Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,051
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey Taliska Ciidanka Daraawiishta ee Garoowe (54-aad). Madaxweyne Deni ayaa ugu horayn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Puntland, salaan kadib waxa uu Madaxweynuhu kormeeray dufcaddii sadexaad ee ciidanka Birmadka Madaxtooyada oo tababar uga socdo Taliska Xerada 54-aad, waxaa ka horeeyey dufcaddani laba dufcadood oo dhammaystay tababarkooda, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Birmadka Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa la hadlay dufcadda sadexaad ee Ciidanka Birmadka Madaxtooyada, wuxuuna u xaqiijiyey in maanta uu u socdey shaqo la xidhiidha qiimaynta ciidanka iyo sida uu u socdo tababarku. “Shaqaan u nimi la xidhiidha arrimaha ciidanka, gaar ahaan tababarka, sidaad ogtihiin mudadii u dambaysey dowladdu waxa ay xoogga saartay sidii ciidamada loo tayeynlahaa, haday ahaan lahayd tababarkooda, mushaharkooda iyo hawlgelintoodaba, dabcan waa hawl aad u balaadhan oo aan sahlanayn, waxaan ku faraxsanahay in qorshihii dowladda ay wax ka qabsoomeen, laguna gudajiro oo aan rajaynayno hadafkii la lahaa in laga gaadho oo ay ugu horayso Puntland inay hesho ciidan shacabkeeda iyo dowladdeeduba ay isku halayn karaan.” ayuu yiri Madaxweyne Deni Madaxweyne Deni oo hadlakiisa sii wata ayaa yiri “Si loo helo taas waa in ciidanka dhiniciisa maamulka, kala dambayn iyo akhalaaqdiisa la hagaajiyo, agabkiisa iyo xuquuqdiisana la helo, wixii intaas ka dambeeyana waajibaadkooda lagula xisaabtamo Insha Alla”. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ciidamada tababarku u socdo ku booriyey inay waxbadan ka bartaan sarakiisha ciidan ee soo gaadhey dowladdii dhexe ee Soomaaliya, kuwaasi oo qayb ka ah dhismaha iyo dib u habaynta ciidamada Puntland, wuxuuna bogaadiyey shaqada baaxadda leh ee sarakiishu ka gaadheen dhismaha iyo dib u habaynta ciidanka. Ugu dambayn, Madaxweyne Deni ayaa kulan la qaatay Saraakiisha ciidanka Daraawiishta, Guddiga Dib u dhiska Ciidanka Dowladda, iyo la-taliyayaal arrimaha ciidanka ah. PUNTLAND POST The post Puntland oo xooga saareysa tayeynta ciidamada appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in Al-Shabaab ay Milateriga Soomaaliya ka qabsadeen ilaa 3 gaari oo nuuca dagaalka ah, kadib dagaalkii Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay degaanka Geelgub ee degmada Cadale ee gobalka Shabeelada Dhexe. Gaadiidkaan oo ka kooban, hal gaari oo Beebee ah oo ay dhawaan dowladda Turki siisay dowladda Soomaaliya, hal gaari oo Cabdi Bile ah islamarkaana qori weyn ku xiran yahay, iyo hal gaari oo Ambulance ah oo ay leeyihiin Milateriga Soomaaliya. Sidoo kale, Caasimada Online ayaa ogaatay in wali Milateriga Soomaaliya ay ku sugan yihiin degaan u dhaw Geelgub halkaas oo la sheegay in ay ciidanka go’doon ku yihiin, kadib markii ay dowladda Soomaaliya amartay in ay soo laaban iyagoo aan gaadiidkii soo celin islamarkaana aan qabsan degaankii ay u baxeen. Dowladda Soomaaliya wali ma shaacin in gaadiid dagaalka looga qabsaday, sidoo kale wali warbaahinta ma ogaanin xaqiiqada dagaalkii degaanka ka dhacay. Dowladda Soomaaliya ayaa hore u xirtay saraakiil hub iyo gaadiid looga qabsaday weerarkii Ceelsaliini ee gobalka Shabeelada hoose. Al-Shabaab ayaa shalay idaacaddooda Andalus ku sheegtay in dagaalkaasi ay ku qabsadeen hub iyo sidoo kale gaari gaashaaman oo Turkiga uu siiyey dowlada Soomaaliya
  3. (SLT-Hargeysa)-Faysal Cali Waraabe Oo Eedaymo Culus U Jeediyay Madaxweyneyaasha Soomaaliya Iyo Jabuuti, halkan hoose ka Daawo https://youtu.be/HGRcLRHR8q0 Source
