Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,342
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Cutubyo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaanno Haramcad, ayaa saaka diyaarad looga qaaday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Ciidamadaan oo aad u hubeysan ayaa ku wajahan degmada Luuq ee gobolka Gedo, sida ay Shabelle u xaqiijiiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Dhinaca kale wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Jubbaland, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa xukuumadda federaalka Soomaaliya ku eedeeyey in ay qalalaaso ka wado gobolka Gedo halkaasi oo maalmihii dambe ay ku daabulaysay ciidamo kala duwan. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in hub iyo gaadiid dagaal ay dowladdu geysay degmooyin dhowr ah ka tirsan gobolka Gedo, si ay halkaas colaad uga abaabusho, islamarkaana isaga hor-keento shacabka iyo madaxda dowlad goboleedka Jubaland. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa gobolkaan ka taagnaa dhaq dhaqaaqyo milatari oo u dhexeeyey ciidamada dowladda federaalka iyo sidoo kale kuwa Jubbaland. View the full article
  2. Axmed Baasto oo mar sheegtay in uu yahay madaxweynaha Galmudug ayaa dowladda ku dhaliilay in iyada oo uu jiro khilaaf in maadxweyne kale ay Dhuusamareeb kaga dhawaaqday. Axmed Baasto oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa yiri “Dowladdu in ay shalay dib u dhigto oo aysan madaxweyne kal ku dhawaaqin ayay ahayd gogashii ay wadana ay u yeerto Sheekh Shaakir iyo Xaaf” Dhinaca kale Baasto waxa uu sheegay in uu aaminsanahay haddii la isku tanaasulo in uu u arkayo in laga shaqeynayo danaha iyo maslaxadda ummadda reer galmudug. “Haddii labadani tanaasulayaan hal nin uu ku soo harayo Galmudug waxaan u arkaa in boqolkiiba boqol in danaha iyo maslaxadda Galmudug laga shaqeynayo” ayuu hadalkiisa raaciyay Baasto Waxaa isi soo taraya baaqyada iyo dhaliilaha loo jeedinayo dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan doorashadii shalay ka dhacday caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. Doorashada Lagu Doortay Axmed Qooqoor waxaa qaadhacay saddex koox: (1). Murashaxiinta kala ah: Cabdiraxmaan Odawaa, Cabdullaahi Wehliye, Kamaal Gutaale iyo Cabdi Dheer, (2). Madaxweynaha Galmudug: Axmed Geelle Xaaf ayaa ka mid ah dadka diidan (3): Maamulka Ahlu sunna ee ka taliya Dhuusamareeb iyo qeybo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-03022020.mp3 View the full article
  4. Luuq (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in hub iyo ciidan dheeraad ah ay saakay geysay degmada Luuq ee gobolka Gedo, halkaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay ay dowladdu ka waday abaabullo ka dhan ah maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay ciidamo iyo hub ku daabuleyso Luuq, si ay colaad uga huriso deegaanada Gobolka Gedo. Saakay ayaa waxaa la sheegay in dowladda Soomaaliya ay boqolaal ka mid ah ciidamada Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Haramcad ay u daabushay degmada Luuq ee gobolka Gedo, kuwaas oo diyaarado looga qaaday garoonka Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada ay saldhigyo ka sameysteen degmada Luuq, sidoo kalena la filayo inay gaaraan degmada Doolow. Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa maalmihii la soo dhaafay ka jiray Gobolka Gedo, iyadoo ay jireen Ciidamo laga qaaday Muqdisho. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo ka soo jeeda Gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay Gobolka ka hurineyso colaad, isla markaana ka digay in dagaal ka dhaco. Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayeyso inay xoog u adeegsato Axmed Madoobe oo dib loogu doortay doorashadii dhawaan ka dhacday Magaalada Kismaayo, waxaana muuqato saasaan colaadeed.
