-
Content Count
214,389 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Wargeyska Standard ee laga leeyahay dalka Kenya ayaa qoray in gebi ahaanba la xiray qeybta ugu muhiimsan xuduudka ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Kenya. Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayuu sheegay wargeyska inuu hoggaamiyeyaasha Gobolka Waqooyi Bari Kenya oo ay dagto Soomaalida kala hadlay xiritaanka xuduuda, waxaana la rumeysan yahay in arrintaan ay salka ku heyso go’aanadii kasoo baxay wadahadalkaas. Kulanka Madaxweynaha Kenya iyo Hoggaamiyaasha Waqooyi Bari oo ay Soomaalida dagto ayaa waxaa looga wadahadlay qaabka ugu fudud ee looga hortagi karo weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso gudaha Kenya. Madaxweyne Kenyatta ayaa soo jeediyey in qaabka ugu dudud ee weeraradaas looga hortagi karo ay tahay in la xiro xuduuda ka dhaxeyso Soomaaliya iyo Kenya isla markaasna halkaas la geeyo ciidamo badan oo ilaaliyo xuduuda. “Ciidamadeenu waxay xireen xadka ugu muhiimsan ee Kenya iyo Soomaaliya…mana jiri doono wixii haatan ka dambeeya weeraro ay argagixisada Al-Shabaab kusoo qaado Kenya,” ayuu raaciyey. Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in weerarada ay Al-Shabaab ka geystaan gudaha Kenya ay saameyn ku yeesheen Siyaadda Arrimaha Bulshada ee hoggaanka Kenya ayna diyaar u yihiin in si deg deg ah looga hortago weeraradaas. Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawr jeer wacad ku martay inay sii wadi doonto weerarada ay ka geysato gudaha Kenya inta ay Ciidamadaa Kenya ee ka tirsan Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya. Madaxweynaha Kenya ayaa isna dhawr jeer ku celceliyey inaysan ciidamadooda kala soo bixi doonin Soomaaliya inta laga soo afjarayo kooxda Al-Shabaab. Ugu dambeyntii Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlin tallaabada ay Kenya ku xirtay xuduuda labada dal, waxaana labadaan dowladood horey uga dhaxeeyey khilaaf ka dhashay muranka xuduuda Badda ee Somalia iyo Kenya.
-
U GOGOL XAARKII DAWLADAHA CASRIGAA Dhicistii Rome Waxa aynu horay u soo sheegnay in dabayaaqadii qarnigii 5aad ay qabaa’ishii Jarmalku dhulka dhigeen dawladdii Romanka. Ka hor intii aysan dhaqatadaani jabin dawladdii Romanka waxa jiray dagaallo qarniya socday oo labada qolo u dhaxeeyey. Inta badan dagaaladaan Romanka ayaa guushu raaci jirtey, laakiin marna uma suuroobin in ay ka takhalusaan qabaa’ishii badwiga ahayd ee u noolayd sidii uu Aadanuhu u noolaa marxaladdii labaad ee aynu soo tilmaanay. Bartamihii qarnigii koobaad ayay Rome kula wareegtay dagaal faraha looga gubtay dhulkii ay u yaqaaneen Britannia oo ah England-ta manta, kadib markii ay maquuniyeen raacatadii Celtic-ga oo ahaa qoomamkii dhulkaas ku noolaan jirey. Rome waxa ay Britannia xukumaysay illaa 410 AD. Dhanka kalana dagaaladii u dhaxeeyey raacatadii Jarmalka iyo Rome waxa ay soo gabagaboobeen kolkii qabaa’ishaani ay ka gol roonaadeen dawaladdii Romanka dabayaaqadii qarnigii 5aad. Qabaa’shii dhaqatada ahayd ee aan xaddaaradda iyo dawladnimada midna lahayni waxa ay qabsadeen dhulkii kunka sano xaddaaradda iyo dawladnimadu ka jirtay. Qabaa’ishii dhulkaan cagta mariyey waxaa ka mid ahaa Hans-kii, Almannigii, Angale iyo,Saxons-kii qabsaday ubucdii dawladda iyo Goths-kii qabsaday dhulkii loo yaqaanay Iberian Penisula (Spain iyo Portugal). Raacatadii Franksh-ku iyagu waxa ay salka dhigeen dhulkii Romanku Goals u aqoon