-
Content Count
214,348 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha guddiga dib u eegista Dastuurka labada aqal ee baarlamaanka, Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud oo u warramay idaacadda Mustaqbal ayaa ka hadlay caqabadaha heysta arrimaha dib u eegista Dastuurka. Senatarka ayaa shaaciyey in dib u eegistu ay ka socon la’dahay hal arrin, taas oo ah khilaafka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka. Xoghayaha guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada aqal ayaa sidoo kale sheegay in xiriirka aan wanaagsaneen ee labada dhinac uu sameyn ku yeeshay howlahooda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in meesha ay ka maqan tahay doorkii laga rabay madaxda Qaranka ee arrimaha dib u eegista Dastuurka KMG Soomaaliya. Xuseen Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa qiray in loo baahan yahay in qof weliba ay qaadato kaalinteeda, gaar ahaan dowladda iyo dowlad goboleedyada dalka. Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyey in si deg deg ah looga wada xaajoodo khilaafka siyaasadeed ee haatan jira, si uusan caqabad ugu noqon geedi socodka dalka. Khilaafka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya kala dhexeeya Jubbaland iyo Puntland oo muddo fog taagan ayaa saameeyey xiriirka iyo wada shaqeynta dhinacyadaasi.
-
Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in koox burcad ah ay xalay weerar ku qaadeen dad beeraleey ah waxa ayna halkaasi ku dileen mid ka mid ah dadkii ay weerareen. Kooxda weerarka geysatay ayaa la tilmaamay in ay ku hubeysnaayeen tooreeyo, waxa ayna beertiisa ku dhaawaceen Cumar Nuur kaas oo markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray. Dilka marxuumkan ayaa yimid ka dib markii kooxda burcadka ahayd sida la sheegay ay taleefankiisa ka waayeen lacag iyaga oo markaasina kula dhaqaaqay jirdil sababtay in uu aakhirkii u geeriyoodo. Kooxdii burcadka ahyd ayaa isga baxsaday goobta mana jirto baadi goob ay sameeyeen laamaha amaanka ee magalaada oo lagu soo qabanayo raggaasi. Ma aha markii ugu horeysay oo fal caynkaani oo kale ah uu ka dhaco degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Attackers believed to be Al-Shabaab militants on Sunday burned two construction vehicles in an attack near H Young & Co’s camp at Milihoi in Lamu County. H Young was awarded the tender for construction of the 135-kilometre Lamu-Garsen road. Lamu County Commissioner Irungu Macharia said the attackers hurled explosives at the vehicles – the company’s excavator and a lorry ferrying cement – causing explosions in the incident at about 12.30 pm. The excavator controller and lorry driver jumped out of the vehicles and escaped unhurt. They hid in the bushes until security agents came to their rescue. HEAVILY ARMED Mr Macharia said about four heavily armed suspected terrorists carried out the ambush and then fled into a nearby forest. No casualties were reported since the excavator had one controller while the lorry had just the driver,” he said. The incident stopped transport on the route for about an hour as Kenya Defence forces (KDF) soldiers and police combed the area. The commissioner assured security on the road, saying patrols had been intensified across the county. “Enough security agencies, including the KDF and police, have been deployed to the area to pursue the attackers,” he said. “There is no cause for alarm as security has been optimised.” QUICK RESPONSE Some of the residents interviewed by the Nation said the security personnel responded quickly. Mr Emmanuel Wanyoike said the attack may have been aimed at scaring the construction workers into abandoning the project. The road leads to the mega Lamu Port (Lapsset) project site in Kililana. “They are people who are anti-development but we thank God that our security forces are very alert,” said Mr Wanyoike. PAST ATTACKS The attacks came barely three weeks after security agencies repulsed about 50 heavily armed suspected Al-Shabaab militants at Pandanguo Village in Witu Division, Lamu West. On January 2, three passengers were killed and three seriously injured after heavily armed Al-Shabaab militants ambushed a convoy of buses heading from Mombasa. Three hours later on the same day, a multi-agency operation to search for the attackers announced that four terrorists had been killed and one captured alive. On January 5, the militants invaded the Manda-Magogoni naval and US military bases, killing a service member and two Department of Defence contractors, and injuring two members of the department. Five Al-Shabaab members were killed and another five captured during the incident. Source: Daily Nation View the full article
-
