Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,051
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo saaka aroortii hore ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannada dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen fariisimo ciidan oo ku yaalla deegaanka Goofgaduud-Buurey oo ka tirsan gobolkaasi. Weerarka ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana qaatay saacado badan uu ka dhacay halkaasi. Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaan iyo weerarka ka horreeyey ayaa sheegtay in ay la wareegtay gabi ahaan gacan ku heynta deegaankaasi oo ah mid istaartiiji ah. Sidoo kale warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalka ay ku dhinteen ugu yaraan 8 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka gobolka Baay oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay. Xaaladda ayaa hadda aad u kacsan, iyadoona dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ay isku ballaariyeen deegaanka Goofgaduud-Buurey. Inta badan Al-Shabaab oo weli ku xoogan Koonfur Galbeed ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gobollada Sh/Hoose, Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.
  2. Xalay fiidkii, waxaa xildhibaannada golaha shacabka u soo dhacay fariimo abuuray jahawareer iyo isku dhexyaac badan. Saddex fariin oo kala duwan ayaa u soo dhacday saacad gudaheeda, oo kala xambaarsan ballamo kala duwan, taasi ayaana keentay jahawareerka. Fariinta 1aad: M.ne Xil Beri oo Isniin ah Tar 23 Dec waxaa jira Kulan weynihii Golaha. Agendaha U Codeynta H/Sh Maaraynta & Maamulka Maaliyadda U Codeynta H/Sh Shirkadaha Akh3aad ee H/Sh Doorashooyinka Fariinta 2-aad waxaa laga soo reebay akhrisnta 2-aad ee sharciga doorashooyinka, oo waxaa loo dhigay: M.ne Xil Saxitaan – Raali Ahow 1 Akh3aad ee H/Sh Doorashooyinka cilad farsamo awgeed waa laga saarey Agendaha bari Fariinta 3-aad: M.ne Xil shirkii beri oo Isniin ah Tar 23 loo balansanaa waa baaqday Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Shirkaan oo galaya wejigiisa labaad ayaa saacadaha soo socda ka furmi doono deegaanka Buq Qalooc oo ka tirsan gobolka Mudug. Inta uu socdo shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii loo xalin lahaa colaada gobolkaasi, gaar ahaan dagaalladii ka dhacay deegaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq. Sidoo kale waxaa shirka ka qeyb galaya saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka, waxgaradka deegaanka iyo odayaasha maleeshiyaadka labada dhinac. Wariyaha Shabelle Cali Xasan Barqadle (Cali Gaab) ayaa ka warramaya wararkii ugu dambeeyey iyo dadaallada nabadeed ee ka socda gobolka Mudug. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Gaab.mp3 View the full article
  4. Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan oo warbaahinta kula hadlay Beledweyne ayaa eedeyn culus u jeediyey HirShabelle. Guddoomiye hore Dabageed ayaa sheegay in dhibaatooyin is biirsaday ay haatan ka jiraan deegaanada maamulkaasi, islamarkaana laga gaabiyey in wax laga qabto. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxda sare ee maamulka HirShabelle ay ku fashilmeen arrimaha ammaanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Ugu dambeyn Yuusuf Dabageed ayaa hoosta ka xariiqay in Al-Shabaab ay go’doomisay labada magaallo ee Jowhar iyo Beledweyne, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cod-cabdiqani-1.mp3 View the full article
  5. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka ciidamada milatariga Soomaaliya ay dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadaan gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyada ayaa waxaa laga dareemayaa deegaanka Xaaji Cali iyo nawaaxigiisa, halkaas oo uu dhowaan gaaray taliye ku xigeenka ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Ujeedka howlgalladaan cusub ayaa ah sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ku xeeran degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in markale dagaal culus uu ka qarxo halkaasi. View the full article
  6. Wararka ka imaanaya degaanka HORU-FADHI ee gobolka Cayn ee Puntland ayaa sheegaya in halkaasi saaka ay ka taagantahay xiisad u dhexaysa laba malayshiya-beeleed kadib markii xalay degaanka lagu dilay qof shacab ah. Dilka ka dhacay tuulada HORU-FADHI ayaa sida la xaqiijiyay waxa uu la xiriiray aano-qabiil waxaana ku dhintay nin ka soo jeeda dhinacyada dirirtu ka dhexayso taasi oo mar kale xiisad colaadeed abuurtay. Xiisadda ka soo cusboonaatay degaanka HORU-FADHI ee gobolka Cayn ayaa sida la sheegayo salka ku haysa dagaal-beeleedyo horay marar kala duwan halkaasi uga dhacay kuwaasi oo u dhexeeya laba beelood oo degaanka wada-deggan. Wararkii u dambeeyay waxay sheegayaan in Waxgaradka iyo Odayaasha magaalada Buuhoodle ay ku hawllan yihiin sidii loo dejin lahaa xiisadda ka aloosan degaanka islamarkaana looo baajin lahaa colaad mar kale dhacda. PUNTLAND POST The post Xiisad ka taagan degaanka HORU-FADHI ee gobolka Cayn appeared first on Puntland Post.
