Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Saynisyahanno Jayniis ah oo shaaciyey Xayawaanka laga helay ama dhaxlay cudurka Coronavirus Saynisyahanno u dhashay dalka Shiinaha ayaa shaaca ka qaaday in ay heleen halka uu ka yimid cudurka faraha ba`an ku haya dalkaasi iyo caalamka kaas oo lagu magacaabo coronavirus islamarkaana galaaftay nolosha boqollaal dad ah, in badana ay isbitalada u jiifaan. Midka mid ah bakteeriyada cudurkan uu wato ayaa waxaa laga helay xayawaanka naadirka ah ee dalkaasi Shiinaha ku nool kaas oo lagu magacaabo Pangolin. Dadka shiineyska ah ayaa xayawaankan u cuna “faakiheysi”, waana qaali marka aad ka dalbaneyso maqaayadaha iyo restaurantiyada. Waxaa sidoo kale loo isticmaalaa hilibka iyo dufanka xayawaanka sameynta mid ka mid ah daawooyinka dalkaasi Shiinaha laga cuno. ” Xogtan cusub ayaa horseedi doonta xakameynta iyo ka-hor-tagga cudurka Coronavirus”, ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bar ay leedahay jaamacadda South China Agricultural University. Cudurkan oo galaftay nolosha dad kor u dhaafaya 700 oo ruux ayaa markii ugu horreysay laga helay suuq ku yaal magaalada Wuhan, halkaas oo sidoo kale lagu iibiyo xayawaanada nool-nool ee la qasho oo uu ku jiro xayawaankan iminka cududrka lagu sheegay. Caalamka ayaa sas ka qaaday cudurkan markii uu soo shaac baxay, waxaana inta badan dalalkan ay sameeyeen iskudayo ay kaga hortagayaan in uusan dalalkooda soo gaarin, iyagoona goobaha xuduudaha iyo garoomada dhigay dhakhaatiir maarka dadka ka imaanaya Shiinaha iyo dalalka ka agdhow. Qaran News
  2. Israsaaseyn kooban ayaa maanta degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo waxa ay ku dhexmartay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka oo dhawaan halkaasi la geeyay iyo ciidamo taabacsan dowlad goboleedka Jubbaland gaar ahaan wasiirka amniga Cabdirashiid Xasan Janan. Goobjoogayaal ayaa u xqiijiyey Goobjoog News in dagaalkan uu dhacay ka dib markii ciidamada taabacsan wasiir Janan oo iyagu ku suganaa duleedka magaalada Beladxaawo ayaa soo galeen gudaha magaalada taasina ay keentay in raasaas daqiiqado socotay ay halkaasi ku dhexmarto labada dhinac. Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku geeriyooday dagaalka iyada oo mid kale uu ku dhaawacmay, waxaana haatan la soo sheegayaa in cabsi kale laga qabo dagaal Ciidamada dowladda ee goblkaasi la geeyay ayaa wado dhaqdhaqaaqyo ciidan, waxaana xusid mudan in masuuliyiin ka tirsan Jubbaland sida Maxamuud Sayid Aadn oo ah madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka amniga maamulkaasi Cabdirashiid Xasan Janan ay iyaguna dhoolatus ciidan ka sameeyeen duleedka mgaalada Beladxaawo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ansixiyay Hindise- sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka heer Federaal. Kulankii 35aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayada oo uu Ajandaha Kulanka uu ahaa: 1)Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka heer Federaal. Kulanka waxaa shir guddominaayo Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayada oo ay ku-wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid Xuseen Guhaad. Guddomiyaha Guddiga Ku-Meel Gaar Ka ah ee Ka- Baraandegista Hindise-Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare Warbixinta Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka heer Federaal. Golaha Aqalka sare aya ansixiyey Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka heer Federaal. Waxaa Ogaaladay 27 Senatar, Waxaa diiday 6, Cidna kama amuusin. Halkaan hoose ka daawo sawirada: View the full article
  4. MUqdisho (Caasimada Online) – Milatariga Mareykanka ayaa tafaasiil dheeri ah ka bixiyey laba duqeyn oo 6-dii Febraayo, 2020, ay ka fuliyeen nawaaxiga magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe. Qoraal kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in lala eegtay fariisimo ay Al-Shabaab ku lahayd halkaas. Bayaanka ayaa lagu sheegay in xarun ay Al-Shabaab lahayd “si weyn loogu burburiyey mid kamid ah duqeymaha”. “Laba kamid ahaa argagixisadda Al-Shabaab ayaa ku dhaawacmay labadda duqeyn,” ayuu raaciyey war-saxaafadeedka. Talika Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa meesha ka saarey in waxyeelo soo gaarey shacab ay ka dhasheen howlgalka. Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadda Mareykanka oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab. Afar maalmood kahor ayay ahayd markii duqeyn Mareykanka uu ka geystay degaano ka tirsan Jubada Hoose la xaqiijiyey in lagu dilay dagaalame ka tirsanaa xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.
