-
Content Count
214,298 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Boosaaso)-Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa markii ugu horreysay duulimaad ka bilaabi doonta bisha soo socota Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Wasaaradda Duulista Hawada ee Maamulka Puntland ayaa shaacisay in Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ay duulimaadkii ugu horreeyay 3-da bisha labaad ee 2020 ay ka bilaabi doonto Magaalaa Boosaaso. Sidoo kale Wasaaradda Duulista Hawada Puntland ayaa sheegtay in Ethiopian Airlines 3 jeer toddobaadkii ka dagi doonto Garoonka diyaaradaha Boosaaso. 15-kii bishii July 2019 ayey aheyd markii Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ay si toos ah uga bilowday Duulimaadkeedii ugu horreeyay ee Puntland, iyadoona hada si toos ah ugu shaqeysa Magaalada Garoowe ee Caasimada maamul gobolleedka Puntland. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Waxa muuqata inay guuldaro ku dhammaadeen wada hadalo muddo u socday Madaxweynaha iyo xisbiyada oo la doonayay in xal lagaga gaadho ismari-waaga ka dhashay guddiga doorashooyinka. Ergadii dhexdhexaadinta oo go’aamadii ay soo saareen dejiyeen xiisadii siyaasadeed ee dalka ka taagnayd, ayaa waxa ay xisbiyada mucaarad iyo muxaafidba sheegeen inay aqbaleen go’aamadooda oo nuxurkoodu ahaa in la kala diro guddiga doorashada ee wakhtigan oo calaamatu su’aal saareen kalsoonida lagu qabi karo dhexdhexaadnimadooda iyo in la soo celiyo guddigii hore ee doorashooyinka. Labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID waxay sheegeen inay aqbaleen labadaas qodob, halka uu xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisuna sheegeen inay aqbaleen balse ay fulintiisa u marayaan jid sharci ah, waxaana markaas bilaabmay isu soo dhawaanshaha madaxweynaha iyo labada guddoomiye mucaarad oo ka hor go’aamada guddiga aad u kala fogaa. 23 December ayay Madaxweynaha iyo mucaaradku yeesheen kulankoodii u horeeyay oo ku qabsoomay jawi degen, waxaana la iskula qaatay saddex qodob oo nuxur ahaan ahaa In si wada jira ay hoggaanka axsaabta qaranku uga wada shaqeeyaan waqtiga ugu suurta galsan ee doorashadu ku qabsoomi karto. – In sadexda xisbi qaran ka hawl galaan dhammaystirka caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka. – In si wada jira sadexda xisbi qaran u guda-galaan soo jeedintii odayaasha ee arrimaha doorashada. Maalintii ku xigtay ee 24 December wuxuu Madaxweyne Biixi kulan la yeeshay guddiga doorashooyinka, waxaanay sida ay madaxtooyadu sheegtay uu Madaxweynuhu guddiga doorashada kala hadlay qabsoomida doorashooyinka iyo caqabadaha hortaagan oo ay madaxtooyadu sheegtay inay iyaga laftoodu [guddiga doorashadu] ka mid yihiin, waxaanu Madaxweynuhu ku taliyay in deg deg looga gudbo dhammaanba dareenada wixii turunturooyin ah ee doorashooyinka hortaagan. 26 December wuxuu Madaxweyne Biixi kulan labaad la yeeshay madaxda mucaaradka ee Faysal iyo Cirro, waxaana markii uu shirku dhammaaday wada jirs saxaafadda ula hadlay Madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo wada jir u sheegay in Madaxweynuhu qabsaday ilaa 10 January si uu u dhammeeyo wixii caqabado ah ee hortaagan fulinta labadii qodob ee guddigii dhexdhexaadintu soo saareen. Ka sokow hadalka Madaxweyne-xigeenka iyo Cirro, waxa banaanka u soo baxay warar sheegaya in intii uu kulanku socday ay Madaxweyne Biixi iyo Faysal Cali Waraabe hadalku ka taag-taagmay, wixii maalintaas dhex maray Madaxweynaha iyo Faysalna, waakan Faysal sheegay Isniintii toddobaadkan. Inkastoo ay dadka badankooda gashay rajo ah in uu Madaxweyne Biixi si rasmi ah u fulinayo labadii qodob ee ergada si uu muranka siyaasadeed meesha uga baxo, maadaama oo madaxweye-xigeenkii saxaafadda arrintan u xaqiijiyay, haddana dad badan oo siyaasadda falanqeeya ayaa saadaalinayay inay adagtahay in Madaxweyne Biixi fuliyo labadaas qodob, waxaana ay shirar kala duwan oo aanay warar rasmi ahi ka soo bixin laaakiin la sheegay in doodoodu adkayd dhex mareen Madaxweyne Biixi iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE ee uu odayga ka yahay, kuwaas oo wararka ka soo baxayaa ay sheegayaan inay qabeen rayi ah inaanu Madaxweynuhu fulin labada qodob ee ergada dhexdhexaadinta. Ugu dambayn kulankii la wada sugayay ayaa wuxuu dhex maray Madaxweyne Biixi iyo madaxda mucaaradka Isniintii toddobaadkan, waxaanu kulankaasi ku dhammaaday natiijo la’aan ka dib markii uu Madaxweyne Biixi u sheegay madaxda mucaaradka inaanu haynin sharci uu ku kala diro guddiga doorashooyinka. Waxa muuqata inuu quus ku soo dhammaatay kulankii indhaha lagu wada hayay ee la filayay in si rasmi ah loogu soo gunaanado khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka taagan oo la fuliyo labadii qodob ee ergada dhexdhexaadintu soo saartay, waxaana suurtogal ah inuu imika dib u istaadhmo ismari-waagii xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo mucaaradka. Fulin la’aanta labadaas qodob iyo ismari-waaga xukuumadda iyo mucaaradkuna wuxuu dalka ku yeelanayaa saamayn dhawr nooc ah oo ay ka mid yihiin kala qaybsanaanta bulshada iyo wada shaqayn la’aanta mucaaradka iyo xukuumadda oo sii xoogaysata iyo saamayn dhinaca dibadda ah maadaama oo ay dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland Madaxweynaha ka codsadeen in la fuliyo labadii qodob ee ergada dhexdhexaadintu soo saartay oo ay u sacabo tumeen. Si kastaba ha ahaate, shacabka Somaliland oo labadii sannadood ee u dambeeyay arkaayay khilaafaadka xukuumadda iyo mucaaradka ayaa qaba walaac ah in muranka siyaasadeed uu saamayn ku yeelanayo nolosha shacabka Somaliland oo marka horeba la daalaa dhacaya duruufo kala duwan. