-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool ay ku dileen laba askari oo ka tirsana Ciidamada dowladda Ethiopia kadib markii ay jidka u galeen. Al-shabaab ayaa sheegtay in ay toogasho ku dileen labada askari oo kamid ahaa Ciidamo Ethiopiana oo ka baxsaday saldhiga ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha degmada Waajid ee gobolka Bakool. Malayshiyaadka ayaa sidoo kale sheegay in ay laba Qori oo Dhashiike ah iyo hal Qori oo AK47 ah ka furteen askarta ay dileen ee ka tirsanaa Ciidamada Ethiopia. Al-shabaab waxay sheegeen in askarta Ethiopian-ka ah ay baxsad u ahaayeen dalkooda halkaasi oo ay doonayeen in lug ku galaan kadib markii ay fakadeen saldhiga Ciidamada Ethiopia ee degmada Waajid ee gobolkaasi Bakool. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo shaaciyay in ay askar Ethiopiana ku dileen duleedka degmada Waajid appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa xiray wadooyin hor leh oo ku yaalla deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Arrintaan ayaa saameyn ku yeelatay shacabka ku dhaqan degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi. Nabadoon Cumar Maxamed Cabdi oo ka mid ah dadka deegaanadaasi ayaa Shabelle u sheegay in meelaha la xiray ay ka mid tahay buundada Sabiib iyo Caanoole Sidoo kale wuxuu tilmaamay in tani ay hakad galisay qudaartii ka imaaneysay dhanka gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/shardi.mp3 View the full article
-
Barakac xoogan ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay uu ka bilowday xaafado ka tirsan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in dadka deegaanka oo cabsi ka qaba inay dagaalamaan ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay bilaabneen inay isaga tagaan halkaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sidoo kale innoo sheegay in labada dhinac ay dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadaan gudaha degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Shalay ayey aheyd markii iska hor imaad kooban uu labada ciidan ku dhex maray qeybo ka mid ah degmadaasi. View the full article
-
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay toogasho ku dileen askar ka tirsanaa ciidamada Itoobiya oo ku sugnaa duleedka degmada Waajid ee gobolkaasi. Dilka askartaan oo ahaa labo ayaa yimid kadib markii askartaasi oo ka baxsaday xero ciidamada Itoobiya ku leeyihiin garoonka magaaladaasi ay waddada u galeen dagaalyahannada Al-Shabaab oo toogasho ku dilay, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah. Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale looga hadlay dilka askartaasi, iyadoona shaacisay in dagaalyahannadoodu ay weerarkaais u fuliyeen sidii loogu talagalay. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa warkaan ku sheegtay in ciidamadaasi ay ka furatay hubkii ay wateen, sida ay hadalka u dhigtay. Dhacdadaan ayaa noqotay mid aad ula yaabeen shacabka ku dhaqan gobolka Bakool gaar ahaan kuwa ku nool degmada Waajid, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay ciidanka Itoobiya ee ka tirsan howlgalka AMISOM ee ku sugan deegaanada gobolkaasi. View the full article
-
(SLT- Thailand)-Askarigi dadka badan ku laayey magaalada Nakhon Ratcha-sima ee dalka Thailand ayaa la sheegay in la dilay. Askarigan oo lagu magacaabo Jakraphanth Thomma ayaa sabtida dilay 20 qof ayaa hubka uu weerarka ku geystay la sheegay inuu ka soo xaday xera militari. Ninkan weerarka geystay oo farriimo ku aadddan weerarka uu geystay soo dhigay baraha bulshada ayaan weli la garan sababta weerarkaasi uu u geystay, haddana waxay wasaaradda gaashaandhiggu ku tilmaamtay inuu u ekaa qof dhimirka looga jiro. Wasiirka cafimaadka dalkaasi, Anutin Charnvirakul, ayaa bartiisa twitterka soo dhigay subaxnimadan Axadda qoraal uu ku bogaadinaya ciddamada ammaanka talaabada ay ka qaaden magaalada waqoyiga dalkaasi ku taala. ”waad ku mahadsantihiin booliska iyo milatariga sida aad u soo afjarteen xaaladda. ninkii wax toogtayna waa la toogtay!!!” ayuu yidhi wasiirka. Saraakisha ayaa sheegay in tirada dhimashada ay hadda taagantahay 20, halka tirada dhawacana ay tahay 42. ”tirada dhimashada ee dadka hdda waa 20 iyo 42 dhawac ah, 21 kamid ah dhawacaasi weli cisbitaalak ayay ku jiraan halka 21 kalena la dabiibay kadibna guryahooda loo fasaxay,” Narinrat Phitchayakhamin,madaxa cisbitaalka gobololka ayaa sidaasi sheegay. Si kastaba waxaa la aminsayahay in tirada dhimashada ay sare u sii kacdo Maxaa ka dhacay xaruunta laga dukaameysto? Waxyar ka hor 03:00 galabnimo (20:00 GMT xilliga geeska afrika Saturday) rasaas ayaa alaga maqalay xaruunta dukaameysiga iyadoo booliskana ay dhismahaasi weerareen si ay meesha ugu saaran ninka weeraraka soo qaaday. Mid kamid ah ciddamada ammanka ayaa islamarkiiba meesha lagu dilay halka labo kalena la dhawacay. Dhowr qof ayaa laga soo saaray xarunta, laakiin waxaa jiray walaac ah in dad badan la qafaashay. Sacaddu marka ay ahayd 09:30 (02:30 xilliga geeska afrika GMT) ee axada, Booliska ayaa xaqiijiyay in ninka hubeysan la toogtay, laakiin ilaa iyo hadda faahfaahin dheeraad ah lagama bixin sida howlgalka uu ku soo gabagaboway. Warar hore ayaa sheegayay in ninka weerarka soo qaaday, oo da’diisu ahayd 32, uu isku dayay inuu goobta weerarka uu ka geystay uu ka baxsado. Waxaa goobta weerarku ka dhacay la keenay hoyada dhashay ninka dadka badan ku toogtay suuqa si ay isugu daydo inay wilkeeda ku qanciso si uu isu soo dhiibo. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca ayaa BBC-Thai u sheegay in Jakraphanth Thomma uu weeraray taliyihiisa ka hor inta uusan toogasho ka fulinin xero milatari, Macbad Budista ah iyo xarun laga dukaameysto. Illaa haatan ma cadda u jeeddada ka dambeeysa weerarka balse askariga weerarka fuliyay ayaa cinwaannadiisa baraha bulshada ku baahiyay xilliga weerarka iyadoo bartiisa Facebook-na uu soo dhigay codsi ah inuu isa soo dhiibi karo iyo in kale. Mar hore ayuu soo dhigay sawir bastoolad iyo saddex qasnadood oo rasaas ah, waxaa sidoo kale uu cod ahaan ku yiri: ”Waa xilligii la farxi lahaa.” Bartii uu kulaa Facebook ayaa haatan la xidhay. Wargeyska Bangkok Post ayaa sheegay in taliyaha la dilay ahaa Kornayl Anatharot Krasae iyo in dadka la dilay ay ku jirto haweewayn 63 jir ah. Af-hayeen u hadashay Ra’isal Wasaare Prayuth Chan-ocha ayaa sheegtay in uu xaaladda aad ula socdo oo waxaanu tacsi u diray qoysaska dadkaa la laayey. Source
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-090220.mp3 View the full article
-
Waxaan taxliil gaaban ku samaynaa khubaddii uu madaxweyne Deni ka jeediyay 7dii February, 2020 magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga bariga iyo bartamaha Soomaaliya. Deni wuxuu madax ka yahay Puntland (PL). PL waa maamul facwayn oo ah meel dib u dhiska dalka horumar wayn laga gaarsiin karo sida kalana dib u dhacwayn looga keeni karo. Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ku xiranyahay hadba sida PL u dhaqanto haddii PL dib u dhiska dalka hor seed iyo daacad ka noqoto waxban ayaa hagaagaya haddiise ay ka daba wareegto Soomaali halkeeda ayay ooli doontaa. Madaxda xukuumadda Nabad iyo Nolol iyo maamulka Puntland waayahaan waxaa u dhexeeyay xurguf siyaasadeed, arrintaan waxay salka ku haysaa Nabad iyo Nolol oo sida badan ka biyadiida rabitaanka maamulka facawayn ee Puntland. Puntland waxay leedahay galaangal siyaasiya oo aad u heer sareeya waxayna federaalka u la gorgortami jirtay si adag ayadoo gorgortankaas ku heli jirtay sed bursi farabadan, waxaa taas tusaale u ah in ay aqalka sare ku leedahay xubno sanatorro ka badan xubnaha Galmudug ama Jubaland ay ku leeyihiin aqalka sare, sidoo kale waxaad maalmahaan arkayseen Puntland oo ku doodaysa in federaalku heshiis kula galay 23kii August, 2009 in Puntland la siiyo deeqaha waxbarashada dibadda ee Soomaaliya hesho 25% sidoo kale mashaariicda horumarinta ee deeqaha caalamigaa ee laga sameeyo dalka markasta waxaa inta u badan ku baxdaa Puntland sida ku cad xisaab xirkii xukuumadda ee sanadkii 2018kii. Sababta keentay in Puntand ay hesho mashaariicdaas qaybta u badan waxaa loo sameeyaa marmarsiyo ay ka mid tahay in Puntland ay awood (capacity) u leedahay in ay fuliso mashaariic waawayn oo aysan fulin karin maamulada kale doodaasina waa mid aan sax ahayn. Maamulada dalku waa ay fulinkaraan mashaariicda Puntland fuliso markii laga reebo maamulka Galmudug oo aan wali diyaarsanayn. Madaxda Puntland waxay ku dawakhmeen sad bursi iyo gorgortan laga galti-baxay shacabkoodana waxay ku afjigaan Soomaaliya waxay wax ku leedahay diriqsi nooga danbeeya aan idiin soo dhicinno xaqiina. Farsamooyinka ay Puntland adeegsato waxaa ka mid ah in PL federaalka u istaagto meelaha isgoysyadaa sida in ay xeerarka la sameeyo diido ayadoo dhahda nalaa ka lama tashan xeerkaas ka dibna federaalka la gasha gorgortan, sidoo kale isgoysyada ay u istaagto waxaa ka mid ah heshiisyada federaalku galo, sida badan waad ragteen heshiisyada federaalku galo PL way durtaa haddii arrintaas lagala xaajoon waayana way laadaa intii tabarteeda ah, intaas kaliya maahan PL federaalka waxay u istaagtaa isgoyskasta oo ay isleedahay alaylehe halkaan ayuu federaalku jilibka laabi doonaa. Madaxweyne Deni wuxuu abaabul siyaasadeed ka wadaa Puntland wuxuuna galabta Boosaaso meel fagaare ah soo dhoobay wasiiradiisii si uu warbaahinta u la hadlo ayakoo gadaal taagan taasoo uu ka lahaa ujeedooyin gaar ah. Deni wuxuu jeediyay khubdad gabaara waclaynaysa oo aan lahayn jahatoosa oo ay abaarsantahay. M. Deni hadalkiisa waxaa ku jiray sida ii muuqatay deelqaaf iyo simbiriraxasho waxaana laga dheehan karay hadal jeedintiisa fariimaha uu Deni rabay kuwo aan ahayn. Hadaan qodob qodob u dul istaago waxa iiga soo baxay hadal jeedintii Deni; 1- Hadlkii Deni waxaa iiga muuqday in madaxda Puntland ay ku sarkhaantay gorgartankii siyaasadda ee caadada u ahaa oo kala dhexeeyay dawladda federaalkaa kana go’antahay in ay waxkasta ugu goodiyaan dawladda federaalkaa markay ka biyadiido doonista Puntland. Shirka wadatashigaa ee uu sheegayo Deni wax kale maahan waa gargaraacasho iyo federaalku hanala hadlo wuxuuna ku raadinayaa fursad uu ku furo gorgortan siyaasadeed oo biyadhiciisu yahay sad bursi, haddii federaalku maqli waayo xitaa waa laga yaabaa in uu ku fiiriyo goodin uu ku goodinayo in ay go’ayso PL. 2- Deni waxaa ka fakaday hadal ahaa “M. Cabdulaahi Yuusuf ayaa Sacrifice u sameeyay Caydiid oo ugu tagay dalkiisa” hadalkaan waa hadal wayn oo aan la dheyelsankarin waxaanse u malaynayaa dadku sida badan ma dareensana sababta hadalkaan uga soo fakaday Deni. Waxbadan ayaad ka maqashaan madaxda Puntiland iyo siyaasiyiinta aan xilka hayn intaba eraga “dalka Puntland” waxaa kaloo ayaduna jirta oo badankeen uu san ka warhayn in dastuurka Puntiland uu qabo in Puntiland ay tahay dal iyo qaran waxayna ku cadeeyay anoo daliil dastuuriya keenaya maqaal aan qoray 29kii May 2019 oo aan ku daabacay blog-ayga https://calicabdalla.blogspot.com/2019/05/dastuurka-puntland-iyo-dawlada.html Siyaasiyiinta Puntland waxay u hanqal taagaan oo ay ku qarwaan casiriyahana ay ku cabaan go’itaan aysan ku dhicin una bareeri karin sida bandanna marka ay hadlayaan ayay faruuryaha ka saarantahay arrintaas waana riyo soo jireen ah oo salka ku haysa boqortooyonimadii hore, waxaana la filayaa in shirkaan uu ku baaqay arrintaas lugu soo hadal qaado ayadoo loogu dhaga waramay lana tijaabinayo shacabka reer Puntland ee dhawrista sharafka iyo midnimada gayiga Soomaaiyeed quluubtooda degtay waxaanan filayaa haddii ay si kulul uga falcelin waayaan markii arrintaas la soo hadal qaado in la tijaabiyay luguna sii wadi doono. 