jirey ee imminkana Faransiiska loo yaqaan. England ayaa iyana sidaas oo kale waxaa qabsaday xilligaan qaybo ka mida qabaa’ishaan, gaar ahaan kuwii Angale-Saxonka. Qarnigii 8aad na waxaa yimid Viking-gii dhanka Denmark ka soo duulay dhulkana cagta mariyey. Ugu dambayna qarnigii 11aad waxaa England ku soo duulay Normankii ka soo duulay dhanka Faransiiska oo ahaa qaybo ka mida qabaa’ishaan, laakiin horay badawnimadii ugaga baxay. Kuwaan waxaa hoggaaminayey Boqorkoodii William kii loo yaqaanay “The Conqueror”. Kuwaani waa qolyaha luuqadda iyo dawladnimada Ingiriiska seeska u dhigay. Wixii ka dambeeyey qaran-jabkaan,Yurub waxaa ku habsaday wixii loogu yeeri jirey casrigii madoobaa ee dib u dhaca, dawlad la’aanta iyo isdilka. Waxaa meesha ka baxay nidaamkii iyo kala dambayntii. Nasiib daro qolyihii dhulka qabsaday fawdo iyo halaag mooyee maysan ahayn kuwo kala dambayn iyo nidaam in ay dhisaan laga sugayey. Sida caadiga ah waxaa la yiraahdaa reer miyigu awood iyo karti ay wax ku qabsadaan waa leeyihiin lakiin awood iyo farsamo ay wax ku xukumaan ma lahan, taas ayaana rumowday. Laakiin wax waliba tartiib tartiib ayay isu soo baddalayeen ka dib markii cawaantii reer guuraaga ahayd ay Masiixiyaddii qaateen, gaar ahaan xilligii dhidibada loo taagay dawladdii Holey Roman Empire-ka qarnigii 9aad. Dadyowgii cawaanta iyo reer guuraaga ahaa iminka waxa ay noqdeen kuwo ah masiixiyiin madaniyiina oo horseeday in ay mar kale ku hammiyaan dib u yagleelidda Roman Empire-kii ay iyagu dumiyeen. Xligii dib u curashada Boqor Charlemagne oo ahaa duubkii Frankishka oo ahaa qabiil ka mida kuwii Jarlamaka ee dhulka qabsaday ayaa hogaamiye ka noqday nidaamkaan cusub ee dib u dhalashada reer Yurub. Charlemage oo imminka ah boqor masiixiya waxa uu weerar masiixiyayn iyo dawlad-dhisid ah ku qaaday qabaa’ishii ay raas-wadaagga ahaayeen oo wali cawaanimadoodii ku sugan, gaar ahaan kuwii Saxon-ka. In kasta oo dawladdaani guulo badan soo hoyisay dadyow badanna la maquuniyey lana masiixiyeeyey, qabaa’ishii reer guuraaga ahaana la tarbiyeeyey oo dawladnimada loo hoggaanshay, haddana aakhirkii dambe dadaaladaani Yurub waxa ay dhaxalsiiyeen dagaalo istaagi waayey iyo loolan hoose oo dami waayey. Waa xilligii ay dhaceen dagaaladii soddonka sano iyo kuwii siddeetanka sano. Waa xilligii ay yurub madaahibta diiniga ah isu laysay ee birta layska aslay. Waa xilligii madhabka Protestan-ku soo baxay fallaago na ku noqday madhabkii Catholigga ee masiixiyadda saldhigga u ahaa. Heshiiskii Westphalia Dagaaladii xoogga badanaa ee dhacayey labadii qarni ee 16aad iyo 17aad oo u dhaxeeyey labo xulufo oo dawladihii reer Yurub ka mida ahaa, waxa ay sabaabeen in Yurub kala adkaan waydo, maxaayeelay maamuladu waxa ay u badnaayeen dawlado isu itaal dhaw. Kolkii ay dhici wayday in hal qolo inta kale muquunisa, ama xulufo ay xulufo kale ka itaal roonaato, Yurub waxa ay gacan ka hadalkii ku soo afmeertay heshiiskii caanka noqday ee Westphalia 1648. Waa heshiiskii lagu dhammeeyey colaaddii qarniga socotay. Waa heshiiskii salka u noqday dawladaha casriga ah ee imminka Yurub ka jira inta kalana ku faafay. Heshiiskaani waxa uu dhigayay in la kala madax banaanaado, aan la isfaragalin, cid waliba xudduudaheeda leedahay iyo in aan madaahibta diiniga ah la isku layn la iskuna khasbin. Wixii heshiiskaan ka dambeeyey Yurub waxa ay gashay casri cusub oo ay dawladaheeda u dhisatay si ka gadisan sidii kuwii hore u dhisnaan jireen. Waxa uu heshiiskaani Yurub dhaxalsiiyey nidaamka dawladaha casriga ah ( modern States) iyo midka Natoin States-ka loo yaqaan. Oo ah meesha dawladnimada aynu manta naqaanaayi ka soo jeedo. Dawladaha noocaasa waxa aynu uga hadli doonaa qormadeena dambe haddii Alle idmo La soco qaybata 6aad Mohamed Ahmed Elmi. The post Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 5aad appeared first on Puntland Post.
