-
Content Count
214,348 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaanada golaha aqalka sare oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda ayaa waxa ay dood adag ka yeesheen akhrinta 3-aad ee hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka iyaga oo maanta ugu dambeyn ansixiyay sharcigaasi. Gudoonka golaha aqalka sare ayaa sheegay in cod aqlabiyad leh ay Senetarada golahaasi ku meel mariyeen sharciga doorashooyinka qaranka oo dood adagi ay ka taagnayd. Sharcigan Waxaa Ogaaladay 27 Senatar, Waxaa diiday 6, Cidna kama amuusin. Sharcigaan ayaa horay waxaa u soo meel mariyay 28-kii December xildhibaanada golaha shacabka Soomaalia. Sharcigan ayaa dhaqan galaya marka uu saxiixo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Jaamac Axmed Xuseen, waxaa bar bilowgii shaqadiisa uu ka soo bilaabay sanadkii 2004-tii ilaalinta Jaamacadda Hargeysa oo uu ka noqday Waardiye ama qofba sidu u yaqaano wash man. Waxaanu Jaamac isla wakhtiga bilaabay barashada luuqada Ingiriisiga oo uu galay Private-kii Nuradiin, iyo sidoo kale 17-may oo uu ka bartay xisaabta. Odhaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda ‘Dedaala Xaaji Cabaas wuu Gaadhaa Dhaafina Karra’ ee dadaal dheer kadib Jaamac hada waa madaxa iibka iyo adeega Jaamacadda Hargeysa. Jaamac ayaa siweyn uga mahad sheegtay maamulka, masuuliyiinta, ardayda iyo shaqaalaha kala duwan ee ka hawlgala jaamacadda Hargeysa. Jaamac Axmed Xuseen ugu horeyn waxaa uu inala wadaagi doona halka uu ka soo bilaabay geedigiisa nolosha “Hadda waxaan ka shaqeeya Jaamacadda Hargeysa, gaar ahaan xafiiska iibka iyo adeega ee Jaamacadda, Procument and lojistics ofice, waxbarashaddeydii u horreysay waxaan ka bilaabay Isguulka Nuradiin waxaanan bilaabay Ingirisi iyo Xisaab, Ingirisida waxaan ka bilaabay Nuradiin Xisaabtana 17 May Isguul, sanadkii 2005-tii, islamarkaana waxaan dhammeeyay 2007-dii, islamarkaana 2007-dii waxaan galey Secondry School Nuradiina saddex sano ayaan ku jiray markii aan dhammeeyeyna waxaan galey Jaamacadda Hargeysa, afar sanadood oo Digriiya maamulka iyo maareynta qaybta xisaabaadka, isla sanadkaasi aan ka qalin jabiyeyna waxaan dib u bilaabay Mester heerka labaad oo maamul wanaaga iyo hoggaaminta ah 2017-kii bishii March ayaan ka qalinjabiyey” Jaamac waxaa uu bulshadda qaybaheeda kala duwan ugu baaqay in ay tagtadda iska daayaan oo timaadada iyo mustaqbalkooda ka fikiraan weli wakhtibay heystaane waxaanu yidhi “Jaamacada waxaan ka bilaabay shaqada waashmaannimada 6/2004-tii, jaamacadu markaa deyr may laheyn oo xoolaha iyo tuugta ayaa iska soo galayay sidaasi ayaanu markaa u ilaalin jirnay, marka bulshada waxaan leeyahay haku mashquulina wixii idinka tagey, oo tagtada iska daaya balse timaadada iyo mustaqbalkooda ha ka fikiraan oo weli wakhtibay heystaan ay noloshooda wax kaga bedelaan” Maamulaha dugsiyadda Nuradiin Mahad Ibraahim Maxamed ayaa Jaamac ku sifeeyey qisadda Jaamac tusaale nool waxaanu yidhi “Qalinyahow taariikhda qarada leh ku qor oo og-soonow, qudhan inuu ka soo baxo inta qaaday sharafte qiyamkiyo akhlaaqda leh, waxaa ay noo tahay Beer-wale intu wax beertay beertiisi badhaadhay, oo ay hawrtay oo baxday oo midha bixisay farxadda uu ku jiro oo kale ayaanu ku faraxsanahay. Source
-
Muqdisho ( Caasimada Online) – Siyaasiga mucaaradka C/raxmaan Cabdishakuur Warsame oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan waxa uu qabsoomay dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo oo maanta ay buuxsantay muddo 3-sano ah. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyey lix qodob oo uu sheegay inay ku fashilantay dowladda federaalka, kuwaas oo kala ah:- Dhismaha ciidamada, dhameystirka Dastuurka, qorsha amniga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka, wadahadalla Somaliland, dib u heshiisiin guud oo la hirgaliyo iyo siyaasaradda arrimaha dibadda oo uu siyaasigu tilmaamay in aysan fadhin. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hoggaamiyo xisbiga Wadajir ayaa si adag ugu dhaleeceeyey dowladda inay ka gaabisay wax ka qabashada lixdaasi qodob. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxa dowladdu taasi bedalkeed ay ku mashquuleen arrimo siyaasadeed oo iyaga u gaar ah, sida dagaalka maamul goboleedyada. Shirka jaraa’id ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku soo aadaya, iyadoo la filayo in caawa wasiirka warfaafinta Soomaaliya uu hor yimaado dadweynaha, isaga oo ka qeyb galaya barnaamij looga hadlayo waxqabadka dowladda 3-sano kadib.