3- Qodobka kale oo aan dul istaagay wuxuu ahaa hadalkiisii ahaa “Jaamacadaha Muqdisho waxaa laga sheegayay Shabaab dhigaya waxna ku darsanmayno waxa nuucaas ah” arrintaan waxay ii la muuqataa jeesjees waana arrin mudan in shacabka reer Puntland ee garashada badan ay ka daba yimaadaan oo ay raaligelin ka siiyaan shacabka Soomaaliyeed. M. Deni magakarafoonada iskuma fiicna haddii uu yimaado miidiyaha jar ayuu ka dhacaa. 4- Waxaa hadalka Deni laga dhadhaminkaray in Deni soo qufayo abaalkii shacabka reer Puntland Alle hortiis iyo Soomaalinimo ay ku bixiyeen oo uu rabo in uu ku daro waxyaabaha uu rabo in uu ku gorgortamo taasina waa simbiriraxasho oo Soomaalidu dhaqan ahaan wax ay isisiisay xiliyada adag iskuguma manna sheegato, dhan ka kalana diinteena kuma banaana nasiib darro garashaa inta ka noqotay M. Deni wuxuuna soo qufay wixii Soomaali isu gashay asagoo u hadlaya sidii nin dhereg-dhacsanaya. 5- Qodob kale oo cajiibka ah ee hadaljeedintiisa laga dheehan karay wuxuu ahaa in Deni u ekaa nin gadaal ka baqanaya: sababtu waxay tahay shirka jaraa’id Garoowe kuma qaban arrintaasoo ah mid dadka ku beeraysa su’aalo farabadan, dhanka kale Deni warbaahinta wuxuu soo hor dhoobay wasiirro iyo dadbadan oo laga yaabo in aysan ku raacsanayn siyaasadaan nuucaan ah wuxuuna intaas ku daray xukuumadda ayaa sidaas qabta asagoo raba in uu ra’yulcaamka qaabeeyo. Waxaa ayaduna xusid mudan in Deni isku deyeyo in uu shir iskugu keeno koox reer Puntland ah ka dibna uu yiraahdo reer Puntland ayaa isku yimid go’aan ayayna gaareen asagoo kaashanaya siyaasiyiintii wax ka soo diyaariyay dastuurkii aan horay uga soo sheekaynay ee mugidiga badan gelinayay midnimada, sharafka iyo karaamada dhulwyanaha Soomaaliya siyaasiyiintaasoo ka macaasha sasabaynta siyaasadda. Hadalka galabtay Deni ka jeediyay Boosaaso waxaa ku raacidoona oo u riyaaqi doona kaliya siyaasiyiinta arrintaan ka macaasha iyo goloaha xukuumadda inta ku jira. PL waxay door ka soo ciyaartay dib-u-dhiska Soomaaliya waxayna ka shakisantahay in la abaal dhacayo waxaana ka qaldan haddii la baal dhaco wixii saxda ahaa ee ay uga jawaabi leheed arinkaas, siyaasiyiinta PL waxay ka badin la’yihiin in ay cimri tagay ceeb ku sagootiyaan. Waxaan xukuumadda Nabad iyo Nolol kula talin lahaa in ay nafteedu is hagaajiso waxaa lugu tuhmayaa tabar darro oo waxaa ka baxay siyaasiyiin rug cadaa ah markaas ka dibna ay la xaajooto maamulada ayadoo carabka u dabcisa maamulada gaar ahaan maamulka facawayn ee Puntland kalana xaajooto wixii lagala xaajoon karo sida ay ii la muuqato markaan waxaa jira waxbadan oo lagala xaajoon karo arrinku sidii hore maahan. Ummadda Soomaaliyeed ee hadalkii M. Deni rajo xumada geliyana waxaan ugu laab qaboonjin ahaa, yaysan idin niyad jabin halada siyaasiyiinta muraadka leh ee laga yaabo in ay isku hayaan dantooda gaar ahaan hadalkii Deni ka jeediyay Boosaaso 7dii February 2020 waxaadna ogaataan Deni intaas kuma ekaan doono marka uu qabto shirka uu sheegay wuxuu bilaabi doonaa in uu abaabulo illaa Kismaayo. Waa caadi in lays qabto dalkaanina u burburimaayo labo qofoo is qabatay waligeed ayaa laysi soo hayay. Ugu danbayntii bulshada rayidkaa iyo dadka wax qora waxaan ku baraarujin lahaa in ay hadlaan oo ay ka marqaati kacaan waxa dhacaya. W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla “Imaam” Facebook/Twitter: @Fitah252 cccimaam@gmail.com Source
-
Wefdi uu hogaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamud Sheikh Xuseen oo ka qeybgalay Shir weynaha Caalamiga ah ee Cuntada iyo Beeraha Aduunka oo ka dhacay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa la kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeyn Wasiirka Cuntada iyo Beeraha ee Dalka Jarmalka Julia Klöckner iyo Madaxa Hay’adda Cuntada Aduunka ee (FAO) Qu Dongyu Iyo Wasiiro Kale Sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay xafiiskiisa, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay kala hadlay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya iyo in ay gacan ka geystaan dhiirigelinta iyo garab istaagaan wax-soo saarka iyo dhoofinta Cuntada Soomaaliyeed, sida Xoolaha, Dalagga Beeraha iyo Kalluumeysiga, loona baahanyahay in laga taakuleeyo dhinacyada qalabka iyo tababrsiinta si sare loogu qado aqoontooda, ayna ula jaanqaadaan isticmaalka tiknolojiyadda casriga ah ee Horumarinta Wax soosaarka loogu talogalay si uu dalkeeno u gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah oo dhameystiran. Dhinaca kale kulanka Wasiirka iyo Madaxa Hay’adda Cuntada Aduunka (FOA) ayaa waxay kaga wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa wax soorka Cuntada, lana horumariyo Caafimaadka Xoolaha, Daaqa, Dib u dhiraynta Dhulka laga xaalufiyay Dhirta iyo in si gaar ah loogu kaalmeeyo Dowladda Soomaaliya ka hortagga Ayaxa oo dhibaato ba’an ku haya Deegaanno farabadan oo dalka ka mid ah, kaa soo inta badan aafeeyay dalagyadii ka soo go’ayay beeraha iyo dhulka Daaqsinka ah ee Xoolo dhaqatada Soomaaliyeed ku nool yihiin. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa oo la kulmay Wasiir Ku-xigeenka Beeraha iyo Xoolaha Dowladda Sacuudiga Dr. Hamad Al -Batshaan ayaa waxay isla garteen in la xoojiyo kor uqaadista Dhoofka Xoolaha Soomaliyeed, isla markaana ay sidhow uga wada shaqeeyaan sidii xanibaadda looga qaadi lahaa dhoofka Xoolaha nool ee Soomaaliya waqtiga Xajka ah ee sanadkan 2020. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shir weynaha Caalamiga ah ee Cuntada iyo Beeraha Aduunka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda waxbashada xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa markale ka hadlay xiisada wasaaraddiisa kala dhexeysa dowlad goboleedka Puntland. Goodax Barre ayaa marka hore u jawaabay ardayda dhigata iskuulada ku yaalla deegaanada Puntland oo dhowaan dalbaday in aan la siyaasadeyn waxbarashadooda. Wasiirka oo u jawaabayey ardaydaas oo muuqaalladooda lagu baahiye Internet-ka ayaa sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay garab istaagto arday kasta oo Soomaaliyeed, si uu helo waxbarasho dhameystiran, islamarkaana ardayda wax ka barta deeganada Puntland ay la siman yihiin kuwa kale ee ku nool gobollada dalka. “Ka wasaarad ahaan, waxaan diyaar u nahay inaan garab istaagno ardey kasto oo Soomaaliyeed, si u helo waxbarasho dhameystiran, islamarana u qaato shahaado cadeyneysa waxa uu bartay, Ardeyda wax ka barta deegannada Puntland, waxay la siman yihiin kuwa kale ee ku nool gobollada dalka”. ayuu yiri wasiir Goodax Barre. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wasaaraddiisu aysan dan gaar ah ka laheyn Puntland, balse ay muhiim tahay inay galaan imtixaanaadka Qaranka ee dowladda. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo meeshii ugu sareysay uu gaaray khilaafka waxbarasho ee u dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland, mana muuqdo isku dhowaansho ay muujinayaan labada dhinac.
-
Ururuka midowga Africa iyo Qaramada midoobay ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara in hub iyo dagaal yahano loo diro dalka Liibiya oo ay ka taagan yihiin colaado xoogan iyo dagaalo u dhexeeya dhinacyada isku haya maamulka dalka Liibiya, arrintan ayaa lagu soo qaaday shirar hor dhac ahaa oo shalay ka dhacay xarunta midowga Africa ee Addis Ababa. Shirka midowga Africa oo maanta oo axad ah ka furmaya caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa kaasoo looga hadli doono colaadaha iyo khilaafaadka ka jira qaar kamid ah dalalka ku bahoobay midowga Africa. Sidoo kale waxaa xarunta midowga Africa ee Addis Ababa ka furmi doona shir madaxeedka 34-aad ee dalalka ku midoobay ururka African Union iyadoo lagu soo qaadi doono arrimo kala duwan oo inta badan ku saabsan xaaladaha ka jira dalalka Qaaradda Afrika. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo digniin ka soo saaray Colaadda Liibiya appeared first on Puntland Post.
-
Shacabka ku dhaqan Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, ayaa bilaabay in ay guryahooda ka cararaan, ka dib markii ay dareemeen in culeys uu ku soo kordhay degmadaasi. Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland oo kala joogga gudaha iyo duleedka degmadaasi ayaa waxa Sabtidii dhex maray isku dhac uu dhiig ku daatay, taasoo baqdin gelisay dadka reer Beled Xaawo. Wararka laga helayo Degmada Beled Xaawo ayaa sheegaya in dadka degaanka ay saacadihii la soo dhaafay bilaabeen in ay barakacaan. Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Degmada Beled Xaawo ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in lagu baajiyo colaadda halkaasi ka aloosan oo ku daata degmadaasi. PUNTLAND POST The post Barakac ka bilowday degmada Beled Xaawo appeared first on Puntland Post.
-
Beled Xaawo (Caasimada Online) – Dhiilo colaadeed ayaa waxaa weli laga soo sheegaya inay ka taagan tahay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, xilli kastana ay dhici karto inuu dagaal ku dhex maro dhinacyada isu haya. Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda ka wada gudaha iyo duleedka ee Degmada Beled Xaawo. Ciidamada Dowladda ayaa fariisimo hor leh ka samaystay gudaha Degmada Beled Xaawo, wixii ka dambeeyay gacan ka hadalkii dhex maray iyaga iyo Ciidamada Jubbaland, maalintii shalay. Wararka ayaa sheegaya in Degmada Beled Xaawo laga dareemayo saan-saan colaadeed, iyadoo ay dadka deegaanka qaarkood u horseedeen inay guryahooda isaga cararaan. Cabdisalaan Maxamed Salaad oo ka mid ah dadka reer Beled Xaawo ayaa sheegay inay marxalad feejignaan ah ku jiraan Ciidamada Dowladda, halka Ciidamada Jubbaland ay iyaguna dhaqdhaqaaq ka samaynayan bannaanada hore ee Degmada Beled Xaawo. “Qoladan ku sugan magaalada waxay qabaan cabsi ah in la soo weerari doono, feejignaan xoogan baa ka muuqata, qof u dhawaan karana lama arko. Qoladii kale waxay jooggaan magaalada afkeeda, markastana waad malayn kartaa inay wada dagaalamaan, saan saanteediina way muuqataa.” Ayuu yiri Cabdisalaan Maxamed Salaad. Cabdisalaan Maxamed oo la hadlay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegay inay saaka xiran yihiin inta badan goobihii ganacsiga ee Degmada Beled Xaawo, dadka deegaankana ay isaga barakacayaan guryahooda. “Inta badan goobaha ganacsiga way xiran yihiin, wixii ka dambeeyay shaqaaqadii shalay ka dhacday magaalada. Dhaqdhaqaaqa magaalada aad buu u xadidan yahay, dadkana barakac ayay ka wadaan magaalada. Shalay, xalay iyo saakaba way barakacayaan dadka.” Ayuu yiri Cabdisalaan Maxamed. Masuuliyiinta Jubbaland ee ku sugan duleedka Degmada Beled Xaawo ayaa ku hanjabay inay iska difaaci doonaan Ciidamada Dowladda, ee lagu soo daabulay Gobolka Gedo.