-
Bosaso (PP) — Bosaso-based small business owners complain of the new sales tax in the Puntland State budget passed by the parliament of the Federal Member State. People in Bosaso woke up to local businesses still closed for business, while goods imported still remain in Bosaso Port stores due to unpaid import levies. Baydhaba (PP)— South West State of Somalia yesterday publicised the schedule for selecting a new cohort of MPs for the administration of President Abdiasis Lafagareen. The selection of MPs will last ten days (1 March to 10 March). Jowhar (PP) — Hirshabelle State is preparing for one person, one vote polls, according to Ali Abdullahuli Hussein, the Vice President of Hirshabelle. Mr Hussein said Hirshabelle “supports the electoral law signed into law by the President of Somalia.” Garowe (PP)— The First Level Court of Nugaal region resumed hearing of a murder and rape case. Seven men are on trial for the murder and rape of Hodan Mohamed in Garowe one year ago. The father of the late Hodan was at the hearing. © Puntland Post , 2020 The post PUNTLAND POST NEWS IN BRIEF appeared first on Puntland Post.
-
Wararka aan ka helayno gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxa ay ku waramayaan in magaalada Caabudwaaq ee gobalkaasi lagu soo bandhigay Khamri aad u fara badan. Taliska booliska magaalada Caabudwaaq ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen qaar ka mid ah xaafadaha magaaladaasi ay ku soo qabteen dhallooyin Khamri ah iyo nuuc ka mid ah xashiishka, iyaga oo tilmaamay in Khamrigaasi uu gaarayay ilaa iyo ku dhawaad 100 dhalo oo Khamri ah. Sidoo kale taliska Caabudwaaqa ayaa lagu wadaa in isla magaaladaasi ay ku gubaan quraaradahan Khamriga ah, waxa ayna digniin u direen shacabka, iyaga oo ka dalbaday in ay ka fejignaadaan waxyaabaha nuucaan oo kale ah. Magaalooyinka qaar ee dalka ayaa mararka qaarkood waxaa laga fuliyaa howlgallo ceynkaan oo kale ah kaasi oo lagu soo qabto waxyaabaha maanka dooriya oo bulshada dhibaatooyin kala duwan u keena. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledxaawo (Caasimadda Online) – Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Cutubyo ka tirsan Ciidanka Darawiishta Jubbaland ay u dirtay Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo. Ciidankan oo ku hubaysan gadiidka dagaalka ayaa Xalay ku biiray Ciidamada Darawiishta Jubbaland ee ku sugan magaalada Beledxaawo. War ka soo baxay Maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Ciidamo hubaysan oo ka baxay Dhooblay ay ku biireen Ciidanka Darawiishta Jubbaland ee ku sugan duleedka Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo. Hay’adaha ammaanka Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamadan ay xasilooni iyo daganaansho ku soo dabaali doonan deegaanadan oo maalmahii la soo dhaafay ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadeen ciidamo ay Dowladda Soomaaliya diyaarado kusoo daabushay. Sida ay ogaatay Caasimadda Online, Ciidankaan oo ka