Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. THE DOW JONES Industrial Average closed Thursday down nearly 1,200 points – its largest single-day drop in history – as U.S. stocks were driven into correction territory by escalating concern over the ongoing coronavirus outbreak. Source: Hiiraan Online
  2. War qoraal ah oo ka soo baxay Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka Ahlusuna ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladu wado Abaabulka Dagaal markale Dhuusamareeb ka dhaca iyo weerar lagu beegsanayo Madaxda Ahlusunna. Ahlu sunna ayaa sheegtay in Ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan Dhuusamareeb ay si bareer ah u weerareen Xarunta Inji oo ay ku sugan yihiin Hogaankooda sare, iyaga oo Dowladda ku eedeeyay in ay wali wado abaabul kale. “Waxa aan Caddeynaynaa in Ciidamo ka amar qaata DFS ay weerar Bareer ah ku qaadeen Xarunta INJI ay ku sugan yihiin hogaanka ASWJ, taas oo marqaati u ah sida DFS ay ga go’an tahay la dagaalanaka dadkii naf iyo maal u huray ka xoreynta deegaanadaan Al-Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka Ahlu sunna. “Waxa aan caddeyneenaa DFS in ay weli wado abaabul ciidan, iyadoo kasoo daabuleyso Muqdisho iyo deegaanno kale si ay dagaal ugu rido Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayna ka been sheegto howlgalada ay ka wadaan Galmudug”. Ayaa qoraalka la sii raaciyay. Halkaan ka akhriso qoraalka PUNTLAND POST The post Ahlu Sunna oo ku eedeeyay dowlada federalka in ay colaad ka hurinayso Galmudug appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay xalay dil ka geysteen degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho. Goobjoogeyaal ayaa tilmaamay in shaqsiga la khaarijiyey uu ahaa askari ka tirsan Ciidamadda dowladda. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkaas oo kasoo baxay dhanka Laamaha ammaanka ee xukuumadda Soomaaliya. Dhanka kale, Al-Shabaab oo falkaas sheegatay ayaa xustay in ruuxa ay beegsatay uu ahaa gudoomiyaha laanta Tabakaayamadow. Magaciisa ayaa waxay ku sheegtay Muuse Guuleed. Falalka khaarijinta ah ayaa xiliyadda qaar ka dhaca magaala madaxda waddanka, waxaana ciidamadda ay ku howlan yihiin sidii loo yareyn lahaa. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii dalka loo xasilin lahaa. Xasan Cali Maxamed [Amar-dambe] ayaa tilmaamay in xukuumadda ay ka go’an tahay sidii Al-Shabaab looga adkaan lahaa. Dadweynaha ayuu ku booriyey in warbixinadda la xiriira dhanka nabad-gelyadda ay la wadagaan Hay’addaha Amaanka. Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiir Amar dambe ayaa ku nuux-nuux saday in taageerada caalamiga ah ee ciidanka ay korodhay. Hadalkaan ayuu ka sheegay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, taasoo uu tababar ugu soo xiray Ciidamo u tababartay Dowlada Turkiga. View the full article
  5. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha Ururka Ahlusunna ee Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Federalka ay ka wado abaabulka dagaal oo markale Dhuusamareeb ka dhaca iyo weerar lagu beegsanayo Madaxda Ahlusunna. Qoraalkan ayaa waxaa loogag hadlay iska horimaad xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, waxaana lagu sheegay in Ciidamada Dowladda ay soo weerareen Xarunta Inji oo ay degan yihin hoggaanka Ahlusunna. “Waxa aan Caddeynaynaa in Ciidamo ka amar qaata DFS ay weerar Bareer ah ku qaadeen Xarunta INJI ay ku sugan yihiin hogaanka ASWJ, taas oo marqaati u ah sida DFS ay ga go’an tahay la dagaalanaka dadkii naf iyo maal u huray ka xoreynta deegaanadaan Al-Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka Ahlu sunna. Sidoo kale qoraalka Ahlu sunna ayaa lagu yir “Waxa aan caddeyneenaa DFS in ay weli wado abaabul ciidan, iyadoo kasoo daabuleyso Muqdisho iyo deegaanno kale si ay dagaal ugu rido Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayna ka been sheegto howlgalada ay ka wadaan Galmudug”. Xaalada magaalada Dhuusamareeb ayaa degen saaka inkastoo ay weli jirto xiisad ka dhalatay iskahorimaad ka dhacay xalay magaalada Dhuusamareeb. Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir
  6. Dhuusaamareeb (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor-imaad kooban oo xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb. Dagaalka oo daqiiqado dhowr ah socday ayaa u dhaxeeyay ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa ururka Ahlu Sunna Waljameeca. Inta la xaqiijiyey laba ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay rasaasta ay dhinacyadda is-weedaarsadeen. Iska hor-imaadka ayaa yimid markii ciidamadda dowladdu isku dayeen in ay joojiyaan gaari kasoo baxay xarunta INJI, fariisinka Ahlu Sunna. Xaaladda magaalada ayaa haatan kacsan, waxaana la sheegay in aysan jirin saan-saan lagu qaboojinayo xiisadda colaadeed. Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa Ahlu Sunna ku eedeeyay dagaalka. Dhankiisa, Sheekh Shaakir oo bayaan kale soo saarey ayaa dowladda ku dhaliilay in ay hurineyso dhiilo colaadeed, sidda uu hadalka u dhigay. Dhuusamareeb waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka jirtay xaalad kacsanaan ah, taasoo dadka ay ka digayeen in ay gacan ka hadal isku bedesho. View the full article
  7. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal xalay magaalada Dhuusamareeb ku dhex maray ciidamo ka kala tirsan dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa Ahlusunna Dagaalka ayaa ku bilowday sida la sheegay, markii gaari kasoo baxay xarunta Inji oo ay degan yihiin hoggaanka Ahlusunna, uu isku dayay in uu xoog ku maro bar kontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ee soomaaliya, sida laga soo xigtay goobjoogayaal Rasaas in mudo ah socotay ayaa laga maqlayay agagaarka xarunta Inji oo maalmihii u dambeeyey ay go’doon ku ahaayeen hoggaanka sare ee Ahlusunna. Inta la xaqiijiyay 1 qof ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka 5 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen, iyadoona dadka ku dhaawacmay dagaalka la dhigay isbitaalka Magaalada Dhuusamareb. PUNTLAND POST The post Faahfaahin dagaal xalay ka dhacay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-28022020.mp3 View the full article
  9. Qoraalkan hoose waxaa bartiisa facebook kusoo qoray xildhibaan Mahad Salaad Aflagaadada iyo barobagaandada ka dhanka ah Madaxweyne Cali Mahdi iyo Muxiyadiin Darba-Weyne waa colaad iyo isir nacayb loo qabo qabiilka Mogadishu Clan! Maalmahaan waxa baraha bulshada soo buux dhaafiyay dad mas’uulyihiin sheeganaya oo aflagaadeynaya Madaxweyne Cali Mahdi iyo Muxiydiin Darba-Weyne. Waxaan iswaydiiyay maxaa lagu heystaa labadaan Oday. Baaritaan dheer kadib waxa ii soo baxay colaad iyo isir nacayb loo qabo qabiilka Mogadishu Clan in ay tahay waxa loo beegsanayo mas’uuliyiintaan. Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu yiri “Mudulood waa shiri karaa, cid wax uusan rabin Soomaaliya ka sameyn kartana majirto” waana hadal gar ah, sababtoo ah isagoo dalkaan ka soo noqday Madaxweyne ayuu waayay xurmadii iyo xaq dhowrkii uu ku lahaa dalkaan mid shaqsi ah iyo mid deegaan intaba. Tusaale ahaan: 1. Dabayaaqadii sanadkii tagay ayay ahayd markii ilaalada Madaxweyne Farmaajo ee loo yaqaano koofiya gaduuda ka celiyeen mid kamid ah baraha Koontorool ee laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya, kuna xujeeyeen in uu la yimaado aqoonsi (ID CARD) uu ku maro wadada Makka Almukarama ee hor marta madaxtooyada Soomaaliya! 2. Madaxweyne Cali Mahdi oo aad uga xumaaday arintaan ayaa raadiyay Madaxweyne Farmaajo si u ogaado in uu wax la ogyahay askarta celisay iyo in ay tahay wax ay iyagu soo hindiseen. Laakiin nasiib daro mar kale ayaa Farmaajo ku yiri aqoonsi (ID CARD) halaguu sameeyo Caliyow! 3. Iyada oo intaas ay ku dhacday ayaa mar sadexaad lagu yiri isaga iyo bahdii uu ka dhashay ee Mudulood kuma shiri kartaan gurigiina, markii ay yiraahdeen yaa noo diidana mar kale ayaa lagu yiri Farmaajo fasax soo waydiista! Haddaba hadii intaas oo shey halmar kugu wada dhacaan maxaad samayn lahayd? Aniga waxaan qabaa Madaxweyne Cali Mahdi waa asluubeystay ee intaas ka badan ayaa la gudbooneed. Kase hor dhici maayo ee xilligeeda ayaan la sugaynaa iyadaaba lagu tagi doonaaye! Mida adeerkey Muxiyadiin Darba-Weyne nin Wasiir ah, una gafay Odayga iyo Bah Weynta Mogadishu Clan oo yiri adiga iyo dadka u hadlaya Gobolka Banaadir reer Baadiyeyaal ayaad tihiin, ayuu u jawaabay. Wuxuuna ku yiri Gobolka Banaadir canshuurtiisa ayaad cuntaa, waxna lagaa waydiin maayo ee dantaada haka habsoomin”. Waaba yaabe muxuu haleeyay oo isagana lagu heystaa?! Aniga waxay ila tahay meeshaan waxaa ka muuqda dagaal qaawan oo lagu soo qaaday dadkaan Hawiyaha ah. Lana rabo dad ahaan iyo deegaan ahaanba in la baabi’iyo, kuwii siyaasada ku matalayayna waa gabeen, oo sidii niman dalal kale Xildhibaano iyo Wasiiro u ah ay barwaaqo sooran iyo horumar la hiigsanayo ka sheekeynayaan. Dadkii ay matalayeena hoostooda ayay ku baaba’een! Madaxweyne Cali Mahdi iyo Adeer Muxiyadiin waad mahadsantihiin ee shaqada meesha aad ka haysaan kasii laba jibaara, aniga iyo inta ila fikirka ahna gadaal naga fiirin meysaan ee garbihiina naga daya inshaa’allah. Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad
  10. WASHINGTON - The World Bank on Thursday said it is normalizing relations with the Federal Government of Somalia after 30 years. Source: Hiiraan Online
