Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,342
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku baaqay shirweyne ay isugu imanayaan reer Puntland, oo looga tashanayo aayahooda, xilli uu sheegay in dowladda federaalka ay dagaal ku hayso. Shirkaasi ayaa 15-ka Bisha Maarso ka dhacaya magaalada Garoowe, wuxuuna Deni u yeeray xildhibaannada labada gole ee baarlamanka Soomaaliya ku matala Puntland iyo dhammaan waxgaradka reer Puntland. Saciid Deni oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya “ay shaqo ka dhigteen sidii loola dagaalami lahaa” maamul goboleedyada. Waxa uu sheegay in dowladda dhexe ay hantidii qaranka iyo ciidamadii loo soo tababaray in ay waddanka ka xorreeyaan argagixisada ay u adeegsaneyso inay ku burburiso maamul goboleedyada. Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyey dowladda dhexe inay gobolka Gedo ku daabuleyso ciidamo “ujeedka laga leeyahay uu yahay caburinta shacabka.” Saciid Dani ayaa sidoo kale ku eedeeyey xukuumadda federaalka inay baal-martay nidaamkii federaalka ee lagu doortay, islamarkaana ay isku koobtay arrimihii masiiriga ahaa ee dalka, halkii ay wada-tashi kala yeelan lahayd dowlad goboleedyada, sida uu hadalka u dhigay. Hoos ka daawo Saciid Deni
  2. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Galabta Bosaso kula hadlay Shacabka Puntland ayaa quus ka muujiyey Muqdisho sidaas awgeed wuxuu ku baaqay Shirweyne ay [...] Source
  3. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ,oo galabta warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso, ayaa ku baaqay in Shir Weyne wada-tashiya ay isu’gu yimaadan dhammaan dadka Reer Puntland, si mowqif midaysan looga qaato dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Deni, ayaa iclaamiyay in shirkaasi caasimadda Garoowe lagu qaban doono 15-ka bisha Maarso ee sannadkan 2020, waxaana uu shirka ku marti-qaaday Xildhibaannada labada gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ku matala Puntland iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee dadka Reer Puntland. Madaxweynaha Puntland, ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay, in ay baal-martay Nidaamkii lagu doortay ee Federaalism-ka, islamarkaana ay marooqsatay dhammaan Arrimihii masiiriga ahaa ee waddanka, halkii ay wada-tashi kala yeelan lahayd dowlad goboleedyada dalka. Mudane Deni, ayaa sidoo kale dowladda Federaalka ku eedeeyay, in mudadii ay jirtay dagaal la gashay dowlad goboleedyadii dhisnaa, iyadoo adeegsanaysa hantidii Qaranka iyo ciidamadii loo soo tababaray in ay waddan ka xoreeyaan Argagixisada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dadka Reer Puntland isu’gu yeeray shir weyne wada-tashiya appeared first on Puntland Post.
  4. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo goor dhaweyd shir jaraa’id ku qabtay Bosaso ayaa sheegay in Magaalada Garowe uu ka dhici doono shirweyne looga tashanayo [...] Source
  5. Rwanda and Somalia have inked a Bilateral Air Service Agreement (BASA) that will see the two countries open skies for both republics to ease air transport. Source: Hiiraan Online
  6. Li Wenliang, a medical doctor and one of the first eight people to warn the public about the novel coronavirus, has died late last night due to the infection, sparking a level of collective anger and grief unseen on Chinese social media. Source: Hiiraan Online
  7. Ugandan troops under the African Union Mission in Somalia (AMISOM) in Mogadishu, have carried out a community sanitation exercise and free medical camp to commemorate the Armed Force’s Day. Source: Hiiraan Online