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa ku baaqay in aan dib loo soo celin khilaafkii Xisbiyada, ee la gaadho xal iyo heshiis kama dambays ah oo ay isku af gartaan saddexda Xisbi Qaran. Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika wuxuu yidhi “In khilaaf dambe inagu soo noqdo maaha, mana wacna, ee Saddexda Xisbi iyo Xukuumadda waxaan talo odaytinimo ku leeyahay waxaa inoo wada dan ah heshiiskiina, ee khilaaf dambe yaanu inagu soo noqon, ee heshiis kama dambays ah gaadha, heshiiskiinuna waanu ku faraxnayna, oo dhammaan dadkeenu wey ku faraxayaan, laakiin khilaafkeena soo noqonaya dan inooma ah”. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Somaliland ayaa maanta toogasho ku fuliyey illaa lix ruux oo horay maxkamadaha ku yaalla maamulkaasi xukun dil ah ugu rideen. Ragga la toogtay ayaa lagu eedeeyey inay dilal ka geysteen deegaano ka mid ah gobollada Sool, Sanaag, Maroodi-Jeex iyo Gabilay oo dhammaan hoostaga Somaliland. Toogashada ayaa saaka ka dhacday xabsiga weyn ee Mandheera, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Booliska maamulkaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ehellada ragga la toogtay ay aad uga xumaayeen toogashada, kuwaas oo ku doodaya in si sharci darro ah loo xukumay raggaasi. Falka toogashada ah ee Somaliland ku fulisay lixdaan qof ayaa noqonaya kii ugu horreeyey inta la xasuusto taariikhda casriga ah. Halkan hoose ka aqriso magacyada ragga la toogtay 1: Axmed-Guray Ibraahin Faarax oo kasoo jeeda Magaalada Burco 2: Farxaan Maxamed Xasan oo kasoo jeeda Magaalada Buuhoodle 3: Cabdullaahi Ismaaciil Xayd oo kasoo jeeda Magaalada Burco 4: Ceydaruus Khadar Haybe oo kasoo jeeda Magaalada Hargeysa 5: Khadar Aleel oo kasoo jeeda Gobolka Magaalada Gabiley 6: Xasan Muxumed Cismaan oo kasoo jeeda Magaalada Hargeysa.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Geeska Afrika, Mr. Onanga-Anyanga oo dhowaan booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey socdaalkiisii Soomaaliya. Mr. Onanga-Anyanga ayaa sheegay in u jeedkiisu ahaa mid uu ku indho indheynayey xaaladda guud ee Soomaliya, gaar ahaan amniga iyo arrimaha doorashooyinka. “Waxaan u tagey Muqdisho anigoo dareemaya rajo ay ku dheehantahay awooda dadka iyo dowladdooda si ay uga gudbaan caqabadaha hada jira.” ayuu yiri Ergeyga. Sidoo kale Wakiilka Qaramada Midoobay ee Geeska Afrika ayaa xusay in intii uu joogay Muqdisho kulamo uu la qaatay mas’uuliyiin kala duwan oo heer Qaran ah iyo kuwo caalami ah, waxaana uu kala hadlay amniga, doorashooyinka, horumarka iyo gargaarka. Ergeyga QM ee Geeska Afrika ayaa si gaar ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaacil Ibraahim (Xaliimo Yarey) kala hadlay arrimo ku aadan doorashada soo socota iyo kalsoonida lagu qabo inay noqoto mid hal qof hal cod ah. “Doorashooyinku waxay noqon karaan geedi socod dib-u-heshiisiin Qaran, laakiin waxay sidoo kale horseedi karaan khilaafaadka, sidaa darteedna howlaha doorashada waa inay taageeraan Qaramada Midoobay.” ayuu yiri Mr. Onanga-Anyanga. Ugu dambeyn wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey horumarka ka jira dalka, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu sanadkaan 2020-ka Soomaaliya u yahay mid muhiim ah.
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa saaka dil-toogasho ah ku fulisay lix nin oo horey ugu xukunsanaa xukunkan dilka ah. Toogashada ayaa saaka ka dhacday jeelka wayn ee Mandheera. Magacyada ragga la toogtay iyo magaalooyinka ay ka soo jeedaan: 1- Farxaam Maxamed Xasan ( Buuhoodle ) 2- Cabdillaahi Ismaaciil Xayd ( Burco) 3- Axmed-Guray Ibraahin Faarax ( Burco) 4-Khadar Aleel ( Gabiley ) 5- Xasan Muxumed Cismaan ( Hargeysa ) 6- Caydaruus Khadar Haybe ( Hargeysa ) Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ayaa ka hadlay xaaladda maamulka Galmudug iyo ololaha siyaasadeed ee ka kala socda magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo. Fiqi ayaa sheegay in Galmudug ay hadda ku socoto waddo ay ku dhismi karaan laba maamul oo is diidan, haddii uusan tanaasulin Madaxweyne Xaaf. Sidoo kale wuxuu ku baaqay in loo turo shacabka ku dhaqan gobollada Galgaduud iyo Mudug, si ay u helaan hal maamul oo samata bixin kara. “Runtii Galmudug waxay ku socotaa waddo ay laba maamul oo isdiidan ku dhismi karaan,hadii uusan tanaasulin Xaaf,waxaana dalbdanayaa in shacabka loo turo oo hal maamul loo dhiso”. ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan xubnaha golaha shacabka. Ololihii ugu dambeeyey ee doorashada Galmudug ayaa ka socda gudaha magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo ay hor boodeyso dowladda federaalka, halka Gaalkacyo uu ka socdo olole kale oo uu horkacayo Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf). Lama oga sida uu xaalku noqon doonaa, balse waxa ay dadka ordosa siyaasadda ka digayaan in laba maamul oo iska soo horjeedo ay ka dhismaan deegaanada Galmudug.
