Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,342
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Mas’uuliyiin taageersanaa Jubaland oo kamid ahaa xubnaha ugu awooda badnaa gobolka Gedo ayaa lagu xiray Muqdisho. Maxamed Xuseen Isxaaq [Al-qaadi], gudoomiye ku xigeenkii gobolka Gedo iyo Ismaaciil Qoran, gudoomiyihii Baardheere aya xorriyada laga qaadey. Illo wareedyo ayaa u sheegay Shabelle in xubnahaan uu ku qanciyey in ay Muqdisho yimaadaan Taliyaha Qeybta 43aad ee ciidanka xooga. Taliyaha ayaa lagu waramayaa in ay u balanqaadey lacag iyo xilal hadii ay ka tanaasulaan aragtida maamulka Axmed Madoobe. Markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha aya la sheegay in ay la wareegeen ciidam gaar ah oo Dowladda Soomaaliya ka tirsan. Dowladda Soomaaliya ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay ku howlaneyd qorsheyaal ay isugu balaarineyso gobolka Gedo oo qeyb kamid ah ay qabsatay. View the full article
  2. Dhuusamareeb (SMN) – Qaban-qaabada xaflad balaaran oo lagu caleema saarayo Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], madaxweynaha Galmudug ayaa socota. Munaasabadda oo aan wali la muddeyn xiliga ay qabsoomeyso ayaa la sheegay in loo saari doono koox gaar ah oo ka shaqeyneysa. Qoor-qoor oo shalay la kulmay qaar kamid ah bulshadda oo uu ka gudoomay xoolo loogu talagalay in lagu martiqaado martida ka qeybgaleysa doorashadaas. Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa loo doortay madaxweynaha Galmudug kadib doorasho ka dhacday magaaladda Dhuusamareeb. Caleema-saarkiisa ayaa la sheegayaa in ay ka qeybgeli doonan mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jira dowladda federaalka, maamuladda iyo Beesha Caalamka. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Ku dhawaad 50 gaadiidka nooca xamuulka ah ee iskaga kala goosha magaala madaxda dalka iyo gobolada ayaa maalintii 4aad ku xayiran Isgoyska Ex-control Afgooye ee duleedka Muqdisho. Qaar kamid ah wadayaasha gaadiidka ayaa sheegay in xilliyada habeenkii ah wadada loo oglaa, balse hada gabi ahaanba la joojiyey, isla markaana aysan mari karin wadooyinka doc-dhabaha-ah. Gaadiidleyda isticmaasha wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa dhib ku qaba isticmaalka wadadaas tan iyo wixii ka dambeeyay qarixii Ex-control Afgooye 28 Dec ee khasaaraha badan sababay. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in la xiray jidkaas, sababo ku aadan ammaanka kooxda dhiseysa. Wadada xiriirisa Muqdisho-Afgooye ayaa lagu waddaa dayactir balaaran oo ay maalgelineyso Qadar isla markaana ay fulineyso shirkad laga leeyahay waddanka Turkiga oo qandaraaska ku guuleystay. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-070220.mp3 View the full article
  5. New York (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Hoggaamiyihii Al-Qaacidda ee Gacanka Carbeed Qasim Al-Raymi lagu dilay howlgal laga fuliyey gudaha dalka Yeman. Howlgalkaan ayaa waxaa xaqiijiyey Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo sheegay in ciidankiisa ay dileen hoggaamiyahaas oo xilkaas hayey tan iyo sanadkii 2015. Labaatankii sano ee lasoo dhaafay, hoggaamiyaha la dilay ayaa lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey weeraro ka dhan ah danaha dalalka reer Galbeed. Hoggaamiyihii uu xilka kala wareegay ayaa waxaa horey duqeyn dhanka cirka ah ku dileen ciidamo ka tirsan Dowladda Mareykanka. Garabka Al-Qaacidda ee Gacanka Carbeed ayaa la sameeyey sanadkii 2009, waxaana loogu talagalay in looga hortago danaha Mareykanka iyo dalalka reer Galbeed ay ka leeyihiin Gobolka. Garabkaan ayaa si weyn ugu xoogaana dalka Yeman, waxaana fursad weyn siisay xasilooni darrida ka jirto dalkaas, waxaana Yemen howlgal Militari ku qaaday dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo xulafooda inkastoo aan weli wax natiijo ah laga gaarin. Warka ku saabsan dilka Hoggaamiyahaan ayaa wuxuu soo ifbaxay bartamaha Bishii January ee sanadkaan inkastoo garabka Al-Qaacidda ee Gacan Carbeed ay sheegeen inaan la dilin iyagoo soo bandhigay cod uu hoggaamiyahooda duubay balse u muuqday inuu ahaa mid xilli hore la duubay. Qoraalka kasoo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in si rasmi ah loo dilay Qasim Al-Raymi balse laguma xusin waqtiga la dilay. “Dhimashadiisa waxaa ay sii kala daadineysaa Al-Qaacidada gacanka Carbeed iyo dhaqdhaqaaqa kooxda ee caalamka, waxaana ay inoo suurtagalineysaa in aynu ka takhalusno khatarta ay kooxdaas ku heyso nabadgelyada caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalkii kasoo baxay aqalka cad.