  5. Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka ku matala Puntland, oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay kaga hadleen khilaafka ka dhaxeeya Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Waxbarashada Puntland. Xildhibaannada oo warbaahinta la hadlay kulankooda kadib, ayaa ay wax laga xumaado ku tilmaameen in xiligaan uu meel adag maray khilaafka salka ku haya qaadista imtixaanka sanadeedka iyo bixinta shahaadada Ardayda Puntland. Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise Maas oo kamid ah Xildhibaanada Madasha ka hadashay, waxa uu nasiib darro ku sifeeyay in aan Wasiir Goodax ku wargelin go’aanka uu qaatay, islamarkaana ay warbaahinta ka maqleen. Wafdi isugu jiro Xildhibaano iyo Wasiiro, ayuu sheegay in ay isku afgarteen Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre bixinta Shahaadada, isagoo Goodax ku eedeeyay in uu ka baxay is-afgaradkaasi. Xubnihii labada gole ee Baarlamanka ku matala Puntland, ee wada hadalka la galay Wasiir Goodax, ayuu tilmaamay in ay dib ugu laabanayaan Garoowe, si ay ula soo tashadaan mas’uuliyiinta dowladda Puntland. Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise Maas ayaa sheegay in dood adag ay ka qabanaan go’aanka Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda federaalka uu ku gaaray in aanu bixin Shahaadada Ardayda Puntland. PUNTLAND POST The post Xildhibaanno si adag uga hadlay Xannibaadda Wasiir Goodax ku sameeyay Shahaadada Ardayda Puntland appeared first on Puntland Post.
  6. A federal judge in Virginia has refused to vacate the life sentence handed down to a Somali man convicted in a 2010 attack on a U.S. Navy vessel off the coast of Africa. A judge in Norfolk issued a ruling Friday rejecting Mohamed Abdi Jama’s claim that his sentence should be overturned because his lawyer was ineffective. Jama was sentenced to life in prison in 2016 for piracy. He filed a motion last year claiming ineffective assistance of counsel. Jama claimed his lawyer failed to understand the laws and facts needed to prove piracy and failed to argue jurisdictional and other law regarding piracy offenses and territory. He also argued that his lawyer failed to advise him of plea deals and failed to negotiate or explain any plea offers. The judge said the court record provides no support for Jama’s claims and shows that his lawyer shared a plea offer by prosecutors of 25 years in prison. Jama’s lawyer said in an affidavit that his client refused to cooperate. Jama claimed that he was never told about a 25-year plea offer and that his attorney advised him to reject a 30-year plea offer. The judge noted that regardless of whether Jama’s lawyer told him about any plea offer, Jama testified that he was not willing to testify against any of his codefendants as part of a plea deal. According to court records, Jama and his codefendants approached the USS Ashland in April 2010 in the Gulf of Aden and opened fire with AK-47s. Crew members of the Ashland returned fire and took the pirates into custody. View the full article
  7. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dibadbaxyo xoogan oo lagu taageerayey hoggaanka cusub ee Galmudug ayaa maanta ka dhacay deegaano ka tirsan maamulkaasi. Banaanbaxyada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa si isku mid ah waxa ay uga dhaceen magaalooyinka Dhuusamareeb, Cadaado, Caabudwaaq iyo Gaalkacyo. Boqolaal dadweyne ah oo taageersanaa doorashada hoggaanka cusub ee Galmudug ayaa isugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee magaalooyinkaasi. Sidoo kale dibadbaxayaasha oo watay boorar ay ku xardhan yihiin sawrirka madaxweynaha cusub ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo ku xigeenkiisa ayaa ku qeylinayey erayo ay ku soo dhoweynayaan mas’uuliyiintaasi. Ammaanka ayaa sidoo kale si aad ah loo adkeeyey, waxaana goobaha ay ka dhaceen dibadbaxyada ku sugnaa ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug. Doorashada dowlad goboleedka Galmudug oo muddo ku jirtay is jiid jiid siyaasadeed ayaa shalay la soo gabagabeeyey, waxaana Dhuusamareeb lagu doortay hoggaan cusub.
