Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,342
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya , Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in ay mar kale ay warqad u direen madaxda Isbitaalka Yardimeli ee Magaalada Muqdisho, ayna ka dalbadeen inay soo caddeeyaan lana yimaaddaan sharciga u oggolaanaya inay ka shaqeeyaan Dalka Soomaaliya balse aysan kasoo jawaabin. “Wasaaradda Caafimaadku waxay u xil saaran tahay ilaalinta arrimaha caafimaadka Dalka ,shaqada naloo igmaday ayaan gudanaynaa, balse maaha inaan daba gal ku hayno shaqo aanaan lahayn, hay’ad kasta oo ka shaqaysa arrimaha caafimaadka haddii aysan haysan ruqsad ay kaga shaqayso Dalka waxaa waajib nagu ah inaan shaqada ka joojino, balse ciddii haysato ruqsad shaqo oo sharci ah kuna saabsan arrimaha caafimaadka, nidaamka Dowladnimo ayaa u oggol inay shaqeyaan” ayay tiri Wasiirada Caafimaadka Soomaaliya. Wasiir Fowziya ayaa intaa ku dartay in gudashada shaqadooda aysan cid kale marti uga ahaan doonin, Wasaaradduna ay markasta si dhow u ilaaliso shaqada loo igmaday ee ku saabsan arrimaha caafimaadka Dalka. View the full article
  2. Wakiilka geeska Africa u qaabilsan ha’yadda qaxootiga ee UNCHR, Maxamed Cabdi Afey iyo wakiilka hay’adda UNHCR ee Soomaaliya Johann Sifointe ayaa booqday wabiga Shabelle iyo qeybo ka mid ah degmada Beledweyne oo fatahaado ay ku dhufteen. Mas’uuliyiinta ka socday hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa kormeeray meelaha ay sida daran u saameeyeen fatahaadihii dhacay sanadkii hore. Sido kale xubnaha ka socday UNHCR ayaa la kulmay madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugas Rooble oo ka mid ah salaadiinta ku dhaqan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya UNHCR ayaa sheegtay in fatahaadihii ka dhacay dalka ay barakaciyeen 430 kun oo qoys , iyadoo 230 kun oo ka mid ah qoysaskaasi ay daganaayeen magaalada Beledweyne. Dhankiisa madaxweyne Waare ayaa uga mahadceliyay hay’adda UNHCR, sida ay uga qeyb qaadatay samata bixinta shacabka ku dhibaateysnaa gudaha magaaladaasi. Ugu danbeyn Wakiilka geeska Africa ee UNCHR, ayaa sheegay in Beledweyne ay tahay meelaha saameynta ugu badan ay ku yeesheen fatahaadaha, wuxuuna ballan qaaday in hay’addu ay dib u dajin rasmi ah u sameyneyso dadka ay barakiciyeen fataahadahaasi. View the full article
  3. Tirada kiisaka dhimashada xanuunka Fayrus-ka Corona ee guud ahaan dalka Shiinaha ayaa kor u kacday Arbacada maanta ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka ee dalkaasi. Kiisaska cusub ee laga helayo meelaha dibadda ka ah dhulka Shiinaha ayaa muujinaya sida uu sare ugu sii kacayo faafitaanka Fayrus-ka Corona. Inkastoo xanuunka uu gaaray dalal kala duwan oo caalamka ah, ayaa ha’yadda WHO ee caafimaadka ee adduunka waxay sheegtay in faafitaanka Fayrus-ka Corona uusan gaarin heerka masiibada. Ugu yaraaan 490 qof oo Shiinees ah ayaa u dhintay Fayrus-ka Corona tan iyo bishii December ee sanadkii hore, xiligaas oo xanuunka uu ka billowday magaalada bartamaha Shiinaha ku taalla ee WUHAN ee gobolka Hubei. Tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka ayaa gaartay 24,000 oo ruux, 150 kamid ah bukaannada ayaa laga diiwaan-galiyay 23 dal oo kale oo caalamka ah. Qofkii ugu horreeyay meel baxsan Shiinaha ugu dhinta xanuunka ayaa laga xaqiijiyay dalka Philippines. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Tirada dadka u dhintay Fayruska Corona oo korortay appeared first on Puntland Post.