-
Weeraradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ay ka fulisay gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ayaa walaac dhanka ammaanka ah ku abuuray dowladda dalkaasi. Al-Shabaab ayaa weeraradeeda kordhiso inta u dhexeysa bilaha December iyo Febraayo oo gudaha dalka Kenya looga dabaal dago munaasabado uu ka mid yahay sanadka cusub. Bishii January ee sanadkii la soo dhaafay ee 2019-kii Al-Shabaab ayaa la xusuustaa in 21 ruux ay ku dishay weerar toos ahaa oo ay ku qaaday hoteelka Dusit ee magaalada Nairobi, halka sidoo kale isla bishaan January ee sanadkan cusub 2020-ka Al-Shabaab weeraro khasaaro badan geystay ka fulisay deegaano ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Weerarkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay Gaarisa, kaas oo ay la beegsatay iskuul ku yaalla tuulada Kamuthe, halkaasi oo ay ku dishay saddex Macalin oo ka howlgalayey iskuulkaasi. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdinuur oo Kismaayo ku qabtay shir jaraa’id ayaa ka warbixiyey howlgallo ciidamada maamulkaasi ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose. Cabdinuur ayaa sheegay in howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan laga fuliyey deegaanada Cabdalla Biroole, Yaaq Bishaaro iyo tuulooyin hoostaga degmada Jamaame. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in howlgalladaasi lagu dilay ugu yaraan illaa afar xubnood oo ka tirsanaa dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan halkaasi. Afhaayeenka ayaa intaasi ku daray in howlgalladaan sidoo kale ay kula soo wareegeen saanad milatari, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in dhaq dhaqaaqyada ay wadaan ciidamada huwanta ay sii socon doonaan inta laga adkaanayo Al-Shabaab. Hadalkaan ayaa ku soo aadayaa iyadoo muddooyinkii dambe sare loo qaaday howlgallada iyo duqeymaha ka dhanka ah ee Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya.
-
Muran & Khilaaf ka dhex oogan Masar iyo Itoobiya+Halka Sartu ka qudhuntay Itoobiya ayaa biyo xireen u sameysaneysa wabiga Nile Wadahadalladii ugu dambeeyay ee lagu xallinayo muranka u dhaxeeya Itoobiya iyo Masar ee ku aaddan mustaqbalka mashruuca quwadda korontada biyaha laga dhaliyo ee Webiga Nile laga fulinayo ayaa ka billowday magaalada Washington, ee dalka Mareykanka. Sanadkii la soo dhaafay kulan kama dambeys ah oo loo qabtay 15-ka bishan January ayaa lagu doonayay in lagu xalliyo xurgufta muddada dheer u dhaxaysa labada dal, balse wareeggii ugu dambeeyay ee wada-hadalladaas oo qabsoomay toddobaadkii la soo dhaafay ayaa is afgaranwaa ku soo dhammaaday. Marka la dhammeystiro, Biyo-xireenka Grand Renaissance, ee ay itoobiya dhiseyso, wuxuu noqon doonaa barta ugu weyn Afrika ee laga dhaliyo quwadda korontada ee biyaha. Dhismaha biyo-xireenkan ayaa sanadkii 2011-kii laga billaabay Webiga Blue Nile ee waqooyiga dhulalka sare ee Itoobiya, kaasoo biyihiisa ay 85% ka yimaadaan wabiga Nile. Si kastaba, biyo-xireenkan ayaa khilaaf ka dhex abuuray Masar iyo Itoobiya, iyo sidoo kale Suudaan oo dhex u gashay, murankaas oo ay dadku qaar ka baqayaan inuu dagaal horseedo, Mareykanka ayaana haatan dhexdhexaadinaya. Maxay arrintu khilaaf u dhalisay? Muranka waxaa udub-dhexaad u ah qorshaha lagu buuxinayo biyo-xireenka iyadoo Masar ay ka baqayso in mashruucu uu Itoobiya u suurto-gelin doono inay maamusho biyaha webiga ugu dheer Afrika. Xarumaha korontada laga dhaliyo biyaha uma baahna biyo, balse sida degdegga ah ee ay Itoobiya u buuxineyso keydka biyo-xireenka ayaa saameyn doona hab u socoshada biyaha webiga. Haddii ay muddo dheer qaadato buuxinta keydka biyo-xireenka, oo lagu wado in qaadkiisu uu noqdo 74 bilyan kiyuubik mitir, waxaa yaraaneysa saameynta uu heerka qulqulka webiga ku yeelanayo. Itoobiya ayaa dooneysa in dhismaha biyo-xireenka ay ku soo afjarto lix sano gudahood. Wasiirka Biyaha Itoobiya Seleshi Bekele ayaa bishii September ee sanadkii hore sheegay in dalkiisu uu qorsheynayo in biyo-xireenka uu buuxiyo xilli-roobaadka xiga (July), isla markaana ay billaabi doonaan dhalinta korontada bisha December ee sanadkan 2020. Balse Masar ayaa soo jeedisay in xilli dheer ay qaadato buuxinta biyo-xireenka – si aysan hoos ugu dhicin biyaha webiga, gaar ahaanna marka ay socoto wejiga hore ee buuxinta. Wadahadallo u dhaxeeya Masar, Suudaan iyo Itoobiya oo ku saabsan biyo-xireenka ayaa miro-dhali waayay in ka badan afar sano – Mareykanka ayaase haatan isku dayaya inuu dhexdhexaadiyo. Kaddib wadahadalladii toddobaakdii hore, Mr Seleshi ayaa Masar ku eedeeyay inaysan dooneyn