-
Content Count
214,298 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dikreeto uu soo saaray Cafis gaar ah ugu fidiyey shan xubnood oo dhowaan ay xukuntay maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari. Wareegtada ayaa lagu sheegay, in madaxweynuhu shantaasi xukmane Cafiyay, kadib markii uu xeeriyay xaaladooda caafimaad iyo da’dooda oo weyn, waxaana xusid mudan in laba kamid ah xukmanayaasha la sii daayay Isniintii todobaadkan, kadib markii ay xaalad caafimaad la soo deristay. Shanta xukmane oo magacyadoodu kala yihiin; Muuse Cali Jaamac Ina Caasho Ciise 70 jir ah, Cabdullaahi Yuusuf Buuxe Ina Faadumo Shire 60jir ah, Cawad Ceel Maxamed 70 jir ah , Cabdicasiis Baydhabo Axmed Ina Shamis Siciid 47 jir ah iyo Maxamuud Aadan Rooble ina Mumino Maxamud 60 Jir ah, ayaa maxkamadda derejada kowaad xukuntay 5-tii bishaan January 2020. Maxkamadda ayaa saddex bilood ah oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo dhan $500 oo Dollar, waxay ku riday Siyaasi Muuse Cali Jaamac, Cabdullaahi Yuusuf Buuxe (Diraac) iyo Cawad Aadan Maxamed (Cawad Ceel), halka maxkamaddu ay laba sano oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo $1,000 Dollar ku riday Cabdicasiis Bayadhabo iyo Maxamuud Aadan Rooble. Shanta xukmane ayaa xabsiga la dhigay intii u dhexaysay 30-November iyo 2- December 2019, kadib markii ay xukuumadda ku dhaliileen Heshiisyada Maal-geshi ay kula jirto shirkdaha laga leeyahay waddanka Imaraatiga, balse maxkamadda ayaa sheegtay lagu helay kicin dadweyn iyo aflagaaddo ka dhana madaxda Puntland. PUNTLAND POST The post Deni oo xaalad caafimaad u Cafiyay shan xukmane appeared first on Puntland Post.
-
Salaadii hoe ee Maanta waxaa la shaaciyey in Madaxweyne Axmed Madoobe uu kusoo hakan doono Muqdisho, laakiin Qorshaha Safarka Madaxweynaha sidaas ma ahayn. Waxaa Cabdinaasir [...] Source
-
Madaxweynaha Puntland dowladda Siciid Cabdullahi Dani mas’uuliyiin kala duwan iyo boqolaal dadweyne ah ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Boosaaso. Shir ay Saxaafada u qabteen labada madaxweyne soo dhawaynta kadib ayuu madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ka sheegay in ay maanta tahay maalin weyn oo madaxweynaha Jubbaland uu booqasho taariikhi ah ku yimid Boosaaso taas oo cadayn u ah iskaashiga iyo Xiriirka wanaagsan ee labada dhinac ka dhexeeya waxaa uu intaas ku daray in ay ka wada shaqaynayaan ilaalinta iyo dhaqangalinta hanaanka Federaalka ah iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada. Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in Jubbaland lagu yaqaano Sida ay uga shaqayso Midnimada Shacabka Soomaaliyeed iyo doorka ay ku leedahay dagaalka adag ee lagula jiro Argagixisada taas ayuuna sheegay inay tahay wax weyn loo in lasii joogteeyo u bahaan. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in mudo dheer kadib ay tahay markii ugu horaysay ee uu yimaado Boosaaso oo ka badalan sidii uu ku yaqaanay waxaa uu sheegay in ay hormar la taaban karo samaysay Magaaladu. Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in Puntland iyo Jubbaland ay ka wada shaqayn doonan sidii loo sii adkayn lahaa xiriirka labada dhinac ee iskaashiga ku dhisan iyo sidii ay door muuqda uga qaadan lahayeen hormarka dalka gaar ahaan Arimaha nabadgalyada iyo Federaalka oo ay tahay in lasii xoojiyo sida uu Madaxweynahu sheegay. Halkaan ka daawo muuqalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Sidee madaxweynaha Jubaland loogu soo dhaweeyay Boosaaso? appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Midowga Yurub ayaa si adag uga hor-yimid xukuno dil ah oo shalay ay fulisay Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi. Nicolas Berlanga