Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,390
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daah-furay Mashruuc Waxbarasho, kaas oo halku dhiggiisu yahay Ifiye. Munaasabadda Daah-furka ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Madaxwaynihii hore ee Puntland Santor Cabdiraxman Maxamed Maxamuud faroole, Sanator Cabdirisaaq Xuseen Cismaan Juurile, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Ismaaciil Maxamed Warsame, Wakiilka Puntland ee Dalka Maraykanka Mulki Cabdisamed Xuseen oo ka mid ah Aasaasayaasha Mashruuca Waxbarashada ee Ifiye iyo masuuliyiin kale. Mashruucan oo in muddo ah howshiisa laga soo shaqaynaayey waxaa ka faa’iidaysan doona ardayda reer Puntland, waxaana iska-kaashanaya hirgelintiisa Dawladda Puntland iyo qurbajoogta Puntland. Mashruucani waxa uu xoogga saarayaa Waxbarashada Caruurta ee maadooyinka Sayniska, Tijnoolajiyadda (Technology), injineerinka (Engineering) iyo Xisaabadka. Qurba joogta reer Puntland ee mashruucan Taageeraysa ayaa diiradda saaraya in 10,000 oo Kambiyuutar loo gadaayo Ardayda dugsiyada Puntland, waxaana mashruuca lagu bilaabayaa 18 dugsi oo iskugu jira dugsiyo Hoose iyo dugsiyada Sare. Madaxwaynaha Puntland ayaa balan qaaday in Madaxtooyada Dawladda Puntland ay sanadkiiba ku taageerayso mashruuca 1,000 Kambiyuutar si kor loogu qaado aqoonta ardayda reer Puntland si ay awood ugu yeeshan maadooyinka Sayniska. Madaxweynaha oo Mashruucan daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu u leeyahay ardayda Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa madaxda Wasaaradda Waxbarashada ku booriyay inay si hoose u eegaan Waxbarashada farsamada gacanta. Ugu dambayn, Madaxweynaha dowladda Puntland Madane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u mahadceliyey Wasaarada Waxbarashada Puntland iyo Qurba joogta gacanta ka gaysatay, isagoona kula dar-daarmay in mashruucan iyo kuwa lamidka ahba la dhowro. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo daah-furay Mashruuca Waxbarashada IFIYE appeared first on Puntland Post.
  2. Guddomiyaha gobalka Hiiraan ee dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Maxamad Caraale oo maalmahii la soo dhaafay safar shaqo ku joogay Degmada Buula-barde ee gobalka Hiiran ayaa dib ugu soo laabtay magalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. safarka gudoomiye Carraale uu ku tagay Degmada Buula- barde ayaa waxaa ujeedadiisu ahayd xallinta khilafkii maamulka Degmada Buula-barde iyo odayaasha dhaqanka degmada . Guddomiyaha gobalka Hiiraan ee dowlad-goboleedka HirShabeelle Md.Cali Maxamad Caraale intii uu Degmada Buula burde ku sugnaa waxa uu kulummo la qaatay odayaasha dhaqanka iyo sarakiisha ciidanka xooga dalka iyo kuwo Amisom ee nabad ilalinta u jooga Degmada Buula barde. sido kale waxa uu u kuur galay xaladaha Amni iyo nololeed ee dagmada. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Hiiraan oo safar shaqo ku tegay degmada Buula-barde appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta Dhuusamareeb kulan kula qaatay saraakiisha hay’adaha ammaanka ee magaaladaasi. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa madaxweynaha ku wehlinayey ku xigeenkiisa, Cali Daahir Ciid, iyadoona diirada lagu saaray arrimaha ammaanka. Qoor-Qoor oo kulanka ka hadlay ayaa saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulkaasi kula dardaarmay inay xoojiyaan amniga Dhuusamareeb. Dhowaan ayaa lagu wadaa in gudaha magaaladaasi lagu qabto xafladda caleema saarka ee madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. View the full article
