Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,390
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A civil rights activist is aiming to become the first female president in Somalia in what is expected to be an historic election. Source: Hiiraan Online
  2. How To Get Away With Murder‘s Aja Naomi King Plays Ifrah Ahmed In Female Empowerment Story Source: Hiiraan Online
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha muslimiinta qaranka Kenya Sheikh Juma Ngao ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay in dowladda Kenya ay tahay inay xushmeyso dowladda Soomaaliya islamarkaana ay u dhaafto inay maamulato arrimaha gudaha dalkeeda. “Xiisadda u dhaxeysa labada dowladood waxay saameyeneysaa walaalaheen Waqooyi Bari Kenya. Waa in dowladda Kenya ay dib u fakartaa oo ciidamada ay kusoo celisaa dalkooda,” ayuu yiri Sheikh Ngao. Waxa uu sidoo kale dowladda ugu baaqay inay dadkeeda badbaadiso intii ay halis ku hogaamin lahayd. “Haddii ay ka walaacsan yihiin halista Al-Shabaab, waa inay xuduudeena dhigaan ciidamo, ma ahan inay ciidamo geeyaan gudaha dal kale. U dhaaf arrimahooda inay la tacaalaan,” ayuu yiri. Khalid Cabdi oo isna ka mid ah culimada Kenya ayaa ka hadlay xiisadda gobolka. “Waxa hadda ka dhaxeeya labada dowladood waxay si toos ah u saameyneysaa shacabka Kenya. Waa in dowladda ay joojisaa beenta ay noo sheegeyso. Haddii ay tahay in ciidamada lasoo saaro, waa inay sidaas sameysaa,” ayuu yiri Khalid. Aqoonyahan kale oo Muslim ah oo lagu magacaabo Hashim Geedi ayaa dowladda Kenya ku eedeeyey mas’uuliyadda dhibaatada ka taagan Waqooyi Bari. “Walaalaheen waxay ka qaxayaan guryahooda sababo amni darro dartood. Sidee dowladda ku ogolaan kartaa amni darro ku dhacda shacabkeeda,” ayuu yiri Hashim. Baaqa culimada ayaa yimid kadib markii horraantii bishan ay sare u kacday xiisadda Mandhera, kadib markii xuduudda ay ku dagaalameen ciidamada Jubaland ee Mandhera ku sugan iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beled Xaawo. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in booqasho aan weli waqtigeeda la shaacin uu ku tago Kenya, si uu ula kulmo madaxweyne Uhuru Kenyatta, ugalana hadlo xiisadda.
  4. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug , waxaa ka dhacday arrin cabsi badan ku abuurtay dadka ku nool magaalada, kadib markii gabar da’ yar lagu duray cirbad sun ah. Gabar 17-sano jir ah ayaa waxaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen koox burcad ah, iyagoo ku duray cirbad la aaminsan yahay inay sumeysneyd, taas oo illaa hadda aan la ogaan waxa ay tahay. Shariif Maxamed Kaadiye oo adeer u ah gabadha lagula kacay falkaas oo u waramay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kooxdaas ay gabadha weerartay xilli ay xareyneysay Ari u joogay cidda. Shariif ayaa sheegay in kooxdaas ay wadatay mooto Bajaaj, isla markaana ay isku dayday in ay qaataan gabadha, taas oo sababta in marka hore ay ku duraan cirbad ay ku suuxday, balse laga soo gaaray inta aysan qaadan, kadib markii ay gabadhu qeylisay hal mar. Gabadha ayaa waxaa hadda lagu baxnaaninayaa cisbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo, waxuuna sheegay adeerkeed in weli ay la miyir daboolantahay cirbadii ay ku dureen kooxda hubeysan, oo uu sheegay in ay baxsadeen. Dhakhaatiirta cisbitaalka ayaa sheegay in ay weli garan la’yihiin sunta loo adeegsaday gabadhaas, isla markaana ay hadda baaritaan ku wadaan, iyagoo xusay in reerka gabadha ay u keeneen cirbadii lagu duray gabadha oo dhiig leh, taas oo ay weli baarayaan. Sidoo kale dhakhaatiirta isbitaalka ayaa sheegay in ay dib ka shaaci doonaan waxa ay tahay suntan ay gabadha yar u adeegsadeen kooxdaasi. Reerka gabadhaas yar ayaa sheegay in cabsi badan ay lasoo deristay haatan, iyagoo maamullada Galmudug iyo Puntland ka dalbaday inay iska kaashadaan sidii loo soo qaban lahaa kooxdaas burcadda ah. Halkan ka dhageyso weysiga gabadha la sumeeyey Adeerkeed https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/Adeerka-Gabadha-dhibka-gaaray-1.mp3
