-
Content Count
214,390 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Magaalada toogashada adduunka oo u qaybsan labada qaybood Askari dawladda ah oo dhex lugaynaya magaalada Tacis. Magaalada Tacis ee koofurta dalka Yeman ayaa hoy u noqotay mid ka mid ah dagaallada sokeeye, kuwooda ugu muddada dheer. Waxaa loo yaqaannaa ‘magaaladii toogashada’, Tacis oo u kala qaybsan labo qaybood oo ay kala haystaan fallaagada Xuutiyiinta iyo xoogagga daacadda u ah dowladda ayaa hadda ku jirta xaalad go’doon ah. Weerarrada cirka ee Sucuudiga ayaa halkaa ku socdey tan iyo markii uu bilowday dagaalkaasi sanadkii 2015-kii, dadka reer Tacis-na waxaa ay sheegeen tan iyo markaa in ay dareemayaan in la hilmaamay. Magaaladu waxa ay u kala qaybsan tahay labo dhinac, oo ay kala maamulaan Xuutiyiinta iyo dowladda. Waxaana u dhexeeya gidaar gabbaad uga ah, dhinacba dhanka xiga, waxaa ay u yaqaannaan ‘furinta dagaalka’. Waddooyinka maagalada iyo sida ay u baaba’een BBC-da ayaa fursad u heshay in ay aragto sida ay u egtahay nolasha dadka ku nool dhinaca ay dowladdu maamusho magaaladan kala qaybsan ee Tacis. Markasta khatar ayay ahayd, sida ay sheegeen saxafiyiintii goobtaasi gaadhay. Muuqaallo kor lagaga qabtay magaaladaas ayaa muujinaya, khadka u dhexeeya ee ay isku hor fadhiyaan labada dhinac, taas oo ah waddada halbowlaha u ah magaalada ee dhex marta. Xuutiyiinta ayaa gacanta ku haya waddada laga soo galo iyo tan looga baxo magaalada. Qofka raba inuu u safro koonfurta magaaladan waxa ay ku qaadan jirtey shan daqiiqo markii hre, hadda se waxay ku qaadanaysaa muddo ku dhaw shan saac illaa lix saac. Waddooyinka ku yaal lama odhan karo waa waddooyin, waxaa ka buuxa qashin, gawaadhi gubtay ama la nacay, meel kastana waxaa taal isbaaro ama bar koontarool. Qofka dhexmarayaana halis ayuu ugu jiraa inay toogtaan cid uusan garanaynin. Xoogaga koonfurta ee daacadda u ah madaxweyne Hadi Gabadh ka mid ah dadka ku nool waxay noo sheegtay, in halkan haba yaraatee wax nolol la odhan karaa aysan ka suuroobin, waxay sheegtay in hablaha badankoodu waxbarashadii joojiyeen. Sidoo kale dadka bukaanka ahi aysan gaadhi karin cusbitaallada, maadaama magaaladu kala xidhan tahay. Xuutiyiintu waxay magaaladan maamulayeen badankeeda tan iyo 2014. Halka dawladda oo ay taageeraan isbahaysiga Sucuudigu, oo ay ka mid yihiin Maraykanka iyo UK ay si adag u duqeeyaan magaaladan. Marwaan, oo BBC-da la hadlay, waxa uu na tusay gurigiisii oo gebi ahaanba burburay. Waxaana halkaasi ku dhintay toban qof oo ka mid ah qoyskiisa. Waxa uu sidoo kale noo sheegay in meydka qoyskiisan markii la duqeeyey ay ku qaadatay, muddo ku dhow lix maalmood inuu helo meydkooda. Dadka dhibta ka soo gaadhay duqaymahan waxay sheegeen inaysan jirin cid dib u soo eegtay, oo qiratay masuuliyadda waxa ay halkan ka geysteen. Tacis waa magaalo qaybsan maanta, waana sawir waadax ah oo caddaynaya in halkani tahay goob dagaal. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ibraahim Aadan Cabdikariin oo ka mid ah xildhibaanada garabka sibedel doonka Jubaland ee uu hoggaamiyo Cabdirashiid Xidig ayaa sheegay in uu xabsi guri ku yahay magaalada Muqdisho, kadib markii maanta lagala haray diyaarad u socotay gobolka Gedo. Ibraahim oo u waramay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in is hortaaga lagu sameeyey uu salka ku hayo arrimo qabiil, sida uu hadalka u dhigay, maadaama sida uu sheegay uu si buuxda u taageersanaa isbedellada siyaasadeed ee dowladdu ay ka wado Jubbaland. “Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in aan ka mid ahaa dadka taageersan dhaqdhaqaaqyada ay dowladdu ka wado Gedo, hada waan xiranahay dowladda Soomaaliya ayaana u xiranahay, in dowladdu xarigeyga ka bixisaa jawaab degdeg ah, dadka aan metelana halaga daayo sida lagula dhaqmaayo, hadii la iska dhaadhiciyey in dowladnimo ayaa sidaan ku dhalaneysa, wax ka jira malahan waana isku tashaneynaa”ayuu yiri xildhibankan ka tirsan is bedel doonka Jubbaland. Sidoo kale Ibraahim ayaa sheegay in hadda uu ku xiran yahay garoonka Muqdisho meel u dhaw, isla markaana uu la yaabanyahay sababta looga khasaariyey kharashkiisa, isagoo sheegay in uu weligiisba taageersanaa xukuumadda Nabad iyo Nolol. “Weligey waxaan dhihi jiray dadka aan metelo ka hara waxa ay san rebin dowladdu, marka hadii maanta Nabad iyo Nolol dadkii taageersanaa lasii kala soo caayo waa arrin qabiil weyna iska cadahay” ayuu yiri Ibraahim Aadan. Masuulkan ayaa sheegay in sababta uu ugu socday gobolka Gedo ay tahay in uu dadka ku wacyi geliyo inay taageeraan nidaamka ay dowladdu ka wado gobolka, isla markaana laga hor yimaado dad uu ku tilmaamay dowlad-diid, sida uu sheegay. Halkan ka dhageyso wareysiga Ibraahim https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/Xildhibaan-Ibraahin-Aadan-Cabdikariim.mp3
-
Maxaa Amiirrada sarsare ee Sucuudiga loo aamusiiyay? Mohammed Bin Nayef(dhexda) ayaa ka mid ah kuwa la xiray Xarigga amiirrada sare ee Sucuudiga ee uu amray Dhaxal suge, Maxammed bin Salmaan, ayaa kicisay mowjado shaki ah oo ku saabsan sababta sida dhaqsaha ah raggan loogu aamusiiyay. Amiir Maxamed (oo inta badan loo yaqaanno MBS) oo ah mid had iyo goor dood dhalis ah, ayaa muujiyey damiciisa bilaa naxariista ah ee ku dhisan inuu khasab iyo xoog ku gaaro meesha ugu sarreysa siyaasadda, isagoo aamusiinaya cid walba oo kasoo hor jeedda ee ku jirta xayndaabka hoose tan iyo markii uu soo caan baxay sanadkii 2015-kii. Xubnaha nasiibka daran ee ay iminka dul saaran tahay seefta damaca MBS waxaa ka mid ah xubno ka tirsan qoyska reer boqor ama reer Sucuud – waxaana ka dhex muuqda adeerkii, Amiir Axmed bin Cabdul Casiis, wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha; ina adeerkiis, Amiir Maxammed bin Nayef (oo loo yaqaan MBN), horayna usoo noqday dhaxal sugihii hore iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha – waxaa loo wada xirey in su’aalo la waydiiyo iyagoo ku eedaysan khiyaano qaran, waloow aan weli la keenin wax caddayn ah. Labada nin midkoodna awood badan ma hayn: MBN waxaa si bilaa xushmad ah xilkii dhaxal suge uga xayuubiyay Boqor Salmaan oo wiilkiisa MBS booska u sallaxay 2017; halka Amiir Axmed uu door biday inuu waqtigiisa iyo lacagtiisa ku qaato magaalada London, kahor intii aanu soo laabanin dabayaaqadii sanadkii tagay. Su’aasha ay dad badani is waydiinayaan waxay tahay sababta uu MBS mar kale u go’aansaday inuu cayrsado ragga uu halista u arko, maadaama la og yahay in horay loo daciifiyey oo aanay iminka awoodda ku qabsan karin? Isaga unbaa jawaabta yaqaanna, weliba dal u xirxiran sida Sucuudiga suuragal ma aha in runta laga ogaado ilaha rasmiga ah ee madaxda Sucuudiga. Yeelkeede, hal arrin ayaa hubaal ah – amiirka da’da yari wuu sii ogaa