-
Content Count
214,298 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Ankara)-Dowlada Turkiga ayaa cambaareysay burburka ku yimid wadahadallo la doonayay in xal nabadeed lagaga gaadho colaada ka taagan dalka Liibiya. War ka soo baxay madaxweyne Recap Tayyib Erdogan ayaa wuxuu digniin u diray hoggaamiyaha mucaaradka Janaraal Khaliifa Haftar. Mr Erdogan ayaa tilmaamay hddii maleeshiyada ku sugan bariga ay isku dayaan weerar ka dhan ah magaalada Tripoli ciidanka Turkiga ay cashar u dhigi Doonaan. Waxaa diyaar u nahay dowlad ahaan in aa ka shaqeyn nabada walaalaha yaga Liibiya, mana ogolaan doono dagaal sokeeye in uu sii socdo ayuu yidhi Erdogan. Hadalkaan ayaa imaanaya kadib markii Khaliifa Haftar oo ah janaraal howlgabay uu diiday in saxeexo waan waan nabadeed oo dhinacyada Liibiya ku dagaalamaya loogu qabtay magaalada Moscow. Source
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in khilaaf hor leh uu ka soo cusboonaaday Gaalkacyo, kadib markii shalay madaxweynaha Galmudug uu xil ka qaadis ku sameeyey mas’uuliyiinta degmadaasi. Duqa magaalada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre oo la hadlay warbaahinta ayaa ka horyimid xil ka qaadista lagu sameeyey, isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay. Xirsi ayaa carabka ku dhuftay in xilligaan Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uusan xil ka qaadis iyo magacaabis toona sameyn karin, sidaa daraadeedna uu weli yahay duqa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu xil ka sii heyn doono illaa madaxweyne cusub loo dooran doono hoggaanka dowlad goboleedka Galmudug. Duqa magaalada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre ayaa hadda ku sugan Dhuusamareeb, wuxuuna qeyb ka yahay ololaha doorashada Galmudug ee ka socda magaaladaasi. Xaaladda guud ee Galmudug oo weli is jiid jiid uu ka jiro ayaan la ogeyn sida xal looga gaari karo khilaafka weli ka taagan dhismaha maamulkaasi oo la doonayo inuu noqdo mid loo dhan yahay.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-15012020.mp3 View the full article
-
Last year, on a day like this, all seemed normal after lunch at the DusitD2 complex. Seated behind her desk in the fourth-floor office was Alice* (not her real name), 33, a manager at Control Risk Company. All of a sudden, she heard a loud bang. Source: Hiiraan Online
-
Cutubyo ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay kala dhex-galeen maleeshiya-beeleedyo ku dagaallamay degaanada Mirxeyley & Bangeelle oo ku yaalla inta u dhaxeysa Magaalooyinka Cadaado iyo Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud. Ciidamada la kala dhex-dhigey labada maleeshiyo Beeleed oo wata gaadiidka dagaalka ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Guutada 13-Aad Ee Ciidanka Dawladda Qaybta 21-Aad Col Cabdiraxman Macalin Maxamuud (Timadheere) waxaana ay ku guuleysteen inay dagaalka joojiyaan. Ciidamada ayaa haatan ku sugan goobihii ay ku dagaallameen labada malayshiyaadk waxaana Odayaasha iyo Waxgaradka degaanku ay wadaan dadaallo xal loogu raadinayo colaadda halkaasi ka aloosan. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u kala dhex-galay laba malayshiya-beeleed oo ku dagaallamay degaannada Afbarwaaqo iyo Towfiiq kuwaasi oo markii dambe heshiis rasmiya la kala dhex dhigay. PUNTLAND POST The post Militariga Soomaaliya oo kala dhex galay beelo ku dagaallamay Galgaduud appeared first on Puntland Post.
