Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garowe (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee maamulka Puntland ayaa go’aankii ugu dambeeyey kasoo saartay xukunka nin ku eedeysan in uu gobolka Mudug kufsi ugu geystay gabar da’ yar oo aan qaan gaarin. Ninkaan oo lagu magacaabo Mukhtaar Cabdikaafi Xirsi ayaa da’diisa lagu sheegay 36-sano jir, isla markaana la nool cudurka HIV/AIDS. Mukhtaar ayaa loo heystaa in bilowgii bishii Maarso ee sandkii 2019-kii uu degaanka ka tirsan gobolka Mudug kufsi ugu geystay gabar lagu magacaabo Farax Jaamac Faarax oo da’deeda lagu sheegay 9 sano jir. Mukhtaar ayaa waxaa horay u xikumay maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Mudug , iyadoo maxkamaddu markaas ku riday xukun dil ah iyo magdhaw lacageed oo gaaraya $5,000 Dollar. Lacagtaas waxaa la sheegay in lagu qiimeeyey mag dhowgii ‘bikra-jebinta’ gabadha dhibanaha ah, waxuuna xikunkaas ka qaatay racfaan. October 2019-kii ayaa maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal, waxa ay burisay xukunkii horay ugu dhacay Mukhtaar, iyadoo ku xukuntay 20 sano oo xabsi ah, iyadoo maxkamadda derejada koowaad ku raacday lacagta magdhawga ah oo gaareysa 5,000 oo dollar-ka Mareykanka ah. Ugu dambeyntii maxkamadda sare ee maamulka Puntland oo Sabtidii maanta u fariisatay go’aan ka gaaridda kiiska loo geysto Mukhtaar ayaa soo saartay go’aan kama dambeys ah. Go’aanka Maxkamadda sare ayaa noqday in ay ku raacday kii ay horay maxkamadda Racfaanku ugu riday eedeysane Mukhtaar, kaas oo ahaa 20 sano oo xabsi ah iyo mag dhaw lacageed oo gaaraya $5,000 (Shan kun oo dollar).
  2. DAAWO:”waxa muhima 202o inay doorasho inoo dhacdo, furista ururadana waxan leeyahay..” ex wasiir cali marexan oo ka hadlay khilaafka komishanka doorashooyinka. Source
  3. Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Xilkii U kala Wareejiyey Isuduwaha Cusub Ee Wasaarada Caafimaadka Togdheer Iyo Isuduwihii Hore. Source
  4. WATFORD, England (AP) — Liverpool’s ambitions of going through the Premier League season unbeaten were ended Saturday in a surprise 3-0 loss at Watford, marking the runaway leaders’ first loss in 45 top-flight matches stretching back to January last year. Source: Hiiraan Online
  5. Garowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland Maxamed Dhabancad ayaa sheegay in dowladda federaalka ay u xoog sheegatay Ahlu-Sunna Waljamaaca, isla markaana ay ka xun yihiin in dowladdu burburisay hay’adihii dowliga ahaa ee ka dhisnaa Galmudug. “Waxay dowladda dhexe xoog u sheegatay hay’adihii Galmudug oo runtii mudo dheer argagixisada la dirirayey, hubiyeyna in gobolladaas ay noqdaan kuwo nabad ah oo dadkoodi nabad ku naaloodaan, dhabtii aad ayaan uga xunnahay,” ayuu yiri wasiir Dhabancad. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegay in Galmudug maanta lagu leynayo ciidankii loo tababaray inay la dagaalaan argagixisada. “Iyadoo la adeegsanayo dhaqaalihii beesha caalamka in ciidankii qaranka lagu weeraro Galmudug, in loo daabulo Gedo, run ahaantii waa nasiib darro,” ayuu yiri. Wasiirka ayaa sheegay in arinta ka taagan dalka iyo nidaamka lagu maamulayo uu Puntland ku dhaliyey in ay iclaamiso shir looga tashanayo aayaha iyo halka loo wado dalka. “Arrimahaas ayaa dhaliyey in Puntland ay tiraahdo war aan dib isugu soo noqano, oo aan tashanno oo markaas jiha cad qaadno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirka arrimaha gudaha Puntland. Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in dalka aan xoog loogu maamuli karin. “Hadii xoog wax lagu xalinayo Soomaali horay ayey ugu xalin laheyd oo waad la socotaan in xoog uu adeegsaday Maxamed Siyaad Barre uu dalka saan u burburiyey,” ayuu yiri. Ugu dambeyntii wasiirka ayaa dowladda dhexe ku eedeeyey in howlihii loo igmaday iyo qorshayaashii looga fadhiyey inta meel iska dhigtay in ay maanta oo la marayo 2020 ay dagaal hurineyso. “Maanta mas’uuliyiinta dowladda federaalka wax yaabihii laga sugayey waxaa ka mid ahaa dhameys tirka dastuurka, dib u heshiisiin qaran, si xoog sheegashadii horay u dhacday dadka Soomaaliyeed looga xaliyo, markii taas la aadi lahaa, hadii dastuurkii meel la iska dhigay, meeshii dib u heshiisiin la aadi lahaana xabad horay laga bilaabay, iyadoo la marayo sanadkan 2020, runtii waa nasiib darro weyn,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Dhabancad. Hoos ka daawo Dhabancad