inaysan arrintani wax wayn u dhibaynin gudaha dalka ah iyo caalami ahaanba. Donald Trump saaxiib dhow ayuu la yahay MBS Sir iyo ku tiri kuteen Kaddib markii uu ka badbaaday moowjaddii dhaleecaynta ahayd ee daba socotay khaarajintii weriyihii Sucuudiga ahaa ee Jamaal Khaashuqji, oo lagu dilay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul 2018-kii, MBS cabsi badani kuma jirto. Aqalka Cad ee Mareykanka wuxuu u taageeray si kal iyo laab ah, Britain iyo France canaantoodu aad bay u dabacsanayd, iyagoo halkoodii kasii watay howlihii Riyaad kala dhexeeyay: Ruushka iyo Shiinaha maxaaba iyaga ka galay. Marka waxay taasi MBS ku dhiirrigalisay inuu iska falo wixii uu doono sida uu u doono, isagoo awooddiisa kordhiyey isla markaana go’doominaya qaybo muhiim u ahaa nolosha Sucuudiga – ha ahaadaan wadaaddada, qaraabada, ganacsatada ama kooxaha wax cadaadiya ee maxalliga ah – isagoo mid mid ugu cajiimaya cududda dowladda. Waa Siyaasadda Kali talisnimada 101, balse ah nooca qarniga 21-aad. Tusaale, Amiirrada uu xabbisay wuxuu ku xirey hoteelka ku yaalla Riyaad ee Ritz-Carlton sanaddii 2017-kii, isagoo nin jajaban isu muujinayey markii ay kaamarooyinku qabteen isagoo MBN oo uu xilka ka xoogay u jilba jabsanaya oo gacantiisa dhunkanaya – wax loo qaatay is jejebin been ah. Waxaa loo arkaa Maxamed Bin Salmaan inuu yahay ninka wakhtigan ugu awoodda badan Sacuudiga Sidaa waxaa daaqadda uga baxay MBN oo ay reer Galbeedku tan iyo horraantii 2017-kii u arkayeen nin la jecel yahay oo la aamini karo isla markaana leh karti oo istaahila inuu Boqor noqdo. Marka la eego dhinaca xifaaltanka, awoodda qoyska reer Sucuud, inta badan waa mid ku dhisan carrab isku taag taag, waxaana soo baxday hadal hayn ku saabsan in Boqor Salmaan uu geeri qarka u saaran yahay iyo in MBS uu dareemay in afgembi uu hawada ku jiro oo uu xilligii ku habboonaa tillaabo qaaday si uu u burbriyo qorshe kasta oo isaga ka dhan ah. Labadaa doodoodba midi run kama aha, waayo waxay taasi meesha ka saaraysaa jawaabta iska cad ee ah: inay arrintani tahay farriin ka wada timid Boqor Salmaan iyo wiilkiisa MBS oo qoyska intooda kale xusuusinaya inay is toosiyaan, anshax yeeshaan, isla markaana daacadnimo muujiyaan, sidoo kalena la xasuusinayey cidda meesha ka diiq ah. Michael Stephens, oo sheekadan qoray, waa profesor ka tirsan machadka Royal United Services Institute think-tank, ee ka faallooda arrimaha Bariga Dhexe Qaran News
-
London (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka caafimaadka UK Nedine Dorries ayaa laga helay cudurka CoronaVirus, waxaana ay sheegtay in si iskeed ah ay isku karantiileyso. Dorries oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Conservative-ka ayaa sheegtay inay qaaday “dhammaan taxaddarada lagula taliyey” islamarkii loo sheegay in cudurka uu ku dhacay. Wargeyska The Times ayaa ku warramay in Dorries ay boqolaal qof kula kulantay baarlamanka toddobaadkii tagey islamarkaana ay ka qeyb gashay munaasabad uu ku sugnaa ra’iisul wasaare Boris Johnson. “Waaxda caafimaadka ayaa billowday inay daba-gasho dhammaan dadkii aan xiriirka la sameeyey, waxaana xafiisyadeeda wasaaradda caafimaadka iyo baarlamanka ay raacayaan talooyinka loo jeediyey,” waxaa sidaas bayaan ay soo saartay ku tiri Dorries. Wasiirka caafimaadka UK Matt Hancock ayaa qoraal oo soo dhigay twitter ku yiri inuu “aad ugu xun yahay” in Dorries laga helay cudurka. “Waxay sameysay waxa saxda ah si ay iskeed isugu karantiisho.” Arrintan ayaa imaneysa ayada oo tirada dadka u dhintay cudurka CoronaVirus ee UK ay gaartay lix qof, halka dadka cudurka uu ku dhacay ay guud ahaan marayaan 379 qof. In ka badan 116,000 oo qof ayaa laga helay cudurka CoronaVirus guud ahaan caalamka, ayada oo in ka badan 4,000 oo qof ay u dhinteen, sida uu sheegay ururka caafimaadka WHO.