  4. Wararka naga soo gaaraya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weli xiisad dagaal oo u dhexeyso laba maleeshiyo beeleed laga dareemayo tuulada Dalsan ee gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac oo maalmihii u dambeeyey ku dagaalamay Dalsan ayaa weli ka socda halkaasi. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay barakac, si ay uga fogaadaan waxyeello ka soo gaartay dagaalka labada dhinac. Maleeshiyaadkaan oo iska dilay in ku dhowaad 30 ruux ayaa haatan isku horfadhiyo goobihii lagu diriray. Nabadoon Cabdinuur Cabdulle (Dulmi Diid) oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho, kuna sugan tuulada Dalsan ayaa baaq nabadeed u diray beelaha dagaalamaya, wuxuuna sidoo kale ka dalbaday inay wax weliba ku dhameeyaan miiska wadahadalka. Dhinaca kale waxaa maanta degmada Kismaayo lagu qabtay dibadbax nabadeed oo looga soo horjeedo colaada ka taagan duleedka magaaladaasi. Qaar ka midah dadweynaha ku dhaqan halkaasi ayaa isugu soo baxay waddooyinka iyaga oo inta badan xirnaa maryo cad cad oo muujinayaa astaan nabadeed, waxayna ugu baaqeen maleeshiyaadka beelaha diriraya inay si deg deg ah dagaalka ku joojiyaan. Xiisadaan oo taagneyd dhowrkii cisho ee la soo dhaafay ayaa sababtay dhimasho, dhaawac iyo barakac intaba. View the full article
  5. Wararka naga soo gaaraya magaalada kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in maanta magaaladaasi ay ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeedo dagaal beeleedka ka socda duleedka magaaladaasi. Dibadbaxan oo ay dhigayeen bulshada qeybaheeda kala duwan ee magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegeen in ay aad uga xunyihiin dagaalka u dhaxeeya beelaha walaalaha ah, iyaga oo dalbaday in si shuruud la aana lagu joojiyo dagaalkaasi. Sidoo kale dibadbaxayaasha ayaa maamulka Jubbaland iyo iyo waxgaradka maamulkaasi ugu baaqay in ay ka qeybqaataan sidii loo damin lahaa colaada ka aloosan duleedka Kismaayo oo maalmihii ugu dambeeyay ay ku dagaalameen dad walaala ah. Wararka laga helayo dagaal beeleedkaas ayaa waxa ay xaqiijinayaan in dad kor u dhaafaya 30 qof ay dagaalkaasi ku nafwaayeen, waxaana iminka isi soo taraya baaqyada loo jeedinayo dhinacyada ay dirirtu u dhaxeyso. Dagaal beeleedyada ka qarxa deegaanada iyo degmooyinka qaar ee dalka ayaa intooda badan waxa ay salka ku hayaan dhul daaqsin iyo aanooyin qabiil iyada oo aysan jirin wali wax xala oo loo helay dagaal beeleedyada ku soo noqnoqda dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Shirkaan ayaa waxaa lagu soo bandhigay calaamadaha lagu yaqaano cudurka iyo siyaabaha lagu kala qaado, iyada oo sidoo kale la isku weeydaarsanayo fikrado ku aadan sida looga hortagi karo. Wasaaradda caafimaadka oo kaashaneysa mida gaadiidka & duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale shalay garoonka Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho ka bilowdey baaris lagu sameynayo dadka ka soo degaya garoonka. Sidoo kale hoose ayaad ka arki kartaa sida loo kala qaado iyo astaamaha lagu yaqaan oo shirka lagu soo bandhigey. View the full article
  7. (SLT-Hargeysa)-WARBIXIN Naxdin Leh : Inan Yar 5 Jir ah oo lagu Kufsaday Gobalka Saaxil, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Diyaarad siday hub fara badan iyo gaadiid dagaal ayaa lagu soo warramayaa inay maanta ka degtay garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaasi ay ka baxday M/Muqdisho, islamarkaana hubka iyo gaadiidkuba loogu talagalay ciidamada dowladda ee dhowaan la geeyey halkaasi. Dhinaca kale xiisad xoogan oo u dhexeysa ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa ka taagan gudaha degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Xiisada ayaa timid, kadib markii xalay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo wata gaadiidka dagaalka aya wareegay qeybo badan oo ka mid ah magaaladaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey, sida ay tahay xaaladda iyo dhaq dhaqaaqyada ka jira halkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Faat-Jooy-1.mp3 View the full article
