Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidamada Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ee DANAB oo ay weheliyaan Ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa howlgal qorsheysnaa ka sameeyay degaano hoos yimaada degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Saraakiisha hawlgalkaas hoggaaminaysa ayaalaga soo xigtay in ay ka gudbeen Ciidamada Webiga Jubba isla markaana ay gaareen degaano dhowr ah iyaga oo howlgalkooda ku doonaya in ay Al-Shabaab kala wareegaan dhulka ay kaga sugan yihiin gobolka Jubbada Hoose. Saraakiisha ciidamadu waxay sidoo kale sheegeen in Ciidankoodu ay gaareen tuulooyin ka tirsan degmadaJamaamme gaar ahaan dhinaca wadada laamiga dheer ay ciidanka hawlgalada ka sameeyeen degaannada Koban Maanamoofa iyo dhulka ballaaran ee Jiinka Webiga dhaca. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay howlgalkaas ku dileen 8 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab sidoo kalena Miinooyin badan oo dhulka lagu aasay ay ciidanku soo saareen. PUNTLAND POST The post Ciidanka DANAB iyo Daraawiishta Jubaland oo hawlgal ballaaran ka fuliyay Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyneyaashii hore ee Soomaalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cali Mahdi, ayaa abaabulay shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaan siyaasiinta, aqoonyahaanka iyo waxgaradka beelaha Mudulood. Caasimada Online ayaa heshay Xog sheegeysa in saddexdaan Madaxweyne ay la kulmeen Imaamka iyo odayaasha kale islamarkaana ay ku qanciyeen Shirkaan oo ay ku tilmaameen mid muhiim ah. “Waxaa noo yeeray madaxweynayaashii hore, waxayna sheegeen in ay muhiim tahay in Mudulood isugu yimaado kulan deg deg ah oo mustaqbalkooda looga hadlayo waana la isku waafaqay” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka Mudulood oo la hadlay Caasimada Online. “Imaamka oo u dhaw madaxda qaranka ayaa isku dayay in uu hor is-hotaago laakiin waa lagu qanciyay waana ogolaaday, maalmaha soo aadan ayuuna qabsoomi doonaa” ayuu Caasimada Online u sheegay mid kamid ah odayaasha Mudulood oo kulamadaas qeyb ka ahaa. Haddii uu kulan dhaco, sida la filayo maalinta Axadda, waxa uu noqonayaa kii nuuciisa ugu horreeyay oo ay beelahaan yeeshaan muddo dheer kadib, waxaana sidoo kale uu wataa saameyntiisa siyaasadeed. Soomaaliya ayaa hadda galeysa marxaladda kala guurka ah, waxaana socda diyaar garow doorasho oo ay wadaan beelaha siyaasiinta Soomaaliyeed oo loolan adag ku jira.
  3. National Assembly Majority Leader Aden Duale is on the spot for distributing expired food stuff to an orphanage in Garissa County. Source: Hiiraan Online
  4. LONDON — WikiLeaks founder Julian Assange plans to claim during an extradition hearing that the Trump administration offered him a pardon if he agreed to say Russia was not involved in leaking Democratic National Committee emails during the 2016 U.S. election campaign, a lawyer for Assange said Wednesday. Source: Hiiraan Online
  5. In June this year, Kenya is expected to battle it out with Djibouti for Africa’s representative at the United Nations Security Council. Source: Hiiraan Online
  6. U.S. Africa Command (AFRICOM) conducted airstrikes with the Somalian government on Wednesday, which successfully eliminated three Al-Shabaab terrorists. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Boqolaal kamid ah shacabka gobalka Gedo ayaa ku xayiran magaalada Muqdisho, kuwaas oo Muqdisho usoo doontay Caafimaad iyo adeegyo kale. Dhowr qof oo kamid ah bulshada halkaan ku xayiran oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in loo diiday in ay dib ugu laabtaan degaankooda, waxayna sababta ku sheegeen in uu sameeyay khilaafka dowladda federaalka iyo Jubaland u dhaxeeyo Nabadoon Maxamed Aadan Xasan, oo ka tirsan waxgaradka gobalka Gedo ayaa Caasimada Online u sheegay in isaga iyo boqolaal kale oo ka yimid Gedo ay shirkadaha duulimaadka u sheegeen in aysan celin karin ayna tahay amar ka soo baxay dowladda Soomaaliya. “Aniga waxaan Muqdisho u imid caafimaad, waxaana isla joognaa dad kale oo ay ku jiraan dumar fool loo keenay iyo kuwa kale oo xanuunsan, dhamaanteen waan weynay diyaarad aan raacno waxaana naga joojisay dowladda,” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Aadan. “Waxaan dalbaneynaa in dowladda noo ogolaato in aan dib ugu laabano degaankayna, sababtoo ah siyaasad kuma jirno, waxaa ka soo taganay Xoolo iyo beero, waxbaa naga dayacan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay nabadoon Maxamed Aadan Xasan oo la hadlay Caasimada Online. Dowladda Soomaaliya ayaa gobalka Gedo ku soo rogtay cuna-qabatayn dhanka duulimaadka ah, waxaana hore looga joojiyay diyaarad ay saarnaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo gobalka laga soo doortay.