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa maanta Garoonka magaalada Hargeysa ku qabatay Nin ajnabi ah oo watay 300 oo ah xayawaanka loo yaqaano Caasho Badhi ama bulac. Ciidamada Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Ninkaasi ajnabiga ah oo sitay xayawaankaasi oo kamid xayawaanada yar yar ee xamaaratada loo yaqaano. Faysal Xiis, Taliyaha Waaxda Dabi-baarista Booliska Somaliland ahna Afhayeenka Booliska oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Ninkaasi Ajnabiga ah uu si sharci daro uu u gaarsaday Xayawaankaasi. Taliye Faysal ayaa sheegay in waaxda baaristu ay Ninkaasi ku wado baaris, isagoona xusay in la horgeyn doono Maxkamad, maadama uu si sharci daro ah gudaha Somaliland uga soo ugaarsaday xayawaankaasi loo yaqaano Caasho Badhida. Xiis oo ka gaabsaday in uu shaaciyo wadanka uu ka soo jeedo Ninkaasi ajnabiga ah ee maanta ay ku qabteen Garoonka Hargeysa, ayaa sheegay inay sharciga la tiigsan doonaan cidkasta oo khayraadka Somaliland sifo sharci daro ah ku dhoofineysa. Ma aha markii u horeysay ee Somaliland u xirto Dad ajnabi ah oo si sharci daro ah uga ugaarsada gudaha Somaliland, inkasta oo tirada xayawaankan la qabtay ay ka dhigeyso midkii ugu badnaa ee si sharci daro ah looga ugaarsado deegaanadeeda. Somaliland ayaa hore xukun Sanado ah ugu riday Rag ay ku soo qabatay xayawaankan Caasho Badhida, waana talaabooyinka muujinaya sida xukuumado ugula dagalaanto ugaadhsiga sharci darada ah ee duurjoogta.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-____-Qumanha-Wararka-10032020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamijka Galka Baarista ee idaacadda VOA ayaa soo bandhigay xaqiiqda waxay ay yihiin shirkadaha sarifka lacagaha ee online-ka ee loo yaqaan Forex eek a howl-gala Soomaaliya. Baaritaanka uu sameeyey barnaamijka Galka Baarista ayaa lagu sheegay in ganacsigaan uu yahay mid mugdi ku jiro, gaar ahaan qaabka ay u adeegsadaan shirkadaha ka jiro Soomaaliya. Baaritaanka ayaa lagu ogaaday inaysan jirin wax ganacsi ah oo ay shirkadahan ay sameeyaan, balse qaabka ay u shaqeeyaan uu yahay in lacagta laga qaado qofka cusub la siiyo qofka dambe. Marka muddo sidaas ay howsha u socota, oo dad badan ay soo galaanna mar qura lacagta lala gooyey, taasi oo marar badan uga dhacday dalal bada. Sidoo kale, waxaa barnaamijkaan lagu caddeeyey in shirkadahaan aysan wax shati ah ka heysan dowladda Soomaaliya isla markaasna ay lacagaha isugu gudbiyaan qaab sharci darro ah. Barnaamijka Galka Baarista ayaa ka jawaabay su’aalo badan oo ku saabsan shirkadahaan oo ay ugu muhiimsanaayeen waxa ay yihiin, sida ganacsigoodu u shaqeeyo, maxaa ka run ah faa’iidada ay dadka u ballan-qaadaan, xagee la geeyaa lacagta shacabka laga qaado iyo qodobo kale. Haddaba halkaan hoose ka dhageyso barnaamijkaan oo uu soo jeedinayo Haaruun Macruuf oo ka tirsan VOA. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/b92fb142-6cd1-4dd5-927a-7888ab1cfc0e_48k.mp3
