-
Content Count
213,996 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Iskaashatooyinka Beeraleyda ayaa si wada jir ah uga horyimid daraasad ay samaysay Jaamacad ku taala Waqooyiga Ireland, taas oo sheegtay in cuduro laga helay Galeyda iyo Masagada ka soo baxa Beeraha Soomaaliya. Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda Soomaaliya ayaa lagu cadeeyay in dalagyada dalku ay yihiin kuwa dabiici ah (organic) isla markaana warbixinta la soo saaray ay tahay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo ku saxiixan war-saxaafadeedka ayaa been abuur ku tilmaamay daraasadda sheegeysa in Galleyda iyo Masagada Soomaaliya laga helay cuduro. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid Daraasad been abuur ah oo laga sameeyay Beeraha dalka appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowlada Ingiriiska ayaa markii u horeysay ka hadashay xiisada maalmihii u dambeeyay ka dhex aloosneyd xisbiga mucaaridka ah ee Waddani iyo Xukuumada Muuse Biixi. UK ayaa walaac weyn ka muujisay xarigii lagula kacay qaar kamid ah Mas’uuliyiinta ugu sareysa xisbiga Waddani, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen Afhayeenka Guud ee Xisbiga, Barkhad Jaamac Batuun iyo Khadar Xusseen Cabdi, oo ah xoghayaha xisbiga Waddani oo ciidamada boolisku ay u wareejiyeen xabsiga Maandheera. Waxayna sidoo kale ku baaqday dowladda Ingiriisku in dib loo bilaabo wada-hadaladdii xisbiyada iyo Xukuumada ee ku aadana qabsoomida doorashooyinka Baarlamaanka iyo Deegaanka, si ay uga dhabeeyan balan qaadkoodii hore. Mr. Stuart Brown, Madaxa xafiiska dowladda UK ee magaalada Hargeysa oo arrimahaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in waqtigooda ku qabsooman doorashooyinka Somaliland. “Ingiriisku wuxuu si wayn uga walaacsan yahay xadhiga sii socda ee loo gaysanayo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Somaliland. Waxaanu ugu baaqnay dawladda inay ama soo eedayso ama xorriyadooda si dhaqso ah ugu soo celiso” ayuu yiri Struat Brown. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu ku dhiirigelinaynaa dhammaan xisbiyada oo dhan inay dib u cusboonaysiiyaan wada-hadalka oo ay ilaaliyaan ballan qaadkoodii ahaa in doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaanada loo qabto si aan dib u dhac lahayn”.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida illo wareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online, Sheekh Soomow ayaa ka hor yimid dalab uga yimid Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la xiriira muxaadarada uu Sheekh Umal doonayo inuu ku qabto Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa Xalay saq dhexe u diray Sheekh Soomow mas’uuliyiin ay isku beel yihiin oo ay hoggaaminayeen Wasiirka Amniga Islow iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish. Xubnaha u tagay Sheekh Soomow ayaa u sheegay inuu soo diray Madaxweyne Farmaajo, isla markaasna laga rabo inuu ogolaado muxaadarada uu Muqdisho Berri ku qabanayo Sheekh Umul oo lagu eedeeyey inuu u gafay Nabiga naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee, eedeyntaas oo Umal uu beeniyey. Xubnahaan ayaa u sheegay inuu madaxweynaha usoo dhiibay codsi ah inuu mar kale shir jaraa’id qabto uuna dadka u sheego inay ka qeyb-galaan muxaadarada Umal lana xaliyey khilaafkii taagnaa. Sheekh Soomow ayaa madaxdii loo diray u sheegay inay arrintaan tahay mid ku saabsan caqiido, sidaas darteed ay aqbali karaan kaliya marka uu Umal ka laabto “gafkii uu ka galay Nabiga CSW” sida uu Soomow qabo. Sidoo kale Sheekh Soomow ayaa xubnahaas u sheegay inay arrintaan hadda isaga ka weyn tahay ayna gaartay dhammaan culimada Suufida, sidaasna darteed uusan isaga waxba ka qaban karin. Kulanka ayaa ugu dambeyn kusoo dhamaaday guuldaro, waxaana laga cabsi qabaa in Berri ay Culimada Suufida qalalaaso ka sameeyaan garoonka Eng. Yariisow oo uu Umal muxaadarada ku qabanayo. Culimada suufida ayaa wacad u