-
Content Count
214,348 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusaamreeb (SMN) – Madaxwaynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan mahad celin ah kula qaatay xarunta Madaxtooyada Galmudug Taliyayaasha Ciidamada Amisom ee ku sugan Deegaanada Galmudug. Qoor-qoor ayaa la sheegay in uu saraakiisha uga mahadceliyey shaqada adag ay u hayaan bulshada ku dhaqan deegaanada dowlad goboleedkaas. Saraakiisha ayaa la tilmaamay in ay balanqaadeen in ay maamulkiisa si dhow ula shaqeyn doonan ayna qeyb ka noqonayaan dagaalka Al-Shabaab. Gabagabadii, Qoor-qoor ayaa la tibaaxay in uu xubnahaan ka codsaday in ay maamulkiisa kala shaqeeyaan nabad-gelyadda isagoo shacabka ku booriyey in ay qeyb ka qaataan sidii gacanta dowlad goboleedka loogu soo celin lahaa degaaanada ka maqan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halka loogu talagalay in laga fuliyo mashruuc dhismaha casriga ah Marina Beach Estate ee degmada Kaaraan ayaa ah dhul baaxad weyn islamarkaana dhinac ka xigo dhul xeebeyd ay ka faa’ideysan doonaan maalgashiyaasha xaafada cusub ee Marina Beach. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay hirgalinta mashruucan iyada oo ay goob jog ka ahaayeen wasiiro iyo xildhibaano katirsan DFS, ra’isul wasaarihii hore ee Dowlada Soomaaliya, duubabka dhaqanka, ganacsato iyo mas’uuliyiin kala duwan. Liino Xasan Maxamed oo ah guddoomiyaha xaafada cusub ee Marina Beach ayaa tilmaamtay mashruucan oo ka koobnaan doono dhowr qeybood oo si casri ah loo hirgalin doono. Xildhibaan Caasha Koos iyo Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo munaasabada ka hadlay ayaa bogaadiyay hirgalinta xaafadan cusub. Ra’isul wasaarihii hore ee Dowlada Soomaaliya Cali Maxamed Geedi waxa uu ku dhiirgaliyay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashi xoogan ku sameeyan dalkooda. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa goobta ka sheegay in Ilaahey uu dalkeena ku maneestay kheyraad kala duwan oo u baahan in laga faa’ideysto islamarkaana lagu tartamo wanaaga iyo horumarka. Wasiirka Ganacsiga XFS Eng Cabdullaahi Cali Xasan ayaa tilmaamay in horumara kala duwan oo bogaadin mudan ay dalka ka socdaan. Ugu dambeyntii, Cumar Filish oo soo hadal-qaadey hanaanka loo marayo helista maqaamka magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey in ay sameyn doonan latashiyo kala duwan isla markaana rajo ka qabaan in la helo. View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta xiray xafiiska guddiga doorashooyinka qaranka Soomaaliya uu ku leeyahay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaas. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu amray in maamulka gobolka Nugaal ee magaalada Garoowe ay ka tirsan tahay uu xiro xafiiskaas, laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay Febraayo 6, 2020. Qoraalka kasoo baxey wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa sidoo kale waxaa lagu farey dhamaan mas’uuliyiinta heer degmo iyo heer gobol in aan wax howl ah oo la xiriira guddiga doorashooyinka federaalka laga qaban karin degmooyinka iyo gobollada Puntland. Puntland ma aysan shaacin wax sabab ah oo ay qaadatay go’aanka ay ku xirtay xafiiska. Hase yeeshee, tallaabadan ayaa kasii dareysa xiriirka markii horeba xumaa ee labada dhinac. Sidoo kale, go’aanka Puntland ayaa yimid maalin un kadib markii dowladda Mareykanka ay wada-hadallo iyo dib u heshiisiin ugu baaqday dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Hoos ka aqriso warqadda Puntland
-
