-
Content Count
214,348 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo shalay gaaray magaaladda Amman ee Caasimadda Dalka Jordan uga qeyb galaya shirka 30-aad ee Midowga Baarlamaanada Carabta. Shirka Midowga Baarlamaanada Carabta ayaa looga hadlayaa heshiiska qarniga ee uu dhawaan ansaxiyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Wafdiga oo shalay gaaray dalka Jordan waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Jordan oo uu ka mid yahay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad Baarlamaanka ee Dalka Jordan Ibrahim Al-Qur’an. Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa la filayaa inay kulamo la qaataan Madaxda dalkaasi oo ay kaga hadlayaan xoojhinta xiriirka labada dal. View the full article
-
Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Jubaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur Janan ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixiyay sida uu uga baxsaday xabsi-guri ay mudda 5 bilood ah ku haysay dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiir Janan ayaa sheegay in aan xabsi rasmi ah lagu hayn ee hadba xaafad kamid ah xaafadaha Muqdisho la geynayey sida uu hadalka u dhigay. “Markii aan baxay kaddib saddex maalmood iyo saddex habeen ayaan joogay Muqdisho. Waxaana ii suurtagashay inaan xilli maalinnimo ah soo raacay doon. Doonta waxaa ii waday niman Soomaaliyeed oo iyaga iska leh, cidna ima soo raacin oo kaligey baan ahaa” ayuu yiri Janan. Sidoo kale Janan ayaa u sheegay BBC-da in uu haysto ciidan ku filan oo difaaca islamarkaasna uusan wax cabsi ah ka qabin dhinaca nabadgelyadiisa. Janan oo kajawaabay su’aal la xiriirtay eedaha loo haysto, oo ay kamid yihiin in uu ku kacay dil ka baxsan sharciga iyo maxkamadaha, islamarkaana geystay xadgudub kadhan ah dad rayid iyo baaqa qabashadiisa ee ay soosaartay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty, ayaa sheegay in aysan jirin dhammaan eedahaasi. Janan waxa uu intaas ku daray in uu ku sugan yahay siina joogi doono Magaalada Balad-Xaawo ilaa inta uu dib isugu abaabulayo Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo uu sheegay in awooddiisa la wiiqay PUNTLAND POST The post Wasiir Janan oo faahfaahin ka bixiyay sida uu kaga baxsaday dowladda Federaalka appeared first on Puntland Post.
-
Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan wasiirka Amniga maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sidii uu uga baxsaday xabsigii ay ku haysay dowladda federaalka Soomaaliya oo uu ka baxsaday 28-kii Janaayo ee sanadkan 2020. Wasiir Janan oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in markii uu baxsanayay uusan wax cabsiya ka qabin in laamaha amaanka dowladda ay soo qaban karaan isaga oo sheegay kaliya in uu ka cabsi qabay rag ayay dirir dhexmartay, waxa uuna dhinaca kale xusay in maalin cad uu Muqdiho doon ka soo raacay taas oo markii dambe keentay magaalada Kismaayo. Sidoo kale wasiirka amniga Jubbaland waxa uu ka dhawaajiyay in saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay gacan ka geysteen in uu xabsiga ka baxsado. Wasiirka oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri “Seddex maalin iyo laba habeen ayaa Muqdisho joogay markaan baxsaday ma aanan islahayn dowladda federaalka iyo laamaheeda amniga wey ku arkayaan ama waa lagu qabandoonaa cabsi ah ma qabin, niman aan dirirnay ayay ahayd cabsida iigu weyn iyo qatarta aa qabay, waxaana ii suurta gashay in xilli maalin ah aan soo raacay doon kadibana aan Kismaayo ku imaado, dabcan haa masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa gacan ka geystay soo baxsashadeyda. Dhanka kale wasiir Janan ayaa tilmaamay in uu ku suganyahay magaalada Beladxaawo ee gobalka Gedo, waxa uuna sheegay in uu haysto ciidamado ka tayo badan kuwa dowladda federaalka ay geysay magaaladaasi. “Waxaan ku suganahay degmada Beladxaawo qeyb ka mid ah aniga iyo masuuliyiin kale, ciidamada magaalada jooga ciidan ka tayo wanaagsan kana qalab wanaagsan ayaa aniga gacanta iigu jira oo iga amar qaadanaaya oo dowlad goboleedka Jubbaland ay leedahay oo anigu aan xukumo, marka wax cabsi ah oo aan aniga qabo oo aan isleeyahay ciidan dowladda federaalka ayaa ku qabanaya malahan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir amniga Jubbaland. Dowladda federaalka ayaa ku raad joogta sidii ay ku soo qaban lahayd wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo 28-kii Janaanyo ka soo baxsaday waxa ayna dowladdu dalbtay waaran caalamia ah oo lagu soo xirayo wasiir Janan oo iminka ku sugan qeybo ka mid ah gobalka Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Addis