-
Content Count
214,389 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in goor dhow dagaal u dhexeeya ciidamo kala taabacsan maamullada Somaliland iyo Puntland uu dib uga qarxay deegaanka Hadaaftimo oo ka tirsan gobolkaasi. Dagaalka oo weli socda ayaa yimid, ka gadaal markii ciidamada Somaliland ee fadhigoodu yahay deegaana Yubbe ay saakay u soo ruqaansadeen dhinaca Hadaaftimo, halkaas oo ay dagaal xoogan kala horyimaadeen ciidamada maamulka Puntland. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayaan daryanka hub culus oo ay haatan is weydaarsanayaan labada dhinac. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu jiro khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac, balse weli lama oga inta yy la egyahay khasaaraha. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana meesha uu iska hor imaadka ka socdo ku sii qul qulaya ciidamo kala duwan gurmad ah oo ku biiraya dagalkaasi. Shalay ayey aheyd markii maamullada Somaliland iyo Puntland ay ku dagaalameen degmada Laasqoray oo ka tirsan isla gobolka Sanaag ee waqooyiga dalka Soomaaliya.
-
Warsaxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka ayaa waxaa lagu dalbaday in doorashada ka qabsoomi doonta gudaha Soomaaliya waqtigeeda lagu qabto. Warsaxaafadeedkan oo ay si wadajira u soo saareen saaxiibada taageera dowladda Soomaaliya yaa sidoo kale waxaa lagu dalbaday in dowladda federaalka ay soo celiso xiriirkii wada shaqeeneyd ee kala dhaxeeyay maamul goboleedyada dalka ka jira. Sidoo kale waxaa warkan lagu sheegay in loo baahanyahay xasilooni siyaasadeed si dalka ay uga dhacdo doorasho lagu kalsoonaan karo. Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka ay soo saareen beesha caalamka kadib meelmarintii sharciga doorashada federaalka, saaxiibada soomaaliya ee caalamka waxay ku boorinaya dhammaan saamileyda soomaaliyeed inay ka wada shaqeeyaan sidii doorashada waqtigieedi loogu qaban lahaa Sharciga doorashada federaalka Soomaaliya ayaa hadda lagu ansixiyay Golaha Shacabka waxaana saxiixay Madaxweynaha 20-kii Febraayo. Sharcigan wuxuu qeyb ka yahay hab-shaqo sharciyeedka doorasho ee asaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashooyin qaran oo u suurto-gelinaya in tirada ugu badan ee muwaadiniin ah ay codeeyaan. In kasta oo tani ay tahay tallaabo muhiim ah, haddana shaqo badan ayaa loo baahan yahay in la qabto si wax looga qabto su’aalo badan oo aad muhiim u ah oo weli taagan, kuwaas oo lagama maarmaan u ah hirgellinta xeerkan. Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay garwaaqsanyihiin mas’uuliyadda saaran Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) si uu u hirgeliyo sharciga doorashada, waxayna carrabka ku adkeynayaan sida dhakhsaha leh ee looga baahanyahay dhamaan dhinacyada ay hawshu khusayso – oo ay ku jiraan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, Baarlamaanka Federaalka ah, xisbiyada siyaasadda – inay wada shaqeeyaan, iyagoo taageero ka helaya GMDQ oo guda geli doona hawsha hirgelinta sharciga doorashada. Saaxiibada caalamku waxay dib u milicsanayaan wadahadalladii badnaa ee ay la yeesheen Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah, iyo weliba GMDQ, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo isla eegay qaybaha uu ka koobanaanayo sharciga la doonayo in la qoro. Qaybahaas waxaa ku jira caddeynta deegaan doorashooyinka iyo qoondeynta kuraasta ee loo qoondeeynaayo deegaan doorashooyinka, kala caddeynta kuraasta loo gaar yeelayo haweenka si loo xaqiijiyo ugu yaraan matalaadda 30 boqolkiiba, nidaamyada lagusoo dooranayo kuraasta loo qoondeeyay dadka reer Somaliland, iyo matalaadda dadka deggan gobolka Benadir ay ku yeelanayaan Baarlamaanka. Saaxiibadu waxay ugu baaqayaan Baarlamaanka Federaalka ah, isagoo la shaqaynaya GMDQ, wadatashina la sameynaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo dhinacyada kale ee hawshu khusayso, in uu arrimahaas si dhakhso leh xal ugu helo. Saaxiibada ayaa sidoo kale u arka in Sharciga Xisbiyada Siyaasadda uu qayb ka yahay hab-shaqo sharciyeedka asaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah hirgelinta doorashooyin qabsooma waqtigii loogu