-
Madaxweynaha Soomaaliya oo xasiixay shirciga Batroolka Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay Sharciga Baatroolka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka ay .hawaan meelmariyeen War ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sharcigan uu hagayo xuquuqda muwaadiniintu ay u leeyihiin in looga faa’iideeyo khayraadka ceegaaga dalka, isaga oo xeyndaab u noqonaya, kana ilaalinaya takri-falka, damaca shisheeye iyo musuqmaasuqa. Sharciga Baatroolka ee uu meelmariyey Madaxweyne Farmaajo la sheegay in uu ku saleysan yahay sharciyaddii Batroolka iyo macdanta dalka, dastuurka iyo heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ee lagu saxiixay Baydhabo. Sidoo kale, waxaa lagu sheegay war in meel-marinta Sharciga Baatroolka ay maalgashadeyaasha caalamiga ah u muujinayso sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka miro-dhalinta hiigsigooda ku aaddan xasilloonida dalka iyo in ay wadajir ugu tallaabaan Guga barwaaqo-sooranka iyo horumarka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan Qaar kamid ah dowlada goboleedyada dalka ayaa horey u qaadacay sharcigan, kuwaas oo sheegay in Sharciga Batroolka uusan waafaqsaneyn mabaadi’ida ku xusan Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, gaar ahaanna qodobkiisa 44-aad oo qeexaya in qeyb-siga Khayraadka Dabiicig ah uu noqdo mid ku dhisan Wada-xaajood dhexmara dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka. Arrinta ayaa cirka ku sii shareereysa khilaaf mudada jiray ee u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah dowladda goboleedyada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharci lagu muransanaa appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in goor dhow israsaaseyn laga maqlay gudaha degmada Beled-Xaawo ee gobolkaasi. Israsaaseynta ayaa timid, kadib markii ciidamo taabacsan wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ay gudaha u galeen qeybo ka mid ah degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi iyo kuwa dowladda ee ku sugan halkaasi ay isku dhaceen, islamarkaana uu dhexmaray iska hor imaad kooban. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in dagaalkaasi hal askari looga dilay wasiir Janan, halka laba askari laga dhaawacay dhanka ciidamada dowladda. Dadka aan la hadalmnay ayaa sidoo kale sheegay in haatan xaaladu ay dagan tahay, islamarkaana ciidamadii Jubbaland ay dib ugu laabteen duleedka degmada Beled-Xaawo oo ay markii horaba ka yimaadeen, halkaas oo ay ka wadaan dhaq dhaqaaq xoogan. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan xaaladda kacsanaanta ah ee ka jirta halkaasi iyo dhaq dhaqaaqyo ka socda gobolka Gedo. Dowladda federaalka ayaa maalmihii dambe isku fidisay gobolkaan, iyadoona Jubbaland ay dhankeeda bilowday dhaq dhaqaaqyo ay uga hortageyso ciidanka dowladda.