  5. Xoggo laga helay amiiradii la xidhay ee Sacuudi Carabiya iyo hal arrin oo loo ogolaaday Qaar ka tirsan warbaahinada reer Galbeedka ayaa daaha ka qaaday xog cusub oo laga helay Amiiradii ay xirtay boqortooyada Sacuudiga maalmo ka hor, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogaan sababa keenay xarigooda. Wargeyska Washington Post oo la hadlay qaar ka tirsan qoysaska ay kasoo jeedaan Amiirada la xiray ayaa sheegtay in loo ogolaaday inay la xiriiraan qoysaskooda iyo ilmahooda. Waa markii ugu horeysay ee loo ogolaado inay xiriir la sameeyaan qoysaskooda tan iyo markii la xiray Jimcadii lasoo dhaafay. Wargeyska oo sidoo kale soo xiganaya qoysaskaas ayaa qoray in Amiirada la xiray ay u sheegeen qoysaskooda inay ku xiran yihiin guryo si gaar ah loo leeyahay, isla markaana aysan ku xirneyn xabsiyada dadweynaha, taasi oo mar kale dadka soo xasuusineyso Amiiradii iyo Ganacsatadii la xiray sanadkii 2017, kuwaas oo lagu xiray Hotelka The Ritz-Carlton oo ku yaal magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga. Wargayska Washington Post oo soo xiganaya ilahaas qarsoon ayaa sheegay in Amiir Ahmed Bin Abdulaziz oo ah walaalka la dhashay boqor Salman Bin Abdulaziz iyo amiir kale oo ka tirsan maxaabista ugu caansan ee la xiray ay qoysaskooda ka codsadeen in loo keeno dharka “Bisht” oo ah dharka caadada u ah inay xirtaan Amiirada Sacuudiga marka ay yeelanayaan kulamada, waxayna taasi muujineysaa suurtagalnimada inay kasoo hor muuqdaan shacabka inkastoo si qasab ah loo xiray. Washington Post ayaa qoray in xiritaanka ilaa Afar Amiir oo caan ah, iyo 16 kale ay muujineyso go’aanka Mohamed Bin Salman oo ah inuu ka takhaluso cid kasta oo uu uga cabsanayo kursigiisa, wuxuuna qaaday tallaabooyin muujinayo kaaligii talisnimo tan iyo markii uu xukunka kala wareegay aabihiis sanadkii 2017. Wargeyska Wall Street Journal ayaa dhankiisa qoray in maamulka Sacuudiga ay sii daayeen dhawr Amiir oo ka tirsan kuwii lasoo xiray kadib markii lagu sameeyey baaritaan keenay in lagu waayo dhammaan waxyaabihii lagu tuhumayey. Wargeyska ayaa dadka lasii daayey sheegay inay kamid yihiin wasiirkii Arrimaha Gudaha Abdulaziz Bin Saud Bin Nayif iyo aabihiis Saud Bin Nayif. Wakaaladda wararka ee Associated Press oo sii xiganeysa illo wareedyo Sacuudi ah ayaa sheegtay in Xariga Amiirada oo ay kamid yihiin Ahmed bin Abdulaziz oo la dhashay Boqorka, Dhaxal-sugihii hore Muhammad bin Nayef iyo Nawaf bin Nayef ay digniin culus u tahay dhammaan xubnaha kale ee ka tirsan qoyska Boqortooyada. Qaran News
  6. Ciyaartoy geeriyooday kaddib markii uu istaagga ka dhacay isagoo garoonka ku jira+Ambalaaskii lagu carari lahaa oo kici waayey Chineme Martins oo 22 jir ahaa ayaa geeriyooday xilli ay Aaxaddii socotay ciyaar ka tirsan horyaalka Nigeria Xiriirka Kubadda Cagta ee dalka Nigeria (NFF) ayaa hakiyay tartankii ciyaaraha, iyagoo sheegay in la hubin doono adeegyada caafimaad ee dhammaan kooxaha ka tirsan horyaalka dalkaas kaddib markii uu maalintii Axadda ahayd geeriyooday ciyaartoy garoonka ku jiray. Chineme Martins, oo 22 jir ah ayaa istaagga ka dhacay xilli uu u ciyaarayay kooxdiisa Nasarawa United. Martins ayaa mar qura miyir daboolmay, isagoo uusan ciyaartoy