  9. The Special Envoy for the Horn of Africa, Ambassador Mohamed Affey, and UNHCR Somalia Representative, Johann Siffointe, have today visited Wabishabele settlement for the internally displaced in Belet Weyne to meet with families severely affected by floods late last year. The UNHCR officials also met with Hiirshabelle President Mohamed Abdi Ware and Ugas Hassan Khalif Roble to discuss solutions for the displacement situation in the district. Belet Weyne was one of the worst affected districts in Somalia according to the UNHCR led Protection and Return Monitoring Network. Of the 430,000 people displaced by the floods countrywide in the last three months of 2019, 230,000 were in Belet Weyne. UNHCR was among the first responders to lead the delivery of humanitarian assistance in Belet Weyne and other affected regions. Following an appeal from the humanitarian community in Somalia, the American people generously donated USD five million from the U.S. Emergency Reserve Fund to UNHCR. This, along with the support from traditional and new donors, including private sector partner United Parcel Service (UPS) which generously airlifted 100 tons of core relief items and shelter kits from UNHCR’s warehouse in Dubai to Mogadishu, has enabled UNHCR and partners to assist 98,000 people since the floods began. “While the height of the emergency has passed, so many people are continuing to live in deplorable conditions. UNHCR and partners are assessing those facing the greatest vulnerabilities and working daily to meet their needs” said UNHCR Somalia Representative. Hiirshabelle President Mohamed Abdi Ware praised UNHCR’s response to the humanitarian situation and expressed his ongoing commitment to support the people of Belet Weyne. “Displacement caused by insecurity and natural disaster is an enormously complex matter. With 2.6 million living in protracted displacement across the country, UNHCR is working tirelessly with all levels of Government and many other stakeholders to find permanent solutions,” added the Special Envoy for the Horn of Africa. UNHCR Somalia’s response to the floods with the distribution of core relief items such as jerry cans, sleeping mats, cooking utensils and emergency shelter kits is ongoing, with plans to reach an additional 15,000 vulnerable individuals. View the full article
  10. Ra’iisul wasaarihii hore ee Ingiriiska oo diiday shaqo loo soo bandhigay David Cameron Ra’iisul wasaarihii hore ee Ingiriiska David Cameron ayaa diiday codsi uu usoo bandhigay ra’iisul wasaaraha haatan ee Boris Johnson oo ah inuu hogaamiyo shirka 26-aad ee isbaddallada cimilada ee bisha Nofeembar ka dhacay magaalada Glasgow ee dalkaas. Cameron ayaa rumeysan in shaqadan la guddoonsiiyo wasiir ka tirsan dowladda. Waxay arrintani imaaneysaa xilli Claire O’Neill oo ahaan jirtay wasiirkii hore ee tamarta iyo dhaqaalaha laga qaaday xilkaas. Xafiiska ra’iisul wasaaraha Ingiriiska wax war ah kama uusan soo saarin arrintaas. Lord Barker of Battle oo ahaan jiray wasiirkii tamarta iyo ka hortagga isbaddallada cimilada xilliggii Cameron ayaa BBC u sheegay in David Cameron uusan haatan dooneyn in uu dib ugu soo laabto siyaasadda. Qaran News
  11. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay Safiirka Dowladda Ruushka u qaabilsan Soomaaliya H.E. Mikhail Golovanov oo ay ka wada hadleen arrimaha deyn cafinta Soomaaliya. “Waxaa maanta la kulmay Safiirka Dowladda Ruushka ee Soomaaliya H.E. Mikhail Golovanov oo aan ka wada hadalnay arrimaha deyn cafinta Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Beyle. Qorshaha deyn cafinta Soomaaliya ayaa hadda meel wanaagsan mareysa,waxayna Xukuumadda martay wado kasta oo sahli karta cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya. “Ruushka waa dalka 2-aad ee deyn cafinta ugu badan nagu leh, wada hadalkeenu wuxuu ku saleysnaa sidii ay deymahaas nooga cafin lahaayeen,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Beyle. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  12. Washington (Caasimadda Online) – Sida ay qortay axios Dowladaha Mareykanka, Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta ayaa yeeshay kulan qarsoodi ah oo ka dhan ah Dowladda Iiraan. Kulankaan oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa waxaa lasoo sheegay inay seddexda Dowladood uga hadleen sidii xal looga gaari lahaa xiisadda u dhaxeyso Dowladaha Mareykanka iyo Iiraan si Bariga Dhexe u noqdo aag nabadoon. Seddexda Dowladood ayaa isku soo hadal qaadayey sidii xiisadaan loogu dhameyn lahaa qaab nabadgalyo ah oo uusan dhiig ku daadan. Wakaaladda wararka Axios oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa tilmaamtay inuu kulankaan ahaa mid qarsoodi ah oo saxaafadda laga qariyey balse la ogaaday inuu ahaa mid ka dhan ah Dowladda Iiraan iyo sidii loo qiyaameyn lahaa. Dowladaha Israa’iil iyo Mareykanka ayaa Imaaraadka Carabta u xil saaray arrimaha la xiriira Bariga Dhexe iyo xalinta Khilaafka Dowladda Mareykanka iyo Iiraan. Sidoo kale Imaaraadka ayaa laga dalbaday inay ka shaqeyso sidii loo wanaajin lahaa xiriirka ka dhaxeeyo Mareykanka, Iiraan iyo Dowladaha Carabta. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Sarkaal sare oo ka tirsan aqalka Sare, Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiyo Mareykanka iyo xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil. Netanyahu ayaa waqti badan iyo juhdi ku bixiyey sidii uu xiriir wanaagsan ula yeelan lahaa Dowladda Imaaraadka Carabta si uu ula dagaalo Dowladda Iiraan.
