-
Content Count
213,996 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar___Qubanaha-20112019-sax.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta xarunta madaxtooyada Villa Somalia kulan kula qaatay, madaxweynayaashii isaga ka horreeyay ee Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Xassan Sheikh Maxamuud. Kulanka oo qaatay mudda saacado ah, ayaa looga hadlay qodoba xasaasiya oo ku saabsan xaaladda Siyaasadeed ee dalka ka aloosan, xad-gudubyo ay sheegeen Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh in ay ka tabanayaan dowladda iyo arrimaha doorashooyinka la filayo in ay Soomaaliya ka dhacaan sannadka 2021-ka. Markii kulankaasi soo dhamaaday waxaa Madaxweynayaashi hore ay ka soo laabteen Xarunta Madaxtooyada, waxaana ay dib ugu noqdeen xarunta Madasha Xisbiyada, halkaasoo kulan ay kula qaateen xubnaha Madasha, islamarkaana uga warbixiyeen wixii dhex maray iyaga iyo Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo shirka jara’aid uga warbixiyay Warbaahinta kulankii ay la yeesheen madaxweyne Farmaajo ,ayaa sheegay in qoddobo badan ay ka wadahadleen Madaxweyne Farmaajo, balse muhiimadooda ay ahaayeen arrimaha doorashooyinka, khilaafka dowlada iyo maamul goboleedyada, ku dhaqanka Dastuurka, Sugidda amniga iyo la dagaalanka ururka Al-shabaab. Hoos ka daawo Xassan Sheikh oo faahfaahinaya PUNTLAND POST The post Maxaa ka soo baxay kulankii madaxweyne Farmaajo la qaatay Sheikh Shariif iyo Xassan Shekh Maxamuud? appeared first on Puntland Post.
-
Ceel-Waaq (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Maxamuud Sayid Aadan ayaa la xaqiijiyay in uusan ilaa hadda gudaha u gelin degmada Ceel-waaq ee gobalka Gedo kadib safar maalmo ka hor uu ugu amba-baxay Gedo. Saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Maxamuud Sayid Aadan uu ku sugan yahay Ceel-waaq Kenya islamarkaana uusan wali usoo gudbin dhinaca Soomaaliya. Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in uu maalmaha qaar safarkiisa ku qaatay degaano ka tirsan degmada Mandheera ee gudaha dalka Kenya kadib markii loo diiday in uu usoo gudbo Soomaaliya. Maxamuud Sayid Aadan ayaa in uu soo galo gudaha Soomaaliya gaar ahaan Ceel-waaq waxaa u diiday dadka degaanka oo u diyaar garoobay Banaanbax iyo ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo dhawaan sheegay in ay ku biireen Ciidamada Soomaaliya halka markii hore ay ka amar qaadan jireen Jubbaland. “Ceel-waaq Kenya iyo Mandheera degaano ka tirsan ayuu soo dhaafi waayay waxaana hortaagan dadka degaanka iyo ciidamada amniga” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Ciidamada ku sugan Ceel-waaq Soomaaliya ee gobalka Gedo. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa myddo todobaad ah ku sugan Kenya waxa uuna raadinayaa in uu tago degmooyinka Ceel-waaq, Luuq iyo Doolow balse waa arin aad u adag sida ay soo sheegayaan odayaasha degaanka. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ayadoo gacan ka heleysa Itoobiya ay lasoo wareegto inta badan ciidamadii Jubaland ee ku gobolka Gedo, taasi oo caqabad ku noqotay maamulka Jubaland oo hadda u muuqda inuu lumiyey gobolka Gedo.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta qaabilay hogaamiyeyaashii talada kaga horeeyay ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh. Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii 7aad ee dalka, ayaa wuxuu ka warbixiyey qodobadii ay isla meeldhigeen Farmaajo. Hoos ka akhriso qodobadda 1. In Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo ka garaabay arrimihii ka dhashay safaradii Kismaay iyo Beladweyne. 2. In Doorashada Dalka waqtigeeda ku dhacdo , lagana hishiiyo qaabka Iyo nooca Doorashada u dhaceyso 2020-2021 . 3. In La ilaaliyo Xoriyaadka iyo xaquuqda Muwaadinka Soomaaliyeed. 4. In la ilaaliyo Dastuurka iyo Sareynta sharciga . 5. In aanan Arrimaha amniga la siyaasadeyn , meelna looga Soo wada jeesto dagaalka lagula jiro Alshabaab. In ciidamada amniga ka shaqeeya sidoo kale ay ku dhexmilmin siyaasada. Dhinaca kale, ma jiro illaa iyo haatan wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Madaxooyadda Soomaaliya oo kulanka si gaar ah ugu martiqaadey madaxweyneyaashii hore. View the full article
-
A prominent civil society activist and former Somali diplomat was shot and killed in a suburb of the capital Mogadishu on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Warbaahinta Puntlandi.com oo la xiriirtay Dad aad ugu dhowaa Almaas Elman Ali Ahmed waxay noobxaqiijiyeen in Elmaas lagasoo toogtay meel Masaafo jirta. Toogashadaan waxay ahayd [...] Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maanta markii ugu horeysay ay kulan wada tashi ah isku soo hor fariisteen madaxweynayaashii hore dalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo madaxweynaha hadda talada haya ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa shir jaraa’id oo ay qabteen uga hadlay kulankaas xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka war bixiyey kulankii ay maanta Madaxtooyada kula qaateen madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu sheegay in kulankaas ay uga hadleen arrimo dhowr ah oo uu ka xusay, nuuca ay noqoneyso doorashada 2020/21 dalka ka dhaceysa, xalinta khilaafaadka hareeyay siyaasadda dalka, aminiga guud ee dalka, horumarinta gobolka Banaadir iyo arrimo kale. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in la isla afgartay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin, inaan la siyaadadeyn amniga, in ciidamada iyo hey’adaha amnigu ay ka madax banaanaadaan siyaasadda dalka, hadii uu dhaco khalad farsamo inaan la siyaasadeyn, gobolka Banaadir iyo dadka ku nool in wax laga badalo xaaladaha ay hadda ku jiraan, sida in la helo matalaad dhab ah, in la qurxiyo iyo in la dhiso kaabayaashiisa dhaqaalaha, isagoo sheegay in Farmaajo uu ka aqbalay arintaas wixii farsamo ahna ay isago u taallo. “Jawiga uu wadahadalkaas noogu bilaawday wuu fiicnaa, waxaana is leeyahay wadahadalada kale ee soo socdana wey ka sii fiicnaa doonaan, waxyaabihii ugu haboonaa oo dadku ay u dhag taagayee waxay ahaayeen arimaha doorashooyinka, ka hadalka arintaas waqti badan ayaan galinay, waxaana isla soo fahanay in dalkaan ay doorasho ka dhacdo waqtigeeda, wax kororsiimo ahna aysan jiri doonin, iyadoo doorashadaas ay ka wada qeyb gali danaan dhamaan hey’adaha dastuuriga ah, wixii aan isla garanayna dad farsamo ayaa loo magacaabi doonaa oo loo xilsaari doonaa si ay u dhaqan galiyaan” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud. Hadalkiisa ayuu sii raaciyay, “Gaba gabadii waxaan isla garanay oo isla meel dhignay in dalkaan uu dagaal ku jiro, in loo midoobo dagaalka ka dhan ka ah Al-Shabaab, shacab iyo siyaasi waa inaan u midownaa dagaalka aan kula jirno, dhamaanteen ayuu cadaw nagu yahay, in Shabaab dalka laga xoreeyo sida ugu dhaqsiyaha bandanna waan isla garanay”. Halkaan ka Daawo