  4. Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa, Generaal Stephen Towsend ayaa sheegay in tan iyo sanadkaan 2020-ka ay sare u qaadeen duqeymaha ay ka fuliyaan Soomaaliya. Stephen Towsend ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanka uu hormuud ka yahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo uu sheegay inay weli yihiin halis jirta. Sidoo kale taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa tilmaamay in sare u qaadista duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ay tahay tallaabo loo baahnaa oo la qaaday. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn dowladda federaalka uga taageera howlgallada dhanka cirka ah ee lagula dagaalamayo Xarakada Al-Shabaab. View the full article
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Shir ay isugu yimaadeen saamileyda siyaasadda Soomaaliya, oo looga hadlay mustaqbalka siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka la dilayo ayaa 10-kii March ka dhacay magaalada Nairobi. Shirkan heerkiisu sarreeyo oo ahaa kulankiisi saddexaad, ayaa waxaa ka qeyb-galay madax kala duwan oo ka kala socotay, Golaha Shacabka JFS, dhammaan Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir, Xisbiyada, iyo Bulshada Rayidka. Shirkanayaa diiradda lagu saarey hannaanka doorasho ee suuragalka ah haddii ay dhici weydo doorashada Qaranka ee hal qof iyo hal cod oo ku salaysan sharciga doorashooyinka ee dhowaan la ansixiyey. Dhammaadkii shirka ayaa waxaa laga soo saaray qodobada hoos ku qoran 1. Xubnaha ka soo qaybgaley waxay si qotodheer oo aqoon iyo waayo aragnimo ku dheehan tahay uga doodeen una lafa gureen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyaga oo si gaar ah ugu kuurgalay doorashooyinka ku beegan dabayaaqada sannadka 2020ka iyo culeysyada baaxadda leh ee ku xeeran in doorasho qof iyo cod ah oo loo siman yahay ay dalka ka qabsoonto. 2. Waxaa la is xasuusiyey in muddo xileedka Baarlamaanka 10aad ay ku eg tahay 26 Diseembar 2020. Maalintaas oo sharci ahaan ku asteysan xilliga lama dhaafaanka ah ee ay tahay in ay soo dhammaato doorashada xubnaha Golaha Shacabka iyo wakiillada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. 3. Xubnaha shirku waxay si wadajir isugu raaceen in Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka ee haatan xilka haysa aan muddo kordhin loo sameyn karin laguna sababayn karin waqtiga gaaban ee ka harsan muddo xileedka, xaalad amni, dhammeystirka xeerarka sharciga doorashooyinka Qaranka ee uu Baarlamaanku gacanta ku hayo iyo khilaafka siyaasadeed. 