Tension has remained high in Mandera town for the fourth day now with reports that troops of the Somalia National Army troops are converging along the border, planning to raid a hotel where a Jubbaland minister is allegedly holed up. Somalia has accused Nairobi of harboring fugitive Jubbaland security minister Abdirashid Hassan Abdinur. Mr Abdinur, also known as Abdirashid Janan, is alleged to have escaped on January 28 from a Mogadishu prison, where he had been held since August 31, 2019. He is accused of committing grave human rights violations and killing civilians in Gedo. FEAR The majority of the people living along the borderline have sought refuge at their relatives’ homes in other areas within the town. Mr Hussein Abdow, a resident of Bula Tawakal in Mandera, said many left their homes on Thursday, when the Somali security forces started appearing at border. “We are not sure of what will happen but once thing I know is that in case the Somalia forces cross into Mandera, many innocent people will lose their lives,” he said. Ms Abdia Giro, a milk vendor from Bulahawa, a Somalia town neighbouring Mandera, said military officers from the Federal Government of Somalia (FGS) started arriving in the town on Thursday. “The situation has not been the same because the officers have taken positions and are running our town,” Ms Giro said. FGS CLAIMS Ms Giro claimed on Friday that FGS officers clashed with Jubbaland forces loyal to the minister, resulting in the deaths of two soldiers. “Two Jubbaland soldiers, who had crossed into Bulahwa from Mandera in search for food, clashed with FGS troops. We are very worried,” she said. It has been reported that the wanted minister has been assembling forces loyal to the Jubbaland state government in readiness for a clash with FGS forces. The Nation could not verify this claim. MP’S APPEAL Mandera East MP Omar Maalim called on the national government to either arrest the wanted minister and hand him over to Somalia authorities or kick him and his forces out of Mandera town. “I don’t know how our government is benefitting from protecting a wanted criminal. Let the criminal be arrested and handed over or be kicked out of Mandera town for peace to prevail,” said Mr Maalim, a former deputy governor of Mandera. “I am aware the fugitive minister and his troops now operate from three hotels in Mandera town. The national government has to [clarify] this and how Mandera is benefitting as we are crumbling, with education in crisis.” SOMALIA’S WARNING The government of Somalia has since warned neighbouring countries that harbouring the wanted minister could jeopardise good relations. “The Federal Republic of Somalia places great importance on maintaining good relations with its neighbouring countries and the harbouring of a dangerous fugitive could seriously endanger the good relations that have existed between Kenya and Somalia,” it said in a statement. The Somali Police Force says it is hopeful that Kenya will adhere to calls by the Somali government as well as international human rights agencies to arrest and extradite Mr Abdinur. View the full article
-
Dagaal-yahanno ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa la sheegayaa in axaddii ay gubeen labo gaari oo nooca dhismaha ah. Weerarkan aya waxaa uu ka dhacay meel u dhow H Young & Co’s camp uu ka tirsan Lamu County, gawaaridan ayaa waday shaqada dhismaha waddo 135 kilometre oo isku xirta Lamu-Garsen . Duqa Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay in ilaa 4 nin oo hubeysan ay si gaadmo ah ku gubeen kadibna ay duurka galeen. Wax Khasaare ah lama sheegin, laakin wararka waxaa ay sheegaan in ciidamada ammaanka ay xoojiyeen dhaq-dhaqaaqa ciidan ee goobta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Sida ay horay u shaacisay Puntland waxaa 11-ka bishaan February oo beri ku beegan la toogan doonaa seddexda xukmane ee lagu helay kufsigii iyo dilkii loo geystay, marxuumad Caasho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd. Xeer ilaaliyaha guud ee maamulkaasi, Mudane Maxamuud Xasan Aw-Cismaan ayaa 12-kii bishii hore sheegay in raggan la toogan doono subaxnimada Talaadada ah ee beri. Sidoo kale xeer ilaalinta ayaa sheegtay inay gudbisay galka fulinta xukunka, si loo qisaaso saddexda xukmane, kuwaas oo kala ah:- 1- Cabdishakuur Maxamed Dige, 2- Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame iyo 3- Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame. Raggan ayaa 12-May-2019-kii waxaa xukun dil ah ku riday maxkamadda darajada koowaad ee Garoowe, iyadoona xukunkaasi 30-kii June ay ku raacday mida Rafcaanka. Caasho Ilyaas Aadan ayaa bishii February ee sanadkii la soo dhaafay 2019-kii la’isugu daray kusfi iyo dil, waxaana dhacdadaasi ay si weyn u taabatay guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyey falkaasi.