  8. Kenya has asked the Africa Union to ensure it protects the integrity of the continental organisation and fidelity to its procedures over Djibouti's insistence to continue its bid for the UN Security Council non-permanent seat. Source: Hiiraan Online
  9. Beled Xaawo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa sheegay in madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulkaas Maxamuud Sayid Aadan, iyo wasiirka amniga Cabdirashiid Janan ay maanta booqasho ku tageen degmada Beled Xaawo. Qoraal kooban oo lagu baahiyey warbaahinta Jublanad ayaa lagu yiri “Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada Jubaland ayaa booqday taliska ciidamada daraawiishta Jubaland ee degmada Beladxaawo, waxaana wasiirada ka mid ah wasiirka amniga Jubaland Cabdiraahiid Janan.” Qoraalkan laguma bixin faah-faahin intaas ka badan, hase yeeshee waxaa la raaciyey sawirrada booqashada oo ay ka muuqdaan Maxamuud Sayid Aadan, Janan iyo xubno kale. Caasimada Online si rasmi ah uma xaqiijin karto in goobta ay ku sugan yihiin Janan iyo Maxamuud Sayid Aadan tahay Beled-Xaawo, waxaana jira warar sheegaya inay tahay duleedka Beled-Xaawo ee dhanka xuduudda Kenya. Muuqaalkan ayaa ah kii ugu horreeyey ee muujinaya Cabdirashiid Janan oo meel fagaare ah taagan, tan iyo markii ay xiratay dowladda Soomaaliya 31-kii August 2019, ka hor inta aanu baxsan 28-kii Janaayo 2020. Arrintan ayaa imaneysa malamo un kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ciidamadeeda ay qabsadeen degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, taasi oo dhalisay in Jubaland ay shaaciso in “dagaal lagu soo qaaday.”
  10. Isimada dhaqanka iyo culimaa’uddiinka magaalada kismaayo, ayaa ku guuleystay in heshiis laga gaaro colaadii ka taagneyd degaanka Dalsan ee galbeedka kismaayo, halkaas oo dhowaan ay ku dagaallameen laba beelood. Kulamo ka kala dhacay degaannada Dalsan iyo haad-weyne, oo ay garwadeen ka ahayeen Odayaasha dhaqanka iyo culimaa’uddiinka, ayaa laysugu keenay waxgaradka degaanadaasi, iyadoo odayaasha iyo culimada ay ku qanciyeen dhinacyada in dagaalku uusan xal ahayn, loona baahanyahay in wadahadal lagu xaliyo tabashooyinka jira. Isimada dhaqanka iyo culimada oo sadax maalin ka hor tegay deganadaasi, ayaa waday dadaalo la isugu soo dhaweynayo beelaha walaalaha ah ee colaadu u dhaxeysay, waxayna ugu danbeyn ku guuleysteen, in la gaaro heshiis ka kooban dhowr qodob kaas oo ay ugu waaweynaayeen xabad joojin degdeg ah, in la kala qaado ciidamada isku horfadhiyey deegaanadii ay colaadu ka dhacday, iyo in lasoo celiyo xasiloonida deegaanka. Culimaa’uddiinka magaalada kismaayo, ayaa odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka labada beel uga mahadceliyey, sida ay usoo dhaweeyeen dadaalada ay wadeen, islamarkaana ay oga ogolaadeen in xal laga gaaro colaadii halkaasi ku dhexmartay iyo in nabad iyo xasilooni lagu soo dabaalo degaanka. PUNTLAND POST The post Colaad ka taagneyd duleedka Kismaayo oo laga heshiiyay appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay ciidamada dhowaan ay ku daabushay gobolka Gedo, kuwaas oo qabsaday degmooyin ka mid ah gobolka. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ciidamada tegay gooblka Gedo ay yihiin kuwa militari, islamarkaana tegistooda ay qeyb ka tahay difaaca dalka. “Sida sharciga uu qorayo, difaaca dalka waxaa mas’uul ka ah dowladda dhexe, ciidamada militariga ee hadda dhismaya ayagaa howshaas mas’uul ka ah, sidaas ayayna u tageen Gedo,” ayuu yiri wasiir Maareeye. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada militariga Soomaaliya ay sidoo kale tagi doonaan gobollo kale, oo dalka ka mid ah, islamarkaana aysan jirin sabab arrintaas sharaxaad looga bixiyo. Hadalkiisa ayaa imanaya, ayada qoraal shalay kasoo baxay golaha wasiirada Jubaland lagu sheegay in dowladda dhexe ay “faro-gelin qaawan” ku hayso dowlad goboleedka Jubaland ayna “weerar qaawan kusoo qaaday” gobolka Gedo. Jubaland ayaa ku dhowaaqday inay heegan buuxa geliyaan ciidamada kala duwan ee dowlad goboleedka Jubaland, si looga hortago, baa la yiri “weerarada qaawan ee ay dowladda federaalku kusoo qaaday Jubaland.” Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowrkii malamood ee tagay qabsaday degmada Beled-Xaawo iyo Doolow, taasi oo macanaheedu yahay in si buuxda uu gobolka Gedo, oo ka tirsan maamulka Jubaland, iminka yy gacanta ugu jiro dowladda dhexe. Hoos ka dhageyso codka Maareeye https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/02/Cod-Wasiir-Maareeye.mp3
  12. Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa ka dhawaajiyey in siyaasi wata Baasaboor ajnabi ah uusan xal u ahayn dalka. Cumar Maxamuud Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay in ay jiraan mas’uuliyiin sar-sarre oo doonaya in ay helaan Baasaboor shisheeye, taasoo uu dhaliilay. Wallow uusan shaacin magacyadda, Cumar Filish ayaa soo jeediyey in laga shaqeeyo sidii sarre loogu qaadi lahaa Baasaboorka Soomaaliya. Dhanka kale, duqa caasimadda ayaa shacabka ku booriyey in ay qeyb ka qaataan bilicda iyo xaqiijinta ammaanka magaala madaxda. Hadalkaan ayuu ka sheegay munaasabad ka dhacday magaaladda Muqdisho, taasoo ay kasoo muuqdeen mas’uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee dadweynaha caasimada. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] ayaa sheegay in dad dano qabiil wata ay diidan yihiin dowladnimada. Maareeye oo u waramay warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in dadkaas oo uusan magacaabin ay iska indho-tirayaan wax-qabadka dowladda. Beesha Caalamka ayuu xusay in ay qirsan tahay guulaha xukuumadda uga soo hooyey dhinacyadda ammaanka, dhaqaalaha iyo dowladnimadda. Dhanka kale, wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in Muqdisho ay ka dhici doonan qaraxyo inta dad shacab ay gacanta ugu jiraan hub sharci darro ah. Ugu dambeyntii, dowladda ayuu shaaca ka qaadey in ay qorshe cad ka leedahay arrintaas, wallow uusan carabaabin waqtiga saxda ah ee la fulin doonan qorshahaas uu tibaaxay. View the full article
  14. Luuq (SMN) – Inta la xaqiijiyey saddex qof ayaa dhintay, 120 kelana waxaa lala tacaalayaa xaaladooda kadib markii ay ku sumoobeen hilib heel. Musiibadan ayaa laga soo wariyey miyiga magaalada Luuq ee gobolka Gedo, kaasoo hoostaga maamulka Jubaland. Agaasimaha Isbitaalka degmada Luuq, oo la dhigay bukaanada ayaa sheegay in ay gaadiid gurmadka u direen degaanka kadib qaylo dhaan. Dr Cabdi Aadan Maxamed ayaa sheegay in baaritaan ay ku ogaadeen in neefka ay hilibkiisa cuneyn dadkaan uu xanuunsanaa kahor inta aan la gowracin. Caqabadaha haatan ay wajahayaan ayuu ku qeexay dawo yari baahsan, isagoo codsaday in gurmad deg-deg ah loola soo gaaro sidda ugu dhaqsiyaha badan. Dhacdooyin noocaan ah ayaa horey looga soo wariyey degaano iyo degmooyin dhaca koonfurta si lamid ah bartamaha Soomaaliya. View the full article