  11. The Justice Department announced Wednesday that it's dedicating a section of its workforce to review denaturalization cases -- a move that's likely to worry immigrant advocates who've expressed concern about the administration stripping citizenship from Americans. Source: Hiiraan Online
  12. GAROWE, Somalia (Thomson Reuters Foundation) - The release of a Somali man on death row for the rape and murder of a 12-year-old girl after he paid 75 camels undermines a landmark law to curb gender violence and promotes a culture of impunity in the east African nation, women’s rights groups said. Source: Hiiraan Online
  13. Mandheera (Caasimada Online) – Culilmada magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, oo shalay kulan isugu yimid, ayaa war kasoo saaray joogitaanka magaaladaas ee wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan. Ugu horeyn Sheekh Cabdullaahi Xuseen Buulle oo ah madaxa iimaamyada ee magaalada Mandhera, oo kadib kulanka la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ay ka culimo ahaan cambaareynayaan ciidamada uu wato wasiir Janan oo uu sheegay in ay fariisimo ku leeyihiin inta u dhaxeysa magaalooyinka BB1 iyo Mandheera, isagoo dowladda Kenya ka dalbaday in ciidamadaas laga saaro gobolka. “Waxaan cambaareyneynaa in ciidamada militeriga ah ee kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya in ay meeshaas noo fadhiyaan, mida kale ciidamadaas ninka hoggaamiya waa nin adduunka dhan uu isku waafaqay in uu yahay nin dad dhibaateeyey, marka nin aduunka dhan uu raadinaayo in magaaladeena Mandheera lagu dhex haayo waa sharci darro” ayuu yiri madaxa iimaamyada Mandhera Sheekh Cabdullaahi Xuseen Buulle. Sheekha oo sii hadlaayey ayaa sheegay in waxa ka dhexeeya Soomaaliya ay iyaga u taallo, balse aysan aqbaleyn inay saameyso arrin ka dhex taagan dhinacyada Soomaaliya, sidaas darteedna uu Cabdirashiid Janan ugu baaqayo in uu ka tago dhulkooda oo gudaha Soomaaliya uu kula dagaalo dadka raadsanaya. “Ninkan haduu rabo dowladda Soomaaliya in uu la dagaalamo, waddanka Soomaaliya gudihiisa hatago, hakula dagaalamo dowladda ha iska celiyo, laakiin magaalada Mandhera oo Kenya ah iyo guud ahaan mandiqaddeena in lagu hardamo ma dooneyno, waxaana taageer sanahay arintii ay horay ugu baaqeen madaxdeena”ayuu yiri mar kale Sheekh Cabdullaahi Xuseen Buule. Sidoo kale Sheekh Axmed Suudaani oo ka mid ah culimada magaalada Mandheera ayaa isna sheegay in ay cabasho ka yihiin ciidamada sharci darrada ku jooga qeybo ka tirsan magaalada, oo uu sheegay in ay dhibaato kasoo gaari karto shacabka magaalada. “Arrintaan oo aad ay uga hadleen madaxdeena anagoo taageereyna baaqoodii oo xoojineyna, waxaan ka codsaneynaa dowladda Kenya, in ay ka hor tagto khatarka kasoo socota meesha oo ay ciidankaas gobolka ka bixiso” ayuu yiri Sheekha. Hadalka culimada magaalada Mandheera ayaa ku soo aadaya xilli ciidamadii ugu badnaa ay dowladda Soomaaliya geysay dhulka ku teedsan xuduudda Soomaaliya ay la wadaagto dalka Kenya. Dhanka ciidamo uu wato wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan, oo baxsad ka ah dowladda dhexe ee Soomaaliya, ayaa ku sugan gudaha gobolka Soomaalida, gaar ahaan magaalada Mandheera, waxaana jirta cabsi dadka reer Mandheera ay ka qabaan ciidamada dowladda Soomaaliya in ay gudaha u galaan magaalada iyaga oo raadinaya Cabdirashiid Janan.
  14. Ugu yaraan 29 ciidammada waddanka Turkiga ah ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ay gaysteen ciidammada maamulka Suuriya taas ka dhacday waqooyi galbeed ee Suuriya, sarkaal sare oo Turki ah ayaa sidaas sheegay. Dhowr askari oo kale ayuu dhaawac culus ka soo gaaray weerrarkaasi ka dhacay gobolka Idlib ee waqooyi galbeed Suuriya, barasaabka gobolka Hatay ee waddanka Turkiga, Rahmi Dogan ayaa sidaasi sheegay. Waxaa jira warar kale oo tirada dhimashada intaas ka badinaya. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa doonaya in ciidammada Suuriya ay ka durqaan goobaha ay saldhigyada ka sameysteen milateriga dalkiisa. Waxa uu ku goodiyay inuu weerrari doono ciidammada dowladda Suuriya haddii aanay joojin ruqaansiga ay soo wadaan. Hay’adda ka shaqeysa xuquuqul insaanka Suuriya ee uu fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in ugu yaraan 34 askari oo Turki ah lagu dilay weerarkii cirka ee habeenkii Khamiista dhacay. Ciidammada dhaawacmay ayaa waxaa dib loogu celiyay dalka Turkiga si halkaas loogu dabiibo PUNTLAND POST The post 29 Askari oo Turki Ah Oo Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhacday Idlib appeared first on Puntland Post.