  5. (SLT-Addis Ababa)-Raysal Wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau ayaa socdaal rasmi ah ku tagay magaaladda Addis Ababa ee Caasimada dalka Ethiopia, waxaanu inta uu joogo dalka Ethiopia uu ka qaybgali doonaa shirka Midawga Afrika oo maalinta Barito ka furmi doona Addis Ababa. Raysal Wasaaraha Canada ayaa la filayaa inuu toos ula kulmo qaar ka mid ah 54 hogaamiye ee shirkaasi Afrika isugu imanaya, si uu taageero uga helo olole dalkiisu ugu jiro laba kuri Qaramada Midoobay ah gaar ahaana Golaha Amaanka ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa, oo loo codayn doono bisha June ee sanadkan. 48 jirkan Raysal Wasaaraha ka ah dalka Canada ayaa socdaalka uu ku tagay Addis Ababa ka dhigaysa Raysal Wasaarihii ugu horreeyay ee Canada ka socda ee ka qeyb gala Shirka dalalka Afrika ay ku yeeshaan Addis Ababa. Waxa sidoo kale la filayaa in Raysal Wasaaraha Canada uu socdaal ku tago dalka Senegal oo uu wadahadalo laba geesood ah kula yeelan doono Madaxweynaha Senegal, Macky Sall kadibna waxa uu uga sii gudbi doono dalka Jarmalka. Source
  6. Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda ayaa kala saxiixday heshiis la isu furayo hawada labada dal si loo sahlo ganacsiga labada dal. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdulaahi Salad ayaa aad u soo dhoweeyay horumarka uu gaaray dalka, isagoo ku tilmaamay in heshiiskan uu xoojin doono ganacsiga labada dal. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa Soomaaliya u saxiixay heshiiska halka dowladda Rwanda uu u saxiixay Wasiirka Kaabayaasha Claver Gatete. “Waxaan maanta la soo saxiixannay dowladda Rwanda heshiis labageesood ah oo xagga duulimaadka rayidka. Heshiiskan waxuu isu furayaa duulimaadyada tooska ah ee labada dal, taas oo ganacsiga labada waddan kor u qaadi doonto. Aniga iyo Wasiir Claver Gatete waxaa ina wehliya Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin iyo dhiggiisa Mr. Silas Udahem” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya. Dhanka kale Wasiirka Kaabayaasha dalka Rwanda Gatete ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay kii boqolaad oo ay dalal caalamka ka tirsan la saxiixatay dowlada Rwanda, uuna rajeynayo in albaabo ganacsi oo cusub u furo labada dal. Dowladda Soomaaliya ayaa gaareyso horumar dhinaca xiriirka dalalka caalamka ee dhinaca Isgaarsiinta Hawada, iyadoo diyaarado laga leeyahay wadamada Kenya, Jabuti, Turkey, Qadar, Uganda iyo Ethiopia ay duulimaadyo ku yimaadaan garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde magaalada Muqdisho. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  7. Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo ka hadlay dareenkooda ayaa ra’yi dhiibtay waxbadka dowladda federaalka oo maanta saddex sano jirsatay. Dadweynahaan oo la hadlay Shabelle ayaa inta badan qiray in dowladda uu hoggaamiye madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ay gaartay guulo la taaban karo, islamarkaana ay xoogga saartay dhinacyo kala duwan oo muhiim ah. Halkaan hoose ka dhageyso codadka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Voxpop.mp3 View the full article