  6. Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa qabtay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Gudniinka Gabdhaha oo sanadkasta la xuso 6 bisha Febraayo, waxaana halkudhig looga dhigay sanadkaan “ Muujinta Awooda Dhalinyaradda: 10 sano oo ah dardargelinta ciribtirka gudniinka gabdhaha. Xuskan ayaa waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Harumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Moxamed Cabdirisaq Nuux, Wasiir ku¬¬-xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland, Madaxda Haya’daha caalamigaa iyo kuwa maxaligaa, waxaana looga hadlay sidii deegaanadda Puntland iyo Soomaaliya guud ahaanba looga ciribtiri-lahaa gudniinka gabdhaha. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Haweenka Maxamed Cabdirisaaq Nuux oo Munaasabada daah-furay ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah la isaga kaashado ciribtirka gudniinka gabdhaha, dhalinyaraduna qaybweyn uga qaadan lahaayeen kacdoonka lagu doonayo in lagu ciribtiro gudniinka gabdhaha. Maxamed Cabdirisaq ayaa sidoo kale ka warbixiyay dadaalada ay xukuumadda Puntland ugu jirto u qareemida meelmarinta sharcigga joojinta gudniinka gabdhaha waxaana uu ku dheeraaday waxyaabihii wasaaradda uga qabsoomay arrimaha ciribtirka gudniinka gabdhaha. Wasiir ku¬¬-xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland Cabdiwali Mire Xirsi ayaa sheegay in ay dhibweyn tahay in lagu tacadiyo gabar islamarkaana ay muhiima tahay in laga wacyi-galiyo bulshada joojinta ficilada arxan daradda ah ee lagula kacayo gabdhaha. Baxsan oo ka tirsan Haya’dda UNFPA ayaa sheegtay inay ka go-na tahay hay’adda UNFPA ciribtirka gudniinka loo gaysanayo gabdhaha taasi oo ah dhaqan wuxuushnimo ah. Gabagabadii munaasabada ayaa waxaa lagu soo bandhigay Riwaayado,Heeso iyo fariimo xanbaarsan ciribtirka gudniinka gabdhaha oo lagu baraarujinayo bulshada Puntland PUNTLAND POST The post Wasaaradda Haweenka Puntland oo qabatay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Gudniinka Gabdhaha appeared first on Puntland Post.
  7. Guddiga KMG doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa magaalada Dhahar ku qabtay kulankoodii wacyigelinta iyo latashiyada dadwaynaha kala duwan ee reer Puntland. Kulanka waxaa kasoo qayb galay masuuliyiinta gobolka Haylaan oo ay hoggaaminayaan guddoomiyaha gobolka Haylaan Siciid Xuseen iyo maayarka degmada Dhahar Cabdifataax Maxamed Salaad iyo xubno ka socda qaybaha bulshada ee Dhahar. Guddigu waxa uu soo bandhigay qorshe-hawleedka geeddi socdka dimuquraadiyadda iyo jadwalka doorashada dawladaha hoose ee Puntland waxuuna sidoo kale ka jawaabay su’aalihii bulshadu waydiisay iyaga oo kadhegaystay dhammaan talooyinka ay soojeedisay bulshadu. PUNTLAND POST The post Guddiga KMG doorashooyinka Puntland oo wacyi-gelin ka bilaabay degmada Dhahar appeared first on Puntland Post.