-
Saraakiisha ciidamada Dowlada iyo kuwa Booliska Hirshabelle ayaa ku guulaystay in ay xaliyaan colaad in muddo ah ka taagneyd deegaano hoos yimaado degmada Matabaan. Saraakiishaan oo ka kala tirsan qeybaha 21-aad iyo 27-aad iyo guutooyinkooda ka howl gala Galmudug iyo hirshabelle ayaa ku sugnaa goobta. Genaraal Mascuud Maxamed Warsame taliyaha guutada 15-aad ee Galmudug ka howlgasha oo shirka furay ayaa waxaa uu sheegay in labada dhinac looga baahan yahay in ay iska ilaaliyaan hadalada xanafta leh ee dadka sii kala fogaynaya. Odoyaasha iyo wax garadka labada dhinaca oo dood dheer kadib la isku fahmay in wax walba sharciga lagu dhameeyo, hadda kadibna la iska kaashado sidii ciidmada dowlada lagu garab siin lahaa soo qabashada cid walba oo dil geysata. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Wararka aan ka helayo magaalada Beladxaawo ee gobalka Gedo ayaa wax ay sheegayaan in maanta guud ahaan xaaladda magaalada ay degantahay ka dib shaqaaqooyin ay dad ku geeriyoodeen oo ka dhacay magaaladaas. Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Gedo ayaa soo sheegaya in isku socodka dadka, gaadiidaka iyo midka gancsi ee magaalada uu yahay mid caadi ku soo laabtay inkastoo dadka ay mar waliba muujinayaan cabsi ay ka qabaan in dagaal uu magaalada ku dhexmaro ciidanka dowladda iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland. Ciidamada dowladda ay geysay qeybo ka mid ah gobalka Gedo ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan waxa ay ka wadaan degmooyinka Luuq iyo Beladxaawo oo ay horay uga arrimin jireen ciidanka daraawiishta dowlad gobeelda jubbaland. 8-dii bishan ayey ahayd markii dagaal uu ku geeriyooday hal askari oo ka tirsanaa Maamulka Jubbaland iyo ciidanka dowladda uu ka dhacay magaaalada Beladxaawo, waxaana dagaalkaasi uu cabsi ku abuuray dadka shacabka ah. Ciidamada daraawiishta Jubbaland ayaa ku sugan goob qiyaastii 2-km u jirta degmada Beladxaawo oo ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda federaalka. Dowladda Soomaaliya ayaa isku fidinaysa qeybo ka mid ah deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Somaliland ayaa kaalinta 9-aad ka gashay goobaha dalxiis ee caalamka, iyada oo qayb ka noqotay goobo ku kala yaalla wadamada Turkey-ga, Iran ,Masar ,Suuriya,Urdun iyo Cuman, sida lagu sheegay warbixin lagu qoray wargeyska Middle East News oo gobolka Barriga Dhexe kazoo baxa, taas oo ciwaan looga dhigay Goobaha Caalamka dalxiiska ku wanaagsan ee ay Somaliland ku jirto (Degmada Laasgeel). Tifaftire ku xigeenka wargeyskaas Omar Shariff oo warbixintan diyaariyey ayaa sheegay in ay Somaliland kamid tahay meelaha ugu nabadgelyadda badan adduunka , isaguna indhihiisa kusoo arkay. Waxaana warbixintan lagu sheegay in midabyadda ku xardhan buuraha Laasgeel ay lamid yihiin ataarta laga helo barriga dhexe, waxaana lagu sheegay in la sameeyey qoraaladaasi 5,000 ilaa 7,000 oo sanno ka hor. Source
-
