Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,996
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. President, Mohamed Abdullahi Farmajo held talks with the leaders of main opposition political parties in the country on Wednesday. The meeting which lasted for close to three hours and held at the official residence of the head of state, Villa Somalia was attended by the leader of Himilo Qaran party, Sheikh Sharif Sheikh Ahmed and the party leader of United for Peace and Development Party, Hassan Sheikh Mohamud. The meeting resolved that the upcoming Presidential elections will be conducted on time. The government also pledged that all relevant agencies and laws will be ready for the success of the crucial democratic process in the horn of the African state. According to a press statement by the two opposition leaders after the meeting, the model of the election come 2020/21 will be decided by the political stakeholders. Other significant points agreed between President Farmajo government and the opposition leaders include, united effort to combat the war against al-Shabaab, respect to the constitution, human rights and desist from politicizing the work of security agencies. View the full article
  2. Oraahyada laga diiwaan galiyay madaxweynihii hore Soomaaliya Maxamed Siyaad Bare waa kuwo ilaa haatan la hadal haayo oo muran badan dhaliyeen halka qaarkoodna ay ahaayeen kuwo arimo xasaasi ah taabanayeen. Siyaad Barre wuxuu Soomaaliya ka talinaayay intii u dhaxeeyay 1969 ilaa 1991 kadibna xukunka waa laga tuuray waxaana xukuumadiisa lagu eedeeyay inay ahayd middii ugu xumeed eek u xad gudubtay xuquuqul insaanka qaarada Afrika. Marka dalka wuxuu ku qabsan afgambi aan dhiig ku daadanin laakiin isaga xukunka waxaa looga tuuray dagaalo dhiig badan ku daateen wuxuuna Soomaaliya hogaankeeda ka tagay xili dalka qarka saarnaa macluul dagaal sokeeyana dhexda ka galay waxaana intaas kaga daran in dalka dowlad rasmi ah helin ilaa laga soo gaaro 2012. Oraahyadii mudane Barre Laga Diiwaan galiyay: Mar Siyaad Barre wax laga weydiiyay aragtidiisa ku aadan sida middowgii Soviet ula dhaqmay Soomaaliya wuxuu yiri “Waa habkii ugu xumaa ee dal awood badan u dhaqmo, waa doqonimo, waa isla weynin, waa arin cabireysay sida wadan awood badan awoodiisa banaanka usoo dhigaayay nasiib daro ma jirto oraah xigmadeysan oo aan ku qayaxi karo sidii Soviet-ka noola dhaqmeen” Waa oraah uu ku cabiraayay dagaalkii 1977 iyo Soviet-kii marka ay garab siiyeen Itoobiya. Siyaad Barre mar uu ka hadlaayay danta qaranka laakiin su’aasha waxay ahayd yaa qayaxo danta qaranka marka dalka kaligii taliye hogaamiyo wuxuuna yiri “Waan taageeraa aragti siyaasad kasto taasi oo danaheyga mataleyso haddii ay ahaan laheyd SSC/Khaatumo/Darwiishland/Centre North State ama urur walbo oo danaheena ka shaqeenayo. Siyaad Barre mar uu ka hadlaayay isbadalka dhaqaalaha Soomaaliya lagu sameeyay waa bilawgii sanadihii xukumadiisa hogaanka ku cusbeyd wuxuuna yiri “Kacdoonkeena dhaqaale aan bilaawnay waxaan aaminsanahay inaan bur burinay dhaqaalihii macmiilkeena uu ku xirnaa kaliya waxa dalka lasoo galiyo waxaana noqonay kuwo xor u ah inay go’aan ka gaaraan aayahooda. Sidaa darteed anagoo ka garwaaqsanay dannaha shacabkeena Soomaaliyeed, hormarkeena wuxuu ku jiraa inaan ku dhawaaqno in Soomaaliya tahay dal hanta wadaag ah.” Halkaan hoose ka daawo iyadoo dhameystiran 
  3. A court may force Somalia to shell out millions of dollars in breach of a contract the previous Federal Government under President Hassan Sheikh Mohamud had signed with a Dutch company. An investigative report published by wardheernews, a Somali news website, brings to light how pledges made at London Somalia Conference in 2013 and a subsequent one held in Brussels in 2014 led the the Federal Government of Somalia to contract a Dutch company, Atlantic Marine and Offshore Group (AMO), to build ships for “Somali coastal guards”. Somalia and AMO signing the contract on July 29, 2013 Complications emerged when the Dutch company invoiced the Somali government, which did not honour the agreement on grounds that it does not have contract documents it had expected to receive from the contractor. In 2016 the Somali Ambassador to EU, Ali Said Fiqi, paid a visit to a shipyard event under the rubric “made for Somalia” although relations between the Somali Federal Government and the Dutch company had then soured beyond repair. ” All indications seem to suggest that AMO will win the arbitration in Rotterdam, Netherlands, and that Somalia will have no recourse but to abide by the legally binding decision. Sources have told me that the Dutch government has been pressuring the Somali government to accommodate AMO and pay millions of dollars in a settlement” writes Hassan Abukar, the author of the report. The Federal Government Somalia, already grappling with maritime dispute with Kenya, has not commented on its role in the court proceedings or whether it has been aware of the breach of contract case against its predecessor. © PUNTLAND POST 2019 The post Breach of Contract May Cost Somalia Millions appeared first on Puntland Post.