in heshiis la gaaro. Wasiirka biyaha ee Itoobiya ayaa sheegay in buuxinta biyaha ay billaabayaan bisha July “Uma maleynayo markii ay Masaaridu halkan yimaadeen inay u yimaadeen in heshiis la gaaro,” Mr Seleshi ayaa sidaasi u sheegay BBC-da. “Waxay haddana la yimaadeen qorshe cusub oo buuxinta biyo-xireenka ah. Waqtiga ay doonayaan inay qaadato buuxinta biyo-xireenka waa 12 ilaa 21 sano. “Tani maaha mid la aqbali karo,” ayuu yiri. Wasiirka Biyaha Masar Mohamed Abdel Aty, ayaa isagana sheegay in labada dhinac ay xoogaa is-afgarasho ah gaareen. Maxay Masar u murugeysan tahay? Masar waxay 90% biyaheeda ka heshaa Webiga Nile. Waxay mar walba sheegi jirtay in haddii ay biyaha Nile u socdaan si habsami leh ay dalkaasi ka caawin doonto sidii xal loogu heli lahaa biyo yaraanta ka jirta. Heshiis la galay xilligii gumeysiga ayaa Masar iyo Suudaan xaq u siinaya ku dhowaad dhammaan biyaha Nile. Iyadoo heshiiskaas uu sidoo kale Masar codka qayaxan u siinayo inay ka hortimaaddo mashaariic walba oo ay wataan dalalka kale ee uu qeyb ka maro webiga, kuwaas oo saameyn kara biyaheeda. Itoobiya ayaa sheegtay inuusan gacmaha ka xiri karin heshiis tobnaan sano kahor ahaa waxayna dhismaha biyo-xireenka billowday bishii March ee sanadkii 2011-kii, iyadoo aan Masar kala tashan. Biyaha wabiyaha Nile ayaa ka soo burqada magaalada Masar ku taalla ee Aswan oo qiyaastii 920km (570 miles) dhinaca koonfureed ka xigta caasimadda Qaahira Mid ka mid ah walaacyada ugu weyn ee uu qabo dalka waqooyiga Afrika ku yaalla waa in haddii ay yaraadaan biyaha Nile, ay taasi saameyn karto Harada Nasser, oo ah keyd ku yaalla meel ka dambeysa biyo-xireenka Aswan ee Masar, oo laga dhaliyo inta badan korontada Masar. Itoobiya ayaa sheegtay in mid ka mid ah shuruudihii hore ee Masar ay ku xirtay heshiiska ay tahay in biyo-xireenka aanan lagu xiriirin biyo-xireenka Aswan. Mr Seleshi ayaa BBC-da u sheegay in Masaarida uu u sharraxay inay “adag tahay in la isku xiriiriyo labo biyo-xireen”. Masar ayaa sidoo kale ka baqdin qabta in biyo-xireenku uu saameyn ku yeesho biyaha haatanba yar ee Nile, oo ah biyaha keliya ee ay isticmaalaadan dadweynaha Masar. Waxay sidoo kale saameyn kartaa nolosha beeraleyda ku tiirsan biyaha Nile, oo u isticmaala si ay beerahooda ugu waraabsadaan. Maxay Itoobiya u dooneysaa biyo-xireen sidaa u weyn? Biyo-xreenkan oo ay ku kacayso $4bn (£3bn) wuxuu udub-dhexaad u yahay riyooyinka wax soo saar ee Itoobiya. Marka la dhammeystiro waxaa la filayaa in Itoobiya ay awood u yeelato inay dhaliso quwad baaxaddeedu tahay 6,000 megawatts. Itoobiya waxaa ka jirta koronto yaraan baahsan, iyadoo 65% bulshadeeda aysan haysan koronto ku filan. Tamarta laga dhaliyo waxay ku filnaan doontaa bulshada Itoobiya, iyadoo sidoo kalena u iibgeyn doonta dalalka deriska la ah. Itoobiya ayaa sidoo kale biyo-xireenka u aragta arrin iyada u taalla oo aysan mas’uuliyaddeeda iyo go’aankeedaba cid kale khuseynin. Mashruuca biyo-xireenka kuma tiirsana maalgelin dibadda ah wuxuuse ku tiirsan yahay lacagta dowladda iyo maalgelinno gaar ah oo mashruuca loogu talogalay. Itoobiya ayaa cambaareysay waxa ay u arkeysay faragelin shisheeye oo mashruucdeeda lagu hayo. Dal kale miyaa jira oo mashruucan ka faa`iidaya? Haa. Dalalka deriska la ah Itoobiya ee Sudan, Suudaanta Koofureed, Kenya, Djibouti iyo Eritrea ayaa laga yaabaa inay ka faa`iidaan quwadda laga dhalin doono biyo-xireenka. Itoobiya ayaa rajeyneysa in biyo-xireenka la dhammeystiro sanadka 2020 Inta badan dalalkan ayaa waxaa haysata koronto yaraan baahsan. Dalka Sudan waxaa faa`iido kale u ah in biyo-xireenka uu maamuli doono hab u socodka biyaha webiga – taas oo micnaheeda yahay in sanad walba ay sidii uun ahaan doonto. Caadi ahaan dalkaas wuxuu la daalaa dhacayaa saameynta daadad ku fatahay bilihii August iyo September ee sanadkii hore. Malaga yaabaa in muranka uu dagaal horseedo? Waxaa jirtay cabsi laga qabo in dalalkan ay isku dhacaan haddii aan la xallin xurgufta u dhaxaysa. Sanadkii 2013-kii, waxaa jiray warar sheegaya muuqaal si qarsoodi ah loo duubay oo muujinaya siyaasiyiinta Masar oo soo jeedinaya falal dagaal oo ka dhan ah Itoobiya, kuna saabsan dhismaha biyo-xireenka. Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa sidoo kale laga soo xigtay in Masar ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u difaacato biyaha Nile. Bishii October ee sanadkii hore, Ra`iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa xildhibaannada u sheegay inaysan jirin awood Itoobiya ka horjoogsan karta dhismaha biyo-xireenka. In Mareykanku uu ku kala dhex jiro labada dal, waxay muujineysaa sida aysan arrinta u sahlaneyn, iyo sida loogu baahan yahay inay labada dal heshiiyaan. Siduu haatan xaalku noqonayaa? Tallaabada xigta ee wasiirrada biyaha iyo wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkooda waa inay isku dayaan inay heshiis gaaraan kahor xilliga kama dambeysta ah ee loo qabtay oo ah 15-ka bishan. Xilliga waxaa la muddeeyay bishii November kaddib shir ay yeesheen dhinacyada is haya, Mareykanka iyo Bankiga Adduunka. US PRESIDENT’S OFFICEDonald Trump ayaa rajeynaya in Mareykanku uu dallaal ka noqon karo heshiiska labada dal ee uu xulafada la yahay Haddii aysan weli heshiis gaarin ilaa 15-ka bishan, waxay codsan doonaan dhexdhexaadiye kale, ama waxay arrinta u bandhigi doonaan madaxda sare, sidii lagu heshiiyay bishii November ee sanadkii hore. Maalintii shalay ahayd, Ra`iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka codsaday madaxweynaha Koofur Afrika Cyril Ramaphosa inuu sidoo kale gacan ka geysto muranka Itoobiya iyo Masar. Mr Abiy ayaa sheegay in maaddaama uu noqonayo madaxa Midowga Afrika ee xiga, uu Ramaphosa gacan ka geysan karo in xurgufta lagu xalliyo si nabad ah. Qaran News
-
Tan iyo sanadkii 2017-ka, kumanaan Muslimiin ah ayaa lagu xiray dalka Shiinaha, kuwaasoo dowladda dalkaas ay sheegtay in ay ku xareysay xeryo wax lagu barto. Qaar kamid ah dadkaas oo dib ugu laabtay dalka Kazakhstan ayaa BBC-da u sheegay in bilihii ay xirnaayeen la jirdilay, la garaacay, sidoo kalena lagu duray irbado aanay garaneynin waxa ay yihiin. Dadka Muslimiinta ah ee loo yaqaano Kazakhs, Uighurs iyo Muslimiinta kale ee laga tirade badan yahay ayaa qarniyo si xor ah ugu noolaa xadka dalalka Shiinaha iyo Kazakhistan, haseyeeshee tashkiilinta iyo dhibaateynta xukuumadda Beijing ay ku heyso dadka Muslimiinta ayaa sidoo kale u gudubtay dalalka deriska ah, waxaana haatan lagu eedeeyay in shacabka dalka ay deriska yihiin ee Kazakhistan ay gaartay dhibaatadaas. “Ninkeyga wuxuu xadka ka gudbay dhamaadka sanadkii 2017-ka, wuxuuna u tallaabay dhanka Shiinaha, waana la xiray, sababta loo xirayna waxay ahayd in taleefoonkiisa gacanta uu ku isticmaalo aaladda Whatsapka, Shiinaha waxay kala fogeeyeen caruur iyo aabahood,” ayay tiri Gulnu oo ah haweeney heysata diinta Islaamka, seygeedana lagu xiray xeryaha dalka Shiinaha. Dowladda Shiinaha ayaa xeryo ku yaala Xinjiang ku heyso malaayiin Muslimiin ah oo ay kamid yihiin Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighurs iyo Muslimiinta kale ee Kasakhistan, waxaana BBC-da ay ogaatay in dadkaas ay ku jiraan xeryo ku yaala galbeedka dalka Shiinaha. Dowladda Shiinaha ayaa mar walba ku andacoota in xeryahaas ay yihiin kuwa dadka wax lagu baro, dadka yimaadana ay si iskood ah u yimaadaan, haseyeeshee dadkii halkaas kasoo baxay ayaa sheegay in xaaladda ay sidaas ka duwan tahay. “Afaafka hore ee xeryahaas waxaa lagu qoray in ay yihiin iskoolo loo dalxiis tago, balse xaqiiqda sidaas ma ahan, oo halkii aan joogay waxay ahayd xeryo, waxay ahayd xabsi,” ayay tiri Gulzira oo xeryahaas ku jirtay shan iyo toban bilood Xeryaha la geeyo dadka Dad badan oo kasoo baxay xeryahaas oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in marka la geliyo xeryahaas qofka laga qaado waxwalba oo uu wato, kadibna la geliyo xabso dhulka hoostiisa, halkaasina ay in muddo ah ku jirayaan. Qaar kale ayaa sheegay in markii ay xabsiga kasoo baxeen ay Dowladda Shiinaha ku shaqeysatay, kadibna aanan wax mushaar ah lasiinin. Dadka Muslimiinta ah ee xeryahaas la geeyay ayaa sheegya in la isku dayay in la tashkiiliyo, balse qaar badan oo kamid ah waxay shegeen in wali ay ku dhagan yihiin diinta Islaamka iyo dhaqankii ay heysteen. Dowladda Shiinaha ayaa mamnuucis garka iyo xijaabka ah horay ugu soo rogtay gobolka ku yaalla galbeedka fog ee Xinjiang, wax lagu tilmaamay olole lagula dagaallamayo islaamiyiinta xagjirka ah. Talaabooyinkan waxaa ku jira in la mamnuuco in raggu gar “aan caadi ahayn” ay daystaan, xijaabka oo lagu xirto goobaha dadweynaha iyo in la diido daawashada TVga. Xinjiang ayaa ah meel ay ku badan yihiin dadka Uighurs, oo ah dad Muslimiin ah oo sheega in la faquuqayo Qaran News
