Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelle, Cali Muxumed Caraale oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho. Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay guddoomiyaha, taas oo ku aadan xaaladda nololeed iyo mida amni ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale guuddoomiyaha la wadaagay ra’iisul wasaaraha dhibaatooyinka uu maamulkiisa la daala dhacayo oo ay ugu daran yihiin fatahaadaha ku soo laa laabta gobolkaasi. Khayre ayaa u ballan qaaday guddoomiye Caraale inay xukuumaddu ka taageeri doonto wax ka qabashada fatahaadaha iyo sidii gobolka Hiiraan looga fulin lahaa mashaariicyo horumarineed oo muhiim ah, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo ku dhow kulankaasi. Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey ra’iisul wasaaraha qaabiladiisa iyo sidoo kale ballan qaadyada culus ee uu u sameeyey bulshada reer Hiiraan. HirShabelle ayaa ka mid ah maamullada xiriirka dhow dhow la leh dowladda dhexe, waxaana weli ay wajaheysaa culeysyo ka duwan, sida amni xumo iyo dhaqaale la’aan.
  2. Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee gobolkaasi. Sheekh Xuseen ayaa sheegay in gobolka laga dareemayo isbedal ballaaran oo dhinaca amniga iyo cadaaladda ah, islamarkaana ay taasi ku timid wada shaqeyn guud. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka maamul ahaan ay ku dadaalayaan, sidii loo xoojin lahaa nabad gelyada iyo xasiloonida gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Hii.mp3 View the full article
  3. Madaxweyne ka jawaabay codsi uga yimid Cung yar oo xanuunsanaya Wiil yar oo shan sano jir ah oo lagu magacaabo Ethan Macharia oo maalma kahor warqad uu gacan ku qoray usoo diray Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ugu dambeyntii helay taageeradii uu dalbaday. Waqrad si qiiro leh uu u qoray Ethan ayuu ku codsaday in laga caawiyo xaaladiisa caafimaad, waxaana uu taageero dhaqaale weydiistay madaxweyne Kenyatta, si loogu soo daweeyo dalka Hindiya. Wiilkan iyo hooyadii ayaa madaxweyne Uhuru iyo dadka kale weydiistay inay ka caawiyaan sidii gacan looga siin lahaa lacag dhan 35 kun oo doolar oo ay sheegeen in loo baahan yahay, si looga bixiyo kharashka qalliinka ee ku baxay canuga yar. “Madaxweyne dhakhaatiirta waxay i yirahdeen waxaad u baahan tahay 35 kun oo doollar, si xaaladaada caafimaad wax looga qabto, qalliinkanna wuxuu iga caawinayaa in aan helo caafimaadkeyga, marka aan weynaado waxaan doonayaa in aan noqdo ciyaartooy kubada cagta ah, fadlan madaxweyne i caawi” ayuu Ethan ku qoray warqadda. Ethan ayaa dhibaato caafimaad ka heysatay dhanka maskaxda ah, balse qoyskooda ma aysan awoodin inay iska bixiyan kharashka. Safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Hindiya, Willy Bett ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Uhuru uu ballan qaaday in uu bixinayo kharashka ku baxaya ilmaha yar, taa oo keentay in Ethan maanta loo ballamiyo qalliinka. “Ma jiro ereyo aan ku cabiri karo darenkeyga maanta, mana jiro erey aan ku tilmaami karo madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo wanaagga uu inoo sameeyay. 16-kii bilood ee lasoo dhaafay waxaan la daalaa dhaceynay culeyskan, waxaana aad ugu faraxsanahay in uu wiilkeyga qallinka galayo,” ayay tiri Ethan Hooyadii oo lagu magacaabo Veronica Njeri. Ethan ayaa sanadkii 2018-ka la sheegay in dhibaato caafimaad oo dhanka maskaxda ah ay lasoo daristay, kadib markii ay jug ka gaartay madaxa, waxaana muddooyinkii dambe kasii darayay xaaladiisa caafimaad. Warqaddan oo maalma heysatay warbaahinta maxalliga ee dalka Kenya ayaa ugu dambeyn gaartay madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxaana dad badan ay ka qiiroodeen xaaladda ilmaha yar. Ethan ayaa la sheegay in uu ka baaqsaday waxbarashada xanuunka awgii, maadaama xanuunka haya ay keentay in uu dadka kale u gacan qaado. Ethan waxaa kale oo uu lumiyay hadalka iyo in uu si wanaagsan wax uu u sheego. “Wiilkeyga wuxuu lahaa noolal fiican kahor inta aysan dhicin nasiib darrida badeshay noolasheena. 