Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,298
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay howlgal ku dishay Maxamed Cusmaan Baluush, oo ahaa madaxii qaraxyadda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose. Wakaaladda wararka u faafisa dowladda ayaa shaacisay in Baluush lagu dilay howlgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Wanlweyn. SONNA ayaa intaas ku dartay in Baluush oo dagaalamay markii ciidamadda ay hareeyeen hoygiisa oo ku yaala xaafada Xudurwayne ee magaaladaas. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan arrintaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka Al-Shabaab. Sidda ay wararku tilmaamayaan, Baluush ayaa xilka kala wareegay Maxamed Siidow, oo Mareykanku ku dilay duqeyn dhanka cirka ah 28-ka bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay 2019. View the full article
  2. Kampala (SMN) – Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay dib ugu yeereyso ku dhawaad 2,700 askari oo howlgab, si ay ugu soo diraan Soomaaliya oo ciidamo ay ka joogaan. Ciidamada cusub ee Uganda ay u soo direyso Soomaaliya ayaa qeyb ka noqon doona ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howgalka uu taageero midowga Africa ee AMISOM. Charles Otema, taliyaha ciidamada keydka dalka Uganda, ayaa shaaca ka qaaday in wax walba oo ku saabsan dib isugu yeerista ciidamo howgab horay u noqday ay diyaarsanyihiin, isla markaana Isniinta soo aadan ay bilaabi doonaan. Sidoo kale, taliye Otema ayaa tilmaamay in ciidamada howlgabka noqday ee dib loogu yeerayo, kaliya laga qaadan doono kuwa gaarsiisan ama ka hoseeya darajada Gaashaanle. Shuruudaha ciidamada loo soo dirayo Soomaaliya ee howlgabka noqday ay tahay in da’dooda aysan ka hooseyn 55 sano, isla markaana uusan wax dambiyo kasoo galin dalka Uganda, sidoo kaalana uu taam yahay caafimaadkiisa maskax ahaan iyo jir ahaaneedba. Ma ahan markii ugu horeysay oo Uganda ay ciidamo howlgab noqday usoo direyso Soomaaliya, waxaana markii ugu danbeeyay ay aheyd sanadkii 2012. View the full article
  3. (SLT-Washington)-Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Wasiirada Arrimaha Dibadda ee saddexda waddan ee Masar, Ethiopia, iyo Sudan, kuwaas oo ay weheliyaan Wasiirka Maaliyadda Maraykanka iyo Madaxa Bangiga Adduunka ay kulan ku yeesheen magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kulanka oo soo bilaamay 13-kii bishan uu Arbacadii shalay soo gababoobay. Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii xal loogu heli xiisadda webiga Nile ee ka dhalatay biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya ay ka sameyneyso webiga, kaasi oo dalalka kale ee webiga uu maro ay diidaan yihiin. Source
  4. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-16012020.mp3 View the full article
  5. (SLT-Hargeysa)-Safiirka Maraykanka danjire Donald Yamamoto iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa shalay socdaal ku yimid magaalada Hargeysa, waxaana la filayaa inuu maanta Madaxweyne Biixi la yeesho kulan. Donald Yamamoto ayaa inkastoo aan socdaalkiisa war rasmi ah laga soo saarin, haddana waxa la sheegay in socdaalkiisu la xidhiidho arrimaha doorashooyinka Somaliland oo ay caqabado soo waajaheen iyo dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Geesta kale safiirka Ingiriiska danjire Ben Fender iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa isna maanta socdaal ku imanaya magaalada Hargeysa, waxaanay wararku sheegayaan in safiirku u socdo arrimaha doorashooyinka Somaliland, waxaanu kulan la yeelan doonaa Madaxweyne Biixi. Ma cadda in socdaalka safiiradan oo uu fadhigoodu yahay Muqdisho ay xidhiidhsanyihiin iyo in kale, laakiin dadka diblomaasiyadda falanqeeya