  4. Maanta oo ay ku beegan tahay 21-ka November, waxaa loo dabaal degayaa maalinta Macallinka Soomaaliyeed, iyadoo sanad walba sidaan oo kale loogu dabaal dego. Macallinka oo ah hagaha bulshada, islamarkaana hadii aanu jiri lahayn aysan suurtagal noqon lahayn in la helo bulsho wax taqaan, ayaa hadana maanta shacabka Soomaaliyeed waxay u tahay maalin aad iyo aad ugu qiimo badan. Guud ahaan gobalada dalka Soomaaliyaa ayaa laga xusayaa maalintaan qiimaha badan, iyadoo ay jiraan munaasabado maalintaan loogu dabaal degayo. Macallimiinta Soomaaliyeed ayaa usoo dhabar adeegay in heerka waxbarasho ee dalka haatan marayo gaarsiiyaan, xilli 25-sano oo burbur ah dalku soo maray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo Shalay Muqdisho ka furtay Shirka wadatashiga horumarinta siyaasadda iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in Maanta lasoo gaba-gabeeyo. Shirka oo laba Maalmood soconayay ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha, xubno ka socday iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed iyo qubaro ku xeel dheer dhanka Beeraha. Kulanka ayaa lagu falanqeeyay u jeeddada laga leeyahay dejinta siyaasadda lagu horumarinayo iskaashatada Beeraleyda Soomaaliyeed, iyadoo dhinaca kale ay ka qeyb galayaashu is weydaarsadeyn doodo iyo fikrado ku saabsan wax ka beddalka iyo wax ku daridda sharcigan, xoojinta wada shaqeynta iyo horumarinta wax soo saarka Dalka. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Soomaaliya, Xaamud Cali Xasan oo shirka daahfuray ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Wasaaradda Beeraha iyo iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaliyeed oo uu tilmaamay in ay Dalka muhiim u yihiin. Maxamuud Abiikar, oo ku hadlay Magaca iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay sharcigan aqrin doonaan isla markaana ay u kuurgeli doonaan waxyaabaha wax ka beddalka u baahan iyo hadii ay jiraan qodobbo lagu daro sharcigan. Professor; Yaxye Yuusuf Xaaji, oo ah qoraaga sharcigan ayaa sheegay in siyaasadda iskaashatada Beeraleyda Soomaaliyeed ay faa’iido weyn u leedahay Dalka maadaama ay muhiim u tahay wax soo saarka Beeraha iyo in la gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah oo dhameystiran. Source: goobjoog.com
  6. Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday C/llaahi Cali Aaden oo qeyb ka ahaa weerar Sanad ka hor lagu qaaday Xarun uu Magaalada Gaalkacyo ku lahaa Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare. Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida oo dhegeysiga kiiskan u tagay Magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday -, Cabdullaahi Cali Aadan, wuxuuna xukunkaan dhacay maalintii shalay ahayd. Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada ayaa sheegtay in ninkaasi uu Al-Shabaab kaga biiray Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay, isla markaana uu ka qeyb qaatay weerarro iyo dilal loo geystay Askar ka tirsanayd Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo DadShacab ah. Source: goobjoog.com
  7. MOGADISHU (HOL) - The 2020/21 elections must be held in time and without delays, a meeting between President Mohamed Farmajo and opposition leaders resolved Wednesday. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shiikh Cabdulqaadir Shiikh Maxamed Shiikh Abuubakar (Sh. Soomow) oo ah Afhayeenka Golaha guud ee Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hor imaaday muxaarado la sheegay inuu Berri Garoonka Eng. Yariisow ee Magaalada Muqdisho ku qaban doono Shiikh Umul oo dhawaan soo gaaray Magaalada. Shiikh Soomow ayaa Shiikh Umul ku eedeeyey inuu sabab u yahay isaga fidnada iyo musiibada ka jirto dalka isla markaasna aan la aqbali karin inuu isaga qabto muxaarado ka hadleyso fidnada iyo sida looga hortagi karo musiibooyinka. Shiikh Soomow ayaa Umul ku eedeyey inuu faafiyo Caqiido qaldan isla markaasna uu Culimada Ahlu Sunna ka aaminsan yahay inay yihiin Gaalo. Wuxuu sheegay in culumo badan oo uu gaaleysiiyey dartiis ay qabri ugu jiraan dadka Muqdishana ay og yihiin arrintaas. Soomow ayaa sidoo kale Umul ku eedeeyey inuu dhiira geliyo Ururka Al-Shabaab isla markaasna uu aaminsan yahay caqiidadooda. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey inuu xalaaleeyey Hilibka Waraabaha, sidaas darteedna aan laga dhageysan karin muxaarado uu jeedinayo inta uu ka towbad keenayo dhammaan waxyaabahaas, isagoo intaas ku daray inaysan jirin fidno ka weyn in dadka laga lumiyo caqiidada saxda ah. Dadka Muqdisho ayuu ugu baaqay inaysan ka qeybgelin muxaadaradaas, wuxuuna Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay sameysay qalad weyn oo ah in Telefishinka Qaranka oo ah meel dadka laga hanuuniyo lasoo geliyo Shiikh Umul oo sheegayo inuu qabanayo muxaarado ku saabsan sida looga hortagi karo musiibooyinka. Halkaan hoose ka daawo hadalka Shiikh Soomow 