Ababa)-Xaruunta dabagalka cudurka Coronavirusee ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay tani iyo marka uu cudurka dillaacay xaruunta in la soo gaadhsiiyeyay 29 qof oo cudurkaasi looga shakiyey. Wasaaradda caafimaadka oo qabatay shir jaraa’id oo ay cudurka kaga hadleysay waxay sheegtay in 29-ka qof oo cudurka looga shakiyey xaruunta ay soo gaadheen isla-markaana dabagal iyo hubin dheeraad ahna lagu sameeyey. Waxayna wasaaraddu sheegtay baadhitaan qoto dheer oo lagu sameeyey 29-ka qof ee xarunta soo gaadhay 14 ka mid ah waxaa laga helay calaamado cudurkaasi u eg inta si rasmi ah looga ogaanayey iney cudurkaasi qabaan iyo inkalana waxaa lagu karantiilay goob u gaar ah oo lagula socdo xaaladdooda. Dadkaasi looga shakiyey cudurka muunad laga qaaday oo Koonfur Afrika baadhitaan looga dirayna waxaa lau ogaaday 8 ka mid ka ah iney cudurka ka bad qabaan, 3-da qof ee soo hadhayna natiijada baadhitaankooda Koonfur afrika laga sugayo. Waxayna wasaaraddu intaa ku dartay 3 qof oo kale oo cudurka looga shakiyey in baadhitaankooda loo dirayo Koonfur Afrika. Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha uu cudurka ka soo bilaamay dhammaan dadka ka yimaadda waxaa la go’aamiyey in goob u gaar ah lagu karantiilo inta caafimaadkooda laga hubinayo. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Labadii toddobaad ee la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa sheegeysay inay dadaal ugu jirto sidii ay dib gacanta ugu dhigi lahayd wasiirkii Amniga ee maamul goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur(Janan), kaasoo ay sheegeen inuu ka baxsaday xabsi lagu hayay. Dad badan waxay su’aalo iska weydiinayeen sida ay ku dhacday in Cabdirashiid uu baxo faraha dowladda federaalka. Janan, oo aan warbaahinta la hadlin tan iyo markii uu ka tagay Muqdisho, ayaa markii ugu horreysay BBC-da uga warramay qaabkii ay ugu suurtagashay inuu ka fakado xabsiga lagu ilaalinayay. Xabsi la ima geynin “Sida uu horayba sarkaal ka tirsan ciidamada asluubta Soomaaliya bulshada ugu caddeeyay, aniga xabsi la ima geynin. Markii garoonka diyaaradaha la iga qabtay, waxaa i qabtay niman boolis ah oo labisan iyo niman dharcad ah oo isla socda, mid ka mid ah dharcadka ayaana amrayay ciidanka”, ayuu yidhi. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu BBC-da u sheegay in xaafado caadi ah lagu hayay intii uu ku jiray gacanta ciidamada dowladda Federaalka. “Markii la i qabtay kaddib waxaa la i geeyay xaafad aad u fog, oo markii dambe aan gadaal ka fahmay inay ahayd degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho. Muddadii shanta bilood ahayd ee la i hayay, maalinba waxaa la i geynayay guri xaafad ka tirsan ilaa ugu dambeyntii la i keenay guri ku yaalla xaafadda Shibis, halkaasoo aan muddo 7 cisho ah ku sugnaa. Janan ayaa ka hadlay qaabkii loola dhaqmay intii gacanta lagu hayay. “Aniga iyo niman askar ah oo dhowr iyo toban ah ayaa isla joognay xaafado ay dad shacab ah u dhisteen si gaar ah, halkaas ayaana la igu hayay. Runtii askarta gacanta igu heysay wax xumaan ah oo ka baxsan amarrada la siinayay oo ay ii geysteen ma jirin, laakiin waxaa jirtay xumaan farabadan oo amarro askartaas lasoo siiyay ah oo ay ku khasbanaayeen inay fuliyaan”. Cabdirashiid Janan ayaa dhanka kale faahfaahiyay sababihii loo sheegay in loo xidhay. “Markii ugu horreysay waxaa la ii sheegay in sababta la ii xiray ay tahay dalab ku aaddanaa inaan dowladda Federaalka ku wareejiyo ciidamo 1000 askari ah oo daraawiish ah, laakiin ma aqbali karin arrintaas, balse aniga waxaan fahansanaa in la ii xiray arrimo ku saabsan doorashadii ka dhacday Kismaayo, waxaana la igula kaftamay in la iga daba keeni doono madaxweyne Axmed Madoobe”, ayuu yidhi. Hase ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa horay u beenisay in arrimo siyaasadeed loo xiray Janan, laakiin waxay shaacisay in loo heystay eedeymo ku saabsan tacaddi bani’aadannimo. Markii aan weydiinnay su’aasha ku saabsan inuu ka warramo qaabkii uu ku baxsaday, Cabdirashiid wuu qoslay, wuxuuna ka bixiyay sharraxaad: “Way jirtaa inaysan cidna i sii deynin, howl aan aniga isku xidhxidhayay oo uu Rabbi ii fududeeyay ayaan kusoo baxsaday”, ayuu yidhi. Isagoo sii faahfaahinaya ayuu yidhi: “Markii aan ogaaday inaan la i sii deyn doonin ilaa wax kasta oo ay dowladda federaalka rabto ay ka sameysato Jubbaland, waxaan go’aansaday inaan qorsheeyo sidii aan uga bixi lahaa gurigii la igu hayay, kaddibna shan boqol oo kiiloo mitir ayaan soo maray badda”. “Markii aan baxay kaddib saddex maalmood iyo saddex habeen ayaan joogay Muqdisho. Waxaana ii suurtagashay inaan xilli maalinnimo ah soo raacay doon. Doonta waxaa ii waday niman Soomaaliyeed oo iyaga iska leh, cidna ima soo raacin oo kaligey baan ahaa”, ayuu yidhi. Janan ayaa ka gaabsaday inuu si cad u sheego magacyada dadkii garabka ku siiyay inuu baxsado. Wuxuu si kooban u sheegay inay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda gacan ku siiyeen inuu baxsado. Dhinaca kalena wuxuu beeniyay warar sheegayay in diyaarad millatari oo ay leedahay dowladda Kenya lagu geeyay magaalada Nairobi. Wuxuu sheegay inuu hadda ku sugan yahay Buulaxaawo qorsheynaya inuu qabta degmoyin ka tirsan gobolka Gedo. Xigasho: BBCSomali Source