-
(SLT-Tehran)-Xukuumadda Tehraan ayaa u yeedhay safiirka Swisserland ahna matalaha Iiraan iyo Mareykanka ugu kala dabqaada danaha labada dhinac, si wax looga weydiiyo dibadbaxyada rabshada wata ee ruxay magaalooyinka waaweyn ee dalka Iiraan. Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in Washington ay wado faragalin gudaha oo ka dhan ah maamulka Kacaanka Islaamiga. Mr Markus Leitner ayaa looga yeedhay xarunta wasaaradda arrimaha Dibadda waxaana la hordhigay cabasho toos ah oo la xidhiidha talaabada uu Mareykanka ku taageeray dibadbaxyada rabshada wata ee gilgilay dhowr magaalo oo ku yaalla dalka Iiraan. Rabshadaha ayaa yimid kadib markii dowlada Iiraan ay qiimo kordhin ku sameysay Gas-ka taasi oo dhalisay cadhada dadweynaha. Wasiirka arimaha dibada Mohammad Javad Zarif ayaa canbaareeyay dadaalada Mareykanka uu ku doonayo in uu ku burburiyo dhaqaalaha Iiraan waxaana uu intaa ku daray in qawaaniinta caalamiga ah xitaa ayna ku jirin habdhaqanka Washington. Mr Zarif ayaa intaa ku daray in Mareykanka uu qaadi doono mas’uuliyada waxwaliba oo ka dhaca Iiraan ayna la xisaabtami doonaan. Todobaadkii hore ayay aheyd markii xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo uu sheegay in Washington ay taageereyso dadka wada dibadbaxyada lagaga soo horjeedo maamulka Iiraan. Source
-
(SLT-Yube-Badhan)-Saacadihii lasoo dhaafay waxa soo baxayay in koox ka mida dagaalyahanka Alshabaab ay soo galeen degaanka Bariga Sanaag ee lagu magcaabo Gacan Maroodi ee Buuralayda Silsilada Golis oo dhinaca Woqooyi ka kulaalaya Yube oo ka tirsan Gobolka Sanaag. Wararka la xidhiidha Alshabaab in lagu arkay Degaanka oo qaar ka mida warbaahint maxaliga ee Puntland ay sheegeen ma jrin cid xaqiijisay sugnaanshahooda, balse masuul ka tirsan Ciidamada Puntland oo u waramay warbaahinta maamul Gobaleedka Puntland, ayaa sheegay in koox ka tirsan dagaalyahanada Alshabaab oo tiradooda uu ku sheegay 70 ay galeen Degaankaa oo ah gudaha xadka Somaliland . Jiritaanka wararka waxa si adag u beeniyay Guddoomiyaha Degmada Yube Boqor Ibraahin Maxamed Xasan, wuxuuna isagoo ku sugan xalay deegaanka Yube u sheegay Weriye Cabdishakuur Haybe oo khadka Telefoonka kula xidhiidhay in aan waxba ka jirin warkaa. Guddoomiyaha Yube, wuxuu ku tilmaamay wararka sheegaya in Alshabaab soo galeebn deegaankaa kuwo laga leeyahay ujeeddooyin siyaasadeeed oo ka dhan ah degaanka, Isla markaana, wuxuu ku eedeeyay masuuliyiinta maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland inay wararka noocaa ah oo dacaayad ah ka ka leeyihii danno siyasadeed iyo in lagu carqaladeeyo Nabadgalayada Somaliland. “Deegaanka ay sheegayaan annaga ayaa joogna, waa deegaankayagii, ma jiraan wax soo galay iyo wax jooga, wana warar been abuur iyo dacaayad ah oo maamulka Puntand doonayo inuu ku carqaladeeyo nabadgelyada deegaanka iyo deganaanshaha Somaliland” ayuu yidhi, Guddoomiye Ibaaraahim. Sidoo kale, wararka La xidhiidhay In koox ka mida Alshabaab ay soo galeen degaanada bariga Gobolka