-
Content Count
213,996 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ex-Wasiir Yuusuf Garaad oo soo bandhigay hab baadhitaan cajiib ah oo lagu ogaan karo cidda dishay Almas Elman Wasiirkii hore ee arrimaha Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay uga hadlay hab baaritaan oo lagu ogaan karo cidda soo ridday xabaddii lagu dilay Almaas Elman cali Axmed. Qoraalka ayaa u dhignaa sidan: Lama fududeysan karo geerida Almas iyo goobta ay xabbaddu ku dishay. Almas Elman, Allah ha u naxariisto. Rabbi ha u hooyo Jannatu Fardowsa. Waa ubax noloshiisii la dhaafiyay isaga oo curdun ah. Waalid, walaal, qoyska iyo saaxiibbadeeda faraha badan Samir Allah ha ka siiyo. Goobtu waa gudaha xeyndaabka lagu tilmaamo in aad loo ilaaliyo. Kama foga dhabbaha ay dayaaraduhu ku rooraan marka ay kacayaan iyo marka ay soo caga dhigtaan iyo waliba hool lagu doortay laba Madaxweyne iyo laba Guddoomiye Baarlamaan. Waa lama huraan in la sameeyo baaritaan sax ah, cilmi ku qotoma oo su’aalaha macquulka ah ee taagan u hela jawaabo aan la burin karin. Haddii qalliinka xaqiiqa doonka ah ee geerida dabadeed lagu hayo xagasha ay xabbaddu ka gashay jirka Almas, lana helo joogga ay dhulka ka sarreysay meesha ay xabbaddu uga dhacday. Waxaa fududaaneysa in la helo barta ay xabbaddu dhulka uga dhici lahayd, haddii aanay Almas ku dhici lahayn iyo xagasha ay dhulka la sameyn lahayd. Marka intaa la helo, ma dhib badna in qiyaas xisaab ku qotonta lagu soo saaro jihada ay xabbaddu ka timid iyo marinka ay hawada ka soo jeexday halka uu ahaa. Xabbadda maaddaama la hayo, haddii loo abtiriyo oo la ogaado nooca qoriga ay ka dhacdo, masaafada ay gaari karto iyo xawaaraha ay ku safarto, lana og yahay barta ay dhulka uga dhici lahayd iyo xagasha ay kula dhici lahayd, waxaa fududaaneysa in la garto halka xabbaddaas laga soo riday. Joogga in la soo saaraa ma dhib badna. Waa cabbirka oogada kursiga gaariga ay fuushaneyd uu ka sarreeyo dhulka oo lagu daray jooggeeda fadhiga ah oo ku eg barta ay xabbaddu uga dhacday. Cabbirkaas waxaa lagu soo saari karaa in qof Almas la dherer ah lana miisaan ah lagu fariisyo kursigii ay fadhiday. Ma ahan wax aan iska mala awaalayo ee waa baaritaan noociisa oo kale caalamka hore loo adeegsaday. Marka intaas jawaab loo helo ayaa laga shaqeyn karaa sidii caddaalad loogu heli lahaa marxuumadda, loona xaqiijin lahaa in uu sugan yahay amniga garoonka, kan hoolka doorashada iyo shirarka waaweyn oo la isku halleyn karo. Qaran News
-
Click here to read more Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka heleyno madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta dowladda ay isku khilaafeen sidii laga yeeli lahaa muxaadarada Sheekh Maxamed Cabdi Umal ee la qorsheeyey in Axadda lagu qabto garoonka Injineer Yariisow. Mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa soo jeediyay in la baajiyo muxaadarada, halka la sheegay in uu diiday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Saraakiil ka tirsan Wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta Soomaaliya iyo guddi arrimaha diinta qaabilsan oo ka tirsan Villa Somalia ayaa soo jeediyay in aan la qaban Muxaadaradaan, ayaga oo ku dooday inay sababi karto isku dhacyo diimeed, balse waxaa