-
Wasiir Janan oo ka warbixiyey sidii uu uga baxsaday xabsiga
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Nuur Xasan, (Janan) oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey qaabkii uu uga baxsaday xabsiga uu ugu xirnaa dowladda federaalka ee magaalada Muqdisho. Janan oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in markii uu ka baxsaday halka uu ku xirnaa uu saddex maalmood ku suganaa isla magaalada Muqdisho, ka hor inta uusan doon ku tagin magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay been abuur yihiin eedeymaha loo heysto ee ay sheegtay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo la xariira arrimo bani’aadanimo. Ugu dambeyn wasiirka amniga Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa eedeyn u jeediyey hay’adda Amnesty International, wuxuuna sheegay in magaca hay’addaasi ay si qaldan u adeegsanayaan shaqsiyaad gacan saar la leh dowladda dhexe ee Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/ccc.mp3 View the full article -
(SLT-Riyadh)-Dowladda Mareykanka ayaa isku dayeysa inay kulan ka dhacaya magaalada Qaahira horaanta bisha March iskugu keento ra’iisul wasaraaha Israel Benjamin Netanyahu iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman, waxaa sidaas wariyey wargeyska Israa’iil Hayom. Diblomaasiyiin Carab ah ayaa u sheegay wargeyska Israel Hayom in muddo sanad ah ay wada-hadallo u socdeen saraakiil Mareykan, Israel iyo Sacuudiyaan ah, kuwaasi oo uu dhex-dhexaadinayey xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo. “Maalmihii dhowaa waxaa aad u xoogeystay wada-hadallada Washington, Israel, Masar iyo Saudi Arabia, si loo agaasimo kulanka Qaahira oo dhacaya toddobaadyada soo socda, xitaa ka hor doorashada Israel, oo dhaceysa 3-da March,” waxaa sidaas wargeyska u sheegay diblomaasi sare oo Carab ah. Diblomaasiyiinta ayaa sheegay, in marka laga reebo Masar oo marti-gelineysa kulanka, ay sidoo kale ka qeyb-geli doonaan dalalka Imaaraadka Carabta, Sudan, Bahrain, iyo Oman. Ilo-wareedyo Carab ah ayaa u sheegay Israel Hayom, in sidoo kale kulanka lagu casuumay boqorka Jordan Abdullah, balse uu doonayo in sidoo kale la casuumo hogaamiyaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas. Cabas ayaa muujiyey inaanu diyaar u ahayn inuu aqbalo caasuumaddaas. Saudi Arabia iyo dalal dhowr ah oo ku yaalla Khaliijka ayaa sanadihii dhowaa billaabay inay xidhiidh hoose la yeeshaan Israel, taasi oo sare u qaaday walaaca laga qabo inay doonayaan xidhiidh rasmi ah oo ay la yeeshaan Israel, islamarkaana dhinaca isaga riixaan Falastiiniyiinta u dagaalamaya inay dal helaan. Mohamed Bin Salman ayaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu cayaaro door la mid ah kii madaxweynihii hore ee Masar Anwar Sadat, oo uu noqdo hoggaamiyaha Carbeed ee ugu horreeya ee toos xiriir ula yeesha Israel. “Mohamed Bin Salman waxa uu ka mid yahay jiil cusub, oo agtooda aysan ku weyneyn taariikhda, islamarkaana aan wax calool dabac ah u hayn Falastiiniyiinta. Marar badan ayuu sidan muujiyey,” waxaa sidaas yidhi ilo-wareed la hadlay wargeyska Middle East Eye. Toddobaadkii tegay, maamulka Trump ayaa shaaca ka qaaday “heshiiska qarniga” ee muranka badan dhaliyey, kaasi oo inta badan dhulka Falastiin loogu gacan gelinayo Israel. Saudi Arabia ayaa ka mid ah dalalka Carbeed ee sida weyn u taageersan qorshahan. Source
-
Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa guddoomiye iyo ku xigeen cusub oo KMG ah loogu magacaabay degmada Goldogob ee gobolka Mudug. Halkaan hoose ka akhriso: Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Degmadda Goldogob. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Markuu garowsaday: In ay dhamaatay mudo xileedkii Golaha Degaanka Degmadda Galdogob, walina aysan suurto galin in la dhiso gole Deegaan oo cusub. Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Cabdiqaadir Khaliif Xaashi si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmadda Galdogob. 2. Waxaa Siciid Muuse Shire si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmadda Galdogob. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. View the full article