14-kii bilood ee lasoo dhaafay waxaanu ku hawlaneyn sidii dhaqaale loogu heli lahaa daaweyntiisa” ayay sii raacisay Ethan hooyadii. Sida ay sheegeen dhakhaatiirta dalka Hindiya, qalliin la yirahdo VNS ayaa lagu daweyn karaa xanuunka haya ilmaha yar. Warqadda uu qoray canuga yar ayaa maalma heysatay baraha bulshada ee dalka Kenya, waxaana dad badan ay kuu baaqeen in loo gurmado canuga yar ee xanuunsanaya. Qaran News
  4. EDITORIAL Djibouti and Somalia are two sisterly countries. Somalia stood by the people of Djibouti during their struggle for independence. The late Djibouti President Hassan Gouled Aptidon never got tired of his effort to help Somalis reconcile. In 1991, when all other countries where coming to terms with and beginning to understand what came to be known as state failure, Djibouti organised a reconciliation conference for Somali political stakeholders. What is noteworthy about the succour of Djibouti is the realisation among participants of the conference that, for Somalia to become a democratic and peaceful country, politicians must commit themselves to peacemaking and regular communication no matter what political differences they have. Ismaïl Omar Guelleh: President of Djibouti It was a timely lesson in a political education for political leaders who did not prepare themselves for post-dictatorship Somalia. In 2000 Djibouti organised another reconciliation conference that become a springboard for reconstituting the Somali state. A decade after the second reconciliation conference Djibouti sent its troops to Somalia as peacekeepers. It is unfathomably bizarre to see the Federal Government of Somalia buying into the strategy to exclude Djibouti from the Horn of Africa Economic Integration initiative proposed by the Prime Minister of Ethiopia, Dr Abiy Ahmed. It is not a carefully discussed policy of Somalia to consider Djibouti as the odd one out even in this unrealistic initiative. It a non-African policy aimed at punishing Djibouti for expanding its circle of friends. It is equally deplorable to see how indifferent Somali opposition parties are to the political opportunism of Federal Government leaders, who behaviours are best exemplified by the Somali saying dameeri dhaan raacday ( the donkey accompanied the water caravan ) about unthinking support and a desire to put other countries’ interest above the national interest. The support for the agenda to politically isolate Djibouti is an initiative with which Somalis would not like to be associated. © Puntland Post Monthly , 2020 The post Against the political isolation of Djibouti appeared first on Puntland Post.
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay askari ka tirsan Booliska Somaliland uu dil iyo dhaawac u geystay askar kale oo ku sugnaa degmada Ceel-Afweyn ee gobolkaasi. Falkan ayaa yimid, kadib markii uu askarigaas rasaas khasaare geysatay uu ku furay ciidamo kale oo ka mid ahaa maamulkaasi. Ugu yaraan hal askari ayaa rasaastaasi ku dhintay, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale oo ka tirsanaa ciidamadii ka howlgalayey halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inuu goobta ka baxsaday askariga geystay dilka iyo dhaawaca, kaas oo ay hadda ku raad joogaan ciidamada Booliska maamulka Somaliland. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in haatan ciidamadu baaritaano dheeraad ah ay ka wadaan xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmadaasi. Ma jiro weli wax faah faahin ah oo saraakiisha ciidamada maamulka Somaliland ay ka bixiyeen falkaasi. Ma’ahan markii ugu horreysay oo shaqaaqo ay dhex-marto ciidamo ka wada tirsan maamulkaasi, kuwaas oo marar badan isu geystay dil iyo dhaawac intaba.