  8. M/weyne Trump oo xabsiga ka sii deynaya Siyaasigii iibiyey Kursigii Aqalka Senate-ka ee uu baneeyay Barack Obama Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo gaabiyay xukun xabsi ah oo horay loogu riday barasaabkii hore ee gobolka Illinois, Rod Blagojevich, kaasoo horay loogu helay dambi ah inuu iibiyay kursigii xildhibaannimada aqalka Senate-ka ee uu banneeyay Barack Obama. Laakiin maxay tahay sababta madaxweynaha kasoo jeeda xisbiga Jamhuuriga, ee wacadka ku maray inuu wiiqi doono xisbiga Dimuqraaddiga, uu hadda naxariista ugu muujinayo nin Dimuqraaddiga ka tirsanaa, oo dadka dhaleeceeya ay ku qeexeen qof ay siyaasaddiisa wasakhowday? Xitaa xubnaha ka tirsan xisbiga madaxweynaha ee kasoo jeeda gobolka Illinois way cambaareeyeen go’aanka Mr Trump. Ergada gobolkaas u qaabilsan xisbiga Jamhuuriga ayaa bayaan ay soo saareen ku yiri: “Blagojevich wuxuu astaan u yahay musuqmaasuqa gobolka Illinois mana jirto mar uu muujiyay inuu arrintaas ka xun yahay”. Laakiin Trump dhag jalaq uma uusan siinin hadalkaas. “Kaani wuxuu ahaa hadal aad u awood badan, oo qallafsan”, ayuu yiri mar uu Talaadadii la hadlayay warbaahinta. Blagojevich oo kaliya ma ahayn dadka ka faa’iideystay naxariista madaxweynaha uu sameeyay Talaadadii. Trump wuxuu sidoo kale cafis u fidiyay saddex qof oo kale oo caan ah, saaxiibbo awood badanna ku leh siyaasadda. Is afdhaaf ka dhacay Aqalka Cad Maxay tahay sababta madaxweyne Donald Trump loogu qabsaday sawirkan? Bernie Kerik, oo ah sarkaal horay uga tirsanaa booliska magaalada New York, kaasoo qirtay dambi ku saabsan musuqmaasuq dhinaca canshuurta ah iyo dambiyo kale, xabsigana la dhigay sanadkii 2010-kii. Dadka caanka ah ee taageera waxaa ka mid ah Christopher Ruddy, oo ah madaxa Newsmax Media iyo xeer ilaaliyaha madaxweynaha Rudy Giuliani. Michael Milken, oo ah dhaqaaleyahan soo caan baxay sanadihii 1980-meeyadii, laguna helay dambi musuqmaasuq ah. Dadka caanka ah ee garab taagnaa waxaa ka mid ah wariyaha Fox Maria Bartiromo. Edward DeBartolo Jr, milkiilihii hore ee kooxda kubadda cagta ee San Francisco 49ers, kaasoo sanadkii 1998-kii qirtay dambi ku saabsan fadeexad khamaar ah. Dadka caanka ah ee taageera waxaa ka mid ah Baadariga reer Ohio, Darrell Scott iyo ciyaartoygii hore ee kooxda NFL, Jerry Rice Xitaa ka hor inya uusan ku guuleysanin Aqalka Cad, Trump wuxuu taageero u muujin jiray Blagojevich, oo lagu helay dacwad musuqmaasuq ah. Sanadkii 2008, wuxuu mas’uul ka ahaa magacaabista qofkii buuxin lahaa kursiga aqalka Senate-ka ee uu banneeyay Obama, kaddib markii madaxweynaha loo doortay. Lahaanshaha sawirkaNYEIN CHAN NAINGImage captionJan Schakowsky, oo ah xildhibaanad ka tirsan Dimqyraaddiga, ayaa horay garsoore uga codsatay in lasii daayo Blagojevich Blagojevich, oo ah barasaab lasoo doortay labo jeer, yaa ka hadlay fursadda siyaasadeed, isagoo beeniyay inuu ka gacansaday kursiga Dimuqraaddiga. “Hadda aniga ayey howl ii taallaa” ayuu yiri Blagojevich. Barasaabkan ayaa lagu yaqaannay inuu jeclaa kasoo muuqashada warbaahinta, isagoo mar kasta shanlo gacanta ku wadan jiray. Blagojevich, ayaa hadda ah 63 jir. Kaddib markii lagu helay dambiga musuqmaasuqa ah, waxaa lagu xukumay 14 sano oo xarig ah. Wakhtiga lasii deynayo wuxuu markii hore ku asteysnaa sanadka 2024-ka, laakiin waxaa soo faragaliyay madaxweyne Trump. Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES Ka hor inta aan xabsiga la dhigin sanadkii 2012-kii, Blagojevich wuxuu kasoo muuqday barnaamij TV oo uu lahaa Trump. Markii la xiray hal sano oo ay dacwdadiisa socotay kaddib, Trump wuxuu sheegay inuu ka xumaaday. Taageerada uu madaxweyne Trump u muujiyay Blagojevich waxaa laga dheehan karaa sida uusan ugu qanacsaneyn hannaanka caddaaladda ee waddanka. Siyaasiga lasii daayay xaaskiisa ayaa sheegtay in tallaabada uu madaxweynaha qaaday ay gacan ka geysaneyso sidii uu seygeeda dib ugu soo dhisi lahaa taageeradiisa siyaasadeed. Kooxda dacwad oogeyaasha ah ee gacanta ku hayay kiiska Mr Blagojevich ayaa sheegay in madaxweynaha uu awooddiisa adeegsaday sii deynta ninkan, “laakiin wali uu yahay qof dambiile ah oo lagu helay musuqmaasuq”. Mowduucyada la xiriira Qaran News