ayaa aaminsan in socdaalka diblomaasiyiintu yahay mid xidhiidhsan, waxaanay u socdaan inay madaxda siyaasadeed ee Somaliland culays ku saaraan in laga gudbo khilaafka guddiga doorashada oo loo hawlgalo in doorashooyinka wakiilada iyo deegaanku qabsoomaan sannadkan 2020. Waxa kale oo ay u socdaan dib u bilaabista wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho. Diblomaasi la socda arrimaha Somaliland iyo dalalka reer galbeedka oo Geeska Afrika u waramay balse ka cudur daartay in magaciisa la sheego ayaa yidhi “Safarada badan ee diblomaasiyiintan reer galbeedka ah ee maalmahan imanayay Hargeysa xilli wadanka ay ka jiraan khilaafyo siyaasadeed oo u dhaxeeya xukuumadda iyo mucaaradka waxay tilmaamaysaa warwar iyo cabsi ay ka qabaan xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan xagga doorashooyinka iyo xagal daac ku iman kara geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.” Socdaalada safiiradan ayaa waxay imanayaan xilli ay doorashooyin ku qorshaysan wakhtigoodii sharcigu jideeyay si habsami ah looga diyaar garoobayo dalalka Somaliland la jaarka ah sida Itoobiya iyo Soomaaliya. Source
  6. Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan labadiisa ku xigeeen ayaa maanta kulan la qaatay Gudoomiyaha cusub ee Bankiga Puntland Abdirisaaq Warsame Seeraar iyo Gudoomiyihii hore Cabdi ismaaciil Boos. Inkastoo aan war rasmi ah ka soo bixin kulanka ayaa hadana warar hoose oo ay heshay Puntland Post sheegayaan in la dhameeyey khilaafkii ka taagaa Guddoomiyaha Bankiga Puntland. Wararka ayaa sheegaya in Cabdi ismaaciil Boos oo shalay sharci darro ku tilmaamay magaacaabida Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Puntland uu haatan ogolaaday in uu xilka ku wareejiyo. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dhameynta khilaafkan uu qeyb ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash. PUNTLAND POST The post Khilaafkii ka jiray Guddoomiyaha Bankiga Puntland oo la dhameeyey appeared first on Puntland Post.
  7. MOGADISHU (HOL) - Regional governments were the worst perpetrators of violations against journalists in 2019 accounting for 83% of reported cases, the National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has said in a report. Source: Hiiraan Online
  8. Wanlaweyn (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan cidiamada kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa sheegay inay howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen walanweeyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee gobolkaas. Taliyaha guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik ayaa sheegay in ninkaasi oo lagu magacaabi jirey Maxamed Cismaan Xuseen Buluush uu ka hor inta aan la toogan uu la soo baxay qori AK47, isla markaana uu la dagaalamay ciidamada. Waxa uu sidoo kale sheegay in u jeedka howlgalka loo fuliyey uu ahaa in ay soo qabtaan, hase yeeshee markii uu ciidamada la dagaalamey ay toogteen. Wararka laga haleyo degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in howlgalkaan uu dhacay saqdii dhexe ee xalay, islamarkaana si weyn looga dareemay magaaladaas. Maxmed Xuseen Cismaan Buluush ayaa wuxuu badalay Maxamed Siidoow oo 28 December 2019 lagu dilay duqeeyn ka dhacday Tuulada Caliyoow Baroow, sida uu sheegay Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik. Ma jiro wx war ah oo dhankooda kasoo baxay Al-Shabaab, oo ku aadan warkaan kasoo baxay dowladda ee lagu sheegay in howlgal lagu diley madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee gobolka Shabellaha Hoose. Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ah halka ugu badan ee lagu soo diyaariyo baabuurta qaraxyada ee lagu soo weeraro magaalada Muqdisho.