  6. (SLT-Ceel-Afweyn)-Wararka aan ka heleyno degmada Ceel-Afwey ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland, halka laba kalena lagu dhaawacay. Falka lagu dilay Askariga laguna dhaawacay labada kale ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyay Askari ka tirsan Booliska Somliland, kaasi oo rasaas ku furay Askarta oo xiligaas ku sugneyd Xaafad ka tirsan Ceel-Afweyn. Goobta uu falka ka dhacay ayaa daqiiqado kadib waxa gaadhay Ciidanka Booliska Somaliland, iyagoona soo qaaday Meydka Askariga dhintay, dhaawacyada labada kale oo la geeyay Xarun Caafimaad. Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askariga geystay falka iskugu jiray dhimashada iyo dhaawa uu halkaas ka baxsaday, waxaana la sheegay in askariga rasaasta ka fakatay. Ciidanka Booliska Somaliland ayaa saaka howlgal kala duwan ka wada Xaafadaha Degmada Ceel-afwey ee Gobolka Sanaag, kaasi oo ku raadinayan Askariga ka tirsan ciidankoodka ee falka geystay. Source
  7. Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya mudane Danjire Axmed Ciise Cawad oo ka qeyb galay shirka wasiirada arrimaha dibadda ee IGAD iyo Midowga Yurub ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha wadanka Suudaan Dr. Abdallah Hamduuk, kulankaasi oo ka dhacay xafiiska ra’iisal wasaaraha dalkaasi, waxaana ku wehliyey Danjiraha Soomaaliya ee Suudaan Amb Maxamed Sheekh Isxaaq. Wasiirka wuxuu u gudbiyay ra’iisul wasaaraha dhambaal salaan ah uu ka waday madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Sidoo kale wasiir Cawad wuxuu ugu mahadnaqey dowladda iyo shacabka Suudaan taageeradda joogtada ah oo ay la garabtaaganyihiin dowladda iyo dadka Soomaaliyeed . Dhankiisa ra’iisulwasaare Xamduuk wuxuu amaanay xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan, wuxuuna soo dhaweeyay in la sii xoojiyo iskaashigooda. Soomaaliya iyo Suudaan ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo soo jireen ah, kaas marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya. View the full article
  8. (SLT-Boorama)-Magaalada Boorama Oo La Garan La Yahay Guryo Gubanaya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Taliyaha ciidanka asluubta Somaliland, Sareeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf Liibaan, ayaa magaalada hargeysa ku soo dhaweeyay taliyaha ciidanka asluubta ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Bashiir Axmed Xaashi oo booqasho ku yimi dalka. Munaasibad loo sameeyay soo dhaweynta Commissioner-ka guud ee ciidanka asluubta DDSI ayaa waxa ka qaybgalay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada jamhuuriyadda Somaliland iyo sidoo kale madax ka tirsan dawladda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Wararka aan ka helayno degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay degmadaasi uu dagaal fool ka foola ku dhexmaray ciidanka dowladda federaalka iyo dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab. Dagaalkan ayaa waxa uu yimid ka dib markii dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ciidanka dowladda ay ku lahaayeen Baardheere waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Gaashanle Cabdi Sheekh Xasan Taliyaha saldhigga booliska Baardheere ee Ciidamada Dowladda oo goor dhow la hadlay Goobjoog News ayaa waxa uu sheegay in kooxdii dagaalka ku soo qaaday degmada ay iska caabiyeen waxa uuna intaas hadalkiisa ku daray in ciidanka dowladda ay dagaalkaasi ku dileen mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday halka uu sheegay in mid kalane gacanta lagu hayo. Sidoo kale taliyaha ayaa waxaa uu tilmaamay in raggaasi weerarka soo qaaday ay ku tuhmayaan in ay yihiin rag dhowaan degmadaasi ku dilay ilaa iyo saddex guddoomiye waaxeed oo qaarkood dilkooda loo adeegsaday Faas. Ma jirto wax wara oo wali ka soo baxay dagaalyahanada Al shabaab oo ay kaga hadlayaan weerarkan la sheegay in qaar ka mid ah dagaalamayaashooda ay ku qaadeen degmada Baardheere ee gobalka Gedo. 24-kii Febaraayo ee sanadkan Al shabaab ayaa saddex guddoomiye waaxeed waxa ay ku dileen degmada Baardheere. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. (SLT-Ankara)-Kumanaan qof oo ka soo dhaqaajiyay dhinaca dalka Turkiga kadib markii dawladda dalkaasi ay ku dhawaaqday inay fasaxday xadka ay la wadaagto dalalka Yurub ayaa tuban xadka u dhaxeeya Turkiga iyo Giriiga. dadkan oo tiradooda guud lagu qiyaasay ilaa saddex iyo toban kun oo qof ayaa lagu soo warramayaa in habeenimadii Axad ay u hoydeen Kaam ku yaalla inta u dhaxaysa Turkiga iyo Giriiga, kuwaas oo ay ugu soo gashay dhaxan darani. Giriiga ayaaa Adkaystay xadkiisa markii ay arkeen qulqulka dadkaasi ka soo dhaqaajiyay dhinaca dalka Turkiga kuwaas oo uu badan qaxoonti suuriyaan ah oo ay dalkooda ka socdaan dagaalo aad u qadhaadhi. Haddii ay u suurto gashay dadkan in ay si nabad ah ku gaadhaan Dalka Giriiga, waxay lugtoodan ku beegsanayaan dalalka Qaarada Yurub iyaga oo halkaasi ka raadsanaya nolol u dhaanta midii ay ku haysteen dalalkii ay ka haajireen. Source