latalagalay. Sidaas darteed, waxay carrabka ku adkeynayaan muhiimadda ay leedahay in mudnaan la siiyo ka-baaraan-degidda iyo ansixinta wax-ka-bedelka sharcigaasuu kusoo sameeyay Baarlamaanka Federaalka ah. Saaxiibadu waxay carrabka ku adkeynayaan in qabsoomidda doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo dhaca waqtigii loogu talagalay oo lagusoo doorto Baarlamaanka Federaalka ah iyo Madaxweynaha Federaalka ah, iyadoo loo marayo Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah, ay muhiim u yihiin xasiloonida siyaasadeed ee Soomaaliya. Saaxiibadu waxay carrabka kusii adkeynayaan sida dhakhsaha leh ee loogu baahanyahay wadashaqayn dhexmarta Dowladda Federaalka Soomaalliya iyo Dowlad Goboleedyada si loo gaaro arrimahaas iyo arrimaha kale ee hortabinta u leh qaranka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
War qoraal ah oo ka soo baxay xubnaha beesha caalamka ayaa waxaa looga hadlay doorashada Soomaaliya ee la filayo inay dhacdo sanadka soo socda ee 2021-ka. Warsaxaafadeedkaan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada looga baahan yahay inay ka wada shaqeeyaan doorashadaasi. Halkaan hoose ka akhriso: Sharciga doorashada federaalka Soomaaliya ayaa hadda lagu ansixiyay Golaha Shacabka waxaana saxiixay Madaxweynaha 20-kii Febraayo. Sharcigan wuxuu qeyb ka yahay hab-shaqo sharciyeedka doorasho ee asaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashooyin qaran oo u suurto-gelinaya in tirada ugu badan ee muwaadiniin ah ay codeeyaan. In kasta oo tani ay tahay tallaabo muhiim ah, haddana shaqo badan ayaa loo baahan yahay in la qabto si wax looga qabto su’aalo badan oo aad muhiim u ah oo weli taagan, kuwaas oo lagama maarmaan u ah hirgellinta xeerkan. Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay garwaaqsanyihiin mas’uuliyadda saaran Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) si uu u hirgeliyo sharciga doorashada, waxayna carrabka ku adkeynayaan sida dhakhsaha leh ee looga baahanyahay dhamaan dhinacyada ay hawshu khusayso – oo ay ku jiraan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, Baarlamaanka Federaalka ah, xisbiyada siyaasadda – inay wada shaqeeyaan, iyagoo taageero ka helaya GMDQ oo guda geli doona hawsha hirgelinta sharciga doorashada. Saaxiibada caalamku waxay dib u milicsanayaan wadahadalladii badnaa ee ay la yeesheen Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah, iyo weliba GMDQ, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo isla eegay qaybaha uu ka koobanaanayo sharciga la doonayo in la qoro. Qaybahaas waxaa ku jira caddeynta deegaan doorashooyinka iyo qoondeynta kuraasta ee loo qoondeeynaayo deegaan doorashooyinka, kala caddeynta kuraasta loo gaar yeelayo haweenka si loo xaqiijiyo ugu yaraan matalaadda 30 boqolkiiba, nidaamyada lagusoo dooranayo kuraasta loo qoondeeyay dadka reer Somaliland, iyo matalaadda dadka deggan gobolka Benadir ay ku yeelanayaan Baarlamaanka. Saaxiibadu waxay ugu baaqayaan Baarlamaanka Federaalka ah, isagoo la shaqaynaya GMDQ, wadatashina la sameynaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo dhinacyada kale ee hawshu khusayso, in uu arrimahaas si dhakhso leh xal ugu helo. Saaxiibada ayaa sidoo kale u arka in Sharciga Xisbiyada Siyaasadda uu qayb ka yahay hab-shaqo sharciyeedka asaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah hirgelinta doorashooyin qabsooma waqtigii loogu latalagalay. Sidaas darteed, waxay carrabka ku adkeynayaan muhiimadda ay leedahay in mudnaan la siiyo ka-baaraan-degidda iyo ansixinta wax-ka-bedelka sharcigaasuu kusoo sameeyay Baarlamaanka Federaalka ah. Saaxiibadu waxay carrabka ku adkeynayaan in qabsoomidda doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo dhaca waqtigii loogu talagalay oo lagusoo doorto Baarlamaanka Federaalka ah iyo Madaxweynaha Federaalka ah, iyadoo loo marayo Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah, ay muhiim u yihiin xasiloonida siyaasadeed ee Soomaaliya. Saaxiibadu waxay carrabka kusii adkeynayaan sida dhakhsaha leh ee loogu baahanyahay wadashaqayn dhexmarta Dowladda Federaalka Soomaalliya iyo Dowlad Goboleedyada si loo gaaro arrimahaas iyo arrimaha kale ee hortabinta u leh qaranka. *Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Midowga Yurub, Ethiopia, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Talyaaniga, Norway, Sweden, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Maraykanka, Qaramada Midoobay. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaadeed ka soo baxay xubnaha dalalka beesha caalamka ayaa waxaa looga hadlay doorashada soo socota ee Soomaaliya, taas oo la filayo in la aado dhamaadka sanadkan 2020 illaa bilowga sanadka kale ee 2021-ka. Qoraalka oo ay si wadajir ah u soo saareen wadamada iyo ururada daneeya arrimah Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in doorashada la qabto xilligeeda. Sidoo kale waxaa madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada loogu baaqay inay gaaray xal siyaasadeed, ka hor doorashadaasi. Halkaan hoose ka aqriso: Sharciga doorashada federaalka Soomaaliya ayaa hadda lagu ansixiyay Golaha Shacabka waxaana saxiixay Madaxweynaha 20-kii Febraayo. Sharcigan wuxuu qeyb ka yahay hab-shaqo sharciyeedka doorasho ee asaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashooyin qaran oo u suurto-gelinaya in tirada ugu badan ee muwaadiniin ah ay codeeyaan. In kasta oo tani ay tahay tallaabo muhiim ah, haddana shaqo badan ayaa loo baahan yahay in la qabto si wax looga qabto su’aalo badan oo aad muhiim u ah oo weli taagan, kuwaas oo lagama maarmaan u ah hirgellinta xeerkan. Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay garwaaqsanyihiin mas’uuliyadda saaran Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) si uu u hirgeliyo sharciga doorashada, waxayna carrabka ku adkeynayaan sida dhakhsaha leh ee looga baahanyahay dhamaan dhinacyada ay hawshu khusayso – oo ay ku jiraan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, Baarlamaanka Federaalka ah, xisbiyada siyaasadda – inay wada shaqeeyaan, iyagoo taageero ka helaya GMDQ oo guda geli doona hawsha hirgelinta sharciga doorashada. Saaxiibada caalamku waxay dib u milicsanayaan wadahadalladii badnaa ee ay la yeesheen Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah, iyo weliba GMDQ, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo isla eegay qaybaha uu ka koobanaanayo sharciga la doonayo in la qoro. Qaybahaas waxaa ku jira caddeynta deegaan doorashooyinka iyo qoondeynta kuraasta ee loo qoondeeynaayo deegaan doorashooyinka, kala caddeynta kuraasta loo gaar yeelayo haweenka si loo xaqiijiyo ugu yaraan matalaadda 30 boqolkiiba, nidaamyada lagusoo dooranayo kuraasta loo qoondeeyay dadka reer Somaliland, iyo matalaadda dadka deggan gobolka Benadir ay ku yeelanayaan Baarlamaanka. Saaxiibadu waxay ugu baaqayaan Baarlamaanka Federaalka ah, isagoo la shaqaynaya GMDQ, wadatashina la sameynaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo dhinacyada kale ee hawshu khusayso, in uu arrimahaas si dhakhso leh xal ugu helo. Saaxiibada ayaa sidoo kale u arka in Sharciga Xisbiyada Siyaasadda uu qayb ka yahay hab-shaqo sharciyeedka asaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah hirgelinta doorashooyin qabsooma waqtigii loogu latalagalay. Sidaas darteed, waxay carrabka ku adkeynayaan muhiimadda ay leedahay in mudnaan la siiyo ka-baaraan-degidda iyo ansixinta wax-ka-bedelka sharcigaasuu kusoo sameeyay Baarlamaanka Federaalka ah. Saaxiibadu waxay carrabka ku adkeynayaan in qabsoomidda doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo dhaca waqtigii loogu talagalay oo lagusoo doorto Baarlamaanka Federaalka ah iyo Madaxweynaha Federaalka ah, iyadoo loo marayo Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah, ay muhiim u yihiin xasiloonida siyaasadeed ee Soomaaliya. Saaxiibadu waxay carrabka kusii adkeynayaan sida dhakhsaha leh ee loogu baahanyahay wadashaqayn dhexmarta Dowladda Federaalka Soomaalliya iyo Dowlad Goboleedyada si loo gaaro arrimahaas iyo arrimaha kale ee hortabinta u leh qaranka. *Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Midowga Yurub, Ethiopia, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Talyaaniga, Norway, Sweden, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Maraykanka, Qaramada Midoobay.
