Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,342
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa la guddoon siiyey qalabka fududeeyo maqalka kadib markii ay ku dhaga beeleen weerarada ay kusoo qaadaan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto Gudaha Soomaaliya. Ciidamadaan oo u dhashay dalka Uganda tiradoodana tahay 23 askari ayaa ku dhaga beelay jugta weerarada Al-Shabaab kusoo qaadeen saldhigyadooda, waxaana qalabkaana loo siiyey si ay si fiican wax ugu maqlaan. Mid kamid ah Askartaas oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inuu muddo afar bil ah dhibaato ku qabo maqal la’aan ka dhalatay dagaaladii ay la galeen AL-Shabaab intii ay ka tirsanaayeen howlgalka Midowga Africa ee AMISOM. Askarigaan oo magaciisa qarixiyey isla markaasna aan fasax u heysan inuu la hadlo Saxaafadda ayaa sheegay inuu maqalkiisa waayey markii uu qarax ka dhacay meel u dhow saldhigii ay ku sugnaayeen. Qalabka la guddoon siiyey askartaan ku dhaga beelay dagaalada Al-Shabaab ayaa waxaa bixisay hey’adda wax maqalka ee The Starkey Hearing Foundation, waxayna hey’adda u ballan qaaday ciidamadaas inay lacag la’aan ku siin doonto batariga loo isticmaalo qalabkaas. Xafladda ciidamadaan lagu siinayey qalabkaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira oo isaga guddoonsiiyey.
  2. Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa xalay degmada Qardho ee gobolka Karkaar kula shiray qaybaha kala duwan ee dadwaynaha degmada Qardho oo isugu jiray Odayaal, aqoonyahan, haween, dhallinyaro iyo waliba guddoonka gobolka iyo degmada oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha golaha degaanka ahna duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan iyo xildhibaannada gobolka. Guddiga ayaa bulshada la wadaagay qorshaha hirgelinta nidaamka xisbiyada badan iyo Jadwalka ay doonayaan in ay ku gaaraan, waxayna shacabka ka dhegaysteen aragtidooda ku aaddan hannaanka doorashada qof iyo cod iyada oo guddigu ka jawaabay dhammaan su’aalihii ay qabeen dadweynihii kasoo qayb galay madasha. PUNTLAND POST The post Guddiga KMG doorashooyinka Puntland oo la kulmay Bulshada Qardho appeared first on Puntland Post.
  3. Qoraal arbacadii ka soo baxay xafiiska hawlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Mareykanka ay mar walbo ay ahmiyad gaar ah siinayaan in DF iyo dowlad goboleedyada kala shaqeeyaan amniga iyo ladagaalanka Al-shabaab iyaga oo ugu baaqay wada hadal iyo tanaasul iney dhinacyada kala duwan muujiyaan. “Soomaaliya waxaa ay ku jirtaa weji khatar ah oo ku aadan safaka dhanka dimoqoraadiyadda, sharciga doorashada ma dhameystirna, waa in dhammaan xoogga saaraan dib u heshiisiin, lana soo celiyo xiriirkii dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada” Ugu dambeyntii, waxaa uu Mareykanka ugu baaqay dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada, baarlamaanka iyo dhammaan saamileyda in laga shaqeeyo sidii ay doorasho hufan ku dhici laheyd 2020/1 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay degmada Hodan ee gobalka Banaadir. Qaraxan oo ahaa mid lagu soo xiray gaari uu lahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaalya ayaa waxa uu si gaara uga dhacay Xaafada Taleex gaar ahaa carwadii hore ee qaranka, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Sida