diiday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Culimada suufida ayaa wacad u maray inay hor-istaagi doonaan muxaadaradan ayaga oo qorsheeyey dibad-baxyo ballaaraan oo ka dhacaya garoonka Injineer Yariisow. Waxaa sidoo kale xog lagu hayaa inay taageerayaal badan ay ka dhaadhiciyeen inay gudaha u galaan garoonka, kana hortagaan muxaadarada. R’aiisul Kheyre ayaa qalad ku tilmaamay isku dayga culimada qaar isku hortagayaan Muxaadarada Sheekh Umal islamarkaana la qaban doono Muxaadarada waxaana taagan khilaaf arintaan ku saabsan. Sidoo kale saraakiisha madaxtooyada ayaan isku wada raacsaneen in la joojiyo Muxaadarada balse waxaa muuqata in ay sababi doonto isku dhacyo dhanka diinta iyo fowdo ka bilaabata magaalada Muqdisho. Culimada suufida ayaa ku eedeeyey Sheekh Umal inuu “aflagaadeeyey nebigga NNKH” ayaga oo soo xiganaya hadal uu hadda ka hor jeediyey oo uu ku sheegay “in tinta nebiga NNKH laga helay injir”. Qaar kale ayaa sidoo kale ku eedeeyey inuu horey u taageeray kooxaha xagjiriinta ah ee dagaalka ka wada Soomaaliya. Sheekh Umal waa uu iska fogeeyey dhammaan eedaha loo jeediyey. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sidoo kale ku eedeeyey Sheekh Umal inuu “murtadiin ku tilmaamay” mas’uuliyiintii dowladda Sheekh Shariif. Waxaa dadkaas ka mid ah xildhibaan Fiqi iyo xildhibaan Mahad Salaad. Cabsida ugu weyn ee hadda taagan ayaa ah in garoonka Injineer Yariisow ay ka dhacaan rabashado u dhaxeeya taageerayaasha Suufida iyo kuwa Umal, taasi oo sababi karta dhimasho iyo dhaawac. Muxaadarada oo la qorsheeyey inay maanta dhacdo ayaa dib loo dhigay ilaa axadda. Caasimada Online ayaa ogaatay in sababta ay ahayd cabsida amni ee la qabo, inkasta oo dowladda ay sheegtay sabab kale.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa dowladda ku dhaliilay qaabka ay u wajaheyso muxaadarada uu Sheekh Maxamed Cabdi Umal qorsheynayo inuu ku qabto magaalada Muqdisho. “Muxaadarada Sheekh Umal ku qabanayo garoonka ciyaaraha Eng Yariisow iyo kacdoonka Ahlu Sunna natiijada ka dhalan karta Nabad iyo Nolol ma iswaydiiyeen?” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraal uu soo dhigay facebook. Mahad Salaad ayaa yiri “Sida indho la’aanta ah ee hay’adaha amniga iyo warbaahinta dowlada loogu isticmaalayo buunbuuninta Sheekh Umal waxay daliil cad u tahay sida fikirka xagjirka ah ugu sii dhex xoogaysanayo hay’adaha dowlada Soomaaliya.” Ma jiraan wax caddeymo madax banaan ah oo taageeri kara hadalka Mahad Salaad ee ah “fikirka xagjirka ah ugu sii dhex xoogaysanayo hay’adaha dowlada Soomaaliya.” Sidoo kale isna soo ma bandhigin caddeymo. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sidoo kale Sheekh Umal ugu baaqay inuu jeediyo muxaadaro uu ku waaninayo “kooxaha xagjiriinta ah ee is-qarxiya.” “Sheekh Umal haduu dadka Soomaaliyeed wax anfacaya u wado anigu waxaan qabaa in uu waaniyo waxna u sheego kuwa ummadda Soomaaliyeed maalin walba qarxinaya ee daliishanaya fikirka xagjirka ah ee isaga iyo saaxiibadiis horay u abuureen!” ayuu yiri. “Kuwa culimada sheeganaya ee hoteelada Mogadishu dowlada u jiifana waxaan leeyahay Sheekh Soomow wax uu aaminsanyahay ayuu difaacayaa ee adinku hadii aadnan Allaah ka baqayn walba ummadda ka xishooda!” ayuu sii raaciyey.