4. Haddaba Shirku isagoo si weyn uga baaraandegay khataraha ka iman kara muddo kororsi loo sameeyo Baarlamaanka, Laanta Fulinta ama labadaba waxay hoosta ka xarriiqeen in ay lagama maarmaan tahay in la helo hannaan labaad oo suuragelinaya doorashooyinka qaranka ee heer Federaal. Sidaa darteed waxay soo jeediyeen qodobadan hoos ku taxan; a) – In lagu qabto doorashada Goleyaasha Qaranka 2020 hannaan ku salaysan doorasho dadban oo ka tayo sarreysa doorashooyinkii 2016. b) – Hannaankan kuraasta Goleyaashu waxay ku astaysan yihiin nidaamka saamiqaybsiga matalaadda beelaha ee 4.5ka ee lagu heshiiyey. c) – Murashaxa Golaha Shacabku wuxuu ku imanayaa magacaabista axsaabta rasmiga iyo murashax madaxbannaan. d) – Tirada codbixiyayaasha ee kuraasta Golaha Shacabka waxaa kor loogu qaadayaa ilaa boqol iyo kow (101) codbixiye ugu yaraan. e) – Iyada oo kursigu jufeysanyahay haddana waxaa wadajir ugu codeyn kara codbixiyayaasha deegaanka kuraasta loo tartamayo oo ku salayasan heer Dowlad Goboleed. f) – Xubnaha Aqalka Sare waxay ku imanayaan hannaankii doorashadii 2016kii sidaa darteed waxaa wadajir u dooranaya Baarlamaanka Dowlad Goboleedka ay matalaan. 5. Shirku wuxuu aad uga baaraandegay nidaamka lagu suuragalin karo Doorashooyinka xubnaha labada Gole ee Baarlamaanka JFS kasoo galaya Gobolada Waqooyi (GW)-Somaliland ayadoo maanka lagu hayo duruufaha siyaasadeed ee ku xeeran in doorashadu ka qabsoonto deegaanada ay matalayaan. a) – Sidaa darteed shirku wuxuu isu raacay in doorashada xubnaha labada Gole ee ka soo jeeda Soomaaliland loo sameeyo habraac gaar ah oo lagu dhiso guddi doorasho oo heer Soomaaliland ah oo ka kooban waxgaradka ka soo jeeda GW-Somaliland. b) – Guddiga doorashooyinka ee heer Somaliland iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaaliland ayaa wada jir go’aan uga gaadhaya astaynta goobaha doorashada iyo hannaanka lagu xajiinayo dhowrista hufnaanta doorashada iyo xulista howlwadeennada farsamo ee maamulaya iyo goobaha codbixinta ee heerkan si waafaqsan nidaamka doorashooyinkan. c) – Doorashada xubnaha labada Gole ee Baarlamaanka JFS ee ka soo jeeda GW-Somaliland waxay ka qabsoomi kartaa magaaladii iyo meeshii suuragal ah oo ammaankeedu suganyahay oo suuragelinaysa in si sahlan looga codbixin karo, goobjoogayaasha korjoogeyaashana u furan sida Gobolka Banaadir iyo caasimadaha Dowlad Goboleedyada. 6. Shirka waxaa ka soo baxay hindise doorasho (Election Proposal) oo faahfaahinaya nidaamka doorasho ee suuragalka ah kaasoo lala wadaagayo dhammaan saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya. 7. Shirku wuxuu ku baaqayaa in si degdeg ah loo qabto shirweyne ay ka soo wada qaybgalaan Saamileyda siyaaseed sida Xukuumadda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Axasaabta Siyaasaddu si looga wada xaajoodo hannaanka doorashooyinka 2020/21 iyo arrimaha siyaasadeed ee ku hor gudban hanaqaadka nidaamka Federaalka iyo dimuquraadiyadda. =DHAMMAAD=
  6. Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland, Maxamed Xareed Faarax oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa digniin culus u diray ganacsatada deegaanada maamulkaasi. Xareed ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaan cidkasta oo ka hor timaada lacagaha canshuuraha ee Puntland. Sidoo kale wxuuu tilmaamay inay dacwo ku soo oogi doonaan ganacsatada diida bixinta canshuurta, islamarkaana ay kala wareegi doonaan badeecadaha. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-Jaamac.mp3 View the full article