  9. Kampala (Caasimadda Online) – Arbacadii Shalay aheyd Taliska Milatariga Ciidamada Uganda ayaa dib ugu yeeray 2,752 kamid ah arkarta howlgabka ah ee dalkaas si ay uga mid noqdaan Howlgalka Midowga Africa ee mudada ka badan 10 sano ka socdo Soomaaliya. Taliyaha Ciidamada keydka ee Uganda Charles Otema ayaa cutubyada howlgabka ah ee loo dirayo Soomaaliya ku amray inay ugu dambeyn kusoo xaroodaan asbuuca soo socdo kadib qoraal uu soo saaray. Sida uu sheegay Charles Otema , Ciidamadaan loo soo dirayo Soomaaliya ayaa waxay ku kala biiri doonaa Guutooyinka 31-aad iyo 32-aad ee howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ka socdo . Askarta Howlgabka ah oo ay Uganda ku biirin doonto howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa ah kuwa heysta darajada Gaashaaanle iyo wixii ka hooseeya. Shuruudaha laga rabo askartaas loo soo dirayo Soomaaliya ayaa kala ah: 1) Inuu askariga yahay 55 jir ama wax ka hooseeyo. 2) Inuusan askariga horey u gelin wax fal dambiyeed ah. 3) Inuu Caafimaad qabo maskax ahaan iyo jir ahaanba. Gen Otema ayaa tilmaamay in Ciidamadaan loo furi doono tababar afar maalin ah oo bilaabanayo 20 January kadibna loo dirayo Soomaaliya si loogu kordhiyo howlgalada ciidamada UPDF ee ka hoos shaqeeya AMISOM. Taliyaha oo wax laga waydiiyey sababta ay ciidamada Howlgabka ah ugu diyarayaan Soomaaliya ayaa ku dooday inay Uganda hadda ka hor sanadkii 2012 sidaan oo kale ciidamo howlgab ah ugu dirtay kuwaas oo ku guuleystay inay xoreeyaan Waqooyiga Muqdisho. Taliyaha ayaa ugu dambeyn sheegay in qodobka 17-aad ee Dastuurka Jamhuriyada Uganda iyo Qeybta 31-aad ee Sharciga Difaaca Shacabka Uganda ee soo baxay sanadkii 2005 uu awood u siinayo taliyaha Guud in uu amro dhammaan ama qeyb kamid ah ciidanka keydka in ay dib ugu soo noqdaan Shaqada muddo uu isaga go’aan ka gaarayo. Howlgalka Midowga Africa oo Soomaaliya ka socdo muddo 10 sano ka badan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah dowladaha Kenya, Jabuuti, Burundi iyo Itoobiya.
  10. Mogadishu (Caasimadda Online) Hoggaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta oo khamiis ah taariikhduna ay ku beegan tahay 16-1-2020 si rasmi ah u daah-furay xarunta Dhexe ee Xisbiga Awoodda Shacabka (PPP) oo si casri ah loo qalabeeyay. Ka dib furitaanka Xarunta,Hoggaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka Mudane Cabdi Maxamed oo shir jiraa’id ku qabtay gudaha Xarunta Dhexe ayaa si kooban wuxuu Bulshada Soomaaliyeed ula wadaagay argtida, ujeedka iyo himiladda Xisbiga Awoodda Shacabka. “Xisbiga Awoodda Shacabka wuxuu rumeeysan yahay in ay muhiim tahay in aan wax ka badalno hab-fakarka dhammaanteen na ragaadiyay, nana baday ficiltanka qaldan iyo wax wada qabsi la’aanta, ee ah; “Facaa iska celi.” Kuna badalno fikirka ah “Facaaga wax laqabso” iyada oo laga dhaqan galinayo maamulka dowladeed iyo macaamilka bulshada dhexdeed, si aan kala duwaanshaha aragtida siyaasadda, fakerka iyo deggaankaba aysan inaga hor-istaagin in aan ka wada shaqeyno danteena guud, jiilka soo korayana aan ku beerno habfakar ku saleysan in wada shaqeyn uu wanaag iyo horumar ku gaari karo,” ayuu yiri Hoggaamiye Thaabit Cabdi Maxamed. Xisbiga Awoodda Shacabka himilooyinka uu hiigsanayo oo kooban waxaa ka mid ah: 1. Ilaalinta jiritaanka iyo madaxbanaanida Qaranka Soomaaliyeed. 2. Nabad iyo xasilooni ku soo dabaalidda dalkeena iyada oo loomarayo siyaasad ku dhisan wada shaqeyn qaran, gobol iyo caalamba. 