baxay Dhoobley ayaa sii maray deegaanada Diif, Gariiley, Ceel-Waaq waxayna ugu dambeyn si nabadgalyo ah ku gaareen degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo. Ciidamadaan gaaray Magaalada Beledxaawo ayaa kusoo aadayo xilli Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaaladda Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose halkaas oo uu ka waday olole uu uga hortagayo damaca Dowladda Federaalka ee ah inay xoog ku qabsato Gobolka Gedo. Inkastoo ciidamada Dowladda Federaalka ay gacanta ku hayaan inta badan deegaanada Gobolka Gedo, haddana waxaa laga cabsi qabaa inuu dagaal ka dhex qarxo ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa ay Dowladda Soomaaliya diyaaradaha ku geysay Gobolka Gedo. Wixii warar ah ee kusoo kordha xiisadda ka taagan Magaalada Beledxaawo waxaad ku ogaan doontaan wararkeena soo socdo Inshaa Allah.
-
(SLT-Riyadh)-Dowladda Sucuudiga ayaa Ku dhawaaqday inay hakisay dadka Muslimiinta ah ee Cumrada u tagayay Magaalooyinka barakeysan ee Sucuudiga oo dad badan ay isku diyaarinayeen inay soo cumreystaan. Sucuudiga Wasaaradda u qaabilsan arrimaha Xajka iyo Cumrada ayaa Ku sheegtay in si KMG ah iyada oo cabsi iyo wel-wel weyn ka qabta xanuunka halista ah ee Coronavirus kaas oo kusii faafaya dalal badan oo caalamka ah. Cudurka Coronavirus oo markiisii hore ka dillaacay Shiinaha waxa uu gaadhay dalal badan oo dunida ah waxaana weli laga cabsi qaba in uu sii gaadho dalal kale oo hor leh, waxaana lagu howlanyahay ka hortagiisa. Go’aan hore oo ay soo saartay dowladda Sucuudiga ayaa ku sheegtay inay mamnuucday dadka gelaya Iiraan oo fara ba’an uu ku hayo cudurkaa, inta la xaqiijiyayna 19- ayaa u dhintay 200 oo kale ayaan la il-daran. Source
-
Wararka naga soo gaaraya gobalka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in dowlad goboleedka jubbaland ay ciidamo fara badan geysay degmada beladxaawo ee gobalkaasi. Ciidankan oo la sheegay in ay ka soo ambabaxeen degmada Dhoobleey ee gobalka Jubbada hoose ayaa waxa ay ku hubeysnaayeen gaadiidka dagaalka, iyaga oo xalay ku soo biiray ciidamada daraawiishta Jubbaland ee ku sugan magaalada Beladxaawo. Saraakiisha ciidanka oo la hadlay warbaahinta Jubbaland ayaa waxa ay ciidankan la geeyay magaaladaasi ku micneeyeen in ay tahay sidii loo sugi lagaa amniga oo ay tilmaameen in muddooyinkii dambe ay deegaanadaasi ka dhacayeen rabshado iyo falal amniga lidi ku ah. Magaalada Beladxaawo ayaa waxaa horay ciidan u geysay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana magaaladaasi mar ka dhacay isku dhac sababay dhimasho iyo dhaawac oo dhexmaray ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladdu ay gobalkaasi geysay. Mareykanka ayaa dowladda federaalka ku dhaliilay in ciidanka ay geysay Gedo uu yahay duulan islamarkaana aysan ahayn wax la aqbali kari in dowladdu ay ku duusho deegaanada qaar ee dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasismadda Online) – Taliyaha Ciidanka Booliiska DOWLADDA Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse oo wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa ka warbixiyay hawlgal culus oo Booliisku ka bilaabeen magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Janeraal Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay in ammaanka deegaannada kala duwan ee Maamulkaas aad loo adkeeyey,isla markaana Puntland ay ilaalineyso xaduudaheeda. Janeraal Muxudiin ayaa waxaa uu ka hadlay