  4. Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa goordhoweyd war ka soo saartay xiisada ka dhalatay Wiil lagu dilay magaalada Wajaale iyo Haweenay ay magaaladaasi ku jidh dileen Ciidamada Booliska, oo aad loogu baahiyay baraha bulshada. Taliska Ciidanka Booliska Somaliland oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in Marxuumkaasi uu si badheedh ah u dilay Askari ka tirsan ciidamada Somaliland, isagoona xusay in Askarigaasi la xidhay oo cadaalada la horkeeni doono sida ugu dhaqsaha badan. Afhayeenka u hadlayey Ciidamada, Taliye Faysal Xiis ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay muuqaalka Haweenay ay ciidamada boolisku ay ku jidh dilayaan magaalada Wajaale oo si weyn u qabsaday baraha bulshada, kaasi oo laga dheehan karayey qaab arxan daro ah oo dhowr Askari u wada jidh dilayeen Haweenaydaasi. Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidamada boolisku ay ku howlanaayen in la kala cayriyo dadweyne ka xumaa dilka loo geystay Marxuumkaasi oo gudaha magaalada Wajaale ka dhigayey mudaharaad ka dhan ah dilkaasi. Wuxuuna Afhayeenku ku micneeyay falka ay ku jidh dilayeen Askartaasi mid ka baxsan anshaxa Booliska, isagoona sheegay in la soo xidhay dhowrkii Askari ee ku hoobtey haweenaydaasi, lana hor-geyn doono maxkamada. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxa aad loogu baahinayay baraha bulshada muuqaalka Haweenaydaasi ay sida arxan darada ah u jidh dilayeen Askartaasi oo kamid ahaa ciidamada booliska Somaliland, taasi oo ay dad badan aad uga xumaadeen, siyaabo kala duwana looga hadlay.
  5. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay ciyaaryahannada kooxda kubbadda cagta ee kooxda SINDO UNITED oo ka dhisan waddanka Kenya oo maalmihii ugu danbeeyey kulammo kubbadda cagta ah la qaadatay kooxo kala duwan oo ka dhisan magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Berbera. Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici waxa uu si gaar ah u hambalyeeyey masuuliyiinta wasaaradaha arrimaha dibadda iyo Ciyaaraha iyo masuuliyiinta safaaradda Somaliland ee Kenya oo madasha ku sugnaa, isaga oo kooxda ka socota dalka Kenya-na ugu xog-warramay xaaladda guud ee dalka iyo nabadda taalla dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Kooxda kubbadda cagta ee SINDO UNITED oo kamid ah kooxaha heerka koowaad ka dhisan dalka Kenya, ayaa muddadii ay Somaliland ku sugnayd kulamo ciyaareed la qaadatay kooxo dhiggooda ah oo ka dhisan magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Boorama, waxana ay maantaba ku laabteen dalkoodii Hooyo. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
  6. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saacadihii la soo dhaafay ka dhacay halka loo yaqaano Doonka oo hoos yimaada degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose. Weerarka oo ahaa mid dhaba gal ah ayaa la sheegay in lagu qaaday ciidamo ku sii jeeday deegaanka Bali-Doogle ee gobolkaasi. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay weerarkaan, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Mutawkil.mp3 View the full article