  15. Washington (Caasimada Online) – Guddiga Agaasimayaasha Banka Adduunka ayaa shalay si rasmi ah dib ugu soo celiyey xiriirka Banka uu la lahaa Soomaaliya kadib 30 sano. Tallaabadan ayaa Soomaaliya siineysa fursad ay maal-gelin uga hesho barnaamijka horumarinta caalamiga ah ee Banka Adduunka ee loo soo gaabiyo (IDA), iyo la shaqeynta garabyada kala duwan ee Banka Adduunka, si ay usoo jiidato maal-gashi caalami ah. Go’aanka guddiga ee ah inuu dib u aas-aaso xiriirka Soomaaliya ayaa yimid kadib is-beddelo dhowr ah oo maaliyadeed oo ay sameeyeen xukuumadihii kala duwaan ee dowladda federaalka ah ee Somaaliya “Go’aanka maanta waxa uu dhabbaha u xaarayaa dib u billaabidda rasmiga ah ee howl-galladeena, si Banka Adduunka uu taageerada ug xooggan uguna macquulsan u siiyo dadaallada Soomaaliya ee ku wajahan dib usoo kabashada dhaqaale iyo midda bulsho,” waxaa sidaas yiri Agaasimaha maamulka howl-gallada Banka Adduunka Axel van Trotsenburg. Axel ayaa sheegay in tani ay tahay natiijada wada-shaqeyn sanado badan soo socota oo ay la lahaayeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dadaallada dib loogu soo celinayo xiriirka Soomaaliya iyo hay’adaha maaliyadda ee caalamiga ah, ayaa waxaa soo billaabay dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh, oo qabatay howsha ugu xooggan ee aas-aaska xiriirada. Hindise maal-gelin oo cusub oo lagu taageerayo Soomaaliya ayaa waxaa hadda diyaarinaya Banka Adduunka, kaasi oo qeyb ka ah barnaamijka IDA, waxaana lagu caawinayaa dadka ay abaaraha iyo daadadka ku saameeyeen Soomaaliya.
  16. Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa aad u faaftay sheeko la yaab leh oo ka dhacday dalka Nigeria, midaasi oo ah in Haweenay qudha ay wada guursadaan labo Nin. Xaawo Cali Mariri, waa haweenayda ay wada qabeen labada Nin, sida lagu sheegay Warbixin la yaab leh oo ay soo gudbisay BBC-du. Dhacdadan ayaa ka dhacday gobolka Waqooyi ee dalka Nigeria ee Kano, halkaasi oo Booliska dalkaasi ay ku baadhayaan waxa ka jirra Kiiskaasi oo uu soo gudbiyay Bello Ibraahim, oo ah Ninkii u horeyay ee guursaday Xaawo Mariri. Haweenaydan oo da’deeda lagu sheegay 32-jir ayaa waxay guursatay Nin kale xili uu Ninkeedii hore uu uga maqna Safar, sida uu booliska Shareecada ee gobolkaasi u sheegay Bello Ibraahim. Xaawo Mariri ayaa iyadu ku doodeysa in uu Ninkeedii hore furay, isla markaana ay sidaasi u guursatay Ninka labaad oo lagu magacaabo Bala Abdusalam, halka uu Ninkeedii koowaad uu Booliska u sheegay in uusan furinba. Bala Abdusalam oo ah Ninka labaad ee haweenaydan guursaday oo wax laga weydiiyay Kiiskan ay baaristu ku socoto, ayaa sheegay in Xaawa u sheegtay in la furay oo uu sidaasi darteed u guursaday. “Waxa uu yiri waan ku furay ka hor inta uusan magaaladiisa u safrin. Taasna waa sababta aan Bala u guursaday, waxaan dareemay inaan ahay haweeney xor ah kaddib markii uu I furay,” ayey tiri Xaawa Mariri. Furiinka waqooyiga Nigeria ayaa lagu cadeeyaa cod la duubay ama waraaq la qoro, midaasi oo cadeyn u noqoneysa furniinka labada qof. Xaawo Mariri ayaa wajahi doonta ciqaab adag, haddii ay waydo cadeyn uu Ninkeedii hore ku furay, maadama uu gobolkaasi yahay mid lagu dhaqo shareecada iyo qanuunka Islaamka. Waxa sidoo kale isaguna Ciqaab kale wajahi kara Bala oo ah ninka labaad ee ay guursatay haweenaydan, kaasi oo lagu qaadi doono ‘Kaxeysashada xaas nin kale’. Dhacdadan ayaa la yaab ku noqotay dad badan oo Muslima, midaasi oo si weyn u faaftay, inkasta oo ay ilaa hadda aysan waxba kala cadeyn, maadama ay Boolisku ku howlan yihiin baarista Kiiskaasi.