  12. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo maalmo ka hor booqasho ku tagay caasimada hindiya ee Delhi iyo magaalada Taj Mahal ee ismaamulka Uttar Pradesh, ayaa la kulmaya dhaleeceyn xooggan oo la xidhiidha Safarkiisa. Mr Trump ayaa dad ku dhow 100,000 oo Hindi ah kula kulmay garoonka ugu weyn dunida ee lagu cayaaro cayaarta cricket-ka ismaamulka Gujarat. Socdaalka ayaa waxaa ku wehlinayay Raysal wasaare Narendra Modi oo ka soo jeeda Gobolka. Balse eedaha loo jeedinayo Trump ayaa waxaa ugu weyn in aanu la kulmin malaayiinta carruurta ah ee u dhashay Hindiya. Dalkaan oo ka mid ah wadamada safka hore kaga jira dalalka ugu shacbiyada badan caalamka ayaa carruurta ku nool waxa ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin dhanka nolosha. Hooyooyin badan ayaa iskugu soo baxay waddooyinka waaweyn iyaga oo wata carruur badan, iyagoo ballan-qaadyo la xidhiidha daryeelka carruurta ka rajeynayay madaxweyne Donald Trump. Source
  13. Baardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Baardheere ee gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla gudaha degmadaasi. Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xigay iska hor imaad toos ah oo dhex maray ciidamada milatariga dowladda federaalka Soomaaliya iyo raggii weerarka qaaday, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiiisa kala duwan. Saraakiil ka tirsan ciidamada oo la hadlay warbaahinta ayaa guullo ka sheegtay dagaalkaan, iyaga oo sheegay inay ka war hayeen weerarka, kana hortageen. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay dagaalkaasi ku dileen hal xubin oo ka tirsan Al-Shabaab, mid kalena ay nolosha ku qabteen, sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada dowladda oo dhaq dhaqaaqyo ka wada halkaasi. Dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ka fuliya Baardheere, iyagoo dhowaan ku dilay illaa saddex guddoomiye xaafadeed oo ka tirsanaa maamulka degmadaasi, kuwaas oo midkood Mindi lagu gowracay, xilli habeen ah.
  14. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen deegaanka Bariire ee gobolkaasi. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu qaaday saldhig ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaankaasi. Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in weerarka uu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaa soo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska hor imaadkaas iyo weerarka ka horreeyey intaba. Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen qeybo ka mid ah magaaladaasi. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in halkaasi ay dileen xubin ka tirsan Al-Shabaab, mid kalena ay nolosha ku qabteen. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa dagaalyahannada Al-Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ku qaadaan saldhigyada ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM. View the full article
  15. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Danjire Ahmed Ciise Cawad ayaa kulan la yeeshay Wasiiru- dawlaha arrimaha dibadda ee jamhuuriyadda Suudaan Omar Qamarudin ,waxaana ku weheliyay danjiraha safarada Soomaaliya ee dalka Suudaan Maxamed Sheikh Isxaaq iyo xubno ka mid ah diplomaciyinta Safarada. Kulankan ayaa looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xirirka Soomaaliyaa iyo Suudaan ka dhexeeya. Dhanka kale Wasiirka arimaha dibadda iyo Iskaa-shiga caalamiga ah danjire Axmed Ciise Cawad ayaa xariga Ka Jaray xarun-cusub oo ay ku shaqayn-doonto safarada Soomaaliya ay kuleedahay dalka Suudaan. Wasiirka ayaa booqday dhammanba Xaafiisyada kala duwan ee ay ku shaqeeyaan diplomaciyinta, iyadoo Wasiirka uu ku bogaadiyay shaqadda wanaagsan ee ay bulshadooda u hayaan, sidoo kalana kula dardarmay in ay sii laba Jibaaraan hawlaha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed. Ugu dambeyn Wasiirka ayaa sheegay in Wasaarada arrimaha d ibadda ay guulo wayn ka gaartay sidii ay bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha caalamka ay u heli lahaayen adeegyada ay kagaga baahan yihiin Safaradaha dowlada ay ku leedahay caalamka, iyagoo loogu adeegayo hanaan ku dhisan hufnaan iyo islaa xisaabtan, si muwaadin kasta u helo xuquuqdiisa. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-020320.mp3 View the full article
