-
Content Count
214,348 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Dowladda Soomaaliya ay wada-hadallo la bilaawday guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Jubada Hoose ee maamulka Jubbaland. Wararka aan helnay ayaa sheegaysa in mas’uuliyiin ka tirsan Villa Somalia ay billaabeen in ay wada-hadal la galaan guddoomiyaasha degmooyinka, Badhaadhe, Afmadow iyo degaanka Dhoobleey ee gobalka Jubada Hoose, kuwaas oo ka tirsan maamulka Jubbaland. “Is-maqalkii ugu horreeyay ayaa dhacay, waxaana ku jira dadka lala hadlay saraakiisha ciidanka ee degmooyinkaas, waxaana la filayaa in dhawaan si rasmi ah u billowdo xiriirka labada dhinac” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online, islamarkaana xog ogaal u ah arirntan. Dowladda Soomaaliya ayaa wado qorshe ay gacanta maamulka Jubbaland uga saareyso degaanada maamulkaasi, marka laga reebo magaalada Kismaayo oo uu ku xoogan-yahay maamulkaasi. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in haddii maamulka Axmed Madoobe lagala wareego degmooyinka aan soo sheegnay ee Jubada Hoose, ay suurta-gal tahay in si fudud looga saari karo Kismaayo oo ah meesha kaliya oo ay ku hari doonaan. Sidoo kale Xogta ayaa sheegaysa in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay qabsato Jubada Dhexe, kadibna ay degaanada Jubbaland ka dhisto maamul cusub oo la shaqeyn kara Xukuumadda Soomaaliya. Tallaabooyinkan ayaa imanaya ayada oo dowladda ay iminka si buuxda gacanta ugu dhigto gobolka Gedo. Lama oga halka ay ku danbeyn doonto xiisadda Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya oo gaartay heer aad u sareeyo. Xiisadda labada dhinac ayaa laga cabsi qabaa in ay isu badasho xaalad ciidan hadii aan si deg deg ah loo xalin.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Bar-___-Qumanaha-Wararka-06022020-sax.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in galabta magaalada Muqdisho lagu xiray guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq ‘Alqaadi” iyo guddoomiyaha degmada Baardheere ee Jubbaland Ismaaciil Qorrax. Labadaan mas’uul oo ah kuwa kaliya ee taageersan Jubaland, islamarkaana ka tirsan maamulka gobalka Gedo, ayaa maanta la keenay Muqdisho kadib cadaadis ay saartay dowladda Somalia, sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland. Sida aan xogta helanay, Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka ayey dowladda u dirtay dowladda federaalka, kaas oo ku qanciyey in ay u soo raacaan Muqdisho, kadib markii sida la sheegay uu balan qaadyo u samyeey. Wararka ayaa sheegaya in dowladda Somalia ay masuuliyiintaan u balan qaaday, xilal iyo in ay ka bixin doonto lacago deyn ah oo lagu yeeshay mudadii ay u shaqeynayeen maamulka Jubaland. Markii ay kasoo degeen garoonka Aadan-Cadde ayaa waxaa la wareegay ciidan ka tirsan booliska Soomaaliya, kuwaas oo xabsiga u taxaabay. Sababta Taliyaha qeybta 43-aad ee xooga dalka loogu diray mas’uuliyiintaan si uu u keeno Muqdisho ayaa ah in ay ka tirsanyihiin ciidanka xoogga dalka, isla markaana ay isaga hoos tegayeen. Gabi ahaanba gobolka Gedo oo ka mid ah gobollada uu ka arrimin jiray maamulka Jubbaland ayaa gacanta u galay dowladda federaalka, kadib markii ay ku daadisay ciidamo ay diyaarado uga daabushay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Shir ay maanta magaalada Kismaayo ku yeesheen golaha wasiirada Jubbaland ayaa looga hadlay ciidamada ay dowladda federaalka toddobaadyadii dhowaa ku daabuleysay, isla markaana qabsaday inta badan gobolka Gedo. Qoraal kasoo baxay golaha wasiirada Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowladda dhexe ay “faro-gelin qaawan” ku hayso dowlad goboleedka Jubbaland ayna “weerar qaawan kusoo qaaday” gobolka Gedo. Sida lagu sheegay qoraalka, golaha wasiirada Jubbaland ayaa go’aan ku gaaray inay heegan buuxa geliyaan ciidamada kala duwan ee dowlad goboleedka Jubbaland, si looga hortago, baa la yiri “weerarada qaawan ee ay dowladda federaalku kusoo qaaday Jubbaland.”