  7. (SLT-Hargeysa)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta magacaabay guddiga kala xulida musharaxiinta xisbiga dartanka u galaya, halkan hoose ka akhriso Source
  8. Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland,Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon) oo warbaahinta ugu warramayey Hargeysa ayaa ka hadlay warbixin uu daabacay wargeyska Capitaal ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa, kaas oo shaaciyey in Itoobiya ay hakisay qeybta maalgashi ee ay ku laheyd ballaarinta dekedda Berbera. Ugu horreyn wasiirka ayaa beeniyey warbixinta ka soo baxday wargeyskaasi, isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay. Faratoon ayaa sidoo kale sheegay in weli sidiisii uu yahay heshiiska dekedda Bebera oo u dhexeeya Somaliland, Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta. Saamiga ugu badan ayaa waxaa leh wadanka Imaaraadka, waana 51%, sidoo kale Itoobiya ayaa leh 19%, halka Somaliland ay ku leedahay 31%. Shalay ayey aheyd markii wargeyska Capital uu qoray inay Itoobiya hakisay mashruucaasi, islamarkaana ay qorsheyneyso in deked kale ay ka sameysato Suudaan. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-11032020.mp3 View the full article
  10. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa markii ugu horreysay ka jawaabay cabashadii dhowaan ka soo yeertay arday uu maamulkaasi u diray magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida dalka Itdoobiya. Madaxweyne Deni ayaa meesha ka saaray in ardaydaasi loo diray waxbarasho Jaamacadeed, balse wuxuu sheegay in looga faa’iideeyey fursado lagu barayo xirfado kala duwan oo ay ka heleen dowlad deegaanka Soomaalida, sida uu hadaka u dhigay. Sidoo kale tirada saxda ah ee ardayda ayuu ku sheegay illaa 70 arday oo ka baxay deegaanada maamulkaasi. “Maalin dhaweyd 70 arday oo xirfado baranaya ayaa dowlad-deegaanku nagu caawiyey, waxaa lay tusay muuqaal laga soo duubay oo ay diiddeen;mid baa soo noqday wuxuu yir, anigu Tumaal ma noqon karo; ma wuxuu rabaa in uu fadhi ku dirir noqdo, annagu waxa aan dhiirigelinaynaa waa waxsoo saarka iyo farsamada.” ayuu yiri Siciid Deni. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay inay jiraan dad badan oo cadow ku ah Puntland, islamarkaana faafinaya weerar liddi ku ah maamulkaasi. Puntland ayaa in muddo ah dhaleeceyn kala kulmeysa ardayda ku sugan deegaanadeeda oo illaa iyo hadda aanan helin shahaada dugsiga sare, dowladda federaalka Soomaaliya.
  11. Dekadii Berbera ka Digorogotay itoobiya. Waxay ahayd maarj 2018 kii markii ay wada saxeexdeen heshiiska Saddex geesoodka ahaa ee maalgashiga dekeda Berbera, kaas oo u dhexeeyey shirkada DP world iyo labada Dal ee Somaliland iyo Itoobiya, iyaga oo ku heshiiyeen saami qaybsi maamul u dhignaa in saami dhan 51% shirkada DP World yeelanayso, halka Jamhuuriyada Somaliland na 30%, Dalka Itoobiyana 19%. Hadaba Dalka itoobiya oo ah Dal aan bad lahayn ayaa dhowr goor oo ay aqoon isweydaarsi iyo wada tashi iskugu yimaadeen xukuumada itoobiya, aqoonyahan iyo ganacsatada Dalka itoobiya ay ku gorfeynayaan siddii ay u heli lahaayeen deked ay iyagu maal gashadaan oo ay iyagu maamushaan sidda