dhabta wajahno, runtana iskaga sheegno kuwo la fikirka ah ee Masaajida ka khudbeeya, ama mansabka dawladeed haya, kuwa ganacsatada sheegta ee taageera ama canshuurta siiya, kuwo karti darrida noogu baylihiya ee xilalka dawlada ka macaasha iyo kuwo hoggaan xumida noogu hoosaasiya. The post CC Shakuur: Waxaa la gaaray xilligii runta la isku sheegi lahaa, lana wajahi lahaa… appeared first on Caasimada Online.
-
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa maanta shaaciyay in ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo uu Maraykanku lee yahay. Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Xuutiyiinta Yemen ayay ku shaaciyeen warkaasi ku saabsan soo ridista diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee dowladda Maraykanka. Warbaahinta Caalamiga ah ayaa sidoo kale qortay in diyaaradda Maraykanka laga soo riday ee aan duuliyaha lahayn uu magaceedu yahay MQ-9 Reaper islamarkaama qiimaheedu yahay $32 milyan oo Dollar. Dhinaca kale dowladda Maraykanka weli kama hadlin wararka la xiriira diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta Yemen sheegeen in ay ka soo rideen. PUNTLAND POST The post Xuutiyiinta Yemen oo la sheegay in ay Maraykanka ka soo rideen diyaarad ku qiimaysan $32 milyan oo Dollar appeared first on Puntland Post.
-
WAAYAHA UU KU SUGAN YAHAY GOBOLKA GEESKA AFRICA WAA KUWO AAN KA SOO RAYNAYN ? Gobolka aynu ku noolahay waa gobol colaado , gaajo , fakhri iyo dib u dhac badani haystay qarniyo badan , waxyaabaha sababta u ahina waxay ahayd xasilooni la’aan iyo nabadgalyo daro riiq dheeraatay oo ilaa haatan taagan. Inaga oo dhibkaasi qabna ayaa gobolka Geeska Africa loo soo waaridey fekerada xagjirka ah iyo aragtiyaha kala duwan ee aduunka ku loolamaya waa dhibaato kale oo ina haysatay intii ka dambaysay dagaalkii qaboobaa ama dhawr iyo soddonkii sano ee ugu dambeeyay. Hogaamiyaha ummadi dooraneyso ama hada xil u hayaa waa in uu noqdaa qof wax uga bilaaban yihiin ama la socdo waayaha dhabta ah ee mandaqada uu dalkiisu ku yaallo , kuguma filna dalkaaga oo kaliya oo xasilaa sababta oo ah deriskaaga oo gubanaya waa dab kugu soo socda oo loo baahan yahay xalintiisa iyo ka hortagiisa in aad qorshe ka leedahay. Dalalka Gobolka Geeska Africa mid waliba waxa uu la dhiban yahay dhibaatooyin iyo mushkilado halis ku ah dalkiisa iyo dadkiisa oo uu u taag laayahay, waa masiibo meesha aynu ku noolahay u gaar noqotay oo u baahan in aad wax la isaga weydiiyo. MAXAA UGA MEEL YAALLA XUKUUMADA IYO AXSAABTA QARANKA EE KU TARTAMAYA MADAXWEYNAHA ? Waxaynu rabnaa hogaamiye ka aragti iyo feker horeeya bulshada oo ay dhibeyso ama arkaya deegaanka aynu ku noolahay iyo duruufaha qalafsan ee ku xeeran , sidoo kale qorshe siyaasadeed ka leh arimahani aynu kor ku soo xusnay. Waa marka labaad xaaladaha hadda taagan ee dalkeena haysta ee colaaduhu ka mid yihiin , xidhiidhada diblomaasiyadeed ee cakirmay iyo waxii lagaga bixi lahaa ayeynu ka rabnaa. Waa marka sadexaad e waxaynu uga baahanahay qorshe siyaasadeed mudada gaaban iyo mudada dheer ba leh oo yididiilo iyo rejo u abuurma dalkan curdinka ah ee dadkiisa 70% dhalinyarada yihiin u baahan in mustaqbal loo sameeyo oo jid wanaagsan loo jeexo. Mohamed Abdi Jama Dhimbiil Mohamed hormood@hotmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah isugu yeertay hay’addaha amniga, kadib weerarkii Jimcihii ka dhacay xeebta Liido. Kulanka oo looga hadlay amniga Muqdisho ayaa waxaa iskugu yimid hay’adaha amniga heer federaal iyo maamulka gobolka Banaadir, kaas oo ka qabsoomay xarunta taliska booliska Soomaaliyeed. Kulankaan ayaa waxaa shir-gudoominayay wasiirka amniga Sareeye-guuto Cabdullahi Shiekh Cismaan Fartaag, waxaana ku wehlinayay taliyaha ciiidanka booliska S/guuto Sulub Axmed Firin, agaasimaha NISA Cabdullahi Maxamed Sanbalooshe iyo Guddoomiyaha gobolka Yuusuf Madaale. Inta badan kulanka intuu socday waxaa lagu dheeraaday xaalada amniga ee caasimadda iyo sidii loo sii xoojin lahaa, si aysan markale uga dhicin wixii Jimcihii ka dhacay xeebta Liido, kaas oo lagu laayay dad badan oo shacab ah oo aan waxba galabsan. Weerarkii xalay oo muujinaya sida bahalnimada ah ee Al-Shabaab uga go’an tahay gumaadka shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa ku naf waayey illaa 37 qof, halka dhaawacana uu gaaray illaa 247 qof oo la geeyay isbitaallada magaalada Muqdisho. Dowladda ayaa weerarkan durba usoo xirtay dhammaan saraakiishi qaabilsaneyd amniga aagga xeebta Liido, waxaana socda baaritaanno ku aadan sida kooxda ugu suurta-gashay inay gaaran halkaasi. Si kastaba, weerarkan ayaa muujinaya sida kooxda Al-Shabaab ay xooga usoo saartay caasimada, ayada oo dhawaan ka fulisay weeraro isxig-xigay, kaas oo mid kamid ah lagu qaaday xabsiga dhexe halka kan kale lagu beegsaday maqaayad ku taalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir. The post Sanbaloolshe, Sulub iyo Madaale oo la isku yeeray – Kadib maxaa xigay? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax dhowaan ka dhacay degmada Garasbaaleey ee gobolka Banaadir, kaas oo la sheegay in lala beegsaday gaari ay wateen askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo halkaa marayay. Baabuur qaraxa lala eegtay ayaa ahaa nooca saadka ciidamada qaada oo xoguhu ay tibaaxayaan inuu shidaal waday, mana cadda waxyeelada ka dhalatay dhacdadan oo wax ka yar uun la wicassheeda la helay, cid illaa hadda ka hadashayna ma jirto. Qaraxan ayaa ku soo beegmaya saacado ka dib markii lala qarax oo ka kala dhacay xeebta Liido iyo deegaanka golalay ee gobolka Shabeellada dhexe ay ku geeriyoodeen in ka badan 40 qof, halka tiro intaas ka badanina ay dhaawacmeen. Source: goobjoog.com