  17. Soomaalidii hore marka ay arkaan wax ay la tacajabaan, waxay dhihi jireen “War ma anaa waalan, mise cadan baa laga heesayaa?” sidoo kale Islaan waayeel ah oo aan deris ahaan jirnay, ayaa iyaduna marka ay aragto wax ay la anfariirto amaba ashqaraar ku rida, waxay dhihi jirtay “Meeshii aan ku yaabay, ayaan weli fadhiyaa!” Waa runteed oo taniba waa ammakaag iyo dhabanna heys is weydiin mudane Soomaalaay, haddii aynu xor nahay, annaga is doorashadeenna iyo sida aan u dhaqmeyno oo ku saabsan arrimaheenna gudaha, maxaa ka galay waxan la yiraahdo Beesha Caalamka, teeda kale fara gelin hoose dunida oo dhan bey ka jirtaaye middan qaawan ee aan gabbashadaba lahayn, maxaa innaga gaar inooga dhigay? Sharciga doorashooyinka oo ay ka soo doodeen labada gole ee na wada metela, si meel mar ahna ay u soo wada ansixiyeen, isla markaana madaxweynaha dalka uu qalinka ku duugay, in ay beesha caalamku ay yiraahdaan sharcigan waa qabyo dib ugu noqosho ayuuna u baahan yahay, taasi ma sax baa ummad yahay?, maxayse tahay fara gelinta shisheeye ee burburin karta go’aanno ay soo wada gaareen labadeenna gole?, mise Soomaaliyeey dharbaaxadaasi quureed ayaan iska dugsannaa, annaga oo dhaxdeenna isu ciil qabna? Sidee bay xorriyaddeennu ugu qanacsanaaneysaa, inuu mas’uul shisheeya ahi yiraahdo dowladda federaalka ah ee Soomaaliyeed ciidamadeeda ma geysan karto xuduudaha ay la wadaagto dowladaha deriska la ah, isaga oo weliba adeegsaday ereyo handadaad ah oo dibaloomaasiyadda ka baxsan, oo ah “Ma aqbaleyno, in ay dowladda Soomaaliyeed ciidan geyso xuduudaheeda” Haddaba is weydiintu waxa ay tahay dunida ma ka jirtaa dowlad aan xuduudaheeda ciidan u joogin, mise annaga oo keliya, ayey noo gaar tahay oo denbi hore iyo wax leynaga aarsanayo ayaa jira? Sidee baan raalli uga nahay in Heybadle Maxamed Cabdulle Xalane xaruuntii lagu maamuusay ee magaciisa wadata, in ay ahaato xaruun sir doonnada dunida ay isugu yimaadaan oo aan la garanayn waxa galaya waxa ka soo baxaya iyo waxa lagu dhex qabto intaba, isla markaana ah meel heebeenkii dab rid lagu dhex sameeyo, iyada oo aanay jirin cid dhihi karta carruurta iyo waayeelka hurda ha idin ka seexdeen ee dhawaaqa xabbadda noog daaya! Intaasi oo bahdilid iyo karaama darro u ah Qaranka Soomaaliyeed, marka aan idin dareensiiyay ka dib, madaxda sare ee hoggaanka u ah dalka muxaafid iyo mucaaradba, waxaan leeyahay, idinku ha isu muuqannina kaliya ee ha idiin muuqdo tacaddiga uu shisheeyaha kula kacayo qarannimada dalka iyo dadkiisa ee halyeeyo ay taariikhdu xusto oo la mahadiyo ahaada ama hunguri raac noqda oo heeryada Gumeysiga cusub ha idin dul saarnaato. Ugu danbaystii waxaan idin xusuusinayaa qayb ka mid ah, murtidii dhaxal galka noqtay ee uu inooga tagay, Alla ha u naxariistee Abwaan Salaan Carrabeey ee ahayd:- Haddaad dhimato geeridu marbey Nolosha dhaantaaye Dhaqashiyo mar bey kaa yihiin Dhereggu xaaraane Nin dharbaaxa quudheed dugsaday Dhaqayadeed maalye Dhashaadey sugtaa xaajadaad Dhowrataa abid. W/Q: Barbaariye Bashiir Cali Xuseen AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  18. Qoraal oo ka soo baxay Safaarada Mareykanka ee magaalada caasimada ah ee Nairobi ayaa looga digay in weeraro argagixiso ay ka dhici karaan caasimada Kenya. Qoraalka safaarada ah ayaa lagu sheegay in goobaha la beegsan karo ay ka mid tahay yihiin hoteelada waaweyn xarumaha dalxiiska iyo Suuqyada Ganacsiga. Safaarada Mareykanka ayaa dhanka kale ku boorisay dadka rayidka ah ee tagaya goobahaasi in digniin dheeri ah ay Muujiyaan. Arintaan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dalka Kenya ay weeraro Argagixiso ka dhacayeen sanadihii ugu Danbeeyay. Malayshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan gudaha dalka ayaa sheegtay mas’uuliyada Weeraradaasi. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo ka digay weeraro Argagixiso oo ka dhaca waddanka Kenya appeared first on Puntland Post.