  17. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ahmed Ciise Cawad, ayaa kulan la yeeshay Wasiiru- dawlaha arrimaha Dibadda ee dalka Suudaan Omar Qamarudin ,waxaana ku weheliyay danjiraha safarada Soomaaliya ee dalka Suudaan Maxamed Sheikh Isxaaq iyo xubno ka mid ah diplomaciyinta Safarada. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiir Cawad, ayaa lagu sheegay Kulankaas looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xirirka Soomaaliyaa iyo Suudaan ka dhexeeya. Sidoo kale, Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa xariga Ka Jaray xarun-cusub oo ay ku shaqayn-doonto safarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Suudaan.Wasiirka ayaa booqday dhammanba Xaafiisyada kala duwan ee ay ku shaqeeyaan diplomaciyinta Soomaaliyeed, waxaana uu ku bogaadiyay shaqadda ay bulshadooda u hayaan. Wasiirka Cawada ayaa sheegay, in Wasaarada Arrimaha Dibadda ay guulo weyn ka gaartay, sidii ay bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha caalamka ay u heli lahaayen adeegyada ay uga baahan yihiin Safaradaha Soomaaliya ay ku leedahay caalamka, islamarkaana loogu adeego hanaan ku dhisan hufnaan iyo islaa xisaabtan, si muwaadin kasta u helo xuquuqdiisa. PUNTLAND POST The post Wasiir Cawad: Guula waweyn ayaan ka gaarnay u adeegida Bulshada Soomaaliyeed ee ku baahsan Caalamka appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ballaaran oo xalay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Doolow oo ka tirsan gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku galeen hoyga wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo ku yaalla gudaha degmadaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen laba qoray oo ah kuwa loo yaqaano BKM-ka iyo kuwa kale. Sidoo kale waxay intaasi ku dareen in guriga Wasiir Janan ay kala soo baxeen rasaas nuucyadeeda kala duwan, sida ay hadalka u dhigeen. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in ciidanka baaritaanka waday ay isku geedaameen guriga inta uu socday howlgalka, iyaga oo markii dambe isaga tegay halkaasi. Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee dambeysa howlgalkaasi lagu beegsaday hoyga wasiirka amniga maamulka Jubbaland oo baxsad ka ah dowladda dhexe, kaas oo hadda ku sugan qeybo ka mid ah magaalada Mandera ee gobolka Waqooyo Bari, Kenya. Si kastaba ha’ahaatee xiisad iyo dhaq dhaqaaqyo milatari oo u dhexeeya labada dhinac ayaa si xoogan maalmihii ugu dambeeyey looga dareemayey gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Beled-Xaawo oo aty isku hor fadhiyaan ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.
  19. Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay halkaas uu ka dhacay iska hor-imaad kooban oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo malayshiyaadka Al-Shabaab. Iska hor-imaadka ayaa bilowday kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin gudaha degmadaasi Baardheere. Saraakiil ka tirsan ciidamada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay iska hor-imaadkaas ku dileen hal xubin oo ka tirsan Al-Shabaab mid kalena ay nolosha ku qabteen. Dhinaca kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo la xiriira khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadkaas hubaysan. Xaaladda ayaa saaka degan waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada dowladda oo dhaq dhaqaaqyo ka wada halkaasi. PUNTLAND POST The post Baardheere: Xubin ka tirsan Al-shabaab oo la dilay iyo mid kale oo nolosha lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
  20. Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay magaalada Hargeysa ku karantiileen dad ka yimid dalka shiinaha oo looga shakisanyahay cudurka Coronavirus. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland ayaa sheegtay in sababta loo karantiilay dadkaas ay tahay si looga baaro fayruska Corona isla markaana loola socdo xaalkooda wixii ku soo kordha mudadaasi. Sidoo kale wasaraada caafimadka Somaliland ayaa sheegtay in dadkaasi ka yimid Shiinaha ku karantiimeysay goobo ay Wasaaradu ka hirgelisay gudaha garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa. Dhinaca kale Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in dadka ka yimaada Shiinaha si gaar ah u baaraan isla markaana muddo labo todobaad ah ay ku hayaan goobaha wasaaradu ugu talo-gashay lagana joojiyo in ay wax xiriir ah la sameeyaan dadka. PUNTLAND POST The post Somaliland oo karantiishay dad looga shakiyay Coronavirus appeared first on Puntland Post.
  21. Faah faahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa Shil Khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada u dhexeeysa Isgoyska Dabka iyo Bakaaraha. Shilkaas ayaa sida la sheegayo ka dambeeyay kadib markii gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya uu jiiray Mooto Bajaaj jidka maraysay. Goobjoogayaal ah halkaasi ku sugan ayaa laga soo xigtay in gaariga Ciidanka ay saarnaayeen uu ku socday xawaaro sare sidaasna uu ku jiiray Mooto Bajaajta. Goob-joogayaasha ayaa sheegaya in dareewalkii waday Mootada iyo haweeney Bajaajta la socotay uu dhaawac Culus ka soo gaaray shilkaas loolana cararay mid kamid ah Xarumaha Caafimaad ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Shil Khasaare gaystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.