  9. Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu dib u dhacay kulan lagu waday in uu saaka madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo la yeesho dhammaan xisbiyada qaran ee dalka ka jira. Ilo ka tirsan xisbiyada oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi Fuursade uu la soo xiriiray hoggaanka xisbiyada una sheegay in shirkii lagu waday maanta uu u dib dhacay sabtida 9:30 subaxnimo. Sababta waxaa lagu sheegay Farmaajo oo kulamo kale oo degdeg ah galaya. Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay kulan gaar ah waxaa uu la yeeshay madaxweyneyaashii hor Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, waxaana lagu go’aaamiyey: Qodobada Madaxweyneyaashu ka wada haldeen, la iskuna afgartay: 1. Farmaajo wuxuu ka garaabay kana soo hoyday ficiladii foosha xumaa ee ay kula dhaqmeen Madaxweyneyaashii hore. 2. Waxaa la isla gartay doorashada hay’adaha dastuuriga ah oo dhan in ay xiligeedii ku dhacdo. Dhamaan dowlada federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamilayda siyaasadeedna ka heshiiyaan modelka doorashada 2020 – 2021 3. Inla dhowro dastuurka, xuquuqda iyo xorriyaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed. 4. Ciidamada siyaasada in laga dhex saaro. Siyaasiintuna aysan amniga siyaasadeyn. 5. La dagaalanka Alshabaab in meel looga soo wada jeesto. 6. Qodobo kale oo laga wada hadlay lkn lagu balamay in marka la iskaga yimaado oo laga wada hadlo ayaa jira. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Waxaa lasoo gaba-gabeeyay koobkii kubbadda cagta dhallinyarada ee sanadka 2019-ka, waxaana ku guuleysatay kooxda Daaru Tarbiya [DT]. Tartanka dhallinyarada ayaa la qabtaa sanad kasta tan iyo markii uu billowday sanadkii 2016-kii wuxuuna tartankii socday bishii May ilaa November 2019. Kooxda DT ayaa urursatay 54 dhibcood oo kaga filnaaday in ay ku guuleysato tartanka dhallinyarada. Inta badan cayaaraha tartankan ayaa ka dhacay xarunta farsamada xiriirka, iyadoo cayaartii ugu dambesyana lagu marti geliyay garoonka Banaadir, waxaana cayaaraha oo dhami dhici jireen maalmaha khamiista iyo jimcaha. Dhallinyaro da’doodu u dhexyso 15-16 ayaa ka qeyb galay tartanka waxaana ay kala matalayeen 14 kooxood. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xiriirka Cali Cabdi Maxamed ayaa sheegay in tartankani uu muhiimad gaar ah u leeyahay xiriirka,maadaama uu soo saaro dhallinyaro tayo wanaagsan oo loo isticmaalo xulalka qaranka. “Waxaan jeclahay in aan FIFA uga mahad celiyo taageerada dhinacyada kala duwan leh oo ay na siiso, taas oo suuragal ka dhigtay in xiriirku horumariyo kubbadda cagta dalka min bilow ilaa heerka ugu sareeya”ayuu yiri Cali Cabdi Maxamed Cali (Shiine) oo ah guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee X.K.Cagta Soomaaliya. Wuxuu guddoomiye ku xigeenku sheegay intii tartanku socday in khubaro ka tirsan waaxda farsamada Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ay xuleen cayaaryahanadii ugu wanagasanaa, kuwaas oo dhawaan loo diyaarin doono qorshe tababar,si loosii horumariyo xirfaddooda kubbadda cagta loogana faa’ideeyo mashruuca qaranka. Somali Football Federation Media Department Source: goobjoog.com
  11. Gudoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya ahna xubin ka mida guddiga fulinta CAF, Cabdiqani Saciid Carab, ayaa ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo uu uga qeyb galayo shirka guddiga fulinta Caf oo looga hadli doono arrimo dhowr ah oo quseeya horumarinta kubbadda cagta qaaradda. Shirka guddiga fulinta CAF ayaa sida qorsheysan ka dhacaya magaalada Qaahira maanta oo Khamiis oo ay taariikhda tahay 21 Novemrber 2019 waxaana looga doodi doonaa qodobbo aad u muhiim ah oo la xiriirka horumarinta kubbadda cagta qaaradda Africa,Soomaaliya ayaa xubin firfircoon ka ah guddiga fulinta CAF. . Sida ku cad jadwalka shaqo ee guddoomiyaha mudane Cabdiqani Saciid Carab, uu maalinta jimcaha ah daawan doonaa cayaarta kama dambeysta ah ee koobka qaramada Africa ee dhallinta da’doodu ka yar tahay 23-ka sano, iyaddoo kaddibna uu dalka dib ugusoo laaban doono insha Allah. Somali Football Federation Media Department Source: goobjoog.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Ergadii ku hawlanayd dhexdhexaadinta madaxweynaha Somaliland iyo xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaanay wali u suurtogalinay inay la kulmaan Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi. Ergadan ka kooban Madaxweyneyaal hore Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Axmed Yuusuf Yaasiin, xisbiga mucaaridka ah ee UCID iyo odayaasha madasha wada-tashiga ayaa la filayaa inay maanta la kulmaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ergadu shalay waxa ay la kulantay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin maanta la filayaan inay kulan la qaataan Madaxweyne Biixi sida ay sheegayaan wararka aanu helaynaa. Source
  13. Eedaysanaha la xukmay Maxkamadda Derejada Kowaad ee ciidamada Qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta xukun dil ah ku ridday nin dhalinyaro ah oo ku eedaysan, in uu falal argagixiso ka geystay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Eedaysanaha xukunka lagu riday oo magaciisu yahay, Cabdullaahi Cali Aadan ayaa sida la sheegay Al-shabaab ku biiray sannadkii 2014-ki, isagoo mudadii uu ka tirsanaa geystay falal argagixisanimo oo kala duwan iyo dilal qorshaysan. Eedaysane Cabdullaahi Cali Aadan ayaa si gaar ah loogu helay in uu wax ka fuliyay weerar 26 bishii November 2018 ay Al-shabaab ku qaadday xarun uu koonfurta Gaalkacyo ka degganaa wadaad lagu magacaabi jiray Sheikh Cabdiweli Cali Cilmi yare. Weerarkaasi waxaa ku dhintay wadaadkii iyo xubno kale oo xertiisa gaarka ah kamid ahayd, kuwaasi oo ay ku jireen carruur iyo haween sida ay xilligaasi shaaciyeen Booliiska dowlad goboleedka Galmudug. Guddoomiyaha Maxkamadda Derejada Kowaad ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, G/sare Xassan Cali Nuur Shuute oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in eedaysanaha lagu helay dhammaan denbiyada ay ku soo eedaysay xeer-ilaalinta ciidamada. Guddoomiye Shuute oo xukunka kaga dhawaaqay magaalada Gaalkacyo ayaa ugu dambeyntii xukmanaha u sheegay in uu haysto fursad uu rafcaan ku qaadan karo haddii uusan ku qancin xukunka ay maxkamaddu ku ridday. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo xukun dil ah ku ridday eedaysane lagu helay Shabaabnimo appeared first on Puntland Post.