  15. Garowe (SMN) – Xubno ka tirsan GKDP (TPEC) oo uu hogaaminayo Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga Jaamac Xirsi Faarax ayaa kulamo la yeeshay Maamulka Gobolka Sanaag, kan Degmada Baran iyo qaybaha bulshada Degmada Baran. Waxay la wadaageen qorshaha GKDP iyo jadwalka doorashada iyagoo dhinaca kalana ka dhagaystay maamulka iyo dadweynaha talooyin ku aaddan hirgalinta hannaanka xisbiyada badan iyo doorasho qof iyo cod ah oo ka qabsoonta Puntland. Maamulka Puntland ayaa Rajeynaya in Nidaamka Hada Jira ee Baarlamaaniga ah ay uga Gudbi Dooonaan Waqtiyada Dhaw Nidaamka Axsaabta Badan. Tiro dhawr Jeer ah oo hore ayey isku dayeen Hogaamiyaahsii Soomaray Puntland in ay Sameeyaan Ururo Siyaasadeed si ay Siyaasiyiinta Ahdafatooda Siyaasadeed uga iibiyan Shacabka Deetana uu shacabku Doorto Hogaamiyaha ay isleeyihiin Danihiina ayuu ka turjumayaa Laakiin Himilooyinkaasi ma noqon Kuwo Guulaysta Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi deni ayaa isagu hada u muuqda Hogaanka duwan kuwii Hore marka loo fiiriyo Dardargalinta Doorashooyinka Shacbiga Maadama uu bilaabay Hawshaasi markii ladoortay Sanad Kahor. View the full article
  16. Bejing (SMN) – Waxaa sii kordhaysa halista caabuqa ka dillaacay Dalka Shiinaha ee Coronavirus, kaas oo ka billowday Magaalada Wuhan oo ay ku nool yihiin Dad lagu qiyaasay 11 Milyan oo Qof. Dadka ku nool Magaaladaas waxaa ka mid ah Arday Soomaali ah oo halkaas wax ka barta, kuwaas oo tiradooda ay gaareyso 50 Qof.Ardayda waxa ay ku go’doosan yihiin qolalkooda jiifka, waxa ay cuntada kasoo iibsadaan Suuqa Toddobaadkiiba Hal mar. Ardayda Soomaalida ah oo aan meel ku wada noolayn ayaa ku wada xiriira Qolal ama group Internetka ah, si ay ku kala qaataan macluumaadka iyo xogaha. Cabdiqaadir Maxamed Cabdi , oo ah Arday Soomaali ah ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in waxa ugu badan ee ay ka cabsi qabaan ay tahay in uu saameeyo Cudurka haddii aysan helin gurmad deg-deg ah. Waxa uu ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka daad gureyso Shiinaha, iyada oo kaashaneysa Dowladaha saaxiibka la ah. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto xaaladda Soomaalida ku nool Magaalada wuhan ee Dalka Shiinaha. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-07022020.mp3 View the full article
  18. Garowe (PP News Desk) – With relations between Puntland State and the Federal Government of Somalia at a very low ebb, Puntland Government is planning a high level consultative summit to review the Federal Member State’s membership in the Federal Institutions. The cause for the review is said to be the aggressive and marginalising policies adopted by the current occupant of Villa Somalia, President Mohamed Abdullahi Mohamed, towards Puntland. Yesterday, Puntland authorities closed branch offices of National Independent Electoral Commission, which has a mandate under the electoral law passed last December by the Federal Parliament to organise one person, one vote elections in parts of the Federal Republic of Somalia. President Mohamed (left) rebuffed olive branch from Puntland President (right) Puntland State is a constituent and founding member of the Federal Government but hardly enjoys the privilege such membership entails. President Mohamed visited Puntland in 2018 and in 2019. The last visit took place several months after Said Abdullahi Deni took over as a President of Puntland State. Disputes over legislations passed by the Federal Government and educational policies have further driven a wedge between the Federal Government and Puntland State. If the outcome of the impending consultative summit turns out to be withdrawal from membership in the Federal Institutions, a constitutional crisis may result in either the dissolution or downgrading of the Federal Government, which is planning a two-year extension if election plans fail to come to fruition. © Puntland Post, 2020 The post Puntland to Review Its Membership in Federal Institutions appeared first on Puntland Post.