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa wareegto uu soo saaray ku kala diray, golihii degaanka degmada Gaalkacyo, waxaana uu xilkii ka qaaday guddoomiyihii iyo guddoomiye ku xigeenkii degmadaasi. Xaaf ayaa wareegtada uu xilka uga qaaday maamulkii degmada Gaalkacyo, waxaa uu ku sheegay, in kadib markuu arkay xaaladda ay ku sugantahay magaaalada Gaalkacyo, iyo in maamulku ay wax ka qaban waayeen amniga iyo hormarka degmada, uu sidaasi xilkii uga qaaday. Madaxweyne Xaaf ,ayaa si ku meel gaar ah guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ugu magacaabay Siciid Salaad Cilmi ,halka ku xigeenka degmadana u magacaabay Maxamed Cali Xirsi. Dhinaca kale, mudane Xaaf oo maalmahan ku sugan Gaalkacyo, ayaa ka soo horjeestay hawlaha maamul dhiska Galmudug ee dowladda Federaalku ka waddo Dhuusamareeb, waxaana uu isna magacaabay guddi kale. PUNTLAND POST The post Xaaf oo kala diray maamulkii degmada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka warbixisay howlgal ka dhan ah Al-shabaaboo ciidamada Jubaland ay ka fuliyeen degaanno ka tirsan gobolada Gedo iyo Jubadda Hoose. Cabdinuur Ibraahim oo ah Afhayeenka Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Jubaland oo la hadlay Warbaahinta magaaalada Kismaayo ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgalladaasi. Af-hayeenka ayaa sheegay in howlgaladaas ay ciidamadu ku dileen 4 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab isagoo tilmaamay in Ciidamada kula wareegeen saanad milateri oo badan. Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanada Yaaq Bishaaro,Cabdalla Biroole iyo tuulooyin hoos yimaada degmada Jamaame eek u taalla Koonfurta gobolka Jubada Hoose. PUNTLAND POST The post Jubaland oo faahfaahisay hawlgal ciidamadeedu ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Riyadh)-Maleeshiyada xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa sheegtay in diyaarad dagaal oo nooca duuliyaha aan laheyn ay ka soo rideen dalka Sacuudiga. Diyaarada ayaa markii la soo ridayay dul socotay buuraha gobolka koonfureed ee Jizan oo xad la wadaaga dalka Yemen. Warsaxaafadeed lagu baahiyay fiidnimadan xalay Tv-ga Al-Masiirah ee ku hadla afka xuutiyiinta ayaa lagu sheegay in gantaal lala helay diyaarada. Xukuumadda Riyaad ayaa dhankeeda ka gaabsatay warka ka soo baxay maleeshiyada Xuutiyiinta. Isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga ayaa duulaan xooggan ku qaaday dalka Yemen sanadkii 2015-kii iyagoo tan iyo xiligaasi dagaal xoogan kula jira kooxda Xuutiyiinta. Source
-
Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka ay kala dhexgaleen maleeshiyaad dhowaan ku dagaallamay gobolkaasi. Ciidankan oo uu hoggaaminayo Taliyaha Guutada 13-Aad Ee Ciidanka Dawladda Qaybta 21-Aad Korneyl Cabdiraxman Macalin Maxamuud (Timadheere), ayaa kala dhexgalay maleeshiyaadkan oo ku dagaallamay deegaannada Mirxeyley & Bangeelle oo Galgaduud ka tirsan. Sidoo kale, wararka ayaa intaa ku daraya in haatan ay socoto waan waan lagu qaboojinayo xiisado halkaasi ka taagnaa maalmihii lasoo dhaafay. Waxgaradka beelihii dagaallamay ayaa lagu wadaa in la isku keeno si xal looga gaaro wixii dhacay, sidoo kalena laga wada shaqeeyo nabadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Tehran)-Waaxda garsoorka Iiraan ayaa ku dhawaaqday in ay xabsiga dhigtay shaqsiyaad lagu tuhmayo in ay ka danbeeyeen diyaaradii dadka badan ay ku dhinteen ee ku burburtay caasimada Tehraan. Toddobaadkii hore ayaa diyaarada Ukraine ay ku burburtay gantaal ku dhacay, waxyar uun markii ay ka duushay madaarka Imaam Khumeyni. Afhayeenka xukuumada Tehraan Mr Qulaam Xuseen Ismaaciili ayaa xaqiijiyay in ay xabsiga dhigeen dhowr qof si baadhitaan loogu sameeyo walow uu diiday in uu sheego Magacyadooda. Diyaarada Ukraine ayaa waxaa ku dhintay 176 ruux oo ahaa rakaab iyo shaqaale xilli ay ku sii jeeday magaalada caasimada ah ee Kyiv. Inkastoo Iiraan markii hore ay sheegtay in cilad farsamo ay u burburtay diyaarada ayaa hadane maalmo kadib ay qiratay in ciidankeeda ay soo rideen waxaana arintaasi ka dhashay dibadbaxyo xooggan oo ka dhan ah Dowlada. Source
-
Duqa Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, Yuusuf Xirsi Barre ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay wareegto xilka looga qaaday oo xalay kasoo baxay xafiiska madaxweyne Xaaf. Waxa uu sheegay Xirsi in madaxweyne Xaaf aanu xilligan xilna cid u magacaabi karin, cid kalena aanu ka qaadi karin, maadaama Galmudug ay hadda ku jirto xaalad kala guur ah. Sidoo kale, wuxuu sheegay Duqa Gaalkacyo in isaga uu weli si sharci ah xilkan u hayo, wixii kasoo harana ay tahay hadal shaqsi uu iska yiri, waa sida uu hadalka u dhigaye. Xaaf ayaa wareegtadiisii xalay ku sheegay in uu xilkii ka qaaday mas’uuliyiinta maamulka magaalada Gaalkacyo, sidoo kalena uu kala diray golaha deegaanka ee degmadaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Labada waddan ee ugu dhaqaalaha badan caalamka ee