3. U horseedid dalkeena, bulsho, siyaasad, iyo dhaqaale furan oo uu saldhig u yahay dul-qaad. nabad ku wada-noolaashiyo iyo wax wadaqabsi qaran iyo caalaamba. Intaa kadib, Mudane Thaabit Cabdi ayaa ka hadlay xaaladda kala guurka ah ee dalka uu ku jiro iyo halka uu u jiheeysanayo dalkeena ugu jiro dib u soo kabashada iyo ku soo dabaalidda dowladnimo loo dhanyahay oo dhammeystiran. Arrimaha doorashada 2020/2021. Xisbiga Awoodda Shacabka aragti ahaan waxuu qabaa in ay muhiim tahay in dalka ay kadhacdo doorasho sharciga waafaqsan, shacabku cod yeesho, kuna saleysan nidaamka xisbiyada badan, waqtigeedana ay ku dhacdo sida ku qeexan dastuurka dalka. Sidoo kale, Hoggaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa sheegay inuusan Xisbiga Awoodda Shacabka u taagneyn danta qof, koox iyo deggaan gaar ah balse waa mid u taagan hirgalinta aragti cusub oo aan wax uga badalno wacyiga iyo waaqica dadkeena iyo dalkeenu ku hareereysan. “Waxaan mar labaad iyo mar 3aad leeyahay Xisbiga Awooda shacabka ma aha mid u taagan danta qof, koox iyo deggaan gaar ah balse waa mid u taagan hirgalinta aragti cusub oo aan wax uga badalno wacyiga iyo waaqica dadkeena iyo dalkeenu ku hareereysan, xalna aan ugu heli karno cabsida iyo rajo xummadda ka dhalatay nabad galyo darada iyo daruufaha nololleed ee ummaddeena daashaday”. Ayuu yiri Thaabit Cabdi Maxamed. Ugu dambeyntii, Hogagamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa tacsi u diray Ehalada dadkii waxyeelada ka soo gaaray Qaraxii 28-kii bishii December ee sanadkii tagay 2019 ka dhacay Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho,kaas oo khasaaro xoog leh oo inta badan dad rayid ah soo gaaray sababay.
  11. Somalia’s minister of foreign affairs Ahmed Isse Awad has held a meeting with the Deputy Special Representative of the UN Adam Abdelmoula in Mogadishu on Wednesday. The two officials have discussed enhanced cooperation and effective institutional support. We value the commitment of the United Nations to Somalia. The UN mission in Somalia [UNSOM] has been on the ground for years to support the country in the state-building process and restore peace and stability after decades of war. Somalia is expected to hold parliamentary and presidential elections in 2020-2021 despite numerous challenges, including security as Al-Shabaab continues to wage deadly attacks. View the full article
  12. By Puntland Post Legal Correspondent. The decision to fire the former Puntland Central Bank Governor, Abdi Ismail Boos, has created constitutional controversy about the termination of his term in office. Section 3 of Article 111 in Puntland Constitution states: “Puntland Government can appoint and legally fire the Governor of the Central Bank. Puntland Parliament will endorse the appointment …[or] firing of the Central Bank Governor.” Given the phrasing of article 111, both Puntland Government and the “former” Central Bank Governor can utulise conflicting interpretations of the article. The Somali verb corresponding with the English verb — to endorse — is ansixi. Ambiguity in Puntland Constitution The verb in context smacks of a body whose duty is to rubber-stamp executive decisions. While the article implicitly states that the nature of the appointment is political, drafters unnecessarily added a contradictory sentence to it to allow for opposing interpretations. Abdi Ismail Boos: “Puntland Parliament will have the last word” If Puntland Parliament, viewed by many as a subordinate to the executive, boldly puts the firing of the Central Bank Governor to a vote by MPs, a new showdown between President Said Deni and Puntland Parliamentary Speaker is likely to erupt. If the Parliamentary speaker interprets ansixi as agreeing to government’s decision to fire the Puntland Central Bank Governor, Puntland Government will be able press ahead with reforms in its programme. There is a possibility that Puntland Supreme Court might settle an argument on interpreting Puntland Constitution. © Puntland Post, 2020 The post Fired Bank Governor Relies On Puntland Constitution appeared first on Puntland Post.