-
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Boqor Buurmadaw. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa wuxuu yidhi “Inuu dalku meel xun marayo waxaad ka garataa siday u hadlayaan Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedku, labada Xisbi Mucaarad haddii ay yidhaahdeen ha nalaga bedelo Ina Riyo-raac, kuma kalsoonina, xaq bay u leeyhiin, waayo ma aaminayaan oo Xisbi ayuu ka tirsan yahay, Boqorku wuxuu yidhi ma habar-jeclo ayaa la diidayaa, ee Boqor Buurmadaw waxaan leeyahay cid diidan Habar-jeclo ma jirto, Ina Riyo-raac oo qudhana Beeshu maaha ee aqoonyahano iyo mutacalimiin wey leedahay ee cid lagu bedelo Madaxweynuhu ha keeno,Ina Riyo Raacna kama wanaagsana xubnihii awalba Xisbinimada lagu diidayey, waliba kuwaas reernimo laguma diidin, haddii aan yidhaahdo reernimo ayaa lagu diidayna waa khalad, waxaynu la soconaa in Xasan Siciid hore loo diiday, Beesha Arab may odhan anaga ayaa naloo jeeda ee waa la soo bedelay, Maxamed Cismaan Fadal waa la diiday, Beesha Habar-yoonis may odhan anaga ayaa naloo jeeda, ee waa la soo bedelay, imika oo ugu dambeeysay ayuu Muuse Biixi diiday mid ka mid ah labadii xubnood ee Guurtidu gudbisay, Beesha Warsan-gali may odhan anaga ayaa naloo jeeda, ee Boqor Buurmadaw waxaan leeyahay Ina Riyo-raac reernimo laguma diidana ee waa Xisbi yahan Kulmiye ah oo fog, oo aan dhex u noqon karin Xisbiyada Qaranka, ta kale Xisbiyadu ma diidana oo qudha Ina Riyo-raac ee xitaa waxay diidan yihiin inanta, maxaa yeelay inantu waxay ka mid tahay xubnihii hore ee Komishanka, ee Xisbiyada iyo Madaxweynuhu ka heshiiyeen, reernimana laguma diidana, ee Boqor Buurmadaw inuu qaabkan u hadlo aad baan ugu xumahay”. Xildhibaan Nacnac mar uu ka hadlaayey xaalada dalka ayaa yidhi “Ninkii yidhi ila meerayso, layaab muu lahayn, waa la xidhay, in dadka masaakiinta ah la xidhana waa wixii aynu ka dhiidhinay, ee aynu Siyaad Barre kula dagaalanay, dalkiina ila meerayso ayuu galay, Madaxweynuhu ila meerayso iyo caragsi uu wado inuu ka tago weeye, ee maxaa buuqa iyo rabashka ina galinaya, waxay ahayd inuu si nadiif u bedelo xubnahan la yidhi soo bedel.” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka Taabit Cabdi Maxameda ayaa ka hadlay hadal heynta ka jirta Magaalada Muqdisho ee ku saabsan khilaafka Culumada Soomaaliyeed iyo sida looga aamusay dilkii loo geystay Almaas Elman oo lagu dhex dilay Magaalada Muqdisho. Hoggaamiye Thaabit ayaa sheegay inay aheyd Maanta in laga doodo diiradana la saaro sidii caddaalad loogu heli lahaa dilka Almaas Elman oo uu sheegay in iyada iyo Aabaheedba ay dileen gacan ka xaqdaran. “Hadal-heynta saxda ah waxay ku habooneyd maanta in diiradda la saaro sidii caddaalad loogu helilahaa dilka Almaas Elman oo sida aan wada ognahay aabaheed Elman Ali Ahmed Allaha u wada naxariistee labaduba ay gacan ka xaqdaran dishay sanadihii 1996 iyo 2019. Ugu yaraan qoyska reer Elman waxay naga mudan yihiin maanta in aan ku wada mashquulno sidii ay caddaalad u heli lahaayeen” ayuu yiri Thaabit oo qoraal soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Facebook. Hoggaamiye Thaabit ayaa sheegay inay muhiim tahay in jawaabo waafi ah loo helo 3 su’aal oo ku saabsan dilka Elmas Elman, wuxuuna ku kala sheegay: Yaa dilay Almaas Elman? Halkee ayay mareysaa baaristu? Xerada Xalane oo amnigeeda ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada AMISOM, warbixin hordhac ah ma kasoo saareen, iyaguse baaritaan madaxbanaan ma wadaan? Ugu dambeyntii Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa kusoo xiray “Jawaabaha su’aallaha kore ayay tahay inaan diiradda saarno ka hadalkeeda oo aanan marnaba xaaladda taagan nagala weecin. Ogow shacab iyo mas’uulba hadii aad ogolaatid in ka hadalka waxa xaqqa ah lagaa weeciyo, noloshu waa silsilad marbay murugadu deris kula noqoneysaa ee ha sugan maalinta ay ku hoos taal. Maanta ayaad kartaa inaad xaqqa ama runta sheegtid” Hadalka Guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed ayaa kusoo aadayo xilli Maanta dadka Soomaaliyeed ay hadal hayeen khilaafka ka dhashay muxaadaro uu Muqdisho ku qaban rabo Shiikh Umul taasoo ay ka hor imaadeen culimada Suufida ee Muqdisho ku nool.