-
Content Count
213,994 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Dalka Masar, Abdel fattah El-Sisi, ayaa soo dhoweeyay heshiiskii Diplomaasiyadeed ee ay dhowaan Magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta. Qoraal uu Madaxweyne El-Sisi, soo dhigay barta uu ku leeyahay Twetter-ka ayuu ku sheegay in uu muhiim yahay heshiiskaas, isla markaana uu Gobolka u horseedayo xasilooni, iskaashi iyo horumar. “Waxaan muujinayaa in aan aad ugu faraxsanahay heshiiska ay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya wada saxiixeen, kaas oo laysugu soo dhoweynayo xiriirkii iyo iskaashigii ka dhexeeyay labada Dowladood”ayuu yiri, Abdel Fattah El-Sisi. Madaxweyne, El-Sisi, ayaa sheegay in Dowladdiisu ay garab taagan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-19112019s-.mp3 View the full article
-
Rochester (Caasimada Online) – Nin degan galbeedka gobolka New York ayaa Isniintii qirtay inuu ku hanjabay inuu dilayo Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka. Patrick Carlineo ayaa heshiis dambi qirasho ku galay magaalada Rochester, isaga oo qirtay dacwadihii lagu soo oogay oo hoggaamin kara 10 sano oo xabsi ah. Waxaa la filaaa in 14-ka bisha Febraayo lagu dhawaaqo xukunka xabsiga. Xeer ilaaliiye James Kennedy Jr ayaa sheegay in kiiskan uu iftiiminayo in xoriyadda hadalka ay la socoto mas’uuliyad ah “In dadka aysan sameyn hanjabaado ay ku waxyeeleynayaan sharci-dejiyayaasha aa ku aragtida ahayn.” Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga dimoqraadiga Mareykanka ayaa ah mid ka mid ah labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee ka mid noqda Aqalka Wakiilada Mareykanka. Xafiiskeeda weli wax jawaab ah kama bixin heshiiska dambi qirasho ee Carlineo. Patrick Carlineo ayaa FBI-da u sheegay inuu yahay waddani, islamarkaana neceb yahay dadka uu u arko inay yihiin xagjiriin Muslimiin ah oo ku dhex jira dowladda Mareykanka, islamarkaana uu jecel yahay madaxweyne Donald Trump. Qareenka Carlineo, Sonya Zoghlin ayaa sheegtay inuu yahay nin aad ugu xamaasadeysan fikradihiisa siyaasadeed, islamarkaana marnaba qorshihiisu aanu ahayn inuu dilo Ilhaan Cumar. Dambiyada uu qirtay Carlineo ayaa waxaa ka mid ah inuu haysta hub sharci darro ah. Waxaa qaadashada hubka laga mamnuucay 1998-kii markii lagu helay dambi. Ilhaan Cumar oo marar badan twitter-ka ay hadallo isku weydaarsadeen madaxweyne Trump ayaa waxaa naceyb badan u qaaday taageerayaasha madaxweynaha ee midigta-fog. caasimad@live.com
-
ROCHESTER, N.Y. (AP) — A western New York man pleaded guilty Monday to threatening to kill U.S. Rep. Ilhan Omar of Minnesota. Patrick Carlineo entered the plea Monday in Rochester, admitting to charges that carry up to 10 years in prison. His sentencing is set for Feb. 14. U.S. Attorney James Kennedy Jr. said the case highlights that free speech rights carry the responsibility “that individuals not make threats to harm lawmakers simply because they may disagree with them.” Omar, a Democrat, is among the first Muslim women in Congress. Her office had no immediate comment on Carlineo’s plea. Prosecutors say the 55-year-old called Omar’s office March 21, told a staffer the congresswoman was a “terrorist” and threatened to shoot her. Carlineo later told the FBI that he is a patriot, hates people he perceives to be radical Muslims in the U.S. government, and loves Republican President Donald Trump, according to a criminal complaint. Carlineo’s lawyer, Sonya Zoghlin, says Carlineo is passionate about his political beliefs and his right to express them. “He has taken responsibility for using threatening and inappropriate language to express those beliefs in this instance,” she said in an email, adding that Carlineo never intended to harm Omar and never made any plans to do so. Carlineo’s plea included admitting he illegally had guns. He’d been barred from possessing them after a 1998 felony criminal mischief conviction, prosecutors said. Omar, a Somali-American, has faced criticism from Trump and others for remarks she made in recent months about Israel, Jewish influence in Washington, and 9/11. Omar has apologized for suggesting that lawmakers support Israel for money, has said she wasn’t criticizing Jews, and has said that criticizing the Israeli government is not anti-Semitic. Last month, a North Dakota state senator said he was sorry for posting a long-debunked photo that purported to show Omar holding a weapon at an al-Qaida training camp. But the lawmaker, Republican Oley Larsen, added that he wouldn’t apologize to Omar. Source: AP