11-ka February 2020 oo ku beegan Talaadada berriya, ayaa ku muddaysan wakhtiga ay Xeer ilaalinta Puntland shaacisay, in la qiyaasi doono saddexda Xukmane ee Kiiskii Caa’isha Ilyaas. 12-kii bishii January ee la soo dhaafay, Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan, ayaa si rasmiya u muddeeyay wakhtiga la fulin doono qisaasta saddexda nin ee u xukman Kiiskaasi. Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, ayaa lagu helay in ay ka dambeeyeen kufsigii iyo dilkii February 2019 magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aaden. Raggaasi, ayaa maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, waxay dil toogasho ah ku ridday 12-May-2019, Xukunkaasi oo maxkamadda Rafcaankuna ku raacday 30-June-2019. Sidoo kale, maxkamadda sare ee Puntland ayaa 25-kii August 2019, si rasmiya u ayidday dilkii lagu riday saddexda xukmane, balse cabasho ay xukunka ka qaateen ayey mar kale maxkamadda sare laashay 23-ka October 2019. 24-kii February 2019 Caa’isha Ilyaas Aaden oo da’deeda lagu sheegay 12-sano jir, ayaa lagu waayay xaafadda Siinaay ee Waqooyiga Gaalkacyo kadib markii adeeg loo diray. Maalintii xigtay ee 25-kii February 2019, Subax aroortii ayaa aga’gaarka gurigooda laga helay maydkeeda oo kufsi iyo jir dil ba’an loo geystay. Dhacdadaasi, ayaa bulshada Soomaaliyeed ka dhex dhalisay fal-celin xooggan oo ku wajahan, in ay caddaalad hesho gabadhaasi yare e Caa’isha Ilyaas. PUNTLAND POST The post Qiyaasta saddexdii xukmane ee kiiskii Caa’isha Ilyaas oo berri ku muddaysan appeared first on Puntland Post.
-
Rag hubeysan oo dil iyo dhaawac ka geystay duleedka Afgooye
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay rag hubeysan oo burcad ah ay dad shacab ahaa dil iyo dhaawac ugu geysteen duleedka degmada Afgooye ee gobolkaasi. Raggan oo ku hubeysnaa qoryaha fu-fudud ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen dad beeraley ah oo ku sugnaa halkaasi, iyaga oo isugu daray dil, dhaawac iyo dhac intaba. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dableydaasi ay dishay nin lagu magacaabi jiray, Cumar Nuur oo ka mid ahaa dadka beeraha ku leh duleedka Afgooye. Sidoo kale dadka aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in dhaawacyo loo geystay dad kale oo la socday marxuumka, kadibna laga qaatay wax alaala wixii ay siteen. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ky daraya in kooxdii burcada aheyd falka kadib ay goobta isaga baxsatay, waxaana markii dambe meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga Afgooye oo baaritaano dheeraad ah ka sameeyey duleedka degmadaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka oo ku aadan dhacdadaasi. Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa inta badan ka dhaca dhibaatooyin kala duwan oo ay geystaan kooxo burcad ah oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaasi, sidoo kale waxaa u sii dheer weerarada dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab iyo dagaallada ay kala kulmaan ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. -
Ciidamo daacad u ah Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in ay fariisimo cusub ka sameysteen magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari, dalka Kenya. Wararka ayaa sheegaya in taasi ay walaac xoogan ku abuurtay shacabka ku dhaqan gudaha magaaladaasi. Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa dhankooda dhaq dhaqaaq ciidan iyo abaabul culus ka wada magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Xaaladda ayaa haatan si aad ah u kacsan, waxaana dadka deegaanku ay cabsi xoog leh ka muujinayaan in dagaal uu ka dhaco degmadaasi. View the full article