  8. Wararka ka imaanaya Gedo ayaa sheegaya in maanta israsaaseyn u dhexeysay ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland laga maqlay degmada Beledxaawo ee gobolkaasi. Israaseynta ayaa timid, kadib markii labo askari oo ka tirsan ciidanka Jubbaland ay ka biyo diideen inay hubka dhigaan, taas oo sababtay in labada ciidan ay isku dhacaan. Ilo deegaanka ayaa sheegay in iska hor imaadka labada dhinac uu ku dhintay, 1 askari mid kalena uu ku dhaawacmay, kuwaas oo ahaa labada askari ee ka tirsanaa Jubbaland. Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, balse waxaa Beledxaawo iyo duleedka laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland. View the full article
  9. Madasha Puntland Current Trend (PTC) waxay soo dhaweynaysaa go’aamada golaha xukuumadda Puntland ay 07/02/2020 ka soo saareen shirkoodii ka dhacay xarunta madaxtooyada magaalada ganacsiga Puntland [...] Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa shaaca ka qaaday inay natiijooyin wanaagsan ku dhamaadeen wada hadallo ku saabsan xoojinta iskaashiga labada wadan oo uu la yeeshay madax ka tirsan xukuumada Koonfur Afrika. Md Jaamac oo socdaal shaqo afar maalmood ku jooga dalka una waramay Telifishanka SABC shalay ayaa sheegay inuu madax kala duwan oo Koonfur Afrika ah kula kulmay shirweyne lagaga hadlayey arrimaha Macdanta, isfaham-na ku yeesheen xoojinta xidhiidhka labada wadan. Mar la weydiiyey muhiimada socdaalkiisa Koonfur Afrika iyo waxuu ka rajeynayo inuu ka gaadho ayuu Wasiir Jaamac ku jawaabay, “Waxaan rajaynayaa inay wax badan ka soo baxaan. Muhiimada socdaalkayga Koonfur Afrika waa xoojinta xidhiidhkii hore u jiray ee ugu socday labada wadan, oo nasiibdarro, hakad yara galay, balse wakhtigan u joogo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka laba geesoodka ahaa ee Koonfur Afrika iyo Somaliland, isla markaana rajaynayaa inaan ku guulaysto, Idam Alle. “Qododo dhowr ah isfahaM ayaan ka gaadhnay, kuwa xigana, yididiilo fiican ayaan ku qabaa inay noo suurtooban. Tusaale, Waxaan kaga qeybgalay magaalada Cape Town shirweyne ku saabsana Macdanta, waxaan kula kulmay madax kala duwan oo xukuumada Koonfur Afrika ka tirsan, dhowaana waxa ii qorshaysan inaan madax kale kulamo yeelanno. Dalka Koonfur Afrika oo dhowaan qabanaya madaxtinimada Midowga Afrika, ayuu Wasiir Jaamac sheegay inay la kaashan doonaan isfaham dhexmara Midowga Afrika “Xaqiiqdii, taasi waa muhiimadaha ugu waaweyn ee socdaalkayga, waxaan rajaynayaa, annagoo kaashanayna madaxtinimada Koonfur Afrika inaan xidhiidh wanaagsan yeelano Midowga Afrika, Halkan hoose ka DAAWO Waraysigaasi Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale maanta safar ugu baxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan Villa Somalia, madaxweynaha ayaa Addis Ababa ugu qeyb-galaya shir madaxeedka ururka Midowga Afrika. Waxaa sidoo kale la filayaa inuu si gaar ag ula kulmo mas’uuliyiinta dalkaas. Safarkan ayaa yimid ayada oo maanta ay ku beegan tahay sanad-guuradii saddexaad ee kasoo wareegtay maalintii Farmaajo loo doortay madaxweynaha, sababaha lagu doortayna ay ugu weyneyd in loo arkay waddani iyo naceybka uu sheegi jiray inuu u qabo Itoobiya. Hase yeeshee, markii uu kursiga ku fariistay kadib, Farmaajo waxa uu “cadowgiisa koowaad” ee Itoobiya u rogay saaxiibkiisa koowaad, ayada oo Itoobiya ay noqotay dalka ugu badan ee uu booqday intii uu xukunka haye. Waxyaabaha taariikhda u galay waxaa ka mid ah inuu noqday madaxweynaha kaliya ee Soomaaliyeed muwaadin Soomaaliyeed u gacan geliya Itoobiyadii uu cadowga ku sheegi jiray. Farmaajo ayaa iminka Itoobiya iyo Eritrea kula jira isbaheysi saddex geesood ah, oo xog badan aan laga hayn waxa uu yahay iyo danta ay Soomaaliya ku qabto.