kala ah Mareykanka iyo Shiinaha, ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Arbaca ah kala saxeexdaan heshiis ganacsi. Inkasta ay jirto boqollaal bilyan oo dollar oo canshuur kordhin ah oo labada dhinac isugu jawaabeen, haddana heshiiska maanta qeyb kama noqon doonto khafiifinta tacriifta labada dhinac ay dul-dhigeen badeecadaha ay isu dhoofiyaan. Canshuur kordhinta ayaa sideeda sii ahaan doonto ilaa laga gaaro doorashada madaxtinimada Mareykanka ee uu bisha November madaxweyne Donald Trump kula tartami doono musharraxa kai man doona xisbiga dimoqraadiga. Wajiga koowaad ee heshiiska labada waddan ayaa waxaa ugu weyn in Shiinaha uu muddo kooban iibsado miraha iyo wax soo saarka ka yimaada Mareykanka. Faah-faahinta kale ee heshiiska ayaa soo bixi doonta marka ay saraakiisha labada dhinac maanta ku saxiixaan Aqalka Cad ee magaaladan Washington. Source
-
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa faah faahin ka bixisay howlgal ay ciidamadooda ka fuliyeen deegaanno ka kala tirsan Jubbada Hoose iyo Gedo. C/nuur Ibraahim Xuseen, afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland ayaa ugu horreyn sheegay in howlgalladaasi ay ku dileen xubno ka mid ah Al-shabaab, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen xubno kale, waa sida uu hadalka u dhigaye. Afhayeenka ayaa sheegay in Afar Xubnood oo Al-shabaab ah ku dileen howlgal ay ciidanka Jubbaland ku sameeyeen deegaannada Cabdalla Biroole, Yaaq Bishaaro iyo deegaanno kale oo ku dhow degmada Jamaame. Sidoo kale, Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland ayaa sheegay in Al-shabaab ka qabsadeen saanad ciidan, welina howlgallada yihiin kuwo soconaya. Ka sokow sheegashada Jubbaland, ma jirto wax war ah oo arrintan ay kasoo saareen ururka Al-shabaab oo ka dagaallama meello ka mid ah gobollada dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynayaasha mamaullada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada dhinac. Labada madaxweyne ee Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo Maxamed Cabdi Waare ayaa isku afgartay inay iska kaashadaan dhaqaalaha, barakacayaasha iyo amniga. Wasiirka qorsheynta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka warbixiyey shirkaasi iyo waxyaabihii laga wada hadlay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Nuuradiin.mp3 View the full article
-
(SLT-Nairobi)-Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa waxaa qasab ku noqotey inuu si lama filaan ah ugu sii hakado Kenya xilli dalka bariga Afrika uu taageero u raadinayo isku daygooda ah inuu xubin joogto ah ka noqdo Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, Inkastoo shiinuhuu ay door bidaayaan Jabuuti. Kenya kuma ayna jirin safarkii hore loo qorsheyey ee Wang ee Afrika, Sidaa hore ugu qorsheysneyd waxaay aheyd in uu socdaal ku maro dalalka Masar, Jabuuti, Ereteriya, Burundi iyo Zimbabwe, Wasiirlka arrimaha dibadda Shiinaha wuxuu boqashadiisa ka soo bilaabay masaar bilowga sanadkan. Laakiin Jimcihii, Wang wuxuu ka duulay magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti isaagoo ku sii jeeday magaalada xeebta ku taal ee Kenya wuxuuna wadahadal la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma. Wuxuu sidoo kale booqday Xaruunta Dhabadda Xadiidka ee isku xidha Mombasa iyo caasimada Nairobi, oo lagu maalgeliyey Mashruuca logu magac darey Suunka iyo Isku Xidhka Horumarka wadooyinka [Belt and Road Initiative] – Qorshaha oo ah mid malaayin lacag ku kacaya oo ay hormuud ka tahay xukumadda Beijing, kaas oo isku xiraaya Yurub iyo Afrika iyada oo loo marayo maal-gashiga kaabayaasha dhaqaale. Booqashada uu ku yimid wasiirka arrimaha dibadda ee shiinaha Kenya waxaay timid kadib markii ay soo baxeen warbixinno sheegaya in Beijing ay taageeri doonto oo ay xaga dambe ka riixeyso Jabuuti sidii ay kursi aan joogto ahayn ee Golaha Amniga ay uu heli laheyd, tallaabadaas oo khalkhal gelisay Xukumadda Nairobi. Saddexda dal oo Afrikaan ah ba waxay marwalba la siyaa kusriga aan joogto ahayn Golaha Amniga, mid walbaa wuxuu u baahan yahay codadka saddex-meelood laba meel tirada guud ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Niger iyo Tunisia ayaa loo doortay bishii Juun ee la soo dhaafay inay metelaan qaaradda 2020-21, iyagoo badalaya Ivory Coast iyo Equatorial Guinea. Kenya iyo Jabuuti ayaa u tartamaya sidii ay u baddali lahaayeen Koonfur Afrika bisha Janaayo ee soo socota. Kenya ayaa ku guuleysatay taageerada Midowga Afrika bishii Agoosto ee la soo dhaafay, iyadoo kaga badisaay Jabuuti codad gaaraya 37 cod illaa