  8. MOGADISHU (HOL) - The regional bloc IGAD has called for reconciliation and dialogue in Galmudug but stopped short of endorsing the election of Ahmed Kariye Qoorqoor as the new state president. Source: Hiiraan Online
  9. MOGADISHU (HOL) - The regional bloc IGAD has called for reconciliation and dialogue in Galmudug but stopped short of endorsing the election of Ahmed Kariye Qoorqoor as the new state president. Source: Hiiraan Online
  10. Xubno ka tirsan Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland, oo uu hogaaminayo Guddomiyaha Guddiga Guuleed Saalax, ayaa saaka xarunta Guddiga kulan kula qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland Nuur Ciise iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamuud Xasan. Kulanka waxaa looga wada hadlay kaalinta Garsoorka ee hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland iyo dhamaystirka dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland. Sidoo kale Guddiga ayaa horay kulamo ula soo yeeshay qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland, kulamadaasi oo ku salaysnaa hirgelinta Hannaanka Xisbiyada badan ee Puntland. Dhowaan ayay ahayd markii Guddigu ay socdaal ku tageen Gobolka Mudug, islamarkaana ay Bulshada Gobolkaasi u bandhigeen Qorsha Hawleedkooda. PUNTLAND POST The post Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland oo la kulmay Mas’uuliyiinta Sare ee Garsoorka Puntland appeared first on Puntland Post.
  11. Banaanbaxyo lagu taageerayo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqqor oo shalay lagu doortay Dhuusamareeb ayaa si isku mida waxa uu uga dhacay magaalooyinka Cadaado, Caabudwaaq, Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo. Bulshada qeybaheeda kal duwan ee magaalooyinkaas ayaa soo qaban qaabiyay banaanbaxaan waxa ayna taageero ugu muujinayeen madaxdii shalay ku guuleystay madaxweynaha iyo madaxwene ku xigeenka maamulka Galmudug. Dibadbaxayaashan ayaa watay boorar uu ku xardhanyahay madaxweyne Axmed Qoorqoor waxa ayna sheegeen in ay ku faraxsanyihiin hoggaanka cusub ee loo doortay Galmudug. Shalay ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug lagu doortay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariya iyada oo madaxweyne ku xigeenkana loo doortay Cali Daahir Ciid, waxaana xusid mudan in madaxdaasi ay ka horeeyaan Sheekh Shaakir iyo Xaaf oo iyaguna madaxweyne loo doortay. Halkaan ka daawo sawirada dibadbaxayaasha Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay madasha xisbiyada qaran ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Galmudug iyo doorashadii shalay ka dhacday gudaha magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Warsaxaafadeedka oo ku qornaa luqadda Engilish-ka ayaa lagu sheegay in doorashadii uu ku soo baxay Qoor-Qoor aysan aheyn mid xor iyo xalaal ah, islamarkaana aysan u dhicin sidii la rabay ama loo qorsheeyey in Galmudug loogu dhiso maamul mid ah. Sidoo kale qoraalkaan ayaa lagu dhaliilay taalabadadii safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto ee uu ku aqoonsaday doorashadaasi, iyado aan weli xal loo helin is jiid jiidka siyaasadeed iyo khilaafaadka dhinaca maamulka ee haatan ka jira Galmudug. Madasha xisiyada qaran oo ay ku mideysan yihiin illaa lix xisbi siyaasadeed ayaa sidoo kale ka dalbatay dhinacyada isku haya Galmudug inay yeeshaan wadahadal dhab ah, si loogu xaliyo xiisadaha taagan, islamarkaana looga wada shaqeeyo dana guud ee reer Galmudug. Halkaan hoose ka aqriso:
  13. Bishii May 2019 guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab iyo wafdi la socday ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal wuxuuna socdaalkooda ahaa kormeerida iyo dib u dayactirka ka socda garoomada kubbadda cagta maamulka Puntland. “Safarkeenii Puntland wuxuu ahaa mid aan qiimeyn ku samaynay garoomada kubbadda cagta maamulka Puntland waxaana la kulanay guddiyada u qaabilsan horomarinta,waxaana ku dhiiri-gelinay howlaha ay hayaan wuxuuna Xiriirka ku taageeray mashruuca dhismaha garoomada Puntland lacaga dhan 20,000 $” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay guddoomiyaha X.K.Cagta Cabdiqani Saciid. Tan iyo markii dib loo doortay guddiga fulinta Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya 15-November 2018 waxaa soo baxay ifaalo wanaagsan ee dhinaca horomarinta gobolada,wuxuuna Xiriirka maamul Goboleed kasta uu u sameeyay urur u gaar ah kana shaqeeya danaha iyo horomarinta maamulkiisa waxaana dhallinyarada iyo bahda isboortiga Maamul Goboleedyada ay u arkaan mid horomar u ah deegaanadooda. Sanadkii lasoo dhaafay 2019 waxaa xafiisyo ay ku shaqeeyaan loo furay ururada Kubbadda Cagta Maamul Goboleedyada ee kala ah Galmudug,Hirshabeele,Koonfur Gabled iyo Jubaland,halka Puntland ay iyagan horay u la haayeen waxaana Xiriirka arintan uu arkaa mid aad u wanaagsan sida sahlan ay u wada shaqeeyaan madaxda X.K.Cagta iyo Ururada Maamul Goboleedyada. Halkan Ka Daawo Warysi Uu Guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab siiyay Goobjoog Sports W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee Jubbaland ayaa markii ugu horreysay faah faahin ka bixisay baxsashadii wasiirkii hore ee amniga maamulkaasi, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan oo muddo u xirnaa dowladda Soomaaliya. Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in baxsashada wasiirka ay fududeeyeen dhinacyo kala duwan, sida uu hadalka u dhigay. Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa ka gaabsaday inuu shaaciyo magacyada xubnaha ka dambeeyey sii deynta wasiir Janan, balse wuxuu qiray inay jiraan saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya oo gacan weyn ka geystay arrintaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu u mahadcelinayo cid kasta oo ka qeyb qaadatay dadaalladaasi, islamarkaana garatay in si sharci darro ah lagu heystay mas’uulkaasi. Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland oo wax laga weydiiyey inay ku lug lahaayeen fakashada Janan ayaa qiray inay madaxda sare ee dowlad goboleedka Jubbaland si aad ah uga shaqeyeen, ugu dambeyna ay ku guuleysteen dadaalkoodii. Cabdirashiid Janan oo garoonka Aadan Cadde laga qabtay 31-kii August ee sanadkii hore ayaa tan markaasi Muqdisho ugu xirnaa dowladda, balse wuxuu Jimcihii isagoo baxsad ahaa doon ku tegay magaalada Kismaayo. Si kastaba ha’ahaatee Janan ayaa haatan arrimo caafimaad u jooga magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya oo lagu geeyey diyaarad gaar ah oo aheyd nooca milatariga.
  15. Qoraal ka soo baxay taliska Mareykanka ee ka howlgala Africa ee loo yaqaan AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn dhinaca cirka ah lagu dilay xubin ka tirsan Al shabaab. Duqeyntan oo ka dhacday degmada Jilib ee gobalka Jubbada dhexe ayuu mareykanku sheegay in lagu dilay xubin ka tirsan Shabaab oo duqeynta lala beegsaday. Sidoo kale AFRICOM waxa uu sheegay in duqeyntaasi aysan waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ahba aysan ka soo gaarin dadka shacabka ah ee ka agdhawaaa goobta duqeynta laga geystay. Taliska AFRICOM ayaa xusay in ay sii wadi doonaan howlagalada lagu bartilmaameedsanayo dagaalyahanada Al shabaab. Mareykanka ayaa sanadkaan cusub ee 2020 kordhiyay duqeymaha uu ka geysto gudaha Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Nairobi ( Caasimada Online) – Dagaalyahanno hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay gudaha u galeen gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahannadaasi oo aad u badan lagu arkay deegaanka Dad-Bule oo hoos yimaada degmada Wajeer ee gobolkaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay wargeyska afka dheer ee Daily Nation ayaa sheegay in dagaalyahannadaasi ay dadka deegaanka isugu yeereen goob fagaare ah, una sheegeen in aysan warbixin ku aadan xogtooda sii karin laamaha amniga dalkaasi. Sidoo kale waxa ay sheegeen inay shacabka ku amreen in aysan sheegi karin xitaa in dagaalyahanno Shabaab ah ay soo galeen deegaankaasi. Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana haatan cabsi xoogan ay ka jirtaa agagaarka magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari. Dhanka kale ciidamada sida gaarka u tababaran ee Kenya ayaa dhaq dhaqaaqyo ka wada dhanka xadka Soomaaliya, kuwaas oo ka hortagayo weerarada Al-Shabaab. Maalmihii ugu dambeeyey kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fuliso dalka Kenya, kuwaas oo geysta khasaare xoogan.