kale la joogin, markii ay ciyaarta mareysay qeybtii labaad. Kooxda Nasarawa ayaa markaas la ciyaareysay kooxda kale ee lagu magacaabo Katsina United. “Ciyaartoyga waxaa adeeg caafimaad u fidiyay dhakhaatiirta labada kooxood … Markii dambena waxaa loola cararay isbitaalka Dalhatu-Araf Specialist ee magaalada Lafia, halkaasoo ugu dambeyntii lagu shaaciyay inuu geeriyooday”, ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray maamulka xirfadleyda Horyaalka Kubadda Cagta ee Nigeria. Meydkiisa ayaa lagu sameeyay baaritaan, si loo ogaado sababta keentay dhimashadiisa. Hase ahaatee Xiriirka Kubadda Cagta Nigeria ayaa sheegay in aan ciyaar kale la qaban doonin ilaa laga xaqiijiyo in dhammaan kooxaha ay heystaan qalab caafimaad oo dhammeystiran, sida uu qabo sharciga ciyaaraha ee dalkaas. Gaarigii gurmadka deg degga ee loo keenay in ciyaartoyga lagula cararo isbitaalka ayaa kici waayay. Dad goob joogayaal ah ayaa laanta ciyaaraha ee BBC-da u sheegay in laga daahay in Martins loola cararo isbitaalka, maadaama uu gaarigii Gurmadka degdegga ah cillad yeeshay. Kooxda uu ciyaartoyga ka tirsanaa ee Nasarawa United ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin dhacdadan. Chineme Martins ayaa xilli ciyaareedkan afar jeer u saftay kooxdiisa. Wasiirka Ciyaaraha ee Nigeria, Sunday Dare ayaa geerida Martins ku qeexay “mid laga qoomameeyo oo laga hortagi karay”, wuxuuna intaas ku daray “in Wasaaraddu ay Xiriirka Kubadda Cagta la kaashan doonto howlaha lagu wajahayo baaritaannada la xiriira dhacdadan”. Waa markii labaad oo ay taageerayaasha magaalada Lafia la kulmaan musiibo. Bishii December ee sanadkii 2018-kii xiddiggii kooxda Kano Pillars, Dominic Dukudod, ayaa istaagga ka dhacay, oo geeriyooday, isagoo isku kululeynaya ciyaar saaxiibtinnimo ah oo ay la yeelanayeen kooxda Nasarawa United qudheeda. Qaran News
  7. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka tirsan xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland, ayaa si cad u soo bandhigay Damaca dowladda Itoobiya ee ku aadan Baddaha Somaliland. Xildhibaanka ayaa sheegay in damaca Itoobiya ee xeebaha Somaliland uu yahay mid soo jireen ah oo ay iska daba dhaxleen dowladihii ku kala dambeeyay xilka dalka Itoobiya. Jirde ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey inaysan weli dhiman himiladii Shanta Soomaaliyeed ee uu wadcigu xidhay, isla markaana uu filayo inay isku imaan doonaan iyaga oo xor ah. Xildhibaanka ayaa ka digay in lagu sirmo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, iyada oo loo maleynayo in uu jecel yahay Soomaalida oo uu wax wanaagsana u wado, waa sida uu hadalka u dhigaye. Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Dowladda Itoobiya waa dawlad aynnu deris nahay, waana dawlad hindiseyaal soo jireen ka leh mandaqadda, himilooyinka caynkaas ahina ma dhintaan oo kolba dawladda timaada ayaa wadciga la socodsiisa dadka oo siday wax uga badalayso se wax dhinta maaha”. “Arrinta ah in Itoobiya doonayso xeebaheena wax qarsoon maaha. Inagaba himilooyinkeenu may dhiman oo Soomaali-weyn inagamay dhimanin, shanti Soomaaliyeed inagamay dhimanin ee wadcigan uun baa xidhay, waxaana aanu filaynaa maalin ka mid ah in shanti oo xor ah ay isa soo doontaan oo waa wax aan dhimanin, himilooyinka caynkaas ahina ma dhintaan”. Wuxuuna intaas kusii daray “Markaa Abiy baa adeerkeen ah oo ina jecel oo wax wanaagsan inoo wada waa wax la sahashanayo, waana waxyaabaha lagu sirmo weeye, waxaynu u baahanahay ilayn khubaro waa aynnu lee nahee in la yidhaa cilmi-baadhisyo ka soo saara iyo qorsheyaasha aynnu kaga badbaadaynno waxaa mandaqadda ka socda”.