  14. Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Nin loo heysto weerar lagu qaaday 26-kii Bishii 11aad ee sanadkii 2018 Xarun uu Magaalada Gaalkacyo ku lahaa wadaad lagu Magacaabi jiray Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare. Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur SHuute oo dhegeysiga kiiskan u tagay Magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday Cabdullahi Cali Aadan. Xeer Ilaalinta Maxkamada Ciidamada ayaa sheegtay in ninkaasi uu Al-Shabaab kaga biiray degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay, isla markaana uu ka qeyb qaatay weeraro iyo dilal loo geystay askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Weerarka Xarunta Candiwali Cali Cilmi Yare ayaa waxaa uu dhacay 26-kii November 2018, waxaana AL-shabaab oo weerarkaas sheegatay mas’uuliyaddiisa ku doodday in C/Wali Cali Cilmi yare uu nabinimo sheegtay inkastoo Shiikhana uu arrintaas beeniyey mar uu wareysi siiyey Idaacadda BBC ka hor dhimashadiisa. Ninkaan ka tirsan kooxdii weerarka kusoo qaaday Xaruntaas ayaa qirtay inuu gacantiisa ku dilay mid ka mid ah Ciidamada gaarka ah ee dowladda oo halkaas u tagay sidii loo soo badbaadin lahaa dadkii ku go’doomay weerarkaas. Guddooomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somalia Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in, kadib markii ay dhageysatay doodii Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada iyo qareenkii difaacayey la cadeeyey in Cabdullaahi Cali Aadan uu ka tirsanaa Al-Shabaab galayna dambiga lagu soo eedeeyey,isla markaana lagu xkumay dil toogasho uu racfaan u furan yahay.
  15. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Boqor Buurmadaw. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa wuxuu yidhi “Inuu dalku meel xun marayo waxaad ka garataa siday u hadlayaan Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedku, labada Xisbi Mucaarad haddii ay yidhaahdeen ha nalaga bedelo Ina Riyo-raac, kuma kalsoonina, xaq bay u leeyhiin, waayo ma aaminayaan oo Xisbi ayuu ka tirsan yahay, Boqorku wuxuu yidhi ma habar-jeclo ayaa la diidayaa, ee Boqor Buurmadaw waxaan leeyahay cid diidan Habar-jeclo ma jirto, Ina Riyo-raac oo qudhana Beeshu maaha ee aqoonyahano iyo mutacalimiin wey leedahay ee cid lagu bedelo Madaxweynuhu ha keeno,Ina Riyo Raacna kama wanaagsana xubnihii awalba Xisbinimada lagu diidayey, waliba kuwaas reernimo laguma diidin, haddii aan yidhaahdo reernimo ayaa lagu diidayna waa khalad, waxaynu la soconaa in Xasan Siciid hore loo diiday, Beesha Arab may odhan anaga ayaa naloo jeeda ee waa la soo bedelay, Maxamed Cismaan Fadal waa la diiday, Beesha Habar-yoonis may odhan anaga ayaa naloo jeeda, ee waa la soo bedelay, imika oo ugu dambeeysay ayuu Muuse Biixi diiday mid ka mid ah labadii xubnood ee Guurtidu gudbisay, Beesha Warsan-gali may odhan anaga ayaa naloo jeeda, ee Boqor Buurmadaw waxaan leeyahay Ina Riyo-raac reernimo laguma diidana ee waa Xisbi yahan Kulmiye ah oo fog, oo aan dhex u noqon karin Xisbiyada Qaranka, ta kale Xisbiyadu ma diidana oo qudha Ina Riyo-raac ee xitaa waxay diidan yihiin inanta, maxaa yeelay inantu waxay ka mid tahay xubnihii hore ee Komishanka, ee Xisbiyada iyo Madaxweynuhu ka heshiiyeen, reernimana laguma diidana, ee Boqor Buurmadaw inuu qaabkan u hadlo aad baan ugu xumahay”. Xildhibaan Nacnac mar uu ka hadlaayey xaalada dalka ayaa yidhi “Ninkii yidhi ila meerayso, layaab muu lahayn, waa la xidhay, in dadka masaakiinta ah la xidhana waa wixii aynu ka dhiidhinay, ee aynu Siyaad Barre kula dagaalanay, dalkiina ila meerayso ayuu galay, Madaxweynuhu ila meerayso iyo caragsi uu wado inuu ka tago weeye, ee maxaa buuqa iyo rabashka ina galinaya, waxay ahayd inuu si nadiif u bedelo xubnahan la yidhi soo bedel.” Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Cali Maxamed Yuusuf oo ku magac dheer Cali-guray oo ah siyaasi madax-bannaan ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aaddan buuqa siyaasadeed ee haatan ka dalka ka jira, gaar ahaan xubinta muranka badan dhalisay ee madaxweynuhu u soo xushay komiishanka doorashada, Cabdirashiid Riyo-raac oo dhawaan golaha wakiilladu ansixiyey. Siyaasi Cali Guray aragti ahaan waxa uu qabaa in laga wacan yahay in madaxweynuhu soo xulo xubin muran dhalisay “bal horta ha ii dambayso labada xubnood, xubinta ay isku raacsan yihiin xisbiga Ucid, waa Cabdirashiid Riyo-raac oo ah siyaasiyiinta somaliland ee caanka ah ka mida, sidayda oo kale, weliba anigu xusbi kama tirsaniye, isagu xisbi gaar ah ku suntan oo KULMIYE ah, hadday ka shakiyaan mucaaridku waa gar. Ciddi kamay dhagaysateen waddani ee waxa kusoo raacay Ucid, aniguna ma dafiri karo. Hadduu Cirro Anigoo Cali guraya soo qori lahaa, waxaan hubaa inuu Muuse Biixi (Madaxweynuhu) I diidi lahaa, anigoon weliba xisbina ku jirin. Riyo-raac waa muwaadin xaq u leh, laakiin haddii ay madaxweynaha sidaa kaga dhegan tahay, dee waxa ka fiicnayd malaha inuu wasiirka madaxtooyada ka dhigo, ama wasiirka maaliyadaba ka dhigoo, kan inaadeerkiiya uga qaado, laakiin xubin buuq dhalisa inuu madaxweynuhu soo xulo runtii ma ahayn.” Ayuu yidhi Cali Guray oo shalay warbaahinta kula hadlay hargeysa Dhinaca kale, Siyaasi Cali Guray ayaa eedeeyay xildhibaannada baarlamaanka oo uu ku tilmaamay beenaalayaal kitaabka been ugu dhaartay. “Qoladan baarlamaanka iyaga waa la yaqaanaa oo Kitaabay baalaha wada jareen, walahii beenta ahaaba qalbiga cadeeyay, iyagu halkaasay kasoo qoslayaan markuu ku soo socdo mashruucan lagu ansixinayo komiishanka oo waxay ka helaan waxkasta oo laysku qabsanayo oo sababaya inaanay doorasho dalkan ka dhicin si muddo kordhin ay u helaan. Waxa intaa u dheer, Aakhiro danteedee wixii dagan ku haameeya. Xaaraan iyo xalaal wax afkooga ka xaaraansani ma jiro. Ansixintan Riyo-raacna waxay u muuqataa inaanay doorasho ku qabsoomayn.” Ayuu yidhi Source
  17. Afgooye (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in gobolkaasi lagu gowracay laba nin, taasoo argagax ku abuurtay bulshada qaybteeda. Labadan nin ayaa waxaa xalay lagu gowracay Deegaanka Muuri oo 15km u jira Degmada Afgooye, waxayna saakay dadka ku soo tooseen meydadka labadaaasi nin oo wadada dhinaceeda yaala. Maxamed Abuukar oo ka mid ah dadka reer Muuri ayaa sheegay inay saakay ku waa-bariisteen meydadka labadaasi nin, oo qoorta ka go’an. Maxamed Abuukar ayaa wuxuu tibaaxay inaanay garanayn ciddii ka dambeysay falkaasi, sidoo kalena uu muuqaalka raggaasi ku cusub yahay. Waxaa uu intaa ku daray in bulshada ku dhaqan Deegaanka Muuri ay hadalhayso labada nin ee la surgooyay, falkaasina uu argagax-geliyay. Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaan ka hadlin tallaabada lagu gowracay labadaasi nin iyo weliba ciddii ka masuulka ahayd qoor jaristooda. Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn cidda ka dambeyso, haddana Ururka Al Shabaab ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku caan-baxay surgoynta, iyadoo ay dad badani nolosha u dhaafiyeen baasasnimo iyo inay ku eedeeyeen la shaqaynta dhinacyada ay dagaalka kula jiraan.