Sanaag,oo warbaahinta qaarkeed ay faafiyeen, iyagoo soo xiganaya saraakiisha Puntland ayaa noqday kuwo aanay waxba ka jirin, sida ay xaqiijiyeen dad kale oo ku sugan deegaanka. Alshabaab waxay xarumo ku leedahay Soomaaliya, iyada oo dagaal kula jirta dhawr iyo tobankii sannadood ee u danbeeyay Dawlada Somaaliya iyo ciidamada Amison ee Ilaaliya Xukuumada Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddihii ka horeeyay, iyadoo weeraro iyo qaraxyo ka waday Magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo Badiba Degaanada Koonfurta iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya. Galgala oo ka tirsan deegaanada Puntland ee Buuralayda Calmadow ee duleedka koonfur galbeed kaga beegan Boosaaso ayaa lagu arkay 2010, kooxdaa oo ku bilaabantay xilligaa malayshiyo dadka deegaanka ah oo diidanaa in macdan iyo khayraad kale maamulka Puntland oo adeegsanaya shiraddo shisheeye ka gurtaan deegaanka, waxa horjooge u noqday Sheekh Maxamed Attam kaas oo 2015, si cad uga dhawaajiyay inay ku biireen Ururka Al-shabaab ee xidhiidhka la leh Ururweynaha Al-Qaida ee ka dagaalama Soomaaliya. Sh. Attam iyo kooxdiisa ka mid noqday dagaalyahanada Alshabaab, waxay kordhiyeen xilligaa weerradii ay ku hayaan maamulka Puntland iyo dagaalkii ay kula jireen, iyagoo marar badan weeraro iyo qaxyo ka gaystay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, kuaas oo sababy khasaare badan ay u geysteen ciidamada maamulka Puntland oo muddo sanando ah ay dagaal kula jiraan, welina kulaalayaan magaalada Boosaaso oo ah deegaanka galgala ee saldhga u ah kooxdaa mudada sheer, Kooxda Alshabaab ee fadhigoodu ahaa Degaanka Galgaa, ayaa Sannadkii 2016, si lama filaan ah u shaaciyey inay ku biireen Kooxda Dacaashish ee ka dagaalama Suuriya, Ciraaq iyo meelo kale, waxayna mudadaa joogteeyeen weraradii iyo hawlgalaadii ay ka fulinayeen gudaha magaalada Boosaaso iyo Wadada halbawlaha ah ee isku xidha Garoowe Iyo Boosaaso. Waxaana la xusuusan yahay in weerraradii ugu khasaaraha badnaa ay ugu danbeeyeen weerrarkii, June 2018-kii ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Badda Puntland ku lahaayeen duleedka Boosaaso oo ay deganaayeen Ciidanka ay Tababartay Shirkadda hawgalada iyo tababarka ee Saracen oo loo soo gaabiyo (SCS), iyagoo saldhigaa ka kaxaystay gadiid iyo saanad Millateri, isla markaana geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ciidanki ku sugnaa Saldhigaa. Maaha markii u horreysay ee Maamulka Puntland sheegaan in deegaanka Bariga Sanaag ee xadka Somaliland ay soo galeen Alshabaab, balse waxa marar baddan dhacday in Maamulka Puntland sheegaan warar noocaa ah, iyagoo xukuumadda Somaliland ku eedeeya inay gacan siiso Kooxda Degan Galgala ee uu hore horjoogaha ugu ahaa Sheekh Maxamed siciid Attam ka hor intii aanu kala wareegin Sh Cabduqaadir Muumin oo ah Hogaamiya Xilligan ee kooxda Galgala, kaasi oo ahaa Maskaxdii ka danbaysay In Kooxda fadhigeedu yahay Galgala ay 2015, si cad u sheegaan inay ku Biiraan Daacish oo ah kuwa loo soo gaabiyo ISIS, dawladda Islaamiga ha ee hoggaamiyahoodii Abu Bakar Al-baghdadi, Maraykanku sheegeen inay dileen Oct, 2019. Alshabaab, ayaa xilligaa si weyn uga cadhootay in Sheekh Cabduqaadir iyo kooxdiisa fadhigoodu ahaa Buuralayda Galgala ku dhawaaqaan inay ku biireen