Martinez, Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa war ka soo saaray xukunadii dilka ahaa ee ay Somaliland ku fulisay Lix maxbuus oo ku xirnaa xabsiga weyn ee Mandheera. Nicolas ayaa sheegay in Midowga Yurub uu si adag uga soo horjeedo xukunada dilka ah ee qisaasta, kaasi oo lagu fuliyo dadka geysta dilalka ee lagu heshiiyo in loo dilo dambiilaha. Safiirka ayaa arrimahaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, kaasi oo u dhigna sidan “Amniga, Doorashooyinka, Dayn cafinta, sharciga oo lagu dhaqmo, horumarka… dhammaanteen waan ognahay tirada dhibaatooyinkaas si loo soo afjaro”. Wuxuuna intaas kusii daray Safiirku “Midowga Yurub wuxuu meel adag ka taagan yahay oo uu ka soo horjeedaa mabda’ ahaanba qisaasta mar walba”. Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay xukuno dil toogasho ah ku fulisay Lix maxbuus oo ay sheegtay inay hore u geysteen dilal kala duwan, isla markaana ay maxkamadi ku xukuntay dil toogasho.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka soconaya loolan xoogan oo siyaasadeed, kaasoo looga soo horjeedo Dowladda Federaalka Somaliya, oo iyadu wadato musharax ay la dooneyso inuu ku soo baxo Doorashada Xafiiska Madaxtooyada Galmudug. Villa Somalia ayaa toddobadyadii la soo dhaafay muujisay xusulduubka ay ugu jirto inay kaalin muuqato ku yeelato maamulka cusub ee lagu wado in loo yegleelo bulshada reer Galmudug, xilli eedeymaha loo jeedinayo ee ku aadan fara-gelinta qaawan ay maamulkan ku hayso, ay noqdeen kuwo isa soo taraya. Villa Somalia ayaa waxay wadataa Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), iyadoona muruq iyo maal badanba ku bixisay, sidii uu ninkaasi ugu guuleysan lahaa jegada Madaxweynaha xigga ee Maamulka Galmudug. Wakiilada metelaya Siyaasiyiinta Xisbiyada KMG ee dalka ka jira ayaa waxay Magaalada Dhuusamareeb ka wadaan kulamo liddi ku ah dadaalada, ay Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ugu cadaadinayan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, sidii ay u soo dooran lahaayen musharaxiinta ay gadaal ka taagan tahay dowladda. Kulamadan ayaa waxaa qayb ka ah kuwo kale oo Odayaasha Dhaqanka ka wadaan Xarunta Maamulka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb, odayaashu ayaana mooddaa inay ku soo baraarugeen fara-gelinta baahsan, ee wiiqday dhismaha maamulkan. Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolada Dhexe ayaa wada abaabul ka dhan ah musharaxa laga soo abaabulay Villa Somalia, loona wado Madaxtooyada Galmudug, ka dib markii ay arkayn sida aanay Dowladda Federaalka dhexdhexaadka uga ahayn doorashada markii ugu horeysay lagu qabanayo Dhuusamareeb. Inta badan Odayaasha Dhaqanka Galmudug ayaa waxay u muuqdaan kuwo ka soo horjeeda gacan bidixeenta lagu hayo in la dhiso Galmudug la wada leeyahay. Sida la soo warinayo waxay Xildhibaanada ku qancinayan in la badbaadiyo Galmudug. Odayaasha Dhaqanka Galmudug ayaa mar sii horeysay waxay Madaxda Qaranka ku dhaliileen inaanay ahayn kuwa dam-qabanaya dheg xumida xargaha goysatay, ee ka soo yeeraysa Magaalada Dhuusamareeb. Nabadoono uu ka mid yahay Nabadoon Maxamed Xaashi ayaa waxay ka diggeen in Galmudug ay marto wadadii saddex iyo toban bilood ka hor martay doorashadii Koonfur Galbeed, taasoo lagu soo doortay madaxweyne ku shaqeeya afkaarta Villa Somalia. Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ka dhisan oo muddooyinkanba ay is hayeen Villa Somalia ayaa toddobadkan bilowday barnaamij ay gacan-saar kula yeelanayso dhinacyada hardanka culus kula jira Dowladda Dhexe, waxaana hadafkeeda lagu sheegay, sidii jaanta dowladda looga reebi lahaa jidka lagu gaarayo Xafiiska Madaxtooyada Galmudug. Arbacadii ayaa waxaa Magaalada Dhuusamareeb ku midoobey musharaxiinta kala ah Cabdullaahi Wehliye Faarax, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo Kamaal Daahir Guutaale, ka dib markii ay xaqiiqsadeen in Villa Somalia ay ka go’an tahay inuu doorashadan ku soo baxo Qoor Qoor. Waxaa xusid mudan haweenka Galmudug oo ka careysan in aanan Baarlamaanka Galmudug laga siinin qoondadii haweenka ee ahayd boqolkiiba soddon (30%) ay qayb ka yihiin qorshaha lagu doonayo in lagu curyaamiyo damaca Villa Somalia iyo musharaxeedaba. Iyadoo aad arki karto sida ay Dowladda Somaliya ugu dhex-milantay geedi-socodka doorashada Galmudug ayaa waxaan dhanka kale la difiri karin culeyska muuqdo kaga soo wajahan dhinacyada aan ku aragtida ahayn siyaasadda dalka. Markaad si dhow u daraareyso dagaalka siyaasadeed ee ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb iyo dhinacyada kala duwan ee ku lugta leh ayaa bayaansan kartaa in loolankan ay dhici karto in looga adkaado Dowladda Federaalka. Si kastaba ha-ahaatee bulshada reer Galmudug iyo beesha caalamkaba oo doorkoodu uu ku soo uruuray inay indhaha uun ka daawadan waxa ka soconaya Dhuusamareeb ayaa dhanka kale la dhacsanayn hardanka ay dowladdu ka oogtay Xarunta Gobolka Galgaduud, sidoo kalena waxaa la dhihi karaa waa kuwo ku taamaya inaysan natiijada doorashadu noqon mid rabitaan-gelisa aqalka dalka looga arrimiyo.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha dhigiisa Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen ayaa soo gaaray Muqdisho. Socdaalkan ayaa imaanaya kadib shirka iskaashiga labadda maamul goboleedka oo ay magaaladda Baydhabo kaga qeybgaleen. Laaftagareen oo wariyeyaasa la hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa iyo guud ahaan Soomaaliya aysan waxba ka qabsoomin sanadihii u dambeeyay. Isagoo hadalkiisa sii wata, Laftagareen ayaa rajo wanaagsan wuxuu ka muujiyey in muda hartay ay hirgelin doonan waxyaabihii ay balanqaadeen. Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyaddoo waddanka uu isku diyaarinayo doorasho dhacda sanadka 2020-21, isla markaana sharciga doorashooyinka horyaalo Aqalka Sare. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u eegis ku sameyn doonto sharciyadda xabsiyadda. Abukaate Xasan Xuseen Xaaji, wasiirka cadaaladda, ayaa tilmaamay in xeerkan uu haatan u marayo heer gabagabo ah. Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dib u habeynta lagu saleyn doono baahiyaha haatan jira. Hadalkan ayuu ka sheegay munaasabad lagu soo bandhigay wax-qabadka 100-ka maalmood ee Taliyaha Asluubta Soomaaliya. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, taliyaha Asluubta, ayaa shaaciyey in uu xafiiska baneyn doono hadii uu la imaan waayo wax-qabad. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Ben Fender. Kulanka waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya iyo arrimo la xidhiidha dhinacyada amniga mandaqadda geeska Afrika, kobcinta iyo kor u qaadidda waxbarashada, sidoo kale waxa kulankaasi lagu lafo guray arrimaha doorashooyinka dalka. Waxaanu madaxweynuhu safiirka iyo weftiga uu hoggaaminayo uga mahadnaqay xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dal ka dhexeeya iyo sidii loo sii dardar gelin lahaa loona xoojin lahaa xidhiidhkaasi. Dhiniciisa, safiirku waxa uu sheegay inay ka dawlad ahaan marwalba diyaar u yihiin wada shaqaynta labada dal in la xoojiyo lagana wada socdo wixii hadba ku soo kordha mandaqadda geeska Afrika. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