-
Kooxo hubeysan ayaa afar Qof oo qaadwale ah waxay u galeen jidka, kadibna waxay ka dheceen Qaabkii ay wateen. Afarta Qof ee la diley ayaa [...] Source
-
Isimo ka tegay Sool iyo Ceyn oo lagu soo dhaweeyey Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, waxaa maanta lagu soo dhaweeyey isimo ka tegay gobolada Sool iyo Ceyn. Isimadan ayaa kala ahaa Ugaas Maxamuud Cabdullaahi, Garaad Cabdisalaan Xasan iyo Suldaan Siciid Cismaan Cali, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii soo dhaweeyey isimadan ayaa sheegay in odayaasha dhaqanku ay door-muuqda ku leeyihiin dowladnimada Soomaaliya. Suldaan Siciid Cismaan Cali oo u hadlay isimada ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey, wuxuuna sheegay in ay dib ka sheegi doonaan u jeedada ay u yimaadeen Muqdisho. Sidaan oo kale waxaa dhawaan Muqdisho gaaray isimo isugu jira Puntland iyo dowlad degaanka Soomaalida, kuwaas oo u tagay dhameynta heshiis beelo walaalo ah ay horey ugu gaareen degaanka Dhumay ee gobolka Sool. Qaar ka mid ah isimadaas ayaa la kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo qaar ka mid safiirada caalamka, waxaana warar sheegayaan in ay kawada hadleen sidii maamul gaara loogu sameyn gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn. Isimadan maanta gaaray Muqdisho ayaa wararku tilmaamayaan in ay qeyb ka noqon doonaan qorshahaas. PUNTLAND POST The post Isimo ka tegay Sool iyo Ceyn oo lagu soo dhaweeyey Muqdisho appeared first on Puntland Post. -
(SLT-Haws)-Ciidanka booliska gobolka Hawd iyo ciidanka Itoobiya gaar ahaan ciidanka booliska degmada Xarshin ayaa si wada jir ah uga wada hawl galay dil ka dhacay tuulada Gummar oo 18 KM dhinaca galbeed ka xigta xarunta gobolka Hawd ee Balli gubadle,sida uu xalay wargeyska Dawan u xaqiijiyay Guddoomiyaha gobolka Hawd Yaasiin Maxamuud Shide. Guddoomiye Shide oo isagoo ku sugan magaalada Blligubadle, xarunta gobolka Hawd khadka taleefanka ugu warramay wargeyska Dawan, waxaa uu intaa ku daray in dilku dhacay shalay abbaaro todobadii subaxnimo isla markiibana ay ka hawl galeen lakiin gacan ku dhiiglihii dilka geystay uu u baxsaday oo uu u tallaabaay dhanka Itoobiya ka dibna ay si deg deg ah usoo war geliyeen wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed. Wasiirka arrimah gudaha Somaliland ayuu guddoomiye Shide sheegay in uu markiiba soo qabashada gacan ku dhiiglaha in uu ka hawl galay isla markaana uu deg deg ula xidhiidhay dawladda Itoobiya ka dibna dhanka Itoobiya laga soo diray shan gaadhi oo ciidan ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha degmada Xarshin. Guddoomiyaha oo aanu waydiinay dilku xilliga uu dhacay, cidda ku geeriyootay iyo halka uu ka dhacay iyo tallaabooyinka ay ka dawlad ahaan kaga hawl galeen ayaa yidhi. “Horta waxaan tacsi u dirayaa qoyskii ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuum Nimcaan Xuseen Balayax oo saaka (shalay) lagu dilay Tuulada Gummar, waxaanan ALLE uga baryayaa in uu Marxuumkana u naxariisto qoyska uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.dilku wuxuu dhacay saaka(shalay) abbaaro todobdii subaxnimo, isla markii uu dhacayna ka maamul gobol ahaan iyo ka ciidan booliis ahaanba wada jir ayaan uga hawl galnay gacan ku dhiiglihii markiiba wuxuu u tallaabay dhanka dalka Itoobiya maadaama uu xadku u dhawaa,isla markii uu ka gudbay Somaliland dhulkeedaba waxaanu deg deg u war gelinay wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo aanu u sheegnay dilka dhacay iyo in gacan ku dhiiglihii u baxsaday Itoobiya,wasiirkuna arrinta kama fadhiisan ee deg deg ayuu ula xidhiidhay dawladda Itoobiya,waxaana markiiba naloo soo diray shan gaadhi oo ciidan ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha degmada Xarshin ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Markaas ayaany ciidanka Somaliland iyo ciidanka Itoobiya oo ay kala hoggaaminayaan badhasaab ku xigeenkayga Iid Maxamuud Hoorri iyo Guddoomiyaha degmada Xarshin Mukhtaar Maxamed Xuseen ayaa hawl gal ballaadhan ku wada dhaqaaqay illaa haddana hawl galkii wuu socdaa,waxaana naga go,an in aanu gacanta ku soo dhigno.” Guddoomiyaha gobolka Hawd oo ka hadlayay tallaabooyinka kale ee ay qaadeen iyo siday uga hor tageen in falkaa dilka ah in aanaay ka dhalan in cid kale oo aan waxba geysan in aan dhibaato ka soo gaadhin, ayaa yidhi. “Waxaa kale oo aanu ka maamul gobol ahaan ka hawl galnay in aan dilkaa dhacay dhibaato kale cidi kasoo gaadhin waxaanan soo kaxanay oyadaashii labada dhinac oo nagala hawl galay soo qabashada gacan ku dhiiglaha imikana waxay la socdaan odayaasha labada dhinac ciiidanka, dadkana waxaan u dheegnay in dawladdu ay ku daba jirto gacan ku dhiiglihii isla markaana la is dejiyo, Marxuumkana Meydkiisii waxaanu usoo gudbinay Cisbitaalka guud ee Hargeysa oo tallaagadda ayuu ku jiraa. Markaa imikanaa hawl galkii wuu socdaa labadii ciidan ee Somaliland iyo Itoobiya iyo madaxdii hoggaaminaysayna wy ku raad joogaan gacan ku dhiiglihii xilliguna waa habeennimo markaa halkaas ayay hadda hawshu noo maraysaa.” Source
-
(SLT-Jabuuti)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay Dacwad dhaxaysa Dalkiisa iyo Shirkadda DP World. Madaxweyne Geelle oo Waraysi siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA ayaa sheegay in Dacwadd ay Shirkadda DP World ka gudbisay Dawladda Jabuuti aanay ahayn mid macno leh oo waxyeelo u geysan karta. Madaxweyne Geelle oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Maxkamadda ay sheegayaan Shirkadda DP WORLD mid Annaga na qabata maaha, Maxkamad aanad Adigu u joogin wax ay kaa qaadi karto ayaa iska yar.” Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Shirkadda DP World ay Dekedda Dooraale ee Jabuuti ku leedahay Saami dhan 33%, diyaarna u yihiin inay DP World siiyaan Magdhow “Annagu wanaag iyo niyad-sami waanu la joognaa, inay 33% ku lahaayeen Dekeddaana waanu qiraynaa, Annaguna aanu 67% lahayn waanu qiraynaa, laakiin waxan ay Warbaahinta ka wadaan malaha wax kale ayay doonayaan oo maaha dad wanaag doonaya, maaha Dad doonaya in Shuraakadii la soo celiyo..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Annagu haddii Magdhow la doonayo diyaar baanu u nahay, laakiin Gobanimadayadu tu la iibinayo maaha..” Source
-
15 Siyaabood oo loo yareeyo timo gu’ida ama timo daadashada. 1.Ka fogow timo feedhashada Marka timuhu qoyan yihiin. Avoid brushing wet hair Tani waxay ku jirtaa xaaladdeeda ugu liita ee timuhu ku daataan. Sidaa darteed iska ilaali inaad feedhato timaha qoyan maxaa yeelay fursadaha timo lumintu way kordhaan. Laakiin haddii ay qasab kugu tahay inaad timaha qoyso, isticmaal gadhfeedh ( shanlo) aad u ballaaran. Sidoo kale iska ilaali inaad timaha feedhato marar badan maxaa yeelay sameynteedu waxay dhaawici kartaa timaha waxayna kordhin kartaa luminta Farahaaga u isticmaal inaad isku dhafto timaha, laakiin ha u isticmaalin (shanlo) gadhfeedh ama buraash. 2.Yaree cabitaannada sodhaha leh. Reduce Alcoholic Beverages Haddii aad la kulanto timo lumis intii aad yareyney qaadashada ama Calista waxyaabaha sodhaha leh. maxaa yeelay cabidda aalkolada waxay yareysaa koritaanka timaha. Markaa yaree ama baabi’i sharaabada sodhaha leh si aad u aragto korodg ku yimaada koritaanka timaha. 3. Jooji ama yaree cabista sigaarka (Smoking) Sigaar cabistu waxay yareyneysaa xaddiga dhiiga ku qulqulaya madaxa waana tan keenta yaraanta koritaanka timaha ee ka fogow ama iska yaree sigaar cabista. 