  19. Sanadihii la soo dhaafay waxaa is hayey maamul goboleedyada & dowlada federaalka ee Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Mohamed Abdulahi Farmaajo, waxaana la isku hayey habka loo wajahayo siyaasada dalka, waxaana fadhiyo badan oo ay yeesheen maamul goboleedya & DF la isku fahmi waayey hanaanka federaalka dalka iyo sidda loo wajahayo. Arrimaha la isku haysto ayaa salka ku haya dastuurka Federaalka ee Soomaaliya ee aan dhamaystirnayn, iyadoo meesha aysan ka marnayn siyaasiyiinta soomaaliyeed oo aan u jajabneyn hanaanka dowladnimo iyo u hogaansanaan la’aanta dastuurka dalka… Tan iyo intii ay bilowdeen isfahan la’aan siyaasadeed oo u dhaxeysay DF iyo Maamul gonoleedyada, waxaa sii saa’idayey kala fogaanshaha labada dhinac, waxaana DF ay bilowday siyaasad adag oo ku hujuumayso maamul goboleedyada, halka Maamul goboleedyadu iyagoo ka duulaya maslaxadooda qaatay go’aan looga soo horjeedo DF sidda labada maamul ee Puntland & Puntland oo bilaabay siyaaasad is gaashaan buuraysi ah si ay isaga difaacaan dharbaaxooyinka siyaasadeed ee uga immaanayey dowlada dhexe. Khilaafka maamul goboleedyada ayaa soo bilowday mar hore, waxyaalaha la isaga horyimid waxaa asal u ahaa Kheyraadka dalka iyo sidda loo qaybsanaayo, dhismaha ciidamo qaran iyo sidda loo wajahayo iyo dhamaystirka dastuurka dalka, si loo hello dastuur cad oo kala qeexaya waajibaadka iyo awoodaha maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe. Dowlada faderaalka ee waqtigan uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, arrimahaas oo dhan umma arkin in ay dan ugu jirto isla xisaabtan dhab ah oo dhexmara maamul goboleedyada & dowlada dhexe, maxaa yeelay waxaa ka ratibmaya dood iyo isla xisaabtan dhab ah, kaas oo qaadanaya waqti aad u dheer si ay arrinkaas uga baaqsadaan oo xisaabtanku meesha uga baxo waxay bilaabeen siyaasad ay ilkaha uga siibayaan siyaasiyiinta dowlad goboleedyada hogaaminaya isla markaana lagu bedello kuwo ay dowladu maalgelinayo oo iyaga taageersan. Waxaa kaloo meesha ka cad in dowlada ay hogaaminayaan Madaxweye Farmaajo & Kheyre ay aaminsan yihiin in Federaalku uusan xal u ahayn dalka oo ay ka soo horjeedaan, iyagoo aan tallada ku darsan in dastuura ay diidan yihiin uu yahay kii iyaga lagu dhaariyey oo ay iyagu xukunka ku koreen. Fahanka ay ka qabaan dastuurka federaalka ah oo ay si indirect ah u diidan yihiin waxaa suurtageliyey xildhibaanada federaalka ee Soomaaliya oo noqday kuwo daneystayaal ah oo ku milmay dowlada oo dhaqaale ka dhexsameeya magaalada Muqdisho meeshii ay noqon lahaayeen Xildhibaano dal iyo deegaan matella. DF ayaa markii ay kala fogaadeen maamul goboleedyada waxay kaloo bilaabeen in ay maalgeliyaan dhanka social media-ha oo ay kula dagaalamayso maamul goboleedyada, si dadka loogu tusiyo in maamul goboleedyadu ay yihiin carqalad loona tusiyo dadka in ay qaran dumis yihiin iyagoo barnaamijkaas ku bixiyey lacago badan. DF waxay kaloo bilowday in maamul goboleedyada sidda ay u kala tabar yar yihiin ay awoodooda uga wiiqaan. Dowlada Puntland ayaa lagu tijaabiyey oo markaa uu madaxweyne ka ahaa Prof. Caliweli Cali Gaas iyadoo waqtigaas doorashadii Puntland ka dhacday ay DF soo saftay Eng Jebiye iyadoo sidda la sheegay ku kharash gareeyey lacag aand tiro badan, laakiin kuma aysan guulaysan, iyadoo ay ugu wacneyd shacabka Puntland oo feejignaa iyo Madaxweyne C/weli oo aad ulla dagaalamay DF siddii aysan saameyn ugu yeelan siyaasada Puntland, waxaana doorashadaas kusoo baxay Madaxweyne Deni. Doorashadii ku xigtay waxay ka dhacday Koonfur galbeed oo ahaa maamul tabar yar, waxaana DF u suurta gashay in ay dhardhaarka Wareejiyaan Shariif Xassan oo ahaa waqtigaas madaxweyne kumeel-gaar ah, waxaana la sheegaa in isaga loo balan qaaday lacag