WASHINGTON: Ministers from Egypt, Ethiopia and Sudan have agreed to reconvene in Washington later this month to finalize an agreement on a giant hydropower dam on the Blue Nile that sparked a diplomatic crisis between Cairo and Addis Ababa. The ministers met in Washington this week and agreed to fill the $4 billion Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) in stages during the wet season, taking into account the impact on downstream reservoirs, the US Treasury Department, which hosted the meeting, said in a statement. They will meet again in Washington on Jan. 28-29 to finalize the agreement with technical and legal discussions, the statement said. Cairo fears the dam, announced in 2011 and under construction on the Blue Nile near Ethiopia’s border with Sudan, will restrict supplies of already scarce Nile waters on which its population of more than 100 million people is almost entirely dependent. Addis Ababa denies the dam will undermine Egypt’s access to water and says the project is crucial to its economic development, as it aims to become Africa’s biggest power exporter with a projected capacity of more than 6,000 megawatts. The three regional powers convened in Washington for the third time on Monday, aiming to reach a deal before Wednesday’s deadline the nations had agreed to following a November meeting with US Treasury Secretary Steven Mnuchin and World Bank President David Malpass. Arab news Qaran News
-
The Uganda Peoples’ Defense Forces (UPDF) through the office of the General Officer Commanding Reserve Forces (GOC-RF) will conduct a four-day countrywide recall of 2,752 reservists. The exercise is scheduled for January 20-23, 2020. “The mobilized veterans will form Uganda Battle Groups Thirty-One and Thirty-Two (UGABAG XXXI and UGABAG XXXII) to augment UPDF operations under African Union Mission in Somalia (AMISOM),” a statement by the UPDF Spokesperson Brigadier Richard Karemire reads. He says that the call up targets only the honorably discharged/retired UPDF veterans from the rank of Major and below. The candidates must be aged 55 years and below, have no criminal record, and in possession of original national Identity Cards, as well as discharge/retirement certificates. They will be screened for physical, medical and mental fitness. “Article 17 of the 1995 Constitution of the Republic of Uganda and Section 31 of the Uganda Peoples’ Defense Forces (UPDF) Act 7 of 2005 empower the Commander-In-Chief to order all or part of the Reserve Force to be on continuing full-time military service for such a period of time as he (C-In-C) may determine,” the UPDF statement further reads. “It should be noted that this is not the first call up of reservists. Battle Groups Nine Plus (UGABAG 9+) of 2012 comprised of reservists. UGABAG XXX that is at its final stage of pre-mission training for the Somalia mission is also comprised of reservists,” the UPDF statement indicates. The army expresses its commitment to building its Reserve Force as part of its professionalization drive. Uganda has since 2007 deployed troops to help stabilize the Federal Somali government, by battling the terrorist group, Al-Shabab. Other AMISOM troop-contributing countries are Burundi, Djibouti, Ethiopia, and Kenya. Uganda remains the largest troop-contributing member with over 6000 personnel deployed in Sector 1 which comprises Banadir (Mogadishu), Middle and Lower Shabelle regions. View the full article
-