Daacish, waxaana wixii mudadaa ka danbeeyay marar badan ay mararbadanMaamulka Puntland Warbaahinta ka sheegeen In Lagu Khaarajiyey Sheekh cabduqaadir muumin hawlgalo Maraykanka Iyo Xulafadiisi ay ku fuliyeen degaankaasi, Balse Sheekh Cabdiqaadir ayaa warkii ugu danbeeyay ee sheegayay in ka khaarajiyay beeniyay horaantii sannadkan ay nu jirno ee 2019. Warbixintan Waxa Diyaariyey, Carraale M, Jaamac; Freelance Journalist And Human Rights Activist Based In Somaliland Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Dawladaha Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa kala saxeexday heshiis isfaham oo laba geesood ah, kaas oo ay labada dhinac iska kaashanayaan arimo ku saabsan difaaca iyo Milatariga. Heshiiskan isfaham ayaa waxa dawlada Ethiopia ku matalayey Wasiirka Gaashaandhigga dalka Ethiopia Lemma Megersa, halka dhinaca Imaaraadkana uu u saxeexay Maxammed bin Axmed Al Bowardi, oo ah Wasiirka arimaha Difaaca ee dalkaasi. Wasiirka Difaaca Lemma ayaa munaasibada ka sheegay in dalkiisu aad ugu hanweyn yahay sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka wadashaqayneed ee dhinaca difaaca ee labada dal ee Ethiopia iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo la raacayo danaha qaan-gaadhka ah ee labada dal. Halka Maxamed bin Axmed Al Bowardi, uu dhiniciisa isna sheegay in heshiiskani uu hoosta ka xariiqayo xidhiidhada wadashaqayneed ee dalkiisu la leeyahay saaxibada caalamka. Source
-
Shirkadda duulimaadka diyaaradaha Afrika ayaa duulimaadkeedii ugu horeysay ka bilowday Muqdisho ilaa magaalada Baraawe ee gobalka Shabeellaha hoose. Shirakadda duulimaadyada Afrika Airweys ayaa maanta duulmaad toos ah ku gaartay magalada Baraawe ee gobalka Shabeellaha hoose , waxaana diyaarada la socday rakaab is kugu jira mas’uuliyiin iyo dadka shacab ah. Mas’uuliyiinta shirkadda ayaa sheegay in duulimaad diyaaradda Afrika ay ka faa’ideysan doonaan xujeyda ganacsatada dadka qurbajoogta ah ee daneynaya in ay tagaan magaalooyinka Baraawe iyo Muqdisho iyo bulshada qeybaheeda kala duwan. Shacabka ku nool magaalada Baraawe ee caasimadda dowald gobaleedka Koofur Galbeed loo asteeyey ayaa aad u soo dhoweeyey duulimaadka ay shirkadda dulimaadyada diyaaradaha Afrika ay ka biloowlay magaalada ayadoo dayactir xoogan uu ka socdo garoonka diyaarada ee Baraawe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa maanta kulan gaar yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo mas’uuliyiin ka socota madasha xisbiyada qaran sida madaxweyneyaasha Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh. Qodobada Madaxweyneyaashu ka wada haldeen, la iskuna afgartay: 1. Farmaajo wuxuu ka garaabay kana soo hoyday ficiladii foosha xumaa ee ay kula dhaqmeen Madaxweyneyaashii hore. 2. Waxaa la isla gartay doorashada hay’adaha dastuuriga ah oo dhan in ay xiligeedii ku dhacdo. Dhamaan dowlada federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamilayda siyaasadeedna ka heshiiyaan modelka doorashada 2020 – 2021 3. Inla dhowro dastuurka, xuquuqda iyo xorriyaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed. 4. Ciidamada siyaasada in laga dhex saaro. Siyaasiintuna aysan amniga siyaasadeyn. 5. La dagaalanka Alshabaab in meel looga soo wada jeesto. 