wararka soo baxayay oo sheegayay in Dowladda Soomaaliya ay Ciidamo geyneyso qeybo kamid ah gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkaccyo ayaa sheegay inay iska difaacayaan. “Xaqiiqdii hadii Dowladdu keento Ciidanka Haramcad anagana waxaan u diyaarinayaa Ciidanka Shabeelka oo iska difaacaya,waxaana ay Ciidanku diyaar u yihiin difaaca dhulka,waxaana ugu baaqayaa Shacabka inay Ciidamada la Shaqeeyaan ayuu yiri”Taliyaha. Guddoomiyihi hore ee Gobolka Mudug Puntland ayaa goor sii horeysay waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso inay Ciidamo geyso deegaano ka tirsan gobolka Mudug,hayeeshee Puntland ay u diyaarsan tahay iskana difaaci doonto. Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay horay u geysay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland,iyaga oo Ciidamadaas howlgallo kala duwan ka wadaan degmooyinka Gobolkaas. Puntland ayaa walaac ka muujisay hadal heynta la xiriirta in Ciidamo ka socda Dowladda Federaalka ah la geynayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Hadal hayntaan ayaa timid ka dib markii dhawaan Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar uu magacaabay Taliska qaybta Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.
-
Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Cutubyo ka tirsan Ciidanka Darawiishta Jubbaland u dirtay Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo dowladda Federaalku ku daabushay. Saraakiil ka tirsan Jubaland ayaa laga soo xigtay in Ciidankaa oo ku hubaysan gadiidka dagaalka ay tiro ahaan gaarayaan 150 Askari islamarkaana Xalay ay ku biireen Ciidamada Darawiishta Jubbaland ee ku sugan duleedka Beled Xaawo Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamadaas ay Xasilooni iyo daganaansho kusoo dabaali doonan deegaanadan oo maalmahii lasoo dhaafay ay ka jirtay rabshado iyo falal amaanka lid ku ah. Ciidanka oo xalay ka baxay magaalada Dhoobley ayaa la sheegay in ay si nabad ah ku gaareen degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo si ay ugu biiraan ciidanka daraawiishta Jubbaland ee ku sugan duleedka Beled Xaawo. PUNTLAND POST The post Jubaland oo ciidamo xooggan u dirtay degmada Beled Xaawo appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (SMN) – Baarlamaanka Galmudug ayaa kalsooni weyn ka muujiyey in la xaliyo tabashadda ka dhalatay doorashadii madaxweyne Qoor-qoor. Xasan Keynaan Xalane, xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Galmudug, ayaa sheegay in kulamada lagu raadinayo xalka ay ka socdaan Dhuusamareeb. Dhinacyadda ay ku qancin natiijadda uu guusha ku helay Qoor-qoor ayuu rajeeyay in ay u tanaasuli doonan danta iyo horumarka Galmudug. Mudaneyaasha ayuu hoosta ka xariiqay in ay dhankooda ka wadaan baadigoobka xalka isla markaana uusan kali ku ahayn Qoor-qoor. Labadii bishaan Febraayo ayay ahayd markii Qoor-qoor loo doortay madaxweynaha Galmudug, wallow natiijadaas ay qaadaceen qaar kamida siyaasiyiinta. View the full article
-