iyo 13. Jabuuti ayaa aqbashay in laga adkaaday laakiin markii dambe waxay sheegtay in coodbixintaas ay Waxba kama jiraan ay aheyd oo ay billawday olole ay kula tartamayso Kenya kursigaas oo aysan ka qusaan wali. Wang wuxuu u sheegay Juma: “Shiinaha wuxuu ka taageerayaa Kenya inay door muhiim ah ka cayaarto arrimaha gobolka ee Afrika, waxaynu taageereyna dadka afrikaanka ah si ay u xalliyaan dhibaatooyinka gudahooda qaab Afrikaanimo ah, Waxayna ku taageereyna qaarada Afrika sidii ay uga rumeyn lahaayeen aragtida ah in la tirtiro faqriga iyo saboolnimadda sida ugu dhaqsaha badan. ” Juma ayaa Shiinaha uga mahadcelisay taageeradeeda muddada fog iyo taageerada ay ka siiso horumarinta dhaqaalaha iyo bulshadda ee Kenya, iyo doorka wax ku oolka ah ee ku aaddan horumarinta nabadda ee Qaradda Afrika. Kenya iyo Jabuuti labaduba waa xulafada waaweyn ee Shiinaha, oo hoy u ah Mashaariicda Shiinaha uu maalgeliyo sidaa mashruucyada waddooyinka taareemadda iyo dekadaha – Haddaba Taani waxaay uu keentay shiinaha in ay ku adkaato in ay shaaciso ciida ay Beijing ku taageereyso kursiga Qaramada Midoobay. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Wang uu u duulay Kenya si uu ugu caddeeyo arrinta oo uu uga fogaado inuu hal dhinac ay taageeraan. Ka hor inta uusan u safrin Mombasa, Wang wuxuu Khamiistii la soo dhaafay la yeeshay kulaan Madaxweynaha Jabuuti Ismacil Cumar Geelle iyo Wasiirka Arimaha Dibada Maxamuud Cali Yuusuf. Wang wuxuu usheegay in jabuuti ay tahay “mid la isku halleyn karo oo muddo dheer ay wada shaqeyn karaan”, kulanka kadib Geelle xafiiskiisa wuxuu soo dhigay bartiisa twitter-ka uu ku leyahay qoraal muujinaya in China ay taageeri doonto dalabkeeda ku aadan kursiga Qaramada Midoobay. Bishii la soo dhaafay, Wakiilka gaarka ah ee Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, ahna Wakiilka Gobolka, Wang Yong, wuxuu ka dhawaajiyey in Beijing ay diyaar u tahay inay taageerto dalabka Kenya. “Waxaan si adag u taageersanahay dib u habeynta Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay waxaana aaminsanahay in Kenya ay gacan ka geysan doonto sare uu qaadista codka dalalka Afrika,” ayuu yiri. Laakiin hadalkii Wang Yong ayaa markii dambe laga tirtiray website-ka xafiiska madaxtooyada Kenya. Safaarada Shiinaha ee Nairobi ayaa sheegtay in kursiga UN-ka uusan qeyb ka aheyn wadahadalada bishii Diseembar, ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiisha Shiinaha ay fahansanyihiin in ereyada ergayga si khaldan loo fasiray. Isniintii, Macharia Kamau, oo ah xoghayaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, ayaa sheegay in warbixinnada Jabuuti ee sheegashadda inay xaqiijisay taageerada Shiinaha ay tahay in la iska indhatiro, laakiin waxaan qireynaya in “Shiinaha oo keliya ay go’aansan karaan” waddanka, ay ku taageri doonaan kursiga. Stephen Chan, oo bare ka ah Jaamacadda London afka qalad lagu yidhahdo [School of Oriental and African Studies,] ayaa sheegay in Kenya lagu soo daray daqiiqada ugu dambeysa safarka si logu niyad qaboojiyo kenya oo uu Shiinuhu tusiyo in uu qimeynaayo iyaado dhan kale ay barbar socdaa taageeradda uu u haayo Jabuuti iyo Ereteriya, oo ah dalal dhaca xeebta bari ee Afrika. Shiinaha ayaa la sheegayaa inuu isku dayaayo inuu ka fogaado eex. Dhabadda Tareenka ee Keny, wuxuu qarash ahaan ku kacay 4.7 bilyan oo doollarka Mareykanka ah, oo ay maalgaliso Bangiga Exim ee Shiinaha, halka Jabuuti ay hoy u tahay maalgashi kaabayaasha Shiinaha ee ku kacaya dhowr bilyan oo ay ku jiraan dekedaha, jidadka tareemadda iyo saldhigga millatari ee ugu horreeyay ee Shiinaha ee uu dibadda ku yeesho. Djibouti waxay ku taal Geeska Afrika, waxayna xarun u tahay militariga shisheeye, oo ay ku jiraan kuwa Maraykanka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Japan. Haddba Shiinaha ayaa uu Muqda mid sii qarsoodi ah ugu codeyn doono dalka uu is leyahay Kama marantiid Soo turjume Ali Musa alimusa@axadletimes.com Axadle media Group Source
-
Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa soo dhoweeyey meel marinta sharciga warbaahinta madaxa banaan oo shalay ay meel mariyeen xildhibaanada golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Wasiir Maareeye ayaa sheegay in sharcigaan oo wax ka bedal lagu sameeyey la tashi guud lagala soo sameeyey qeybaha kala duwan ee warbaahinta. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu u gudbi doono Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), si uu saxiixo sharcigaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Mahad.mp3 View the full article