  13. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 24-kii saac ugu dambeeyay waxa ay gaadiid iyo ciidamo ka dajinaysay degmooyinka Luuq, dooloow iyo Beladxaawo oo dhamaantood ka tirsan gobalka Gedo. Ciidankan ay dowladdu ku daad guraynayso gobalka Gedo ayaa ka mid ah booliska Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaar ah u tababaran ee Harmacad waxaana si rasmi ah aan loo sheegi Karin ujeeda ka dambeysa in ciidankaasi laga dajiyo qeybo ka mid ah gobalkaasi. Dhinaca kale dowladda ayaa shalay si rasmi ah wax ay ula wareegtay degmooyinka Beladxaawo iyo Dooloow iyada oo ay xusid mudan tahay in degmada Beladxaawo uu shalay gaaray wasiir Janan oo dowladdu baadi goobayso inkastoo markii dambe uu halkaasi isaga baxay. Dowladdu wali kama aysan hadlin ciidanka ka tirsan booliska ee la geeyay gobalka Gedo inkastoo dowladdu haatan wado howlgallo ay isugu balaarinayo degmooyinka maamulka Jubbaland gaar ahaan gobalka Gedo. Masuuliyiin u hadlay maamulka Jubbaland waxa ay sheegeen in dowladda federaalka Soomaaliya ay si xoog ah kula wareegtay degmooyinkaas. Xiriirka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ayaa ah mid aan wanaagsanayn, waxaana haatan muuqanaya in dowladdu qaab xog ah ku muquuninayso maamulkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Unknown gunmen have killed a police officer and wounded another in the northern Somalia town of Bosaso. The gunmen opened fire on the officers and then escaped the scene according to reports. Police are yet to comment. The officers were working with the Puntland Finance Ministry’s department of revenue. The motive of the attack is not known, but both militant groups Al-Shabaab and Daesh have been carrying assassinations in the city in the past few years. There have also been a number of criminal, political or tribal incidences. View the full article
  15. Somaliland Oo Mamnuucday Ka Ganacsiga Gadiidka Dab-demiska Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa mamnuucay ka ganacsiga gaadiidka loo adeegsado bakhtiinta dabka, laga bilaabo afarta bisha afarraad ee sannadkan 2020. Go’aankaasi oo ka dhaqan-gelaya Dhammaan gobollada Dalka. Wareegto uu shalay soo saaray Wasiirka Gaadiidku ayuu ku sheegay in qaraarkan uu soo saaray ka dib markii uu taliska ciidanka dab-demiska Somaliland soo jeediyey in ay fasax ka qaataan ciddii uu baahan in ay dalka keenaan gadiidka dabka bakhtiiya . Wareegtada Wasiirka waxa kale oo lagu xusay in muwaadiniinta doonaaya in ay dalka keenaan gadiidka dabka bakhtiiya ay ruqsada ka qaataan taliska Ciidanka dab-demiska Somaliland, wixii ka danbeeya afarta bisha afarraad ee sannadkan aynu ku jirno. Wareegtadaasi oo dhammaystiranina waxay u dhignayd sidan:- MARKAAN ARKAY: Qodobada 20aad iyo 42aad ee Xeerka Wadamarista Gaadiidka (Xeer L/r 56/2013); MARKAN ARKAY: Qodobka 25aad Faqradiisa 8aad ee Xeernidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hayadaha Xukuumada (Xeer L/r 01/2018) oo tilmaamaya Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku in ay maamusho adeegyada isu socodka dadka iyo alaabta, isla markaana xaqiijiso isku gudubka badeecadaha iyo adeeggyada xamuulka ee waddanka. MARKAN HLAY: talo soo jeedin Taliyaha Ciidanka Dab-Demiska Qaranka ee hakinta soo dejinta iyo ka ganacsiga Gaadiidka Dab-demiska ah ee dalka la keeno. WAXAN SOO SAARAY WAREETADAN 1) In Gaadiidka Dab-Demiska laga mamnuucay in laga ganacsado guud ahaan Dalka Jamhuuriyadda laga bilaabo afarta bisha April 2020, 2) Cid kasta oo u baahan soo dajinta Gaadiidka Dab-Demiska waa inay ogolaansho ka haystaan Taliska Guud ee Ciidanka Dab-damiska laga bilaabo taariikhda wareegtadan soo baxday.” Qaran News
  16. US military has carried the fourth airstrike against al-Shabaab fighters in Southern Somalia in less than a week. In a statement, U.S. Africa Command said it conducted an airstrike targeting an al-Shabaab terrorist in the vicinity of Beer Xaani, Somalia, Feb. 4. “The U.S. provides unrivaled and highly desired security force assistance options to our partners in Somalia,” said U.S. Army Brig. Gen. Miguel Castellanos, deputy director of operations, U.S. Africa Command. “Armed over-watch and precision engagement capabilities will continue to create big-time challenges for al-Shabaab.” According to the statement, the initial assessment concluded the airstrike killed one terrorist. “We currently assess no civilians were injured or killed as a result of this airstrike,” US said. The mission said Somalia remains key to the security environment of East Africa, and its long-term stability is important to advancing U.S. interests in the region. “We will continue to work together on our support of the Federal Government of Somalia in its effort to bring improved governance, development and stability to the Somali people,” the mission vowed. Two days ago U.S. Africa Command said in coordination with Somali government, US military conducted an airstrike targeting an al-Shabaab terrorist in the vicinity of Jilib town. The military said initial assessment concluded the airstrike killed one terrorist. Late last month, US military bombed al-Shabaab bases in the same vacinity in southern Somalia. The drones belonging US military have destroyed a camp in Jilib town. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-05022020.mp3 View the full article