-
Maxamed Cali Afgooye hanti dhowraha Qaranka ayaa sheegay inay muhiim tahay in si wadajir ah looga soo horjeesto dagaalanka musuq-maasuqa oo dhibaato ku haya dalka. Hanti dhowraha ayaa carbka ku adkeeyey in qeybaha kala duwan ee bulshada loo baahan yahay inay qeyb ka noqodaan ciribtirka musuqa. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in horumar la taaban karo laga gaaray dhanka cadaaladda, gaar ahaan maxkamadaha iyo sida ay u shaqeeyaan. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/jaamac-1.mp3 View the full article
-
BEIJING, Feb. 10, 2020 /PRNewswire/ — The beginning of 2020 is special to most Chinese – with a sudden coronavirus outbreak firstly occurred in Wuhan, China, all cities joined to fight with efforts. Shenzhen MicroMultiCopter (MMC) quickly launched the UAV prevention solutions and invested a service team of over 200 people rushing to the front line with over 100 drones deployed in many cities such as Shanghai, Guangzhou, Zhaoqing, Foshan and other areas to participate in the battles, by which the risk of virus spreading among front-line staffs is greatly reduced. I. Aerial broadcasting Instead of artificially patrolling, the drones are capable of uninterrupted patrols in 360 degrees to observe the ground condition through 40x zoom cameras. Crowds and those who doesn’t wear masks in public places are found and dispersed by the commanders through onboard megaphones. Daily broadcasting by drones is carrying out in different streets and communities, larger area is covered than using traditional loudspeakers. II. Disinfectant spraying From stations, supermarkets to small courtyards where there is a need, MMC drones are used to spray disinfectant in public places. Compared to traditional way, using drones can avoid direct contact especially in those places required regular disinfection. III. Aerial thermal sensing The drone with thermal camera will automatically sense each person through high accuracy infrared which has been widely used in crowded areas to assist in onsite management and evacuation. IV. Traffic control Since 1st Feb, MMC teams have been working with traffic police at many highway points. Traffic flow, congestion situation was captured. With larger coverage than fixed cameras, MMC drones greatly helped commanders figure out solutions very quickly. “Unlike previous years where we must drive to patrol and gather information, we can now discover everything using drones,” a local traffic police praised with his thumb-up. “At first, our drones are used only in aerial broadcasting, and it goes deeper in front-line use since the situation is getting more serious, further functions are required so we quickly formed a online R&D team and carried out the solutions,” said Lu Zhihui, chairman of MMC. As a company with complete supply chain of industrial UAV, MMC provides not only complete solutions but also UAV key parts for different applications and OEM/ODM cooperation. With the experience cooperating with its global partners, MMC is committed to boosting automation level so people can work in greater safety, with lower cost and by higher efficiency. The post MMC’s drones used in the battle against the new coronavirus outbreak appeared first on Puntland Post.