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degmada Diinsoor ee gobolkaasi. Iska hor imaadka ayaa yimid yimid, kadib markii ciidanka huwanta ay weerareen saldhig Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Kumaan oo 28 KM u jira degmadaasi. Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, basle maamulka magaalada Diinsoor ayaa guullo ka sheegtay weerarka ay qaadeen ciidamada DF iyo kuwa K/Galbeed. Xaaladda ayaa saaka ah mid degan, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-26022020.mp3 View the full article
-
Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa maanta oo Arbacada ah mar kale dhegaysanaysa, dacwadda loo haysto 7 nin oo ku eedaysan Kiiska AUN Hodan Axmed Maxamed Shanlayste. Hodan Shanlayse, waxay ahayd gabar xaas ah oo 11-kii April 2019 kufsi iyo dil loogu gaystay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Maxkamadda ayaa saddex jeer oo hore dib u dhigtay Kiiska, kadib codsi uga yimid qoyska Hodan Shanlayste oo dalbaday in dib loogu dhigo Kiiska, inta uu ka imaanayo aabbaha dhalay marxuumadda. Axmed Maxamed Shanlayste, oo dhalay marxuumadda ayaa haatan ku sugan magaalada Garoowe, si uu goob-joog uga noqdo kiiska. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Garoowe oo mar kale maanta dhegaysanaysa Kiiskii Hodan Shanlayste appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar markale Al-Shabaab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan saldhig ciidamada dalka Kenya ay ku leeyihiin nawaaxiga magaalada Gaarisa. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa lala bartilmaameedsaday saldhigga oo ku yaalla deegaanka Goorisa oo hoostaga magaaladaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Al-Shabaab oo ka hadashay waxa ay sheegtay in dagaalyahannadooda ay gudaha u galeen saldhigga, islamarkaana ay cagta marayeen, sida ay hadalka u dhigtay. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay burburisay agab milatari oo gawaari ay ku jiraan oo saldhigga yiilay. Illaa iyo hadda ma cada khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarkaasi oo sababay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac. Ma jiro weli wax faah faahin ah oo laamaha amniga Kenya, gaar ahaan Booliska ay ka bixiyeen falkaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaada gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya, kuwaas oo geysta khasaare kakla duwan.
-
Dowladaha, iyo ururada caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa war ay si wada-jir ah Talaadadi shalay u soo saareen ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya in ay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan, sidii Soomaaliya looga qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda. Qoraal Af-Soomaali ku qoran oo ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in shaciga doorashada federaalka Soomaaliya ee ay dhawaan ansixiyeen Golaha Shacabka isla markaana uu 20-ki bishaan saxiixay madaxweyne Farmaajo, uu qeyb ka yahay hannaanka doorasho ee aasaasiga iyo lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashooyin qaran oo u suurto-gelinaya in tirada ugu badan ee muwaadiniin ah ay codeeyaan. War-saxaafadeedka kasoo baxay beesha caalamka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ay garwaaqsanyihiin mas’uuliyadda saaran Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka si uu u hirgeliyo sharciga doorashada. Sidoo kale waxay hoosta ka xarriiqeen sida dhakhsaha leh ee looga baahanyahay dhamaan dhinacyada ay hawshu khusayso oo ay ku jiraan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, Baarlamaanka Federaalka ah, xisbiyada siyaasadda inay wada shaqeeyaan, iyagoo taageero ka helaya GMDQ oo guda geli doona hawsha hirgelinta sharciga doorashada. Halkaan ka akhriso qoraalka Beesha Caalamka PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo ku baaqday in doorashada Soomaaliya Wakhtigeeda lagu qabto appeared first on Puntland Post.