  13. Somali police shot dead an armed man in Mogadishu, the country’s capital amid increased security measures to avert attacks from Al-Qaeda-linked militant group, Al-Shabaab. The shooting took place at a busy nation in Shibis district on Wednesday evening, according to the eyewitnesses who spoke to Radio Shabelle by phone from the scene. The slain man was wearing a mali military uniform and armed with Ak-47 rifle assault. He has been gunned down while riding on a Tuk-Tuk or Bajaj by the security forces. Some reports suggest that the man was a member of Somali armed forces. The killing comes amid tightened security in Mogadishu following a series of attacks and assassinations by Al-Shabaab in the past few months. View the full article
  14. Tan iyo Khilaafkii Villa Soomaaliya iyo Jubbaland markuu dii xoogaystay waa markii ugu horaysay ee Madaxweyne Axmed Madoobe uu tago Muqdisho, wuxuu Taraansit ku yahay [...] Source
  15. Boosaaso (Caasimadda Online) – Maamulka Puntland ayaa xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso kasii daayay siyaasiga Muuse Cali Jaamac iyo mid ka mid ah odayaashii la xirnaa sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo magaalo madaxda gobolka Bari. Sida laga soo xigtay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari, Dr. Muuse Cali Jaamac iyo Nabadoon Diraac Yuusuf Buuxe ayaa laga sii daayay xabsiga weyn kadib markii xaalad caafimaad darro soo wajahday. Wararka waxey intaas ku darayaan in labada masuul lagu sii daayay damaanad, si loo baxnaaniyo xaaladooda caafimaad Horaantii sanadkaan ayey aheyd markii Maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Bari ay saddex bilood oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 500$ ku xukuntay Muuse Cali Jaamac, Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Aadan Maxamed. Maxkamadda kaliya saddexdaas ma xukun, sidoo kalana waxey ganaax lacageed oo dhan 1,000 Dollar (Kun Dollar) iyo xukun xabsi laba sanadood ah ku riday Nabadoon Cabdicasiis Baydhabo iyo Nabadoon Maxamud Adan Roble, marka laga tago labada masuul ee xaaladda lagama-maarmaanka ah lagu damiintay inta kale xabsiga ayey ku xiran yahiin. Xukmanayaashaan ayaa lagu eedeeyay iney sameeyeen kicin dadweyne iyo aflagaado ka dhan ah madaxda Puntland. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa jooga Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxeyna ujeedadiisu tahay inuu odayaasha dhaqanka kala hadlo Cabashooyinka ay qabaan.