-
Xildhibaanada golaha aqalka sare ayaa maanta lagu wadaa in ay si rasmi ah u meelmariyaan sharciga doorashooyinka dalka si loo cadeeyo nuuca doorasho ee dalka ka qabsoomi doonto sanadka 2021-ka. 1-dii bishan ayey ahayd markii mudanayaasha aqalka sare ay dood adag ka yeesheen hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka,waxaana maalinkas la isku raacay fadhi kale. Fadhigaan maanta ayaa la filayaa in Senetarada aqalka sare ay meel mariyaan sharcigan oo ay horay u soo ansixiyeen xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanada golaha shacabka ayaa 28-kii Decemeber meel mariyay sharciga doorashooyinka qaranka haddii maanta ay meelmariyaan golaha aqalka sare waxa kaliya sharcigan u harsanaan doona saxiixa madaxweynaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
A. H. Warsame: Political accountability and rule of law Entrepreneurship is the one of the post-1991 success stories from Somalia. Some economists describe unbridled capitalism as the basis for the entrepreneurial drive that help Somalis cope with state collapse. Certainly the story of entrepreneurship in Somalia is not altogether rosy particularly twenty nine years after the state collapse in 1991. One may describe this story as a variation on what European foreigners such as Gerald Hanley and Richard Burton wrote about Somalis – tenacious and risk-taking among other qualities– but the reality is more complicated than a mere description or a sweeping remark. In a 2007 surveyof 41 African countries Somalia ranked 16th in terms number of mobile phone penetration and 11th in the number of internet users. Some 15 companies operate aviation services in Somalia. They use leased aircrafts and employ with foreign personnel for aircraft maintenance. Money the Somali diaspora sends home has been estimated at $1.5-1.8 billion annually. Hawala companies now provide an ever-growing range of banking services and have invested in other sectors of the economy. The World Bank calculated that Somalia’s GDP grew from around $1 billion in 1996 to more than $5.5 billion in 2007, with a real growth rate in 2007 of 2.6 %. This is a remarkable but uneven growth in a country that has had governments that were unable to deal political fallouts from state collapse. Businesses thrive under a rule of law. This is the experience I have gained as a former Golis Telecom CEO and then as a Puntland Minister for Education. The task of restoring the primacy of the law in an environment where politicians are accountable is not solely the enterprise of the political class. The Somali business community is undeniably intertwined with politicians. There is no available data on business start-ups and ease of doing business in different regions of Somalia. A study conducted by Mohamed Hussein Subeyr and Willy Muturi of Jomo Kenyatta University with Puntland State University brings to the light collateral requirements that prevent small businesses owners from acquiring microfinance. Enforcement of business contracts and the arbitration of business disputes require a reliable rule of law. “The Somali business community has played an important role in Somalia’s recent troubled history: at some points hindering efforts at reconciliation by financing warlords and their militias; at others working with local activists and NGOs seeking to establish peace” writes Lee Cassanelli of University of Pennsylvania. The considered view of Professor Cassanelli is borne out by facts but is not applicable throughout Somalia. In parts of Somalia where policeman elites have managed to restore a semblance of order businesses’ have metamorphosed into an entity that might undermine the accountability of politicians to the people. A 2016 World Bank report raised the alarm about the possibility of Somaliland legislature becoming beholden to businesses. Although it is specific to Somaliland, the World Bank assessment reflects the accurate picture of businesses in the Somali peninsula. This does not take away from the achievements of businesses to fill the limited role vacated by the government after the overthrow of the military regime. Somalia has a reached a stage where candid discussion about the role of business is long overdue. Such a