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-habeen-22112019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay uga hadlay hab baaritaan oo lagu ogaan karo cidda soo ridday xabaddii lagu dilay Almaas Elman cali Axmed. Qoraalka ayaa u dhignaa sidan: Lama fududeysan karo geerida Almas iyo goobta ay xabbaddu ku dishay. Almas Elman, Allah ha u naxariisto. Rabbi ha u hooyo Jannatu Fardowsa. Waa ubax noloshiisii la dhaafiyay isaga oo curdun ah. Waalid, walaal, qoyska iyo saaxiibbadeeda faraha badan Samir Allah ha ka siiyo. Goobtu waa gudaha xeyndaabka lagu tilmaamo in aad loo ilaaliyo. Kama foga dhabbaha ay dayaaraduhu ku rooraan marka ay kacayaan iyo marka ay soo caga dhigtaan iyo waliba hool lagu doortay laba Madaxweyne iyo laba Guddoomiye Baarlamaan. Waa lama huraan in la sameeyo baaritaan sax ah, cilmi ku qotoma oo su’aalaha macquulka ah ee taagan u hela jawaabo aan la burin karin. Haddii qalliinka xaqiiqa doonka ah ee geerida dabadeed lagu hayo xagasha ay xabbaddu ka gashay jirka Almas, lana helo joogga ay dhulka ka sarreysay meesha ay xabbaddu uga dhacday. Waxaa fududaaneysa in la helo barta ay xabbaddu dhulka uga dhici lahayd, haddii aanay Almas ku dhici lahayn iyo xagasha ay dhulka la sameyn lahayd. Marka intaa la helo, ma dhib badna in qiyaas xisaab ku qotonta lagu soo saaro jihada ay xabbaddu ka timid iyo marinka ay hawada ka soo jeexday halka uu ahaa. Xabbadda maaddaama la hayo, haddii loo abtiriyo oo la ogaado nooca qoriga ay ka dhacdo, masaafada ay gaari karto iyo xawaaraha ay ku safarto, lana og yahay barta ay dhulka uga dhici lahayd iyo xagasha ay kula dhici lahayd, waxaa fududaaneysa in la garto halka xabbaddaas laga soo riday. Joogga in la soo saaraa ma dhib badna. Waa cabbirka oogada kursiga gaariga ay fuushaneyd uu ka sarreeyo dhulka oo lagu daray jooggeeda fadhiga ah oo ku eg barta ay xabbaddu uga dhacday. Cabbirkaas waxaa lagu soo saari karaa in qof Almas la dherer ah lana miisaan ah lagu fariisyo kursigii ay fadhiday. Ma ahan wax aan iska mala awaalayo ee waa baaritaan noociisa oo kale caalamka hore loo adeegsaday. Marka intaas jawaab loo helo ayaa laga shaqeyn karaa sidii caddaalad loogu heli lahaa marxuumadda, loona xaqiijin lahaa in uu sugan yahay amniga garoonka, kan hoolka doorashada iyo shirarka waaweyn oo la isku halleyn karo.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook uga hadlay hadal uu jeediyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal sanadii 2009, markii uu madaxweyne noqday Sheekh Shariif, kaasi oo uu sheegay inuu ahaa “halis ka daran hubka”. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi. Waxaan qirayaa in iftihii Sheekh Umul ee sanadihii 2008-2009 markii Sheekh Shariif xukunka qabsaday inuu ka khatarsanaa noocyadii hubka ee ay isticmaalayeen kooxaha Alshabaab iyo Xusbul Islaam oo dawladda Soomaaliya awoodeeda lagu wiiqayey. Waxaan qirayaa In iftahaas uu shidaal u ahaa moralka wiilashii marin habaabsanaa ee umadda xasuuqayey, dhanka kalena dawladda ciidamadeeda layanyey. Waxaan qirayaa In wadaadkaas iftihiisii uu Nairobi ka soo dirayey In tobanaan kun oo dad muslim ah ay godka hoostiisa ugu jiraan, caruur badan ay u agoontoomeen, burbur hantiyeed iyo dib u dhac umadeed oo weynna uu sababey. Waxaan ugu danbayn ognahay In iftiha Sheekh Umul iyo kuwa kale oo Nairobi kula sugan in ay ka mid yihiin casharada alshabaabka cusub tababarada maskax dhiqidda iyo marin habaabinta ah ee la siiyo. Inkasta oo ay isbedeli karaan wadaadadii afkaarta gaalaynta ka faafinayey ciddii la macaamisha ciidamada AMISOM ayagoo wadamada ay ku nool yihiin la og yahey haddana In dadkii dhibbanaha u noqdey iftahooda ay tabasho kaliya soo gudbiyaan oo aysan dacwad kale ku furin, haddana la isku dayo In la afqabto waxaan u arkaa in ay qaldan tahay, wadaadada waxaas samaynaya ay muuqato In dhibka umadda ka soo gaarey iftihiisa ay kala weyn tahay kooxnimadu. Sheekh Umul iftihiisii dhibka uu noo geystay dawlad iyo shacab Soomaaliyeed ahaan waa inuu umadda horteeda uga cudurdaartaa, weliba asagoo taageero u ah Madaxda Villa Somalia oo ciidamada AMISOM oo gaalo ah ay ilaalinayaan, lagana yaabo meesha uu muxaadarada ku qabanayo In ay ayana ilaalinayaan kuwii uu murtidiinta ku tilmaamayey.