  7. Guddiga Somaliland u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wada hadalada, hase ahaatee ay doonayaan in la meel mariyo heshiisyadii horay loo gaaray, iyagoo ku eedeeyey dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo inay meesha ka saartay. Dr Adna Aadan Ismaaciil ayaa sheegtay inay soo dhoweynayana in la wada hadlo, balse waxaa ay su’aal ka keentay halka laga soo bilaabayo wada hadalada, maadaama wixii horay loogu heshiiyay la burburiyay “In la wadahadlo waan soo dhaweyneynaa. Wadahadalladu halkii ay marayeen laga soo billaabo kii koowaad ilaa kii lixaad, waxaa dhacayay isu soo dhawaansho, ummaddu way isu soo dhawaaneysay, waxaase nasiib darro noqotay in Madaxweyne Farmaajo uu wada buriyo qodobbadii horay loogu heshiiyay oo dhan, oo intuu maalin soo toosay uu yiri saxiixyadii madaxweyneyaashii hore waxba kama jiraan, oo uu yiri diyaaradaha hallaga maamulo Muqdisho”ayay tiri Adna Aadan Ismaaciil. Sidoo kale waxa ay is weydiisay haddii wada hadalada ay noqdaan kuwo bilow ah, kuwii horena laga soo qaado waxba kama jiraan ay arrintu tahay gacma daalis, waxaana ay xustay in iyaga ay diyaar u yihiin dib u bilaabida wada hadalada haddii heshiisyadii hore la meel mariyo. “Hadduu oggolaado sidey heshiisyadu ahaayeen, ee madaxweyneyaashii hore u saxiixeen, waxaan subaxa xiga diyaar u nahay wadahadalka”ayay hadalkeeda ku sii dartay Adna. Guddiga Madaxweyne Farmaajo u magacaabay wada hadalada Somaliland ayaa dhowaan sheegay inay diyaar u yihiin inay wada hadalo la furaan Somaliland, islamarkaana ay diyaar yihiin qorshihii lagu howlgeli lahaa. Wada hadalada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa hakad ku jiray tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 2015, xilligaas oo wada hadal labada dhinac ay yeeshaan ugu dambeeyay, sidoo kale tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo wax wada hadalo ah ma aanay dhicin. View the full article
  8. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Xasan Cabdi Maxamed Xijaar ayaa Magaalada Doha ee dalka Qatar uga qeyb galay xiritaanka tartanka Ciyaaraha Ururka Sports-ka Carabta. Shirkaan ayaa ay tahay markii ugu horeysay oo Booliska Soomaaliya uu ka qeyb galo, Iyadoo dhallinyarada Soomaaliya ku matashay tartanka ay kaalmo wanaagsan ka galeen. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Xasan Cabdi Maxamed Xijaar ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Qatar waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dalkaas. Soomaaliya ayaa Guulo dhinaca Xiriirka Dibada ah Samaynaysay Mudooyinkii ugu danbeeyay Halkan hoose ka daawo Sawirro: View the full article
  9. Waxaa maanta magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ka dhacay banaanbax ay dhigeen dadweynaha ku dhaqan magaaladaasi. Dibadbaxaan ayaa waxaa looga soo horjeeday saddex Masaajid oo dhowaan lagu gubay deegaanka Amxaarada, falkaasi oo ay geysteen kooxo Masiixiyiin ah. Boqolaal dadweyne ah oo careysnaa ayaa ka qeyb galay banaanbaxaan, kuwaas ku qeylinayey hal ku dhigyo ka dhan ah kooxihii ka dambeeyey falkaasi wuxuushnimada ah. Dhinaca kale Sheekh Cabdul-Xayi Sheekh Aadan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho uga warramay dhacdadaasi iyo waxa ay ka qabto shareecada islaamka in la gubo goobaha MAsaajida ama lagu cibaadeysto ee Muslimiinta. Sidoo kale Sheekh Cabdul-Xayi ayaa cod dheer ku sheegay in Ummadda Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka dhiidhiso falalka noocaan oo kale ah, islamarkaana ay muhiim tahay inay sameeyaan isku soo baxyo waa weyn oo lagu difaaca Diinta suuban ee Islaamka. Halkaan hoose ka dhageyo Codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Jaamac-1.mp3 View the full article