DP World oo kale in siddii loo heli lahaa falawgeed la qabto, Siddoo kale wasiirada Gaadiidka ee Dalka itoobiya Dagmawit Moges ayaa sheegtay in mudo uu qorshe meel u yaalay, kaas oo ahaa siddii mudo 10 sanadood gudahood ah loo hirgelin lahaa deked ay itoobiya ku yeelato mid kamid ah dalalka u dhoy,taas oo loo adeegsan doono ganacsi iyo saldhig ciidamo badeed, Siddoo kale warar laga soo xigtay masuuliyiin sarsare ee dalka Itoobiya ayaa tibaaxaayey in dalal dhowr ah oo ay ku jirto Somaliland in aanay ku qanacsanayn maal gashi inay la yeeshaan, iyaga oo wadanba wax ku sababeeyey, ta Somaliland sabab uga dhigay in xubno caalami ahi kula taliyeen in hogaanka sare aanay waxba ku ahayn Waxaad lagashaan in lagu wacad furo sidday sheegeen inay usoo joogeen. Sikastaba ha ahaatee waxay ahayd bishii hore markii uu wasiirka Maaliyadda ee dalka Itoobiya Mudane Axmed Shide,uu socdaalka ku yimi Somaliland kaas oo socdaalkiisu daarnaa in uu war geliyo in itoobiya kalaabatay mashruucii Berbera ee saamiga 19% ay hore u saxeexeen oo ay si buuxda u hakiyeen una joojiyeen hawsha ka socota arinkaa waxay kaga lug lahaayeen. Siddoo kale raysal wasaaraha itoobiya ayaa socdaalkiisii uu ku tegay Dalka imaarradka ayey soo wada hadleen shirkadii DP World uuna u bayaamiyey in itoobiya ahaan ay ka noqodeen mashruucii Berbera, Dhanka kale Dalka itoobiya ayaa waxay iskugu biyo shubatay inay deked cusub ka bineestaan Dalka Suudaan, dekedaas lafteedana ay ka dhoofin doonaan saliida Dalka itoobiya. Hadal iyo dhamaan haday Itoobiya ka Digorogotay Dekadii Berbera maxay Xukuumadu Dadka ugu sheegi weyday? Illaahay baa Mahad leh Midnimana Somaliland Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
  12. (SLT-Riyadh)-Shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Saudi Aramco ayaa Arbacada maanta ah sheegtay inay qorsheyneyso inay wax soo saarkeeda saliid ceydhiin ay kordhiso hal milyan oo barmiil maalinkiiba, xilli uu xoogeystay dagaalka shidaalka ee u dhaxeeya Sacuudiga iyo Ruushka. “Saudi Aramco waxay ku dhowaaqeysaa inay amar ka heshay wasaaradda tamarta si ay sare ugu qaado wax soo saarkeeda saliida oo hadda ah 12 milyan oo barmiil maalinkii, islamarkaana gaarsiiso 13 milyan,” ayey shirkadda ku tidhi bayaan ay u dirtay Suuqa Kala Iibsiga Saamiyada ee Sacuudiga. Tallaabada Sacuudiga ayaa timid kadib markii uu burburay heshiis u dhaxeeyey dalalka ku jira ururka OPEC iyo kuwa aan ka midka aheyn, oo Ruushka ay qeyb ka tahay. Sacuudiga ayaa markii hore soo jeediyey in la dhimo wax soo saarka saliidda 1.5 milyan oo barmiil maalinkiiba, si loola tacaalo dhaqaale xumada ka dhalatay cudurka Coronavirus oo yareeyey dalabkii saliida caydhiin ee caalamka. Hase yeeshee waxaa taas diiday Russia. Dhowr sano ka hor, boqortooyada Sacuudiga ayaa meesha ka saartay qorshe ay wax soo saarkeeda saliida ceyriin uga badin lahayd 12 milyan oo barmiil maalinkiiba kadib markii hoos u dhac uu ku yimid dalabka saliida dalalka OPEC oo tartan xooggan kala kulmay shirkadaha Mareykanka ee soo saara shidaalka laga sameeyo dhagaxa. Russia, oo ah dalka labaad ee dhoofiya saliidda ugu badan caalamka, ayaa Salaasadii sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u cusbooneysiiso