-
On June 16, 2016, Mr Shahad Haider of Dubai’s Sajjad Haider Chartered Accountants was hired to liquidate the Iman Holding Group. Source: Hiiraan Online
-
At least three Somali government soldiers were killed and two wounded when a bomb blast targeted a security convoy on the outskirts of the capital Mogadishu on Tuesday, officials said. Source: Hiiraan Online
-
DUBAI, United Arab Emirates (AP) — DP World said Tuesday it has won another arbitration ruling against Djibouti over the African country’s seizure of a container terminal managed by the Dubai-based global port operator. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal gaar ah oo taddobaadkii hore ka dhacay Muqdisho ayaa la sheegay in lagu soo qabtay haweeneey sarkaal sare ah oo ka tirsan madaxda Al-Shabaab ee Muqdisho. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in ciidanka si gaarka ah u tababaran ee laba habeen ka hor galay xaafadda Xamar Jadiid ay soo qabteen madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa canshuuraha gobalka Banaadir oo ah qof dumar. Ciidankaan ayaa la sheegay in mid ka mid ah mobeellada ay isticmaasho haweeneydaan ay ku xireen qalabka sheega qofka meesha uu joogo kadibna ay galeen gurigeeda oo ku yaala Xamar Jadiid, waxaana sidoo kale halkaas laga soo qabtay 3 qof oo kale. Guriga la wareeray oo albaabkiisa lagu furay bam gacmeed, ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku xirnaayeen kaamirooyinka qarsoon ee CCTV, sida ay noo sheegeen xubno kamid ah kooxdii weerarka fulisay. Haweeneydaan oo la sheegay in ay badashay madaxii Al-Shabaab ee canshuuraha, kaas oo bilo ka hor isagana laga qabtay Muqdisho walina ku jira gacanta dowladda. Waxey isticmaashaa dhowr SIM CARD iyo sidoo kale magacayo badan oo ay ka mid yihiin Marwo Sahro, Tabliiqada iyo magacyo kale. Wali hay’adaha dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin arrintaan waxaana la sheegayaa in ay ku socdaan baaritaano iyada iyo rag kale oo la soo qabtay.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa baadi goobeysa xubno Al-Shabaab ah oo loo haysto dambiyo culus, kuwaas oo helitaanka akhbaartooda ay lacag ku bixineyso. Hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay abaal marin Lacageed ku bixinayaan cidii soo sheegta macluumaadka shaqsiyaad katirsan kooxda Al-shabaab oo ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ku riday xukunno dil ah. Shaqsiyaadkan oo la faafiyay sawirradooda iyo magacyadooda ayaa ku eedeeysan inay ka dambeeyeen dilal qorshaysan iyo qaraxyo ay ka geysteen gudaha Muqdisho iyo meelo kale. Hay’adda amniga ayaa dhawaan siidaayay macluumaad ku saabsan shaqsiyaadkaan, iyagoo kusoo bandhigay barnaamijka Gungaar oo lagu wareysanayay shaqsiyaad katirsan Al-shabaab, kuwaas oo xog badan ka bixiyay falal ay geysteen, Hay’addaha ammaanku ma sheegin inta ay le’egtahay abaalmarinta dhaqaale ee la siinayo cida soo gudbisa xogta raggaan iyo halka xogtaas lala wadaagayo.
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inay cashar u dhigi doonaan jeneralka rabshoolaha ah ee Libya, Khalifa Haftar, haddii ciidamadiisa ay sii wadaan inay weeraraan dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Tripoli. Hadallada Erdogan ayaa yimid Talaadadii, kadib markii Turkey iyo Russia ay ku guul-darreysteen in Jeneral Khalifa Haftar ay ka dhaadhiciyaan inuu saxiixo heshiis xabad joojin ah oo lagu soo afjari lahaa dagaalka socda sagaalka bil ee uu ku doonayo inuu ku qabsado caasimadda Libya. Ra’iisul wasaaraha Libya Fayez al-Serraj, oo ciidamadiisa ay ku adkaatay inay hakiyaan weerarada ciidamada Haftar, ayaa heshiiska saxiixay kadib wada-hadallada oo socday sideed saac, sida uu Isniintii sheegay wasiirka arrimaha dibedda Russia Sergei Lavrov. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Haftar “uu cararay”. “Haddii weerarada Haftar ee ka dhanka ah shacabka iyo dowladda sharciga ah ee Libya ay sii socdaan, kama joogsan doonno inaan barno casharka uu u qalmo,” ayuu yiri Erdogan oo khudbad u jeediyey xildhibaanada baarlamanka ee xisbigiisa AKP. “Waa wajibkeena inaan bad-baadinno walaalaheen Libya,” ayuu yiri. Wasiirka arrimaha dibedda Turkey, Mevlut Cavusoglu ayaa sidoo kale shalay sheegay in go’aanka uu Jeneral Khalifa Haftar, ee ah inuusan heshiis xabad joojin ah la gelin dowladda Libya ee caalamka aqoonsan yahay, uu muujinayo cidda dagaalka dooneysa iyo tan nabadda rabta ee dalkaas. Baarlamanka Turkey ayaa horraantii bishan ansixiyey in dowladda ay ciidamo gayso Libya, si ay uga caawiso dowladda dalkaas inay iska caabiso weerarada Jeneral Haftar.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa gebo gebo maraya loolanka loogu jiro xilalka sare ee Galmudug, ayada oo lagu wado in labada musharax ee kala ah Cabdinasir Adan Cusman iyo Dr. Maxamed Gacal ay ku loolamaan xilka guddoomiyaha baarlamanka. Shabakada somalielections.com ayaa soo saartay xog uruurin shacabka Soomaaliyeed fursad loo siinayo in ay qaabka online ka ah ku codeeyaan isla markaana ku muujiyaan dareenkooda shaqsiga ay isleeyihiin wuu ku habboon yahay qabashada hoggaanka Baarlabaanka Galmudug. Si looga hortago in la musuqmaasuqo doorashada, waa muhiim in shacabka leeyahay cod isla markaana qofka qabanaya ama la is leeyahay wuu ku guuleysan karaa doorashada uu ku yimaado rabitaanka shacabka, waa hubaal in xildhibaano gaar ah ay dooran doonaan hoggaanka, balse waxaa muhiim ah in la tixgeliyo rabitaanka shacabka. Somali Election iyo Caasimada Online waxay u istaagteen in ay siiyaan fursad shacabka ay ku muujiyaan shucuurtooda kuna dhiibtaan codkooda iyagoo isticmaalya aalad ay ku dooran karaan shaqsiga ay u arkaan in uu ku habboon yahay qabashada xilka hoggaanka Baarlabaanka Galmudug. Natiijada kasoo baxdo codeynta onlinka ah, waxaan idiin soo gudbin doonaa maalinta Jimcaha ee ay taariikhdu tahay bisha September ay tahay 17, Janaayo 2020 Halka hoose ka codee (RIIX) Fadlan xusuusnow qof walba waxaa uu codeyn karaa hal mar.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar___Qubanaha-14012020.mp3 View the full article
-
Gaalkacyo (SMN) – Madaxweynaha Galmudug ayaa xil ka-qaadis ku sameeyay Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo iyo ku-xigeenkiisa. Sidoo kale, wuxuu kala diray Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo. Wuxuu si ku ku meel gaar ah u magacaabay gudoomiye iyo gudoomiye ku-xigeen cusub iyo gole degaan. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article
-
Gaalkacyo-(Caasimada Online)-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xil ka-qaadis ku sameeyay gudoomiyaha degmada Gaalkacyo iyo ku-xigeenkiisa waxuuna magacaabay guddoomiye iyo ku xigeen ku meel gaar ah. Xaaf ayaa guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee magaalada Gaalkacyo u magacaabay Saciid Salaad Cilmi, isagoo Maxamed Cali Xirsi u magacaabay guddoomiye ku-xigeen. Sidoo kale madaxweyne Xaaf waxa uu kala diray golihii deegaanka ee magaalada Gaalkacyo, waxaana warqadda ka soo baxday xaafiiskiisa lagu cadeeyey in mudo 90 cisho ah lagu soo dhisi doono gole deegaan oo cusub. Isla waqradan ka soo baxday xaafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa lagu magacaabay guddiga qabanqaabada doorashada golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo, waxuuna giddigaas ka kooban yahay 12 xubnood. Halkan ka akhriso warqadda