-
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa mar kale xalay isku dayey inuu muujiyo inay ahayd wax iska caadi ah booqasho lama filaan ah oo madaxweyne Trump uu Sabtidii ku tagay Isbital militari, taasi oo dhalisay shaki ku saabsan caafimaadkiisa. Dhaqtarka gaarka ah ee madaxweyne Trump, Sean Conley, oo ah Taliya ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in “madaxweynaha uu maray tijaabo caafimaad oo socotay hal saac, shaybaar iyo wada-tashi.” Waxa uu intaas ku daray inaan “madaxweynaha lagu sameyn wax qiimeyn xagga wadnaha iyo neerfaha ah midna. Conley ayaa ku qeexay booqashada Trump ee xarunta caafimaadka militariga ee Walter Reed National “mid horey loo qorsheeyey oo ah tijaabo qeyb ka ah daryeelka ka hor-tagga,” taasi oo madaxweynaha uu sanad kasta sameeyo. Waxa uu sheegay in madaxweynaha “uu tijaabo caafimaad oo intaas ka badan mari doono sanadka cusub.” Booqashadan ayaan ku jirin jadwal maalmeedka madaxweynaha ee uu baahiyo Aqalka Cad, hase yeeshee Conley ayaa taas ku macneeyey inay sababtay hubinta la’aan xagga jadwalka ah. Xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad Stephanie Grisham ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in madaxweynaha uu billaabay “qeyb ka mid ah tijaabo sanadeedkiisa caafimaad,” sababtuna ay tahay inuu helay waqti dheeri ah, xilli uu filayo in sanadkan 2020 uu noqdo mid aad u mashquul badan. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Aqalka Cad oo sharxay tijaabo caafimaad oo uu maray Trump appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar, Mudane Cabdifitaax Al-Sisi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay heshiiskii ay dhowaan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ku gaareen gudaha magaalada Nairobi ee Caasimada dalkaasi. Al-Sisi oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo heshiiska Diplomaasiyadeed ee ay wada gaareen Madaxweynayaasha Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu muhiim yahay heshiiskaas, islamarkaana uu gobolka u horseedayo xasilooni, iskaashi iyo horumar. “Waxaan muujinayaa in aan aad ugu faraxsanahay heshiiska ay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya wada saxiixeen, kaas oo laysugu soo dhoweynayo xiriirkii iyo iskaashigii ka dhexeeyay labada Dowladood.”ayuu yiri Madaxweyne Cabdifitaax Al-Sisi. Ugu dambeyn Madaxweyne, Al-Sisi ayaa carabka ku dhuftay in dowladdiisu ay garab taagnaan doonto sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Madaxweynaha Masar oo hadda guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ayaa dadaal ku bixiyey xiisada Soomaaliya iyo Kenya, isagoo dhowaan labada Madaxweyne kulan kula qaatay magaalada New York, kadib shirkii golaha guud ee Qaramada Midoobay. Xiriirka labadaan dal ayaa sii xumaanayey, tan iyo markii uu soo shaac baxay khilaafka dhinaca Badda ee haatan dacwaddiisu taallo maxkamadda cadaalada dunida ee ICJ. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kulan ay Hargeysa kula yeesheen labada xisbi guddida dhexdhexdaainta mucaaradka iyo xukuumadda ayaa laysla afgartay. Waxaa la isla qiray, in khalad ay ahayd in Xisbiga Waddani loo diido isku soo baxa. Waxaa la isla qaatay in gef weyn ahayd Xadhiga Madaxda xisbiga Waddani 3 in la sii daayo madaxda xisbiga ee xidhan iyo dadka kale ee loo xidhay muranka taagan. Lama oga in xukuumaddu aqbashay dhinaceeda go’aamadan balse waxa isku afgartay guddida dhexdhexaadinta iyo labada xisbi mucaarad. Sidaa waxa sheegay sarkaal shirka ku sugan. Source
-