-
Misky Nur Abdullahi, 19, is a poet from Mandera County. She is a great debater who in the past took part in many competitions, coming out of them with awards. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo soo duubay muuqaal cusub, ayaa si xun u weeraray una aflgaadeeyey beesha Abgaal. Xasan Daahir, oo muuqaallo soo duuba mar kasta oo dowladda uu cadaadis saaran yahay, ayaa sheegay in beesha Abgaal “ay tahay beesha kaliya ee laga helo dad qur’aanka yaqaan, haddana ******** ah.” “Waxaa yaab leh dhallinyarda beelaha kale markaad ka wacdiso oo aad ka reebto munkarka waa ku maqlayaan, laakiin Abgaalka kuma dhageysanayaan, waxay ku leeyihiin ‘wax qaldan miyaan sameeyey?’” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys. Xasan Daahir waxa kale oo uu sheegay in beesha Abgaal aysan galin derisnimo, oo aan lala noolaan karin. “Abgaal cirif la dego ma lahan ee waxay leeyihiin calool la dego,” ayuu yiri. Waxa uu sidoo kale sheegay inay tahay beel aan wax iska maqal, oo odayaasha aan dhageysan. Waxa kale oo uu yiri “ma ahan beel lala xidido, waayo ma dhowraan wiilka ay abtiga u yihiin.” “Abgaal hiilo ma lahan, oo wanaagag isuguma hiiliyaan, waxanaa caddeyn u ah inaysan u hiilin markii Maxamed Siyaad Barre uu dilay Slaad Gabeyre Kadiye,” ayuu yiri. Muuqaalka Xasan Daahir ayaa jawaab u ahaa, oo uu kaga hadlayey shirkii beesha Mudulood ay dhowaan ku yeelatay magaalada Muqdisho. Xasan Daahir, waxa uu xiran yahay dowladda federaalka, oo siisa telefoonka iyo internet-ka uu kusoo duubo muuqaallada, waxaana inta badan uu muuqaallada soo duubaa marka dowladda ay dooneyso inay bedesho guuxa socda oo aysan jecleysan, sida kan ka dhashay shirkii Mudulood.
-
A group of Somali men from Bristol have discussed mental health for the first time in their community. Source: Hiiraan Online
-
Africa Finance Corp to invest $63 mln in Djibouti wind farm
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Africa Finance Corporation (AFC) is investing $63 million to build and operate a 60 megawatt (MW) wind farm in Djibouti, the Lagos-based development financier said on Monday. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta Hormuud, waxaa 24-kii bishan duqeyn lagu dilay madaxii shirkadda Hormuud faraceeda degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Xaaji Salaad, ayaa laba gantaal lagu dhuftay xilli uu ku sugnaa beertiisa oo ku taalla meel banaanka ka ah degmada Jilib halkaasna uu ku geeriyooday, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Nin ceynkee ah ayuu ahaa Maxamuud Xaaji Salaad? Cabdifatax Barre Maxamuud oo ay ilma adeero ahaayeen ninka lagu dilay Jilib, ayaa wareysi uu siiyey BBC-da waxa uu uga warramay aqoonta uu u lahaa iyo shaqooyinkii uu qaban jiray. “Wax badan ayaan ka qaannaa Maxamuud. Waa walaalkey iga weyn. Wuxuu ahaa nin hal-door ah, oo Soomaali ah, oo dadka wax badan usoo qabtay. Taariikhdiisa ugu dambeysay haddaan wax ka sheegana, Maxamuud wuxuu ahaa nin u shaqeyn jiray hay’adaha, gaar ahaan MSF. Wuxuu ku dhashay kuna koray magaalada Jilib, halkaasoo aad looga yaqaanno, haddana muddo sannado badan ah wuxuu u shaqeynayay shirkadda Hormuud Telecom Soomaaliya”, ayuu yiri Cabdifataax. Dhanka kale wuxuu beeniyay wararka sheegaya in Maxamuud Xaaji Salaad uu xubin ka ahaa ururka Al-Shabaab. “Waxaa loo baahan yahay in qofka muwaadinka Soomaaliga ah aan lagu sheegin wax