-
Content Count
214,348 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maxamed Cali iyo Mahad Carcar Maxkamadda darajada 1aad ee gobolka Bari ayaa maanta xukun ku riday Agaasime Waaxeed, ka tirsan Wasaaradda Kalluumaysiga Puntlnad oo lagu eedeeyey musuqmaasuq. Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee gobolka Bari Abuukar Cabdinuur Jaamac ayaa ku dhawaaqay in Agaasimaha Waaxda Kalluumaysiga ee Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland, Maxamed Cali Muuse lagu riday xukun saddex sano ah, markii lagu helay dambi ah inuu sameeyay waraaqo been abuur ah. Maxkmadda ayaa sheegtay in Maxamed Cali Muuse ay u furan tahay in uu muddo saddex maalmood ah Racfaan kaga qaato xukunka lagu riday. Dhanka kale Maxkamadda ayaa wax dambi ah ku weysay oo siidaysay Isu’duwihii Wasaaradda Kalluumeysiga ee gobolka Gardafuu Mahad Cali Carcar Daa’uud oo isna ku eedeysnaa musuqmaasuq. Maxamed Cali iyo Mahad Carcar ayaa Boosaaso lagu xiray bishii hore ee Jannaayo, waxaana lagu eedeeyey in ay waraaqo been ah ku qaadi jireen lacago ay leedahay Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland. Puntland ayaa dhowr jeer xukun ku riday shaqaale hoose oo lagu eedeeyey musuqmaasuq, halka aan wali la arag Puntland oo musuqmaasuq ku eedeysay masuul sarre. PUNTLAND POST The post Puntland oo Agaasime Waaxeed xukun ku riday appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii, Shacabka, iyo Baarlamaanka Hirshabeelle ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Wasiiru dowlaha Dhaqan Celinta Maleeshiyaadka Hirshabelle Abuukar Macalin Rashiid sidoo kalena ahaa mudane ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho oo uu maalmihii u dambeeyay uu ku xanuunsanayay. “Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun. Aad baan ugu naxay marka aan maqlay geerida Wasiir Xildhibaan Sh Abuukar, waxa uu ahaa shaqsi karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax badan ka soo maray dhismaha Dowladda Hirshabelle”. ayuu yiri Madaxweyne Waare. Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ku hadlayay Afka Golayaasha Dowladda iyo Shacabka Hirshabelle ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo. Marxuum Sheekh Abuukar ayaa waxa uu Baarlamanka Hirshabeelle ku soo biirey dabayaaqadii sanadkii 2016 xiligaasi oo la unkay Dowlad Goboleedka Hirshabelle. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa galankii dambe ee maanta u ambabaxay caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa. Safarka uu Madaxweynaha iyo Wafdiga uu hogaaminayo ay ku tagayaan dalka Itoobiya ayaa ah safar shaqo oo qaadan doona Maalmo kooban, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland. Maxamuud Warsame Jaamac, Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland oo ka warbixinayey ujeedka Safarkaasi ayaa sheegay in safarkani la mid yahay safaradii shaqo ee hore madaxweynuhu ugu bixi jiray waddamada caalamka iyo dalalka ay Somaliland jaarka yihiin. Waxa uu sidoo kale sheegay Afhayeenku in safarka Madaxweynuhu xoojin doono hawlihii diblumaasiyadeed ee Wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ahi halkaasi uu u joogay muddooyinkii u dambeeyey. “Waxa uu madaxweynuhu halkaasi kulamo kula yeelan doonaa hoggaamiyeyaasha qaarada Afrika, waxaana magaalada Addis Ababa ku sugnaa wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo halkaasi ka waday hawlo diblumaasiyadeed” ayuu yiri Afhayeenku. Safarkan ayaa Madaxweynaha waxa ku wehlinayey Xubno ka mida golaha Wasiirada oo ay ka mid yihiin: Wasiirada Horumarinta Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka iyo La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha.