goobjoogayaal ay inoo xaqiijiyeen qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay darawalkii gaariga iyo qof shacab ah oo wadada marayay. Ciidamo ka tirsan booliska degmada Hodan ayaa goobta soo gaaray iyaga oo halkaasi ka bilaabay baaritaano. wali ma jirto wax wara oo ka soo baxay laamaha amaanka oo ay uga hadlayaan qaraxan lagu bartilmaameedsaday gaari uu lahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaaka federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. MOGADISHU (HOL) - The U.S has called on Somali Federal Government and the Federal Member States to re-engage following close to three years of sour relations in what is perhaps the U.S’ strongest rebuke of pf the Somali administration. Source: Hiiraan Online
  6. Wararka ka imaanaya magaalada Xaafada Black Sea ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas Kooxo hubeysan ay ku dileen Darawal Mooto Bajaaj. Rag ku labisan direeska Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in saaka Xaafada Black Sea degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ku dilay Wiil Bajaajle ahaa waxaana la sheegay in kooxdii dilka geysatay ay Mobile kii ka qaateen Marxuumka ay dileen. Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in kooxda dilka geysatay in ay doonayeen marxuumka in ay ka dhacaan Mooto Bajaajta uu ku shaqeysanayay muran kadibna ay toogteen. Meydka marxuumka waxaa goobta ka qaaday dadka degaanka oo ku wareejiyay Eheladiisii. Inta badan Darawalada Mooto Bajaajka kexeeya ayaa tacadiyo kala duwan la kulma taas oo ay ugu badantahay dilalka iyo dhaawac askarta dowladda iyada sidoo kale ay u gaarsadaan kooxo burcad ah oo dhac u geysata. PUNTLAND POST The post Dareewal Mooto Bajaaj oo lagu dilay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  7. Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku nool Wadanka UK ayaa Degmooyinka Yaaqshiid iyo Hiliwaa ka aasay aasay labo koox oo kubbadda cagta ah,iyagoo ugu tala galay in ay dhallinyarada ay ka taageeraan xirfadooda isboortiga waxaana kooxda Jubba Youth hindisay dhallinyarada kala ah Caamir Cabdiraxmaan Xuseen iyo Zakariye Cabdi Xasan. “Markii aan kusoo laabanay dalka waxaan aragnay baahi badan oo haysta dhallinyarada aniga iyo saaxiibo badan oo ku nool magaalada London ayay nagu dhalatay in aan caawino dhallinyarada,sababta loo aas aasay kooxda Jubba ayaa ah in ay wax baan ka badasho Soomaaliya,waxaanse rajaynaynaa in aan mustaqbalka soo saarno caruur badan oo saameyn ku leh Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Caamir Cabdiraxmaan Xuseen oo ah guddoomiyaha guud ee naadiga Jubba Youth. Guddoomiyaha Jubba Youth ee caasimada Muqdisho Cabdullahi Maxamuud Sanka ayaa sheegay in hadafkooda uu yahay in ay dhiirigeliyaan dhallinyarada in ay kooxo badan oo nuucyada ciyaaryaha ka aas aasan degmooyinka Gobolka Banaadir iyo dhamaana gobolada kale ee dalka. Guddoomiyaha Isboortiga Degmada Yaaqshiid Xasan Tahliil ayaa u mahad celiyay dhallinyaradii aas aastay kooxda Jubba Youth ,wuxuuna balan qaaday in degmada Yaaqshiid ay diyaar u tahay in ay garab istaagto kooxdan oo muhiim degmooyinka dariska ah ee Yaqiishiid iyo Hiliwaa. Macalinkii hore kooxda Hirshabeele iyo Saxafi FC Cabdi Isaaq Maxamed (Cabdi Kuus) ayaa bogaadiyay howlaha