  18. Somalia is committed to policy and reform implementation bringing it closer to debt relief under the Heavily Indebted Poor Countries Initiative, and receive funding from bilateral and multilateral partners. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka falceliyey warbixin ay dhowaan shaacisay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya oo baahisay inuu Amiirka Al-Shabaab xilalkii ka qaaday, Mahad Karataay iyo Bashiir Qoor-Gaab oo ka mid ah hoggaanka Al-Shabaab. Fiqi ayaa tilmaamay in mas’uuliyadda NISA aysan aheyn inay qabato shaqadii wasaaradda warfaafinta, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu sheegay inay haatan hay’adda nabad sugida iyo sirdoonkaa qaranka u muuqato mid qaadatay kaalintii afhayeenka Al-Shabaab, islamarkaana ay soo warisay sheeko arrimo maamul iyo xil ka qaadis la xiriira oo kooxdaas dhexdeeda ka dhacay. Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa su’aal galiyey u jeedada laga lahaa warbixintaasi oo lagu daabacay bogga NISA, isaga oo xusay in qorshaha laga lahaa uu yahay sidii labadaas dambiile loogu soo dhoweyn lahaa gudaha magaalada Muqdisho. Halkaan hoose ka aqriso qoraalka Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi. Ma daaf baa mise waa indho la’aan waxa NISA haleelay! Maxaa xafiiska laga hogaamiyo NISA ka qaldan maalmahan! Marka koowaad waxey qaateen kaalintii afhayeenka Alshabaab ayagoo noo soo wariyey sheeko arrimo maamul iyo xil ka qaadis la xiriira oo kooxdaas dhexdeeda ka dhacay. Marka xigta labo Argagixiye oo 12-kii sano ee la soo dhaafay madaxda amniyaadka ee dilalka qorshaysan iyo qarxiyada qaabilsan ka mid ahaa ayey NISA umadda u tusinaysaa kuwo naxariis badan oo u damqanaya shacabka Soomaaliyeed! Warkaan Hey’adda NISA ay isla xiijinayso ma jiro wax macno ah oo uu leeyahay mar haddii ay qaraxyadii sidii u sii soconayaan, ayadoo weliba labadaas Argagixiye ee ay buunbuuniyeenna xilalkii ay danbiyada ku geysan jireen laga xayuubiyey. Mise waxaa lagaa yaabaa inuu jiro qorshe dahsoon oo labadaas dambiile wadada loogu sii xaarayo oo la rabo in lagu soo dhoweeyo Muqdisho ayadoo laga dhigayo In damiirkooda iyo diintoodu ay u diideen In ay Alshabaab ka sii mid ahaadaan, mararka qaarna ay dhici karto In xilal waaweyn looga magacaabo NISA oo ay kaalmeeyaan taliye Fahad. Mas’uuliyadda NISA ma ahan in warkii wasaaradda warfaafinta ay sheegi jirtey ee xil ka qaadisyada ahaa mid la mid ah ay noo soo wariso, waajib wuxuu ka saaran yahey helista xogta cadowga, ku howlgalkeeda iyo ka hortagga weerarada argagixisada ee lidka ku ah ammaanka dalka iyo dadka. Marka adigoo daaf qaba aad seexato waxaad soo toosaysaa ayadoo indhuhu isku kaa dhegeen!!
  20. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa maanta wuxuu kusoo wajahan yahay Magaalada Cadaado ee Xaruntii hore ee Galmudug. Madaxweyne Xaaf oo hada fadhigiisu yahay Xaafada [...] Source
  21. Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) ayaa ka warbixiyey kulan gaar ah oo uu dalka Jabuuti kula soo qaatay safiirka Ruushka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mikhail Golovanov. Beyle oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay inay ka wada hadleen arrimo ku aadan barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu wasiirku shaaciyey in Ruushku yahay dalka labaad ee deynta ugu badan ku leh Soomaaliya, islamarkaana uu kulankooda ku soo dhamaaday is afgarad. “Djibouti: Waxaan maanta la kulmay Safiirka Dowladda Russia ee Soomaaliya H.E. #Mikhail Golovanov oo aan ka wada hadalnay Arimaha Deyn-Cafinta Soomaliya, Ruushka waa dalka 2aad ee deynta ugu badan nagu leh, wada hadalkeenu waxa uu ku saleysnaa sidii ay deymahaas nooga cafin lahaayeen.” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Dowladda federaalka ayaa dadaal dheer ku bixineysa sidii loo cafin lahaa dhammaan deymaha lagu leeyahay Soomaaliya oo muhiim u ah maalgashiga dalkeena. Dhowaan xukuumadda Soomaaliya ayaa buuxisay shuruuudihii ku xirnaa wejiga 4aad ee barnaamjika deyn cafinta, taas oo ay Soomaaliya ku amaantay hay’adda IMF.
  22. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxeweynihii hore ee maamulka Galmudug, Cabdikariin Xuuseen Guuleed ayaa ka hadlay dhaq dhaqaaqyada ciidan oo ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka wado qeybo ka mid ah gobolka Gedo. Cabdikariin Guuleed oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa marka hore ayaan darro ku tilmaamay in dowladdu abaabul iyo guluf dagaal ka sameyso degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, halkii looga baahnaa inay awoodeeda ciidan ee ay heyso u baabusho, una diyaariso dhankaas iyo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in wax dowladda lag sugayey aysan aheyn tallaabada ay qaaday iyo dhaq dhaqaaqyada ay haatan ka wado gobolkaasi. Waxaa kale oo uu sheegay in arrintaan ay abuureyso colaad hor leh iyo iska hor keen bulsho intaba. Ugu dambeyn wuxuu wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed ugu baaqay dowladda dhexe inay joojiso dhaq dhaqaaqyada ay wado, islamarkaana waxii khilaaf ah ee ka dhexeeya hogaanka Jubbaland ay ku dhameyso wadahadal. Halkan hoose ka akhriso qoraalka Waa ayaan daro in dowladda Soomaaliyeed halkii laga sugayey in awoodda ciidan ee ay heyso u abaabusho una diyaariso dhankaas iyo ladagaalanka kooxda nabad-diidka ah ee Al-shabaab ay abaabul iyo guluf dagaal ka wado degmooyin ka tirsan gobalka Gedo, si ay oga bixiso gacan ku heynta maamulka Jubaland. Run ahaantii ma aheyn arinkaas oo kale wax dowladda laga filaayey, waana arin abuureysa colaad iyo iska horkeen bulsho, fursadna siineysa codowga Al-shabaab. Haddaba dowladda waxaan u soo jeedineynaa inay arinkaas joojiso, waxii is afgaranwaa ah ee kala dhaxeeya maamulka Jubalandna ku xaliso wadahal iyo is faham, halkii xoog, xoolo iyo wiilal lagu khasaarin lahaa dagaal dhexdeena ahna loo wajaho awoodda ciidan iyo cududeed oo dhan dhanlka ciribtirka iyo ladagaalanka xoogagga argagaxisada ah.