uuna aqbalay inuu iscasilo, sababo la xiriira awood yaraan iyo isagoo aan haysan maamul adag iyo dhaqaale uu isaga caabin karaayey dowlada dhexe. Shacabka K/G kuma faraxsaneyn faragelinta dowlada, waxaana dhanka kale u hanqal taagayey inuu K/G uu hoggaamiyo Abuu mansoor Roobow oo taageerayaal badan ku haystay K/G, oo baqdin laga qabey darteed inuu kursigaas ku guulaysto ayaa dowladu bilowday in ay u adeegsato ciidamo Ethiopian ah si uusan uga qayb gelin doorashada, waxaana DF u suuragashay in ay soo saaraan Laftagareen oo la sheego in ay doorashadiisa ay ku lacag xoogan ku baxday marka la isku darro lacagta isaga lagu soo saaray iyo tii kursiga uu isaga casilay Shariif Xassan. DF markii ay Puntland ku guuldareysteen, taa bedelkeed ayey hanteen maamulkii K/G, waxaa usoo baxday in maamulada kale ay sidaas si la mid ah ay ka samayn karaan.. Doorashaddii ku xigtay waxay kusoo aaday Jubbaland waxaana meeshaas ka bilowday xarig jiid xoogan oo dhexmaray Maamulkii Ahmed Madoobe iyo dowlada Farmaajo.. Madaxda dowlada dhexe marnaba kuma faraxsanayn in Ahmed Madoobe uu mar kale ku soo laabto kursiga sababo la xiriira dhanka awooda iyo isaga oo ah nin aad u adag oo wax walba gorgortan ka galla, halka DF ay doonaysay in ay keeno siyaasi iyaga taageersan .. Loolankii ka dhacay Jubbaland, taasi waxay keentay in doorasho lagu muransan yahay ay ka dhaco Jubbaland dibna loogu soo doortay Ahmed Madoobe, waxaana doorashadaas qaadacay DF, halka dowlada Puntland & mucaaradka DF ay taageereen ayna ka qayb galeen caleemo saarkii Ahmed Madoobe.. Soo noqoshadii maamulkii Ahmed Madoobe, DF waxay bilaabeen in ay ka cunaqabateeyaan maamulkii Ahmed Madoobe dhanka hawada taas oo dhalisay in dhibaato xoogan ay kasoo gaarto dadka shacabka ah, gaar ahaan ganacsatada & dadkii xanuunsan sanaa ee oo dibadaha isku soo daaweyn jiray , waxaana shacabku ay dowlada ka aamineen mid cadow ku ah. Fakirka ay dowladu qaadatay waqtigaas wuxuu ahaa mid sii kala fogeynayey shacabka Jubbland & dowladooda, waxaana arrinkaas dhaleeceeyey axsaabta mucaaradka ku ah dowlada Federaalka iyo Puntland oo sheegay in lagu turtay dastuurkii dalka awoodii dalkana si khaldan loo is ticmaalay. Sikastaba, dowlada federaalka waa qaadacday doorashadii jubbaland waxayna ku tilmaantay mid aan loo marin hanaan wanaagsan..halka Jubbaland ay ku doodaysay in ay iyagu xaq u leeyihiin in ay maamushaan doorashooyinkooda sidda Puntland, laakiin dowlada looga baahan yahay korjoogteyn. shacabka Jubbaland inta taageersan maamulka Axmed Madoobe ayaa aaminsan in dowlad sharciya ay mar kale u dhalatay, taasna waxaa keenaysa dowlada federaalka oo aan loo arkeynin mid dhexdhexaad ah target-keeduna uu ahaa in ay soo saarto rag ay iyagu wadato oo aan ka turjumayn rabitaanka shacabka Jubbaland, welina waxaa taagan khilaafka u dhaxeeya Madaxda Jubbaland iyo dowlada dhexe. Inkasta oo ay jireen siyaasiyiin badan oo mucaarad ah oo DF ay taageeraysay haddana ma ahayn siyaasiyiin saamayn weyn ku lahaa shacabka Jubbaland sidda Ahmed Madoobe. Waxaan kaloo wax ka taaban doonaa dagaalka siyaasadeed ee hadda ka dhex socda maamul goboleedyada qaarkood iyo DF, ma guuldarro ayuu soomaaliya ku yahay oo waxuu dhabaha u xaarayaa bur bur hor leh haddii siddan lagu sii socdo mise cashar hor leh ayaa laga baranayaa waxaana immaan doona tanaasul siyaasadeed iyo in la dhowro sharciyada dastuurka inta hadda heshiiska lagu wada yahay.. La soco qaybaha soo socda.. oo aan ku eegayno doorashadii Galmudug iyo sidda ay ku soo gababowday iyo heshiisyadii horay u galeen maamul goboleedyada iyo DF sabaha keenay in ay horay u socon waayaan… Puntlandpost.com The post DAGAALKA SIYAASADEED EE U DHAXEEYA DF IYO DG MA GUUL BAA MISE GUUL-DARRO? appeared first on Puntland Post.