  10. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa kula kulmay xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka. Waxaanu madaxweynuhu xubnaha guddida uga warramay caqabada ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka iyo xubnaha komishanka doorashooyinka laftooda, isaga oo ku dheeraaday ahmiyadda ay doorashooyinku dalka u leeyihiin iyo sida uu ka madaxweyne ahaan u danaynayo in degdeg looga gudbo dhammaanba wixii turaanturrooyin ah ee doorashooyinka hor taagan. Dhinaca xubnaha guddida doorashooyinku waxay madaxweynaha xogwarran ka siiyeen wixii u qabsoomay intii ay xilka hayeen iyo waxyaabaha mustaqbal ahaan u qorshaysan. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  11. War kasoo baxay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu amray shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay inay xiraan dhamaan Accounada shirkadaha ku shaqeysta sarrifka Internetka ee FOREX ay ku leedahay shirkadahaas. Qoraalka oo ay ku saxiixan tahay guddoomiye ku xigeenka Bangiga Dhexe Maryan Cabdullaahi Yuusuf ayaa lagu amray inay shirkadaha gaarka loo leeyahay fuliyaan amarkaas,sidoo kalen soo gudbiyaan Cadadka lacagaha ku jira Accounada FOREX. Guddiga dhexe ee Maamula Bangiga ayaa lagu sheegay in uu 28kii October 2019 kulan ka yeeshay arrintaanb,isla markaana la go’aamiyey Go’aanka ah in Bangiyada gaarka loo leeyahay ay xiraan Accounada FOREX. Amarkaan ka soo baxay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay ay taagneyd dood ka dhalatay ka ganacsiga FOREX, iyada oo Culimada qaarkood ay isku khilaafeen sax ahaanshaha Ganacsiga FOREX. View the full article
  12. Munaasabad lagu dhameystirayey heshiiskii ay dhowaan wada gaareen beelihii ku dagaamay bariga gobolka Mudug ayaa maanta lagu qabtay deegaanka Towfiiq ee gobolkaasi, waxaana lagu soo bandhigay qodobo ay ku heshiiyeen labada Beelood. Dhameystirka heshiiskaan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa taliyaha qeybta 21-aad ee Xoogga dalka Gen. Cabdicasiis Cabdulaahi Qooje iyo saraakiil kale. Nabadoon Xasan Cabdinuur oo ka mid ah waxgradka deegaanka Towfiiq oo la hadlay xafiis wareedka Shabelle ee Garoowe ayaa faah faahiyey waxyaabihii lagu wada heshiiyey. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cadaani-1.mp3 View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-24122019.mp3 View the full article
  14. Jilib (Caasimada Online) – Ku dhawaad 20 dagaalame oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeymo xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan gobalka Jubada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha Soomaaliya. Duqeynta ayaa ka dhacday degmooyinka gobalka ugu waa wayn ee Jilib iyo Bu’aale, waxaana lala beegsaday xarun tababar iyo guri uu daganaa mid kamid ah saraakiisha Al-Shabaab ee dhanka tababarka u qaabilsan, sida ay Caasimada Online u sheegeen masuuliyiin ka tirsan hay’adaha ammaanka. “Xaafadda Hargeysa Yareey ee degmada Jilib duqeyn ka dhacay xarun tababar ayaa ku dilnay dagaalamayaal badan oo ay u socotay muxaadaro diini ah, waxaana ku dilnay xubno badan” ayuu yiri sarkaal sare oo la hadlay Caasimada Online. “Sidoo kale duqeyn ayaa ka dhacday Bu’aale, waxaana lala beegsaday guri uu daganaa mid kamid ah ajaaniibta bixiya tababarada dagaalamayasha Al-Shabaab kuwooda qatarta ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalkaan la hadlay Caasimada Online. Sarkaalka la sheegay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Macalim Yoonis Karaama oo caan ku ah magaca Abuu Cutayba. Ma jirto cid ka madax banaan saraakiisha amaanka Soomaaliya ee xaqiijin karta tirada dhimashada weerarkaan, hasa yeeshee dadka degaanka ayaa soo sheegaya in ay dhacday duqeynta Xalay saqdii dhexe. Dowladda Soomaaliya ayaa shalay iyo dorraad war ka soo saartay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed kadib markii ay sheetay in ay howlgal sameeyeen ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibo caalami ah.