  7. The State of Qatar has provided the Federal Republic of Somalia with computers, printers and radio devices as a gift from Qatar’s Civil Aviation Authority to its Somali counterpart. Source: Hiiraan Online
  8. Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid C/laahi Maxamed (Deni) oo u warramayey warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda maamulkaasi. Deni ayaa sheegay in Puntland ay heystaan daruufu adag oo ku xeeran amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda oo aan weli gaarin meeshii la rabay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada ammaanka ee maamulkaasi ay ku shaqeeyaan daruufu kala duwan oo u baahan in wax laga qabto. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cod-jaamac.mp3 View the full article
  9. Selami Turker, chief of Special Police Unit of Turkish National Police, met with Somali officials and exchanged views Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad goboleedka Galmudug. Qaban qaabada iyo soo dhowenta Ra’iisul wasaaraha ayaa saaka laga dareemayaa gudaha maaladaasi, iyadoo sidoo kale si aad loo xoojiyey amniga. Sida ay ogaatay Caasimada Online socdaalka Khayre ayaa la xariiro kaliya xaqiijinta heshiiskii ay dhowaan dowladda Soomaaliya la gashay Ahlu Sunna Waljamaaca. Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa dusha kala socon doono dhismaha Galmudug, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo soo xulista xildhibaanada cusub ee maamulkaasi. Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo kala duwan uu la qaato hoggaanka Ahlu Sunna, madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si xal waar looga gaaro tabashooyinka weli jira. Ra’iisul wasaare Khayre ayaya marar badan dib ugu laabtay deegaanada dowlad goboleedka Galmudug, isagoo dadaal ku bixinaya dhismaha maamulkaasi oo muddo soo jiitamayey, kadib khilaafaad ka dhashay. Doorashada Galmudug, gaar ahaan mida madaxweynaha ayaa lagu wadaa in la qabto bilowga bisha dambe iyadoo haatan ay socoto qaban qaabadii ugu dambeysay.
  11. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-231219.mp3 View the full article
  12. Cairo is worried the new construction will restrict its water supplies from the river Source: Hiiraan Online
  13. It may help the Emirati government track its citizens. Source: Hiiraan Online
  14. Beledweyne (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ayax guuraya oo raxan raxan u socda, uu ku dagey deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan. Ayaxa ayaa shalay ku soo dagey deegaanka Ceel-jaalle ee gobolka Hiiraan, iyadoo marki dambe ay dadku iska kiciyeen kadib markii ay rasaas ku rideen. Dadka beeralayda ah ee ku nool koofurta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu beerahooda xalay ku dagey Ayaxaas, iyagoo sheegay in ay cabsi xooggan ka qabaan in uu dalagyada ka baabi’iyo. Ayaxa ayaa Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa ka cabanayay dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan gobolka Galgaduud, waxaana hadda ay u muuqataa in uu ku dageyo kuna fidayo qaybo kale oo ka mid ah gobollada dalka.