(SLT-Hargeysa)-Fadhigii 54aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu lafo-guray mashruuca maamul-daajinta dawladaha hoose ee Bulshada loogu dhaweynayo Adeegyada Aas-aasiga ah ee JPLG-ga iyo arrimo kale oo qaranka muhiim u ah. Ugu horayn madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa golaha warbixin dheer ka siiyay mashruuca horumarinta iyo maamul daadejinta Dawladaha hoose ee JPLG oo laga maamulo xafiiska madaxweyne ku xigeenka, isagoo xusay marxaladihii mashruucu soo maray iyo sida dawladaha hoose uga faa’iidaystaan. Madaxweyne ku-xigeenku wuxu tilmaamay in mashruucan oo dalka ka bilaabmay sannadkii 2008-dii Laguna bilaabay 8-degmo sannadkan 2020-kana lagu fidiyay 3-degmo oo cusub oo ah degmooyinka Ceergaabo, Laascaanood iyo Caynaba. Dhinacooda masuuliyiin ka socday xafiiska mashruucan, ayaa golaha u soo bandhigay heerka horumarineed ee mashruucan iyo maamul-daadejintiisa oo lagu ballaadhiyay adeegga Aas-aasiga ah ee arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha, waxana mashruucani muujinayaa diyaarinta qorshaha degmooyinka iyo horumarka maamul-daadejinta, isaga oo door muuqda ka qaadanaya kor uqaadidda iyo koboca dhaqaale ee dawladaha hoose ee dalka. Sidoo kale, wasiirka wasaarada horumarinta caafimaadka, ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee caafimaadka dalka, isagoo dul istaagay diyaar garowga wasaaradda horumarinta caafimaadku ka gashay sidii looga gaashaaman lahaa ka hortagga caabuqa coronavirus, iyadoo madaarrada, dekedaha iyo xuduudaha dalka Jamhuuriyada Somaliland heegan buuxa la geliyay laguna diyaariyay kooxo caafimaad oo tababaran. Wasaaradda horumarinta caafimaadku waxay bulshada Somaliland ku baraarujinaysaa inay ilaaliyaan fayo-dhawrka iyo nadaafadda goobahooda waxayna wasaaraddu kaashanaysaa hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO iyo daneeyayaasha caafimaadka Somaliland. Dhinaca kale, guddida arrimaha bulshada ee golaha ayaa warbixin qoto dheer golaha ka siiyay qorshaha dadka baahiyaha gaarka ah leh, iyagoo soo diyaariyay sidii dadkaas looga taageeri lahaa caafimaadka, waxbarashada iyo xirfadaha. Ugu danbayn wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, ayaa golaha u soo bandhigay daraasadda gaadiidka dawladda isagoo iftiimiyay qorshayaasha loo dejiyay gaadiidka ee ilaalinta, dayactirka iyo tayaynta gaadiidka. Source
-
Puntland oo xirtay xafiiskii guddiga doorashooyinka Qaranka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Garowe (SMN) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa xiray xafiiskii Guddiga doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya ee Garoowe ku yaallay. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article -
Wasiir Dhabancad Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, ayaa maanta oo Khamiis ah albaabada u laabtay xafiiskii Guddiga Doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya, uu ku lahaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa lagu wargeliyay Maamulka Gobolka Nugaal, in Wasaaraddu ay xirtay Xafiiskii Guddiga Doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku lahaa Garowe, laga bilaabo maanta oo ku beegan 6 February 2020. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu wargeliyay dhammaan Guddoomiyaasha gobollada iyo Degmooyinka Puntland, in ilaa iyo amar dambe Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, aysan wax shaqo ah ka qaban Karin Gobollada iyo Degmooyinka Puntland. PUNTLAND POST The post Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo ilaa amar dambe laga mamnuucay degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Shirka Golaha Xukuumadda ee maanta oo Khamiis ah Puntland uu Shir-guddoomiyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Safarkii Madaxweynaha ee dalka Kenya. Deeqaha lagu helo magaca Soomaaliya iyo aragtida Puntland. Sidoo kale waxa Golaha looga hadlay Xaaladda Gobolada iyo degmooyinka Puntland (Hindisaha Horumarinta Degmooyinka aan ku jirin Mashruuca JPLG-ga) iyo soo jeedinta guddi qiimeeya lacagaha lagu qaado magaca Dowladda. Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xassan Axmed (Sabareey) ayaa markii Shirkaasi soo dhammaaday faahfaahin ka bixiyay qodobadii looga hadlay. Halkaan ka daawo hadalka Sabareey PUNTLAND POST The post Puntland oo daba-gal ku samaynaysa Lacagta lagu qaato magaca dowladda appeared first on Puntland Post.