wada-shaqeyntii dalalka OPEC, inkasta oo uu Sacuudiga kasii daray dagaalka kuna dhowaaqay inuu suuqyada caamalka kusoo farqi doobno shidaal badan. Isku dhaca Sacuudi Carabiya iyo Russia ayaa 25% hoos u dhimay qiimaha shidaalka caalamka, taasi oo horseeday in guud ahaan suuqyada saamiyada caalamka ay qiimo dhacaan. AFP Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa markii sadexaad u soo xushay xubinta xisbiga UCID u matali doonta komishanka doorashooyinka Somaliland, Cabdifataax Ibraahim Xasan oo labadii komishan doorasho ee ugu dambeeyay kamid ahaa xubnaha komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland. Kadib markii dhawaan madaxweyne Biixi dib ugu soo celiyay magacaabistii guddoomiyaha xisbiga UCID ee Xasan Yusuf oo dhawaan komishanka iska casilay . Sidaana waxaa uu ku noqonayaa Cabdifataax Ibraahim xubintii labaad ee kawada tirsanaanaysa komishanka doorashooyinka ee hada jooga hadii iyo gudiga farsamo ee doorashada qabanaya, waxaana xilkan mid lamida qabanaysa Kaltuun Sh. Xasan oo kawada tirsanaan doonta komishanka doorashooyinka iyo guddiga farsamo ee komishankii hore kamid yihiin. Source
  14. Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa Maanta gaarey Wafdi uu hoggaaminayo Safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya,iyada oo siwyen halkaasi loogu so dhaweeyey. Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha degmada Baraawe kusoo dhaweeyey Wasiirka Gaadiidka & dekadaha Maamulka Koonfur Galbeed,Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax iyo Xubno kale. Wafdiga Midowga Yurub ka socda ayaa waxaa ay kormeer ku sameeyeen qeybaha kala duwan ee Dhismaha garoonka maadaama qarashka lagu dhisay Garoonka qeyb kamid ah uu bixiyey Midowga Yurub. Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa ay kulan la qaadan doonaan Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan degmadaas,kaas oo looga hadli doono mashaariic laga fulinaayo degmadaasi Baraawe. PUNTLAND POST The post Wafdi ka socda Midowga Yurub oo gaaray degmada Baraawe appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa xalay waqti danbe xilliga Afghanistan soo saaray wareegto ogolaaneysa in xabsiyada dalkaasi laga sii daayo kumanaan ka tirsan ururka Taliban, taasoo wadda u xaareysa in milatariga Mareykanka ay ka baxaan Afghanistan. Arrintaan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii ay Taliban iyo Mareykanka dhawaan ku gaareen magaalada Doha ee dalka Qatar, kaasoo hadafka ugu weyni yahay in lagu soo afjaro colaadda dalka Afghanistan ka jirta mudda 19-ka sano. Heshiiska ayaa sidoo kale dhigaya in muddo 14 bilood ah ay dalka Afghanstan uga baxaan dhamaan ciidamada Mareykanka iyo kuwa xulufada lah ee NATO, halka Taliban looga baahanyahay in ay dib-u-heshiisiin siyaasadeed la gasho dowladda Afghanistan. Mareykan durbaba wuxuu billaabay inuu ciidanka kasoo saaro Afghanistan, sida uu sheegay afhayeen u hadlay milatariga, ilaa 8,600 oo askari ayaa laga soo saari doonaa muddo 135 cisho gudahood. Ciidanka Mareykanka ee Afganstan jooga ayaa hadda ah 13 kun. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Ashraf Ghani oo sii deynaya maxaabiista Taliban appeared first on Puntland Post.