  9. Gabadhii ka qoslisay hoggaamiyeyaasha Taliban Fowziya waxay sheegtay ay soo saareen shuruuc ka baxsan dhaqanka Afghanistan, sida in dumarka ay jirkooda oo dhan dharka ku daboolaan Fowzia Koofi markii ay yareyd waxay ku riyoon jirtay inay mustaqbalka dhakhtarad noqoto, laakiin hamigaas wuxuu ka burburay markii ay kooxda Taliban la wareegtay talada dalka Afghanistan. Waxay xabsiga dhigeen seygeeda. Kaddib isagoo xiran waxaa ku dhacday qaaxo, markii ay sii daayeenna cudurkii ayuu u geeriyooday. Markii dambe waxay noqotay siyaasiyad, Taliban ayaana isku dayday inay dilaan iyada. Haddana sidaas oo ay tahay, waxay ku dhiirratay inay hor fariisato. “Waxaan matalayay dalkeyga. Waxaan matalayay haweenka reer Afghanistan”, ayey tiri iyadoo la hadleysay BBC-da. Cabsi ima galin Bishii February 2019, iyada, oo ay wehlineysay haweeney kale oo u doodda xuquuqda dumarka, ayaa galay qol uu leeyahay hoteel ku yaalla magaalada Moscow, halkaasoo ay ku jireen 70 rag ah. Laila Jafari iyo Fawziya Koofi waxay ka mid noqdeen haweenka farakutiriska ah ee fursadda u helay inay la xaajoodaan madaxda Taliban Hal dhinac oo ka mid ah qolka waxaa fadhiyay saraakiisha Taliban, iyagoo ay horyaalleen halkudhigyadooda iyo astaamahooda. Dhinaca kalena waxaa fadhiyay labadahaweenka ah oo kuraastooda dhex dhigtay siyaasiyiinta reer Afghanistan iyo shakhsiyaadka u dooda xuquuqda, kuwaasoo dhammaantood rag ahaa. “Cabsi ima galin. Aniga muhim ayey ii ahayd inaan mowqifkeyga ku taagnaado”. Fowziya waxay ka mid ahayd dumarka farakutiriska ah ee qeybta ka noqday ergooyinkii Afghanistan ee wadaxaajoodka la galay kooxda Taliban. Muddadii dheereyd ee ay wadahadallada jiitamayeen, hoggaanka kooxda Taliban way diideen inay si toos ah u horfariistaan saraakiisha dowladda Afghanistan, iyagoo sheegayay inaysan aqoonsaneyn waxa ay ugu yeereen “xukuumadda la naas nuujiyo ee uu fadhigeedu yahay magaalada Kabul”. Laakiin markii uu cadaadis badan uga yimid dhinaca Mareykanka iyo Ruushka, ugu dambeyn waxay oggolaaden inay miiska wadahadalka la tagaan ergo aan rasmi ahayn oo mataleysay Afghanistan. Wadahadalladii Moscow iyo Dooxa Fowziya waxay ku jirtay kooxda ka socotay dhinaca dowladda Afghanistan, waxayna labo jeer la kulantay wakiillada ka socday dhinaca Taliban, kuwaasoo ay isku arkeen magaaloyinka Moscow(Ruushka) iyo Dooxa(Qadar). Fawziya Koofi waxay sheegtay inaysan cabsi dareemeynin markii ay la kulmeysay Taliban “Aad baan u qaddarinayay dhinaca kale. Waxaan u sheegay in Afghanistan ay hadda malatayaan dad kala duwan oo isku dhaf ah, waddankuna uusan u xayirneyn hal fikir oo gooni ah”. Ma ahayn wadaxaajood qof walba uu xor u ahaa, wakhti kooban ayaana la hadlayay. “Qaar ka mid ah xubnaha Taliban ayaa aniga isoo eegayay. Qaar yarna hadalkeyga ayey qoraallo ka sameysanayeen. Qaar kalena meelo kale ayey isaga sii jeedeen. Aniga ma arki karin wax qeyrul caadi ah”. Waxay ka qoslisay Taliban Maadaama ay ahayd qof ay nolosheeda si gaar ah khatar u galiyeen Taliban, waxay toos ugu wajahday arrimaha la xiriira xuquuqda haweenka. Waxay ku adkeysatay sida loogu baahan yahay in dumarka ay qeyb weyn uga noqdaan hannaanka lagu raadinayo nabadda. Fowziya waxay sheegtay in helitaanka xogta oo fudud awgeed uu isbaddalay fikirka dhalinayarada “Marba haddii ergada dhinaceenna ay haween ku jireen, waxaan soo jeediyay in iyaga laftooda[oo Taliban-ka ah] looga baahan yahay inay dumar kusoo daraan ergada wadaxaajoodka usoo aadeysa. Islamarkii uu hadalkaas afkeyga kasoo baxayba way wada qosleen”. Kooxda Taliban waligood