-
Addis Ababa (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir-doceed kula yeeshay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Canada Mudane Justin Trudeau. Waxay ka wada hadleen sidii Soomaaliya iyo Canada ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan oo waxtar u leh labada dal. Canada waxay martigelisay Soomaali badan oo haatan kaalin mug leh ka qaata horumarka labada dal, waxaana uga mahadcelinaynaa fursadaha nololeed iyo waxbarasho ee ay la garab istaageen markii ay dalkaas tageen. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Habeen-09022020.mp3 View the full article
-
Attackers believed to be Al-Shabaab militants on Sunday burned two construction vehicles in an attack near H Young & Co's camp at Milihoi in Lamu County. Source: Hiiraan Online
-
(Hargeysa – PP) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalda Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Safarka Muuse Biixi ee Addis Ababa waxaa warbaahinta uga warbixiyey Afhayeenka madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo sheegay in madaxweynaha Somaliland uu halkaas kulamo kula yeelan doono hoggaamiyeyaasha qaarada Afrika. Sidoo kale Afhayeenka ayaa tilmaamay in magaalada Addis Ababa uu horey ugu sugnaa Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo halkaas ka waday hawlo diblumaasiyadeed. Muuse Biixi waxaa safarka Addis Ababa ku wehelinaya qaar kamid ah golihiisa wasiirada iyo La-taliyeyaal Madaxweyne. Magaalda Addis Ababa ee tegay Muuse Biixi, waxaa shir ugu socdaa Urur Goboleedka IGAD, waxaana ku sugan Madaxweyne Farmaajo. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda Afrika ee Addis Ababa ku sugan ay kulan siin doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo u duulay Addis Ababa, xili uu ku sugan yahay Farmaajo appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi syaa maanta wuxuu sadat dalka Itoobiya halkasoo uu ku sugnaan doono Sadex Maalmood oo beri laga bilaabo. Madaxtooyada Soomaaliland [...] Source
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau. Bayaan kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen sidii Soomaaliya iyo Canada ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan oo waxtar u leh labada dal. Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau, ayaa imanaya, iyadoo dowladda Soomaaliya sanadkii 2018, khilaaf Sacuudiga iyo Canada ay la safatay Sacuudiga. Canada waxay martigelisay Soomaali badan oo haatan kaalin mug leh ka qaata horumarka labada dal. PUNTLAND POST The post Farmaajo iyo Justin Trudeau oo ku kulmay Addis Ababa appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale diiwaan gelin ku billawday ciidamada dowladda Soomaaliya oo hore loo diiwaan geliyay. Bishaan oo mareysa sagaal ayaa illaa hadda waxaa mushaar qaadan ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana la filayaa in aysan bishaan qaadan doonin, iyadoo sababta lagu sheegay amar ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Amarkan ayaa lagu faray madaxda ciidamada in ay dib loo diiwaan geliyo ciidanka oo dhan, taas oo qaadan karta billooyin kale. 26-kii bishii hore ilaa hadda kaliya waxaa la diiwaan geliyay ciidanka ilaalada madaxtooyada, waxayna mushaar la qaadan doonaan ciidanka kale oo diiwaan gelintooda wali billaaban. Ciidanka ayaa laga qaadayaa faro, sawirro, taariikhda dhalashada iyo xogo kale, lamana oga sababta dib loogu celinayo tirakoobkaan. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in ujeedku yahay in bishaan aanan mushaarin la siinin ciidanka xaquuqdoodana lagu dhaafiyo diiwaan gelin kale oo waqti lumis ah. “Diiwaan gelin cusub ayaa la billaabay waxbana kama badalna tii hore, ma naqaan sababta laakin waxaa maqalnay in aysan dowladda mushaar bixin rabin, warar kale ayaa sheegaya in laga dhax raadinayo ciidan iyo saraakiil da’da gabowga gaaray, si mushaarka looga hakiyo” ayuu yiri sarkaal ka tirsan milateriga Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. Ciidanka Soomaaliya oo dhamaantood bishaan ku tashanayay mushaar kordhin ah 70% ayaa hadda maraya ” yaa mar na siiyaa intii hore.”