  16. Wasiirka caafimaadka dalka Ingiriiska haweeneyda lagu magacaabo Nadine Dorries ayaa lagu soo waramayaa in laga helay caabuqa Coronavirus oo dunida maalinba maalinta ka dambeysa ku sii fidaya. Haweyneydaan ayaa sheegtay markii baaritaan lagu sameeyay in laga helay islamarkaana ay qaadatay tallooyinkii lagu la taliyay sidaasi darteedna ay gurigeeda isku karaantiishay haatan. Arrintan ayaa imaaneyso iyadoo dhawaan lix qof ay dalka Ingiriiska ugu dhinteen xanuunka, halka 382 oo ku nool Britain na uu haleelay xanuunkaas. Dhanka kale hey’adda caafimaadka ee Britain ayaa sheegtay in ay sare u qaadeyso heerka baaritanaada xanuunka corona, maadaama ay sare u kacayaan dadka uu ku dhacayo caabuqaas. Waxaa kale oo ay sheegeen in maalintiiba kun qof laga baari karo xanuunka. Sidoo kale dalka Turkiga ayaa laga helay kiiskii ugu horeeyay ee caabuqa Coronavirus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Garoowe (Caasimada Online) – Xeer ilaaliye ku xigeenka guud ee dowlad goboleedka Puntland Maxamed Xareed oo maanta warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Garoowe ayaa digniin kama dambeys ah u diray ganacsatada maamulkaasi, gaar ahaan kuwa uu sheegay inay ka dhaga adeegayaan bixinta lacagaha canshuuraha. Xareed ayaa tilmaamay in xeer ilaalintu ay dawco ku soo oogi doonto cidkasta oo diida bixinta lacagaha canshuuraha ee lagu leeyahay. “Xafiiska xeer ilaalinta guud waxa uu dacwad ku soo oogi doonaa eedeysanayaa ku sifoobay in aysan bixin Canshuurta, waxaana ka dhalanaya dambi weyn oo ciqaab culus wata, Ganacsatada waxa aan uga digeynaa in ay isku dayaan diidmada waajibka lagu leeyahay.” ayuu yiri Maxamed Xareed oo ah xeer ilaaliye ku xigeenka Puntalnd. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Puntland ay la wareegi doonto badeeco kasta oo lala dhuunto, iyadoo aan la canshuurin, sida uu hadalka u dhigay. “Xafiiska xeer ilaalinta guud ee dowlad goboleedka Puntland, wuxuu la socod-siinaya dhammaan ganacsatada, haddii badeecadaha ka soo dega furdooyinka Puntland lagala baxsado Canshuurta ku waajibtay, iyadoo lagu xad-gudbayo xeerarka Wasaaradda Maaliyadda, waxaan u sheegaynaa ganacsatada in dhammaan badeecaddaas ay la wareegayso dowlad goboleedka Puntland sida waafaqsan nidaamka qaanuuneed gaar ahaan xeerarka u degsan wasaaradda maaliyadda” ayaa markale yiri Maxamed Xareed. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso ay ka taagnaayeen xiisado u dhexeeya maamulka Puntland iyo ganacsatada oo ka cabanayey lacago canshuuro dheeraad ah oo lagu kordhiyey ganacsigooda.
  18. The novel coronavirus could infect up to 58 million Germans, Chancellor Angela Merkel said Tuesday. Source: Hiiraan Online
  19. Maxamed Xareed Faarax oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha dowlad goboleedka Puntland islamarkaana la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu amar ku bixiyay in ganacsatada la dhuumata canshuurta in lagala wareego badeecadaha uga soo dega dekadaha maamulkaasi. “Xafiiska Xeer Ilaalinta guud ee dowlad goboleedka Puntland, wuxuu la socod-siinaya dhammaan ganacsatada, haddii badeecadaha ka soo dega furdooyinka Puntland lagala baxsado Canshuurta ku waajibtay, iyadoo lagu xad-gudbayo xeerarka Wasaaradda Maaliyadda, waxaan u sheegaynaa ganacsatada in dhammaan badeecaddaas ay la wareegayso dowlad goboleedka Puntland sida waafaqsan nidaamka qaanuuneed gaar ahaan xeerarka u degsan wasaaradda maaliyadda” ayuu yiri ku xigeenka xeer ilaaliyaha Puntland. Sidoo kale ku xigeenka xeer ilaalinta ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in ay dacwad ku soo oogi doonaan ganacsatada la dhuumata canshuurta islamarkaana ay ku qaadi doonaan ciqaabta ay muteystaan ee xeerka wasaaradda maaliyadda uu ka qabo. Dhinaca kale xafiiska xeer ilaalinta Puntaland waxa uu amaray in sidoo kale lala wareego gawaaridii lagu qabto in wax aan sharci ahayn qaada islamarkaana waxa uu digniin u diray bulshada