  6. DHUSAMAREEB (HOL) - Ahlu Sunna Wal Jamaa will cease political involvement and focus on its religious mission, its leaders said Saturday and announced cooperation with the state and federal government. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh oo maanta ka amba-baxay Magaaladda Muqdisho ayaa gaaray Caasimadda Dalka Aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti. Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa garoonka Doyaaradaha Ee Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumud iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dalkaas Jamhuuriyadda Jabuuti. Booqashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee ee Baarlamaanka Soomaaliya uu ku tagay Dalka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ka dambeysay ka dib markii casuumaad rasmi ah uu ka helay dhiggiisa Jabuuti. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa mudada uu ku sugan Dalka wuxuu ka qeyb geli doonaa furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti. View the full article
  8. (SLT-Laascaanood)-Ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland ayaa madaafiic aan tiro ahaan la garan karin waxa ay saacadihii la soo dhaafay isku waydaar-sadeen degaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Goob-joogayaal ku sugan Tukaraq ayaa xaqiijiyay in maanta ay dhawaqa hubka culus ka maqleen jiidda u dhexaysa labada ciidan. Waxaa la sheegay madaafiicdan ay is waydaar-sadeen Somaliland iyo Puntland inay geysteen khasaare kala duwan oo soo kala gaadhay dhinacyadan iyo dadka rayidka ah. Source
  9. By Samuel Gebre Egypt, Ethiopia and mutual neighbor Sudan should conclude an agreement before the completion of Ethiopia’s disputed Nile dam, to prevent “significant harm to downstream countries,” U.S. Treasury Secretary Steven Mnuchin said. “Final testing and filling should not take place without an agreement,” Mnuchin said in a statement on the Treasury Department’s website following the latest Washington meeting between the parties on Feb. 27 and 28, which Ethiopia skipped. International safety standards should be assured before filling begins, he said. Egypt and Ethiopia, which both have populations of about 100 million and are the fastest-growing economies in their respective regions, have said the future of the Nile is a matter of national security. The Grand Ethiopian Renaissance Dam sits on the Blue Nile, the main tributary of the world’s longest river, and will generate about 6,000 megawatts once completed. The foreign-exchange-starved horn-of-Africa nation plans to export electricity to neighboring states. Mnuchin intervened late last year to convene talks after Egypt said there was a deadlock in earlier negotiations, something Ethiopia disputes. The World Bank also joined the meetings, which initially had a Jan. 15 deadline for a solution. Further talks in January and February have failed to break the deadlock. Ethiopia’s government said it was “disappointed” by Mnuchin’s statement, as it had notified Egypt, Sudan and the U.S. that it needed more time “to deliberate” on the process. It had addressed all relevant safety issues, the Ministry of Foreign Affairs and of Water, Irrigation and Energy said in an e-mailed statement. “Ethiopia as the owner of the GERD will commence first filling of the GERD in parallel with the construction of the dam, in accordance with the principles of equitable and reasonable utilization and the causing of no significant harm,” the Ministries said in the statement. Source: Bloomberg