4. Ka fogow kiimikooyinka timaha la mariyo. Keep away from chemicals waxyaabaha midabada timaha loo isticmaalo oo joogto ah waxay dhaawici karaan caafimaadka timaha. Markaad dareento timo lumis, waxaa lagula talinayaa inaadan timahaaga midabayn ama aanad madoobayn. 5. Dheecaanada toonta , dheecaanada basasha ( onion) ama dheecaanada Sanjabiisha (ginger). Garlic juice, onion juice or ginger juice Ku xoq mid ka mid ah dheecaanka ama muudka khudradan madaxaaga, ku dhaaf habeenkii oo subaxdii ka maydh. Si joogto ah u samee toddobaad kadibna waxaad arki doontaa natiijo la arki karo oo wax ku ool ah. 6. Isticmaal geedka dacarta. Use olea Vera Dacartu waa geedka ugu fiican ee dunidu isku raacday inay yarayso lumida ama timaha go’aaya. Muudka dacarta mari timahaaga habeenkii aroortiina ka maydh. Waxaad la kulmi doontaa natiijo wax ku ool ah. 7. Cuntooyinkan cun. Use these foods Cuntooyinkani waxa ay sababaan inay nafaqeeyaan timaha • Beedka. • Afokaado. • Basasha cad. • Faasuuliyaha iyo biiniska. • Caanaha. • Kaluunka. Qalinkii Cabdi Caawiye Shaywaal12@gmail.com +252634115877 Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Shir ay maanta magaalada Kismaayo ku yeesheen golaha wasiirada Jubaland ayaa looga hadlay ciidamada ay dowladda federaalka toddobaadyadii dhowaa ku daabuleysay islamarkaana qabsadady qeybo ka mid ah gobolka Gedo. Qoraal kasoo baxay golaha wasiirada Jubaland ayaa lagu sheegay in dowladda dhexe ay “faro-gelin qaawan” ku hayso dowlad goboleedka Jubaland ayna “weerar qaawan kusoo qaaday” gobolka Gedo. Sida lagu sheegay qoraalka, golaha wasiirada Jubaland ayaa go’aan ku gaaray inay heegan buuxa geliyaan ciidamada kala duwan ee dowlad goboleedka Jubaland, si looga hortago, baa la yiri “weerarada qaawan ee ay dowladda federaalku kusoo qaaday Jubaland.” “Goluhu waxay caddeynayaan in cawaaqib xumada ka timaada dagaalka qaawan ay masuul ka tahay dowladda federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka, oo lagu faafiyey warbaahinta maamulka Jubaland. Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowrkii malamood ee tagay qabsaday degmada Beled-Xaawo iyo Doolow, taasi oo macanaheedu yahay in si buuxda uu gobolka Gedo, oo ka tirsan maamulka Jubaland, iminka yy gacanta ugu jiro dowladda dhexe. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u diiday inay aqoonsato doorashadii lagu doortay Axmed Madoobe, waxayna shaacisay qorshe ay ku dhiseyso maamul cusub. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in qabsashada Gedo ay xigi doonto dhismaha maamulkaas oo xaruntiisa ay u badan tahay inuu noqoto gobolka Gedo. Dowladda ayaa waxaa sidoo kale ka go’an inay qabsato gobollada Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose, hase yeeshee ma cadda sida qorshahaas uu ku fuli doono, ayada oo Jubada Dhexe ay inta badan maamulaan Al-Shabaab, halka Axmed Madoobe uu ku xoogan yahay Jubada Hoose.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hoggaamiyo xisbiga Wadajir ayaa si adag uga hadlay dhaq dhaqaaqyada ciidan oo ay dowladda Soomaaliya ka wado gobolka Gedo. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban ku daabacay boggiisa Facebook-ga ayaa sheegay in dowladdu aysan heysanin ciidan la dagaalama kooxda Al-Shabaab iyo sidoo kale kuwa xasiliya deegaanada laga xoreeyo ama laga qabsado. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in taasi bedalkeed ay heyso boqolaal ciidan ah iyo gaadiid dagaal oo ay ku qabsato gobolka Gedo iyo magaalada Dhuusamareeb. “Dowladda Federaalka ah ciidan Al-Shabaab la dagaala ma hayso, meelaha laga xoreeyo Al-Shabaabna ciidan xasilliya ma hayso, laakiin boqolaal ciidanka iyo gawaarida dagaalka way u haysaa in ay Gedo kaga qabsato Juballand, Dhuusamareeb na Ahlu-Sunna.” ayuu yiri siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda dhexe aysan sideedaba dagaal kula jirin Al-Shabaab, islamarkaana cuqdadaha ka dhasha colaadda ay hurinaysa iyadu ay taageerayaal ka hesho kooxdaasi, sida uu hadalka u dhigay. “Al-Shabaab labo jeer ayey faa’iideen; waa mar oo dagaal lagulama jiro, marka labaadna cuqdadaha ka dhasha colaadda ay dowladdu hurinayso, waxay ka helayaan taageerayaal badan. Su’aaashu waxay tahay sow xooga dawlada”Al-Shabaab looguma shaqeeyo”. ayuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey.
-
By Munyaradzi Makoni In Somali waters, illegal fishing is a pervasive problem. It triggers clashes between foreign and domestic fishers, and destabilizes Somali life. For at least seven decades, foreign fishers have harvested Somalia’s fish with little or no deterrence. The clashes escalated with the 1991 collapse of the government. As civil war took hold and warlords scrambled to rule, the longest coastline in continental Africa, at 3,333 kilometers, was suddenly unprotected. Amid the power vacuum, illegal foreign fishers moved in, taking millions of tonnes of fish. A new study, led by Sarah Glaser, acting director at Secure Fisheries, a project of the US nonprofit One Earth Future, shows that this fishing pressure undermined Somali coastal communities by driving unfair and unmanaged competition for finite natural resources. Illegal trawling near the Somali coast destroyed sensitive habitats, says Glaser. “And when illegal foreign fishing is also unreported and unregulated, it reduces fish stocks and undermines the Somali government’s ability to put in place sustainable management plans. Ultimately, this reduces domestic economic and livelihood security.” While illegal fishing does not necessarily make political or natural upheavals more likely, it does weaken the capacity of Somali coastal communities to recover when disasters such as a flood, tsunami, or armed conflict do occur, Glaser says. A second new report, released by Secure Fisheries, details the widespread damage to Somali civil, political, and economic stability caused by the rampant harvest by illegal foreign fleets. In that report, lead author Colleen Devlin breaks Somalia’s recent past into three distinct periods: from 1998 to 2000, conflict between domestic and foreign fishers soared; from 2002 to 2010, Somali pirates took control of the water, driving back foreign vessels; and from 2014 to 2015, piracy calmed and the foreign fleets returned, stoking a new set of tensions. Even before the government fell in 1991, Somalia had weak fishery laws. Foreign fleets routinely ignored Somalia’s 200-kilometer maritime territory. And ships continue to encroach on the coast to fish, says Shafi ‘I Hussein Muse, dean of the fishery department at Berbera Maritime and Fishery Academy in Somaliland, a self-declared state in northeastern Somalia. “Some of them are fishing without holding any fishing licenses, while others have managed to get licenses issued illegally by corrupt officials, mostly in the ministry of fisheries both at the state and federal levels,” Muse says. The causes of illegal, unreported, and unregulated (IUU) fishing in Somali waters are similar to those around the world, Glaser says. Declining fish stocks cause some captains to seek fish outside of territorial waters; insufficient maritime security makes patrolling Somalia’s vast maritime territory difficult, emboldening rogue vessels; and a poor global legal structure for prosecuting IUU fishing crimes means