horomarinta ay wadaan maamulka iyo macallimiiinta naadiga Jubba,isagoo kula dardaarmay in degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir ay ka her geliyaan fursad siinta dhallinyarada. Guddoomiyaha Ciyaaraha Degmada Hiliwaa Ismaaciil Cali Axmed ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin shaqooyinka is dhaxgalka bulshada ay degmooda ka bilaaween dhallinyarada hindisay kooxda Jubba Youth,isagoo geesta kale sheegay in markasta ay tahay in loo mahad celiyo Caamir Cabdiraxmaan Xuseen iyo Zakariye Cabdi Xasan iyo walaalaha kale ee is xilqaamay. Halkan Ka Daawo Warbixin Ka Saabsan Kooxda Jubba Youth W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay qaraxa xooggan oo laga maqlay xaafado ka tirsan Magaalada. Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay ka soo horjeedka Carwadii hore ee Taleex ee degmada Hodon , wuxuuna haleelay gaari halkaas marayey. Qaraxaan oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso, halka wararka kalana ay sheegayaan inuu ahaa qarax gaariga lagu soo xiray. Gaariga qarxay ayaa la sheegay inuu lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya inkastoo aan weli la xaqiijin inuu isaga saarnaa isla markaasna aan la helin magaciisa. Sida ay goobjoogayaal sheegeen inta la ogyahay waxaa ku dhaawacmay darawalkii gaariga waday, waxaana gaariga soo gaaray burbur xooggan, sidoo kalana waxaa jiro dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah oo jidka marayey. Ciidamada booliska Soomaalia oo tagay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ku dhawaad saacad xiray wadooyinka soo gala goobta uu qaraxa ka dhacay taasoo saameyn ku yeelatay isku socodka Dadweynaha iyo Gaadiidka.
  9. Muqdisho (SMN) – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in ay gobolka Jubada Hoose ku weerareen ciidamo Kenyan ah. Weerarka oo ku bilowday qarax wadada dhinaceeda la dhigay ayaa sababay dagaal fool-fool ah oo dhinacyadda dhexmaray. Weerarka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Qooqaani iyo Dhoobley. Ciidanka waxaa la beegsaday iyagoo maraya degaanka Taabta. Dadka degaanka ayaa Shabelle u sheegay in uu jiro khasaaro soo kala gaarey dhinacyadda, wallow aanan la xaqiijin tiradda guud. Ma jiro wax war ah oo ku aadan dagaalka oo kasoo baxay dhanka Ciidamadda AMISOM, laamaha ammaanka Jubaland iyo Al-Shabaab. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/KA.mp3 View the full article
  10. (SLT-Washington)-Dawladda Mareykanka oo dawladda fadaraalka Soomaaliya iyo maamul gobolleedada xubnaha ka ah ee shanta ah ku boorisay in dib u cusboonaysiiyaan wada shaqeyntooda iyo iskaashigooda. Qoraalkan kasoo baxay xafiiska safaaradda mareykanku ku leedahay Muqdisho ayaa muujinaya in meesha laga saarey in Somaliland qeyb ka tahay Soomaaliya. “United States has continued outreach efforts to the Federal Government and all the Presidents of the five Member States” “Mareykanka wuxuu sii wadayaa dadaalkiisa wacyigalinta ee Dowladda Federaalka iyo dhammaan Madaxweynayaasha shanta dowladood ee xubnaha ka ah “. Puntland , Jubaland , Hirshabeele , Koonfur galbeed ,Galmudug. Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka beeraha Axmed Muumin Seed ayaa sheegay inay dawlada Itoobiya awoodi wayday inay Somaliland ka buufiso Ayaxa kadib markii uu dalkeeda si daran ugu faafay, waxa uu wasiirku sheegay inay marka hore ku heshiiyeen in ay Somaliland ka taageeraan dagaalka Ayaxa se ay suuroobi wayday. Wasiirka beeraha oo hortagay gudida joogtada ah ee golaha wakiilada ayaa ay warbaahintu waydiisay halka ay ku danbaysay diyaaradii Itoobiya ee Somaliland ka caawinayay dagaalka Ayaxa, waxaanu yidhi“ Waddanka aan jaarka nahay ee Itoobiya xidhiidh wanaagsan ayaa na dhexmaray wasirka dhigayga ah ee deegaanka ee Itoobiya oo aan ka waddahadalnay in waagii dhawayd ay hawshaa wax nagala qabtaan, markaas Ayaxii dalka oo dhan ayuu ku baahay dalka Itoobiyana culays badan ayaa saarnaa Ayaxuna waxa uu u badnaa dhanka Itoobiya intii ay dhibaatada la tacaalayeen waan ku heshiinay inay na soo gaadhaan laakiin waa ay na soo gaadhi kari waayeen, dhibaatadii oo iyaga ku baahday awgeed.” Source
  12. (SLT-Moscow)-Warbaahinta Dalka Ruushka ayaa maalmihii u dambeeyay si weyn u baahinaysa wararka sheegaya in dalka Ruushku uu indhaha ku hayo magaalada Isataraatajiga ah ee Berbera oo uu doonayo inuu ka samaysto saldhig Milatari. Labada warbaahinood ee laga leeyahay dalka Ruushka ee kala ah Telegraf oo iyadu wararkeeda ku baahisa luuqada Ruushka iyo Russian Business Today oo iyaduna ku baahisa wararka luuqada Ingiriisida, ayaa qoray in dawladda Ruushku ay si weyn indhaha ugu hayso magaalada Berbera ee Somaliland. RBT Russian business Today, ayaa iyadu sheegtay in dalka Ruushku uu kor u qaaday dhaqdhaqaaqyada uu ku doonayo inuu saldhig kaga samaysto magaalada Berbera, waxaanay warbixintu sheegtay in arrintan Berbera ay timid iyadoo uu wada hadal dhex maray madaxda Ruushka iyo Ereteriya oo ku saabsan sidii uu Ruushku xarumo isgaadhsiineed oo Saadka ah uga samaysan lahaa Ereteriya. Russian Bussines Today waxay sheegtay in haddii uu Ruushku talaabadan dhinaca Berbera u qaado uu ku biirayo dalalka Shiinaha iyo Maraykanka oo iyaguna saldhigyo ku leh xeebaha dalka Djibouti oo aanay masaafad badan isu jirin Berbera. Telegraf Warbaahinta Telegraf ee wararkeeda ku baahisa afka Ruushka, ayaa iyaduna qortay warbixin ay ciwaan uga dhigtay “Ruushku wuxuu doonayaa inuu saldhig milatari ka samaysto Berbera.”, waxaanay Telegraf soo xigatay warbixintii uu toddobaadkii hore qoray wargeyska caanka ah ee The New York Times ee lagu soo bandhigay in Ruushka uu damac ka hayo xeebta Berbera. Warkan wargeyska Telegraf ayay warbaahin kale oo badan oo Ruushka laga leeyahay soo xigatay. Ruushka iyo Somaliland Ma jiro war rasmi ah oo ay dawladaha Ruushka iyo Somaliland ka soo saareen wararkan, laakiin wargeyska caanka ah ee The New York Times, ayaa toddobaadkii hore qoray warbixin uu ciwaan uga dhigay “Ruushka oo saamayn sii kordhaysa ku leh Afrika iyo Reer Galbeed badan oo ka werwersan.”, waxaanu warbixintaas ku sheegay in dalka Ruushku uu xidhiidho badan la sameeyay Afrika, kuwaas oo uu kaga samaystay kalsooni. Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah oo ka tirsan waaxda gaashaandhiga ee Maraykanka, wuxuu sheegay in meelaha uu Ruushku isha ku hayo ay ka mid tahay dekedda Berbera ee Somaliland, “Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigu, madaxda Ruushku waxa ay isha ku hayaan dekedda Berbera inay u noqoto goob ay kaga samaystaan saldhig xeebta Somaliland oo dhacda Gacanka Cadan. Shiinaha iyo Maraykanka, oo saldhigyo ciidan ku leh Jibuuti, waxa ay la wadaagaan isla xeeb dekedda ay suurtagalka tahay in Ruushku dego.” Sidaas ayay tdhi warbixinta wargeysku qoray. Warbixintu waxay sheegtay in saraakiisha Maraykanku ay lafo-gur ku samaynayaan wax ay ugu yeedheen tartan weyn oo awood leh, waxaanay sheegeen inay si dhow ula socdaan saamaynta Ruushka ee sii kordhaysa ee Afrika iyo weliba dalka Shiinaha, iyadoo Washington la halgamaysa himilooyinka dhaqaale iyo amni ee ay ka leedahay qaaradda Afrika. Source
  13. (SLT-Jabuuti)-Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo wax laga weydiiyay korodhka la sheegay inuu ku yimid awooddii Al Shabaab ayaa sheegay inaanu isagu qabin inay korodhay awoodda ururka. Madaxweynaha ayaa sheegay inay awoodda Ururka Al Shabaab ku soo uruurtay qarax meel la dhigo iyo inay wax ku weeraraan gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa. Sidoo kale waxaa uu sheegay inay Al Shabaab arkayso dib u dhiska ku socda Ciidamada Qalabka Sida iyo horumarada dalka ka jira. Madaxweyne Geelle oo la hadlay VOA ayaa yidhi “Ma qabo inay korodhay awoodooda. Cadowgu marka uu duulimaad dalkiisa ku yahay waa mid, marka uu dal kale oo shisheeye uu ku yahayna waa mid kale.” “2007-dii ayay dagaalkoodu bilaabeen, wadanka Soomaaliyana inuu soo dhismayo way arkayaan, inuu ka soo kabanayo dhibaatooyinkii xagga amniga ka haystayna way arkayaan, in ciidamadu iminka tababaro wanaagsan qaataana way arkayaan, in laga gacan-sareeyana way arkayaan.” “Ayagu in wax dagaal ah ay u soo badheedhaan aad ayay u yar tahay, laakiin qarax meel la dhigo, baabuur lagu soo xidho walxaha qarxa, waxaas ayay u badan yihiin nimanku.” Source
  14. Muqdisho (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gaadiid dagaal kuwii ugu badnaa waxay ka dejisay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Dadka degaanka ayaa ku waramay in ay arkeen illaa iyo dhowr xabo oo gaadiidka oo isugu jira Cabdi Bileyaal iyo kuwa kale. Saraakiisha ayaa tilmaamay in arrintaan ay qayb ka tahay ololaha xoogan ee dowladdu ciidamadu ku geyneyso gobolka. Maamulka gobolka ayaa mar sii horeysay tilmaamay in ciidamadda ay qayb ka noqon doonan howlgaladda ka dhan ah Al-Shabaab. Dhanka kale, waxaa sheegayaa in ay duleedka Beledxaawo ka jirto xiisad u dhaxeysa ciidamadda dowladda iyo kuwa taabacsan Jubaland. Askarkaas ayaa la sheegay in ay daacad u yihiin Cabdirashiid Janan, wasiirkii amniga Jubaland, oo si dhuumaaleysi ku tegay halkaas. Janan ayaa la sheegay in 28-kii Janaayo sanadkan 2020-ka uu ka baxsaday goob uu ugu xirnaa Dowladda Federaalka oo haatan ku raadjoogta. View the full article
  15. (SLT-Qudus)-Millatariga Israa’iil ayaa wiil falastiini ah ku dilay daanta galbeed xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda u dhaxeysa labada dal. Goob-jooge diiday magaciisa ayaa xaqiijiyay in gacan ka hadal uu dhaxmaray millatariga Israa’iil iyo shacab Falastiin ah oo fiidnimadii xalay dibadbax ka dhan ah Yahuuda ka waday degmada Baab Al-Sawiyah oo daris la ah magaalada Al-Khaliil oo dhacda koonfurta daanta galbeed. Ciidanka Israa’iil waxay adeegsadeen rasaas nool nool waxaa jira dad dhaawac uu soo gaadhay Laakiin ma xaqiijin karo maadaama xilli habeen ah ay tahay ayuu Yidhi. Shacabka Falastiin ayaa ka cadhooday qorshaha loogu magac daray heshiiska qarniga ee Israa’iil iyo Falastiin oo hormuudka ka yahay Mareykanka. Xukuumadda Washington ayaa u aqoonsatay caasimada mustaqbalka Israa’iil in ay noqoto magaalada Qudus taasi oo cadho xooggan ku dhalisay muslimiinta Caalamka. Source