  10. (SLT-Tehran)-Xildhibaan ka tirsan Baaralmaanka dalka Iran ayaa u geeriyooday cudurka Corona Virus sida ay xaqiijisay wakaaladda Wararka ee dalkaas taasoo muujineyso sida uu cudurkaan ugu faafay dalka Islaamiga ee Iiraan. Mohammad Ali Ramazani Dastak kaasoo toddobaadkii hore loo doortay Xildhibaan ayaa la rumeysan yahay inuu u geeriyooday cudurka Corona Virus oo maalmo ka hor laga helay. Xildhibaankaan ayaa dhintay saaka aroortii hore markii loo qaaday Cisbitaal kadib markii uu qabtay xanuun aad u daran oo uu sababay cudurka Corona Virus. Xildhibaankaan ayaa noqonayaa siyaasigii u horreeyay ee u geeriyooda cudurkan, Waxaa sidoo kale Cudurka uu ku dhacay Madaxweyne ku xigeenka Iran iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaadka dalkaasi. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Iran ayaa sheegay in cudurkaan ay u geeriyoodeen illaa 43 qof halka sidoo kale la helay 593 kiis oo ku saabsan cudurkaan. Wadamo badan oo dunida ku yaalo ayaa iska joojiyey duulimaadyada ka imaanayo iyo kuwa tagaya dalka Iiraan oo ah wadanka labaad ee sida weyn uu u sameeyey cudurkaan marka laga reebo dalka Shiinaha oo ah halka uu markii hore cudurkaan ka bilaamay. Source
  11. (SLT-Doha)-Mareykanka ayaa kooxda Taliban la saxeexday heshiis taariikhi ah maanta oo Sabti ah taasi oo u gogol xaadhi kareysa in ciidamada shisheeye ay ka baxaan dalka Afghanistan 14-ka bilood ee soo socda taasi oo soo afjareysa colaadda 18 sano jirsatay ee dalkaasi. Inkasta oo heshiiskani uu qeexayo in Mareykanku uu si qayb qayb ah uga baxo dalkaasi Afghanistan, wadahadallada dhinacyada Afghanistan ayaa noqon kara kuwa aad u adag. Heshiiskan ayaa waxaa ku kala saxeexday caasimadda Qatar ee Doha, ergayga wadaxaajoodka ee Mareykanda Zalmay Khalilzad iyo madaxa siyaasadda ee Taliban Mullah Abdul Ghani Baradar. Xoghayaha Arrimaha Debedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa goob jog ka ahaa munaasabadda saxiixa heshiiskan. Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Esper ayaa u duulay magaalada Kabul, booqasho ay khubaradu ku sheegeen in looga gon leeyahay sidii xukuumadda Afghanistan loogu xaqiijin lahaa ka go’naanshaha Mareykanka ee taageerada dalkaasi. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Taliban iyo xukuumadda Afghanistan iney fursaddan ka faaiideystaan, isaga oo xusay in haddii laga dhabeeyo ka mira dhalinta waxa lagu heshiiyey ay taasi horseedi doonto soo afjarista colaadda Afghanistan iyo in ciidanka Mareykanku ay dalkooda ku soo laabtaan. Madaxweynihii hore ee Afghanistan Hamid Karzai ayaa u sheegay laanta Afghanistan ee Idaacadda VOA inuu ku faraxsan yahay saxeexa heshiiska nabadeed ee maanta waxaana uu xusay inuu ku raja weyn yahay in wadahadallada kooxaha Afghanistan ay si dhaqsa ah u bilowdaan. Wadahadallo dhexmara Taliban iyo saraakiisha dowladda Afghanistan ayaa lagu wadaa iney bilowdaan muddo 10 cisho gudahood ah. Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Doon Xoolo U Qaaday Dalka Imaaraadka Carabta Bishii Hore Oo Maanta Dib Ugu Soo Celisay Xoolihii Dekedda Berbera, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Habeen-29022020.mp3 View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi iyo labada guddoomiye xisbi mucaarad, ayaa khamiistii Hargeysa ku kala saxeexday heshiis siyaasadeed oo uu ka soo shaqeeyay ergayga Midowga Yurub danjire Nicolas Berlanga. Heshiiskan oo ka kooban 7 qodob ayaa waxa ugu muhiimsan inay doorashooyinka deegaanka iyo wakiiladu qabsoomaan sannadkan 2020 iyo inay guddiga doorashada ee jirta oo ay xisbiyada mucaaradku ku soo dari doonaan labadooda xubnood ay la shaqayn doonaan guddigii hore ee doorashooyinka oo loo bixiyay Technical election management UNIT (TEMU), kuwaas oo qabanaya inta badan shaqada guddiga doorashooyinka qaranka. Waxa guddigan hore ee loo bixiyay guddiga farsamo sidoo kale ka mid ah 3 xubnood oo ajaanib ah. Doodo badan oo sharci ayaa ka dhashay heshiiskan, waxaanay sharcicyaqaanada qaarkood ku tilmaameen heshiis baalmarsan shuruucda iyo xeerarka doorashooyinka ee Somaliland. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay guddigii hore ee doorashooyinka oo heshiiska qayb muhiim ah ku dhex leh sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay guddiga doorashooyinka ee wakhtigan oo iyaga loo arko in awoodoodii lagu wareejiyay guddi farsamo oo ah guddigii ay xilka kala wareegeen ee doorashooyinka qaranka. Heshiiska hoggaamiyeyaasha siyaasadeed gaadheen xal ma u noqon doonaa khilaafka siyaasadeed ee mudada labada sanadood ka badan soo jiitamayay? Yaase gaadhay guul siyaasadeed? Heshiisku wuxuu leeyahay weji sharci iyo mid siyaasadeed. Sharciyan heshiisku ma gaadhsiisna awood uu ku nasakho xeerarka doorashooyinka. Taas macneheedu wuxuu yahay in awoodda iyo sharcinimada gudida cusub ee doorashooyinka aanu is-bedel wayni ku iman. Weli iyaga ayaa ah gudida sharciga ah ee qaanuun ahaan xeerarka dalku aqoonsan yihiin. Waydintu waxa ay tahay unuga farsamo ee loo xilsaaray maamulka doorashooyinku muxuu yahay meeqaamkiisa sharci? Sharciyan unugaas oo ka kooban gudidii hore ee doorashooyinka iyo sadex xubnood oo beesha caalamku soo magacaabi doonto, ma laha xagga sharciga awood buuxda sababta oo ah maaha kuwo ku aasasan qaanuun. Inay hawshooda fushadaan markaas waxa ay ku xidhnaan doontaa sida ay isku fahmaan gudida doorashooyinka iyo wada shaqayn dhex marta xisbiyada siyaasadeed. Haddii muran dhex maro ama ay wax isku diidaan gudida doorashooyinka iyo unuga farsamo waxa xagga sharciga awoodda leh gudida doorashooyinka, sida ay qabaan inta badan sharciyaqaanada Somaliland. Siyaasiyan waxa cad in madaxwaynuhu gaadhay dhawr guulood. Waa marka hore e, waxa fulay doodii iyo qaabkii uu rabay in hawluhu u dhaqan galaan. Waa marka labaad e, waxa dad badan oo shacabka ah ay ugu muuqataa in xisbiyada mucaaradku aanay lahayn adkaysi siyaasadeed iyo istiraajiyado la isku hallayn karo, waxaana mawqifkoodan isbedelay uu keenayaa inaanay shacab badani aamini karin siyaasad ahaan. Mucaaradka waxa cad in dib u dhaca wayn uu ku yahay heshiiskani. Waxa mucaaradku aqbalay laba gudi oo uu muddo laba sanadood ka badan ka soo horjeeday. Eedda dib u dhaca doorashooyinka ee mudadii u damabaysay iyo cakiraanta siyaasadeed waxa dusha laga saari karaa mucaaradka maadaama oo ay aqbaleen wixii ay diidanaayeen. Heshiiskani wuxuu muujiyay gaabis ku jira awoodii ay reer Somaliland u lahaayeen inay xal ka gaadhaan muranada ka dhex curta. Waxa udub dhexaad u ahaa heshiiskan ergayga Midawga Yurub oo dadaal dheer u galay furdaaminta khilaafka. Somaliland waxa ay caan ku ahayd in si ka duwan Somaliya, inay xal u hesho dhibteeda oo ay isku tanaasusho. Maanta taasi ma muuqato. Arinka aan hore loo arag ee khilaafkani keenay wuxuu sidoo kale yahay xubnaha ajnabiga ah ee lagu daray gudida farsamo ee hawsha doorashada qabanaysa. Waa markii u horaysay ee wax masiirka iyo awoodda dalnimo ah ay gacan toos ah oo maamul ku yeelanayaan cid shisheeye ahi. Doorashooyinka Somaliland waxa ay ku bilaabmeen iyada oo aan xitaa bilawgii lacag shisheeye la gelin. Maanta oo labaatan sanadood laga joogo in gudidii shaqada qabanaysay shisheey ku jiraa maaha ifafaale wanaagsan. Waana hadal haynta u wayn ee dadka reer Somaliland hayaan. Dhawaaqi uu madaxwaynuhu ku sheegay inuu furayo ururada siyaasadeed waxa uu ka jeediyay labada aqal ee