  18. (SLT-New York)-Nin hore ugu hanjabay in uu dili doona xildhibaan Ilhaan Cumar oo aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ku matesha Minnesota ayaa lasoo taagay maxkamad ku taallaa Magaalada New York ee dalka Mareykanka. Ninkan oo lagu magacaabo Patrick Carlenio ayaa hore baraha bulshada usoo dhigay hanjabaad uu u jeediyay Ilhaan, wuxuuna ku dhaartay in uu dili doono Ilhaan Cumar. Ninkan oo ku nool New York ayaa markii uu hanjabadaas jeediyay waxaa soo xidhay laamaha ammaanka ee Mareykanka, kuwaas oo in muddo ah u waday ku baadhitaan. Patrcik ayaa markii la keenay maxkamadda waxaa xafiiska Ilhaan uu sheegay in uu qirtay dembiga lagu eedeeyay. Calii Abshir Ciise oo ah agaasime ku xigeenka xafiiska Ilhan Cumar oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ninkan uu falkan keli ku ahaa, wuxuuna intaa raaciyay in uu ahaa fal isir naceyb ah. Arrinta dadka badan ka yaabisay ayaa ah in Ilhaan Cumar ay 19-kii bishan warqad u qortay xaakimka maxkamadda, kana codsatay in xukunka uu u khafiifiyo oo aan xukun dheer lagu xukumin Patrick oo ah ninkii ku dhaartay in uu dili doona. “Waxay codsatay in loo naxariisto oo aan xukun dheer lagu xukumin Patrick, waayo waxaa caddaatay in haddii dembigii uu qirtay uu muteysan karo 10 sano oo xarig ah iyo ganaax badan, marka Ilhaan waxay codsatay in loo naxariisto ninkaas maadaama arrimaha naceybka aysan ku ahayn fikir isaga u gaar ah balse ay tahay arrin guud oo dad badan oo siyaasadda ku jira ama madax ah ay qeyb ku leeyihiin”, ayuu yidhi Cali Abshir oo ah agaasime ku xigeenka xafiiska Ilhan Cumar. Wuxuu intaa raaciyay in ujeedada arrintan ay tahay in “ninkan la khalday” keligii aanan loo ciqaabin dembiga, maadaam sida uu sheegay ay tahay arrin maamulka jira uu aaminsan yahay oo ay tahay fikir guud oo u baahan in si guud wax looga qabto. “Arrimaha isir naceybka waayahan dambe aad bay usoo badanayeen, waana arrin isku xidhan balse ninkan hadda keligii umbaa dembiga lagu helay”, ayuu raaciyay. Ilhaan Cumar oo arrintan kaga hadashay barteeda Twitter-ka ayaa sheegtay in xabsi dheer oo lagu xukumo Patrick ay ka wanaagsan tahay isdhexgal bulsho oo loo sameeyo, hadii la xukumana aanay waxba ka tareynin falkii uu geystay, balse haddii dhaqancelin loo sameeyo ay ka wanaagsan tahay. “Haddii xabsi lagu xukumo waxay sii kordhineysaa caradii uu qabay iyo xumaantii ku jirtay”, ayay tiri Ilhaan Cumar. Patrick Carlenio ayaa horaantii sanadkan Ilhaan Cumar ku tilmaamay in ay tahay argagixiso u baahan in la toogto. Ammaanka Ilhaan Cumar iyo xafiisyadeeda ayuu Cali sheegay in wixii ka dambeeyay hanjabadaas aad loo adkeeyay oo aqalka Kongreska uu oggolaaday in aad loo adkeeyo ammaanka Ilhaan Cumar. Xildhibaan Ilhaan Cumar oo aad u dhaliisha siyaasadaha Madaxweyne Donald Trump oo aad ugu janjeera dhanka Yuhuuda Mareykanka ayaa waxay muddooyinkii dambe weerar afka ah iyo hanjabaado kala kulmeesay dad badan oo aan la dhacsaneyn siyaasadaheeda. Hasayeeshee in isla qofkii ugu hanjabay in uu dili doono iyada ay u codsato in xukunka laga khafiifiyo ayay dad badan la yaabeen, waxaase aan la ogeyn in maxkamadda ay aqbali doonta codsiga Ilhaan iyo inkale. Source
  19. (SLT-Tel Aviva)-Duqeymaha ciidamada cirka ee Israa’iil ay ku beegsanayaan bartilmaameedyo ku yaal gudaha dalka Suuriya ayaa muujinaya loollanka xooggan ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Iiraan, arrintaa oo muujineyso in mustaqbalka ay sababi karto isku dhac xooggan. Iiraan ayaa dooneyso in ay xoojiso awooddeeda milatari ee gudaha dalka Suuriya, halka Israa’iil ay dooneyso in ay arrintaasi ka hortagto. Balse Iiraan ayaan marnaba muujin in ay ka cajistay arrintaasi, waxa ayna xoojineysaa cududdeeda milatari, waxaana sidoo kale ay muujineysaa sida ay isugu kalsoon tahay. Labadani dhicac ayaa mid kastaa waxa uu doonayaa in uu iska ilaaliyo dhinaca kale, balse isku dhacyada labada dhinac ayaa mustaqbalka sababi karaya halis weyn oo ah in dagaal fool ka fool ah uu dhex maro. Weerarrada iyo kala aargoosiga u dhaxeeya labadani dhinac ayaa ah kuwo in badan soo noqnoqday. Duqeymaha Israa’iil ayaa laga yaabaa in ay ka dhasheen afar gantaal oo horraantii usbuucan laga soo riday dhanka xudduudda Suuriya, kuwaasi oo ay fashiliyeen hannaanka difaaca gantaallada ee Israa’iil. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in gantaalladaasi ay suurtagal tahay in Iiraan ay uga jawaabeysay weerar Israa’iil ay ku qaaday xulufada Iiraan ee gudaha dalka Ciraaq ama xitaa marinka Qasa. Israa’iil ayaa duqeymo xooggan uga falcelisay gantaalladaasi. Waxaana goobaha ay duqeymaha labeegsatay lagu sheegay in ay xiriir la leeyihiin xoogga Qudus ee dalka Iiraan oo qaarkood ku yaal gudaha saldhigyada milatari ee dalka Suuriya. Israa’iil ayaa weerar ku qaaday xarun ciidan iyo ilaa lix goobood oo ay yaalliin madaafiicda goobta si diyaaradaha Israa’iil ay halis la’aan hawlgallo uga fuliyaan gudaha Suuriya. Mas’uul sare oo ka tirsan Israa’iil ayaa laga soo xigtay in uu sheegay in weerarradaasi ay ahaayeen kuwo aargoosi ah oo aad u baaxad weynaa isla markaana ay ka dhasheen khasaare soo gaaray dalka Iiraan. Farriinta Israa’iil ee ku wajahan xukuumadda Tehraan ayaa ah mid iska cad oo ah in weerar kastaa oo uga yimaada dhanka Suuriya looga jawaabi doono awood milatari. Waxaana haatan ay xoojineysaa cududdeeda