  15. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Saree e Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in uu dhaqan galay Manhajka ay soo saartay Wasaaraddu ee loo diyaariyay dugsiga dhexe. Agaasimaha Xafiiska Manaahijta Wasaaradda Waxbarashada Maxamed Xasan Mukhtaar ayaa sheegay in Manhajka dugsiga dhexe uu dhaqan galay, isla markaana iskuulada dalka laga bilaabay Manhajkaan oo uu sheegay inuu wax badan uu ka bedeli doono Tayada waxbarashada dalka Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in manhajkaan uu yahay mid ay soo diyaariyeen Macalimiin Soomaaliyeed,isagoo xusay in manhajku uu ka turjumayo dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana uu yahay mid uu leeyahay dalka Soomaaliya taasoo meesha ka saareysa isticmaalka manaahijtii hore ee wadamada kale. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in uu dhaqan-galay Manhajka Dugsiyada Dhexe appeared first on Puntland Post.
  16. With Qaboos bin Said’s illness seemingly terminal, an elaborate set of rules is enacted Source: Hiiraan Online
  17. Kenya’s Sindo United went down 3-1 to Somaliland’s Hargeisa Municipality side in a friendly match played at the Hargeisa National Stadium Saturday evening. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu magaalada Muqdisho ka baxsaday dhaqatar ajnabi ah oo loo haystay inuu dharbaaxay gabar Soomaali ah. Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in dhaqtarkan oo ka shaqeynayey isbitalka Masaarida ee magaalada Muqdisho ay damiinteen dad Soomaali ah, kadibna uu maalin cad ka dhoofay garoonka Aadan Cadde. Wasiirka ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay dooneysay in ninkaas ay u ciqaabto xadgudubkii uu ku sameeyey gabadha Soomaaliya. Wasiirka ma sheegin in gabadha la dharbaaxay ay ahayd bukaan ama inay isbitalka kala shaqeyneysay dhaqtarka. Fowsiya ayaa sheegtay inay amar ku bixisay in haddii dhaqtarkaas uu dalka dib ugu soo laabto dib loogu celiyo diyaaradda uu ku yimaado. Wasiirka, oo shalay ka hadlaysay kulankii baarlamanka Soomaaliya oo su’aalo lagu weydiiyey, ayaa shaaca ka qaaday in dhibaatooyin badan lagu qabo dhaqaatiirta ajnabiga ah ee dalka iska soo galaya oo cid maamusho aysan jirin. Arrintaas ayay wasiirka sabab uga dhigtay sharcigii lagu xakameyn lahaa oo weli hor-yaalla baarlamanka Soomaaliya, islamarkaana aan ansixin. “Syria iyo Yemen qofka kasoo qaxa ee sheeganaya inuu dhaqtar yahay ma jirto qaab loo kantaroola, sababtoo ah anaga ma sameyn karno sidaas, ayada oo aan la helin sharcigii” ayey tiri wasiirka Fowsiya Abiikar Nuur. Wasiirka ayaa sheegtay inaysan wada xumeyn dhaqaatiirta ajnabiga ah ee dalka joogo, balse dad badan oo aan dhaqtar ahayn ay magaalada ka howl-galaan. Waxay ugu dambeyn sheegtay in hadda ay billaabeen inay diiwaan geliyaan dhammaan xarumaha caafimaad ee ajaaniibtu ka furanayaan magaalada, si loo ogaado xaqiiqda aqoonta ay sheeganayaan.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhexe u gudbisay Gaashaanle Sare Cali Maxamed Nuur oo ahaa Taliyaha Guutada 1-da April, gaashaanle Aadan Axmed Cali Gaaseey, oo ahaa abaanduulaha Guutada 1-da April, iyo saraakiil kale, kuwaas oo ahaa Saraakiishii hogaamineysay ciidankii ay Al-Shabaab ku laayeen xerada Ceelsaliini ee gobalka Shabeelada Hoose. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa, in saraakiishaan oo xukun sugayaal ah la geeyay Xabsiga dhexe, islamarkaana ay wajahayaan halis amni, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan ehaladooda oo la hadlay Caasimada Online. Ehellada ayaa sheegay in saraakiishaan la geliyay qol ay ku jiraan rag ku eedeysan in xubno ka yihiin Al-Shabaab oo maxkamad sugayaal ah, kuwa Al-Shabaab ah oo xukun ku dhacay iyo qaar kale oo ku eedeysan fal dambiyeedyo kale. Qaar ka mid ah ehellada ayaa qaba in saraakiisha ay wajahayaan halis amni maadaama iyagoo tiro yar loo geeyay koox ah Al-Shabaabnimo ku eedeysan iyo qaar lagu helay oo xukun ku dhacay oo dhamaantoodba hal qol ku jira. “Wiilkayga waxaa lagu xiray qol ay ku jiraan rag badan oo Al-Shabaab ah, waxa uuna halis ugu jiraa in halkaas lagu dilo waayo waa ka tiro badan yihiin waana Sarkaal dowladeed” ayey tiri Hooyada dhashay mid kamid ah Saraakiisha Xabsiga loo gudbiyay. Dhawaan Xabsiga waxaa daryeel la’aan ugu geeriyooday mid kamid ah Maxaabiista Xabsiga, kaas oo ay waalidiintiisa sheegeen in la dayacay.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Kenya Jeneraal Samson Mwathethe ayaa safar qarsoodi ah ku yimid dalka Soomaaliya, oo ay joogaan ciidamo ka tirsan Kenya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM. Taliyaha oo booqday goobaha ay Ciidamada Kenya ka joogaan Soomaaliya ayaa ammaan dusha uga tuuray askarta wadankiisa ee ka tirsan Howlgalka AMISOM ee in ka badan 10 sano ka socdo Soomaaliya. Jeneraal Samson oo shalay la hadlayey ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalkooda hooyo oo weeraro culus ay ka geystaan Kooxda Al-Shabaab. “Wallow aad ku sugan tihiin halkaan, waan idinka fekernaa, mana laga yaabo in la idin hilmaamo. Waxaan idin rajeynayaan guul inta aad gudaneysaan waajibaadkiina,” ayuu yiri. Taliyahaha ayaa Ciidamadiisa u sheegay in Soomaaliya oo nabad noqoto ay ka dhigan tahay Kenya oo nabad heshay sidaas darteed ay lagama maarmaan tahay inay ka shaqeeyaan sidii Soomaaliya looga nadiifin lahaa Kooxda Al-Shabaab. “Waxaan u joognaa Soomaaliya, maxaa yeelay waxaan ognahay haddii Soomaaliya ay ka xorowdo Al-Shabaab iyo argagixisadda, in Kenya sidoo kale aan ka xorreyn doono,” ayuu raaciyey. Taliyaha ayaa ugu dambeyntii ciidamada kula dardaarmay inay xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab. Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa horey u sheegay inaysan ciidamadiisa Soomaaliya kasoo bixi doonin illaa Al-Shabaab laga baabi’iyo. Ciidamada Kenya ee ka tirsan Howlgalka AMISOM ayaa Soomaaliya soo galay sanadkii 2011, waxayna saldhigyo ku leeyihiin deegaanada Maamulka Jubbaland ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe oo xiriir dhow la leh Kenya.
  21. As the holiday season nears, Issa Shaiye was expecting to spend weekends planning his family's move to their new home, not gathering with dozens of other low-income families into a hall as they fret over where they will live in a few months. Source: Hiiraan Online
  22. A far-reaching government analysis of the most widely used facial recognition algorithms found most of them appeared to suffer from racial bias, misidentifying Asian- and African-Americans far more often than Caucasians. Source: Hiiraan Online