uusan ahayn, ninkaas sal iyo raad kuma lahayn waxaas, qof u sameysan noocaasna maba ahayn, ururna shaqo kuma uusan lahayn. Wuxuu ahaa nin gacansade ah oo shaqeysta kana tirsan shirkadda Hormuud, shirkaddaasna Al-Shabaab ma aha, xiriirna lama laha”, ayuu yiri. Howlihiisa kale ayuu sheegay inay ka mid ahaayeen beeraha, wuxuuna yiri: “Sida ay dadkoo dhanba ogyihiin, meesha lagu weeraray waxay ahayd beertiisa, waa nin beeraley ah. Waxaan ka codsanayaa dadka walaalkey waxaas ku sheegay inay Alle ka baqaan”.
-
Afgooye (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose ka Afduubtay Muuse Cabaas Cusmaan, oo ka tirsan weriyaasha Shabeellada Hoose. Caasimada Online ayaa heshay xog sheegeysa in Weriye Cabaas oo sidoo kale ahaa qof ku shaqeysta Mootada Faykoonka dhowr cisho ka hor laga shirqoolay gudaha Afgooye. Laba nin oo bastoolad ku hubeysan ayaa weriye Cabaas ka dalbatay in uu geeyo degaan lagu magacaabo Nuun Garre oo ka tirsan Tooratoorow, waxaana kadib lagu wareejiyay dagaalamayaasha Al-Shabaab. Muuse Cabaas Cusmaan, waxa uu hadda ka tirsanaa Radio Afgooye, waxa uuna sidoo kale wakiil wareed u ahaa Radio Goobjoog ee Muqdisho. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in weriyaha loo qaaday Janaale, waxaana lagu heestaa war uu ka sii daayay Radio Afgooye ee gobalka Shabeelada Hoose. Xubno Al-Shabaab ah ayaa la sheegay in ay hore ugu digeen weriyaha hase yeeshee dad badan ayaa hadda ka walaacsan xaaladda Weriyaha oo aan la ogeyn sida ay ku dambeyn doonto. 16-kii bishaan ayaa gudaha Afgooye waxaa lagu dilay weriye Cabdiwali Cali Xasan Online oo ahaa 25 jir heesta laba caruur ah. Ma jirto cid sheegatay illaa hadda dilka weriye Online.
-
Wasiir qariyay inuu Coronavirus ka jiro Dalkiisa oo isagii laga helay caabuqa Iraj Harirchi mopped his brow at a news conference before testing positive for coronavirus disease. Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka ee dalka Iiraan ayaa laga helay Caabuqa Corona, xilli ay Iiraan ahdda si weyn ula tacaaleyso cudurkaas oo saameyn weyn ku yeeshay dalkeeda, ilaa haddana dilay 15 ruux. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijiyay in Iraj Harirchi uu ku dhacay cudurka dhawaan magaciisa loo bixiyay Covid-19, uuna hadda ku jiro karantiil. Madaxweyne Xasan Rouhani ayaa dhanka kale ku boorriyay dadka reer Iiraan inaysan argagixin, isagoo yiri: “Waan ka gudbi doonnaa Caabuqan”. Saraakiisha Iiraan ayaa isbuucii lasoo dhaafay xaqiijiyay in 95 ruux uu ku dhacay Corona, laakiin waxaa la rumeysan yahay in tirada saxda ah ay aad uga badan tahay intaas. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in kororka lama filaanka ah ee kiisaska laga soo tabiyay Iiraan uu yahay “mid walaac abuuraya”. Agaasime goboleedka hay’addan Qaramada Midoobay hoos tagta ayaa la filayay inuu Iiraan u duulo maalintii Talaadada, laakiin safarkiisa ayaa dib loo dhigay. In ka badan 80,000 oo kiisaska Caabuqa Corona ah ayaa laga soo tabiyay guud ahaan caalamka. 