-
Thai soldier who killed 20 shot dead in shopping mall siege
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
NAKHON RATCHASIMA, Thailand (Reuters) - Thai security forces on Sunday shot and killed a rogue soldier who went on a rampage in a shopping mall in a northeastern city, ending an overnight siege after a series of attacks that left at least 20 people dead. Source: Hiiraan Online -
Askari dad ku gumaaday Bangkok Jakraphanth Thomma waa askariga dadka laayey welina lama qaban Wararka ayaa sheegaya in askariga uu dad badan ku laayay aagga magaalada Nakhon Ratchasima oo sidoo kale loo yaqaano Korat taasi oo dhacda waqooyi-bari Bangkog. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca ayaa BBC-Thai u sheegay in Jakraphanth Thomma uu weeraray taliyihiisa ka hor inta uusan toogasho ka fulinin xero milatari, Macbad Budista ah iyo xarun laga dukaameysto. Askariga looga shakinsan yahay inuu falkan geystay ayaa waxaa la sheegeeya inuu isku qarinayo gudaha xarunta laga dukaameysto. Warbaahinnada maxalliga ah ayaa soo werinaya in ugu yaraan 12 qof ay dhinteen, waxaana weli socda weerarka. Muuqaalo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya goobta ay toogashada ka dhacday oo u dhaw xarunta laga dukaameysto. Maamulka ayaa xiray xarunta iyagoona isku dayaya iney gacanta ku soo dhigaan ninka weerarka soo qaaday, kaasi oo la sheegay inuu ku dhuumaaleysanayo gudaha dhismaha. Booliska ayaa dadka ku boorriyay iney dadka guryahooda ku nagaadaan. Illaa haatan ma cadda u jeeddada ka dambeeysa weerarka balse askariga weerarka fuliyay ayaa cinwaannadiisa baraha bulshada ku baahiyay xilliga weerarka iyadoo bartiisa Facebook-na uu soo dhigay codsi ah inuu isa soo dhiibi karo iyo in kale. Mar hore ayuu soo dhigay sawir bastoolad iyo saddex qasnadood oo rasaas ah, waxaa sidoo kale uu cod ahaan ku yiri: ”Waa xilligii la farxi lahaa.” Bartii uu kulaa Facebook ayaa haatan la xidhay. Wargeyska Bangkok Post ayaa sheegay in taliyaha la dilay ahaa Kornayl Anatharot Krasae iyo in dadka la dilay ay ku jirto haweewayn 63 jir ah. Af-hayeen u hadashay Ra’isal Wasaare Prayuth Chan-ocha ayaa sheegtay in uu xaaladda aad ula socdo oo waxaanu tacsi u diray qoysaska dadkaa la laayey. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay xaafadaha Muqdisho ka baadi goobeyso askar diiday in loo qaado gobolka Gedo, kadibna ka baxsaday xeryaha ciidamada, sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Askartaan ayaa tiradooda lagu sheegay toddoba, waxayna la baxsadeen hubkii dowladda siisay, waxaana la la’yahay muddo 13 cisho ah. Ciidankaan oo ka tirsan booliska Soomaaliya gaar ahaan Haramcad ayaa diiday in ay kamid noqdaan askarta loo qaaday Gobalka Gedo, waxayna sababta ku sheegeen dhowr qodob oo kala ah. 1) – In aysan degaanka aqoonin, awoodna u laheyn in ay kula dagaalaan rag xaafadaha kala yaqaana dadkoodiina u dagan yihiin. 2) – In aysan dowladda gobalkaas u diran boqolaal dhalinyaro ah oo u dhashay Gedo islamarkaana ku sugan Muqdisho, taasna ay u arkaan in naftooda halis la gelinayo. 3) – Iyo in aysan waalidoontooda ogoleen in loo qaado Gedo oo ay ku jirto xiisad dagaal, kaas oo sababi kara khasaaro badan. Dhamaan askarta baxsatay ayaa ah isku beel, kana soo jeeda Muqdisho, waxayna ahaayeen wiilal aanan waligood Muqdisho ka bixin. Dowladda ayaa la sheegay in ay la xariirtay odayaal dhaqameed markii hore damiintay ciidankaan kuwaas oo ka walaacsan xaaladda iyo sida ay ka yeeli doonaan kiiskaan.
-
Dal suuli in la helaa xaq dastuuri ah ka tahay Waraaqahayaga taxanaha ah ee ay noo soo diraan suxufiyiinta Afrika, waxa ka mid ah tan ka timi Joseph Warungu oo ah tabobare saxaafadeed oo uu ku eegay xukun maxkamadeed oo dhibaatooyinka safarada ka soo afjari doonta. Hadaanu nahay reer Kenya waxaanu ogaanay in aanu xaq dastuuri ah u leenahay in aanu suuli dadweynaha ka dhexeeya galno oo ay lacagtiisana bixiso dawladdu. Waana sidan. Markaad u kala safrayso meelaha kala fog ee Kenya oo aad dhulka marayso, waa dhibaato aanay dad badani jeclayn. Caqabada ugu wayni se waa weeyi in aad adigoo nabad qaba gaadho halkaad ku socotay. In ka badan 3400 oo qof ayaa wadooyinka Kenya ku dhintay sannadkii hore, taas oo ah in ay dhimashadu korodhay 13% marka la barbar dhigo 2018. Sababta ugu weyni waxa weeyi xawaare badan iyo iyadoo dadka oo sakhraansan oo baabuurta wada iyo daal. Hadii aad geeri ka badbaado ama dhaawac halis ah, ka baxsan maysid naxdinta iyo rafaadka wadooyinka. In kasta oo wax badani iska bedeleen kaabeyaasha dhaqaalaha Kenya sannadihii u dambeeyey, wadooyinka qaar ayaa weli liita oo aan marka roobku da’ o la mari karin. Maadaama oo aanu nahay dal Ingiriisku gumaysan jiray, Kenya haadku waa bidixda laakiin dad badan ayay qasab ku noqotaa in ay dhan walba bidix u maraan maadaama oo godad wadooyinka ka buuxaan xataa kuwa badhtamaha caasimada Nairobi ku yaal. Waxa jirta sabab kale oo safarka kugu dheeraynaysa- suuli la’aanta. Markaad fuushan tahay basaska buuxa ee kaadi ku qabato dhib baad mudanaysaa. Sababtuna waxa weeyi markii dawladu dhisaysay wadooyinkaa waaweyn