  16. Kismaayo (SMN) – Mid kamid ah wax-garadka gobolka Jubadda Hoose oo la hadlay idaacadda Shabeelle ayaa baaq nabadeed u diray beelo ku dagaalamay duleedka magaalada Kismaayo. Nabadoon Cabdinuur Cabdulle ayaa tilmaamay in dhankooda ay sameyn doonan wax kasta oo ay ku joojin karaan. Maamul goboleedka Jubaland ayuu ugu baaqay in uu soo farageliyaan xaaladda kahor inta aysan meel xun gaarin. Dhinacyadda dirirtu u dhaxeyso ayuu ku booriyey in ay u turaan caruurtooda maadaama ay iyaggu saameyneyso. Ku dhowaad 20 qof ayaa la sheegay in ay ku naf-waayeen dagaalo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka galbeed ee caasimadda gobolka Jubadda Hoose, kaasoo salka ku haya aanooyin qabiil. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Dowlada Mareykanka ayaa dowlada Soomaaliya iyo maamulada xubnaha ka ah ee dowlada goboleedyada ugu baaqday in ay dib u cusbooneysiiyaan dedaalada heshiis,si ay uga dhabeeyaan iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya,si ay hormar badan uga sameeyaan dhinacyada dowlad wanaaga iyo amaanka oo Mareykanka uu sheegay in ay tahay waxa ay shacabka Soomaaliyeed xiligan u baahanyihiin. Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in uu dhinaciisa xoojinayo dedaalada lagu dhex dhexaadinayo dowlada Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka,si looga gudbo caqabadaha ku hor gudban labada dhinac,sida amaanka,sidaa darteedna ay muhiim tahay wada hadal dhemxmara labada dhinac. Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in ay diyaar u yahay in uu garwadeen ka noqdo heshiiska lagu dhex dhexaadinayo dowlada Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka,waxaana uu sheegay in xiligan aan loo baahneyn kala qob qobnaan madaxda ugu sareysa dalka ka dhex jirta,iyadoo dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah oo xili doorasho ay kusoo wajahantahay. Si kastaba ha’ahaatee Mareykanka ayaa tilmaamay in heshiis ay wada gaaraan dowlada Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah ee dowlad goboleedyada ay muhiim u tahay dedaalada loogu jiro nabadeynta Soomaaliya oo colaado sokeeye ay halakeeyen 30-kii sano ee lasoo dhaafay. Ugu danbeyn, Mareykanka ayaa ugu baaqay dowlada Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah ee dowlad goboleedyada in ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan horumarinta amaanka,si loo qabto doorashooyinka 202/2021,waxaana uu sidoo kale Mareykanka ku baaqay in dhamaan bahwadaagta siyaasadeed ee dalka loo baahanyahay in ay ka heshiiyaan mad madowga siyaasadeed ee ka dhex jira. View the full article