2,700 oo ruux ayaa lagu soo warramay inay u geeriyoodeen xanuunkan, tan iyo markii uu dillaacay dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay. Inta badan dadka uu soo ritay ama dilay waxay ku sugnaayeen waddanka Shiinaha. Isku dhaca u dhaxeeya diinta iyo Seyniska Waxaa diyaarisay Rana Rahimpour, oo ka tirsan BBC Persian Kooxo ayaa loo xil saaray inay ka shaqeeyaan nadaafadda goobaha ay dadka isugu tagaan, sida macbadka shiicada ee Hazrat Masumeh Wararka aan ka heleyno magaalooyinka dalka Iiraan waxay sheegayaan in tirada dadka uu cudurkan ku dhacay ay aad uga badan tahay inta ay sheegeen mas’uuliyiinta dowladda. Si ka duwan Talyaaniga, saraakiisha reer Iiraan waxay diidan yihiin inay karantiil kusoo rogaan goobaha uu saameeyay cudurka. Waxay sheegeen in karantiilka uu yahay wax mar hore laga tagay, iyaguna aysan hadda aaminsaneyn. Macbadyada Shiicada ee ku yaalla magaalooyinka Qom iyo Mashhad ayaa wali furan, iyadoo la ogyahay in magaalada Qom ay hoy u noqotay cudurkan cusub. Wadaadda ku sugan magaaladaas ayaa aaminsan in macbadyada Shiicada, oo ay isugu tagaan malaayiin ruux, ay yihiin goobaha lagu faano ee shiicada. In la xiro waxay noqon kartaa tallaabo weyn oo ay qaadaan wadaaddada, umana badna inay albaabbada isugu dhuftaan ilaa ay cadaadis xooggan kala kulmaan beesha caalamka. Halkaas waxaan ka arki karnaa dagaalka cad ee ka dhex aloosan diinta iyo seyniska. Inta badan dadka reer Iiraan ayaa hadda aad uga walaacsan saameynta caabuqan. Madaxweynaha Iiraan ayaa shacabka ugu baaqay inay isdajiyaan Iiraan ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay sabab u tahay kiisas Caabuqa Corona ah oo laga soo tabiyay waddamada dariska la ah ee Afghanistan, Baxreyn, Ciraaq, Kuwayt iyo Cumaan. Dhammaan dalalkan ayaa laga soo saaray sharciyo xaddidaya in loo sarfo ama laga soo galo dhinaca Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan. Imaaraadka Carabta, oo ah waddan marin u ah caalamka oo dhan, islamarkaana laga leeyahay diyaaradaha caalamiga ah ee Emirates iyo Etihad ayaa isbuucii lasoo dhaafay dalkiisa ka mamnuucay inay soo maraan rakaabka iyo xamuulka ka yimaada dhinaca Iiraan. Waddankan ayaa horay usoo tabiyay 13 kiis oo xanuunkaas ah, waxaana ka mid ah lamaane u dhashay dalka Iiraan. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Mudaneyaasha golaha wakiilada Somaliland, oo hadal ka jeedinayey fadhiga golaha, ayaa sheegay in Somaliland ay wajaheyso labo dagaal. Xildhibaan Qabile ayaa ka dhawaajiyey in labadaasi dagaal uu midkood sii hurinayo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo isagu qeyb ka ah dagaalka iyo muranada gudaha, waa sida uu hadalka u dhigaye. Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in dagaal kale uu Somaliland kaga socda dhinaca arrimaha dibadda, kaasi oo loo baahan yahay in umadda Somaliland ay u mideysnaato, oo cagtana loo dhigo siyaasada arrimaha dibadda. Qabile ayaa Xukuumada Biixi iyo Mucaaridka u soo jeediyay in laga wada-shaqeyo sidii ay Somaliland u heli laheyd madax-banaani, isla markaana qadiyadeeda gooni isu taaga kor loogo qaado, wuxuuna yiri “Labo dagaal ayaa ina horyaala, labadaasi dagaalna waa mid Masiiriya oo siyaasada arrimaha dibadda nagaga socda, oo Somaliland oo dhana ku socda, midna waa mid gudaha oo aanu isku wadno oo Xukuumadu ay horseed ka tahay”. “Xisbiyada iyo qarankan oo dhan cid baa loo igmaday oo madax u ah, cid baa loo baahan yahay inay qodaxda ka gurto, waxa loo baahan-yahay in arrintaa dagaalka dibadda ay Somaliland u midowdo”. Wuxuuna intaas kusii daray “Midaasina waxay suurobeysa waa marka ay jirto daah-furnaan, wada-tashi iyo taladoo laga wada qeyb galo, waa arrin aan soo dhoweynayo oo haddii aan u midoobi-weyno difaaca qaranimada Somaliland, cid gaari ma difaaci karto”.