suuliyo dadka ka dhexeeya wadada agteeda kamay dhisin. Markaa dirawalladu marmar bay joogsadaan kaymaha dhexdooda, isla marka albaabka la furona dadku dhan walba way u cararaan si ay geed yar oo ay ku gabadaan u helaan oo ay u nafisaan. Waxa ka soo baxa sawir laga xishoodo, dumar iyo caruur is wada ag kambadhuudha. Ceebtase waxa qariyaa waa in qof kasta tiisu cuslaysay oo dhamaan kaadi loo wada fadhiyo. ‘Cunto xun’ Ardayda aan wax baro qaarkood oo dhigta kulliyad ku taal gobolka xeebta ee Mombasa ayaa iiga sheekeeyey sida safar ay ku tageen badhtamaha Kenya, masaafo qiyaastii ah 700 Km. Intaanay ka dhaqaaqi Mombasa, ayay cunto cuneen oo calooshu ku xanuuntay. “Maadaama oo aan suuliyo jirin, dirawalkii baska ayey qasab ku noqotay inuu dhawr jeer kaynta dhexdeeda joogsado si aanu caloosha na socota uga nafisno” ayuu igu yidhi ardayda midkood. “Safarkii ugu dhibta badnaa ee aan 10 saacadood socday ayuu ahaa”. Laakiin haatan gurmad baa yimid oo waxa keenay nin maxkamadda dacwad geeyey si ay dawladda ugu qasabto in ay dhibaatadan dadka ka fududayso. Adrian Kamotho Njenga ayaa dawladda dacweeyey doodiisuna ahayd in ay ku xad gudubtay dastuurka maadaama oo ay dadka wadooyinka waawayn agtooda uga dhisi weyday suuliyo. Afar qaybood oo kala ah golaha badhasaabada oo ka kooban 47, hay’adda wadooyinka Kenya, iyo ha’yadda wadooyinka baadiyaha iyo hay’adda wadooyinka magaalooyinka dhexdooda mara ayaa dhamaantood beeniyey eeddaas. Dadka qaar baa yidhi Njenga muu faahfaahin sida dawladdu ugu xadgudubtay dastuurka mar hadaanay suuliyo dhisin. Qaar kale ayaa ku dooday in aanay waajib dastuuri ah arintaasi ka saarrayn dowladda. Laakiin sida qof aan kaadida xajin karayn oo kale ayuu Njenga maxkamadda ugu hawl galay in maxkamaddu xal keento. Wuxu ku dooday maadaama oo dawladu ku guul sarraysatay in ay suuliyo dhisto, in dadka wada marayaa aanay haboonayn in ay dadku ay wadada hareeraheeda fadhiistaan oo sharafkooda arintaasi wax u dhimayso. Suuli la’aan = Ciqaab Wuxu xitaa daliil ka soo qaatay Deuternomy oo ah jiska shanaad ee Bible-ka, markii Muuse reer Banii Israaiil oo ku socda dhulkii loo ballanqaaday uu faray in ay meeshay dageen ay ka samaystaan suuliyo ay ku nafisaan. Xataa hadii taa ay maxkamadu ku qanci waydo aayadahaa uu Bible-ka ka soo xigtay, Njega wuxu ku dooday in suuli la’aantu ay socotada u loogaysto “ciqaab bayoolojiyeed iyo mid jidheedaba marka ay marayaan wadooyinka Kenya”. Waa kuwaa waxaan idin odhan lahaa mana malaysan karo anoo wada agteeda fadhiya qudhaydu. Laakiin waxay noqdeen kuwo adag kama dambaystiina garsoorihii wuu ku qancay doodii Njenga waxaanu amar ku siiyey waaxyaha dawladda ee ay khusayso in ay meel mariyaan in suuliyo iyo adeegyada kale ee nadaafadeed ba au wadooyinka Kenya agtooda ka dhisaan. Markaa, waxaanu dhamaantayo u hanqal taagaynaa maalinta anagoo socoto ah aanu ka nasan doono markaanu istaagno in aanu iska eegno saxaro intaanu raadsanayno meel aanu fadhiisano. Haatan se inta aanay jirin suuliyadaa “dastuuriga” ahi, kaymaha quruxda badan ee ku yaal hareeraha wadada isku xidha Nairobi iyo Kisumu xaga galbeedka ama ilaa Mombasa oo xeebta ah, waxa lagu arki doonaa uun muuqaalo fool xun oo ah aadame saxaro u wada fadhiya. Qaran News
-
Taliye ku xigeenka qaybta 21-aad ee Ciidamada dowladda Federaalka kormeer ugu tagey Ciidamo Ka mid noqonaya qorshaha xoraynta degaanada Galmudug ee Al Shabaab Maamulaan. Cutubyadan oo dhowaan loo diiwaan galiyay Ka mid noqoshada Ciidanka qalabka sida gaar ahaan Xoogga dalka kuna jira dugsiga Tababarka “Aruuris” ee duleedka Ddegaanka Xananbuure ayaa waxaa kormeer la xiriira howlaha diyaarinta ciidankan Ku gaarey G/Le Aadan Siyaad Cabdi Taliye xigeenka Qaybta 21-aad , taliyaha ayaa Warbixino ka dhegaystay saraakiisha xerada iyo guud ahaan Taliska dugsiga oo kaga warbixiyay tilaabooyinka loo qaadey diyaarinta Ciidankan . Taliye xigeenka ayaa Ciidanka kula dardaarmey isku diyaarinta howsha adag ee laga sugayo oo u baahan dhiiranaan iyo ka faaiideysiga casharada lasiinayo mudada tababarku uu socdo. PUNTLAND POST The post Ciidamo loo diyaariyay dagaalka Al-shabaab oo Galmudug lagu soo bandhigay appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu Sunna, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, kuna amray inay sugaan gacan bir ahna ku qabtaan amniga magaalada. Madaxweynaha ayaa waxa uu marka hore Saraakiisha Ciidmaada kaga mahadceliyay sida ay ugu hawlan yihiin suggida amniga iyo ka hortagga falalka liddiga ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada deegaanka. Madaxweyne Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ku ammaanay, sida ay uga shaqeeyeen hawlaha nabadgelyada la xiriirta, mudadii ay doorashooyinka ka socdeen Magaalada Dhuusamareeb. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu warbixino ku aadana arrimaha amniga ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Militariga, Nabad Suggida iyo Booliska. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu Saraakiisha amray inay sii wadaan hawlaha shaqo, ee ay u hayaan bulshada reer Galmudug.