  18. (SLT-Washington)-Aqalka Senate-ka Mareykanka ee uu hoggaamiyo xibisga Jamhuuriga ayaa xalay cod u qaaday kaddibna laalay labadii danbi ee lagu soo eedeeyey madaxwenye Donald Trump. Xubnaha aqalka wakiillada ee dimoqraadiga hoggamiyo ayaa bishii December Senate-ka u soo gudbiyay laba danbi oo ay ku soo oogeen Trump oo kala ahaa; ku takrifalid awooddeed iyo is-hortaagid baadhitaanka congress-ka. Aqalka Senate-ka ayaa dhageystay qareennada ka socday aqalka wakiiladda iyo waliba qareennada difaacayay madaxweyne Trump, waxaana xalay ay cod u qaadeen labada qodob. 52 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka koowaad ee Trump lagu eedeeyay, halka 48 mudane ay oggolaadeen. 53 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka labaad ee Trump lagu soo eedeeyay, halka 47 kalena ay oggolaadeen. ​Mitt Romney ayaa noqday mudanaha kaliya ee Jamhuuriga ka tirsan ee la saftay mudanayaasha dimoqraadiga kaddib markii “HAA” ugu codeeyay qodobka koowaad ee dhigayay in madaxweynuhu uu ku takri falay awooda. Go’aanka aqalka Senate-ka ayaa soo afjaraya dacwadda ka dhanka ah madaxweyne Donald Trump. Source
  19. Garowe (SMN) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxay xariga xalay booliiska maamulka Puntland ay magaalada Garoowe ugu geysteen wariye Cumar Maxamed Soomane oo ahaa wariyihii gaarka ahaa ee madaxweynaha Puntland. Booliiska maamulka Puntland ayaa wariyihii gaarka ahaa ee madaxweyne Deni ka qabtay maqaayad ku taala magaalada Garoowe,waxaana intaa kadib booliiska ay xabsiga u taxaabeen wariye Cumar Maxamed Soomane. Taliska Booliiska Puntland ayaan faahfaahin ka bixin xariga wariyihii gaarka ahaa ee madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni,balse warar hor dhac ah ayaa sheegaya in wariyaha loo heysto warar uu tabiyay oo ku saabsan in arday kasoo jeeda maamulka Puntland ay usoo safreen magaalada Muqdisho,si ay u galaan imtaxaanka shahaadiga ee qaranka oo ardayda Puntland aysan ka qey galain sanadkii lasoo dhaafay. Sidoo kale madaxtooyada Puntland ayaan ka hadlin xariga loo geystay wariyihii gaarka ahaa ee madaxweyne Deni Cumar Maxamed Soomane oo xalay booliiska maamulka Puntland ay ku xireen magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-060220.mp3 View the full article
  21. Jabuuti (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle ayaa ka hadlay Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ee lagula dagaalmayo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya. Mudane Geelle ayaa sheegay in awooddii kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay sii yaraaneyso marka loo fiiriyo waqtigii ay dagaalkooda bilaabeen ee sanadkii 2007 sida uu hadalka u dhigay xillii uu wareysi siinayey Idaacadda VOA qeybteeda afka Soomaaliga. Madaxweyne Geelle ayaa tilmaamay in Kooxda Al-Shabaab ay hadda ogaadeen inaysan sii wadi karin dagaalka ka dhanka ah Dowladda Soomaaliya iyo Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM. ” 2007 ayey dagaalkooda bilaabeen, wadanka Soomaaliya inuu soo dhismayana way arkayaan, inuu kasoo kabanayo dhibaatooyinkii dhanka amniga ka heystayna way arkayaan, in Ciidamada Tababar wanaagsan qaataana way arkaan, in laga gacan sareeyana way arkaan” ayuu yiri Mr. Geelle. Dowladda Jabuuti ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha Soomaaliya ay ka joogaan Ciidamada ku howlgalla Magaca AMISOM, waxana Boqolaal Askari ay ka howlgalaan degmooyin kamid ah Gobolka Hiiraan. Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa socdo muddo ka badan 10 sano, waxaana muuqato inaysan weli wiiqin awooddii AL-Shabaab inkastoo goobo badan laga saaray haddana waxay weli wadaan weeraro iyo dilal qorsheysan.