there is little deterrence. Glaser notes that not all foreign fishing in Somalia is illegal and legal fishing does not have the same destabilizing effects. Muse says the research will help Somali community members and decision makers, and international organizations, better understand the threat posed by foreign vessels fishing illegally and without proper oversight. Yet with more than a dozen countries fishing illegally in Somali waters, and in the waters of other African coastal countries, Glaser says the international community must take responsibility for its fishing fleets.
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiya Golaha Shacabka ee BJFS Mudane ; Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane ; Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka qeyb galay kulan ay yeesheen Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgelinta Dastuurka Baarlamaanka iyo Guddiga Dastuurka ee madaxa bannaan,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Guddoomiyaasha Labada Aqal ayaa labada gudi uga mahad celiyay howsha adag ee ay hayaan iyo sida ay uga go’antahay in Dastuurka la ansixiyo Bisha June ee Sanadkan. Labada Guddi ayaa Guddoonka Baarlamaanka uga warbixiyay howsha dib u eegista Dastuurka halka ay mareyso, waxaanay Guddoonka Labadiisa Aqal ku wareejiyeen qormada Labaad ee Dastuurka sida geba-gabada kulanka ka dib uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka, Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaaliye S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed [Xijaar] ayaa la kulmay wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. James Swan. Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa James Swan kala hadlay xoojinta wada shaqeynta ammaanka Guud ee Dalka. Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa bogaadiyay shaqada adag ee ay hayaan Ciidamada Booliska Soomaaliya kuwaas oo ay u riyaaqeen Shacabka Soomaaliyeed. Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa shaqo muhiim u ah Shacabka,waxayna gacan bir ah ku qabtaan dadka falalka amni daro ka geysta dalka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Habeen-06022020.mp3 View the full article
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar dhaba gal ahaa oo maanta lagu qaaday gaari ay la socdeen dad ganacsato ah, xilli uu marayey duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Weerarka oo ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Taarugo oo dhaca galbeedka magaaladaasi. Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo dadka deegaanka ah gaariga la rasaaseeyey ayaa ka yimid dhanka magaalada Gaalkacyo, islamarkaana uu ku sii jeeday deegaano ka tirsan isla gobolka Mudug. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaan ku dhintay illaa afar qof oo ka mid ah rakaabkii saarna gaariga, kuwaas oo ahaa ganacsato qaadka iibisa. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii weerarka fuliyey ay goobta isaga baxsadeen falka kadib. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga iyo sidoo kale maamulka gobolka oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan waxaa Mudug oo ay ka jiraan colaado sokeeye ka dhaca weeraro khasaara geysta oo ay fuliyeen maleleshiyaad hubeysan oo ku sugan gobolkaasi.