-
Shirkii golaha wasiirrada Somaliland ee maanta oo Khamiis ah uu shir-guddoominayay madaxweynaha maamulkaasi Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa looga hadlay mashruuca maamul-daajinta dowladaha hoose ee JPLG-ga. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa golaha warbixin dheer ka siiyay mashruuca horumarinta iyo maamul daadejinta Dawladaha hoose ee JPLG oo laga maamulo xafiiska madaxweyne ku xigeenka, isagoo xusay marxaladihii mashruucu soo maray iyo sida dawladaha hoose uga faa’iidaystaan. Dhinacooda masuuliyiin ka socday xafiiska mashruucan, ayaa golaha u soo bandhigay heerka horumarineed ee mashruucan iyo maamul-daadejintiisa oo lagu ballaariyay adeegga as’aasiga ah ee arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha. Sidoo kale, wasiirka wasaarada horumarinta caafimaadka, ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee caafimaadka Somaliland, isagoo dul istaagay diyaar garowga wasaaradda horumarinta caafimaadku ka gashay sidii looga gaashaaman lahaa ka hortagga caabuqa coronavirus. Dhinaca kale, guddida arrimaha bulshada ee golaha ayaa warbixin golaha ka siiyay qorshaha dadka baahiyaha gaarka ah leh, iyagoo soo diyaariyay sidii dadkaas looga taageeri lahaa caafimaadka, waxbarashada iyo xirfadaha. PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay Shirkii golaha Wasiirada Somaliland? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Soomaaliya Marwo Fowziyo Abiikar Nuur ayaa furtay shirka maalinta Caalamiga ah ee ka hortagga FGM-ka. Wasiirka Wasaaradda Caafilaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur waxaa ay sheegtay In lagama maarmaan ay tahay in la xoojiyo ka hortagga gudniinka Fircooniga ah, kaasi oo dhibaato ku yeeshay gabdhaha Soomaaliyeed Sidoo kale Wasiir Fowsiya waxaa ay tilmaamtay in kaliya looga baahneen dumarka in ay ka shaqeeyaan ka hortagga gudniinka balse ay ku dhiirigelineyso dhalinyarda ay ka qeyb qaataan joojinta gudninka. Waxaana dhammaan Bulshada Soomaaliyeed kula dardaarantay in loo wada istaago gudninka dhibka ku haya Bulshada sida ay sheegtay. View the full article
-
Maxamed Macallin Muxumed (Maadeey) Dowladd goboleedyada Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay Ugaas ka tursanaa Al-shabaab. War lagu baahiyey warbaahibta dowladda Jubbaland ayaa lagu sheegay in ciidanka ammaanka degmadda Af-madoow uu isku soo dhiibay Ugaas Maxamed Macallin Muxumed oo loo yaqaan Maadeey. Waxay Jubbaland sheegtay in Ugaasku uu kamid ahaa odayaasha dhaqanka ee ay sameysteen Al-shabaab, isagoo Ugaas u ahaa beel kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega degaanada Jubbaland. Jubbaland oo sidoo kale baahisay sawirka Ugaaskan ayaa sheegtay in uu laba cisho ka hor ka soo baxsaday degmada Jilib, kadib markii Al-shabaab dhibaato u geysteen, sida ay sheegtay. PUNTLAND POST The post Ugaas Al-shabaab sameysteen oo isku soo dhiibay Jubbaland appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (SMN) – Ugu yaraan saddex qof ayaa dhimatay kadib markii rasaas lagu furay gaari ay la socdeen oo marayey qaybo kamid ah gobolka Mudug. Dhacdadaan ayaa laga soo wariyey degaan 35 KM dhanka galbeed kaga toosan magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolkaas. Maxamuud Cilmi Gulaafe, oo kamid ah saraakiisha booliska, ayaa sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen shacab gaar ahaan ganacsatada Khaadka. Dadka degaanka ayaa sheegay in dilkaan ay ka dambeeyeen maleeyshiyaad ka yimid degaano ka tirsan maamul goboleedka Puntland. Muddooyinkii u dambeeyay dilalka noocaan ah ayaa aad ugu yaraa gobolka, waxaana ay ka dambeysay markii ciidamo isku dhaf ah loo sameeyay magaalada. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Kaak.