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta garoonka diyaaradha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu qabtay nin Soomaali ah oo la socday diyaaradda Ethiopian Airlines. Ninkaas ayaa waxaa la sheegay in diyaaradda uu kasoo raacay dalka Shiinaha oo dabayaaqadii sanadkii hore uu ka dillaacay caabuqa Coronavirus oo dunida kusii faafaya, waxaana muwaadinkaas looga shakiyey in uu sido caabuqaas. Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda Soomaaliya oo war kasoo saartay arrimaha ku saabsan safarka muwaadinkaas Soomaaliyeed ayaa sheegtay in hadda ninkaas lagu karaantiilayo goob loo diyaariyey dadka looga shakiyo Coronavirus. “Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyada oo ka duulayso waajibka shaqo ee ka saaran inay bulshada la wadaagto xogaha la xariiro Caabuqo dunida kusii faafaya ee COVID-19, isla markaana bulshada u bayaaninaysa wararka la xariira muwaadin Soomaaliyeed oo saarnaa diyaaradda Itoobiya ee saakey soo gaartay garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caafimaadka. Sidoo kale qoraalka Wasaaradda caafimaadka ayaa lagu yiri “Wasaaraddu waxa ay ka codsatay hey’adaha ay khuseyso in ay la xisaabtamaan oo talaabada ku haboonna ka qaadaan diyaaradaha jebiya tilmaamaha ay bixisay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo la xariira caafimaadka iyo isku gooshka”. Halkan ka aqriso war-saxaafadeedka wasaaradda
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay muwaadin Soomaaliyeed oo ka yimid dalka Shiinaha, kaas oo saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in muwaadinkan markii hore uu ka soo duulay dalka Shiinaha, gaar ahaan gobolka Liaoning, uuna soo maray Itoobiya, isagoona markii dambe kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdusho. Sidoo kale qoraalka Wasaaradda ayaa lagu xusay in muwaadikan la qabtay, loona gudbiyay qeybta hakinta muwaadiniinta looga shakiyo inay qabaan caabuqa Coronavirus (COVID-19), isla markaana ilaa iyo hada lagu hayo qeybta hubinta. Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ayaa ka codsatay hay’adaha ay khuseyso in ay tallaabo ka qaadaan diyaaradaha jebiya tilmaamaha ay bixisay dowladda Soomaaliya ee la xiriira caafimaadka isku gooshka. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Qof ka yimid dal uu halakeeyey Coronavirus oo lagu qabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa maamul cusub u magacaabay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Wareegto kasoo baxday xaafiiska Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa Dhuusamareeb loogu magacaabay guddoomiye laba ku xigeen iyo xoghaye. Guddoomiyaha caasimadda Dhuusamareeb ayaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geedaqorow oo horay guddoomiye uga soo noqday magaalada Dhuusamareeb sanadihii ay maamuleysay Ahlu-Sunna. Sidoo kale Cabdi Xaashi Caroole ayaa loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda, halka Cabdixakiin Cabdullahi Warsame loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo arrimaha bulshada degmada Dhuusamareeb. Xoghayaha degmada ayaa sidoo kale loo magacaabay Cabdicasiis Faarax Aadan, waxaana hey’adaha kala duwan ee maamulka Galmudug lagu faray wareegtadaan in ay la shaqeeyaan maamulka cusub ee loo magacaabay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.