-
Boorama (Caasimada Online) – Maxamed Cabdi Xaashi (Diini), oo ah lixdan jir muddo badan ka soo shaqeynayay dowladda hoose ee magaalada Boorama, ayaa sheegay in uu Maayirka Boorama, Saleebaan Xasan Xadi uu shaqadii uga joojiyey hayb qabiil. Odeygan Lixdan jirka ah oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu shaqaalaha dowladda hoose ee Boorama uu ku soo biiray 1975-tii, uuna kamid yahay 550-shaqaale oo ka howl-gala dowladda hoose ee Boorama. Maxamed Diini ayaa xusay in Maayirka Boorama uu ku cunsuriyeynayo inuusan ka soo jeedin beesha Gadabuursi, maadama uu dhalasho ahaan ka soo jeedo degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud. Aabaha dhibanaha ah ee mudada badan ka soo shaqeynayey dowladda hoose ee Boorama, ayaa isagoo ilmeynaya wuxuu sheegay in Maayirka Boorama uu mushaarkiisi ka haysto muddo 7-bilood ah, uuna si gaar ah uga dhex takooray boqolaalka shaqaale ee ka howl-gala dowladda hoose. Waxa uu sidoo kale sheegay in uu Maayirku xiray maadama uu xiligaa gacanta ku hayey buugaagta Canshuurta, isla markaana uu duudsiiyey ‘khidmad’ uu kulahaa bugaagtaasi maadama uu ahaa qeybta gurta canshuuraha. Maxamed Diini ayaa ugu dambeyntiina dalbaday in xaqiisa looga dhiciyo Maayirka, oo uu sheegay in uu baday ‘Ciil’, isagoona si gaar ah Fariin ugu diray dadweynaha reer Boorama oo uu ka dalbaday inay ka dhiidhiyaan dulmiga lagula kacay. Caasimada Online, oo isku deyday inay Maayirka Boorama wax ka weydiiso Aabaha sheegay inuu hayb qabiil uga saaray shaqada, ayeysan u suurta-galin maadama uu ka jawaabi waayey telefoonkiisa gacanta.
-
Waxaan taxliil gaaban ku samaynaa khubaddii uu madaxweyne Deni ka jeediyay 7dii February, 2020 magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga bariga iyo bartamaha Soomaaliya. Deni wuxuu madax ka yahay Puntland (PL). PL waa maamul facwayn oo ah meel dib u dhiska dalka horumar wayn laga gaarsiin karo sida kalana dib u dhacwayn looga keeni karo. Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ku xiranyahay hadba sida PL u dhaqanto haddii PL dib u dhiska dalka hor seed iyo daacad ka noqoto waxban ayaa hagaagaya haddiise ay ka daba wareegto Soomaali halkeeda ayay ooli doontaa. Madaxda xukuumadda Nabad iyo Nolol iyo maamulka Puntland waayahaan waxaa u dhexeeyay xurguf siyaasadeed, arrintaan waxay salka ku haysaa Nabad iyo Nolol oo sida badan ka biyadiida rabitaanka maamulka facawayn ee Puntland. Puntland waxay leedahay galaangal siyaasiya oo aad u heer sareeya waxayna federaalka u la gorgortami jirtay si adag ayadoo gorgortankaas ku heli jirtay sed bursi farabadan, waxaa taas tusaale u ah in ay aqalka sare ku leedahay xubno sanatorro ka badan xubnaha Galmudug ama Jubaland ay ku leeyihiin aqalka sare, sidoo kale waxaad maalmahaan arkayseen Puntland oo ku doodaysa in federaalku heshiis kula galay 23kii August, 2009 in Puntland la siiyo deeqaha waxbarashada dibadda ee Soomaaliya hesho 25% sidoo kale mashaariicda horumarinta ee deeqaha caalamigaa ee laga sameeyo dalka markasta waxaa inta u badan ku baxdaa Puntland sida ku cad xisaab xirkii xukuumadda ee sanadkii 2018kii. Sababta keentay in Puntand ay hesho mashaariicdaas qaybta u badan waxaa loo sameeyaa marmarsiyo ay ka mid tahay in Puntland ay awood (capacity) u leedahay in ay fuliso mashaariic waawayn oo aysan fulin karin maamulada kale doodaasina waa mid aan sax ahayn. Maamulada dalku waa ay fulinkaraan mashaariicda Puntland fuliso markii laga reebo maamulka Galmudug oo aan wali diyaarsanayn. Madaxda Puntland waxay ku dawakhmeen sad bursi iyo gorgortan laga galti-baxay shacabkoodana waxay ku afjigaan Soomaaliya waxay wax ku leedahay diriqsi nooga danbeeya aan idiin soo dhicinno xaqiina. Farsamooyinka ay Puntland adeegsato waxaa ka mid ah in PL federaalka u istaagto meelaha isgoysyadaa sida in ay xeerarka la sameeyo diido ayadoo dhahda nalaa ka lama tashan xeerkaas ka dibna federaalka la gasha gorgortan, sidoo kale isgoysyada ay u istaagto waxaa ka mid ah heshiisyada federaalku galo, sida badan waad ragteen heshiisyada federaalku galo PL way durtaa haddii arrintaas lagala xaajoon waayana way laadaa intii tabarteeda ah, intaas kaliya maahan PL federaalka waxay u istaagtaa isgoyskasta oo ay isleedahay alaylehe halkaan ayuu federaalku jilibka laabi doonaa. Madaxweyne Deni wuxuu abaabul siyaasadeed ka wadaa Puntland wuxuuna galabta Boosaaso meel fagaare ah soo dhoobay wasiiradiisii si uu warbaahinta u la hadlo ayakoo gadaal taagan taasoo uu ka lahaa ujeedooyin gaar ah. Deni wuxuu jeediyay khubdad gabaara waclaynaysa oo aan lahayn jahatoosa oo ay abaarsantahay. M. Deni hadalkiisa waxaa ku jiray sida ii muuqatay deelqaaf iyo simbiriraxasho waxaana laga dheehan karay hadal jeedintiisa fariimaha uu Deni rabay kuwo aan ahayn. Hadaan qodob qodob u dul istaago waxa iiga soo baxay hadal jeedintii Deni; 1- Hadlkii Deni waxaa iiga muuqday in madaxda Puntland ay ku sarkhaantay gorgartankii siyaasadda ee caadada u ahaa oo kala dhexeeyay dawladda federaalkaa kana go’antahay in ay waxkasta ugu goodiyaan dawladda federaalkaa markay ka biyadiido