discussion can provide the basis for efficient tax system that will strike a balance between the incentive to start a business and the obligation of businesses to contribute to boost government revenues. The Business community can no longer pretend it is standing outside the political sphere. At a time the phrase stakeholder capitalism is replacing shareholder capitalism, Somalia’s business leaders should take the lead in reassessing their business models to switch to business models that take environmental considerations into account. The biggest challenge the world faces is climate change. A reliable rule of law, political accountability and business leaders that place common social goals above high returns for shareholder value is what Somalia urgently needs. In a country like Somalia that is still grappling with effects of state collapse the impact unfettered business practices have on society should no longer be ignored. Higher education institutions in Somalia can lead the way to formulate the goals for these excitingly epochal times in which Somali businesses and the political class find themselves. Ali Haji Warsame is a former Somalia Presidential Candidate and former Minister of Education in Puntland, and former CEO of Golis Telecommunications Company in Somalia. Warsame holds MBA and is CPA and CGMA. The post Somali Businesses Should Promote the Rule of Law appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu meel mariyo sharciga Doorashooyinka Qaranka oo maalmihii la soo dhaafay uu Aqalku ka doodayay, kadib markii uu u saaray Guddi Sharcigan ka soo baaraan-daga. Doodda uu maalmihii la soo dhaafay Aqalka Sare ku eegayay sharcigan ayaa ahayd mid leh kala duwanaansho dhinaca aragtida ah iyadoo qaar ka mid ah Xildhibaannada ay tallooyin ka soo jeediyeen qaar kamid ah qodobo kujira sharcigan iyagoo soo jeediyay in lagu bedelo qodobo kale. Senatarada Haweenka ah ee ka tirsan Aqalka Sare ayaa maalmo ka hor buuq ka keenay qodobka 23-aad ee faqada 4-aad ee sharciga, taasoo ka hadleysay qoondada Haweenka. Senatarada Haweenka ah ee Aqalka Sare ayaa ku doodaya in %30 kuraasta loo xiro Dumar kaligoodna ku tartamaan, taasoo loo arko in aysan Dastuuri ahayn hadii sidaas loo dhigana laga yaabo in ay furto buuq cusub oo keeenaya in qodobadii lagu diiiday Sharcigii ay soo diyaarisay Xukuumada ee ka hor imaanayay Qodobka 89-aad ee Dastuurka. Inkastoo sharcigan wax ka bedel lagu sameeyay qodobadii horay u soo diyaarisay Xukuumadda, inta badan laga saaray qodobadii ka hor imaanayay dastuurka ayaa la filayaa in doodda Senatarada kaddib in cod loo qaado. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa 28-kii bishii December ee sanadkii 2019-kii ansixiyay sharcigan, waxaana marka uu Aqalka sare meel mariyo la filayaa in Madaxweynaha loo gudbiyo si kama dambeys uu u meel mariyo, si ay u dhaqan gasho. View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo ka hadlayey arrimaha Puntland ayaa soo dhaweeyey shirweynaha wadatashiga ee uu shalay ku dhawaaqay madaxweynaha maamulkaasi, Siciid Deni. Juxa oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in khudbadda Deni lagu soo aadiyey, xilligii ugu haboonaa ee laga tashan lahaa yaaha dambe ee Puntland. Sidoo kale siyaasagaan ayaa tilmaamay in dooda ku aadan dowladnimada Soomaaliya iyo qaabka loo wajahayo ay tahay mid soo daahday oo loo baahnaa in la qabo xilli hore. Wuxuu sidoo kale Juxa intaasi ku daray in mhiim ay tahay in 22-sano kadib markale dadka reer Puntland ay is-dultaagaan Soomaaliyada cusub. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay madaxweyne Deni uu shaaciyey shirweyne wadatashi ah oo Garoowe ka dhici doono 15-ka bisha Maarso ee sannadkan 2020-ka. Halkaan hoose ka aqriso qoraalka siyaasiga Cabdi Faarax Siciid Juax: Go’aanka golaha xukuumadda Puntland ee maanta iyo khudbadda Madaxweyne Deni waxay kusoo aadeen xilli ku habboon. In reer Puntland talo buuxda iyo wadatashi ka yeeshaan hannaanka Dawladnimada Somalia iyo qaabka loo wajahayo waa dood soo daahday, loona baahan yahay in laga fara buuxsado. In Somaliyada cusubi u ekaato tii duntay ee taladu gacanta qur ah ku jirtey (Centralized City State Government), iyo inay noqoto mid wax badan kakala leeyahay oo taladu daadegto, waxna la wadaago oo midnimada iyo wadajirka guud la ilaaliyo (Confederal or Federal system) sidii horey loogu heshiiyey ayey tahay in reer Puntland 22 sano kadib markale is-dultaagaan. Wadatashi wacan reer Puntland.