-
Wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka hadlayey xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan wadashaqeynta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedya dalka. Maareeye ayaa sheegay in caqabada ugu weyn ee haatan jirta ay tahay Dastuurka oo aan la waafajin markii la dhisayey maamullada ka jira dalka, islamarkaana nidaam qabali ah wax lagu dhisay markii hore, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo wuxuu tilmaamay in khilaafka hadda jira saldhigiisa uu weyn uu yahay arrintaasi, islamarkaana la’isku hayo qodobo Dastuuri ah. Halkaan hoose ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Cadaani-1.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-08022020.mp3 View the full article
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo weli sheegta madaxweynaha Galmudug ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan warkii dhowaan soo yeeray safiirka Mareykanka ee Soomaaliya. Qoraalka ka soo baxay xafiiska Xaaf oo uu haatan fadhigiisu yahay Gaalkacyo ayaa lagu sheegay in safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto uu faragelin qaawan ku hayo arrimaha Galmudug, islamarkaana uu taageeray maamul lagu dhisay Afgambi. Sidoo kale wuuxu sheegay in beesha caalamka looga baahan yahay inay qaadato doorkeeda ku aadan Galmudug, iyada oo ka shaqeyneysa danaha guud ee maamulkaasi. Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Mareykankanka inay wax ka bedasho siyaasadeeda Soomaaliya, gaar ahaan tan dowlad goboleedka Galmudug, islamarkaana ay ka laabato go’aankii hore ee ay ku dhawaaqday. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Mareykanka uu noqday dalkii ugu horreeyey ee taageeray doorashadii Qoor-Qoor ee lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Halkaan hoose ka aqriso:
-
In an accelerating assault on Donald Trump’s critics in the days since his impeachment acquittal, the administration fired Gordon Sondland, the ambassador to the European Union, shortly after removing Lt Col Alexander Vindman from his White House post on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Labadii sibuuc ee la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa sheegeysay inay dadaal ugu jirto sidii ay dib gacanta ugu dhigi lahayd wasiirkii Amniga ee maamul goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur(Janan), kaasoo ay sheegeen inuu ka baxsaday xabsi lagu hayay. Dad badan waxay su’aalo iska weydiinayeen sida ay ku dhacday in Cabdirashiid uu baxo faraha dowladda federaalka. Janan, oo aan warbaahinta la hadlin tan iyo markii uu ka tagay Muqdisho, ayaa markii ugu horreysay BBC-da uga warramay qaabkii ay ugu suurtagashay inuu ka fakado xabsiga lagu ilaalinayay. Xabsi la ima geynin “Sida uu horayba sarkaal ka tirsan ciidamada asluubta Soomaaliya bulshada ugu caddeeyay, aniga xabsi la ima geynin. Markii garoonka diyaaradaha la iga qabtay, waxaa i qabtay niman boolis ah oo labisan iyo niman dharcad ah oo isla socda, mid ka mid ah dharcadka ayaana amrayay ciidanka”, ayuu yiri. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu BBC-da u sheegay in xaafado caadi ah lagu hayay intii uu ku jiray gacanta ciidamada dowladda Federaalka. “Markii la i qabtay kaddib waxaa la i geeyay xaafad aad u fog, oo markii dambe aan gadaal ka fahmay inay ahayd degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho. Muddadii shanta bilood ahayd ee la i hayay, maalinba waxaa la i geynayay guri xaafad ka tirsan ilaa ugu dambeyntii la i keenay guri ku yaalla xaafadda Shibis, halkaasoo aan muddo 7 cisho ah ku sugnaa. Janan aya ka hadlay qaabkii loola dhaqmay intii gacanta lagu hayay. “Aniga iyo niman askar ah oo dhowr iyo toban ah ayaa isla joognay xaafado ay dad shacab ah u dhisteen si gaar ah, halkaas ayaana la igu hayay. Runtii askarta gacanta igu heysay wax xumaan ah oo ka baxsan amarrada la siinayay oo ay ii geysteen ma jirin, laakiin waxaa jirtay xumaan farabadan oo amarro askartaas lasoo siiyay ah oo ay ku khasbanaayeen inay fuliyaan”. Cabdirashiid Janan ayaa dhanka kale faahfaahiyay sababihii loo sheegay in loo xiray. “Markii ugu horreysay waxaa la ii sheegay in sababta la ii xiray ay tahay dalab ku aaddanaa inaan dowladda Federaalka ku wareejiyo ciidamo 1000 askari ah oo daraawiish ah, laakiin ma aqbali karin arrintaas, balse aniga waxaan fahansanaa in la ii xiray arrimo ku saabsan doorashadii ka dhacday Kismaayo, waxaana la igula kaftamay