-
PRESS RELEASE UAE strongly condemns attack on Sudanese Prime Minister’s motorcade The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation affirmed the UAE’s strong condemnation of such criminal acts and full rejection of all forms of violence and terrorism ABU DHABI, United Arab Emirates, March 10, 2020/ — The UAE has strongly condemned today’s attack on the motorcade of Sudan’s Prime Minister, Abdalla Hamdok, in Khartoum. In a statement today, the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation affirmed the UAE’s strong condemnation of such criminal acts and full rejection of all forms of violence and terrorism aimed at undermining security and stability in contravention of religious and human values and principles. The Ministry reiterated the UAE’s support and solidarity with Sudan during this transitional period to ensure stability, security and fulfilment of the Sudanese people’s aspirations. Distributed by APO Group on behalf of United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation. SOURCE United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa shaacisay in hogaamiyaha Al-Shabaab uu amray dil iyo xariga lagula kacay saraakiil ka tirsanaa kooxdaas. Barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu daabacay in talaabooyinkaas la qaadey habeenimadii Isniinta ee todobaadkan. “Saqdii dhexe ee xalay ayaa Bu’aale lagu dilay Muuse Macalin, oo horay isaga casilay madaxii Amniyaatka G-Banaadir ee AS, sidoo kale waxaa Xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka G-Banaadir, Cumar Maxamed, iyadoo lafulinayey amarka Horjoogaha Maafiyada AS Axmed Diiriye,” ayaa lagu yiri qoraalka. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadaas oo illaa iyo haatan kasoo baxday dhanka dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Ciidanka dabdemiska ee caasimadda Hargeysa ayaa sheegay in Laba Caruura ahi ku dhimatay guri Jiingad ah oo ku gubtay xaafada Jameecada ee Degmada Maxamuud Haybe. Taliska guud ee Ciidanka Dab-demiska iyo Xarunta Maxamuud Haybe ayaa gurmad u sameeyay Guriga gubtay iyagoo ku guulaystay inay dabkaasi damiyaan. Labada Caruura ee ku dhintay guriga jiingadda ah eek u gubtay xaafadda Jamceecada ee Degmada Maxamuud Haybe ayaa da’adoodu ahayd 6 Jir iyo 2 Jir, waxaana ciidanku sidoo kale badbaadiyay laba caruur ah oo kale. iyo laba nin oo xanuusanaya. Source
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Habeen-10032020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mar qura ayaa xalay madaafiic sida roobkii oo kale ah lagu garaacay degmooyin iyo degaano ka tirsan gobalka Jubada Hoose, kuwaas oo ay daganaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab. Warar ay Caasimada Online ka heshay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegaya in degmooyinka Jilib, Bu’aale, Saakow iyo degaanka Salagle si wadajir ah looga fuliyay duqeymo diyaaradeed oo xoog leh. Saraakiil ka tirsan kuwa amaanka ayaa sheegay in duqeynta ay fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo xoogaga caalamiga ah ee taageera, waxaana lagu bur buriyay gaadiid iyo fariisimo ay lahaayeen Al-Shabaab, sida ay sheegeen. Si rasmi ah looma oga qasaaraha inta uu gaarsiisan yahay hase yeeshee duqeyntaan ayaa dhacday waxyar ka hor markii ay dowladda Soomaaliya shaacisay in duqeyn laga fuliyay Janaale lagu dilay afar hor joogo oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo howlgal u joogay Shabeellada Hoose. Duqeymaha dhanka cirka ah ayaa todobaadyadii ĺa soo dhaafay aad u kordhay waxaana dhowr jeer oo ay hadleen Taliska Mareykanka ee Africom ay sheegeen in ay beegsadeen masuuliyiin sare oo ka tirsan Al-Shabaab.