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixay sharciga Batroolka dalka kaas oo ay horay u soo ansixiyeen golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa sharcigaan in uu saxiixo waxa uu ku qaatay 33-maalmood isaga oo maanta ugu dambeyn saxiixay. Golaha aqalka sare ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sharciga batroolka dalka ansixiyeen 6-dii Janaayo ee sanadkaan waxaana ilaa waqtigan la sugayay saxiixa madaxweynaha. Sharciga batroolka ee uu maanta saxiixay madaxweynaha ayaa dhaqan galaya wixii maanta ka dambeeya iyada oo ay xusid mudan tahay in shirkado kala duwan ay horay u sahmiyeen qeybo ka mid ah shidaalka ku jira Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda ayaa kala saxiixday heshiis dhinaca duulimaadyada kaas oo sare u qaadaya hormarka labada dhinac, waxaana heshiiskaan uu xoojin doona ganacsiga labada dowladood. Heshiiskan ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda ayaa dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u saxiixay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar halka Rwanda uu u saxiixay wasiirka kaabayaasha dalkaasi ee Claver Gatete. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo heshiiskan islamrkaanka uu yahay mid hormar ku soo kordhin kara dalka isaga oo ka dhawaajiyay in ganacsiga labada dalna uu xoojin doono. “Waxaan maanta la soo saxiixannay dowladda Rwanda heshiis labageesood ah oo xagga duulimaadka rayidka. Heshiiskan waxuu isu furayaa duulimaadyada tooska ah ee labada dal, taas oo ganacsiga labada waddan kor u qaadi doonto. Aniga iyo Wasiir Claver Gatete waxaa ina wehliya Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin iyo dhiggiisa Mr. Silas Udahem” ayuu yiri wasiir Oomaar. Heshiiskan ayaa noqonaya mid suurta galin doona in duulimaadyo toosa ay isaga kala gooshaan Soomaaliya iyo Rwanda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha aqalka sare oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda ayaa waxa ay dood adag ka yeesheen akhrinta 3-aad ee hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka iyaga oo maanta ugu dambeyn ansixiyay sharcigaasi. Guddoomiyaha Guddiga KMG ee ka soo baaraan-dagiga sharciga doorashooyinka Senator Maxamed Amiir Sheekh Cusmaan ayaa markja hore Golaha ka hor akhriyay sharcigan wixii ay ka soo baaraan dageen oo ay turxaan bixin ku sameeyeen. Codeyn kadib, guddoonka golaha aqalka sare ayaa sheegay in cod aqlabiyad leh ay Senetarada golahaasi ku meel mariyeen sharciga doorashooyinka qaranka oo dood adagi ay ka taagnayd. Sharcigan waxaa ogaaladay 27 Senatar, Waxaa diiday 6, Cidna kama amuusin. Sharcigaan ayaa horay waxaa u soo meel mariyay 28-kii December xildhibaanada golaha shacabka Soomaalia. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu saxiixo Sharciggaan si uu dhaqan galo.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan isgoyska EX-Control Afgooye ayaa sheegaya in goor dhow lagu dilay wade mooto Bajaajle ahaa oo marayey halkaasi. Dilka ayaa waxaa geystay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugnaa agagaarka xerunta Asluubta oo ku dhow isgoyskaasi. Goobjooge ayaa Caasimada Online u sheegay in marxuumka uu ku dhintay isla goobta, kadib markii ay rasaasta uu furay askariga ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa. Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda oo ku mashquulsanaa furista wadada oo uu xilligaasi ka jiray jaam xoogan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in markii dambe ay meydka goobta ka qaadeen dad shacab ah, mana cadda in la qabtay askarigii dilka geystay iyo in kale. Inta badan ciidamada dowladda ayaa dilal u geysta dhalinyarada kaxeysa mootooyinka Bajaaj-ta ee ka shaqeysa M/ Muqdisho, waxaana marar badan darawalladaasi ay banaanbaxyo cabasho ah ka dhigeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Madaxtooyada magaalada Bosaso ee gobalka Bari , ayaa dhinacyo badan uga hadlay shirkiisa jaraaid. Madaxweynaha ayaa si weyn ugu eedeeyey dowladda dhexe iyo madaxda hogaaamisa in ay meel martay wax waliba oo heshiis lagu