-
Nairobi (Caasimada Online) – Go’aankii uu safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ku taageeray doorashadii muranka dhalisay ee Axmed Cabdi Qoor Qoor loogu doortay hoggaanka maamulka Galmudug, ee garabka taageersan dowladda, ayaa dhaliyey carro xooggan. Yamamoto ayaa waxyar un kadib doorashada qoraal uu soo saaray, oo uu ugu hambalyeeyey Qoor Qoor, ku yiri “Geedi socodka siyaasadeed ee Galmudug waa bilowga geedi socodka dib u heshiisiin sal ballaaran. Amb Yamamoto wuxuu ugu baaqayaa qof walba inuu ku biiro wada hadal nabadeed isla markaasna laga fogaado qalalaasaha.” Cabdalla Ibraahim oo ah agaasimaha Xarunta Daraasaadka iyo Istaraatiijiadda Bariga Afrika ayaa sheegay in Mareykanka uu Soomaaliya ka leeyahay hal hadaf, islamarkaana uu doonayo inuu ku guuleysto, sidii ay doontaba ha ku timaado’e. “Mowqifka Mareykanka waa sidii ay isugu keeni lahaayeen maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka ah, waxayna sameynayaan sidii ay taas ku dhici lahayd, ha noqoto doorashooyin fowdo wata ama awood ciidan. Wax macno uma lahan hanaanka, ee waxaa u leh natiijada,” ayuu yiri Cabdalla Ibraahim. Cabdalla ayaa sheegay in caalamka uu qaati ka taagan siyaasadda cakiran ee Soomaaliya, taasna ay keeni karo in hab kasta xal lagu raadiyo. “Dalalka Reer Galbeedka iyo kuwa deriska la ah waxay quus ka taagan yihiin siyaasadda Soomaaliya. Dhibaatada Soomaaliya waa mid dastuuri ah, ee ma ahan Al-Shabaab iyo qabyaalad. Haddii ay isku tagaan, masii jiri doono qaskan,” ayuu yiri Cabdalla. Cabdalla ayaa in siyaasadda Soomaaliya jahwareersan tahay tusaale ugu soo qootay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta diidan doorashada Qoor Qoor ee sharci-darrada ku sheegay ay yihiin isla kuwii u sacaba tumay doorashadii Axmed Madoobe. Kadib carradii ka dhalatay taageeradii Qoor Qoor, safaaradda Mareykanka ayaa soo saartay qoraal u muuqday dejin kuna baaqay midnimada iyo dib-u-heshiisinta Soomaalida.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa in uu galabta socdaal ugu baxo waddanka Ethiopia gaar ahaana Addis Ababa. Weli ma cadda ujeedka socdaalka madaxweynuhu ku tegayo Ethiopia. Addis Ababa oo madaxweyne Biixi, tegayo waxa ka socda shirka midowga Afrika oo ay ku sugan yihiin madaxda dawladaha Afrika oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. Laba oga in labada madaxweyne kulmayaan iyo in kale. Warka safarka madaxweynaha waxa Wariye Xasan Galaydh u xaqiijiyay saraakiil xukuumadda ka tirsan. Source
-
Madaxweyne Ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay dhismeyaal Cusub oo lagu kordhiyay Xabsiga weyn ee magaalada Garoowe. Madaxweyne ku xigeenka ayaa daah-furay dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyay Guryaha Qoysaska Ciidanka Asluubta, waxaana sidoo kale uu xariga ka jiray qaybta dumarka ee Xabsiga Garoowe. Daah-furkan waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland Gen, Cali Nuur Cumar, Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska, Aamino Cismaan Xaaji ,Saraakiil iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo daah-furay qeyb lagu Kordhiyay Xabsiga Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii Hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalku ku sugan yahay, saddex sano kadib doorashadii madaxtinimo ee dalka ka dhacday 2017kii ee uu kusoo baxay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. War-saxaafadeedka oo ka kooban laba bog ayaa ku sheegay in dalka uu wajahayo xaalado siyaasadeed oo cakiran iyo falal amni darro oo ay geysanayaan Kooxaha kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya. Cabdikariin Guuleed ayaa sidoo kale waxaa uu baaq u direy xukuumadda Soomaaliya, maamul goboleedyada, shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Calamka. Hoos ka Akhriso war-saxaafadeedka Guuleed