(SLT-Hargeysa) Odayaasha Madasha wada tashiga Somaliland ayaa goor dhaweyd kullan la yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo masuuliyiinta kale ee xisbiga WADDANI. Kullan-ka ayaa ka dhacay guriga Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, kaasi oo noqonaya kii ugu horeeyey ee ay odayaasha Madashu la yeeshaan Guddoomiye Cirro intii uu jiray muranka cusub ee ka dhex alloosan Xukuumadda iyo Xisbiga ugu weyn Mucaaradka Somaliland ee WADDANI. Geesta kalena Lama garan karro inay ku guulaysan doonaan odayaasha madashu dhex-dhaxaadinta ay ku doonayaa inay ku soo afjaraan muranka siyaasadeed ee ka dhex qarxay Xukuumadda iyo Xisbiga WADDANI. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro oo ay weheliyaan masuuliyiinta sarsare ee xisbigiisa ayaa kulan la qaatay Eng Faysal Cali Waraabe iyo madaxda xisbigiisa UCID. Kulanka oo aan laga soo saarin wax war ah waxa uu daarran yahay khilaafka ka taaggan Komishanka cusub ee doorashooyinka Qaranka iyo dibadbaxyada taageerayaasha xisbiga Waddani. Sida oo kale waxa uu Cirro la kulmay odayaasha madasha wadatashiga oo qayb ka ah dhinacyo isaga dabqaadaya Guddoomiye Cirro iyo madaxweyne Biixi. Xisbiga Waddani ayaa hakiyay isu soo baxyo isdaba joog ah oo xisbigu ku hawlana inta ay socoto waanwaantu. Source
-
Shirka ka tashiga hindise sharciyadeedka shirkadaha Dalka oo u dhaxeeya Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Golaha Aqalka sare iyo maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa Xalay lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Garoowe. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Golaha Aqalka sare Wasaaradda ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliya, Wasiiradda iyo qaar ka mid ah Xil-dhibaannada maamul Goboleedyada. Ujeeddada kulanka ayaa ahaa dhageysiga talooyinka maamul GoboleedyadaxXubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaliya ee ku aaddan hidise sharciyadeedka shirkadaha, kaas oo horyaalla Golaha Aqalka sare ee Dalka. Gaba-gabada Shirka Wada-tashiga ee u dhaxeeyay maamul Goboleedyada Dalka, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Golaha Aqalka sare ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan. Source: goobjoog.com
-
Kulan ammaanka loogahadlayey islamarkaan ay yeesheen talisyada NISA, Booliiska iyo xubnaha guddiga amniga Guriceel ayaa xalay ka dhacay degmadasi. Kulankan ayaa waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha degmadaasi, C/laahi Maxamed Barre, waxaana inta uu kulanka socday lagu falanqeeyey xaaladda amni ee degmadaasi. Macalin Qaasim Sheekh Mire, madaxa warfaafinta degmada Guriceel oo warbaahinta u akhriyey waxyaabaha kulankaasi kasoo baxay ayaa sheegay in la mamnuucay wadashada hubka sharcidarrada ah, iyo isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya. Waxyaabaha sidoo kale kulankaasi laga soo saaray ka mid ah in xabsiga la dhigi doono cid walba oo wadata gaadiidka leh muraayadaha madow. Hay’adaha ammaanka ayaa sidoo kale wargeliyey milkiilayaasha Hoteelada iyo Hay’adaha iney soo diiwaangeliyaan hubkooda. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/11/Codka-Guriceel.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU, Somalia, 18 November, 2019 – Somali Journalists Syndicate (SJS) calls for Somaliland authorities to unconditionally release the editor-in-chief of the privately-owned independent Horn Cable TV, Abdikadir Saleban Asayr (known as Oday) who was illegally arrested in Hargeisa and to immediately withdraw the order of closure imposed upon the TV on Monday 18 November, 2019. Approximately 8.00am local time officers from Criminal Investigations Department (CID) summoned Horn Cable TV’s editor-in-chief, Abdikadir Saleban Asayr, who was arrested upon arrival. The police at the CID presented a written order of closure against the TV which had the signature of the commander of the CID, according to two colleagues who spoke to SJS. Mohamed Abdi Ilig, the Managing Director of Horn Cable TV said they were not served with the order of the closure which, according to Ilig, was requested by Somaliland’s Ministry of Information in an attempt to suppress the TV’s independent reporting. “We have not received this order and we are yet to implement the order of the closure,” Ilig added. Following the reported order of closure, journalists and other staff left the TV’s premises but the TV remains on air from its Nairobi and Mogadishu back-up offices. The journalists further said the arrest of the Horn Cable TV editor-in-chief and the order of the closure came following an interview