ergadooda kuma aysan soo darin haween. Intii uu jiray maamulkooda, oo ah muddadii u dhaxeysay 1996-kii ilaa 2001-dii, waxay dumarka ka mamnuuceen goobaha fagaareyaasha ah waxayna ka hor istaageen inay wax bartaan ama shaqeeyaan. Haweeney ma noqon karto madaxweyne Iyadoo nolosheeda oo dhan ku qaadatay gudaha Afghanistan, Fowziya way ogeyd in maamul noocaas ah uu ka hor istaagi doono inay mustaqbalka ku biirto dowladda. Fowziya waxay sheegtay in dhaxalka aabaheed uu ka caawiyay inay ku guuleysato doorashadii ugu horreysay, laakiin markii dambe ay noqotay qof isku filan Markii ay tookadooda hadlayeen ergada dhinaca Taliban, nin ka tirsan kooxda wadaxaajoodka u mataleysay ayaa ka jawaabayay hadalkii Fowziyo ee ahaa inay ergadooda kusoo daraan dumar. “Waxay dhaheen haweeney way noqon kartaa Ra’iisul Wasaare laakiin ma noqon karto madaxweyne. Waxay kaloo dhaheen haweenka ma noqon karaan garsooreyaal”. Sharciga ay kooxda Taliban ku dhaqanto, oo hoos taga shareecada Islaamka, wuxuu dhigayaa in ragga oo kaliya ay noqon karaan garsooreyaasha maxkamadaha. Fowziya arrintaas lama aysan yaabin. Xuduudaha Islaamka Hal bil kaddib, Suhail Shaheen, oo ah afhayeenka xafiiska siyaasadda ee ay Taliban ku leedahay Qadar ayaa BBC-da u sheegay; “axaa naga go’an inaan dumarka siinno xuquuq kasta oo uu islaamka u oggol yahay. Waan aqbalnay xaqa ay u leeyihiin inay wax bartaan”. Mintidiinta Taliban waxay sheegeen inay diyaar u yihiin sidii ay haweenka u siin lahaayeen xuquuqda uu islaamka u oggol yahay Laakiin xaqiijintaas waxaa ku xiran shuruud. “Haweenka way shaqeyn karaan, waxna way baran karaan, laakiin waa inay ahaato mid ku jirta xuduudda shareecada Islaamka iyo dhaqanka Afghanistan”, ayuu kusii daray hadalkiisa. Kuma waafaqsani Dadka Fowziya oo kale ah, arrinta noocaas ah dhibaato ayey kala kulmaan. Islaamka wuxuu leeyahay hal kitaab oo Quraan ah, laakiin waxaa jiro oraahdo badan oo laga soo tabiyay Axaadista Rasuulka iyo su’aalo kale oo qaarkood ay khilaaf dhaliyan. Maamulkii Taliban wuxuu waxbarashada ka hor istaagay haween ay ku jirto Fowziya “Waxaan maqlay fikrado iska hor imaanaya oo ku saabsan wax barashada dhinaca Islaamka. Taliban waxay raacaan aayadaha quraanka kaliya”, ayey tiri. Fowziya waxay goob joog u ahayd sidii ay Taliban xukunka kula wareegeen. Markii ugu horreysay ee ay dagaallame Taliban ah aragto waxay ahayd bishii September ee sanadkii 1996-kii. Riyo Burburtay Islamarkii ay maamulka dalka qabsadeen waxay burburiyeen riyadeedii ahayd inay mustaqbalka dhakhtarad noqoto. Waxaa lasoo saaray sharci gabadhaha ka mamnuucaya inay dugsiyada iyo jaamacadaha aadaan. Waxay joogtay Kabul, waxayna luuqadda ingiriiska bari jirtay gabadhaha laga soo eryay iskuullada. Taliban waxay sidoo kale soo saartay sharci ay dumarka ugu amreyso inay jirkooda oo dhan ku qariyaan dharka. Tallaabo sharci diid ah Fowziya waxay sheegtay ay soo saareen shuruuc ka baxsan dhaqanka Afghanistan, sida in dumarka ay jirkooda oo dhan dharka ku daboolaan. “Waligey masoo iibsanin dhar noocaas ah, sababtoo ah ma doonayo inaan lacag ku bixiyo wax kasoo horjeeda dhaqanka”. Geeridii seygeeda Isbaddalkii ay la timid kooxda Taliban aad buu u waxyeelleeyay Fowziya. Intii muddadaas lagu jiray seygeeda ayaa u dhintay cudurka qaaxada, kaddib markii ay xabsi dhigeen kooxaha mintidiinta ah. Lahaanshaha sawirkaMEDIA TEAM OF FAWZIA KOOFI Sanadkii 2005-tii ayey go’aansatay inay ka qeyb qaadato doorashada kuraasta baarlamaanka. Aabaheed, Abdurahman Koofi, ayaa ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, tan iyo markii ay soo ifbaxayeen kooxda jihaad doonka ah ee Taliban. Wuxuu isku dayay inuu taageero raadiyo laakiin ugu dambeyn wuxuu ku dhintay gacanta kooxdan, arrintaas ayaana gabadhiisa dhiirrigalisay. Markii ay ka badbaadday weerarka Taliban “Bishii March ee sanadkii 2010-kii, waxaan aaday gobolka