  23. SADDEX MARXALADOOD OO BULSHADU DAWLADNIMADA U MARTAY Marxaladda koobaad: Bulsho Kooxo ah Bilowgii horaba Aadanuhu waxa uu ahaa mid tiro yar oo ka koobnaa qoysas iyo qaraabo isla taal. Waxa ay ku noolaayeen caalam aysan waxba ka diyaarsanayn noloshuna ahayd mid aad u adag. Ma aysan lahayn hoy ay u hoydaan iyo hu’ ay huwadaan toona. Hadba meeshii uu gabbalku ugu dumo ayay u hoyan jireen, aroorta horana waa ka kallihi jireen. Ma lahayn wax soo saar, kasabkooda koobaad na waxa uu ahaa qaraabka oo ahaa mira gurashada iyo ugaarsiga. Ma aysan lahay alaado ay u situcmaalaan ugaarsiga iyo agab ay wax ku bislaystaan toona. Inta badan orod ayay ugaarta ku qabsan jireen, aaladdooda koobaadna waxa ay ahayd dhagaxyo la qoray. Sidaas daraadeed ayaa casrigaas waxaa loo yiraahdaa casrigii dhagaxa Stone Age. Sida ay nolasho hoose uga aradnaayeen si la mida ayay hoggaanka iyo maamulka na uga aradnaayeen. Waxa ay ahaayeen kooxo isla qaraabato iyo qaraabo u badan, sidaas daraadeed midka ugu wayn ama ugu ugaar-yahansan ayaa lahaa haggaanka hawl-maalmeedkooda. Nidaam intaas dhaafsiisan na ma jirin. Maadaama ay tiro yaraayeen dhul gooni u ah oo ay dagganaayeen na aanu jirin waxa ay ahaayeen socoto ku jirta hayaan aan dhammaanayn. Waxaa la sheegaa in qaybo socotadaan ka mid ahi safarkii ay Africa ka bilaabeen ay qaaradaha kale ee dunida ku galeen. Gabyaaga soomaaliyeed ee Cabdulqadir Cabdi Shube ayaa gabay falsafad ah marxaladdaan uu Aadanuhu bilowgii hore soo maray ku cabiray. Waa gabayga “Geediba geeddaa ku xigey” waa gabay runtii si cilmiyaysan uga hadlaya marxaladdaan iyo daruufihii qalafsanaa ee ku xeernaa. in kasta oo dadka qaabkaan u nooli ay caalamka maanta ku yaryihiin, haddana wali waxaa jirta meelo laga heli karo, iyaga oo wali sidoodii u nool. Nasiib wanaag Aadanuhu marxaladdaan waxa uu ka gudbay kolkii ay noloshu bartay jiritaanka qaabab kale oo middaan ka nacfi roon. Waa marxaladdii labaad ee qabaliga midda uu marxaladdaan uga gudbay. Bal aynu eegno waxa uu marxaladdaan kala kulmay. Marxaladdii Labaad: Bulsho Qabali ah. Marxaladii koobaad ee aan soo tilmaamay Aadanuhu waxa uu ka gudbay kolkii uu tarmay oo tiradoodu kobocday. Waxa uu ka gudbay kolkii ay beelo iyo qabaa’il noqdeen. Koboca iyo taranka Aadanaha waxaa sababay isbaddal ku yimid qaab nololeedkoodii. Noloshii adkay ee qaraabka iyo ugaarsiga ayaa dhaxalsiisay in ay helaan xirfado iyo xeelado nolosha u sahla. Labadii qolo ee aadanuhu u qaybsanaa mid waliba horumar ayay naloshii ka sameeyeen. Tusaale ahaan ugaaratadii, ugaarsigii waxa ay uga gudbeen (domestication) oo ah rabbaayadan duurjoogta la rabbaayadaynayo. Rabbaayadayntaan waxa ay sahashay in duur joogtii imminka la dhaqdo. Dhaqashada duur joogta ayaa ahayd guushii u gu waynayd ee ay ugaaratadu gaarto. Marakan waxaa fududaatay, in Aadanuhu uu baahidiisii u helo ilo laysku halayn karo.. Sidaas si lamida ayaa qaraabatadiina waxa ay ku guulaysatay in ay dalagga nacfiga leh iyo beeristiisa ba ay bartaan. Dalaggii ugu horeeyey ee ay qodaalka saldhigga uga dhigeenna waxa uu ahaa Qamandiga. Ka bacdina dhammaan dalagyada aynu maanta beerano ayaa midba markiisa la kashifayey. Marakan waxaa soo baxay bulsho ka gaddisan middii hore. Waxaa soo baxay bulsho illaa xad daggan gaar ahaan qodotatii. Waxaa soo baxay bulsho si ka sahlan sidii hore u maaraynaysa nolosha. Waxaa soo baxay bulsho illaa xad dabooshay baahiyaha aasaasiga ah. Tani waxa ay sabab u noqotay in Aadanihii tiro iyo tabar ba uu kororto. Bulshadii qaraabatada iyo ugaaratada ahayd ayaa imminka noqotay beelo iyo qabaa’il dhaqato iyo qodoto u kala qaybasan. Waa duddooyin qodoto ah oo daggan tuulooyin yaryar iyo beelo raacato ah oo reer guuraa ah. Halkan ayuu ka bilaamay nidaam-siyaasadeedkii ugu horreeyey. Kororkii dadku waxa uu sababay in nidaam iyo kala dambayni muhiim tahay. Waxa uu sababay in hoggaani lagama maarmaan yahay. Ugaar-yahannadii iyo horjoogayaashii qaraabatada imminka waxa ay isu baddaleen hoggaamiyayaal dhaqameedyo mid waliba uu reerkiisa horjooge u yahay. Waxaa la hindisay xeerar