  22. (SLT-Khartoum)-Ciidammada Millatariga Sudan ayaa taageeray hoggaamiyaha waddanka Sudan kulankii uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayna ka wada hadleen sidii xidhiidh u dhex mari lahaa labada dal. Hoggaamiyaha Maamulka Sudan General Abdel Fattah al-Burhan ayaa la kulmay saraakiisha u sarreysa ciidammada millatariga Sudan kadib markii uu dib ugu soo laabtay dalkiisa. Kulankan ayaa waxaa uu saraakiisha ciidamada uga warbixiyay wadahadaladii uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha Israel Netanyahu. Hase yeeshee kulanka uu la yeeshay General Burhan ra’iisul wasaaraha Israel Netanyahu ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay inta badan golaha wasiirrada xukuumadda Sudan. Hoggaamiyihii hore ee la afgambiyay Cumar Xasan Albashir ayaa xukuumadii uu hoggaaminayay si weyn ugaga soo horjeeday Israel iyo dhibaatooyinka ay ku hayso shacabka Falastiin Source
  23. Golaha Wasiirada Galmudug ayaa la faray inay si deg deg ah ku yimaadaan magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud. Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda Federaalka Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor ayaa Golaha Wasiirada ku amray in ay ku soo ururaan Magaalada Dhuusamareeb si ay shaqada u sii wadaan ilaa iyo inta uu ka soo magacabayo Golaha Wasiirada cusub. Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Madaxweyne Qoorqoor uusan ku deg deggi doonin magacaabidda Golaha Wasiirada cusub inta laga xallinayo khilaafka ka jira dowlad goboleedka Galmudug. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sidoo kale qorsheynaya in uu wadahadalo la furo dhinacyada ka horyimid hannaankii loo maray doorashadiisa. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo si deg deg ah isu’gu yeeray Golaha Wasiirada Galmudug appeared first on Puntland Post.
  24. Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa xalay gebi ahaanba laalay labadii danbi ee lagu soo eedeeyey madaxwenye dalkaasi Maraykanka Donald Trump. 52 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka koowaad ee Trump lagu eedeeyay, halka 48 mudane ay oggolaadeen. 53 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka labaad ee Trump lagu soo eedeeyay, halka 47 kalena ay oggolaadeen. Xisbiga Jamhuuriga ahaa hoggaamiya Aqalka Senate-ka Mareykanka halka xisbiga Dimoquraaddigu uu hoggaamiyo Aqalka Wakiilada Kongareyska. Xubnaha aqalka wakiillada ee dimoqraadiga hoggamiyo ayaa bishii December Senate-ka u soo gudbiyay laba danbi oo ay ku soo oogeen Trump oo kala ahaa; ku takrifalid awooddeed iyo is-hortaagid baadhitaanka congress-ka. Go’aanka aqalka Senate-ka ayaa soo afjaraya dacwadda ka dhanka ah madaxweyne Donald Trump. PUNTLAND POST The post Aqalka Senate-ka Maraykanka oo laalay Dacwaddii loo Haystay Trump appeared first on Puntland Post.
  25. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dikreeto uu xalay soo saaray xilka kaga qaaday Agaasimihii guud ee Telefishinka iyo Raadiyaha dowladda Puntland isagoo agaasime ku meel gaar ah u magacaabay. Dikreetada madaxweyne Deni uu xilka kaga qaaday agaasimihii guud ee PuntlandTV&Radio Jamaal Carab Yuusuf ayuu sidoo kale agaasime ku meel gaar ah ugu magacaabay Daahir Cabdulqaadir Axmed (Daahir Aflow). Daahir Aflow ayaa agaasime ku xigeen ka ahaa Telefishinka iyo Raadiyaha dowladda Puntland ka hor intaan xalay si ku meel gaar ah loogu magacaabin agaasimaha guud ee PuntlandTV&Radio . Hoos ka akhriso Dekreetada oo dhammaystiran Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne oo sumaddiisu tahay (Lr.14) kuna taariikhaysan (February 5, 2020) wuxuu xilka kaga qaaday Agaasimaha Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda PuntlandMarkuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.Wuxuu xeeriyey:1. Waxaa Jamaal Carab Yuusuf laga qaaday xilka Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.2. Waxaa Daahir Cabduqaadir Axmed si ku meel gaar ah loogu magacaabay Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Daahir Aflow oo si ku meel gaar ah loogu magacaabay TV-ga iyo Raadiyaha Puntland appeared first on Puntland Post.