  17. At least one al-Shabaab militant has been killed following an airstrike in an al-Shabaab stronghold area in Southern Somalia. In a statement, U.S. Africa Command said in coordination with the Somali government, US military conducted an airstrike targeting an al-Shabaab terrorist near Jilib town. The attack happened on Sunday, according to the statement. “Al-Shabaab is an al-Qaeda affiliate seeking to further its jihadist agenda,” said U.S. Army Maj. Gen. William Gayler, director of operations, U.S. Africa Command. The military said the initial assessment concluded the airstrike killed one terrorist. “Removal of even one terrorist makes the region and the U.S. safer. Continuous pressure on the network is necessary to prevent al-Shabaab from building a safe haven and exporting violence,” Gen. William. The statement further noted that “We currently assess no civilians were injured or killed as a result of this airstrike.” U.S. Africa Command vowed that it will continue to work with its partners to transfer the responsibility for long-term security in Somalia to the Federal Government of Somalia and its Member States. “In support of the Federal Government of Somalia, U.S. forces will use all effective and appropriate methods to assist in the protection of the Somali people, including partnered military counterterrorism operations with the Federal Government of Somalia and Somali National Army forces,” AFRICOM said. The attack comes barely four after the US military bombed al-Shabaab bases in the same vicinity in southern Somalia. The drones belonging US military have destroyed a camp in Jilib town. “In the early morning of 29 January, The Federal Government of Somalia in coordination with and supported by the US Government conducted an airstrike inside the al-Shabaab-controlled city of Jilib. One al-Shabaab occupied compound was destroyed in the strike,” the statement reads in part. Yesterday’s attack is third in less than a week with the first one happened on the 27th of last month. View the full article
  18. Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa saaka ciidamo horleh u daabushay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, halkaasi oo maalmihii u dambeeyay ay geysay ciidamo kala duwan oo aad u hubaysan. Cutubyo ka tirsan Ciidanka Sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaanno HARAMCAD-ka, ayaa saaka diyaarad looga qaaday Garoonka Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku wajan degmada Luuq ee gobolka Gedo. Dhinaca kale, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay, in ay qalalaaso ka waddo gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubaland, halkaasi oo maalmihii u dambeeyay ay ku daabulaysay ciidamo kala duwan. Wasiirka ayaa sheegay, in hub iyo gaadiid dagaal ay dowladdu geysay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, si ay halkaa colaad uga abaabusho, islamarkaana isaga hor-keento shacabka gobolkaasi iyo dowlad goboleedka Jubaland. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka oo ciidamo ku daabulaysa gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.
  19. Taliska howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray hambalyo ugu diray madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo ku xigeenkiia oo shalay lagu doortay gudaha magaalada Dhuusamareeb. AMISOM ayaa ugu baaqday madaxweynaha cusub ee Galmudug inuu waqti badan ku bixiyo dadaallada nabadeed ee maamulkaasi. Sidoo kale qoraalkaan ayaa lagu sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo qabyo ah, islamarkaana loo baahan yahay inuu wax ka qabto madaxweyne Qoor Qoor. Ugu dambeyn AMISOM ayaa warkaan ku sheegtay in ciidamadeeda la geeyey degmada Dhuusamareeb ay ka war qabaan beesha caalamka iyo dowlada dhexe, islamarkaana ay Galmudug kala shaqeyn doonaan kaliya arrimaha ammaanka ee maamulkaasi. View the full article