PRESS RELEASE Statement on the release of Abducted Aid Workers A total of twelve aid workers have lost their lives in 2019 ABUJA, Nigeria, January 16, 2020/ — By Mr Edward Kallon, The Humanitarian Coordinator in Nigeria I am deeply relieved that some civilians, including three aid workers, who were abducted by non-state armed groups along the Monguno – Maiduguri road on 22 December 2019 have been released yesterday and are now safe. The whole humanitarian community in Nigeria shares the joy of the families, friends and colleagues of these aid workers, who can now put to rest the unimaginable anxiety of missing their loved ones. These dedicated humanitarians were working to provide life-saving support to millions of Nigeria’s most vulnerable in north-eastern Borno State. They should never have been a target or have to endure the trauma of being held captive. Despite this encouraging news, I am concerned about the fate of the other civilians abducted in this incident. I also remain gravely concerned for the lives of our ACF colleague Grace Taku, abducted near Damasak in July 2019, and Alice Loksha, a nurse and a mother, abducted during an attack in Rann in March 2018. Both are still held captive by non-state armed groups. The United Nations and its humanitarian partners call for their immediate and safe release. I am extremely worried by the increasingly insecure environment that humanitarians are working in to provide urgent and vital assistance to civilians affected by the crisis. The humanitarian community is troubled by the increased trend in vehicular checkpoints set up by non-state armed groups along main supply routes in the states of Borno and Yobe. These checkpoints expose civilians and humanitarians to heightened risks of being killed or abducted. I urge all parties to the conflict to protect the civilian population, including aid workers, from such grave violations of international laws, especially women and children who are among the most vulnerable and are caught up in the violence. A total of twelve aid workers have lost their lives in 2019. This is twice more than in 2018, which we thought was amongst the most dangerous years for humanitarian actors in Nigeria. Aid workers and the assistance they provide to the most vulnerable populations make the difference between life and death for entire communities in crisis-affected Borno, Adamawa and Yobe states. Their security is paramount and I call on all parties to assure the safety of aid workers and the unimpeded delivery of humanitarian aid. Distributed by APO Group on behalf of OCHA Nigeria. SOURCE OCHA Nigeria Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa laga helayaa waxa uu ahaa nin la socday mooto bajaaj, oo isaga oo huebysan xalay lagu dilay agagaarka Iskuul Muqdisho ee Degmada Shibis. Goobjooge ayaa sheegay in ninka la dilay uu ku hubeysnaa qori AK47, waxaana toogtay askari ka tirsan ciidamada markii uu arkay in mootada uu saaran yahay nin qori ku hubeysan. Ninkan, oo markii la dilay aan wadan dharka ciidamada, ayaa waxaa dilkiisa ka dhashay jahwareer, ayada oo markii hore la aqoonsan waayey waxa uu ahaa, maadaama inta badan Shabaabka aysan hubka ka baxsan bastooladaha ku qaadan gudaha Muqdisho. Xog ay maanta heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in qofka la dilay lagu magacaabi jirey Bashiir Maxamed Xasan, islamarkaana uu ka mid ahaa askarta ciidamada dowladda gaar ahaan ilaalada guddoomiye ku-xigeenka degmada Kaaraan Sowdo Maxamuud Gaabow. Si kastaba, maadaama xilliga la dilayey Bashiir uusan xirneyn dharka ciidamada, ayaa la rumeysan yahay inay tahay sababta keentay in ciidamada ay toogtaan. Ehellada marxuumka ayaa sheegay in askartii dishay wiilkooda ay muddo saacado badan ah joogeen goobta ay wax ku dileen, isla markaana aysan jirin wax tilaabo ah oo laga qaadey. Laamaha Amniga Soomaaliya, gaar ahaan booliska, oo ay ka tirsanaayeen ciidamada askariga diley, ayaan weli wax faah-faahin ah ka bixin dhacdadan. Halka uu dilku ka dhacay ayaa waxaa bar kontorool oo gaadiidka lagu hubiyo ku leh ciidamada Booliska ee gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwooda ka hawlgala Degmada Shibis.