  8. Boorama (Caasimada Online) ― Magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay arrin halisteeda leh, midaasi oo ah gubasho is xig-xigtay oo aan la garaneyn wax sababay. Caasimada Online ayaa baaritaano ku sameysay tirada guryaha mudadii u dambeysay ku shuf beelay gudaha magaalada Boorama, kuwaasi oo ku dhawaa 48-guri iyo weliba 3-gaadhi. Gubashada is xig-xigta oo mid yaab leh ah ayaa loo aaneyn kareyn dhanka Korontada maadama intii aan ku guddo jirnay baarista arrintaasi aan ogaanay in Meelaha qaar ee gubtay aysan laheyn wax koronto ah. Waxa sidoo kale intii Caasimada Online ay arrintan ku daba jirtay ay ogaatay Meherado qaarkood lagu shubay Petrol, kuwaasi oo la rabay in iyagana la gubo, balse ay suuroobi weyday markii dambe, isla markaana ay dadkii Meheradu ay ka dhaqeen darbigooda Petrol-kaasi. Caasimada Online ayaa intii ay ku howlaneyd baadhista arrinkan gubashada la xiriirtay maamulka gobolka Awdal, inkasta oo ay ka gaabsadeen ka hadalka sababaha keenay gubashada is xig-xigtay ee nolol maalmeedka reer Boorama ka mid noqotay, iyo sababah loo soo qaban laayahay dadka ku lugta leh. Ciidamda Dab-damiska Boorama oo iyaguna ah kuwa inta badan damiya dabka ka kaca magaalada, ayaa iyaguna gebi ahaanba ka gaabsaday in ay nala wadaagaan waxyaabaha sababay dabkaasi, balse ay ku gaabsadeen in la baari doono. Laamaha amaanka ayaa iyaguna wax war ah ka soo saarin gubashada faraha ka sii baxeysa ee muddooyinkii dambe ka socotay gudaha Boorama, isla markaana aan soo bandhigin dad loo qabtay hal Kiis oo ku saabsan gubashada magaalada. Sida ay Caasimada Online ogaatay weli ma jiraan khasaare Nafeed oo ka dhashay gubashooyinkaasi, balse waxa jira dhaawacyo fudud iyo khasaare hantiyeed oo lixaad leh, midaasi oo intaasi kasii badan karta haddii ay sii socoto gubashada joogtada ah. Gubashada Boorama oo gudaha magaalada ka noqotay mid kamid ah nolol maalmeedka halista badan, ayaa maalin kasta laga maqla Meelo gubtay, iyada oo maanta oo Isniin ahna lagu soo warameyey in goordhoweyd uu shuf beelay Hal gaadhi iyo Guri ku yaalay xaafada Saanbeeriya ee gudaha Boorama.