-
Makka (Caasimadda Online) – Saraakiisha dalka Sucuudiga ayaa waxay amar ku bixiyeen in lasoo xiro gabar fanaanad ah kaddib markii la baahiyay hees ay qaaday oo ay ku amaaneyso haweenka ku nool magaalada barakeysa ee Makka. Fanaanada heestaan qaaday oo lagu magacaabo Ayasel Slay ayaa waxaa Ereyada heesteeda kamid ahaa in Haweenka Makka Al-Mukarama ay yihiin kuwa Awood leh oo qurxoon. “Gabadh reer Makka ah ayaa ah waxaad u baahan tahay oo dhan, ha ka xanaaqin, way ku dhaawaceysaa” Waa qeyb kamid ah Heesta Fanaanad Ayasel oo sharaxaad ka bixineysay sida Gabar kasoo jeedo Makka ay uga qurxoon tahay ugana awood badan tahay gabdhaha kale ee Sacuudiga. “Iyada hadaad heysato sunada waa dhameystiri kartaa (Waa guursan kartaa), nolosha aad iyada la qaadaneyso waa Janno” ayey ku tiri ammaanteeda Gabdhaha reer Makka. Muuqaalka Heestaan ayaa waxaa markii hore lasoo geliyey barta Youtube-ka ee Fananaad Ayasel inkastoo markii dambe laga bixiyey. Guddoomiyaha Magaalada barakeysan ee Makka ayaa tilmaamay in heesta ay qaaday fanaanadaan ay tahay mid fadeexad ku ah dhaqanka iyo caadooyinka ka jiro magaalada uu guddoomiyaha u yahay. Guddoomiye Khaalid Feysal ayaa sidoo kale amar ku bixiyey in xabsiga loo taxaabo dadkii ka dambeeyey in heestaan lagu faafiyo baraha Bulshada. “Heesta ay qaaday fanaanadaan waa mid liddi ku ah dhaqanka Shacabka ku Magaalada Makka Al-Mukarama” ayuu yiri Khaalid Feysal. Heesta ay qaaday fananaadaan ayaa si weyn looga farceliyey baraha Bulshada ee dalka Sacuudiga, waxaana Hashtag looga dhigay #You_Are_Not_Mecca’s_Girls.
-
Kismayo (PP News Desk)— Jubaland State Government declared a dire humanitarian situation in Gedo due to internal displacement caused by “the attack by the Federal Government of Somalia against” the region. In a press release issued after an an extraordinary meeting by the Jubaland council of ministers and parliament, Jubaland Government denounced the formation of an armed front in Gedo to undermine Jubaland State. “The Federal Government of Somalia created an armed front in Gedo. The front is commanded by the national intelligence agency. The Federal Government coopted persons who once held a position of authority in Jubaland State. Ahmed M. Islan: Jubaland State President On 23 of February militias of the front denied an airplane carrying relief supplies to land in Doolow.” the press release reads. Deployment of militias, who clashed with Jubaland forces, resulted in the displacement of upto 20,000 persons. The Federal Government of Somalia has been criticised for diverting resources meant to fight Al-shabaab to Gedo to destabilise Jubaland. The Mogadishu-based government does not recognise Jubaland State Government. © Puntland Post, 2020 The post Jubaland State Declares a Humanitarian Situation on Gedo appeared first on Puntland Post.