6. Qodobo kale oo laga wada hadlay lkn lagu balamay in marka la iskaga yimaado oo laga wada hadlo ayaa jira. Dhinaca kale, ilo gaar ah ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey inuu Farmaajo berri subax 10-ka subaxnimo casuumay hoggaanka dhammaan xisbiyada qaran si arrimahan loogala hadlo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-habeen-20112019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh ayaa kusoo geba-geboobay madxatooyada qaranka ee Villa Somalia. Sida aan kasoo xiganay xubno sare oo ka mid ah Madasha Xisbiyada Qaran iyo Villa Somalia waxaa laga wada hadlay lix qodob oo muhiim ah oo la isku wada raacay, kuwaas oo kala ah:- 1 – Madaxweyne Farmaajo waxa uu ka garaabay, raali gelinna ka bixiyey is-hortaagyo madaxdii hore ee dalka lagu sameeyey xilli ay doonayeen inay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde. 2 – Waxaa la isla gartay in doorashooyinka hay’adaha dastuuriga ah oo dhan ay xiligooda ku dhacaan. Dhamaan dowlada federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamilayda siyaasadeedna ay ka heshiiyaan noocaa doorashada. 3 – In la dhowro dastuurka, xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed. Islamarkaana taas ay si isku mid ah u ilaaliyaan dowladda iyo xisbiyada mucaaradka. 4 – Inaan hay’adaha amniga loo adeegsan siyaasadda, islamarkaana siyaasiinta aysan siyaasadeysan amniga. 5 – In meel looga soo wada jeesto la-dagaalanka Al-Shabaab, islamarkaana si wadajir ah looga shaqeeyo amniga. Waxaa sidoo kale jira qodobo kale oo laga wada hadlay balse lagu ballamay in mar kale la iskaga yimaado oo laga sii wada hadlo kadibna go’aan laga gaaro.
-
(SLT-Jabuuti)-Dalka Jabuuti ayaa waxaa ka taagan dood la xidhiidha go’aan lagu magacaabay guddi qiimeeya inay xilalka u qalmaan iyo in kale masuuliyiinta xilalka loo magacaabo, ka hor inta aan golaha wasiirrada la horgeyn. Guddigan ayaa waxaa wareegto ku meel mariyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Muqdisho)-Almaas Elman Cali oo ahayd gabadh dhalinyaro ah ayaa goor dhawayd lagu dhex dilay Xerada Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Xalane, oo ku taalla Magaalada Muqdisho. Gabadhan oo wadatay gaadhi nooca raaxada ah ayaa waxaa la soo sheegaya in lagu dhex dilay Xerada Ciidanka Amisom, iyadoo aan la garanayn cidda dishay. Almaas Elman ayaa waxay hore u soo noqotay Xoghayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, sidoo kalena waxay ka shaqaysaa arrimaha xuquuqul insaanka. Almaas ayaa waxaa dhalay Elman Cali oo u dhaqdhaqaaqi jirtay xuquuqda aadanaha. Booliska Soomaaliya ayaan weli ka hadlin cidda dishay gabadhan oo samafal ahayd. Source
-
Peace activist former Somalia’s first secretary at the embassy in Kenya, Almas Elman shot dead in a heavily fortified compound in Mogadishu on Wednesday. It is not immediately clear how the killing happened but witnesses say Almas succumbed to injuries sustained from gunshot wounds while undergoing treatment at the hospital. Other sources say it was a stray bullet that hit the victim. Sister to Nobel Peace Prize nominee, Ilwad Elman she served at the Somali Embassy in Kenya between 2016 and 2017. Her younger sister Lieutenant Col Imaan Elman is a member of the Somalia National Army. Their father, Elman Ali Ahmed, a peace activist was shot dead in March 1996 in Mogadishu. View the full article