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan Qado sharaf ah u sameeyay Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland, kulanka waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Sii-hayaha Xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed , Xildhibaanada Baarlamaanka, Golaha Wasiirada, Saraakiil Madaxtooyo, Aqoonyahano, Dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyey kulankaasi wuxuu sheegay ujeedka kulanku inuu yahay xoojinta wada shaqeynta Goleyaasha Dowladda, uuna hordhac u yahay kulamo wadashaqeyn oo joogto noqon doona, si loo gaaro horumarka Puntland iyo in dadka la gaarsiiyo adeeygada dowliga ah ee asaasiga ah. Wuxuu Madaxweynuhu dadka xasuusiyey dhismihii Puntland, dadaalkii iyo wakhtgii lagu bixiyey in ay noqoto meel ka duwan Soomaaliya inteeda kale oo hormuud u noqotay dalka dhinac walba, wuxuuna ku baaqay ku adkeynta midnimada iyo ka shaqeynta amniga iyo horumarka Puntland. Ugu danbeyn Madaxweyne Deni wuxuu u tacsiyadeeyay dhammaan dadkii ku geeriyooday dhacdadii dhowaan ka dhacday xarunta Baarlamaanka Puntland, isagoo eebe uga baryey inuu janadii geeyo eheladoodiina samar iyo iimaan ka siiyo, si gaar ah Madaxweynuhu wuxuu u xusay Alla Haúnaxariistee Marxuum Cabdikariim Dhegaweyne oo ahaa mulkiilihii xarunta Hida-raac oo kulanka qadada ah lagu qabtay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo markii u horraysay ka hadlay weerarkii xukuumaddiisu ku qaaday xarunta Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
-
The head of Somalia´s electoral commission told the U.N. Security Council on Thursday that 2020 is "a pivotal year" for the country whose citizens have been denied the right to political participation for 50 years and are hoping for an election with universal voting. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa mar kale maanta si rasmi ah dib ugu billowday, sida ay sheegtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya. Duulimaadyada oo markii hore ku hakan jiray magaalada Wajeer ayaan wixii hadda ka dambeeysa sidaas sameyn doonin, waxayna toos uga degi doonaan garoonka Jomo Kenyatta International, marka ay ka baxaan Muqdisho. Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, u dirtay shirkadaha diyaaradaha ayaa u dhignaa sidan “Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya waxay jeceshahay inay ku dhowaaqdo in laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 22-ka November, ay dhammaan duulimaadyada ka tagaya Muqdisho ay si toos ah ugu duuli karaan Jomo Kenyatta, ayaga oo aan marin Wajeer.” Duulimaad ka mid ah shirkadda Kenya Airways oo sida ilaa 50 rakaab ah ayaa galabta ka baxay Muqdisho, kuna sii jeeda Nairobi, waana duulimaadkii ugu horreeyey ee ka baxa Muqdisho, islamarkaana si toos ah uga degaya Nairobi muddo ka badan lix bilood. Arrintan ayaa qeyb ka ahayd heshiis ay 14-kii bishan magaalada Nairobi ku gaareen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta. Heshiiska oo dib loogu soo celiyey xiriirka labada dal ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa in dadka sita baasaboorka dowladda ee Soomaaliya ay dal-ku-galka Kenya ka qaadan karaan garoonka Jomo Kenyatta, halka markii hore ay sii dalban jireen inta aysan bixin. Dowladda Kenya ayaa soo rogtay in diyaaradaha aadaya Nairobi ay sii maraan Wajeer, sidoo kalena aanay Soomaalida Visa ka qaadan karin gudaha garoonka, si ay taas ugu cadaadiso dowladda Soomaaliya kuna qasabto inay ka laabato kiiska dacwadda badda ee horyaalla maxkamadda ICJ. Hase yeeshee, ayada oo dowladda Soomaaliya ay taas u muujisay dhabar-adeeg ayaa waxaa hadda muuqata in Kenya soo dabceyso, inkasta oo aysan caddeyn waxa mar kale kasoo socda.