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo kulan caalami ah uga qeyb galayay magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa jeediyay khudbad uu uga hadlay colaadaha kajira geeska Africa iyo saameynta Al-shabaab ee gobolka. Madaxweyne Uhuru ayaa inta ay khudbadiisa socotay sheegay in loo baahanyahay in Mareykanka uu saaxiib dhaw la noqdo dalalka dagaalka xoogan kula jira argagixisada geeska Africa,sida uu hadlaka u dhigay madxweyne Uhuru. Sidoo kale madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa tilmaamay in kooxaha argagixisida ee geeska Africa ay isku uruursanayaan in ay hor joogsadaan horumarka gobolka,sidaas darteedna loo baahanyahay in meel looga soo wada jeesto. Uhuru ayaa sheegay in dagaalyahanada Alshabaab oo uu sheegay in ay tahay in dhaqaale badan uu kasoo galo suuqa madoow iyo ganacsiga sharci darada,isagoo dowlada Soomaaliya iyo beesha caalamka ugu baaqay in arintaasi ay tahay in wax laga qabto. Isagoo sii hadlayay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dedaalada lagu doonayo in lagu wiiqo awooda Alshabaab ay qeyb weyn ka qaadaneyso in laga hor joogsado dhaqaalaha ay sameeyaan. Dowlada Kenya ayaa dagaal xoogan kula jirta Alshabaab oo qeybo kamid ah dalkaasi Kenya inta badan ka fuliya weeraro qasaara geysta,waxaana ugu danbeeyay weeraro Alshabaab ay ka fuliyeen deegaano katirsan gobolka woqooyi bari dalka Kenya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Baarlamaanka dalka Turkiga oo kulan ku yeeshay magaalada Ankara ayaa muddo hal sano ah ugu kordhiyay Ciidamada ka howlgala dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Gacanka Cadmeed. Ciidamada Turkiga ee mudo kordhinta loo sameeyay ayaa waxa ay isugu jiraan kuwo ilaaliya Maraakiibta mara Biyaha Soomaaliya, Gacanka Cadan iyo Marin biyoodka Baabal Mandab. Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa dood dheer kadib waxa ay isku raaceen in Ciidamadooda ay sii joogaan ilaa 10-ka February ee Sanadka 2021ka, waana markii 12-aaad tan iyo 2008 oo baarlamaanka Turkiga uu muddo kordhin u sameeynayo Ciidamada Turkiga ee ka howlgala Bariga Afrika iyo Gacanka Khaliijka Carabta. Ugu danbeyn joogitaanka ciidamada Turkiga ee biyaha Soomaaliya,gacanka Cadan iyo biyaha carbeed ayaa wax badan ka tara amaanka Marin Biyoodka Baabal Mandab oo ah midka 4aad ee ugu adeegsiga badan Caalamka, waxaana marinkaasi ku kala goosha maraakiibta sida shixnadaha ganacsiga iyo maraakiibta qaada saliida ay soo saaraan dalal ka tirsan bariga dhexe. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/War-Duhur-06022020-sx.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Dowladda Soomaaliya usoo jeediyey talo ku aadan sidii dhaqaalaha looga jari lahaa Kooxda Al-Shabaab mar uu ka hadlayey madasha Atlantic Council. Kenyatta ayaa madasha ka sheegay in kooxaha xagjiriinta ah, Maleeshiyaadka iyo Dambiilayaasha ay mar hore saameyn xun ku yeesheen xasiloonida iyo midnimada Gobolka. Uhuru ayaa si cad u sheegay inaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjiriinta ah aan marnaba lagu guuleysan karin in laga jaro dhaqaalaha haddii aan si cad looga hortagin musuq maasuqa iyo Suuqa madow. Beesha Caalamka iyo Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqay inay iska kaashadaan sidii looga hortagi lahaa wax isdabamarinta taasoo uu arko inay tahay wadada kaliya ee Al-Shabaab looga adkaan karo. Uhuru ayaa si gaar ah ugu taliyey in laga hortagi ganacsiga sharcci darada iyo midka suuqa madow. Ugu dambeyntii Uhuru ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan Soomaaliya ay sabab u tahay dagaal wakiileed ka socdo dalka inkastoo uusan magacaabin cid gaar ah. Hadalka Uhuru Kenyatta ayaa kusoo aadayo xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo u dhaxeyso Soomaaliya iyo Kenya iyadoo Shalay ay Dowladda Soomaaliya soo saartay digniin ku aadan inay Kenya joojiso faragelinta siyaasadeed iyo midka ciidan oo ay ka wado gudaha Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Gedo.