  9. Muslim clerics have called upon the government to rethink its strategy and withdraw the Kenya Defence Forces (KDF) from neighbouring Somalia. Speaking to the Nation, Kenya Muslims National Advisory Council (Kemnac) chairman Sheikh Juma Ngao said Kenya should respect the Somali government and allow it to deal with its issues. “The ongoing tension between the two governments is affecting our brothers in North-Eastern region. They (government) should rethink and bring our soldiers back home,” said Sheikh Ngao. He further urged the government to protect its own people instead of exposing them to danger. “If they are worried about Al-Shaabab threats, then they should place the military on our borders, not inside neighbouring countries. Let them come and deal with the ones in Boni forest first,” he said. Khalid Abdi, a Muslim cleric, also commented on the regional crisis. “What is going on currently between the two governments is directly affecting the residents …The government should stop lying to us and resolve the matter. If it is withdrawal of KDF, then they should undertake to do so,” said Mr Abdi. Another Muslim cleric, Hashim Gedi, placed the blame for the crisis in North-Eastern squarely on the government. “Our brothers are moving away from their own homes due to insecurity. I thought we are all patriots of this country, how can the government cause insecurity to its own people?” he asked. “We all saw what happened in Mandera. Our children are out of school after they transferred all the teachers. Most classrooms in the region are now empty” Mr Gedi added. “They are saying they are protecting Kenyans. But all we are seeing is the opposite of that.” The comments from the clerics come as tension in Mandera town entered its second week after two Somali military camps clashed in the neighbouring town of Bula Hawa, the effects of which spilled over into Kenyan soil. Somali president Mohamed Farmaajo is expected to meet President Uhuru Kenyatta at a date that is yet to be announced. This follows a meeting between Mr Farmaajo and Interior CS Fred Matiang’i’s delegation where he presented an invitation from Mr Kenyatta.
  10. The United States of America and the United Kingdom have called on Somalia to exercise restraint and reduce the presence of security forces in Gedo. In a joint statement with IGAD and AMISOM, the two countries expressed grave concern at the build-up of security forces in the Gedo region of Jubaland, Somalia and clashes in the vicinity of Belet Hawo on 2 March that has resulted in the displacement of civilians and casualties. “We urgently call upon all actors to exercise restraint, to reduce the presence of security forces in Gedo, and to avoid any actions that could spark violence. We note the importance of stability and good cooperation among Ethiopia, Kenya and Somalia in their common border area where they have shared security interests,” the statement said. The two countries further welcomed the communication between President Mohamed Abdullahi Farmaajo and President Uhuru Kenyatta last week. “We encourage the leaders to continue to deescalate tensions, to cooperate on border security, and to form a joint committee to address issues of diplomacy and trade as they agreed,” the statement read in part. According to US and UK, the engagement between the leaders as a necessary step, and underscores the importance of continued direct communication between Somalia and Kenya. They said it was commendable for the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) for the outreach and providing good offices for the continuation of this dialogue until lasting solutions are in place. “For the long-term stability and security of the border region and of Jubaland, the partners urge cooperation and dialogue between the Federal Government of Somalia (FGS) and Jubaland authorities in order to advance the fight against al-Shabaab. They call for any individuals accused of crimes or human rights violations to be arrested and subject to due process in accordance with the rule of law,” the statement read. The statement comes after President Uhuru Kenyatta on Sunday sent senior state officers to Somalia in the latest move signaling a climb-down in tensions between the two countries. The team of security chiefs led by the Interior CS Fred Matiang’i met Uhuru’s Somali counterpart Mohamed Abdullahi Farmaajo amid efforts to iron out issues over an alleged border intrusion. The move came amid tension between the two countries on its border points in Mandera. Last week the Somalia National Army battled Jubaland forces in Bula Hawa near Mandera County. The fighting by forces traditionally united against Al-Shabaab militants saw Kenya and Somalia accuse each other of territorial integrity violations.
  11. Muslim clerics have called upon the government to rethink its strategy and withdraw the Kenya Defence Forces (KDF) from neighbouring Somalia. Source: Hiiraan Online
  12. Mogadishu ( PPM) ⁠— One year ago in Garowe President Mohamed Abdullahi Mohamed rejected the call from Federal Member States to form a collective leadership council to prepare Somalia for elections. With less than a year to go before the planned 2021 elections the International Community urged Somali stakeholders to pool their to hold “credible” polls. The Federal Government relies upon the electoral law passed by the Federal Parliament in December 2019. Not all Federal Member States agreed the electoral model. In March 2016 there was a consensus on the enhanced elections held in 2017. The incumbent Federal Government and Federal Member States lack a common political ground to thrash out issues that affect cooperation over preparations for the 2021 elections. President of Somalia expects term extension The Federal electoral law complicates matters. Article 53 empowers the Federal Parliament to decide the next if elections do not take place as planned. Inserted in the electoral law is an ambiguous clause that can be interpreted in different ways. If planned one person, one vote elections do not come to pass, the Federal Parliament will decide where to go from there. This can mean either (a) the Federal Parliament will expedite a term extension for the executive and legislative branches or (b) the Federal Parliament will recommend the appointment of a caretaker government. First scenario is less likely given the opposition to term extension expressed to Somali political parties and the International Community. The second scenario might stand a better chance to succeed if it gains the backing of the Federal Member States. The lack of national electoral consultative platform adopted by the Federal Government turned out to become its Achilles heel. If Puntland rejects electoral modalities, the legitimacy of Federal Institutions will be called into question. Somaliland has already distanced itself from federal political processes. The looming constitutional crisis Somalia faces is one the incumbent Federal Government has engineered with scant attention to political consequences. © Puntland Post Monthly , 2020 Click here to download a full webzine The post The Looming constitutional crisis in Somalia appeared first on Puntland Post.