Jowhar (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ka dhacay degaanka Xaaji Cali ee hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamadda milatariga Soomaaliya iyo kuwa Macawiisley, sidda ay sheegeen dadka degaanka. Inta la xaqiijiyey afar qof oo ay ku jirto haweenay ayaa ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay tirro kale. Dadka dhaawaca ah waxaa lagu waramay in uu kamid yahay sarkaal ciidan kaasoo magaciisa lagu soo koobay Ilkacase. Qof kamid ah dadka degaanka ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka uu yimid markii ay dhinacyadda isku qabteen khaad. Inta badan dhacdooyinka noocaan ah ayaa looga bartay goboladda dalka, waxaana waxyeeladda ugu badan ay soo gaartaa shacabka lagu dul-diriray. View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay xireen gudoomiyihii Ahlu Sunna ugu magacownaa Dhuusamareeb. Axmed Walad Cabdalla ayaa la tilmaamay in lala xiray xubno kale isagoo kasoo baxay xarunta Inji ee magaaladda. Askari ilaalo u ahaa Axmed Walad ayaa la tilmaamay in uu kamid ah shaqsiyaadka loo dhaadhciyey jeelka. Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa arrintaas. Laamaha ammaanka ayaanan wali fahfaahin ka bixin xarigaas. Dedaalo lagu soo deynaayo xubnahaas ayaa la sheegay in ay waddaan odayaasha dhaqanka oo rajo wanaagsan qaba. Dhuusamareeb waxaa ka socda kulamo iska soo horjeeda oo ay waddaan madaxda cusub ee Galmudug iyo Ahlu Sunna oo diidey in ay aqoonsato. View the full article
-
Laascaanood (SMN) – Xaalad kacsanaan ah ayaa waxaa la sheegay in laga dareemayo degaano ka tirsan gobolka Sanaag. Si gaar ah tuuladda Hadaaftimo ayaa la tilmaamay in ay ka jirto xiisadda, halkaasoo ay ku dagaalameen Puntland iyo Somaliland. Abshir Maxamed Aadan, aqoonyahan kasoo jeeda gobolkaas, ayaa siyaasiyiin dano gaar ah leh ku eedeeyay hurinta colaada. Isagoo u waramay warbaahinta Shabelle, wuxuu tilmaamay in colaada salka ku hayso in ay beel ku biirto Somaliland ama Puntland. Ugu dambeyntii, wuxuu dhinacyadda ku booriyey in ay joojiyaan colaadda isla markaana ay kawada shaqeeyaan xasilinta gobolka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Shirka Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay xarunta Dhalinyarada Gobolka Banaadir. Shirkaan waxaa gudoominayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Casimadda Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish). Waxaa looga hadlay shirka ololaha canshuur ururinta Furitaanka wadooyinka muhiimka ah si ay shacabka ugu fududaato adeegyadooda. Sidoo kale, waxaa looga hadlay dardar-galinta nadaafadda magaalada, amniga iyo sidii dhismeyaasha ku yaala hareeraha wax looga qaban lahaa. Ugu dambeyntii, Filish ayaa ku amray gudoomiyeyaasha degmooyinka in ay wax ka qabtaan arrintaas, sidda uu sheegay afhayeenkiisa. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-270220.mp3 View the full article
-
Af-hayeenka malayshiyaadka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ku sugantahay xaalad Rafasho ah kadib weeraro qorshaysan oo Al-shabaab ka gaysteen gudaha dalkaasi Kenya. Cali Dheer ayaa soo taxay weerarro waaweyn oo Al-shabaab sannadihii la soo dhaafay ka fulisay gudaha dalka Kenay kuwaas oo uu sheegay in ay filan-waa ku noqdeen dowladda Kenya islamarkaana cabsi iyo walaac baahsan ku abuureen. Sidoo kale wuxuu sheegay in Al-shabaab sii wadayso weerarada ay ka gaystaan gudaha waddanka Kenya waxaana uu tilmaamay in loo aar-gudayo dhibaatooyin ay Kenya gaarsiisay shacabka NFD iyo kuwa kale oo ay ka gaysatay gudaha Soomaaliya. Af-hayeenka Al-shabaab ayaa sidoo kale shacabka NFD ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan lana shaqeeyaan malayshiyaadka Al-shabaab ee ka hawlgala Waqooyi Bari Kenya. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegtay in dowladda Kenya ku sugantahay xaalad Rafasho ah appeared first on Puntland Post.