  8. In Somali waters, illegal fishing is a pervasive problem. It triggers clashes between foreign and domestic fishers, and destabilizes Somali life. Source: Hiiraan Online
  9. Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle oo maalmahaan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kulan la qaatey Wakiilka Qarmada Midoobay ee Soomaaliya Amb, James Swan. Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga wada hadleen daadejinta dhismaha golayaasha degaanka Hir-Shabeelle,wax ka qabashada arimaha barakacayaasha, Fatahaadaha iyo qodobo kale oo muhiim u ah Maamulka Hir-Shabeelle. Dhinaca kale Wasiir Caadle ayaa Xarunta ugu weyn Hay’adaha Un-ka ee Xalane waxaa uu kula kulmay Safiirka Mareykanka ee Sooomaaliya amb, Donland Yamamoto ,iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya amb, Donland Yamamoto ayaa sheegay in ay Maamulka Hir-Shabeelle ka caawin doonan ka hortaga arrimaha fatahaadaha oo dhibaato fabadan ku haayo deegaannada Hir-Shabeelle. Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa labada Mas’uul waxaa uu uga mahad celiyey sida ay u garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed,isaga oo ugu baaqay iay taageeradaas kordhiyaan. PUNTLAND POST The post Hirshabeelle oo Qaramada Midoobay iyo Maraykanka kala hadashay Arrimaha fatahaadaha appeared first on Puntland Post.
  10. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in ciidanka Mareykanka ay dileen hogaamiyaha Al Qaacida ee gacanka Carbeed. Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Qasim al-Raymi, oo kooxdaas hogaaminayay tan iyo sanadkii 2015-ka lagu dilay hawlgal uu Mareykanka ka fuliyay gudaha dalka Yemen. Ninkan la dilay ayaa lala xiriiriyay weeraro dhowr ah oo lagu qaaday danaha dalalka reer galbeedka labaatankii sano ee lasoo dhaafay. Waxaa uu xilka hogaaminta kooxda kala wareegay ninkii isaga ka horeeyay ee ay Mareykanka sido kale ku dileen duqeyn dhanka cirka ah. Qoraalka kasoo baxay aqalka cad ee Mareykanka waxaa lagu xaqiijiyay dhimashada al-Raymi’s, balse lama sheegin xilliga la dilay. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo dilay hogaamiye sare oo ka tirsan Al Qaacida appeared first on Puntland Post.
  11. Wararka laga helayo Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas lagu xiray guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Alqaadi iyo guddoomiyaha degmada Baardheere ee Jubbaland Ismaaciil Qorrax. Wararka waxay intaas ku darayaan in masuuliyiintan ay ka mid yihiin xubanaha si gaar ah u taageersan maamulka Jubbaland islamarkaana ka howlgala Gobolka Gedo. Labadaan mas’uul ayaa la keenay Muqdisho kadib markii taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka ay dowladda u dirtay kaas oo ku qanciyey in ay u soo raacaan Muqdisho kadib markii sida la sheegay uu balan qaadyo u samyeey. Intaa kadib masuuliyiinta Markii ay kasoo degeen garoonka Aadan-Cadde ayaa waxaa la sheegay in ay wareegeen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya kuwaas oo xabsiga u taxaabay. PUNTLAND POST The post Guddoomiye ku xigeenka gobolka gedo iyo kan degmada Baardheere oo lagu xiray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  12. Sweden: Gawaadhi Gaashaaman oo laga xaday xero ciidan Hay`adaha amaanka dalka Swedan ayaa baadi-goobaya labo gaari oo nooca gaashaman ah kuwaas oo laga xaday xero ciidan oo ku taal magaalada Enköping oo u dhow Uppsala. Gawaaridan ay ciidamadu leeyihiin ee la xaday ayaa ah nooca qaaliga ah ee loo yaqaan Galten, waxaana midkiiba uu yahay