  13. Hargeisa ( PPM) — Berbera urban development project was jointly inaugurated in Berbera by the European Union, Somaliland Ministry of Planning, Municipality of Berbera and UN-Habitat on the 30th of January 2020. According to the joint press statement released, the €7.5 Million “project will support inclusive and sustainable development of the coastal city through strengthening the capacity of the municipality in urban planning, improving the waste management system as well as stimulating employment and entrepreneurship for urban communities.” The Vice President of Somaliland H.E. Abdirahman Abdilahi Saylici, who was present at the event, has noted how important this project will be to helping Somaliland attain National Development Plan II goal. The Vice President has also underlined that the government will prioritize the development projects similar this project to promote economic growth and create opportunities for citizens, especially women and youth. Somaliland Vice President Abdirahman Sayli’i The European Union’s H.E. Ambassador Nicolas Berlanga Martinez who has also made remarks at the inauguration of he project emphasized the significance of the project for the City of Berbera in terms of sustainable development and increased economic activities in the city as well as more opportunities for its inhabitants. “This project will propel the city of Berbera to achieve sustainable development goals of building resilient infrastructure, promotion of industrialization and innovation. The project will hopefully address the challenge to improve waste management not only in economic or operational terms but also considering the environmental and social impacts” Ambassador said. The Federal Government of Somalia has signed this project, in September 2019, with the European Union with a total budget of €23 Million for the coastal cities of Mogadishu and Berbera. The rest of the fund will be committed to projects in go to the capital City of Mogadishu. © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post Berbera Urban Project Launched by Somaliland Government and the European Union appeared first on Puntland Post.
  14. dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ciidamo ka tirsan Daraawiishta Maamulkaas waxa geeyeen degaanka Diif ee Jubada hoose oo ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Kenya Degaankaas waxa ay ciidamada ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay ku gaaraan degaanno kale oo ka tirsan Jubada hoose oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab sida saraakiishu ay sheegeen. Tallaabada ciidamada lagu kordhiyay ayaa timid kadib markii shalay gelinkii dambe iska hor imaad kooban uu dhexmaray Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaabin kasta oo aan la sheegin waxyeelada kala gaartay labada dhinac. Dadka degaanka waxa ay sheegeen in saacadihii lasoo dhaafay in degaanka ay tagayeen Ciidamada Daraawiishta oo wata gaadiidka dagaalka halkaasn ay isla xalay ka sameysteen saldhigyo cusub. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Magaalada Dhoobley waxa uu wadaa abaabul ciidan, waxaana dhawaan uu sheegay in qorshaha Jubbaland uu yahay gacan ku dhigista Caasimadda Maamulkaas ee Bu’aale. PUNTLAND POST The post Jubaland oo ciidamo xooggan geysay degaanka Diif ee gobolka Jubada hoose appeared first on Puntland Post.