Nangarhar si aan uga qeyb galo dabaaldagga Maalinta Haweenka Adduunka. Markii aan safarka kasoo laabtay, kolonyadii gaadiidka ee aan la socday ayaa la weeraray”. Koofi waxay sheegtay in wadahadallo dheeraad ah loo baahan yahay si loo fahmo ujeeddada Taliban Rasaas ayaa nalooga soo furay dhinaca wabiga iyo dhinaca buurta dusheeda. Fowziya iyo labadeeda gabdhood waxaa maalintaas badbaadiyay ciidankii ilaalada u ahaa, kuwaasoo gaari ugu kaxeeyay god ku yaalla dhulka buuraleyda ah, halkaasoo durbadiiba looga qaaday qaaday diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo geysay magaalada Kabul. Fowziya waxay sheegtay in labadeeda gabdhoodba ay hadda dhigtaan jaamacadaha magaalada Kabul. Qaran News
  10. ‪Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in istaraatiijiyadda dagaal ee Al-Shabaab aysan aheyn in ay ka guuleystaan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, sababtana waxa uu ku sheegay in aysanba awuudin. Qoraal uu Yuusuf Garaad soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in istaraatiijiyadda dagaal ee Al-Shabaab laga dheehan karo, in dowladda, AMISOM iyo duqeymaha Mareykanka ay ka suuli kari waayeen Soomaaliya, Al-Shabaab-na ay yoolkaas gaareen sanadkii dhamaaday ee 2019. Yuusuf Garaad waxa uu sheegay in Al-Shabaab yoolka ah in aan looga guuleysan dagaal ay degsadeen sanadkii 2006-dii oo ah sanadkii uu bilowday dagaalka tooska ah ee lagula jiro. “Haddii aan mucjiso la isku halleyneyn, siyaasadda 14 sano oo xiriir ah shaqeyn weyday oo sideedii ah, iyada oo inta kale ay eg yihiin, lagama fili karo in ay sannadkaan guuleysato. Dib-u-eegis iyo wax-ka-beddel ayay u baahan tahay siyaasadda ku wajahan Shabaab.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Ex wasiir Yuusuf Garaad. Hoos ka aqriso qoraalkan uu Yuusuf Garaad soo dhigay bartisa Facebook Istaraatiijayada dagaal ee Shabaab yoolkeedu ma aha in uu Dowladda iyo AMISOM Ka guuleysto. Waayo taa ma karo. Yoolka Istaraatiijiyada Shabaab waxaa laga akhrin karaa in ay tahay in Dowladda, AMISOM iyo duqeynta Mareykanku ay Shabaab ka suulin kari waayaan Soomaaliya. Yoolkaas wuu gaaray Shabaab sannadka dhammaaday ee 2019. Waa yool uu ku guuleystay in uu gaaro sanad kasta tan iyo 2006 markii uu dagaal fool-ka-fool ah billaabay, Dhaanka qaada dhabbe aan ceel tageyn, la iskuma halleeyo in biyo uu keenay lagu oon gooyo. Haddii aan mucjiso la isku halleyneyn, siyaasadda 14 sano oo xiriir ah shaqeyn weyday oo sideedii ah, iyada oo inta kale ay eg yihiin, lagama fili karo in ay sannadkaan guuleysato. Dib-u-eegis iyo wax-ka-beddel ayay u baahan tahay siyaasadda ku wajahan Shabaab.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ayaa talo u soo jeediyey Madaxweyne Farmaajo, kadib weerarradii ay Al-Shabaab shalay ka geysteen goobo dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose. Fiqi oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxa uu Madaxweyane Farmaajo uga dalbaday in uu booqdo goobihii lagu weeraray ciidamada dowladda, maadaama uu yahay Taliyaha guud ee ciidamada Soomaaliya. “Madaxweyne Farmaajo maadama taliyaha guud ee ciidamada Qalabka sida uu yahay dastuuriyan, waxaa laga codsanayaa In uu booqdo jiidaha hore ee ay ku sugan yihiin ciidamada qalabka sida ee Kooxaha Argagixisadu ay maanta weerareen sida Qoryooley iyo Ceel Saliini”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa wax aan suurta gal aheyn ku tilmaamay in ciidamadii joogay Madaxweynaha hortiis ay maanta Al-Shabaab laayaan gurmad la’aan darteed. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku eedeeyay in ciidamadii la tababaray intii uu talada hayey uu ku heysto madaxtooyada. “Suurtagal ma ahan in ciidamadii joogay markii talada uu qabtey in gurmad la’aan cadowga loo loogo, kuwa cusub ee uu tababartayna uu madaxtooyada ku heysto”ayuu qoraalkiisa ku yiri Axmed Macalin Fiqi.