ku dhowaad 3 mitir oo joog ah iyo 5 mitir oo jiif ah, halka culeyskiisuna yahay 7 tan. Booliska ayaa sheegay in xerada lagala baxay gawaaridan ay ka warheleen shalay gelinkii dambe, waxaana ayna intaasi raaciyeen in ay u baarayaal kiiskan sida mid tuuganimo xad-dhaaf ah. Qoraal ay soo qoreen booliska ayay ku sheegeen in xatooyadu dhacday inta u dhaxeysay 4. og 5. bishan eynu ku jirno ee februar. Dadka iyo darawallada ayay ugu baaqeen in ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa gawaaridan, ayna kusoo wargeliyaan boolisk haddii ay arkaan. Waa markii ugu horreysay oo gawaari ciidan laga xado ciidamada Swedan. Qaran News
  13. Dhakhtarkii ugu horeeyay ee helay cudurka Shiinaha ka dillaacay “Coronavirus”oo u geeriyooday cudurkaa Dhaktarkii shiineyska ahaa ee isku dayay in uu digniintii ugu horreysay kasoo saaro halista caabuqa dilaaga ah ee coronavirus, markii ugu horreysay ee uu dillaacay, ayaa ugu dambeyn u geeriyooday isla cudurkaas oo markii dambe ku dhacay, sida ay sheegeen warbaahinta dalkaas. Li Wenliang wuxuu ka mid ahaa dhakhaatiirta ka howlgaleysay isbitaalka guud ee magaalada Wuhan, wuxuuna digniinta ku saabsan cudurkan saaxiibadiisa shaqada u diray 30-kii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay. Booliska ayaa markaas ka dib ku booqday gurigiisa waxayna ku amreen inuu joojiyo digniintaas, maadaama ay mas’uuliyiintu doonayeen in la qariyo warka ku saabsan caabuqaas cusub. Coronavirus ayaa hadda galaaftay nolosha in ka badan 560 ruux, wuxuuna soo ritay dad kor u dhaafaya 28,000 oo reer Shiine ah. Caabuqan ayaa sababa xanuun saameyn xoog leh ku yeesha habsami u socodka neef mareenka, calamadihiisuna waxay inta badan ka billowdaan qandho, kaddibna waxaa kusii xigsada qufac angagan. Inta badan dadka uu haleelay ayey u badan tahay inay kasoo kacaan – iyagoo noqonaya sida inuu hargab ku dhacay oo ay ka reysteen. Qaran News
  14. Mareykanka oo dilay hogaamiye sare oo katirsan Al Qaacida Hogaamiyaha la dilay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in ciidanka Mareykanka ay dileen hogaamiyaha Al Qaacida ee gacanka Carbeed. Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Qasim al-Raymi, oo kooxdaas hogaaminayay tan iyo sanadkii 2015-ka lagu dilay hawlgal uu Mareykanka ka fuliyay gudaha dalka Yemen. Ninkan la dilay ayaa lala xiriiriyay weeraro dhowr ah oo lagu qaaday danaha dalalka reer galbeedka labaatankii sano ee lasoo dhaafay. Waxaa uu xilka hogaaminta kooxda kala wareegay ninkii isaga ka horeeyay ee ay Mareykanka sido kale ku dileen duqeyn dhanka cirka ah. Kooxdan ayaa la asaasay sanadkii 2009, waxaana ujeedkoodu ugu weyn ay ku sheegeen sidii ay uga hortagi lahaayeen danaha Mareykanka iyo dalalka reer galbeed ee gobolka. Ururka ayaa saameyn badan ku lahaa dalka Yemen, waxaana uu ka faaideystay xasilooni darrida ka taagan dalkaas, taas oo saameysay dalal badan. Wararka ku saabsan in Mareykanka uu dilay hogaamiyaha Al Qaacida ee Yemen ayaa soo shaac baxday bishii Janaayo, haseyeeshee kooxda ayaa soo duubtay cod u muuqday in la duubay xilli hore. Qoraalka kasoo baxay aqalka cad ee Mareykanka waxaa lagu xaqiijiyay dhimashada al-Raymi’s, balse lama sheegin xilliga la dilay. “Dhimashadiisa waxaa ay sii kala daadineysaa Al Qaacidada gacanka Carbeed iyo dhaqdhaqaaqa kooxda ee caalamka, waxaana ay inoo suurtagalineysaa in aynu ka takhalusno khatarta ay kooxdaas ku heyso nabadgelyada caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalkii kasoo baxay aqalka cad. Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in dhimashada hogaamiyaha kadib, danaha Mareykanka ee gobolka uu badqabo. Qaran News