  16. Wasiirka arrimaha gudaha Dalka Kenya, Fred Matiang’I, ayaa digniin culus u diray Maanta Al-Shabaab iyo Dadka gabbaadka siiya, si adagna ay ula dhaqmi doonaan haddii ay Gacanta ku dhigaan. Wuxuu intaa ku daray Wasiirku in iyaga oo dhowraya xuquuqul Insaanka sharcigana ixtiraamaya, aysan sinnaba u kala sooci doonin cadowga iyo kuwa iyaga difaaca, waa sida uu hadalka u dhigaye, isagoo sheegay in ay tahay mas’uuliyad ballaaran oo ka saaran ilaalinta dalkiisa. Wasiirka oo ka hadlayay shir lagu gorfeynayey ammaanka oo ka dhacay Mombasa ayaa waxa uu faray saraakiisha Booliiska iyo gudddoomiyeyaasha Degmooyinka gobolka xeebta in ay soo xaqiijiyaan dadka ku nool degaannada ay ka arrimiyaan iyo aqoonsiyadooda, si loo garto waxa ay yihiin iyo halka ay ka yimaaddeen. Source: goobjoog.com
  17. Wararka ka imaanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi xalay lagu diley mid ka mid ah nabadoonnada aadka looga yaqaan degmadaasi. Sida ay sheegeen dadka deegaanka, rag la sheegay iney ku labisnaayeen dareeska ciidanka DFS, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ayaa nabadoonka ugu dhacay gurigiisa, halkaasina waa ay ku dileen, kadibna waxa ay qaateen Meydkiisa. Nabadoonkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Xuseen, lamana oga illaa iyo hadda cidda dilkaasi sida rasmiga ah uga dambeysay iyo sababta Meydkiisa loo qaatay. Waxaa socda abaabul ay wadaan waxgaradka Wanlaweyn oo ay ku doonayaan iney ku aaddaan dhanka garoonka Ballidoogle ee ay ku sugan yihiin ciidanka looga shakiyey iney Nabdoonka dileen si xaqiiqda loo soo ogaado. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Wanlaweyn (Caasimadda Online) – Nabadoon caan ka ahaa Goobolka Shabeelaha Hoose iyo deeganada hoos taga degmada Wanlaweyn ayaa la dilay sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Caasimadda Online. Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Axmed Xuseen ayaa lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla Xaafada Xudurweyne ee degmada Wanlaweyn. Wararka laga helayo deegaanadaas ayaa sheegaya iney dilka geysteen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa uu tababaray Mareykanka ee ku sugan Shabeelaha Hoose. Lama oga sababta ka dambeysa dilka nabadoonkaan caanka ka ahaa deegaanadaas, ragga dilka geystay ayaa horay u qaatay meydka nabadoonka waxeyna ka yimaadeen dhinaca Balli-doogle. Bulshada ku dhaqan deeganaadaas ayaa ka argagaxay dilka Nabadoonka, waxaana la rajeynayaa in qaar ka mid ah odayaasha deegaanka ay aadaan xerada Balli-doogle si ay meydka nabadoonka u dalbadaan.
  19. udanayaasha Baarlamanka Galmudug ayaa Saaka oo Khamiis ah u diyaargaroobaya dhageysiga khudbadaha musharaxiinta u tartameysa Guddoonka Baarlamanka Labaad ee maamulka Galmudug. Arbacadii shalay ayaa la xiray qabashada Araajida musharaxiinta , waxanay Guddiga doorshooyinku shaaciyeen Toddobo musharax oo Saddex ka mid ah ay u taaganyihiin Afhayeenka Baarlamanka, halka Afrta kale ay u tartamayaan ku xigeennada Guddoomiyaha. Berrito ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada Guddoonka Baarlamanka Labaad ee Galmudug, waxaana intaasi kadib loo gudbidoono doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug. Source: goobjoog.com