-
Beledwayne (SMN) – Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in ay weerareen fariisin ay ciidanka Itoobiya ku leeyihiin degaanka Halgan. Dadka degaanka ee ku sugan tuuladan hoos tagta gobolka Hiiraan ayaa u sheegay Shabelle in ay maqleen daryenka rasaas culus. Warar lagu baahiyey baraha taageera Al-Shabaab ayaa waxaa lagu shaaciyey in ay khasaaro u geysteen ciidanka Itoobiya balse lagu fahfaahin. Dhanka kale, ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM oo weerarka kadib bilaabay howlgalo ayaa sheegay in ay ka feejigan yihiin weeraro kale. Gobolka Hiiraan ayaa waxaa kuwada sugan askar Jabuutiyaan iyo Itoobiyaan isugu jira kuwaasoo weeraro saf-balaaran si joogta ah kala kulmay Al-Shabaab. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa telefoonka kula hadlay saraakiil Itoobiyaan ah. Mr Aadan ayaa la sheegayaa in la waydiistay in uu isku soo dhiibay si ay ugu gudbiyaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Warar xog ogaal ah ayaa xaqiijiyey in Maxamuud Sayid Aadan uu si cad ugu gacan-seyray codsigaas uga yimid ciidanka Itoobiya ee ka tirsan AMISOM. Mas’uulkan ayaa wuxuu haatan ku xayiran yahay xadka Soomaaliya iyo Kenya markii laga hor istaagay in uu gudaha u galo magaalada Beledxaawo. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/LA.mp3 View the full article
-
James Swan, the United Nations envoy in Somalia, said Thursday that the nation is looking ahead toward 2020 elections and the adoption of a federal constitution by June, but significant barriers to success remain. “After more than a year without effective cooperation between the Central Government and key Federal Member States, this situation has become an obstacle to improving and achieving important national priorities,” sad Swan, speaking to the United Nations Security Council as he delivered a three-month progress report. “Somalia’s leaders must act urgently to break this stalemate between the Center and the Federal Member States in the interest of the nation.” To that end, President Mohamed Farmaajo met this week with his predecessors to work toward political consensus and discuss challenges. Apart from the country’s ongoing security concerns over terrorism, those challenges include tensions in Jubaland, where disputes over August elections “continue to pose risks of violence, clan divisions, and even external intervention, if not carefully managed,” Swan said. He also asked for Somali leaders to work closely with officials in Somaliland. “With parliamentary elections also expected in Somaliland in 2020, it is important that political freedoms and human rights be respected there too,” Swan said. Among the more welcome developments on Somalia was last week’s meeting between Farmaajo and President Uhuru Kenyatta of Kenya. The two met after months of frosty relations because of a maritime border dispute involving Indian Ocean waters off the coast of Africa. View the full article
-
New York (SMN) – Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan, oo golaha ammaanka siiyey warbixin ku saabsan xaalada dalka, ayaa ka hadlay khilaafka gaamuray ee u dhexeeya dowladda federaalka kala dhaxeeya dowlad goboleedyada dalka qaarkood iyo siyaasiyiinta mucaaradka. “Waxaan dib u cusbooneysiinayaa baaqayga ku wajahan hogaamiyaasha dalka, si ay u soo nooleeyaan wadahadalkooda una fuliyaan ballanqaadyadoodii ku aadanaa xallinta khilaafka siyaasadeed, iyadoo loo marayo hab tanaasul ah iyo danaha dadka Soomaaliyeed,” ayaa ku yiri warbixinta. Waxa uu sheegay, in si loogu guuleysto ajanadaha Soomaaliya ee 2020 ee doorasho, ay qasab tahay inuu yimaado tanaasul siyaasadeed. “Madaxda Soomaalida waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu dhaqaaqaan sidii looga gudbi lahaa is-mari waaga u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, ayada oo la eegayo danta qaranka,” ayuu xusay Swan. Doorashadda Soomaaliya ee 2020/21 ayaa lagu wadaa in ay noqoto qof iyo cod, waxaana xukuumadda ay dhowr jeer ku celcelisay in ay ka go’an tahay hirgelinta coddeynta oo shacabka fursad u siineysa in ay doortaan hogaankooda. View the full article
-