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha dowlada Kenya, Fred Matiang oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in inta badan Al-Shabaab ay garab ka helaan dadka deegaanka gudaha dalkaasi, marka ay damacsanyihiin in weerar ay ka fuliyaan gudaha Kenya. Fred Matiang ayaa hadalkiisa intaa ku daray in laamaha amaanka ee dalka Kenya ay xog arintaasi ku saabsan hayaan, isla markaana ciidamada sirdoonka dalkaasi bilaabi doonaan howgal ka dhan dadka arintaasi lala xiriirinayo. Sidoo kale, wasiirka arimaha gudaha Kenya ayaa tilmaamay in laamaha amaanka aysan isku qaldi doonin dadka ka tirsan Al-Shabaab ay soo qabtaan iyo dadka la ogaado in ay ka qeyb qaataan weerarada Al-shabaab. Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu sheegay wasiir Matiang in dhamaan weeraradii ugu danbeeyay ee ka dhacay deegaanada Lamu, Garisa iyo Wajeer ay ka qeyb qaateen dadka deegaanka, isla markaana ay ka war qabaan arintaasi. Dhanka kale, inta badan macalimiintii wax ka dhigayay deegaanada iyo tuulooyinka gobolka woqooyi bari dalka Kenya ayaa bilaabay in ay isaga baxaan halkaasi, kadib cabsi dhanka amaanka ah oo soo food saartay, maadaama weeraradii ugu danbeeyay Al-Shabaab ay ku qaadeen xarumo waxbarasho halkaasina ay ku dileen arday iyo macalimiin. Weerarkii ugu dambeeyay Al-Shabaab ayaa ku qaaday iskuulka Kamuthe ee magaalada Gaarisa, halkaas oo ay ku dileen saddex macalin, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawaceen, sidda ay qortay warbaahinta maxaliga ah. View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Madaxweynaha Jubaland markii uu gaaray magaalada Boosaaso, waxa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo madaxweyne Deni. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa isna la filayaa in uu maalmaha soo socda gaaro magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay kulan xasaasiya ku yeelan doonaan saddexdaasi madaxweyne iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka. Madaxweynayaasha Puntland, Jubaland iyo Galmudug ayaa wakiillada ka socda Beesha Caalamka, waxay kala xaajoon doonaan qodoba ku saabsan doorashada Soomaaliya ee 2020/2021 iyo khilaafka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweynayaasha Puntland Jubaland iyo Galmudug oo Beesha Caalamka kula shiraya Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqorka Beelaha Soomaaliyeed ahna Boqorka Beesha Daarood ayaa maantay wuxuu kula kulmay Qasriga Xaakimka Imaaradda Raas Al-Khaymah ee Dowladda Imaaraatka Carabta, Sucuud Bin Saqar Al-Qaasimi, labadaan Boqortooyo ayey ka dhaxaysaa Taariikh Soo-jireen ah oo aad u dheer oo ka badan 300 oo sano. Labadaan boqor ayaa awoowayaashood ka dhaxaysay xiriir walaaltinnimo, Boqoradii ka horreeyey ayaa lahaa xiriiro siyaasadeed iyo ganacsi, waxay taa saameyn taban ku yeelatay xiriirka labada dawladood tan iyo xilligii laga xoroobay gumeystihii reer galbeedka. Waxay ka taariikheeyeen Xiriirka labada dal intii dawladnimadu jirtay inuu aad u wanaagsanayd waxaana booqashooyin rasmi ah ku tagay Soomaaliya Madaxdii Dawladda Sheekh Zaayid iyo Sheekh Saqr Alqaasimi oo raggaan maantay boqorka wada