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar khasaare geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gudaha dalka Kenya. Weerarka oo ahaa mid culus, islamarkaana ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaan u dhow magaalada Lamu ee dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in weerarka lala beegsaday waddo uu dhismo ka socday, iskuna xirta Lamu iyo Garsen. Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi lagu gubay laba ka mid ah gaadiid ka shaqeynayey dhismaha jidkaasi. Sidoo kale warar madax banaan ayaa intaasi ku daraya in ragga weerarka qaaday ay toogteen shaqaale Shiinees ah oo ku sugnaa halkaasi, kuwa kalena ay afduubteen. Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo maalmihii dambe kordhisay weerarada ay ka fuliso gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa soo qoray in xiisad sare ay ka jirto magaalada Mandera ee dalkaasi, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidanka Soomaaliya ay ka soo muuqdeen xadka kala qeybiya labada dal, iyado la sheegayo in ay qorsheynayaan in ay weeraraan hotel ku yaalla Mandera oo la sheegay in uu ku jiro wasiirka amniga Jubbaland oo ay doon dooneyso dowladda Soomaaliya. Inta badan dadka deeganada dhaca xadka ee dhanka Mandera ayuu wargeysku sheegay inay u qaxeen xaafadaha ehaladooda ee qeybaha kale ee magaalada. Sidoo kale Cumar Maalin oo ah xildhibaan laga soo doortay dhanka bari ee Mandera oo la hadlay warbaaginta ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in ay xirto Janan, kuna wareejiso dowladda Soomaaliya, ama ay ka saarto isaga iyo ciidankiisa magaaladaasi. “Ma garanayo waxa ay dowladda ka faa’ideyso dambiile la raadinayo, waa in dambiilahan la xiraa oo loo dhiibaa Soomaaliya ama waa in laga saaraa Mandera”. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda laga dareemayo degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-100220.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay ku qaadeen qeybo ka mid ah gudaha wadanka Kenya. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Milihoi ee ku yaalla wadada isku xirta Lamu iyo Garsen oo uu dhismo ka socday. Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah gaadiidka dhismahaasi ka shaqeynayey ay gubeen dagaalyahannada weerarka qaaday. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib uu iska hor imaad kooban dhex maray dagaalyahannada Al-Shabaab iyo ciidanka Booliska dalka Kenya, kadibna raggii weerarka fuliyey ay u baxsadeen dhanka kemaha ee magaaladaasi. Taliska Booliska Lamu oo ka hadlay weerarkaan ayaa sheegay in u jeedadu aheyd in la beegsado saldhig ciidan oo ka agdhawaa halka uu iska hor imaadka ka dhacay. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in marka laga tago baabuurta la gubay aanay jirin khasaare kale oo ka dhashay dhacdadaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.
-
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyay Itoobiya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaaminayey oo si balaadhan loogu Soo dhaweeyey dalka Itoobiya. Waxaana weftiga halkaasi ku Soo dhaweeyey wasiirudawlaha arrimaha dibeda Itoobiya Dr.Aklilu hailemecheal, waxaanay qadar nasasho ah ku qaateen qolka martida ee Airportka, waxaanay uga sii gudbeen halkii loogu talogalay martida madaxweynaha. Sidoo kale waxa weftiga halkaa kaga biiray wasiirka Arrimaha dibeda iyo iskaaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ay wehelinayaan masuuliyiinta safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay dalkaasi. Source -
(SLT-Laascaanood)-Waxaa shalay laga dhagax dhigay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool xaruntii laga maamuli lahaa Dab-damiska iyo ciidankii ka hawl geli lahaa. 25 dhalinyaro ah ayaa lagu bilaabay in ay ka hawl galaan magaalada Laascaanood kuwaa ka soo baxay boqolaal siyaabo kala duwan lagu soo kala saaray. Agaasimaha Waaxda hawl fulinta Cabdiqaadir Cumar Xaashi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in dhalinta soo baxday ay yihiin kuwo hanankara hawlaha looga baahan yahay isagoo intaas ku daray in tabarkii rasmiga ahaa haatan u bilaabmi doono. Sidoo kale masuuliyiinta degmada iyo gobolka oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay dhalintan u rajeeyeen kuwo hawshooda ka soo baxa. Si kastaba ha ahaatee dhalinta weydey shaqadan ayaa dhaliilo badan oo garab taabasho ay ku sheegeen loo qaatay waxaase taas jawaab ah looma heli karo maadaama dadka imtixaankani qaadayay oo gebi ahaanba aan degaanka ahayn. Source