With Somalia scheduled to hold “one-person, one-vote” elections next year, leaders must act now to break the “stalemate” between the central government and federal member states, the top UN official in the country told the Security Council on Thursday. The election will mark just the third time that Somalia has had universal suffrage since independence in 1960. UN Special Representative James Swan underscored the need to forge political consensus to realize what he described as the “ambitious agenda for 2020”. “This will entail dialogue and compromise between the central government and Federal Member States; between the executive and legislature; between current office-holders and those now out of power; and between elite leaders and those community elders, civil society organizations, women’s and youth groups who give voice to so many Somalis”, he said. “After more than a year without effective cooperation between the Central Government and key Federal Member States, this situation has become an obstacle to achieving important national priorities. Somalia’s leaders must act urgently to break this stalemate between the Center and the Federal Member States in the interest of the nation.” Critical next steps Mr. Swan, head of the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM), further highlighted the need for Parliament to pass the electoral code and adopt amendments to the political parties’ law before the end of this year. “Any delay in this timeline puts the 2020 electoral calendar at risk,” he warned. UN partner the African Union (AU) praised “commendable steps” towards reconciliation, including a meeting between Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo and two of his predecessors held in the capital, Mogadishu, on Wednesday. Francisco Caetano José Madeira, head of the AU Mission in Somalia (AMISOM), acknowledged that while critical next steps towards the election are needed, there has been progress in reviewing the electoral bill over the past three months. “We also witnessed the recent positive steps in the appointment of the National Electoral Security Task Force, the development of the draft concept note on the security for voter registration, and the provisionally approved list of voter registration sites,” said Mr. Caetano, who also is the Special Representative of the Chairperson of the AU Commission for the country. ‘Pivotal’ year ahead for Somalia and partners Somalia last held one-person, one-vote elections in March 1969. That October, the government was overthrown in a bloodless military coup. Parliamentary and presidential elections took place in late 2016 and early 2017 through a system of indirect suffrage. Halima Ismail Ibrahim, chair of the National Independent Electoral Commission, said this clan-based power-sharing model was a temporary measure to support preparations towards one-person, one-vote. “The process was compromised by extensive vote buying. There was a lot of corruption in that process, limited participation of women in the two houses, and complete exclusion of marginalized and minority groups,” she told ambassadors. Despite ongoing insecurity, fragile institutions and other challenges, the 2020 election will be a “massive improvement” over the previous system, according to Osman Moallirn, Executive Director of Somalia Youth Development Network. “A proportional representation system of this time, even if limited by the many challenges, will open up the political space and overcome many vested and corrupt interests in the status quo”, he said. The forthcoming election is expected to cost $53 million, according to Ms. Ibrahim, the electoral commission chair. She described 2020 as “a pivotal year” for Somalis, who have been denied the right to political participation for five decades. She added that it also will mark a milestone for the international community, which has worked to promote democracy and good governance in her country. “However, this is a milestone which can only be realized when the Somali leaders and the international community show a commitment to one-person, one-vote election to take place in 2020-21”, Ms. Ibrahim stated.