maray inay hor-istaagi doonaan muxaadaradan ayaga oo qorsheeyey dibad-baxyo ballaaraan oo ka dhacaya garoonka Injineer Yariisow. Waxaa sidoo kale xog lagu hayaa inay taageerayaal badan ay ka dhaadhiciyeen inay gudaha u galaan garoonka, kana hortagaan muxaadarada. Xiisadda u dhaxeyso Suufiyada iyo Umal ayaa gaartay meel sare, waxaana jiro baaqyo badan oo lagu dalbanayo in la baajiyo muxaadaradaas si aysan dhibaato uga dhalan. Sheekh Soomow ayaa laba maalin ka hor sheegay inuusan Umal muxaadaro ku qaban karin Muqdisho maadaama uu sheegay in isaga sababtiisa ay qabri ugu jiraan dad badan oo Soomaaliyeed iyo Culumo ka tirsan Suufida.
-
Mudaneyaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan uga socda xaruntooda ayaa akhrinta koowaad marsiiyay xisaab xirka miisaaniyadda 2018-ka. Kulanka oo uu shir Guddoominayo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, ayna soo xaadireen 143 Xildhibaan ayaa looga hadlayay ajendayaasha kala ah 1.Akhrinta 1-aad Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2018 2.Dhamaystirka Axdiga Midowga Afrika ee dhowrista iyo u gargaarka Barakacayaasha ee Africa iyo 3.Warbixinta safarkii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Ethiopia. Kulanka Xildhibaannada Golaha Shacabka oo weli ah mid socda ayaa waxa ay akhrinta koowaad marsiiyeen mudaneyaasha Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2018. View the full article
-
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan kulan kula qaadanaya xarunta madaxtooyada Qaranka Villa Soomaaliya qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee Kumeel Gaarka ah kuwaa oo ka diiwaangashan Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka. Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka mudane C/nuur Maxamed Axmed. Kulamadaan ayaa looga gol leeyahay in Madaxweynuhu uu wada-tashiyo ballaaran la qaato saamileyda siyaasadeed ee dalka, lagana wada hadlo sidii doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku qabsoonta looga hirgelin lahaa dalka. View the full article
-
Xildhibaanada golaha wakiilada ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku anisixiyey miisaaniyada maamulkaasi ee sanadka 2020-ka, kadib kulan ay ku yeesheen gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Kulankan ayaa waxaa soo xaadiray 44 mudane, kuwaas oo cod gacan taag ah ku meel mariyey miisaaniyada Puntland ee 2020-ka, mana jirin cid diiday ama ka aamustay. Miisaaniyadan oo ah tii ugu badneyd ayaa waxaa ku jira lacago loo qoondeeyay hawlaha horumarinta, sida dhismaha jidadka bur bursan ee maamulkaasi, hirgelinta ceelal biyoodyo, horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo sugidda amniga. Arbacadii la soo dhaafay ayey aheyd markii golaha wasiirada Puntland ay meel mariyeen miisaaniyadani oo dhan 346,416,158.99 oo Dollar-ka Mareykanka. View the full article
-
MOGADISHU (HOL) - Security forces in Mogadishu Saturday arrested a man identified by members of the public for detonating a car bomb that injured a passerby. Source: Hiiraan Online
-
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka Soomaaliya ayaa maanta shahaadooyinka KMG ah magaalada Muqdisho ku guddoonsiiyay 6 xisbi siyaasadeed oo doonaya in ay ka qeyb-galka doorashooyinka soo socda. Xisbiyada KMG ah ee shahaadooyinka la siiyay maanta ayaa kala ahaa. 1-Xisbiga qaran, 2-Xisbiga hor-u socodka shaqaalaha, 3-Xisbiga dhaq dhaqaaqa, 4-Xisbiga Saanuu, 5-Xisbiga midnimada, 6-Hoggaan qaran. Tirada guud ee xisbiyada siyaasadeed ee sida KMG ah uga diiwaan gashan guddiga doorashooyinka qaranka ayaa xilligaan gaaraya 63 xisbi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-23112019-sx.mp3 View the full article
-