  20. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa goor dhaw joogsaday is-rasaaseyn socotay ku dhawaad saacad oo caawa magaalada Dhuusamreeb ku ku dhex martay ciidamada dowladda federaalka iyo ilaalada hoggaanka Ahlu-Sunna Waljamaaca ee ku sugan xarunta Inji. Caasimada Online ayaa u kuur gashay waxa sababay iska-hor imaadka labada dhinac ee kala taabacsan Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka. Shaqaaqadaas ayaa bilaabatay kadib markii dhalinyaro taabacsan Ahlu-Sunna oo ka careysan xarig mudo kooban ay ciidamada dowladdu xalay u geysteen, ay xoog ku jiirsiiyeen gaari ay wateen Bar-Kontorol oo ciidamada Nabad Sugidda ee dowladda federaalka ay ku leeyihiin meel aan ka fogeyn xarunta Inji. Ciidamada ku sugnaa Kontorol-kaas ayaa rasaas ku furay gaariga xoogga ku dhaafay, halka dhalinyaradii wadatay gaariga ay iyaguna rasaas kale ugu jawaabeen. Intaas kadib gaarigii ayaa galay xarunta Inji oo ay ku sugan yihiin hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna, waxaana ciidamada dowladda ee joogay Kontorolka gaarigu soo dhaafay iyaguna rasaas ku furay ilaalada xarunta Inji ee Ahlu-Sunna. Waxii markaas ka dambeeyey dhowr jiho ayey ciidamada dowladdu kasoo billaabeen rasaasta, waxayna iskugu jireen ciidamada dowladda ee ay is-rasaaseeyeen kuwa Ahlu-Sunna, Haramcad iyo Nabad Sugid, sida aan xogta ku helnay. Mudo ku dhaw saacad oo ay si toos ah u socotay is-rasaaseyntaas ayey goor dhaw iskeed u joogsatay, welina lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka caawa dhex maray labada dhinac. Cabsi xoog leh ayaa caawa ka taagan magaalada Dhuusamareeb, iyadoo laga baqayo in gacan ka hadalku uu sii daba dheeraado, maadaama garabka Ahlu-Sunna ay aad uga careysanyihiin xanibaad lagu soo rogay dhaq-dhaqaaqa xarunta ay hoggaankoodu ku sugan yihiin ee Inji. Amar kasoo baxay garabka uu hoggaamiyo Madaxeynaha Galmudug Qoor-Qoor ayaa lagu mamnuucay in la galo lagana soo baxo xarunta Inji oo madaxtooyo u ah hoggaanka ururka Ahlu-Sunna.
  21. Bankiga Adduunka ayaa shalay sheegay in ay caadiyeeyeen xiriirkii ay dawladda Soomaaliya la lahayd Bankiga Adduunka 30 sano kadib. Bankigu waxa uu sheegay inay tani ka dhigan tahay inay fursado u furto dawladda Soomaaliya, fursadahaas oo ay ka mid yihiin inay Soomaaliya hesho deeqaha uu bixiyo Bankiga Adduunka iyo inay wadashaqayn la lahaato dhammaan laamaha Bankiga Adduunka si ay usoo jiidato in Soomaaliya la maalgashado, gacanna looga gaysto degganaansnhaha iyo horumarka waddanka. Soomaaliya ayaa ka rajo qabta in laga khafiifiyo inta badan daymaha lagu leeyahay iyadoo loo eegayo daymaha laga khafiifiyo waddamada faqiirka ah ee daymaha culus lagu leeyahay, barnaamijkaasi oo loo soo gaabiyo HIPIC. Tallaabada Bankiga Adduunka ayaa timid 24 saac kadib markii hay’adda lacagta Adduunka IMF ay iyaduna sheegtay inay heshay yabooh ku filan inay hady’addu dhinaceeda daymaha ka khafiifiso Soomaaliya. IMF wxaay sheegtay inay yaboohaas oo dhan US$334 million ka heshay in ka badan 100 xubnood oo ku jira. PUNTLAND POST The post Bankiga Adduunka oo soo celiyay Xiriirkii uu la lahaa Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  22. Maalmihii u dambeeyey waxaa baraha bulshada lagu baahiyey muuqaal laga duubay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Feederalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka soo degaysa garoonka diyaaradaha Muqdisho. Muuqaalka waxaa ka muuqday dad hoos taagan albaabka diyaarada oo ay dhaafayso Wasiir Khadiijo, kuwaas oo lagu sheegay kooxda hubisa caafimaadka dad soo galaya dalka. Dadka muuqaalkan baahinayey waxay Wasiir Khadiijo ku eedeynayeen in ay si bareer ah u diiday inay marto nidaamka hubinta caafimaadka, gaar ahaan baarista cudurka faraha kulul ku haya dunida ee Coronavirus. Balse dhaliisha muuqatay waxay ahayd in dadka diyaarada albaabkeeda hoos taagnaa, aysan u muuqaal ekayn koox caafimaad, sidoo kale aysan la hayn goob ay ku shaqeeyaan. Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo qaabka baarista caafimaadka, wasirka muuqaalkii Khadiijo Dhaaliisha muuqaalkaas kaliya kuma ekeyn kooxda caafimaadka, ee waxay ahayd mid saameynaysay maamulka iyo laamaha amniga garoonka, iyadoo Muqdisho ay tahay meel halisteed leh. Dhanka kale Wasiir Khadiijo Diiriye oo arrintaas maanta ka hadashay waxay sheegay in dadkii rabay inay baaraan aysan u ekeen shaqaale caafimaad, balse ay u ekaayeen Injineero dhismo. Sidoo kale waxay tilmaantay in is dhexyaac ka jiro Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, oo ah midka ugu mashquulka badan Soomaaliya. Puntland: Qaabka baarista caafimaadka ee Garoonka diyaaradaha Ge. M. Abshir, Garowe Dhacdada ka dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ku soo aadaysa, iyadoo 31 Jannaayo 2020 ay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya sheegtay in ay Coronavirus u diyaarisay hawlwadeeno horey loogu tababaray cudurada dilaayada, sidoo kale ay diyaarisay agab loogu talagalay xaaladaha halista ah. Balse muuqaalka laga duubay halka garoon diyaaradeed caalamiga ah ee ay maamusho dowladda Federaalka, ayaa fashiliyey, wixii ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. PUNTAND POST The post Muuqaal fashiliyey shaqada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Bar-____-Qumanha-Wararka-27022020.mp3 View the full article