kulmeen, waqtigaas ayagoo dhalinyaro ah la socdeen Madaxdaas aan soo xusnay. Waxay la socodsiiyeen Boqorka, inuu Emiraatku ku weyntahay Soomaaliya, waxayna kula taliyeen inuu ka qaato qeyb libaaxle wadajirka iyo Soomaaliya siday u sii wanaagsanaan lahayd, hoggaankiisa qabiilka ismaaciiliyiinta la yiraahdo ee carabta iyo geeska afrikaba ku baahsan, lagana faa’iideeyo saameyntay leedahay. Boqorku wuxuu ugu mahadceliyey sida weyn ee ay u soo dhoweeyeen, wuxuu ku qadarinta iyo walaaltinimada walaalahooda carbeed kala dhaxaysa, wuxuu balan qaaday dhiniciisa inuu ka adkayn doono xiriirka taariikhiga ah ee labada boqortooyo iyo tan iskaashiga ee labadeenna dalba, Boqorka oo safarkiisii ugu horreeyey halkaa ku tagay ayaa sheegay inuu joogteyn doono booqashada, Waxaa xusid mudan inuu boqorka xiliga uu soo ifbaxay khilaafkii dawaldaha gacanka carbeed ee labo sano ka hor inuu soo saaray Bayaan Dhaqan uu ku baaqayo in la ilaaliyo walaaltinamada iyo wadajirkooda. Boqorka waxaa ku weheliyey booqashada Qunsulka Safaaradda Soomaaliya Cumar Cabdicasiis, Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhin jiray dalka imaaraatka Cabdiraxmaan Cismaan Cumar iyo wafdi kale oo balaaran. Hoos ka eeg sawirada oo dhan PUNTLAND POST The post Boqor Burhaan oo La Kulmay Xaakimka Raas Al-Khaymah ee waddanka Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.
-
Liibaan Saalax Maxamuud (Liibaan Gegiroor) oo kamid ah Aqoonyahannada Puntland ayaa si mugleh u soo dhaweeyay Heshiis ay dhowan magaalada Boosaaso ku gaareen laba beelood oo walaalo ah. “ Beelahaasi waa beelo walaalo ah dhibtooduna ay mudda badan soo noq-noqotay si guud Mandaqaddaasi gobollada Karkaar iyo Bari ee Puntland. Dhacdada hadda ay ka heshiiyeen labadan jifiyood waxay ahayd dhacdo aad u fool xun” ayuu yiri Liibaan Gegiroor. Mudane Gegiroor ayaa sidoo kale u mahad celiyay laba xildhibaan oo kamid ah Baarlamanka Puntland kuwaasi oo sida uu sheegay dadaal badan ku bixiyay in labadaasi beelood ay Heshiis ka gaaraan colaaddii u dhexaysay. Ugu dambeyntii Aqoonyahanka ayaa labada beelood ku boorriyay in la sii dhammaystiro hawlaha ka dhiman Heshiiska islamarkaana si rasmiya loo dhaqan-geliyo qodobada ay ku heshiiyeen labada dhinac. Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Aqoonyahan Soo dhaweeyay Heshiis Nabadeed oo ka dhacay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (SMN) – Baarlamaanka labaad ee Galmudug ayaa maanta dhageysatay hadal-jeedinta murashaxiinta gudoonka Golaha Wakiilada maamulkaas. Murashaxiinta ayaa tiradooda lagu sheegay todoba, kuwaasoo buuxiyey dhamaan shuruudaha la hor-dhigay. Hadal-jeedinta murashaxiinta ayaa si toos ah looga baahinayey qaar kamid ah muuqaal-baahiyeyaasha maxaliga ah. Saddex kamid ah murashaxiinta ayaa u tartameysa xilka afhayeenka, laba kale ayaa u taagan ku xigeenka koowaad, labada kalena waa ku xigeenka 2aad. Maalinta berri ah ayaa la filayaa in ay dhacdo doorashadda gudoonka, waxaana loogu jiraa diyaar-garowgii u dambeeyay. Kulamo siyaasadeed oo lagu kasbanayo kalsoonida mudaneyaasha ayaa ka socda gudaha magaalada Dhuusamareeb oo martigelineysa doorashooyinka. View the full article