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa la kulmay dhigiisa Uganda Sam Kutesa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi Rebecca Kadaga. Guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda Rebecca Kadaga ayaa tilmaamay in Uganda ay kala shaqeynayso Somaliland dalabka ay ku doonayso inay ka mid noqoto ururka Baarlamaannada Adduunka ee IPU, kaasi oo la aasaasay sannadkii 1889kii, isla markaana ay xubno ka yihiin baarlamaannada 179 dal oo ka mid ah 193 waddan ee Adduunka. waxaanu ururkaasi ka shaqeeyaa sidii uu u xoojin lahaa xilgudashada baarlamaanka, Nabadgelyada, Dimuqraadiyadda iyo horumarka. Warbixin uu maanta daabacay Warsidaha East African Business Week ee dalka Uganda oo weriyey in xubinimada ururkaasi ay Somaliland xoojin karto qaddiyada Ictiraaf raadinta JSL. Guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda Rebecca Kadaga ayaa sheegay in Wasiirka Khaarajiga Somaliland ay ka wada hadleen sidii Somaliland ay xubin uga noqon laheyd ururkaas caalamiga ah. Waxa kaloo East Africa Business Week, ka warramay uu intaas ku daray in Wefti culus oo ka socday Baarlamaanka Uganda ay ka qaybgaleen sannadkii hore munaasibaddii 28 guuradii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-bannaanida Somaliland ee 18kii May. Guddoomiyaha Guddida Arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Uganda, Hood Katuramu oo hoggaaminayey weftigii tagay Hargeysa ayaa sheegay in la gaadhay xiligii ay Uganda iyo Midowga Afrika ay Somaliland u aqoonsan lahaayeen dal madax bannaan. Sidoo kale, xildhibaan Adome oo ka mid ahaa weftigii reer Uganda ayaa ku dooday in Somaliland ay buuxisay dhammaan shuruudaha looga baahan yahay dal madax-bannaan. Source
-
Madaxweyne Biixi Oo Warqad Ugu Jawaabay Faysal Cali Waraabe
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Source -
(SLT-Laascaanood)-Ciidamo Iyo Gaadiid Ka Soo Goostay Puntland oo ku soo biiray ciidammada Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Dr. Cabdi Risaaq Yusuf Axmed oo wasaaradda caafimaadka u ah u qeybsanaha tayada caafimaadka ahna qofka uga hadla arrimaha coronavirus oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sharaxaad ka bixiyay dhacdadii maanta ka dhacaday garoonka Adan Cadde kaas oo muwaadin Soomaaliyeed oo ka yimid Shiinaha shalay uu soo gaaray magaalada Muqdisho. Waxa uuna sheegay in muwaadinkii maanta ay diyaaradda Itoobiya keentay ee ka yimid Shiinaha la wareegtay wasaaradda oo la dejiyey meel gaar, oo fiican, lana xanaaneyn doono 14 maalin isaga oo intaas raaciyey in hadda uu caafimaad qabo, heer kulkiisa uu ahaa 36. Waxaa uu eedda dusha ka saaray diyaaradda Itoobiya uu sheegay iney heshiis ka baxday oo ahaa in dalal sida Shiinaha, Iran , Talyaaniga iyo qaar kale u sheegeen in qofka 14 maalin ka yar kasoo maqan aaney dalka soo gelin, oo marka uu xilli huuriska dhameysto uun lasoo qaado. Wasaaradda caafimaadka waxay sheegeysaa in go’aankaas ay qaadatey kadib markii aan weli la diyaarin xaruntii dadka lagu karantiilo ama xataa qalab iyo daawo casri oo aan oolin isla markaana aan khatar la gelin karin 15 milyan. Halkan ka dhageyso wareysiga aan la yeelanay Dr-ka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/Dr.