A Car bomb injured two in Mogadishu, Somalia’s capital on Saturday noon, police said, the latest in a string of attacks in the seaside city by Al-Shabab, Al-Qaeda’s ally in East Africa. Somali police apprehended a man suspected of detonating the vehicle-borne improvised explosive device near Safari Restaurant in Zoobe junction area. There was no immediate claim of responsibility for the attack, but, such car bombs are often attributed to Al-Shabab, which is battling to oust the UN-backed Somali government. Developing a story, more to follow soon. View the full article
-
Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo is scheduled to meet more than 25 opposition political parties’ leaders on Saturday. The main agenda of the discussion is about the upcoming Presidential and parliamentary election in 2021, Villa Somalia Communications Director, Abdinur Mohamed Ahmed has confirmed. ” President Farmajo is meeting some members of the opposition political parties in his office that are temporarily registered by the National Independent Election Commission.” Abdinur posted in his Facebook. The head of state is expected to iron out the key concerns of the opposition parties in the country on the significant democratic exercise. ” The meeting with political stakeholders will focus on the realisation of one man one vote in the country.” The President held talks with the party leaders of Himilo Qaran, Sheikh Sharif Sheikh Ahmed and the leader of United Peace and Development, Hassan Sheikh Mohamud on Wednesday last week. President Farmajo assured that the polls will be conducted on its stipulated time amid fears by the opposition for an extension. The government has also pledged to put all necessary arrangements for the free and fair ballot. Somali parliament is expected to approve the election bill before the end of the year. The National Independent and Electoral Commission (NIEC) it is ready to manage the exercise but reiterated the role of the parliament to finalize the regulations required View the full article
-
The first direct flight from the Somali capital, Mogadishu to Kenyan city of Nairobi commenced on Friday after six months’ halt. Kenyan airways flight from Mogadishu landed at Jomo Kenyatta International airport, aviation officials confirmed. The move follows last week’s agreement between President, Mohamed Abdullahi Farmajo and his counterpart, Uhuru Kenyatta to end Wajir airport stopover and restore direct flights between the two neighboring cities. Somali Civil Aviation Authority (SCAMA) informed local operators that they can fly direct to Nairobi effective November 22. The direct flight was suspended by the Kenyan government for security reasons in May just after it was resumed in 2016. The bilateral ties between the two countries went all-time low over the dispute on the maritime case that is already at the international court of justice. President Farmajo and President Kenyatta said the relations between two states will not be affected by the ongoing case at the International Court of Justice. The international community has welcomed the new diplomatic engagement between Mogadishu and Nairobi that cooperate on key areas including security that is a fight on armed group al-Shabab. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – Waxaa goor dhow si rasmi ah u furmay shir u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo hoggaanka xisbiyada siyaasadda, gaar ahaan kuwa sida KMG ah u diiwaan-gashan. Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Qaranka, Cabdinuur Maxamed Axmed oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa xaqiijiyey inuu furmay shirkaasi. “Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan kulan kula qaadanaya Villa Soomaaliya qaar ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee Kumeel Gaarka ah ee ka diiwaangashan Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka.” ayuu yiri Cabdinuur. Sidoo kale agaasimaha ayaa sheegay in shirkan oo ah mid wadatashi ah looga arrinsanayo doorasho qof iyo cod ah oo 2020-21-ka ka dhacda magaalada Muqdisho. “Kulamadan ayaa looga gol leeyahay in Madaxweynuhu uu wada-tashiyo ballaaran la qaato saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya, lagana wada hadlo sidii doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku qabsoonta looga hirgelin lahaa dalka.” ayuu markale yiri agaasimuhu. Cabdinuur ma shaacin magacyada iyo tirada xisbiyada madasha fadhiya ee ka qeyb galaya shirkaasi oo ay soo qaban qaabisay Villa Soomaaliya. Shirkan ayaa daba socda midkii dhowaan Madaxweyne Farmaajo ay la qaateen Madaxweynayaashii hore, Sheekh Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