ahaa, waxaana uu intaas uu ku daray in ay dooneyso duminta iyo burburinta dowlad gobaleedyada. “Dowladda hadda jirta oo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu hogaaminayo sedex sano ay jirtay in ay la soo baxday in ay isku dayday in ay ka leexato wiixii dadkaan ay ku heshiiyeen, oo ay ugu horeyso in ay la dagaalanto nidaamka federaalka oo dhammaan qawaaniintii iyo waxyaabihii loo baahnaa ay hareer martay ayuu yiri” Sidoo kale madaxweyne Deni oo hadalkiisa siii wata ayaa xusay in dowladda federaalka ah ay ku fashilantay in dadka Soomaaliyeed isku soo dhawaanshiyahooda, midnimadooda iyo sidii dadka maamulada madaxda ka ah la iskugu keeni lahaa waxa uuna yiri. “Sidii dadka maamulada xukuma la isugu keei lahaa, midnimada loo ilaalin lahaa badalkeeda waxaa ay howl ka dhigatay sida in ay la dagaalanto maamulada dalka waxaad ogtihiin wixii maamulada dalka ka dhacay oo aanan dooneynin inaan dib ugu laabto waxyaabaha hadda socdana dad Soomaaliyeed aad ayey uga dharagsan yihiin” Dhanka kale madaxweyne Siciid Cabdillahi Deni ayaa ku baaqay shirweyne wadatashi ah kaas oo ka dhici doona 15 bisha Maarso 2020-ka magaalada Garowe, waxaana uu ugu baaqay xildhibaannada labada gole ee Puntland ku matala dowladda federaalka, Isimada iyo Siyaasiyiinta in ay ka soo qeyb galaan. “Puntland waxaa ay ku baaqaysaa in 15-3-2020-ka la isugu yimaado shir wadatashi oo ay ka qeyb galayaan dhammaan golayaasha dowladda heer federal iyo heer State, waxaan ugu baaqeynaa xubnaha labada gole ee federaalka ku matala Puntland in shirkaas ay ka soo qeyb galaan, waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa Isimada iyo Siyaasiyiinta reer Puntland in ay ka soo qeyb galaan shirka looga hadlayo dalka mustaqbalkiisa” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni. Ugu dambeyn madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa ka hadlay khilaafka dhanka waxbarashada ee u dhaxeeya wasaaradaha waxbarashada dowladda dhexe iyo Putland, waxaana uu xusay in dalka hadda uusan laheyn Manhaj lagu mideysan yahay oo ardayda Soomaaliyeed wax ku bartaan. “Ayadoo dalka uusan laheyn Manhaj mideysan, ayadoo dadka Soomaaliyeed qaab tacliin oo isku mid ah aysan laheyn, ayadoo dadka Soomaaliyeed waxa loo dhigaayo aan shaki aan ka qabno, waxaad maalin dhoweyd idaacadaha aan ka maqleynay in nin macali ah uu ahaa hoggaamiye Al-shabaab ah waxa nuucaas ah annaga wax kuma darsan karno, waxaan u sheegeynaa dhalinyarada iyo dadka Soomaliyeed ayadoo dowlad Soomaaliyeed aysan jirin ayey ardayda Puntland ka qalin jabin jirtay jaamacadahana dhigan jireen, Shahaado Xamar laga bixiyo mustaqbalkiina kuma xirno aniga ayaa idiin balan qaadaayo” ayuu hadalkiisa ku soo gaban gabeeyey Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni. Shirkaan jaraa’id ee Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu imaanaya ayadoo taagan tahay khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedka Puntland, waxaana ay maanta ku beegan tahay 8-da bisha February oo aheyd doorashadii madaxweyne Maxmed Cabdullaahi Farmaajo oo sedexdii sano maanta ugu egtahay ayaa mudadaasi waxa ay dowladdu wajaheysay khilaafyo kala duwan oo dowlad gobbaleedyada ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland, islamarkaana uu hoggaaminayo wasiirka amniga maamulkaasi, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa lagu soo warramayaa in maanta dhaq dhaqaaq milatari ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Janan oo xiran tuutaha milatariga ayaa saaka lagu arkay duleedka degmada Beled-Xaawo. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Jubbaland ay doonayaan inay dib u qabsadaan degmooyinka Beled-Xaawo iyo Doolow oo dhowaan ay la wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa dhaq dhaqaaqyadaan qeyb ka ah madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo isna ku sugan halkaasi. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa inay isku dhacaan labada ciidan oo dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ka wada halkaasi. Tan iyo markii uu wasiir Cabdirashiid Janan ka baxsaday halkii uu ugu xirnaa dowladda ee magaalada Muqdisho wuxuu Gedo ka bilaabay abaabul uu uga soo horjeedo dhaq dhaqaaqyada cusub oo ay ciidamada milatariga Soomaaliya ka wadaan gobolkaasi.