doonista Puntland. Shirka wadatashigaa ee uu sheegayo Deni wax kale maahan waa gargaraacasho iyo federaalku hanala hadlo wuxuuna ku raadinayaa fursad uu ku furo gorgortan siyaasadeed oo biyadhiciisu yahay sad bursi, haddii federaalku maqli waayo xitaa waa laga yaabaa in uu ku fiiriyo goodin uu ku goodinayo in ay go’ayso PL. 2- Deni waxaa ka fakaday hadal ahaa “M. Cabdulaahi Yuusuf ayaa Sacrifice u sameeyay Caydiid oo ugu tagay dalkiisa” hadalkaan waa hadal wayn oo aan la dheyelsankarin waxaanse u malaynayaa dadku sida badan ma dareensana sababta hadalkaan uga soo fakaday Deni. Waxbadan ayaad ka maqashaan madaxda Puntiland iyo siyaasiyiinta aan xilka hayn intaba eraga “dalka Puntland” waxaa kaloo ayaduna jirta oo badankeen uu san ka warhayn in dastuurka Puntiland uu qabo in Puntiland ay tahay dal iyo qaran waxayna ku cadeeyay anoo daliil dastuuriya keenaya maqaal aan qoray 29kii May 2019 oo aan ku daabacay blog-ayga https://calicabdalla.blogspot.com/2019/05/dastuurka-puntland-iyo-dawlada.html Siyaasiyiinta Puntland waxay u hanqal taagaan oo ay ku qarwaan casiriyahana ay ku cabaan go’itaan aysan ku dhicin una bareeri karin sida bandanna marka ay hadlayaan ayay faruuryaha ka saarantahay arrintaas waana riyo soo jireen ah oo salka ku haysa boqortooyonimadii hore, waxaana la filayaa in shirkaan uu ku baaqay arrintaas lugu soo hadal qaado ayadoo loogu dhaga waramay lana tijaabinayo shacabka reer Puntland ee dhawrista sharafka iyo midnimada gayiga Soomaaiyeed quluubtooda degtay waxaanan filayaa haddii ay si kulul uga falcelin waayaan markii arrintaas la soo hadal qaado in la tijaabiyay luguna sii wadi doono. 3- Qodobka kale oo aan dul istaagay wuxuu ahaa hadalkiisii ahaa “Jaamacadaha Muqdisho waxaa laga sheegayay Shabaab dhigaya waxna ku darsanmayno waxa nuucaas ah” arrintaan waxay ii la muuqataa jeesjees waana arrin mudan in shacabka reer Puntland ee garashada badan ay ka daba yimaadaan oo ay raaligelin ka siiyaan shacabka Soomaaliyeed. M. Deni magakarafoonada iskuma fiicna haddii uu yimaado miidiyaha jar ayuu ka dhacaa. 4- Waxaa hadalka Deni laga dhadhaminkaray in Deni soo qufayo abaalkii shacabka reer Puntland Alle hortiis iyo Soomaalinimo ay ku bixiyeen oo uu rabo in uu ku daro waxyaabaha uu rabo in uu ku gorgortamo taasina waa simbiriraxasho oo Soomaalidu dhaqan ahaan wax ay isisiisay xiliyada adag iskuguma manna sheegato, dhan ka kalana diinteena kuma banaana nasiib darro garashaa inta ka noqotay M. Deni wuxuuna soo qufay wixii Soomaali isu gashay asagoo u hadlaya sidii nin dhereg-dhacsanaya. 5- Qodob kale oo cajiibka ah ee hadaljeedintiisa laga dheehan karay wuxuu ahaa in Deni u ekaa nin gadaal ka baqanaya: sababtu waxay tahay shirka jaraa’id Garoowe kuma qaban arrintaasoo ah mid dadka ku beeraysa su’aalo farabadan, dhanka kale Deni warbaahinta wuxuu soo hor dhoobay wasiirro iyo dadbadan oo laga yaabo in aysan ku raacsanayn siyaasadaan nuucaan ah wuxuuna intaas ku daray xukuumadda ayaa sidaas qabta asagoo raba in uu ra’yulcaamka qaabeeyo. Waxaa ayaduna xusid mudan in Deni isku deyeyo in uu shir iskugu keeno koox reer Puntland ah ka dibna uu yiraahdo reer Puntland ayaa isku yimid go’aan ayayna gaareen asagoo kaashanaya siyaasiyiintii wax ka soo diyaariyay dastuurkii aan horay uga soo sheekaynay ee mugidiga badan gelinayay midnimada, sharafka iyo karaamada dhulwyanaha Soomaaliya siyaasiyiintaasoo ka macaasha sasabaynta siyaasadda. Hadalka galabtay Deni ka jeediyay Boosaaso waxaa ku raacidoona oo u riyaaqi doona kaliya siyaasiyiinta arrintaan ka macaasha iyo goloaha xukuumadda inta ku jira. PL waxay door ka soo ciyaartay dib-u-dhiska Soomaaliya waxayna ka shakisantahay in la abaal dhacayo waxaana ka qaldan haddii la baal dhaco wixii saxda ahaa ee ay uga jawaabi leheed arinkaas, siyaasiyiinta PL waxay ka badin la’yihiin in ay cimri tagay ceeb ku sagootiyaan. Waxaan xukuumadda Nabad iyo Nolol kula talin lahaa in ay nafteedu is hagaajiso waxaa lugu tuhmayaa tabar darro oo waxaa ka baxay siyaasiyiin rug cadaa ah markaas ka dibna ay la xaajooto maamulada ayadoo carabka u dabcisa maamulada gaar ahaan maamulka facawayn ee Puntland kalana xaajooto wixii lagala xaajoon karo sida ay ii la muuqato markaan waxaa jira waxbadan oo lagala xaajoon karo arrinku sidii hore maahan. Ummadda Soomaaliyeed ee hadalkii M. Deni rajo xumada geliyana waxaan ugu laab qaboonjin ahaa, yaysan idin niyad jabin halada siyaasiyiinta muraadka leh ee laga yaabo in ay isku hayaan dantooda gaar ahaan hadalkii Deni ka jeediyay Boosaaso 7dii February 2020 waxaadna ogaataan Deni intaas kuma ekaan doono marka uu qabto shirka uu sheegay wuxuu bilaabi doonaa in uu abaabulo illaa Kismaayo. Waa caadi in lays qabto dalkaanina u burburimaayo labo qofoo is qabatay waligeed ayaa laysi soo hayay. Ugu danbayntii bulshada rayidkaa iyo dadka wax qora waxaan ku baraarujin lahaa in ay hadlaan oo ay ka marqaati kacaan waxa dhacaya. W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla “Imaam” Facebook/Twitter: @Fitah252 cccimaam@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