  15. Brigadier General Mohamed Sheikh Abdullahi, commander of the 60th Division of the Somali army, who spoke to Shabelle gave details about the operations in Bay region. Abdullahi said that the aim of the operation is to flush Al-Shabaab out of the entire region. He also said the troops will double their activities to re-open the highways linking the towns of Baidoa and Hudur to Mogadishu, the Somali capital. The statement comes as the government forces retake Goofgaduud Buurey in the Bay region from Al-Shabaab militants who briefly seized the control of the area on Monday. View the full article
  16. Dowlada Federaalku waxay aaminsan tahay in Dalka ay ka dhici karto Doorasho Qof iyo Cod ah inkastoo Madaxda sare ee Dalka aysan isku waafaqsanayn soo [...] Source
  17. The minister of security for HirShabelle State of Somalia Mohamed Abdirahman has announced that the regional forces are trying to dislodge Al-Shabaab from remaining areas. Speaking to local media, the minister said their forces, along with Somali National Army [SNA] drove Al-Shabaab out of 3 villages near Adala town in the Middle Shabelle region. The offensive came after the army received an intelligence report indicating that Al-Shabaab was regrouping in the rural areas located on the outskirts of the town. The latest operation followed deadly attacks by Al-Shabaab against Somali government forces and African Union peacekeepers traveling on Mogadishu-Bal’ad road. View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Ciidammada booliska Somaliland ayaa ka hadlay dhacdooyin maalmihii u dambeeyay ka dhacay gudaha magaalada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. (SLT-Muqdisho)-Maamulka Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa soo saaray Amar Akoonada looga xidhayo Shirkadaha Forex Trading ee shaqeeya gudaha dalka Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe ee Soomaaliya Maryam Cabdullaahi Yuusuf ayaa waxaa Bankiyada Ganacsi ee gaarka loo leeyahay lagu amray inay xidhaan dhammaan Xisaabaadka Ganacsatada Iibisa lacagaha qalaad ee Suuqyada Caalamka ee Forex Trading. Sidoo kale Qoraalka Maamulka Bangiga dhexe ayaa waxaa Bankiyada Ganacsi ee gaarka loo leeyahay lagu faray inay fuliyaan amarka kasoo baxay Bangiga dhexe ee dalka. Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlayey doorashooyinka Qaranka ee soo socda ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ku mashquulsan tahay, sidii loo sameyn lahaa muddo Kororsi. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa sheegay inay jiraan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo wada Olole muddo kororsi lix bilood ah, sababi kartana lix sano ah oo dheeraad ah, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu ka digayo arrintaasi, si dalka aysan uga dhicin qalalaase iyo xasilooni darri siyaasadeed. Halkan hoose ka aqriso: Waxaa socda olole lagu doonayo in qodobka 56-aad ee sharciga doorashooyinka ee muddo kordhinta ka hadlaya sidiisa loo daayo, laakiin muddada la kordhinayo laga dhigo 6 bilood. Qodobkaasi wuxuu ka hadlayaa dib-u-dhaca doorashooyinka, waxaana lagu sheegay in Madaxweynaha iyo Baarlamaanka muddada loo kordhiyo, haddii ay doorashadu xilligeeda qabsoomi waydo. Waxba isma dooriso in lix bilood la cayimo iyo in kale. Muddo kordhinta lixda bilood ayaa lix sano noqon karta. Xildhibaannada Baarlamaanka qaarkood ee ololaha ugu jira muddo kordhinta waa in ay kalsooni ku qabaan shacabkooda doorashana isku diyaariyaan. Ma aha in dalka qalaalase iyo xasillooni darri siyaasadeed ay abuuraan. Madaxweynaha iyo been ma sheegayaashiisa waxay ku andacoonayaan in Baarlamaanka uu ka hor taaganyahay doorasho qof iyo cod ah. Haddaba, haddii Baarlamaanka uu muddo kordhin keeno wuxuu ka dhacayaa indhaha cid walba. Waxaan kula talinaynaa in ay sharciga guddiga keenay meelmariyaan, kana waantoobaan muddo kororsiga. Haddii guriga aasaaskiisa la dhiso, darbiga iyo daaqadaha la taago, oo saqaf ka ama daboolka kore oo keli ah uu ka dhimmanyahay, ruux kasta oo caqli leh wuu garan karaa in fursad la siiyo dhamaystirka hawsha, waana la isla garan karaa muddada lagu dhamayn karo. Waana sidii la yeelay 2016, laakiin suurgal iyo caqli gal toona maaha in hawl aan weli la billaabin muddo kordhinteeda laga hadlo. Ha la ansaxiyo sharciga, dabadeedna ha laga heshiiyo hannaanka doorashada, iyo sidii loo meel marin lahaa, hawlahana xilligooda ha loo daayo. Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada rayidka ah, culimada, warbaahinta, aqoonyahanka iyo dhallinyaradu waa in aysan korjoogto ka noqon doodda doorashooyinka la xariirta. Siyaabo kala duwan ayey u cabirri karaan dareenkooda iyo aragtida arrimahan ku aaddan. Waa in aan qaadnaa olole xoog ku leh oo looga soo horjeedo muddo kordhinta.