  20. Wasaaradda beeraha dowladda federaalka ayaa ka digtay Ayax mar kale ku dagi kara qeyba ka mida dhulka Soomaaliyeed ka dib dhibaato uu cayayaankaasi ku hayay dhul fara badan. Wasiirka wasaaraddaasi Siciid Xuseen Ciid oo la hadlay BBC kuna dhawaaqay xaalad deg deg ah ayaa sheegay in Ayaxu uu ka yimaado dhulka saxaraha ah iyo qeybo ka mida dalka Yeman islamarkaana ay haatan soo saaren digniino lagu wajahayo Ayaxaasi. wasiirka oo ka hadlayay halka uu ka yimid Ayaxan ayaa yiri “waxa uu ka imaanaya saxaraha carbeed oo ka soo galaya xeebaha bariga Soomaaliya” Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in cabsida Ayaxa ay keenayso xilli roobaadka soo aadan isaga oo sheegay in degmooyin 10 gaaraya uu markii hore ku fiday cayayaankaasi. “Waxaa keenay dhibaatadii oo aad u soo badanaysa iyo cabsi weyn oo laga qabo xilliga roobka oo soo aadan in korokorooyin cusub ay ku habsadaan Soomaaliya marka runahaantii culeyskaas aad ayuu soo badanayaaa” ayuu yiri wasiir Siciid Dhanka kale wasiir Siciid Xuseen Ciid ayaa ka dhawaajiyay in ay diyaariyeen dad ka shaqeeya sidii loola tacaali lahaa Ayaxa, waxa uuna xusay in qalab aan badnayn iyo wacyigalin ay sameeyeen. “Annagu ilaa 14 degmo oo Ayaxu markii horay maray ayaan shaqo ka bilawnay dad baan u tababarnay sidii loola tacaali lahaa Ayaxa qalab aan badanayn oo gacanta ah waan siinay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka beeraha XFS. Ugu dambeyn wasiirka ayaa ku baaqay in loo diyaargaroobo ka hortag dhulka iyo circa ah oo ku aadan duufaanta Ayaxa ee la filayo bilaha 3-ad iyo 4-aad. “Waxaan baaqaan u soo saarnay sidii loogu diyaar garoobi lahaa in la sameeyo ka hortag dhulka iyo cirka ah loona diyaargaroobo dufaanta Ayaxa ee la filayo bilaha 3-aad iyo 4-aad” ayuu ku baaqay Wasiir Siciid Xuseen Ciid. Cayayaankaan ayaa la tilmaamaa in saacadiiba uu jari karo masaafo gaaraysa 150km. Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalada dalka ayuu ku habsaday Ayaxan waxaana walaac ka muujiyay beeralayda iyo xoola dhaqatada Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ka hadlay doorashadii madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa ee shalay ka dhacday gudaha magaalada Dhuusamareen ee xarunta gobolka Galgaduuud. Warsaxaafadeed AMISOM ayaa ugu horreyn hambalyo ku aadan doorashada loogu diray hoggaanka cusub ee maamulkaasi. Sidoo kale taliska ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo ku xigeenkiisa u rajeeyey inay guul ka gaaraan xilal kaas culus. “AMISOM waxay u hambalyeynaysaa dhammaan xubnaha cusub ee loo doortay dowlad-goboleedka Galmudug, madaxweynaha iyo ku-xigeenka Galmudug, waxaanan u rajeyneynaa guul inay ka gaaraan xilalka cusub” ayaa lagu yiri qoraalka AMISOM. Warkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ay hor yaallaan howlo kala duwan oo muhiim ah, islamarkaana baahan in wax laga qabto, sida arrimaha dib u heshiisiinta, si xal waara looga gaaro tabashooyinka haatan jira. “AMISOM waxay ka warqabtaa in wax badan weli loo baahan yahay in la qabto waxayna ku boorrisay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye inuu ku sii wado hiigsiga shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug uuna hubiyo in dhammaan daneeyayaasha ka soo jeeda Galmudug ay helaan meel la hubo oo ku xeeran”. Ugu dambeyn taliska AMISOM ayaa ballan qaaday inay la shaqeyn doonaan madaxda cusub ee dowlad goboleekda Galmudug, si wax looga qabto ammaanka maamulkaasi.
  22. Boqortooyada Sucuudiga ayaa ka horjoogsatay wafti ka socday dowladda islaamiga Iiran inay ka qaybgalaan shirka ururka iskaashiga Islaamla ee OIC oo maanta oo isniin ah ka dhacaya magaaladda Jidah. Afhayaheen u hadlay wasaaradda arrimaha dibada ee Iiran oo lagu magacaabo Cabaas Mousavi ayaa sheegay in dowladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay u diiday waftiga Waraaqaha dal ku galka sucuudiga (VISA) Dowladda Sucuudigu waxay ka horjoogsatay waftiga inay ka qaybgalaan shirka oo lagaga hadlayo qorshaha madaxweynaha Maraykan Trump ee Nabada Bariga dhexe ee Heshiiska qarniga” ayuu yidhi Afhayeenku Mousavi wuxuu sheegay inay warqad cabasho ah u gudbiyeen Ururka OIC, dowladda Sucuudigu weli kama hadlin eedaynta Iiraan. Dowladda Iiraan ayaa cambaaraysay Heshiiska madaxweyne Trump, halka boqortooyada Sucuudigu ayna weli ka hadlin mowqifka ay ka taagan tahay. Source