with Suldan Abubakar Elmi Wabar who leads an armed separatist militia in Awdal region. The interview was aired on Wednesday 13 November 2019. On Thursday 14 November, CID officers summoned Horn Cable TV reporter Hassan Suleiman Harun (known as Hassan Galaydh) following a news report he did on 2 November about an air safety related incident involving 1 November flight by Flydubai, a UAE-owned airline which reportedly complained against the services at Hargeisa’s Egal International Airport and subsequently forced the flight to be diverted to Djibouti. “I was summoned alongside our editor Abdikadir Saleban Asayr by the CID on Thursday. The officers informed us that there was a court case against us filed by Somaliland’s Ministry of Civil Aviation through its Attorney General,” journalist Hassan Galaydh told SJS by phone. “We were not arrested on that day but anything can happen as we are waiting to face the court case which according to the CID demands us to reveal our sources for the news report,” adds journalist Hassan Galaydh. Somali Journalists Syndicate (SJS) strongly condemns the blatant attack against the press freedom following indefinite closure of Television and arrest of its editor-in-chief and call for the Somaliland authorities to immediately lift the order of closure against Horn Cable TV and set free Abdikadir Saleban Asayr (known as Oday). “Arresting journalists and closing a media station while exercising constitutionally granted freedoms are blatant acts to curtail media freedoms in Somaliland” Abdalle Ahmed Mumin, Secretary General of the Somali Journalists Syndicate (SJS) said “We condemn the arrest of Abdikadir Saleban Asayr and the indefinite closure against Horn Cable TV.” “Authorities in Somaliland should know that free media is a key to democratic and healthy society and we therefore demand immediate and unconditional release of our colleague Abdikadir Saleban Asayr,” Mumin adds.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta gudaha ee Talyaaniga ayaa shaacisay xog la xariirta Silvia Romano oo u dhalatay dalkaasi, taas oo sanadkii hore kooxda Al-Shabaab ay ka soo afduubatay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Silvia oo 24 jir ah, islamarkaana ka shaqeyneysay arrimaha Bani’aadanimada ayaa warbaahintu warisay in loo soo wareejiyey dhinaca koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo ay ku hayaan xooggaga Al-Shabaab. Sidoo kale waxa ay warbaahinta maxaliga ah sheegtay in haweeneydaasi oo muddo gacanka ugu jirta Al-Shabaab sabab amni looga soo weeciyey gobolka Jubbada Hoose. Dowladda Talyaaniga oo markale ka hadashay afduubka haweeneydan ayaa tilmaamtay inay ku dadaali doono sidii ay u soo furan laheyd, waxaana ay ka dalbatay dowladaha saaxibada la ah ee ku xoogan Geeska Afrika inay taageero ku siiyaan tallaabadaasi. Sidoo kale waxa ay dowladdu beenisay inay bixin doonto lacag madax furasho ah oo la siiyo Al-Shabaab, basle waxa ay sheegtay inay qaadi doonto howlgal Milatari. Talyaaniga ayaa ka mid ah dalalka ka qeyb qaata dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamo kooban ay ka joogaan Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, inkastoo aysan ciidamadaasi ka howlgalin deegaanada Koonfur Galbeed oo la sheegay in lagu hayo haweeneydaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waxaa cirka isku sii shareeraya isku dhaca xisbiga siyaasiga ah ee Wadani iyo maamulka Somaliland oo socday todobaad. Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada amniga ee taliyaha booliska Soomaaliland Janeraal Saqadhi ay la wareegeen Xarumaha Xisbiga WADANI ee Berbera iyo Ceerigaabo. Khilaafka xisbiga siyaasiga ah ee Wadani iyo maamulka Somaliland ayaa sii xoogeysanaya, waa saacado uun kadib markii la xiray mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga. Shalay ayay aheyd markii Ciidamada Booliska Soomaaliland ay awood kula wareegeen Xarunta Dhexe ee Xisbiga WADANI. Habeenkii Isniintu soo galaysay ee 17 November 2019, waxa booliiska Somaliland xireen laba hoggaamiye oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo ah xogahayaha guud iyo Barkhad Jaamac Batuun, af-hayeenkii xisbiga, ayaa la xiray. 