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu-Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay xaaladda guud ee maamulkaasi. Warqada ka soo baxday xafiiska Sheekh Shaakir ayaa ugu horreyn lagu amray wasiiradii hore ee la magacaabay 13/10/2018-kii inay howlahooda shaqo sii wataan, inta la soo dhisayo golaha wasiirada ee dowlad goboleedka Galmudug. Sidoo kale qoraalkaan ayaa lagu wargeliyey in cid kasta oo ay quseyso arrimaha Glamudug inay la shaqeyso wasiiradii hore, si loo sii wado howlaha maamulkaasi. Ugu dambeyn warsaxaafadeedka ayaa loogu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in dhaqaalaha loogu talagalay Galmudug aysan u isticmaalin danaheeda gaarka ah, maadaama loogu deeqay bulshada weynta Galmudug. Ahlu Sunna Waljamaaca oo si weyn uga soo horjeeda madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda ayaa weli dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ka wada magaalada Dhuusamareeb ee caasimada gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya. Halkaan hoose ka aqriso
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug garabka Ahlusunna Weljamaaca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa war cusub ka soo saaray goorta uu soo dhisi doono golihiisa wasiiirada cusub ee Galmudug. War-saxaafadeed maanta uu soo saaray Madaxweynaha ayuu ugu baaqay golihii hore wasiirada Galmudug uu soo magacabay mudo xilkoodana dhamaaday in shaqadooda ay siiwataan inta uu ka soo magacaabayo wasiirada cusub. Sidoo kale Madaxweyne Sheekh shaakir ayaa bulshjada ku nool dowlad gobaleedka Galmudug ka dalbaday in ay la shaqeeyaan golaha wasiirada cusub waxaana uu intaas uu ku daray in qabanqada caleemasaarka madaxweynaha dhawaan la qaban doono. Dhanka warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxweyne Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa dowladda federaalka loogu baaqay in dhaqaalaha loogu talo galay bulshada dowlad gobaleedka Galmudug aysan u isticmaalin danaheeda gaarka ah . Ugu dambeyn warsaxaafadeedaka ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo magaalada Dhuusamareeb ay kuwada sugan yihiin labo Madaxweyne oo Galmudug siyaabo kala duwan loogu doortay dhawaana mid waliba gooni loo caleema saari doono ayadoona ay xusid mudan tahay in Axmed Ducaale Geele Xaafna lagu doortay magaalada Gaalkacyo laguna caleema saarayo, mana muuqdo tanaasul iyo isku soo dhawaasho siyaasadaha isdiidan ee Galmudug. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Khartoum (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Sudan ayaa maanta sheegay in hoggaamiyaha dalkaas Jeneral Abdel Fattah al-Burhan uusan ra’iisul wasaaraha Israel u ballan-qaadin “hagaajinta xiriirka” labada dal. Al-Burhan, oo madax ka ah golaha xukuma Sudan, ayaa wada-hadallo aan horey loo qorsheyn waxa uu magaalada Entebbe ee dalka Uganda Isniintii kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, taasi oo u muuqatay astaan Sudan ay kusoo afjareyso qaadacaaddeeda muddada fog ee Israel. Waxyar un kadib wada-hadallada, Netanyahu ayaa ku dhowaaqay in labada hoggaamiye ay isku raaceen inay ka wada shaqeeyaan sidii loo hagaajin lahaa xiriirka. Golaha wasiirada ku-meel gaarka ah ee Sudan ayaa maanta sheegay in la-kulanka Netanyahu uu ahaa “aragtida shakhsi” ee al-Burhan, islamarkaana uusan u sameyn wax ballan-qaad ah. “Madaxa golaha madax-banaanida waxaa uu noo sheegay…inuusan wax ballan ah sameyn, kalana hadlin hagaajinta xiriirka,”waxaa sidaas yiri afhayeenka dowladda Faisal Mohamed Salih. Salih ayaa sheegay in arrinta xiriirka Israel ay tahay wax aysan dowladda ku-meel gaarka ah ee iminka jirta ku qasbaneyn inay go’aan ka gaarto. “Dowladda waxay haysataa waajibaad aad u xadidan. Arrinta xiriirka Israel waa wax ka baxsan waajibaadkeeda,” ayuu yiri. Dowladda ku-meel gaarka ah ee Sudan waxaa hoggaamiya ra’iisul wasaare Abdalla Hamdok, halka Al-Burhan uu madax ka yahay golaha xukuma dalka, oo ka kooban shacab iyo militari, kaasi oo shaqadiisu tahay in dalka uu ka saaro ku-meel gaarnimada, islamarkaana awoodda ku wareejiyo xukuumad rayid ah.