  20. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Cabdullaahi Faarax Wehliye oo kamid ah Musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey Xukuumadda Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre. Musharax Cabdullaahi Faarax ayaa iska casilay Xilkii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha isagoo Ra’isulwasaare Kheyre iyo saaxiibadiisii Xukuumadda uga mahadceliyey wada shaqeyntii dhexmartay intii ay ka wada tirsanaayeen Xukuumadda Soomaaliya. Musharaxa ayaa sababta uu isaga casilay xilkiisa ku sheegay inay tahay isagoo doonayo inuu u tartamo xilka madaxweynimo ee Maamulka Galmudug iyadoo maalmaha soo socdo la filayo inay dhacdo doorashada loogu tartamayo xilkaas. Wasiirka ayaa shir uu shalay ku qabtay Dhuusamareeb ku sheegay in Xukumadu ay faragelin toos ah ku heyso dhismaha maamulka Galmudug, isagoo tilmaamay in handadaad lagu hayo Xildhibaanada cusub ee la soo xulay Jimcihii tegay. Musharax Cabdullaahi Faarax ayaa la rumeysan inuu taageero ka heysto Maamulka Ahlu Sunna oo awood fiican ku leh gudaha Baarlamaanka Galmudug. Wasiiru dowlaha howlaha guud ee xukumadda Soomaaliya Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa horey ugu dhawaaqay inuu xilkaas iska casilay, maadaama uu ka mid yahay musharaxiinta u taagan xilka madaxwaynaha Galmudug. Qoor Qoor ayaa ah musharaxa ay wadato xukuumadda Soomaaliya ee doorashada Galmudug, waxaana la filayaa in lacag badan oo la siinayo xildhibaanada codeynaya ay ku baxdo sidii uu ugu soo bixi lahaa xilkan. Halkaan hoose ka daawo hadalka Musharax Cabdullaahi Faarax
  21. Muqdisho (SMN) – Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay ku xigeenka ergeyga gaarka ee UN-ka arrimaha Soomaaliya u qaabilsan, Adam Abdulmoula. Labada masuul ayaa kawada hadlay dhinacyada iskaashiga ee QM ay ka taageereyso Soomaaliya, arimaha bin aadanimada iyo qorshayaasha horumarinta qaranka. Sidoo kale, Adam iyo Cawad ayaa isla gorfeeyay hormarada ay ku tilaabsaneyso dowlada Soomaaliya iyo dhismaha hay’adaha dowliga. Abdulmoula ayaa sheegay in ay ka go’antahay taageero buuxda ay siiso Soomaaliya, isla markaana ay sidoo kale ka taageeri doonaan sidii ay u qabsoomi laheyd doorashada soo aadan ee ka dhaceysa Soomaaliya. Ugu dambeyntii, Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa waxay dowladda federaalka Soomaaliya ka taageertaa dhinacyadda muiimka ah ee amaanka, dhaqaalaha iyo arimaha bini’aadanimada. View the full article
  22. (SLT-Sanaag)-Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa, weerar kooban oo shalay ka dhacday degaanka Ulxeed oo ka tirsan Buuraleeyda Calmadow, gaar ahaanna dhulka loo yaqaanno Macagta ee hoos yimaada gobolka Sanaag. Wararka halkaasi laga helayo, ayaa sheegaya in dableey hubaysan oo u dhashay degaankaa, ay shalay weerar ku qaadeen Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta & mas’uuliyiin kale oo ka socday Maamulka Puntland oo marayay nawaaxiga Ulxeed, kuwaasi oo dadka degaanku ku eedeeyeen in ay la socdeen niman Caddaan ah oo macdan ka baadhayey buuraleeydaasi. Dableeyda hubaysan ayaa rasaas culus huwiyay gaadiidkii ay wateen Wasiir ku xigeenka & mas’uuliyiinta kale, inkastoo aan la soo werin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarka, haddana mas’uuliyiinta la wareeray ayaa goobta uga cararay gaadhi nooca loo yaqaan Land-cruiser Pick up “CABDI BILE”, kaasi oo markii dambe ay gubeen dableeydii weerartay. Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Puntland ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid argagixiso oo ay geysteen dableey Shabaab ah, balse dadka degaanka ayaa beeniyay in Al-shabaab weerarka ka dambeeyeen. Source