-
Al-Shabaab militants launch attack on KDF convoy in Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The Al-Qaeda-linked Al-Shabaab militants have launched a daring raid on Kenyan military convoy in southern Somalia on Thursday, local residents said. The attack which began with landmine blast struck KDF convoy near Dhobley town has triggered a face-to-face gunfight between the Kenyan forces and Al-Shabaab fighters. The details of the casualties on both sides remained sketchy as the area is remote and battle zone. Jubaland state is likely to releases a statement on the attack shortly. Al-Shabaab has intensified attacks on Somali and foreign forces in Somalia in recent months as part of the group’s bid to topple the UN-backed Federal Government. View the full article -
The Federal Government of Somalia was reported to have sent additional troops and fighting vehicles to the troubled Gedo region, southwest of the country. The deployment comes after the government has seized control of Balad-Hawo and Dolow towns, near the Somali-Kenyan border this week from Jubaland amid a standoff between the two sides. The latest reports from the region indicate that a tense situation was mounting on the outskirts of Balad-Hawo between the Somali army and the regional troops trying to regain control. The town has recently hosted Jubaland security minister Abdirashid Janan who is wanted by the Somali government for “serious crimes” against civilians in Gedo province. Janan who escaped from detention in Mogadishu on January 28 is now on the run and holed up in Nairobi, where Jubaland state president Ahmed Madobe was staying for days. View the full article
-
Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa maanta oo Khamiis ah dammaanad ku siidaysay weriye, Cumar Maxamed Soomane oo ka tirsanaa Xafiiska Warfaafinta madaxtooyada dowladda Puntland, kadib markii xalay lagu xiray magaalada Garoowe. Cumar Soomane, ayaa shalay laga rukhseeyay Xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland, waxaana isla xalay laga qabtay gudaha magaalada Garoowe, isagoo xabsiga la dhigay. Weriyaha oo maanta la horkeenay maxkamadda derejada kowaad ee Garoowe, ayaa lagu sii daayay dammaanad 7 cisho ah, inta laga baarayo eedaymo la sheegay in loo haysto, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamed Xareed Faaarax. Xareed oo wax laga weydiiyay arrimaha uu ku eedaysanyahay Cumar Soomane, ayaa sheegay in su’aashaasi laga jawaabi doono kadib markii uu baaritaanku soo dhammaado. PUNTLAND POST The post Cumar Soomane oo mudda kooban dammaanad lagu sii daayay appeared first on Puntland Post.
-
Aqoonyahan Maxamed Axmed Caalim oo wareysi siinayay Goobjoog News ayaa sheegay in sanadka 2020-201 aysan dalka ka dhici Karin doorasho qof iyo cod ah isaga oo tilmaamay in madaxda dalka waqtigooda ugu badan ay ku lumiyeen khilaafka kala dhaxeeya dowlad goboleedka dalka ka jira. “maadaama sanadkii seddexaad ay maalmo ka dhimanatahay madaxweyne Farmaajo xilligii xilka loo dhaariyay, wey adagtay in 11-bilood ay wadanka doorasha hal qof iyo hal cod ah ka dhacdo, marka haddii aysan jirin goob doorasho iyo aqoonsi qofka wax dooranayay iyo tira koob dadka wax dooranaya, waxa ay iila muuqata in doorashada sanadka 2020-2021 ay adkaan doonto” ayuu yiri aqoonyahan Caalim. Dhanka kale aqooyahankan ayaa tilmaamay in siyaasadda dalka ay tahay mid qasan waxa uuna ku sababeeyay in ay tahay dastuurka ku meel gaara ah ee dalka oo uu sheegay in dhamaan madaxdii hore xilka looga qaaday. Aqoonyahan Caalim ayaa yiri “Siyaasaddu wey qasan tahay dastuurka wadanka waa ku meel gaara isagaana xilalkii looga qaaday Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh laguna doortay Farmaajo, marka qalalaasaha siyaasadeed waxaa keenaya dastuurkan qabyada ah” Madaxda haatan talada haysa ayaa waxa ay ku adkaysanayaan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, waxaana dadka siyaasadda Soomaaliya falanqeeya ay sheegayaan in arrintaasi ay tahay mid aan suurta gali Karin maadaama dalku uu ku jiro xaalad amni darro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The U.S. has called on Somali Federal Government and the Federal Member States to re-engage in talks to resolve the current political and security crisis in the nation. The United States ambassador to Somalia, Donald Yamamoto urged Somali leaders to put aside their differences, act together and re-commit themselves ‘to defeat al-Shabaab. “We implore the Federal Government of Somalia, the Federal Member States, Parliament, and all relevant stakeholders to work together to establish security and to ensure credible elections in 2020/1,” Yamamoto said. The US also called on all parties to ‘negotiate in good faith, resist the temptation to act as spoilers, and avoid destabilizing the political process in any way’. The statement comes after Federal Government supported the election of former state minister Ahmed Kariye Qoorqoor as the new president of Galmudug state. View the full article
-
Ururka Suxufiyiinta Puntland ee Map ayaa dammaanad ku soo dayay Wariye Cumar somane oo ay xalay xireen ciidamada booliiska ee Magaalada Garoowe. Boolisku waxay sheegeen in loo xiray warar uu baahiyay, dhawaan cumar waxaa uu ku biiray xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