-
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in goor dhoweyd ay xabad ku dhacday u geeriyootay Almaas Elman Cali Axmed oo la dhalatay gabadha u sharraxan billadda Nabadda Nobelka ee Elwad Elman. Almaas Elman ayaa sida la sheegay xabadi ku dhacday xilli ay ku sugneyd xarunta ay deggan yihiin Safaaradaha iyo dibloomaasiyiinta reer Galbeedka ee loo yaqaanno XALANE oo kamid ah meelaha sida weyn amnigooda loo ilaaliyo. Balse weli faahfaahin iyo xog sugan lagama soo werin cidda ka dambaysay rasaasta ay ku dhimatay Almaas iyo halka laga soo riday midna marka laga reebo in la xaqiijiyay xabad in ay u dhimatay. Almas Elman oo mar soo noqotay xoghayaha joogtada ah ee Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalka Kenya haddana waxay u ol’olayn jirtay xuquuqda Haweenka. PUNTLAND POST The post Almaas Elman oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Somalilan Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta deegaanka Darar-weyne ee duleedka magaalada Hargeysa ka daah-furay mashruuc lagu tababarayo dufcaddii ugu horraysay ee loo carbinayo inay noqdaan saraakiil ciidan oo wiilal iyo gabdho Jaamiciyiin ah ka kooban. Madaxweynaha Somaliland waxaa munaasabadaas kala qaybgalay taliyayaasha kala duwan ee ciidamada Booliska, Militeriga, Badda iyo Asluubta, wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, waxayna laga jeediyeen hadallo lagu dhiirrigelinayo saraakiisha da’da yaryar ee la filayo inay halkaas kasoo aflaxaan. Qaar kamid ah saraakiisha dhinaca tababarrada u qaabilsan ciidamada Somaliland iyo saraakiisha madaxda ka ah kulliyada tababarka oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dedaalka ay hoggaan ahaan u galeen in la hirgeliyo mashruuc lagu carbinayo da’yarta jaamacadaha kasoo baxday ee loo carbinayo sarkaalnimada, waxaana ay shaaciyeen inay diyaariyeen dhammaanba qaybihii kala duwanaa ee waxbarashada ee dhallinyaradaasi u baahan yihiin iyo macallimiintii laylin lahayd saraakiishaas da’ da yar. Taliyaha ciidamada militeriga Somaliland, Gen. Nuux Ismaaciil Taani, ayaa nasiib iyo hoodo gaar ah ku tilmaamay in saraakiisha cusubi dalkooda dhexdiisa ku helaan dhammaanba qaybihii kala duwanaa ee waxbarashada, sida dugsigii Hoose, kii dhexe, kii sare, Jaamacaddii iyo kulliyaddii tababarka saraakiisha, waxaana uu dhallinyarada kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan tababarka ay nasiibka u heleen, una dhabar adaygaan sidii ay u dhammaysan lahaayeen. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhallinyarada cusub ee loo carbinayo saraakiisha u jeediyey khudbad la xidhiidha hawlaha sugaya, muhiimadda iyo karaamada ku jirta inuu qofku kamid noqdo ciidamada kala duwan ee dal. Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey in saraakiisha cusub ee loo carbinayo saraakiilnimada ay haystaan jidkii Somaliland lagu ilaalin lahaa, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxaad bilaabaysaan jidka ah aniga naftaydu waa inay ilaalisaa dalka iyo danihiisa oo ay khatar walba u badheedhaa qof aan taas yeelinina garaaddona ma qaato askarina ma noqdo oo waa is yeel yeel uun.” PUNTLAND POST The post Somaliland oo dhalinyaro jaamiciyiin ah u tababaraysa saraakiil ciidan appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