-
Daawo:Masuul xil sare ka hayey Xisbiga Waddani oo iscasilay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
(SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee taagan ee salka ku haya Komishanka ee u dhexeeya Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka. Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Boqor Buurmadaw, waxaanu ugu baaqay inuu ka dheerado Siyaasada, iyo in aanu kala jeclaysan Beelaha, isla markaana aan la adeegsan, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Dawladda iyo Axsaabtaba waxaan leeyahay umaddani sharci bay ku joogta, shuruucda Dastuurka ku qoran haddii la burburiyo dhibaato ayaa ka dhalan karta, ee Dawladda iyo Axsaabtaba waxaan leeyahay shuruucda ha noo ilaaliyaan oo Shacbiga danahooda ha noo ilaaliyaan, oo Sharciga ha ku kala baxaan” Mar uu ka hadlaayey sida uu u arko hadalkii Boqor Buurmadaw wuxuu yidhi “Boqor Buurmadaw arin siyaasi ma gali karo, kama hadli karo, qofkuna wuxuu u baahan yahay inuu shuruucda dalka yaala wax ka akhriyo, laakiin nimaan shuruucda waxba ka garanayn, oo dhegtuun wax ka maqla, waa dhibaato inuu wax walba ka hadlo, Boqorkana waxaan leeyahay, Boqoroow umaddaadii weeye dadka meesha lagu rifayaa ee yaan lagu adeegsan, oo qolo kale ku adeegsan, hana kala jeclaysan Beelaha, oo qof kasta oo Somali ah Boqor baad u tahay, Boqortinimaduna wax la ilaaliyo weeye, laakiin haddii aad dadka kala dhaweeysato dhibaatadeeda ayey leedahay” Source
-
Jugta qarax xoogan oo inta badan laga maqlay xaafadaha Muqdisho ayaa goor dhow ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari la sheegay in lagu soo xiray walxaha qarxa. Wararka ayaa sheegaya in dab ka dhashay qaraxaasi uu qabsaday Kaalin Shidaal oo ka agdhaweyd meesha uu ka dhacay. Ma cadda khasaaraha uu geystay qaraxa, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo xiray waddadaasi. Faah faahinta kala soco: radioshabelle.com View the full article
-
Muqdishoi (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay isgoyska 14-ka Octobee, Ex Zoobe ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhashay gaari yar oo lagu soo xiray walxaha qarxa, sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal. Dadka aan la hadalnay ayaa sheegay in xilliga uu qarxayey gaariga ayna qof saarneyn, islamarkaana uu ku baakinaaa waddada dhinaceeda. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu sababay dab xoogan oo qabsaday Kaalin Shidaal oo ku taalla halkaasi. Khasaare kala duwan ayaa jira, basle weli lama xaqiijin inta uu gaarsiisan yahay, waxaana hadda socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay. Meesha uu qaraxu ka dhacay ayaa ah meel aad u mashquul badan, iyadoona ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xiray dhaq dhaqaaqa waddadaasi. Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe amamaanka Caasimada uu ahaa mid degan, islamarkaana ciidamada dowladdu ay ka wadeen baaritaano joogta ah.
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland syaa Shaqada Ka Hakisay hay’ad Caalami Ah Oo Lagu Magaacabo #IKRAF Oo Doonaysay In Ay Mashruuc Ka Fuliso Kaamka Barakacayaasha Ee Mandheera. Gudoomiyaha Hayada Barakacayaasha Iyo Qaxoontiga Somaliland Cabdikariim Axmed Maxamed Xinif Oo Warbaahinta Kula Hadlay Xafiiskiisa Ayaa Warbaahinta U Xaqiijiyey, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Popular Contributors