  23. Nairobi (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa balan qaaday in ay si buuxda uga taageereyso dhigeeda Kenya dagaalka xoogan ay kula jirto dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa Soomaaliya ka dagaalamayay mudo ka badan toban sano, iyadoo Kenya ay qeyb ka tahay wadamada ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee Al-Shabaab dagaalka kula jira. Dowlada uu madaxweynaha ka yahay Uhuru Kenyatta ayaa la tacaaleysa weerarada Al-shabaab, waxaana gudaha dalkaasi ka dhacay 11 weerar oo qasaare geystay bishii la soo dhaafay. Si kastaba ha’ahaatee, safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Kenya, Kyle McCarter, ayaa xusay in Mareykanka ay ka go’an-tahay in Kenya ay si buuxda uga adkaato Al-Shabaab. Sidoo kale, danjire McCarter wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray in Al-Shabaab ay khatar ku tahay amaanka Geeska Africa, isla markaana loo baahan-yahay in si wadajir ah looga soo wada horjeesto. Safiirka Mareykanka ee Kenya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Mareykanka uu yahay dalka dagaalka ugu culus kula jira Al-Shaabab, maadaama diyaaradaha Mareykanka ay duqeymo ka geystaan gudaha Soomaaliya. Warka kasoo yeeeray Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xili todobaadyo kahor Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen xero milatari oo Mareykanka uu ku leeyahay deegaanka Lamu ee woqooyi bari dalka Kenya. View the full article
  24. (SLT-Hargeysa)-Wakiilka Midawga Yurub u qaabilsan Somalia Nicolas Berlenga ayaa sheegay in Midawga Yurub uu ka soo horjeedo mabda’ ahaanba xukunada dil ah, oo xukuumadda Somaliland ay ku fulisay ragg ay maxkamaddi ku heshay inay dilal geysteen. Nicolas Berlenga, Ergayga Midawga Yurub u qaabilsan Somalia ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka, waxaanu yidhi “Amniga, Doorashooyinka, Dayn cafinta, sharciga oo lagu dhaqmo, horumarka… dhammaanteen waan ognahay tirada dhibaatooyinkaas si loo soo afjaro. Midowga Yurub wuxuu meel adag ka taagan yahay oo uu ka soo horjeedaa mabda ahaanba qisaasta mar walba.” Ayuu yidhi Ergayga Midawga Yurub u qaabilsan Somalia Nicolas Barlenga. Source
  25. (SLT-Ankara)-Dowlada Turkiga ayaa u yeedhay safiirka dalka Masar u fadhiya magaalada Ankara, si wax looga weydiiyo howlgal ciidanka amniga ku galeen xafiiska wakaalada wararka ee Anadolu ku leedahay magaalada Qaahira. Wakaalada wararka Turkiga ayaa tabisay in ciidanka Masar ay habeenimadii xalay howlgal waqti badan qaatay ka sameeyeen gudaha Xarunta. Booliska Qaahira ayaa dhanka kale xabsiga u taxaabay afar ka mid ah shaqaalaha warbaahinta Turkiga. Sida laga soo xigtay Anadolu, afarta qof ee la xidhay ayaa mid ka mid ah u dhashay Turkiga halka sadaxda kale ay yihiin muwaadiniin u dhashay Masar. Warka ayaa intaa ku daraya in aan wali la aqoon halka ay ciidanka amniga Masar ula dhaqaaqeen Dadkaan. Wasaarada arimaha dibada Turkiga ayaa sheegtay in ficilkaan uu muujinayo mas,uuliyad xumida hogaanka Masar ka jira iyo inlagu xadgudbayo xuquuqda xorta ah ee Hadalka. Ciidanka Amniga Masar ayaa dhanka kale loogu baaqay in si deg deg ah xorriyadooda ay u siiyaan dhamaan shaqaalaha wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu. Xukuumada Ankara iyo Qaahira ayaa xidhiidhkooda ahaa mid aan wanaagsaneyn tan iyo markii afganbiga xilka looga tuuray sanadkii 2013-kii madaxweyne Maxamed Mursi oo shacabka Masar ay soo Doorteen. Source