-
FARMAAJO Oo Kula Kulmay Addis Ababa Raysal Wasaaraha Canada
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Addis Ababa)-Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau, waxaana ay ka wada hadleen sidii Soomaaliya iyo Canada ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan leh. Ra’iisul Wasaaraha Canada ayaa ka mid ah martida lagu casuumay shirka Midowga Afrika , waxaana uu olole ugu jiraa sidii dalalka Afrika uu taageero uga raadin lahaa Kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Canada waxay martigelisay Soomaali badan oo haatan kaalin mug leh ka qaata horumarka labada dal, waxaana uga mahadcelinaynaa fursadaha nololeed iyo waxbarasho ee ay la garab istaageen markii ay dalkaas tageen. Source -
Beledweyne (Caasimada Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad ayaa ku guuleystay in xal kama dambeys ah laga gaaro colaad muddo dheer ka taagneyd gudaha degmada Matabaan iyo deegaanada ku xeeran ee gobolka Hiiraan. Kulan ka dhacay degmadaasi, islamarkaana ay ka qeyb galeen taliyaha guutada 15-aad, odayaasha iyo qeybaha bulshada ayaa lagu soo afjaray xiisadaasi oo u dhexeysay labo maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda magaalooyinka Beledweyne iyo Matabaan. Jen. Mascuud Maxamed Warsame taliyaha guutada 15-aad, qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga oo kulanka ka hadlay ayaa kula dardaarmay odayaasha labada dhinac inay ka dhabeeyaan heshiiska, islamarkaana ay ka wada shaqeeyaan nabadda deegaanka. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday maleeshiyaadka labada beelood inay ka fogaadaan wax kasta oo dib u soo celin karaa colaadaasi. Ugu dambeyn qaar ka mid ah odayaasha ee ka qeyb galay shirka oo madasha ka hadlay ayaa ballan qaaday inay qaadan doonaan doorkooda, islamarkaana ay dhaqan gelinayaan heshiiska la gaaray oo lagu kala qaadanayo Diyo laga bixinayo dilalkii hore ee ay isugu geysteen labada beelood, si ay xal waara ugu noqoto xiisadaasi. Hiiraan ayaa waxa in muddo ah ka taagnaa colaado salka ku hayo arrimo la xariira aano qabiil, kuwaas oo lagu dilay dad badan.
-
Somaliland: President Muse Bihi And Delegation In Addis Ababa The President of the Republic of Somaliland, H.E. Muse Bihi Abdi and a coterie of senior ministers are in Addis Ababa, Ethiopia. The delegation was received at Bole International Airport by senior officials from the Ethiopian Foreign ministry, including the State Minister. The Annual AU Summit is currently taking place in Addis Ababa. The President is expected to meet with several African heads of state, but, there are no indications that a meeting will take place with officials from the federal government in neighbouring Somalia. Qarannews.com Qaran News
-
Boorama (Caasimada Online) ― Warbaahinta kala duwan ee ka howl-gasha magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama, ayaa maanta si wada-jir ah Madaxweynaha Somaliland uga dalbaday in cafis loo fidiyo Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon. Wariye Coldoon ayaa muddo u xiran Xukuumada Muuse Biixi, kaasi oo Maxkamadi ay sheegtay inay ku heshay dacwado lagu soo oogay, iyadoona muddo saddex sano iyo dhowr bilood ahna ku xukuntay Warbaahinta gobolka Awdal ayaa Madaxweyne Biixi ka dalbaday in uu Cafis Madaxweyne u fidiyo Wariye Coldoon, oo sidoo kale ahaa Samafale caawiya masaakiinta tabaaleysan. Baaqan ay maanta si wada-jir ah u direen Warbaahinta gobolka Awdal, ayaa kamid noqonaya baaqyo badan oo xukuumada Biixi loogu soo jeediyay inay sii deyso Coldoon, inkasta oo ay Xukuumada Biixi u muuqato mid ka dhago adeygaysa dalabyadaasi. Coldoon ayaa waxa hore loogu soo eedeyay, isla markaan loo xukumay gaf la sheegay in uu kula kacay Mas’uulka ugu sareeya Somaliland, Muuse Biixi iyo Iskuul lagu magacaabo Abaarso, oo ku yaala duleedka Hargeysa, kaasi oo gacanta ku hayaan shaqsiyaad u dhashay Mareykanka. Wariye Coldaan ayaa dhowr jeer ay hore u xirtay Xukuumada Somaliland, inkasta oo uu xarigiisan noqonayo midkii ugu dheera ee ay xirto Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.