in la iga daba keeni doono madaxweyne Axmed Madoobe”, ayuu yiri. Hase ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa horay u beenisay in arrimo siyaasadeed loo xiray Janan, laakiin waxay shaacisay in loo heystay eedeymo ku saabsan tacaddi bani’aadannimo. Siduu ku baxsaday? Markii aan weydiinnay su’aasha ku saabsan inuu ka warramo qaabkii uu ku baxsaday, Cabdirashiid wuu qoslay, wuxuuna ka bixiyay sharraxaad: “Way jirtaa inaysan cidna i sii deynin, howl aan aniga isku xirxiray oo uu Rabbi ii fududeeyay ayaan kusoo baxsaday”, ayuu yiri. Isagoo sii faahfaahinaya ayuu yiri: “Markii aan ogaaday inaan la i sii deyn doonin ilaa wax kasta oo ay dowladda federaalka rabto ay ka sameysato Jubbaland, waxaan go’aansaday inaan qorsheeyo sidii aan uga bixi lahaa gurigii la igu hayay, kaddibna shan boqol oo kiiloo mitir ayaan soo maray badda”. “Markii aan baxay kaddib saddex maalmood iyo saddex habeen ayaan joogay Muqdisho. Waxaana ii suurtagashay inaan xilli maalinnimo ah soo raacay doon. Doonta waxaa ii waday niman Soomaaliyeed oo iyaga iska leh, cidna ima soo raacin oo kaligey baan ahaa”, ayuu yiri. Janan ayaa ka gaabsaday inuu si cad u sheego magacyada dadkii garabka ku siiyay inuu baxsado. Wuxuu si kooban u sheegay inay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda gacan ku siiyeen inuu baxsado. Dhinaca kalena wuxuu beeniyay warar sheegayay in diyaarad milatari oo ay leedahay dowladda Kenya lagu geeyay magaalada Nairobi. Wuxuu sheegay inuu hadda ku sugan yahay Buulaxaawo qorsheynaya inuu qabta degmoyin ka tirsan gobolka Gedo. Dadaalka ku saabsan dib usoo qabashada Cabdirashiid Janan Hay’adda caalamiga ah ee u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa dowladda Kenya ka dalbatay inay xirto Cabdirashiid Janan, kaddibna ku wareejiyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Amnesty ayaa sheegtay in Janan uu ku eedeysan yahay “xadgudubyo waaweyn” oo ka dhan ah xuquuqul-insaanka, loona baahan yahay “inuu caddaaladda Wajaho”. Sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya, oo dadaal ugu jirta dib usoo qabashada Cabdirashiid Janan ayaa codsatay in lo soo gacan galiyo. Taliska booliska Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saaray 4-tii bishan February ayaa dowladda Kenya ka dabaday inay usoo xiraan Jajan, waxayna sidoo kale codsi u direen booliska adduunka ee INTERPOL, kuwaasoo ay weydiisteen inay ka caawiyaan sidii dib loogu soo gacan galin lahaa. Laakiin dowladda Kenya kama jawaabin labada dalab midna. Maamul goboleedka Jubbaland, oo si joogto ah u dhaliilayay xarigga Janan ayaa sheegay inuusan wax dambi ah lahayn, xariggiisii horena loo maray waddo aan sharciga waafaqsaneyn oo afduub ah. Cabdirashiid ayaa dabayaaqadii bishii August ee sanadkii 2019-kii xabsiga loo taxaabay isagoo safar ku marayay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, tan iyo xilligaasna hal mar ayaa maxkamad tasoo taagay. Xigasho: BBC Somali
-
Washington (Caasimada Online) – Michael Rubin, oo ka tirsan machadka daraasaadka ee American Enterprise Institute ee Washington, ayaa ku eedeeyey safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto inuu lacagta canshuurta laga soo qaaday dadka Mareykanka ku taageeray afgambi ka dhacay Soomaaliya. Michael Rubin oo faallo ku qoray wargeyska The Washington Examiner ayaa sheegay in doorashadii dhowaan ka dhacday Galmudug ee lagu doortay Qoor-Qoor ay hareeyeen fadeexado la xiriira laaluush iyo musuq-maasuq xooggan. Hase yeeshee, buu yiri, intii uu danjire Yamamoto eegi lahaa warbixinada noocaas ah, waxa uu soo saaray bayaan uu ugu hambaleeyey Qoor-Qoor, kuna qeexay doorashadiisa “mid bilow u ah hanaan dib u heshiisiin siyaasadeed.” “Wixii Galmudug ka dhacay waxay ahaayeen afgambi Mareykanka uu taageeray ayada oo lagu caawinayo Farmaajo,” ayuu yiri Michael Rubin. Michael Rubin ayaa sheegay in Farmaajo uu awood sheegasho iyo sidii uu ku taajiri lahaa ka doortay dimoqraadiyadda, horumarka iyo xasiloonida. “Farmaajo waxa uu aad u xiiseenayaa inuu la loolamo kuwa siyaasadda uga soo horjeeda, intii uu ka hortagi lahaa halista kooxda aragagixisada ah ee Al-Shabaab,” ayuu yiri Michael Rubin. Rubin ayaa sheegay in baahida uu Yamamoto u qabo inuu guul ka gaaro Soomaaliya ay ku hoggaamisay inuu taageero madaxweyne Muqdisho ku sugan “oo aan dimoqraadi ahayn, waxna ku oolin.” “Inuu hal bilyan oo dollar ku taageero hoggaamiye musuq-maasuqa ah oo aan dimoqraadi ahayn [Farmaajo], Yamamoto wuxuu dhaawacay danihii Mareykanka ee Soomaaliya iyo Geeska Africa. Waxaa la joogaa xilligii dalka lagu soo celin lahaa,” ayuu yiri Rubin.