-
Since time immemorial Bangladesh has been taking on aids, grants and financial assistance from the global community. But now, it is providing debt relief to another nation, in a testament of the progress the country has made. Source: Hiiraan Online
-
WAR-SAXAAFADEED: 06/02/2020 Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Maanta Lagu Lafo Guray Arrimo Muhiim U Ah Bulshada Fadhigii 54aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu lafo-guray mashruuca maamul-daajinta dawladaha hoose ee Bulshada loogu dhaweynayo Adeegyada Aas-aasiga ah ee JPLG-ga iyo arrimo kale oo qaranka muhiim u ah. Ugu horayn madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa golaha warbixin dheer ka siiyay mashruuca horumarinta iyo maamul daadejinta Dawladaha hoose ee JPLG oo laga maamulo xafiiska madaxweyne ku xigeenka, isagoo xusay marxaladihii mashruucu soo maray iyo sida dawladaha hoose uga faa’iidaystaan. Madaxweyne ku-xigeenku wuxu tilmaamay in mashruucan oo dalka ka bilaabmay sannadkii 2008-dii Laguna bilaabay 8-degmo sannadkan 2020-kana lagu fidiyay 3-degmo oo cusub oo ah degmooyinka Ceergaabo, Laascaanood iyo Caynaba. Dhinacooda masuuliyiin ka socday xafiiska mashruucan, ayaa golaha u soo bandhigay heerka horumarineed ee mashruucan iyo maamul-daadejintiisa oo lagu ballaadhiyay adeegga Aas-aasiga ah ee arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha, waxana mashruucani muujinayaa diyaarinta qorshaha degmooyinka iyo horumarka maamul-daadejinta, isaga oo door muuqda ka qaadanaya kor uqaadidda iyo koboca dhaqaale ee dawladaha hoose ee dalka. Sidoo kale, wasiirka wasaarada horumarinta caafimaadka, ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee caafimaadka dalka, isagoo dul istaagay diyaar garowga wasaaradda horumarinta caafimaadku ka gashay sidii looga gaashaaman lahaa ka hortagga caabuqa coronavirus, iyadoo madaarrada, dekedaha iyo xuduudaha dalka Jamhuuriyada Somaliland heegan buuxa la geliyay laguna diyaariyay kooxo caafimaad oo tababaran. Wasaaradda horumarinta caafimaadku waxay bulshada Somaliland ku baraarujinaysaa inay ilaaliyaan fayo-dhawrka iyo nadaafadda goobahooda waxayna wasaaraddu kaashanaysaa hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO iyo daneeyayaasha caafimaadka Somaliland. Dhinaca kale, guddida arrimaha bulshada ee golaha ayaa warbixin qoto dheer golaha ka siiyay qorshaha dadka baahiyaha gaarka ah leh, iyagoo soo diyaariyay sidii dadkaas looga taageeri lahaa caafimaadka, waxbarashada iyo xirfadaha. Ugu danbayn wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, ayaa golaha u soo bandhigay daraasadda gaadiidka dawladda isagoo iftiimiyay qorshayaasha loo dejiyay gaadiidka ee ilaalinta, dayactirka iyo tayaynta gaadiidka. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
-
Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in dhallinyaro badan oo Aqoonyahanno ka soo jeeda Somaliland laga shaqaalaysiiyay Muqdisho. Faysal, ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya yihiin rag dhallinyarada Aqoonyahannada ah qiimeeya halka uu sheegay in Somaliland hoggaan xumo ka jirto. Source