  12. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Fihiima Yuusuf Quunje oo ka tirsaneyd xildhibaanada golaha deegaanka Somaliland, gaar ahaan degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xilkii iska casishay. Xildhibaanada ayaa shalay si rasmi ah u shaacisay inay iska casishay xilkaasi, iyadoona daboolka ka qaaday inay uga tagtay kursigaasi arrimo la xidhiidha midnimada umadda Soomaaliyeed. Fihiima ayaa sheegtay inay hadda kadib ay kaalin weyn ka qaadan doonto u ololeynta midnimada Soomaaliya, isla markaana ay ka tanaasushay fikirkeedii gooni isku taaga ahaa ee ay weli aqoonsiga ku raadineyso Somaliland. “Waxaan go’aansaday in aan baneeyo xubintii hoos imaneysay maamulka Somaliland, una ololeeyo midnimada Soomaaliyeed oo aan mar-walba aan ku hadlo dareenka Shacabka iyo waxa ay doonayaan” ayey tiri Fihiima Yuusuf Quunje. Xildhibaan Fihiima ayaa muddo sideed sanno ah ka tirsaneyd golahaasi, waxaana lagu tirayaa inay aheyd xildhibaankii ugu codka badnaa ee xiligii doorashdii Xildhibaanada Laascaanood.
  13. Garoowe (Caasimada Online) – Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, oo kamid ahaa saddexdii nin ee loo xukmay Kiiskii Caa’isha Ilyaas, balse laba kamid ah la qisaasay, ayaa la go’aamiyay in la sii daayo, kadib markii ay kiiskiisa ka heshiiyeen labada qoys. Labada dhinac, ayaa ku heshiiyay in mag la siiyo qoyska dhalay gabadhii Yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aaden, islamarkaan xorriyaddiisa dib loogu celiyo xukmane Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Magta lagu heshiiyay oo ah 75 neef oo geela ayaa hashiiba lagu qiimeeyay $500 oo Dollar, waxaana isla goobta lagu bixiyay lacag dhan $25,000 oo Dollar, taasi oo u dhiganta 50 Halaad. Labada qoys ayaa sidoo kale isla gartay in mudda saddex bilood gudahood ah lagu bixiyo, inta dhiman magta oo ah 25 halaad, taasi oo lacag ahaan ku qiimaysan $12,500 oo Dollar. Dhinacyada oo wada-socda, ayaa Heshiiska ay wada-gaareen oo qoraal ah la wadaagay laamaha Garsoorka iyo Amniga dowladda Puntland, waxaana sidaasi lagu amray in la sii daayo Xukmane Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame. Isha: Puntland Post
  14. Raisal Wasaarihii hore ee Dawaladii Madaxweyne Cabdiqaasin Salaad Xasan ee lagu soo dhisay magaalada Carta ee Cariga Jabuuti Mudane Maxamed Cabdi Yusuf ayaa maanta isagoo [...] Source
  15. Sawirka waa Oday Ilyaas Aaden Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, oo kamid ahaa saddexdii nin ee loo xukmay Kiiskii Caa’isha Ilyaas, balse laba kamid ah la qisaasay, ayaa la go’aamiyay in la sii daayo, kadib markii ay kiiskiisa ka heshiiyeen labada qoys. Labada dhinac, ayaa ku heshiiyay in mag la siiyo qoyska dhalay gabadhii Yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aaden, islamarkaan xorriyaddiisa dib loogu celiyo xukmane Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen ilo’ wareedyo sugan. Magta lagu heshiiyay oo ah 75 neef oo geela, ayaa Hashiiba lagu qiimeeyay $500 oo Dollar, waxaana isla goobta lagu bixiyay lacag dhan $25, 000 oo Dollar, taasi oo u dhiganta 50 Halaad. Labada qoys ayaa sidoo kale isla gartay, in mudda saddex bilood gudahood ah lagu bixiyo, inta dhiman Magta oo ah 25-Halaad, taasi oo lacag ahaan ku qiimaysan $12,500 oo Dollar. Dhinacyada oo wada-socda, ayaa Heshiiska ay wada-gaareen oo qoraal ah la wadaagay laamaha Garsoorka iyo Amniga dowladda Puntland, waxaana sidaasi lagu amray in la sii daayo Xukmane Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame. ©PUNTLAND POST The post Xukmane loo haystay Kiiskii Caa’isha Ilyaas oo labada qoys ka heshiisay appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Bar___-Qumanaha-Wararka-19022020.mp3 View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Hawlgal ay ciidamada amniga ka sameeyeen xaafadaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo qabtay shan nin, oo lala xiriirinayo falal amni-darro. Gudoomiyaha Degmada Wadajir, Cabdiraxmaan Maxamed Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hawlgal laga sameeyay xaafadaha Degmada Wadajir lagu soo qab qabtay shan nin, oo loo haysto falal amni-darro. “Hawlgalka waxaa hadda lagu soo qabtay dad ay tiradoodu gaareyso illaa shan qof oo looga shakiyay inay wadaan falal amni-darro ah, waana la baarayaa.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Wadajir. Gudoomiyaha ayaa sheegay in hawlgalada Degmada Wadajir ay noqon doonaan kuwo joogto ah, iyadoo markaasi lagu bartilmaameedsanayo kuwa dadka ku baarta mindiyaha. “Wuxuu noqon doonnaa hawlgalka laga samaynayo Degmada Wadajir mid joogto ah, haddii ay ahaan lahaayen qoladaan hadda soo batay ee mindileyda ah.” Ayuu yiri Gudoomiyaha. Cabdiraxmaan Maxamed Cali, Gudoomiyaha Degmada Wadajir ayaa waalidiinta ku dhaqan Degmada Wadajir ugu yeeray in ay ubadkoodu ka reebaan xaalad abuurka ka dhanka ah amniga, haddii kalena ay sharciga la tiigsan doonaan. “Hooyo kasta iyo aabe kasta waxaan fareynaa inuu wiilkiisa kala baxo xaaladda uu ku jiro, haddii ay fariintaas ka jawaabi waayaana qof kastoo lagu qabto xaalad amni-darro waxaa la marsiin doonnaa si sharciga waafaqsan oo sharcigaa la horgayn doonnaa.