iyo qawaaniin bulshada kala xaddida. Bulshaas qabaliga ahi ma aanay ahayn mid awoodda laysku maquuniyo. Hoggaankoodu ma uusan ahayn mid xoog ku yimaada ee waxa uu ahaa mid karaamo, curadnimo iyo hibo lagu hanto. Xeerarkoodu ma aysan ahayn kuwo xoog ama xeel lagu fuliyo ee waxay ahaayeen kuwa ixtiraam iyo is oggol ku hirgala. Waxa ay ku dhaqmayeen nidaamka ay bulsho-yaqaanadu ugu yeeraan “egalitarianism” oo ah bulsho siman oo aan kala sarayni jirin. Nidaamkaan oo loo yaqaan kii Cheiftain-ka ayaa ah kii ugu horeeyey ee maamul ee Aadanuhu yagleelo. Waa nidaamkii wadada u sii xaaray marxaladdii ka dambaysey ee dawladnimada. Marxaladdii Saddexaad: Bulsho dawlad ah Sidii aynu horayba u soo sheegnay barashadii abuurka iyo dhaqashadii duurjoogtu waxa ay sababeen kororkii Aadanaha, kaas oo isna sababay nidaam-siyaasadeedkii ugu horeeyey ee “Chieftain-ka” Geeddigii Aadanuhu ugu jirey isbaddalka halkaas kuma uusan joogsan ee marxaladdaas waxa uu uga gudbay marxalad kale oo ka guda ballaaran kana natiijo wanaagsan kuwii hore. Waa marxaldda dawladnimada iyo ismaamulka aan qabaliga ahayn. Nasiib darro marxaladdaan looma wada gudbin ee illaa imminka qaybo bulshadii qabaliga ahayd ka mida ayaa nidaamkoodii ku dhaqma. Sida loo heli karo bulsho tiro yar oo wali u nool qaabkii marxaladda koobaad ee ugaarsi-qaraabatada ayaa maanta loo heli karaa bulsho raacato ah oo aan wali ka gudbin marxaladdii labaad ee qabaliga. Marxaddaan dawladnimadu waxa ay ahayd xaddaarad ka hirgashay dhinacyada wabiyada hodonka ku ahaa beerashada gaar ahaan kuwii ku yaalay dhulka imminka bariga dhexe loo yaqaan. Qiyaastii siddeed kun oo sano ka hor ayaa duddooyinkii qodotada ahaa ee tuulooyinka yaryar dagganaa qodaalkooduna u badnaa dalaga roobka ku baxa u xuubsiibteen beeraley dalagga noocyadiisa kala duwan beerta, kolkii ay dageen dhinacyada wabiyada qaniga ah. Marakan waxa ay noloshu bartay sidii ay biyaha wabiga uga faa’iidaysan lahaayeen. Waxa ay hindiseen aalado biyaha wabiga ka soo saara, kannaallo ay biyuhu soo maraan iyo biyo xireenno lagu kaydiyo. Bulshadii la daalaa dhacaysay qutulyoomkeeda ayaa isu baddashay mid dabooshay baahidii aasaasiga ahayd, seeskana u dhigtay nidaam wax soo saar oo taabba gala. Meeshii ugu horraysay ee nidaamkaani ka hirgalay ayaa hayd dhulkii loo yaqaanay Mesopotamia. Waa dhulkii u dhaxeeyey labada wabi ee Dajla iyo Furaat. Waana Ciraaqda iyo Suuriyada maanta. Isbaddalkii ku yimid wax soo saarku waxa uu fure u noqday xaddaarad sal-ballaaran oo bariga dhexe ka hir gasha. Waxaa mar labaad kordhay tarankii dadka. Waxaa kobcay tuulooyinkii yaryaraa oo magaalooyin waawayn isu baddalay. Waxaa laga faa’iidaystay naxaasta iyo birta oo isbaddal wayn soo kordhiyey. Waxaa abuurmay ganacsi iyo wax kala baddalasho mug leh. Waxaa markii ugu horaysay Aadanuhu hindisay qoraalka. Isbaddalkii ka dhacay dhinacyada labada wabi ee Dajla iyo Furaat kuwo la mida ayaa ka hirgalay wabiyada Nilka, Yangtze iyo Yallow River oo China ah. Goobahaani waa meelihii ugu horeeyey ee ay dawladnimadu ka unkantay. Dawladnimadii ka hirgashay goobahaani waxa ay ahayd mid ka gadisan nidaamkii raacatada ee aynu ku tilmaanay egalitarian-ka ama sinnaanta. Nidaamkaan dawladnimo kuma aanu bilaaban heshiis bulsho ee waxa uu ku hirgalay qaab xoog iyo ismaquunin ah. Sababtuna waxa ay ahay tuulooyinkii qaniga noqday ayaa bilaabay in qaybi ba qayb ay ku duusho. Waxa ugu wayn ee arintaan sababayay ayaa ahayd dhul beereedkii dalagga ku habboonaa oo cid waliba ay doonaysay in ay gacanta ku dhigto. Waxaa soo baxay kooxo abaabulan iyo horjoogayaashooda. Halakan ayay ka bilaabatay in abbaan-duulayaashii dagaalku u xuubsiibtaan hoggaammo siyaasadeed. Waxaa soo baxay waxa loo yaqaan magaalo-dawladeed (City States) oo ahayd in magaalo waliba ay dawladdeeda gaarka ah leedahay. Abbaan-duulaha ama odayga magaalada ayuu ahaa hoggaanka siyaasadeed ee ugu sareeya tuuladaas. Si looga hortago damaca tuulooyinka kale, dal dheeraada na loo hantiyo waxaa la abaabulay ciidan joogtaa oo tuuladu leedahay. Waa ciidan ilaaliya nidaamka