-
Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa isku dayeysa inay kulan ka dhacaya magaalada Qaahira horaanta bisha March isugu keento ra’iisul wasaraaha Israel Benjamin Netanyahu iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman, waxaa sidaas wariyey wargeyska Israel Hayom. Diblomaasiyiin Carab ah ayaa u sheegay wargeyska Israel Hayom in muddo sanad ah ay wada-hadallo u socdeen saraakiil Mareykan, Israel iyo Sacuudiyaan ah, kuwaasi oo uu dhex-dhexaadinayey xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo. “Maalmihii dhowaa waxaa aad u xoogeystay wada-hadallada Washington, Israel, Masar iyo Saudi Arabia, si loo agaasimo kulanka Qaahira oo dhacaya toddobaadyada soo socda, xitaa ka hor doorashada Israel, oo dhaceysa 3-da March,” waxaa sidaas wargeyska u sheegay diblomaasi sare oo Carab ah. Diblomaasiyiinta ayaa sheegay, in marka laga reebo Masar oo marti-gelineysa kulanka, ay sidoo kale ka qeyb-geli doonaan dalalka Imaaraadka Carabta, Sudan, Bahrain, iyo Oman. Ilo-wareedyo Carab ah ayaa u sheegay Israel Hayom, in sidoo kale kulanka lagu casuumay boqorka Jordan Abdullah, balse uu doonayo in sidoo kale la casuumo hogaamiyaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas. Cabas ayaa muujiyey inaanu diyaar u ahayn inuu aqbalo caasuumaddaas. Saudi Arabia iyo dalal dhowr ah oo ku yaalla Khaliijka ayaa sanadihii dhowaa billaabay inay xiriir hoose la yeeshaan Israel, taasi oo sare u qaaday walaaca laga qabo inay doonayaan xiriir rasmi ah oo ay la yeeshaan Israel, islamarkaana dhinaca isaga riixaan Falastiiniyiinta u dagaalamaya inay dal helaan. Mohamed Bin Salman ayaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu cayaaro door la mid ah kii madaxweynihii hore ee Masar Anwar Sadat, oo uu noqdo hoggaamiyaha Carbeed ee ugu horreeya ee toos xiriir ula yeesha Israel. “Mohamed Bin Salman waxa uu ka mid yahay jiil cusub, oo agtooda aysan ku weyneyn taariikhda, islamarkaana aan wax calool dabac ah u hayn Falastiiniyiinta. Marar badan ayuu sidan muujiyey,” waxaa sidaas yiri ilo-wareed la hadlay wargeyska Middle East Eye. Toddobaadkii tegay, maamulka Trump ayaa shaaca ka qaaday “heshiiska qarniga” ee muranka badan dhaliyey, kaasi oo inta badan dhulka Falastiin loogu gacan gelinayo Israel. Saudi Arabia ayaa ka mid ah dalalka Carbeed ee sida weyn u taageersan qorshahan.
-
Mogadishu ( PP News Desk ) – When President Mohamed Abdullahi Mohamed gave up his US citizenship a year ago, he had set an example that politicians with dual citizenship might have to follow to put accusations of multiple loyalties behind themselves. The decision won President Mohamed a smattering of political capital. The Somali draft constitution does not bar a Somali with dual citizenship to hold the highest office of the country. President Mohamed with Stephen Schwartz, former United States Ambassadorto Somalia The presidential decision to deny his detractors the opportunity to accuse him of dual loyalties has been short-lived. President Mohamed is still a member of the Republican Party although he has had voting rights rescinded. “[T]he [Somali] diaspora was puzzled why a Somali refugee would join a party which has often shown such little regard for migrants. But those connections might help him now. Apparently, Farmajo believes he can convince Trump that there is no need to end refugee resettlement, or for a travel ban” wrote Ismail Einashe in Prospect magazine two months after the election of Mohamed as the President of the Federal Republic of Somalia. “Connections President Mohamed made through the Grandld Party are what drives the agenda of the Federal Government in the interest of the Republican Party donors most of whom run oil companies” says a Mogadishu-based political analyst. Until President Mohamed answers questions about potential conflict of interest before and after giving up US citizenship and any voluntary contributions he has made to the Republican Party for the last five years, the suspicion that he leads a puppet government micromanaged by the Halane-based American Embassy will persist. © Puntland Post, 2020 The post Somalia’s President is Still a Member of GOP appeared first on Puntland Post.
-
Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan Hawada labada dal si loo sahlo ganacsiga labada waddan. Soomaaliya ayaa waxaa heshiiska u saxiixay wasiirka Duulista Hawada Maxamed Cabdulaahi Salad, halka dowladda Rwanda uu u saxiixay Wasiirka Kaabayaasha Claver Gatete. Wasiirka Duulista Hawada Maxamed Cabdulaahi Salad ayaa aad u soo dhoweeyay horumarka uu gaaray dalka Rwanda isagoo ku tilmaamay in heshiiskan uu xoojin doono ganacsiga labada dal. Sidoo kale Wasiirka Kaabayaasha dalka Rwanda Gatete ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay kii boqolaad oo ay dalal caalamka ka tirsan la saxiixatay dowlada Rwanda, uuna rajeynayo in albaabo ganacsi oo cusub u furo labada dal PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Rwanda oo kala saxiixday heshiis ku saabsan Hawada labada dal appeared first on Puntland Post.
-
Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo gaaray Magaalada Amman ee Caasimadda Jordan ayaa ka qaybgalayaan shir deg deg ah oo maanta ka furmaya Magaaladaas. Ajendaha shirka waxa uu yahay in Guddoonnada Baarlamaanada Carabta ay fadhi ka yeeshaan go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Trump ee ku aadanaa Heshiiska Qarniga ee Falastiin lagu dafiray madax banaanidooda. Gudoomiyaha Baarlamaanka Jordan ayaa furaya fadhiga, isla xiligaas waxa uu martida ka hor sheegayaa kulanka deg deg ah iyo doorka dalalka islaamka ee garab istaagga u muujinaya dad falastiiniyiinta. Kulanka marka uu furmo kadib, waxa uu qorshuhu yahay in warmurtiyeed ay ku mideysan yihiin Baarlamaanada Dalalka Carabta oo lagu difaacayo qadiyadda falastiin, loogana soo horjeesanayo Heshiiska Qarniga ee uu wado Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Madaxweynaha Mareykanka ayaa cambaareen kala kulmay inta badan wadamada islaamka, kadib markii uu ku dhawaaqay heshiiska Qarniga oo ka dhigan in Falastiiniyiinta aysan yeelan Dowlad, isla markaana ay ku hoos-noolaadaan Israel. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo qeyb ka ah Shir deg deg ah oo looga horjeedo go’aankii Trump ee Quddus appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maamul ku meel gaar ah u magacaabay degmada Galdogob ee gobolka Mudug. Digreeto ka soo baxaday Madaxweyne Deni ayaa Cabdiqaadir Khaliif Xaashi si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha degmadda Galdogob, halka ku xigeena looga dhigay Siciid Muuse Shire. Magacaabistan ayaa ku soo aaday, iyadoo ay dhamaatay muddo xileedkii Golaha degaanka degmada Galdogob, walina aan la dhisin Gole cusub. Hoos ka akhriso digreetada Boosaaso: 07 Febraayo 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.15 February 6, 2020, ugu magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen Ku meel gaar ah Degmadda Galdogob. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Degmadda Goldogob. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Markuu garowsaday: In ay dhamaatay mudo xileedkii Golaha Degaanka Degmadda Galdogob, walina aysan suurto galin in la dhiso gole Deegaan oo cusub. Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Cabdiqaadir Khaliif Xaashi si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmadda Galdogob. 2. Waxaa Siciid Muuse Shire si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmadda Galdogob. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. = DHAMMAAD= PUNTLAND POST The post Deni oo maamul KMG ah u magacaabay Galdogob appeared first on Puntland Post.