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu. Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Ciidamada Dowladda ee xilliyada qaarkood rasaasta macno la’aanta isaga rida inay joojiyaan, bacdamaa ay qalqal ku abuureyso dadka deegaanka. “Waxaan rabaa inaan baaq u diro nimanka hubeysan, ha ahaadaan militari ama ciidamada noocyadooda kala duwan xabadaha sida maalaa-yacniga ugu qalqal-gelinayo bulshada haka waan-toobaan, xabad aan cadowga lala beegsanayn.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu oo intaa ku daray in ciddii aan ka waan-toobina ay sharciga la tiigsanayaan. Hawlgalkan laga sameeyay Degmada Wadajir ayaa ku soo aadaya, xilli Degmooyinka Wadajir iyo Dharkiinley oo leesku yiraahdo (Madiina), ay ku soo badanayaan falalka lagu baarto bulshada kala duwan ee ku dhaqan.
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-War-saxaafadeed kasoo dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Mareykanka ay Arbacadii galabta duqeyn ku dileen xubno ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab. “Galab Arbaco, taariikhduna tahay 19-ka Febraayo, 2020 ayay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa bahwadaageeda Melatariga Dawlada Mareykanka ayaa weerar dhanka cirka ku qaaday mintidiinta Al-Shabaab deegaanka Wadajir oo u dhaw jilib” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Duqeyntaas ayey sheegtay dowladdu in lagu dilay seddax ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana aysan jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray dad rayid ah, sidoo kale waxaa lagu sheegay warkan in si buuxda loo baari doono eedeymo la xariira in dad rayid ah lagu dilay duqeymo horay loo fuliyey. “Duqeyntan oo aad looga baaraandegay ayaa waxa lagu dilay saddex ka mid ah mintidiinta Al-Shabaab.Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Mareykanka ayaa qaada taxadar dheeri ah oo ku aadan ka hortagga waxyeelada rayidka inta lagu gudajiro ladagaalanka kooxda argagaxisada ah iyada oo si buuxda loo baarayo eedaymaha lasoo wariyo” ayaa lagu yiri. Sidoo kale waxaa lagu sheegay war-saxafadeedkan in saakay Al-Shabaab weerareen degmada Qoryooley oo aysan markaas joogin AMISOM iyo ciidanka dowladda toona, sida lagu yiri qoraalka. “Subaxan ayay Al-shabaab weerareen degmada Qoryooley iyada oo aysan magaalada ku sugnayn Xoogga Dalka iyo AMISOM toona. Dadka reer Qoryooley ayaa iskaga caabbiyey qoryahooda caadiga ah, kuna qasbay Al-shabaab in ay dib-ugagurtaan aaggaa. Al-shabaab way sii wadaan weerarrooda fuleynimada ee ay ku qaadayaan shacabka aan waxba galabsan iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya” ayaa lagu soo gaba-gabeeyey war-saxaafadeed caawa ka soo baxay dowladda Soomaaliya. Hoos ka aqriso qoraalka oo English ah
  19. Madaxweyne Deni oo ka kulmay madaxweynaha Jabuuti Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada jubuuti kula kulmay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Kulanka kadib Madaxweyne Deni oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey, wuxuuna sheegay inuu u badnaa salaan, xogwareysi iyo in ay Jabuuti iyo horumarka ay gaartay soo booqdaan. “Waxaan marka hore u mahadcelinayaa shacabka, Xukuumadda iyo madaxweynaha Jabuuti, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waa oday Soomaaliyeed oo dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dagaan sharaf, karaamo iyo taariikh ku dhex leh” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Madaxweyne Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaa ugu muhiimsanayd in aan soo booqano, la tashano, guud ahaana Jabuuti horumarka ay gaartay u kuurgalno, kana codsano in wixii ay nalaqaban karaan Soomaaliya la qabtaan marxalad kasta oo ay u baahan yihiin”. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Ismaaciil Cumar Geelle ay isla soo qaadeen 20 guuradii ka soo wareegtay shirkii Carta iyo doorkii uu ka soo qaatay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuuna xusay in kaalintiisii ay wali taagan tahay. “Waxaan dib u milicsanay 20 guuradii ka soo wareegtay shirkii Carta oo ah waxa maanta Soomaaliya saldhiga u ah horumarka ay gaartay, waxaan wali ka rajeynaynaa in kaalintiisii aysan wali dhammaan oo loo baahan yahay” ayaa yiri madaxweynaha Puntland. Ugu dambeyna Madaxweyne Deni, ayaa tilmaamay in horumarka dhaqaale ee ay gaartay Jabuuti ay wax badan uga dayan doonaan, wax badana iska kaashan doonaan. PUNTLAND POST The post Maxay ka wada hadleen Deni iyo Ismaciil Cumar Geelle? appeared first on Puntland Post.