-
In this file photo posted on the Twitter page of Syria’s al-Qaida-linked Nusra Front on March 28, 2015, a fighter from Syria’s al-Qaida-linked Nusra Front holds his group flag, in Idlib, Syria. (AP) LONDON – A Qatari “humanitarian” organisation run by a royal family member has been accused of funnelling money to extremists in Syria and Sudan as part of the regime’s affinities with the Muslim Brotherhood and its jihadist offshoots. The Thani Bin Abdullah Al Thani for Humanitarian Services (RAF Foundation), a civil society group that claims to work on international emergency relief and development projects, has been linked to Syrian extremist groups and Brotherhood-linked armed groups in Sudan. For years, the organisation has partnered with designated terror financiers to channel tens of millions of dollars in weapons and supplies to extremists, deepening conflict in the war-torn areas. One of the organisation’s members is an internationally designated terrorist Mohammed Jassim al-Sulaiti, who has a long track record of trafficking money and supplies to Syria’s al-Nusra front. Nabil al-Awadi and Shafi al-Ajmi, both blacklisted by the US and the UN as terror financiers, have also used the organisation to fund designated terror groups. Another terror financier that used the organisation to channel funds, Shafi, al-Ajm, even boasted about having received some $52,000 to “prepare the mujahideen” in Syria. The total amount of money the organisation is suspected of providing to Syrian extremists is staggering. It is estimated to have funnelled some $130 million in weapons and supplies to extremists in Syria under the cover of humanitarian aid. Further evidence of impropriety is the banks it has used for transactions. Some transactions were made through Rayan Bank and Qatar Islamic Bank, both of which face corruption lawsuits and the former of which is being investigated by the UK for money laundering and terror financing. RAF’s activities are equally troubling in Sudan, where it has spent an estimated $37 million arming fighters in Darfur that are driven by the Muslim Brotherhood. In Sudan, the concern has been that the Qatari role might thwart the transitional phase in the country, and turn the mood of the street against the Transitional Council, and then hope to pave the way for the return to power, one way or the other, to the Muslim Brotherhood. Qatar is also accused of having established many arms caches inside Sudan, to support groups loyal to Doha, whether on the political level such as establishing new parties or supporting existing parties close to the Muslim Brotherhood, led by the reform movement led by Ghazi Salah al-Din in order to control the political scene. Doha’s support of the Muslim Brotherhood and affiliated groups is a major point of contention with its Gulf Arab neighbours, which have blacklisted RAF for terror financing. Journalist Andrew Gilligan mentioned the Qatari organisation’s alleged role in terror financing in an article in The Telegraph in 2014 titled “Club Med for Terrorists” in which he highlighted the regime’s broader efforts to fund designated terror groups in the region. “The evidence for the Qatari government’s own links with extremists – some of whom raised money that ended up with Isil (ISIS) – is irrefutable,” Gilligan wrote in the article. ‘“There are eight to 12 key figures in Qatar raising millions of pounds for the jihadis,’” he quoted one Western diplomat as saying. “‘There’s not even much attempt to keep quiet about it.” On February 19, the Qatari Minister of Foreign Affairs, Sheikh Mohammed Bin Abdulrahman Al Thani, denied claims that Doha has provided support for any of the terrorist groups in Syria, explaining that his country has only supported the Syrian people through humanitarian organisations. The Qatari minister