-
By: Michael Rubin Somalia descended into state failure in 1991, and famine quickly followed as warlords fought over the remnants of the country’s infrastructure. Television photos of starving children motivated the George H.W. Bush administration to provide aid and assistance. However, rather than rescue Somalis, humanitarian intervention ended up encouraging both warlords and venal politicians to fight over the assistance or to use it to bolster patronage or deny food and assistance to their political rivals. While the Clinton administration abandoned Somalia after the “Black Hawk Down” episode, the United States has reengaged Somalia over the past decade. John Kerry became the first secretary of state in decades to visit Mogadishu when, in 2015, he landed and held meetings at the international airport, which serves as Somalia’s “green zone.” The international community has doubled down on a plan to rebuild a Somali government, creating a timeline to one-man, one-vote popular elections that are set to occur this year, the first time Somalia would have such elections in more than a half-century. Enter U.S. Ambassador to Somalia Donald Yamamoto, a longtime State Department Africa specialist who was previously ambassador to Ethiopia, Djibouti, and Eritrea, as well as acting assistant secretary of state for African affairs. Yamamoto crafted a strategy for the Horn of Africa which prioritized regional integration and Somali state-building. These are all noble goals, but Yamamoto has apparently become so invested in this strategy that he is unwilling to assess its success honestly. While regional integration is on the upswing, efforts to stabilize Somalia are failing. Yamamoto has effectively become a gambler who believes if he can just play one more round, he can recoup his losses. Unfortunately for American taxpayers, those losses now amount to well over $1 billion — and that total is growing every day. Recent successful moves to wipe Somalia’s debt clean (and to enable Somalia then to receive new loans) have doubled U.S. taxpayer liability during Yamamoto’s Somalia tenure. The sad irony is that the ambassador, and more broadly the State Department, do not recognize that aid and budgetary support given to Somalia are the problem. Their efforts are incentivizing not lasting solutions, but rather, democratic backsliding and a revival of terror. Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed, also known as Farmajo, won election in 2017 in a poll in which less than 350 people took part. Prior to his election, he paid lip service to talk of democracy, but once in power, Farmajo utilized U.S. aid money and international assistance in order to reward cronies and undercut political opponents. Because Farmajo prioritized power and wealth over democracy, development, and stability, he has been more interested in fighting rivals than countering the terrorist group al Shabab and, indeed, has even flirted with leveraging the group against neighboring countries. The al Qaeda-affiliated extremist group has now undertaken a revival unimaginable just a few years ago. It now strikes deep into Mogadishu regularly. Somali parliamentarians, Somali intelligence officials, and former members of Farmajo’s own Cabinet confirm that Somalis use the al Shabab courts because they consider the Somali state courts to be both too slow and too corrupt. Indeed, Somalis increasingly pay taxes and protection money to al Shabab and buy licenses for construction and businesses. That they do so with international and U.S. aid money is a scandal that only goes ignored due to congressional distraction and State Department apathy. The latest scandal in Somalia involves Galmudug, one of Somalia’s federal states which lies between Mogadishu and the northern Puntland state. On Feb. 2, Galmudug held elections. The elections were no easy feat, but rather took months of preparation in order to provide the necessary security to organize the polls and allow residents to feel secure enough to cast their votes. Somalis and outside observers looked at the Galmudug elections as a dry run for Somalia’s forthcoming national elections. Alas, Farmajo used the cash provided by the international community to try to undermine the election, in which it looks like his chosen candidate lost. Rather than address credible reports of bribery and fraud, however, Yamamoto issued a press statement declaring, “Today’s election is a beginning to a broad-based political reconciliation process, and the United States calls on everyone to commit to participating in a peaceful dialogue that jointly addresses the challenges facing the region and the country.” It then declared Ahmed Abdi Kariye (Qoor-Qoor), the Farmajo ally who was the subject of Farmajo’s machinations, to be the victor, even though most Somalis and independent observers believe he lost. Not surprisingly, Somalis have reacted with outrage at what is essentially a U.S.-backed coup in support of Farmajo. Six political parties and two former Somali presidents condemned Yamamoto’s press release and issued a statement blasting the ambassador. “He surrendered his privilege as an honest and impartial diplomat who leverages his weight to foster dialogue among Somalis,” they wrote. “The position taken by the Amb. Yamamoto contradicts with the core principles of good governance and promotion of democracy that are pillars of U.S. foreign policy.” They are right. Yamamoto’s desperation for success has led him not only to enable a president in Mogadishu who is both undemocratic and ineffective, but also to double down on an obvious fraud in a way that undermines U.S. credibility with Somalis at a time when it is needed most. Some diplomats achieve greatness, but others do permanent damage to U.S. diplomacy. By placing a billion-dollar bet on an undemocratic and corrupt leader, ignoring his strategy’s contribution to the al Shabab resurgence, and most recently blessing a fraudulent election, Yamamoto has gravely undercut U.S. interests in Somalia and across the Horn of Africa. It is time to bring him home. Michael Rubin (@mrubin1971) is a resident scholar at the American Enterprise Institute and a contributor to the Washington Examiner’s Beltway Confidential blog. Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