  20. Hargeysa (Caasimada Online)-War-saxaafadeed kasoo baxay xaafiiska guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland, ayaa gabi ahaanba lagu mamnuucay adeega sarifka lacagaha qalaad ee FOREX. “Banka Dhexe ee Somaliland waxa uu in mudo ah dusha kala socday barnaamijka Forex, waxa uu sameeyey baaris iyo daraasad qoto-dheer, waxaa u cadaatay in barnaamijka Forex uu la nuuc yahay barnaamijkii la dhihi jiray ‘Jiif oo jiq’ isla markaana aysan jirin suuqyo iyo shirkado sharci leh oo la maal gashanaayo”ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday xaafiiska guddoomiyaha Banka Dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac. Sidoo kale qoraalka ayaa cid walba oo ay khuseyso arinta Forex waxaa lagu war geliyey in gabi ahaanba uu mamnuuc ka yahay Somaliland, iyadoo la tixraacayo qodobka 97aad faqradiisa 1aad ee dastuurka Somaliland. “Sidaa aawgeed Banka Dhexe waxa uu ku war-gelinayaa bulsha weynta Somaliland, hey’adaha kala duwan ee xukuumadda iyo cid kasta oo ay khuseyso, in barnaamijka Forex uu mamnuuc ka yahay Somaliland, sida ku qeexan qodobka 97aad faqraddiisa 1aad ee dastuurka Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka Banka Dhexe. Ugu dambeentii war-saxaafadeedka ka soo baxay xaafiiska guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland ayaa lagu yiri, “Anagoo ku kalsoon in bulsha weynta, hey’adaha dowladda iyo cidii kale ee ay khuseyso ay fulin doonaan qodobka kor ku xusan, naga guddooma salaan diiran”. Hoos ka aqriso warqadda
  21. Muqdisho (SMN) – Shirkad magaceedu yahay Forex 252 ayaa lagu waramayaa in ay ka baxsadeen xubnihii lahaa lacago fara badan. Lacagta oo boqolaal kun oo Doolar-ka Mareykanka ah gaareysa ayaa la tilmaamay in ay lahaayeen dad shacab ah oo maalgeshtay. Sidda ay wararku sheegayaan, shirkadda ayaa dhisme ku lahayd KM4 gaar ahaan Huteelka caanka ah ee lagu magacaabo Giyaajo. Wariye ka tirsan Shabelle oo tegay goobta ay deganeyd shirkadda ayaa kusoo arkay dad farab oo ka cabanaya arrintaas. Qaar kamid ah dadka oo walwal badan uu ka muuqdey ayaa tibaaxay in lacagta ay dhigteen ay ugu yareyd kun Doolar oo ay dheer tahay diiwaan gelinta oo saddex oo Doolarka Mareykanka ah. Maamulka degmadda Hodan oo dadkaas la hadlay ayaa balamiyey in ay berri yimaadaan xarunta si looga diiwaan-geliyo cabashooda. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/DGF.mp3 View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tegay dhismaha guriga xukuumadda (Ex-xaruntii xisbiga) oo lagu wado dib-u-dhis ballaaran. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa howl-wadeennada ka shaqeynaya dib-u-dhiska ka xog wareystay hannaanka ay u wadaan dhismaha, waxuuna kula dardaarmay in sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhammeeyaan si loogu guuleysto in xukuumaddu ku shaqo billaawdo. Guriga xukuumadda ayaa noqoqeyna xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xarunta dhexe ee xukuumaddu ku shaqeyso. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay wehliso wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, ayaa sidoo kale kormeeray sida uu u socdo dhismaha garoonka ciyaaraha Muqdisho oo qeyb ka ah xarumaha muhiimka ah u ah horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo is-dhex galka bulshada. View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Xasan Cali Nuur [Shuute], gudoomiyaha maxkamadda ciidamadda Soomaaliya, ayaa aad u dhaliilay xaaladda xabsiyada dalka. Isagoo ka hadlayey munaasabad lagu dhaariyey ciidamo cusub oo Asluubta kusoo biiray, Shuute ayaa ku baaqay in wax laga bedelo arrimaha jira. Arrimaha uu farta ku fiiqay waxaa kamid ah in ay jiraan maxaabiis aalado casri ah ku dhex-isticmaala gudaha qaar kamid ah jeelasha waddanka. Gudoomiye Shuute ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in isbedel ay sameyn doonan ciidamadda cusub ee ku biiray Asluubta. Hadalkaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo dhowaan lasoo wariyey maxaabiis la sheegay in ay ka baxsadeen mid kamid ah xabsiyadda ku yaala Muqdisho. View the full article