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa VOA ayaa shaaca ka qaaday goobta lagu soo farsameeyey, halka lasoo marsiiyey iyo inta maalmood ee la qorsheynayey qaraxii dadka badan lagu laayey ee 28-kii bishii December ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho. Galka Baaristu waxa uu soo bandhigay in gaariga qarxay oo ahaa mid xamuul ah lagu soo diyaariyey deegaanka Buula-fulaay oo dhaca xudduuda gobollada Shabeellada Hoose iyo Bay. Maalintii Sabtida ee uu dhacay qaraxaas iyo maalinka lagu soo rakibay deegaanka Buula-fulaay, waxaa u dhaxeysay lix maalmood, waxuuna xog ka helay Barnaamijkan halka uu soo maray gaariga qarxay. Baabuurkaas markii uu ka soo dhaqaaqay Buula-fulaay waxa uu soo maray Tooratoorow iyo Jannaale, waxuuna wadada weyn ee laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Shabeellada Hoose uga soo dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye. Gaarigaasi waxa uu ka soo gudbay Buundada Afgooye oo ah meesha ugu horreysa ee baaritaanka ay ku soo maraan gaadiidka ka yimaada Shabeellada Hoose, waxuuna baahiyey Barnaajimku in laamaha sirdoonku ay su’aalo ka weydiiyeen askartii ku sugneyd Buundadaas, sida uu ku soo dhaafay gaarigaas, balse waxaa soo baxday in askartaasi aysan heysan qalab ay ku baaraan gaadiidka xamuulka ah. Ilo sirdoon oo uu soo xiganayo Barnaamijkan waxay u sheegeen in saacado ka hor inta uusan qaraxu dhicin gaarigan uu ku sugnaa duleedka magaalada Muqdisho. Daqiiqado uun ka hor 8:00 am maalinkii Sabtida ruuxa nafti haliga ah oo si is-daba joog ah u helayey xogta gaari HILUX ah oo ay la socdeen labo Injineer oo Turkish ah ayuu abaaray isaga oo xowli u socda, xilli uu gaarigaas uu yari marayey isgoyska Ex-Control Afgooye ee Muqdisho. Goobtu waxay aheyd xilligaas mid mashquul badan, gaariga la beegsanayey waxa uu ka baxay Muqdisho, waxuuna ku sii jeeday duleedka koonfureed ee Muqdisho, oo dhismaha wadadu ay ka socotey, gaariga qarxay oo ahaa mid xamuul ahna, waxa uu isgoyska ka soo galay dhankii uu u socday gaarigii la beegsanayey oo ah wadada koonfur uga baxda magaalada ee aada gobolka Shabeellada Hoose. Qaraxaas waxaa ku dhimatay 81 ruux oo badankood ahaa dad shacab ah, waxaana ku dhaawacantay in ka badan 140 qof, dadka ku dhintay waxaa ka mid ahaa Injineeradii la beegsanayey oo ka soo jeeday dalka Turkiga, kuwaas oo ahaa labo nin iyo ilaaladoodii. Hoos ka dhageyso barnaamijka oo dhan https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/Galka-Baarista.mp3
-
Dhuusamareeb (SMN) – Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa iska casilay xilka wasiiru dowlaha Wasaarada Howlaha Guud ee xukuumadda Soomaaliya. Qoor-qoor ayaa kamid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha kana qeybgalaya doorashooyinka maamulka Galmudug. Doorashadda madaxweynaha ayaanan wali la muddeyn waqtiga ay qabsoomeyso, marka laga reebo in ay dhowaan dhaceyso doorashada baarlamaanka. Guddi baarlamaani ah oo maamulaya coddeynta gudoonka Golaha Wakiilada ayaa la filayaa in ay kadib soo saaraan xiliga doorashada madaxtooyadda. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-14012020.mp3 View the full article
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha howlaha guud ee xukumadda Soomaaliya Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ku dhawaaqay inuu xilkaas iska casilay, maadaama uu ka mid yahay musharaxiinta u taagan xilka madaxwaynaha Galmudug. Qoor Qoor ayaa ah musharaxa ay wadato xukuumadda Soomaaliya ee doorashada Galmudug, waxaana la filayaa in lacag badan oo la siinayo xildhibaanada codeynaya ay ku baxdo sidii uu ugu soo bixi lahaa xilkan. Dowladda ayaa sidoo kale isku dayday in xildhibaanada ay soo xulayeen odayaasha qaarkood ay beddesho, si ay u xaqiijiso in lasoo magacaabo xildhibaano xukuumadda ku aragti ah, inkasta oo qorshahaas aanu guuleysan. Qoor Qoor ayaa wajahaya loolan adag oo uga imaanaya Musharaxyo dhowr ah oo taageero ka heysta Xisbiyo iyo Ahlusuna Wal-jameeca oo xubno gaaraya 20 Xildhibaan ku leh Baarlamaanka cusub ee Galmudug. Doorashada Galmudug ayaa la filayaa inay noqoto mid adag, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in lama filaan uu ka dhici karo, lagana yaabo in xukuumadda looga adkaado. Hoos ka daawo is-casilaadda Qoor Qoor