-
Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka xafiiska Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka. Kulankii 36-aad ee Kalfadhiga 6-aad ayey goluhu ku meel mariyeen sharcigaasi, ayada uu shir guddomiyey guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullaahi. Sidoo kale waxaa kulanka ku-wehliyey guddomiye Ku-xigeenka 1aad Senatar Abshir Maxamed Axmed iyo Ku-xigeenka 2-aad Senatar Mowliid Xuseen Guhaad. Ajendaha kulanka ayaa ahaa: 1) Akhrinta 3-aad ee Hindise-sharciyeedka Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka. 2) Akhrinta 2-aad ee Hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka. Guddomiye Ku-xigeenka guddiga dhaqaalaha, maaliyadda, ganacsiga, warshadaha, isgaarsiinta iyo dalxiiska Senatar Deeqa Xasan Xuseen ayaa ka hor akhrisay warbixinta Akhrinta 3-aad ee hindise-sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka. Waxaa sidoo kale hor-yimid Golaha Aqalka Sare Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye). Waxaa ogaaladay ansixinta sharcigaan 25 Senatar, Waxaa diiday 4 mudane, wax ka aamusayna ma jirin. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta waxa ay ansixiyeen sharciga Hanti dhowrka guud ee Qaranka ka dib kulan ay ku yeesheen xaruntooda magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa Shir Guddoominaya Guddoomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi, waxaana ku wehlinayay Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed iyo Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Senatar Moowliid Xuseen Guhaad. Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha Senatar Deqa Xasan Xuseen, ayaa xubnaha Aqalka Sare ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka. Sidoo kale, waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye). Mudanayaasha Aqalka Sare oo ugu dambeyntii ansixiyay Hindise-sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka.Waxaana Ogaalada 25 Senatar, waxaa diiday 4 Senatar, cid ka aamustayna ma jirin. PUNTLAND POST The post Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay sharciyeedka Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay war dhawaan ka soo yeeray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hay’adda xuquuqul insaanka ee Amnesty International, taas oo ku aadanaa wasiirka amniga Jubbaland oo mar tegay dalkaasi. Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau oo wareysi siinayey wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa sheegay in aysan waxba ka ogeyn arrinta ku aadan wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Janan. Sidoo kale Kamau ayaa shaaca ka qaaday in laamaha ammaanka ee dalka Kenya oo kaliya ay arrintaasi u furan tahay in ay ka falceliyaan, balse aysan iyagu ka hadli karin. Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo dowladda Soomaaliya ay doon dooneyso ayaa haatan isaga oo baxsad ah ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Gedo. View the full article
-
Hoggaanka cusub ee maamulka Galmudug ayaa kulamo kala duwan ka wada gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda gobolka Galghaduud. Kulamada oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa waxa ay madaxdu la qaateen odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha maamulkaasi. Ilo ku dhow madaxtooyada Galmudug ayaa Shabelle u sheegay in shirarkaan oo uu goobjoog ahaa madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Mudane Cali Daahir Ciid diirada lagu saaray sidii loo dardar gelin howlaha shaqo ee ka socda Dhuusamareeb. Tan iyo markii Qoo-Qoor iyo ku xigeenkiisa loo doorto hoggaanka Galmudug ayaa waxa ay kulamo iyo shirar gooni gooni ka wadeen gudaha magaaladaasi. View the full article