difaacayana cadawga dibadda. Si ka gaddisan xeerkii dhaqatada, waxaa abuurmay xeerar iyo qawaaniin jabintooda ciqaabi ka dhalato iyo guurtidii fulin lahayd. Si horumarka iyo wax soo saarku u baraaro cadawga bannaankana loo difaaco waa in ay dawlddu dakhli lee dahay. Sidaas daraadeed ayaa magaalo-dawladeedyadii bilaabeen nidaamka canshuur-qaadka. Waxaa hir galay nidaam uusan qabiilkii iyo sinnaantii beelahu saldhig u ahayn. Nidaam u gogal xaaray mid isaga ka guda wayn oo ah dawlad sal-ballaaran. La soco qaybta 3aad Mohamed Ahmed elmi The post Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 2aad appeared first on Puntland Post.
  24. Puntland judiciary has faced criticisms about non-enforcement of a capital punishment ruling against three men who were found guilty of gang-raping and murdering Aisha Ilyas. Abdirahman Isse Omar of Puntland Post sat interviewed Nur Issie Mohamed, the Acting Chief Justice of Puntland Supreme Court. After this interview, the Supreme Court of Puntland had set a date for execution of the convicted men. Puntland Post: Why does the court judgement against convicted rapists and murders of Aisha Ilyas remain unenforced? Acting Chief Justice: As you know this case has passed through several stages in Puntland. On 12 May 2019 the First Level Court has sentenced the three men to death. On 20 June 2019, The Court of Appeal upheld the judgement. On 25 August 2019 the Supreme Court upheld the same judgment. The convicted men asked for a judicial review. The Supreme Court rejected the judicial review request. The case is now with the Supreme Court and is awaiting enforcement. Nur Isse Mohamed: Puntland Judiciary is independent Puntland Post: There is a letter from Puntland Attorney General’s Office making rounds in the social media. In the letter the Attorney General’s Office is asking for the implementation of the court judgements. Nur Isse Mohamed: First of all the job of the judiciary is not politics. It is about dispensing justice. The correspondence between the Attorney General’s Office and the Supreme Court should not have been shared in the social media. That is a crime. The Supreme Court is not aware of the letter being shared in the social media. There was a correspondence from the Attorney General’s Office about the enforcement of the court ruling. The letter was incomplete as far as capital punishment procedures are concerned. The letters of inheritance and permission to execute the convicted men should have been attached with the Attorney General’s letter. The family has three options: to accept blood-money, to forgive or to give the government the permission to execute the convicted murder. The Attorney General’ Office is duty-bound to submit the enforcement file to us. We have not received either the enforcement letter or the permission and inheritance letters. That is why the delay in enforcing the court ruling has happened. Puntland Post: Is Puntland President required to sign the execution enforcement letter? Nur Isse Mohamed: The President of Puntland State only signs martial law court rulings involving a soldier or an Al-shabaab member found guilty of terrorism . The case in question has been dealt with in a civil law court in line with the Somali Penal Code. Puntland Post: Any concluding thoughts? Nur Isse Mohamed: Puntland judiciary is doing a great job despite challenges. Aisha’s case has grabbed attention of the people to a point that one can think people like to assume the role of judges. Puntland judiciary does not give in to any pressures nor is there any pressure exerted on our work for political purposes. We urge people to understand the difference between the work of the judiciary and politics. Sometimes one can hear a case being described as politically motivated or influenced by the government. I beg to differ. Puntland judiciary is fully independent. © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post An Interview with the Acting Chief Justice of Puntland Supreme Court appeared first on Puntland Post.