  15. DUBAI (Reuters) - The International Monetary Fund (IMF) said on Thursday Gulf Arab states — some of the world’s richest countries — could see their financial wealth depleted in the next 15 years amid lower hydrocarbon revenues if they don’t step up fiscal reforms. Source: Hiiraan Online
  16. BAGHDAD (AP) — Iraq and Russia discussed prospects for deepening military coordination, Iraq’s Defense Ministry said Thursday, amid a strain in Baghdad-Washington relations after a U.S. airstrike killed a top Iranian general inside Iraq. Source: Hiiraan Online
  17. Minnesotans are already heading to the polls with Super Tuesday just a month away. Meanwhile, some Democrats are trying to change a state law they say discriminates against some voters. Source: Hiiraan Online
  18. Waxaa maanta oo Jimce ah xiran isku socodka Gaadiidka isticmaala isgoyska Ex Control Afgooye oo muhiim u ah Gaadiiska isaga kala goosha Gobolada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Gaadiidleyda waxa ay ku doodayaan in ay bixiyeen canshuurta looga qaado Isgoyska Ex Control Afgooye isla markaana loo diiday in ay sii wataan safarkooda, maadaama badeeco kala duwan ay wataan. Qaar kamid ah dadka halkaasi ku sugan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Gawaarida Xamuulka ah ay u raran yihiin qaybo kamid ah Degaanada Koofur Galbeed iyo Jubbaland. PUNTLAND POST The post Gaadiidka Xamuul ah oo ku xanniban Isgoyska Ex Control Afgooye appeared first on Puntland Post.
  19. LONDON (Reuters) - An estimated 500,000 European Union nationals in Britain have yet to apply for a new immigration status, which most will need to remain in the country after Brexit. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Dowladda Soomaaliya ay wada-hadallo la bilaawday guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Jubada Hoose ee maamulka Jubbaland. Wararka aan helnay ayaa sheegaysa in mas’uuliyiin ka tirsan Villa Somalia ay billaabeen in ay wada-hadal la galaan guddoomiyaasha degmooyinka, Badhaadhe, Afmadow iyo degaanka Dhoobleey ee gobalka Jubada Hoose, kuwaas oo ka tirsan maamulka Jubbaland. “Is-maqalkii ugu horreeyay ayaa dhacay, waxaana ku jira dadka lala hadlay saraakiisha ciidanka ee degmooyinkaas, waxaana la filayaa in dhawaan si rasmi ah u billowdo xiriirka labada dhinac” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online, islamarkaana xog ogaal u ah arirntan. Dowladda Soomaaliya ayaa wado qorshe ay gacanta maamulka Jubbaland uga saareyso degaanada maamulkaasi, marka laga reebo magaalada Kismaayo oo uu ku xoogan-yahay maamulkaasi. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in haddii maamulka Axmed Madoobe lagala wareego degmooyinka aan soo sheegnay ee Jubada Hoose, ay suurta-gal tahay in si fudud looga saari karo Kismaayo oo ah meesha kaliya oo ay ku hari doonaan. Sidoo kale Xogta ayaa sheegaysa in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay qabsato Jubada Dhexe, kadibna ay degaanada Jubbaland ka dhisto maamul cusub oo la shaqeyn kara Xukuumadda Soomaaliya. Tallaabooyinkan ayaa imanaya ayada oo dowladda ay iminka si buuxda gacanta ugu dhigto gobolka Gedo. Lama oga halka ay ku danbeyn doonto xiisadda Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya oo gaartay heer aad u sareeyo. Xiisadda labada dhinac ayaa laga cabsi qabaa in ay isu badasho xaalad ciidan hadii aan si deg deg ah loo xalin.