By: Dr. Mohamud Uluso Readers may question how come debt relief which is beneficial for Somalia fueled intense corruption, political conflicts, and Insecurity? The answer is focus on debt relief has provided the leaders of the federal government of Somalia (FGS) the opportunity and cover to neglect their core obligations under the constitution and to commit all kinds of wrongdoing without facing accountability and condemnation for two main reasons. First, major International Financial Institutions (IFI) – International Monetary Fund (IMF), World Bank (WB), African Development Bank (AfDB) – dominate the debt relief process and are in bed solely with the federal government notwithstanding the decentralized democratic system of governance evolving in Somalia. This has put the power and prestige of the IFI exclusively behind the federal government for partnership and protection. Second, the debt relief involves the writing down of an external debt of 5.3 billion dollars (2018), a task that has international implications. Thus, both reasons made debt relief the highest priority for Somalia. The IFI had to encourage and compliment the federal government for the implementation of successive IMF Staff Monitoring Programs (SMP) so it can be eligible for Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) debt relief. Unfortunately, the federal government took advantage of IFI generous compliments for debt relief and chose to pursue in parallel tyrannical policies jeopardizing national reconciliation, peace, security, and nation building principles. Key international partners stood by the federal government despite witnessing flagrant abuses of power and corruption going on in the last 3 years. Of late, Majority of Somalis were terribly shocked by the hasty recognition of US Ambassador to Somalia the outcome of fraudulent election in Galmudug State rigged in broad daylight by the federal government. By mid-2017, immediately after his election in February 2017, President Formajo abandoned his electoral promises for rule of law and good governance and pursued with all means necessary, including use of AMISOM forces, the removal of the presidents of the federal member states to be replaced with handpicked loyalists, confrontation with Somaliland, cronyism for public service, discrimination and politicization of security forces, Oil and Gas exploitation and increase of taxation for debt relief eligibility. After the federal government has been claiming successful implementation of IMF-SMP centered on improvement of Public Financial Management (PFM), Transparency International (TI) Report 2019 on Corruption Perception Index (CPI) ranked Somalia at the bottom of 180 countries and territories for being the most corrupt country in the world. Somalia went down from 10 points in 2018 to 9 points in 2019. The report affirms that money is used to win elections, consolidate power and further personal interests. Corruption worsened further after President Farmajo systematically destroyed the democratic foundations – rule of law, oversight functions of the federal parliament and judicial independence. The flurry of Debt relief activities suppressed the concern over deepening corruption and political crisis. Similarly, according to Ibrahim Index African Governance (IIAG) report 2018, Somalia ranked 54 out of 54 countries with score of 13.6 out of 100 points. The score is based on safety and rule of law, participation of citizens in the public decision making process, respect of human rights, and human development. Somalia is far from meeting the debt relief conditions. The Somali people face the challenges of national reconciliation and consensus on national constitution that defines finally the form of the Somali state under formation horizontally and vertically. IMF-SMP encourages national integration and solidarity, free market economy, and good governance, while the federal government pursues national discord, violations of freedom of media and expression, assembly and protest, persecution of opposition, state control of the economy and judicial system, and fraudulent elections to hold on power illegally. The security control of the federal government over the capital Mogadishu is inadequate. In fact, IMF team and Somali Government delegation meet regularly outside Somalia like Addis Ababa, Ethiopia for political and security concerns. High level officials from the Somali international partners are living in Nairobi, Kenya. Al Shabab strengthened, not degraded or defeated after 3 years. The central bank has long way to go to fulfill adequately its basic functions countrywide. It hasn’t published independent annual accounts. The Somali economy lacks integration, it is dollarized and there is no national currency for good reasons. Economic institutions are ineffective and corrupt. Despite IMF pressure to conduct IMF open budget survey for Transparency, the Ministry of finance hasn’t published credible closing fiscal budget accounts for 3 years. It is almost impossible to scrutinize independently budget expenditures because there is no oversight institutions and credible transparency. The Auditor General issued damning report on the mismanagement of 2018 fiscal budget but the report has been buried definitively. For 2020 fiscal budget, the Ministry of Finance manages $ 109.65 million dollars which is 23% of total revenue – domestic revenue and foreign grants. In addition, the Ministry holds control of the disbursements of allocations under the ministries of foreign affairs, internal affairs, security and defense amounting to $ 181.55 million which is 40% of total budget. This means that the Ministry of Finance manages directly the disbursement of more than 63% of 2020 fiscal budget. This explains the endemic corruption presided by the Ministry of Finance. In the case of Somalia, the consensus is that debt relief contribution to economic revival and growth will be minimal or nothing. Indeed, Somalia’s debt relief will not free resources for poverty reduction because Somalia has not been paying its debt since 1987. Somalia will have to repay at least 8% of its accumulated debt unless total cancellation is guaranteed. The expected benefits from debt relief is access to international lending institutions for borrowing and IFI catalyst support for international donors. Dr. Mohamud Uluso can be reached at mohamuduluso@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