milatari. In kastoo Israa”iil ay in muddo ah wadday duqeymo dhanka cirka ah oo ay ku dooneysay in ay ku wiiqdo awoodda dalka Iiraan ee gudaha Suuriya, haddana xukuumadda Tehraan ayaa waxaa ka go’an in ay sii waddo dedaalladeeda ku aadan in saameyn milatari ay ku yeelato gudaha Suuriya. Iiraan ayaa xulufo la ah xukuumadda Bashaar Al-Asad, waxaana gudaha Suuriya ay u aragtaa meel muhiim u ah oo ay Israa’iil ka weerari karto. Waxaana sidoo kale ay tahay meel ay xiriir kala yeelan karto ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan. Inkastoo tallaabooyinka ay qaadayaan labada dhinac ay yihiin kuwo caadi ah oo in muddo ahba ku guda jireen, haddana waxaa jiro arrimo badan oo muhiim ah oo isbadalay, kuwaa oo cadaawadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Iiraan gaarsiinaya heer halis ah. Isbadalka ugu horreeya ayaa ah awoodda Iraan oo ka ballaaran intii hore. Weerarkii bishii Sebteembar lagu qaaday wershadaha saliidda ee dalka Sucuudiga ayaa inta badan lagu eedeynayay Iiraan balse arrintaasi ayay xukuumadda Tehraan ku gacan seyrtay. Qaabka weerarradaasi loo fuliyay ayaa dad badan ka yaabiyay. Israa’iil ayaa hadda dareemeysa in halis ay uga imaaneyso dhanka gantaallada Iiraan. Halista Israa’iil ay wajaheyso ayaa ah Iiraan oo dooneyso in ay taabba geliso gantaalladeeda riddada dheer iyo in ay awooddo in ay gantaalladaasi la beegsato bartilmaameedkooda oo sax ah iyo sidoo kale waxay dooneysaa in gantaalladaasi ay gacanta u geliso ururka xisbullah iyo kooxaha kale ee ku sugan marinka Qasa ee cadaawadda ay kala dhaxeyso Israa’iil. Iiraan ayaa mashruucaani wadday in muddo ah, waxaana guusha mashruucani lagu muujiyay weerarradii lagu qaaday wershadaha saliidda ee Sucuudiga. Inkastoo Iiran ay saarnaayeen xayiraado caalami ah, haddana waxay saameyn milatari ku yeelatay gobolka bariga dhexe. Arrintaasi ayaa lagu shaaciyay warbixin ay usbuucan shaacisay waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee the Pentagon, taa oo lagu qeexayay awoodda milatari ee Iiraan. Mareykanka ayaa inta badan xog ka diyaariyo quwadda milatari ee waddamada Shiinaha iyo Ruushka, waxaana hadda la yaab noqotay in Iiraan uu la mid dhigay waddamadaasi. Balse xukuumadda Tehraan ayaa sida lagu sheegay warbixinta Mareykanka uu shaaciyay waxay xoojineysaa saddex qeybood oo kala ah tayaynta gantaallada riddada dheer, tayaynta ciidamadeeda baddan si ay khalkhal u geliso marin biyoodyada Hurmuz iyo Khaliijka iyo tan saddexaad oo ah in IIraan ay adeegsato xoogagga iyada daacadda u ah ee ka hawlgalo waddamada Lubnaan, Ciraaq, Yaman iyo marinka Qasa. Arrinta kale ayaa ah tallaabo diblomaasiyadeed oo ka dhashay ka bixitaankii ciidamada Mareykanka ay ka bexeen dalka Suuriya. Arrintaasi ayaa fursad siisay waddamada Turkiga, Iiraan iyo Israa’iil oo door muhiim ah ku leh siyaasadda gobolka. Waddamadani ayaa mid waliba waxa uu doonayaa in uu danihiisa gobolka ilaashado. Bixitaanka ciidamada Mareykanka ayaa fursad weyn u ahayd dalka Ruushka oo ku dedaalayo sidii ay usii jiri lahayd xukuumadda madaxweyne Asad. Balse arrinta ugu muhiimsan ayaa ah in ay kasbato quluubta waddamada gobolka maadaama ay sii burbureyso saameynta Mareykanka ee gobolkaasi. Inkastoo Israa’iil ay muddaba cadaadis ku saareysay Moscow in ay xakameyso awoodda Iraan, haddana taa ma aysan suurtagelin. Sidoo kale Ruushku waxa uu iska indha tirayay duqeymaha Israa’iil ay ka waddo gudaha Suuriya. Arrimahani oo isbiirsaday ayaa halis gelinaya Israa’iil, gaar ahaan marka loo fiiriyo cududda iyo saameynta military ee Iraan ku leedahay gobolka. Basle su’aasha ayaa ah marka labadani dal ay fool ka fool u dagaallami doonaan maadaama suurtagalnimada arrintaasi aysan marnaba shaki ku jirin. Source
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 14 Bishaan heshiis kula saxiixday Magaalada Nairobi Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta. Heshiiska labada madaxweyne ku dhex maray Magaalada Nairobi, waxaa ka mid ahaa qodob sheegayey in Todobaad gudihiisa lagu fasaxo duulimaadyadii tooska ahaa ee Magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho lana joojiyo marista Wajeer oo ah mid dhibaato ku ah dadka kasoo safro Muqdisho. Asbuuc kadib heshiiskii labada madaxweyne ay kala saxiixdeen weli ma uusan dhaqangelin, waxaana sababta lagu sheegay inaysan weli Dowladda Kenya waraaq fasax ah u gudbin Hay’adda Duulimaadka Hawada Kenya ee KCAA. Gilbert Kibe oo ah Agaasimaha hey’adaas ayaa xusay inaysan jirin waraaq fasax ah oo uga timid dowladiisa iyagana aysan awood u laheyn inay fasaxaan amar la’aan. ” Mar jirto waraaq fasax ah oo illaa hadda aan helnay, diyaaradaha weli kuma wargelin inay sameeyaan duulimaadyo toos ah sababtoo ah weli ma helin amarkaas” ayuu yiri Gilbert Kibe Wuxuu sheegay in hey’adda KCAA ay diyaar u tahay inay si deg deg ah u fasaxdo duulimaadyada toos ah ee Nairobi iyo Muqdisho haddii uu amarkaas kasoo baxo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Dowladda Kenya ayaa dhawr jeer oo hore ka baxday heshiisyo ku aadan in la fasaxo duulimaadyada toos ah ee Nairobi iyo Muqdisho, waxaana xusid mudan in hadda ay xayiraadii ugu dambeysay ay socoto muddo lix bil ah. Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlin sababta loo fulin la’yahay heshiiskii ay kala saxiixdeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.