Baarlamaanka khudbadisii dastuuriga ahayd. Go’aankaas si wayn ayay u soo dhoweeyeen shacabka badankiisa iyo siyaasiyiin leh han siyaasadeed. Hadalka madaxwaynuhu wuxuu baqo ku riday xisbiyada wuxuuna soo dedejiyay inay si wayn u tanaasulaan. Haseyeeshee waxa dhici karta in dad badan oo reer Somaliland ah oo rajaynayay in isbedel ku yimaado hanaanka xisbiyada Somaliland ay ka niyad jabaan nidaamka. Waxa Iyana waydiin taal ah weli, marka mudada xisbiyadu dhacdo 2022, maxaa la yeelayaa? Furdaamin arinkaas la xidhiidha lama dhigin, mana jiro sharci ogol in mudo kordhin loo sameeyo xisbiyada marka mudadoodu dhacdo. In Madaxweyne Biixi ka laabto dhawaaqii uu umadda ugu sheegay inuu furayo ururada siyaasadda, waxay ku noqon kartaa dhaawac siyaasadeed, waxaana su’aal la iska weydiin doonaa mawqif kasta oo cusub oo uu soo bandhigo, maadaama oo hadalkiisii furista ururada siyaasadu noqday mid hanjabaad ah. Waxa kale oo madaxweyne Biixi hadda fuuli kara culays ah in fulinta heshiiskan iyo qabsoomida doorashadu ay dushiisa saarantahay. Ugu danbaytnii, inkasta oo heshiiskani xumadda dejiyay, dad badan oo wax taxliila waxa u muuqata inaanay ahayn dhamaadka muranada siyaasadeed. Sida ku muuqatay hadal ay jeediyeen saddexda hogaamiye, dood dheer iyo falaqayn ay arinka ka galeen ma jirin. Taasina waxa keenaysaa inaan arimaha isku si loo fahmin oo hadhow turjumaadooda iyo fasiraadooda dood hor lihi ka timaado. Si arinkan loo soo af jaro ka maarmi mayso in dawladdu qabato shir wayne ay isugu yeedhasyo wax garadka dalka oo lagu dejiyo qorsheyo iyo khariirad maaro keeni karta islamarkaana wax la iska waydiiyo sababta habkii khilaaf xallinta ee reer Somaliland ay u shaqayn wayday. Waa inaan halkaas lagaga hadhin ee wax la iska waydiiyo meesha wax ka qaloocan yihiin. Source
  15. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin cusub oo ay diyaaradaha laga leeyahay dalkaas ugu sheegeyso inuu jiro weerar ka dhici kara hawada dalka Kenya, oo lala beegsado diyaaradaha, kaasi oo nooqan kara weerarkii ugu horreeyey ee noociisa ah oo ay kooxdan fuliso. Digniintan, ayaa Maamulka Socdaalka ee Federaalka Mareykanka ee FAA waxay ugu baaqday dhammaan diyaaradaha ka diiwaan gashan dalka Mareykanka inay aad u taxaddaraan marka ay dul marayaan hawada Kenya. “Waxaa duuliyayaasha lagula talinayaa inay aad u taxaddaraan marka ay dul-marayaan hawada Kenya, sababo la xiriiro dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan mintidiinta xagjirka ah,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay FAA. FAA ayaa sidoo kale diyaaradaha ka codsatay inay soo weriyaan dhacdo kasta oo amni oo ka dhacday haweada Kenya, 72 saac ka hor inta aysan u duulan, si go’aan looga gaaro. Al-Shabaab weligeed weerar ama gantaal lama beegsan diyaaradaha rakaabka, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay qorshe noocaas ah waddo iminka. Digniinta Mareykanka ayaa imaneysa ayada oo ay sii kordheyso cabsida laga qabo weeraro xooggan oo Al-Shabaab ee ka fuliso gudaha dalka Kenya. Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa 27-kii bishan soo saartay digniin xooggan uu ku saabsan weerar ay kooxaha argagixisiada qorsheynayaan oo lala beegsanayo hotel weyn oo ku yaalla Nairobi. “Weli lama ogaan hotel-ka weerarka lala damacan yahay, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu yahay hotel caan ah oo ay ku badan yihiin dalxiisayaasha iyo dadka safarada ganacsi ku socda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay safaaradda. Safaaradda ayaa ku boorisay muwaadiniinta Mareykanka inay muujiyaan feejignaan dheeri ah marka ay tagayaan ama joogaan hoteellada ku yaalla Nairobi. Al-Shabaab ayaa 5-tii Janaayo weerartay saldhigga Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya, halkaasi oo ay ku dileen askari iyo laba qandaraasle oo Mareykan ah.