  19. Ceeldheer (Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ku caleema saartay Suldaan cusub oo ay yeelaneyso Beesha Waceysle ee Abgaal kaasoo kamid ahaa odayaashii taageersanaa kooxdaas. Kulankaan oo ay si weyn usoo diyaarisay kooxda Al-Shabaab isla markaasna ay ka qeyb galeen Odayaasha Dhaqanka, Haweenka, Dhallinyarada iyo Ardayda deegaanka Ceeldheer ayaa waxaa Suldaanka Beesha Waceysle loogu doortay Daa’uud Xasan Aadan. Suldaan Daa’uud Xasan ayaa maamuli doono Deegaanka Ceeldheer oo ay gacanta ku hayaan Kooxda Al-Shabaab, waxaana xafladda lagu caleema saaray kasoo qeybgalay qaar ka tirsan guddoomiyaasha deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab. Odayaashii Waceysle ee kasoo qeybgalay Xafladda oo u badnaa kuwa taageersan Al-Shabaab ayaa sheegay inay garab taagan yihiin kooxda Al-Shabaab isla markaasna ay ku midoobeen Suldaanka cusub. Al-Shabaab ayaa Suldaanka cusub guddoonsiisay Kitaabka Qur’aanka, Calan, Qori iyo booshkiisa iyo Gaari Prado ah iyadoo faras lagu dhex mariyey Magaalada Ceel Dheer.
  20. Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa soo xiray Bandhiga suuq-weynaha oo ka socday Maalintii labaad Magaalada Muqdisho. Intii uu ku guda jiray hadal-jeedinta, Filish ayaa sheegay in tahriibka dhalinta arrimaha keenay ay kamid tahay shaqo la’aan. Cumar Filish ayaa carabka ku dhuftay in ay diyaariyeen qorsheyaal balaaran oo ay wax kaga qabanayaan arrimahaas. Dhalinyaradda ayuu ku booriyey in aysan cidna wax ka sugin isla markaana ay mar horey si gaar ah isu xilsaaraan in ay wax-qabsadaan. Maamul ahaan ayuu caddeeyay in ay sameyn doonan wax kasta oo karaankooda si ay xal waara ugu keenaan dhibaatooyinka tahriibka. Soomaaliya ayaa la sheegay in ay kamid tahay wadamadda ugu badan oo da’yartooda ay ku dhintaan badaha iyaddoo nolol wanaagsan ka raadinaya qaar kamid ah wadamadda caalamka ee dhibaatooyinka colaada ay ka jiraan. View the full article
  21. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay inuu ka shaqeynayo sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhashay doorashadii ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas. Madaxweyne Qoor Qoor oo maalmihii ugu dambeeyey kulamo la qaadanayey qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa tilmaamay inuu wado dadaalo lagu xalinayo khilaafka siyaasadeed ee taagan iyadoo taas loo marayo odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta kasoo jeedo deegaanka. ” Khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay doorashada Maamulka Galmudug iyo kala aragti kuwanaanshaha waxaa lagu dhameynayaa wadahadal iyada oo loo kaashanayo odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Galmudug” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor. Doorashada Galmudug ayaa waxaa ka dhashay khilaaf Siyaasadeed iyada oo dhowr madaxweyne lagu doortay deegaanada maamulkaas, waxaase balan qaaday arrintaan in la dhameynayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor. Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato dhinacyada kale sida Ahlu Sunna oo madaxweyne u dooratay Sheekh Shaakir oo ay ku wada sugan yihiin Dhuusamareeb iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Magaalada Gaalkacyo ku dhisay Galmudug kale. Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo bilowgii dhismaha Galmudug waxa ay sheegtay in la dhisayo Galmudug loo dhanyahay, inkastoo doorashada Qoor-qooq ay aqoonsatay dowladda fedraalka Soomaaliya iyo qaar ka tirsan maamul gobaleedyada.
  22. Gaalkacyo (SMN) – Xiisad xoogan ayaa lagu waramayaa in ay ka dhalatay afar ganacsato ah oo lagu dilay duleedka Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug. Eehelada dadkan la khaarijiyey ayaa la sheegay in ay dalbeen cadaalad ay helaan isla markaana lasoo qabto cidda ka dambeysay. Dilka ganacsatadda ayaa yimid markii ay rasaas ku fureen maleeyshiyaad la sheegay in ay ka yimaadeen dhanka waqoyga Gaalkacyo ee Puntland. Falalka noocaan ah ayaa aad ugu badan degaanada kala duwan ee gobolka Mudug, waxaana la sheegay in aysan muuqan dedaalo wax lagu xalinayo. View the full article