  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Baatroolka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyaddu ay soo dhammeystireen hannaankii sharci ee kaga aaddanaa dhaqan galkiisa. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda uu Sharcigan u leeyahay shacabka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama uu sharcigan hagayo xuquuqda muwaadiniinteennu ay u leeyihiin in looga faa’iideeyo khayraadka ceegaaga dhulkeenna, isaga oo xeyndaab u noqonaya, kana ilaalinaya takri-falka, damaca shisheeye iyo musuqmaasuqa. Sidoo kale, meel-marinta Sharciga Baatroolka JFS waxa ay maalgashadeyaasha caalamiga ah u muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka miro-dhalinta hiigsiga ku aaddan xasilloonida dalka iyo in wadajir ah ay ugu tallaabsadaan Gu’ga barwaaqo-sooranka iyo horumarka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee ka qayb qaadatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah. Sharciga Batroolka ee uu meelmariyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku saleysan sharciyaddii Batroolka iyo macdanta dalka, dastuurka iyo Heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ee lagu saxiixay Baydhabo. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-08022020.mp3 View the full article
  14. (SLT-Boorama)-Wasiir hore qorshaynta qaranka Cawaale Shirwac ayaa ka hadlay biyo ballaadhinta magaalada Boorama iyo dhacdooyin maalmihii u dambeeyay ka dhacay gudaha magaalada Boorama, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Farmaajo Saturday signed the amended Petroleum Law marking a major milestone for the country’s efforts to exploit oil resources even as some Federal Member States rejected the law as lacking in consultations. Source: Hiiraan Online
  16. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka doorashooyinka Qaranka heer Federaal. Golaha Aqalka Sare oo maanta yeeshay kulankii 35aad ee Kalfadhiga 6aad ayaa ajandahu ahaa akhrinta 3aad ee hindise-sharciyeedka doorashooyinka Qaranka heer Federaal. Kulanka waxaa shir guddominaayo Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Abshir Maxamed Axmad iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Moowlid Xuseen Guhaad. Guddoomiyaha Guddiga ku meel gaar ka ah ee ka baraandegista hindise sharciyeedka doorashooyinka Qaranka ayaa ka hor akhriyay Golaha warbixinta akhrinta 3aad ee hindise-sharciyeedkan. Ansixinta hindise sharciyeedka doorashooyinka Qaranka heer Federaal ayaa cod loo qaaday, waxaana ogolaaday 27 Senator, halka ay diideen 6 Senator. Sharcigan waxaa horey u diidanaa qaar kamid ah dowlad goboleedyada, kuwaas oo sheegay in aan wax wada-tashiya laga siin Sharciga doorashooyinka Qaranka. PUNTLAND POST The post Aqalka Sare oo ansixiyay shacriga doorashooyinka Qaranka appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Baatroolka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyaddu ay soo dhammeystireen hannaankii sharci ee kaga aaddanaa dhaqan galkiisa. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda uu shacabka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed u leeyahay sharcigan oo hagaya xuquuqda muwaadiniinteennu ay u leeyihiin in looga faa’iideeyo khayraadka ceegaaga dhulkeenna, isaga oo xeyndaab u noqonaya, kana ilaalinaya takri-falka, damaca shisheeye iyo musuqmaasuqa. Sidoo kale, meel-marinta Sharciga Baatroolka JFS waxa ay maalgashadeyaasha caalamiga ah u muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka miro-dhalinta hiigsigooda ku aaddan xasilloonida dalka iyo in ay wadajir ugu tallaabaan Guga barwaaqo-sooranka iyo horumarka . Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah. Sharciga Baatroolka ee uu meelmariyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku saleysan sharciyaddii Batroolka iyo macdanta dalka, dastuurka iyo Heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ee lagu saxiixay Baydhabo.