  16. Garoowe (Caasimadda Online) – Ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa madaafiic aan tiro ahaan la garan karin waxa ay saacadihii la soo dhaafay isku weedaar-sadeen degaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Goob-joogayaal ku sugan Tukaraq ayaa xaqiijiyay in Maanta ay dhawaqa hubka culus ka maqleen jiidda u dhexaysa labada ciidan. Waxaa la sheegay madaafiicdan ay is weedaar-sadeen Somaliland iyo Puntland in ay geysteen khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadan iyo dadka rayidka ah. Saraakiil ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo diiday in la xigto ayaa iyana xaqiijiyay in ay jawaab ka bixiyeen Rasaas xooggan oo laga soo riday dhanka Somaliland. Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo la hadlay Ciidamo katirsan Maamulkaas waxa uu kahor sheegay in aysan u dulqaadan doonin weeraro kaga yimid dhanka Somaliland. Colaada ka taagan degaanka Tukaraq ayaa waxay u muuqataa inaan weli laga gaarin natiijo sax ah, baaqyo nabadeed oo la soo saaray kadib weli waxaa taagan xiisad dagaal, oo u dhaxeysa labadan maamul.
  17. Doha (Caasimada Online) – Saraakiil Mareykan ah iyo wakiilo ka socda ururka Taliban ayaa maanta heshiis taariikhi ah ku kala saxiixday magaalada Doha ee dalka Qatar, si loo soo gunaanado joogitaanka ciidamada Mareykanka ee dalkaas. Heshiiska ayaa waxaa wada saxiixay ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Afghanistan Zalmay Khalilzad iyo madaxa siyaasadda Taliban Mullah Abdul Ghani Baradar, waxaana goobjoog ka ahaa xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo. Wakiilka Taliban ee Doha, Mohammed Naeem ayaa heshiiska ku qaaxay “tallaabo horey loo qaaday”. “Heshiiskan waxa uu soo geba gebeynayaa dagaalka Afghanistan,” ayuu u sheegay taleefishinka Al-Jazeera. Bayaan ay si wada jir ah usoo saareen dowladaha Mareykanka iyo Afghanistan ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka iyo NATO ay dalka Afghanistan uga bixi doonaan muddo 14 bil gudahood ah, haddii Taliban ay u hoggaansanto qodobada heshiiska. Dalka Afghanistan waxaa ku sugan 14,000 oo askar Mareykan ah, iyo 17,000 oo kale oo ka socda 39-ka dal ee isbahaysiga NATO. “Dowladda Mareykanka waxay ciidankeeda Afghanistan kusoo yareyn doontaa 8,600 oo askari, muddo 130 maalin gudahood ah,” ayaa lagu yiri bayaanka Mareykanka iyo Afghanistan. Taliban ayaa sidoo kale ballan-qaaday inay joojiso dhammaan weerarad ka dhan ah ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa NATO, waxaana daqiiqado ka hor inta aan la saxiixin heshiiska, ay ku amreen dagaalyahanadooda inay si rasmi ah u joojiyaan dagaalka. Heshiiska ayaa sidoo kale dhigaya in dowladda Afghanistan ay Golaha Ammaanka ee QM kala shaqeyso sidii xubnaha Taliban looga saari lahaa liiska xayiraadda, ugu dambeyn 29-ka bisha May. Qodobada heshiiska ayaa waxaa ka mid ah wada-hadallo nabadeed oo loo qabto dadka Afghanistan iyo in lasii daayo 5,000 oo dagaalyahan oo Taliban ah oo xabsiyada ku jira. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sanaddii 2018 bilalabay dadaallo Mareykanka uu kula hadlayo Taliban, isaga oo doonaya inuu soo afjaro dagaalka Afghanistan, oo ah kii ugu waqtiga dheeraa ee ciidamada Mareykanka ay ku lug yeeshaan taariikhda.