  21. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Bar-___-Qumanaha-Wararka-06022020-sax.mp3 View the full article
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in galabta magaalada Muqdisho lagu xiray guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq ‘Alqaadi” iyo guddoomiyaha degmada Baardheere ee Jubbaland Ismaaciil Qorrax. Labadaan mas’uul oo ah kuwa kaliya ee taageersan Jubaland, islamarkaana ka tirsan maamulka gobalka Gedo, ayaa maanta la keenay Muqdisho kadib cadaadis ay saartay dowladda Somalia, sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland. Sida aan xogta helanay, Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka ayey dowladda u dirtay dowladda federaalka, kaas oo ku qanciyey in ay u soo raacaan Muqdisho, kadib markii sida la sheegay uu balan qaadyo u samyeey. Wararka ayaa sheegaya in dowladda Somalia ay masuuliyiintaan u balan qaaday, xilal iyo in ay ka bixin doonto lacago deyn ah oo lagu yeeshay mudadii ay u shaqeynayeen maamulka Jubaland. Markii ay kasoo degeen garoonka Aadan-Cadde ayaa waxaa la wareegay ciidan ka tirsan booliska Soomaaliya, kuwaas oo xabsiga u taxaabay. Sababta Taliyaha qeybta 43-aad ee xooga dalka loogu diray mas’uuliyiintaan si uu u keeno Muqdisho ayaa ah in ay ka tirsanyihiin ciidanka xoogga dalka, isla markaana ay isaga hoos tegayeen. Gabi ahaanba gobolka Gedo oo ka mid ah gobollada uu ka arrimin jiray maamulka Jubbaland ayaa gacanta u galay dowladda federaalka, kadib markii ay ku daadisay ciidamo ay diyaarado uga daabushay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Shir ay maanta magaalada Kismaayo ku yeesheen golaha wasiirada Jubbaland ayaa looga hadlay ciidamada ay dowladda federaalka toddobaadyadii dhowaa ku daabuleysay, isla markaana qabsaday inta badan gobolka Gedo. Qoraal kasoo baxay golaha wasiirada Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowladda dhexe ay “faro-gelin qaawan” ku hayso dowlad goboleedka Jubbaland ayna “weerar qaawan kusoo qaaday” gobolka Gedo. Sida lagu sheegay qoraalka, golaha wasiirada Jubbaland ayaa go’aan ku gaaray inay heegan buuxa geliyaan ciidamada kala duwan ee dowlad goboleedka Jubbaland, si looga hortago, baa la yiri “weerarada qaawan ee ay dowladda federaalku kusoo qaaday Jubbaland.”
  23. Kooxo hubeysan ayaa afar Qof oo qaadwale ah waxay u galeen jidka, kadibna waxay ka dheceen Qaabkii ay wateen. Afarta Qof ee la diley ayaa [...] Source
  24. Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, waxaa maanta lagu soo dhaweeyey isimo ka tegay gobolada Sool iyo Ceyn. Isimadan ayaa kala ahaa Ugaas Maxamuud Cabdullaahi, Garaad Cabdisalaan Xasan iyo Suldaan Siciid Cismaan Cali, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii soo dhaweeyey isimadan ayaa sheegay in odayaasha dhaqanku ay door-muuqda ku leeyihiin dowladnimada Soomaaliya. Suldaan Siciid Cismaan Cali oo u hadlay isimada ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey, wuxuuna sheegay in ay dib ka sheegi doonaan u jeedada ay u yimaadeen Muqdisho. Sidaan oo kale waxaa dhawaan Muqdisho gaaray isimo isugu jira Puntland iyo dowlad degaanka Soomaalida, kuwaas oo u tagay dhameynta heshiis beelo walaalo ah ay horey ugu gaareen degaanka Dhumay ee gobolka Sool. Qaar ka mid ah isimadaas ayaa la kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo qaar ka mid safiirada caalamka, waxaana warar sheegayaan in ay kawada hadleen sidii maamul gaara loogu sameyn gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn. Isimadan maanta gaaray Muqdisho ayaa wararku tilmaamayaan in ay qeyb ka noqon doonaan qorshahaas. PUNTLAND POST The post Isimo ka tegay Sool iyo Ceyn oo lagu soo dhaweeyey Muqdisho appeared first on Puntland Post.