  21. (SLT-Jigjiga)-Laamaha amniga dowlad deeganada Soomaalida Itoobiya ayaa faah faahin ka bixiyay kumanaan qof oo saaka Dibad-bax rabshado watay ka dhigay gudaha Magaalada Jigjiga. Kumanaan Qof ayaa iskugu baxay badhtamaha Jigjiga, kuwaasi oo ka cadheysnaa ficilada lagu gubay saddex Masaajid oo ku yaalla Gobolka Amxaarada ee Waddanka Itoobiya. Taliyaha Ciidanka amniga dowlad deegaanka Cabdicaadil Xasan Cabdi oo la hadlay warbaahinta ka howlgasha Jigjiga ayaa waxaa uu sheegay in banaanbixii saaka ka dhacay Magaalada uu ahaa mid nabad ah oo kusoo dhammaaday si degan. Sidoo kale Taliye Cabdicaadil ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amniga ay ka horteegeen dad isku dayay inay gubaan labada Kiniisadood ee ku yaalla Jigjiga, isla markaana ay waxyeelo u geystaan goobaha ganacsiga. Isaga oo sii hadlaayay Cabdicaadil Xasan Cabdi ayaa waxaa uu tilmaamay dadkaas ay Ciidanka ay u adeegsadeen rasaas ay kor u ridayeen iyo Sunta dadka ka Ilmeysiisa, isagoona xusay in hal qof uu ku dhintay, halka laba qof kalena dhaawac u soo gaadhay. Si kastana Ugu yaraan saddex masjid ayaa dhawaan waxaa lagu weerararay Gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, waxaana Bilihii la soo dhaafay dalkaasi ka dhacay qulqulatooyin diin lala xidhiidhiyay. Source
  22. “Fadeexad”Wasaarada Ciyaaraha Somaliland Oo Ku fashilantay Qabashada Wareega Heerka 1aad Ee Burco” December 22 keedii waxaa Garoonka Alamzey stadium ee magaalada burco waxaa laga furay,wareeg loogu yeedhay ciyaartoyda heerka 1aad oo isuduwaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha gobolku hogaamiye ka yahay marar dhawr waxaa garoonka yimi wasiirka wasaarada ciyaaraha somaliland iyo agaasimihiisa waxayna ku eedaameen erayo ah in burco sida gobolka sool oo kale wareegu uga qabsoomi doono December 22 markuu kasoo dhamaado sool sidii lawada ogaa kooxii ciyaartooyda ahaa ee ka dhisnaa gobolka togdheer waxay judi iyo dadaal ku bixiyeen sidii ay uga soo dhex muuqan lahaayeen gobolada dalka Somaliand balse nasiib daro markii ay soo gaadhay wakhtigii lala balamay waxay waayeen dhadhaqaaqii iyo diyaar garowgii ay ku jireen Ciyaartooydii waxa uu sheegay isuduwaha wasaarada ciyaaraha gobolka toghdeer in sidii gobaladii aanu ahayn wareegoodu uu ka duwanyahay haday live noqoto iyo hadii kaleba ,iyagoo ixtiraamaya dawladooda iyo masuuliyiinta wasaaradoodaba waxay dhaheen, maxaa dhacay ee aanu dhinay miyaanan dhalin yarada gobolada kale la mid ahayn? ,wuxuu isu duwuhu noogu jawaabay qas ayaad ka shaqaynaysaan adeer wuu bilaabmayaa wareegu’ sidii ayaanu ku bilaabmay waxaana ciyaartii furitaanka yimi xoghayaha dawlada hoose burco iyo isuduwaha ciyaaraha gobolka togdheer oo qudha, wasiir ma iman