  18. Maxkamadda Sare ee dowladda Puntland, ayaa maanta oo Sabtiya xukun kama dambaysa ah ku ridday, xukmane lagu magacaabo Mukhtaar Cabdikaafi Xirsi oo ku eedaysan kiis kufsiya. Xukmane Mukhtaar oo da’diisu tahay 36-sano jir, islamarkaana la nool cudurka HIV/AIDS-ka, ayaa lagu helay in uu 3-dii bishii Maarso 2019 degaanka ka tirsan gobolka Mudug uu kufsi ugu gaystay dhibbane Farax Jaamac Faarax oo ah gabar markaas da’deeda lagu sheegay 9-sanno jir. 11-kii April 2019, maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Mudug ayaa Mukhtaar ku xukuntay dil toogasho ah iyo in uu bixiyo ganaax lacageed oo gaaraya $5000 Dollar, kaas oo ku qiimaysan mag-dhowgii bikra-jebinta. Balse, maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal, ayaa xukunkaasi burisay 1-dii October 2019, waxaana ay xukmane Mukhtaar ku ridday 20-sano oo xabsiya, inkastoo aysan waxba ka beddelin ganaaxii lacageed ee lagu xukumay. Sidoo kale, maxkamadda sare ee Puntland oo maanta go’aan kama dambays ah ka gaartay kiiska Mukhtaar, ayaa si buuxda u ayidday xukunkii maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal, oo ahaa 20-sano oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo dhan $5000. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise The post Maxkamadda sare ee Puntland oo go’aan kama dambays ah ka gaartay kiis kufsiya appeared first on Puntland Post.
  19. U.S. envoy Zalmay Khalilzad and Taliban deputy leader Mullah Abdul Ghani Baradar inked the deal in an opulent hall in a five-star hotel in Dohar, Qatar. Secretary of State Mike Pompeo witnessed the signing. Source: Hiiraan Online
  20. (SLT-Hargeysa)-Suxufiga Caanka Ee Waji Oo Buug Ka Qaray Dad Uu Ku Sheegay Inay Gob Yihiin, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa maanta oo Sabtiya hub culus isku weydaarsaday degaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Goob-joogayaal ku sugan Tukaraq ayaa xaqiijiyay in gelinkii hore ee Sabtida ay dhawaqa hubka culus ka maqleen jiidda u dhexaysa labada ciidan. Saraakiil ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo diiday in la xigto ayaa iyana xaqiijiyay in ay jawaab ka bixiyeen Rasaas xooggan oo laga soo riday dhanka Somaliland. Saraakiisha Puntland ayaa sidoo kale xusay in aysan jirin wax khasaare oo dhankooda ka soo gaaray Rasaasta laga soo riday dhinaca Somaliland. Ciidamada labada dhinac ayaa horay dhawr jeer ugu dagaallamay degaankaasi Tukaraq ee gobolka Sool waxaana mararka qaar halkaasi ka dhaca iska hor-imaadyo kooban. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo hubka culus isku weydaarsaday degaanka Tukaraq appeared first on Puntland Post.
  22. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaanno ka tirsan golaha Guurtida Somaliland ayaa si kulul u eedeeyay Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo ay ku taliyeen in la laalo xeerkiisa oo ay ku tilmaameen shaadh uu toshay kuna lunsanayo awoodihii Qaranka, Halkan hoose ka DAAWO Source