18 November 2019, waxa booliisku ay xireen xaruntii guud ee Telefiishanka Horn Cable, iyaga oo sidoo kale xabsiga u taxaabay tafitarihii telefiishanka Cabdiqaadir Cusmaan (Coday). Dhankeeda, xarunta xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa canbaaraysay xariga siyaasiyiinta mucaaradka Ah Iyo suxufiyiinta Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Ammaanka ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa xalay ilaa saala hawlgallo ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Gaalkacyo kadib dil isla xalay magaalada loogu geystay taliyihii nabad sugidda gobolka Mudug ee Puntland Kornel Xaashi Aadan Cilmi. Baarista ayaa lagu waramayaa in weli socoto, waxaana la sheegay in tiro dad ah loo qabtay, laakin saxaafadda lalama wadaagin wax macluumaad ah oo arrintaas la xiriira. Dhinaca kale Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cismaan Maxamed Cabdullaahi ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo, isagoo maanta kormeeraya saldhigyada ciidamda Booliska ee magaaladaas, lana kulmaya saraakiisha Booliska ee dhinacyada Puntland iyo Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada ammaanka ayaa sheegaya in ay soo qabanyaan ciddii ka dambeysay dil xalay magaalada Afgooye ee Shabeellada hoose loogu geystay Nuur Faarax Nuur (Nuur Xawaad) oo ahaa iskuwdaha maaliyadda ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed. Laamaha ammaanka ee gobolka ayaa sheegaya in dilkaasi aaney ka dambeyn xarakada Al-shabaab balse la garanayo cidda geysatay. Afhayeen u hadlkay ciidamada ayaa sheegaya in iyagu ka ciidan ahaan garanayaan cidda ka dambeysay isla markaana cadaaladda la horkeenayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo diiday in la xayiro Telefishanka Horn Cable TV War-saxaafadeed: Xayiraad diidis iyo Rumaan Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu soo dhawaynayaa go’aanka ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku diiday in la xayiro Telefishanka Horn Cable TV, oo ay xukuumadda Somaliland saaka horgaysay qoraal ay kaga dalbanayso Xayiradaas. Maxkamadda Gobolka Maroodijeex waxay saaka toddoba cisho oo Rumaan ah u jartay Wariye C/qaadir Cismaan Casayr (Coday), oo ay xukuumaddu sifo sharci darro ah ku xidhay, iyadoo Amartay in la hor keeno Maxakamadda Eeda loo haysto oo dhamaystiran Ururka SOLJA waxa uu mar walba ku kalsoon yahay in uu cadaaladda u maro furdaaminta Wariyayaasha iyo hay’addaha warbaahinta ee sharci darrada lagu xidhayo, isagoo u arka Xukuumaddu inay xagal daacinayso ku dhaqanka sharciga iyo Heshiisyada la gaadho. Ururka SOLJA, waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay joojiso talaabada ay mar walba ku qaadayso Warbaahinta isla markaanna Ixtiraanto nidaamka sharciga ah ee Dastuurka Somaliland iyo Xeerka Saxaafaddu dhigayaan. Ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa wariyayaasha iyo Mulkiilayaasha hay’addaha warbaahinta inay ilaaliyaan sharciga isla markaana ka fogaadaan wax kasta oo ka hor imanaya oo ay ku mutaysan karaan Ciqaab. Maxamuud Cabdi Jaamac Guddoomiyaha Ururka SOLJA Source
-
(SLT-Berbera)-Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa gacanta ku dhigay doomo u socday magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, kaas oo ay leedahay dowladda Koofurta Kuuriya. Saddex doon oo ku sii jeeday maagalada Berbera ayaa ciidamada Xuutiyiinta ka qabteen xeebaha dalka Yeman meel 15km u jirta. Waxaa ay ka koobanyihiin 16 qof oo laba ka mid ah ay u dhasheen dalka Koofurta Kuuriya halka inta kale aan la sheegin waddamada ay ka soo jeedaan. Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Koofurta Kuuriya ayaa xaqiijisay in muwaaddiniinteeda ay badqabaan islamarkaana ku jiraan gacanta kooxaha Xuutiyiinta ah. Doomaha ayaa ka baxay gobolka Jizaan ee dalka Sucuudi Carabiya, lamana sheegin waxa saraan hayeeshee waxaa ay u gacan galeen ciidamada Xuutiyiinta ee ka dagaallama dalka Yeman. Maxamed Cali Al Xuuti oo la hadlay Reuters ayaa sheegay in doomaha ay ku xadgudbeen biyaha dalka Yeman, lana geeyay magaalada Xudeyda. Waxaa uu sidoo kale Maxamed sheegay in ay gacanta ku dhigeen doon ka diiwaangashan dalka Sucuudiga hayeeshee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta. Source
-
Popular Contributors