  18. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxeexay Sharciga Baatroolka dalka Soomaaliya, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanku ay soo dhammeystireen hannaankii sharci ee kaga aaddanaa dhaqan galka sharcigaasi. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay muhiimadda uu shacabka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed u leeyahay sharcigan oo hagaya xuquuqda muwaadiniinteennu ay u leeyihiin in looga faa’iideeyo khayraadka ceegaaga dhulkeenna, isaga oo xeyndaab u noqonaya, kana ilaalinaya takri-falka, damaca shisheeye iyo musuqmaasuqa. Sidoo kale, meel-marinta Sharciga Baatroolka Soomaaliya waxa ay maalgashadeyaasha caalamiga ah u muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka miro-dhalinta hiigsigooda ku aaddan xasilloonida dalka iyo in ay wadajir ugu tallaabaan Guga barwaaqo-sooranka iyo horumarka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah. Sharciga Baatroolka ee uu meelmariyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku saleysan sharciyaddii Batroolka iyo macdanta dalka, dastuurka iyo Heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ee lagu saxiixay Baydhabo. Qaar kamid ah dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa hore u diiday sharcigaan, iyagoo ku tilmaamay inuu horseedayo isqab qabsi iyo colaad sokeeye. Source
  19. Xildhibaanada golaha aqalka sare oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda ayaa waxa ay dood adag ka yeesheen akhrinta 3-aad ee hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka iyaga oo maanta ugu dambeyn ansixiyay sharcigaasi. Gudoonka golaha aqalka sare ayaa sheegay in cod aqlabiyad leh ay Senetarada golahaasi ku meel mariyeen sharciga doorashooyinka qaranka oo dood adagi ay ka taagnayd. Sharcigan Waxaa Ogaaladay 27 Senatar, Waxaa diiday 6, Cidna kama amuusin. Sharcigaan ayaa horay waxaa u soo meel mariyay 28-kii December xildhibaanada golaha shacabka Soomaalia. Sharcigan ayaa dhaqan galaya marka uu saxiixo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta ka hadlaayey saddex sano guuradii ka soo wareegtay Xulashadii Barlamaanka 4.5 Qabiilka ku saleysan ay madaxtinimada [...] Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay dib u dhaca doorashooyinka, nabadaynta laga gaadhay deegaanka Ceel-afweyn, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Jaamac Axmed Xuseen, waxaa bar bilowgii shaqadiisa uu ka soo bilaabay sanadkii 2004-tii ilaalinta Jaamacadda Hargeysa oo uu ka noqday Waardiye ama qofba sidu u yaqaano wash man. Waxaanu Jaamac isla wakhtiga bilaabay barashada luuqada Ingiriisiga oo uu galay Private-kii Nuradiin, iyo sidoo kale 17-may oo uu ka bartay xisaabta. Odhaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda ‘Dedaala Xaaji Cabaas wuu Gaadhaa Dhaafina Karra’ ee dadaal dheer kadib Jaamac hada waa madaxa iibka iyo adeega Jaamacadda Hargeysa. Jaamac ayaa siweyn uga mahad sheegtay maamulka, masuuliyiinta, ardayda iyo shaqaalaha kala duwan ee ka hawlgala jaamacadda Hargeysa. Jaamac Axmed Xuseen ugu horeyn waxaa uu inala wadaagi doona halka uu ka soo bilaabay geedigiisa nolosha “Hadda waxaan ka shaqeeya Jaamacadda Hargeysa, gaar ahaan xafiiska iibka iyo adeega ee Jaamacadda, Procument and lojistics ofice, waxbarashaddeydii u horreysay waxaan ka bilaabay Isguulka Nuradiin waxaanan bilaabay Ingirisi iyo Xisaab, Ingirisida waxaan ka bilaabay Nuradiin Xisaabtana 17 May Isguul, sanadkii 2005-tii, islamarkaana waxaan dhammeeyay 2007-dii, islamarkaana 2007-dii waxaan galey Secondry School Nuradiina saddex sano ayaan ku jiray markii aan dhammeeyeyna waxaan galey Jaamacadda Hargeysa, afar sanadood oo Digriiya maamulka iyo maareynta qaybta xisaabaadka, isla sanadkaasi aan ka qalin jabiyeyna waxaan dib u bilaabay Mester heerka labaad oo maamul wanaaga iyo hoggaaminta ah 2017-kii bishii March ayaan ka qalinjabiyey” Jaamac waxaa uu bulshadda qaybaheeda kala duwan ugu baaqay in ay tagtadda iska daayaan oo timaadada iyo mustaqbalkooda ka fikiraan weli wakhtibay heystaane waxaanu yidhi “Jaamacada waxaan ka bilaabay shaqada waashmaannimada 6/2004-tii, jaamacadu markaa deyr may laheyn oo xoolaha iyo tuugta ayaa iska soo galayay sidaasi ayaanu markaa u ilaalin jirnay, marka bulshada waxaan leeyahay haku mashquulina wixii idinka tagey, oo tagtada iska daaya balse timaadada iyo mustaqbalkooda ha ka fikiraan oo weli wakhtibay heystaan ay noloshooda wax kaga bedelaan” Maamulaha dugsiyadda Nuradiin Mahad Ibraahim Maxamed ayaa Jaamac ku sifeeyey qisadda Jaamac tusaale nool waxaanu yidhi “Qalinyahow taariikhda qarada leh ku qor oo og-soonow, qudhan inuu ka soo baxo inta qaaday sharafte qiyamkiyo akhlaaqda leh, waxaa ay noo tahay Beer-wale intu wax beertay beertiisi badhaadhay, oo ay hawrtay oo baxday oo midha bixisay farxadda uu ku jiro oo kale ayaanu ku faraxsanahay. Source