  21. (SLT- Port Elizabeth)-Kooxo Budhcad koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa ay gudaha dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabo Mahad Badal oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa caadiga ah ee shaqo. Mahad ayaa markii la weeraray ku sugnaa meel aan ka fogeen goobtiisa Shaqada oo ku taalla Xaafada Motherwell ee magaalada Port Elizabeth waxaana iyagu goobta ka baxsaday budhcadkii dilka gaystay. Source
  22. (SLT-Ottawa)-Axmed Xuseen oo ah Soomaali Canadian ayaa waxaa uu mar kale ka soo dhexmuuqday Golah Wasiirada dalka Canada ee uu shaaciyay Justin Trudeau. Ra’iisal Wasaaraha Canada Justin Trudeau, ayaa shaaciyay liiska 36 Wasiir oo 18 ka mid ah ay haween yihiin, waxaana uu isbeddel dhinaca wasaaradaha ah ku sameeyay qaar ka mid ah wasiiradii ku jiray golihii hore. Axmed Xuseen oo ahaa Wasiirka Socdaalka iyo Soo Galootiga ee Canada ayaa hadda laga dhigay Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo Dhallinyarada, waxaana uu ka mid yahay tiro wasiirro ah oo dowladdii hore ku jiray islamarkaana nasiib u yeeshay in ay soo laabtaan. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Canada Chrystia Freeland, ayaa laga dhigay Ra’isalwasaare Ku-xigeen iyo wasiirka isku xidhka gobolada Canada. Soomaalida Canada ayaa sheegaya in Axmed inkasta oo ay la rabeen waasaradiisii hore haddana midda loo dhiibay ay iyaga muhiim u tahay maaddaama Soomaalida laga qaato carruurta, dhallinyaraduna dilal kala kulmaan dalka Canada isaguna uu yahay qof fahmaya dhaqanka Soomaalida. Golaha Wasiirrada oo isla xalay la dhaariyay ayaa waxaa ay yihiin kuwa xukuumaddoodu ayna heysan aqlabiyadda dalka Canada. Source
  23. (SLT-Sri Lanka)-Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay dalka Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa, ayaa walaalkii Mahinda u magacaabay Ra’isul wasaaraha cusub ee dalkaasi. Madaxweynaha cusub ee Sri Lanka oo lagu wado in Khamiista xilka loo dhaariyo, ayaa xilka qabanay iyada oo xilka ka dagayo Tanil Rajapaksa oo xisbigiisa si weyn looga guuleystay doorashadi toddobaadki hore dalkaasi ka dhcday. Afhayeen xukumadda cusub u hadlay wuxuu sheegay Mahinda oo laba wareeg oo hore madaxweyne soo noqday ayaa isaga laftiisa walaalkii ka yar u dhaarinaya Ra’isal wasaaranimo. Labada nin ee walaalaha ah ayaa ah kuwo door weyn ku lahaa soo afjaridda dagaalki sokeeya oo ku dhawaad 20 sanno ka socday dalkaasi oo soo gabagaboobay 10 sanno ka hor oo ay dowladda Sri Lanka kula jirtay maleeshiyada Timil. Madaxweynaha cusub ee loo doortay Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa walaalkii Mahinda u magacaabay Ra’isal wasaaraha dalkaasi. Mahinda ayaana sida oo kale la filayaa Khamiista in xilka Ra’isal wasaaranimada loo dhaariyo. Source
  24. When 24-year-old Abdirizak Warsame came home from prison over the summer, his family welcomed him with his favorite foods and long talks with the siblings he hadn't seen in three years.... Source: Hiiraan Online
  25. Malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa sheegay in ay 9 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku dileen, qarax ay kula eegteen gobolka Shabeellada Hoose. Qoraal ka soo baxay Al-shabaab, ayay ku sheegeen in qaraxaasi ay ciidanka kula eegteen, degaanka Muuri oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Qaraxa ayaa haleelay gaari nooca loo yaqaan Taaw-ga, oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ee lagu taba-baro saldhiga Turkiga ee magaalada Muqdisho, sida ay Al-shabaab sheegtay. Al-shabaab waxay sheegeen in 9 askari ku dhinteen 6 kalena ku dhaawacmeen weerarkaasi, inkastoo dowladda Federaalka Soomaaliya aysan weli dhankeeda wax war ah ka soo saarin. Sidoo kale, dadka degaanka Muuri ayaa laga soo xigtay in qarax culus halkaasi lagula eegtay ciidanka dowladda Federaalka, balse aysan ogayn khasaaraha gaaray. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo qarax culus la eegatay ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka SHabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.