-
Siyaasiga Cabdi Faarax Siciid Juxaa , oo horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay Shir Wada-tashiya oo uu shalay iclaamiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Madaxweyne Deni, ayaa shaaciyay in shirkaasi caasimadda Garoowe lagu qaban doono 15-ka bisha Maarso ee sannadkan 2020, waxaana uu shirka ku marti-qaaday Xildhibaannada labada gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ku matala Puntland iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee dadka Reer Puntland. Siyaasi Juxaa oo Qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga, ayaa sheegay in Shirka Madaxweyne Deni ku baaqay uu ku soo beegmay, xilli ku habboon in dadka reer Puntland talo buuxda iyo wadatashi ka yeeshaan hannaanka Dawladnimada Somalia iyo qaabka loo wajahayo. “Go’aanka golaha xukuumadda Puntland ee maanta iyo khudbadda Madaxweyne Deni waxay kusoo aadeen xilli ku habboon. In reer Puntland talo buuxda iyo wadatashi ka yeeshaan hannaanka Dawladnimada Somalia iyo qaabka loo wajahayo waa dood soo daahday, loona baahan yahay in laga fara buuxsado” ayuu yiri Siyaasi Juxaa. Sidoo kale, wuxu xusay 22-sano kadib markale dadka Reer Puntland is-dultaagaan, in Somaliyada cusubi u ekaato tii duntay ee taladu gacanta qur ah ku jirtey (Centralized City State Government), iyo in ay noqoto mid wax badan kakala leeyahay oo taladu daadegto, waxna la wadaago oo midnimada iyo wadajirka guud la ilaaliyo. “In Somaliyada cusubi u ekaato tii duntay ee taladu gacanta qur ah ku jirtey (Centralized City State Government), iyo inay noqoto mid wax badan kakala leeyahay oo taladu daadegto, waxna la wadaago oo midnimada iyo wadajirka guud la ilaaliyo (Confederal or Federal system) sidii horey loogu heshiiyey ayey tahay in reer Puntland 22 sano kadib markale is-dultaagaan” ayuu sii raaciyay Juxaa. PUNTLAND POST The post Wasiir Juxa oo sheegay dadka Reer Puntland 22-sano kadib ay kala dooranayan laba khiyaar appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Bakool ayaa ka warbixiyey howlgal ay ciidanka Xoogga dalka ku soo furteen caruur la sheegay in si qasab ah lagu askareeyey oo kooxda Al-Shabaab ku tababareysay deegaan hootaga gobolkaasi. Guddoomiyaha amniga ee degmada Xudur, Mudane Ibraahim Isaaq Ibraahim (Shaati) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in caruurtaasi oo gaaraya illaa sideed gacanta lagu soo dhigay, kuwaas oo lagu heystay deegaanka Doodaali ee gobolka Baay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in caruurtaasi inta badan si xoog ah looga qafaashay dhulka miyiga ah ee gobolka Bakool. Mr. Ibraahim Shaati ayaa sidoo kale intaasi ku daray in u jeedka uu ahaa in caruurtan yar yar loo adeedsado dagaalka ay dalka ka wado kooxdaasi. Xilliga la qabanayey ayuu sheegay in ay la socdeen mootooyin nooca seddex lugleyda ah oo marayey inta u dhaxeysa deegaannada Abal iyo Labaatan-Jirow, isaga oo carabka ku dhuftay in sidoo kale lala qabtay laba darwal oo kaxeynayey mootooyinkaasi. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan caruurta lagu hayo saldhigga Booliska Xudur, halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo.
-
Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland ayaa saaka oo ah 8/2/2020 waxay shir kula yeesheen xarunta gobolka ee magaalada Bosaso mas’uuliyiinta degmada, kuwa gobolka iyo golaha degaanka gobolka Bari oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha gobolka Cabdisamad Yuusuf Maxammed iyo duqa degmada Bosaso Cabdisalaan Bashiir. Guddiga ayaa intii kulankaasi socday waxa uu mas’uuliyiinta lla wadaagay jadwalka doorashooyinka dowladaha hoose ee Puntland iyo guud ahaan qorshaha hirgelinta hannaanka doorashooyinka xorta ah ee qof iyo cod. Guddoonka gobolka Bari ayaa soodhaweeyay hiigsiga iyo qorshaha guddiga ee doorashooyinka xorta ah. PUNTLAND POST The post Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland oo kulamo ka bilaabay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