-
Dawladda Ingiriiska Ayaa Walaac Xoogan Ka Muujisay Xadhiga Xukuumaddu Kula Kacday Siyaasiyiinta Mucaaradka Ah, Waxaana Ay Dawladda Somaliland Usoo Jeedisay Inay Dacwad Kusoo Oogto Ama Si Dhakhso Ah Xorriyadooda Ugu Soo Celiso. Sidoo Kalena Dawladda Ingiriiska Ayaa Xisbiyasda Siyaasadda Ugu Baaqay Inay Dib U Bilaabaan WadaHadaladii Doorashooyinka, Si Ay u Qabsoonto Doorashada Wakiilada Iyo Deegaanka, Islamarkaana Aan Dib U Dhac Danbe Ugu Imaan. Madaxa Xafiiska Dawladda Ingiriiska Ee Somaliland Ayaa Sidaas Ku Sheegay Qoraal Uu Soo Dhigay Bartiisa Twitter-ka. Source
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM), yesterday commenced preliminary investigations into the heart-wrenching and unfortunate death of Ms. Almaas Elman Ali Ahmed, former Somali Diplomat and Peace Activist who was hit by a bullet at 14.34 hrs on November 20, 2019, at the Halane Base camp in Mogadishu. The deceased had contracted the services of a private transport company for a meeting within the Base camp. They were traveling to the Aden Abdulle International Airport after the meeting when she was hit by a bullet. There were a total of 3 people in the vehicle – a driver, a non-injured passenger and the deceased who was in the back seat behind the driver in a right-hand soft-skin vehicle. The bullet pierced the rear passenger window of the vehicle and injured Ms. Elman who was pronounced dead on arrival at the AMISOM Level II hospital. AMISOM immediately constituted a Board of inquiry, which has already visited the scene of the incident and interviewed the driver and some identified eyewitnesses. Pending a final report, preliminary investigations indicate Ms. Elman was hit by a stray bullet, especially as no firearm discharge was reported within the Base camp at the time of the incident. The Base camp in the past has recorded similar incidents of stray bullets. AMISOM will work jointly with the FGS, Somali security forces and other agencies to fully investigate the incident. The findings will be shared with the public. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Howlgalka Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in Almaas Elman ay ku dhex-geeriyootay xarunta Xalane. Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay AMISOM, Almaas ayaa u dhimatay xabad haleeshay gaari ay saarneyd oo marayey wadada isku xirta Xalane iyo madaarka Aadan Cadde. Bayaanka ayaa lagu xusay in laba kale oo uu ku jiro darawalka oo la saarnaa gaariga aysan waxyeelo kasoo gaarin dhacdada oo ay xuseen in ay baaritaano ku sameyn doonan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay caddeeyeen in ay kala shaqeyn doonan baaritaanka kiiskan oo taliska Boolisku caddeyeen in ay khuburo caalami ah ka qeyb-qaadan doonan. Marxuumad Almaas oo geerideeda lasoo wariyey 20-kii bishaan November ayaa ahayd sarkaal dhanka warbaahinta u qaabilsan ururka Midowga Yurub una ololeysa nabadda. Xalane oo fariisin u ah qaar kamid ah howlgalada diblumaasiyadeed ee wadamada caalamka ayaa ah meel ammaankeeda aad loo adkeeyo maadaama ay ku badan yihiin shisheeyaha. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa guddi u saartay qaban qaabada iyo qabsoomidda muxaadarada uu Sheekh Maxamed Cabdi Umul ku qabanayo magaalada Muqdisho. Guddiga ayaa waxaa ka mid ah wasiirka diinta iyo awqaafta, wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo taliska Booliska. Muxaadaro oo la filayey inuu Sheekha maanta ku qabto garoonka kubadda cagta ee Injineer Yariisow ayaa dib loogu dhigay kadib codsi ka yimid booliska Soomaaliya. Muxaadarada ayaa hadda laga dhigay galabta Axadda ah ee 24-ka November, 2019, kadib markii ay booliiska ay sheegeen inay u baahan yihiin waqti dheeri ah oo ay ku diyaariyaan sugidda amniga garoonka, ayaga oo maanta ku mashquulsanaa aaska Marxuumad Almaas Elman. Muxaadaradan ayaa waxaa hareeyey dood kadib markii qaar ka mid ah culimadda suufiyadda ee ku sugan Muqdisho ayaa kasoo horjeestay muxaadarada Sheekha, waxaana ay ugu baaqeen dowladda in ay joojiso. Sheekh Soomow oo ah afhayeenka golaha culimada Soomaaliyeed uu ku eedeeyey Umal in dad badan ay dartiis qabri ugu jiraan islamarkaana uusan muxaadaro ku qaban karin Muqdisho. Guddoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed, Sheeikh Bashiir Axmed Salaad iyo culumo kale oo ka tirsan hey’adda oo shir jaraa’id xalay ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Sheekh Soomow uusan ku matalin hadalkii ka soo yeeray, ee uu ku weeraray Sheekh Maxamed Cabdi Umal.
-
Popular Contributors