told reporters in Brussels that “supporting the Syrian opposition at one point was a collective effort by a group of countries”. On 5 June 2017, Saudi Arabia, the UAE, Egypt and Bahrain cut diplomatic and economic ties with Qatar, accusing it of supporting terrorist groups across the region. The four countries also imposed an embargo on Qatar and issued a 13-point list of demands ,including the severing of tirs with Islamic extremists and downgrading relations with Iran, under the threat of further sanctions. Source: The Arab Weekly The post Qatar-run organisation accused of funneling money to terrorists appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in halkaas Xalay lagu xiray Guddoomiyihii hore ee degmada Dhuusamareeb ugu Magacaawnaa hoggaanka Ahlusunna Axmed Walad Cabdalla. Guddoomiyihii hore iyo xubnaha la socday ayaa lasoo sheegayaa inay xireen ciidamada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya geysay Magaalada Dhuusamareeb. Xubnaha la xiray ayaa xilliga la xirayey waxay kasoo baxeen Xerada Inji oo xarun u ah hoggaanka Ahlu Susnna ee ku biiray Maamulka Galmudug isla markaasna hadda aan aqoonsaneyn madaxweynaha dowladda ay wadato ee Galmudug Axmed Qoor Qoor. Sababta loo xiray xubnahaan ayaa lagu sheegay inay tahay amar kasoo baxay madaxda ugu sareyso Maamulka Galmudug oo lagu amray in lagu xadido dhaqdhaqaaqa gelintaanka ama kasoo bixidda Xarunta Inji oo ay gacanta ku hayaan ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna. Hoggaanka Ahlusunna oo ka soo horjeeda Maamulka Galmudug ee Dowladu Aqoonsantahay ayaanan weli ka hadlin tallaabadaan lagu xiray xubno taageersan oo uu kamid yahay guddoomiyihi hore ee degmada Dhuusamareeb. Xariga xubnahaan ka tirsan Alh Sunna ayaa kusoo aadayo xilli weli uu jiro khilaafkii ka dhashay doorashadii ka dhacdey Magaalada Dhuusamareeb.
-
ECONET Global Limited, owned by Zimbabwean billionaire Mr Strive Masiyiwa, is keen to acquire a telecommunications licence in Ethiopia, Source: Hiiraan Online
-
WAR-SAXAAFADEED: Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay aad uga xun tahay war-saxaafadeedyo xilliyo kala duwan ay si wadajir ah u soo saareen Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (UNSOM), iyo daneeyayaasha doorashooyinka Soomaaliya. War-saxaafadeedyada ku kala taariikhaysan 28 January 2020 iyo 25 February 2020 waxa laga ga hadlay arrimo khuseeya doorashooyinka Soomaaliya, sidoo kale waxa lagu xusay wax loogu yeedhay ‘’Nidaamka Xulista Qoondada Kuraasta Somaliland’’. Somaliland waxa ay hormuud u tahay dimuqraadiyadda Geeska Africa. Waxa marar badan Somaliland ka qabsoomay doorashooyin ay goobjoogayaal caalamka daafihiisa ka kala yimid ka markhaati kaceen in ay ahaayeen kuwo xor iyo xalaal ah. Dawladda Somaliland waxa ay daneeyayaasha doorashoooyinka Soomaaliya uga digaysaa in ay ku xad gudbaan Madaxbannaanida iyo Qarannimadda Somaliland. War-saxaafadeedyada noocan ah waxa ay Somaliland u aragtaa tallaabooyin lagu wiiqayo xasiloonida iyo dimuquraadiyadda Somaliland. Ugu dambayn, Dawladda Soomaliland waxa ay cod dheer ugu sheegaysaa bulshada caalamka in aanay qayb ka ahayn doorashooyinka Soomaaliya. Sidoo kale Somaliland waxa ay aaminsan tahay in isku-day kasta oo arrintan la xidhiidhaa ay gobolka ku keeni karo cawaaqib xumo siyaasadeed iyo mid amni. Ahmed Omer Elmi Director of Communication Department, Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation, Republic of Somaliland +252634448882 | ahmed.omer@somalilandmfa.com ### Website: WWW.Somalilandmfa.com Email: Communication@somalilandmfa.com Qaran News
-
Nurdin Mohamed is Asgardia’s resident since 2017 and an active member of the First Space Nation’s community. Nurdin is Somali and lives in Kenya. He is now getting a degree in computer science at United States International University in Nairobi. Source: Hiiraan Online