agaasime ma iman Badhasaab ma iman Maayir ma iman Taliye qaybeedma iman xaalku halkaas ayuu maray waxaanu mar wada qadnay heestii ahayd ” ”maxaa dilay hankaygii hogaankaan lahaan jiray”anagoo ugu danbayn go aansanay inaanan ka qayb galin wareega aanay ka muuqan dhiiri galintii iyo is garab taagii aanu mudnayn maanta hadanu nahay Kooxahan hoos ku qoran ee ugu waaweyn gobolka togdheer’ waxaanu cid walba u cadaynayna inaan wareegaa loo dhamayn” ‘1-Kooxda Xidigaha Burco 2-Kooxda Naadiga ciidanka asluubta 3-Kooxda Hodan qaylo 4-Kooxda Gaashan Source
  23. Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dhameystirayey heshiisyadii ay horey ugaareen beelihii ku dagaalamay deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee bariga gobolka Mudug. Kulan ka dhacay degmada Towfiiq oo ka tirsan Puntland ayaa laga soo saaray qodobo lagu xoojinayo heshiis horey ugu dhexmaray odayaasha labada beelood ee degaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo, waxaana kamid ah qodobada heshiiskaas ku xusan. 1.In la fuliyo dhamaan qodoba ku xusan heshiiskii ay wada saxiixdeen beelaha colaadu dhexmartay (Saleemaan Cabdalle iyo Reer Nimcaale) ee ku taarikheysan 18/December/2019 kana dhacay Af-barwaaqo. 2. Guddigu wuxuu doortay shir gudoon, waana inuu qaab-dhismeedkiisu dhameystirmaa mudda 4-ta bari ah ee uu shirku socdo, dowladda Faderaalka Soomaaliya waxaa laga rabaa inay tayeyso Guddiga isku dhafka ah si ay u da-dar galiyaan nabadeynta iyo dhab- u-heshiinta beelaha. 3. In wadda hadaladu sii socdaan. 4. In wada hadal lagu dhameeyo, xal waarana laga gaaro wixii dhib ah oo aan laga samri karin, laguna lafa guro shirarka soo socoda, 5. In Guddiga isku dhafka ah ee odayaasha labada beelood gacan siiyaan ciidanka dowladda Federaalka, si ay u fuliyeen heshiisyadda nabadeed, 6 In odaygii u hogaansamiwaaya heshiisyada nabadda ay ciidamada Federaalku tilaabo adag ka qaadi doonaan, 7 In Gogasha tan xigta la dhigo magaalada Gaalkacyo 5-ta February/20120 ayna fududeyso dowladda Soomaaliya. Dowladda Federaalka oo shirkaas garwadeen ka ahayn waxaa uga qeyb galay Gen. Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi (Qooje) Taliyaha Qeybta 21-aad ee ciidanka XDS iyo Rooble Axmed Daahir oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya, Puntland oo maamusha degmada Towfiiq ayaa laga qeyb galin shirkan, lama yaqaano sababta, balse dadka arrimaha siyaasadda la socda ayaa aaminsan in deegaanadaas dowladda Federaalku ka leedahay qorshayaal siyaasadeed. Puntland ayaa horey ugu eedeysay dowladda Fderaalka Soomaaliya colaadda Towfiid iyo Afbarwaaqo. PUNTLAND POST PUNTLAND POST The post Degmada Towfiiq miyey ka baxday gacanta Puntland? appeared first on Puntland Post.