  15. Guddiga qaban-qaabada Xuska 60-guuradii Xoriyadda iyo Midnimada Soomaaliya ayaa Madaxda heer Federaal iyo heer dowlad gobolleed ugu baaqay in ay ka qeybqaataan xuska sannadkan 2020 oo loo aqoonsaday sannad ahmiyad gaar ah leh. War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga qaban-qaabada Maalmaha Xoriyadda iyo Midnimada ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada looga baahan yahay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga qeyb qaatan Xuska Xoriyadda iyo Midnimada oo muhiim ah. Sidoo kale Qoraalka Guddiga ayaa waxaa Madaxda Maamul Goboleedyada lagu faray inay magacaabaan Guddiyo ka shaqeeya Xuska Xoriyadda, isla markaana ay u shaqeeyaan sida haatan ay howsha u wadaan oo kale Guddiga ay magacaawday dowladda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Guddiga Qaban-Qaabada Maalmaha Xoriyadda oo u Baaq Diray madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in caawa wasiirrada, xildhibaanada iyo Senator-ada beelaha Mogadishu Clan, kuwooda muxaafidka ah, uu shir uga socdo Hotelka Maa’ida (Ex Naasa-hablood) laba oo ku yaalla afaafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya. Xubnaha ku shirsan halkaas waxaa la sheegay in uu hoggaaminayo wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, isla markaana kulankaas looga hadlayo ka mid noqoshada xisbi ay yeelato Nabad iyo Nolol ee Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo in uu Kheyre isku soo taago xilka Madaxweynaha Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2021-ka. Xubnaha iskugu yimid kulankaas ayaa ah kuwo taageersan Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxayna ka baaraan degayaan sidii ay ku suurta geli laheyd in Kheyre uu isi soo sharaxo, markii lagaaro waqtiga doorashada Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudantahay in horay madaxweyne Farmaajo uu u sheegay in ay soo wada dhisa doonaan hal xisbi oo weyn, kaas oo ay uga qeyb gelayaan doorashada soo socota. Horay siyaasiyiin iyo ganacsato ku beel ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa olole taageero loogu raadinayo uga billaabay magaalada Nairobi, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xubnaha ololahan wada ay ku jiraan xildhibaano iyo qaar ka mid ah ganacsatada ugu caansan Muqdisho. Xubnahan ayaa la kulmaya ganacsatada Soomaalida ee Nairobi, oo ay ku jiraan kuwa kasoo jeeda deegaanada Soomaalida ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre weli si rasmi ah uma shaacin inuu yahay musharax, hase yeeshee waxaa aad loo rumeysan yahay inuu sidaas damacsan yahay, waxaana dadaallada socda ay horudhac u yihiin qorshaha uu ku xaqiijinayo taageero xooggan ka hor inta aanu ku dhowaaqin musharaxnimadiisa. Dadaallada ay wadaan xubnaha ku beesha ra’iisul wasaare Kheyre ayaa la rumeysan yahay inaysan ku dooneyn kaliya dhaqaale ‘ Waa ay heli karaan dhaqaale ku filan’ balse waxa ay raadinayaan taageero siyaasadeed. Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddo laga sugayey inay ku dhowaaqdo xisbiga ay uga qeyb-galeyso doorashooyinka dalka ka dhacaya, basel weli waa ay ku guuleysan la’dahay. Mid ka mid ah sababaha ugu weyn ayaa lagu sheegay in Kheyre uu diidan yahay inuu qeyb ka noqdo, inkasta oo madaxweyne Farmaajo uu sheegay inuu ka mid noqonayo.
  17. MOGADISHU (HOL) - The UN has called for urgent meeting between the Federal Government and Federal Member States to find a solution to the long running disagreements between the two levels of government. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-____-Qumanha-Wararka-09032020.mp3 View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa si faah-faahsan uga hadlay xiisadda ka dhex aloosan dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Wasiir Cawad oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in wadahadal dheer kadib, haatan lagu balamay in xiisadda la qaboojiyo, labada dalka ay si dhab ah uga wada hadlaan arrimaha dhex yaalla. Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu booqan doono maalmaha nasoo aadan dalka Kenya, isla markaana qabanqaabada safarkaas hada lagu guda jiro. Wasiirka ayaa ka hadlay ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya, waxuuna sheegay in ciidankaas ay qeyb ka yihiin howlgalka AMISOM ee nabad ilaalin u joogta dalka, isla markaana ay ku joogayaan rabitaanka iyo ogolaanshaha dowladda Soomaaliya. Cawad ayaa dowladda Kenya uga mahad celiyey sida ay kaalinteeda uga qaadato la dagaalanka Al-Shabaab iyo nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya, isagoo ugu baaqay ciidanka Kenya in aysan ka leexan maandheydka ay ku joogaan dalka. Mar wax laga weydiiyey in dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay Kenya inay u soo gacan geliso wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo baxsad ka ah, ayaa waxa uu sheegay in booliska caalamiga ah ee INTARBOL oo ay qeyb ka tahay Kenya ay ka dalbadeen in ninkaas lagu qabto meel kasta oo uu joogo loona soo gacan geliyo dowladda Soomaaliya, balse Kenya ay qadarin weysay dalabkaas. “Kenya waxaan nahay deris, waxaan u heynaa abaal weyn intey nasoo garab taagneyd, laakiin mararka qaar waxaa dhacaysey faran gelin gudaha Soomaaliya ay ku sameyneysay, waxaana tusaale u ah in nin dembiyo dagaal loo heysto uu joogo gudaha Kenya, taasina ma kala qabato laba dal oo deris ah, Soomaaliyana markasta waxay ilaalineysaa deris wanaag, laakiin waxay ku qasbantahay in ay dhowrto midnimada dalkeeda iyo dadkeeda” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad. Halkan ka dhageyso wareysiga wasiirka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/wasiir-cawad.mp3
  20. Halkan ka daawo Kulanka Jaaliyadaha Waqooyiga America ee Taageerada Shirweynaha Beesha Mudulood ee Muqdisho Source
  21. Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda Ingiriiska ayaa gebi ahaanba joojineysa taageeradii balaadhneed ee ay siin jirtay ciidamada Somaliland ee la dagaalanka argagixisada ee RRU, SPU iyo CTU. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin ayaa si rasmiya u shaaciyay in Dowladda Ingiriisku ay gebi ahaanba taageeradaasi ay ka joojin doonto, marka la gaaro 31-bishan March ee sanadkan 2020. Wasiirka ayaa ka dhawaajiyey in Kaalintaasi muhiimka ah ee ay UK uga baxeyso Somaliland loo baahan yahay in uu buuxiyo Midowga Yurub, xili uu garabkiisa fadhiyo ergeyga Midowga yurub ee Soomaaliya. Dowladda Ingiriiska ayaa taageero badan oo maaliyadeeda ku bixin jirtay Ciidamada RRU, SPU iyo weliba CTU, oo loogu talo galay la dagaalanka Argagixisada, inkasta oo muddooyinkii dambe ay xukuumadu u adeegsan jirtay beegsiga dad gaar ah. Ciidamadaasi oo ka tirsan Booliska Somaliland, ayaa badanaa waxa loo adeegsada beegsiga dadyowga ka soo horjeeda siyaasada dowladda, kuwaasi oo ay ugu daatan guryahooda, sida dhowr jeer ku dhacday Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Lamana oga in Midowga Yurub uu kaalintaasi buuxin doono kadib dalabkaasi uu maanta u jeediyay Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Maxamed Kaahin.
  22. Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa goor dhoweyd oo caawa ah ka dhacay qarax geystay khasaaro naf iyo maalba leh. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan magaalada Boosaaso ayaa ka dhacay afaafka hore ee Dekada Boosaaso, oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan ilaalada Dekada, waxaana la aaminsan yahay in uu ahaa nooca dhulka lagu aaso. Saraakiil ka tirsan Puntland oo codsaday in aan magacooda la xusin ayaa PUNTLAND POST u sheegay in qaraxa uu ku dhintay hal qof oo ka jeeda dalka Itoobiya, sidoo kale uu ku dhaawacmay askari ka tirsan ilaalada Dekada Boosaaso. Sidoo kale qarax ayaa geystay khasaaro hantiyeed, isagoo burburiyey guryo iyo gaadiid ka dhawaa agagaarka uu ka dhacay. Ilaa iyo hadda ma jirto wax faahfaahin ah oo ka soo baxday hay’adaha ammaanka gobolka Bari oo looga hadlay qaraxan. Weerarada ka dhaca magaalada Boosaaso waxaa inta badan sheegta kooxaha taageersan Daacish iyo Al-shabaab ee ku dhuumaalaysta buuralayda gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay afaafka hore ee Dekada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  23. Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinayo Madaxwayne Ku-xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan karaash ayaa Aqalka Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay, Wefti uu hoggaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan. Deni iyo Danjire James Swan ayaa kulanka kadib si wadajira ula hadlay warbaahinta. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Safiirka ay ka wadahadleen arrimo ay kamid yihiin doorashada dalka ee 2020/2021, xoojinta amniga, dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Puntland. Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan ayaa dhankiisa xusay in Qaramada Midoobay ay sii wadidoonaan taageerada dhanwalba leh ee ay ka taageerto Dowladda Puntland. View the full article