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay dishay madaxii hore ee amniyaatka kooxda ee Muqdisho Muuse Macallin (Mucaawiye). Qoraal ay NISA soo dhigtay barta twitter-ka ayey ku sheegtay “in Muuse Macallin xalay saqdii dhexe lagu dilay magaalada Bu’aale ee gobolka Jubada Dhexe” kadib amar la sheegay inuu bixiyey amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye Abu Cubeydah. Qoraalka NISA ayaa intaas ku daray in xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka Gobolka Banaadir Cumar Maxamed, iyadoo la fulinayey amarka Axmed Diiriye. Warka kasoo baxay NISA ayaa imanaya ayada oo hay’adda maalmahan ay werineysay “khilaaf” ay sheegtay inuu ka dhex taagan yahay kooxda Al-Shabaab. 3-dii Febraayo ayey ahayd markii ugu horreysay ee NISA ay sheegtay in Axmed Diiriye uu Mahad Karataay iyo Bashiir Qorgaab ka saaray golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay ka hayeen xarakada. Sida qoraalka NISA ee xilligaas lagu sheegay, taasi waxay timid kadib markii ay ka dalbadeen joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho. Bashiir Qoorgaab ayaa waxaa kadib lagu dilay duqeyn ay ciidamada Mareykanka fuliyeen 22-kii Febraayo. Qoraal kale oo NISA ay baahisay 13-kii Febraayo ayey ku sheegtay inuu xilligaas is-casilay madaxii amniyaatka gobolka Banaadir ee Al-Shabaab Muuse Macalin (Mucaawiye), kana tirsanaa garabka raacsan Mahad Karataay.
-
Waqtigi uu Mohamed bin Salman kursiga boqorka la wareegayo oo la ogaaday Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed bin Salman, oo dhowaan billaabay inuu xiro amiirada uu u arko inay halis ku yihiin, ayaa isku diyaarinaya inuu noqdo boqorka dalka, ka hor bisha November, markaasi oo magaalada Riyad lagu qabanayo shirka dalalka G20. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa wargeyska Middle East Eye u sheegay in Mohamed bin Salman uusan sugi doonin inta aabihii boqor Salman uu ka geeriyoodo, sababta oo ah waxa uu rumeysan yahay in joogitaanka aabihiis ay siinayso sharciyad. Sidaas darteed, Bin Salman ayaa ku qasbi doona aabihiis, oo xusuusta sii luminaya balse sidiisa kale caafimaad qaba, inuu ka tanaasulo xukunka, kuna wareejiyo, sida ay sheegeen ilo-wareedyada. Tani waxay soo geba-gebeyn doontaa shaqadii uu Mohamed bin Salaan billaabay 2017 markii uu ina adeerkiisa ka weyn Mohamed bin Nayef si awood ah ugala wareegay jagada dhaxal-sugaha. “Waxa uu doonayaa inuu xaqiijiyo inta aabihiis nool yahay inuu noqdo boqor,” ayuu yiri mid ka mid ah ilo-wareedyada laga soo xigtay xogtan. Ka hor inta aan la xirin, Amiir Ahmed bin Abdulaziz, oo ah walaalka ka yar boqor Salman ayaa la siiyey fursaddii ugu dambeysay oo ahayd inuu kusoo biiro mashruuca Mohamed bin Salman, hase yeeshee waa uu diiday, kadibna la xiray. “Ahmed waxaa la saaray cadaadis xooggan oo ah inuu taageero Bin Salman. Waxa uu la kulmay boqorka waxaana loo sheegay inuu taageero wiilkiisa,” ayuu yiri ilo-wareedka. Ahmed waxa uu boqor Salman u sheegay in isaga shakhsiyan uusan dooneyn inuu boqor noqdo, balse uusan taageereyn Mohamed bin Salman. Qaran News