kala duwan ee deegaanada maamulkaasi. Amarkan ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli ganacsatada Puntland ay ka cabanayeen canshuur xad dhaaf ah oo ay ku soo rogtay wasaaradda maaliyadda taasi oo ah in shey kasta oo ay iibiyaan in la canshuuri doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Mareykanka ee AFRICOM, Stephen Townsend ayaa faah faahin ka bixiyey sababaha ay u kordhiyeen howlgallada iyo duqeymaha ka dhanka ah dagaalyahannada Al-Shabaab oo weli ku xoogan Soomaaliya. Townsend ayaa sheegay in sababta ay sare ugu qaadeen howlgalladooda ay tahay, sidii loo wiiqi lahaa awooda Al-Shabaab, isagoo tilmaamay inay weli qatar ku tahay gobolka. Sidoo kale wuxuu tusaale u soo qaatay weerarkii xooganaa oo ay dagaalyahannadooda dhowaan ay ku qaadeen xerada Manda Bay ee dalka Kenya. “Al-Shabaab waa khatar, waa garab kamid ah Al-Qaacida, waxa aynu aragnay iyaga oo fulinaya howlgalo dibadda ah, sida weerarkii ay ku qaadeen saldhig Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin Xerada Manda Bay ee Kenya, waxaa halis u ah in ay bartilmaameedsan karaan muwaadiniinta Mareykanka xitaa gudaha dalkeena, si dhaqsi ah ayay u awoodi karaan” ayuu yiru taliyaha ciidamada AFRICOM. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo la xoojiyey maalmihii ugu dambeeyey ay hoos u dhigayaan awooda Al-Shabaab. “Sababta loo kordhiyay duqeynta Mareykanka waa in hoos loo dhigo awoodda Al-Shabaab, waana garabka ugu dhaq-dhaqaaqa badan ee Al-Qaacida, muddo 8-bilood kahor ayaan Afrika tagay, waxaana badneed khatarta Al-Shabaab, waxaana weeraradooda ay ka tallaabeen xuduudda” ayuu markale yiri tephen Townsend. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn dowladda federaalka uga taageero dagaalka Al-Shabaab, isagoo duqeymo ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
  21. Jowhar (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM saacadihii la soo dhaafay lagula bartilmaameedsaday duleedka degmada Mahadaay oo gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa ciidamadaasi oo ka tirsan kuwa Burundi lala eegtay xilli ay ku socdaalayeen halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxaani ay ku geeriydooeen ugu yaaraan illaa 2 askari oo ka tirsanaa askarta Burundi, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro kale. Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, iyada oo tilmaamtay inuu haleelay gaari nooca gaashaaman oo ay wateen ciidamada AMISOM. Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka AMISOM, gaar ahaan taliska ciidaka Burundi ee ka howlgala gobolka Shabeelaha Dhexe. Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM marka isaga kala gooshayaan deegaanada HirShabelle.
  22. MOGADISHU (HOL) - A passenger who travelled from China via Ethiopia to Somalia was Tuesday quarantined at a special facility at Aden Adde Airport in Mogadishu following suspicion of the novel corona virus. The quarantine is the first in the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
  23. Maamulka Soomaaliland ayaa waxa uu beeniyay warar shalay lagu faafiyay baraha bulshada kaasi oo sheegayay in dowladda Itobiya ay hakisay heshiis 19% oo ay qeyb uga tahay qandaraaska lagu hormarinayo dekadda Berbera. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah islamarkaana aysan jirin wax wara oo ka soo baxay dowladda Itoobiya oo ay uga baxday heshiiskaasi. Sidoo kale wasiirku waxa uu tilmaamay in warkaasi ay baahiyeen dad dana gaara leh islamarkaana aysan ahyn arrin sal iyo raad toona leh, waxa uuna dhinaca kale sheegay in aysan jirin in dowladda Imaaraadka ay iyaduna ka laabatay saldhigii mileteri ee ay ka dhisaysay Soomaaliland. Shalay ayaa waxaa baraha bulshada qabsaday warar sheegayay in dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka ay ka baxeen heshiisyo ay horey ula galeen maamulka uu hoggaamiyo Muuse Biixi ee Soomaaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com